-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kana mid madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kaga digay madaxda dowladda federaalka Somalia ay carqaladeeyaan yididiillada laga sugayo shirka aysan mas’uulka ka aheyn ee madaxda dowlad goboleedyada ugu socda magaalada Dhuusomareeb. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalida iyo guud ahaan inta daneysa ay mastaqbalka dalka yididiillo fiican ka sugayaan shirka magaalada Dhuusomareeb ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada dalka, wuxuuna hoggaanka madaxda DFS uu ka codsaday inaysan carqalad ku noqon shirkaasi isagoo kula taliyay inay ka waantoobaan wixii ay horay u sameyn jireen caqligana usoo laabtaan. “Hoggaanka dalka iyo DF waxaan u sheegayaa inay ka waantoobaan, caqliga usoo noqdo, wixii ay sameyn jireen iyo wadooyinkii hore wado aan aheyn ayaa hadda loo baahan yahay inay cabiraan, shirkaasi bilowday ee Dhuusamareeb ee Soomaalida sidaas u wada eegeyso waxaan rajeynayaa inaysan carqaladeyn, oo aaneyn tashwiish ku furin oo ay ka dhowrsadaan, kana gaabin, hadii ay intaas ka dhowrsan waayaan waxaan shacabka Soomaaliyeed ama madashaba u sheegeysaa cawaaqibka ka dhasha tallaabada dowladda dhexe ay muqdisho ka qaato iyo go’aanada siyaasadeed ama dhaqanka siyaasadeed oo ay la yimaadaan, mas’uuliyadeeda iyagaa qaadaya” ayuu si kulul u yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda madasha xisbiyada Qaran inay aad ugu xun yihiin fashilaad uu sheegay inay hoggaanka dalka uu ku fashilmay in uu dhowro wixii dadku ku heshiiyeen iyagana lagu doortay mas’uuliyadana loogu dhiibay, wixii shalay markeey hoggaanka qabanayeenna in maanta aynan hayn haddii ay ahaan laheyd dowladnimada iyo maamul goboleedyada. Arrimaha doorashooyiska ayuu ku dheeraaday inuu ka hadlo, isagoona sheegay in waqtigii sharciyada siinayay hoggaanka dalka inuu gabaabsi marayo, shardiga keliya ee doorasho loo qabtana ay tahay mid lagu wada heshiiyay, loona baahneyn mid qarsoon koox gaar ah iyadu wadado, taasina aan lagu canna maali doonin sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu muuqaalkaan ku boggaadiyay madaxda maamul goboleedyada shirka ay isugu tageen Dhuusomareeb ee looga hadlayo mustaqbalka iyo aayaha shacabka, isagoo u rajeeyay shirkaasi inay kasoo baxaan natiiyo ay shacabka SOomaaliyeed ku farxi doonaan.
-
Dowladda Puntland ayaa xabsiga dhigtay Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul). Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Nugaal oo ay kamid ahaayeen Labadaasi Sarkaal islamarkaana loo qaaday Magaalada Qardho si tababar loogu furo ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay. Wararku waxay intaas ku darayaan in Xarigga Labada Sarkaal uu la xiriiro gadoodka ay sameeyeen Ciidanka balse Saraakiisha Booliiska iyo Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas. Sidoo kale maalmo ka hor waxaa gadood sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo diiddanaa in la diiwaan-geliyo balse markii dambe lagu qanciyay. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga dhigtay Laba Taliye Ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari marayey agagaarka iskuulka 21-ka October oo ku yaalla gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com View the full article
-
Great to see Taiwan stepping up its engagement in East Africa in a time of such tremendous need. Taiwan is a great partner in health, education, technical assistance, and more!” the US National Security Council, NSC; posted on Twitter late Thursday, July 09. Reports of the relationship between Hargeisa and Taipei has been cast in the shadows of the wider U.S. – China rift and overall influence in Africa especially under the Trump administration. According to the White House website “The NSC is the President’s principal forum for considering national security and foreign policy matters with his senior national security advisors and cabinet officials. The Council also serves as the President’s principal arm for coordinating these policies among various government agencies.” China has expressly condemned the diplomatic overtures with its envoy in Somalia meeting with President Mohammed Abdullahi Farmaajo in the wake of Taiwan – Somaliland relations. Commenting on the US position, Rashid Abdi, a Horn of Africa researcher and analyst, described the move as unprecedented. “This is unprecedented – US National Security Council lauds Taiwan for recognising Somaliland’s independence. “While rivalry with China in the Red Sea certainly main driver, the potential gains for Somaliland in long-term seems clear,” he tweeted. But for people pushing for Somaliland independence, they have camped under the NSC tweet thanking the US government for “recognition,” others are calling for the rest of the world to do same. The Somaliland government has however not commented on the development as yet. Taiwan on July 3, appointed Ambassador Lou Chen-hwa, as the head of Taiwan Representative Office in Somaliland. On the other hand, Ambassador Hagi Mohamed is set to head the reverse office in Taipei. Great to see #Taiwan stepping up its engagement in East #Africa in a time of such tremendous need. #Taiwan is a great partner in health, education, technical assistance, and more!https://t.co/wVej4KieZ4— NSC (@WHNSC) July 9, 2020 Qaran News
-
The 2008 financial crisis spurred a number of youth movements including Occupy Wall Street and the Arab Spring. Source: Hiiraan Online
-
Kani waa sawir hore PSF Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad caawa xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Laamaha Amniga Puntland oo kooxo hubaysan. Ciidamada oo gudaha xaafadda Garsoor ka waday hawlgal lagu beegsanayo Maandooriyaha Khamriga ayaa iska caabbin kala kulmay kooxo hubaysan oo Khamriga ka ganacsada sida ay xaqiijiyeen Sarakiil ka tirsan Booliiska. Saraakiisha ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun ay Khamrada ku keydsan jireen kooxaha maandooriyaha ka ganacsada sidoo kalena ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan kooxdaas inkastoo aysan tiradooda xusin. Hawlgalka lagu beegsanayo Khamriga oo Caawa ka bilowday gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale weli ka socda xaafado ka tirsan magaalada. PUNTLAND POST The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor dhow oo caawa ah ka dhacay waddada 21-ka October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo si aad ah looga maqlay inta badan magaalada. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay lalana eegtay gaari marayay meel ku dhow dugsigii hore ee 21-ka Oktoobar. Illaa iyo lama oga khasaaraha ka dhashay illaa iyo hadda. Magaalada Muqdisho oo bilihi dhowaa ay aad uga yaraadeen qaraxyada ayaa waxaa muuqata in labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay dib uga soo cusboonaadeen qaraxyada. Laba askari oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa 8-dii July ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay degmada Hodan, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska. Sidoo kale, qarax uu Sabtidii 4-ta July ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada, qaraxaas oo sidoo kale loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.
-
(SLT-Hargeysa)-Dowladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), ayaa si diiran u soo dhaweeyey qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka (National Security council ‘NSC’) oo lagu ammaanay xidhiidhka dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo qoraalka Maraykanka lagu caddeeyey in xidhiidhka Taiwan ka bilawday Bariga Afrika uu yahay mid yimid xiligii loogu baahida cuslaa. Qoraallo lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga Taiwan maanta (10 July 2020), waxa lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin qoraalka lagu bogaadiyey xidhiidhkooda ee ka soo baxay dowladda Maraykanka, waxayna Somaliland iyo Taiwan iftiimiyeen inay labadooda waddan xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Maraykanka. Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo ka midaysan inay caalamka ka helaan aqoonsi buuxa oo dhinac walba ah, waxayna hadda si fiican oo u gaar ah ula macaamilaan, heshiisyo iskaashina la galaan dalal badan oo adduunka ah. Dowladda Maraykanku waxay muddooyinkii u dambeey wax weyn ka beddeshay siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha khuseeya danahooda qaran, amni iyo dhaqaale, waxayna calaamadiyeen in dalka Shiinuhu yahay cadawga koowaad (enemy number one) ee danaha Maraykanka, waxaannu Shiinuhu kaalintaas koowaad ka cidhiidhsaday kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo dalal kale oo Maraykanku u aqoonsan yahay inay halis ku yihiin dalkooda, sidaa darteed dagaalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale waxay ku jiheeyeen dhinaca Shiinaha, weliba meelaha sida gaarka ah loogu dagaalamayo waxa ugu mihiimsan qaaradda Afrika, taasina waxay keenaysaa in dagaalkaas u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanku uu faa’iido u noqdo Somaliland iyo Taiwan, balse waxa dawladda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa hannaanka dowladnimo iyo ku-dhaqanka sharciga, lagana fogaado qabyaaladda iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara ka midho-dhallinta qaddiyadda aqoonsiga iyo horumarka dalka Somaliland. Source
-
The president of Turkey on Friday formally reconverted Istanbul’s sixth-century Hagia Sophia into a mosque and declared it open for Muslim worship, hours after a high court annulled a 1934 decision that had made the religious landmark a museum. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Xassan SHiekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aanka madasha ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka iyo shirka wadatashiga ah ee Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku lee yihiin magaalada dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in madashu ay soo dhaweyneyso wadahadal walba oo horseed u noqan kara in la helo wax heshiis lagu yahay, isaga oo dowladda federaalka ugu baaqan in ay si faahfaahsan uga jawaabto arrimaha doorashooyinka qaranka. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadatashiyada la xiriira doorashooyinka iyo samata bixinta qaranka islamarkaana ay ka qeyb galiyeen dhammaan shacabka. Halkan Ka Daawo Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Mowqifka Madasha Ee Shirka Dhuusamareeb Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-10072020.mp3 View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo marti geliyay shirweynaha madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa kulan qado sharaf ah iyo casiryo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Galmudug. Kulanka qadada ayaa waxaa barbar socday shir gaar ah oo ay ugu hadlayeen furitaanka shirka iyo ajandahiisa oo la isla gartay in beri uu si rasmi ah ugu dhaco magaalada Cadaado. Maanta ayaa la filayay in shirka uu furmo balse dib u dhaciisa lagu sheegay go’aankii shalay golaha wasiirada kasoo baxay ee ku aaddanaa in aan la aqbali doonin dib u dhac doorasho iyo muddo kordhin ay sameystaan hay’addaha dastuuriga ah. Waxaana shirkaasi diirada lagu saari doona doorashada dalka ee 2020/2021, iyaga oo meel adag iska taagi doona muddo kordhin la sheegay inay wado madaxtooyada Soomaalya. Sidoo kale waxa shirkaasi lagu lafo guri doona xiriirka hoos u dhacay ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo weliba xiisada ka dhex aloosneed muddooyinkii u dambeeyay. Waxaana lagu wadaa in shirkaasi laga soo saaro go’aamo xasaasiya oo ku aadan doorashooyinka, mowqifka ay ka taaganyihiin maamulada dalku iyo arrimo kale oo xiligan taagan.
-
COVID-19 threatens to set aid to education back by six years, warns UNESCO Paris, 10 June—A new policy paper by UNESCO’s Global Education Monitoring (GEM) Report shows that total aid to education reached its highest ever levels in 2018, the latest available year. However, it estimates that global aid is likely to decline by up to US$2 billion from 2018 to 2022 as a result of recession caused by COVID-19, entailing a 12% drop in international support for education. This means that without new measures, aid to education would only reach 2018 levels in 2024, which poses a serious threat to the recovery of education from the unprecedented disruption caused by the pandemic. “Just as aid to education seemed to have recovered its lost momentum, the COVID-19 pandemic threatens to take us back several years,” cautions UNESCO Director-General Audrey Azoulay. “Faced with the havoc wreaked by the pandemic, aid to education will arguably be more important than ever before. Countries will need additional funding to respond to the pandemic and education must be prioritized both in terms of aid and domestic allocations to avoid a setback to our global education goal, SDG 4.” Aid to education in 2018 reached a record US$15.6 billion, an increase of 9% from the previous year. From one year to the next, aid rose by 6% for basic education, 7% for secondary education and 12% for post-secondary education, providing each with the highest amount of aid ever recorded. Despite these increases, more effective aid to the sector was required: Only US$7.4 billion, or 47% of aid to education, went to basic and secondary education in low- and lower-middle-income countries, the two sub-sectors and two country groups perceived as most in need. In assessing the impact of COVID-19, the Global Report estimates that the pandemic is likely to have a more damaging impact than the financial crisis of 2007-8 as the recession affecting the top ten bilateral donors for education is expected to be more than twice as severe. If current national spending levels on education as a percentage of GDP were maintained, national funding for education would decrease by USD 296 billion in 2020, further aggravating the situation, according to UNESCO estimates. Manos Antoninis, Director of the GEM Report says that “An estimated US$8 trillion has been committed to pandemic responses by governments so far, helping secure their health systems and economies. But prospects for aid are linked to the impact of the crisis on donor budgets. Previous financial crises have impacted the allocation of aid for several years after the crises were over. We should therefore not underestimate the ricochet effect this pandemic could have on social services for years to come.” The paper assesses the impact of the Global Partnership for Education, the fundraising platform for the sector, showing that there is currently a lag of about three years between grant approval and disbursement. The amount it disbursed in 2019 fell back to 2010 levels. In 2018, Global Partnership for Education aid made up 6.7% of total aid to basic education in low- and lower-middle-income countries, down from a high of 11.4% in 2014. Three donor policy responses will be key over the next 12 months. First, the COVID-19 pandemic is also an education crisis. The share of education in total aid must be protected. Second, as countries need additional funding for COVID-19 responses that were previously not programmed, it is necessary to ensure flexibility in support so that existing programmes can be restructured and realigned to help countries ensure that COVID-19 is only a temporary setback. Third, obstacles in the implementation of traditional bilateral aid programmes may provide a chance for bilateral donors to consolidate fragmented aid efforts, shifting a larger portion through multilateral channels. Qaran News
-
Silvia Romano oo shaacisey Mudaday ku qaadatey Akhriska Quraanka+Waxa ku dhiirigeliyey inay qaadato Diinta Islaamka Silvia Romano ayaa dib loogu celiyay Taliyaaniga Caa’isha Silvia Romani ayaa bixisay wareysigii ugu horeeyay. Gabadhan u dhalatay Taliyaaniga waxaa bishii November ee 2018-kii laga afduubtay Kenya, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay ku haysteen gudaha Soomaaliya. Waxaa la soo daayay Bartamihii bishii May ee sannadkan oo dib ay ugu noqotay dalkeeda Taliyaaniga. Diyaarad gaar ah ayaa ka soo qaaday Magaalada Muqdisho. Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.” Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.” Dadka soo dhoweeyay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Taliyaaniga Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”. “Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga. Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?” Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo”. Waxay wargeyska afduubtay u sheegtay in maalmihii xigay afduubkeeda, iyadoo ku jirta meel xabsi walibana xilli habeen ah ay markii ugu horeysay maqashay duqeyn dhanka cirka oo ay “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen halkii ay joogtay.” Waxayna sheegtay in ay aad u naxday oo ay ka walwashay in ay dhiman doonta oo aysan dib dambe u arki doonin qoyskeeda, waxayna tiri: “Waxaan ku duceystay – Allahayoow i badbaadi, waxaan doonayaa in aan markale arko qoyskeyga”. Waxay sheegtay in xilligaas ay ahayd markii ay Alle “si toosh ah ula hadashay”. “Markii aan badbaaday waxay ahayd xilligii aan Alle u laabtay oo aan ku shukriyay, dareemayna in aan ka fogaaday Allihii i abuuray”, ayay ku dartay hadalkeeda. Muxuu ahaa xiriirka ka dhexeeyay Caa’isha iyo Quraanka? Intii ay ku jirtay gacanta kooxdii afduubatay, Caa’isha waxay sheegtay in ay bilawday barashada iyo fahamka Qur’aanka kariimka, waxayna intaa raacisay in markiiba ay qabsatay xarigga Alle. “Marka koobaad, waxay igu qaadatay 2 bilood in aan Qur’aanka ku akhriyo oo wax isburinaya kuma arag, markii dambena waxaa wakhti ku bixiyay fahamka, waxaan dareemay kalsooni illaa markii dambe aan jecladay diinta Islaamka”. “Aayado badan oo Qur’aanka ah ayaa runtii qalbigeyga dhaqaajiyay, waxayna ila ahayd marwalbo oo aan akhriyo in Alle uu anniga si toos ah iila hadlayo, waxaan sidoo kale akhriyay aayado ka mid kitaabka Bibble-ka, waxaana halkaas ka ogaaday waxyaabaha ay ka siman yihiin Islaamka iyo Krishtaanka. Ugu dambeynna waxaan Qur’aanka ka fahmay wadadii saxda ahayd ee Alle igu hagi lahayd oo ah in aan qaato diinta Islaamka”, ayay tiri Caa’isha Silvia Romano. Markii ay qaadatay diinta Islaamka ayay sheegtay in ay “ogaatay in Alle uu jecel yahay, kuna hanuuniyay wadada saxda ah.” Kahor inta aysan qaadanin diinta islaamka, waxay aamintay in “diinta islaamka ay tahay wadada saxda ah,” ayna go’aansatay in ay qaadato diinta Islaamka, intii ay joogtay Soomaaliya, balse haddana waxay ka walaacday sida bulshada ay ka timid ay uga falcelin karaan is badelka ay sameysay, waxayna tiri: “Waxaan Alle ka baryay in uu iimaankeyga xoojiyo, igana xijaabo waxwalba oo iiga iman kara qaadashada diinta Islaamka”. Markii ay Caa’isha dib ugu noqotay dalka Talyaaniga, waxay sheegtay in dadka ay si la yaab leh u fiirin jireen marka ay arkaan iyadoo ah gabar caddaan ah, xiranna xijaab. Mar wax laga weydiiyay sida ay ku xulatay magaca Caa’isha waxay sheegtay in hadda kahor oo ay joogtay Talyaaniga in ay ku riyootay iyadoo la baxday magaca Caa’isha, markii diinta Islaamka ay qaadatay ay la baxday magacaas. “Dulqaad, wanaag” iyo waxyaabo badan ayay sheegtay in ay ka baratay diinta islaamka, haddana ay noolasheeda is badashay. Waxaa kale oo ay sheegtay in marnaba aanay fileynin in dadka ay garanayaan, waxayna intaa raacisay in bishii Ramadaan ay “hadiyado badan ay ka heshay dad kala duwan oo soo booqday,” inkastoo ay jireen dad u hanjabay, go’aankii ay qaadatayna uu dood ka dhaliyay baarlamaanka dalka Talyaaniga. “Dad badan ayaa si wanaagsan iila dhaqmay, dib ayaana ka ogaaday in ay jiraan dad u dhashay dalka Talyaaniga oo heysta diinta islaamka,” ayay ku sheegtay wareysigii ay bixisay. Silvia Romano, oo ah 25 sano jir ah, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay oo laabta geliyay waalidkeeda iyo walaasheeda, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda. Caa’isha Silvia Romano ayaa horraantii sannadkan laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin afduubkeeda. Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaas ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga. Caa’isha Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxay sannadkii 2018-kii ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya. Qaran News
-
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka. Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxeynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garee. Iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga hadleen siyaasadda dalka ,xaalada kala guurka oo ay ugu horeyso doorashada 2020/2021. View the full article
-
FBI oo Dubai ka afduubatay Rag caan ka ah Baraha Bulshada oo aan dalka Maraykanka u dhalan ,Qareenka Hushpuppi (oo sawirka ka muuqda) ayaa sheegay in Mareykanka uusan sharci u lahayn dhoofinta ninkan oo ku sugnaa Dubai Nin u dhashay dalka Nigeria, oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lacago uu si sharci darro ah uga qaatay Mareykanka, ayey laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ka afduubatay magaalada Dubai, sida uu sheegay qareenkiisa. Ramon Olorunwa Abbas – oo dadka ku taxan bartiisa Instagram-ka ee ay tiradoodu tahay 2.5 milyan ay u yaqaannaan Ray Hushpuppi – iyo nin kale oo burcadda internet-ka ah laguna magacaabo Olalekan Jacob Ponle (ama Mr Woodberry) ayaa bishii June lagu xiray magaalada Dubai oo ay ku noolaayeen. Kaddibna 3-dii bishii July waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka. Dowladda Imaaraadka Carabta lama laha Mareykanka heshiis maxaabiis isu dhiibis ah, laakiin booliska magaalada Dubai ayaa sheegay inay raggaas u gacan galiyeen Mareykanka. Afhayeen u hadlay waaxda caddaaladda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Hushpuppi laga eryay Dubai oo aan cidna loo gacan galinin. Hase yeeshee kama uusan jawaabin sida uu uga soo muuqday maxkamad ku taalla Mareykanka. Hushpuppi ayaa bogga uu ku leeyahay Instagram-ka si joogto ah ugu soo bandhigi jiray sawirro muujinaya sida uu kharash aad u badan ugu isticmaalo noloshiisa isagoo ku faani jiray hanti badan oo ay ka mid yihiin gawaari. Muxuu sheegay qareenka Hushpuppi? Qareenka u doodaya Mr Abbas, oo lagu magacaabo Gal Pissetzky, ayaa BBC-da u sheegay in ninka macmiilkiisa ah uusan wax dambi ah lahayn, lacagtiisa faraha badanna uu ku helay si sharciga waafaqsan. “Waa qof saameyn ku leh baraha bulshada oo ay uga taxan yihiin malaayiin ruux, waxaana jecel oo ixtiraama malaayiin dad ah, isagana wuu jeclaa, intaas unbuuna sameeyay. Adduunka maanta aan joogno intaas ayaa ganacsi ah,” ayuu yiri. Mr Pissetzky wuxuu qirtay in uusan “100% la soconin” baraha bulshada, carruurtiisana ay ka aaminsan yihiin inuu ka duqoobay arrimahaas, laakiin uu si fiican u ogyahay “sida lacagta looga sameeyo maanta”. Qareenkan fadhigiisu yahay Chicago ayaa ku dooday in Hushpuppi uu lacago ka helay shirkado uu wax u xayeysiiyay, arrintaasina waxay horseedeysaa in kiiskan uu daba dheeraado, muddo dheerna ka socdo maxkamadaha Mareykanka. FBI-da ayaa ku eedeysay Mr Abbas, oo 37 jir ah inuu si sharci darro ah ku qaatay boqollaal milyan oo doolar. Mareykanka ma qaaday tallaabo sharci ah? Kiiskan waa kii ugu dambeeyay ee heer sare ah, kuna saabsan muwaadin reer Nigeria ah oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka, laakiin qareenkiisa wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka aysan xaq u lahayn inay kasoo kaxeysato magaalada Dubai. “Sida aan qabo, FBI-da iyo dowladduba waxay arrintan u qaadeen tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn, waxayna ninkan kasoo afduubteen Dubai iyagoo aan oggolaansho sharci ah u heysanin,” ayuu yiri Mr Pissetzky, oo wareysi siiyay BBC-da. “Ma jiro xeer eedeysaneyaasha ay isugu kala gudbin karaan labada waddan, ma jirin tallaabooyin sharciga xaggiisa loo maray, ma jirin warqado la oqray, waa arrin ay iska fulisay FBI-da. Ma aha muwaadin u dhashay Mareykanka, xaqna uma laha in Mareykanka uu iska xirto,” ayuu yiri. Laakiin booliska Dubai ayaa bartooda Facebook ku sheegay in agaasimaha FBI-da uu uga mahad celiyay inay labada nin u gacan galiyeen. Ray Hushpuppi ayaa ilaa markii la xiray waxaa dadka ku taxan Instagram-kiisa kusoo biiray 100,000 oo cusub. Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah in Mr Abbas uu mas’uul ka ahaa koox burcadda internet-ka ah oo bartilmaameedsanayay hay’adaha sharciga ee Mareykanka, bangiyo iyo koox ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno “Mr Woodbery”, wuxuu soo bandhigaa hantidiisa Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno “Mr Woodbery”, waa ninka labaad ee lala xiray Hushpuppi, waxaana loo heystaa inuu dhinaca internet-ka lacago badan ku dhacay. Michael B Nash, oo ah qareenka u doodaya ayaa garsoorka maxkamadda u sheegay in aan wali loo fasixin inuu la kulmo ninka uu matalayo. Khamiistii ayey maxkamadda u oggolaatay inuu 15 daqiiqo lasoo hadl. Markii uu kasoo laabtay ayuu codsaday in dhageysiga dacwadda looga dhigo xilli kale. “Runtii waxba kama hadli karo hadda, waa inaan soo baaro xaqiijooyinka ku saabsan kiiskan,” ayuu ku yiri BBC-da. Mr Ponle, oo 29 jir ah ah, wuxuu leeyahay Instagram lagu magacaabo “Mr Woodberry”, balse FBI-da ayaa sheegtay inuu email-llada u adeegsado magaca “Mark Kain”. Wuxuu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu dhinaca internet-ka musuqmaasuq ku sameeyay, lacago badanna sidaas ku helay. Qaran News
-
Wasiir Soomaali ah oo shaaciyey inuu xilkiisii ku waayey Cod sira oo Qof ay saaxiibo yihiin ka duubay Ugaas Xassan wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday cod sir ah oo laga duubay wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed, Ugaas Xassan Cabdi oo aan la garaneynin xilliga la duubay. Codkan oo uu sax ahaanshihiisa xaqiijiyay wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsanyn siyaasadda xukuumaddii uu katirsanaa iyo dhaliilo uu u jeedinayo dowladda Koonfur galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen. “Madaxweyne Laftagareen waxaa uu rabaa in uu iswaafajiyo muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka hadda jira marka la gaaro kalafadhigga koowaad ee baarlamaanka, si aysan usoo dooranin madaxweyne mustaqbalka oo waxaa uu rabaa in uu madaxweynaha been kusoo xarageliyo xildhibaanada, kadibna uu buriyo”, ayuu Ugaas Xassan ku yiri codka maqalka ah ee laga duubay ee lagu baahiyay baraha bulshada. Ugaas Xassan oo u muuqday in uu ku kalsoon yahay qofka uu la sheekeysanayo, xogtana uu la wadaagayo ayaa sidoo kale waxaa codka laga dhex maqlay in qofka uu ku xan-qarsanayo uu bannaanka soo dhigo waxa jira, loona baahan yahay in waxa ay damacsan tahay madaxtooyada bannaanka lasoo dhigo oo dadku ay ogaadaan. Ugaas Xassan, oo madaxtooyada kula kulmay madaxda maamulkaas Wasiirka shaqada laga qaaday oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in codka laga duubay uu yahay mid sax ah, balse uusan fileynin, sidaasina uu sameeyay qof ay aad isugu dhaw yihiin. “Nin aan saaxiibo ahayn ayaa si khaldan oo sharafta ban’aadamka iyo dadnimada ka baxsan cod iiga duubay, kadibna baraha bulshada si khaldan loogu baahiyay, taasina ay sabab u noqotay in xilkii aan ka haya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed la iga qaado”, ayuu yiri Ugaas Xassan oo la hadlay BBC-da. Madaxweyne Laftagareen ayuu sheegay in isagoo dareemaya culleyska ay arrintaas leedahay uu go’aansaday in uu xil ka qaadis ku sameeyo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 4-tii bishan war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay xilka laga qaaday wasiirkii warfaafinta, inkastoo aanan la sheegin sababta keentay xil ka qaadista. Waxaa kale oo uu wasiirka sheegay in qofkii ka duubay codka uu cafis ka dalbaday, arrintaasina uu aqbalay. “Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirkii warfaafinta ayaa kamid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay dowladii Shariif Xassan, waxaana xilkaas uu hayay muddo lix sano ah. Qaran News
-
Aqalka Cad oo taageeray Xidhiidhka Cusub ee Somaliland & Taiwan yeesheen Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.” “Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press. Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey. Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah. “Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto,” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka. “Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan!” ayaa ka mid ahaa wixii lagu qoray barta NSC. Farriintaas waxay daba socotay heshiiska dhowaan ay wada saxiixdeen Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Great to see #Taiwan stepping up its engagement in East #Africa in a time of such tremendous need. #Taiwan is a great partner in health, education, technical assistance, and more!https://t.co/wVej4KieZ4 — NSC (@WHNSC) July 9, 2020 Sidoo kale, Farriinta dowladda Mareykanka waxay imaaneysaa ka dib markii Shiinaha uu sheegay inuu diidan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland. Shiinaha wuxuu doonayaa in Taiwan ay militari ahaan hoos timaado maamulkiisa. Balse afti laga qaaday shacabka Taiwan waxay si aqlabiyad ah u diideen in siyaasad ahaan ay ula midoobaan Shiinaha. Sidoo kale, dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa iyana ka soo hor jeesatay xiriirkaas labada dhinac dhexmaray. Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in Soomaaliya ay ka go’day bishii May ee sannadkii 1991, ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. In kastoo beesha caalamka aysan u aqoonsanayn dowlad ahaan, haddana waxay sameysatay maamul u gaar ah oo shaqeynaya, lacag iyo hannaan amni oo ay u madaxbannaan tahay. Heshiiska Taiwan iyo Somaliland oo lagu dhawaaqay 1-dii bishan July, ayaa dhigaya in wakiillo ay isu soo kala magacaabaan labada dhinac oo Hargeysa iyo Taipei kala fadhiisan doona. Marka xafiisyada la furo, labada dhinac waxay ka wada shaqeyndoonaan arrimo ay ka mid yihiin Beeraha, macdan qodidda, kalluumeysiga, tamarta, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta Macluumaadka Teknolojiyadda, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan Joseph Wu. Wuxuu intaa ku daray in “labada dowladood ay ku heshiiyeen billaabidda xiriir ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadaagidda qiyamka ay ka mideysan yihiin ee ah xuriyadda, dimuquraadiyadda, cadaaladda iyo sharciga iyo kala dambeynta”. Wu iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Yasiin Maxamuud, ayaa wada saxiixay heshiiska laba geesoodka ah oo ka dhacay magaalada Taipei, bishii February ee sannadkan, sida ay warbaahinta Mareykanka qorayaan. Taiwan waxay sannadkastaa bixisaa waxbarasho lacag la’aan ah oo ay siiso 3.9 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala yimaada. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa sheegay in “dowladdiisa ay sii wadeyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya”. Wuxuu Taiwan ku eedeeyay “dhibaateynta madaxbannaanida Soomaaliya iyo sharafta dhuleed”. Mareykanka oo $620 milyan oo gantaallo difaac ah u ansixiyay Taiwan Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay dhaqaale gaaraya $620 milyan oo dollar oo lagu sii horumarinayo gantaallada dhulka ee Taiwan illaa kuwa circa, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee maamulka Donald Trump. Waxay sheegtay in arrintan Mareykanka ay tahay mid lagula tacaalayo “halista sii kordheysa ee Shiinaha”. Dowladda Mareykanka, sida dowlado kale oo badan, xiriir toos ah oo diblumaasiyadeed lama lahan Taiwan, balse waxaa sharci ku ah in maamulkaas dimuquraadiga ah ay difaacaan, waxkasta oo ay qaadato. Shiinaha wuxuu aalaaba ka soo horjeestaa in Mareykanka uu hub ka iibiyo Taiwan. Taiwan waxay codsatay in hubkan casriga ah laga iibiyo “si ay u caawiso sii jiritaankeeda 30-ka sano ee soo socota,” ayey tiri Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Wasaaradda Difaaca ee Taiwan waxay sheegtay in ay fileyso in hubkan ay hesho bisha soo socota. Qaran News
-
President Farmaajo was elected neatly after democratic votes, but then he intends flouting the constitution and all other laws. Want Play electoral tricks or rule with an iron fist without further inconvenient of elections or heavily manipulated elections. Based on the Elections Act, the upcoming election to the House of Representatives will take place in August 2020 and the presidential one in February 2021. The constitution does not offer an opening to allow possible postponement. Hanging on the power Our leader often no longer connected to everyday reality. Accumulated millions from taxpayers money and his loads are on unknown number accounts, and his family and friends eat richly from the rack. This without apparent protest from the International community, especially the West, the lifeline for Farmaajo regime and the African Union and other partners and donors, often providing with millions. In three and a half year, donors and friendly countries offered financial support and have almost always given without real conditions. In contrast, it could have been a beautiful means of pressure for democratisation. The international community is inclined to turn a blind eye when they find things that are unpleasant or not at all right. But, well, it’s just Somalia, isn’t it, so we should let go of our “standards”. History repeating itself Two of the main objectives of Farmaajo’s government was the completion of the transitional constitution draft. And organising and completion the transition to one man one vote election. Both of these goals, his government failed to realise. If the coming polls are postponed or cancelled, the whole system could collapse like a house of cards and with domino effect also change the entire country’s face. It is a well-known phenomenon in Africa: those in power do not give up easily. The development of democracy is a long-term process. That elections and terms for presidents are relatively new to Somalia after 21 years under dictatorial regime followed by over two decades of total anarchy. While a democratic ruler realises that trying to stay on will result in more loss than resignation, things are very different here with president Farmaajo. There is no modern bureaucratic system like in advanced democracy which can obstruct his destructive path. Also, our politics is constructed on personal relationships between a patron and his clients. Against this, history repeats itself with president Farmaajo who try everything to remain in power anyhow, to survive himself and thereby do much wrong to the country. We know the story of Siyaad Barre, who spasmodically held power and let the country plunge into the total collapse. Now we have his protege President Farmaajo who is not troubled to postpone or cancel elections so that he can stay in power. What a difference of leadership quality unlike Farmaajo the previous presidents, Sheikh Sharif and Hassan Sheikh, stepped aside as leaders to safeguard the country’s interests. Former leaders have set Farmaajo as an example to follow; you must do as we have done for you. With a curious slogan (peace & life), the president has been in power for close to four years. But the content of such a slogan does not matter that much either. At least not in a country that has become synonymous with corruption, economic degradation and where no one knows what his government stands for. Silent political leaders Our society and the people of Mogadishu specifically are troubled by the silence of their leaders about this tragedy. It almost seems that they are not concerned about the fate of their citizens. They do not express an interest in finding vital solutions to stop this tragedy and ensure that political and economic progress finally becomes a reality. Yet no leader feels morally inclined to respond loudly and think about sustainable solutions. Our political leaders share some responsibility for what is happening. They are complicit in not being able to offer prospects to their people who live in these desperate times where they have lost confidence in the political class. Our political leaders are a political class whose priority is to win the next elections or to cling to power by any means available. A political class that does not seem to be able to use the numerous talents and creative potential of the very enterprising people. A political class that disadvantages fishers, farmers and small entrepreneurs by signing poorly negotiated trade agreements in favour of China and other multinationals and the in the process weakening local economies. Why wouldn’t our people want political change when they see their leaders and economic elite’s children and family are abroad to study and live there. When one of them gets sick, he is not cared for in the country, but goes to a European, American or Indian hospital, at the expense of poor taxpayers. It is time for a new paradigm, we do not need a change of presidents only, but a holistic policy focused on security and development. The moment I write this down in Somalia, the First Chamber and the Senate is unwilling to speak or cooperate and safe the country from the brink of civil war. With these situations continuing, we expect that the civil war could reignite. Because as long as there is no good government or someone who controls the country, war option remains. And when the civil war starts, it might not be easy to stop it, so I think it is useful for Somalia to find a solution to the problem before its too late. And to find a good president who can rule the country because it is no longer possible to continue as it is now. Bribes are a lot more critical in Somalia than an election program. You can do everything with it: reward voters, bribe parliamentarians, get election committees on your hand or hire street witnesses for violence. Farmaajo is by no means the only Somali leader who refuses to relinquish power or squeezes himself to renew or expand his power unconstitutionally. And he might be the last one until people understand that their interest is to choose their leaders not based on clan but based on integrity, qualification Leadership capabilities. A leader not led by the desire for power. Open to new experiences, somewhat more confident in their leadership capacity and slightly less neurotic. Restoring central authority Attempts to restore central authority so far do not yield much. Even with the support of the international community – including the African peacekeeping force AMISOM – the current government has no control over the situation. Somalia is further disintegrating. Armed groups (including government soldiers) are fighting each other. Robbery, murder, rape are widespread with impunity, anything is possible. The complications in Somalia emphasise the poor quality of leadership. For instance, the Vice prime minister while speaking to the parliamentarians asks them to sit on and not disband after the end of their term. Promised the most fabulous cash prise is ready for good parliamentarians prepared to do the administrative work enabling extending the duration of the president and his government until such a time “one-person-one-vote” election can take place. What kind of headway can we expect from these self-interested politicians? Failed parliamentarians 19th-century political philosopher John Stuart Mill developed a still current vision of the role of a representative body. In his Considerations on Representative Government (1865) Mill devotes a chapter to the Proper Functions of Representative Bodies. Even though he considers parliament to be the highest body in the nation, he already saw a somewhat limited role for this institution at the time. Mill argues that a parliament may go as far in taking on tasks as its size and efficiency permit. What the parliament can do itself must do it. But if other bodies can perform specific tasks better, they must take that responsibility. Legislating and overseeing government is regarded as the main task of our parliament. However, it has long been clear that the existing parliament has one mission to fulfil; putting its approval without critical attitude whatever legislative the executive demands. Their activities increasingly become irrelevant to the people they are supposed to represent. It is not surprising; however, we come to doubt the real usefulness of our parliament. Not that, I question our parliament’s reasons for being part of our political system. However, it is the role our parliament played in this crucial period in our history that is disappointing. All the motions and laws passed has no bearing on our situation. Instead, it was a window dressing intended to appease for their bosses in (the president and the international community). We expected our parliamentarians as people’s representation to be the cornerstone of our democracy. As elected representatives, we expected them to oversee the government. By not only pass laws but controlling the government. The government is often also composed of members of the parliament (monistic system) or appointed by the parliament. The government was supposed to be accountable to the parliament. And the parliamentarians accountable to the people; however, neither of this did happen. In a democracy, therefore, the voter influences the composition of the government, but because our population did not directly choose our government, the influence they have is non-existence. There’s no division between the legislative, the executive and the judiciary. The legislature consists of parliament and the executive branch of government. And the judiciary is of those who monitor the observance of laws in a country. This separation should ensure, among other things, that not too much power ends up in the hands of a small group. But the boundaries between legislative and executive powers and courts are often fluid in our country. It is the government that has taken the lead in the legislative work. If present Parliaments are still considered mainly as the legislative agencies par excellence and is yet presented legislating as their principal business, this is, to some extent, an echo from the past. Our constitution should have shaped our laws and society. Its most important that the law is observed, not only by the citizens but, also the government. Failure to do so creates arbitrariness, the right of the strongest. Missing link in our democracy Electing your representatives is not the end of a democratic process. The beating heart of a democracy is civil society, the civil society of thousands of organisations that function independently of the government. These so-called non-governmental organisations (NGOs) are both a link and a buffer between the people and the government. On the one hand, they ensure the promotion of interests; on the other hand, they protect citizens’ freedom from the concentration of power in the hands of the government. The interest groups are, for example, unions, patient associations, employers’ associations and so on. The political parties also play a significant role. However, the current parliament that expected to legislate political parties failed to do so. These political parties could have represented broad population groups. Democracy and freedom are sorts of identical twins. One of independence is freedom of expression. Sadly our government restrict our freedom of expression and doing so violated democracy. The famous Enlightenment thinker Jean-Jacques Rousseau does not advocate representation. He motivated that as follows: Sovereignty cannot be represented for the same reason that it cannot be stolen. It exists in its deepest essence in the general will, and that will cannot be represented. It is either her or it is something else. There is no middle way. … The representatives of the people are not and cannot be representatives; they are just agents, and they cannot make final decisions. Mill becomes surprising; he also deems parliament unable to assume legislative duties. That gives a lot of thought to all those unsavoury leaders where it also found that everything went smoothly. But it has, even more, to think about the selective perception of Western observers. They are inclined to turn a blind eye when they find things that are not or not at all right. But, well, it’s just Somalia, isn’t it, so we shouldn’t let go of “our” standards. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa maanta markale ka hadashay banaan-baxyada ka dhashay dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa. Xeer Ilaaliyaha guud ee federaalka dalka Itoobiya, Adanech Abebe ayaa xili ay wareysi siinaysay idaacada BBC sheegtay in qorshayaasha banaan-baxa iyo qalalaasaha ay hore u diyaarsanayaan ka hor dilka fanaanka. Xeer ilaaliyaha guud ayaa ku doodaysa inay jireen kooxo iyagu hore isku abaabulay oo sugayay fursadan, isla markaana dad badan ku laayay, maadama ay hore isugu diyaariyeen qalaalaso noocan ah. Adanech ayaa sidoo kale sheegtay in dad badan oo u geeriyooday rabshadahaasi ay qeyb ka ahaayeen kuwii hore u abaabulay qalalaasahaasi, wallow aysan si cad u carabaabin. Abebe ayaa ku doodeysa in qalaalasaha iyo rabshadaha markiiba ka bilwoday dalkaasi kadib dilka fanaanka ay ahaayen kuwa diyaarsan, maadama ay saacado kooban gudahood ay ku dhigeen rabshado iyo banaan-baxyo xoogan, kuwaasi oo ku fushanaya danahooda, sida ay hadalka u dhigtay. “Xogta ilaa iyo hadda aan hayno dadka ugu badan ee rabshadaha ku dhintay iyo dadka masaakiinta dilka u gestayba iney ahaayeen dad horay isu abaabulay oo heegan ku jiray, balse ay ahayn dhacdo si kadis ah ku dhcday” ayey tiri Adanech Abebe. Waxayna intaas kusii dartay “Dowladda si ay rabshadaha u soo afjarto shaqsiyaadkii looga shakiyey iney ku lug lahaayeen oo ay ka mid yihiin Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa waxay hub iyo qalab isgaarsiin oo ay sharci u haysan ay kala wareegtay xubnahaasi, iyaga oo warbaahintoodaa farriimo ficilladooda garab siinayo oo dalka ammaankiisa khatar gelinaya ka baahinayey”. Xeer Ilaaliyaha guud ee federaalka dalka Itoobiya ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dowladdu ay u xirtay dad garaya 2,700 oo qof, rabshadihii todobaadkii hore dalka Itoobiya ka dhacay.
-
Raysal wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu Dhuusamareeb gaari maanta , warar lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijiyey Dafarka Raysal wasaaraha ee Dhuusamareeb pi [...] The post Braeking News — RW Kheyre oo Dhuusamareeb kusii jeeda appeared first on . Source
-
Sicir barar ku yimid Sarrifka Dollarka Suuqyada Puntland Sicir barar ba’an ayaa ku yimid Qiimaha Sarrifka Dollarka Suuqyada Puntland, waxaana Maanta oo Jimce ah meelaha qaar Halkii Dollar maraya 44 Kun oo Shilin Soomaali ah, sida ay sheegayaan Sarriflayaasha Garoowe. Sicir bararkaas, ayaa sababay in Qiimaha Maciishadda Daruuriga ah ee Degaannada Puntland ay cirka isku shareerto, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay Nolosha Ganacsatada Yaryar iyo Qoysaska Danyarta ah ee aan haysan Dhaqaalaha ku filan. Sidoo kale, Xoogsatada Muruq-maalka ah oo joornaato ahaan u qaata Shilin Soomaaliga, ayaa ka cabanayaa in ay waxba u goyn wayday Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd, kadib markii uu saameeyay sicir bararka ba’an ee ku yimid Qiimaha Sarrifka Dollarka. Waxaa sidoo kale la soo sheegaya, in ay xirmeen qaar kamid ah Xarumaha Ganacsiga yar yar ee isticmaalaha Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kuwaas oo ku musallifay Sicir bararka baahsan ee ka jira Puntland. Dhinaca kale, waxaa Suuqyada Puntland aad ugu yaraaday Noocyada kala duwan ee Khudaarta ka timaadda Waddanka Itoobiya, kadib Rabshadihii halkaasi ka dhacay, xilli Khudaarta gudahana uu si daran u saameeyay Sicir bararka. Ganacsatada qaarkood, waxay sheegayaan in Sicir bararkan uu yahay kii ugu darnaa abid ee ka dhaca Puntland, tan iyo markii la as’aasay sannadkii 1998-dii. PUNTLAND POST The post Sicir barar ba’an oo ku dhuftay Puntland appeared first on Puntland Post.
