-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qudus (Caasimada Online) – Wargeyska Israel Hayoom ayaa qoray in saddex dal oo Carbeed ay aqbaleen qorshaha Israel ugu daresaneyso dhulka Daanta Galbeed, kaasi oo la filayo inay ku dhaqaaqdo bisha July. Wargeyska ayaa sheegay in dalalkaas ay kala yihiin Masar, Jordan iyo Sacuudiga, kuwaas oo qorshahan aqbalay si Mareykanka iyo Israel ay gacan uga siiyaan sidii looga hortagi lahaa saameynta Iran ee Bariga Dhexe. Ilo-wareed Carbeed ayaa u sheegay Israel Hayom in hogaamiyeyaasha Carbeed ay ka wel-welsanyihiin in tallaabo u gaar ah Israel ay gobolka u horseedi karto khilaaf, sidaas darteedna ay ku aqbaleen qorshaheeda. “Saddexda dal ayaa ka adkaanshaha Iran u arka mid ka muhiimsan qadiyadda Falastiin, waana taas sababta ay ku ogolaadeen qorshaha Israel iyo Mareykanka, maadaama ay labadaas dal ugu baahan yihiin dagaalka Iran,” ayuu yiri il-wareedka. Riyad al-Maliki oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa ka falceliyay warbixita uu daabacay wargeyska Israel Hayom, waxaana uu sheegay in warbixintu ay layaab ku noqotay. “Waxaan si toos ah iyo si aan toos ahayn ula xiriirnay hogaamiyeyaasha carbeed si aan u weydiino cadeyn, laakiin weli kama aanan helin beenin iyo xaqiijin warbixinta ku saabsan midna,” ayuu yiri. Maliki waxaa uu intaas ku daray in maamulka Falastiiniyiinta uu isku dayayo in uu adeegsado bulshadda caalamka si cadaadis loo saaro Israel, si aysan u dhaqan gelin qorshaheeda oo hadii ay sameyso dunida usoo jiidaya mowjado qalalaase ah, argagixiso, iyo xasilooni darro. Sida uu sheegay Maliki, “beesha caalamku waa in ay u sheegtaa Israel qorshaheda uu keeni karo cune-qabateyn la saaro Israel. Waxaan dooneynaa in aan ka tagno Israel iyo maamulka Trump.” Xoghayaha Guud ee Ururka Xoreynta Falastiin Saeb Erekat ayaa sheegay in ay raadin doonaan xaqiijin ku saabsan warka sheegaya in dalal carbeed aysan diidi doonin dhaqan gelinta qorshaha Israel ay madaxbaanida uga sheeganeyso dooxada Jordan iyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed. Madaxii hore ee wada-xaajoodka ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in dunida carbeed aysan Israel u ogolaan doonin in ay horay ugu socoto qorshaheeda.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabad uu ku qabtay magaalada Beledweyne ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne lacagtii loogu talo galay fatahaadda Beledweyne ee ka kala yimid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jibuuti, Munaasabadda uu Madaxweynaha Hirshabeelle ku wareejinayay lacagta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad goboleedka Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee Bulshada Beledweyne oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa sheegay lacagta maanta guddiga lagu wareejiyey $ 600,000 – ka timid Dowlada Jabuuti halka dowladda federaalka ay bixisay $ 500,000 iyo $ 40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran ee lamacaabay Isugeyn Guud lacagtaas ayaa noqotay $1,140,000* (Hal malyan Boqol iyo Afartan kun USD). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali National Army (SNA) killed eleven al-Shabab militants on Sunday in an operation in Southern Somalia’s Bakool region, a military official confirmed. Abdihamid Dirir, Somali commander of land forces, told journalists that the government forces launched an attack on the militants in Abal village, 18 km East of Huddur town, killing at least 11 alshabab militants and inflicting heavy toll. “The operation was carried out successfully. There was a fierce fight between the militants and the army. But the forces overpowered them, killing 11 and inflicting casualties on the militants,” The commander added that army forces have seized the area and operations will continue to ensure Alshabab militants are eliminated in the region. On the other side, The Al-Qaida-linked group al-shabab has claimed victory in a statement published on its affiliated media online sites. The group said it has killed at least 15 government soldiers during the fight and inflicted heavy casualties to their opponents though no independent sources were available to verify these claims. The latest operation came barely a day after Somali army forces clashed with Alshabab militants in the country’s southern region of Bakool. Somali forces have intensified their operations against the militants in southern regions where al-Shabab holds large swathes of rural areas, conducting ambushes against government forces.
-
Hargeisa ( PPM) — Somaliland, like many other countries in the world, was affected by the COVID-19 outbreak. As of May 28, the Ministry of Health Development has confirmed a total of 257 persons have tested positive for COVID-19, with 17 deaths. The actual number of affected could be much higher given that there are people who have recovered without seeking medical attention. The Somali Government has decided against imposing a complete lockdown due to economic considerations. The decision by Somaliland Government to lift the temporary of Khat trade four days before the ban was to end is being called into question. as it deemed the decision impossible both economically and socially. Khat trade is now brisk particularly Somaliland capital, Hargeisa, a major city with the largest number of people who have fallen ill as a result of Covid-19. Since the outbreak of the pandemic in Somaliland major controversies have been making rounds on Social Media. Some people have taken on Social Media platforms such as Facebook and Twitter to share stories about the state of the country’s health system. Many shared stories about their loved ones who have passed away due to lack of oxygen. Others have reported the blatant disregard and carelessness on the part of some health administrators to human life. Citizens have been forced COVID-19 protection suits when carrying out burial procedures for their family members who succumbed to Covid-19. The crisis in the Somaliland health system came to the fore in January, when a father whose son died due to lack of oxygen in Hargeisa General Hospital, had written about the poor health service delivery. His account, shared on Facebook, generated heated discussions. incident on Facebook. A public outcry has quickly followed, and the media has put the question to the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi. President Bihi promised to improve health service delivery and order oxygen concentrators for all national hospitals. This promise seems unfulfilled, as Covid-19 patients still die of lack of oxygen. The glimmer of hope about the ability of Somaliland to cope with the health emergency comes from donors who reached into their deep pockets to contribute US$ six million to the National COVID-19 Fund. A major review of Somaliland health service delivery is long overdue. The extent to which the budget for health care covers health needs of citizens has yet to be shared with the public. Covid-19 is a wake-up call for the Somaliland Government. The impact of unequal health service delivery coupled with a high number of privately-owned hospitals can no longer be brushed aside. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post COVID-19 OUTBREAK IN SOMALILAND EXPOSES A BROKEN HEALTH SYSTEM appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has confirmed 45 more COVID-19 cases bringing the national tally to 2,334, the Ministry of Health said Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Abaadir Cabdiqaadir Cilmi ayaa soo dhoweeyey dalabka mas’uul ka tirsan Villa Somalia ee ah in dib loo eego dacwada ka dhanka ah weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye. Guddoomiye Abaadir oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “Waxaan Xoojinayaa Hadal qoraaleedka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda ah ee ah in Garsoorka Dalka dib u eegaan Dacwadda lo haysto Haysto Wariye C/casiis Gurbiye oo Goobjoog ka tirsan”. Guddoomiyaha FESOJ waxaa uu sidoo kale ka hadlay saameynta ay weriye Gurbiye ku yeelatay xayiraadda laga saaray hadalka “Gurbiye 51 Maalmood ayuu bannaanka damaanad ku jooga. Waxna ma qori karo ilaa maxakamadi fasaxdo, taaso ka mid ahayd sharuurdihii Damaanad-qaadkiisi”. Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Cilmi ka codsaday dowladda inuu Gurbiye helo xuriyad dhameystiran “C/casiis Gurbiye si buuxda ayaan u codsanaynaa in xorriyadiisa si dhamaystiran loo siiyo”. Agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group ahna tifaftiraha guud Cabdi Casis Gurbiye ayaa 55 maalin laga joogaa xarigiisa, isaga oo tan iyo xilligaas laga saxiixay in aanu wax ka qorin (1) Covid 19, (2). Siyaasadda iyo dhaliisha dowladda (3). Kiiskiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - All checkpoints within Mogadishu will henceforth be removed, city mayor Omar Filish has said in yet another pledge successive mayors have made with little success. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaabax looga soo horjeedo in 4.5 lagu qeybiyo xubnaha aqalka sare ku matali doona gobolka Banaadir, iyo la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir. Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5. Banaanbaxa oo ay ka qeyb galeen dadweyne badan ah ayaa waxaa dadkii ka qeyb-galay ay ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale banaan baxaayasha ayaa codsaday in Maqaamka Gobolka Banaadir laga dhigo mid heer Federaal ah isla markaasna Magaalada la siiyo maqaam la mid ah midka ay heystaan Maamul Goboleedyada dalka ka jiro. Bnaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayey ereyo ay ka mid yihiin (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5. Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5 “Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe kala eryey banaanbaxayaasha, waxaana la xiray qaar ka tirsan dadka soo baxay halka kuwa kalana la jirdilay. Waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma.
-
Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka. Wasaaradda ayaa xustay tirada ardayda sanadkaan u fariisanaysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe ay gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo maanta ay soo saartay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in 132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan 1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba. Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan. Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil. Imtixaanka Shahaadiga ah ee deegaanada Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta jidadka magaalada Muqdisho qaar ka mid ah isugu soo baxay shacabka badan kuwaas oo ka soo horjeeday in la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir iyo matalaaddiisa siyaasadda ee Aqalka sare, waxaana ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5. Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar lagu soo qoray hadallo ay ku diidan yihiin sida loo qeybinaayo Sanotorrada aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir oo 7 ah, banaanbaxayaasha ayaana lahaa (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5. Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5 “Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa. Ciidamo ka tirsan dowaldda ayaa markii dambe soo gaaray goobta dibad baxa uu ka socday iyaga oo xoog ku kala kaxeeyey shacabka iyo saxaafadda, waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Labadii Madaxweyne ee hore Xasan sheikh iyo Shariif Shiikh Axmed ayaa kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho. Kulanka [...] The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo gurigiisa ku casumay Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif appeared first on . Source
-
Tripoli (Caasimada Online) – Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso laba illo wareed oo ka tirsan mucaaradka dalka Siiriya ayaa qortay in Dowladda Ruushka ay sare u qaaday qorista boqolaal dagaalyahan oo u dhashay dalka Siiriya si ay uga garab dagaalamaan malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka ka wado dalka Liibiya. Shaqada qorista ciidamadaan kasoo jeedo dalka Siiriya ee la doonayo in loo daabulo Liibiya ayaa waxaa hormuud u ah Shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner Group, waxaana kormeer ku sameenayo ciidamada Militariga Ruushka. 2019 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la bilaabay qorista Ciidamadaan iyo in loo daabulo gudaha Liibiyam sid ay Reuters u xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaale horey ula soo shaqeeyey Shirkadda Militeri ee Wagner. Vladimir Putin ayaa xiriir wanaagsan la leh Madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad tan iyo markii uu garab ku siiyey in meesha laga saaro kooxihii fallaagada hubeysan ee dagaalka kaga soo horjeeda Dowladda Siiriya. Dowladda Ruushka oo dooneyso inay saameyn ku yeelato gobolka dhaca bariga badda Mediterranean ayaa is garab istaag u muujisay malayshiyaadka uu hoggaamiyo Jeneral Khalifa Haftar ee dagaalka kula jiro dowladda Liibiya oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa la safan oo garab siinayo Jen. Khalifa Haftar iyagoo Dowladda Liibiya ku eedeeyey inay xiriir la leedahay Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ee ku xoggan gudaha dalka Masar. Ciidamnada dowladda Liibiya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Liibiya ka saaray xoogagga janaraalka awoddiisa sii wiiqmeyso. Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya. Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.
-
Shalay markuu qudbadda jeedinaayey madaxweynaha Soomaaliya waxaan moodayey inuu u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland inuu wadahadaladdii ka ogalaaday oo dib loo furayo. Sownigii moodaayey in ay dhowr wiig ka hor ay Somaliland tidhi kiiskayaga maxkamadda adduunka ayaanu hor geynaynaa oo ilaa ay ogoladaan inaynu nahay laba siman cidna la hadli mayno? xaggee bay salaaddu ka xidhmi la’adahay, mar waxaynu maqlaynaa la hadli mayno iyo hanjabaad kulul xagga kalena Muqdisho ayaa ina leh waanu wadahadalaynaa wax dafiraad ahna maynaan arag. Dalkani xisbiggii Wadani ee mucaaridka ahaa ee in ka badan boqolkiiba afartan codka dadweynaha helay xaggeey ka dhaceen oo maxay oo naqdiyi laayihiin siyaasadda arrimaha dibadda iyo maxkamaddaha iyo garsoorka iyo dhaqaalaha dalka iyagoo fursaddo talo soo jeedin ahna ka dhiganaya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu kulan u socdo guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, oo hadda hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran. Kulanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo hoygiisa kula leeyahay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, ayaa sida aan xogta ku helnay looga hadlayaa doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen. Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Mursal u gudbin doona mowqifka Madasha ee ku aadan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo sida ugu habboon looga gudbi karo marxalada kala guurka ee uu dalku galayo. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Kulankan ayaa ah mid qorsheysan oo Madaxweyanyaashii hore si gaar gaar ah ula yeelanayaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana ay ku hormareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal. Kulanka ayaa imanaya ayada oo uu jiro walaac xooggan iyo warar sheegaya in guddoomiye Mursal uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi, kadib cadaadis xooggan oo la saaray. Muddo kororsiga ay damacsan tahay Villa Somalia ayaan hir-geli karin haddii uusan ogolaan guddoomiye Mursal, waxaana wararku ay sheegayaan in Mursal lagu cabsi geliyey inuu kursigiisa xildhibaannimo weyn doono, haddii uusan aqbalin qorshaha madaxtooyada. Mursal ayaa waxaa deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, oo uu madaxweyne ka yahay Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga maamulo Villa Somalia, islamrkaana aqbali doona dalab kasta oo uga yimaada. Wararkeena dambe kula soco waxa kasoo baxa kulanka Mursal iyo madaxdii hore, Insha Allah
-
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta Sabtiya shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka Shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka. Tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka dowladda Puntland, ayaa sannadkan gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in 132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan 1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba. Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan. Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil. Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo shaacisay Warbixinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Al-Shabaab operative suspected to have been leading sleeping cell in Galkayo was killed on killed Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku maraya Gobolka Karkaar, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble, Qardho. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta iyo maamulka gobolka karkaar ayaa kormeeray xerada Ciidamada. Guddoomiyaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Puntland ee halkaasi Tababarka ku qaadanaya Waxaa Guddoomiyaha uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Tababaraysa ciidamada iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaran dadaalkooda si looga guuleyso cadawga Puntland. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa salaan booqasho ah ugu tagay Qasriga uu Qardho ka degan yahay Boqorka Beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse. Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayey Booqashada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo hoygiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ay kasoo dagtay diyaarad siday dhaawacyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Dhaawacyada laga dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa gaarayey illaa 15 askari oo la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaal Shalay dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Abal oo 18km u jira Magaalada Xudur ee Gobolka Baay. Dhaawacyada laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ay aad u daran tahay xaaladooda Caafimaad. Dagaalka ka dhacay Deegaanka Abal oo ahaa mid aad u culus isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad u badan uu soo kala gaaray ciidamadii dagaalay ee ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhaawacyada laga soo dajiyey Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay inay dagaalka ka dhacay Abal ku dishay illaa 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna sheegtay inay ku dishay 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ay ku jiraan saraakiil ay sheegeen in lagu soo tababaray dalka Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Yuusuf Cali oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxyo la doonayey in laga fuliyo gudaha magaalada Muqdisho. Sadiiq ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay walxaha qarxa, kuwaas oo uu tilmaamay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka. Afhayeenka Booliska ciidamada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in mid ka mid ah raggaasi lagu qabtay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isaga oo qarax ku dhajinaya gaari uu leeyahay mas’uul dowladeed, walow uusan shaacin magaca mas’uulkaasi. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in nin kale oo xirnaa jaakadda qaraxyada lagu qabtay dhinaca deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu carqaladeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan banaan-baxyada maanta ka socda caasimada ee lagu taageerayo hadalkii madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa xusay in saacadaha soo socda ay ay soo bandhigi doonaan raggaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid degan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray caasimada, inkastoo ay weli ka dhacaan falal u badan dilal qorsheysan.
-
Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah shirkadaha wax soo saar dalka taasi oo lagu xusayay maalinta bedqabka cunnada Adduunka 7da Juun2020 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha Qaramada Midoobe ee dhinacyada Cunnada iyo Caafimaadka ee FAO iyo WHO ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda si bulshada loo xasuusiyo looguna wacyi geliyo muhiimadda bedqabka cunnadu ay u leedahay caafimaadka bulshada. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen ayaa sheegay in munaasabadan ay ku soo beegantay xilli dunida guud ahaan uu dhibaato ku hayo caabuqa COVID19, ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan Dowladda si loo gaaro hadafka guud ee ah in dadku ay quutaan cunno caafimaad qabta. “ Dhamaanteen waa in aan ka qeyb qaadanaa badqabka cuntada sida hilibka xoolaha, caanaha iyo dalagyada si aysan waxyeelo u soo gaarin caafiimaadka guud ee Aadanaha iyo midka bulshada Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen. Xuska sannadkaan waxaa loo asteeyay halku dhig ah “Bedqabka cuntada qof kasta ayaa mas’uul ka ah”, taas oo muujineysa sida dadka dhan looga doonayo inay gutaan xilka ka saaran bedqabka cunnada, waxaana xuska maalintaan ay muhiim u tahay in dadka lagu baraarujiyo sidii ay dareenkooda u siin la haayeen ka qayb qaadashada tilalaabooyinka looga shaqeynayo bede-qabka cunnada iyo caafimaadka Aadanaha.
-
Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan. Qaran News