Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali opposition parties and the United Nations have welcomed Thursday’s meeting among five federal member states which will discuss upcoming elections, security and review of the constitution. In separate statements, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) said the meeting which will take place in Dhusamareb, the capital of Galmudug state, is crucial since it will iron out pressing national priorities that will move the country forward. “UNSOM welcomes planned federal Member States (FMS) leaders’ meeting in Dhusamareb, a prelude to the upcoming federal government-FMS summit and part of the essential dialogue on pressing national priorities, including elections, security, and review of the Constitution,” it said on Wednesday. Sources said the outcome of the Dhusamareb meeting will be very crucial for the planned national security forum scheduled in the capital Mogadishu on a date yet to be confirmed. President Mohamed Abdullahi Farmajo had scheduled July 5-8 as the date for the crucial talks with regional leaders. However, the meeting did not take place. The Thursday meeting is expected to agree on the contentious issues surrounding the election model as well as the options presented by the electoral body on June 27. The National Independent Electoral Commission (NIEC) stated that it will not be possible to hold elections this year. NIEC said it requires 13 months to prepare a credible poll where Somalis will have an opportunity to take part in “one person, one vote” election for the first time since 1969. The opposition Forum for National Parties, led by former presidents Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud, has also endorsed the Thursday meeting but faulted the absence of leaders from Mogadishu. “The FNP advises the leaders of the Federal Government of Somalia to fulfill their constitutional mandate in order to enable the conduct of free and fair and peaceful elections,” FNP said in a statement. The Horn of African nation was due to hold parliamentary elections in October while presidential polls will take place in February 2021. The meeting among the federal member state leaders comes amid pressure from the international community to bring national and regional leaders together ahead of the 2020-2021 polls. Somalia, with the help of the international community, is making urgent preparations for universal suffrage elections. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda. “Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin. Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii Khamiis-laha ahaa ayaa si qota dheer isaga wareystay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020-2021-ka, waxaana gaba-gabadii kulankaas oo ku qabsoomay qadka Internet-ka hadal ka jeediyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo shir guddoominayey. “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.
  3. Hoos ka daawo The post Daawo Video soo dhaweyntii Madaxweyne Deni appeared first on . Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin. View the full article
  5. Reer Galmudug waxay Madaxweynaha Puntland usoo dhaweeyeen si ka duwan Madaxweynayaashii kale, tasoo lagu macneeyey Daris nimada Puntland iyo Galmudug. The post Daawo Sawiro cusub, Madaxweyne Deninoo si gaara ay Reer Galmudug usoo dhaweeyeen appeared first on . Source
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-090720-hh.mp3 View the full article
  7. Kenyan police said Thursday they are on high alert after repulsing three al-Shabaab attacks in the country’s regions bordering Somalia within a week. Rono Bunei, northeastern regional police commander, said security has been enhanced along the Kenya-Somalia border after security officers foiled attacks by the extremist group in Garissa, Mandera and Wajir counties this week. In the latest incident, Bunei said the extremists attacked and destroyed a communication mast in Korakora area, in Garissa County on Thursday morning. He said about 20 gunmen staged the dawn attack on the mast before they were repulsed by police manning the site. No injury was reported in the Thursday morning incident. “We have enhanced security operations in the area to address the menace,” Bunei said on the phone. Al-Shabaab militants usually destroy telecommunication masts to disrupt police response and communication in the area before they could inflict harm on the locals. The regional police commander said that a team of security officers were already in the area to assess the situation, noting that an operation involving a contingent of security officers was already pursuing the militants. The militants have been targeting communication masts, schools and residential houses rented by communities that are not native to the volatile northeastern Kenyan counties of Garissa, Mandera and Wajir. Police are posted in almost all the more than 200 communication masts belonging to mobile phone companies to protect them from such attacks. Thursday’s incident came even after security agencies were warned of a possible attack on vital installations on the main Kenya-Somalia border. The locals had sighted a large concentration of heavily armed al-Shabaab militants camping in an area along the Kenya-Somalia border on Tuesday. “We are making efforts to address the menace. We have deployed more personnel as part of the efforts. No injury was reported in Mbalambala incident,” Bunei said. The latest incident came two days after the security agencies foiled a hijacking and kidnapping terror attack outside Dabacity area of Elwak in Wajir border with Somalia. The police said al-Shabaab militants had hijacked a civilian driven pickup vehicle with seven occupants but were intercepted as they drove towards Somalia. There were no casualties and the vehicle with the occupants was secured in the Tuesday incident, said a security officer aware of the drama. “Al-Shabaab militants on Tuesday abducted seven occupants in a land cruiser belonging to a local at 10 a.m. in Kobo area of Mandera County. However, while driving to Somalia, 22km South of Elwak, a multi-agency team led by Kenya Defense Forces (KDF) caught up with the terrorists. The KDF officers rescued all the seven occupants unharmed and recovered the land cruiser,” a police report said. There has been a lull of attacks in the region over COVID-19 pandemic but such attacks have resumed with the militants targeting security agencies. On July 4, security forces foiled an attack by suspected al-Shabaab militants on a police camp in Garissa near the border with Somalia. An unknown number of militants launched an abortive attack on a paramilitary police camp in the Fafi area before escaping towards the Kenya-Somalia border. Garissa county and other areas near the Kenyan-Somalia border have been riddled with runaway insecurity, with several attacks that have claimed lives. Several security officers and scores of civilians have been killed, many maimed and property worth millions were destroyed in northeast region since the Kenyan soldiers entered Somalia in 2011 in bid to forestall dangers facing from threats of al-Qaida linked Somali Islamist group. But Kenya says the deployment of her troops in the southern regions of Somalia has so far helped to prevent the movement of explosives, counterfeit electronics and contraband sugar smuggling across the border. View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan. Halkan hooseka daawo sawirrada: View the full article
  9. Somali regional leaders reached Dhusameeb town of central Somalia on Thursday for talks on the current political and security crisis in the country. According to Galmudug leader, Ahmed Abdi Kariye Qorqor who is hosting the meeting said they will discuss the way forward to resolve differences in the country’s electoral process. Qorqor has invited leaders of Hirshabelle, Puntland, Southwest, and Jubbaland for the summit to focus on the national issues amid a standoff between the FMS and Villa Somalia. Somali President Mohmed Abdullahi Farmajo is set to hold a meeting with the regional leaders soon to end their current stalemate in the country, including the election row. View the full article
  10. Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray Madaxda Dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye {Qoor-qoor} ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay galabta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaaladaasi gaaray. Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb, waxaana wafdiga garoonka kusoo dhoweeyey madaxda Dowlad goboleedka Galmudug. Magaaladda Dhuusamareeb ayaa horay waxaa u gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka Golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasad xiligan kala guurka ah ay kala aragti kuwan yihiin Madaxweyne Farmaano iyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in dowladiisa muddo kordhin labo sano ah loo sameeyo, si loo gaaro doorasho qof iyo cod. Halka Ra’iisul Wasaare Khayre uu taas ka cabsi qabo, oo haddii ay dhacdo ay meesha ka baxayaan Khayre iyo xukuumadiisa, markaasna la soo dhisi doono Xukuumad lagu mideysan yahay oo mucaaradku qeyb ka yihiin. PUNTLAND POST The post Khayre oo ka cabsi qaba muddo kordhin loo sameeyo dowladda appeared first on Puntland Post.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. Halkan Ka Daawo Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Markale Ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka 20201 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/khayr.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan. Hadalka Kheyre ayaa dhabarjab weyn ku ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddiga doorashada ee u adeegaya oo dadaal xooggan ugu jira in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha. Sidoo kale, hadalka Kheyre ayaa banaanka keenay khilaaf cad oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya Nin hubeysnaa oo xalay dad isku qoys ah ku laayay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Weerarka Ninkaasi ayaa waxa ka dhashay sida aanu wararkaygii hore idinku soo gudbinay dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo saaka hal qof oo dhaawac ahaan loogu soo qaaday Muqdishu uu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarkaasi. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu xidid la ahaa qoyska uu weerarka ku qaaday, isla markaana uu ka qabay gabar, isagoona hore u dilay gabar xaamilo ahayd oo la dhalatay xaaskiisa, Sida ay ogaatay Caasimada Online. Weerarka uu ninkaasi hubeysnaa uu ku qaaday qoyskaasi ayaa waxa uu ku dilay 5 ruux halka uu dhaawac u geystay 4 kale, oo isugu jiray Haween xaamilo aheyd, Labo caruur ah iyo Labo oday oo waayeel ahaa. Ninka weerarka geystay ayaa ahaa harqaale dharka tola, isagoona xiliga uu weerarka geysanayey xirnaa dharka haweenka, sida ay ilo amaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay qorigii uu weerarka ku fuliyay Ninkaasi, inkasta oo uu isagu baxsad yahay oo laamaha amaanku ku raad-joogan.
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo siweyn loogu dhoweeyey. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diraayadaha ku soo dhoweeyey madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana uu ka qeyb gelidoonaa shirka madxda maamul goboleedyada. Madaxweyne Madoobe ayaa ah madaxweynihii ugu dambeeyey ee lag sugaayey waxaana uu ku biirayaa madaxda Koorfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Puntland oo horay u soo gaaray magaalada caasimada ah Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay marti gelinaysaa shirka madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inuu ka furmo magaalada saacada soo aadan waxaana shirka looga hadli doonaa arrimo badan oo xaaladaha dalka ah, waxaana shirka sidoo kale ka qeyb galayo mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamanaka federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. The post Daawo sida Madaxweyne Axmed Madoobe losoo dhaweeyey appeared first on . Source
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug halkaas oo saacadaha soo socda uu ka furmayo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo sidoo kale dadweyne kala duwan. Dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaa haatan ku wada sugan Magaalada Dhuusamareeb waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu furmo Shirka ay halkaas ku yeelanayan Dowlad Goboleedyada. Shirka, waxaa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka iyo sidoo kale Qodoba kale oo ay kamid yihiin Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  19. PRESS RELEASE Coronavirus: South Sudan National Day This year we are also proud to support your response to the global COVID-19 pandemic WASHINGTON D.C., United States of America, July 9, 2020/ — By Michael R. Pompeo, Secretary of State On behalf of the Government of the United States of America, I congratulate the people of South Sudan as you mark nine years of independence. The United States continues to support the people of South Sudan in your pursuit of peace and stability. This year we are also proud to support your response to the global COVID-19 pandemic. We are committed to working with the transitional government, a free civil society, and regional and international partners to build a lasting peace and greater prosperity in SOURCE U.S. Department of State Qaran News
  20. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ee Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana hoggaamiya Xisbiga Sahan ayaa ka hadlay shirka maanta magaalada Dhuusomreeb uga furmaya madax goboleedyada dalka. Guuleed oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa shirkaas ku tilmaamay inuu noqon karo mid siyaasadda dalka xabsiga kasoo daayo. Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed oo dhameystiran Waxaan soo dhoweynaya shirka maanta madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Shirka Dhuusamareeb wuxuu kusoo aadayaa waqti aad xasaasi u ah, oo dhammaanteen aan walaac ka qabano is mari-waaga siyaasadeed ee dalkeena iyo geedi socodka Dowladnimadda Soomaaliya. Kullanka wadatashiga ah ee madaxda Dowlad goboleedyada, waa inuu abuuraa jiho Qaran, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo isfaham la xiriirta arrimaha doorashada guud ee dalka. Soomaaliya waxey taagan tahay marxalad u baahan in looga gudbo wadahadal, tanaasul, isu dhimrin iyo is aqbalid, taas oo laga waayay iney sameeyaan madaxdii loo doortay hogaaminta dalka. Shirka Dhuusamareeb waxaan ka sugeynaa inuu siyaasadda dalka xabsiga kasoo daayo, oo uu billow wanaagsan u noqdo marxaladda kala guurka ah iyo inuu dhalo shirweyne Qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. Waxaan u rajeynayaa shirka guul iyo inay ka soo baxaan go aanno loo aayo.
  21. Mareykanka oo Qabtay Doon Hub Sidday oo ay Leedahay Iran Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwo xulufo la ah ay bishii June qabteen doon ay Iran leedahay oo hub u sidday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. “Golaha Ammaanka waa inuu dheereeyaa xayiraadda hubka ee saaran Iran si looga hortago dagaallo kale oo ka dhaca gobolka,” ayuu Pompeo ku yidhii shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasaaradda arrimaha dibedda.“Ma jiro qof maskax leh oo aamini karo in Iran ay hub kasta oo ay hesho ay u isticmaali doonto hab nabdoon.” Pompeo ayaa hoggaaminaya dadaal uu Mareykanka uga dhaadhicinayo Golaha Ammaanka QM inuu waqti dheeri ah ku daro cunaqabateynta hubka ee saaran ee Iran oo dhaceysa bartamaha bisha October, taasi oo qeyb ka ahayd heshiikii Nukliyeerka ee Mareykanka uu dalkaas la galay 2015 balse uu ka baxay 2018. Pompeo ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah, oo uusan magacaabin, ay doontan ka qeybteen xeebaha Yemen 28-kii June, xilli ay hubka u sidday kooxda Xuutiyiinta Yemen.“Iran uma hoggaansameyso xayiraadaha hubka QM ee waqtigooda uu ku dhacayo wax ka yar afar bil gudahood,” yuu yidhi. Qaran News
  22. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwo xulufo la ah ay bishii June qabteen doon ay Iran leedahay oo hub u sidday kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen. “Golaha Ammaanka waa inuu dheereeyaa xayiraadda hubka ee saaran Iran si looga hortago dagaallo kale oo ka dhaca gobolka,” ayuu Pompeo ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasaaradda arrimaha dibedda. “Ma jiro qof maskax leh oo aamini karo in Iran ay hub kasta oo ay hesho ay u isticmaali doonto hab nabdoon.” Pompeo ayaa hoggaaminaya dadaal uu Mareykanka uga dhaadhicinayo Golaha Ammaanka QM inuu waqti dheeri ah ku daro cunaqabateynta hubka ee saaran ee Iran oo dhaceysa bartamaha bisha October, taasi oo qeyb ka ahayd heshiikii Nukliyeerka ee Mareykanka uu dalkaas la galay 2015 balse uu ka baxay 2018. Pompeo ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah, oo uusan magacaabin, ay doontan ka qeybteen xeebaha Yemen 28-kii June, xilli ay hubka u sidday kooxda Xuutiyiinta Yemen. “Iran uma hoggaansameyso xayiraadaha hubka QM ee waqtigooda uu ku dhacayo wax ka yar afar bil gudahood,” yuu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga qeybgalaan shirka magaaladaasi. Madaxweynaha Galmudug iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa mas’uuliyiintaasi si gooni-gooni ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Dhuusarameeb. Sidoo kale waxaa shalay halkaasi gaaray madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee BF Soomaaliya. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxweynayaasha ay ku sugan yihiin caasimadda Dhuusamareeb. Shirka madaxda maamul goboleedyada oo ah mid si aad ah isha loogu hayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu furmo, kaas oo lagu soo aaday, xilli aad u adag. Intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay shir kan ka ballaaran isugu imaan lahaayeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Si kastaba ha’ahaatee shirkan u gaarka ah maamullada dalka ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhowaan baaqday shirkii amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, sababo la xariira khilaafka u dhexeeyay labada dhinac.
  24. Wasaaradaha Caafimaadka Xukuumadda Fadaraalka, ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay Ka hortaga COVID-19 gaarsiiyay Gobalka Mudug kaas oo qeyb ka ah ololaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka COVID-19 ee ay wado dowlada fedaraalka Soomaaliya. Isku duwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay Midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka Soomaaliya. Duqa Dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo gudoomiyaha dagmada gobalka Mudug ayaa iyaguna ka mahad celiyay iyagoona xusay in agabkaan uu ku soo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka COVID-19 uu ka jiro Gobalka Mudug. Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug Maymuun Cali nuur iyo gudoomiyaha ururada Bulshada rayidkaa Baashi Xasan Erag ayaa oo ku hadlayay magaca Bulshada ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka sSoomaaliya ee ku aadan la dagaalanka safmarka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com