Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Eighty out of over 35,000 girls who responded to the survey said they had been subjected to female genital mutilation. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta Sabti ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in Baadhitaanka 48-kii saacadood ee u dambeeyey la sameeyey 150 isla markaana laga helay qaarkood. Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somaliland halka 1 qof u dhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar, Da’da Bukaanadan cusub ayaa kala ah sidaan. (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 7 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62) Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65-jir halka qofka kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60-jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay 24-qof. Source
  3. Holy Land, a well-known Mediterranean restaurant and grocery store in Minneapolis, is facing a boycott of its business by customers and vendors after past racist posts by the daughter of the store’s CEO surfaced on social media. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xilli ay socdaan banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha. Xaaska duuliyaha oo u warrantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xidhay gabadh 16 jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay. Xadhiga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xooggan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi. Sida ay ogaatay warbaahintu, xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xadhiga iyo cadaalad darrada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay. Xiisada ka dhalatay xadhiga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo xadhiga duuliyaha. Source
  5. LONDON - British athletics great Mo Farah will hope his final track race on home turf on Sunday will have a happier ending than last Saturday's world 5,000 metres final. Source: Hiiraan Online
  6. Yusura Ali moved to Denver from Somalia as a child and graduated as valedictorian from Noel Community Arts. She wasn't able to give her speech because of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  7. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said A. Deni will pay a visit to Qardho to conduct preliminary assessment on post-flooding relief efforts. President Deni will meet Karkaar regional administration and visit areas affected by April flash floods that caused displacement, loss of life and wealth in Qardho. President Deni will visit families who complained of neglect by the Karkaar administration despite financial assistance from the Federal Government, and donations from major businesses, Somali regions and the Somali Diaspora. A report on the economic impact of floods estimated the flood damages to have cost Qardho US$ 40 millions. In April Puntland State Government appointed a Committee tasked with coordinating relief efforts for 2600 families affected by floods. Qardho district administration grapples with several problems including delay in planning decisions about which part of the district where families will be resettled and what assistance they will get to rebuild lives. In May President Deni vowed that his administration would ensure funds for Qardho flood victims would be used transparently. “Puntland State Government will not use money from the Fund for flood victims. Expenses to be incurred by government employees while working on the responses to the emergency will come directly from Puntland State coffers” President Deni said. Puntland State has not earmarked a budget for natural disasters. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND GOVERNMENT TO REVIEW POST-FLOODING RELIEF EFFORTS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
  8. Jabuuti ( Caasimada Online ) – Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti. Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xoogan, isagoo ku amaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee wadankaasi. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jir-dilay, kadibna lagu xiray musqul ama suuli. Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha.
  9. African Development Bank bows to US pressure over inquiry into alleged wrongdoing Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - A prominent cleric has joined the chorus of calls in condemning Ethiopia's Prime Minister for his role in extraditing a Djbouti military pilot to his country as he sought political asylum in Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  11. Militeriga Faransiiska ayaa dalka Mali ku dilay Abdelmalek Droukdel oo ahaa, hogaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Waqooyiga Africa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Faransiis ah. Ciidamada Faransiiska ayaa muddo 7 sano ah ku raad joogay Droukdel, oo ahaa dagaal yahan muhiim ah oo ka tirsan kooxdan Islaamiga ah, sida ay sheegeen saraakiishu. Howlgalka uu hogaaminayay Faransiiska ee ka dhanka ahaa Droukdel ayaa waxaa taageero dhanka sirdoonka siinayay howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sida uuTaliska Africom xaqiijiyey. Saraakiisha ayaa sheegay in Droukdel, oo lagu yaqaanay in uu ku lug lahaa dhammaanba hawlgallada al-Qaacida ee gobolka Maghreb uu doonayey in uu ballaariyo dhulka ay kooxdu gacanta ku heyso iyo kordhinta weerarada ay qaaddo. Ku dhawaaqista in la dilay Droukdel ayaa timid 6 bilood ka dib kadib markii awoodda ciidan ee Faransiiska iyo kuwa dowladaha gobolkan ee Faransiisku soo gumeystay la isku biiriyey oo la hoosgeeyey hal talis si diiradda loo saaro dagaalka lagula jiro xagjiriinta xiriirka la leh ururka Daacish ee xadka ay wadaagaan dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Afrika appeared first on Puntland Post.
  12. War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya. Qaraxyadan oo gaarayay 6 islamarkaana ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobalka Baay ayey Al shabaab waxa ay sheegeen inay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya ee gobalkaasi ku sugan waxaana weerarkan qaraxyada ahaa uu dhacay gabal dhicii shalay. Al shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 3 askari oo Itoobiyaan ah halka ay dhaawaceen 11 kale sida ay sheegteen waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in ciidanka ay qarxiyeen ay isbuucii la soo dhaafay sahay u gudbiyeen degmada Qanasaxdheere ee gobalkaasi. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gobalkaasi oo ay uga hadlayaan in askar iyaga ka tirsan lagu dilay weerar dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab ay fuliyeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay wajahaan weerraro kala duwan oo uga yimaada Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ee ku xooggan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online ) – Mas’uuliyiinta madasha xisbiyada qaran ayaa xalay shir xasaasi ah ka yeeshay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madaashaasi oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan kuwooda ugu saameyta badan. Intii uu socday shirka oo ahaa dhinaca internedka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la qabto xilligeeda. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa dalbatay in doorashada la qabanayo ay noqoto mid xor iyo xalaala ah, si looga gaashaanto xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. “Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.” ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay Madasha. Hadalka ka soo yeeray madasha xisbiyada qaran ayaa ku soo aadayo, iyadoo maanta uu furmayo kalfadhiga todobaad ee labada ee baarlamaanka kaas oo lagu cadeyn doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020-ka illaa 2021-ka.
  14. Hey’adaha amaanka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud oo saacadihii la soo dhaafay howlgaallo kala duwan ka waday magaaladaasi ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen khamri fara badan iyo raggii watay oo hadda xabsiga ku jira. Taliyaha booliska degmada Guriceel Daahir Faarax Axmed oo warbaahinta kula hadlayay meel fagaare ah oo lagu soo bandhigayay kahmrigan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nuucyada waa weyn iyo kuwa yaryar ee khamriga iyo nuuc ka mid ah xashiishka, waxa uuna sidoo kale taliyuhu xusay in waxyaabahan maanka dooriya ay ka soo galaan magaalada dhinaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya. Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo 6 eedeysane kuwaas oo haatan gacantooda ku jira, waxa uuna shacabka degmada Guriceel ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in falkasta oo xun ay sabab u yihiin. Qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya howlgallo lagu baacsanayo dadka waxyaabaha maanka dooriya keena deegaannadaasi iyada oo laamaha amaankana ay muujinayaan feejignaan ku aaddan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalkaasi oo bulshada caafimaad ahaan iyo amni ahaanba aan u wanaagsanayn. Qaar ka mid ah gobalada dalka ayaa si joogta ah loo geeyaa waxyaabaha maanka dooriya iyada oo dowladda Soomaaliya aysan la imaan tallaabooyin looga baaqsanayo sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Hargeysa (Caasimada Online ) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo maanta oo Axad soo saartay warbixinteeda maalinlaha ku shaacisay in deegaanada maamulkaasi laga diiwaan-geliyey kiisas hor leh oo cudurka faafa ee Coronavirus ah. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 48-kii saac ee u dambeeyey la baaray dad gaaraya 150 qof, balse cudurka laga helay illaa 29 ruux oo uu ku jiro hal qof oo Ajnabi ah, kaas oo u dhashay wadanka Hindiya, kuna noolaa deegaanada Somaliland. Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 19 ka mid ah bukaanadaasi ay yihiin rag, halka 10 kalena ay dumar yihiin, kuwaas oo ku kala sugan yihiin magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley iyo Buuhoodle. Sidoo kale waxay wasaaradu sheegtay in dadka laga helay Covid-19 ay da’doodu u dhexeyso:- (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 7 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa xustay inay cudurka u dhinteen labo qof oo hor leh, taas oo tirada guud ee dadka xanuunkan u geeriyootay ka dhigeysa 24-ruux.
  16. Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood. Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran horeyna dalka uga soo noqday madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiyay shir ay dhinaca internedka ah ku yeesheen masuuliyiinta madasha, ayaa soo hadal qaaday ahmiyadda ay dalka u leedahay inay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaala ah. “Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta facebuugga ee madasha xisbiyada qaran. Axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa iyagu had iyo jeer farta ku fiiqa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay xilli wali aan la ogeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta balse madaxda hadda talada heysa ayaa waxa ay ku adkeysanayaan inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Dalabkan ka yimid madasha xisbiyada qaran islamarkaana ku aaddan doorashooyinka dalka ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta la filayo inuu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo wixii markan ka dambeeya xoogga lagu saari doono doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa war ka soo saaray qaraxyo shalay Ciidamada Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay( Koonfur Galbeed Soomaaliya). Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay inn qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Qansaxdheere kuna sii jeeday Bardaale halkaasna khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Itoobiya. Al-shabaab waxay sheegtay in ay ilaa lix qarax la beegsatay kolonyadaas inkastoo aysan faahfaahin nooca qaraxyada in ay ismiidaamin ahaayeen iyo in ay miino la aasay ahaayeen. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya lagu dilay qaraxyadaas halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ha yeeshee Taliska Ciidamada Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyada lala eegtay ciidamadooda iyo sheeshagashada Al-shabaab midna. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in qaraxyo is xigay ku weerartay Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhabo (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ayaa waxa ay ka soo baxayaan weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee koonfurta Somalia. Qaraxyada oo ahaa noocda miinada ee maalaha fog-fog laga hagao ayaa waxaa lagu soo warramayaa in kolonyo ay la socdeen ciidamadaasi lagula bartilmaameedsaday inta u dhexeysa magaalooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ku dhinteen ku dhowaad shan askari, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka tirsan ciidamada wadanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Baay oo ku aadan weeraradaasi loo adeegsaday qaraxyada. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
  19. Shirweyne Nabadayn ah oo lagu xallinayo Colaadda laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Shalay ka furmay degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug. Shirkaas oo socon doona mudda 5 cisho ah waxaa Furitaankiisa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood. Furitaankii Shirka waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta heer Federaal iyo xubno ka socday Galmudug waxaana lagu gorfaynayay sidii loo xallin lahaa Colaadda labada dhinac. Degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaa horay marar kala duwan u soo weeraray malayshiyaad ka soo gudbay dhinaca Galmudug kuwaas oo daba socday colaad u dhexaysa labadaasi beelood. PUNTLAND POST The post Shir lagu Nabadaynayo beelaha ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka furmay Bandiiradleey appeared first on Puntland Post.
  20. Warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa loo diiday inay tebiyaan kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu furo madaxweyne Farmaajo. Haddaba falkaas waxaa baaq ka soo saaray ururada u dooda saxaafadda madaxa bannaan iyaga oo ku baaqay in labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay ka noqdaan go’aankaasi. SJS oo ka mid ah urrurada u dooda saxaafadda oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa waxa ay cambaareeyeen falkaasi iyaga oo sheegay in saraakiisha ka tirsan labada aqal islamarkaana qaabilsan arrinkan ay ixtiraamaan dastuurka ku meel gaaraka ah ee dalka u yaal gaar ahaan qodobka 32-aad. “Waxaanu cambaareyneynaa go’aanka lagaga horjoogsanayo tebinta madaxa-bannaan Kalfadhiga Baarlamaanka Labada Aqal ee loo qorsheeyay in uu dhaco Sabtida 6da Juun. Waxaanu ugu baaqeynaa saraakiisha baarlamaanka ee arrintan shaqada ku leh inay ixtiraamaan Qodobka 32aad ee Dastuurka Dalka oo damaanad qaadaya xaqa helista xogta ay Dowladdu heyso, isla markaana Baarlamaanka ay go’aankooda uga noqdaan si shuruud la’aan ah,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri. Dhanka kale ururka SOMA ayaa isagana guddoonka labada aqal ugu baaqay inay ka laabtaan go’aankaasi waxaana xoghayaha ururkan Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi uu yiri “Haddii aan nahay Warbaahinta Soomaaliyeed Waxaan ka codsaneynaa dowladda gaar ahaan maamulka baarlamaanka in ay arintaasi dib uga laabtaan, Warbaahinta gaarka loo leeyahay waa tan bulshada u gudbisa xogaha muhiimka ah, sidda aan ognahay baarlamaanku waa matalaha Shacabka,marka in laga mamnuuco in ay soo tabiyaan kulanka Muhiimka ee furmaya waa wax ay warbaahinta Soomaaliyeed aad uga xun tahay aana Sharci aheyn”. Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Farmaajo saxaafadda madaxa bannaan ayaa la kulmeysay xarig, handadaad, jirdil, faafreeb iyo in laga hor istaago kulamada muhiimka ah si ay bulshada ugu soo tebiyaan xogaha jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha waddanka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ku hanjabay in dalkiisu uu ka baxayo xubinnimada hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweynaha ayaa hay’adda ku eedeeyay in ay siyaasadeysay ka hor tagga xanuunka COVID-19 kaas oo kiisaska laga helay dalkiisa ay sii kordhayaan. In kabadan 34,000 oo qof ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay gudaha dalka Brazil taas oo ka dhigtay wadanka 3-aad oo dadka ugu badan xanuunkan ay dunida oo dhan ugu dhinteen. Kiisaska laga helay guud ahaan caalamka ayaa ka batay 6.7 milyan ooxaladood halka dad ku dhaw 400,000 oo qofna ay u dhinteen. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Brazil oo ku hanjabay in uu dalkiisu ka baxayo xubinimada WHO appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa maanta lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga 7-aad, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ah kii ugu dambeeyey ee xildhibaanada labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kalfadhigan ayaa waxaa baarlamaanka 10-aad horyaalla Ajandayaal muhiim ah oo ay ugu weyn tahay doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb-gali doono gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada oo lagu casuumay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale furi doono kalfdhigan, wuxuuna u jeedin doono xildhibaanada iyo senatorada khudbad dastuuriga ee uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale wixii u qabsoomay dowladdiisa. Ammaanka qeybo badan oo ka mid ah caasimadda ayaa loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la soo dhigay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale wariyeyaasha madaxa banaan ayaa loo diiday ka qeyb-galka furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BF Soomaaliya, ka gadaal markii lagu wargeliyay in aysan qayb ka aheyn dhinacyada lagu casuumay in ay tagaan hoolka uu ku shirayo baarlamaanka. Sida ay wararku ay sheegayana kaliya waxaa loo ogolaaday warbaahinta dowladda iyo muuqaal duubayaasha madaxda iyo baarlamaanka. Arrintaan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey hay’adaha iyo ururada ay ku mideysan yihiin warbaahinta, iyaga oo ka horyimid sababaha loo cuskanayo in war-tabiyeyaasha looga reebay kulanka baarlamaanka federaalka ee lagu wado inuu maanta furmayo. Baarlamaanka 10-aad oo uu haatan gabagabo yahay muddo xileedkiisa ayaa kaldhiga todobaad oo ah koodii ugu dambeeyey waxaa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ama go’aamiyaan noocada doorashada ee dalka ka dhaceysa sanadkaan 2020 illaa 2021-ka.
  23. Kalfadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabtiya ka furmaya Muqdisho. Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in uu Khudbaddiisa Dastuuriga ah ka jeediyo Kalfadhiga islamarkaana uu kaga hadlo Arrima kala duwan. Sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka. Kalfadhigaas ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamanka Soomaaliya marka loo eego mudda-xileedkooda rasmiga ah oo ku eg bisha December ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post.