Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali National Army (SNA) killed three Al-Shabaab fighters on Tuesday in an offensive on the outskirts of the Somali capital Mogadishu, a military officer confirmed on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle Ayaa Goobjoog Uga Warramay Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Beeri Ka Dhacaya Magaalada Dhuusamareeb Iyo Wararka Sheegaya In Booliskii Haramcad Ee Magaaladaasi Joogay Loo Soo Qaaday Muqdisho. Halkan Ka Daawo Wasiir Axmed Shire Falagle Oo Goobjoog Kaga Waramay Shirka Dhuusamareeb https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-falagle.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Muuse Sheekh Cumar oo horey u soo noqday xildhiban ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya kuna nool dalka Canada ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay haystan caqabadooyin waa weyn islmarkaana aysan suura gal ahayn in xilligaan ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxa uuna dowladda saamileyda siyasadda ugu baaqay in xal laga garo xaaladda kala guurka ah dalkana ay ka dhacdo doorasho nabdoon. Halkan Ka Daawo Waraysi Skyp-ka Uu Xildhibaan Muuse Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirii hore Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel),sidoo kale horay ugu soo dheelay Xulka Qaranka ayaa sheegay dib u dhiska lagu sameeyay garoonka Stadium Muqdisho ay rajo wanaagsan u tahay ciyaartooyda kala duwan ee dalka. Halkan Ka Daawo Saciid Qorsheel Oo Ka Hadlay Garoonka Stadium Muqdisho Source: goobjoog.com
  5. Waxaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimaada dowlad goboleedka Galmudug wafdi xildhibaanno ah, kuwaas oo katirsan labada gole ee Baarlamaanka fedraalka Soomaaliya, waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraha,iyagoo hordhac u ah madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland . Wafdiga xildhibannada ah ayaa waxaa kamid ah, xildhibaan Mustaf Dhuxulow, xildhibaan Xasan Yare, xildhibaan Yuusuf Dhagey iyo xildhibaan Dhagdheer oo ka tirsan golaha Aqalka Sare, waxayna ka qeyb-geli doonaan shirka madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado in uu si rasmi ah uga ka furmo magaalada Dhuusamareeb. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta gaaray wufuud kala duan kuwaas oo hor dhac u ahaa kuwa madaxda, waxaana ilaa iyo hadda garay magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana la sugayaa saacada soo socda madaxda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wada in uu salka u dhigo eedo la xiriira musuq-maasuq iyo daacad darro oo ka dhan ah Maxamed bin Nayef, taasi oo uu taajkiisa uga ilaashanayo dhaxal sugihii hore, sida ay baahisay Washington Post. Wargeyska ayaa weriyay “in guddiga la dagaalanka musuq maasuqa” uu salka u dhigi doono eedaha ka dhanka ah Bin Nayef oo la sheegay in uu malaayiin dollar u xawilay shirkado iyo akoono gaar ah, markii uu masuulka ka ahaa wasaradda arrimaha gudaha. Ilo-wareed ayaa wargeyska u sheegay in dhaxal sugihii hore la weydiin doono in uu dib u bixiyo $15 billion oo ay sheegeen in uu xaday. La-taliyeyaasha dhaxal sugaha ayaa kasoo horjeestay eedaha, iyagoo sheegaya in shaqadiisii wasaaradda loogu ogolaaday wareegto boqortooyo oo soo baxday sanadkii 2007-dii. Qoraallo uu wargeyska siiyay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Bin Nayef ayaa taageeraya sheegashada ah in dhaq-dhaqaaqiisii maaliyadeed la ogolaaday, uuna ogolaaday boqorkii hore. Wareegtada oo ay aragtay The Post waxaa ay sal u tahay sanduuq uu maamulayay Bin Nayef waxayna ogolaneysay in la abuuro hal abuur ku haboon ganacsiga gaarka loo leeyahay si muuq kale loogu yeelo hindisaha argagixiso la dirirka. Warbixin qarash bixin ah oo soo baxday sanadkii 2013-kii ayaa muujisay codsiyo ah in la kharash gareeyo $1.3 billion oo uu ogolaaday Khaled al-Tuwaijri oo ah gudoomiyaha maxkamadda boqortooyadda. Saraakiil horay uga tirsanaa CIA-da ayaa sheegay in ay ka warqabeen sanduuqa sirta ah ee argagixiso la dirika ee uu maamulayay Maxamed bin Nayef akoonadda uu u isticmalay si uu u weeciyo mashruucyo ay wadajir u fuliyeen Mareykanka iyo Sacuudiga. Qoraal kale oo ay aragtay The Post, ayuu bin Nayef ugu sheegay la-taliyeyaashiisa in abuurista Shirkado aan jirin, uuga dayanay sida ay sameeyaan hey’adaha caalamiga ah ee amniga.” Sarkaal hore oo Mareykanka u joogay Riyadh ayaa sheegay “in qof kasta oo Dowladda Mareykanka ka tirsanaa uu fahamsanaa in Bin Nayef uu lahaa awoodda ugu weyn ee kharash-gareynta boqortooyadda.”
  7. Kenya’s Secretary of Sports Amina Mohamed is among six candidates vying to become the next director-general of the World Trade Organisation (WTO) to replace Brazil’s Roberto Azevedo. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan warbixin kooban uga hadlaynaa wax qabadka Taliyihii ugu wanaagsanaa tan iyo intii ay bur burtay Dowladii dhexe ee soo mara Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare maxamed aadan koofi, oo xilkaas loo magacaabay July 27, 2016. Tan iyo markii loo magacaabay Xilkaas waxa uu furay xarumo kala duwan oo aan horay loo furin, oo ku dhaw 10- kuwaas oo ku yaala inta badan gobolada Soomaaliya. Dadka dagan Mudug, Galgaduud, kismaayo, Bay, Bakool, Puntland, iyo meelo kale oo ka dheer caasimadda muqdisho ayaa dhibaato ku qabay helitaanka Pasaporka Somaliga ah, waxa u sahlay markii uu Xilka la wareegay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Koofi in dadkaas ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna xaq u leyihiin in ay helaan Pasaporka Somaliga, kuwaas oo tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii aan helin xaqii muwaadinimo, ayaga oo baabuur uga soo safri jiray Gobolada dalka, si ay u helaan Pasapor ay caafimaad ku aadaan, kuwaas oo mararka qaar shil gaari dhibaato ka soo gaarto la kulmi jiray, si ay u helaan pasaporka ama muqdisho u soo gaaraan. Dhinaca kale Dadka aadka u la socda xaaladda Laanta Socdaalka ayaa aaminsan inuu Koofi wax badan ka badalay hanaankii hore ee Laanta Socdaalka uuna ku kordhiyay aragtiyo cusub iyo hufnaan shaqo, sidoo kale wuxuu ku guuleystay hirgalinta xarumaha laanta ee gobaladda dalka iyo iney shaqaaluhu helaan tababaro dheeri ah si shaqadda loo tayeeyo. Korneel Maxamed Aadan Koofi oo bare ka noqday jaamacado iyo dugsiyo sare oo magaalada Muqdisho ku yaal wuxuu ka mid yahay dhalinyaro kooban oo aqoonyahanno ah, Wuxuu shahaadada labaad ee jaamacada ka qaatay Jaamacada Caalamiga ah ee Kampala oo Ugaandha ku taal, isagoo ku takhasusay cilmiga Maamulka iyo Maareynta. Korneel Koofi oo ah nin dhalinyaro ah oo dhiiran, firfircoon, karti iyo daacadnimo badan, ayaa waxa uu wax badan ka badalay 4tii sano ee la soo dhaafay laanta Socdaalka. Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare maxamed aadan koofi, wuxuu shantii sanno ee lasoo dhaafay ka qabtay howlaha socdaalka wax badan oo aan laga qaban sida aan soo sheegay wixii ka danbeeyay Dowladii dhexe ee Dalka markii ay burburtay. Sidoo kale dadkii dhuibaatada ku qabay helista pasaporka Somaliga ah, ayaa waxay dhibaatadaas ka baxeen July 27, 2016.markii la magacaabay Taliye Koofi. Taasi dhiiri-gelin u Noqotay dadkii dhibaatada Musuqa maasuqa la daalaa dhacayay, waxayna aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed ay ku tilmaameen arintaasi horumar. Dhinaca kale dadka jooga muqdisho ayaa dhibaato badan oo maamul Xumo ah ku qabay Helista Pasaporka, taasi oo meesha ka baxday Markii xilka loo dhiibay Taliye Maxamed aadan Koofi. “Waxaan dhibaato ku qabay helista Pasaporka waxaana mar kaliya goobta soo gaaray Maxamed aadan Koofi, aqoon uma lahayn, waa la ii sheegay waan ku booday sida wiil aan dhalay oo kale, waa uu ii garaabay ilaa Xafiska Pasaporka uu I geeyay, waxaana dhacay arin aan u riyaaqay”ayay tiri Hoyo Xaliimo oo sheegtay in dhibaato ay ka qabtay Helitaanka Pasaporkii ay xaqa u lahayd. “Xafiiska ayuu I geeyay waxa uuna canaan kala dul dhacay Wiil dhalinyaro ah oo ahaa qofkii ii xareeyay Pasaporka, waxa uuna kula dardaarmay in mudo 2 cisho ah aan helo Pasaporkii, waxaan dhihi karaa 10 Maxamed aadan koofi oo kale ah oo dhalinyaro ah hadaan helno Musuqa iyo dhibaatada way dhamaan lahayd” ayay mar kale tiri Hoyo Xaliimo oo aad ugu Riyaaqday shaqada laanta Socdaalka Soomaliya. Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyaddaha, ayaa waxaa ka mid ah shaqooyinka uu qabtay, in aysan ka jirin markii uu xilka qabtay ka hor tan iyo wixii ka danbeeyay 1991-dii in dhaqaale laga aruuriyo kacsamada iyo xuduudaha wadooyinka soo galo si canshuurta looga qaado. Waxaa ka mid ah goobaha uu furay Taliye koofi, Bar-xuduudeedkaan oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee degmada Galdogob ayaa waxaa hadda ka jira isku socod dadka iyo Gaadiidka. Sidoo kale waxa uu Booqashooyin kadis ah ku tagaa Taliye Koofi, goobaha laga baxsho Pasaporada si uu ula socdo dhaq dhaqaaqyada, iyo dhibaatooyinka shacabka ay kala kulmaan halkaas, taasi oo dhiiri galin u ah howlaha shaqo, waxayna dadka sheegaan in taasi uu ku Musteestay Koofi kal soonida ay shacabka iyo Madaxda Dalka u hayaan. Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Tell+254711830393
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Madaxweyne Waare ayaa halkaasi kaga qayb-galaya Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo uga furmaya Dhuusamareeb kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo sidoo kale Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa berri galinka hore gaari doona Dhuusamareeb halkaas oo maantaba ay tageen wefdiyo hordhac u ah madaxdaas. Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana madaxda qaarkood iska sii hormariyeen ilaalo gaar ah sida madaxweynaha Puntland oo ilaaladiisa ay maanta gaareen Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  10. The death toll from demonstrations and ethnic violence that erupted in Ethiopia last week following the murder of a popular singer from the Oromo ethnic group has risen to 239, according to a tally of police figures. Source: Hiiraan Online
  11. Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, laga soo daad gureeyey tiro ciidamada Booliska ah ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad, kuwaas oo horay loo geeyey. Madaxda Puntlnad iyo Jubbaland ayaa ka hor furitaan shirka magaalada Dhuusamareeb ee baritto ayaa waxaa ay dalbadeen in gabi ahaan magaalada caasimadda ah laga soo saaro ciidamada Booliska loo yaqaanno Haramcad. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goordhoweed ka soo duushay diyaarad nuuca ciimada daababusha ah, taas oo soo qaaday ciidamada, oo tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo askari oo ka tirsan Booliska gaarka ee Haramcad. Ciidamadaan oo lagu tababaray dugsiga tabarka ciidamada ee Tursksom ee Muqdisho ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb la geeyey, waqtigii doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho:Saraakiil Qarax lala eegtay,Khasaaraha+Tirada Dhimashada & Dhaawaca Gaariga Boolis ee qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan. Qaraxa oo ahaa sida la aaminsan yahay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaadhi ay leeyihiin ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay ku dhinteen labo askari, sidoo kale ay ku dhaawacmeen seddex qof oo dad shacab ah ay ku jiraan. Sawir laga soo qaaday gaadhiga qaraxa lala eegtay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay qeyb kamid ah oo burburay. Qaran News
  13. Kenya security agencies foiled a hijacking and kidnapping terror attack outside Dabacity area of Elwak in Wajir boarder with Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Booliska wadanka Turkiga ayaa xir-xiray dad badan oo ay Soomaali ku jiraan kuwaas oo isku dayay iney si sharci darro ah uga baxaan gudaha wadanka. Taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa ka dhawaajiyay iney xabsiga dhigeen 276 qofood oo ay Soomaali ku jirto. Sida wararka lagu helayo markabka ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa mid xamuul ah ayaa kusoo xirtay xeebta Aegean, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay sideed qofood oo ahaa dadka wax tahriibiya. Wakaaladda wararka tzurkiga ee Anadolu ayaa baahisay in hawlgalkaan lagu soo qabtay muwaadiniintaan uu socday maalmahii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay iney kasoo kala jeedaan wadamada: Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya. Inkastoo Turkiga uu soo dhaweyn qurux badan u sameeyay soogalootiga wadankiisa kusoo qulqulay oo u badnaa Siiriyaan sanadahii ugu dambeeyay ayaa hadana wuxuu xoogga saarayaa inaan si sharci darro ah looga tallaabin. Turkiga waa marinka ugu weyn oo ay hadda dadka wadamadooda ka cararaya isticmaalaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub, maadaama Turkiga ay xuduud la leeyahiin wadanka Greece. Qaran News
  15. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Haramcad oo ay dowladda Federaalka geysay caasimadda Galmudug ayaa goor dhaw laga soo qaaday iyadoo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland. Sida ay sheegayaan warbixinnada laga helayo magaalada Dhuusamareeb ku dhawaad 200 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad looga soo qaaday, waxeyna kusoo wajahan yahiin magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa ka qeyb qaatay xasilinta amniga magaalada Dhuusamareeb, waxeyna ka shaqeeyeen iney doorasho ka dhacdo caasimadda taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Ilo-wareeydo ayaa Caasimada Online u sheegay in amarka lagu soo qaaday ciidankan uu bixiyey ra’iisul wasaare Kheyre. Maamulka Galmudug ayaa dhabarka u ritay inuu marti soor u noqdo shir ay yeelanayaan shanta maamul goboleed ee hoos yimaada dowladda Federaalka, waxeyna arintaan gogol xaar u tahay in la isugu yimaado shirka Amniga qaranka ee looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, xasiloonida iyo dhameystirka dastuurka. Goor sii horreysay oo maanta ah madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Dhuusamareeb, halka madaxweynayaasha kale la filayo iney gaaraan. Waxaa si weyn loo sugayaa imaatinka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam kuwaas oo ah laba xubnood oo sababtood loo qabanayo shirka ka dhacaya Dhuusamareeb maadaama ay si cad u diideen iney ka qeyb galaan shirkii Amniga Qaranka uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay balse dib ka baaqday. DAAWO SAWIRADA:
  16. Two policemen were killed and two civilians were injured in a roadside blast in Mogadishu on Wednesday, witnesses said. Source: Hiiraan Online
  17. At least 3.5 million people are projected to fall into crisis or emergency food insecurity in Somalia between June to September, the UN humanitarian agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Mareykanka: Tirada dadka uu soo ritay cudurka Corona oo kor u dhaaftay oo si xawliya u kordhaysa Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay in ka badan 3 malyan qof oo uu ku dhacay cudurka Corona guud ahaan dalkaas laga bilaabo tan iyo markii uu dillaacay safmarka, sida laga soo xigtay warbaahinta New York Times iyo NBC. Warbaahinta NBC ayaa ku warrantay in kiisaska cusub ee la xaqiijiyay shaley oo kaliya ah ay gaareen 46,500. Mareykanka si weyn ayuu ugu baahay cudurka, kiisaskan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee la xaqiijiyo guud ahaan dunida Qaran News
  19. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa noqday Madaxweyne goboleedkii ugu horeeyey ee taga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shirka halkaas khamiista uga furmaya madaxda dowlad goboleedyada. Madaxweyne Waare ayaa goordhow lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha kadibna waxaa uu shir la qaatey Madaxweyne Axmed Qoorqoor kadibna waxaa loo gudbiyey guriga martida. Berri ayaa lagu wadaa in halkaas uu ka furmo shirka dowlad goboleedyada halkaas oo ugu dambeyntii la filayo inuu kasoo baxo jiheynta siyaasadda dalka. Farmaajo ayaa ku fadhilmay inuu madaxda dowlad goboleedka isugu keeno caasimadda Muqdisho iyaga oo ka doorbiday iney goonni u shiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Nin ka soo dhacay Fooq markii uu Daayeer weerar ku soo qaaday Nin u dhashay dalka Kenya ayaa kasoo dhacay dabaq ku yaalla magaalada Nairobi kaddib markii uu soo weeraray daanyeer, ninka ayaa doonayay in uu ka cararo daanyeerka. Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayaa Dickson Maina oo kasoo dhacayo dabaqa kaddib markii uu kusoo dhawaaday daanyeerka oo saarnaa dusha sare ee dhismaha. Wuxuu wargeyska The Standard u sheegay in sababta uu u fuulay dhismaha ay aheyd markii uu maqlay dadka oo qeylinayo xilli daanyeerku uu saarnaa halkaas isla markaasna uu doonayay in uu eryo. Dickson Maina wuxuu sheegay in uu soo gaaray dhaawac dhanka wajigga iyo in gacanta uu ka jabay. This baboon was just chilling minding it's own business than some guy decided to be smart and things didn't go very well. lol#JoeyAndMartin #SmoothTuesday pic.twitter.com/OYr0kbng9v — #JoeyAndMartin (@thejam984) July 7, 2020 Qaran News
  21. Kenya oo Haweenay Somali-kenyana u xulatay inay u tartanto xil muhiim ka ah dunida Aamina Maxamed waxay hadda ka soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Kenya ayaa wasiirka ciyaaraha Aamina Maxamed u xulatay musharraxeeda uga qeyb geli doonto tartanka dalalka caalamka ay ugu jiraan madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka, doorashada waxay dhici doontaa bisha Agosto. Cidda ku guuleysata doorashadan waxay baddali doontaa ninka haatan madaxda ka ah Ha’yaddan oo ka soo jeedo dalka Brazil kaas oo xilka ka degaya 31-da bisha Agosto. Aamina Maxamed ayaa kamid ah dadka loolanka ugu jiro sidii ay ku hanan lahaayeen madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka Aamina Maxamed ayaa sannadkii 2013-kii u tartantay kursigan balse waxaa ka guuleystay Robert Azevêdo oo kasoo jeedo Brazil. Waxaa jagadan tartan ugu jiraa ilaa lix dal oo ay labo kasoo jeedaan Afrika, kuwaas oo kala ah, Nigeria, Masar, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Moldova. Qaran News
  22. Ugu yaraan 250 Askari oo ahaa Ciidamadii ay Dowlada Federaalku keentay Dhuusamareeb xiligii Doorashadu ka socotay ayaa maanta dib loogu celiyey Muqdisho. Madaxwrynaha Galmudug Axmed [...] The post Sawiro, Madaxweynaha Galmudug oo amray in ay Ciidamada Dowlada Federaalku ka baxaan dhuusamareeb appeared first on . Source
  23. Waa Xaqiiqooyin murugo leh oo banaanka soo dhigtay xalaalada qalafsan ee Dalku ku sugan yahay. Muqdishu Puntlandi The post GUNDHIG DOCUMENTARY : – Isku milanka Dowlada iyo Al-shabaab appeared first on . Source