Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay️ Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi, kadib waraaq ka soo baxday Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo lagu sheegay in Goluhu u leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Laguna codsanayo in wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June! Waxaan is weydiiyay Senator Mowliid miyuusan akhrin dastuurka iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare. Mana oga miyaa in shaqadiisu tahay waxa uu Gudoomiyuhu u dirsado ama marka ay maqan yihiin Gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad in uu qabto howshooda sida ku cad qodobka 9aad ee Xeehoosaadka Aqalka Sare. Waxaase yaab iyo amakaag ah habdhaqanka gurracan ee Madaxweyne Farmaajo iyo waxa ku qasbaya in uu isku wada qataaro had iyo jeer madaxda kala sareysa ee ka wada tirsan hal maamul, hal gole ama beelo iyo qabiilo nabad ku wada deggan, ama siyaasiyiin isku hayb ah. Dad iskaba daaye xitaa noloshii dadka ayuu isku qataaray Madaxweynuhu! Tusaale waxaa kuugu filan: 1. Muudey iyo Mahad Cawad ayuu ku kala qataaray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Maxamed Mursal. 2. Madaxweynihii Puntland Abdi Wali Gaas ayuu ku qataaray Ku Xigeenkiisii Cabdixakiin Cameey. 3. Madaxweynii Galmudug Axmad Ducalee “Xaaf” ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal iyo Ku Xigeenkiisii Maxamed Xaashi Carabey oo maalin dhaweyd loo magacaabay Agaasimaha Guud mid ka mid Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya!. 4. Madaxweyne Axmad Madobe ayuu ku qataaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo saraakiil ciidamada ka tirsan oo ay isku hayb yihiin si ay u afgembiyaan. 5. Madaxweyne Deni ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhoobo Daareed oo sababtey inuu sidaas xilka ku waayo haddana ku sugan Muqdisho iyo Ku Xigeenkiisii Axmed Karaash. 6. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Bixi ayuu ku qataaray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad si uu uga helo guulo ama dhibco siyaasadeed oo uu ku galo ololaha doorashada. 7. Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayuu shalay ku qataaray Ku Xigeenkiisii 2aad Mowliid Guhaad oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin. 8. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray madaxweynayaashii ka horeeyey qaaqleyaal kiraysan oo dhaleeceyn iyo afxumo la daba taagan markii ay hadlaanba. 9. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray warbaahintii ciidamo iyo garsoor gacan ku rimis ah oo afka iyo gacmaha ka xiray. 10. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray fahamkii iyo xaq-sheegii diintii Islaamka wadaado xambaarsan fariimo siyaasadeed-diimeysan oo warbaahinta, maajidyada iyo Facebook-yada ka gudbinaya qaylo iyo habaar joogto ah oo ay la beegsanayaan siyaasiyiinta ama cid kasta oo dhaliisha xukunka Farmaajo! 11. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray noloshii iyo isku socodkii magaalada Muqdisho dhagaxyo iyo isbaarooyinka lagu dhibo xoogsatada, gaadiidka, ardayda iyo dan yarta nolol raadiska ah. 12. Haddaba waxa aan sugnaa waa Mahdi Gulled oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku qataaran️ Mudane Madaxweyne diraddiraaleha iyo qoriga dabka ah ee dadka aad isugu dhiibtay dalkii oo dhan waa kala gaaray, dulqaadkiina waa naga dhamaaday ee ma sidaan baa dan mooday?! Hon. Mahad Salad
  2. Galmudug state is a federal member state within the greater Federal Republic of Somalia, as defined by the provisional constitution of Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. The post Puntland expressed “grave concern over the situation in Somali Election 2020” Press release appeared first on . Source
  4. Baxdo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada NISA qeybta Galmudug ay halkaas ka sameeyeen howlgal lagu soo xiray odayaal dhawr ah oo ka tirsan kuwa deegaanka. Ciidamadaan howlgalka sameeyey oo watay gawaarida dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayey dadka deegaanka sheegeen inay wateen illaa 6 oday, oo ahaa kuwa si weyn looga garanayo deegaanka Baxdo. Odayaasha la watay ayaa lagu eedeeyey inay jabiyeen amar kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ah inaan loo tagi karin Al-Shabaab, islamarkaana aan la fulin karin amaradooda. Odayaashaan ayaa la sheegay inay diideen amarka kasoo baxay Maamulka Galmudug ayna tageen deegaano ay ka arrimiyaan Al-Shabaab kadib markii halkaas looga wacay. Xariga loo geystay odayaashaan ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in dadka aada deegaanada ay joogaan Al-Shabaab ee fuliya amaradooda in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. “Waxaa maqalnay in odayaasha in odayaasha qabaa’ilka in laga wacay deegaanada Al-Shabaab, haddii ay tagaan waxba kama soo noqonayaan, kamana duwana argagixisada,” ayuu yiri Axmed Fiqi. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in aanay suura gal aheyn in odayaasha dhaqanka ee aada deegaanada Al-Shabaab inay inta dib u soo laabtaan iska joogaan deegaanada maamulka Galmudug, iyagoo ku shaqeynaya tilmaamihii Al-Shabaab. “Yeysan noo soo noqon Al-Shabaab haka mid noqdaan, haku biiraan, dagaalkana ha soo galaan, laakiin suurta gal ma ahan oday ku shaqeynaya tilmaamihii Al-Shabaab inuu na dhex joogo inuu xoriyad ku soo laabto uu noo yimaado”ayuu yiri.
  5. Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa war kasoo saaray Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka kaasi oo dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada loogu baaqay in Shir Deg Deg isugu yimaadan si looga hadlo Arrimaha doorashada. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhaweeyay Baaqii Golaha Aqalka Sare ee ahaa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka wada hadlaan hanaanka Doorashada dalka iyo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafyada siyaasadeed ee dhinacyada. Hirshabeelle ayaa kusii baaqday in Shir Deg deg ah la isku yimaado, iyagoona tilmaamtay in wada-hadal oo kaliya lagu dhameeyn karo wax kasto oo jira, isla markaana muhiim ay tahay in la wada-hadlo. Qoraalka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato shuruud la’aan kulan kasta oo lagu xalinayo masiirka dalka. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo taageerray Go’aankii Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  6. Prof Maxamed Siciid Gees oo ka Sheekeeyey Taariikh-nololeedkii Marxuun Cali Qoorseef Geerida ayaa laga horaysiiyey nolosha. Waxa la isugu xidhay geerida iyo nolosha sida aayaddu sheegtay in dadka lagu jitaabiyo sida ay ugu kala dhaqmaan ifka ay joogaan. Jidka toosan Rabbaw. Ilaahay ha u naxariisto Marxuun Cali Maxamed Xasan(Oorseef). Waxa Marxuunku ku dhashay magaalada Berbera hooyada reer magaalanimada iyo ilbaxnimada dadka Somaliland, Somali Galbeed iyo Puntland. Waxa uu ka dhashay qoys maalqabeen ah oo aabbihii tijaarta Berbera ee caanka ah ayuu ka mid ahaa. Waxa Aabbihii uu xidhiidh dhow la lahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim oo uu taageere u ahaa, xataa marar ayuu dhaqaale ku taageeray. Marxuun Cali Qoorseef waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay Berbera iyo Sheekh. Waxa uu aqoonta hawlaha maraakiibta, dekadaha, kastamada uu ku soo bartay: waddanka Iran waqtigii boqorku (Shaah) xukumo jiray iyo wadankii Federal Germany Republic ee West Germany la odhan jiray. Boqortooyada Sucuudiga ayuu u shaqo tegay, dabadeena ganacsi u gaar ayuu galay. Sannadkii 1992, Marxuun Cali Qoorseef ayuu Hargeysa iyo Berbera ku soo noqday oo burbursan ilaa maanta 2020 sidii ayuu u joogay. Waxa uu door weyn ka qaatay dib-u-dhiskii dalka, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ee halbawlaha qaranka ah. Waxa uu ka mid noqday shaqaalihii u horreeyey ee loo qaatay kastamka Berbera (1993) ee Madaxweyne Cigaal imtixaanka ka qaaday, kuwaasoo Marxuun Cali uu noqday qofkii ugu sarreeyey imtixaankaasi. Xillal kala duwan ayuu ka qabtay Wasaaradda Maaliyadda Waaxda Kastamada, taas oo uu muddo dheer ahaa Agaasimaha Waaxda iyo Agaasime-ku-xigeenkeeda. Hawlo bundhig u noqday Wasaaradda Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga dalka oo loo aayey ayuu hirgeliyey. 1. Taarifada cashuuraha horumarinteeda isaga ayaa hormood ka ahaa. 2. Barnaamijka hawlgelinta Haaama shidaalka ee Sharkaddii Total ee ilaa maanta lagu shaqeeyo ayuu iyana hormood ka ahaa. 3. Habka xiriirka ganacsiga ee Itoobiya iyo Somaliland iyo (Berbera corridor) iyo ( transit trade) ayuu xeerarkooda iyo heshiisyadooda ka midha dhaliyey. Sannadahii (2007 ilaa 2010) xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin; waxa uu ahaa Wasiirka Horumarinta Kaluumaysiga, waqtigaas kadib Wasaaradda Maaliyadda ayuu khabiir ahaan kula shaqayn jiray. Waxa uu ahaa (Institution Memory) ama xogogaal hawlaha Wasaaradda Maaliyadda soo martay oo mar walba loogu baahnaa. Marxuunku waxa uu ahaa qof dabeecad suuban oo macaariif badan leh oo bulshaawi ah. Marxuun Madaxweyne Cigaal ayaa igu yidhi isaga oo ka hadlaya Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe); “Waa ninka qudha ee Sool clan aan hubo inuu Somaliland aaminsan yahay.” Haddaba, sidaas oo kale; “Cali Qoorseef waxa uu ahaa ninka qudha ee Warsangli ee aan hubay inuu Somaliland aaminsan yahay.” Marxuun Cali Qoorseef waxa uu ifka kaga tegay shan wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood abaalkiisii qarankooda ayey ka sugayaan, Marxuunkana Ilaahay ha u naxariisto oo kuwa nicmaystay jannada ha ka yeelo. Aamiin… Aamiin… Aamiin… Qaran News
  7. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta. Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin. Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan. Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso. Qaran News
  8. If the EU wants to live up to its recent ‘partnership of equals’ commitment to Africa, it should take the lead and urge the international community to cancel a part of Africa’s bilateral, multilateral and private debt as it faces the Covid-19 crisis. This will not only help Africa deal with the health and economic emergency caused by the pandemic, but also redress the historical power imbalance between the two continents. The EU adopted a new EU-Africa Strategy in mid-March, which outlined a “stronger, more ambitious” partnership with Africa. In the build-up to this strategy, European Council President Charles Michel and Commission President von der Leyen called for a “partnership of equals” that would move away from the donor-recipient relationship that has long characterised EU-Africa relations. Rather, the EU-Africa Strategy aimed to pave the way for genuine peer-to-peer cooperation, beyond outdated views of the African continent and moving on from the legacies of a colonial past. Less than two weeks after the adoption of this new strategy, Africa was facing a major economic crisis caused by the pandemic, one that is already outweighing the health emergency on the continent. Indeed, the Covid-19 crisis led to a fall in commodity prices and increasing costs of imports, while income from tourism, remittances and raw materials dropped. Developing countries are also experiencing the largest ever capital flight and a brisk withdrawal of international investment. According to the World Bank, the pandemic has already triggered the first recession in Sub-Saharan Africa in 25 years. The EU’s global corona response: stronger, more ambitious? In line with commitments under the new EU-Africa Strategy, High Representative Josep Borrell announced in late March that the EU would assist partners around the world in combating the virus, in particular Africa “because we want to underline that we will not forget about our sister continent when addressing this global pandemic.” This pledge became more concrete when the EU launched its ‘Team Europe’ package to support partner countries in their fight against Covid-19. Team Europe channels €3.25 billion of existing foreign external action resources to Africa – the largest geographical portfolio under the €20 billion package. Debt relief for African countries was not addressed in this Team Europe approach, although the EU – like other G20 nations – has agreed to offer a debt moratorium for the poorest countries. This means that bilateral government creditors will suspend debt repayments for, among others, 38 African countries that request forbearance, while urging private investors to do the same. In the meantime the IMF has also announced a debt relief of six months for IMF debt obligations to 25 of the most vulnerable countries worldwide, 14 of which are in Africa. All of this is not enough, however. In late March, African finance ministers called for $100 billion immediate emergency financing to tackle Covid-19. Some $44 billion of this would go to debt relief from multilateral, bilateral and commercial creditors alike. Africa’s total foreign debt is estimated at $417 billion and in 2018, 36% of African government external debt was owed to multilateral organisations such as the World Bank and IMF, 32% to bilateral creditors (including 20% to China) and another 32% to private lenders. Given that global economic recovery is only expected to occur within two to three years, the finance ministers urged development partners for a substantial period of debt relief. Support from the IMF, World Bank Group and the EU is needed to achieve this, they argued, to ensure that African governments have enough fiscal space to deal with the crisis. Historical responsibility to cancel debt This focus on debt relief on the part of African finance ministers is no surprise. Even before the corona outbreak, Africa faced a looming debt crisis, with about one in three Sub-Saharan countries classified as being in or at high risk of debt distress. While debt cancellation in itself is not a silver bullet as it does not immediately tackle internal (i.e. corruption, poor governance) or external (i.e. inequitable world order) root causes of debt accumulation, it does free developing countries to spend more on healthcare, education and tackling poverty. This is particularly relevant today, as the coronavirus means that many African governments need to decide whether they channel their diminishing government resources to their lenders to avoid default or to meeting the vital health and economic needs of their population. Debt payments are in fact one of the reasons that Africa’s public health needs are so high in the first place: more than 30 African countries spent more on debt payment in 2019 than they did on public healthcare. The much criticised structural reforms that condition IMF and World Bank loans – some of which African governments still need to repay – have also hollowed out African healthcare institutions. Take, for example, these institutions’ structural adjustment programmes (SAPs) of the 80s and 90s. It is widely understood that the conditions that underpinned these loans led to a ‘lost decade’ for Africa, as national public services (such as healthcare) deteriorated and prevented countries from building up the necessary human and social capital to develop and to repay debts. Even though poverty reduction strategy papers (PRSP) have replaced these SAPs since 1999, the same criticism comes up regularly. Given that European countries, together with the US and Japan, dominate the governance and agenda-setting of the IMF and the World Bank, and thus bear responsibility for its failing policies, there is surely an argument for the EU and its member states to take the lead in cancelling Africa’s debt during the Covid-19 crisis. But Europe’s historical responsibility goes back even further. In fact, Africa’s debt crisis can be traced to the colonial period when major foreign trade defects, such as high export dependence and high concentration on a few commodities, became characteristic of Africa’s economy. These defects, a legacy of European colonialism, have laid the foundations of Africa’s debt crisis. If the EU, whose initial integration was deeply intertwined with the colonial project, and EU member states are genuine about fostering a more ambitious and equal partnership with Africa, they should use this momentum to pay back some of their own direct and indirect colonial debt through a debt jubilee for Africa. The end of debt colonialism This would first require the EU and core member states such as France, Germany and Italy – all G20 countries – to agree among themselves on such a step. Given the faltering internal solidarity, again illustrated by the heated debates over coronabonds, this would be quite a hurdle. Yet the EU and its member states should realise the self-interest in supporting their neighbouring continent today: it is the only way to tackle the root causes of (future) migration flows and conflicts. If Africa defaults on its foreign debts due to the corona crisis and no longer manages to acquire international funding, the human, socio-economic and security consequences will undoubtedly spill over into Europe and be dire for a continent that already makes up 70% of the world’s poor people. The next hurdle for the EU is to coordinate an international response, in line with its commitment to multilateral solutions. The upcoming IMF-World Bank spring meetings on 17-19 April are a good starting point for a new debt cancellation mechanism that should draw lessons from and improve former initiatives like the Heavily Indebted Poor Countries Initiative. The latter was launched in 1996 to cancel some of the debts of the most impoverished countries, but its stringent conditions have so far not helped African countries achieve debt sustainability over time. Neither did all creditors, such as the commercial ones, participate in this initiative. By taking ambitious action and coordinating debt cancellation for Africa, while respecting Africa’s voice and economic sovereignty in the process, the EU can assert itself on the world stage, especially vis-à-vis China, which has itself been accused of debt colonialism towards Africa in recent years. This is the moment for the EU to reset and strengthen its relations with African countries and counter China’s growing influence there. In short, if the EU wishes to live up to its geopolitical ambitions with an EU-Africa Strategy that is both ambitious and credible, it should take the global lead and push for debt cancellation for Africa. Source: Centre for European Policy Studies The post WHY THE EU SHOULD TAKE THE GLOBAL LEAD IN CANCELLING AFRICA’S DEBT appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo malayshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 8-dii bishaan June ay Al-shabaab soo weerareen waddo agabka loo mariyo ciidanka AMISOM oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Jannaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah. “Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka baxay AMISOM Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday in ay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka. PUNTLAND POST The post AMISOM oo xaqiijiyay in ay dad Shacab ah ku laayeen Jannaale appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaraadka ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeyo hadaladii Madaxweyne Farmaajo iyo midkii Ra’isul wasaare Kheyre ee ku saabsanaa doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hadalka Farmaajo laga dhadhansan karo muddo kororsi, midaasna ay tahay sababta ay u diidan yihiin hadalka Madaxweynaha, oo ay u taageereen midkii kasoo yeeray Ra’isul wasaare Kheyre. “Ra’iisul wasaaraha hadalkiisa waa run waa soo dhaweynay; annaga wuxuu noogu muuqday xisbi ahaan markaan ka tashanay, dadkoo baddanna waa soo dhaweeyeen – maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda intaba waa soo dhaweyeen – waxaan u soo dhaweynay waxay tahay ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay saddex qodob; doorashadda in ay xiligeeda ku dhacdo, wuxuu kaloo sheegay noocay rabto ha noqoto ayuu dhahay that means [taas macnaheedu] waxay u furan tahay in ay dadku kawada hadlaan doorasho xiligaas ku dhici karta; wuxuu kaloo sheegay in saamileyda siyaasadda ay kala xaajoonayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Isagoo hadalka sii wato ayuu sheegay in madaxweynaha uusan isaga intaas oo kale sheegin balse uu ku hadlay hadalo caksi ku ah hadalkii uu sheegay Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. “Madaxweynaha ma sheegin; wuxuu kaloo [Khayre] sheegay in ay doorashadu xudun u tahay xasiloonida dalka, madaxweynaha ma sheegin, madaxweynaha caksideeda ayuu sheegay; madaxweynaha wuxuu sheegay in uu dhiig daadanayo; dhalinyaradda ayuu ka hadlay wuxuu yiri ‘dhalinyaroy yaan kursigiina dhiig lagu gaarin’ waxaa dadkii is-waydiiyeen markaa; madaxweynaha dhiigaan daadanayo uu ka digayo muxuu yahay?” ayuu u sheegay telefishinka Dalsan Tv. Cabdiraxmaan ayaa sababta madaxweynaha uu u dhahay dhiig ayaa la daadinayaa ku sheegay inay tahay kursi jaceyl iyo inuu madaxweynaha doonayo inuu isku sii dhajiyo kursiga. Ugu dambeyntii wuxuu madaxweynaha ku dhaleeceeyey inuusan fahamsaneyn waxay tahay doorashada iyo waxa ay uga dhigan tahay dalka, wuxuuna Cabdiraxmaan xusay in doorashooyinka ay ka qeyb qaataan xasiloonida dalka.
  11. MOGADISHU (HOL) -The Senate has called on the country’s leadership to set aside political differences and come together to address pressing issues in the country. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Pyonyagn)-Gabadha ay walaalaha yihiin hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa door muhiim ah ka qaadaneysa olole cusub oo ka dhan ah dalka kuuriyada koonfureed, taasoo dadka wax odorosa ay ku sheegeen in door siyaasadeed oo wax ku ool ah ay ku caawineyso walaalkeed. Haweeneydaan oo la aaminsanyahay in ay jirto 30 sanno ayaa ah qofka kaliya ee qoyskiisa ugu dhaw hoggaamiayha kuuriyada waqooyi ee door muuqda ka ciyaareysa siyaasadda. Intii lagu guda jiray sannadihii 2018-2019 duulaankii diblomaasiyadeed ee caalamiga ahaa, ayaa Kim Yo Jong waxey indhaha caalamka ku soo jeedisay wafdi ay hoggaamineyso oo tegay ciyaarihii Olombikada xagaaga ee lagu qabtay dalka Koofurta Kuuriya. Waqti dambe ayaa haddana waxaa la arkay iyadoo hubineysa waxa u hagaagay walaalkeed ka weyn oo ku sugan goob tareen oo uu kula kulmayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku taalla dalka Vietnam. Ms Kim, ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka ku jira liiska cunaqabataynta Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid_19. Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xuseen Maxamed Yuusuf oo Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay in baadhitaan la sameeyay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay xanuunka laga helay 13 Qof oo cusub. Wuxuu sheegay Xuseen Maxamed Yuusuf in hal Qof oo cusub ka bogsaday Xanuunka. Madaxa xidhiidhka Dadweynuhu wuxuu sheegay in xanuunku soo yaraanayo “Waxaad mooddaa in Xanuunka soo yaraanayo, Waayo? Tirada (Dadka laga helayaa) way soo yaraanaysaa..” ayuu yidhi. 13-ka Qof ee laga helay xanuunka ayaa Tirada guud ee ka dhigaysa 479 Qof. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed. Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan. Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay BBC Somaali ayaa yidhi “Hadalkaa hadal khaldan baan u aragnaa, Aad baan ula yaabanahay wax dhowr sano ka hor sheekadoodu dhamaatay in Wasiirku ku soo celcelinayo oo uu illaa hadda hadal hayo, Somaliland, DP World iyo Itoobiya heshiisyada ay galeen ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, si Madax-banaan ayay u galeen, Cid kale oo ay wadaysan lahaayeen oo awood ku lihi ma jirto, sidaas ay ku galeen ayuuna ku dhamaanayaa, Mashruuciina dhammaad buu ku dhaw yahay oo meel wanaagsan buu marayaa.” Faratoon wuxuu sheegay in Wasiir Cawed iyo Madaxda ka sarraysa ee Soomaaliya aanay isku hadal ahayn “Waxa layaab leh in Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Wasiirkaasi ay dhinac kaga hadlayaan isku soo dhawaansho, Isfaham iyo Wada-hadallo, haddana waxay sheeganayaan Somaliland..” Source
  15. Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur Cabdulcasiia Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii labaad ku sugan magaalada xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa maanta booqday askar ku dhaawacantay dagaallo dhexmaray Al-shabaab iyo Koonfur Galbeed oo ka dhacay halkaasi. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa deeq lacageed gaarsiiyay ciidamada ku dhaawacmay dagaalka Al-shabaab ee uu ku booqday isbitaalka degmada Xuddur ee gobolkaasi Bakool. Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta in ay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamada ay ku socoto dib u-habeyn hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wefdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xaruunta. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’adaha halkaasi ka hawlgala inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira degaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lafta Gareen oo deeq lacageed gaarsiiyay askar ku dhaawacantay dagaalka Shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. I was talking to a friend of mine last time. He lives in Mogadishu. He was complaining about his property that is dispossessed by a lady. This lady deprives him of his real estate by force. And he can’t get back his property no matter what he does. Access to justice is part of modern democracy, and it’s also a precondition for enforcing rights that have been granted. Justice, in this sense, is a public good such as security, health care and education. Legal problems are associated with high tangible and intangible costs and are concerned with a significant part of the population. Therefore, this legitimises that justice is the object of government policy. The effectiveness of access to justice is not the same from every perspective. The emphasis on (formal) systems that facilitate access to justice and justice facility says nothing about the results. A distinction can be made between formal and substantive access to justice. The last perspective looks at the possibility for people to arrive at a genuinely substantive outcome or solution to their problem. It ties in with the notion that access to justice only has meaning if it can also be effectuated. Although in the first instance, the emphasis was mainly on formal access, this substantive element has always been the goal and legal access to an independent, neutral judge (or other decision-makers). This anecdote mentioned above is not limited to my friend alone but is shared by many other dispossessed. If people cannot exercise their social rights, then social protection is also eroded. Also, anyone who wants to defend their rights legally will be confronted with financial hardship and other barriers to access to justice. Another critical barrier to obtaining justice is the fact that for some reasons, licenses are not granted automatically to the rightful or even if given, judgment not automatically executed. The most vulnerable people in the post-conflict and or developing countries often are exposed to both extreme poverty and human rights violations. Assisting victims of these violations and the socially and economically vulnerable groups is to provide equal access to justice, through which these people can claim their rights. Access to justice, which ensures the application of impartiality of the law, is an essential factor in the fight against social injustice. To recognise and strengthen the link between equal access to justice and the reduction of social injustice, the government must take this issue very seriously and tackle head-on. Real estate dispossession is very endemic in the country. The government must meet its commitments on social justice and see the political, organisational and financial challenges to ensure access to justice for those who need it most. The Somali Republic judiciary system has completely collapsed after the fall of the last regime and is now fragile. On the one hand, material access to the courtroom is getting complex by the fact that there are few government courts outside the capital. On the other hand, the police habitually act as judicial authorities and deal with cases reported to them, internally and without legal powers. For example, many instances of corruption, extortion, harassment, and arbitrary detention is what let the friend mentioned above not to rapport the case to either the police nor take the case to court. The high cost of justice, the severe staff shortage and the nature of the cases handled make access to the justice unrealistic for the vast majority of Somalis. And given the limited presence of government judicial institutions outside the capital combined with their abuses, many Somalis are forced to use other forums to resolve their disputes through clan leaders or with Al-Shabaab courts. While this alternative form of justice has the advantage of being more accessible, it is not free from criticism. On the one hand, it leads to conflicts of jurisdiction and confusion among citizens. And on the other hand, there’s a safety risk to those seeking justice if they ever had any dealings with government institutions, as Al-Shabaab will regard them apostates and execute them. There are also reports of intimidation, especially in areas where their local courts do not provide an adequate response to conflicts. People wonder whether MPs think about the laws they pass and how poor people have to do with inefficient and inadequate social protection. To improve the situation, the government must respond to the needs of these victims; otherwise, peace may never come. Justice has never been more critical than today. Not only to settle personal disputes but to fight against discrimination and injustice but also as a control to guarantee fundamental human rights. Insufficient and inadequate access to justice can lead to all kinds of negative consequences. To prevent social division, reduced participation, and undesired forms of self-direction which can lead people taking matters on their hand for example through physical violence, the government must take steps to equip citizens with sufficient legal capacity. It is also essential to strive for a customer-oriented legal system. It is also necessary to focus the legal system more on the concrete needs and requirements of citizens in their different relationships. And to detach the legal system somewhat from its legal conflict model, for example, by lowering the psychological barriers to starting proceedings and a customer-oriented attitude, for an instant through clear communication to promote judicial decisions. Access to justice must aim at least to realise two goals of the system with which citizens can obtain their rights under the aegis of the state. First, that its policy is equally accessible to everyone and secondly that the results are individual and be socially just. Finally, it is imperative that the government, through confidence-building to improve the legal climate. To achieve this, more consistent compliance with court decisions is necessary, as well as a reduction in the burden on it engaging a neutral intervention, for example, through improving the lead times. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay eedeynta dowladda federaalku u jeedisay dowladda Imaaraadka, gaar ahaan shirkadeeda DP World. Somaliland ayaa hadalkii shalay kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ku macneysay mid khal-khal gelin weyn ku sameynaya xiriirka wanaagsan ee Somaliland iyo Imaaraadka. Qoraal dheer oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya aysan ka dhaxeyn wax wada-hadal iyo is-fahan ah oo horseedi kara inuu hoos u dhaco meeqaamka xiriirkooda Imaaraadka carabta. Qoraalkaasi oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixiso sidii ay isku hortaagi laheyd mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee ay dowlada Imaaraadku ka wado gudaha deegaanada Somaliland, waxaana lagu yiri: “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xidhiidhka labada wadan ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaradka Carabta”. “Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Jumhuuriyadda Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin”. Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland “Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xidhiidh ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan”. “Ugu dambeyn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso”. Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Wareysi uu siiyey Telefishanka Al-Arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin ka wado gudaha Soomaaliya, midaasi oo si weyn uga gubatay Somaliland.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad ka diiday dalab ah iney la kulmaan Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynayaashii hore ayaa guddoonka u sheegay in aysan la kulmeynin Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay iska laabtaan guddoonka Golaha Shacabka ee dalabka waday. Caasimada Online ayaa heshay qodobo ay sabab uga dhigeen mas’uuliyiintaan in aysan la kulmaynin Farmaajo. Labada hoggaamiye ayaa rumeysan in Farmaajo aysan daacad ka ahayn kulanka, islamarkaana aanu dooneyn xal siyaasadeed, balse taas beddelkeeda uu rabay inuu qaldo ra’yi caamka iyo indhaha beesha caalamka. Xasan iyo Shariif ayaa rumeysan in haddii madaxweynaha uu xal rabo uu ogolaan lahaa inuu la kulmo madaxda maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda uu ka cago jiiday, balse qorshihiisu ahaa inuu cadaadiska beesha caalamka isaga yareeyo la-kulanka labada madaxweyne, iskuna muujiyo nin mucaaradka la fariisanaya. Waxay sidoo kale sheegeen in Farmaajo uusan kasoo bixin qodobadii horey loogu heshiiyey waxayna Mursal ku yiraahdeen “Madaxweynaha hadda ka hor ayaa la kulanay waxaana ku heshiinay lix qodob hal xabo oo kamid ahna waxba kama qaban xataa iskuma dayin, sabab aan hadda ula kulano ma jirto. Waxaa sii adkaanaya xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyadoo ay sii kala tagayaan dhinacyada siyaasadda dalka, waxaana kordhaya cadaadiska madaxweynaha ay ku beesha caalamka ku saareyso inuu la kulmo madax goboleedyada iyo mucaaradka. Bulshada Soomaaliyeed ayaa qaba walaac xoog leh oo ku saabsan xaaladda wadanka waxaana cabsi laga qabaa in xaaladda intaan ka sii adkaato, haddii aanu madaxweynaha soo dabcin.
  19. Madaxweyne Muuse biixi ha u tudhin 10ka bidde ee taliska xamar ee naxashka ku dhex bakhtiyay kala qayb qaadanaya dagaalka iyo duminta Qaranka Somaliland. Waxaa ayaan darro ah inaynaan ku baraarugsanayn dhibka iyo dagaalka cadawnimo ee ay Somaliland kula jiraan 10ka bidde ee u ban baxay inay xoojiyaan cadawnimada maamulka xamar u qabo jiritaanka Somaliland. Waxaa ayaan darro ah in xukuumadda Somaliland, golayaasha Xildhibaanada iyo Guurtida, iyo Guddomiayaasha Xusbiyada Qaranku aanay marnaba is weyddiinin inay ka hortagaan cadaawadda ay wadaan maamulka xamar ee ay u adeegsanayaan kuwa sheegta inay Somaliland u dhasheen, si ay udumiyaan Jiritaanka Somaliand. Waxaa ayaan darro in xeer ilaalinta iyo hay’adda nabadsugidda qaranku ka gaabsadaan inay ku dhaqaaqaan tallaabo sharci oo laga qaado kuwa Somaliland u dhashay ee xamar jooga ee ka qayb qaadanaya wax alla wax kasta iyo tallaabo kasta oo lagu buruburinayo jiritaanka Somaliland. Waxa ayaan darro ah in 10 bidde oo dhuuni dhaafsaday inay dalkii ay u dhasheen ee Somaliand cadawga soo wweraraya ka mid noqdaan, oo weliba ku faanaan inay si badheedh ah ugu jiraan dagaalkaas, kuna boorriyaan shacbiga Somaliland inay ka mid noqdaan dagaal lagu burburiyo Qarankii ay ku soo koreen, ee ay kusoo caano maaleen. Waxay dalalka reer galbeedku ku dhiirradeen inay buunbuuniyaan taliska xamar ee maydka ah, ee naxashka ay ku lulayaan, markay arkeen Somaliland oo aan ku baraarugsanayn dhibka ay u leedahay. Dawladaha reer galbeedku way ka dharagsan yihiin in Somaliland tahay qaran buuxa, waxayse arkayaan inaan xukuumadda Somaliland dhib u arkaynin biddeyaasha loo adeegsnayo inay matalaan Somaliland sidaasna ay u doorbidayaan inay aqbalaan dadkaasi inay sheegtaan inay Somaliland ka wakiil yihiin. Dastuurka Somaliland waxuu xaaraan ka dhigayaa sheegasho kasta oo cidi sheegato inay Somaliland qayb ka mid ah tahay. Waxuu kaloo dhigayaa in ciddaasi tahay cadawga koowaad ee Qaranka Somaliland. Dastuurka Somaliland marna ma bannaynayo in maamulka xamar iyo dastuurkiisu sharci yihiin, sidaa awgeed inaanu marna aqoonsanayn maamulkasta oo sheegta inuu yahay maamul soomaaliya ama fedeRaal soomaaliya. Waxuu dastuurka Somaliland bannaynayaa, waajibna ka dhigay in dagaal lagu qaado cid kasta oo cadawga usoo raacda oo u dhalatay Somaliland. Waxaa xasuusin mudan in xeer ilaalinta Qaranka ay tahay waajib saaran inay dacwad kasoo oogaan dadkaa somaliland u dhashay ee aan marnaba ka gabban inay xoojiyaan dagaal maamulka xamar u caddaystay inuu somaliland kusoo qaado, si uu u burburiyo jiritaanka qaranimada Somaliland. Xeer ilaalinta iyo sirdoonka Somaliland waxay hayaan caddaymo badan oo muuqaal ah, oo tusaya fal dambiyeedka ay gacanta kula jiraan biddeyaasha Somaliland u dhashay ee maamulka xamar u adeegsanayo inay dumiyaan jiritaanka qaranimada Somaliland iyo Nabadda ka jirta. Xeer ilaalinta iyo guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ha gartaan waajibka saaran, oo dambiilayaashaa ha soo taagto maxkamad caddaali ah iyaga oo maqan. Dastuurku waxuu jideeyay in ruuX kasta oo Qaranka dembi ka gala aanu maxkamad ka baxsan karin, xataa hadduu dalka dibaddiisa ku nool yahay, sharcina ay tahay in maxkamad la saari karo isagoo dalka ka maqan. Colaadda iyo xiqdiga ka soo burqanaya maamulka xamar ee markuu cagaha ku istaagi kari waayay, ku naaloonaya inay Somaliland jiritaankeeda la dagaalamaan si uu foolxumadiisa ugu daboolo, waxaa Somaliland waajib ku ah inay qaaddo tallaabo kasata oo ay ku difaacayso jiritaankeeda. Haddii maanta maxkamad la saaro 10ka bidde ee sheegta inay Somaliland ka soo jeedaan, oo dembiilayaal qaran lagu sunto marka xukun lagu rido, waxaa caddaanaoysa inaan dawladaha reer galbeedku ku dhiirranaynin inay matalaan qaranka Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi waxaa la gudboon inuu war cad kasoo saaro sidii loo buruburin lahaa dhibka ay 10ka bidde ee Somalialnd u dhashay ee xamar u wakiilatay dagaalka Somaliland Somaliland uma baahna dal aan iyada u baahnayn. Danta dunidu ku qabto ayaa ka badan danta Somaliland ku qabto caalamka. Somaliland iyada oo dalalka reer galbeedku cunaqabatayn dhaqaale iyo milatari saareen ayay cududdeeda ku caano maashay, oo is dhistay iyada oo addunku ka eegayay inay isku dunto markay wax walba ka goosteen. Somaliland waa qaran jira oo jooga, reer galbeedkuna way arkayaan, haddaynu u sheegno inaynu ka maarano, waxay ku khasbaysaa inay usoo joogsadaan Somaliland, mar hadday ka maarmi karto. Eebbe ayaa mahad leh. Axmed Yuusuf Jicsin@hotmail.com London U. K. Qaran News
  20. Somaliland: Hadalka Amb Axmed Ciise Cawad waxaan u aragnaa mid khaldan Waxaa muuqanaysa in markale uu soo laba kacleeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, arrintan ayaa timid kaddib markii wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu waraysi uu siiyey telefishanka Al-Carabiya uu ku sheegay in shirkadda DP-World ee Imaaraadku ay khatar gelisay madaxbannaanida dhulka Soomaaliya. Amb Axmed Ciise Cawad waxa uu intaasi ku daray in la joogo waqtigii shirkaddaasi dalka laga difaaci lahaa. Wareysiga ayaa dhaliyey hadal hayn fara badan oo dhanka barasha bulshada ah. Haddaba wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaan kula xiriirnay khadka taleefanka, waxa uu u warramay Cabduraxmaan Cali Dhimbil oo ugu horreyn weydiinnay waxa hawshan soo cusboonaysiiyey? Dhanka kale Jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa iyana dhankeeda ka Jawaabtay hadalkaasi kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee ku saabsanaa joogitaanka shirkadda DP-World ee Somaliland. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo luuqada Carabiga ku qornaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin hadalkii ka soo yeeray Wasiir Cawad uuna yahay mid khalkhal gelin lagu samaynayo xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa isna waxaa khadka taleefanka kula xiriiray Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil. Qaran News
  21. Maamulka Hirshabelle ayaa si buuxda u taageeray Warsaxaafadeedkii kasoo baxay Aqalka Sare ee lagu dalbanayaa Shir deg deg ah oo looga arinsanayo Doorashada. Qoraalka Hirshabeele [...] The post Hirshabeele oo taageertay Aqalka Sare appeared first on . Source
  22. (SLT-Hargeysa)- Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu fadhi aan caadi ahayn isugu yeedho xildhibaanada golaha wakiilada. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Sida uu warku sheegay Madaxweyne Biixi ayaa xildhibaanada isugu yeedhi doona toddobaadka soo socda si ay waajibaadkooda distooriga ah uga gutaan labadii xubnood ee ay UCID iyo Waddani u xuleen guddiga doorashada oo uu Madaxweynuhu mar labaad hore gayn doono, iyagoo ay xildhibaanadu hore ugu diideen cod aqlabiyad ah. Madaxweyne Biixi ayaa arrintan u sheegay labada guddoomiye xisbi mucaarad Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo toddobaadkii la soo dhaafay la yeeshay kulan ka dhacay madaxtooyada. Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu ka hor yeedhmada xildhibaanada ee fadhigan aan caadig aahayn samayn doono dhaqdhaqaaq uu xildhibaanada kaga codsanayo inay ansixiyaan labadaas xubnood ee ay hore u diideen ee ka socda labada xisbi mucaarad. Waxase loo wada dheg taagayaa in xildhibaanadu ansixin doonaan labadan xubnood iyo inay mar labaad soo celin doonaan. Xildhibanaada golaha wakiilada oo la filayay inuu kalfadhigoodu u furmo toddobaadkii hore ayaa waxa la siiyay fasax dheer xanuunka Covid-19 dartii. Source