-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal 36 maalmood qaatey oo loogu jiray hal nin inuu neefsado Nitaidas Mukherjee waa nin aad looga yaqaanno gobolka Kolkata, wuxuuna ka shaqeeyaa arrimaha bulshada “Waxaa laga yaabaa inuusan caawa gaarin. Xaaladdiisu si kadis ah ayey aad ugu xumaatay,” sidaas ayey Dr Saswati Sinha ku tiri xaaska nin bukaan ah oo ay telefoonka kula hadleysay xilli ay kusii jeedday isbitaalka, iyadoo markaas sii mareysay waddooyinka lama dagaanka ku yaalla ee magaalada Kolkata, oo dhacda barida dalka Hindiya. Waxay markaas ahayd habeenkii 11-kii bishii April. Hindiya waxay ku jirtay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqyada ah, oo looga hortagayay faafitaanka cudurka coronavirus. Ninka bukaanka ah, oo lagu magacaabo Nitaidas Mukherjee, wuxuu muddo ku dhow labo isbuuc isagoo cudurka Covid-19 la dhibaatoonaya ku jiray Isbitaalka magaalada ee la yiraahdo AMRI, halkaasoo Dr Sinha ay ka shaqeyso. Fayraska ayaa aad dhulka u dhigay ninkan 52 jirka ah oo ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, wuxuuna leeyahay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo caawisa dadka hoy la’aanta ah iyo kuwa saboolka ah. Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 30-kii bishii March ayaa la geeyay Isbitaalka, isagoo ay qandho daran heysay, neefsashaduna dhibeysay. Markii isbitaalka la geeyay, waxaa la dhigay qeybta lagu daryeelo bukaannada liita, halkaas oo lagula xiray qalabka neefsashada caawiya. Mr Mukherjee iyo xaaskiisa, Aparajita Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale siiyeen dawada uu u qaadan jiray xanuunka macaanka, ama sokorowga, waxayna ka qaadeen baaritaanka Covid-19. Habeenkii xigayba waxaa la xaqiijiyay in Mr Mukherjee uu qabo cudurka corona. Wuxuu gaaray heer ay aad ugu sii adkaato neefsashada, oo xitaa la awoodi waayo in kabasho oo biyo ah afka laga siiyo. Markaas ayaa go’aan lagu gaaray in lagu xiro qalabka neefta siiya dadka ee afka qalaad lagu yiraahdo “ventilator”. Muddo saddex isbuuc ka badan ayey qaadatay inuu mar kale soo miyirsado, muddo intaas kasii dheerna waxay ku qaadatay inuu ka maarmo qalabka neefta siinayay. Dad badan oo uu cudurka Covid-19 ku dhacay uma nasiib badneyn sida Mr Mukherjee oo kale. Qiyaastii afar meelood meel ka mid ah bukaannadii qalabka neefsashada lagu xiray ee magaalada New York waxay geeriyoodeen dhowrkii isbuuc ee ugu horreysay gudahooda, sida lagu muujiyay daraasad dhawaan lasoo saaray. Dr Saswati Sinha waxay sheegtay in dadaalkii lagu badbaadinayay Mr Mukherjee uu ahaa khibrad cajiib ah Daraasad kale oo laga soo saaray Britain ayaa sidoo kale lagu sheegay in bukaannadii Covid-19 ee lagu xiray qalabka neefsashada ay ka dhinteen saddex meelood labo meel oo ka mid ah. Waxaa kale oo jiray warar sheegayay in qalabka neefsashada caawiya uusan waxba u tarin bukaannada Covid-19. Intii uu qalabka ku xirnaa Mr Mukherjee waxaa la siinayay dawooyin joojiya shaqada murqaha jirka, si uusan qofka isugu dayin inuu u neefsado si iskiis ah. Habeen ka mid ah bishii April, xaaladda ninkan ayaa kasii dartay. Qandhadii heysay ayaa sare usii kacday, garaaca wadnihiisa iyo wareegga dhiiggana way daciifeen. Dabcan ma jirin cid dooneysay inuu geeriyoodo, dhammaan shaqaalihii isbitaalkana waxay u howl galeen sidii ay u caawin lahaayeen. Markii ay Dr Sinha dib ugu laabatay Isbitaalka, waxay u tagtay dhakhaatiirtii kale oo Mr Mukherjee kula tacaalaya qeybta lagu daryeelo bukaannada halista ah. Muddo saddex saacadood ah ayey ku qaadatay inay xaaladdiisa kusoo laabato sidii ay ahayd markii hore. Ms Sinha telefoonkeeda waxaa ka buuxa sawirro laga qaaday howl wadeennadii daweynayay Mr Mukherjee oo aad u wada daallan “Tani waxay ahayd khibraddii iigu cajiibsaneyd ee isoo martay nolosheyda,” ayey tiri Dr Sinha, oo 21 sano ka shaqeyneysay caafimaadka. 16 sano oo ka mid ah waqtigaas waxay si gaar ah uga howl galeysay qeybta lagu daryeelo bukaannada ay xaaladdoodu liidato. “Daqiiqad kasta waxaa eegeynay qalabka lagula socdo xaaladdiisa, waxaana hubineynay inuu soo roonaanayo iyo inkale. Waxaan nafteyda ku dhahayay, waan u baahan nahay ninkan, ma dooneyno inuu dhinto. Xilligaas wuxuu ahaa bukaanka kaliya ee qabay Covid-19 ee ku jiray qeybta daryeelka khaaska ah,” ayey tiri. Ugu dambeyntii, hal bil kaddib markii isbitaalka la geeyay Mr Mukherjee, xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay, wuxuuna muujiyay calaamado caddeynaya inuu ka adkaaday cudurkii. Mr Mukherjee xaaladdiisu aad bay u xumeyd muddo ku dhow hal bil Maalin Axad ah ayuu kasoo kacay miyir-beelkii uu ku jiray. Markii ay xaaskiisa kasoo wacday muuqaal, si toos ah uma uusan arki karin. “Ma garaneynin muuqaal ahaan waxa socday. Indhaha waxba kama arkeynin. Waxaan u jeeday haweeney horteyda taagan, taasoo markii dambe aan ogaaday inay dhakhtaraddeyda ahayd,” ayuu yiri Mr Mukherjee. Dabayaaqadii bishii April ayey dhakhaatiirtu si tijaabo ah uga fureen qalabka neefsashada, iyagoo eegayay inuu 30 daqiiqo kaligiis neefsan karo. Muddo hal bil ah kaddib, waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu iskiis u neefsado. Cabsi badan ayuu muujinayay markii laga furay qalabka, dhowr jeer ayuuna qeylo dhaan u diray dhakhaatiirta, isagoo u maleynaya inay neefta ku dhagtay. Mr Mukherjee wuxuu gurigiisa tagay 8 May kaddib markii uu in ka badan hal bil ku jiray isbitaalka Markii la gaaray 3-dii bishii May, si buuxda ayaa looga dambiyay qalabka neefsashada, shan maalmood kaddibna waxaa loo diray gurigiisa. “Runtii wuxuu soo maray xaalad aad u adag. 4 isbuuc ayey heysay qandho daran. kaligiis ma uusan neefsan karin. fayraska ayaa gaarsiiyay heer xun.” ayey tiri Dr Sinha. Hadda oo uu gurigiisa ku sugan yahay, Mr Mukherjee wuxuu billaabayaa nolol cusub. Wuxuu mar dhow awooday inuu socdo isagoo aan garabka laga heynin. Xitaa waxaa soo laabanaya qaar ka mid ah xasuustiisa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalihii gurmadka ahaa ee ka qeyb qaadanayay la tacaalidda cudurka faafa ee Coronavirus ayaa ka cabanaya xuquuq la’aan muddo bilooyin ah. Shaqaalahaan oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa sheegay in aysan mushaar helin muddo laba bilood ah dadka qaarkoodna ay qaataan bil kasta mushaar loo qoondeeyay. Shaqaalaha cabanaya oo ka kooban 25 qof ayaa ahaa kuwii qaabilsanaa aaska dadka u dhinta cudurkaan, dhaqidda maydadka, doonidda ama soo qaadida dadka cudurka looga shakiyo ee soo waca Numberka gaaban, halka qaarkoodna ay qaabilsanaayeen in Oksajinka dadka ku xiraan. Mid kamid ah shaqaalaha cabanaya oo la hadlay Caasimada Online ayaa noo sheegay in dhamaan dadka kale ee ku howlan Covid-19 ay xuquuqdooda qaataan bil kasta balse aysan iyagu helin. “Waan raadinay waana ka quusanay helidda mushaarkayna sababtoo ah isku tuur tuur ayuu noqday,” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha cabanaya ee nala soo xariiray. Sidoo kale shaqaalahaan ayaa noo sheegay in markii hore ay qaarkood si lacag la’aan ugu shaqeyn jireen dowladda hoose islamarkaana ay u qaabilsanaayeen arrimaha dayactirka guryaha, dhismaha laamiyada iyo howlaha kale ee la xariira dhismaha ama Fuundninada. Xariiro aan la sameynay maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku guul dareysanay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyay, sababtoo ah kama jawaabin codsigii ahaa inay nala hadlaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinat Soomaaliya Ismaaciil Oronjo. “Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, waxaa hadda la ii xaqiijiyay in uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeyn ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka. Xaaladda caafimaad ee fannaa Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya. Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu. Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii. Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide. Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar. Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari. Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Influential traditional leaders have joined KAAH, the political association of the incumbent Puntland State government. Abdissis Yusuf Harin and Abdullahi Mohamud Jibril, two recognised traditional leaders, have visited the KAAH office in Garowe to throw their weight behind the new political association. KAAH violated Puntland Constitution for enlisting traditional leaders as members Critics of traditional leaders’ involvement in politics have drawn attention to Puntland Constitution. Article 110 of Puntland State Constitution bars traditional leaders from associating themselves with political associations. “To safeguard reputation and neutrality of traditional leaders it is impermissible for them to have role in political associations or parties” stipulates Puntland State Constitution. In its Facebook page KAAH publicised names of elders who have joined it as members Last week KAAH was accused of violating an article in Puntland Constitution about the neutral role of civil servants. Other Puntland political associations seem indifferent to successive violations of Puntland Constitution by the political association of which Puntland State President Said A. Deni is member. Puntland State will conduct pilot local government elections for which registered political associations will contest. Traditional leaders Abdullahi Mohamud Jibriil (left) and Abdissis Yusuf Harin (right) joined KAAH “The role of Transitional Puntland Electoral Commission is ineffectual given repeated violations of the Constitution by a political association. TPEC should have held periodic meetings with political associations about how their are complying with Puntland State Constitution” Saa’id Mohamud, a Bosaso-based political commentator, told Puntland Post. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND TRADITIONAL LEADERS JOIN KAAH appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (PP News Desk) — The First Level Court of Bari region has sentenced Ruqiyo Abdirahman Mohammed to death by a firing squad. Ruqiya confessed to have stolen one-year old child who died in her house. “The cause of the child’s death has not been established. The defendant admitted to child theft “ said Abukar Abdinur Jama, Chairman of the First Level Court in Bosaso. The Court Chairman said that Ismail Ali Nur, the husband of Ruqiya, had seen the newly-born baby in his house and that the baby was bigger than the baby his wife had given birth to. “Ismail did not share his suspicion with the law enforcement agencies” said Jama in a statement for the media. The court has sentenced Ismail Ali Nur to three years in jail for facilitating child theft. Both Ruqia and Ismail have the option to appeal against the respective rulings within thirty days. © Puntland Post, 2020 The post A BOSASO COURT SENTENCES A WOMAN TO DEATH appeared first on Puntland Post.
-
Garissa residents have called for mass testing in the county saying they fear coronavirus could be spreading among them. Source: Hiiraan Online
-
Garissa residents have called for mass testing in the county saying they fear coronavirus could be spreading among them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee baarlamanka iyo wasiirada ka soo jeeda Beesha Mogadishu Clan iyo guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ayaa xalay kulan adag ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa dood dheer kadib la isku afgartay in hal qodob in aan marna laga tanaasulin halka hal qodob oo kalane ay gorgortan ka galaan. Xubnahaan ayaa isku raacay in Mogadishu Clan oo kaliya ay yeeshaan xubnaha matalaya Gobalka Banaadir waxayna riyo ku tilmaameen in lagu qeybsado 4.5. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ay isku raaceen in aysan marna qaadan in Mogadishu Clan lala yeesho xubnaha matalaya gobalka Banaadir, marka laga reebo beelaha Banaadiriga. Qodobka 2-aad oo ay isku raaceen ayaa ah iney ku heshiiyeen iney gorgortan ka galaan tirada kuraasta oo ah 7 xubnood. Wararka aan helnay ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan ay isla qaateen in marka hore ay lama taabtaan tahay in Mogadishu Clan oo kaliya yeesho kuraasta gobalka Banaadir iyo iney dalbadaan in tirada intaan laga badiyo lana geeyo ilaa 8 xubnood. Xildhibaano kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in labadaas qodob ay ku heshiiyeen islamarkaana aysan qaadan doonin soo jeedinta guddiga wadajirka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan diyaarinta xeerarka ka dhiman sharciga doorashooyinka qaranka. Sidoo kale, mas’uuliyiintaan Mogadishu Clan ayaa ku heshiiyay inay olole ka sameeyaan baarlamaanka si ay u helaan taageero haddii laga maarmi waayo qorshaha ay isla afgarteen iyo iney qaadaan talaabo kasta oo ay ku heli karaan in gobalka Banaadir noqdo mid ay matalaadiisa yeeshaan Beesha Mogadishu Clan oo kaliya. Lama oga sida ay xaaladu ku dambeyn doonto hase yeeshee kulankaan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee madaxda Mogadishu Clan yeeshaan dhowrkii sano ee ugu dambeysay.
-
Somali health ministry on Thursday confirmed 58 new cases of novel coronavirus, bringing the total number of infections to 2,204. Fawziya Abikar, the country’s health minister said 32 of the latest cases were found in Banadir, an administration area which covers the capital, Mogadishu, 11 other cases in Hirshabelle state, 8 cases in the breakaway region of Somaliland, The minister added that 3 cases were recorded in Galmudug, 2 cases in Puntland, a case in Jubbaland and another case in Southwest state. She further said 12 patients recovered from the disease and no death case has been reported in the past 24 hours. The total number of recoveries in the country has so far reached 418. Added the ministry. The minister also said that 49 of the latest cases were male while nine other cases were female. The increase in the number of COVID-19 cases comes at a time Somalia is also facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The UN has warned that if the virus transmission is not contained rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaaca laga qaaday magaca Xisbi siyaasadeed uu guddoomiye ka yahay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo haatan ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka Xisbigan cusub oo la yiraahdo Sahan (Sahan Party) ayaa lagu sheegay inay ku mideysan yihiin kana soo muuqan doonaan siyaasiyiin, indheer garad, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo mugg iyo miisaan ku leh siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Si kastaba, lama shaacin magacyada cid aan Guuleed ka ahayn oo ku jirta xisbiga. “Waxaa soo idlaaday geedi socod iyo wada tashi dheer oo lagu aasaasayey xisbi siyaasadeed balaaran oo la magac baxay XISBIGA SAHAN (SAHAN PARTY), ayna ku mideysan yihiin kana soo muuqan doonaan siyaasiyiin, indheer garad, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween Soomaaliyeed oo mugg iyo miisaan ku leh Siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana matalaya dhammaan deegaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Xisbigan cusub ee Sahan waxaa gudoomiye ku meel gaara ka ah siyaasiga Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah masuul xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Xisbigan oo ka mid noqon doona xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ee soo buuxin doona dhammaan shuruudihii xisbinimo, waxa uu ka qeyb qaadan doona tartanka doorashooyinka guud ee dalka. “Xisbiga SAHAN waxuu bah wadaag la noqon doonaa xisbiyada iyo xooggaga isbadal doonka ah ee dalka, waxuuna qeyb libaax ka qaadan doonaa geedi socodka dimuquraadiyeynta dalka, dowlad wanaagga iyo sarreynta sharciga.” “Xisbigu waa mid u furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxuu ahmiyad gaar ah siinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira wiilal iyo hablo, asagoo u arka inay yihiin awoodda bulshada iyo hoggaanka mustaqbalka Dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka Xisbiga Sahan. Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in Xisbigu uu qaban doono shirweyne, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhammaan xubnaha Xisbiga, waxaana loogu dhawaaqi doona si rasmi ah.
-
(SLT-Addis Ababa)-Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya (EIASC) ayaa Khamiista maanta ku baaqay in si nabad ah loo xalliyo arrinta wadaagga biyaha wabiga Niil-ka, oo khilaaf kala dhex dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Muranka u dhexeeya saddexdan dal ayaa salka ku haya Mashruuca dhismaha Biyo Xidheenka Ethiopia ‘The Great Renaissance Dam’ (GERD) oo ay ku baxayso $5bilyan oo Doolar. Bishii February ee la soo dhaafey, wadahadallo saddex geesood ah oo Maraykanku maalgeliyey oo u dhexeeyey Itoobiya, Masar, iyo Suudaan ayaa la joojiyay ka dib markii Itoobiya ay ka baxday, eedana ay u jeedisay waaxda maaliyadda Maraykanka oo ay ku eedaysay inay garab istaagto Masar halkii ay dhexdhexaadin ka sameyn lahayd. Xiisadaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Masar ay bilawday olole diblomaasiyeed oo aad u weyn. Waxay xitaa ku hanjabtay inay adeegsanayso awood dagaal oo ka dhan ah Itoobiya, waxaanu webiga Niil uu ku biiriyaa 86% biyaha Niilka Buluuga ah. Mufti Hajji Omar Idiris oo ay wehelinayaan culimada kale ee diinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku yidhaahdeen: “Ethiopia wali may isticmaalin biyaha wabiga Niil mana aha inay wax yeelayso markay bilaabaan adeegsiga biyaha.” Omar oo ah nin lagu ixtiraamo Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu u diidi doonin biyaha Suudaan iyo Masar inay la wadaagaan. Waxaanu yidhi “Itoobiyaanku waxay isku dayayaan inay u adeegsadaan biyaha Abbay (magaca Itoobiya ee loo yaqaan ‘Blue Nile’) si macquul ah oo sinnaan ah,” ayuu yidhi. Dalka Ethiopia oo ah wadan ay ku noolyihiin in ka badan 110 milyan ayaa ah wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Africa marka laga yimaado dalka Nigeria. Waxay kaloo leedahay 35% Muslim ah, oo ah tan ugu weyn Sub-Sahara Africa marka la eego tirooyinka. “Masar waa in aanay ku dhaganaanin mawqifkeeda isticmaalka biyaha Niil oo keliya,” ayuu yidhi. Cumar wuxuu sheegay inay u eg tahay uun hadal heersare ah, oo aan taageerin Shareecada. “Dadka Itoobiya waxay leeyihiin xuquuq bini aadam, mid diineed, mid sharciyeed iyo mid dabiici ah oo ay kaga faa’iideystaan kuna hormariyaan kheyraadkooda dabiiciga ah ee uu Eebbe siiyay,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Golaha Muslimiinta ee dalka Ethiopia ee EIASC. Warbixinta ayaa lagu sheegay in inkasta oo uu dheer yahay xidhiidhka dhaqaale, bulsho iyo diimeed ee ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya, aragtida kali talisnimada Masar ee ku saabsan adeegsiga biyaha Niil ayaa gebi ahaanba hakad gelisay wada hadalada ilaa hada socda. Bayaanka ayaa ka codsaday dowladaha Masar iyo Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha diinta in ay noqdaan Muslimiin ama Masiixiyiin Orthodox ah, in ay sameeyaan dadaallo dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii u dhexeeyay saddexda dal si loo helo xal nabadeed oo ku saabsan biyaha Niilka ee ku saleysan caddaaladda. Source
-
Gudoomiyaha Golaha Hogaaminta Habargidir Pro. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir, doorashada la doonayo inay dalka ka dhacdo, Hormarka uu sameynayo Maamulka Galmudug iyo cudurka Covid19. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-shor.mp4 Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 58 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 12 qof, mana jirto qof u dhintay cudurka oo ay Wasaaraddu sheegtay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 49 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 9-ka kale ay yihiin haween. 32 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir, Hirshabeelle 11, Somaliland, 8 Galmudug 3, Puntland 2, Koonfur Galbeed 1 iyo Jubbaland 1 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,204 waxaa bogsootay guud ahaan 418 ruux. Halka 79 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Dr. Walters Samah, a Cameroonian and Canadian national who is the AMISOM Chief Intelligence almost lost his job in Somalia for crossing his line of duty/Mandate after meddling with Somalia politics for providing federal Government of Somalia’ Security critics comments on LinkedIn in February 202. Furthermore, it was noted that he was closely working with anti-Somalia Government foreign and local individuals in providing classified and secretive state and institutional information. This individual included some of whom were already PNGed such as the SAHAN Director Matt Bryden, opposition treachery Somali figures and FMS working in the internet of foreign agents. Dr. Walters Samah latest wrongdoing and mischief move was when he leaked to the media of AMISOM internal document for the purpose of detrimenting AMISOM head and AU Representative Amb. Francisco Madeira who issued his UNSC Somalia quarterly briefing on 21st May 2020. Samah is currently working from AMISOM Nairobi office after FGS negotiated with AU headquarter for his removal from country for breach of his duties and undermining the nation’s sovereignty. Samah will definitely lose numerous benefits and allowances for his removal from Mogadishu as his duty station including security allowances. Walters was a lecturer at the of University of Yaounde in Cameroon before joining the AU mission in Somalia and therefore doesn’t have intelligence background. Somalia Federal Government had made rigorous reforms in its security and intelligence agencies allowing to profile individuals and groups used by foreign agents in revolting and subverting Somalia government priorities.
-
Somalia is classified by the United Nations as one of the least developed country in the world, and is said to have a ‘strikingly low’ Human Development Index (HDI). Economic growth is the increase in the quantity of economic goods and services from one period to another thus an increase in GDP. Economic development is the increase in the quality of economic goods and services from one period to another. Both economic growth and economic development are determined by the four factors of production which will be discussed below: labor, land, capital and entrepreneurship. To begin with labor, poor governance and wars are holding back Somalia’s infrastructure developments and are constraints to Somalia’s future economic development. Not only that but also, this destroys current infrastructure forcing the nation into poverty. It is this poverty that makes a lot of young, aspiring, potential nationals to risk their lives and migrate to foreign countries in search for opportunities. This reduces both the quality and quantity of labor within the country and increases it in foreign countries. An additional benefit that these countries get is cheap labor at all wages. This is one of the contributing factors which make Somalia’s economy relatively below other economies. Somalia has a great land for agriculture which is also rich in natural resources such as Natural gas, Uranium, iron ore and others. It also has rivers and one of the longest coastlines in Africa. I believe if all these natural resources were used appropriately, Somalia would have been richer and a more developed country. However, Somali nationals are so concerned about tribalism while foreign countries vie for extraction rights for Somalia’s land resources. Are foreign countries behind Somalia’s tribalism? And is it because they are yearning for the natural resources? In terms of Capital, adequate capital ensures the economy to be productive and produce goods and services of high quality. This will help in creating employment which is now at a very low level in Somalia and is the cause of low living standards for the majority of the population. Education is an important factor for developing this capital. However, poor education systems and migration of the few educated ones, have led Somalia’s economy to shrink in terms of capital. Bringing in the entrepreneurship factor, weak intellectual property rights make Somalia’s entrepreneurs not able to protect their ideas, so they lose the incentive to innovate. Furthermore, poor infrastructure discourages the few motivated Somali entrepreneurs from setting up premises in the country since production costs increase where basic infrastructure is not available. I think some questions that should be taken into account are: Is GDP the right measure of growth or development? Should the interpretation of the economy be limited to geographical borders as the developed nations want or should it be extended to include the net overseas economic activities performed by each country’s nationals? Why did the United States abandon the use of GNP in 1991? Isn’t it to improve its economic statistics? Why isn’t green GDP used as the measure of growth since the environment is a key factor which needs to be taken into account? China tried to use green GDP years back and its GDP dropped dramatically which made it a politically sensitive issue. Why does the Human development Index (HDI) only have the components which favor the developed countries such as education, life expectancy and standard of living and not components such as happiness/stress and environment? Does the HDI need to be that shallow to meet the satisfaction of the developed nations? All in all, Somalia’s economy can be improved by the country getting good leadership and governance and strengthening property rights. Also, improving education systems and reducing migration by creating more opportunities for the nationals .Lastly, finding a way to reduce tribalism for instance building awareness campaigns on tribalism. Shehnaz Salaad can be reached at kushiselmi@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saartay masjid ku yaalla magaalada Guriceel oo ay xireen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaamtay sharci-darro. War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu amray ciidanka booliska degaanada Galmudug in aysan ku lugyeelan murannada ku saabsan masaajida. “Wasaaradda Awqaafta Galmudug oo kaliya ayaa go’aan ka gaari karta in la xiro masjid ama In la furo. Go’aanka lagu xiray masjidka xaafadda Tawfiiq ee Guriceel ku yaalla waa mid hanaanka sharciga hareer marsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Amniga Galmudug. Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa intaasi kusii daray “Arrin kasta oo masaajidda Galmudug ku saabsan waxaa go’aanadeeda loo wakiishay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dawladda Galmduug, waxaa la farayaa hey’adaha amniga In ay ilaaliyaan sharciga kana fogaadaan ku lug-yeelashada muranada masaajidda ku saabsan, islamarkaana ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida.” Masjidkan ayaa dhawaan dib loo furay ka dib markii magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay gacantooda ka baxday Ahlu-Sunna, waxaana xusid mudan in ay horay u xireen ciidanka Ahlu-Sunna.
-
Libya’s internationally recognised government regained control of Tripoli on Thursday, driving eastern forces out of the capital after a year-long battle in which foreign powers poured in arms and fighters. Source: Hiiraan Online
-
The idea emerging from Siad Barre’s so-called “scientific socialism” of the influential role of state-led by a strong man, has made way from the 1990s for lawlessness, insecurity, more abuse of power and corruption. The military regime’s position faced a challenge from dissatisfied officers unhappy about how the 1977 war was conducted. Siad Barre’s reacted severely, with killings and disappearance of dissidents, the mass slaughter of the innocent civilians, war crimes and gross human rights abuse committed up until his overthrow and the total collapse of all government institutions followed. During this tremulous period, there come to exist groups that operated as an alternative to political parties and evolved into primary instruments of clan mobilisation, driven by an ambitious politician, often a formal military officer. These former military commanders who mobilised clan fighters to gain control of power was just as brutal and inhumane as Barre’s regime they wanted to replace. These leaders and warlords were (as Barre’s regime) indifferent to the fate of non-combatants because they see them as part of the political order they want to replace. Living under military rule in which one man and his clan had an absolute power with no restriction affected political thinking of our society. Our people often think in terms of exclusive control, where clans aspire and claim the authority to monopolises. The dictator was the only binding factor; there was nothing outside of him as later become apparent. Strange enough, this was the ultimate argument for the dictator himself to stay in the saddle for a long time. “If I fall out there will be chaos, and nobody wants that” And “if I drop out I leave a country but no people”. It was a very perverse form of a self-fulfilling prophecy and had significant implications for what the correct change strategy was over for unbalanced dictator. The most unambiguous policy in the regard that most agrees with our sense of justice is one that the dictator was smothering democracy and freedom. Drive out the dictator, and liberty and equality will prevail. But that this strategy does not work was very clearly illustrated by the disastrous consequences of clan militias that followed; instead of the expected democracy, the demise of the dictator brought chaos and anarchy because all sorts of groups brought each other to death and destruction. All the clans and sectarian forces that were kept under control for years by the terror movement suddenly got free rein and went to battle for power. We’re an emotional and recalcitrant society, and we like things done quickly. During the heyday of armed opposition to the dictator rule, I was a student and activist living in Europe, SSDF, SNM, and later USC contacted me asking to join them. I refused to join their struggle, not because I was against their intention to overthrow the regime. But because I believed that a dictator could only be driven out responsibly if a new sufficiently strong new authority (binding force) has built up to fill the impending vacuum of power. The strategy of SSDF, SNM and USC and their associates fell short here; everything aimed at driving the dictator out, and little or no attention paid to building new binding forces to keep the people together. It was clear to me that such new binding forces cannot build up from such clan-based groups. External intervention by definition by one of them means that no new internal power centre formed that is strong enough to take over the business of the country. The somewhat complex problems can never be solved with an un-unambiguous solution. The solution always consists of subtle manoeuvring between opposing forces. Fast forward, 30 years later, we’re now the fragile federal state that organises every four years elections to choose a new parliament (lower and upper chambers). Together these two chambers, in turn, elect a president. Elected president designates a prime minister who forms a government. So far, so good. However, it turns out usually that the president does everything without much consideration of the competing interests of all clans. Therefore, the existing election system does not change the radical change model, which based on the complete separation of opposites (black or white), where only one can be correct. Due to the character of power and the ever-increasing economic decommissioning that it can cause, the population is increasingly forced into strategies of self-reliance and protection by relying on the clan’s loyalty as a binder. Because of this character of our democracy, the opposing families are all after supremacy. Elected president’s group has privileged access to the coveted resources, such as government grants, jobs, protection, licensing, or even market goods like knowledge and credit. He only makes these available to his clan and clients who directly provide him with political, social or economic support. Elections mean one power monopoly gives way to another. What is democracy worth where the principle of winner takes all is applied? This zero-sum mentality also exists in every administration in the country from the north to the far south. Seated leaders use brute force to protect their power and privileges. They set their army, police and judicial devices or play opponent clans against each other through bribes. Opposition politicians are intimidated, harassed, arrested or threatened with violence. When the state exercises violence against its people to suppress their aspirations, such as claiming political power or control over natural resources, people may refuse to submit itself to the law and public authority. A situation in which the state can quickly disintegrate under the influence of destructive forces. As before, such conflicts and tensions can lead to armed conflicts. Throughout the country, there are many potential conflicts zones. This struggles all is, of course, linked to political and administrative problems precisely; bad governance, unstable governments, corruption and human rights abuses. Philosophers and social scientists, with widely divergent philosophical ideas, use the terms “social reason (public reason) and social justification (public justification)” to describe a broad framework for a discussion in which everyone in a community can participate. Supporters of the idea of social justification, consider democratic politics not so much as a power struggle settled by-elections, but rather as a kind of public conversation on issues of common concern, with a process for reaching a preliminary decision on these issues when it is time for action. When we participate in this conversation, we try to justify our ideas to others while acknowledging the reality of political pluralism. We need to show that we live in a community with diverse political views. We have to put forward reasons to address for all, not just as a member of our group. Otherwise, there can be no social conversation that encompasses all of the society, and we implicitly divide society into separate communities (as it is the case now). That do not try to convince each other, which is a recipe for increasing antagonism and mutual hostility between independent groups, in our case divided by clans. There are several examples in our history of such a destructive policy introduced into our societies without public consent and of the harmful conflicts that it gives rise to, past and present. On of this destructive system is, in my opinion, federalism. A federal system as bushed on Somalia by neighbouring states of Ethiopia, Kenya and Djibouti and financed by European Union and the United Nations will increase the antagonism and conflicts between clans and will keep Somalia weak and divided. Somalis share everything; culture, language and religion, if this were not enough to keep them together, how’s federalism can find a stronger bond to hold individual members states together? As we know in the federalism system, the federal governments and member states share concurrent powers in several areas and require responsibilities ruled by a complex system of checks and balances. We’re already witnessing conflicts between federal governments and member states as a result of this complex and ambiguous system. It is my humble opinion that this system if it continued, will result end the idea of a common Somali state. Therefore, what we need is a centrally led democratic system which also gives regions more autonomy. One of the merits of a democratic governmental system is that it provides a peaceful way to resolve disputes between people with fundamentally different ideas. But in an unambiguous democratic order, there are divergent models of how such a solution should take place. One of the ways is to consider democratic politics just as a method of deciding who will exercise power. However, the federal system imposed by foreign powers is not a model of democracy that can bring Somali populations to close together. “The great social contract theorists – Hobbes, Locke, Rousseau and Kant – all held that for a political order to be legitimate it had to be agreed upon by or justified for each person“. Public Justification, Stanford Encyclopaedia of Philosophy. First published Tue Feb 27, 1996; substantive revision Thu Mar 1, 2018 Let us then find ourselves a democratic system that is appropriate to Somalia’s needs rather than accepting the implanted policy from forces that has not Somalia’s interest in their mind. We have been there; let us not fall twice on the same deception. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu Hodan Saciid u Magacaabay Wsiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, Hodan waxay ka timid Wasaarada [...] The post Hodan Saciid oo loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Dhalinyarada appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bil ka hor Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in suuqyada Muqdisho lagu iibiyo qalab loogu talagalay la-tacaalida Covid-19, kaas oo deeq ahaan loo soo gaarsiiyay Soomaaliya. Qalabkaan ayaa si weyn loogu arkay suuqyada Muqdisho isagoo lagu kala iibsanayo taas oo muujineysa in musuq maasuq weyn lagu sameeyay gargaarkii loo keenay Soomaaliya, si ay uga taxadirto cudurka safmarka ah ee Covid-19. Agabyadaan oo ay keeneen dowlado kala duwan oo ay qeyb ka tahay Turkiga ayaa lagu arkayaa suuqyada Muqdisho, waxayna dadka iibinaya kuu sheegayaan in si suuq madow ah ku heleen. Sidoo kale agabyadaan ka kooban qalab nuucyo kala duwan leh oo cudurka loogu talagalay. Dad badan ayaa aaminsan in musuq maasuqa lagu sameeyay gargaarkii Soomaaliya uu intaan ka badan yahay islamarkaana la boobay hanti badan iyo lacag badan oo wax looga qaban lahaa qatarta cudurkaan safmarka ah Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hore u beenisay in la musuq maasuqay gargaarkii ay heleen balse ay dhici karto in xafiisyada maamulada uu ka baxay ama wax ka qaldameen, taas oo muujineysa in Musuq Maasuq jiro. Horey ayaa xeer ilaalinta qaranka waxay dacwado ugu soo oogtay saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo hadda sugaya in la maxkamadeeyo. Daawo sawirrada