Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in Dhuusamareeb laga raro ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo ay horey magaaladaasi u geysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu soo warramayaa inay shuruud ka dhigeen in ciidamada laga qaado Dhuusarameeb ka hor inta aan la gaarin shirka beri oo Khamiis ah ka furmaya halkaasi, kaas oo ay isugu imaanayaan madaxda maamullada dalka. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo uu ku doonayo inuu ku fuliyo shuruudaasi, maadaama uu garwadeen ka yahay shirkaas oo uu isagu marti-geliyey. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadaasi loo soo qaadi doono Muqdisho, halka kuwa kalena ay ku waramayaa in la geynayo duleedka magaaladaasi. Si kastaba ha’ahaatee arrintaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu khilaaf aad u culus uu dowladda dhexe kala dhexeeyo Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday shirkii dhowaan iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo). Shirka Dhuusamareeb ee furmaya 9-ka bishan ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo khilaafkaas, xaaladda dalka iyo doorashooyinka la’isku hayo ee 2020/2021.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-08072020.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Degaanka Jawiil. Madaxweynaha iyo Odoyaasha ayaa ka wada-hadlay dar-dar gelinta arrimaha Dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan iyo in odayaashu ay ka shaqeeyaan xoojinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta. Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Jawiil ayaa dhankooda uga xog waramay Madaxweynaha xaalada nololeed ee shacabka ku nool Degaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaankaasi mashaariic horumarineed. Madaxweyne Waare ayaa isna u sheegay Odayaasha in uu fulin doono codsigooda islamarkaana xukuumaddiisu ay Degaanka Jawiil ka hirgelin doonto Mashaariic kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo Beledweyne kula kulmay Odayaasha Dhaqanka appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Mudulood ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho sida uu dhawaan shaaciyay Imaamka Mudulood. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirkan qaban qaabadiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho, islamarkaana muddo bil ah uu ka dhici doono Mowlaca Macalim Nuur ee Xaafadda Siigaale. Aqoonyahaano u dhashay Mudulood oo laga keenay dalka dibidiisa ayaa la sheegay in hadda ay ku howlan yihiin qorshayaal shirkaan la xariira islamarkaana ay qeyb ka tahay ajandaha iyo waxyaabaha miiska la soo saari doono mudada uu shirka socda. In kabadan 120 aqoonyahaan oo dibadda laga keenay ayaa la sheegay in shirkaan laf dhabar u yihiin islamarkaana ay dejinayaan qorshaha shirka iyo waxyaabaha ay tahay in aad looga doodo. Shirkaan ayaa socda kii Muqdisho ka dhacay bilawgii sanadkaan waxaana la sheegaya in uu yahay kii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa. Warar ayaa sheegaya in ay ka soo bixi doonaan go’aamo adag oo ku saabsan Xaaladda Somalia. Shirkan ayaa imanaya ayada oo uu fashilmay qorshe iyo dadaal xooggan ay Villa Somalia ku dooneysay in shirka lagu joojiyo.
  5. Somali Media Association (SOMA) and Somali Journalists Syndicate (SJS) jointly call for the Office of the Attorney General (AG) of the Federal Government of Somalia to drop charges against Goobjoog Editor, Abdiaziz Ahmed Gurbiye who appeared today before the Banadir Regional Court after he was was pressed with unlawful criminal charges issued on 23 June by the Office of the Attorney General through the Banadir Regional Court. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sharci ay dhawaan Golaha Shacabka horgeysay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa waxaa ku jira qodob ay il gaar ah ku haayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Qodobkaan ayaa ah mid baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya loogu diidayo Xildhibaanada, wasiirada iyo saraakiisha kale ee dowladda markii ay ka baxaan liiska shaqaalaha dowladda ay dib ugu soo laaban waayaan kuraasta ay ku fadhiyaan. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan sharcigaan meel mariyay, waxaana socda kulamo gaar gaar ah oo ay ka leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Cabdiwali Sheekh Ibraahim Mudeey, oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa fadhiga Golaha ka hor sheegay in il gaar ah ku eegaan qodobkaan, isagoo u raaciyay in ay ku xisaabtaan in qaarkood aysan soo laaban doonin sharcigaana uu qaban doono haddii aysan hadda iska qaban. Sharcigaan oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ku jira qodob sheegaya in shaqaalaha dowladda laga qaadi doono Baasaboorka Service-ka haddii ay ka baxaan shaqada dowladda ama la ruqseeyo. Lama oga go’aanka ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka qaadan doonaan qodobaan oo qaarkood doodo kulul ka qabaan. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhawaan sharcigaan soo ansixiyay iyagoo sheegay iney muhiim tahay in sidaan baarlamaanka ku meel mariyaan qodobada aan kor ku soo sheegnay.
  7. A bus driver in France was declared brain-dead on Monday after being attacked for refusing to let passengers board his vehicle without face masks, in line with rules imposed to combat the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  8. Loon says it's now providing service over a 50,000 square kilometer region to subscribers of Telkom Kenya. Source: Hiiraan Online
  9. After sharks are captured off the coast of Somalia, their meat is salted, sun-dried and transported overland to Kismayo for export to Mombasa, Kenya, the main market in East Africa. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Qatar ku eedeeyay iney xukuumadda hadda jirta ka dhiatay sida koox ay adeegsaneyso. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladahii ka horeeyay xukuumadda hadda jirta ayaa wareysi siiyay talafashinka maxaliga ah ee Shabelle wuxuuna aaminsan yahay in dowladda carbeed ay laaluush siiso xukuumadda Farmaajo si looga fushado ujeedooyin gaar ah. Cabdiraxmaan oo ah xubin adag oo dhanka mucaaradka ah ayaa fahamsan in Qatar aysan wax taariikh ah ku laheyn xiriirada arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya. “Dowladda Qatar waa mid mar walba ka shaqeysa qalalaaso kaliya, waxaana caddeynaya ururada ay la macaamileyso, dowladaha caalamka qaar si ayay u shaqeystaan, qaar xiriirka taraiikhiga ah ayay ku shaqeystaan, qaarna mucaaradka, jabhadaha iyo ururadada ayey la shaqeystaan, waana sababta ay Qatar xafiisyo ugu ogolaatay Taliban, Xamaas, Xisbulah, Aqwaanu Muslimiin; saameyntooda waxay ku raadinayaan in ay taageeraan kooxaha aan xukuumadaha aheyn” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur. Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay in Qatar ay Dowladda Soomaaliya u isticmaaleyso sida koox ay kula dagaallameyso dowlado kale iyadoo lagu colleysiinayo xiriirada ay la leeyahiin. “Qadar sideedaba dowlad taageerta dowladaha ma aysan ahayn; dowladeeniiyee waxay ka dhigtay none state actor, waxay rabtaa in ay dowladeena u isticmaasho in ay tahay koox dadka iyo dowlado kale lagu dhibaayo oo xiriirkooda lagu xumaynayo, dowladeena haatan waa aalad ay Qadar u isticmaasho in ay dowlado kale ku dhibto” Dowladda Qatar waxaa lagu eedeeyaa iney bixisay dhamaan dhaqaalahii ay dowladda dhexe u adeegsatay arrimo siyaasadeed oo dalka ka dhacay sida Mooshinkii lagu riday afhayeenkii Golaha Shacabka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari, madaxweynayaashii Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo Waxaa intaas dheer in taliyaha Sirdoonka dowladda Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir uu horay ula soo shaqeeyay TV-ga Al-Jazeera ee laga leeyahay Qatar, kaas oo ah furaha isku xira Muqdisho iyo Doha waxeyna dadka siyaasadda la socda sheegaan inuu yahay udub dhexaadka dowladda Farmaajo.
  11. Wejigii Labaad ee Wada-hadallada Somaliland & Somalia ee Jabuuti oo baaqday Wada-hadaladii Somaliland & Somalia bishii hore ee Juun 15-keedii uga furmay dalka Jabuuti ayaa gebi ahaanba baaqday. Guddiyada farsamo ee labada dhinac oo ku balansanaa kulamo lagu sii ambo-qaadayo wada-hadalada Somaliland & Somalia, ayaa gebi ahaanba baaqday, xili loo balansanaa inay dib u furmaan bilowgii todobaadkan. Guddigaasi ayaa ku balansanaa in kulankooda u horeeyo uu dhaco maalintii Sabtida ee la soo dhaafay oo ku beegnayd (A-ta Julaay) ama 15-maalmood kadib maalintii la soo afmeeray wajigii koowaad ee wada-hadaladii labada dhinac ee kala hogaaminayeen Muuse Biixi & Farmaajo. Isku soo wada duuboo inkasta oo si rasmi ah loo shaacin sababaha baajiyey kulankaasi haddana Somaliland iyo Soomaaliya Midkoodna wax war ah ka soo saarin kulankaasi baaqday oo qeyb ka ahaa sii ambo-qaadka wada-hadalada labada dhinac iyo xiliga dib loogu balamay. Qaran News
  12. Qaahira (Caasimada Online) – Saraakiil derajadoodu sarreyso oo ka tirsan dowladaha Sacuudiga, Masar, iyo wadamo kale oo gacanka ku yaalla, ayaa dhiggooda Israel u ballan-qaaday in aysan qorshaha ugu jirin in ay talaabo ka qaadaan qorsha ay Israel ku goosaneyso dhulka reer Falastiin, sida uu wariyay wargeys laga leeyahay Israel. Wadamada Carbeed waxay Israel ugu jawaabi doonaan cambaareyn afka ah oo keliya, ayuu weriyay wargeyska Israel Hayom oo aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, isagoo soo xiganaya ilo-wareed diblomaasiyadeed. Tallaabo kale oo taas ka dheeri ah waxay Carabta ka imaan kartaa hadii ay dadkoodu caro la kacaan oo ay banan baxaan, ayuu wargeysku qoray. Ilaa iyo hadda Boqor Cabdalaha Jordan ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhul goosiga Israel. Boqortooyadu waxay rumeysantahay in dhul-goosigu uu keeni karo banana-bax rabshadeysan oo khatar ku ah xasiloonida Jordan. Bishii lasoo dhaafay, warbixino ayaa sheegay in kulan qarsoodi ah uu dhexmaray madaxa sirdoonka Israel iyo hogaanka dhawr wadan oo carbeed. Madaxa hey’adda sirsoonka Israel ee Mossad, Yossi Cohen waxaa uu la kulmi doonaa hoggaanka carabta si uu u qiimeeyo una yareeyo mucaaradadda qorshaha Israel ay ku goosaneyso dhul weyn oo ka tirsan Daanta Galbeed, sida ay baahiyeen warbaahinta Israel. Qorshaha Israel ay ku goosaneyso seddax qeybood meel ka mid ah Daanta Galbeed, waxaa dhabaha u xaaray waxa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu yeero “Heshiiska Qarniga” iyadoo ay jirto cambaareynta caalamka ee talaabada sharci darrada ah. Qorshuhu waxaa uu soo jiitay cambaareyn caalami ah, Falastiiniyiintuna waxay isku deyayaan in ay taageero ka helaan Yurub, si Israel loogu cadaadiyo in ay iska deyso mashruucan deegameynta ah. Jordan iyo Masar waa labada wadan ee carbeed oo xiriir rasmi ah la leh Israel , laakiin wadamadda Gacanka, oo ay ka midyihiin Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxay ka digayeen in wadanka la qaadaco, maadaama ay ka dhexeyso arrin ka dhan ah Iran.
  13. Qaramada Midoobay oo digniin ka soo saartay musiibo ku soo wajahan Somalia Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 3.5 Malyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay halis ugu jiraan cunto yari laga bilaabo bisha Juun ilaa bisha September ee sannadkan. Hey’adda xiriirinta arrimaha bani’aadminnimo ee OCHA, waxay sidoo kale sheegtay in ka badan hal malyan oo carruur ah la saadaalinayo inay wajahaan nafaqo darro. Qaramada Midoobey waxay ka dhawaajisay in markii Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka uu dalku la daalaa dhacayo saddex caqabadood oo is biirsaday. Caqabadahaas ayaa cudurka Corona, daadadka iyo ayaxa kuwaasoo saameyn aan wanaagsaneyn ku hayo deegaanno badan oo aan helin gurmadkii ay u baahnaayeen, waxayna QM sheegtay in loo baahan yahay malaayiin dollar oo wax looga qabto dhibaatooyinkaas. Qaran News
  14. Hoggaanka ururrada bulshada Rayidka ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ay la qaadanayaan Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Saacadihii u dambeeyay Hoggaanka ururrada bulshada rayidka waxay kulan gaar ah la qateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan waxaana ay sida la sheegay kala hadleen arrimaha doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxay kulan kale gaar ula yeesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari waxayna kala hadleen isla arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo gaari lahaa is fahan siyaasadeed. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ururada bulshada Rayidka ay bilabeen dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka kaas oo xoogiisu uu ka dhex aloosanyahay madaxda dowlada federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal appeared first on Puntland Post.
  15. Abiy Axmed: “Intaan annagu nool nahay oggolaan meyno iney Itoobiya burbruto” Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hortagay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka. Dr Abiy mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey muranka ku gadaaman biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso wuxuu sheegay, iney dowladda Itoobiya dhismaha biyo xireenka ay dhammeystireyso isla-markaana ay billaabeyso buuxinta biyaha harada biyo xireenka 10%, maadaamaa xilli roobaad lagu jiro. Wuxuuna Ra’isal wasaaruhu sheegay biyo buuxinta harada biyo xireenka ee 10% oo dhawaan la billaabayo iney cidna wax dhib ah u geysaneyn.. “Waxaan si cad idinkuugu sheegayaa inta dhimaneyso ayaa dhiman mooyee howlaha horumarka ee aan billownay inaan marnaba joojineyn oo ay halkooda ka sii soconayaan.” “Xilliga fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa si naxariis darra ah loo khaarijinayey golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu dhageysanayey cabsho la xiriirta wabiga Abay (Nile)” ayuu yiri. Abiy Axmed fannaanka la dilay wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa “Geesi go’aankiisu caddaa oo soo halgamay”. “Dilka Hchaaluu loo geystay wuxuu ahaa mid lagu doonayey in dowladda Itoobiya laga mashquuliyo arrimaha biyo xireenka oo mashquul kale loo abuuro” ayuu yiri. “Warar degdegga ah waan maqalnaa, laakiin wararka degdegga ee joogtada ah wixi hadda ka dambeeya waxay noqonayaan himilooyinkeenna oo aan meel marinnay” ayuu yiri. “Kooxaha hadba arrin cususb dalka qaybahiisa kala duwan ka sameeya waxaa u sheegayaa “dalka iney dumin karin ayna iska hor keeni karin qowmiyadaha dalka Itoobiya ku wada nool”. “Shacabka oo la isku diro, hantida dowladda iyo tan shacabka oo la burburiyo dowlad laguma noqon karo, dhaawaca arrintaasi ka dhalatana ma noqoneyso mid maalmo lagaga bogsado”. “Kooxaha weli iisu diyaarinaya iney dalka Itoobiya ay dilal iyo qas ka abuuraan waxaan u sheegayaa iney si aad ah ah falkoodaasi uga fakaraan” ayuu yiri isaga oo kooxahaasi digniin u dirayey. Dr Abiy Axmed mar wax laga weydiiyey arrimaha deegaanka shucuubta koonfureed iyo gobollada dalbanaya iney ismaamul gooni ah noqdaan wuxuu sheegay wixi hadda ka dambeeya iney arrintooda quseeyso golaha Federeeshiinka (aqalka sare), wuxuuna intaasi raaciyey mas’uuliyiin dowladdiisa ka tirsan ee gobollada ay cabashadu ka imanayaan ka soo jeeda uu khaati ka taagan yahay. Shaqsiyaadka dibadaha ku sugan ee ku howlan abaabul ah shacabka dalka gudahisa iney dowladda ka soo horjeestaan waxaan u sheegayaa “Koox dal shisheeye ku sugan oo kacdoon abaabulayo iney weligood guul gaarin mustaqbalkana ay gaareyn” ayuuu yiri. “Ciddii aan ku qanacsaneen nidaamka dalka ka jira halka lagu dagallami kara waa dalka gudahiisa xooggooda iyo waxa ay islahayaan ha la yimaaddaana oo fool ka fool aan iisu wajahno” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray inuu aaminsaneen shacabka Oromada iney u baahan yihiin halgan hubeysan, dadka raba iney dalka burburiyaan ee leh dalkeyga ayaan u halgamayaa waxaan u arkaa doqonnimo, ayuu yiri. Mar uu sharraxayey siyaasadda ah Abiy Oromo ma aha: “Aniga Oromonimadeyda cidna ma weydiisanaya cidna igama hor istaagi karto…balse waxaan idiin sheegayaa Abiy aan Oromo wax u tareyn, Amxaara wax uma tarayo, Walaytana wax uma tarayo” ayuu yiri. “Waxaan u soo halgamay shacabka Oromada inuu xor noqdo, sinnaanna uu helo, weligeyna kuma fikirin iney Oromadu qowmiyadaha kale guumeysato, waxyaabaha hadda socda waxay yihiin mid guulaha ay qowmiyadda Oromada gaartay lagu doonayo in dib loogu celiyo.” “Intaan annagu nool nahay cidna u ogoolaan meyno iney Itoobiya burburiyaan, cid walbana Itoobiya wey ka hooseysaaye kama sarreyso.” “Dowladda oo la caayo ama la cambaareeyo cidna looma qabsan, caayduna dimuqraadiyadda dib u celin meyso, ilaa iyo haddana dowladda arrimahaasi oo dhan wey ka aamusaneyd.” “Haddase haddii dal burburin loo socda, waxaan u sheegaya cid kasta oo dooneyso iney dlka burburiso iney marka hore annagu na baab’iyaan, balse intaan annagu nool nahay Itoobiya iney buburto inaan u oggolaaneyn, aanna ka yeeleyn ayaan u sheegayaa” ayuu yiri. “Oromada in la kala qaybiyo, iyo dalka oo la kala qaybiyo midna waxtar nooma laha. Oromadu waa mid, annaga oo walaalaheenna kale ee reer Itoobiya kaashaneyno waxaan dhiseynaa dalkeenna Itoobiya” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itobiya Dr Abiy Axmed oo maalinti shalay ahayd hor tagay golaha wakiillada shacabka. Qaran News
  16. Madaxweyne dafiray Xanuunka Coronavirus oo isagii laftiisa laga helay xanuunka Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay fayraska corona. Waxaa xanuunka laga baaray Isniintii kaddib markii lagu arkay calaamdaha xanuunka oo ay ka mid tahay herkulkiisa oo aad u sarreeyay. Mr Bolsonaro ayaa si joogta u dafirayay khatarta fayraskan dunida halakeeyay isagoo ku tilmaamay inuu yahay “Hargab isak yar” oo aan dadku dhibaato badan u geysanayn. Waxa uu sidoo kale barasaabyada ku boorriyay iney khafiiyiyaan xayiraadaha sababtoo ah waxa uu yiri waxa ay wiiqayaan dhaqaalaha dalka. Isniintina waxa uu gaashaanka u daruuray xirashada maskarada wajiga. Markii uu hadalkan sheegay tirada dadka u dhintay xanuunkan waxay ka yaraayeen 3,000 halka tirada dadka laga helay fayraskana ay ahaayeen ilaa 40,000. Hase yeeshee markaa wixii ka dambeeyay tirada dhimashada iyo dadka laga helayba cirka ayay isku sii shareereysay. Isniintii tirada dhimashada waxay kor u dhaaftay 65,000 oo qof, halka 1.6 milyan oo qofna laga helay xanuunka taasi oo Barazil ka dhigeysa dalka labaad ee dunida saameynta ugu weyn ku yeeshay coronavirus. Inkastoo ay tirada sare u sii kacayso, madaxweyne Bolsonaro ayaa xayiraadihii saarnaa gobollada ku borreeyay in la qaado isagoo sheegay in xayiraadaha ay geysanayaan saameyn ka badan tan uu xanuunka geysanaya waxa uuna warbaahinta ku eedeeyay iney cabsi iyo argagax faafinayaan. Madaxweynaha ayaa waxa uu ka qeyb galay dhawr munaasabadood isaga oo aan xirnayn maaskarada wajiga inkastoo sharciyada dalka ay ka mid ahayd in la xirto maaskarada. Axaddii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ernesto Araújo ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawir isaga iyo madax kale oo uu ka mid yahay madaxweyne Bolsonaro hase yeeshee dhammaantoodba ma jirin qof xiran maaskarada wajiga sidoo kale ma aysan ilaalinayn sharaciga kala fogaanshaha. Na Embaixada dos EUA, celebrando o 4 de julho, dia da independência americana. pic.twitter.com/CqtgUNxiSL — Ernesto Araújo (@ernestofaraujo) July 4, 2020 Ma ahan markii ugu horreeyay ee madaxweyne Bolsonaro laga baaro fayraska corona oo waxaa la baaray 3 goor oo hore kuwaasi oo uu sheegay inaan laga helin fayraska. Sida madaxweyne Bolsonaro uu ula tacaalay fayraska corona? Waxa uu yiri kala fogaanshiyaha dadweynaha waxa ay uga sii dareysaa dhaaqaale xumida dalka isagoona sidoo kale fayraska ku tilmaamay hargab yar oo sidaa usii weynayn. ‘Hargab yar’ Daraasad ayaa muujisay in Brazil ay ka mid tahay dalalka kiisaska ugu badan ee coronavirus ah laga diiwaan galiyo Bishii April Mr Bolsonaro ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab iska yar”. Warbaahinta ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah si ay shacabka u khal khal galiyaan. Dhanka kale, kooxo taageersan madaxweynaha ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir ay ka muuqdaan naxashyo ay sheegeen inay maran yihiin oo la aasayo si loo buunbuuniyo tirada dhimashada ee cudurka. Ugu yaraan saddex wariye ayaa la weeraray intii uu socday isu soo baxaya uu Axaddii ka qeyb galay madaxweynaha, kaasoo ay isugu tageen boqollaal qof. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa aragtay wariye sawir qaade ah oo jaranjaro laga soo riday, kaddibna si xun loo garaacay. Taageerayaal ayaa isku dayay in wariye sawir qaade ah ka hor istaagaan shaqadiisa Inkiraad ku kali ah “Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda,” waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. “Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan.” Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus. Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin. Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray. Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go’an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka. Qaran News
  17. Nairobi (Caasimadda Online) – Ganasatada khaadka ee dalka Kenya ayaa la kulmay khasaare xooggan oo lacageed kadib tallaabadii ay dowladda Soomaaliya diyaaradda uga celisay maagalada Hargeysa bilowgii isbuucaan. Ganacsatada waxey sheegeen iney la kulmeen khasaare xooggan, khaadka saarnaa diyaaradda oo lagu sheegay 13.6 tan ayaan gabi ahaan la dajin waxaana dib loogu celiyay halkii laga keenay. Gudoomiyaha ururka ay ku mideysan yahiin ganacsatada khaadka Kenya ayaa la hadlay warbaahinta gudaha ee wadankiisa wuxuuna sheegay in diyaaradda lasoo celiyay markii hore loo ogolaaday iney halkaas tagi karto. Nyambene oo ah gudoomiyaha ururka wuxuu saxaafadda la wadaagay in lacag dhan 80 kun oo Dollar ay khasaarayaan hadii aan khaadka lagu geynin wakhtiga loogu talgalay. “Khaadka qiimahiisa wuxuu ahaa 30 kun dollar, 25 kun dollar waxey noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin Karin, waxaan aqbalaad ka helnay hay’adda duulista rayidka ee Somaliland, wax walba waxey u socdeen si fiican ilaa markii dambe ay diyaaradda gashay hwada Soomaaliya, dib u laabo waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ayaa lagu yiri duuliyihii diyaaradda” ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay Standard. Shixnadii sharci darrada lagu tilmaamay ee laga soo celiyay Hargeysa waxey wali taallaa garoonka Jommo Kenyatta, waxeyna doonayaan ganacsatada iney ogaadaan sababta dhabta ah ee loo soo celiyay diyaaradda. Ganacsatada reer Kenya ee khaadka iney suuq ka helaan Somaliland aad ayey ugu farxeen maadaama markii hore uu uga imaan jiray Itoobiya oo ay rabshado ka jiraan, waxaana kuwa Kenya heysatay suuq la’aan baahsan tan iyo markii uu dilaacay COVID19.
  18. Ciidanka Booliska Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa howlgalo kala duwan oo ay ku soo qabteen maandooriyaha Khamriga waxay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.. Taliyha Saldhiga Booliska Caabudwaaq Dhame Qalbi Axmed Cali ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada isagoo xusay in Maandooriyaha Qamriga maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay Caabudwaaq. Sidoo kale Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Galgaduud Gaashaanle Sare Maxamuud Dhagahoor ayaa ku amray Ciidamada iyo Saraakiisha in ay soo qabtaan cid kasta oo qamri soo gelisa Caabudwaaq si loo xaqiijiyo Amniga Ciidanka Booliska ayaa goob faraago ah ku burburiyay dhalooyin badan oo qamri ah kuwaasi oo ciidamada ay kusoo qabteen howlgal laga sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Booliiska Galmudug oo qabtay Khamri fara badan appeared first on Puntland Post.
  19. TAIPEI (Taiwan News) — Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs (MOFA) has hit back at China, which criticized Taiwan for enhancing its ties with the self-governing African territory of Somaliland through the establishment of reciprocal representative offices and appointment of government envoys. “The Taiwanese government and people have sought to develop a cooperative relationship with every country that values democracy and peace,” said MOFA Spokesperson Joanne Ou (歐江安) at a press briefing on Tuesday morning (July 7). She added that the country does not need China to make a fuss about its affairs. Ou said the ministry condemns Beijing for attempting to undermine Taiwan’s sovereignty. “Taiwan is Taiwan. The country is not part of the People’s Republic of China, and the Chinese government has never ruled Taiwan for a single day,” she added. The comments came after Chinese foreign ministry spokesperson Zhao Lijian (趙立堅) claimed on Monday (July 6) that the Taiwanese authorities were “plotting separatist activities” and that the ruling Democratic Progressive Party is seeking the wrong doctor for its pressing illness. Zhao further stated that China “would like to commend” the government of Somalia, which has “reaffirmed its commitment to the ‘one-China principle’ and condemned Taiwan for violating Somalia’s sovereignty and territorial integrity,” according to the ministry’s transcription of the press briefing. Beijing firmly opposes the Taiwanese authorities and their Somaliland counterparts setting up representative offices in one another’s areas and having any form of official contact, Zhao added. Officially called the Republic of Somaliland, Somaliland is a de-facto independent state with a population of approximately 3.9 million. Since declaring itself an independent state in May 1991, however, Somaliland has not been recognized by any government. Taiwan and Somaliland have pledged to enhance ties with the establishment of the representative offices headed by ambassadors. During a press conference in early July, Taiwan’s Foreign Minister Joseph Wu (吳釗燮) said negotiations between the two sides had lasted for months and that a bilateral treaty was signed in February in Taipei. The announcement has prompted criticism from the president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmaajo, who met with the Chinese ambassador to Somalia, Qin Jian, a few days after Wu’s press conference. “H.E. President Farmaajo reiterated that Somalia respects [the] ‘One-China Policy’, whilst, on the other hand, denounced Taiwan’s violation of the Sovereignty and Territorial Integrity of Somalia,” the president said via a statement. Qaran News
  20. Godinlabe (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay oo xiray haweeney ku eedeysan inay dishay gabar 11-sano jir aheyd oo maalin ka hor meydkeeda oo gowracan laga helay duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud. Fartuun Caddaan Sheekh Cali waa hooyada dhashay gabadhii la gowracay maalmo ka hor, waxayna shaacisay in gabadheedii ay dishay haweeney iyada la dhalatay, gabadha dhimatayna habo-yar u aheyd. Hooyo Fartuun oo wareysi siisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in gabadha inta aan la helin meydkeeda la weysanaa mudo 15 maalmood ah, isla markaana uu jiray muran waayihii dambe u dhaxeeyay, iyada iyo habar-yarteed oo markii dambe dishay. Hooyo Fartuun waxa ay sheegtay in markii falkaasi dhacay ay ku sugneed Muqdisho oo ay deganeyd, balse ay gaari raacday markii lagu soo wargeliyay in la waayey gabadheedii, sidaasna ay ku gaartay deegaanka Godinlabe, si ay wax uga raadiso. Mudo ay baadi goobayeen kadib waxa ay sheegtay in duleedka deegaanka ay ka heleen meydka gabadha oo u muuqday mid mar hore la gowracay. “Markii falku dhacay Xamar ayaan joogay, oo waan deganahay, hooyadey oo ku nool Godinlabe ayaa itiri isii gabadha aan adeegsadee, runtii hooyo waa jecleyd ilamaha, balse cadaw ay dhashay ayaa la joogay, seddax jeer waxaa si khaas ah ii soo wacay gabadheydii oo I dhaheysa ‘hooyo aniga habaryar waa I dishay, waxayna ileedahay surka ayaan kaa goynaa’ iyadii ayaan wacay oo waxaan iri maxaad ka rabtaa gabdha yar ee aan ciidanimada inkugu soo diray, waxayna iigu jawaabtay hooyo ayey igu dirtaa” ayey tiri Fartuun oo dhashay gabadha la gowracay. Hooyo Fartuun ayaa sheegtay in walaasheed ay qiratay inay gowracday gabadha yar, kadib markii ay si khasab ah uga waday guriga, sidaasna ay u geysay meel duur ah oo ay ku gowracdo. “Waa ay qiratay oo waxay tiri maalinka aan falkaas sameeyey hooyo ayaa magaalada aaday, markey baxdana waan garaacay gabadha iyadoo jilicsan oo dhiig tufeysa ayaan weday, waxaan geeyey meel ceelal leh, waxaan damcay in aan ceelka ku rido, hadana waxaan is iribey tiri amey kugu dhegtaa oo aad iskula dhacdaan, kadibna waxaa igu soo dhacdabey tiri in aan gowraco oo sidaas ayaan ku gowracay” waxaa sidaas tiri Fartuun Caddaan Sheekh Cali oo ah hooyada dhashay gabadhii lagu gowracay Godinlabe. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Fartuun-Cadaan-Sheekh-Cali-.mp3
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-07072020-SAx-Sax-Sax.mp3 View the full article
  22. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-07072020.mp3 View the full article
  23. The UAE is embracing the new travel normal, with the country's airlines flying to a wide range of destinations across the world. Dubai officially reopened to tourists on Tuesday, with several flying to the city on day one. Source: Hiiraan Online
  24. UNSOM, Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa dhaweeyey Shirka Dowlad Goboleedyadu ku balansan yihiin khamiista inuu ka dhaco Dhuusamareeb. Ergayga Gaarka ah ee [...] The post Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyey, bogaadiyeyna Shirka Dhuusamareeb appeared first on . Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka Shirkadda BIMO oo qaadatay qandaraaska dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid ay maanta xiratay xaruntii degmada oo dhawaan xarigga laga jaray. Maamulka Shirkadda oo ay ka maqan tahay lacag dhan 320 kun oo doolar ayaa Ganjaalka banaanka ee degmada ku xiray quful waxayna sheegeen in aysan cidna geli karin ilaa laga siiyo lacagta ka maqan. Qaar kamid ah shaqaalaha xarunta degmada ayaa sheegay in saakay uu albaabka ay ka laabteen guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa. Sidoo kale dhamaan shaqaalaha iyo saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada ayaa ka laabtay albaabka kadib markii laga furi diiday. Xarunta degmada Yaaqshiid waxaa xarigga laga jaray maalmo ka hor kadib markii Dayactir lagu sameeyay waxaana xarigga ka jaray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Arrintaan ayaa noqotay mid aad looga hadal haayo gudaha magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay ee maanta. Sidoo kale arintaan ayaa ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda hoose ee Xamar.