Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65 Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 waa Somalilander. Bukaanadan 14 qof waa rag, 3 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 8 qof) (30jir ilaa 39jir = 4 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64). Source
  2. Daraasaddan uu soo saaray machadka Heritage ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya heerka caafimaadka dalka sida cudurrada, tayada goobaha iyo hawlwadeennada, nadaafadda iyo fayodhowrka, hooyada iyo dhallaanka iyo kaalinta dowladda ee arrimahaas la xiriira. Goobjoog News waxaa ay akhrisratayaasheeda la wadaageysaa qeybo ka mid ah daraasaddan uu soo akhriyey Cabdi Caziz Gurbiye. Ugu horreyn, waxaa daraasadda ku xusan in 2016 ay hey’adda Sara ogaatay in 1,074 oo ahaa qalabka caafimaad ee dalka yaaley ay ka shaqeeyaan uun 799. Waxaa kale oo warbixinta ku jirtay, isbitaallada gaarka ah ayaa daboola baahida caafimaad ee 80% dadka Soomaaliyeed halka isbitaallada guud aaney ka jirin meelo badan oo dalka ah. 2016: Waxaa jiray ilaa 3,289 goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay, 79% waa magaalooyinka halka 20% ay miyiga ku yaalaan. 2019-kii, sida ay sheegeen wasaaradda qorsheynta iyo bangiga adduunka, hey’adaha deeqaha bixiya waxaa ay lacag ahaan caafimaadka dowladda ku bixiyeen sanadihii 2017, 2018 iyo 2019-kii: $109.3 Milyan, $108.6 Milyan iyo $137 milyan. Hooyada iyo Dhallaanka: Mid ka mid a h 7-bada caruurta ah waxaa ay dhintaan inta aan 5 sano gaarin, waana dalka ugu badan ee bariga Mediterranean. Dhimashada hooyada: 2016 waxaa uu ratioga ahaa in 726 hooyo ay ka dhintaan 100,000 halka xilliga dhalmada ay khatar ugu jirto in 22 haween ah ee laga umuliyo ay mid dhimato. Nadaafadda iyo Fayodhowrka: Soomaaliya waxaa ugu badan oo dilaa ah keena la’aanta nadaafadda iyo fayodhowrka oo ah labada caafimaadka ku xiran yahay. 45% wax ka yar ayaa helo biyo la cabi karo halka hal-afartii qofba uu helo biyo nadiif ah, arrimahan oo qeyb weyn ka qaata cudurrada iyo geerida hooyada iyo dhallaanka. Cudurrada: Cudurrada ugu badan ee Soomaalida u dhintaan ma aha kuwa is qaadsiiyo ee waa qaar kale sida dhimirka(1.9) milyan, Sonkorta(537) kun, Cancer(42) kun, Cudurada ku dhaca beerka(2.7) iyo kuwa wadnaha(103) kun. Shaqaalaha iyo Goobaha: Sida ay sheegtay WHO 2014-kii, dadka xilligaas ka shaqeynayey guud ahaan caafimaadka waxaa lagu qiyaasay 9,566 qof, oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umulisooyin, 0.34 ayaa ku soo aadaya 1,000 qof, 2016-kii, WHO waxaa ay sheegtay in hal dhakhtar uu ku soo aadayo 20,000 oo buukaan Soomaali ah halka 4 kalkaaliso iyo hal umuliso ku soo aadayaan 20,000. Soomaaliya waxay u baahantahay in la shaqaaleeyo sanadka 2030-ka, ilaa 97,700 oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umuliso, 24,350 dhakhtar, 73,350 kalkaaliye iyo umuliso ah. Waxbrasho: Dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka ma helaan waxbarasho formal ah taasi oo khatar gelineysa nolosha dadka. Haweenku guud ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa 42% dhakhaatiirka Soomaaliya. Waxaa ay baahi xooggan ka jirtaa dhakhaatiirta leh takhasusaadka gaarka ah ee la xiriira taranka, dhimirka, dhallaanka. 2019_kii, waxaa ay jaamacadaha iyo xarumaha tababarka caafimaadka bixiyeen ilaa 63 koorso, mana laheyn qorshe, qalab waxbarasho iyo manhaj toona, oo ay intaas dheer yihiin macalimiin la’aan. Dowladda Federaalka h iyo Dowlad Goboleedyada: Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waxaa la ogaaday in aaney miisaaniyad meel u dhigin tababarka shaqaalaha caafimaadka. 2019: Maamullada ka duwan, waxaa hoos taga ilaa 661 goobo caafimaad, (305 Puntland, 29 Koonfur galbeed, 92 Galmudug, 93 Jubbaland, 81 Hirshabeelle iyo 61 oo Banaadir ah. Lama yaqaano shaqaalaha saxda ah ee caafimaadka ee dowladda, laakin warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka 2019kii, waxaa ay shaqaalaha ku sheegtay 6,918 qof, Hirshabelee iyo Koonfur Galbeed waa labada meel ee ugu badan ee ay ku yar yihiin shaqaalaha caafimaadka. Waxaa dowladda lagula taliyey iney xoogga saarto caafimaadka, lana kaashato deeq bixiyeyaasha, lana tababaro ugu yaraan 90,000 oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan 2020 / 2021-ka. Guuleed ayaa marka hore dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wada yhay, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho, islamarkaana aysan jiri doonin muddo kororsi. “Waa go’aan wanaagsan hadalka Madaxweynaha ee ah in dalka ay ka dhaceyso Doorasho oo aan jiri doonin muddo kororsi, balse waxaa mudan in la isweydiiyo oo laga baaraandego waqtiga la heysto iyo howsha la rabo in la sameeyo.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Ugu dambeyn wuxuuu ugu baaqay dowladdda federaalka ah ee Soomaaliya inay xoojiso diyaar-garowga, sidoo kalena ay diyaariyso dhammaan shuruudaha looga baahan yahay doorashooyinka soo socda oo isugu mida baarlamaanka iyo tan madaxweynaha. Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaanka sanadkan 2020-ka illaa sanadka xiga ee 2021-ka.
  4. Reports reaching us from Eyr-daye and Miira-jibaale villages in Hiraan region indicate that clashes between two clan militias erupted early Sunday morning. At least two people were killed and several others wounded after the clan militias engaged a fierce gunfight causing residents of the villages to flee from their homes because of the sound of the heavy weapons the two sides were using. Said a local resident. “The clash erupted after one of the clans launched an attack. There was a stiff battle between the two militias and 2 people from the warring sides died during the clashes while several others were injured,” Added the local resident. The fight is believed to have been flared up over a pastoral land as the country is suffering from severe flash floods that affected thousands of people in parts of Hiraan and Middle Shabelle regions. Local residents said there is a lot of tension in the area, adding that there could be more retaliatory clashes in the nearby villages as battle preparation of both sides is underway. There is still no effort from the traditional elders and peace advocates from the region to ease the tension and enmities between the two clans in the areas. Arguments over land use, boreholes and pasture have perennially contributed to fighting among Somali clans who are largely pastorals.
  5. Mudaharaadku saaka ka dhacay Muqdisho oo lagu taageeraya Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogaadey in Calamada iyo Boorarka loogu soo sameeyey Villa Soomaaliya oo ah Madaxtooyada [...] The post Mudahaarkii Saaka ka dhacay Muqdisho oo la ogaadey in Villa Soomaaliya lagasoo abaabulay appeared first on . Source
  6. Khudbaddii Sabtida uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furintaanka kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay xambaarsaneyd farriimo fara badan oo ay ugu hurreyso doorasho qof iyo cod ah oo inta badan khudbaddu ay ku saleysneyd, iyadoo aan ognahay in doorasho qof iyo cod ah aaney xilli dhow dalkani diyaar u ahayn isla markaana aaney suurtaggal ahayn. Iyadoo weliba aan ognahay in Covid-19 aan lagu dhawaaqin in laga adkaaday oo gabi ahaanba uu dalka ka maran yahay. Hadaba, markii aan khudbadda dhageystay oo aan dhuuxay waxaa iiga soo baxay Shan qodob oo aan is leeyahay cid kasta oo fahmeysa biyaha dhaca khudabadda madaxweynaha iney fahmayaan saameynta taban ee ka dhalan karta khudbadda. Doorasho aan suurtaggal ahayn oo dalka lagu khasbayo Madaxweynaha waxa uu sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka hirgelinayaan muddo 50-sano ah kadib. Laakiin waxaa is weydiin leh siday ku suurtaggaleysa iyadoo caqabadahan faraha badani ay taagan yihiin, waqtiguna uu aad u kooban yahay. Waxaa lagama maarmaan ah in guddiga doorashooyinka la ballaariyo oo shaqaale farabadan loo qaro. Wacyigelintii shacabka oo waqtigeeda iyo fahamsiinteeda u baahan oo ay xilligan ahayd iney gaba gabo marayso, ololihii xisbiyada oo xilligan gobollada dalka oo dhan ka bilowda. Xisbigii xukuumadda oo aan weli dhisneyn, iyadoo bilo yar un ay doorashada ka harsan yihiin. In la yiraahdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo qof iyo cod ah wey fududahay; laakiin fulinteedu waxay u baahan tahay 4 sano oo hadda kadib ah. Halkii uu xaalku joogay 4 sano ka hor ayey weli mareyso marka laga reebo sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay. Si kasta iyo dhan walba oo aad ka eegto suurtaggal maaha in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka xilligan aan joogno. Xasillooni darro siyaasadeed Madaxweynaha khudbadiisa waxa uu ku faanay in dalka xasillooni siyaasadeed uu u horseeday, isagoo soo hadal qaaday in isaga iyo Ra’iisul-wasaarah isla dhammeysteen, baarlamaankii mooshinnadii tirada badneyd laga yareeyay. Laakiin sida hadda muuqata madaxweynuhu waxa uu ka shaqeynayaa xasilloonni darro siyaasadeed, marna ma aanuu soo hadal qaadin “Saamileyda Siyaasadda” oo muhiim u ah geedi socodka nabadda dalkan. Madaxweynuhu waxa uu illowsan yahay in marka uu waqtigiisu dhammaado bilo kadib, doorasho cod iyo qof ahna ay dalka ka dalka ka suurtageli weydoin isaga iyo baarlamaankuba ay sharcidarro soo dhex istaagayaan, sidaa darted; ma fursaneyso inuu la tashado Saamileyda Siyaasadeed. Haddii kale waxaa loo diyaar garoobayaa xasilloonni darro siyaasadeed maadama la isla wada og yahay in aan madaxweynaha loo ogolaan doonin inuu maalin ku darsado muda xileedkiisa oo ah shayga kaliya ee uu xasaannada ku leeyahay, madaxweynana uu ku yahay. Madaxweynah iyo Ra’iisul-wasaarihiisa oo ku kala duwan doorashada 29 May, 2020, ayaa Ra’iisul-wasaare Kheyrre, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin, waxa uu farta ku fiiqay inaanuu waxba ka qabin in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddaan, doorasho kasta oo lagu heshiiyo dalkan ay ka qabsoonto, laakiin aan waqtigeeda dhaafin. Hadal u muuqday mid maangal ah oo wax garadka siyaasddu ay aadu u soo dhaweeyeen. Laakiin waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo habkaa si ka duwan uu wax u arko oo uu ku dhaggan yahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka xilligan sinaba aan uga suurtaggaleyn. Madaxweynuhu tashi ma rabo go’aankiisa mooyaane Madaxweynuhu waxa uu soo qaatay heshiisyo hore oo wadar ogol lagu ahaa oo ku saabsanaa in dalkan doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoonto oo shirkii Baybadho uu ku jiray. Laakiin madaxweynuhu ma aanuu tilmaamin in xilligaa ay dalka ka suurtaggal ahayd doorasho qof iyo cod ah, shirkaasi waxa uu ku beegnaa May 14, 2018. Laakiin xilligan haddii la isku yimaado taladu tii hore way ka duwanan lahayd. Laakiin sida muuqata madaxweynuhu diyaar uma aha inuu cidna la tashado, doorasho nooca uu rabo iyo riyadiisa ah mooyaane. Madaxaweynah waxaa niyaddiisa ku jirta muddo kororsi aan dhanna loo dhaafeyn. Haddii sida uu rabo ay u meel marto oo ay noqoto in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ugu yaraan waxaa loo baahan doonaa 2 sano oo kordhin ah, marka la eego howlaha ay dooraashadaasi u baahan tahay oo baaxadeeda leh. Waxaa dhici doonta iney baarlamaanku fariistaan oo ay naftooda iyo tan madaxweynahaba ay u sameeyay muddo kordhin ay duruuf lagu marmarsiyoodo. Hal qodob oo uu ka baqayo madaxweynaha oo welwel ku haya. Madaxweynah khudabaddiisii waxa uu kusoo qaatay in dhalinyarada uu ku booranayo inaaney noqon xaabadii dabka lagu shidanayay ee ‘Ma liibaanayaasha lagu liibaaney’ ay u baxday, waxa uu ka (cabsanayaa) in mudaharaadkii lagu soo dhaweeyay mid la mid ah lagu sagootiyo. Waa caqabadda kaliya ee uu u arko iney hor istaagi karto damaciisa ah muddo kororsiga. Si kastaba, waxaa laga maarmaan ah in madaxweynaha uu kusoo laabto dowga saxda ah ee maangalka ah dalkanna aanuu u horseedin xasilloonni darro siyaasadeed oo aan la mahdin doonin ciribteeda. Madaxweynaha kaligii dalkan uma caqli badna, waa inuu dhageysto talada aqoon yahaynka iyo siyaasiyiin. Waa inuu tixgleiyo talooyinka hey’adaha caalamiga ah ee uu ka mid yahay ururka ka hortagga xasaradaha oo sheegay in dalka aaney ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah loona baahan yahay in habkii 2016 dib loogu noqdo; Sida dalkan looga badbaadiyo dhibaato hor leh inuu lugta la galo. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay doorashooyinka dalka ku soo wajahan ayaa waxa uu dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wadayhay islamarkaana waxa uu ku baaqay in arrinkaasi la xaqiijiyo. Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa dowladda Farmaajo waxa uu ka dalbaday inay diyaariyaan dhammaan shuruudaha looga baahanyahay doorashooyinka isaga oo intaas raaciyay inay muhiim tahay inay xasilooni siyaasadeed wada gaaraan dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda dhexe iyo xisbiyada. Dhanka kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in hadalkii Farmaajo shalay uu ka jeediyay furritanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaliya ee ku aaddanaa doorashooyinka qaranka uu noqdo mid laga dhabeeyo islamarkaana abuura niyad wanaag. Cabdikariin Guuleed oo sameystay xisbi siyaasadeed ayaa doonaya inaysan madaxda dalka sameysan wax muddo kororsi ah oo dowladda hadda jirto looga cabsi qabao inay waqti ku darsato muddo xilheynteeda, xisbiyada dalka ka jira ayaana ka dhursugaya tallaabada ay qaadi doonaan dowladda Farmaajo oo wax ka yar 8 bilood ay u harsanyihiin. Guddiga doorashooyinka ayaan wali shaaca ka qaadin nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonta iyada oo guddigaanna ay baarlamaanka dalka hor imaan doonaan 27-ka bishan waxaana lawada sugayaa waxa ay markaasi sheegi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho ( Caasimada Online ) – Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir. Banaan-baxa oo ah mid ballaaran ayaa waxaa soo abaabulay oo tan iyo xalay ku howlanaa xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo Xooggaga Wadaniyiinta. Dibad-baxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon, isgoysyada Sanca iyo KM4. Dadka dhigaya dibad-baxa oo laga soo aruuriyey dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha. Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa ah kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay Farmaajo ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa saaka la xiray jidad muhiim ah oo ay ka mid tahay wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoona la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah, si ay u xaqiijiyaan amniga. Si kastaba ha’ahaatee arrimahaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horey loo go’aamiyey in gobolka Banaadir uu 7 xubnood ku yeesho Aqalka Sare oo lagu qeybsinayo nidaamka 4.5, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta waxgaradka magaalada Muqdisho.
  9. Minneapolis-St. Paul is burning with rage while demonstrations continue around the nation. Politicians and television commentators pontificate about what should be done as people of all races, genders and faiths in the Twin Cities, Washington, Philadelphia, Atlanta, Dallas, New York, LA and other cities take to the streets to express their outrage. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo xalay xilli dambe warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay isku day la doonayay in isaga lagu dilo waxa uuna sheegay inay haatan gacanta ku hayaan qaar ka mid ah shabakad isku xirnayd oo dilalka qorsheysan ka fulin jirtay gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay qabteen miino nuuca dhejiska ah oo la damacsanaa in gaariggiisa loogu xiro sidaasina uu khasaare kala duwan uga dhasho waxaana wasiirka amniga Galmudug uu intaa raaciyay in arrinkan uu ku suura galay kagadaal markii maalmihii la soo dhaafay ciidanka DANAB ay gobalka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo ay ka wadeen howlgallo Qorsheysan. “Waxaan qabanay Miino kuwa baabuurta lagu dhejiyo oo hadafkeedu ahaa aniga oo ah wasiirka amniga Galmudug baabuurka la iigu dhejiyo ka dibna halkaas uu khasaare ka dhasho, miinnadaas markan qabanay waxaan daba galnay dhammaan kooxihii ka dambeeyay waxaana ku guuleysannay mid ka mid ah kooxihii miinnada soo geliyay oo halkan wakiil uga ahaa oo bulshada ganacsade ay u taqaannay” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug. Dhanka kale wasiir Fiqi ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dileen sarkaal sare oo Al shabaab u qaabilsanaa dialka gobalka Mudug waxaana sarkaalkaasi uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan Faarax oo uu tilmaamay in isaga iyo rag kale oo la shaqeynayay ay ka dambeeyeen dilal loo geeystay masuuliyin ka tirsan Galmudug iyo Puntland. Ugu dambeyn wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug u diray farriin la xiriirta amniga isaga oo ugu baaqay inaysan garab siin kooxaha ka soo horjeeda nabadgelyada gobalka. Wasiir Fiqi ayaa inta yar ee uu xilka hayo waxa uu sameeyay isbadal muuqda oo dhinaca amaanka ah isaga oo ku guuleystay inuu la wareego ciidamo u abaabulnaa qaab maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo uu sheegay in la qarameyn doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Beledweyne (Caasimada Online ) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dagaal beeleed dib uga qarxay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Ceyr-daye iyo Miira-jibaale oo ah laba deegaan oo isku dhaw, kuna yaalla xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Galgduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriraya oo xoolo dhaqato ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalkaasi Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac laga dareemayo halkaasi. Hiiraan ayaa waxaa marar badan ku soo laa-laabtay dagaal beeleedyo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.
  12. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Bakool ee ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerar culus ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Aba loo qiyaastii 18km u jira magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool halkaasna ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa daabacday in dagaalkaas Ciidamada Itoobiya looga dilay ugu yaraan 15 askari oo uu kamid yahay sarkaal derejadiisu tahay saddex xiddigle inkastoo aysan xusin magaca sarkaalkaasi. Al-shabaab waxay sidoo kale tilmaameen in ay waxyeello soo gaarsiiyeen gaadiidka dagaalka ciidamada Itoobiya kuwaas oo u soo gurmaday ciidankii weerarka la kulmay. Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii shalay sheegay in ay weerar qaraxyo ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya islamarkaana askar kaga laayeen. Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya labada jeer midna kama jawaabin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta in ay Khasaare gaarsiiyeen dhanka Ciidamada Itoobiya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo mar kale sheegtay in ay askar badan ka dileen ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  13. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka hadlayay sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyokiiska dacwadda ah ee wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa waxaa marka hore soo dhoweeyay sii deynta Wariye Coldoon isaga oo dhinaca kale hey’adaha garsoorka dalka ka dalbaday inay dib u eegis ku sameeyaan dacwadda loo heysto agaasime ku xigeenka waraahinta Goobjoog Media Group. “Waxaan si farxad leh u soo dhoweynayaa sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaan sidoo kale rajeynayaa in hey’adaha garsoorka dib u eegaan dacwadda loo heysto wariye Cabdicasiis Gurbiye oo Goobjoog ka tirsan” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya. Wariye Gurbiye ayaa ku eedeysan dacwad la xiriirta sumcad dilka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, nafjecleysigiisa iyo kicin dadweyne, waxaana wariyaha kiiskiisa ka hadlay hey’ado dhowr ah. Hey’adaha caalamiga ah ee u dooda xorriyatul qawlka sida Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa waxa ay xariggii loo geystay Wariye Gurbiye ku tilmaameen mid ka hor imaanaya xorriyadda hadalka waxaana sidoo kale xusid mudan in baarlamaanka midowga Yurub uu dowladda Farmaajo ka dalbaday inay laalaan dacwadda ka dhanka ah wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Dhinacooda urrurada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa siyaabooyin isku mid ah horey ugu cambaareeyay dacwadda ka dhanka ah wariye Gurbiye iyaga oo dowladda federaalka ah ku eedeeyay inay caburrin ku heyso warbaahinta madaxa bannaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo xalay warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey howlgallo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga sameeyey koonfurta magaaladaasi. Fiqi ayaa sheegay in howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan lagu soo qabtay qarax miino oo uu tilmaamay in la doonayey in isaga loogu dhajiyo gaariga, si loogu khaarijiyo. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka oo xog ka helay qaraxaasi ay ka hortageen, islamarkaana ay fashiliyeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkaasi uu fulin rabay nin ganacsade ah oo Al-Shabaab xiriir la-lahaa, kaas oo uu magaciisa ku sheegay, Aweys Macalin Maxamed Xasan oo la shaqeynayey nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Faarax oo ku magac dheeraa (Xuseen), kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wasiirka amniga Galmudug oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in Aweys gacanta lagu dhigay, kadibna ay ka xog wareysteen waxyaabo la xiriira isku dayga dilka ah, halka uu xusay in Maxamed uu la diriray Danab, kuna toogteen shalay Gaalkacyo. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalo ballaaran ay ka socdaan koonfurta Gaalkacyo iyo guu ahaan Galmudug, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii loo burburin lahaa shabakado ku howlan falal amniga iyo dilal ka dhan ah mas’uuliyiinta maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-Fiqi.mp3
  15. Attempts by the president of Somalia’s autonomous region of Puntland Said Abdullahi Deni to seek financial support from African Development Bank Group to make ends meet failed after the bank said it has exhausted all earmarked resources in the special relief fund and instead asked to seek financial assistance from the federal government. READ THE FULL PRESS RELEASE BELOW:
  16. Waxaa saakay xiran qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii isgoysyada muhiimka u ah isku socodka dadweynaha la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo diidaya in gaawirada ay waddooyinka qaar isticmaalaan. Waddooyinka saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah waddada dheer ee makka Al Mukarrama iyo qeybo ka mid ah isgoyska Sanca, waxaana shacabka Muqdisho aya saakay maalayaan cagahooda. Lama oga sababta ka dambeysa xirnaanshiyaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Shacabka ayaa horey dhib ugu qabay waddooyinka ay dowladdu ka xiratay kuwaas oo muhiim u ahaa isku socodka dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan booliska dambi baarista ee ka tirsan CID ayaa soo xiray maamulaha xarunta caafimaad ee ku taalla degaanka Golaley ee lagala baxay 8 dhaqaatiir ah kadibna la dilay. Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay qof kale oo ka tirsan shaqaale hoosaadka xarunta caafimaad waxaana loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen dad xog ogaal ah. Agaasimaha xarunta iyo qofkaan kale ee la soo qabtay ayaa la sheegay in saacad wax ka yar ay ka maqnaayeen xarunta markii lala baxayay dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa la sheegay iney joogeen beer ku taalla halka lagu dilay sideeda qof ah ee dhalinyarada ah. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa noo sheegay in xog aan is laheyn uu ku hadlay maamulaha Isbitaalka. Sidoo kale waxaa xog ku helnay in dilka ay fuliyeen 5 nin oo ku hubeesnaa AK47, kuwaas oo min hal xabad madaxa uga dhuftay dadka la dilay. Wararka aan ka helnay guddiga baarista ayaa sidoo kale sheegaya in goobta dhaqaatiirta lagu dilay ay tahay goob aysan tagi karin ciidanka dowladda. “Shan askari iska daaye xataa 5 Cabdi bile ma tagi karto aagga dadkaan lagu dilay, sidoo kale dad qaba tababar casri ah ayaa dilay oo min hal xabad madaxa uga dhuftay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guddiga baarista wada. Dhinaca kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa ku biiray guddiga ku howlan baarista kiiskaan waxa uuna tagay degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe. Kiiskii foosha xumaa ee lagu laayay dhaqaatiirta ayaa u muuqda inuu yeeshay weji kale. Sidoo kale cabsi weyn ayaa laga qabaa iney ku lug yeeshaan qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan.
  18. After the fall of the Ottoman Empire, Turkey lost its interest in Africa where it ruled the north of the continent for years. But since Turkey was granted observer status in the African Union (AU) in 2005, as “the year of Africa” in its foreign policy, it has broken cover with its traditionally cautious and inward-looking approach, and has since tripled its trade links to Africa. Turkey’s shift from its focus on its Western partners and its deployment of subtle, but also soft power, approach to Africa has been instrumental in winning local support for its involvement in trade and other critical investment projects in the continent. Source: Hiiraan Online
  19. Greek Defence Minister Nikos Panagiotopoulos has confirmed that his country is ready for all eventualities, including military confrontation with Turkey if it continued to provoke Athens, news agencies reported on Friday. Source: Hiiraan Online
  20. Thomas Lane is one of the four former Minneapolis police officers that have been charged with aiding and abetting second-degree manslaughter for George Floyd’s death, which occurred in police custody. Source: Hiiraan Online
  21. Egypt’s president Saturday announced a unilateral initiative to end the civil war in neighboring Libya, a plan that was accepted by Khalifa Hifter, commander of the eastern forces that have suffered heavy losses in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu si farxadleh u soo dhowaynayo sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Sidoo kale wuxuu hay’adaha Garsoorka dalka ka rajeeyay in ay dib u eegaan dacwadda loo haysto weriye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog islamarkaana lagu haystay qoraal uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaa habboon in si taxadar leh loo wajaho kiisaska la xiriira wariyeyaasha, la xisaabtankoodana aan marnaba loo adeegsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Cabdinuur. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xorriyadda Saxaafaddu ay kamid tahay Tilmaamaha wanaagsan ee uu yaalan karo dal soo kabanaya oo leh nidaam ku dhisan Dimuqoraaddiyad. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaan ka mid aheyd xildhibaanadii shalay mudada kooban carqaladeeyay hadal jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal, ayaa ka hadashay waxa ay ka caroodeen. Xildhibaanka ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu khudbadiisa ku bilaabay si aysan ka filaneyn, isla markaana aysan mas’uuliyadi ka muuqan. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee maanta u hadlayey sidii ciyaal khudbado uu isku toos-toosistay oo siduu rabo u hadlay, waxaa ka hor-yimid xildhibaanno aan ka mid ahay khudbaddiisii qaabta darneyd,wuxuu nooga baxay faan” ayey tiri Xildhibaan Aamina. Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in madaxweynuhu uusanba soo hadal qaadin dhacdadii xanuunka badneyd ee maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gololey, taas oo lagu dilay sideed dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo dhakhaatiir ahaa, iyo dhacdooyin kale oo ay ka sugayeen. “Waxuusan ka hadlin dhacdadii ugu dambeysay ee sideedii wiil ee dhakhaatiirta ahaa ee lagu dilay Gololey, waxa uu yiri seddaxdii bilood ee u dambeysay labaatan iyo dhowr fal dembiyeed ayaa ka dhacday dalka, waana amni, kama uusan hadlin diyaaraddii lagu soo riday Bardaale, waxaa ku geeriyootay lix qofood, markii laga reebo laba nin oo Kenyaati ahaana kama uusan tacsiyeyn wiilashii Soomaaliyeed eek u dhintay shilkaas.” “Todobaadyo ka hor Qansaxdheere diyaarad kale ayaa lagu xabadeeyay, kama uusan hadlin, duuliyihii waday diyaaradaas ee soo badbaadiyey markii uu Muqdisho kasoo dejiyay ayaa la jeebeeyey oo la xiray madaxweynuhuna kama hadlin dhacdooyinkaas” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamina. Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan. Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka. Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.” Sidoo kale waxyaabaha laga sugayey in Madaxweyne Farmaajo uu uga hadlo khudbadii maanta waxaa ka mid aheyd dacwada badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya, taas oo in badan lagu eedeeyey madaxweynaha in uusan si cad uga hadlin, iyadoo markii seddaxaad dib loo dhigay bishii hore. Halkan ka Daawo
  24. COVID-19 has transformed the world, making what seemed possible, impossible. These dramatic changes in our lifestyle have pushed society to come up with unique solutions in the wake of the pandemic. Source: Hiiraan Online