-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa yeelatay shirkeedii todobaadlaha ahaa kaasoo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah, waxaana guddoomiyey Guddoomiyaha Madasha Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka oo ayaa looga hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan doorashooyinka Waxaa aad loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin, loona dhan yahay geeddi socodkeeda, ayna qayb ka yihiin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, waxaana Madashu muhiim u aragtaa in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda Dowladda Federaalku uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf, kala fogaansho siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaadda Dalka. Iyada oo laga duulayo geeddi socodka siyaasadeed iyo in si xasillooni ah looga gudbo xilligan kala guurka ah ayaa shirku bogaadiyay soona dhaweeyay dadaalka ay Madaxda Madashu isugu soo dhaweynayso Guddoonka labada aqal ee BFS. Ugu danbayntii, waxay Madashu sidoo kale horay usoo dhawaysay shirka uga furmay Dowlad Goboleedyada, Magaalada Dhuusomareeb, waxayna Madashu taageersan tahay wadahadal kasta oo keeni kara is-fahan, loogana baaqsan karo qalalaase siyaasadeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-100720.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharraxaad ka bixiyey macnaha dhabta ah ee qoraalkii madaxweyne Farmaajo uga jawaabay go’aankii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in doorashada ay waqtigeedu ku dhacdo. Kheyre ayaa yiri “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur. ”Qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo kaas jawaab u ahaa ayaa lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.” Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook oo uu ku sharxay qoraalka Villa Somalia waxa uu u dhignaa sida hoos ku qoran:- Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’? Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya. Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay. Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Komishanka Tamarta. Komishankan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Axmed Faarax Cadare. Xubnaha kale ayaa kala ah: Cabdirisaaq Maxamed Cumar – Guddoomiye kuxigeen Liibaan Maxamuud Axmed – Xubin Khadar Cabdi Khayre – Xubin Ubax Maxamed Maxamuud – Xubin Cabdirisaaq Maxamud Cali – Xubin Yuusuf Jaamac Cali – Xubin Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow), ayaa ah Agaasimaha Guud ee komishankan. Qaran News
-
A community in Bristol has raised money to help family and friends in the self-declared republic of Somaliland cope with the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in booqasho uu ku imaan doono halkaasi ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo. Todobaad kahor ayaa magaalada Hargeysa waxaa booqday xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Somaliland kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda. Siyaasigaan ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada gooni isu taaga Somaliland. Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banana maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor. Arrintaan ayaa qeyb ka ah carqaladeynta dadaalada socda ee la isugu soo dhoweynaayo Somalia iyo Somaliland, iyadoo Kenya ay faragelintaan ay wado xadgudub qaawan ku ah madaxbannaanida dalka Somalia.
-
Maayarka Magaalo caan ka ah Dunida oo muddo la la’aa oo maydkiisa la helay Park Won-soon oo ka hadlayay Arabacdii magaalada Seoul Booliska koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waysanaa tan iyo khamiistii aynu ka soo gudubnay . Guddoomiyaha maydkiisa la helay oo lagu magacaabi jiray Park Won-soon’ ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin taas oo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in muddo la waysanaa . Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameyay . Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa . Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay . Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha . Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul. Booliska Koonfurta kuuriya oo taagan bannaanka guriga gudoomiyihii maydkiisa la helay Qiyaastii 600 oo booliis iyo kooxaha dab-damiska ah oo adeegsanaya diyaaradaha drones-ka loo yaqaano iyo eeyo ayaa baarayay aaggaas muddo saacado ah Khamiistii. Mr Park waxaa loo doortay duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii iyadoo xilikaas loo doortay markiisii seddexaad . Waxaa la sheegay in ay isku dhaceen madaxda sare ee dalka iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu hanqal taagayay xukunka dalka doorashada madaxtinimada ee la filayo in ay dalkaas ka dhacdo sanadka 2022-ka. Qaran News
-
Garsoorka maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa xukumay in xogta maaliyadeed ee madaxweyne Donald Trump ay eegi karaan kooxda dacwad oogeyaasha ah ee baaritaanka ku haya nidaamka canshuur celinta. Sidaas awgeed, saraakiisha dacwad oogeyaasha ee ku sugan magaalada New York ayaa hadda awood u leh inay gacanta ku dhigaan macluumaad laga ilaalinayay. Hase yeeshee, kiis kale oo kaas la xiriirana, maxkamaddu waxay xukunkeeda ku qeexday in aysan khasab ahayn in xogtaas xasaasiga ah lala wadaago Aqalka Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ee kasoo horjeeda madaxweyne Trump. Mr Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah – tan iyo wixii ka dambeeyay madaxweyne Richard Nixon, oo xukunka soo qabtay 1970-meeyadii – oo qariyay macluumaadkiisa ku saabsan canshuur celinta. Qareennadiisa ayaa ku dooday in xasaanaddiisa ay u sahleyso inaan howlihiisa gaarka ah la faragalin karin inta uu xilka hayo. Waxay sidoo kale sheegeen in Congress-ka aysan heysanin marmarsiiyo ku filan inay helaan xogta dhaqaalaha madaxweynaha. Labo guddi oo ka socda Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan xisbiga Dimuqraaddiga iyo xeer ilaaliyaha degmada New York – oo sidoo kale ka tirsan dimuqraaddifa – ayaa dhowr dalbada xogta ku saabsan dhowr sano oo canshuur celinta madaxweynaha ah. Waxay sheegeen inay eegayaan sida ay isku waafaqayaan danaha Mr Trump u gaarka ah iyo kuwa qaranka. Mr Trump, oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay. Wuxuu baaritaanka lagu hayo ku tilmaamay “Ugaarsi gardarro ah”. Maxay ku saabsan yihiin kiisaska? Maxkamadaha hoose ee Washington iyo New York ayaa horay usoo saaray xukunno ka dhan ah madaxweynaha, kaddib markii ay dhageysteen dhammaan kiisaska. Laakiin go’aannadooda waxaa loo dhigay dib, maadaama kiiska uu usii gudbay maxkamadda ugu sarreysa waddanka. Labada guddi ee ka socda Golaha Wakiillada ayaa dalbaday xogta dhaqaale ee ku saabsan labo bangi oo uu la macaamilo Mr Trump – kuwaasoo kala ah Deutsche Bank iyo Capital One – iyo sidoo kale xogta la xiriirta koontooyinka madaxweynaha. Deutsche Bank waa mid ka mid ah bangiyada faro ku tiriska ah ee oggol inay lacag amaah ah siiyaan Mr Trump kaddib markii uu wadashaqeyn fiican la sameeyay sannadihii 1990-meeyadii. Xogta la raadinayo waxaa ku jira macluumaad ku saabsan isticmaalka dhaqaale ee madaxweynaha iyo shirkadda qoyskiisa. Qareennada Mr Trump ayaa ku doodaya in Congress-ka uusan awood u lahayn soo qufitaanka xogta u qarsoon madaxweynaha. Baaritaannada lagu howlan yahay waxay khuseeyaan eedeymo la xiriira inay jiraan lacago uu si khaldan u isticmaalay qareenkii hore ee Mr Trump, Michael Cohen, kuwaasoo la sheegay inuu siiyay haween – Stormy Daniels oo jisha filimada anshax xumada ah iyo Karen McDougal oo horay uga mid ahaan jirtay dumarka dharka xayeysiiya. Labadooduba waxay sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen Mr Trump. Laakiin madaxweynuhu wuxuu dafiray inuu wax xiriir ah lasoo yeeshay. Xaaladdaas awgeed, qareennada Mr Trump waxay sheegeen in xogta ku saabsan kharashka uu isticmaalay aan loo gacan galin karin baareyaasha, maadaama uu yahay madaxweyne wali xilka haya oo xasaanad leh, wax dambi ahna aan lagu qaadi karin ilaa inta uu waqtigiisa ka dhammeysanayo. Qaran News
-
In Somalia, located in the Horn of Africa, and one of the most conflict-affected parts of the world, battling the COVID-19 pandemic has been an ordeal. With 2,835 confirmed cases as of today (but many more unconfirmed), Somalia had to make the most out of its meager resources to tackle the pandemic while also fighting a locust invasion. Source: Hiiraan Online
-
Johwar (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Jowhar ee maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in xal kama dambeysa ah laga gaaray ciidamo dhowaan dagaal ku dhex-maray Aagga Madaxtooyada maamulkaasi ee Jowhar. Saraakiisha booliska Hir-shabeelle, maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro ciidamo kala taabacsanaa booliska Hir-shabeelle iyo kuwa Madaxtooyada maamulkaasi oo ku dagaalamay Aagaasi. Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xooga dalka oo arrinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gacan bir ah ku qabn doonaan Askarigii ka qeyb noqdo dagaalo uu ugu yeeray ‘kuwa qabiileysan’. Taliyaha ayaa ciidamada qeybta ah kuwa dowladda ugu hanjabay inay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay horgeyn doonan askari kasta oo qeyb ka noqda dagaal noocaas, xili xal laga gaaray midka aaga madaxtooyada Hir-shabeelle. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Maamulka gobolka Shabeellaha, Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow iyo Cismaan Maxamed Baareey, Guddoomiyaha maamulka magaalada Jowhar oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si nabdoon ay magaalada kuwada joogan labada ciidan. Baareeye iyo Xaandow ayaa dalbaday in go’aamo laga soo saaro cida sida rasmiga ah u leh ee gacanta ku haysaneysa dhulkaasi ay dhawaan ciidamadu ku dagaalameen.
-
Cadalle (Caasimada Online) – Degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu rasaaseeyay gaari siday dad rakaab ah oo kusii jeeday sida la sheegay Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed. Gaarigaan oo nuuciisa lagu sheegay baabuurka ay Soomaalida u taqaano Leyla Calaawi ayey kooxo hubeysan oo isbaaro u taallay ku rasaaseeyeen tuulada Bashaqle, waxeyna arintaan timid markii wadaha gaariga iyo kooxaha hubeysan ay murmeen. Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in wadahii gaariga oo lagu sheegay magaciisa Farxaan Xersi Baseey uu halkaas ku geeriyooday. Meydka qofka dhintay waxaa la geeyay deegaanka Godinlabe oo la sheegay inuu kasoo jeedo, halka kooxahii falka geystay ay isaga baxsadeen goobta. Maamulka dagmada Cadalle ayaan wali ka hadlin arintaan, waana mid ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka safarka ah dhibaatada loogu geysto kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
-
Madaxweyne Ilaaladiisa “Askartiisa” ka mamnuucay Cunista Jaadka Dhammaan kooxda ilaalada u ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa laga mamnuucay inay cunaan jaadka, sida ay shaaciyeen saddexda wargeys ee ugu waaweyn waddanka ee kala ah Daily Nation, The Star iyo Standard. Amarkan waxaa soo saaray taliyaha ciidanka ilaalada madaxweynaha, George Kirera, oo sheegay in cunista qaadka aysan askarta waardiyeysa madaxweynaha caafimaadkooda kaliya waxyeello ku ahayn balse ay dhibaateyneyso qoysaskooda. Mr Kirera ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Fadlan ogsoonaada in la fahmay halis caafimaad oo ay cunista jaadka u keeneyso astarta ilaalada u ah madaxtooyada iyo qoysaskoodaba.” “Amarkan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 6-da bishan July, 2020-ka, markaas wixii ka dambeeyana ma jiri doono askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo qof madaxtooyada ku sugan ama agagaarkeeda daggan oo loo oggolaan doono inuu jaad cuno,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Sida lagu muujiyay amarkaas, askari kasta oo u hoggaansami waaya mamnuucista ayaa wajihi doona ganaax adag oo ka imaanaya dhinaca maamulka. Waxaa aad looga dhur sugayaa sida ay ciidamada gaarka u ah madaxweyne Kenyatta u joojin doonaan jaadka ay cunistiisa la qabsadeen. Shan sano ka hor, seynisyahanno ayaa ogaaday in cunista qaadka ay sababto in ragga ay dareemaan daciifnimo dhinaca raganimada ah, sida uu qoray wargeyska The Star, oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya. Daraasaddaas oo ay sanadkii 2015-kii si wadajir ah u sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Moi ayaa lagu fuliyay maalgalin ay sameysay dowladda. Waxay seynisyahannada sheegeen in qaadka uu sabab u yahay hoos u dhac dhinaca dhalmada ah iyo tirada carruurta ee kusoo korodha shacabka waddanka. Ochiba Lukanda, oo hoggaaminayay seynisyahannada cilmibaaristaas sameeyay, ayaa sheegay in daraasad taas nooceeda ah oo laga fuliyay Bariga Dhexe ay caddeysay in ragga joojiyay cunista jaadka ay dib usoo wanaagsanaatay awooddooda raganimada. Ganacsiga jaadka ayaa dhaqaale badan usoo xareeya Kenya Hase yeeshee wuxuu meesha ka saaray shaki laga muujinayay in caleenta geedka jaadka laga qaado cudurro uu ka mid yahay kansarka. “Isticmaalka jaadka wuxuu sidoo kale sababaa inuu sare u kaco cadaadiska dhiigga laakiin ma keeno kansar, waxyeellada noocaas ahana kama muuqato daraasaddeenna,” ayuu yiri Dr Lukanda. Balse wuxuu intaas ku daray in saameynta jaadka ay taabato dhinaca caafimaadka dhimirka, ayna horseeddo hoos u dhac dhanka horumarka iyo waxbarashada ah. Daraasad laga sameeyay deegaannada uu jaadka ka baxo ayaa lagu ogaaday in wiilasha bulshooyinkaas ku dhex nool badankood ay ka cararaan waxbarashada iskuullada oo aan wali u dhammaanin. “Wiilasha waxay ka shaqeynayaan beeraha jaadka iyo raritaankiisa, taasina waxay saameyn ku yeelatay hannaankii waxbarashada oo hoos uga dhacay deegaannadaas,” ayuu yiri. Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha ganacsiga qaadka oo lagu iibiyo gudaha waddanka, dibaddana loo dhoofiyo. Waddamada suuqa ugu weyn ka heysta jaadka ka baxa Kenya waxaa ugu horreeya Soomaaliya. Qaran News
-
The COVID-19 pandemic imposed unprecedented challenges to global health systems and economies and transferred to Somalia one of the poorest and susceptible to crisis economies of the world. The economy of Somalia was already severing due to structural deficiencies and lack of unity Source: Hiiraan Online
-
Dawlada UK oo cunaqabteyn ku soo rogtay Sacuudi Carabiya Britain ayaa Isniintii waxay shaacisay aqoonsiga 49 isugu jira shaqsiyaad iyo shirkado oo 25 ka mid ah ay Ruushka u dhasheen 20-tana ay Sacuudiga u dhasheen, kuwaas oo loo cunaqabateynayo xad-gudubkooda ka dhanka ah xuquuqul Insaanka, waxayna taasi ka careysiisay Moscow. Dadka Ruushka u dhashay waxaa lagu eedeeyey ku lug-lahaanshahoodii geeridii garyaqaan Sergei Magnitsky, kuwa Sacuudiga u dhashayna waxaa lagu tuhunsan yahay doorkii ay ku lahaayeen dilkii Jamaal Khashoggi, sida uu sheegay xafiiska arrimaha dibadda. Liiska waxaa ku jira Saud al-Qahtani, kaas oo la rumeysan yahay in uu kormeerayey kooxdii Khashoggi ku dishay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Turkiga 2018-kii. Sidoo kale dadka waxaa ka mid ahaa kuwo ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo hantidooda Uk la fariisiyey, islamarkaana lagu soo rogay xanibaad socdaalka ah. Waa markii ugu horreysay ee Briatin ay kaligeed cunaqabateyn soo rogto, si ay u ganaaxdo shaqsiyaad iyo ururro lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah bani-aadanimada. Markii hore waxay qeyb ka ahaan jirtay cunaqabateynada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Tallaabooyinka cusub waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda, Dominic Raab oo qoraal u diray baarlamaanka. Waxaa uu sheegay in dowladdu ay hadda yeelan doonto “awoodda ay cunaqabateyn ugu soo rogeyso kuwa ku lugta leh xad-gudubyada bani’aadanimada ee ugu xun dunida oo dhan. “Cunaqabateynadaani waa ay cilmiyeysan yihiin, waxay noo ogolaanayaan in aan beegsano dambiileyaasha inagoon ciqaabeyn bulshada dhan” Waxaa uu hadalkiisa ku daray: “Maanta dowladda iyo golahaan waxay magaca dadka Britain ku dirayaan farriin ah in kuwa gacan ku dhiigleyaasha ah, kuwa awooda sida wuxuushnimada leh u adeegsada, kuwa gacanta midig u ah kaligii talisyada in aysan xor u ahaan doonin in ay hanti iibsadaan, in ay ka tukaameystaan Knightsbridge ama in ay lacagta wasaqda ah mariyaan bangiyada Britain ama hay’adaha kale ee maaliyadda.” Kuwa la begsanayo kaliya ma ‘ahan kuwa ku kacay xad-gudubka bani’aadanka, laakiin waa qof walba ee iyaga ka faa’iiday, ayuu yiri Raab. Share this: Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Britain ayaa Isniintii waxay shaacisay aqoonsiga 49 isugu jira shaqsiyaad iyo shirkado oo 25 ka mid ah ay Ruushka u dhasheen 20-tana ay Sacuudiga u dhasheen, kuwaas oo loo cunaqabateynayo xad-gudubkooda ka dhanka ah xuquuqul Insaanka, waxayna taasi ka careysiisay Moscow. Dadka Ruushka u dhashay waxaa lagu eedeeyey ku lug-lahaanshahoodii geeridii garyaqaan Sergei Magnitsky, kuwa Sacuudiga u dhashayna waxaa lagu tuhunsan yahay doorkii ay ku lahaayeen dilkii Jamaal Khashoggi, sida uu sheegay xafiiska arrimaha dibadda. Liiska waxaa ku jira Saud al-Qahtani, kaas oo la rumeysan yahay in uu kormeerayey kooxdii Khashoggi ku dishay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Turkiga 2018-kii. Sidoo kale dadka waxaa ka mid ahaa kuwo ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo hantidooda Uk la fariisiyey, islamarkaana lagu soo rogay xanibaad socdaalka ah. Waa markii ugu horreysay ee Briatin ay kaligeed cunaqabateyn soo rogto, si ay u ganaaxdo shaqsiyaad iyo ururro lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah bani-aadanimada. Markii hore waxay qeyb ka ahaan jirtay cunaqabateynada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub. Tallaabooyinka cusub waxaa ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda, Dominic Raab oo qoraal u diray baarlamaanka. Waxaa uu sheegay in dowladdu ay hadda yeelan doonto “awoodda ay cunaqabateyn ugu soo rogeyso kuwa ku lugta leh xad-gudubyada bani’aadanimada ee ugu xun dunida oo dhan. “Cunaqabateynadaani waa ay cilmiyeysan yihiin, waxay noo ogolaanayaan in aan beegsano dambiileyaasha inagoon ciqaabeyn bulshada dhan” Waxaa uu hadalkiisa ku daray: “Maanta dowladda iyo golahaan waxay magaca dadka Britain ku dirayaan farriin ah in kuwa gacan ku dhiigleyaasha ah, kuwa awooda sida wuxuushnimada leh u adeegsada, kuwa gacanta midig u ah kaligii talisyada in aysan xor u ahaan doonin in ay hanti iibsadaan, in ay ka tukaameystaan Knightsbridge ama in ay lacagta wasaqda ah mariyaan bangiyada Britain ama hay’adaha kale ee maaliyadda.” Kuwa la begsanayo kaliya ma ‘ahan kuwa ku kacay xad-gudubka bani’aadanka, laakiin waa qof walba ee iyaga ka faa’iiday, ayuu yiri Raab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Haramacad oo katirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka. Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho. Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin shiishka iyo hawlgallada qorsheysan. Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda ee NISA, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA. “Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA. Cabdisalaam ayaa sheegay in qaabka loo adeegsaday awoodda ciidamada Haramacad ay niyad jab ku tahay dalalka dhaqaalaha ku bixiyay tababarka iyo tayayntooda. Ciidamadan oo waayihii dambe soo shaac baxay ayay dad badan dowladda ku dhaliileen inay u adeegsato dano siyaasadeed, cududda ciidmaadanna loo baahnaa in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. “Dowladda Soomaaliya iyadaa loo tababaray ciidamada isla markaana xaq u leh halka ay geyneyso iyo qaabka ay u hawlgelinayso, balse waxaa su’aal la gelin karaa cawaaqibka ka dhalan kara in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed oo laga weeciyo dagaalka Al-Shabaab. Taasi waxa ay keeni kartaa in laga guul gaari waayo dedaalka loogu jiro in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo dhaliilay hawgallada ay fuliyaan ciidamada Haramacad ayaa dhawaan magaalada Bosaaso ka sheegay in ciidanka Haramacad “si khaldan loo adeegsanayo,” “Haddii Haramacad loogu talagalay in dawacada reeraha ariga ka cunta ee Al Shabaab ah loogu talagalayna talo ayay ahaan lahayd, laakiin Haramacad xoolihii iyo dadkiiba cunaya runtii waa arrin aan fiicneyn, suurad xunna ka dhalinaysa Soomaalida dhexdeeda,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo dhawaan ka hadlay ciidamada Haramacad. Haramacad ayaa u badan rag dhallinyaro ah, waxaana taliye u ah nin da’ yar oo lagu magacaabo Farxan Maxamuud Qaroole oo ah dhallinyaro.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamadu ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanada Koban iyo Araare oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howl-galladaasi, kadib uu iska hor imaad saacado badan qaatay uu dhex-maray labada dhinac. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay howl-galladaasi khasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay. Dhanka kale ma jiro illlaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.
