-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay madaxweyne Farmaajo inuu shacabka ku hoggaamiyo inay hub u qaataan dowladda Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taariikh xun ka tagin, oo dhibaato dalka ka dhacda taariikhda loogu qorin in isaga uu hoggaamiyey, oo berri la yiraahdo “wixii maalintaas dhacay isagaa horseeday.” “Madaxda dalka waxaa leeyahay ha suginina maalinta shacabku idinka hor imanayo, 30 sano kuwo dalkan soo xukumayey ayaa barqo cad jidka lagu diray, waxaana u soo jeedinaynaa dowladan ragaas xabadaa lagu ridaye yeysan isku kalifin in ayaga xabad lagu rido talo aan anagu leenahay lagula ridi maayee,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. “Ma rabno inay colaad dhacdo, ma rabno in is-jiijiid uu dhaco, waxaan rabnaa in horey loo socdo, waqti badan ayaa naga lumay oo 30 sano ah, umadaha kale intaas oo waqti ah kama lumo.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aysan marnaba uga aamusi doonin wixii saxda ah. “Wixii dan darro ah lagaaga aamusi mayo, wixii gef ah lagaaga aamusi mayo, wixii qaanuun ah ee aan ku heshiinay lagugu dayn mayo, lagaagana aamusi mayo.” Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii kursiga ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyo in xiligan oo waqtigu gabaabsiga yahay ay madaxda Villa Soomaaliya ku murmayaan in dalkan doorasho ka dhici karto iyo inkale. ”Doorasho ma dhacaysaa in xilligaan laga murmo waa nasiib daradda ay badeen shacabka Soomaaliyeed Villa Somalia masuuliyiinteeda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
-
Dowladda Puntland, ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay si rasmiya ugu caddaysay, Mowqifkeeda ku aaddan Arrimaha Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa marka u horraysa looga hadlay halka uu ku dambeeyay, Shirkii Puntland ku casuntay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, iyo sidoo Kale Safarkii Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho si loogu gogol-xaaro Shirkaasi. Xukuumadda Puntland, waxay sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli ka soo jawaabin Shirkii Gogoshiisa Puntland fidisay, islamarkaana ay ka caga-jiideen booqasho Madaxweyne Deni ku tegi lahaa Muqdisho, si looga wada-hadlo qabsoomidda Shirka ay Puntland ku casuntay Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ku eedaysay, in uu fashiliyay Kulamo ay Isgaarsiinta dhanka Internet-ka ku yeesheen, guddi farsamo oo ka shaqaynayay qabsoomidda Shir dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Guddigaasi Farsamo, ayay Puntland sheegtay in isaga baxday, kadib markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xagal-daacisay Shaqadii loo xil-saaray Guddiga, oo ahayd ka shaqaynta qabsoomidda Shir u dhexeeya heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, kaas oo looga arrinsado Doorashada 2020/2021. Dhinaca kale, Puntland waxay soo dhowaysay Baaqa Aqalka Sare ee ku wajahan, in ay Shir wada-tashiya isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashooyinka, balse Puntland waxay ku baaqday in Shirkaasi la qabto ugu dambayn 20-June 2020, ka hor intaan Baarlamanka Soomaaliya dhegaysan warbixinta Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo ku beegan 27-June 2020. Waxa kale oo Dowladda Puntland caddaysay, in aysan ka qayb geli doonin haddii Shirka Wada-tashiga la qorsheeyo kadib dhegaysiga Warbixinta Guddiga Doorashooyinak Soomaaliya, oo Baarlamanku dhegaysan doono 27-June 2020. Ugu dambeyntii, Puntland waxay ka digtay in Hannaan Sharciyaysan lagu xalaalaysto Nidaamka Qabiilka ku dhisan ee 4.5 iyo in mudda kororsi ay sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana ay ku baaqday in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dhammaan Saamileeyda Siyaasadda dalka, si looga heshiiyo Tubta loo maray Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka dalka. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Puntland oo si rasmiya u caddaysay Mowqifkeeda Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay fashilkii ku yimid shirarkii dhowaan fashilmay ee dhex-maray guddi ka kala socday Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada dalka. Qoraalka Jubaland, oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa si cad ugu loogu eedeeyey madaxtooyada Soomaaliya inay mas’uul ka ahayd fashilka ku yimid kulamadaas oo la doonayey in lagu diyaariyo kulan dhex-mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland Dowlad Goboleedka Jubaland waxay si weyn u dareensan tahay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka duulaysa hadafkaas ayaa waxay aqbashay inay qayb ka noqoto guddi uu dalbay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay diyaariyaan kulamo looga tashanayo masiirka dalka, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah. Sidaa daraadeed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ka qayb gashay saddex kulan oo looga arrinsanayey qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaa nasiib darro ah in shirarka kor ku xusan oo uu hoggaaminayay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah aan wax natiijo ah laga gaarin, la iskuna waafaqi waayey waqti iyo goob kulanka lagu qabto. Waxaa kale oo wax laga xumaado ah in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah oo ay ahayd inay si joogto ah u kulmaan, aanay muddo laba sano ah kulmin sidaasna ay ku dayacmeen howlihii ummadda loo hayey. Dowlad Goboleedka Jubaland oo ka duuleysa xaqiiqooyinka kor ku xusan iyo xaaladda cakiran ee uu dalku marayo oo aan laga gaabsan karin, waxay soo jeedinaysaa go’aamada soo socda: 1. Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn. 2. Inay bogaadiso hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalku ka sheegay Golaha wasiirrada, hadalkaas oo ku saabsanaa muhiimmadda ay leedahay in doorasho la wada oggol yahay ay waqtigeeda ku qabsoonto. Waxaa aanu ku dhiirri galineynaa in Ra’iisul Wasaauruhu guto waajibkiisa. 3. Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin. 4. Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June. 5. Waxaan dhammaan maamullada dalka, hay’adaha kala duwan, xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaan shacab waynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in laga wada qayb qaato xasilloonida iyo midnimada dalka. 6. Waxaan bogaadinaynaa kaalinta haboon iyo garab istaagga joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaliyeed.
-
Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay ku fashilantay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee loo doortay in ay dalka gaarsiiso sida hirgelinta doorasho qof iyo cod ah dhammaystirka Dastuurka iyo sugidda Amniga Waddanka. War-saxaafadeed ay Puntland xalay soo saartay oo ku caddaysay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 ayay qodoba kamid ah eedaymo kulul ugu jeedisay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ku fashilmeen hoggaaminta dalka. Sidoo kale Puntland waxay madaxda dowladda Federaalka ku eedaysay in ay dalka ka wadaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ku jihaysan khalkhal gelinta iyo burburinta dowlad goboleedyada ka dhisan dalka. Waxa kale oo ay sheegtay in madaxda heer Federaal ay dhaqaalihii waddanka u isticmaalayaan kicinta shacabka ku dhaqan dowlad goboleedyada qaarkood si ay khalkhal geli amni iyo qalalaase siyaasadeed uga abuurto dowlad goboleedyadaas. Dhinaca kale Puntland waxay qaaddacday dhammaystirka Dastuurka, diyaarinta Sharciga doorashooyinka dalka iyo dhammaan Shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha heer Federaal kuwaas oo sida Puntland sheegtay aan loo marin hannaankii saxda ahaa. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay hoggaaminta dalka appeared first on Puntland Post.
-
Ergooyin Nabadeed oo ka kooban cuqaal, Waxgarad iyo Isimo isaga yimid degaannada kala duwan ee gobollada Sool iyo Cayn, ayaa gaaray degmada Ceegaag ee gobolkaasi Cayn, si ay u xalliyaan xiisad u dhexaysa laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas maalmihii u dambeeyay shaqaaqooyin ka dhex dhaceen. Egooyinka degaankaasi gaaray, waxaa hoggaaminaya Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, waxaana degaanka ku soo dhoweeyey cuqaasha iyo madax-dhaqameedka ku nool degmadaasi Ceegaag. Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa labadaasi beelood, oo marar kala duwan soo noq-noqotay, ayaa maalmihii la soo dhaafay ka aloosnayd degaannada Horufadhi, Gocondhaale, Ceegaag iyo gudaha degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Ergooyinka Nabadeed ee halkaasi gaaray, ayaa doonaya in ay xalliyaan shaqaaqooyinka ku salaysan aanooyinka qabiil ee ka taagan degaannadaas, waxaana la filayaa in ergooyin kalena ay maalmaha soo socda gaaraan degaanka. PUNTLAN POST The post Ergooyin Nabadeed oo ku baxay Colaad ka aloosan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta Bakool oo uu shalay gaaray ayaa mar labaad beeniyey war laga faafiyey maamulkiisa oo ahaa in Koonfur Galbeed, ayada oo u adeegeysa Villa Somalia, ay carqaladeysay shir dhex mari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Lafta-gareen ayaa taas bedelkeed ku dhawaaqay inuu marti-gelinta shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. “Laga bilaabo maanta waxaan balan qaadeynaa in gogoshii ay Koonfur Galbeed qaaday oo Baydhaba aan dhignay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu imaanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shirka labada dhinac ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uusanba gaarin heer ay carqaladeyso Koonfur Galbeed, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo gacanta ku haya. “Waxaa jiray guddi ka shaqeynayey sidii shir loo qaban lahaa, oo loo xiriirin lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, weli gudigaasbaa shaqadii gacanta ku haya oo wada, marka maba la gaarin meel aan ku diidno oo weli waxaa socda wadahadalkii ku saabsanaa sidii la isugu imaan lahaa iyo waqtigii la isu imaan lahaa, shaqadaas unbaa socotay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlay Xudur. Sidoo kale Lafta Gareen ayaa sheegay in hadalkaas dadka ka faafiyey uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Puntland. “Sida aan arkay madaxweynihii hore ee Puntland, shir uu qabtay ayuu uga hadlay arrintaas nala ka faafiyey, runtii wax xaqiiqda u dhawna maaha, sidoo kale waxaa warkiisa ku jiray, in uu yiri dadkii reer Puntland ee Koonfur Galbeed joogay wey soo tageen, wax naga tegayna ma jiraan oo maamulka ayey ka mid yihiin, kuwii ayaga halkaan ka joogayna way soo baxeen ayuu yiri, wax kasoo tegayna ma lahan, halkoodii ayey joogaan, wax xumaato ah oo dhex yaalla dadka reer Puntland iyo dadka reer Koonfur Galbeed-na ma jiraan,” ayuu yiri Lafta-gareen.
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay mowqifkeeda ku aaddan doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 iyo qabsoomi waaga shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in ay dhammaan fashil ku dhammaadeen saddex kulan oo loogu gogol-xaarayay Shir dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si looga arrinsado doorashada 2020/2021. War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in saddexdaasi kulan ee gogol-saarka ahaa uu hoggaaminayay xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaan la isku waafiqi waayay goobta iyo wakhtiga ay tahay in la qabto shirka madaxda Federalka iyo dowlad goboleedyada. Jubaland waxay sheegtay in ay ka baxday guddigii u xil-saarnaa diyaarinta iyo gogol-xaarka shirka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kadib markii sida ay sheegtay uu guddigaasi ku fashilmay hawshii loo xil-saaray. Sidoo kale Jubaland waxay soo dhowaysay hadalkii Ra’iisul wasaare Khayre ee ahaa in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto islamarkaan waxay taageertay baaqii Aqalka sare ee ku aaddanaa in ay shir deg deg ah isugu’ yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka si looga arrinsado doorashada. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Jubaland oo soo bandhigtay mowqifkeeda doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in sida daatuurku dhigayo, ay tahay in ay la kulmaan madaxda dowlad goboleedyada dalka. Qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka, ayay ku sheegtay in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yaha, si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19. Sidoo kale, Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay ku baaqay in deg deg loo qabto shir u dhexeeya madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si looga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaanna doorashada 2020/2021 Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday in uu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi ka soo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ku baaqay in ay Shir deg deg ah isu’gu yimaadaan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay Baaqii Aqalka Sare
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay ahaa caddeeyay mowqifka Madasha xisbiyada Qaran ee ku aadan doorashada 2020/2021. Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, waxaa ay sheegeen in Madaxda sare ee dalka ay ka gaabiyeen wixii loo igmaday iyo mas’uuliyaddii Qaran ee lagu aaminay, gaar ahaan maareynta marxaladda kala guurka ee doorashooyinka. Sidoo kale, labada Madaxweyne hore ee dalka, ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda in aysan wanaajin mudda ay xilka hayaan xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka, xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan isdhexgalka la sheegay inuu dhexmarayo Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea. Madaxweyne Farmaajo, ayay sidoo kale ugu baaqeen in uu shacabka horyimaado oo uu u caddeeyo mowqifkiisa, islamarkaana uu faragelinta ka daayo Guddiga doorashada, iyo goloyaasha sharci dejinta. Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa shaaciyay inay soo dhaweynayaan Qoraalkii kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dalka, kaasi oo dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka loogu baaqay inay Shir Deg deg ah isugu yimaadan si looga hadlay Arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay Doorashada dalka. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay Baaqii Aqalka Sare appeared first on Puntland Post. -
Calls for boycotts are growing louder as more alleged incidents of racist content continue to surface By Joy Summers Holy Land, the popular Middle Eastern food [...] The post Minneapolis Food Hall Ousts Middle Eastern (Palestinian) Deli After Racist Social Media Posts by Owner’s Daughter appeared first on . Source
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 48 new COVID-19 cases, bringing the total number of infections to 2,416 Source: Hiiraan Online
-
Galka’yo (PP News Desk ) — Galka’yo, an administratively divided district, is taking steps towards forming a joint security force to fight Al-shabaab, the terrorist organisation behind the recent spate of assassinations in North Galka’yo under the jurisdiction of Puntland State. A joint security operation conducted by Puntland and Galmudug security forces in cooperation with a unit from the Somali National Army division this week saw the arrest of people suspected of supporting Al-shabaab. Galmudug Security Minister Ahmed Fiqi, a former intelligence director, has held meetings with North Galka’yo authorities. Out of the meetings emerged a common counterterrorism strategy for the beleaguered administrative capital of Mudug. Last month, Al-shabaab assassinated the former Puntland-appointed governor of Mudug. Galka’yo has been a divided city since 1993, when General Mohammed Farah Aideed and Colonel Abdullahi Yusuf Ahmed signed a peace agreement in Mogadishu. The agreement stipulated the division of Galka’yo into South (under United Somali Congress) and North (under Somali Salvation Democratic Front). Puntland leaders had honoured the agreement when a Garowe-based autonomous administration came into existence in 1998. The renewed security collaboration between Galmudug and Puntland builds on past security arrangements to deter terrorist elements that exploited distrust between North and South Galka’yo. Galka’yo residents have welcomed joint security operations by the two federal member states. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND AND GALMUDUG CONDUCT A JOINT SECURITY OPERATION IN GALKA’YO appeared first on Puntland Post.
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Kulankii Galabta dhexmaray Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh, Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Ajandihiisu ahaa sidii ay markii hore xogta ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com tasoo [...] The post Faahfaahin Kulankii Mursal iyo Madaxweynayaashii hore “ Cidna la kulmi mayso Farmaajo” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen arrimo dhow ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horeyn Sheekh Shariif oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii uu maanta uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu baaqay inay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda dalka, isla markaana ay guddoomiyah Aqalka Sare uga mahad celinayaan go’aankaas, kuna dhiira gelinayaan inuu ka mira dhaliyo. Sheekh Shariif ayaa sheegay in kulamadii ay shalay iyo maanta la qaateen guddoonka golaha shacabka looga hadlay sidii wadatashi looga yeelan halaa arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad ay uga magad celinayaan sida ay ugu yimaadeen oo wadatashiga ay ula yeesheen. Sheekh Shariif ayaa ka deyriyay xaaladda ammaan ee dalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan isku howlin la dagaalanka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, isagoo gaabiska dhanka ammaanka dalka ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka. “Waxaa jira ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo dowladaha deriska ah ay leeyihiin oo markii ay doonaan dalka soo gala, kuwaas oo geysta dembiyo, arintaas ka soo hor geeda heshiiska ay ku joogaan ciidamada AMISOM, waa kalsooni darro in lagu soo daro ciidamo aan ka tirsaneyn oo dalka aan shirci ku joogin, waxaan rabnaa in sumcada AMISOM aan lagu ciyaarin, sidaas dartee beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ciidamadaas si deg deg ah dalka looga saaro falalka ay geysteena lagula xisaabtamo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Shariif Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uusan daacad ka aheyn wadahadallada Somaliland, isla markaana uu hada u badelay olaole uu doorashada ku galayo, balse ay arrintaasi ay ka weyn tahay wax olole lagu galo. “Walaaleheen reer Somaliland dhib baa ku dhacay, aniga iyo madaxweyne Xasan xiligeenii waxaan la furnay wadahadal, balse aad ayaan uga xunahay wixii dhacayey maalmahaan dambe oo madaxweyne Farmaajo uu ku hadlayey, taas oo aan u fiicnyn walaaltinimada iyo isu soo dhawaanshaha labada dhinac,” ayuu yiri. “Waxaan leenahay shisheeyuhu gacmaha halaka baxo arrimaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, si gaar ah walaaleheen Itoobiya waxaan leenahay la isma aaminsana marka faraha Itoobiya hakala baxdo arrimaha Soomaaliya, madaxda dowladda federaalkana waxaa hada looga baahanyahay in dalku doorasho aado, aysan olole ka dhigan arrinta Somaliland oo waqti dheer u baahan” ayuu yiri Sheekh Shariif. Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay shirkaas ay caawa warbaahinta kula hadleen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dalkan lagu wadi jiray wadatashi, balse hada ay xaaladu sidii hore ka bedelanyahay. “Mudane Madaxweyne ha aamusnaane dadka lahadal oo u sheeg waxa dalka ka jira haddii ay guul jirto iyo hadii guul darro jirtaba, sababtoo ah dalku waa dalkoodii, laakiin waxa dalkeena ka jira ma’ahan in Abiy Axmed noo sheego, hadda maalin dhaweyto wax yaabo aan in la sheego ku habooneyn ayuu u sheegay, waxaasna dowladeenu marabto inay noo sheegto, waxay dowlad u tahay inay heshiis la gasho dowlad kale, laakiin hada anaga iyo Itoobiya taariikhdii xumeyd ee na dhex martay oo sii dhamaaneysay hadda waxay abuurtay shaki hor leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arrinta doorashada ku tilmaamay mid lamid ah gacan calool ku jirta oo illaa hadda aysan cidna aqoon nuuca ay noqoneyso daarashada dalka lagu wado inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta badda waxa uu sheegay in arrinta badda uu marar badan ka hadaly, balse uusan ka aamusi karin oo ay gubeyso, su’aalo badana uu iska weydiinayo waxa dhici doona iyo nuuc ay noqon doonto guusha ay ka gaari kato Soomaaliya. “Arinta badda dayacaa ka jira , dayacaas waxaa laga yaabaa sida aan u tuhun sanahay in uusan aheyn, laakiin waxaan rabnaa in naloo sheego, oo dadka Soomaaliyeed la yiraahdo sidaan ayey wax u jiraan, balse seddax jeer in Kenya waxa ay rabtay loo yeelo, wax aqliga bani’aadamka iyo sharciyada caalamiga ahba ay ogolyihiin maaha, maxkamaduna laba dhinac oo is heysata ayey mid u hiilinee sababta ay ku dhacday waa in dadka loo sharaxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa gudoomiyaha aqalka sare ku amaanay warkii maanta ka soo yeeray, isagoo ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo markaan uu dalku ku jiro xaaladan kala guurka ah aad loogu baahan yahay taladiisa iyo doorkiisa oo muuqda. Hoos ka daawo shirka jaraa’id
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaannada Galmudug ay ka bilaabaan howlgallo ay ku gaarayaan kuwa ka maqan. Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab. Wasiirka wasaaradda amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan diyaar garowga ay ku garayaan deegaannada Galmudug oo ay ka arimiyaan Al-shabab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, wasaaradda ayaana maalmihii dambe la wareegeysay maleeshiyaadka ku sugan Galmudug. Wasiirka oo lagu wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo qorshaha lagu wareejiyey Maleeshiyadaan. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo dhismihiisa ay bilowday wasaaradda amniga. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaannada Galmudug iyo sidii maamulka uu k gaari lahaa deegaannada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
Qoraal goordhow kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray maamulka Farmaajo inuu la fariisto, lana xalliyo Khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Villa Somalia iney la kulanto dhammaan dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo dasruurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka waxaa sidoo kale waxaa ku xusnaa “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”. Saacado kahor, aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu guddi u saarayo wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay iney guddi u saarayaan xallinta khilaafaadka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Halkan Ka Daawo Warbixin Koobaysa Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Aqalka Sare https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-4.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Villa Somalia inay qaban-qabaiso kulan dhex mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda goboleedyada. Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay dastuurka ayaa lagu sheegay in deg deg looga baahan yahay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo xaliyo khilaafyada jira. “Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020 Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa muujinaya inuu cadaadiska kusii kordhayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo diidan inuu madaxda maamul goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashooyinka, xilli la sheegay inuu doonayo muddo kororsi. Baaqa Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Dhowr maalmood un kahor ayay ahayd markii uu fashilmay shir u dhaxeeyay guddiyo kala matala Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay madaxtooyada diiday dalab ka yimid dowlad goboleedyada oo ahaa inay ka hor 15-ka bisha kulmaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada.