Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimaadda maamulka Galmudug, iyadoo halkaas si weyb halkaas lagu soo dhoweeyey. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diraayadaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana uu ka qeyb gelidoonaa shirka maamul goboleedyada. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu ku biirayaa madaxda Koorfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo horay u soo gaaray Dhuusamareeb, waxaana la sugayaa madaxweynaha Jubbaland Madoobe oo ku wajaan magaalada Dhuusamareeb, Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay marti gelinaysaa shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inuu ka furmo magaalada saacada soo aadan waxaana shirka looga hadli doonaa arrimo badan oo xaaladaha dalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa si diiran ayaa loogusoo dhaweeyey Dhuusamareeb , Madaxweyne Qoorqoor ayaa soo dhaweyey. The post DaawoMadaxweyne Deni oo Soo degay appeared first on . Source
  3. Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah dil wadareed ka dhacay Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho dhacdadaas waxa ku nafwaayay lix qof oo isku qoys ahaa sida ay sheegeen dadka degaanka. Dhacddan ayaa waxaa geestay qof hubeysan, waxaana uu weerar xaafad ay daganaayeen reer uu gabar ka qabay sida lagu helayo wararka soo baxayo deegaanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Faafhin Ka Soo Baxaysa Source: goobjoog.com
  4. Officials in Nigeria say domestic flights are now available for the first time since restrictions aimed at preventing the spread of the coronavirus began. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxwweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa haatan gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa oo Diyaarad ka qaadday Magaalada Gaalkacyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Sare ee Galmudug, oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoor Qoor, ku xigeenkiisa, Guddoonka Baarlamanka iyo dadweyne kala duwan. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Shalay iyo Maanta gaaray Dhuusamareeb, waxaana saacadaha soo socda la sugaya Madaxweynaha Jubaland oo isna Kismaayo ka imaanaya, kadibna Shirka ayaa furmaya sida Qorshaysan. Shirka, waxaa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka iyo sidoo kale Qodoba kale oo ay kamid yihiin Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago caasimada Somaliland ee Hargeysa, sida ay ogaatay Caasimada Online. Safarka danjiraha ee Somaliland ayaa daba socda xiriirka iyo heshiiska cusub ee kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo dowladda Shiinuhu ay si weyn uga carootay. Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Amb. Qin Jian ayaa kulamo la yeelan doona madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xiriirka Taiwan. Qin Jian ayaa si rasmi ah Somaliland u gaarsiin doona diidmadooda ku aadan in xiriir diblumaasiyadeed lala sameeyo Taiwan, oo iyadu sheegata inay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada Shiinaha. Safarka Jian ee Hargeysa ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Beijing ku wiiqeyso iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, oo iyadu laftigeedu ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku dooda madax-banaani aan taageero ka haysan beesha caalamka. Somaliland iyo Taiwan ayaa iyagu dhawaan si wada-jir ah u sheegay in diidmada Shiinaha aysan waxba ka badali doonin iskaashigooda, walow aan si rasmi ah loo ogeyn halka uu ku dambeyn doono xiriirkaasi cusub.
  7. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedaraalka ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortaga Covid 19 gaarsiisay Gobalka Mudug, kaas oo qeyb ka ah olalaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka Covid-19 ee ay wado dowlada fadaraalka Soomaaliya Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka fadaraalka Duqa degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo guddoomiyaha gobalka Mudug ayaa iyaguna ka mahad celiyay iyagoona xusay in agabkaan uu kusoo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka Covid 19 uu ka jiro Gobalka Mudug Ugu dambeyn guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug Maymuun Cali Nuur iyo gudoomiyaha ururada bulshada rayidkaa Baashi Xasan Erag ayaa ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka e ku aadan ka hortaga cudurka faafa ee Covid-19 View the full article
  8. Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay burburiyeen xarun shirkad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Kenya,taas oo ku taalla aagga deegaanka Korakora oo ka tirsan magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xaruntaas, islamarkaana dagaal kooban uu dhex-maray ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay xarunta la burburiyay. Ma jiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay dagaalka dhex-maray ciidamada Booliska Kenya & Al-Shabaab, waxaana dhacdadan ay timid, kadib markii laamaha ammaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim ah oo ku yaala xuduudka Kenya iyo Soomaaliya. Taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari Keny,a Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howl-gallada ka socda aagga uu weerarka ka dhacay, si wax looga qabto khatarta amni darro ee ka jirta deegaankaasi. Toddobaadkii hore Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero Boolis oo ku taal deegaanka Fafi, ee magaalada Gaarisa,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare sababay. View the full article
  9. Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo hay’adda Urur-KAAB oo uu taageerayo Midowga Yurub, ayaa wacyi-geli ku saabsan Xanuunka COVID-19 ka bilaabay Magaalada Garoowe iyo Xeryaha Barakacayaasha ee ku xeeran. Wacyi-gelinta ayaa la xiriirtay siyaabaha looga hortago Xanuunka COVID-19, Calaamadaha lagu garto iyo haddii qof isku arko in uu la xiriiro xarumaha La-tacaalidda Xanuunka Coronavirus-ka ee Wasaaradda Caafimaadka. Cudurka COVID-19 oo dad badani Dunida ugu dhinteen, wuxuu leeyahay Wacyi-gelin iyo ka hortag, balse wax daawayn ah ma leh. Waxaa aad la isula qiray sida ay u nool yihiin Dadka Barakacayaasha, Biya yaraanta haysata iyo sid ay tahay in ay u raacaan Talooyinka ay bixinayaan Dhaqaatiirta Caafimaadka ee ku saabsan ka hortaga Cudurka Coronavirus. Geba-gabadii, Dhammaan Dadweynaha ayaa ka mahadceliyay Wacyi-gelinta loo sameeyay, si ay uga gaashaantan Xanuunkaas Coronavirus-ka. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Wacyi-gelin ku saabsan Xanuunka COVID-19 oo laga sameeyay Garoowe iyo Xeryaha Barakacayaasha ee ku xeeran appeared first on Puntland Post.
  10. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nin hubeysan oo la sheegay inuu soo xirtay dharka dumarka uu xalay ku qaaday qoys ay Tacsi u tiilay oo uu maalin ka hor ka dilay gabar kale. Falkan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 5 qof oo isugu jira caruur, dumar iyo Aabihii qoyska, halka afar kale ay ku dhaawacmeen rasaasta uu furay ninkaasi. Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada deegaanka Garasbaaley, Muxudiin Axmed Yuusuf ayaa tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay qoraygii lagu geystay falkaasi, islamarkaana ay haatan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku raad-joogaan ninkii ka dambeeyey dilka dadkaasi shacabka oo goobta isaga baxsaday. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkan lagu laayey dadkaasi isku qoyska ahaa, balse waxaa weli socda baaritaano dheeraad ah. Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa dariska la’ah qoyska la weeraray, iyadoona si aad ah looga hadal hayo Muqdisho. View the full article
  11. Degmada Diinsoor ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka iminka ka bilaawaday kor u qaadida ciyaaraha iyo is dhaxgalka bulshada waxaana tartamo kala duwan oo loo qabtay kooxaha ka dhisan diinsoor iska kaa kaashanaya dhallinyaro kala joogta gudaha iyo dalka dibaddiisa,sida uu Goobjoog Sports u sheegay xogahaya ciyaaraha degmada Diinsoor Maxamuud Maxamed. Sheekhey Xaaji Yaraay oo horay ugu soo dheelay degmada Diinsoor ayaa ganacstada iyo dadka ka soo jeeda degmada Diinsoor ugu baaqay in la maal geliyo dhallinyarada,lagana taageero dhinaca isboortiga iyo waxbarashada heerarka kala gedisan. Xoghayaha Ciyaaraha Degmada Diinsoor Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in tartamadii loo qabtay kooxaha ka dhisan Diinsoor,si weyn loogu dareemay dhamaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isagoo u mahad celiyay dadkii gacanta weyn ka geestay qabsoomida ciyaarahan . Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah dhallinyarada Diinsoor ayaa siiysiinta ka soo jeeda koonfur Galbeed ka codsay in dhallinyarada loo dhiso garoomo casri wuxuuna intaa ku daray in Diinsoor ay ka mid tahay degmooyinka sida weyn loogu qiimeeyo is dhaxgalka bulshada iyo horomarka ciyaaraha. Bahda isboortiga Koonfur Galbeed ayaa dhiiri geliyay howlaha socda,iyadoo mas’uuliyeenta ugu baaqayn in xoog iyo waqti la geliyo dhallinyarada, si degmada ay gaarto guulo waaweyn. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Ciyaaraha Degmada Diinsoor https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-dnsrop.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu maanta ka furmi doono shirka madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada. Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay wefdiga madaxweynaha Koofur Galbeed, mas’uuliyiin heer fedaraal iyo heer dowlad goboleedka ah oo uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay halkaas tagaan madaxweyniyaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo shalay galab gaaray halkaas. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-09072020.mp3 View the full article
  14. Maamulihii Mashruuca Berbera Corridor oo iscasilay+Bedelkiisa oo la magacaabay Waxaa iscasilay maamulihii mashruuca Berbera Corridor dhawaan madaxweyne Biixi u magacaabey Md Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi), kadib markii khilaaf soo kala dhex galay wasiirka Gadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan. Warkan oo ay qortay warbaahinta Somaliland Chronicle ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu iscasilada ka aqbalay masuulkan. Madaxweynaha ayaa bedelkiisa u magacaabey Ciise Yuusuf Maxamed ” Ciise Xamari ” Gudoomiyihii hore ee kominshanka doorashooyinka Somaliland. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka la filayo inuu galabta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug, ayaa arrin yaab leh banaanka keenay, kadib markii madaxda maamulada ka qeyb galaya shirkaasi ay kusii qul-qulayaan magaaladaasi. Shalay ilaa saaka waxa Dhuusamareeb lagu soo daabulayey ciidamo kala taabacsan maamulada halkaasi ku shiraya, iyada oo isla shalay laga soo qaaday magaaladaasi qaar ka mid ah ciidamada dowladda ee Haramacad. Dhuusamareeb ayaa isku badashay goob dhoolatus ciidan, iyada oo madaxda maamuladu ay ciidamo aan caadi aheyn ay kusoo daabuleen xaruntaasi oo uu ka furmayo shir u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada. Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ciidamo xoogan iska soo horeysiiyay ka hor inta aysan imaan magaalada Dhuusamareeb, midaasi oo soo if-bixineysa cabsi ku aadan sugnaanta amni ee shirkaasi. Arrinta yaabka leh ee shirka Dhuusamareeb uu banaanka keenay ayaa ah, heerka is aamin ee dowladda iyo maamulada dalka oo maraya heer aad u hooseeya, maadama ay madaxda maamuladu ka cabsi qabaan shirqool ka dhan ah. Is-aaminaad la’aanta ayaa sidoo kale ku koobneyn oo kaliya maamul goboleedyada hase yeeshee waxaa cabsida ugu badan laga qabaa dowladda federaalka. Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubbaland oo markii hore si adag uga hortimid dowladda federaalku doorashadiisa, inkasta oo ay si dad-ban u aqoonsatay markii dambe, ayaa isagu feejignaan dheeriya muujinaya, xili uu saaka ciidamo ilaaladiisa oo si weyn u hubeysan uu kasoo dejiyay Dhuusamareeb, ka hor imaanshihiisa. Dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo ayaa inta badan la rumeysan yahay inay mararka qaar awood ciidan u adeegsato siyaasiyiinta ka fikirka duwan, xili ay dhowaan deegaanada Galmudug si xoog ah uga saartay maamulkii Ahlu-sunna wal-jamaaca.
  16. Dhuusamareeb – Pi- 9 Luuliyo,2020– Xog ay heleen Howlwadeenada Puntlandi.com waxaa xalay burburay wada xaajood u socdey villa Soomaaliya iyo Qaban qaabiyayaadsha Shirka Madaxda Maamul [...] The post Breaking News- Maamul Goboleedyada oo diiday in Madaxweyne Farmaajo uu Video-Teleefoon ahaan uu ku furo Shirka appeared first on . Source
  17. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu maanta ka furmi doono shirka madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka. Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay wefdiga madaxweynaha Koofur Galbeed, mas’uuliyiin heer fedaraal iyo heer dowlad goboleedka ah oo uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay halkaas tagaan madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Waxaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo shalay galab gaaray halkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo ka kooban labadiisa Gole ayaa soo gaaray Dhuusamareeb . Sawirada naga filo goor dhow The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Dhuusamareeb appeared first on . Source
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowald goboleedka Galmudug, iyadoo halkaasi lagu soo dhoweeyey. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha Galamudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tiran maamulka, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka Dhuusamareeb. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku biirayaa wafdiga madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay ugu gaaray magaalada, waxaana la sugayaa sidoo kale madaxda maamullada Jubbalan iyo Puntland. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay marti gelinaysaa shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inuu furmo gelinka dambe ee maanta sida horay loo shaaciyey, waxaana looga hadli doonaa arrimaha guuddalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo haatan xafiiska jooga wax kayar 5 bilood ayaa qabanaya shir ay ka soo qeyb galayaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, iyada oo looga arrinsanayo geedi-u-socodka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh. Halkan Ka Daawo Qoorqoor Oo Qabanaya Shir Uu Ku Guuldareystay Farmaajo Labo Sano https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-qoor-qoor.mp4 Halkan Ka Aqriso Qoorqoor oo Qabanaya Shir Uu Ku Guuldareystay Farmaajo Labo Sano Qoorqoor oo Qabanaya Shir uu Ku Guuldareystay Farmaajo Labo Sano Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Sanaag)-Sareeye Guuto Muuse Jaamac oo ah Taliyaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag ayaa xadhigga ka jaray saldhig cusub oo ciidanka Somaliland Ay ka sameysteen deegaanka Baraagaha Qol ee gobalka Sanaag, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay oo kormeerayay xeryaha ciidanka Somaliland ee gobolka. Taliyaha ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaan la keeni doono ciidamo cusub oo xoojinaya kuwii hore u joogay isla markaana ayna jirin cid ay duulaan ku yihiin sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kalana waxa uu sheegay qorshahaan in uu qeyb ka yahay la socodka xaaladda amni ee gobolka Sanaag iyo adkaynta xudduudaha Somaliland sida uu sheegay. Source
  22. (SLT-Minneapolis)- 11 musharrax oo 7 ka mid ah ay Soomaali yihiin ayaa isku diyaarinya doorasho gaar ah oo ay ugu tartamayaan kursi golaha deeggaanka Minneapolis ka tirsan oo hore uu isaga casilay Cabdi Warsame oo imika hoggaamin doona hay’adda guryaha dadweynaha ee Minneapolis. Dadka degan Minneapolis qaarkood ayaa werwer ka muujiyay in musharrixiintan badan ee Soomaalidu ay keeni karto in kursigaasi laga dhex bixiyo oo uu gacanta Soomaalida ka baxo. Sababta loogu maleynayo in kursiga Soomaalida ay weyn karto ayaa ah ayada oo ay suurta-gal tahay in codadka dadka Soomaalida ee magaalada degan ay u kala qeybsamaan toddobada musharax, halkaasna qof kale oo aan Soomaali ahayn uu kursiga ka qaato. Source