-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The March to May rainfall season in East Africa was one of the wettest since 1981, characterised by average to above average cumulative rainfall in most areas. This followed a record wet season during the 2019 October to December period. Increased wetness has led to rising water levels in water bodies and extreme weather events across the region. Consecutive wet seasons also helped maintain the vegetation in better than normal condition particularly in the pastoral and agropastoral areas, which suggests the availability of pastures and browse for livestock. Although the rainfall conditions were sufficient (early onset and above-average performance) for crop production, the crop conditions are generally average. This could be due to combination of various factors including floods and landslides in some areas that damaged or hampered development of planted crops, continued desert locust upsurge in some locations, and reduced planting due to inadequate access to agricultural inputs and labour following the COVID-19 restrictions on movement. Widespread floods and landslides resulted from the above-average rains causing casualties, human displacement, infrastructural damage and crop losses in nearly all countries. The worst effects were experienced in the Lake Victoria basin due to rising water levels in the lake, the Juba and Shabelle basins in Somalia and Ethiopia, Tana River basin in Kenya, and other major river catchments. An estimated 2.05 million were affected in Somalia, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda and Burundi. The abundant rains and improved vegetation have promoted the breeding and development of desert locusts and expanded the outbreak across the region, which continues to pose a significant threat to main season crops. The infestation is projected to move northwards into Sudan, Eritrea, northern Ethiopia and Djibouti over the June-September rainfall season with negative impacts on crops and pastures. Wetter than normal conditions are forecasted between June and September in northern countries that will allow for crop development and rangeland regeneration. Similar conditions are expected to continue in western and northwest Kenya, southwest Ethiopia, equatorial South Sudan, Uganda, and Rwanda. This increases the risk of extreme climatic events (floods, waterlogging and landslides), pre-and-post harvest crop losses in areas where harvesting is due, and risk of desert locust infestation. Download the report Source: WFP The post East Africa Seasonal Monitor appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba-gaboobay kulan ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad la yeesheen Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa galabta gaaray xarunta dhexe ee Madasha Xisbiyada Qaran si ay fariin ka socotay Madaxweyne Farmaajo u gaarsiiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka. Xildhibaan ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankaas uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii fariinta madaxweyne Farmaajo u soo dhiibay guddoonka ay noqotay inay u raacaan madaxtooyada, si madaxweyne Farmaajo ay ula kulmaan. Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa ayaa labada Madaxweyne u sheegay in inta caawanimo uu dalbadan madaxweynuhu inuu la kulmo, sidaa darteed ay Villa Somalia u raacaan, balse ay ka caga jiideen, waxaana isaga soo tagay Mursal iyo Muudey. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sababta ay u aqbali waayeen codsiga kulanka madaxweyne Farmaajo ku sheegay in horay ay ula kulmeen, balana ay kala qaateen, balse balankaas uusan waxaba ka fulin madaxweyne Farmaajo. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay sheegayaan in haatan Madaxweynayaashii hore ay shir gaar ah la leeyihiin xubnaha kale ee Madasha, kuwaas oo isugu jira xildhibaano ka tiersan labada Aqal ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale. Kulanka oo haada socda ayey madaxweynayaashii hore warbixin ku aadan shirkii ay la qaateen guddoomka golaha shacabka ugu gudbinayaan xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.
-
NAIROBI (Reuters) - President Pierre Nkurunziza, who ruled the impoverished and unstable central African nation of Burundi for 15 years, has died, the government announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta waxa uu sheegay in toosinta iyo la xisaabtanka xukuumadda ay u xilsaaran yihiin golayeyaasha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiiladda, xisbiyada qaranku iyo warbaahinta madaxa bannaan, balse ayna shaqadiisa ahayn ururka saxafiyiinta ee solja, isaga oo intaas raaciyey in guddoomiyaha ururkaasi uu ka hadlay wax waajibaadkiisa iyo shaqadiisa baalmarsan, wuxuuna u soo jeediyey guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) in aanu majara habaabin shaqada iyo waajibaadka ururka SOLJA. Waxa kale, oo uu wasiir ku xigeenka warfaafintu tilmaamay in guddoomiye Xuuto ay u bannaanayd inuu baadhitaan ku sameeyo eedaha is barkan ee uu xukuumada u soo jeediyey, isla markaana uu bulshada horkeeno wax xaqiiq ah, balse ay eediisu ahayd mid xaqiiqada ka fog oo aan wadan wax cadayn ah, taas oo uu sheegay in sharcigu u ogal yahay in hay’adda xukuumadda marka ay warbixin uga baahan yihiin ay ka heli karaan. Geesta akle, wasiir ku xigeenku waxa uu bogaadin iyo ammaan u soo jeediyey weftiga xukuumada ee ku sugan deegaank Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag dedaalka daacad nimada iyo odaytinimada leh ee ay ku maamuleen kuna soo afjareen shaqaaqadii ka dhacay deegaanadaasi, wuxuuna bogaadiyey suldaan Siciid Yuusuf oo shalay lagu soo dhaweeyey deegaankaas Source
-
(SLT-Burund)-Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandana istaagay. War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah ee Madaxweynaha dalka Burund. “Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay cisbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnahaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yidhi qoraalka. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Nkurunziza uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, isla markaana la dhigay cisbitaal, hayeeshee uu ugu dambeyntii dhintay. Source
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudabe Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaray war murtiyeed ka soo baxay kulan deg deg ahaa oo [...] The post Breaking News : – Gudoomiyaha Aqalka sare oo Warmurtiyeed maanta ka soo saaray xaalada kala guurka ee dalku ku sugan yahay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Saree ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ay kulmaan ka hor 25-ka bisha, si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashada dalka. Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare, oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare “uu garwaaqsaday in qabashada doorashooyinka heer federaal ay u baahan tahay in wada tashi deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka Bisha Juun, 2020 dhammaan madaxda Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Farmaaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,” Qoraalka ayaa intaas ku daray in guddoomiye Cabdi Xaashi uu magacaabayo guddi uu isagu hoggaaminayo; guddigaas oo ka shaqeyn doona isu-keenista madaxda labada heer dowladeed iyo qabsoomidda shirka kor ku xusan. Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay “u turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mudada dheer soo ragaadiyeen khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha daba-dhceraaday iyo in ay dedaal hagar la’aan ah ku bixiyaan ka miro-dhalinta hayaanka loogu jiro sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimuquraadiyad wada-ogol ah.” Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya lagala tashan doono hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Waxa uu intaas ku daray in goobta uu wada-hadalku ka dhacayo lagala tashan doono dhinacyada ay khuseyso ee labada heer dowladeed. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameysitran
-
Waxaa goordhow dalka Burundi ku geeriyoodey madaxweyne Pierre Nkurunziza oo da’diisu aheyd 55 jir. Madaxweynaha oo ku geeriyoodey Karusi hospital ayaa la sheegayaa inuu u dhintay kadib markii uu wadnuhu istaagay. Waxaa uu talada hayey tan 2005-tii. Inkasta oo uu weli madaxweyne yahay laakin waxaa looga adkaaday doorasho dhacday May 20 taas uu ku soo baxay Evariste Ndayishimiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Pierre Nkurunziza Madaxweynihii Dalka Burundi ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Caasimada Dalkaas kadib markuu Xanuun ka haleelay Wadnaha. Madaxweyne Nkurunziza ayaa u geeriyooday [...] The post Breaking News— Madaxweynihii Burundi oo geeriyooday appeared first on . Source
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteedi maalinlaha aheyd ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah,kuwaas oo gaaraya 48 kiis. Kiisaska ayaa laga helay, Gobolka Banaadir 19,Somaliland 17,Puntland 8, Galmudug 2 iyo Hirshabeelle oo 2 kiis laga diiwaan geliyay. Cudurka ayaa waxaa maanta ka bogsaday 19 ruux waxaana u dhintay 1 qof, taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 489 halka dhimashadu ay gaartay 85 ruux. Wadarta guud ee kiisaska dalka laga diiwaangeliyay tan iyo markii Covid-19 laga helay dalka ayaa waxey gaareysaa 2,416.tan iyo markii xanuunka lagu arkay dalka bishii March 2020-ka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliym, kulanka guddiga ayaa ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah ee golaha shacabka. Kulanka guddiga ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku-xigeen. Kulanka ayaa inta uu socaday waaxa looga hadlay Ajendiyaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo maalinimada barrito ah oo taariikhdu tahay 10-6-2020-ka Kulanka golaha shacabka ay yeelan doonaan barri ayaa lagu wadaa in looga doodo sharci axsaabta oo mid ah sharciyada ugu ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay habdhowraha golaha shacabka xildhibaan Nuux. “Maanta waxaa uu ahaa furitaanka guiddiga joogtada ah oo looga hadlayey ajendaha koowaad ee uu ku furmi doono 7-aad ee golaha shacab, waxaa la isla gorfeeyey shuruuc badan oo yaallo in loogu soo hor mariyo sharciga Asxaabta oo maalinta barri ay tahay in ay ka doodaan dib u eegisna lagu samaynaayo ” ayuu yiri habdhowre xildhibaan Nuux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Warfaa, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn u saluugsan tahay saami qeybsiga siyaasadeed ee beelaha Faarax, Saleebaan, Habargidir. Qoraalka beesha, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso. Beesha Reer Warfaa waxay ka cabanaysaa saami qaybsiga siyaasadeed ee Beelaha Farax (Saleebaan, Habargidir). Waxa dhacday laga soo bilaabo dawladii dib ukabashada ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim salaad, 2000, ilaa iyo dawlada maanta ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in aanay waxba ka helin saami qaybsiga siyaasadeed ee ay xaqa ulahayd, iyadoo labarbardhigayo Beelaha kale Walaalahood ee Farax xilalkey ka heleen ilaa hada. Waxayna ku cadahay shaxda hoos ku lifaaqan sida xilalka lookala qaybsaday ilaa maanta. Warfaa waa Beel kamida Beesha SALEEBAAN, HABARGADIR, kanamida Beelaha ugu deegaanka balaaran, Beesha WARFAA waxay degtaa laga soo bilaabo Qosol Tire oo bada ah ilaa Dacdheer oo Etoobiya ah. Waana Culimadii iyo Macalimiintii Saleebaan ee xaga DIINTA. Waxaana kamida dadka saamaynta kulahaa Caaqil Cabdi Afrax oo qayb libaax ka qaatay Hogaana u ahaa ka hortega duulaanki looga ee hortagayay Talyaniga iyo xulafadiisa ee Hobyo wakhtigii gumaysiga. Dhinaca DIINTA waxay Beeshu hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka, ayna ka aflexeen kumanaan Culimo iyo Aqoonyahano ahí, maanta ay ku faanaan Beesha Reer Xaaji SALEEBAAN. Culima hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka waxaan tusaale uso qaadan karna, sida Macalin Nuur Cilmi Cawaale, Macalin Daauud sheikh Cumar Rooble iyo Sheeikh Ahmed Cali Qayre. Xaga Ciidamada waxay Beeshu ka midahayd Beelaha SALEEBAANKA ugu Saraakiisha badan beri samaadkii, waxaana Saraakiisha ka mid ahaa Gashaanle Sare Axmadey Khasaaro oo wax ka hogaaminayay dagaalkii 1977 ee lugula dagaalamay Etoobiya. Beesha Reer Warfaa waxay ixtiraamaysaa in wax lawada leeyahay, intaana tanaasulaysay, Maantana waxay diyaar u tahay in ay xisaabtanto oo qaadato saamigeeda siyaasadeed, taas oo aysan cidna u daba joogsanayn, maadama ay soo samirtay wakhti dheer si loo helo Qaran Soomaaliyeed.
-
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, deegaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada. Ugu dambeytii Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo dowladda Soomaaliya ay ka sameysay Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan aan hottest loo shaacin ayaa wuxuu iminka ka socdaa Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, kulankaasoo u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal , Kuxigeenkiisa Muudeey, Madaxweynayaashii hore [...] The post Xarunta Madasha Xisbiyada oo kulan uga socdo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynayaashii hore appeared first on . Source
-
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka hadlay dagaal beel dhowaan ka dhacay deegaanno dhacoa goobolka Hiiraan, goddoomiye Jeyte ayaa sheegay in wax lagu xumaad ay tahay in ay dhacaan dagaalo u dhaxeeyo Beelo walaalo ah oo isku deegaan ah xili uu lahadlaayey warbaahinta qaranka. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa diray baaq nabadeed oo ku aadan colaad ka tagaan degaano hoos tago Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo weliba in la gubo qaar ka mid ah Guryihii ay daganaayeen dadkii colaadaha ka barakacay. Xaaladda deegaanada ay dagaalada ka dhaceen oo haatan ah mid dagan ayaa waxaa ku baxay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya oo kaashanayo Maamulka Degmada Maxaas iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee uu dagaalku dhaxmaray. Gudoomiyaha Gobolka Hiraan ayaa u mahadceliyey dhinacyadda ku baxay hakinta colaada kusoo laalaabtay degaanada hoos tago Degmada Maxaas, isagoo ugu baaqay dhincyadda dirirta dhaxmartay oo uu sheegay in ay yihiin dad ehel ah in ay waxwalbo ku dhameeyaan wada hadal , isla markaan muhiimada kowaad siiyaan sidii loo baajin lahaa in uu halkaasi dhiig danbe ku daato. Mudane Cali Jayte ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ay ceeb ku tahay in halkaas dhiig danbe ku daato asaga oo ugu baaqay in dhaqaalahii ku bixi lahaa dagaalka loo weeciyo in laga shaqeeyo nabad kuwada noolashaha beelaha walaalaha ah ee wada daga. Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in labada Maamul ee Gobolka Hiiraan iyo Galgaduud si dhab ah uga wada shaqeeyaan sidii loo damin lahaa Colaadaha kusoo laablaabtay deeganada Hoostago Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku-xigeenka koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ay ku sugan yihiin xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee Muqdisho. Mursal iyo Muudey ayaa kulamo la leh madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo hoggaamiya Madasha, waxaana la sheegay in kulamadan ay la xiriiraan arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya. Sida aan xogta ku helnay, kulankan ayaa daba socda kii uu Mursal Axaddii la yeeshay labada madaxweyne, waxaana wararka ay sheegayaan in Mursal iyo Muudey ay farriin ka wadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo la wadaagaya madaxweynayaashi hore. Illaa iyo hadda ma cadda waxa ay tahay farriintaas, hase yeeshee waxa la rumeysan yahay inay xiriirto doorashada dalka, loona badaniyo inay sidaan damaanad qaad ku saabsan in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto. Intii uu socday kulankii Axadda, ayaa Farmaajo iyo Kheyre waxay si kala gooni ah usoo waceen Mursal, isaga kadibna teleefonka ugu dhiibay Shariif iyo Xasan, halkaasi oo sheeko kooban iyo kaftan ay ku dhex-mareen. Madaxweynayaashii hore ayaa kulankii hore waxay ku dalbadeen in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo, islamarkaana ka tashigeeda laga qeyb-geliyo mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. Kulanka kaddib ayaa la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan Madaxweynayaashi hore, islamarkaana ay ku faah-faahiyaan waxa ay kala hadleen Mursal iyo Muudey.
-
Boqortooyada Sacuudiga oo war cusub ka soo saartay Qoondada Xajka sanadkan 2020 Sacuudi Carabiya ayaa laga yaabaa inay si weyn u xadiddo tirada dadka sanadkan imanaya Xajka, si looga hortago in cudurka Coronavirus uu sii faafo, kadib markii kiisaska safmareenkan ee dalkaas ay dhaafeen 100,000, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo xog ogaal ah. Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa sanad kasta taga magaalooyinka Makka iyo Medina, si ay usoo gutaan Xajka, waxaana Sacuudiga sanadkiiba kasoo gala dakhli dhan 12 bilyan oo dollar. Sacuudi Carabiya ayaa bishii March weydiisatay Muslimiinta inay hakiyaan qorshyaashooda Xajka, waxaana illaa amar dambe ay hakisay Cumradii. Lab ail-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka fakarayaan in sanadkan la ogolaado “kaliya tiri matalaad ah”, ayada oo lasoo rogi doono tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin inaan la ogolaan dadka da’da ah, iyo tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah. Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in ayada oo la raacayo hanaan aad u adag, la ogolaan karo kaliay 20% qoondada tirada dadka uu dal walba helo sanadkii, sida uu il-wareed kale u sheegay Reuters. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa soo jeedinaya in gebi ahaan la baajiyo Xajka sanadkan, oo la filayo inuu billowdo daba-yaaqada bisha July, sida ay sheegeen saddex il-wareed oo kale. Xafiiska warbaahinta dowladda iyo afhayeenka Xajka ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalo arrintan laga weydiiyey. Xajkii 2019 ayaa waxaa ka qeyb galay 2.6 milyan oo qof, halka 19 milyan oo kale ay sanadkaas u tageen Sacuudiga Cumrada. Qaran News
-
African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Development Bank announces 100 finalists for IDEATHON #Africavs Virus challenge The #AfricaVsVirus challenge is part of the Bank’s continent-wide response to the COVID-19 pandemic ABIDJAN, Ivory Coast, June 9, 2020/ — The African Development Bank (www.AfDB.org) has announced the 100 finalists from the #AfricaVsVirus Challenge ideathon to find solutions to challenges raised by the COVID-19 pandemic in Africa. Some 25,000 participants from across Africa and beyond, joined the online platform to pitch their ideas for innovative solutions to the health and economic challenges caused by the virus. Participants in the 72-hour ideathon curated 750 solutions, from which an expert panel selected the Top 100 Solutions. “The quality of ideas and the level of engagement from participants during the online challenge showcases that innovation and a passion to find solutions are among Africa’s greatest resources,” said Dr. Jennifer Blanke, the Bank’s Vice President for Agriculture, Human and Social Development. “We’re looking forward to the next phase of the #AfricaVsVirus competition that will aim to boost the viability of the top solutions.” The solutions were focused on specific thematic areas relevant to the African context, such as public health and epidemiology, vulnerable populations, businesses & economy, community, education, entertainment, government support, environment and energy and food security. More than 4,000 moderators and mentors facilitated and supported the teams during the ideathon, making it one of the largest online brainstorming events ever conducted on the continent to seek out African solutions to African challenges. Judges evaluated submissions based on several criteria, including the relevance of solutions, the implementation plan, and the impact and quality of the team. The experts included: Yana Watson, Global Managing Partner Emeritus at Dalberg Global Development Advisors; Ada Osakwe, Creative Food Entrepreneur and Investor at Agrolay Ventures; and Vanessa M. Moungar, Director for Gender, Women and Civil Society at the African Development Bank Group. Through the African Development Bank’s Innovation and Entrepreneurship Lab Platform, the Bank will now act as an enabler to match the most relevant solutions to the initiative’s 140+ partners. The Bank will award the 20 best solutions out of the Top 100 Solutions finalists, further technical assistance. In addition, the 20 winners will be eligible to receive, from a pool of in-kind prizes, worth more than $1 million in awards, to be announced in September. The #AfricaVsVirus challenge is part of the Bank’s continent-wide response to the COVID-19 pandemic. The Bank has launched a $10 billion Covid Response Facility to help countries strengthen their health and social protection systems as well as build economic resilience to sustain jobs and livelihoods. The primary objective of the Bank’s Jobs for Youth in Africa Strategy is to harness the innovation, creativity and energy of Africa’s youth to solve Africa’s challenges. The AfricaVsVirus Challenge is implemented by the Bank strategy Innovation and Entrepreneurship Lab (https://bit.ly/2wtWect) as well as the Youth Entrepreneurship & Innovation Multi-Donor Trust Fund (https://bit.ly/30q7Mu4) working together with implementing partners Seedstars (www.Seedstars.com) digital agency WAAT (https://WAAT.eu) and development consultants Luvent Consulting (www.Luvent-Consulting.com). The full list of the Top 100 Solutions finalists will be posted to the #AfricaVsVirus website, www.AfricaVsVirus.com. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Media Contacts: African Development Bank Gershwin Wanneburg Communication and External Relations Department Email: g.wanneburg@afdb.org Seedstars Adaeze Zita Regional Events Manager at Seedstars Africa Email: adaeze@seedstars.com SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur waxaa ku weheliyay Wasiirrada Caafimaadka, Maaliyadda, Amniga, Degaanka, Xildhibaanno iyo Taliyaal Ciidan. Madaxweyne Lafta Gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, uu wax ka qaban doono baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha Maamulka iyo Ciidamada. Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Mashaariic horumarineed oo laga hir geliyay gudaha magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen iyo wefdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Xudur appeared first on Puntland Post.
-
Duqa Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa amar ku bixiyay in aan la dhisan Karin dhammaan Guryihii iyo Meheradihii kale ee ku dumay Daadadkii ka dhacay magaalada Qardho. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Duqa Degmada Qardho ayaa Dadkii Guryaha iyo Meheradaha Daadadku ka burburiyeen lagu amray in aysan dib u dhisan Karin ilaa iyo amar dambe. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dib u dhisidda Guryaha iyo Meheradaha dumay loo joojiyay maadaama uu socdo Sahan lagu xaqiijinayo sidii Xal waara loogu heli lahaa Daadadka ku soo fataha magaalada Qardho. Amarka joojinta ayaa la sheegay in uu ku egyahay mudada la xaqiijinayo Sahanka ku aaddan sida Xal waara loogu heli karo Daadadka ku soo rogmada gudaha Degmada Qardho. PUNTLAND POST The post Duqa Qardho oo amray in aan dib loo dhisan karin Guryihii iyo Meheradihii ku dumay Fatahaaddii Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa iska diiday damaca ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee uu ku doonayo in markii 2aad dib ugu dhigo doorashada iyaga oo sheegay in deegaankooda ay doorasho ka dhici-doonto. Isniintii, waxaa is casishay, Keria Ibrahim oo aheyd guddoomiyaha aqalka sare iyo xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd Tigray People’s Liberation Front (TPLF), tillaabadaas oo lagu sheegay mid lagu cadaadinayo maamulka Abiy Axmed, loogana soo horjeedo dib u dhigista doorashada. Itoobiya oo ah dalka 2aad ee ugu tiro badan dad ahaan qaaradda Afrika ayaa la filayaa in doorasho madaxweyne ka dhacdo September kolkaas oo ay ku egtahay muddo xilkeedka Abiy Axmed, laakin xukuumaddiisa waxaay marmarsiyo ka dhiganeysaa Covid 19 si doorashada dib loogu dhigo. Doorashada Baarlamaanka oo la filayey March ayaa dib loo dhigay, waxaana laga dhigay August, laakin waxaa hadda muuqato in xukuumadda Abiy Axmed ay dooneyso in mar kale dib loo dhigo taasi oo Tigray diidan yihiin. EPRDF ayaa xukunka Itoobiya qabsatay 1991-dii, waxaana iska heystay Tigray ilaa uu yimid Abiy Axmed oo Oroma ah, hadda Tigray waxaa ay doonayaan in awoodda dib u helaan, mana ogola in fursad waqti kororsi ah ay siiyaan maamulka Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com