-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu beeniyey warar maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay inay is-hortaag ku sameysay shir dhex-mari lahaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo la soo dhoodhoobay. Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in wada-hadallada labada dhinac loo saaray guddi gaar ah oo ka doodaya ajandaha shirka, goorta iyo halka lagu qabanayo. Ugu dambeyn warka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay marti-gelinta shirkaasi. Shirarkii u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo hakad ku jira, sababo la xiriira khilaaf u dhexeeya Villada Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland.
-
Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay Ciidamo dhowaan ka soo muuqday baraha bulshada oo sheegay in ay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed ayaa shaaciyay magacyada mas’uuliyiin hore uga tirsanaa Puntland oo haatan ku sugan Gobolka Gardafuu kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen tallaabada ciidankaas ku dhaqaaqeen. Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa sheegay in Guddoomiyihii hore ee Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo mas’uul kale oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland magaciisana uu ku sheegay Mahad Carcar oo ka caraysann xilal laga qaaday ay abaabuleen ciidanka si ay khalkhal uga abuuraan Gobolka. Sidoo kale wuxuu sheegay in askarta hadashay aysan horay uga tirsanayn Ciidamada Puntland balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo uruuriyay oo Degaanka u dhashay kuwaas oo ay abaabuleen mas’uuliyiinta ka caysan xilalka laga qaaday. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay magacyada mas’uuliyiin hore oo ay sheegtay in ay khalkhal gelin wadaan appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gadaal ka riixeyso dagaalladaasi. Fiqi ayaa tilmaamay in colaad beeleedyadaasi oo heshiis nabadeed laga gaaray ay markale hurinayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka dhax faa’iideystaan marka ay dib u qarxaan dagaalladaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u yeereen odayaasha beelaha qaar, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin xareynta maleeshiyaadka iyo wareejinta hubkooda. Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale uga digay odayaasha dhaqanka inay u tegaan Al-Shabaab, isaga oo wacad ku maray cidii tegtaa deegaanadooda in aysan ku soo laaban doonin dhankooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa aan maqalnay in odayaasha qaar ee beelaha ay u yeereen Al-Shabaab iyaga oo ka xun xareynta maleeshiyaadka, wareejinta hubka iyo sugidda amniga, odaygii qaata amarkaas ee aada deegaannadooda dib yuusan nagu soo laaban, kamana aqbali doono cudur-daar” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Galmudug ay bilowday inay la wareegto maleeshiyaadka ku sugan deegaanadeeda iyo hubkooda, si loogu daro ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska ee maamulkaasi.
-
Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay horistaageen shir la filayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana maamulku uu iska fogeeyay arrinkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa lagu beeniyay warkaasi waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ay guddi u xil saareen qabsoomidda shir ay yeeshaan labada dhinac. Sidoo kale Koonfur galbeed waxa ay sheegtay in wali guddigaas ay wadaan doodo ku aaddan xilliga uu shirkaas furmayo, halka uu ka dhici doono iyo ajandeyaasha looga hadlayo intaba. Warka ka soo baxay Koonfur galbeed ayaa waxa uu ku soo addaya xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira taas oo hoos u dhigeysa kalsoonida ay shacabka ku qabaan xukuumadda hadda jirta, maadaama ay kala fogyihiin saamileydii siyaasadeed ee dalka. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Dubai)-Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Carbeed ee loo dirayo meeraha Mariikh ama Farraare ee afka qalaad lagu yirahdo Mars ayaa lagu wadaa in hawada loo diro muddo toddobaadyo gudahood ah. Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in Dayax-gacmeedkaasi lagu shubo shidaalkii ugu horreeyay. Safarka Dayax-gacmeedkan ayaa qaadan doono toddobo bilood oo uu ku jari doono masaafo dhan 493 milyan oo kiiloomitir, si uu u gaadho meerahaasi Mariikh isla markaana uu xaruntii laga gamay u soo diro xog muhiim ah oo ku saabsan cimilada iyo jawiga meerahaasi. Dayax-gacmeedkan ayaa ku wareegi doono meerahani muddo 687 maalmood ah, si uu u soo uruuriyo xog ku filan oo ku saabsan macluumaadka meerahani Mariikh ama Farraare. Halkii wareeg oo Dayax-gacmeedkani uu ku soo wareego meerahani ayaa qaadanaya 55 saacadood. Agaasimaha barnaamijkan Imaaraadka, Sarah Al-Amiri, ayaa shalay sheegtay in mashruucani uu noqon doono mid dhiirigelin weyn u leh saynisyahannada Carbeed, si ay u daneeyaan farsamada qalabka ay cirbixiyeennadu isticmaalaan. Dayax-gacmeedkani oo lagu magacaabo Amal, ayaa 14-ka bisha Juun lagu wadaa inuu ka duulo jasiiradda Tanegashima ee dalka Japan. Dayax-gacmeedkan ayaa ka kooban saddex qeybood oo qeybta koowaad u jeeddadiisu tahay in lagu soo cabbiro waxa uu ka kooban yahay gibilka hawo ee meerahani, waxaana ku rakiban kaameero aad u awood badan. Qeybta labaad ayaa loogu talagalay in lagu ogaado cabbirka gibilka sare iyo kan hoose ee meerahani, waxaana qeybtani farsameeyay Jaamacadda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka. Halka qeybta saddexaad loogu talagalay in lagu soo cabbiro heerka curiyeyaasha kala ah Ogsajiinka iyo Haydaroojin ee meerahani. Al-Amiri ayaa sheegtay in muhiimadda daraasaddoodu ay tahay sidii xog muhiim ah looga heli lahaa labadani curiye ee biyuhu ka sameysmaan iyo sida looga helo meerahani Mariikh. Dowladda Imaaraadka ayaa hore mid ka mid ah cirbixiyeennadeeda u dirtay xarunta cirbixiyeennada adduunka ee ku taal hawada sare. Amiir Suldaan Bin Salmaan Al-Sacuud oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ahaa cirbixiyeenkii Carbeed ee ugu horreeyay ee u dalxiis tago hawada sare, waxa uuna sanadkii 1985 raacay dayax-gacmeed laga leeyahay dalka Mareykanka. Dayax-gacmeedkan Amal ayaa lagu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta waxaase markab lagu geeyay dalka Japan, halkaasi oo dhammaan injineeradii farsameynayay ay ku khasbanaadeen in la karantiilo sababo la xiriira cudurka Covid-19, arrintaasi oo halis gelisay in duulimaadka Dayax-gacmeedkaasi uu ka daaho xilligii loogu tala galay. Monica Grady, oo ah bare-sare oo ku takhasusay culuunta hawada sare isla markaana ka tirsan Jaamacadda Open University ee dalka Britain ayaa rumeysan in safarkani Imaaraadku uu muhiimad gaar ah u leeyahay dunida maadaama horey safarrada noocani ah ay u badnaayeen quwadaha waaweyn ee caalamka ee sida Mareykanka iyo Shiinaha. Hoggaamiyaasha mashruucani Imaaraadka Carabta waxay xasuusiyeen dunida in siddeed qarni ka hor, khubaro Carbeed ay safka hore kaga jireen cilmi-baarista dhanka Sayniska ee lagu ogaanayay waxyaabo badan dunida oo dhan. Sidaa awgeedna maanta, amiirka Jasiiradda Dubai oo ka mid ah toddobada imaaradood ee ay ka kooban tahay Imaaraatka Carabta, uu rajeynayaa in mashruucani uu horseedi doono in uu soo nooleeyo dareen iyo hanka Carbeed isla markaana uu gobolka ka caawin doono sidii looga tabaabusheysan lahaa dhaqaalaha ku xidhan saliidda oo kaliya. Ujeeddada safarkan ayaa ah in Dayax-gacmeedkan uu gaarto meerahaasi Mariikh 50 sano guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay dalkasi Imaaraadka Carabta sanadkii 1971, waxaana dalkaasi qaniga ahi uu ballan qaaday in meerahaasi uu ka dhisi doono deegaan uu bani’aadamka ku noolaan karayo meesha lagu gaadho sannadka 2117. Source
-
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Puntland kuwa Galmudug iyo kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa uu baaq ku aaddan ka shaqeynta dhinaca nabad gelyada waxa uu u diray shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa shacabka ugu baaqay in lacagata ay siiyaan dagaalamayaasha Al shabaab ay badalkeeda siiyaan ciidanka dowladda si buu yiri looga xoreeyo dhibaatada isaga oo xusay inaysan waxba ku jabnayn inay wada shaqeeyaan oo howlagal ay isla fuliyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug. “Dadka reer Gaalkacyood baaqa aan u dirayo waxa uu yahay walaalayaaloow waad aragteen inta uu la egyahay dhibka idin heysta nimanka waa la idin ka xoreynayaa siiya lacagta aad bixisaan ciidanka hala idin ka xoreeyee, ciidamadu hawada shaqeeyaan wax xasaasiyad ah oo Galmudug ay ka qabato ciidamada Puntland iyo Galmudug wada shaqeeyaan ma jirto” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Hadalka wasiirka amniga Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyada oo shalay howlgal wadajir ah ay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa tallaabooyin wax ku ool ah u qaaday dhinaca nabadgelyada ee deegaannada Galmudug gaar ahaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo dhibaatooyin xooggan ay ka geysan jireen maleeshiyeed u abaabulnaa qaab beeleed oo haatan wasaaradda amniga Galmudug ay ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Al-Carabiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan shirkadda DP World ee laga leeyahaya wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta oo weli maalgashi ka wada gudaha Soomaaliya. Cawad ayaa sheegay in maalgashiga shirkaddaasi oo horey ula wareegtay dekadaha Bebera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland uu yahay mid sharci darro ah. Sidooo kale wuxuu tilmaamay in DP World ay khatar weyn-gelisay midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku xad-gudubtay dalkeena. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay marar badan u samirtay shirkaddaasi, balse haatan wixii ka dambeeyey ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed inay dalka ka difaacdo shirkadda DP World. “Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta.”ayuu yiri Cawad. Shirkadda DP World ayaa horey dalka looga mamnuucay, kadib go’aan ay bishii March sanadkii 2018-kii soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse waxaa jirta in weli ay maamusho dekedaha ku yaalla Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiis hoosaad kala gashay maamullada Somaliland iyo Puntland.
-
Wafti Nabadeed Xukuumadda Somaliland Ka Socda oo Gaadhay Degmada Ceegaag Waftiyo ay kala hoggaaminayaan Odayaal dhaqan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo isagu Xukuumadda ka socda, ayaa maanta gaadhay deegaanka Ceegaag ee gobolka Buuhoodle. Ergooyinka Isniinta maanta gaadhay degmada Ceegaag ee ka kala so’da Xukuumadda Somaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha, ayaa ah Ergooyinkii ugu horreeyey ee u socda dedaallada lagu deminayo shaqaaqada ka dhexmartay labadaas beelood ee dhawaan ka soo cusboonaatay deegaannada Horufadhi iyo Ceegaag. Labada Beelood ee walaalaha ah ee deegaannadaas wada dega, ayaa hub-urursi bilaabay, ka dib markii dilal ku dhex-mareen labadaas beelood deegaanka Gocondhaale oo 18 km xagga Galbeed ka xigta Ceegaag. Waxaanay Dadka deegaanku ku dedaalayaan deminta shaqaaqadaas oo ay werwer ka muujiyeen haddii aan dhaqso wax looga qaban inay sababi karto colaad khasaare naf iyo maalba leh keeni karta, iyaga oo Ciidanka Qaranka Somaliland, ay ku guulaysteen inay kala dhex-galaan labadaas beelood ee walaalaha ah, si aanay wax dambe oo dhib ahi uga dhex dhicin. Dedaallada nabadda loogu jiro waxaa ka mid ah Shir Isniinta maanta ka qabsoomay degmada Ceegaag oo ay ka qaybgaleen Wax-garad, Cuqaal, Aoonyahayn iyo Waftiga ka socda Xukuumadda Somaliland oo ee hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa lagu gorfeeyey xallinta mushkkladda iyo muhiimadda ay adkaynta nabadgelyadu u leedahay jiritaanka Bulsho. Caaqil Cawil Cali Abbokor, Caaqil Xiis Ibraahim Raygal, Caaqil Cabdi Ciise Guduri iyo Xubno kale oo Odayaal iyo iyo Waxgaradka Ergada iyo Beelaha nabadayntooda loo fadhiyo ka mid ah ah, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay Odayaasha labada daraf ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo nabadda lagu xoojinayo, isla markaana soo dhawaynayaan Ergooyinka nabadeed ee Dowladda Somaliland yo Deegaannada kala duwan ka socda. Ugu dambeyntii, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa halkaasi ka hadlay, isla markaana ka hadlay muhiimadda nabadda, sida ay Xukuumaddu isaga xil-saarayso adkaynta nabadgelyada iyo Salaan uu Ergada uga siday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. “Waxaan doonayaa inaan idin idhaahdo aad baad u mahadsantiin, Allaah khayr haydin siiyo. Waxyaabaha ugu wanaagsan bay ka mid tahay Dad walaalahaa ah oo walaalohood u soo gurmaday oo xal waara oo nabadeed u yimi, waana mid ka mid ah ka shaqaynta wanaagga iyo nabadda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku ladhay; “Dawladda Somaliland-na waxay diyaar u tahay oo ay dedaal badan ku bixinaysaa in nabad waarta la helo, waa arrin gobonnimo leh oo Illaahay raalli ka yahay. Maaddaama oo aynu ognahay qiimaha ay nabaddu leedahay, nabad la’aanina tahay nolol la’aan. Aniga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan idiinka sidaa, mahadnaq iyo bogaadin aan, Dowlad ahaanna waannu ogeyn Ergadani inay imanayso, waanan idin soo dhawaynaynaa.” Ergooyin kale oo isugu jira Madax-dhaqameed iyo Wax-garad deegaanno kala duwan ka soo ambabaxay, ayaa iyagana la filayaa inay saacadaha iyo maalmaha soo socda soo gaadhaan deegaanka Ceegaag oo gogosha nabadeed taallo, halkaas oo uu qorshuhu yahay in xadhigga nabad-waarta lagu gunto, shaqaaqadana lagu soo afjaro. Qaran News
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka fiirsaneysa in tiro yar oo xujey ah ay u ogolaato dalkeeda si ay u soo gutaan acmaasha xajka oo ku beegan dabayaaqada bisha soo socota ee July. Magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina ayaa sannad walba waxaa booqda 2.5 malyan oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan daafaha Caalamka. Illo ku dhow boqortooyada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in waaxda xajka ay ka arinsaneyso in loo ogolaado xujey yar sannadkaan. Balse waxay lagu xidhi doonaa dadka xajinaya shuruudo adag oo ay ka mid tahay dhanka caafimaadka in 20 boqolkiiba ay helaan wadamada joogtada ka ah Xajka. Acmaasha xajka ayaa ah waajib qof kasta oo muslim ah saaran haddii uu Awoodo. Isku socodka caalamka ayaa bishii sadaxaad ee sanadkaan hakad ku yimid kadib markii cudurka Corona uu boqolaal kun oo qof ay ugu dhinteen caalamka halka inkabadan 6 milyan oo kale uu soo Ritay. Source
-
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay Warar soo baxay oo sheegayay, in Maamulka Koonfur Galbeed uu is hor-taag ku sameeyay, Wada-hadallo dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa lagu sheegay in warkaasi been abuur yahay, balse ay weli socdaan, Doodo u dhexeeyay guddi ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu u xil-saareen, in ay soo diyaariyaan Ajandaha iyo Goobta lagu qaban doono Shirka Wada-tashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Sidoo kale, War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in weli ay socdaan Falanqeymaha la xiriira Arrimaha Shirkaas, islamarkaana aan weli lagu Heshiin Goorta iyo goobta lagu qaban doono, sidaas darteedna loo baahanyahay in aan Dadka Soomaaliyeed Rajada laga baabi’in, iyadoo Baraha Bulshada loo adeegsanayo Warar been-abuur ah. Ugu dambayntii, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Maamulka Koonfur Galbeed u taaganyahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo ku dhaqanta Habka Federaalka, Nabad waartana hesha, Lana walaal ah Deriskeeda, islamarkaana Iskaashi Buuxa la leh Caalamka intiisa kale. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo si adag u beenisay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga toddobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. Halka Farmaajo waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto. “Sida uu caddeeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaamay wakhtigii ololaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo caddeeyo af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xidhanyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaamo” ayuu yidhi Yuusuf Keyse. Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golleyaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle ayna jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas. “Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaamaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horreysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u caddeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yidhaahdo ay wadahadalkii bilaabayaan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey. Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wakhti kooban uu mudadii xilheynta uga hadhay madaxweyne Farmaajo, isla markaana aanu hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso. “Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid wakhti kooban u hadhay, hadalka kasoo yeedhayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal uma dhigan, aniguna maba jecli in la hor fadhiisto gabigiisba” ayuu yidhi Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde. Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii. Dhan kale xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya. Source
-
Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay bogga golaha shacabka. Guddigan ayaa la sheegay inay ka shiri donaan sidii ay u diyaarin lahaayeen ajendayaasha kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmay sabtidii. “Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay booga golaha shacabka. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu ku egyahay dabayaaqada sanadkan ayaa isku diyaarinaya sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho aan wali nuuceeeda la shaacin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
World leaders won’t gather at UN for first time in 75 years
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
TANZANIA, Tanzania - The president of the U.N. General Assembly said Monday that world leaders will not be coming to New York for their annual gathering in late September for the first time in the 75-year history of the United Nations because of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online -
It was his 37th day as Chief of the Defence Forces when he met soldiers stationed in Afmadhow, Billis Qooqani, Tabda and Hoosingo Source: Hiiraan Online
-
Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Baarlamanka waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay dejinta Ajendayaasha Kal-fadhiga 7aad ee Golaha oo 6-dii bisha si ramsi ah u daah-furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha Guddiga ayaa xalay waxaa loo diray farriimo wargelin ah oo ku aadan inuu Maanta kulan Guddiga u jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan si loo dejiyo Ajendayaasha Kal-fadhiga 7aad ee Golaha. Kulanka kadib waxaa lagu wadaa in Guddiga ay soo saaraan go’aan ka gaaraya sida uu noqon doono kal-fadhiga 7-aad Xildhibaannada yeelan doonaan kaasi oo ah midkii ugu dambeeyay mudadda xil heyntooda oo ay ku eg tahay dhamaadkan sanadkaan 2020. PUNTLAND POST The post Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka shiraya Ajandaha Kalfadhiga appeared first on Puntland Post.
-
Somali Health Ministry on Monday confirmed 34 new COVID-19 cases, bringing the total number of infections to 2,368. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Shalay shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxay u gudbisay qorshe oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka. Soo bandhigidda Qorshaha, waxay ka dambeysay Amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka, si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo. Qorshahaas ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo. Shirka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaa Shir Shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Shirka waxaa looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada kala hadlaysa doorashooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kowdii bishii June, Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah xariga uga jaray 12-ka kiilo mitir ee ugu horreeyay wadada laamiga ah ee magaaladda Berbera ku xirta dalka Ethioipia. Wadadaan isku xireysa Berbera iyo Addis Ababa, waxaa maal-geliyay Imaaraadka Carabta iyo sanduuqa horumarinta ee Abu Dhabi. Iyagoo kaashanaya shirkadda DP World, waxay ku bixiyeen lacag dhan $442 million balaarinta dekedda magaaladda Berbera, wadadu waxay Berbera u bedeli doontaa xarun weyn oo ganacsi. Somaliland waxaa ay maal gelineysaa safar ganacsi oo faa’iido badan, kaasi oo soo jiidan doona dhoofin iyo soo dejin badan oo ka yimaada deriskeeda Itoobiya. Laakiin wadada Berbera waxay sidoo kale leedahay ujeedo istiraatiiji ah oo siyaasadeed, taas oo salka u dhigeysa xaqiiqo siyaasadeed. Waa in dekedda Berbera laga dhigo qayb muhiim u ah dhaqaalaha Ethiopia iyo Somaliland. derejada ay Berbera ku noqoto lama huraanka Ethiopia, waa midda Somaliland lagu aqoonsanayo , taas oo si cad uga dhigeysa wadan madax-banaan. Inay aqoonsigaas gaarto waxay Somaliland ka raadineeysay, welina aysan guul ka gaarin Ethiopia iyo wadamo kale, kuwaas oo illaa hada uusan midkood si rasmi ah u aqoonsan. Dalalkaas dhamaantood, weli waxay u tixgeliyaan Somaliland gobol ka tirsan Soomaaliya. Mana jirto calaamad muujineysa in wadanna uu talaabo deg-deg ah u qaadayo si uu u noqdo dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland. Mashruuca dhismaha dekedda Berbera, waxaa uu ka carreysiiyey Soomaaliya, sababtoo ah waxay soo jiidi karto aqoonsiga Somaliland. Laba sano ka hor markii Somaliland ay 19% ka heshay heshiiska Berbera ee ay la gashay Ethiopia iyo DP World, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalal shisheeye oo uusan magacooda sheegin uga digay in aysan xadka soo dhaafin aysanna su’aal gelin madax-banaanida Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, dowladiisu waxay xushmad u muujisay madax-banaanida Soomaaliya. Haddana sidoo kale, waxaa uu muujiyay in uusan ka baxaynin heshiiska magaaladda Berbera. Wadadu waxaa ay muhiim u tahay guusha lama huraanka ah ee Ethiopia ka leedahay badda Soomaaliya. Sababtoo ah hoos u dhac ayaa ku yimid xiriirka Ethiopia ay la deedahay Djibouti, tan iyo markii uu Abiy Axmed soo celiyay Eritrea, taasina waxay su’aal gelisay qorshe ay Ethiopia tubooyin gaas ah badda ku gayneyso, iyadoo marsiineysa Djibouti. Si kastaba ha ahaatee Abiy Axmed, oo 2019-kii ku guuleystay Nobel Peace Prize, waxaa uu sidoo kale adeegsanayaa xirfad diblamaasiyadeed. Bishii Febraayo ee sanadkan, waxaa uu marti geliyay kulan dhex maray Madaxweyne Farmajo iyo Muusi Biixi si ay uga wadahadlaan murankooda. Kulankaasi waxuu u muuqdaa mid miro dhalay, iyadoo Wakiilka gaarka ah ee Xogahaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan uu Golaha Amaanka u sheegay “xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan dhiiri gelinay in wada hadalku u socdo ee heerka sare labada dhinacna waxay caddeeyeen inay rajaynayaan in xiriirkooda ay joogteeyaan, isla markaana ay yeeshaan wada hadallo dheeri ah.” Faro-gelinta Abiy Axmed oo dhex-dhexaadinaya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa xiiso abuureysa. Waxaana loo maleyn karaa in Soomaaliya ay Ethiopia u aragto garsoore eexanaya markii Addis Ababa ay dano ka yeelatay mashruuca Berbera. Sidoo kale Ethiopia waa mid ka mid ah, sedaxda wadan ee qunsuliyad ka furtay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana labada kale kala yihiin dalalka Jabuuti iyo Turkiga. Taas bedalkeeda, Abiy Axmed ma doonayo inuu arko Somaliland-ta nabdoon oo ay wiiqday Muqdisho. Ethiopia waxay Somaliland la wadaagta xuduud u dheer, sida ay u dheer tahay midda ay la wadaagto Soomaaliya inteeda kale. Somaliland waxay Ethiopia ka ilaalisaa ururka hubeysan ee Al-Shabaab, sidaas darteed Ra’iisul wasaare Abiy waxaa uu arrintaan u marayaa waddo ciriiri ah. Is-marin waaga Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kale wuxuu leeyahay cabir ballaaran, Quwadaha Bariga Dhexe ayaa dagaal ay soo guuriyeen isugu xifaaleynaya Geeska Afrika, ayada oo Imaaraadka Carabta ay taageerayaan Somaliland, si ay uga jawaabaan xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya. Haddii Farmaajo uu Itoobiya iyo Abiy Axmed ula saaxiibay inay doonayaan Soomaaliya oo mid ah oo mideysan, waxa tusaale ugu filan xiriirka Abiy iyo Somaliland. Abiy mar walba waxa uu eegayaa danta Itoobiya, waana taas sababta uu Somaliland ula macaamilayo si madax-banaan oo Farmaajo iyo Muqdisho aysan waxba kala socon. Haddii saaxiibtinimada Abiy ee Farmaajo ay daacad ahaan lahayd, wuxuu ka bixi lahaa heshiisa Berbera isaga oo ku ixtiraamaya “walaakiisa” Farmaajo, wuxuuna cadaadis xooggan saari lahaa Somaliland si ay ula heshiis Soomaaliya. Ayada oo taas hadda muuqan, Farmaajo ugu dambeyn ma arki doonaa labada weji ee Abiy Axmed kula macaamilayo?
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey in wada-tashiyada la xiriira doorashada heer federaal ay qeyb ka noqdaan dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in doorashada heer Federaal ay lagama maarmaan tahay in ay kulan wada-tashiya ka yeeshaan dowladda Federaalka dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileeyda siyaasadda dalka. Guddoomiyaha Aqalka sare Wuxuu sheegay in Kulankaasi wada-tashiga ah uu sahli doono in la isla go’aamiyo in dalka laga qabto doorasho ku dhacda qaab raalli la isaga wada yahay oo loo dhanyahay “Qabashada doorashada heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi deg-deg ah ay isugu yimaadaan dhammaan xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, dowladaha xubnahs ka ah dowlsdda federaalka iyo daneenayaasha siyaasadda, si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku baaqay in Shir Wada-tashiya laga yeesho doorashada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wax lagu sheegay wejiga labaad ee heerka hubinta adag ee shaqaalaha gobalka Banaadir ayaa toddobaadkaan ka bilaawday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Dhamaan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir ayaa loo diray iney xarunta keensadaan oday dhaqameedka Beesha iyo Xildhibaanka ku matala baarlamaanka Soomaaliya si looga qoro damiin buuxda. Shaqaalaha ayaa hore looga qoray magacyada nabadoonadooda, xildhibaanada matala iyo dadka damiinan kara, waxaana hadda billowday iney xarunta keenaan xildhibaankooda iyo oday dhaqameedkooda. Qaar kamid ah dadkii geeyay oday dhaqanka iyo Xildhibaanka oo isla socda ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu saxiiyay warqad uu dusha ku saaranayo wixii ka yimaada muwaadinka uu matalo. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar ay diideen iney xarunta tagaan halka qaarkoodna ay ka meer meerayaan taas oo halis gelin karta shaqada muwaadiniin badan oo hadda shaqeeya. Tan iyo markii qarax lagu dilay Allah ha u baxariistee duqii iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Injineer Yariisow waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta gobalka, waxaana sidoo kale aad loo baaray shaqaalaha gobalka.
-
Qoraal uu qoray Wasiir Imaaraatiya oo lama filaan ku noqday Israel iyo Mareykanka Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waa hanjabayaa, boqorka Jordan boqor Cabdalaha waa cambaareynayaa, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Europe Josep Borrell waa cambaareynayaa, hase yeeshee dhammaantood cid dhageysaneysa ma lahan. Si kastaba, diblomaasiga ay erayadiisu la xiriiraan qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed ee saameynta adag ku yeelanaya Washington iyo Israel waa diblomaasiga Imaaraadka Carabta ee Anwar Gargash. Gargash oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa twitter-ka ku qoray uguna baaqay Israel in ay joojiso qorshaheeda. “Wadahadallada socda ee lagu goosanayo dhulka Falastiin waa in la joojiyaa” ayuu qoray. “Talaabo kasta uu u gaar ah Israel waxay dhabar-jab ku noqon doontaa geedi-socodka nabadda, waxayna cuuryaamin doontaa go’aanka gaarista Falastiin waxayna sii wadi doontaa diidmada iyo cambaareynta caalamka,” ayuu yiri. Continued Israeli talk of annexing Palestinian lands must stop. Any unilateral Israeli move will be a serious setback for the peace process, undermine Palestinian self determination & constitute a rejection of the international & Arab consensus towards stability & peace. — د. أنور قرقاش (@AnwarGargash) June 1, 2020 Muxuu qoraalka Gargash, oo ah nin aan sidaas looga aqoon meel ka baxsan Imaaraadka uu muhiim u noqday? Sababtoo ah – falcelin aan ahayn midda Maxamuud Cabbaas, Cabdallaha Jordan iyo Borrell oo arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub ma ahayn wax la saadaalin karay. Safiiradda Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn waxay joogeen aqalka cad markii bishii January uu Madaxweyne Trump daaha ka rogayay qorshaha nabadda bariga dhexe, kaasi oo damaanad qaadaya in Maraykanku uu qaybo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsado dhul ay u madax banaantahay Israel. Dalalkaas ma aysan cambaareyn qorshaha Mareykanka. Xaqiiqdii, safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaaladda Washington waxaa ay website keeda ku dabacday war ay ku tilmaantay in “qorshuhu uu bar-billow muhiim ah u yahay dib usoo celinta wada xaajoodyo waafaqsan naqshadda caalamiga ah oo Maraykanku hogaaminayo.” Safiirka Imaaraadka ee magaaladda Washington waxaa qorshaha ku tilmaamay “hindise muhiim ah oo la tacaalaya dhibaatooyinkii soo ifbaxay sanadihii lasoo dhaafay.” Billowgii February, kulan ay lahaayeen Jaamacadda Carabta oo lagu diiday qorshaha Trump ayuu kasoo horjeestay Gargash waxaana uu ka istaagay “mowqif dhex-dhexaad ah” taasi oo aad loo cambaareeyay. Sanadkii lasoo dhaafay Gargash cambaareyn adag ayuu kala kulmay dunida muslimka ah markii wareysii uu siiyay wargeys laga leeyahay Imaaraadka Carabta uu ku sheegay in dunida muslimka ah ay khalad xun ku ahayd in ay wadahadalka u jaraan Israel . “Sanado badan ka hor, markii carab ay go’aansatay in aan xiriir la sameyn Israel, taasi waxay ahayd go’aan aad u khaldan, markii dib loo eego” ayuu yiri. “Sabaabtoo ah, waa in aad kala soocda oo kala saartaa arrin siyaasaded iyo in xiriirkaadu uu furnaado.” Sidaas darteed Gargash iyo Imaaraadka Carabta midna kama soo horjeesan qorshaha Trump. Qoraalka Gargash ee ka dhanka ah goosashada dhulka Falastiin ee Israel waxaa uu farriin u yahay Washington iyo Israel, taasi oo loogu sheegayo in wada-shaqeynta qarsoodiga ah ee dhowaanahan u dhaxeysa Israel iyo dalalka Khaliijka uu dhaawici karo qorshaha Israel ku goosaneyso Daanta Galbeed. Fariintaas ka timid qof loo heystay in uu taageersanyahay iskaashi lala yeesho Israel, waxay sida la filayo ay ka qeylo dheeraaneysa Jawaabaha ka yimid Maxamuud Cabbaas, Boqor Cabdalla iyo Borrell. Qoraalka Gargash waa in sidoo kale lagu dhex arkaa inaysan dalalka suniga ah wada aqbalaynin aragtida dhul goosashadda ee Israel Todobaadkii lasoo dhaafay, sheeko uu daabacay wargeyska Israel Hayom ee kasoo baxa Israel ayey si aad ah u sii baahiyeen warbaahinta Carbeed. Warbixintu waxay sheegtay in ka sokoow mucaaradadda dunida muslimka ah ee qorshaha Israel, haddana ay dalalka suniga ah ee Jordan, Masar iyo Sucuudigu ay aqbalayaan islamarkaana ay Maraykanka iyo Israel kala shaqaynayaan cadaadiska ka dhanka ah Iran, waxaana arrinta Falastiin uga muhiimsan sidii looga adkaan lahaa Iran, taas darteedna ay uga tagayaan qadiyaddii Falastiin. Qaran News
-
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa maalinti shalay ahayd hor tagay baarlamaanka dalka Itoobiya oo yeeshay kalfadhigii 5-aad ee aan caadiga ahayn halkaas oo ay mudanayaasha golaha su’aala kala duwan ku weydiiyen. Su’aalaha la weydiiyey Abiy Axmed ayaa ku qotomay doorashada, khilaaf Suudaan iyo Itoobiya, Khilaafka biya xireenka Masar iyo Itoobiya, warbixinta Amnesty, khilaafka qowmiyadda Tigreega iyo dowladda dhexe u dhaxeeya, iyo arrima kale oo quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalkaasi Itoobiya. Arrimaha ugu muhiimsan ee Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed su’aalaha laga weydiiyey waxaa ka mid ah: “Dowladdaadu waa daciif” Dr Abiy Axmed oo su’aal amuurtaasi laga weydiiyey ka jawaabayey wuxuu yiri: “Fikirkaasi waa mid aad u khaldan maxaa yeelay labada aabbe kan ubadkiisa garaaca iyo kan ilmahiisa sida qof weyn ula dhaqma ee waaniya waxay dadku aabba wanaagsan u yaqaannaan kan ilmahiisa garaaca ee laga cabsada, runtii fikirkaasi ma aha mid saxan. dowladda aan aniga hoggaamiyo ma aha dowlad daciif ah oo ka naxeyso shanqar kasta oo yeerta.” “Dowladdeyda wararka ku tiri ku teenta ah intey ku mashquuli lahayd waxay xoogga saartay sidi ay dhaqaalaha dalka u kobcin lahayd mashaariicda qabyada ahna loo dhammeystiri lahaa, kuwa dhammeystirmayna loo howlgelin lahaa” ayuu yiri. Doorashada Guddiga doorashooyinka Itoobiya markay I soo gaarsiiyeen warbixin ku saabsan Covid-19 awgii iney doorashada xilligeeda ku qabsoomi Karin, guddoomiyaha guddiga Birtukaan Mideqa iyo aniga waxaa na dhexmaray hadalla kulul oo aan horay loo baran, ugu dambeyntina go’aanka guddiga ay doaladda ku raacay sidaana doorashada dib looga dhigay. “Xisbiga PP ee aan aniga guddoomiyaha u ahay wuxuu marweliba uu doonayey doorashada iney xilligeeda ku dhacdo, xisbigeeyguna ma aha mid doorashada ka cabsi qabo” ayuu yiri. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Birtukaan waxay igu tiri: “Doorashooyinki ilaa iyo hadda dalka ka dhici jiray si ka duwan iney doorasha xor oo xalaal ah dhacdo ayaan xilka u qaaday. Haddii la leeyahay sida si ka baxsan doorasha ha u dhacdo shaqada ayaan uga tagayaa. Doorasha iney dhacdana iguma amri kartid, taleefankana wey igu jartay” ayuu yiri Dr Abiy Axmed oo baarlamaanka uga warramayey isaga iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa dhexmaray. “Guddiga waxyaabaha ay soo dhigeen ee ay dowladda garowsatay waxaa ka mid ah inaan xilligan doorasha la qaban Karin maadaamaa ugu yaraan 100,000 oo qof doorashada fulineyso ay tababarro u baahan yihiin, xilligan faayraska corona uu taagan yahayna ay suuragal ahayn in dadka intaa le’eg meel la isugu keeno.” “Dowladda iyo Guddiga oo wadatashanayo xilliga aan isleennahay doorasho wey ku dhici kartaa ayaa doorashada la qabanayaa haddii loo baahdana muddo xileedka ayaa la kordhinayaa si doorashada iyo muddo xileedka dowladda la iisu waafajiyo” ayuu yiri. Khilaafka xadka ee Suudaan iyo Itoobiya “Shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan waxaan isla soo marnay dhibaatooyin aad badan abaal aad u bandanna Itoobiya wey ku leeyhiin, marka xurgufta yar ee bariyahan taagneyd oo ka dhalatay xadka labada dal waa sax wey jirtaa, balse ma noqon doonto mid labada dal dagaal u horseeddo”. “Khilaafka yar ee noo dhaxeeya si walaaltinima iyo deris wanaag ah ayaan ku xallineynaa, haddii aan annagu xallisan weynana waxaan u gudbineynaa midowga Afrika, balse khilaafka ma aha mid buuran oo la buunbuuniyo” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Warbixinta Amnesty “Warbixinta Hay’adda Amneysty ay soo saartay ee ay ku sheegtay in xuquuqda muwaaddiniinta Itoobiya ay dowladda ku tumato, ma aha warbixinta inaan dhayalsanno oo waa inaan baarnaa eeddaasi waxa ka jiro, wixii jirana la saxa, Waxaan marweliba diyaar u nahay inaan saxno wixi sixitaan u baahan” ayuu yiri Dr Abiy Axmed. “Haddii aan wax khalad ah sameynayna ma dabooleyno, marka waa inaan dib isugu noqonno oo aan baarno, balse arrintu ma aha mid aad noo murjineyso” ayuu yiri. Khilaafka biya xireenka Dhismaha mashuurca biya xireenka weyn ee ay Itoobya ka dhiseyso wabiga Nile xilligii looga talagalay dhisamahiisa wuxuu ka dib dhacay 6 sano taasoo keentay iney dowladda qasaarto 6 bilyan oo doolar. “Waxaan xoogga saareyn dhismaha biya xireenkaasi, howsha sida la rabay markay u socota ayaan arrimaha diblumaasiyadda u baahan guda geli karnaa.” “Khilaafka Itoobiya, Masar iyo Suudaan u dhaxeeya ee ku saabsan habka biyaha, biyaha xireenka loo keydinayo sidiisi ayuu u taagan yahay, balse waxaan markale caddeeynayaa Itoobiya iney dooneyn waddama kale iney biya xireenkan dhib ugu geysato, balse wax weliba ay ka hormarineyso danteeda.” “Ciddi iskudayda danaha Itoobiya u gaarka ah iney horistaagta iyada unbaa daaleysee Itoobiya waxba ka qaadi meyso, waxaanna marweliba diyaar u nahay wadahadal inaan ka galno wax kasta oo la xiriia biya xireenka ee quseeya seddexda dal” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Ardayda Hablaha ee la afduubtay Mar wax laga weydiiyey ardayda hablaha ah ee lix bilood ka hor la afduubtay wuxuu yiri: “Dowladda sidi ay ardaydaasi aan la garaneyn cidda afduubatay ay u soo badbaadin lahayd wakhti iyo kharshba iney gelisay welina ay ku raad joogta, balse afduubka hablahaasi loo geystay ma aha afduub sahlan”. “Markasta oo aan xog helno xogta ayaan raacnaa baadigoobkana waan sii wadnaa, anaguba waxaan dhalnay gabdho marka waan dareemeynaa dareenka iyo xanuunka ay dareemayaan balse afduubka hablaha maskaaiinta ah loo geystay ma aha in siyaasad iyo arrima kale loo adeegsado”. Deegaanka Tigreega Xildhibaannada laga soo doorto deegaanka Tigreega ayaa su’aala dhowr ah weydiiyey Dr Abiy Axmed iyaga oo su’aalahooda si cara leh u soo dhigayey. Abiy Axmed oo ka jawaabaya su’aasha xildhibannada ee ku saabsan khilaafka u dhaxeeya deegaanka Tigreega iyo Dowladda dhexe uu majaraha u hayo Dr Abiy Axmed wuxuu yiri: “markasta oo shaqsi deegaanka Tigreega ka soo jeeda la soo hadal qaado ama siyaayasad la isku qabto in qowmiyad dhan lala xiriiriyo waa khalad, sida oo kalana waxaa khalad ah xisbiga PP iyo xisbiga TPLF ee haya talada deegaanka Tigreega in la sheego inuu khilaaf xooggan u dhaxeyo.” “Waxaana khald ah in la yirahdo tani iyo marka uu dalka Itoobiya isbeddelka ka dhacay iney qowmiyadda Tigreega isbeddelkaasi ka faa’ideysan, labadii sana ee la soo dhaafay miisaaniyadda deegaankaasi la siin jiray waxay korodhay 42%.” “Marka waxaan beeninayaa si weyna aan uga soo horjeedaa arrinta odhaneyso deegaanka Tigreega dowladda dhexe tacaddi gaar ah ayey ku haysaa” ayuu yiri. Dhaqaalaha “Hay’adda IMF waxay saadaalisay 170 dal oo dalalka caalamka ka mid ah inuu kobacooda dhaqaale ee sanadkan uu eber ka hooseynayo maadaanaa faayraska corona dhaqaalahooda uu saameeyey.” “Kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya ee sanadkan oo la filayey inuu gaaro 9%, sida muuqata wuxuu gaari doonaa 6%, taasoo ka sarreysay saadaashi IMF ee ahayd inuu kobaca dhaqaale ee dalka Itoobiya uu sanadkan noqon doono 3%” ayuu yiri Dr Abiy Axmed. Dhirta laga beerayo dalka Itoobiya “Dalka Itoobiya waxaan dooneynaa inaan 90 maalmood gudahood ku beerno dhirti ugu badneyd oo ah shan balyan oo geed, haddii dhir beeristaasi sideedi looga guuleystana ay waxweyn ka beddeli doonto bey’ada dalka, deegaannada xaalufayna ay dib u soo noolaanayaan” ayuu yiri. Qaran News