Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,245
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shalay oo aheyd 6 bisha Juun 2020, Madaxweyne Maxamed Cabdullah Farmajo wuxuu ka jeediyay khudbad buuq iyo sawaxan hareeray furitaanka Kalfadhiga 7 aad ee labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Waxgarad badan ee aad ugu welwelsanaa xaaladda murugsan ee ka taagan Soomaaliya waxay aad uga calool xumaaday khudbadda Madaxweyne Farmaajo jeediyay afar sababood: Inay aad uga fogeed ka tarjumidda xaqiiqada dhabta ah iyo marxaladda cakiran ee dalka marayo taaso keentay inaan waxba la qaban dhibaatooyinka faraha badan ee dalka horey u haystay iyo kuwa ku soo biiray 3 1/2 ee la soo dhaafay. Inay ka soo horjeeday mas’uuliyadda Madaxweynaha JFS ee ku xusan qodobbada 87 iyo 90 ee dasturka kmg. Madaxweynaha JFS waa Madaxa JFS ee ma ahan Madaxa Xukuumadda, Madaxa Garsoorka, iyo Madaxda BFS, taaso ku saleysan kala xadeynta awoodaha dowladda iyo gooni gooni ula xisaabtankooda. Xilka Madaxweynaha wuxuu yahay jiheynta siyaasadda midnimada, ilaalinta dastuurka iyo xasilloonida guud ee dalka. Waxaa ilaa maanta lala yaabay oo ka baxsay dhaqanka dowladnimo codsiga Madaxweyne Farmaajo oo ah in BF oggolaado tiro Xildhibaanno Aqalka Sare (Senator) ah ee uu siiyo Gobolka Benadir. Codsigaas waa mid khilaafsan dastuurka, xilka Madaxweynaha, waana dhaqan laga dhaxlay xukuumaddii militeriga aheyd. Waa codsi ka soo horjeeda nidaamka dimoqradiga ah ee dalka laga hirgelinayo. Waxaa kaloo khalad iyo xadgudub ah in Gobolka Benaadir oo aan la laheyn ismaamul ka madax bannaan dowladda federaalka loo baryo kuraas Aqalka Sare ku matasha. Waa tallaabo lagu jaahwareerinayo maamulka Qaranka. Khudbadda laguma soo qaadin arrimo badan ee shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka sugayeen, waxayna daaha ka qaaday aqoondarro la xiriirta dowladnimada iyo abaal ka dhaca beesha caalamka lacag ku dhow 4 bilyan gelisay 3 1/2 sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku celceliyay inuu ka soo horjeedo talo la wada lahaanshaha beesha caalamka ayadoo Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka dhexeeyo heshiis wada shaqeyn (International mutual Partnership agreement). Madaxweynaha waxaa laga sugayay inuu shacabka soomaaliyeed siiyo xogwarran daacadnimo iyo xikmad ku dheehan tahay ee arrimaha xasaasiga ee hadal hayntooda la wada og yahay, lagana welwelsan yahay, kaddibna uu bixiyo tilmaamo abuuraya waxqabad, rajo, iyo kalsooni in dareenka shacabka la siinayo tixgelin iyo mudnaan. Nasiib darro ma dhicin, taaso dibedda iyo gudaha ka abuurtay rajo xumo iyo welwel badan. Inay aheyd farta iyo meesha bugta ayaa iska warqaba. Madaxweyne Farmaajo wuxuu marar badan ku soo celceliyay gumeysi diid, kursi lagu doonayo dhiiga dhallinayarada, musuqmaasuq la dagaalan, iyo qablyad la dagaalan ayadoo 3 1/2 sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha lagu eedeynayay ku dhaqanka qabyaalad, musuqmaasuq iyo kala qaybinta bulshada, iyo cabburinta saxaafadda iyo mucaaradka. Waxaa kaloo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeyay inuu dhalliyaro masaakin ah u adeegsaday dagaallada sokeeye ee Jubbaland iyo Galmudug iyo cabburinta muwaadiniinta iyo saxaafadda xorta ah ee Gobolka Benadir. Inay daboolka ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo ka go’aan tahay inuu ku fadhiyo kursiga Madaxweynaha kaddib dhammaadka mudda xileedkiisa 4 sano ee ay ka harsan tahay 8 billod ama 246 maalmood. Khudbadda oo aheyd war qubanaha ah ee isburrinaya waxay caan ku noqotay in dowladda federaalka siisay 65 arday oo agoon ah deeq waxbarasho muddo 4 sano, tiradadaaso Madaxweyne Farmaajo si xamaasad leh ugu celceliyay. Saacado kaddib, Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed ayaa Twitter-kiisa ku sheegay cudurdaran la’aan in tirada aheyd 65,000 arday. Arrinta kale ee khudbadda caan ku noqotay waxay tahay bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidammada dowladda kuwaaso aan dastuurka iyo sharciga ciidammada iyo shaqaalaha dowladda federaalka waafaqsaneyn. Waxaa mushaar la siinayaa ciidammo gaar ah ee ka baxsan dastuurka iyo heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Beesha caalamka wada gaareen 2017. Wa dambi qaran in shaqaale iyo ciidammo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga dalka la siiyo mushaar. Madaxweyne Farmaajo ma xusin in khudbaddiisa aheyd tii ugu dambeysay muddo xileedkiisa ku eg 7 Febraayo 2021 iyo in kalfadhiga 7 yahay kii ugu dambeyay ee BFS 10aad oo waqtigiisa ku eg yahay 26 Disember 2020. Arrintaas waxay ishaareysa xaaladda maskaxeed ee Madaxweyne Farmaajo. Markii uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlayay doorashada 2020/2021, wuxuu muujiyay daacad-darro iyo inuu damiir ahaan dambiile yahay sababtoo ah wuxuu ku dadaalay inuu eedda ku wareejiyo xukuumadda, barlamaanka, iyo guddiga doorashada qaranka. Wuxuu ku celceliyay inuu qaadimiintiisa (adeegayaashiisa) faray, kula dardaarmay, u sheegay inay waajibaadkooda gutaan, haddiise aysan gudan ayaga ayaa ka mas’uul ah oo lagu eedeynaya, asaguna ceeb ka saliim yahay. Madaxweyne Farmaajo maalin kasta wuxuu maqlayaa ama loo sheegaya in dalka ka dhicin doorasho hal qof iyo hal cod iyo in qodobbo badan ee sharciga doorashada laalan yihiin oo sharciyo kale loo baahan yahay. Haseyeeshe ma rabo inuu arrimahaas siiyo mudnaan. Khudbadda waxay si aan shaki ku jirin daboolka uga qaaday in Madaxweyne Farmaajo akhrin, darsin, aaminsaneyn dastuurka federaalka iyo sharciga doorashada uu saxiixay, wuxuuna shacabka ka indha sarcaadinaya in Soomaaliya lagu dhaqayo qodobka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay madaama Soomaaliya loo aqoonsaday dal khatar u ah nabadda caalamka. Madaxweyne Farmaajo wuxuu is ilowsiinaya in Xoghayaha Guud ee QM uu 3 bilood kasta u gudbiyo Golaha Ammaanka xogwarran ku saabsan xaaladda siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha, dhismaha dowladda, iyo bani’aadamnimo. Sidoo kale, sannadkasta, Guddiga QM ee la socoshada xaaladda Soomaaliya wuxuu u gudbiya Xoghayaha Gudd ee QM iyo Golaha Ammaanka warbixin ku saabsan maamulxumada iyo xadgudubyada ka dhaca Soomaaliya. Intaas waxaa soo raaca warbixinnada Hay’adda Lacagta Adduunka, Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) iyo hay’adaha madaxabannaan oo caalamiga ah, warbixinnada la siiyo Aqalka Wakiillada Mareykanka ( US Congress), kuwaaso isku raacsan xaaladda ba’an ee nabadgelyo, dhaqaale, bani’aadamnimo, siyaasad iyo maamul ee Soomaaliya ku sugan tahay iyo gurmadka loo baahan yahay si loo badbaadiyo geedisocodka nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa joogto noqday baaqyada caalamiga ah ee ah in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada wada shaqeeyaan oo khilaafaadka 2 sano hareeray xalliyaan, hase yeeshe ma muuqdo dadaal lagu xallinayo khilaafka sii xumaanaya. Xubnaha Golaha Ammaanka waxay si wadajir ah ugu sheegeen Madaxweyne Farmaajo inuu joojiyo colaadda uu ka hurinayo Jubballand, Puntland, iyo Galmudug. Hase yeeshe ilaa hadda dheg jalaq uma siin baaqaas. Waxyabaha Khudbadda aan lagu xusin ama beenta la sheegay waa badan yihiin, waxaana ka mid ah: Lama sheegin sababaha aan xisaab xirkii 2018 iyo 2019 loo horgeyn barlamaanka iyo sababta Hantidhowraha Guud uusan ugu gudbin BF natiijada baaris sannadeedka maamulka hantida ummadda sannadaha 2017, 2018, iyo 2019. Lama xusin in 21 ee 23 sharci ee BFS ansixiyay 2017-2020 ay sabab u aheyd dalabka iyo cadaadiska beesha caalamka sida Ururka Midowga Africa, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, iyo Qarammada Midoobay si loo helo taagerada dhaqaalaha iyo socodsiinta barnaamijka deyn cafinta iyo kabidda Miisaaniyadda, nabadgelyada, iyo diblomasi. Lama sheegin maaliyadda DF ka heshay deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha caalamiga 2019 iyo 2020. Lama sheegin maaliyadda loo baahan yahay si loo hirgeliyo doorashada halka qofka iyo halka cod 2020/2021 iyo rajada laga qabo in lacagta la helo ka hor waqtiga doorashada. Taas waxay muujineysa marin habaabinta shacabka soomaaliyeed loogu tala galay. Lama xusin in Soomaaliyaa laga rabo fulinta barnaamij dib u habeyn dhaqaalaha iyo Maamulka Maaliyadda iyo dowlad wanaagga ee soconaya 3 sano si loo cafiyo deynta lagu leeyahay. Lama sheegin sababaha loo diidan yahay in Warbaahinta madaxabannaan soo tebiso si toos ah wararka dowladda taaso ah asaas u ah ilaalinta xorriyadda saxaafadda 6, Shacabka lagama qancin sababta mar saddexaad dib loogu dhigay dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda Caalamiga ah. Lama xusin Xasuuqa ciidammada dowladda u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed ee ka dhacay deegammo kala duwan iyo ciqaabta ay muteysteen dambiilaayasha ka dambeeya xasuuqa iyo xaq siinta dhaxalyooyada dadkii la xasuuqay. Lama xusin colaadaha ka socota Gobolka Gedo ee Jubbaland. Lagama hadlin diyaaradii ciidammadas Ethiopia ku soo rideen Bardaale, rakaabkii ku dhintay, iyo middii lagu toogtay Qansaxdheere. Lama xusin xaaladda bani’aadamnimo ee colaadaha, fatahaadda, iyo abaaraha abuureen iyo dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa. Lagama hadlin jidadka Magaalada Muqdishu ee xiran muddo 3 sano ah, shacabkuna ka qaylinayaan. Tafaasiil lagama bixin kaalmada Cudurka Covid-19 iyo sida dalka loogu qaybiyay. Lagama hadlin Ciidammada Ethiopia oo dalka ku jooga sharcidarrada oo Xisbiyada iyo dowlad Goboleedyada ka dacwoodeen. Lama xusin caqabada hakiyay wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Lagama hadlin xaraashka kheyraadka shidaalka iyo kalluumeysiga horey loo sameeyay ama gabogabo ah. Madaxweynaha wuxuu uga hadlay sidii inaysan waxba dhicin ama socon ee la rabo nadabgelyo si kheyraadka looga faa’ideysto. Waxyabaha Madaxweyne Farmaajo beenta ka sheegay waxaa ka mid ah: In sharciga doorashada ka soo horjeedo ama xaarantimeeyay wax ku qaybsiga qabiilka 4.5 . Qodobka 12(3,5) ayaa faraya dhawrista mataaladda qabiilka. In tirada dilalka iyo dambiyada kale ee ka dhacay Gobolka Benadir ay hoos u dhaceen 2020. In horumar laga sameeyay xagga siyaasaddda, nabagelyada, iyo dhaqaalaha 3 1/2 sano ee la soo dhaafay. In koritaanka dakhliga canshuuraha la mid tahay koritaanka dhaqaalaha dalka. Kordhinta canshuurta waxay abuuri kartaa hoos u dhac dhaqaale. In Ciidammada dowladda laga dhigay kuwo isku dhafan oo u hoggaansan dastuurka iyo sharciga. Waa iidheh. In dowladda Madaxweyne Farmaajo bilowday mashaariicda dhaqaalaha, maaliyadda, waxbarashada, iyo caafimaadka, kuwaaso la bilaabay 2013, 2014, 2015, iyo 2016. Mashruuca dugsiyada aada, barnaamijka deyn cafinta, tirakoobka ciidammada iyo shaqaalaha, iyo barnaamijka la dagaalka musuqmaasuqa waxaa la bilaabay xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud. Madaxweyne Farmaajo wuxuu inkirsan yahay in laga soo bilaabo 2000 dalka Soomaaliya ka talinayeen dowlado xukunka isaga dambeeyay. Dabeecadda ah “anigaa ugu horreeya” waa cudur halis ah. Dr. Maxamud M Culusow Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay Califahad maxamed jaamac muuse kaas oo ka mid ah wariyayaasha ka howlgala SAABTV, Wariye Cabdifitaax ayaa waxaa runta ugu yimid ciidamo ka socda laanta danbi baarista ee CID-da iyaga oo u keenay warqad ka socota xarunta loogana dalbanaayo inuu yimaado, markii uu tagay ayaa lagu war geliyey inuu xiran yahay. Xarigga wariyaha ayaa la sheegay inuu dabo socdo qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebooke oo uu ka soo xitgtay wariye ka kale mana jiro wax ar ah oo ka soo baxay xaruntii uu ka tirsanaa ee SAABTV. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Laba maalin ka dib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaan qoray maqaal dheer oo aan ku lafoguraayey khudbaddiisii doorashada, waxa looga fadhiyo, qorshahiisii Nabad iyo Nolol. Marka laga soo tego wixii aan ku qoray maqaalkaas, waxaan ka mid ahaa dadkii rejada wanaagsan ka qabay in dalka uu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod, taas oo xor ka ah farogelin nooc kasta. Sanad ka dib doorashadiisa, waxaan ka niyadjabay sida ay wax ku socdaan. Waxaa u sabab ahaa labadan arrimood. Midda koowaad, wixii ka dambeeyey shirkii Baydhabo ee qabsoomay sanadkii 2018, madaxweyne Farmaajo wuxuu la yimid siyaasad waaweynka ah oo aan u fahmay in nuxurkeedu uu ahaa cid aan aniga ahayn wax kama goyn karto siyaasadda dalka. Midda labaad, waa markii hay’adda fullinta ay gacanta ku dhigtay awooddii dalka oo dhan iyada oo si dadban u yeelatay ciddii la xisaabtami laheyd oo ay ugu horreyso Golaha Shacabka (Hay’adda Sharci-dejinta) iyo Laanta Garsoorka. Si kale u dhig, waa markii awoodda siyaasadda ay ku soo uruurtay xafiiska madaxweynaha iyo tan ra’iisulwasaarihiisa; siyaasaddii qarankana ay iska noqotay mid ka bilaabanaysa kuna dhammaanaysa xafiiskooda. Tani waxaa ka dhashay in dib la isku weyddiiyo su’aal waqti dheer soo taagneed, taas oo ku saabsan sababta keentay in madax badan oo Afrikaan ah aysan wax xurmad ah u heyn sarreynta sharciga, dastuurka, garsoor madaxbannaaan, siyaasadda mucaaradaysan, xisbiyada siyaasadeed, saxaafad xor ah iyo doorasho waqtigeeda ku dhacda. Jawaabta waxaa laga dhex heli karaa ‘siyaasadda waaweynka (big man politics),’ oo ah siyaasad marka ugu dambeysa abuuraysa deegaan siyaasadeed leh saddexdan astaamood: In lagu kala baxo awood iyo wax maquunin. Si kale u dhig, in cagta la mariyo cid kasta oo lagu arko siyaasad mucaaradaysan. Dastuur iska qoran balse aan lagu dhaqmeen iyo hay’adda sharci-dejinta iyo garsoorka dalka oo si dadban gacanta loogu dhigo. In Madaxweynaha la weyneeyo ilaa sawiradiisa lagu dhejiyo xafiis kasta iyo waddooyinka waaweyn si qofna uusan shaki uga gelin cidda madaxda ka ah dalka. Dadkii ku dhaqmay siyaasaddaas waaweynka ee taariikhda ku qoran waxaa ka mid ah Siyaad Barre, Mobutu Sese Seko, Sadam Hussein, Meles Zenawi iwm. SIYAAD BARRE IYO SIYAASADDIISII ‘WAAWEYNKA’ Dowladdii Kacaanka waxay shacabka Soomaaliyeed u isticmaashay farsamooyin ay maskaxda kaga qabsanaysay, iyada oo ay doonaysay in ay ku gaarto laba ujeedo: In Siyaad Barre uu weligiis ku sii fadhiyo kursiga Villa Somalia iyo in shacabka lagu qanciyo in xukunkiisu uu sharci yahay. Farsamooyinkaas waxaa ka mid ahaa dhiriggelinta siyaasadda nacamleynta ama guulwadeynta (patronage politics) iyo dimuqoraaddiyad ii dheh ah oo bacqafiif ku jirta. Waayo nidaamka dimuqoraaddiga ah wuxuu u baahan yahay hay’ado xooggan oo ka madaxbannaan qofka la doortay, kuwaas oo ay gadaal ka fadhiyaan muwaaddinniin ku hubeysan dal jaceyl, hayb qarannimo iyo hab maamuus dowladnimo oo aqooneysan. Farsamadii ugu weyneed ee uu Kacaanku adeegsaday waxaan ku tilmaami lahaa siyaasaddiisii waaweynka aheyd (the politics of the belly or patron-client relations), taas oo Siyaad Barre ka dhigtay keligiitaliye ku dhiiraday in uu masraxa siyaasadda ka saaro dastuurkii qaranka, golaha shacabka, xisbiyada muxaaradka, warbaahin xor ah, ilaa markii dambe uu gaaray heer uu isagu gacantiisa ku sameysto sharci, dalkiina uu ka dhigtay sida qayb ka mid ah hantiisa gaarka. Doorasho qof iyo cod ah warkeeda daa! Shacabka Soomaaliyeed waxaa soo maray xukunkaas militari, oo si arxandarro ah ula dhaqmay, kana reebay dalalkii la midka ahaa. Dalalkaas oo wixii ka dambeeyey 1990 kii u wareegay nidaam doorasho oo dimuqoraaddi ah, kaas oo ku saleysan siyaasadda xisbiyada badan. Waxaa ka mid ah Kenya, Nigeria, Ghana, South Africa iwm. FARMAAJO IYO SIYAASADDIISA ‘WAAWEYNKA’ Waxaa jirta laba sababood oo keenaysa in Siyaad Barre laga fisho in uu la yimaado siyaasad waaweynka ah. Midda koowaad, dabeecad ahaan wuxuu ahaa qof askari ah, oo markiisii hore siyaasadda ka soo galay dhanka ciidanka. Tan labaad, wuxuu dalka ku qabsaday afgambi militari. Si kale u dhig, wuxuu ku qabsaday qori caaraddiisa oo aan dhiig badan ku daadan. Marka laga soo tego Siyaad Barre iyo xilligiisii, waxaa wax laga naxo ah in saddexdii sano ee la soo dhaafay ilaa iyo xilligan siyaasadda Soomaaliya lagu arki karo astaamo muujinaya siyaasadda waaweynka. Waxaa ka mid ah in siyaabo kala duwan loo yeeshay hay’adahii la xisaabtami lahaa laanta fullinta oo ay ugu horreyso sharci-dejinta, garsoorka iyo qaar ka mid ah ururada rayidka iyo warbaahinta madaxbannaan. Waxaa loo isticmaalay waxa afka cilmiga siyaasadda lagu dhaho “co-option strategy.” Sidoo kale, waxaa albaabada laga xirtay siyaasadda mucaaradaysan oo aan og nahay kaalinteeda ku aaddan xoojinta dhaqanka dimuqoraaddiga. Awooddii siyaasadda dalka waxay ku soo uruurtay hal xafiis, si kale u dheh, waxay ka bilaabanaysaa kuna soo dhammaanaysaa xafiiska madaxweynaha. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxay siyaasaddii loo baahnaa ee ku dhisneed wax wada yeelashada, wadatashiga, isu-tanaasulka, is-oggolaanshaha iyo heshiis siyaasadeed loo dhan yahay (political consensus). Markaad la barbardhigto dowladdii Hassan Sheikh iyo tii Shariifka, waxaad ogaanaysaa in farqiga ugu weyn uu ka jiro dhanka siyaasadda. Shariifka waxaa lagu xusuustaa siyaasaddiisii furfurneed, Garowe 1, 2 iyo doorashadii dalka looga saaray kumeelgaarnimada. Halka Hassan Sheikh lagu xusuusan karo siyaasaddiisii furfurneed, madasha qaranka iyo doorashadii 2017 dhacday. Madaxweyne Farmaajo isagana waxa keliya ee lagu xusuusan doono waa doorashada qofka iyo codka ah waa haddii uu ka dhabeeyo. Inkasta oo aan aad uga dayriyey saddexdii sano ee u dambeysay, haddana maamulka Farmaajo waxaa lagu sifeyn karaa sida markab ka lumay jihadii doorasho oo dhex sabbeynaya badda biyaha furan, kaas oo ay marba dabeeshu dhinac u riixayso. Si kale u dhig, madaxweyne Farmaajo waxaa laga filaayey in si gaar ah uu mas’uuliyad iskaga saaro sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, marnaba lagama sugeyn in markii sagaashanka la soo gaaro iyada oo firimbiga afka lagu haayo uu dhaho waxaa dhacaysa doorasho qof iyo cod. Ugu dambeyn, haddii doorashadaas ay dhacdo, lana sii joogteeyo oo afartii sano ba santuuqa lagu kala baxo, lana dhammeystiro dastuurka, sidoo kale la kala madaxbannaaneeyo laanta sharci-dejinta (Barlamaanka) iyo fullinta waxaan ku doodayaa in Soomaaliya ay ka badbaadeyso siyaasadda waaweynka iyo keligiitalisnimo. WQ: Hassan Mudane Agaasime Ku Xigeenka Machadka HIPAD Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. Source: goobjoog.com
  4. Janaale (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa madaafiic ku garaacay deegaan duleedka kaga beegan Magaaladaas. Madaafiicda ay AMISOM rideen ayaa lasoo sheegayaa inay khasaare isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad Shacab ah oo halkaas ku noolaa. Halka ay AMISOM ku garaaceen madaafiicda oo ah Tuulo lagu magacaabo Kali Asaayle, oo wax ka yar 2km u jirta degaanka Janaale, ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo shacab ah. Sida dadka deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dadka ku dhintay madaafiicdaas ayaa waxaa kamid ahaa Gabar iyo Hooyadeed. Xilliga ay AMISOM madaafiicda halkaas ku garaaceysay ayaa waxaa la sheegay inay xubno ka tirsan Al-Shabaab meel fagaare ah kula hadlayeen dadka Tuulada Kali Asaayle kadib markii ay saaka halkaas soo gaareen. Dadka Shacabka ah ee ku dhintay madaafiicda Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay yihiin Beeraleey, iyadoo dadka ku dhaawacmay loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM labaduba weli kama hadlin weerarkaas dhibaatada loogu geystay dad Shacab ah, mana ahan markii ugu horeysay oo ay AMISOM xasuuqdo dad Shacab ah.
  5. Khudbaddii Sabtida uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furintaanka kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay xambaarsaneyd farriimo fara badan oo ay ugu hurreyso doorasho qof iyo cod ah oo inta badan khudbaddu ay ku saleysneyd, iyadoo aan ognahay in doorasho qof iyo cod ah aaney xilli dhow dalkani diyaar u ahayn isla markaana aaney suurtaggal ahayn. Iyadoo weliba aan ognahay in Covid-19 aan lagu dhawaaqin in laga adkaaday oo gabi ahaanba uu dalka ka maran yahay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-3.mp4 Halkan Kasii Aqriso Maqaalka Oo Qoraal Isaga Dhameystiran 5 Qodob Oo Laga Dheehan Karo Khudbaddii Madaxweyne “Farmaajo”… Xasillooyin Darro Siyaasadeed Ayaa Kow Ka Ah! Source: goobjoog.com
  6. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Howl-galkaan waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ay geysay magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga magalada. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa magalada Gaalkacyo Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay guri ku yaalo koonfurta Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Taliska ciidamada Militariga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee gobolka Shabellada Hoose,waxaa ay ku sheegeen in howlgalkaas ay kusoo qabteen qaraxyo lagu diyaarinayay duleedka janaale. Taliyaha ciidanka dhulka Janeral C/Xamiid Maxamuud Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay qaraxyo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku Aasaan wadada u dhaxeysa Janaale iyo tuulada Urunji ee gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas ay sidoo kale ku dileen 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay sidoo kale bururiyeen Xarumo ay ku diyaarin jireen qaraxyada waa sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidamada dhulka xoogga dalka Cabdixamiid Maxamuud Dirir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay sida uu u arko buuqii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo uu madaxweyne Farmaajo furayey kala fadhigii 7-aad ee labada Aqal. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyey Telefishinka Dalsan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka faa’ideysan waayo tallooyinkii ay u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana uu ka hadli waayey xaaladda dhabta ah ee dalka ku jiro. Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu kaliya diiradda saaro faan iyo inuu sheegto waxqabad aan loo jeedin, sida uu hadalka u dhigay, halkii laga rabay inuu ka run sheego xaaladda uu dalka ku jiro. “Madaxweynaha waxay aheyd inuu ku hadlo luuqad dib u heshiisiineed oo uu isku dayo in dadka ay kala irdheeyeen ugu baaqo isku soo noqosho iyo wadahadal,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Mar wax laga waydiiyey Buuqii iyo foodadii ka dhacday kulankii baarlamaanka xilli uu khudbad jeedinayey Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in isaga indhihiisa arkayeen Labo senator oo ku buuqay khudbadii Madaxweynaha, kuwaasoo maalmo ka hor laga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wuxuu arrintaas ku tilmaamay inay aheyd fursadda kaliya ee madaxweyne Farmaajo looga aargudan karay xilli ay xaadir ahaayeen dhammaan xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. “Tallaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay iyo buuqii Xildhibaannada waxaa la rabaa Madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeyee, Siyaasiyiin buu amray in guryahooda lagu weeeraro, Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey buu isbaaro garoonka u dhigtay, Senatarada ku buuqay buu garoonka ka celiyey iyagoo Janaaso u socda”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo intaa ku daray inuu la yaaban yahay dulqaad la’aanta Madaxweynaha. Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in markii xilka laga tuurayey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ay jireen Xildhibaano buuqayey iyo kuwa Firimbi yeerinayey. ”Jawaari markii la ridayey xildhibaanno iyo wasiirro ayaa buuqayey oo Firimbi yeerinayey taas lama yaabbani ee dulqaad la’aanta Madaxweynaha iyo waxa uu ku kacayo ayaa meel iskula kay gali weysan,” ayuu yiri.
  9. A senior Al-Shabaab official has reportedly surrendered to the Somali National Army (SNA). SNA commander Ahmed Mohamed Tredishe said Bishar Mumin Afrah surrendered at Hiran in Central Somalia. Gen Tredishe told the Somali National News Agency (Sonna) that the Shabaab man surrendered to the 52th Division of the SNA in Buloburte town, 200km north of Mogadishu. “Afrah deserted Al-Shabaab and surrendered to SNA, carrying with him two AK47 assault rifles and large amounts of ammunition,” said Gen Tredishe. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo in February offered pardon to any Al-Shabaab members who renounces the jihadist ideology. He promised a demobilisation and reintegration into the society. NO COMMENT The Shabaab were yet to react to the claims. Meanwhile, a lower court in Nugal in Puntland on Wednesday sentenced eight people to varying jail terms for possessing alcoholic drinks. A total of nine people, eight men and one woman, appeared in the court, all of them accused of being involved in the illegal liquor trade. The accused were apprehended during security checks in Garowe, 1,000km northeast of Mogadishu. A public prosecutor displayed an assortment of drinks the accused were charged with possessing. PROHIBITED After the hearing, the court sentenced two of the accused to five years in prison for being the owners of the drinks. Six others were given six months prison terms each. A woman was set free after the judge declared there was not enough evidence against her. The possession, sale and consumption of alcoholic drinks is prohibited in Somalia. Source: Daily Nation
  10. The speaker of Somalia’s Lower House of parliament Mohamed Sheikh Mursal and the leaders of the opposition party, Forum for National Parties, Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud held a closed-door meeting on Sunday night. The two former presidents who currently lead the opposition Forum for National Parties coalition, discussed the 2020/2021 elections and ongoing efforts on COVID 19 response in the country. The ex presidents have long expressed suspicion that President Farmajo’s administration plans to delay the 2020/21 elections in order to extend its mandate. However, the two opposition leaders told the speaker that they will not allow an extension of term for the current government and warned its leadership against delaying the much anticipated polls. The speaker has in return assured the former presidents that election will be conducted on its actual time. During the opening of the seventh session in the parliament, the country’s leadership also stressed that it will hold the election on its stipulated time which is February next year. President Farmajo signed the election bill into law in February this year. Under the new election system, citizens will directly vote for parties, with parliamentary seats being allocated according to the final tallies. The members of parliament will then elect the president and prime minister while the prime minister must come from the majority party in parliament
  11. Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wiil dhallinyaro ah waxaa uu ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Wiilka dhallinyada ah ee la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaaj waxaana magaciisa lagu sheegay Yaxye shariif Daahir, waxaana warar kale duwan ay ka soo baxayaan sababta keentay in askari uu toogto Marxuumka. Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askari iyo wiilka ay murmeen taas oo dhalisay in askariga dhowr xabadood uu ku dhufay marxuumka, isaga oo goobta ku geeriyooday. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa goobta ka qaaday Meydka marxuumka iyaga oo geeyey mid ka mid ah goobaha caafimaadka degmada ku yaallo waxaana goobta soo gaaray ehelda wiilka ladilay oo qaatay meyd wiilkooda. Waxaa sidoo kale warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan askarigii dilka geystay oo la leeyahay waxaa uu ka baxsaday goobtii uu dilka ku geystay, halka wararka qaarna ay tilmaamayaan in ay qabteen ciidamada dowladda. Waxaan jirin war war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan wiilka maanta lagu dilay Ceelsha Biyaha, ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal bareer ah kula kaca wadayaasha Mooto Bajajta sabab weliba ha keentee. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Qaramada Midoobe ayaa soo dhaweeysey talaabadii dhawaan dawladda Federal-ka Soomaaliya u qaaday in ay wax uga qabato musuq-maasuqa. Golaha wasiirada dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyey Istaratijiyadda Qaran ee la dagaalanka Musuqa, taasi oo looga tala galay in lagula dagaalamo musuq-maasuqa, laguna awood siiyo hay’adaha dawladda, si loo dhiso hab maamul maaliyadeed oo dawli oo cad lehna isla xisaabtan. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaliya,James Swan ayaa sheegay in ay tahay talaab muhiim ah, ayna ku dhiira-gelinayaan in dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo ay ku xaqiijinayaan dhaqan gelinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqa. Waxa uu intaas ku daray in Qaramada Midoobe ay ku taageerayso dawladda Soomaaliya hir-gelinta Istaratijiyada Qaran ee ka dhan ka ah Musuq-maasuqa. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo soo dhowaysay Istiraatijiyada La-dagaallanka Musuq maasuqa ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya Somaliland. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga helay 19 qof, kuwaasi oo baadhitaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka. Bukaanada Cusub ee laga helay Cudurka ayaa iskugu jira 12 qof oo rag iyo 7 Dumar, kuwaasi oo laga diiwaan-geliyay Magaalada Hargeysa 18 qof iyo Gabiley oo ah 1 qof, isla markaana waxaa da’dooda ay u dhexeeysaa 19 sanno illaa 90 jir. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka ay ka bogsaday 9 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 73, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad ay wanaagsan tahay sida la sheegay. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Cudurka Coronavirus Somaliland ugu geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Magaalada Burco, da’diisuna aheyd 52 jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan halkaas u dhintay 25 qof. Source
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/06/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin qaran oo dalka iyo dadkaba wakhtigiisi uga faa’iideeyey soona qabtay xilal kala duwan oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  15. (SLT-Riyadh)-Dalalka Sucuudiga iyo Pakistan ayaa Xanuunka Covid_19 uu faro-baas ku hayaa Shacabkooda. War-bixinihii u dambeeyay ee xanuunka ayaa sheegaya in Dalka Pakistan uu Xanuunku ku dhacay Dad ka badan 100,000 Qof, ka dib markii Axaddii Shalay Xanuunka laga helay 4,728. Sidaasi oo kale, Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa laga dareemayaa dhibaatada xanuunka Covid_19, ka dib markii Shalay laga helay Dad ka badan 3000, taasi oo tirada Dadka Sucuudiga ku sugan ee Xanuunka laga helay ka dhigtay in ka badan 100.000. Sucuudiga ayaa waxa Xanuunku ku dilay Dad ka badan 7000 Qof, laakiin waxa jira Dad uu Xanuunku ku dhacay oo ka bogsaday, sida ay baahisay Al-jazeera oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay. Taa Beddelkeeda, Dawladda New Zealand ayaa ku dhawaaqday inay ka fayoobaatay Xanuunka Covid_19. Wasiirka Caafimaadka ee New Zealand ayaa sheegay in dalkiisa oo hore loo geliyey mid ka mid ah Xayiraadihii ugu adkaa Dunida oo dhan in hadda aanu ka jirin Kiis Xanuunkaasi ah laga helay illaa 22 March oo kiiskii u dambeeyay laga diwaangeliyey. Source
  16. Olole cadaalad loogu raadinayo Gabadh Soomaaliyada oo la sheegay in si “cunsurinimo” ah loo dilay Waxaa socda olole cadaalad loogu raadinayo gabadh Soomaali ah oo 12 sano jir ah laguna magacaabo Shukri Yahya Abdi. Shukri ayaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyootay webi ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska . Waxaa jira dad badan oo aaminsan falkan inuu la xiriiro “cunsurimo”, iyaga oo dareenkooda ku muujinayay fariimo ay ku shaaciyeen baraha bulshada. Qoyska Shukri ayaa dalka Ingiriiska u tagay inay helaan nolol wanaagsan iyaga oo ahaa qaxooti ka soo jeeda Soomaaliya. Booliska Manchester ayaa dhacdadaan oo laga joogo muddo ku dhaw sanad ku tilmaamay “mid argagax leh” aysanna jirin wax hadda la tuhunsanyahay. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya baaritan hor leh, iyaga oo isticmaalaya hal kudhig ah #justiceforshukri oo ah cadaalad ha loo raadiyo geeridii Shukri. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya u geystay wade mooto Bajaajle ahaa, xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday uu rasaas ku furay darawalka mootada, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay markii dambe. Ma cadda illaa iyo hadda sababta dhabta ee ka dambeysay dilka loo geystay marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegay in muran uu soo kala dhex-galay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, inkastoo uu cararay askarigii ka dambeeyey falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan iyo nawaaxigeeda ayaa dilal u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaajka ee ka shaqeeya gudaha caasimada.
  18. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka beelaha Habar-jeclo ayaa dhawaan kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Kulanka oo xogtiisa aad loo ilaaliyay ayaa waxa la sheegay laga wada-hadlay sidii loo dhammayn lahaa khilaaf dhawaan soo kala dhex-galay Madaxweynaha Somaliland Iyo Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf. Madax-dhaqameedka beelaha Habar-jeclo iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa isku afgartay in si ugu fiican loo dhammeeyo khilaafkan oo ka bilaamay hudheelka Hargeysa Clup oo hore looga kireeyay Suldaan Siciid iyada oo la sheegay in xukuumaddu dib ula soo wareegtay. Wararka ay helayso Somalilandtoday ayaa waxa ay sheegay in Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf in muddo ah cadho ku maqnaa uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Ceel-afweyn. Source
  19. Mr. President, Honorable Speakers, Honorable Members of the Somali Federal Parliament, I am pleased to send this message of support at the opening of the [...] The post MESSAGE FROM THE SPECIAL REPRESENTATIVE OF THE SECRETARY-GENERAL FOR SOMALIA, JAMES SWAN, TO THE OPENING OF THE SEVENTH SESSION OF THE FEDERAL PARLIAMENT appeared first on . Source
  20. Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii in ay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada. Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baaritaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah kadib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore. Sagaal ka mid ah 12-ka xubnood ee golaha deegaanka oo ka qeybgalay debedbax ka dhacay magaalada ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan jiritaanka waaxda bilayska ee Minneapolis. Xubin ka tirsan golaha degaanka, Jeremiah Ellison, ayaa ballan qaaday in goluhu uu “baabi’in doono” waaxda booliska. “Waa arrin cad in hanaankeenna booliisku uusan ilaalin ammaanka bulshadeena,” ayay tiri Lisa Bender oo ah madaxa golaha deegaanka Minneapolis. Kooxaha u dhaqdhaqaaqa bulshada laga badan yahay ayaa in muddo ahba ku dhaleeceynayay waaxda booliska ee Minneapolis waxa ay ugu yeereen dhaqan “cunsurenimo” islamarkaana aan arxan laheyn kaasi oo hortaagnaa in la sameeyo dib u habeyn. In lakala diro dhamaanba waaxda booliska ayaa ah mid hore uga dhacday Mareykanka. Sanadkii 2012-kii ayaa magaalada Camden ee gobolka New Jersey waxa ay kala dirtay waaxda booliska magaalada, iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub oo suga amaanka magaaalada. Sidoo kale magaalada Compton ee gobolka CA ayaa tallaabo ceynkaasi ah sameysay sanadkii 2000. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Xildhibaanada Minneapolis oo ayiday in la kala diro booliska appeared first on Puntland Post.
  21. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Qaybaha 21-aad iyo 27-aad ayaa kala dhexgalay meleeshiyaad ku dagaalamayey maalmihii tagay gobolka Hiiraan waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuus Raage oo maalmaahan howlo shaqo ku joogay gobolka ayaa ciidamada ku amaray in ay ku baxaan deegaannada hoosyimaada Maxaas oo maalmahaan ay ka jirtay xiisada gaartay gacan ka hadal. Deegaanada Xagar iyo Laan-cadaad oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan , ayaa ciidamu ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan xiisaddii taagneed oo ay qaboojiyaan ciidamada ayaana halkii lagu dagaalamay ka samaystay fariinno ciidan. Ciidamadan oo qayb ay ka yihiin kuwa nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA waxaa hugaaminayo Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad , xaalada deegaanada lagu dagaalamey ayaa dagan waxaana goobahaasi hadda ku sugan ciidamada qalabka sida. Ciidamada ayaa la filayaa in labada dhinac ay isugu yeeraan kulan xal laga gaaro sababta dhalisay dagaalka dhex maray maleeshiyaadka kuwaas oo maalmihii tagay ku dagaamay deegaannada hoos yimaado Maxaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Boosaaso (Caasimad Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay joojiyeen dibad-bax la doonayey inuu maanta ka dhaco gudaha magaaladaasi, kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Soomaaliya. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay kala eryeen tiro dad ah oo u badan haween, kuwaas oo qorsheynayey inay qaban-qaabiyaan dibad-baxaasi. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Puntland is hortaaga ugu sameysay qabsoomida banaan-baxan laga abuulayey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan dibad-baxaasi ay ka hortageen ciidamada ammaanka. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkiisii uu yahay khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo saameeyey xiriirka labada dhinac. Shalay ayey sidoo kale aheyd markii dibad-baxyo ballaaran oo lagu taageerayey hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ku aadanaa arrinta maqaamka magaalada Muqdisho uu ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
  23. Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka Colin Powell ayaa si adag u cabmaareeyey sida uu Madaxweyne Donald Trump uu u maareeyey mudaharaadyada cunsuriyadda looga soo horjeedo, isaga oo sheegay inuu dastuurka Mareykanka uu aad uga fogaaday. Sargaalkan hore oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka mid noqday saraakiisha hore ee dhaleeceysay sida uu Trump jawaab uga bixiyey mudaharaadyada oo ay ka mid ah ciidanka uu sheegay inuu adeegsanayo. Wuxu Mr Powell sheegay doorashada dhaceyso bisha November inuu codkiisa siin doono musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden. Madaxweyne Trump oo hadalka Mr Powell ka jawaabay wuxuu ku tilmaamay mid xad dhaaf ah. Mr Powell, oo ah ninka keli oo Madow oo soo noqday taliyaha madaxa taliska sare ee ciidamada Mareykanka, ayaa ku soo biiray saraakiisha milatari ee weerartay mowqifka madaxweyne Trump. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo lagu eedeeyay in uu Dastuurka jebiyay appeared first on Puntland Post.
  24. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiilada dowladda Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa ka digay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka taas oo lagu saleeyey nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, iyadoo ay muuqato in ay adag tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah. Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa dhanka kale xusay in nidaamka 4.5, uu ahaa xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay inkastoo uusan marnaba nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan maanta mar kale dib loogu laaban sida uu ku sheegay qoraal uu soo geliyey baraha bulshada. “Waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah baa loo gudbayaa, Wax qaybtuna waa inoo Habkeennii Qabiilka, taasi ay ka dhigantahay in nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 Sharci laga dhigayo wuxuu intaas raaciyay in haddii sidaas lagu Sharciyeeyo hannaanka wax-qaybsiga 4.5, Guddiga doorashooyinka madaxbannaan ee qaran ayaa marar badan ku celiyey in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah taas oo ka duwan nidaamkii lagu soo dhisay dowalddii ka horeysay midda hadda jirta 2012-kii ayaa waxaan muuqan ififaaha qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda sanadka 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com