-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afhayeenka golaha Federeeshiinka ee dalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay si ka baxsan dastuurka dowlad kelitalis ah oo dhismeyso maadamaa ay dooneyn iney garab u noqoto, iney rabitaankeeda xilki afhayennimo ee ay haysay ay uga tagtay. Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyenimo iney ka tagto waxa ku kallifay: “Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi”, ayey tiri. “Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.” “Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.” “Arrimahaasi oo dhan oo ay dowladda waddo oo khalad ah, haddana mas’uuliyiinta rabitaanka dowladda ka horyimaadda waxay maalin walba la kulmaan hanjabaado joogta ah” ayey tiri. Lahaanshaha sawirkaHOUSE OF FEDERETION “Markaan noqonayey afhayeenka golaha Federeeshiinka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaan ballan qaaday inaan dastuurka ixtiraamo isla-markaana aan ka shaqeeyo sidiI loo ixtiraami lahaa, marka dastuurka in lagu xadgudbo oo aan dowlad kelitalis ah oo dhismeyso aan garab u noqdo ma doonayo, sidaana ay xilka uga tagtay” ayey tiri. Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah soo ahayd guddoomiyaha aqlka sare ee dalka Itoobiya oo ka hadashay sababha ku kalliftay iney xilka ay haysay iska casisho, ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya. BBC oo iskudayday iney aqalka sare ka xaqiijiso xil katagista guddoomiyaha aqalka sare wuxuu goluhu sheegay inuu arrintaasi waxba kala socon. Ku xigeenka xiriirka dadweynaha ee aqalka sare Gabruu G/sillaase wuxuu BBC u sheegay inuu ka warhaynin xil katagista guddoomiyaha. Mr Gabruu wuxuu sheegay inuu warbaahinta kala duwan uu ka maqlay xil katagista guddoomiyaha golaha, balse weli xafiiska golaha wax codsi ama xog ah iney soo gaarin. Khayriya Ibrahim oo gudoomiye ka ahayd aqalka sare ee dalka Itoobiya ee loo yaqaanno golaha Federeeshiinka ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga talada deegaanka Tigreega haya ee TPLF iyada oo ka mid xubnaha guddiga fuulinta xisbigaasi. Iscasilaadda Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itobiya Khayriya Ibrahim ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Tigreega ee ka tirsan aqalka hoose ee dalka Itoobiya ay shaly su’aalo kulul weydiiyeen ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayna ku eedeeyeen iney dowladdiisa ay shacabka Tigreega gacan bidixeyso. Muxuu salka ku hayaa khilaafka u dhaxeeya Tigreega iyo Xukumadda Abiy Axmed? Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagneyd khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF. TPLF waa xisbi ay leeyihiin qowmiyadda Tigreeda oo ka mid afarta xisbi ee ku bahoobay xisbiga PP oo horay loo odhan jiray EPRDF, waxaana TPLF lagu xusuustaa iney talada dalka Itoobiya ay soo hayeen ku dhawaad 26 sano, hogaamiyaha xisbiga TPLF wuxuu ahaa Ra’isal wasaarihi hore ee dalka Itoobiya ee geeriyooday Meles Zeenaawii. Khilaafka isbeddelka ka dhashay Xisbiga Tigreega iyo TPLF wuxuu soo billaabay marki Ra’isal wasaaraha ka soo jeeda ee qowmiyadda Tigreega loo doortay guddoomiyenimada xisbiga EPRDF uuna noqday Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Abiy Axmed marki xilka loo dhaariyey tallaabbooyinka ugu horreeyey ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu macabiista siyaasadeed uu sii daayo, cadaadiska shacabka lagu hayey la joojiyo, mucaaradka gudaha iyo dibadda ka dhaqdhaqaaqayey oo uu cafis u fidiyey kaddibna uu heshiis la galay iyo siyaasadda dalka inuu furfuro. Tallaabbooyinkaasi oo dhan ayey ka biya diideen xisbiga iyo deegaanka tigreega intaba sababahan soo socdo awgood: – Heshiiska Eritrea uu la galay oo lagu soo afjaray colaaddii mudddada dheer u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea ay u arkaan iney qowmiyadda Tigreega ku tahay halis siyaasadeed maadaamaa ay colaadda Addis Ababa iyo Asmara ay iyagu abuureen. – Xisbiyada siyaasadeed qaar oo ay u arkaan iney yihiin argagaxiso oo ay mudneen in heshiis lala galo. – Sii deynta macabiista siyaasadeed oo ay u arkeen iney madaxdi Tigreega ee siyaasiyiintaasi badankood gacantooda ku xiray iney colaad u abuureyso iwm. Mideynta Xisbiyada dalka Abiy Axmed tallaabbooyinka siyaasadeed oo uu ku dhaqaaqay waxaa ka mid ahaa xisbiga talada dalka Itoobiya hayey ee EPRDF oo ku koobnaa qowmiyadaha afarta qowmiyadeed ee Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed inuu ballaadhiyo oo uu ka dhigo xisbi qaran oo ay qowmiyadaha dalka oo dhan ay iskadhex arkaan. Wuxuuna diyaariyey nidaam siyaasadeed oo suuragelin kara qowmiyadaha Soomaalida, Cafarta, Gaambbeella, Beni-shaangul iyo Harari ay ku biiraan xisbiga cusub ee heer qaran ee PP. Xisbiga Tigreegana wuxuu tallaabbadaasi uu ku tilmaamay mid ka hor imaneyso mabaadiidi aasaasiga ee u yiillay xisbiga hoggaamiya dalka Itoobiya mideynta xisbiyadana ay ka horimaneyso nidaamka Federaaliga. Abiy Axmed oo aan u joojinin diidmada ka yimid xisbiga TPLF wuxuu meel mariyey mideynta 9 xisbi ee ka arrimineysay 9-ka deegaan ee dalka Itoobiya oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Doorashada xilliga ay qabsoomeyso Xisbiga TPLF ee Tigreega waxay diideen dib u dhigista doorashada guud ee ka dhici lahayd dalka Itoobiya. Wuxuuna xisbigu uu maamulka deegaanka Tigreega ay iisu diyaariyaan iney qabsadaan doorasha u gaar ah oo ay sugin xilliga ay qabsoomeyso doorashada dalka intiisa kale ka dhaceyso. Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo ka jawaabay hadalka ka soo yeeray TPLF waxay sheegeen sida uu dhigayo dastuurka dalka iyo sharciga guddiga doorashada lagu aasaasaya inuu deegaan uu iskii doorasho u qabsan karin. Abiy Axmed oo ka jawaabay mowqifka xisbiga TPLF uu iska taagay doorashada wuxuu sheegay “deegaan inuu doorasha gaar ah uu qabsan karin, ciddi sidaa sameysana ay dowladdu ka qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya.” “Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kan caalamka intaba.” Qaran News
-
Goobjoog ayaa booqtay garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaajin ,tan iyo kolkii ay iskaga goorayn ciidamada nabad ilaalinta Amisom 27 August 2018 waxaana mahsruucan dib u dayctirka garoonka Dowladda ka taageeray midowga yurub. Qaar ka mid ah shacabka Muqdishu oo aan la kulanay ayaa ku aragti ku duwan howlaha dib u quruxinta ee lagu sameeyay Stadium Muqdishu,iyagoo Goobjoog u sheegay in xooga la saaro ku qabshada tartamada gudaha iyo dibadda,si looga baxo guul darooyinka Xulalka kala duwan ee Soomaaliya. Wasaarada ciyaaraha Dowladda iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kaliya xoog saaraysa dhismaha qeybta kubbadda cagta,iyadoo bahda isboortiga ay wasiirka ciyaaraha ku dhaliilayn in uu ka gaabiyay dib u qurxinta qeybaha kolayga,oradka,bootinta & dabaasha. Xuseen otte dheer oo ka mid laacibiintii horay kubadda kolayga Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay in Stadium Muqdishu uusan aheyn qeybta kubbadda cagta oo kaliya,balse ay Wasaarada ciyaaraha Dowladda ka gaabisay qeybaha kale oo ka koobanyahay garoonka. Sida la qorshaynayo bilaha soo socda ayaa lagu wadaa in xariga laga jaro qeybta kubadda cagta ee Stadium Muqdisho waxaana dad badan ay u arkaan in uu ku soo aaday xili muhiim ah ,maadama Xulka kubada cagta uu guri ahaan ugu dheelo Wadanka Jabuuti. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Aragtida Shacabka Muqdisho Ee Dhismaha Garoonka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Talafashinka Al-Araby ee xaruntiisu tahay UK, wuxuuna ka hadlay arrimo dhawr ah oo khuseeya siyaasadda dibadda ee wadanka. Wasiiirka wuxuu ka hadlay mowduucyo badan oo ay ka mid yahiin sida uu yahay xiriirka kala dhaxeeya wadanka Qatar, kan Imaaraadka, mowqifkii ay ka istaageen khilaafkii dowladaha Khaliijka iyo sidoo kale arinta Shirkadda Imaaraadka ee DP World. Danjire Axmed Ciise wuxuu si adag ugu amaanay dowladda Qatar sida ay Soomaaliya u garab istaagtay isla markaana ay la leeyahiin xiriir wanaagsan. “Sida la ogyahay Soomaaliya dhibaato muddo dheer ah ayey kasoo kabaneysaa, waxaan shacabka iyo dowladda Qatar uga mahad celineynaa kaalinta quruxda badan oo ay ka qaateen xalka Soomaaliya iyo sida ay noogu muujiyeen garab istaag,” ayuu wasiirka u sheegay Telefashinka Al-Araby. Sidoo kale Wasiirka wuxuu carabka ku dhuftay in xiriirka kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka uu yahay mid aad u hooseeya wakhtigaan, balse gadaal laga hagaajin karo. Cawad wuxuu si adag uga hadlay arinta shirkadda DP World wuxuuna Imaaraadka ka codsaday iney soo faragaliyaan maadaama ay tahay shirkad gaar loo leeyahay. Sidoo kale wuxuu wareysiga ku sheegay iney si cad ugu soo xad gudbeen midnimada Soomaaliya, walina aysan ka waantoobin faragalinta ay waddo. “Ka wadan ahaan waan sabarnay, dulqaadka xad ayuu leeyahay, waxaanna diyaar u nahay sida dowladaha kale inaan difaacno dhulkeen” ayuu yiri wasiir Cawad.
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa sheegtay in hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya ee uu kaga hadlay arrinta shirkadda DP World ee Dekedda Berbera ay tahay khalkhal gelin lagu samaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Imaraadka Carabta. qoraalka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan. ” Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta. Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin. Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan. Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso. Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa laga yaabaa inay si weyn u xadiddo tirada dadka sanadkan imanaya Xajka, si looga hortago in cudurka Coronavirus uu sii faafo, kadib markii kiisaska safmareenkan ee dalkaas ay dhaafeen 100,000, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo xog ogaal ah. Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa sanad kasta taga magaalooyinka Makka iyo Medina, si ay usoo gutaan Xajka, waxaana Sacuudiga sanadkiiba kasoo gala dakhli dhan 12 bilyan oo dollar. Sacuudi Carabiya ayaa bishii March weydiisatay Muslimiinta inay hakiyaan qorshyaashooda Xajka, waxaana illaa amar dambe ay hakisay Cumradii. Lab ail-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka fakarayaan in sanadkan la ogolaado “kaliya tiri matalaad ah”, ayada oo lasoo rogi doono tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin inaan la ogolaan dadka da’da ah, iyo tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah. Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in ayada oo la raacayo hanaan aad u adag, la ogolaan karo kaliay 20% qoondada tirada dadka uu dal walba helo sanadkii, sida uu il-wareed kale u sheegay Reuters. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa soo jeedinaya in gebi ahaan la baajiyo Xajka sanadkan, oo la filayo inuu billowdo daba-yaaqada bisha July, sida ay sheegeen saddex il-wareed oo kale. Xafiiska warbaahinta dowladda iyo afhayeenka Xajka ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa diiday inay ka jawaabaan su’aalo arrintan laga weydiiyey. Xajkii 2019 ayaa waxaa ka qeyb galay 2.6 milyan oo qof, halka 19 milyan oo kale ay sanadkaas u tageen Sacuudiga Cumrada. REUTERS + VOA
-
(SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, ayaa sheegay in uu maray baadhis shaqsiyana oo la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 kadib markii uu kulan la qaatay mid ka mida wasiiradii hore looga helay xannuunkani. Waxa uu caddeeyay In ay jawaabta u soo baxday ay noqotay “Negative”, bulshadana waxa uu ugu baaqay in ay is baadhaan si loo yareeeyo fiditaanka xannuunkani. Source
-
Hay’adda Dalka Sweden u qaabilsan Mucaawimooyinka dibedda ayaa joojisay laba Mashruuc oo ay ka wadday dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Mashaariicdan oo ahaa kuwa waaweyn ayaa waxa fulin jiray Qurbe-joogta iyo Hay’adahooda iyagoo ka qayb-qaadanaya dib u dhiska dalalkooda. Mashaariic oo wax badan ka tarayey horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa waxa maalgelinaysay Dawladda Sweden illaa sannadkii 2015-kii. Labadan Mashruuc ee istaagay oo ahaa kuwo si gaar ah loogu maalgelinayey Soomaalida ayaa lagu kala Magacaabi jiray ‘Somali Diaspora Programme iyo Somali Business Programme’. Hay’adda Forum Syd oo Sweden u qaabilsan Mucaawimooyinka Dibedda isla-markaana Maamulaysay Mashaariicda la joojiyey ayaa waxay Xafiiska ugu weyn ku lahayd Magaalada Hargeysa, waxaana jiray Xafiisyo hoos yimaadda ka Hargeysa oo ka furnaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe. “Labada Mashruuc ee istaagay waxay kala yihiin ‘Somali Diaspora Programme iyo Somali Business Programme’. Somali Business Programme wuxuu ahaa Mashruuc loogu talo-galay ama ujeeddadiisu ahayd sidii Qurbe-joogta joogta Sweden ay uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarinta dalka, Mashruucaasi wuxuu ahaa mid loogu talo-galay in Qurbe-joogto ay Ganacsiyo yaryar (Sameeyaan) si ay Shaqo-abuur ugu sameeyaan Dhallinyarada iyo haweenka, qaybaha lagu Maalgelinayey waxa ka mid ahaa Kalluumaysiga, Beeraha, Xoolaha, Isgaadhsiinta iyo Laydhka, markaa markii la joojiyey waxay noqonaysaa inay istaagaan waxaas oo dhami.” Ayuu yidhi, Cali Xasan oo ka mid ah Aqoonyahanka la shaqeeya Hay’adaha, wax badana kala socday Mashaariicda la joojiyey. Cali waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Mashruuca Somali Diaspora Programme oo ah ka labaad ee la joojiyey, waxaanu yidhi “Mashruuca kale ee isaguna istaagay ayaa wuxuu ahaa mid ay ka wada shaqaynayeen Hay’adaha Sweden jooga iyo Hay’adaha Waddanka gudihiisii jooga, waxaanu ku saabsanaa Xuquuqda aadamaha, ilaalinta deegaanka, Dimuqraadiyadda, Dawlad-wanaagga, Barnaamijkaasina wuu istaagay, inkasta oo qayb ka mid ah Mashruucu uu sii socon doono, haddana waalla yareeyay, maaddaama oo Kharashkii uu yaraaday waxay noqonaysaa inay yaraadaan Hay’adihii ka shaqaynayey laftoodu.” Cali Xasan oo Dalka Sweden ugu warramay ‘Somali Tv Sweden’ ayaa sharraxay sababta loo joojiyey Mashaariicdan “Sababta Mashruucan loo joojiyey ayaa waxay Hay’aduhu sheegeen inaan la gaadhin Natiijadii laga doonayey ama heerkii laga doonayey Mashaariicda, waxa kale oo ay Dawladda Sweden sheegtay in Maamulka iyo socdaalka ay ku baxday Lacag badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay kulamo la yeelanayaan Dawladda Sweden iyo Hay’adda u qaabilsan Mucaawimooyinka Dibedda, si ay ugu sheegaan in weli loo baahan yahay Mashaariicdaasi oo baahidoodii taagan tahay. Source
-
The majority of Jubilee MPs are on the horns of a dilemma over a fresh push to kick out National Assembly Majority leader Aden Duale. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa digniin culus u jeediyay odayaal dhaqameedyo ku dhaqan Gobolka Mudug oo ay dhawaan Al-Shabaab u yeereen, wuxuuna fahamsan yahay in lagu amray ineysan hubka dhigin. Wasiir Fiqi wuxuu kaloo ogyahay in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayba yahiin kuwa ka dambeeya dagaal beeleedyada ka dhaca gobollada dalka gaar ahaan kuwa ka dhaca Mudug. “Waxaa nagu maqaalo ah in deegaanada Al-Shabaab laga wacay odayaasha qabaa’ilka, hadii ay tagaan yeysan noo soo noqon, kama duwana argagixisada,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Wasiirka wuxuu sidoo kale aad uga soo horjeestay in odayaasha dhaqanka ee aada deeganada ay ka taliyaan Al-Shabaab inaysan dhex joogi karin deegaanada Galmudug, maadaama ay xambaarsan yahiin tilmaamahii kooxda Al-Shabaab. “Haku biiraan Al-Shabaab, waxba yeysan noo soo noqon, dagaalka dhinac haka soo galaan, suuragal maahan inuu na dhex joogo oday dhaqameed ku shaqeynaya awaamiirta Al-Shabaab isagoo xoriyad heysta”
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Djibouti ayaa xabsiyada kala duwan ee dalkaas ku gurtay dadkii sameeyay dibad baxyada ay ku dalbanayeen in la sii daayoe duuliye Fuaad oo filim uu iska soo duubay ku soo bandhigay xaaladda nololeed ee adag ee ku haysata xabsiga uu ku xidhanyahay. Wasiirka arrimaha gudaha Djibouti ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen ilaa lixdan ruux oo lagu xidhiidhinayo kacdoonkaas oo gigilay dawladda Djibouti, waxaanu sheegay in lagu samayn doono baadhis lagu kala saarayo kuwa uu sheegay inay dambiga leeyihiin iyo kuwa da’da yar. Waxa kale oo ay dawladdu u hanjabtay qaar ka mid ah culimada Djibouti ee ka soo horjeeda hoggaanka Madaxweyne Geele, kuwaas oo looga yeedhay taliska Booliska Djibouti. Geesta kale ciidamada ammaanka Djibouti ayaa habeen hore baadhis ku sameeyay guriga ay degenyihiin xaaska duuliye Fu’aad, waxaana ay xaaskiisu sheegtay inay ciidamadu garaacis u gaysteen qaar ka mid ah carruurta uu Fu’aad dhalay. Source
-
Guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Diini Maxamed Diini ayaa waxa uu dowladda federaalka ah gaar ahaan wasaaradeeda maaliyadda ku eedeeyay inay ku fashilantay inay dalka oo dhan si siman canshuurta uga qaado xilli wasaaraddu ay kaliya dalka ka canshuurto Muqdisho. Diini Maxamed Diini oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inay nasiib darro weyn ku tahay wasaaradda maaliyadda dalka inay wali canshuurto Muqdisho isaga oo carabka ku adkeeyay inay ahayd in dowladdu ay dekadaha Boosaaso iyo Kismaayo Canshuurto xilli xiriirka ka dhaxeeya maamul goboleedyada qaar iyo dowladda federaalka ah uu yahay mid aan wanaagsanayn. “Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku fashilantay iney si siman cashuur uga qaaddo dalka oo dhan, weli waxaa la joogaa in Muqdisho la canshuuro. Maamul goboleedka haddii siyaasiyan oo qancin lahaa waxaa suurtaggal noqon lahayn in dakhliga kasoo xarooda dakadda boosaaso iyo Kismaayo iney dowladdu hesho ama dowladdu ama iyadu xisaab ha celiso ama iyada haloo soo celiyo. Laakiin nidaamkii (fiscal federalism) in la dhammeystiro” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka. Dhanka kale guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu faham qaldan ka haysto waxa loogu yeero xasilooni siyaasadeed isaga oo xusay in laga yaabo in madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha ay kun jeer is khilaafeen balse aan wax wara ah laga heyn waxa uuna xasiloonida uu sheego Farmaajo uu ku tilmaamay guddoomiye Diini inay tahay xasilooni darro siyaasadeed. “Nasiib darrada jirta ayey ka mid tahay waxaa laga yabaa madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha inay kun jeer iskhilaafeen laakiin aan hadda cidna ogeyn oo aysan bannaanka u soo bixin marka aniga sidan uma arko xasilooni ee waxaan u arkaa inay tahay xasilooni darro siyaasadeed” ayuu sii raaciyay hadlkiisa gudoomiye Diini. Xiriirka aan wanaagsanayn ee ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ah culeyska ugu weyn ee ay wajahayaan madaxda ugu sareysa dalka oo xitaa keentay in shaki la geliyo sid ay dalka uga dhici karto doorasho lagu wada qanacsanyahay oo ay raali kawada yihiin maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Halkan ka daawo wareysiga Diini Maxamed Diini Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ee baarlamaannka Soomaaliya ayaa haatan wuxuu shir uga socdaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa ajandayaasha muhiimka ah ee looga doodayo kulamada soo socda ee kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo uu Sabtidii furay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed CabduLlaahi Farmaajo. Xubnaha guddiga joogtada ayaa si aayar ah uga baaran dagaya ajandayaashaasi, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu dambeeyey ee baarlamaanka 10-aad ee dalka. Sidoo kale waxaa la filayaa in 27-da –bishan June xildhibaanada labada gole uu hortago guddiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka, si looga dhageysto warbixintooda ku aadan doorashada 2020-2021 iyo nooca ay tahay in la qabto, si markale looga doodo. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Xisbiyada mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa dhankooda ka digaya muddo kororsi, waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay doorashooyinka.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii golaha aqalka sare ee dalka Itoobiya, Khayriya Ibrahim ayaa maanta ku dhawaaqday inay iska casishay xilkaasi, kadib wareysi kooban oo ay siisay Telefishinka Tigrayga ee ku yaalla magaalada Mekelle. Khayriya ayaa wareysiga ay bixisay ku shaacisay inay ay rabitaan-keeda xilka uga tegtay, islamarkaana aysan dooneyn inay garab u noqoto dowlad keli-talis ah. Sidoo kale waxay xildhibaanada baarlamaanka ku eedeysay inay ku xad-gudbiyeen Dastuurka, una dhaqmeyn si aan wanaagsaneyn. “Koox kelitalis ah oo malin-walba dastuurka dalka ku xad-gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.” ayey tiri. Sidoo kale Khayriya ayaa intaasi ku dartay “Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.” Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiday in dowladda hadda talada heysa ee Itoobiya ay dooneyso inay wax ka bedasho Dastuurka, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh. “Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.” ayey markale wareysiga ku tiri guddoomiyihii golaha aqalka sare ee dalka Itoobiya, Khayriya Ibrahim ayaa xilkan heysay muddo laba sano ah, iyadoona xubin ka ah xisbiga Tigrayga ee loo yaqaano TPLF.
-
Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah 09-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 7 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay shaqsi rag haa oo da’diisa lagu sheegay 104 jir uu xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 80 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 26 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 466 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ciidamo Boolis oo dheeraad ah dhigtay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaan xeebeedka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo cusub ka sameystaan wadadaasi oo muhiim ah dadka dalxiiska uu aada xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka ciidanka loo geeyey halkaasi ayaa ah sidii ay uga hortagi lahaayeen maleeshiyaad dhowaan ku dagaalamay halkaasi, kuwaas oo lacago baad ah ka qaadan jiray dad shacabka ah u damaashaad taga deegaankaasi. Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga wadadaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay cabasho ka muujinayeen dadka rayidka ah iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Jasiira. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan BF ay kormeer ku tageen wadadaasi iyo deegaanada ku xeeran. Tallabadaan ayaa soo afjareysa dhibaato amni oo in muddo ah ka taagneyd duleedka Muqdisho, gaar ahaan jidka aada deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose.
-
In comparison to its neighbors on the Horn of Africa -- Ethiopia, Eritrea, and Somalia -- or those on the nearby Arabian Peninsula, the Republic of Djibouti is small. With under a million people spread out over 9,000 square miles, it is perhaps best known by outsiders for the foreign military bases strategically located at its eponymous capital city, a port located just where the Gulf of Aden meets the Red Sea. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa lagu dilay dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Maxamed Xasan, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town. Wararka ayaa sheegaya kooxo burcad Koofur Afrikan ah ay ganacsadahan ku dileen Xaafad lagu magacaabo Samora ee ka tirsan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in raggii dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray mar dambe ciidamo ka tirsan Booliska wadankaasi. Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka waa-weyn ee dalkaasi.
-
Dr. Essa Mohamed is a Mayo Clinic researcher with an ambitious goal:. To create nothing less than a more equitable health care system for women and racial and ethnic minorities. Source: Hiiraan Online
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkooda ku eedeysay inay wadaan khalkhal gelin amni waxaana la sheegay in masuuliyiintaas ay kicin ciidan ka wadaan gobalka Gardafuu. Guddoomiyaha gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin hore uga tirsana Puntland ay gobalkiisa ka wadaan khalkhal gelin amni waxa uuna hoosta ka xariiqay in amniga gobalka Gardafuu uu yahay mid la isku halayn karo. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in guddoomiyihii hore ee gobalka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo Mahad Carar oo sida uu sheegay laga ceyriyay wasaaradda Kaluumeysiga ay soo abaabuleen ciidan islamarkaa waxa uu carabka ku dhuftay in raggaasi ay yihiin kuwo horey shaqadoodii ugu fashilmay. Dhanka kale guddoomiye Muuse ayaa sheegay in ciidankii dhowaan sheegay inay ka go’een Puntland aysan ahayn ciidan sax ah balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo abaabulay oo deegaanka u dhashay isaga oo intaas raaciyay in masuuliyiin ka careysan xilalka laga qaaday ay soo abaabuleen. Hadalka guddoomiyaha Gardafuu ayaa daba socda kagadaal markii askar ku sugan gobalkaasi ay iska soo duubeen muuqaal ay ku sheegayaan inay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageero ka rabaan dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Following the Memorial Day police murder of George Floyd, Minneapolis protesters reclaimed—and burned—the third police precinct, commandeered a hotel for the homeless, and pushed city council to consider disbanding the police department. The uprising inspired protests across the globe but many are still asking, “Why Minneapolis?” Source: Hiiraan Online
-
RICHMOND (AP) A federal appeals court has ordered a lower court to toss out legal challenges to President Donald Trump’s 3-year-old ban on travelers from predominantly Muslim countries, finding that a judge misinterpreted a Supreme Court ruling that found the ban has a “legitimate grounding in national security concerns.” Source: Hiiraan Online