Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar goor dhow aan helnay ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo u xirnaa Soomaaliland. Mubaarak oo la dhashay Cabdimaalek ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey siideyntiisa isaga oo intaa ku daray in ay dib ka hadlidoonaan. Sii deynta weriyaha oo muddo hal sano ah xirnaa ayaa timid ka dib markii dhowr jeer baaqyo kala duwan loo diray madaxwene Biixi oo ku aadnayd in uu xorriyaddiisa dib u helo Colddon oo sidoo kale ahaa samafale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hargeysa (Caasimadda Online) Wariye C/Maalik Muuse Coldoon ayaa xabsiga laga sii daayay kadib muddo ka badan sanad uu u xirnaa maamulka Somaliland. Madaxweynaha maamulka aan wali aqoonsiga helin Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay wariye Coldoon kaas oo sidoo kale ah Samafale. Wariye Coldoon horay waxaa loogu eedeeyay inuu kasoo horjeestay qaranimada maamulka Somaliland, balse dadaallo badan kadib dib ayuu banaanka ugu soo baxay. Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay wariye Coldoon. Dhawaan ayey aheyd markii baarlamaanka yurub ay maamulka Somaliland ka codsadeen iney sii daayaan C/Maalik Muuse Coldoon.
  3. (SLT-Hargeysa)-Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu xidhnaa muddo sannad ka badan. Coldoon, ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne. Wararka aanu ka helayno cafiska Wariye Coldoon waxa ay sheegayaan inay ka shaqeeyee asxaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameed beesha bariga Burco ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ma jiro war ka soo baxay labada dhinac ee kulanku dhex-maray laakiin wararka ay heshay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in saaka uu kulan saacado qaatay dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo inta badan madax-dhaqameedka beesha Habar-jeclo. Madax-dhaqameedka kulanka la yeeshay Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inay hoggaaminayeen Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Cali Muuse iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire. Madax-dhaqameedkan oo marar kala duwan Hargeysa u yimid inay la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaanay u suurto-galin. Ma jiro illa xogo dheeraad ah oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac, balse waxa muddooyinkii ugu dambeeyay jiray saluug ay beesha Habar-jeclo ka muujinaysay hanaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maamulayo dalka. Wixii warar ah ka soo kordha kulankan iyo arrimaha laga wada hadlay kala soco Somalilandtoday Source
  5. Laamaha Amniga Dowladda Puntland ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, oo kaashanaya Taliska Ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya hawgal qorshaysan ku dilay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga Puntland, oo kaashana Ciidanka DANAB ay hawlgal qorshaysan ku dileen, Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, inkastoo aysan shaacin magaca Sarkaalkaasi. Qoraalka PSF, ayaa lagu sheegay in Horjoogaha la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug, haatanna uu qorshaynayay in uu qaraxyo kale ka fuliyo gudaha Magaalada Gaalkacyo. Laamaha Amniga, ayaa sidoo kale u mahadceliyay Shacabka, oo sida ay sheegeen Macluumaad ka siiyay, Daba-galka Sarkaalkaasi Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo dishay Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  6. ” Aqoonsi maantuu inoogu dhawyahay ”. Dagaalkii webiga niil wuu sii xogaystay , Sodan konfureed iyo soodaan waqooyi waxay la safteen Masar , xaaladda jabuuti iyana waa qasan tahay , sidoo kale Kenya iyo Itoobiya iskuma wanaagsana , Qaahirina Mogdisho ayay hubaynaysaa. Intaa waxaa dheer , dagaalkii qaboobaa ee aduunka oo garaacaya albaabadda geeska , shiinaha oo bayskiisa jabuuti ku maalgelinaya 8 biyan oo doolar isagoo ka dhigaya sal-dhig wayn oo baaxadle , Maraykanka oo shiinaha kula loolamaya geeska kana soo horjeeda is balaadhinta shiinaha . Sidaa markay tahay , Somaliland waxay joogtaa halkii Etoobiya joogtay 1896 ama shiinuhu joogay 1950, waxaana la rabaa inay degdeg u qaabayso siyaasadeeda ku saabsan ictiraaf raadinta iyadoo sal-dhig uga dhigaysa saamaynteeda gobolka , kana gudbaya siyaaadii horre ee ku salaysnayd nabad baanu dhisnay iyo dimuqraadiyad , xoogana saartaa , kobcinta dhaqaalaha , dhismaha haayadaha amniga iyo kordhinta dhaq-dhaqaaqyadda diblomaasiyadeed ee danaha ku dhisan . Waxaas oo dhana waxaa muftaax u ah in madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad adag oo ka midho dhalin karta waqtigan adag . Source
  7. (SLT-Jabuuti)-Dibed-baxyada ka socda Dalka Jabuuti ayaa yeeshay Weji kale oo cusub. Dadweynaha ku nool Magaalada Jabuuti iyo Gobolka Cali Sabiix ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay waday dibed-baxyo ay ku dalbanayaan in xorriyaddiisa loo soo celiyo Fu’aad Axmed Cali oo ka mid ah Ciidammada Cirka Jabuuti, kaasi oo muddo laba bilood ah ku xidhan Suuli ku dhex yaalla Xabsiga Gabood ee dalka Jabuuti. Dadweynaha ayaa Jidadka iskugu soo baxay, ka dib markii baraha Bulshada lagu baahiyey Muuqaal uu Fu’aad ku soo dhex duubay halka uu ku xidhan yahay. Laakiin, Isku soo baxyada Rayidku dhigayaan waxa ka dambeeyay Kacdoon si hoose uga dhex bilaabmay Ciidammada Jabuuti, sida Millatariga. Khamiistii iyo Jimcihii Shalay waxa dirayskii Ciidammada iska dhigay isla-markaana sheegay in dulmi lagu hayo Laba Askari oo Rag iyo Dumar ah. Deeqa Ciise Duhur oo sheegtay inay Ciidammada ka mid ahayd ayaa tidhi “Shacbiyoow, Idinka dartiin ayaa dirayska u xidhay, idinka dartiina hortiina ayaa ku dhigayaa.” Deeqa waxa ka dambeeyay Askari ka mid ah Millatariga Jabuuti, waxaanu sheegay in dhibaato ka dhex jirto Ciidammada, dhibaatadaana ay wadaan 4 Qof oo ka mid ah Madaxda Jabuuti. Askarigan ayaa isagoo Muuqaal iska duubaya dhulka dhigay Derajadii uu xidhnaa. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Faransiiska ee ku sugan Dalka Maali ayaa dilay Hoggaamiyihii Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika, Abdelmalek Droukdel. Sidaana waxa caddaysay Dawladda Faransiiska oo sheegtay in hawl-galka Ciidammadu ku dileen Hoggaamiyaha Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika ay ka qayb-qaateen xulafadooda Gobolkaasi. Wasiirka ciidammada qalabka sida ee Faransiiska, Florence Parly, ayaa sheegtay in Cabdulmaalik Droukdel lagu dilay howlgal Arbacadii la saameeyay isaga iyo dhowr qof oo ka mid ah dadkii aadka ugu dhawaa. Cabdilmaalik Droukde waxa uu Al-Qaaciidda u qaabilsanaa waqooyiga Afrika, sidoo kale waxa uu abaanduule u ahaa ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Source
  9. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu mudda sannad ah u xirnaa maamulka Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyay Wariye Coldoon. Somaliland ayaa horay xukun ugu riday Coldoon ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedda Qaranimada Somaliland. Bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Hay’addaha Xuquuqul Aadanaha ayaa ka codsaday in Madaxweynaha Somaliland uu Cafis u fidiyo Coldoon taas oo ugu dambayn hirgashay. PUNTLAND POST The post Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dib u helay xorriyaddiisa appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka , gaar ahaan guutada 9-aad iyo dagaaylayahanada Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Abal oo 20 kiiilo mitir dhinaca bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamo taabacsan wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), kuwaas oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa halkaasi Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku waaday saldhigyada ciidamada dowladda ee gobolladaasi.
  11. Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka labada aqal ee loo igmaday diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu si adag uga hadlay wararka sheegaya in 7-da kursi ee la sheegay in gobalka Banaadir uu ku yeelan doono aqalka sare lagu qeybsanayo nidaamka 4.5. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wh-1.mp4 Source: goobjoog.com
  12. Prof.Maxamed Xasan Doob oo sheegay in duubabka Gobolka Banaadir waa in ay ka miradhaliyaan sidii loo heli lahaa maqaamka caasimada Muqdisho. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Sequence-18.mp4 Source: goobjoog.com
  13. Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/madasha.mp4 Source: goobjoog.com
  14. War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-1.mp4 Source: goobjoog.com
  15. Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka labada aqal ee loo igmaday diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu si adag uga hadlay wararka sheegaya in 7-da kursi ee la sheegay in gobalka Banaadir uu ku yeelan doono aqalka sare lagu qeybsanayo nidaamka 4.5. Dr Dufle ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga ay soo jeediyeen in 7-kursi la siiyo gobalka Banaadir haddiiba ay ogolaadaan baarlamaanka isaga oo intaas ku daray inaysan jirin wax go’aan ah oo arrintaasi laga gaaray islamarkaana ay been yihiin wararka sheegaya in kuraastaasi lagu qeybsan doono nidaamka 4.5. “Xubnaha guddigu waxay isla soo qaadeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Senetor Dufle. Senetor Dufle ayaa waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in xubnaha 7-da ah ay yeelan doonaan dadka deegaanka Muqdisho oo uu sheegay in markii horeba iyaga loo doodayay matalaadooda, waxaana guddiga isku dhafka ah ay soo jeediyeen in matalaad ay aqalka sare ku yeeshaan reer Banaadir inkastoo soo jeedintan la horgeyn doono baarlamaanka federaalka ah. Maalmihii dambe ayaa waxaa si aad ah la iskula dhexmarayay in matalada la siin doono gobalka Banaadir lagu qeybsan doono 4.5 taas oo baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan waxaana hadalka senator Dufle uu ku soo aadaya iyada oo baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole uu maanta furmayo. Halkan Ka Daawo Dr.Cisman Maxamuud Dufle Oo Ka Hadlaya Arimaha Gobolka Banaadir Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta oo ah Sabti 6da Juun 2020ka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu daah furay xisbi siyaasadeed cusub, xisbigaas oo loogu magac daray Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah, afka Ingiriiskana noqonaya Democratic Party for Change DPC, xisbigan oo Haldhigiisu yahay “Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya” oo afka ingirrisiga noqonaya “recommissioning Somali Statehood”. Munaasabaddass oo ay ka soo qeyb galeen dad bulshada magac weyn ku leh sida odayaasha dhaqanka, madaxda xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ururada bulshada, aas aasayaasha xisbiga iyo golahiisa dhexe, garabyada haweenka iyo dhalinyarada. Furitaanka ka dib waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay xisbigaan cusub iyo howlaha looga fadhiyo maaddaama waddanku xilligan marayo marxalad kala guur ah. Mabaa’iidiisa Xisbiga ayaa ah Dhowrista Madaxbanaanida iyo Midnimada Dalka, dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, adkaynta ku dhaqanka xeerarka dalka, la dagaallanka jahliga iyo Faqriga, iyo fursad siinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan hogaanka iyo dib u dhiska Dalka. Guddoomiyaha KMG Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah Mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo taabanaysa dhinacyo badan, khaasatan heerarkii uu soo maray yagleelidda xisbigan iyo inay ku midaysan yihiin dad bulshada magac iyo maamuus ku leh. Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga mudane Xasan Xaaji ayaa sidoo kale xusay macanaha uu ku fadhiyo Halku dhigga xisbiga ee ah Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya, taasoo ah in 20kii sano ee la soo dhaafay dowladnimada Somaliya heerar kala duwan soo mareen balse aan laga faa’iideysan in si dhab ah loo unko dowladnimada dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay waqti ka lumay shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed lagama maarmaan tahay in la dhiso Dowlad si dhab ah u metesha shacabka awooddana gacantooda ku soo celisa, lagana maarmo ku tiirsanaanta dalalka shisheeye, si dhab ahna loogu howl galo in aan cagaheena ku istaagno. Guddoomiye Xasan Xaaji ayaa aad uga hadlay marxaladda haatan dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in isbeddel ijaabi ah dalka ka dhaco oo loo sinnaado hoggaanka dalka. Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in 60kii sano oo xorriyadda la haystay ay hoggaanka dalka isku beddelayeen beelo gaar ah, tusaale ahaan dhamaan Madaxweynayaashii dalka soo hogaaminayay muddadaas lixdanka sano ah ay ka soo jeedaan gobollo gaar ah taasoo dad badan qabaan in dibu dhaca iyo horumar la’aanta dalka ay qayb weyn ka tahay hoggaanka oo aan loo sinnayn muhiimna ay tahay in dood laga furo arrinkaas. Waa in laga hadlaa dibu dhaca dalka hadday noqon lahayd xagga Amniga, Dhaqaalaha, iyo SIyaasaddaba, si daah furnaan ah oo looga doodaa arrinkaan masiiriga ah waxay keenaysaa in dalkeennu cagihiisa ku istaago, sidaa darteed xisbigan wuxuu horseedi doonaa isbeddel dalka ka dhaca ayuu yiri guddoomiyaha.
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa waxa uu si rasmi ah u furay 12kii km ee ugu horeeyey oo ahayd wado ganacsi iyo mid gaadiidka waaweyn ay maraan, wadadaas oo loogu talo galay dhulka aan lahayn badda ee Itoobiya ku xidhaysa dakadda Somaliland ee Berbera oo saaran Gacanka Cadmeed ( Gulf of Aden ). Wado weyn oo isku xidhaysa Addis Ababa iyo Berbera ayaa waxa maalgalisay wadanka Imaaraadka (UAE) iyo Sanduuqa Horumarinta ee Abudhabi ( Abudhabi Fund for Development ),iyada oo ay taas ay dheertahay $442million oo lagu balaadhinaayo dakadda Berbera,iyada oo ay maalgalinteeda wado shirkad kale, ( DP World ). Wadadaas weyn ayaa ka dhigaysa Berbera xarunta ganacsiga gobolka.Hal darajo oo kaliya ayaa Somaliland waxa suuragal u noqotay in ay gasho ganacsi qaali ah,iyada oo soo jiidatay alaabta la soo dajiyo iyo alaabta la dhoofiyo oo ka badan intii hore,alaabahaas oo loo dhoofinaayo lagana soo dhoofsanayo wadan dariskeeda ah oo ka qanisan kana weyn Somaliland. Laakiin wadada weyn ee Berbera, ayaa waxa ay si cad u leedahay istiraatiijiyo leh ujeedo kale oo salka u dhigaysa xaqiiq siyaasadeed oo muhiim ah,xaqiiqdaas oo taala dhulka. Xaqiiqdaas oo ah mid ka dhigaysa Berbera qayb muhiim ka ah isku xidhka dhaqaalaha Itoobiya,iyo sidoo kale dhaqaalaha Somaliland. Go’aanka ah in Berbera ay lama huraan u tahay Itoobiya ayaa ah wareegto lagu aqoonsanayo Somaliland.Dabcan baarlamaanka Itoobiya war farxad leh uma wado Somalia,siyaasadda oo dhanna lama shaacin karo,laakiin aqoonsiga Somaliland ayaa dabcan ah hadda mid dadban oo aan toos ahayn. ( Dakadda Berbera waxay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Itoobiya ee marin u helka bad ) ( The Berbera port is important to Ethiopia’s strategic imperative of access to the sea ) Somaliland oo gaadha ictiraaf noocan ah,ayaa waxa ay ahayd mid ay Somaliland waligeed raadinaysay,ilaa hadana ma jirto guul muuqata.Ilaa hadda Itoobiya ama wadan kale Somaliland uma ay aqoonsana si cadaan ah, madaxbanaanida Somaliland,laakiin arintaas ayaa waxa badalaya laba waxyaabood oo kala ah: 1) Dakadda Berbera muhiimada ay u leedahay Itoobiya oo baarlamaanka Itoobiya uu ka hadlay biloowgii June,2020. 2) Xadka ay Somaliland la leedahay Ethiopia oo ay qiimo usii yeeshay wadada ( Berbera Corridor ). NOTE: Qaybta ugu dambaysa warbixintan waxa aan soo daabacayaa June 6,2020 .Luqadda uu ku soo baxay oo ah ( English ) ayaa aanan soo daabacayn,ilaa ay muhiim u arkaan akhristayaasha inaan soo raaciyo,sababta ayaa ah in dad badan aanay akhriyi karin Ingariiska,ana markaas aan galinayo wakhti dheeraad ah. NOTE: Hadii aad doonayso inaan soo qoro qaybta labaad ee warbaxintan waa inaad usii gudbisaa qaybtan dadka aanay gaadhin. Waxa qoray:Peter Fabricius Source: Daily Maverick Waxa Turjumay : Ahmed Adam Source
  18. Somalia’s already fragile health systems have been tested to their limits since the country confirmed its first COVID-19 case on 16 March 2020. As of 3 June 2020, the Ministry of Health of the Federal Government states that the country has 2,146 confirmed cases. In total, 406 people have been known to recover and 79 people have lost their lives to COVID-19. The virus has managed to spread rapidly, particularly in Mogadishu, one of the most populated cities in the country. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Jabuuti)-Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti. Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xooggan, isagoo ku ammaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee waddankaasi. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jidh-dilay, kadibna lagu xidhay musqul ama suuli. Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo xariga duuliyaha. Source
  20. A “perfect storm” of ravenous locusts, flooding, and the Covid-19 pandemic threatens to create huge food shortages. Source: Hiiraan Online
  21. Maxamed Kaahin Iyo Xasan Gaafaadhi Oo Ka Jawaabay Su’aasha Ah (Maxaa Hoos U Dhigaya Horumarka Gobollada Bariga Somaliland??) Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay Munaasibad lagu soo dhaweeyay Jabhad la baxday ‘Xaq-doon’, kuwaasi oo dhawaan sheegay inay ka goosanayaan Somaliland, balse arrinkoodii waan-waan lagu soo afjaray. Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda lagu shaaciyey in la soo afjaray Jabhaddii la baxday ‘Xaq-doon’ ayaa si isku mid ah u sheegay in dhibaatada Horumar la’aaneed ee ka jirta Gobollada barigu tahay mid ka dhalatay amniga deegaannadaasi oo aan la isku hallayn karin, maaddaama oo had iyo jeer Dawladdu ku mashquulsan tahay walaalaynta Beelaha dagaalama, taasna uu kharash ka badan kii Horumarka deegaannadaa lagaga shaqayn lahaa uu Dawladda kaga baxo. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nabaddaa ka kow ah Horumarka, haddii Cidi aamini waydo meeshii aad ku noolayd, haddii Qofku uu lafahiisa uga baqo oo ugu yaraan uu is yidhaahdo Xabad Seeraaro ah baa kugu dhici doonta, horumar ma imanayo, ta labaadna Horumarka inteenii waynu qabnaa, waxaynu siisanay Xabad, Shidaal, Ciidan la soo kiciyo oo la kala dhex galo reero is-laynaya, haddaynu dhigi wayno Qoriga oo aynu maalin walba iskula yaacno, intaynu xaqa u lahayn Horumarka ee Xarumaha Caafimaadka lagu dhisi lahaa (MCH), Iskuullada iyo Saldhigyada lagu dhisi lahaa in ka badan baynu ka qabnaa Dawladda.” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay haddii arrinkii Jabhaddu dhamaaday isla-markaana ay hadda nabadgalyo tahay “Arrintu waxay ku urursan tahay waa Nabadgalyo, haddaan Nabadgalyo jirin Bani-aadamku silic ayuu ku nool yahay, Somaliland waxay u kala horumarsan tahay sida Nabadgalyadeedu u kala taabbo Gashan tahay, Iskuulladeeda iyo Jaamacadaheedu waxay u kala wanaagsan yihiin sida Nabadgalyadu u kala horumarsan tahay, Mucaawimadu waxay u kala tagaysaa siday u kala horumarsan tahay, markaa shayga keliya ee Aadamaha Noloshiisu ku jirtaa waa Nabadgalyo, haddaydaan Nabadgalyada nagala shaqaynayn halkaanu horumarka marinaynaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha guduhu. Source
  22. Ilhan Omar, the left-leaning freshman congresswoman from Minnesota, represents Minneapolis and its suburbs, where the wave of protest against police violence and brutality — the systemic killing of African-Americans by American police — first bloomed in the wake of the hideous murder of George Floyd by Minneapolis police officer Derek Chauvin. New York spoke to Omar, who came to the United States from Somalia as a young teen in 1995, about her city’s history of inequality and of civil unrest, and about the direction she and her colleagues want to lead the Democratic Party in the fight against structural racism and injustice. Source: Hiiraan Online
  23. Soomaaliland ayaa maanta oo sabti ah 06-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 5 bukaan, halka 48-dii saac ee la soo dhaafay ay xanuunka u geeriyoodeen labo ruux Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 62 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 413 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com