-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Dawladda Libya oo magaaladii ugu muhiimsaneyd Maanta ka qabsaday Dagaal ooge Khalifa Haftar Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Tarhouna ee ku taalla koonfurta bari ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, taasi oo Jeneral Khalifa Haftar ka saareysa halkii ugu xoogganeyd ee ugu dambeysay ee uu kaga sugaa Galbeedka Libya. Tarhoun waxay ahayad magaalada uu Khalia Haftar kasoo qaadayey weeraradii socday 14-ka bilood ee uu doonayey inuu ku qabsado Tripoli. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Khalif Haftar iyo ciidankiisa oo ku aaddan ka bixitaankooda magaalada, taasi oo timid maalin kadib markii laga riixay goobihii ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen caasimadda. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo magaalada caasimadda ka wada saarta ciidamada Jeneral Khalifa Haftar. Dagaalka Libya ayaan weli fari ka qodneyn, maadaama ciidamada Khalifa Haftar ay maamulaan Bariga dalkaas, oo ay ka dhiseen dowlad kale, iyo koonfurta dalka, oo ah halka ay ku yaallaan goobaha saliidda laga soo saaro. Haftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Qaran News
-
Soomaali lagu tuhsan yahay inay ku lug lahaayeen afduubkii Haweenayda Talyaaniga ah ee Muslintay oo la qabqabtay Ciidamada ammaanka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay afar dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney maal-galiyeen afduubkii sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano. Qoraal kasoo baxay dacwad oogayaasha ayaa lagu sheegay in dadkan ay maal-geliyeen kooxda Al-Shabaab oo afduubatay Silvia, iyo kooxda ONLF ee dalka Itoobiya. Afarta dhalinyarada ah laba ka mid ah waa Itoobiyaan halka labada kale ay yahiin Soomaali, saddex ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay 23-jir halka midka mid ah oo 29-jir ah xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay dagan tahay Silvia. Xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ayaa lagu xiray, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ay dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiska. Warbixinta waxey sidoo kale sheegeysaa in goobahii laga soo qabtay dhalinyarada laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa la baahiyay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab. Intaas kaliya laguma soo koobine, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney lacago u aruurin jireen ururka xoreynta ogaadeeniya (ONLF), lacag ka badan 10,000 (Toban kun) oo yuuro ayey direen, sida la sheegay. Baarayaasha kiiskaan waxey sheegeen in lacagahaas loo diray wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana lagu iibiyay hub. Bishii May 2019 ayaa lasoo qabtay ragaan la tuhunsan yahay, waxaana la filayaa iney maxkamad kasoo muuqdaan dhawaan. Wakaaladda wararka talyaaniga (ANSA) ayaa faafisay magacyada shaqsiyaadka la tuhunsan yahay, waxayna kala yihiin (Isidiin Axmed, Cabdiqani Cusmaan, Saciid Maxamed iyo Rashiid Dubbad). Silvia Romano oo mar dambe la baxday (Caa’isha) waxey heshay xoriyadeeda inta lagu jiro sanadkaan kadib 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kooxahii ka qafaashay gudaha Kenya. Qaran News
-
Gabadh uu dhalay duuliyihii Jabuuti ee Jeelka Fiidiyowga ka soo diray oo Xabsiga la dhigay Dowladda Jibuuti ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay. Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran. Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray Khamiistii ay ku jirta gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay. Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin. Muuqaallo la sheegay inay yihiin dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa la soo dhigay baraha bulshada. #Djibouti : des manifestants réclament la libération du lieutenant Fouad #Youssouf Ali qui s'était enfui en #Éthiopie le 27 mars après avoir dénoncé les injustices dans l'armée de son pays. Emprisonné en #Éthiopie, il a été renvoyé de force à #Djibouti. pic.twitter.com/YRYeMUGLAR — Christophe RIGAUD (@afrikarabia) June 5, 2020 Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda mar kale ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo weli ka soo kabanaysa khasaaraha Fatahaaddii Roobabka. Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kormeer iyo u kuur-gelid ku soo samayn doona, xaaladda ka jirta magaalada iyo saamaynta ay reebtay fatahaaddii daadadka Roobka, taas oo khasaare laxaadleh gaarsiisay Qardho. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale qiimayn buuxda ku samayn doona sida loo maareeyay gurmadka ka socda Qardho iyo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii ku hanti-beelay daadadka, kuwaas oo qaarkood sheegeen in aysan weli waxba ka soo gaarin gurmadka socda. 27-April ee sannadkan 2020, Fatahaaddii daadadka ee ka dhacday magaalada Qardho, waxa la xaqiijay in ay ku dhinteen sideed ruux oo saddex kamid ah ay carruur ahaayeen, waxaana ku barakacay dad gaaraya 2600 oo qoys. Fatahaadda ayaa sidoo kale saamaysay ilaa 5000 oo guri, kuwaas oo ay ku jiraan 750 guri oo gebi ahaanba ku dumay daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 1020 xarumood oo Ganacsi. Qiimaynta Khasaaraha guud ee magaalada gaaray, waxaa lagu qiyaasay $40 milyan oo Dollar sida laga soo xigtay warbixin ay diyaariyeen guddiga gurmadka Qardho. 28-April 2020, madaxweyne Deni oo socdaal deg deg ah ku tegay magaalada Qardho kadib fatahaaddii daadadka waxa uu durbadiiba magacaabay guddiga guud ee gurmadka Qardho oo ay ku midaysan yihiin guddi-hoosaadyo kala duwan. Mudane Deni, ayaa sidoo kale maalmo halkaasi u joogay dadaalladii iyo gurmadkii dowladdu wadday, kaas oo lagu gurmanayey shacabka ku waxyeelloobay dhibaatadii dhacday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo qiimayn ku samaynaya sida loo maareeyay gurmadkii Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Abdi Tahlil Warsame, a legendary Somali singer, passed away today in Mogadishu after long illness. The Somali Federal Ministry of Information confirmed the death of the singer. Born in 1952 in Wardheer district in the Somali region of Ethiopia, Warsame came to artistic prominence through Onkod, a song written by the Somali playwright Ahmed Suleyman Bidde. A patriotic singer: Abdi Tahlil Warsame singing at the 2000 Somali Reconciliation Conference held at Arta in Djibouti He joined Waaberi troupe before being transferred to Danan, the newly formed troupe of the former Somali Revolutionary Youth Organisation. Known for his distinctive vocalist’s voice, Warsame entertained several Somali generations who listened to his songs or went to plays he had participated as an actor and singer. The Federal Government of Somalia sent a message of condolence to the family of the late singer. He was buried in Mogadishu today. At the funeral Abdirisaq Ahmed Geddi, a playwright and Somali literature lecturer, paid a moving tribute to Abdi Tahlil Warsame. Warsame is survived by thirteen children and a wife. © Puntland Post, 2020 The post A LEGENDARY SOMALI SINGER PASSES AWAY IN MOGADISHU appeared first on Puntland Post.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa maanta dib u qabsaday magaalada Tarhouna ee ku taalla koonfurta bari ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, taasi oo Jeneral Khalifa Haftar ka saareysa halkii ugu xoogganeyd ee ugu dambeysay ee uu kaga sugaa Galbeedka Libya. Tarhoun waxay ahayad magaalada uu Khalia Haftar kasoo qaadayey weeraradii socday 14-ka bilood ee uu doonayey inuu ku qabsado Tripoli. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Khalif Haftar iyo ciidankiisa oo ku aaddan ka bixitaankooda magaalada, taasi oo timid maalin kadib markii laga riixay goobihii ugu dambeeyey ee ay kaga sugnaayeen caasimadda. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo magaalada caasimadda ka wada saarta ciidamada Jeneral Khalifa Haftar. Dagaalka Libya ayaan weli fari ka qodneyn, maadaama ciidamada Khalifa Haftar ay maamulaan Bariga dalkaas, oo ay ka dhiseen dowlad kale, iyo koonfurta dalka, oo ah halka ay ku yaallaan goobaha saliidda laga soo saaro. Haftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Isha: VOA
-
Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) PRESS RELEASE Coronavirus: African Union rolls out Partnership to Accelerate COVID-19 Testing Africa has recorded more than 150,000 cases of COVID-19 and conducted just about 2.4 million tests ADDIS ABABA, Ethiopia, June 5, 2020/ — The Commissioner for Social Affairs, H.E. Mrs Amira Elfadil Mohammed, today rolled out the Partnership to Accelerate COVID-19 Testing (PACT) at the African Union Commission headquarters in Addis Ababa, Ethiopia. In his message to participants in the rollout event, the Chairperson of the African Union Commission, H.E. Moussa Faki Mahamat, said: “We have set four goals for PACT: to scale up testing for COVID-19, to continue training healthcare workers on the continent, to establish a platform for pooled procurement at Africa CDC, and to deploy one million community workers who will help trace contacts of confirmed cases. PACT is a vital component of the continental response to COVID-19 and it is the key to ensuring that we unlock our economies in a safe manner.” Anchored on the African Union Joint Continental Strategy for COVID-19 endorsed by Africa health ministers and the Bureau of Heads of State and Government of the African Union, PACT is an initiative to help prevent transmission and deaths, and minimize the social and economic harm due to COVID-19. It seeks to implement well-coordinated actions and strong partnerships to strengthen the effectiveness of response across Africa. “Until today there is no treatment or vaccine for COVID-19. This leaves us with only prevention, and when it comes to prevention our choices are limited. We must prevent more transmission by doing more testing and tracing and this is what PACT is about. That is why we are supporting Member States to do more testing, to trace, and to identify and isolate infected persons. In this way we will be able to control the virus and limit transmission on the continent,” said H.E. Amira Elfadil Mohammed, Commissioner for Social Affairs, African Union Commission. PACT has three key components: Test, Trace and Treat. Testing to diagnose cases, tracing to identify cases and their contacts, and treating to provide treatment and supportive care to cases. “The intention of PACT is to focus on some specific aspects of the response that we must do very quickly. We want to test so we can find where the virus is hiding in the community. When we test, we expect to see more cases and we must trace the contacts and treat those who are infected, otherwise the testing will be of no value,” said Dr John Nkengasong, Director of Africa CDC. With a population of about 1.2 billion, Africa has recorded more than 150,000 cases of COVID-19 and conducted just about 2.4 million tests. To achieve its testing goal of 8000 tests per million population, Africa needs to intensify testing to identify and isolate cases and trace their contacts, and this requires huge resources that cannot be mobilized without the strong partnerships that PACT will facilitate. “PACT is the game changer that will help capacitate Africa and enable it to build the strong partnerships needed to mobilize resources and support to defeat COVID-19 on the continent,” said Dr John Nkengasong. Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Govt reports 124 news cases of COVID-19 Nairobi, Thursday June 4, 2020 The positive cases include, 119 Kenyans, two Somalis, two Tanzanians and one Eritrean National NAIROBI, Kenya, June 5, 2020/ — The Government has reported 124 new cases of coronavirus from 2,640 samples that were tested in the last 24 hours, bringing the total number of positive cases to 2,340. So fat the Government has tested a total number of 87, 698 samples, the Cabinet Secretary for Health Mutahi Kagwe disclosed today when he announced the results of the tests. The positive cases include, 119 Kenyans, two Somalis, two Tanzanians and one Eritrean National. Out of the 124 cases 100 are males and 24 are females with the youngest being one-year-old and the oldest 80. Mombasa has the highest number of cases at 40, Nairobi has 38, Busia 26, Kajiado six, Kiambu three, Garissa and Taita Taveta, two cases each while Muranga and Elgeyo Marakwet have one case each. “ Elgeyo Marakwe becomes the latest county to report a COVID-19 case, bringing the total number of counties that have been affected to 36,’ the CS said The 40 cases in Mombasa are from Mvita 14, Kisauni 11, Changamwe six, Jomvu and Nyali one case each. Nairobi cases are from from Kibra 25, Kamukunji four, Dagoretti North five, Westlands , Langata and Embakasi East have one case each. All the cases from Busia are of truck driver, 18 of them from Malaba border Point, four from Busia border and four from Alupe mandatory quarantine center. In Migori, the five cases are from Kuria West which as four cases and Suna East one case while in Kiambu, the three cases are from Ruiru, Lari and Kikuyu. In Garissa the two cases are from Daadab, in Taita Taveta the two cases are from Taveta, while in Muranga, the one one case is from Kiharu, Muranga town, Elgeyo Marakwet, has one case of a truck driver from Keiyo North. Today, the CS also reported that the government has discharged 39 patients from various health facilities, bringing the total number of recoveries to 592 but also announced the death of four patients to the disease, bringing the total fatality number to 78. He cautioned the truck drivers against causing delay at the border points because of not being tested 48 hours prior to departure. “Some of our truck drivers travel all the way to Busia passing through all the road blocks without the valid document just to reach at the border point and have to wait to be tested since they cannot pass through the other side. This is purely indiscipline, and unacceptable, and will not be tolerated. I am urging our law enforcers to take appropriate action against any such drivers, flouting these measures,” Kagwe said. He also emphasized that the fight against COVID-19 is not yet over since it is firmly rooted within our communities, with the level of the spread being in the villages, estates, and homes. The Acting Director General of Health, Dr. Patrick Amoth, added that the Government is able to account for everyone based on the cumulative numbers and disclosed that the government is exploring the possibility of community isolation through the home based care and community based facilities that the government will be launching soon, to decongest and prevent health care facilities from being overwhelmed. “Remember majority of our cases are asymptomatic, so it makes no business sense to be able to manage this people in a hospital facility,” he said and added that this has worked before during the early days of HIV pandemic where low middle income countries were able to work out on interventions of home based care with very good success. Dr. Amoth stressed that it has been known that patients recover best at home because they are familiar with home environment rather than a hospital facility. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: WHO COVID-19 Africa Update 5 June 2020 BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), June 5, 2020/ — Over 168,464 confirmed #COVID19 cases on the African continent – with more than 73,000 recoveries & 4,700 deaths. View country figures & more with the WHO African Region COVID-19 Dashboard: https://arcg.is/XvuSX Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
-
Waxaan habeenkii Khamiista aheyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame. Al-fannaan Cabdi Tahiil ayaa u geeriyooday xanuun sanado badan hayey, dal iyo dibadna lagula tacaalay, waxaana ku dhintay da’da 68 jirka. Haddaba, abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir ayaa Cabdi Caziz Gurbiye uga warramay taariikh faneedka fannaan Cabdi Tahliil isaga oo sheegay inuu heesaha ku soo biiray 1964-tii. Abwaan Jiir waxaa uu sheegay in Cabdi Tahliil oo ku dhashay Wardheer oo ku jirta gacanta Itoobiya uu marka uu halkan yimid in muddo ah ka heesi jiray baararka iyo goobaha dadka isugu tagaan ilaa markii dambe uu hees u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waa heestii Onkod. Mar sii horeysay isla abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayaa Goobjoog New uga sheekeeyey qaabka uu Cabdi Tahiil ugu dhiibay heeska Onkod ee uu kusoo caanbaxay. Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir oo taariikh faneedka Cabdi Tahiil sii wado ayaa intaas ku daray in 1974-tii uu Cabdi Tahliil ka soo waday gobolka Berri uu u shaqeynayey dowladda hoose, kuna daray fannaaniin tartan ugu baxeysay dalka Nigeria, markii uu soo noqdana uu ku biiray ururka dhalinyarada iyo hobollada Waaberi. Abwaan Jiir mar uu ka hadlayey fanka Cabdi Tahiil waxaa uu yiri “ Waxaa uu ahaa fannaan cod macaan, caalami ah, codkiisa kusoo baxay, cod nadfiif ah lahaa, oo la jecel yahay”. Ugu dambeyntii, Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey waxaa uu sifeeyey dabeecadda Al-fanaan Cabdi Tahliil isaga oo yiri “ Cabdi Tahliil waxaa uu ahaa fannaan dabeecad wanaagsan, oo dadkoo dhan jecel yihiin, ilaahey ha u naxariisto”. Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil waxaa uu lahaa cod macaan, waxaana lagu yaqaanay hees caan ah oo ay ka mid yihiin “Sida Faras Bulaalo”, “Jacayl Aayatiin Leh” iyo qaar kale, saaka ayaa lagu aasay caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimadda Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin mahad celin ah u diray dowladda Iran kadib markii ay is weydaarsadeen laba maxbuus oo siyaabo kala duwan labada wadan ugu kala xirnaa. Dowladda Islaamiga ah ee Iran waxey sii deysay askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka halka USA ay xabsiga kasii deysay seynisyahan reer Iran ah oo loo heystay kiis gaar ah. Arintani waxey cadeyneysaa iney labada wadan ee khilaafka ba’an uu ka dhaxeeyay sanadahii dambe ay meel mariyeen heshiiskooda ku aadan is weydaarsiga maxaabiista. Sirous Asgari oo ahaa seynisyahan reer Iran ah isla markaana ku eedeysnaa inuu qalab ka xaday jaamacad ku taala wadanka mareykanka ayaa lasii daayay, sidoo kalana waxey Iran sii deysay Michael White oo ay sanadkii 2018 ka qabteen magaalada Mashhad inkastoo aan la shaacin sababta loox xiray. Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa soo dhaweeyay sii deynta seynisyahanka halka Trump uu barta twitter-ka kusoo qoray qoraal uu arinta ku xaqiijinayo. “Waxaan taleefoonka kula xiriiray laheystahii hore mareykanka Michael White kaas oo hadda ku sugan Zurich kadib markii ay sii deysay Iran, wuxuu diyaarad ku imaan doonaa U.S wakhti dhaw, gurigiisa ayuuna kusoo laaban doonaa” ayuu Trump soo qoray.
-
Garoowe (Caasimadda Online) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac badan ka muujiyay nuuca doorasho ay qaban karaan guddi lagu soo xulay hanaanka awood qeybsiga qabiilada (4.5). Deni wuxuu si guud u dhaliilsan yahay guddiyada ay dowladda federaalka dhisto in lagu saleeyo awood qeybsiga beelaha, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay iney qaban karaan hanaan doorasho oo ka duwan habka ay ku yimaadeen. “Waxan ka digayaa in nidaamka 4.5 laga dhigo dastuur laguna saleeyo wax walba awood qeybsiga qabiil iyadoo sharci adag laga dhigaayo, ma suuragaleyso arintaas, waxaana ka dhalan kara inuu wadanka dib u laabto” ayuu yiri Deni oo warbaahinta la hadlay. Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Deni u sheegay warbaahinta inta laga xalinaayo khilaafka labada dhinac ineysan aqoonsaneyn tallaabo walba oo ay dowladda u qaado hirgalinta doorasho qaran oo wadanka ka dhacda. Deni iyo maamulkiisa waxey diyaar u yahiin iney kaalin mug leh ka qaataan sidii loogu guuri lahaa iney shacabka soo doortaan qofka ay u arkaan inuu matali karo loogana gudbi lahaa in loo baahdo xulista guddi ku saleysan nidaamka 4.5.
-
Rome (Caasimadda Online) Shabakadda Fanpage ee laga leeyahay gudaha dalka talyaaniga ayaa shaacisay in ciidamada ammaanka talyaaniga gacanta ku dhigeen afar dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney maalgaliyeen afduubkii sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano. Afarta dhalinyarada ah laba ka mid ah waa itoobiyaan halka labada kale ay yahiin Soomaali, saddex ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay 23-jir halka midka mid ah oo 29-jir ah xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay dagan tahay Silvia. Xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ayaa lagu xiray, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ay dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiska. Warbixinta waxey sidoo kale sheegeysaa in goobahii laga soo qabtay dhalinyarada laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa la baahiyay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab. Intaas kaliya laguma soo koobine, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney lacago u aruurin jireen ururka xoreynta ogaadeeniya (ONLF), lacag ka badan 10,000 (Toban kun) oo yuuro ayey direen sida la sheegay. Baarayaasha kiiskaan waxey sheegeen in lacagahaas loo diray wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana lagu iibiyay hub. Bishii May 2019 ayaa lasoo qabtay ragaan la tuhunsan yahay waxaana la filayaa iney maxkamad kasoo muuqdaan dhawaan, wakaaladda wararka talyaaniga (ANSA) ayaana faafisay magacyada shaqsiyaadka la tuhunsan yahay (Isidiin Axmed, Cabdiqani Cusmaan, Saciid Maxamed iyo Rashiid Dubbad). Silvia Romano oo mar dambe la baxday (Caa’isha) waxey heshay xoriyadeeda inta lagu jiro sanadkaan kadib 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kooxahii ka qafaashay gudaha Kenya.
-
The UAE's two leading carriers, Emirates and Etihad, on Thursday announced that they will be linking 49 destinations across Asia, Europe and Australia in the next 10 days as airlines increase flights and resume transits with the easing of restrictions on air travel. Source: Hiiraan Online
-
Veteran Somali musician, Abdi Tahlil Warsame passed away on Thursday night in Mogadishu, Somalia, the government confirmed. Warsame 68, died at a hospital in the outskirts of capital Mogadishu where he has been undergoing treatment. According to the spokesperson of the ministry of Information, Ismael Muktar, the late musician has been in poor health condition for years. Muktar has condoled the death of the prominent musician and sent his heartfelt condolences to the bereaved family and relatives over the untimely tragic loss. Somalia’s minister of Information, Mohamed Abdi Mareeye also sent his deepest sympathies to the family and relatives of the late musician. “Warsame was a great singer and will be remembered for the role he played in promoting Somalia’s art, may Allah rest his soul in eternal peace.” said the minister in a statement. The late singer was a notable member of the famous Waberi national band.
-
Baladweyne (Caasimadda Online) Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaaladaBaladweyne iyadoo ay wehliyaan saraakiil ciidan, waxeyna safar kaga baxeen magaalada Dhuusamareeb. Warar la helay ayaa sheegaya in taliyaha iyo saraakiisha la socota ay doonayaan iney halkaas ka fuliyaan abaabul dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kala xira gobolka Hiiraan. Gen. Odowaa oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan taliska qeybta 27-aad ayaa dhawaan ka qeyb galay kulamo looga arrinsanayay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug. Taliyaha waxey u aheyd markii ugu horreysay tan iyo magacaabisitiisii uu tago magaalada Baladweyne, wuxuuna doonayaa inuu sii wado hawlgallada ay ciidanka xoogga dalka ku doonayaan iney dalka kaga xoreeyaan kooxaha argagixisada. Saldhig ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa lagu soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS, iyadoo saraakiil ka tirsan taliska 27-aad ee ka hawlgala Hirshabelle ay la qaateen kulan ay uga xog wareysanayeen qorshahiisa ciidan.
-
Former Defense Secretary James Mattis’ sharp and open criticism of President Donald Trump this week raised broad questions for Republican members of Congress about whether they feel the president is dividing the nation. Source: Hiiraan Online
-
Somali Health Ministry said the total number of COVID-19 cases in the country had increased to 2,204 after 58 new cases were confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
FOR years it was probably the world’s worst football stadium — a decaying structure with collapsing stands, its pitch replaced by shrubs and weeds while its walls were riddled with bullet holes. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay waxaa muuqaneysa in aragti ama hal go’aan ay isku raaceen shacabka iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho kaas oo la aaminsan yahay inuu halis weyn abuuri karo. Baraha bulshada ee Internet-ka, warbaahinta iyo goobaha kulanka dadweynaha ayaa ku arkeysaa dadka Banaadir daga oo go’aan isku mid ah ka qaatay Matalaadda gobalka Banaadir iyo wararka sheegaya in 4. 5 lagu qeybsan doono kuraasta ay helaan. Go’aanka ay qaataan ayaa ah “Muqdisho lama wadalahan ee waa lawada dagan yahay”. Sidoo kale waxaa muuqata iney ka siman yihiin aragtida ah in aysan cid aan iyagu aheyn go’aan ka gaari karin matalaadda gobalka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Aqoonyahaanka, siyaasiga, dhaqanka, iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa wada abaabul ka dhan ah go’aanka guddiga isku dhafka ah ee labada aqal, waxaana socda kulama isdaba joog ah. Sidoo kale kulamada waxaa qeyb ka ah saraakiil ciidan taas oo ka dhigan in dadkii u dhashay gobalka Banaadir midoobay. Dadkaan oo nuucyo kala duwan isugu jira ayaa u muuqda kuwa u diyaarsan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda iyo kacdoon dadweyne, si loo muujiyo rabitaankooda ku aadan matalaadda gobalka Banaadir. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shalay sheegay in kacdoon uu sababi karo qorshaha kasoo baxay guddiga wadajirka ah ee ku saabsan matalaadda gobalka Banaadir. Sidoo kale baraha bulshada ku kulmaan ayaa waxaa ka socda dagaal xoog leh iyo weeraro lagu qaadayo guddiga warkaan soo saaray. Haddii aan arintaan wax laga badalin ayaa waxaa laga cabsi qabaa in kacdoon ka dhan ah dowladda ka bilaawdo Muqdisho kaas oo qatar ku ah dowlada Soomaaliya oo Muqdisho kaliya awood ku leh, ayna suurta-gal tahay in magaalada laga eryo.
-
Fannaan Caanka ah Dhulalka Somalida oo Goor dhaweyd geeriyooday Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada Xaaladda caafimaad ee Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya. Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu. Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii. Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide. Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar. Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari. Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas. Qaran News
-
Jilib (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruucii ay ugu magac dareyn carabiyeenta dadka Soomaaliyeed. Mashruucaan oo bilooyin ka hor ay ku dhawaaqday Al-Shabaab ayey hadda waxay kooxdu sheegtay inay soo saartay dufcaddii ugu horeysay oo ka qalin jabiyey barashada Luuqadda Carabiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dufcadaan ay ka qallin jabisay iskuulka lagu barto Luuqadda Carabiga oo ay ka furtay Magaalada Jilib, kaasi oo lagu magacaabo Alxikma . Xafladda qallib jabinta oo u muuqatay mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa ujeedada mashruucaan ku sheegtay inay tahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo barashada Diinta Islaamka, taasi oo barashda luuqadda Carabiga ay sahli karto.