Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WASHINGTON — President Trump commuted the sentence of his longtime friend Roger J. Stone Jr. on seven felony crimes on Friday, using the power of his office to spare a former campaign adviser days before Mr. Stone was to report to a federal prison to serve a 40-month term. Source: Hiiraan Online
  2. Qaahira (Caasimada Online) – Diyaarad ka timid Masar oo sidda xirmo hub ah ayaa la doonayay in ay ka degto Soomaaliya bishii May. Lakiin laba kun oo AK47 ah, qoryaha madaafiicda rida, qoryaha kunjiyadda leh, bastoolado iyo hoobiyeyaal diyaaradda saarnaa lama dejin. Waa la joojiyey, ayuu sarkaal Soomaali ah u sheegay Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK, sababtoo ah waxa laga baqay ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho muranka u dhexeeya labada dal ee Africa ugu awooda weyn ee Masar iyo Itoobiya. Wargeyska Sunday Telegraph waxa uu sheegay inuu arkay dokumentiyo muujinaya diidmada dowladda Soomaaliya ee hubka uga imanayey, balse ma bixin faah-faahin intaas dheer. Waxay u muuqataa in dowladda Soomaaliya ka baqday in Ethiopia ay u aragto inay ku dhowdahay Qaahira, sidaasna ku diiday hubka Masar. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xiisadda labada dal, waxayna diiday qaraaro kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta, oo ay xubin ka tahay, kuwaas oo dhalleeceyn lahaa Addis-Ababa. Masar ayaa ahayd awoodda heysta Nile muddo kumanaan sano ah. Laakiin awoodda oo lala ekaaday ayaa keentay in qul-qulka biyuhu fogaadaan. Todobaadyadda soo socda marka xilli roobaadka la gaaro, Ethiopia waxay bilaabeeysa in ay buuxiso biyo xireenka ay dhowaan dhistay. Biyo xireenka oo ka mid ah kaabeyaasha ugu waa-weyn ee Africa ayaa Ethiopia siin doona awood ay ku demiso tubooyinka biyaha ee Masar waxayna dalalka deriska ah ku qasbi kartaa in ay tageeraan. Muddo ku dhow toban sano, Ethiopia waxay dhiseysay derbi dhererkiisu yahay hal mile kaasi oo laba jeer ka culus taaladooda xoriyadda. Wax yar ayuuna u jiraa xuduudda Sudan. Mashruuca biyo-xireenka oo loo yaqaan GERD waa dhammaad. Waxaa uu noqon doonaa biyo-xireen koronto laga dhaliyo kii ugu weynaa ee qaaradda Africa, wuxuuna qaadaa 72 billion oo cubic meters oo biyo ah, wuxuuna laba-laabayaa quwadda korontada aan xasilooneyn ee waddanka. Biyo xireenku waxaa uu Ethiopia u yahay xamaasad qaran – waa hadal dad xaasidnimo loola dhaqmayay qarnigii lasoo dhaafay iyo talaabo ay horay ugu qaadeen warshadeynta. Laakiin Masar oo dadkeedu yahay boqol million waxay ku dhawaad dhamaantood ku tiirsanyihiin biyaha nadiifka ah ee webiga Nile. Biyo xireenku waa “khatar muuqata” sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry. Saraakiil Masar u dhashay ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile oo yaraada ay uga sii dari karaan abaaraha waddanka, islamarkaana uu wiiqi karo beeraha iyo biyaha. Hadda Ethiopia waxay qorsheyneysaa in ay buuxiso biyo xireenka heshiis la’aan. Todobaadyaddii u dambeeyay, diblomaasiyiinta iyo taxliiliyeyaasha waxay soo saareen digniin ah in si deg deg ah loo helo qaraar nabadeed. Walaacooda si fiican ayuu u muuqdaa. Markii hore, Masaaridu waxay soo jeediyeen hanjabaad ah talaabo militari, iyagoo sheegay in Masar ay adeegsan doonto wax walba oo ay heli karto si ay u difaacdo amniga biyaheeda. Dad awood leh oo Dowladda u dhow ayaa kusii daray in dadka Masar ay dagaal ku baaqi doonaan haddii Ethiopia ay isku daydo in ay wadanka gaajo ka dhigto. Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka jawaabay. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu yiri “ma jirto awood Ethiopia ka joojin karta dhismaha biyo-xireenka”, dalkiisana waxaa uu soo safi doonaa ayuu yiri malaayiin rag derajo sare leh si ay u difaacaan. Ka sokoow isu goodinta, fursadda uu dagaal ku dhex mari karo Ethiopia iyo Masar waa ay yar tahay. In ka badan 1000 mile oo saxaraha Sudan ayaa kala qaybiya labada awoodood, Ethiopia ayaana u nugley weerar dhulka ah. In cirka ay ka duqeyso biyo xireenka waa talaabo militari oo aad suurtagal ugu ah Masar. Si kastaba, taasi waxay saameyn baahsan ku yeelan doontaa amniga Gobolka, Qaahira ayaana ka heli doonta faa’iido muddo gaaban oo kaliya ah. “Haddii Masar ay qaado duqaymo ka dhan ah biyo xireenka, Maxay noqon kartaa faa’iidada mudada dheer? Xitaa haddii ay duqaymuhu noqdaan kuwo aad wax u burburiya, Ethiopia waxay billaabi doontaa in ay biyo-xireen kale ka dhisto Nile. Kadibna Toban sano ka dib Masar waxay mar kale wajahi doontaa dhibaatadii oo kale, laakiin markaan xittaa lalama tashan doono,” ayuu yiri William Davidson oo ka tirsan ururka Xasaradaha Caalamiga ah. Wareeg labaad oo wadahadal ah oo ay dhex-dhexaadinayaan Midowga Europe ayaa hadda socda. Ma cadda cidda marka hore ka bixi doonta. Haddii aan heshiis la helin, xiisadda gobolka waa ay sii socon doontaa. Diyaaradda hubka u siday Soomaaliya, oo lagu faah-faahiyay qoraallo dhowr ah oo ay heshay The Sunday Telegraph, hadda Masar ayey kusii negaan doontaa.
  3. Qaahira (Caasimada Online) – Diyaarad ka timid Masar oo sidda xirmo hub ah ayaa la doonayay in ay ka degto Soomaaliya bishii May. Lakiin laba kun oo AK47 ah, qoryaha madaafiicda rida, qoryaha kunjiyadda leh, bastoolado iyo hoobiyeyaal diyaaradda saarnaa lama dejin. Waa la joojiyey, ayuu sarkaal Soomaali ah u sheegay Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK, sababtoo ah waxa laga baqay ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho muranka u dhexeeya labada dal ee Africa ugu awooda weyn ee Masar iyo Itoobiya. Wargeyska Sunday Telegraph waxa uu sheegay inuu arkay dokumentiyo muujinaya diidmada dowladda Soomaaliya ee hubka uga imanayey, balse ma bixin faah-faahin intaas dheer. Waxay u muuqataa in dowladda Soomaaliya ka baqday in Ethiopia ay u aragto inay ku dhowdahay Qaahira, sidaasna ku diiday hubka Masar. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xiisadda labada dal, waxayna diiday qaraaro kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta, oo ay xubin ka tahay, kuwaas oo dhalleeceyn lahaa Addis-Ababa. Masar ayaa ahayd awoodda heysta Nile muddo kumanaan sano ah. Laakiin awoodda oo lala ekaaday ayaa keentay in qul-qulka biyuhu fogaadaan. Todobaadyadda soo socda marka xilli roobaadka la gaaro, Ethiopia waxay bilaabeeysa in ay buuxiso biyo xireenka ay dhowaan dhistay. Biyo xireenka oo ka mid ah kaabeyaasha ugu waa-weyn ee Africa ayaa Ethiopia siin doona awood ay ku demiso tubooyinka biyaha ee Masar waxayna dalalka deriska ah ku qasbi kartaa in ay tageeraan. Muddo ku dhow toban sano, Ethiopia waxay dhiseysay derbi dhererkiisu yahay hal mile kaasi oo laba jeer ka culus taaladooda xoriyadda. Wax yar ayuuna u jiraa xuduudda Sudan. Mashruuca biyo-xireenka oo loo yaqaan GERD waa dhammaad. Waxaa uu noqon doonaa biyo-xireen koronto laga dhaliyo kii ugu weynaa ee qaaradda Africa, wuxuuna qaadaa 72 billion oo cubic meters oo biyo ah, wuxuuna laba-laabayaa quwadda korontada aan xasilooneyn ee waddanka. Biyo xireenku waxaa uu Ethiopia u yahay xamaasad qaran – waa hadal dad xaasidnimo loola dhaqmayay qarnigii lasoo dhaafay iyo talaabo ay horay ugu qaadeen warshadeynta. Laakiin Masar oo dadkeedu yahay boqol million waxay ku dhawaad dhamaantood ku tiirsanyihiin biyaha nadiifka ah ee webiga Nile. Biyo xireenku waa “khatar muuqata” sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry. Saraakiil Masar u dhashay ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile oo yaraada ay uga sii dari karaan abaaraha waddanka, islamarkaana uu wiiqi karo beeraha iyo biyaha. Hadda Ethiopia waxay qorsheyneysaa in ay buuxiso biyo xireenka heshiis la’aan. Todobaadyaddii u dambeeyay, diblomaasiyiinta iyo taxliiliyeyaasha waxay soo saareen digniin ah in si deg deg ah loo helo qaraar nabadeed. Walaacooda si fiican ayuu u muuqdaa. Markii hore, Masaaridu waxay soo jeediyeen hanjabaad ah talaabo militari, iyagoo sheegay in Masar ay adeegsan doonto wax walba oo ay heli karto si ay u difaacdo amniga biyaheeda. Dad awood leh oo Dowladda u dhow ayaa kusii daray in dadka Masar ay dagaal ku baaqi doonaan haddii Ethiopia ay isku daydo in ay wadanka gaajo ka dhigto. Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka jawaabay. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu yiri “ma jirto awood Ethiopia ka joojin karta dhismaha biyo-xireenka”, dalkiisana waxaa uu soo safi doonaa ayuu yiri malaayiin rag derajo sare leh si ay u difaacaan. Ka sokoow isu goodinta, fursadda uu dagaal ku dhex mari karo Ethiopia iyo Masar waa ay yar tahay. In ka badan 1000 mile oo saxaraha Sudan ayaa kala qaybiya labada awoodood, Ethiopia ayaana u nugley weerar dhulka ah. In cirka ay ka duqeyso biyo xireenka waa talaabo militari oo aad suurtagal ugu ah Masar. Si kastaba, taasi waxay saameyn baahsan ku yeelan doontaa amniga Gobolka, Qaahira ayaana ka heli doonta faa’iido muddo gaaban oo kaliya ah. “Haddii Masar ay qaado duqaymo ka dhan ah biyo xireenka, Maxay noqon kartaa faa’iidada mudada dheer? Xitaa haddii ay duqaymuhu noqdaan kuwo aad wax u burburiya, Ethiopia waxay billaabi doontaa in ay biyo-xireen kale ka dhisto Nile. Kadibna Toban sano ka dib Masar waxay mar kale wajahi doontaa dhibaatadii oo kale, laakiin markaan xittaa lalama tashan doono,” ayuu yiri William Davidson oo ka tirsan ururka Xasaradaha Caalamiga ah. Wareeg labaad oo wadahadal ah oo ay dhex-dhexaadinayaan Midowga Europe ayaa hadda socda. Ma cadda cidda marka hore ka bixi doonta. Haddii aan heshiis la helin, xiisadda gobolka waa ay sii socon doontaa. Diyaaradda hubka u siday Soomaaliya, oo lagu faah-faahiyay qoraallo dhowr ah oo ay heshay The Sunday Telegraph, hadda Masar ayey kusii negaan doontaa.
  4. aiwan and Somaliland, a breakaway region of Somalia, will establish diplomatic missions in each other’s “capitals”. This was recently reported by the news agency Reuters, citing a statement by the Minister of Foreign Affairs of Taiwan Joseph Wu. Source: Hiiraan Online
  5. Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in halkaas xalay uu ka dhacay qarax bam gacmeed ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Qaraxa ayaa sida la sheegayo lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba ruux afar kalena ku dhaawacmeen. Dhaawacyada afarta ruux ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Kismaayo halkaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Laamaha Amniga Jubaland oo qaraxa kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhunsanyahay in ay fuliyeen qaraxaas. Balse ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkastoo Al-shabaab looga bartay qaraxyada noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta qarax ka dhacay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  6. A Turkish court said on Friday it annulled a 1934 government decree turning Istanbul's Hagia Sophia into a museum, ruling it was unlawful and paving the way for the building's conversion back into a mosque despite international warnings against such a move. Source: Hiiraan Online
  7. The president of Emirates said the Middle Eastern airline is set to cut as many as 9,000 jobs because of the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  8. Human rights activist asks, 'Why flee from Mogadishu ... and do all your best' to turn US into Mogadishu? Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde ahna guddoomiyaha KMG ee xisbiga Waddani ayaa kafishay qorshe aan shaaca laga qaadin oo dowladda federaalka Soomaaliya la tagtay shirkii dhawaan Jabuuti kula yeelatay Somaliland, kaasoo miiska wada hadalka uu keenay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu miiska wada hadalka uu soo dhigay in Somaliland la siinayo xilka madaxweynaha iyo in caasimadda Soomaaliya noqoto magaalada Hargeysa. “Maalintii dhawayd shirkii la isugu tagay jabuuti ra’iisul wasaare Khayre waxa uu la yimid shirka Somaliland waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimadda, haddee waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin markaa fikirka ay inaga haystaanba waa inaynu nahay dad la soo xaraysan karo oo ay isleeyihiin sidii ay barigii horeba iskaga yimaadeen maanta la soo xaraysan karo,” ayuu yiri Cabdulqaadir Jirde oo warbaahinta la hadlayay. Jirde ayaa sidoo kale sheegay in midnimo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland aanay xalin karin xiligaan dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata. “Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaalla midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Cabdulqaadir Jihde. “Somaliland lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso” ayuu intaa ku daray. Ugu danbeyn Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimo lala galo Soomaaliya ay dhinacna faa’iido u lahayn, sida uu hadalka u dhigay, balse ay wanaagsan tahay in wax wada qabsi walaalnimo ay muhiim tahay. Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday 1991-kii inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxay juhdi badan gelineysay sidii ay u heli laheyd aqoonsi dal madax bannaan oo dunida aqoonsan tahay, taasi oo aanay weli ku guuleysan.
  10. The trial of five suspected Somali pirates who were transferred to the Seychelles by EU NAVFOR in April last year will start in the Seychelles Supreme Court on Aug. 30. Source: Hiiraan Online
  11. The United Arab Emirates has offered Somalia to reopen a hospital in the capital, in exchange for backing the UAE’s involvement in the Yemeni war, but Somalia rejected this amid deteriorating relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  12. State education study shows doubts in Black, Latinx, and Asian communities about the safety of sending kids back to school during the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay inuu xilkiisa ku waayay cod sir ahaa oo nin saaxiibkiis ah uu ka duubay, kaasoo qabsaday baraha bulshada oo dadka ay isla wadaageen. Codka sirta ee laga duubay wasiirka ayaa wuxuu ku xamanayay madaxweynahiisa Cabdicasiis Lafta-gareen iyo qorshahiisa ku aadan inuu xukunka kusii dheereysto, waxaana warka wasiirka laga dhadhansanayaa inuusan ku qanacsaneyn siyaasadda madaxweyne C/casiis Lafta-gareen. Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay sax ahaanshaha warkaasi isla markaana caddeeyay inuu ka duubay qof ay saaxiibo yihiin oo uu u sheegayay inuu qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku fashiliyo baraha bulshada. “Nin aan saaxiibo nahay ayaa si khaldan oo sharafta ban’aadamka iyo dadnimada ka baxsan cod iiga duubay, kadibna baraha bulshada si khaldan loogu baahiyay, taasina ay sabab u noqotay in xilkii aan ka hayay Koonfur Galbeed la iga qaado”, ayuu yiri Ugaas Xassan. “Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo,”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayuu sheegay in isagoo dareemaya culleyska ay arrintaas leedahay uu go’aansaday in uu xil ka qaadis ku sameeyo. “Madaxweyne Laftagareen wuxuu rabaa in xildhibaanada been kusoo xero geliyo aysan u dooran madaxweyne mustaqbalka isagoo is waafajinaayo mudo xileedkiisa iyo baarlamaanka hadda jira” ayuu ku yiri codkiisa. Wasiirkii Ugaas Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay dowladii Shariif Xassan oo galaangal ku lahaa siyaasiyiintii taageersanaa maamulkii SHariifk Xasan.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay in Villa Somalia ay ku fashilantay qabashada doorashada. Xasan Sheekh oo daba socday warkii xalay kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee doorashada ayaa si cad u sheegay in jahwareer baahsan uu ka taagan yahay doorashada, xili uu soo baxayo qorshe muddo kordhin. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo wada-hadal kasta oo horseed u noqon kara in la helo heshiis wax ku ool ah, arrinkaasi oo ay ka mideysan yihiin Madasha xisbiyada qaran. Xasan ayaa madaxda dowladda federaalka oo ugu horeeyo Farmaajo ku eedeyay inay gebi ahaanba si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah, midaasi oo ay ka taagan tahay jawhareer. Waxa kale oo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka inay xoojiyaan wada-tashiga la xiriira doorasho xiligeeda ku qabsoomto iyo wax uu ugu yeeray ‘samato bixinta qaranka’. Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan yahay tallo loo mideysan yahay sidii looga bixi lahaa khal-khalka siyaasadeed ee dalka.
  15. Tehran (Caasimada Online) – Iyadoo cadeymuhu soo muuqanayaan cadaadiskuna ku sii badanayo Tehran, kadib qarixii sida daran u dhaawacay warshadda Nuclear-ka ee Natanz, ayaa su’aaluhu waxay diiradda saarayaan sida ay Iran uga jawaabi doonto. Dowladdu waxay ku jirtaa xaalad adag sababtoo ah waxay qarixii ku tilmaamtay dhacdo, laakiin hadda waxay wajaheysaa warbixino daad ah oo warbaahinta shisheeye ay doonayan in ay ku soo gaba-gabeeyaan in qaraxa ay ka dambeeyeen koox ama wadan. Tani waa waxa ay Iran aqrineyso: Warbaahinta waa weyn oo ay ka midyihiin New York Times, Washington Post iyo warbaahinta maxaliga ah sida Al-Jarida waxay dhammaantood raadiyeen in ay xaqiijiyaan in Israa’iil ay ku lug laheyd qarixii July 2 ka dhacay bakhaarka warshadda Nuclear-ka ee Natanz. Sidee haddaba Iran uga jawaabi doontaa haddii ay soo gaba-gabeyso waxa ay weerarka u aragto ee Natanz? Rajiimka Iran ee ay hoggaamiyaan ilaalada kacaanka Islaamiga ah, waxay rumeysan tahay laba nooc oo dhaqan ah. Marka hore waxay rumeysan tahay jawaab aargudasho ah, sida weerarkii gantaalada balaastika ee ay qaaday bishii January markii uu Mareykanku dilay Qaasim Suleymaani. Waxay sidoo kale rumeysan tahay doc-ka-weerar, sida beegsiga maraakiibta safarka ku maraya gacanka Cumman, si ay u kiciso xasarado sida May iyo June sanadkii 2019-kii ama September 2019 weerarkii ay ku qaaday warshadaha Sacuudiga ee Abqaiq. Qaabka caadiga ah ee jawaabta Iran, waa in ay wacad ku marto in ay jawaabeyso haddana aysan waxaba sameym. Tehran waxay ballan qaaday aargoosi adag, si ay uga jawaabto dilkii Sumleymani. Laakiin ilaalada kacaanka ee Islaamiga ah waxay qorsheeyeen duqeyn gantaalo ah, taasi oo ay ogaayeen in aysan dad ku dhiman doonin. Iran waxay badanaa ballan qaadi jirtay aarsi ka dhan ah Israa’iil oo in ka badan 1000 jeer duqeymo ka fulisay bar-tilmameedyo ay Iran ku leedahay Siirya. Weli cadeymuhu waxay muujinayaan wax yar oo ah madaafiic Israa’iil looga soo tuuray Siiriya Waxaa intaas dheer in ay Iran soo riday diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay qiimaheduna gaarayo $200 million bishii January ee sanadkii 2019-kii. Iran waxay sheegatay in ay soo riday diyaarad noocedu yahay P-8 oo Mareykanku sameeyey, laakiin waxay taasi dhab noqon laheyd haddii ay dadka Mareykan ah dileen Donald Trump ayaa aarsan lahaa. Dowladda Iran si taxadar leh ayey u xisaabtantaa. Waxay xisaabisaa aargoosiga waana ay ogtahay in horay dhib uga soo gaaray dhabar-jebin badan. Aarsiga iyo jawaabta rasmiga ah ee Iran ma ahan toogeysi ka dhan ah cadowga ka awoodda badan, laakiin waa in ay isticmaasho maleeshiyaadkeeda, si ay wadamo u dhex gasho. Aarsigeeda rasmiga ah waa in ay baarlamaanka Lubnaan ku yeelato awoodda Xisbullah. Illaa iyo 800 oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga ah ayaa Iran ka jooga Siiriya. Laakiin aarsigu waa in ay ku dhawaadaan Golan, islamarkaana ay qortaan maleeshiyaad maxalli ah. Waana mashruuc qaatay tobanaan sano. Iran weeraradeeda waxay u qaadaa si taxader iyo dhiiranaan leh, sida weeraraddii ay ku qaaday Abaiq, warshadaha shidaalka Sacuudiga bishii September ee sanadkii hore. Iran waxay si sax ah u xisaabisay in Sacuudigu uusan duqeyn doonin. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn e Iran iyo gantaaladeeda kuruuska ah ayaa si daran u dhaawacay Abqaiq, mana aysan sababin waxyeelo nafeed. Sidaas ayey Iran maanta u qiimeysaa weeraradeeda. Markii Iran ay go’aamiso in ay aargoosato, nidaamka ciidanka ilaalada kacaanka ayaa si taxadar leh u dooranaya qaababka – laga soo bilaabo miinooyin illaa gantaalo ama Drones, si loo duqeeyo cadowga Iran ee gobolka oo dhan.
  16. Ciidanka Puntland & Dablay Caawa Dagaal ka dhex qarxay+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Iska hor-imaad u dhexeeyay ciidamada amniga Puntland iyo koox hubaysan ayaa caawo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 4 qof ayaa ku geeriyooday iska hor-imaadkaan, halka tiro ku dhow 7 qof oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen, sida aan kasoo xiganay masuuliyiinta Dad goobjoog u ahaa dhacdadan. Iska hor imaadku waxa uu ka dhashay kadib markii ciiddanka amnigu ay qaadeen howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyagoo bartilmaameesaday goob lagu sheegay in lagu kala iibiyo Khamriga lasoo galiyo magaalada Gaalkacyo. Labada dhinac ayaa isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu iska hor-imaadka ka dhacay xaafada Garsoor, oo la sheegay inay ku yiileen goobo farriisin u ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo xashiishada. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay la wareegeen guri Khamriga lagu kala iibiyo oo saldhig u ahaa dableyda. Lama sheegin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaadhay. Xaafadaha ku dhow goobta lagu dagaalamayay, ayaa ah kuwo inta badan cidlo ah oo looga guuray dagaaladii Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland sanadihii 2015/2016. Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cabanaya Khamriga oo la sheegay inuu qeyb weyn ka yahay amni xumada Gaalkacyo. Kooxaha maandooriyaha ayaa xilliyada habeenkii magaalada ka sameeyan falal lid ku ah amniga. Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey xiriirka iyo heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan oo iyagu ah maamulo aan si rasmi ah u helin madax-banaani caalami ah. Heshiiskaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba. Somaliland ayaa iyadu u aragata guul diblumaasiyadeed oo aqoonsi u horseedi karta xiriirka cusub ee Taiwan, wallow ay sidaasi tahay, haddana ma gaarsiisna arrintu heerka loo maleeyo. Taiwan ayaa ah Jaziirad ka tirsan Shiinaha oo sheegta inuu yahay dal madax-banaan, maadama la rumeysan yahay inuu yahay gobol isku filnaansho dhaqaale gaadhay, inkasta oo midaasi u horseedin aqoonsi caalami ah.Haddaba, xiriirka Somaliland ee Taiwan ayaa u muuqda mid aan xiligan horseedi karin ictiraaf caalami ah oo ay hesho Somaliland, maadama ay Taiwan laftigeedu ay halgan ugu jirto sidii ay u kasban laheyd madax-banaani buuxda. Somaliland ayaa ictiraaf ku heli karta haddii dowladda federaalku ay siiso ogolaanshiyo ay kaga go’ayso, midaasi oo u muuqata mid aan xiligan iyo muddo dhow laftigeedu aysan dhaceyn, isla markaana caqabad ku ah rabitaanka iyo sheegashada Somaliland. Heshiiska Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay in Somaliland ay guul kaga gaari karto dhanka horumarka arrimaha bulshada, maadama ay Taiwan dhaqaalo ahaan ladan tahay.
  18. Turkiga oo goob taariikhi ah markale ka dhigay masjid+Waqtiga Salaada u horeysa lagu tukan doono+Cida ku tukanaysa Hagia Sophia ayaa kamid ah goobaha ay dalxiisayaasha ugu badan ka booqdaan Turkuga. Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul ayaa markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka. Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masjid. Goobtan oo kamid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf. Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi. Madaxweyne Erdogan oo difaacay go’aanka ayaa sheegay in dalkiisa uu madaxbannaanidiisa ku saleeyay tallaabada uu madxafkaasi markale uga dhigay masjidka. Waxa uu intaa raaciyay in salaadda ugu horreysa dhismahaasi lagu tukan doono 24-ka July. “Si lamid ah masaajiddeena, albaabada Hagia Sophia waxa ay u furnaan doonaan muwaadiniinteena iyo ajaanibta, Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Waxyar uun kadib markii uu Madaxweyne Erdogan shaaciyay go’aanka, ayaa Hagia Sophia laga adimay, waxaana aadaankaasi laga baahiyay guud ahaan warbaahinta Turkiga. Hay’adda UNESCO ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka madxafka loogu bedalay masjidka, waxaana ay xukuumadda Turkiga ugu baaqday inay wadahadal ka furto arintaasi. Qaran News
  19. Magacyada Shaqsiyaadka loo haysto dilka Fanaan Hachalu Hundessa oo la shaaciyay Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada rag loo heesto in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaaada Adis Ababa loogu geestay Fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa . Dilka fanaankan loo geestay ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan dhulka Oromada degto ka dhaliyay banaan baxyo rabshada wata oo sababay geerida dad ka badan 100-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar katirsan booliiska Itoobiya. xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raga lagu magacaabo Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou ay fuliyeen dilka magaalada Adis Ababa loogu geestay Hundessa. Waxa ay xeer ilaalinta sheegtay in raggan loo heesto dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen, ragan dilka loo heesto ayaana la sheegay in ay katirsanaayeen koox la yiraahdo “Shane” oo ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF. Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka ayaa sababay geerida dad badan iyo sidoo kale in la xiro siyaasiyiin iyo hogaamiyaal caan ka ah gudaha Itoobiya uu kamid yahay Jawar Maxamed oo mar saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed. Qaran News
  20. Hadalkii Kheyre & Jawaabtii Farmaajo ee doorashada oo banaanka keenay Arrimo qarsoonaa oo ay isku maanfaadhsan yihiin Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay shirkii golaha wasiirada ka sheegay inaysan marnaba ogolaneyn dib u dhac ku yimaada doorashada dalka. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada ay horseedi karto qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur, isla markaana ay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. Saacado kadib waxa markiiba war soo saartay Villa Somalia, oo iyadu sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu si weyn usoo dhaweynayo hadalka Kheyre iyo go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya, waxyar un kadib markii ay soo if-baxday kala aragti duwanaanta labada mas’uul. Farmaajo iyo Kheyre ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan doorasho xiligeeda ku qabsoomta, iyada oo Farmaajo uu ku doodayo inay dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo marxalada uu dalka marayo aysan saamaxeyn, sida ay rumeysan yihiin dadka daraaseya arrimahaasi. Kheyre ayaa isaguna qaba fikir ku lidi ah midka Farmaajo oo ah in doorashada u dhacdo qaabkii hore loogu soo doortay madaxweyne Farmaajo, maadama xiligan ay muddo yar ka hadhsan tahay doorashada, isla markaana aan laga gaarin diyaarinta doorasho ‘qof iyo cod ah’. Sida ay ogaatay Warbaahintu Villa Somalia ayaa ku howlan qorshe uu Farmaajo ku rabo muddo kordhin, midaasi oo si toos ah u dhaceyn, balse u dhaceysa wax loo yaqaano ‘Muddo kordhin dad-ban’, taasi oo loo sameynayo dhameystirka doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo dhowr jeer uu ku cel-celiyay Farmaajo. Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin arrimaha doorashooyinka, midaasi oo kaliftay in Kheyre uu garabka saaro madaxda maamul goboleedyada, sida ay ogaatay Warbaahintu. Ra’iisal wasaare Kheyre, xisbiyada mucaaridka ah iyo weliba madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ka mideysan doorasho xiligeeda ku qabsoomta oo aan muddo dhaafin, halka Villa Somalia ay ku howlan tahay taasi badalkeeda, wallow ay adagtahay saadalinta waxa dhici doona marka la gaaro xiliga doorashada 2020/2021. Qaran News
  21. Ethiopia is gradually and steadily opening up doors and minds to international relations. Testament to this was when French President Macron sealed a deal with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed when they met in March 2019. The French signalled plans to invest 2.8 Billion Euros in hopes of awakening a sleeping African giant that Ethopia is. The agreement also includes a military component which includes provisions air-force cooperation, joint exercises, equipment purchases and as well as, most ambitiously, goals to reconstruct an Ethiopian Navy. But, there is just one problem, Ethiopia is a landlocked nation. History is witness to Ethiopian naval ambitions and is also witness to the Ethopia’s loss of coastal territories to Eritrea, which is in the north of Ethopia. In a bitter border conflict that resulted in independent Eritrea, also spelled the dissolution of the Ethiopian Navy. Ever since, there was little reason to reconsider a navy but all that started to change in 2018.Sincecoming to office Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed has been putting his country’s affairs in order. He has worked on a peace deal with Eritrea and has been able to integrate Ethopia more closely with Djibouti, Somalia and Sudan. There has been significant process to liberalize parts of the economy, and all this has been doing while maintaining inter-ethnic tensions. Nonetheless, the country still has a long way to go for Ethopia to rise from the ashes as an African a heavyweight power in East Africa. Their flourishing economy now ranks as Africa’s fastest growing and the vast human population of 102million citizens has grabbed the attention of great powers in line with the emerging role of Ethiopia the Prime Minister who wants to remake his country asa regional hub for commerce and trade. However, in order to reassure investors that the waters around the Horn of Africa are secure, especially considering the incidents of piracy, Adis Ababa feels obliged to step up and protect its maritime trading routes in order to perpetuate feelings of security and trust amongst its investors. This also happens to be one of Ethopia’s long-term geopolitical objectives. What one can infer from the arguments presented above is that a naval entourage will carve the way forward for Ethopia. Re-establishing a maritime force to its overall drive will allow the country to push itself as a major player connecting Europe and Asia. If Ethiopia believe they can convince European and Asian business by re-establishing a navy that the Horn of Africa is open for business at first glance it, they are mistaken. That is because a landlocked nation should seek a navy but, surprisingly, landlocked navies exist in many parts of the world. This is particularly relevant in countries where a river or a lake forms a national border. Thus, with the exception of the Caspian nations, landlocked navies operate strictly in major lakes or rivers. What makes Ethiopia’s case unique isthe fact that the State is seeking a blue water fleet to operate along the coast of the Horn of Africa. The Horn of Africa is spread over 727,000 mi². An Ethiopian Navy would mean a win-win for the regional nations while the current coastal countries enjoy access to the world’s oceans but they lack the capabilities to patrol their waters and facilitate trade. Ethopia, however, has the opposite problem. It possesses the most resources but lacks a shoreline. Moreover, the regional coastal nations do not necessarily see an Ethiopian Navy as a threat but as a complementary force testament to this is acquisition of land in the island of Lamu as part of the Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (Lapsset) project, a $24bn (£18bn) transport and infrastructure plan to link the Kenya and Ethopia. In short, the motivation for Ethiopia’s naval ambitions is it enables her to gain leverage in the regional maritime affairs and improve trading relations. All things considered, Ethiopians would also have to develop the capabilities of their neighbors to reinforce their coastal entries so Ethiopia’s landlocked Navy would patrol and protect the waters of the Horn of Africa while also investing capital in stabilizing the coastal states. This trade-off would contribute to integrate the region economically and politically while reducing cross-border violence in an area that has been plagued for decades by territorial conflicts. This geo-political manoeuvring is a welcomed change but we all know, talk is cheap. Constructing a navy from scratch is an expensive undertaking. If, the state of Ethopia could acquire a few dozen patrol boats and call it a day that is in fact what is most likely to occur in the next few years. And the patrol-only boats could be the Navy serving a symbolic purpose. Eventually Addis Ababa will want a blue water Navy with military capabilities and that is when the real toil starts for it will require the state to train sailors, officers and commanders but also find suitable bases and procure larger vessels. This is a long-term project that will take decades to complete in the meantime the build-up of the Navy will be subject to future political and economic developments. And considering the long term commitment, that is required to construct a navy Ethiopia needs international partners. The most immediate host for an Ethiopian Navy would be the Republic of Djibouti, the small but strategically important Nation which is already host to military bases from numerous countries including France, China and the United States of America. Djibouti also happens to enjoy close economic ties with Ethiopia. In fact, Ethiopia’s imports and exports go through the port of Doral, which is an extension of Djibouti port. However, the presence of foreign military bases in Djibouti means Ethiopian policymakers and Djibouti may not always have say over its own affairs and that is a security risk so even though Djibouti is where we will most likely see the first Ethiopian vessels set sail. Adis Ababa would like to avoid putting all its eggs in one basket because if some political development results in the breakdown of relations between Ethiopia and Djibouti the Ethiopian Navy would be placed in a vulnerable position. So eventually, as the Ethiopian blue water navy becomes operational it will require basing rights in other countries convincing Eritrea will be difficult due to the their troublesome history that is still in living memory but basing rights in places like Misawa willbe necessary for the long term. Nevertheless, in Somalia meanwhile relations between Addis Ababa andMogadishu have improved significantly and the Somalian ports of Kismayo and Pesasso are well suited for large navies. However, the activity of Al-Shabaab and the lack of infrastructure in Somalia impede close cooperation in the near future. Countries such as Turkey, Saudi Arabia and Iran holding vested interests in the Horn of Africa, and also China and the United States there are however potential allies in the periphery such as France and the United Arab Emirates. France is the most obvious partner as its signed a deal to help re-establish the Ethiopian Navy and by doing so Paris is seeking to expand its influence beyond the francophone sphere into East Africa French multinational firms and a whole host of other defence corporations seeking to capitalize on the growing and liberalizing Ethiopian economy. Another potential partner is the United Arab Emirates, which currently has a naval presence in Eritrea as well as unrecognized Somaliland. What is interesting here is that France operates a naval base in the United Arab Emirates, and the to maintain a strategic level of military cooperation with them.Since they operate in many of the same areas and if Addis Ababa, plays its cards right it could forge a lasting partnership with France. And the United Arab Emirates which would go along way in developing a capable Navy it goes without saying that Ethiopia’s pursuit of regional power could become a mega power in the region. This in turn would declare Prime Minister Abbey as scrupulous, hyper successful leader. He has embarked on a roadmap for reconciliation and restoration, as of now. But there remain pockets of secessionists across the country and social unrest continues to flare up from time to time as recently as June 2019, when there was a failed coup attempt. The armed forces tried to takeover a regional centre in the country. The whereabouts of the rogue General who orchestrated the coup remain unknown. Events like these revealed that the central government still does not have full control over the domestic political situation despite all the progress being made. Therefore, beyond the obvious geographic shortcomings for a blue water navy of Ethiopia must stabilize its internal landscape or else the government may face a situation where it would be left with no choice but to hit the brakes on its ambitious naval project. Source Modern Diplomacy Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shalay shirkii golaha wasiirada ka sheegay inaysan marnaba ogolaneyn dib u dhac ku yimaada doorashada dalka. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada ay horseedi karto qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur, isla markaana ay muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. Saacado kadib waxa markiiba war soo saartay Villa Somalia, oo iyadu sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu si weyn usoo dhaweynayo hadalka Kheyre iyo go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya, waxyar un kadib markii ay soo if-baxday kala aragti duwanaanta labada mas’uul. Farmaajo iyo Kheyre ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwan doorasho xiligeeda ku qabsoomta, iyada oo Farmaajo uu ku doodayo inay dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo marxalada uu dalka marayo aysan saamaxeyn, sida ay rumeysan yihiin dadka daraaseya arrimahaasi. Kheyre ayaa isaguna qaba fikir ku lidi ah midka Farmaajo oo ah in doorashada u dhacdo qaabkii hore loogu soo doortay madaxweyne Farmaajo, maadama xiligan ay muddo yar ka hadhsan tahay doorashada, isla markaana aan laga gaarin diyaarinta doorasho ‘qof iyo cod ah’. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Villa Somalia ayaa ku howlan qorshe uu Farmaajo ku rabo muddo kordhin, midaasi oo si toos ah u dhaceyn, balse u dhaceysa wax loo yaqaano ‘Muddo kordhin dad-ban’, taasi oo loo sameynayo dhameystirka doorasho ‘qof iyo cod ah’ oo dhowr jeer uu ku cel-celiyay Farmaajo. Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay si weyn iskugu maan-dhaafsan yihiin arrimaha doorashooyinka, midaasi oo kaliftay in Kheyre uu garabka saaro madaxda maamul goboleedyada, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ra’iisal wasaare Kheyre, xisbiyada mucaaridka ah iyo weliba madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ka mideysan doorasho xiligeeda ku qabsoomta oo aan muddo dhaafin, halka Villa Somalia ay ku howlan tahay taasi badalkeeda, wallow ay adagtahay saadalinta waxa dhici doona marka la gaaro xiliga doorashada 2020/2021.
  23. Ethiopian authorities said they have arrested two suspects over the killing of a popular political singer, whose death last week sparked protests in which hundreds of people were killed. Source: Hiiraan Online