-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Haweenay uu magaceeda qabsaday mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd Breonna Taylor, 26, was a decorated emergency medical technician George Floyd, oo ah ninkii madowga ahaa ee ku dhintay gacanta booliska Mareykanka, ayaa sabab u noqday mudaharaadyo murugo xambaarsan oo lagu dalbanayo sinnaanta dadka, wuxuuna sidoo kale dilkiisa horseeday mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa ee caalamka ka dhacay tan iyo 1960-meeyadii. Dadka mudaharaadaya ayaa magaciisa ku qeylinayay 13 maalmood, boorar uu wajigiisa ku sawiran yahay ayaana lagu soo bandhigay laga billaabo Suuriya ilaa Belfast. Laakiin magacyo kale ayaa sidaasoo kale u qabsaday afka mudaharaadeyaasha, si gaar ahna waxaa ka mid ah Breonna Taylor, oo ahayd haweeney ka shaqeyneysay caafimaadka, oo ay booliska Mareykanka toogasho ku dileen iyadoo ku sugan gurigeeda ku yaalla magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, 13-kii bishii March. Dadka u dooda xuquuqda rayidka ayaa ku boorrinaya dadka inay “magaceeda ku dhawaaqaan”, iyagoo doonaya in dunida la xasuusiyo haweenka madowga ah ee aan kiisaskooda si fiican looga warqabin. Maalintii Jimcada, oo haddii ay Ms Taylor ay da’deedu noqon lahayd 27 sano, ayey dad ka murugoonaya geerideeda isugu tageen magaalada Louisville. Dad kale oo badanna waxay baraha bulshada ku qorayeen farriimo ay ku sheegayaan dhalashadeeda, iyagoo dhahaya, “Waxaa loo baahnaa inaad maanta halkan joogto”. “Markii hore kaligeed ayey wax kasta ku ekaayeen, cid xasuusaneysayna ma jirin, laakiin waa arrin aad u wanaagsan in hadda ay dad badan meeshan u taagan yihiin iyada darteed, ayna xusayaan magaceeda,” sidaas waxaa tiri hooyadeed, oo lagu magacaabo Tamika Palmer. Waxay hooyadeed intaas ku dartay in gabadheeda ay mudneyd inay maanta ka qeyb qaadato mudaharaadyada loogu doodayo nolosha dadka madowga ah. Maxaa ku dhacay Breonna Taylor? Waxyaabihii dhacay habeenkii ay Ms Taylor dhimatay waa lagu muransan yahay. Breonna Taylor, oo ahayd farsamayaqaan ka shaqeysa waaxda gurmadka caafimaadka ee degdegga ah, waxay joogtay gurigeeda magaalada Louisville, waxayna ku jiiftay sariirteeda markii ay askar ka tirsan booliska gudaha u galeen dhismaha ay dagganeyd xilli saq dhexe oo habeennimo kaddib ah. Waxay geeriyootay kaddib markii siddeed jeer la toogtay. Breonna Taylor hooyadeed waxay sheegtay inay jeclaan lahayd in gabadheeda ay la joogto xilliga loo mudaharaadayo xuquuqda dadka madowga ah Waxaa gurigeeda la weeraray kaddib markii lasoo helay oggolaansho lagu baarayo alaabteeda, maadaama lagu eedeynayay inay ka ganacsato daroogo. Wax maandooriye ah lagama helin gurigeeda. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in boolisku ay markaas heysteen fasax ay guriga gudaha ugu galayeen iyagoo aan garaacin albaadba. Hase yeeshee saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in iyagoo fasaxaas heystay ay haddana albaabka garaaceen ka hor inta aysan galin. Laakiin qoyska Ms Taylor iyo dariskeedaba way beeniyeen arrintaas. Qoyskeeda oo dacwad maxkamadeed gudbiyay waxay sheegeen in booliska ay kusoo khaldameen gabadhooda, ayna raadinayeen ruux kale. Dacwadda ayey ku xuseen in Ms Taylor ay xilligaas hurdeysay, seygeeda, Kenneth Walker, oo qori u sharciyeysan heystayna uu soo baxsaday hubkiisa. Mr Walker oo u maleynayay in guriga ay tuugo usoo jabiyeen ayaa furay rasaas uu isku difaacayay, sida uu sheegay qareenkiisa. Wuxuu Mr Walker wacay lambarka gurmadka booliska ee 911, wuxuuna u sheegay inay “dad soo jabiyeen gurigiisa, ayna toogasho ku dileen xaaskiisa,” sida lagu caddeeyay cajalad cod ah oo la soo bandhigay isbuucii lasoo dhaafay. Booliska Louisville ayaa sheegay inay rasaas ku jawaabeen kaddib markii hal askari toogasho looga dhaawacay. Maxaa isbaddalay geerideeda kaddib? Dibadbaxayaasha waxay sheegeen in Breonna Taylor magaceeda uusan mudneyn in la illoobo Askartii gudaha u gashay dhismaha ay dagganeyd Ms Taylor ma aysan wadanin kaamirooyinka wajiga lagu xiro ee dib looga daawado sida ay wax u dhaceen. Hadda, taliska booliska magaalada Louisville waxay sheegeen in askarta ay waajib ku tahay inay kaamirooyinkaas xirtaan marka ay howlgallada fulinayaan. Dhanka kale, waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay fasaxa booliska loo siiyo inay guryaha galaan iyagoo aan albaabka garaacin. Taliyihii ciidamada booliska ee Louisville ayaa laga eryay shaqada kaddib markii la ogaaday in askartii howlgalkaas fulisay aysan wadanin wax kaamiro ah. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga todobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. Halkaas madaxweynaha waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto. “Sida uu cadeeyay guddoomiyaha xisbigeena UCID Feysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaawsay waqtigii olalaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo cadeeyo Af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xiranyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaawdo” ayuu yiri Yuusuf Keyse. Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golayaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle aysan jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas. “Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaawdaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horeysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u cadeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yiraahdo ay wadahadalkii bilaabayan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey. Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee Wadani Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waqti kooban uu mudadii xilheynta uga haray madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso. “Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid waqti kooban u haray, hadalka kasoo yeerayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal ma uusan dhigan, aniguna maba jecli in la hor fariisto gabigiisba” ayuu yiri masuulkan ka tirsan Xisbiga Wadani ee Somaliland. Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii. Halkan hoose ka dhageyso codadka xubnaha xisbiyada UCID iyo Wadani. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codad.mp3 Halkaana ka dhageyso codka Farmaajo ee ku saabsan arrintaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Cod-2-Farmaajo.mp3
-
Soomaalidu mar iyo meel ay joogtayba, marxalad ay mareeysay iyo nooc kasta uu ahaa qaab nololeedkeedu - reer guraa, beeraley iyo reer magaal midba- way qabatimeen oo dhaqangal ka dhigeen “Hayb-sheegashada” qabiilka iyo isla dumiddiisa, asagoo leh muuqaal, xeer iyo had-dhaqan u eg Source: Hiiraan Online
-
إنا لله و إنا إليه راجعون اللهم آمينا للهم اغفرله وارحمه وعافه عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما نقيت الثوب الابيض من الدنس وأبدله دارا خيرا Dhamaan Jaliyada Somaliland ee Magaaladan Sheffield waxay Tacsi u dirayaan qoyskii, qaraabadii ,Caruurtii,asxabtii,shacabka Jamahuuriyada Somaliland, gaarahaan shacabka G.Togdheer Iyo guud ahaan qaranka Jamahuuriyada Somaliland. Geeridii ku timid Marxuun Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Xamse Mohamed Cabdi oo shalay 7/6/20 Ku geeriyooday Dalka Turkiga Ilaahay waxaanu ugu baryaynaa inuu Janatul Aclaa geeyo Aamiin Aamiin. Waxaa si gaar ah u diray Tacsidan: 1.Cabdi Cabdilahi Jamac 2.Cali Xasan Ducaale 3. Yusuf Cabdi Shire 4.Cabdi qani siciid Adan 5.Jamaca Ramaaqiye 6.Shaafici Xasan Cali yare 7. Axmed Sandheere 8. Cawaale bacow 9.Cabdiraxman Cawil 10. Cali Farax dheere إنا لله و إنا إليه راجعون اللهم آمينا للهم اغفرله وارحمه وعافه عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما نقيت الثوب الابيض من الدنس وأبدله دارا خيرا Mataan M Omar Sheffield UK. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku aragti noqday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, marka ay noqoto habka loo wajahayo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadkan. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada, saamileyda siyaasadda, baarlamanka iyo xukuumadda. “Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, DXDF iyo daneenayaasha siyaasadda si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo,” ayuu Senator Cabdi Xaashi ku yiri Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ee Aqalka Sare. Aragtidan ayaa sidoo kale ah tan uu qabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, hase yeeshee ka duwan tan madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Farmaajo. Farmaajo ayaa aamisan in dowlad goboleedyada ay wakiilo ka yihiin xildhibaanadooda, sidaas darteedna ayaga iyo mucaaradka aan lagala tashaneyn arrimaha doorashada, loona madax-baneeyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran. Guddiga ayaa ku xiran Villa Somalia, sida la rumeysan yahay. Dhinaca kale, guddoomiye Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maanta kulan albaabada u xiran yihiin oo ku saabsan arrimaha doorashada ku yeeshay hoyga Cabdi Xaashi ee Muqdisho. Kulankan ayaan wax faah-faahin ah laga hayn. Dowladda ayaa u muuqata inay u kala qeybsameyso madaxweynaha iyo guddoonka golaha shacabka oo dhinac ah, iyo Kheyre iyo guddoonka Aqalka Sare oo dhinac kale ah.
-
An auto rickshaw driver was on Monday shot dead by a government soldier in the outskirts of the capital Mogadishu. Eyewitnesses said. According to eyewitnesses the deceased whose name is not yet identified was gunned down by the officer at Elasha area just 15km outside Mogadishu. “The officer and the driver quarreled for a while. Suddenly the soldier pulled his rifle and shot at the driver killing him instantly.” an eyewitness told Caasimada Online. A crowd of people gathered at the shooting scene while the body of the driver with blood everywhere was lying on the road. Security officers have immediately reached at the scene to carry out investigations though the assailant disappeared. A similar incident occurred on Monday morning at Mogadishu’s Hodan district where a government soldier deliberately killed a young man for refusing to pay him extortion money of $1. Last week, another government soldier killed unarmed civilian at Sinai intersection in Mogadishu’s Warta Nabada district after a quarrel engulfed between them. killings by government soldiers in the capital and other parts of the country are rapidly increasing yet there is no word regarding the prosecution of the officers behind the killings.
-
Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Qoraal kasoo saaray Khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka. Xisbiga Wadajir wuxuu dhaliilay Khudbada [...] The post Xisbiga Wadajir oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Baarlamaanka appeared first on . Source
-
Madaxweynaha waddanka Tanzania John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in waddankiisa “uu ka xoroobay coronavirus” wuxuuna u mahad celiyay shacabka duceynayay. “Cudurka corona waa laga tirtiray waddankeenna, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Mr Magufuli oo la hadlayay dad ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa walaac ka muujisay sida ay dowladda Tanzania u maareyneyso cudurka Covid-19. Xukuumadda uu hoggaamiyo Mr Magufuli ayaa joojisay macluumaadkii joogtada ahaa ee lagu sheegi jiray halka ay marayaan kiisaska fayraska corona ee dalkaas. 29-kii bishii April, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee xogta cudurka ku saabsan lasoo saaray, tirada kiisaska Tanzania waxay ahaayeen 509, halka dhimashaduna ay mareysay 21 ruux. Hase yeeshee, Mr Magufuli wuxuu sheegay in isbuucii lasoo dhaafay cudurka laga helay 4 bukaan oo kaliya, kuwaasoo lagu daweynayay magaalada ugu weyn waddankaas ee Dar es Salaam. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waa hanjabayaa, boqorka Jordan boqor Cabdalaha waa cambaareynayaa, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Europe Josep Borrell waa cambaareynayaa, hase yeeshee dhammaantood cid dhageysaneysa ma lahan. Si kastaba, diblomaasiga ay erayadiisu la xiriiraan qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed ee saameynta adag ku yeelanaya Washington iyo Israel waa diblomaasiga Imaaraadka Carabta ee Anwar Gargash. Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa twitter-ka ku qoray uguna baaqay Israel in ay joojiso qorshaheeda. “Wadahadallada socda ee lagu goosanayo dhulka Falastiin waa in la joojiyaa” ayuu qoray. “Talaabo kasta uu u gaar ah Israel waxay dhabar-jab ku noqon doontaa geedi-socodka nabadda, waxayna cuuryaamin doontaa go’aanka gaarista Falastiin waxayna sii wadi doontaa diidmada iyo cambaareynta caalamka,” ayuu yiri. Muxuu qoraalka Gargash, oo ah nin aan sidaas looga aqoon meel ka baxsan Imaaraadka uu muhiim u noqday? Sababtoo ah – falcelin aan ahayn midda Maxamuud Cabbaas, Cabdallaha Jordan iyo Borrell oo arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub ma ahayn wax la saadaalin karay. Safiiradda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn waxay joogeen aqalka cad markii bishii January uu Madaxweyne Trump daaha ka rogayay qorshaha nabadda bariga dhexe, kaasi oo damaanad qaadaya in Maraykanku uu qaybo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsado dhul ay u madax banaantahay Israel. Dalalkaas ma aysan cambaareyn qorshaha Mareykanka. Xaqiiqdii, safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Washington waxaa ay website keeda ku dabacday war ay ku tilmaantay in “qorshuhu uu bar-billow muhiim ah u yahay dib usoo celinta wada xaajoodyo waafaqsan naqshadda caalamiga ah oo Maraykanku hogaaminayo.” Safiirka Imaaraadka ee magaaladda Washington waxaa qorshaha ku tilmaamay “hindise muhiim ah oo la tacaalaya dhibaatooyinkii soo ifbaxay sanadihii lasoo dhaafay.” Billowgii February, kulan ay lahaayeen Jaamacadda Carabta oo lagu diiday qorshaha Trump ayuu kasoo horjeestay Gargash waxaana uu ka istaagay “mowqif dhex-dhexaad ah” taasi oo aad loo cambaareeyay. Sanadkii lasoo dhaafay Gargash cambaareyn adag ayuu kala kulmay dunida muslimka ah markii wareysii uu siiyay wargeys laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu ku sheegay in dunida muslimka ah ay khalad xun ku ahayd in ay wadahadalka u jaraan Israel . “Sanado badan ka hor, markii carab ay go’aansatay in aan xiriir la sameyn Israel, taasi waxay ahayd go’aan aad u khaldan, markii dib loo eego” ayuu yiri. “Sabaabtoo ah, waa in aad kala soocda oo kala saartaa arrin siyaasaded iyo in xiriirkaadu uu furnaado.” Sidaas darteed Gargash iyo Imaaraadka Carabta midna kama soo horjeesan qorshaha Trump. Qoraalka Gargash ee ka dhanka ah goosashada dhulka Falastiin ee Israel waxaa uu farriin u yahay Washington iyo Israel, taasi oo loogu sheegayo in wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee dhowaanahan u dhaxeysa Israel iyo dalalka Khaliijka uu dhaawici karo qorshaha Israel ku goosaneyso Daanta Galbeed. Fariintaas ka timid qof loo heystay in uu taageersanyahay iskaashi lala yeesho Israel, waxay sida la filayo ay ka qeylo dheeraaneysa Jawaabaha ka yimid Maxamuud Cabbaas, Boqor Cabdalla iyo Borrell. Qoraalka Gargash waa in sidoo kale lagu dhex arkaa inaysan dalalka suniga ah wada aqbalaynin aragtida dhul goosashadda ee Israel Todobaadkii lasoo dhaafay, sheeko uu daabacay wargeyska Israel Hayom ee kasoo baxa Israel ayey si aad ah u sii baahiyeen warbaahinta Carbeed. Warbixintu waxay sheegtay in ka sokoow mucaaradadda dunida muslimka ah ee qorshaha Israel, haddana ay dalalka suniga ah ee Jordan, Masar iyo Sucuudigu ay aqbalayaan islamarkaana ay Maraykanka iyo Israel kala shaqaynayaan cadaadiska ka dhanka ah Iran, waxaana arrinta Falastiin uga muhiimsan sidii looga adkaan lahaa Iran, taas darteedna ay uga tagayaan qadiyaddii Falastiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta aaladda Internet-ka ku dhex maray guddi hoosaadka golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee tubta siyaasadda loo dhanyahay, isla markaana uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkaas kusoo badhigtay qorshe faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajood hadda kadib dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, oo haatan qaar kood wax wada shaqeyn ah la laheyn dowladda dhexe. Qorshahaas ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka waa mid ay dhinacyadu uga wada xaajoonayaan arrimaha doorashooyinka dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka. Soo bandhigidda qorshahan ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanaa dardar gelinta arrimaha doorshooyinka dalka, si doorashadu ay waqtigeeda ugu dhacdo. Qorshahaan ayaa la filayaa in la hor keeno fadhiga guud ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, si loo dhaqan galiyo, kadibna loogu howlgalo. Sidoo kale kulankaas waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada, iyo iskaashiga heerarka dowladda ee qabashada doorashooyinka 2020-2021-ka.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in la diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19 ah, Wasiiradda ayaa sheegtay bukaannadaan ay kala oo kala jooga Somaliland 19 iyo Galmudug 15, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,368 waxaan jirin wax kiis cusub oo maanta laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir, dowlad goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland. Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhanka kale xustay in COVID19 ay ka bogsoodeen 29 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 470, Bukaannada cusub 24 kamid ah waa Rag, 10-na waa Haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 84 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo waxaana la dareemayaa inuu fayruska ka siiyaraanayo dalka sida laga arko in maanta wax kiis ah aan laga diiwaan gelin magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, taasi oo sahleysa in la furo waddooyinka xiran. Guddoomiyaha ayaa sheegay in la gaaray ujeedkii laga lahaa xiridda jidadka Muqdisho, islamarkaana dhawaan ay furayaan wadooyinka markii hore loo xiray in laga hortago qaraxyada ay Al-Shabaab ka fulin jireen Magaalada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sababta loo qaadayo koontoroolada faraha badan ee magaalada dhex yaalo ay tahay sidii Shacabka loo dareensiin lahaa in magaalada ay tahay mid nabad ah. “Waxaan rajeynayaa in waddooyinka la furo bisha hadda lagu jiro oo ah bisha lixaad gudaheeda maadaama la xaqiijiyay amniga Muqdish, oo baraha koontoroolada laga qaado gudaha magaalada lana geeyo goobo durugsan oo magaalada cirifkeeda ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Waxa uu amaanay ciidamada Dowladda oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ka dambeeyo in magaalada ay noqoto mid nabadoon midaasna ay iyaga ku mahadsan yihiin. Waxaa xusin mudan in horey uu u suurtageli waayey ballan qaadkii uu Cumar Finish sameeyey markii xilka loo dhiibay ee ahaa inuu jidadka xiran furi doono, lamana ogo sida ay hadda ku suurta geli karto ballan qaadka cusub ee uu sameeyey guddoomiyaha. Jidadka Muqdisho ayaa waxay xiran yihiin muddo badan, waxayna saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo isku socodka Magaalada Muqdisho inkastoo lagu guuleystay in la yareeyo qaraxyadii iyo weeraradii ay Al-Shabaab ka fulin jireen Caasimadda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka Cumar Filish https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codka-Cumar-Filish-wadooyinka.mp3
-
Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga dimqoraadiga Joe Biden ayaa maanta u safraya magaalada Houston, wuxuuna la kulmi doonaa qoyska George Floyd, laba toddobaad kadib markii dhimashada Floyd ee gacanta booliska Minneapolis ay horseedday dibad-baxyo dalka oo dhan ruxay. Biden ayaa la filayaa inuu ehellada Floyd u yabooho tacsi islamarkaana uu duubo farriin muuqaal ah oo loogu talo-galay in laga baahiyo tacsida Floyd oo Talaadada ka dhaceysa isla Houston. Biden ayaan la fileyn inuu ka qeyb galo tacsida, si uu uga fogaado inuu arbusho dadka u baroor-diiqaya Floyd, sababo la xiriira askarta ilaalada madaxweynaha ee Secret Service loo yaqaan ee wehliya. Floyd oo ahaa nin madow ah ayaa geeriyooday 25-kii May kadib markii askari ka tirsan booliska Minneapolis uu madaxa dhulka u dhigay kadibna jilib ka saaray luqanta illaa uu ka naf baxay. Dhacdadan oo muuqaal laga duubay ayaa horseedday dibad-baxyo waa weyn oo illaa hadda ka socda Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka. Biden ayaa cambaareeyey sida madaxweyne Donald Trump uu uga jawaabay dibad-baxyada oo intooda badan u socda hab nabadeed, balse mararka qaar horseeday rabshado iyo burbur hantiyeed. Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa ciidamada ugu baaqay inay wax ka qabtaan dibad-baxayaasha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Coronavirus (COVID-19) guud ahaan caalamka ayaa ka sara martay 7 milyan oo ruux, iyada oo Latin America ay hadda tahay meesha dhimasha badan uu ka gaysanayo. Waxa cudurka u dhintay in ka badan 400,000 caalamka oo dhan halka 3,477,104 ruux ay ka soo bogsatay, balse cudurka ayaa hadda waxa uu fara ba’an ku hayaa dalalka Brazil, Mexico iyo Peru oo Latin America ah. Brazil waa dalka 3-aad ugu dhimashada badan marka laga soo tego Mareykanka, Ingiriiska, waxa uuna cudurka ka dilay sidan: Mareykanka 112,477, Ingiriiska 40,542 halka Brazil-na uu ay u dhinteen dad dhan 37,312 Waxa xusid mudan in dalal badan ay horumar ka sameeyeen dadaalada lagu xakamaynayo cudurka, mana jiraan tiro hor leh oo badan oo laga diiwaan gelinayo hadda, sidoo kale waxaa dib loo furayaa ganacsiga, isu socodka, waxbarashada iyo duulimaadyada caalamiga. Dalkeena Hooyo, Soomaaliya waxa cudurkan saf-marka ah ee Coronavirus ku dhacay 2,334 xaaladood, waxana u dhintay 83 ruux halka 441 ruux kale ay ka bogsadeen sida ay xaqiijisay Wasaaradda caafimada ee dawladda Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa ka warbixisay natiijada kulankii maalintii shalay dhex maray madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheeikh Axmed, Xasan Sheeikh Maxamuud iyo goddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdillaahi kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka la filayo in dhowaan ay ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkaan. Qoraal ka soo baxay madasha ayaa lagu lagu yiri “Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sharif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee madasha xisbiyada qaran ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare). Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka. Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol. Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka. Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan ciidamada Sirdoonka Jabuuti ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday guriga uu magaalada Jabuuti ka dagan yahay duuliyaha xiran ee Fu’aad Yuusuf Cali, sida ay xaqiijisay xaaska duuliyuhu. Ciidamada ayaa si xoog ah ku galay guriga, iyada oo ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay ka baarayeen gudaha gurigaasi oo ay ku sugnaayeen Xaaska iyo caruurta duuliye Fu’aad oo maxbuus u ah dowladda Jabuuti. Baaritaanka ay ciidamadu xalay sida xooga ah uga sameeyen guriga duuliyaha ayaa sababay bur-bur iyo jidh-dil ay ciidamadu u geysteen qaar kamid ah xubnaha qoyska, sida laga dheehan karayey muuqaal ay Xaaska duuliyuhu kasoo duubtay guriga. Samiira Jaamac Cabdi oo ah xaaska duuliye Fu’aad ayaa soo duubtay muuqaalkaasi, iyada oo uu si weyn ugu baahay baraha bulshada, midaasi oo sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan xariga Fu’aad. Samiira ayaa muuqaalkaasi gudihiisa ku sheegtay in ciidamadu ay soo weerareen gurigeeda, kuwaasi oo gebi ahaanba bur-buriyay agabka ay isticmaalaan qoyskeeda. Xaaska duuliyaha ayaa baaqyo kala duwan u dirtay bulshada, xili ay sheegtay inay dhibaato xoogan kala kulmayaan qoyskeedu dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Xiisada ka dhalatay xariga duuliye Fu’aad ayaa u muuqata mid kusii fideysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo dowladda uu hogaamiyo Geelle ay isku dayeyso inay awood ku dajiso kacdoonka shacabku ay kaga gadoodeen falka lagula kacay duuliyaha.
-
(SLT-Muqdisho)-Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe wiil dhalinyaro ah ku dilay agaarka isgooyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo shaqeysta maydhista gawaadhida lagu maydho wadada dhinaceeda. Askariga ayaana wiilka weydiistay lacag 1$ baad ah oo uu ka qaado dhalinyarada goobtaas wax ku maydha sida uu Goobjoog Tv u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga u ahaa dhacdada lagu dilay wiilka dhalinyarada ah. Source
-
Xigasho : – Aqoonyahan Faisal Roble Ninkii Dhayal Moodayow Arintu waa Dhab: Video aan arkay oon hadeer dhagaysta ayuu R/W Abiy kaga waramayaa socdaalkiisii Mogadishu. [...] The post Daawo : – Raisal Wasaaraha Ethiopia oo sheegay in socodaalkiisii uu ku tagay Muqdisho ay ku heshiyeen Isaga iyo M/weyne Farmaajo iyo PM Xasan Kheyre, Afhayeenka Barlamaanka iyo Wasiirada in labda Dal la mideeyo. appeared first on . Source
-
Qardho (PP News Desk) — Karkaar regional police deputy commander Jama Osman Dhala’ has apologised to the public about video clips of girls socialising by bonfire. Karkaar police officers rounded up last night a group of girls and man whom the police officers accused of “worshiping fire”. “We unreservedly apologise for the images shared on the social media. The aim was not to humiliate youngesters. Our aim was to record images as evidence to share with youngsters’ parents about religiously impermissible actions” said Karkaar regional police deputy commander in a statement. “Some people with mobile phones used their phones last night to record our operation and shared it on social media platforms” said Dhala’. Dhala’ has not clarified if “people” who leaked video clips are police officers or not. Dhala’ unreservedly apologised for video clips leaked to social media platforms The leaked video clips bring to light the unprofessional approach used by police officers while detaining youngsters. One officer urged other police officers to beat up the only young man with the group of girls. Dhala’ said Qardho police station had been investigating reports about immoral gatherings by youngsters when police officers had located where the group was socialising and lit a fire to keep warm and improve visibility during nighttime at an expanse on the outskirts of Qardho. A local civil servant had called for Puntland State government to train Puntland police on privacy and keeping personal data. “Police officers acted unprofessionally. They will use their power to intimidate or blackmail the public if recruits are not properly vetted” said the civil servant who has asked for anonymity. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND REGIONAL POLICE APOLOGISES TO THE PUBLIC ABOUT LEAKED IMAGES appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay natiijada kulankii shalay ay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh la yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Halkan hoos ka aqriso qoraalka Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ), mudane Sharif Sheikh Axmed iyo mudane Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee MXQ ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare). Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka. Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol. Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka. Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in la xiray ilaa saddex sarkaal oo ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka badan Soomaaliya. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saraakiishaan ay xabsi ku jiraan muddo todobaadyo ah, waxaana loo heestaa eedeymo la xariira musuq maasuq iyo wax is daba marin. Saraakiisha la xiray ayaa ka tirsan xafiiska maaliyadda ee wasaaradda, qasnaji, iyo xisaabiye waxaana la sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku socdaan rag kale oo qaarkood ay haayaan xilal sare. Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya waxay isla dagan yihiin wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaarado kale waxayna noqoneysaa wasaaraddii 2-aad oo muddo 10 cesho ka yar dad looga xiro musuq maasuq iyo wax is daba marin. Dowladda Soomaaliya ayaa hore sidaan oo kale u xirtay saraakiil ka tirsan wasaarado dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay xiran yihiin. Waxaa dhowaan dacwad lagu soo oogay illaa 20 sarkaal oo ka tirsan dowladda oo lala xiriiriyey musuq-maasuq ka dhacay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.