Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. NAIROBI (HOL) - The US has lauded the new diplomatic relations between Somaliland and Taiwan in what could escalate tensions with China which has vehemently condemned the deal. Source: Hiiraan Online
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlaayey Tv-ga Qaranka ayaa ka warbixiyay saameynta dhaqaale ee uu la yimd cudurka Covid 19 iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xoojinta koboca dhaqaale. Wasiirka, ayaa Xusay in uu hoos u dhac xoogan uu ku yimid dhaqaalihii ka imaan jiray dekedah iyo Garoomada diyaaradaha,taasina ay sababtay in ay yaraadaan dhaqaalihii soo galayey wasaaradda maaliyadda,loona baahday Kab miisaaniyadeed oo la weydiisto caalamka. Wasiir eyle,ayaa ka dhawaajiyay in isbadal lagu sameeyay miisaaniyadda , ka dib markii 70 milyan uu hoos u dhacay daqligii kutalagalka ee u degsanaa dowladda,wuxuuna intaa raaciyay in dadaal weyn loo galay sidii Dowladu ay u dabooli laheyd baahida adeegyada bulshada,isla markaana looga hortagi lahaa cudurka Korona Virus. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ka mahadceliyay dadaalka beesha caalamku ay u galeen ka gortagga cudurka Covid 19,Isagoo qiray in haddii,laga gudo marxaladda cudurka lagu dhaqaaqi doono kordhinta dhaqqalaha dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-100720-ff.mp3 View the full article
  4. Ugu horeyn waxaan shirka wada tashiga dowlad goboleeddada ee maanta ka furmay xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb u rajayniyaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo sida loogu han weynyahay ay ka soo baxdo natiijo horseedda in dalka xilligaan kala guurka ah uusan gelin xiisad siyaasadeed iyo qalalaaso keeni kara colaado ka dhex dhaca deegaannada dalka. Waxaa madaxda shirka isugu timid looga baahanyahay inay maanka ku hayaan midnimmada ay muujiyeen inay bilow u noqota dib u soo celinta wada jirkii iyo midnimmadii ummadda ay hoggaamiyaan. Waxaa madaxda shirku u furmay hor yaala in muddada kooban ee uu shirka u socdo ay xal waafi ah o ay ku midaysanyihiin ka gaaraan siyaasadda kel talisnimmada ah ee ay ku shaqayniyaan madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha golaha shacabka (Aqalka Hoose) Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, iyo golaha xukuumadda, taasoo haddii aan aan si wada jir ah loga hor tegin khatar ku ah deggenaanta iyo xaaladaha soo kabasho ee uu dalku ku soo jiray intii muddo ahayd. Waxaa iyadana jira dad badan oo isugu jira wax garad iyo siyaasiyiinta dalka oo rumaysan in shirkaan uu yahay fursad loo baahnaa iyo talaabo ku haboon oo ay madadxda dowlad goboleeddadu qaadeen si dalka looga badbaadiyo qowlaysatonidaamki siyaasadeed ee dalka u burburiyay si ay awoodda siyaasadeed xoog ugu haystaaan. Sida qaybo badan oo ka mid ah dadweynaha ay qabaan siyaasada noocaas ah ma aysan ku dhiiran kari lahayn madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa, laakiin ay jiraan xoogag shisheeye oo ay ka heleen dhiirri gelin isugu jirta taageero maaliyadeed iyo ciidan, tasoo markaas u suurto gelisay inay si barer ah u jebiyaan dastuurka iyo wax kasta oo xeer ah oo ay ummaddu dhigatay, iyagoo doonaya inay si xoog iyo awood sheegasho ah ku dumiyaan nidaamka federalka isla markaasna ay baabi’iyaan awoodda iyo kaalinta siyaasadeed ee madaxda dowlad goboleeddada . Ujeeddada shirku waa badbaadinta qaranimmada Soomaaliya! Shanta madax goboleed waxa maanta isugu keenay shirkaan ma ahayn in laysugu yeeray, mana ahayn mid ku yimid codsi gaar ah oo midkood uu soo jeediyay, laakiin waxaa jiray xanun gaar ah oo ay isku si u dareemeen oo salka ku hayay mas’uuliyadda iyo xilka ka saaran dalka. Waxay arkayeen in muddada 4ta sano wax dhiman ee ay dalka hoggaaminayeen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre ay dalka u horseedeen xaalado mugddi geliyay mustaqbalka soo kabashada iyo horumarka ay ummadda filaysay in lagu tilaabsado, waxaana arrimaha uga sii daray markii uu madaxweyne Farmaajo shaki weyn geliyay kaalinta awoodda siyaasadeed ee dowlad goboleeddada ee uu damcay in si amar ku taaglayn ah uu uga xayuubiyo awooddaas sharciga ahayd ee uu siiyaya dastuurka. Madaxweynaha inuu aqoonsan waayo awoodda madaxda dowlad goboleeddadu ayaa inta badan sabab looga dhigaa faham yaraan ka haysatay xagga dastuurka, la taliyeyaasha uu soo dhoweystay oo badankood ahaa kuwo dano gaar ah oo ay wadaagaan iyaga iyo madaxweynaha ka hor marinayay xeerarka dalka, iyo isagoo dareemayay inuu haysto taageero awoodeed si gaar ahna isugu haleyniyay heshiisyo qarsoonaa oo uu la galay Colonel Abiy Axmed. Arrimahaas waxaa cadayn u ah duullaanka uu madaxweyne Farmaajo ku qaaday dowlad gobleedka Jubbaland oo xubin ka ah dowladda federalka Soomaaliyeed, faro gelintii qaawanayd iyo siduu u maamulay HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo waliba xilligaan kala guurka ah ee ay soo dhowaatay doorashadii golayaasha dowladda iyo madaxweynaha uu sii wado garab marka xeerarka dalka, kutagrifalka awoodda siyaasadda, cagajugleyntii iyo inuu af duubo kaalintii dowlad goboleeddada oo uu isaga keligii go’aan ka gaaro arrimaha doorashada oo dhan. Fikirka noocaan ah iyo guud ahaan dhaqammada siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaaminayay muddadii uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo waxaa khatar weyn galay qaranimmadii Somaaliya, waxaana muuqday inay taladii dalka ka sii baxayso gacanta ummadda Soomaaliyeed, waxaana guud ahaan ummadu ka walaacsantahay ilaa iyo hadda in daqiiqad kasta oo uu sii joogo Farmaajo ay qaranimmada Soomaaliya khatar ku tahay una sii dhowaanayso dhanka halista. Kheyre iyo Farmaajo waxay isu jiibiyeen “Doorashada waqtigeedii baa lagu qabanayaa!” Waawareey! Ma layaabtay hadalkaas?! Shirkii Khamiista ee ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo golaha waziirrada ay ku yeesheen xiriirka Zoomka waxaa ziyaado ku ahaa oraahdii ahayd in doorashada ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda oo aan iyada horayba looga hadli jirin…waqtigeeda?!… Yaa! Waqtigeeda goorma waayay?! Mase wali lama hubo?! Ha la yaabin inaan sidaas iraahdo, waayo waxay ila tahay inuusan ahayn war lagu kalsoonaado, waana isku day looga jeedo in lagu marin habaabiyo shirka Dhuusomareeb uga furmay shanta madaxdowlad goboleed ee Soomaaliya, ama waxaa loo qaadan karaa hadal la maqashiinayo waxa Beesha Caalamka loogu yeero, iyadoo laga hor dhacayo natiijada laga baqayo inay shirkaas ka soo baxdo oo waxa ugu weyn ee laga filayo ay tahay go’aan la xiriira in doorashada waqtigeedii lagu qabto! Markaasna arrintu ay noqoto “Labada wadaad kala qabta!”. Markii ay labada mas’uul ku dhawaaqeen in doorashada waqtigeeda ku dhacayso run ahaantii waxba kama aysan bedelin shakigii laga qabay inay doorashadu dib u dhacayso ama ay dowladdu wado muddo kororsi, mana jirin haba yaraatee cid rumaysatay oraahdaas. Tiro aad u badan oo ka mid ah dadwenaha ayaa hadalkaas ku tilmaamay ama u arkayay mid ay isaga hadrayeen labada mas’uul, laakiin aan waxba ka duwanayn balan qaadkii uu bishii Juun 22dii 2020k madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u sameeyay madaxda dowlad goboleeddada isagoo u sheegay inuu joojinaayo doodaha doorashada iyo xeerarka la xiriira ee golaha shacabka ka socday si marka hore talo lagu midaysanyahay meel laysula dhigo hadana uga baxay. Waxaa sidaasoo kale dadweynaha uga muuqda shirka rajo weyn iyo yididiilo ah in shirkaas madaxdowlad goboleeddad uga furmay Dhuusomareeb xal dastuuri ahlooga gaaro arrimo badan oo isku murugsan iyo cabashooyinka ka taagan kuraas deegaanadoodii laga wareejinayo. Shirkani indhaha ummadda oo dhan isagay ku soo jeedaan!…waan marada idinka dhicin! Durba waxaa laysla dhex marayaa inysan madaxgoboleeddada shiraya heshiin doonin, dacaayado iyo warar kulanka Dhuusomareeb ka socda libta loogu diidayo ayaa bilowday in la faafiyo waxaase hubaal ah in waayo aragnimmada iyo bisaylka madaxda shiraysa ay heerkaas aad uga sareyso… si kastaba ha ahaatee madaxda shiraysaa waajibka u horeeya ee saaran waa inay maanka ku hayaan in kulankoodu laga sugayo inuu xal ka gaaro agendayaasha hor yaala ee ay isugu yimaadeen inay si wada jir ah uga wada tashadaan isla markaasna ay ka gaaraan go’aan guud oo ay u dhanyihiin. Si kastaba ha ahaatee musuqmaasuqa hareeyay golayaasha dowladda ayaa u sabab ahaa inuu shirka noocaan qabsoomo, wuxuuna shirkan muujinayaa xilkasnimo iyo in madaxgoboleeddadu ay runtii u soo joogsadeen mas’uuliyad iyo waajibaad ay dadka Soomaaliyeed ka sugayeen. Shirkan ayaa waxyaabaha laga sugaayo inuu go’aan ka gaaro waxaa ugu muhiimsan; B) Waqtiga doorashada oo la muddeeyo. T) Nooca doorashada ay noqonayso. J) Haddii doorashada lagu qaban waayo waqtiga loo muddeeyay wax lagu talo galayo iyo talada kaga aaddan madaxgoboleeddada. X) iyo sidii loo dhisi lahaa guddi loo dhanyahay oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada oo la soconaya habsammida ay doorashada u dhacayso iyagoo ka ilaalinaya in dowlado shisheeye ay lacago laaluush ah ku bixiyaan iyo guud ahaan musuqmaasuqa. Waxaana la filayaa inuu shirka isla qaadaa dhigo awoodda iyo xeerarka uu guddigaas ku shaqayniyo iyo tirada xubnaha dowlad goboleeddadu ku yeelanay guddigaas. Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan – Waxaad kala xiriiri kartaa alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirka madaxda maamul goboleedyada oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegaya inuu arrimo farsamo u baaqday furitaanka shirkaas oo ah mid xasaasi ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in madaxda maamul goboleedyada ay isla garteen in maanta oo Jimco ah ay noqoto maalin nasiino ah. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaas ayaa si rasmi ah beri u furmi doono. Shirkan oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021-ka. View the full article
  6. Beletweyne —The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday delivered an assortment of medical supplies to Beletweyne Hospital, to benefit local communities and boost medical services at the facility. Source: Hiiraan Online
  7. Dhusamareb (HOL) - The President of Galmudug State Ahmed Abdi Kariye "Qoor Qoor" met with a handful of regional Presidents at his residence on ahead of Saturday's Federal Member State (FMS) meeting in Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor. Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul goboleedyada oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaasi oo maanta ka furmi lahaa Dhuusamareeb, ayaa u baaqday kadib markii madaxda maamulada dalku ay isla qaateen inay maanta u noqoto ‘nasiimo’, maadama ay qaarkood shalay tageen magaaladaasi goor dambe. Kulamo gaar gaar ah ayay Madaxdu yeelan doonaan maanta, iyadoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu qado sharaf u sameyn doono wafuuda ay hoggaaminayaan Madaxda Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed. Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciir ciireysa wafuudii ugu badneyd ee ay horkacayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada. Shirka madaxda maamul goboleedyada oo uu marti-gelinayo maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta berri oo Sabti ah. Waxaana shirkaasi diirada lagu saari doona doorashada dalka ee 2020/2021, iyaga oo meel adag iska taagi doona muddo kordhin la sheegay inay wado madaxtooyada Soomaalya. Sidoo kale waxa shirkaasi lagu lafo guri doona xiriirka hoos u dhacay ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo weliba xiisada ka dhex aloosneed muddooyinkii u dambeeyay. Waxaana lagu wadaa in shirkaasi laga soo saaro go’aamo xasaasiya oo ku aadan doorashooyinka, mowqifka ay ka taaganyihiin maamulada dalku iyo arrimo kale oo xiligan taagan.
  10. By all accounts, Sweden's high rate of coronavirus deaths was evidence that the country had made a horrendous error. Sweden — which did not impose a strict lockdown — suffered 543 deaths per million of its population, compared to just 105 in neighboring Denmark. The Swedish death toll has been roughly 11 times worse than Norway's, on a per capita basis. Source: Hiiraan Online
  11. The polite diplomatic façade was maintained but the words of the Egyptian and Ethiopian representatives revealed a belligerence that was hard to disguise. Source: Hiiraan Online
  12. Hoos ka daawo The post Daawo Xasan Sheikh Cali oo Fariin u diray Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
  13. The Kenyan business community has said they want a direct route by air to Hargeisa (Somaliland) for them to transport their products terming the route through Mogadishu as hostile. Source: Hiiraan Online
  14. Amid fears over the spread of the coronavirus, people around the world adjusted to a new normal and began adopting preventive measures such as social distancing and home isolation, which inflicted a heavy blow on shops offering services to the public. Source: Hiiraan Online
  15. Washington (Caasimadda Online) – Guddiga ammaanka ee Aqalka-cad ee uu hor boodayo Donald Trump ayaa taageero u muujiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee dhexmaray labada maamul ee Taiwan iyo Somaliland. Taiwan oo aaminsan iney ka go’day Shiinaha balse aan wali helin aqoonsi caalami ah iyo Somaliland oo sidoo kale wali raadinaya in la aqoonsado ayaa yeeshay xiriir diblomaasi, waxaana tallaabadaas ka hor yimid wadamada Shiinaha iyo Soomaaliya. Si kastaba Guddiga amaanka Aqalka-cad ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyay xiriirka la sheegay iney yeesheen Taiwan iyo Somaliland, waxeyna ku bogaadiyeen qoraal ay soo dhigeen barta twitter-ka. “Farxad weyn ayaan u aragnaa in Taiwan ay wakhtigaan xoojineyso hawlgalkeeda bariga Africa kuna soo beegtay waqti baahida weyn ay jirtay, Taiwan waxaan la leenahay shuraako weyn ah xagga caafimaadka, waxbarashadda, kaalmada farsamada, iyo in kale ka badan badan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga NSC. Wasiirka arrimaha dibadda Taiwan ayaa ka dhawaajiyay iney xafiisyo is weydaarsan doonaan Somaliland, balse Shiinaha wuxuu wali aaminsan yahay in dhulkaan uu wali isaga ka mid yahay isla markaana ogolaan doonin kala qeybintiisa.
  16. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa ku warramaya in Maanta oo Jimce ah uu dib u dhacay, Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmi lahaa Dhuusamareeb. Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xalay kulamo gaar-gaar ah yeeshay, ayaa isla go’aamiyay in Shirka uu si rasmiya u furmo Sabtida Berriya, maadaama uu Maanta ku beegmay wakhti Fasax oo Jimce ah. Shirka waxa ka qayb-galaya dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada sida Jubaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood haatan ku sugan Dhuusamareeb. Arrimaha ugu muhiimsan oo Shirka looga hadlayo waxaa kamid ah Doorashooyinka ku soo socda Dalka, Khilaafka Madaxda Federaalka &Dowlad Goboleedyada, Arrimaha Amniga iyo Dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Maraykanku wuxuu taageero u muujiyay xidhiidh cusub oo dhawaan u bilaabmay Somaliland iyo jasiiradda Taywan, waana markii ugu horaysay ee uu arintan ka hadlo. Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in wax wayn ay tahay in Taywan ay xulafo kale hesho. Maraykanka ayaa xusay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka ay Taywan la yeelanayso Bariga Afrika oo uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa. Tallaabada xukuumadda Washington ayaa mar kale wiiqi karta xidhiidhka ka dhaxeeyay xukuumadda Beijing oo marar badan oo hore ay isku qabteen arinta Taywan. Maraykanka ayaa taageero siiya jasiiradda aan aqoonsiga haysan, balse dhaqaalaha leh ee Taywan, taas oo keentay in Shiinuhu uu si wayn uga biyo diido taageerada Maraykanka oo uu u arko faragalin dhulkiisa uu ku sameeyay. Shiinuhu wali kamuu hadal arintan. Somaliland iyo Taywan waxay isu magacaabeen wakiilo kala matali doona labada dawladood, arintaas oo Shiinaha iyo Soomaaliya ka cadhaysiisay. Source
  18. Janaale (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ku faah-faahiyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysteen Soomaaliya isbuucaan. Sida ku cad qoraalka ay soo saareen (Africom) waxey duqeymo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose. 9-kii bishaan ayey duqeymo cirka ah ka fuliyeen deegaanka Hantiwadaag oo 12Km u jirta Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose iyagoo garab weyn ka helaya sirdoonka Soomaaliya, waxeyna sheegeen iney la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Qoraalka waxey sidoo kale ku sheegteen taliska iney burburiyeen xarun ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana dileen xubin muhiim u ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraalkaan ay soo saareen kusoo beegay xilli dowladda uu hogamiyo Trump lagu eedeeyay in duqeymaha cirka oo ay ka fuliyaan Soomaaliya ay dhibaato ugu geystaan mararka qaar dad shacab ah. Mareykanka wuxuu qoraalkiisa ku daray iney sii taageeri doonaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inta laga takhalusayo dagaalyahanada Al-Shabaab eek u xoogan Koonfurta Soomaaliya.
  19. Janaale (Caasimada Online) – Maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku aadan ganacsatada qaadka keena, xili ay xayiraad dad-ban ay saaran tahay. Maamulka deegaankaasi oo gacan ka helaya ciidamada dowladda ee ku sugan Janaale ayaa goob fagaare ah ku gubay qaad faro badan oo siyaabo kala duwan lagu soo galiyay deegaankaasi. Maamulka Janaale ayaa sheegay inay sharci daro tahay qaad la keeno deeganadaasi, maadama ay xusen inay gebi ahaanba deeganadooda ka mamnuuceen. Saraakiisha ciidamada iyo maamulka deegaanka ayaa si wada-jir ah ugu digay ganacsatada qaabka sharci darada ah ku keena qaadka, iyagoona sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan. Guddoomiyaha Janaale oo isagu warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba ka maamul ahaan aqbaleyn in deeganadooda la keeno qaadka, xili uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah amni darada. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaadku uu qeyb weyn ka ciyaaro falalka amni daro ee ka dhaca deegaankaasi, iyada oo mararka qarkood la doonayo in lagu mashquuliyo Ciidamada difaacyada ku jira ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dowladda Soomaaliya ayaa dalka uga joojisay qaadka, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19, wallow uu qaabab kala duwan oo sharci daro ah uu ku soo galo gudaha dalka.
  20. Waxaa si rasmi ah u furmay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay saaka oo Jamce ah ku balan sanaayeen, Waxaana saaka Shir gudoominaya Madaxweynaha Martida loo [...] The post Breaking News—Madaxda Maamul Goboleedyada oo durba isku raacay in Labada Gole ee DF shaqo joojin lagu sameeyo appeared first on . Source
  21. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka furmi doona shir ay yeelanayaan madaxda shanta maamul goboleed kaas oo sida la filayo gogol xaar u ah shirka Amniga qaranka oo ay dowladda horay ugu dhawaaqday balse baaqday. Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Internet-ka ku go’aamiyay iney Dhuusamareeb ku kulmaan 9-ka Luulyo oo shalay ku beegneed, balse in hogaamiyayaasha qaar ay soo gaari waayeen darteed maanta uu dib ugu dhacay. Guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi oo BBC-da u warramay uu sheegay iney ku kalsoon yahiin 100%, waxaana jirta in magaalada laga soo daad gureeyay ciidamada Haramcad oo ay horay dowladda Federaalka halkaas u geysay. Si kastaba shirka maanta ka furmaya Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yahiin: Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo dowladda Federaalka, arrimaha doorashada iyo sidoo kale arrinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay maamullada qaar diideen. Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shirka golaha wasiirada oo xalay ka dhacay Internet-ka ku sheegay iney ku baaqayaan doorasho wakhtigeeda ku dhacda isla markaana laga fogaado muddo kororsi la tuhunsanaa iney waddo Villa Soomaaliya, waxaana xigtay warqad kasoo baxday madaxtooyada oo lagu sheegayo in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baaqa golaha Wasiirada soo dhaweynayo. Inkastoo arintaas ay waxyar hoos u dhigeyso xiisaha shirka Dhuusamareeb ka furmaya maanta oo la filayay iney arrimaha doorashooyinka go’aan iskood ah ka gaaraan hadana isha ayaa lagu wada hayaa waxa halkaas ka dhici doona iyo go’aamada kasoo bixi doona kaas oo go’aamin doona halka ay Soomaaliya u socdaali doonto bilaha soo aadan.
  22. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay kulan hoŕdhac ah la qaatay dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulanka oo ah mid is-xog wareysi ah ayaa waxa ay uga wada-hadleen madaxda maamul goboleedyada arrimo xasaasi ah. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen ajandaha shirka ka furmaya magaaladaasi, kaas oo ah mid u gaar ah madaxea dowlad goboleedyada dalka. Ammaanka Dhuusamareeb ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxda ay ku sugan yihiin halkaasi. Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan qodobada laga wada-hadlayo oo quseeyo xaaladda guud ee dalka iyo doorashada 2020/2021. View the full article
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor. Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii. Wasiir Cabdirixmaan ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalalka Carabta koboca waxbrashada dalkeenna, fursadaha jira iyo dadaallada wax ku oolka ah ee Dowladdu ay dib ugu soo nooleysay Waxbarashada, taas oo ay ka mid tahay asteynta Manhaj mideysan, dib u dhiska xarummo waxbarasho iyo soo celinta waxbarashadii dedweynaha ee lacag la’aanta ah. “Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.” Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyaga oo u rajeeyey in ay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  24. Right-leaning pro-Israel groups are targeting Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat and outspoken critic of the Israeli government who is one of the most high-profile progressive members of Congress. Source: Hiiraan Online
  25. Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyey Sh/Dhexe.Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyey duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Koox burcad ah ayaa lagu soo warramayaa inay gaarigaasi oo ka baxay Muqdisho ay rasaas ku fureen, islamarkaana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rakaabkii saarnaa gaarigaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay’ iyadoona ay dhaawacmeen labo qof oo kale oo ka mid ahaa shacabka la rasaaseeyey, sida ayShabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Farxaan Xirsi Wardheere oo ahaa wadaha gaariga wadada loo galay. Sidoo kale dadkii dhaawcmay ayaa loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan kooxo burcad ah oo qooleysato ah ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac ka geysta waddooyinka mara gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article