Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,245
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi xalay uu ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa bam gacmeed lagu weeraray bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan goob ay dadku isugu yimaadaan ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo dhamaantood shacab ahaa. Dadka qaraxaas ku dhaawacmay ayaa haatan xaaladooda caafimaad aad looga deyrinayaa waxaa dhaawacyadaasi la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Ma jiraan cid loo soo qabtay weerarkaasi balse ciidamada amaanka Jubbaland ayaa howlgallo kala duwan sameeyay iyaga oo sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda howlgalladooda. Wali majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online ) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo Sabtidii la soo dhaafay uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ajandihiisa koowaad wuxuu yahay sharciga xisbiyada siyaasadda oo xildhibaanadu ay marin doonaan akhrintiisa koowaad. Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah soo bandhigida iyo ansaxinta xubin cusub oo ku soo biireysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, sida uu shaaciyey hab-dhowraha golaha shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux). Kalfadhigan ayaa ah kii ugu dambeeyey, waxaana xil-heynta baarlamaanka uga dhiman saddex bilood oo kaliya, sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa labada Aqal inay kala cadeeyaan nooca doorasho ee la qabayo, si loogu heshiiyo ka hor inta la aadin doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa iyadoo haatan lagu guda jiro xilligii kala guurka waxa ay muuqaataa mid sii cakirmeysa, waxaana durbo soo shaac baxay khilaaf culus oo u dhexeeya guddoonka labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
  3. Xildhibanaada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga 7-aad ku yeelanaya xaruntooda magaalada Muqdisho ka dib markii uu sidaasi shaaciyay guddoonka golahaasi. Kulankan oo noqonaya mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodi doonaa sharciga axsaabta oo ah mid ahmiyad weyn u leh saamileysa siyaasadeed ee dalka xilli ay bilooyin koobana y ka harsanyihiin doorashooyinka qaranka. Xildhibaanada ayaa la faray inay gutaan waajibaadkooda ku aaddan sidii ay kulanka u soo xaadiri lahaayeen waxaa dhinaca kale loo jeediyay inay soo akhriyaan shuruucda sharciga maanta laga doodayo. 27-ka bishan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa inay horyimaadaan xildhibaanada golaha shacabka si ay ugu jeediyaan arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ku soo wajahan iyo nuuca ay noqon doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Minneapolis police have opened an internal affairs investigation after a string of recent Facebook posts purportedly from a police officer mocked protesters and encouraged looting in a neighborhood that is home to much of the city's Somali population. Source: Hiiraan Online
  5. Warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka dalka ku soo wajahan sanadka 2021 waxaana sido kale warsaxaafadeedkaas eedeyn loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Puntland waxa ay sheegtay ahmiyadda ay leedahay inay dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsanyahay iyada oo dowladda dhexe ku eedeysay inaysan ka soo jawaabin gogoshii ay dhigeen kaas oo la doonayay in lagu heshiisiiyo madaxda qaranka. Dhanka kale wasrsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Puntland ay soo dhoweynayso baaqii ka soo baxay guddoonka aqalka sare ee ku aaddanaa in guddi loo xilsaaro xalinta khilaafaadka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana Puntland ay ku baaqday in ugu dambeyn shirkaas wadatashi ah la qabto 20 June. Qoraalka ka soo baxay maamulka Deni oo dheera ayaa ugu dambeyn waxaa looga digay in dhageysiga baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka ay ka dhalato talo bixinno baarlamaania ah oo ay sheegeen inay sababi karto kala fogaansho iyo xasilooni darro siyaasadeed. Halkan ka alhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Minister has blasted Dubai-based DP World in an interview with Saudi-owned Al-Arabiya TV, accusing the logistics giant of violating Somalia's sovereignty by doing business in her territories without the expressed consent of the Federal Government. Source: Hiiraan Online
  7. Warar rasmi ah oo saaka oo Arbaco ah soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa xaqiijinaya in iminka gacanta lagu hayo oo la qorayo Qoraal xasaasi ah [...] The post Breaking News— Madasha Xisbiyada oo Qoraal xasaasi ah kasoo saaraya Xaalada Dalka appeared first on . Source
  8. Jubbaland The post Jubbaland iyo Puntland oo soo bandhigay mowqifkooda Doorashada iyo sida wax u socdaan. Warsaxaafadeed appeared first on . Source
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in xalay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla suuqa Golole oo ku dhow Aargada weyn ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 11-kale, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa ayaa isugu jirta ganacsato iyo dad kale oo shacab oo ku sugnaa goobta la weeraray. Illaa iyo hadda lama oga sababta loo bartilmaameedsaday halkaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in meesha ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in falka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubbaland oo illaa saaka baaritaano wada. Amniga Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyey ahaa mid degan, balse waxaa mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
  10. Dowlada Puntland ayaa sheegtay in Dowlada Federaalku aysan diyaar u ahayn in Laga wada hadlo Doorashada, waxayna ku eedeeyeen Villa Soomaaliya Shaqaaleheeda in Kheyru Masuul [...] The post Warsaxaafadeed”Puntland oo DF ku eedeysay xagal daacin iyo burburin” appeared first on . Source
  11. ADDIS ABABA - In a remote part of Ethiopia, one charity has come up with a novel way of protecting children off school because of the coronavirus pandemic from forced labour - camels bearing books. Source: Hiiraan Online
  12. Four Minnesota residents from immigrant backgrounds received the 2020 Bush Foundation fellowships to create more equity and inclusion in their respective fields. Source: Hiiraan Online
  13. “If you are destined to die, it doesn’t matter how far you travel—you will die. Nothing is permanent, and that fact made me really angry,” Ilhan Omar writes in the opening chapters of her memoir This Is What America Looks Like: My Journey from Refugee to Congresswoman. In this particular passage, Source: Hiiraan Online
  14. Cash reimbursed to Kenya for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia by the European Union (EU) and its partners in the first 10 months of the current financial year declined by a third amid the ongoing fight against global Covid-19 pandemic and Nairobi’s gradual withdrawal of the forces. Source: Hiiraan Online
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay mowqifkeeda ku aaddan shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya inuu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Puntland ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso shirkaas, diyaarna u tahay inay ka qeyb-gasho balse, waxay ku xirtay shuruud ah in la qabto kahor 20-ka bishan, haddii uu dhaafana aysan ka qeyb-gali doonin. “Puntland waxay soo dhaweynaysaa baaqa Aqalka Sare ee in la qabto shir wadatashi iyo in Aqalka Sare guddi u qabteen qabashada shirkaas. Puntland waxay ku baaqaysaa in shirka Ia qabto ugu dambeyn June 20, 2020. Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inaysan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo qorshaysan kadib dhagaysiga Baarlamaanka Federaalka ah ee Guddiga Doorashooyinka ee 27-ka June 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxda dowladda federaalka ah “in ay si ku talogal ah u marin-habaabinayaan qabsoomida doorashooyinka, ayagoo xeerinaya dano gaar ah iyo isku day in aysan waqtigooda ku dhicin”. Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in ka shaqeynayaan qas siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca degaanada maamuladda “ayna arrintaas qayb ka tahay burburinta nidaamka federaalka” iyo talo wadaaga dhinacyada. Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran
  16. The Lamu government has issued over 200 title deeds to residents of Kiunga village on the Lamu-Somalia border. Source: Hiiraan Online
  17. As Twin Cities refugees watched the riots following George Floyd’s killing, the violence triggered memories of chaotic scenes in the countries they fled for Minnesota. Source: Hiiraan Online
  18. Wajir South MP Mohamud Omar wants the government to fast track the distribution of the economic stimulus funds to the grassroots. Source: Hiiraan Online
  19. Dawlada Mareykanka oo dalab xasaasi ah u dirtay Farmaajo Dowlada Mareykanka ayaa baaq culus u dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo laga dalbaday inuu shir isugu yeedho Madaxda Dowlad Goboleedyada Somalia Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Qoraal soo saartay ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu shir isugu yeedho dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay si degdeg ah loogu baahan yahay wadashaqeyn iyo iskaashi dhexmara dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isi xal loogu helo kala khilaafaadka siyaasadeed ee jira, Dhaqan gelinta Deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19 Qoraalka Rasmiga Hoos ka Akhri:- @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020 Qaran News
  20. Yaa dilay Ra’iisul Wasaarihii Sweden? Olof Palme waxaa la dilay habeenimo jimce ah, isagoo ku lugeynaya waddada ugu mashquulka badan Sweden Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’iisul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim usoo daawado. Olof Palme, oo lagu yaqaannay inuu cod-kar ahaa kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray – gudaha iyo dubaddaba – wuxuu markaas xilligii labaad xukumayay dalkiisa. Laakiin wali wuxuu ku adkeysanayay inuu ku noolaado nolosha dadka caadiga ah, habeenka la dilayayna wuxuu iska kala diray ciidankii ilaalada u ahaa. Isagoo gurigiisa u lugeynaya wax yar ka hor saqdii dhexe ee habeenimo, xilli ay la socotay xaaskiisa Lisbet, ayaa Ra’iisul Wasaaraha dhabarka laga soo toogtay. Naftu waxay ka baxday inta uusan dhulka ku dhicin. Tan iyo xilligaas lama helin qofkii dilkaas geystay, iyadoo xitaa goobta lagu toogtay ay ahayd waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, tobannaan qofna ay toosu arkayeen nin dheer oo rasaasta ku riday ka hor inta uusan ka cararin goobtaas. Dilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa naxdin weyn ku noqday Sweden Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay inuu soo bandhigi doono natiijada baaritaankii lagu waday falkaas. Subaxda Arbacada ah ayaa la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan. “Waxaan aad uga rajo qabaa inaan soo bandhigo wixii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd dilkaas,” ayuu yiri madaxa dacwad oogeyaasha, Krister Petersson, oo bishii February la hadlayay warbaahinta Sweden. Lama oga in cid loo maxkamadeyn doono arrintaas, ama la magacaabi doono qof lagu tuhunsan yahay falkaas. Laakiin waxaa rajo laga qabaa in ay booliska xal u heli doonaan dilkii shacabka reer Sweden qarowga ku ahaa muddo tobannaan sano ah. Ilaa markii uu dilka Ra’iisul Wasaaraha dhacay, waxaa si tiro la’aan ah usoo baxayay sheekooyin ku tiri ku teen ah oo la xiriira dhacdadaas. “Waxay arrintaas la mid tahay in Ra’iisul Wasaarihii UK Margaret Thatcher lagu dilay isgoyska Piccadilly Circus – oo qof uu toogasho ku dilay – kaddibna ruxuu dilka geystay uu ka baxsaday goobta dib dambena aan loo helin,” sidaas waxaa BBC-da u sheegay Dr Jan Bondeson, oo ah qoraaga buugga Blood on the Snow: oo ka sheekeyna dilkii Olof Palme. Olof Palme – oo la sawiran Ra’iisul Wasaarihii Britain ee xilligaas Harold Wilson Marten Palme, oo ah wiil uu dhalay Olof – kana mid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee arkay geeridiisa ka hor – ayaa horaantii sannadkan sheegay in in booliska “ay hayaan caddeyn aysan dooneynin inay shaaca ka qaadaan”. Waxay isaga la tahay in sababta loo qarinayo arrintaas ay tahay mid la xiriirta hubkii la isticmaalay oo aan waligiis gacanta lagu soo dhigin. “Haddii uu qof ogyahay wax muhiim ah, walina uusan soo bandhigin, hadda waxaa la joogaa waqtigii uu qofkaas sheegi lahaa waxa uu ka warqabo,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska Aftonbladet, ee kasoo baxa Sweden. Kumuu ahaa Olof Palme? Palme, oo kasoo jeeday qoys maal-qabeenno ah, wuxuu dhashay sanadkii 1927-kii. 1949-kii ayuu ku biiray xisbiga Social Democratic. Sanadkii 1969-kii ayuu hoggaanka u qabtay xisbigiisa iyo dowladda Sweden. Wuxuu xilka kala wareegay Tage Erlander, oo ahaa ninkii soo gacan qabtay. Olof Palme was an outspoken critic of foreign leaders and regimes “Waxaa la sheegay in Palme uu ahaa mid ka mid ah wiilashii sida dhow ula shaqeyn jiray Erlander,” ayey BBC-da ku tiri Anna Sundstrom, oo ah xog-hayaha guud ee Xarunta Caalamiga ah ee Olof Palme. “Waxay u muuqatay inuu siyaasadda kusoo gacan qabtay Tage Erlander, oo ahaa mid ka mid ah aabayaasha aasaasay nidaamka hadda ka jira dalka Sweden. Waxaan dhihi karaa wuxuu qaatay, siina horumariyay siyaasadihii Erlander.” Siduu u geeriyooday? Habeenkii ay taariikhdu ahayd 28-kii bishii February ee sanadkii 1986-kii, Palme wuxuu tagay gurigiisa, wuxuuna iska kala diray ciidankii ilaalada u ahaa. Laakiin xaaskiisa ayaa ka codsatay inuu u raaco shaleemada, si ay filim isula soo daawadaan. Lisbet waxay la hadashay wiilkooda Marten, oo u soo iibiyay tigidhada lagu galayay shaleemada, oo xilligaas uu ka socday filim shactiro ah. Mr Palme iyo xaaskiisa waxay guriga ka baxeen iyagoo aysan cid kale la soconin, way sii lugeeyeen, waxayna irridda shaleemada kula kulmeen wiilkooda iyo gabar saaxiibtiis ah, saacaddu markii ay ahayd 21:00 fiidnimo. Olof Palme wuxuu xaaskiisa Lisbet guursaday sanadkii 1956-kii Markii uu filimkii dhammaaday Palme iyo xaaskiisa oo kaligood ah ayaa kusoo lugeeyay waddada Sveavagen – oo xilligaas loo yaqaannay waddada ugu mashquulka badneyd dalka Sweden. Saacaddi markii ay ahayd 23:21, nin dheer ayaa dhinaca dambe uga yimid Palme, wuxuuna ku dhuftay labo xabadood, mid ka mid ah rasaasta waxay ku dhacday Ra’iisul Wasaaraha, tii kalena waxay ku dhacday xaaskiisa Lisbet. Ninkii dilaaga ahaa kaddib waddadii ayuu hoos ugu cararay, wuxuuna mirqay. Sweden oo dhan ayaa argagaxday. Charlotta Wallsten waxay xilligaas ahayd 12 jir, balse way xasuusataa markii iyadoo hurdo kasoo kacday uu aabaheed u sheegay inay wax aad u xun dhaceen. “Waxaan daarnay telefishinka, warka oo dhanna wuxuu ku saabsanaa dilkiisa,” ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da. “Waddanka oo dhan ayaa argagaxsanaa.” Dad baroordiiqayay ayaa ubaxyo dhigay goobtii lagu dilay Ra’iisul Wasaaraha Booliska qudhooda ayaa u muuqday inay naxsanaayeen. Si fiican uma aysan xirin goobtii uu dilka ka dhacay. Dadka ayaa dul tagayay meeshii uu yaallay dhiigga Mr Palme. Qaar ka mid ah dadkii ka baroor diiqayay geerida Ra’iisul Wasaaraha ayaa ubaxyo dul dhigay goobtii uu dilka ka dhacay. Yaa loo maleynayaa inuu dilay? Inkastoo dad aad u badan ay goob joog ka ahaayeen dilka, dhowr qof oo kaliya ayaa tilmaan siiyay booliska. Rasaastii la helay waxay muujisay in ninka falkaas geystay uu adeegsaday bastoolad nooceedu yahay a .357 Magnum – taasoo ah “hub aad u awood badan,” sida uu sharraxay Dr Bondeson. “Xitaa hadduu xirnaan lahaa garanka xabadda celisa, wuu dhiman lahaa. Marka dilkaas waxaa geystay qof ay ka go’neyd inuusan noolaanin. Ma ahayn fal kadis ku dhacay, wuxuu ahaa dil qorsheysan.” Ninkii madaxa ka ahaa dambi baareyaashii ugu horreeyay ee gacanta ku hayay kiiska waxay u maleynayay in dilkaas ay ku lug leeyihiin kooxda mintidiinta ah ee PKK. Waxay la dagaallamayeen Turkiga, dowladdii Palme ayaana markaas uun u aqoonsatay inay yihiin koox argagixiso ah. Laakiin wuxuu xilka iska casilay kaddib markii uu ku ceeboobay holgal uu sanadkii 1987-kii ka fuliyay goob saldhig u ahayd kooxda PKK, uuna ka waayay wax caddeymo ah oo ku saabsan dilka Ra’iisul Wasaaraha. Sanadkii 1988-kii, booliska ayaa xiray dambiile lagu magacaabi jiray Christer Pettersson. Sanadkii 1970-kii ayuu nin ku dilay waddo ku taalla magaalada Stockholm. Wax sabab ah kama muuqanin dilkaas, wuxuuna tilmaamtiisa la mid noqday qof laga shakisanaa oo shaleemada agteeda ku sugnaa habeenkii uu dhacayay dilka Ra’iisul Wasaaraha. A famous photo of Pettersson carrying bottles of vodka and Bailey’s Irish cream after the Supreme Court rejected a retrial Markii dambena, Lisbet Palme ayaa sheegtay inuu yahay ninka dilka geystay. Dambigii ayaa lagu helay, waxaana sanadkii 1989-kii lagu xukumay xabsi daa’in. Laakiin qareenkiisii ayaa durba racfaan ka qaatay xukunkaas. Kaddib markii caddeyn loo waayay hubka uu isticmaalay, ayey maxkamad fasaxday, waxaana magdhow ahaan loo siiyay lacag dhan $50,000. Saddex bilood oo kaliya ayuu ka qaatay xukunkii cimrigaa haku furto ahaa ee lagu riday. Pettersson wuxuu isagoo xor ah geeriyooday sanadkii 2004-tii. Laakiin Sweden kama harin calaamad su’aalka saarneyd dilkii Ra’iisul Wasaaraha shacabka dhexdiisa lagu fuliyay. Gabagabada baaritaanka ayaa hadda laga war sugayaa. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad, golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Mowliid Guhaad ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku eedeeyay xad-gudub ka dhan ah xeer hoosaadka golaha Aqalka Sare. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare ayaa guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi ku eedeeyay in shirkii guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare uu ku qabtay qadka muuqaalka ee Zoom-ka, iyadoo sida uu sheegay ay aheyd in shirkaas uu si toos ah ugu qabto xarunta golaha Aqalka Sare. Shirka guddi hoosaadka ayaa laga soo saaray qoraalkii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu baaqay shir ay isugu yimaadaan kahor 25-ka bishan. “Xalay saq dhexe ayuu guddoomiye Cabdi Xaashi ii soo diray xoghayaha aqalka, waxuuna iisoo faray in kulankii lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco xarunta guud ee golaha uu u bedalay mid ku dhici doona Zoom, isaga oo cidna aan kala tashan oo xarunta ay taallo 100 kursi oo Senator-kiiba uu kaligii fariisan karo hal leyn.” “Waxa uu diiday inay isku yimaadaan senatarro ku wada sugan Muqdisho, waxauuna Zoom u galay senatarro jooga dalka dibadiisa iyo gobolada kale ee dalka, taas oo xadgudub ku ah xeer hoosaadka Aqalka,” ayuu yiri Senator Mowliid Guhaad oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare, lana safan Villa Somalia. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi uu doonayo in shuruucda meel marinta u baahan ee dalka uu marka hore soo ansixiyo golaha shacabka, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo uu sheegay inay keeni karto dib u dhac weyn, waqtina aan loo heyn. Senator Mowliid Guhaad ayaa sheegay inuu taageersan yahay qorshe ay Madaxtooyada gadaal ka riixeyso, kaas oo ah in fadhiyada labada Aqal ee baarlamaanka ay noqdaan kuwo u dhaca si wadajir ah, si hal fadhi ay ugu ansixiyaan sharciyada dalka. Hase yeeshee guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka soo hor jeestay in labada Aqal ee baarlamaanka ay kulamo wadajir ah ku meel-mariyaan sharciyada ansixinta u baahan ee dalka. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku adkeysanaya, sida markii horeba uu sharcigu ahaa in marka Golaha Shacabku soo ansixiyo sharciyada, kadibna loo soo gudbiyo golaha Aqalka Sare, taas oo hadda u muuqata inay khilaaf cusub ka dhex abuurtay guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa labaad. Halkan ka Daawo
  22. Madaxweye Dal Afrikaana oo geeriyooday+Taariikh nololeedkiisa Pierre Nkurunziza Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandanaha istaagay. War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah. “Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yiri qoraalka. URGENT: Le Gouvernement de la République du Burundi annonce avec une très grande tristesse le décès inopiné de Son Excellence Pierre Nkurunziza, Président de la République du Burundi, survenu à l’Hôpital du Cinquantenaire de Karusi suite à un arrêt cardiaque ce 8 juin 2020. pic.twitter.com/PP46kKzAM5 — Burundi Government (@BurundiGov) June 9, 2020 Wuxuu ahaa 55 sano jir. Sannadkii 2015-kii wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay oo dhiig uu ku daatay. Balse sannadkan 2020-ka, wuu ka haray doorashada, waxaana la saadaalinayay in uu noqonayo “hoggaamiyaha ruuxiga ah” ee dalkaas oo haga siyaasiyiinta. Dowladda Burundi waxay ku dhawaaqday toddobo maalmood oo baroordiiq ah. Warbixin qoraal ah oo dowladda ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Sabtidii la seexiyay isbitaal ka dib markii uu xanuun dareemay. Xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay ka dibna Isniintii waxaa laga saaray Isbitaalka. Wuxuu qababay wadne xanuun. dadaalkii la doonayay in lagu daweeyayana wuxuu noqday mid guul dareystay. Mr Nkurunziza wuxuu Burundi hoggaaminayay tan iyo 2005. Wuxuuna hadda isu diyaarinayay in 20-ka bisha Aguast uu xilka dalka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay Evariste NDayishimiye. Wuxuu dalkaas soo hoggaaminayay 15 sano. Markii uu dhameystay labadii xilli ee uu xilka hayay, wuxuu badalay dastuurka si uu mar seddaxaad xilka ugu tartamo, taas oo sababtay dagaal sokeeye iyo isku day afgembi lagu sameeyay dowladdiisii. Taariikhda madaxweynihii Burundi ee geeriyooday President Nkurunziza, oo mar ahaan jiray tababare leyliya koox kubadda cagta ciyaarta ayaa lahaan jira koox gaar u ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka. Nkurunziza, oo muran badan dhaliyay kaddib markii uu xilligii saddexaad usoo istaagay xilka madaxweynaha, wuxuu dalka Burundi hoggaamiye ka ahaa muddo 15 sano ah. Wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuusan markii 4-aad usoo istaagi doonin doorashada madaxweynaha. Markii ay doorashada dalkaas dhacday bishii May ee sanadkan, waxaa la shaaciyay in Nkurunziza, oo 55 jir ahaa uu noqon doono hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu heli doono lacag dhan $540,000 (£440,000) oo loogu talagalay inuu u qaato howlgabnimo. 20-ka bisha August ayaa lagu waday inuu xilka ku wareejiyo madaxweynaha hadda loo doortay dalka Burundi, Evariste NDayishimiye. Wuxuu dhashay 18-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii. Ka hor inta uusan siyaasadda ku biirin wuxuu ahaa ciyaartoy ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad,. Kaddib wuxuu noqday tababare dhinaca ciyaaraha ah. Muddo kaddib wuxuu isu baddalay hoggaamiye fallaago, ilaa uu ugu dambeyntii u weecday dhinaca siyaasdada, taasoo u horseedday inuu noqdo madaxweyna ka noqday dalka Burundi. Markii ugu horreysay ee uu xilka madaxweynaha qabtay sanadkii 2015-kii waxaa soo doortay xildhibaannada baarlamaanka. Mar walba wuxuu ku doodi jiray in maamulkiisa uu nabad ka dhaliyay dalka Burundi. Isagoo sawirkaas ka faa’iideysanayana wuxuu isku tilmaami jiray nin dib u dhisaya dal ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka. Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go’aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilka Waxaa lasoo tabiyay in marka ay diblomaasiyiinta dalkaas taga damcaan inay kulamo la yeeshaan Mr Nkurunziza laga qaadi jiray magaalada caasimadda ah ee Bujumbura, si loogu geeyo madaxweynaha oo dad beeraley ah ku caawinaya abuurka dalagyada. Taasi xitaa waa sababta ay beeraleyda abuurta avocado-da ay ugu magac dareen madaxweynaha. Arrintani wuxuu taageero badan uga helay dadka reer miyiga ah, laakiin kuma uusan kasbanin dadka ku nool caasimadda Bujumbura, halkaasoo ay daggan yihiin siyaasiyiinta kasoo hor jeeda. Ka hor inta uusan dagaalka sokeeye ka dhicin Burundi, Mr Nkurunziza, oo horay ugu takhasusay waxbarashada dhinaca ciyaaraha, wuxuu macallin ka ahaan jiray jaamacadda Burundi. Wuxuu sidoo kale sannadihii 10990-meeyadii tababare usoo noqday kooxdii kubadda cagta ee ciidamada milatariga iyo kooxda Union Sporting – oo ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee dalkaas. Hadda wuxuu lahaa koox isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Hallelujah FC. Pierre Nkurunziza iyo xaaskiisa Denise Aabihiis, oo ahaan jiray barasaab gobol, waxaa sanadkii 1972-kii lagu dilay xasuuqii ka dhanka ahaa qowmiyadda Huutuuga. ‘Kali talis’ Dadka dhaliili jiray maamulkiisa, oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 40 xisbi siyaasadeed iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku qeexay inuu ahaa nin xukun qallafsan. Waxay ku eedeyn jireen inuu ahaa madaxweyne kali talis ah oo aan oggoleyn inuu xilka wareejiyo. Hadalkooda wuxuu xoogeystay markii uu Mr Nkurunziza xilka u soo xigtaagay markii saddexaad, isagoo ku gacan seyray dalabka dad mudaharaadeyaal ah oo doonayay inuu xilka iska casilo. Dad badanb ayaa ku dhintay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee lagu diiddanaa dib usoo doorashadiisa. In ka badan 100,000 oo ruuxna waxay u bara kaceen dalalka dariska la ah, arrintaasoo soo celisay cabsi ku aaddan in Burundi ay dib ugu laabato dagaal sokeeye. Mr Nkurunziza wuxuu sanadkii 2015-kii, kaddib doorashadiisii muranka dhalisay, ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in afgambi milatari xilka looga tuuro. Ciidamadiisii ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan afgambiga oo la qorsheeyay xilli uu dalka ka maqnaa. Burundi’s army is now ethnically mixed – as stipulated by the constitution adopted as part of the peace process Sanadkii 2018-kii, baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay hayaan caddeymo xooggan oo ku saabsan in dembiyo ka dhan ah bini`aadannimada laga geystay dalka Burundi. Warbixintooda ayay ku xuseen dilalka, jirdilka iyo kufsiga, oo ay sheegeen inay badankood geysteen xoogagga dowladda – balse iyo sidoo kale kooxaha mucaaradka. Safiirka Qaramada Midoobay ee Burundi ayaa markaas sheegay in warbixintaasi ay qayb ka ahayd qorshe caalami ah oo ka dhan ah dalkaasi. Dowladda Burundi ayaa lagu eedeynayay inay abaabuleysay kooxo dhalinyaro ah oo geysta falalka dilalka ah iyo qalalaasaha ka dhanka ah dadka kasoo horjeeda xukuumadda. Qaran News