Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka soo baxaaya Ilo ku dhow Xukuumada Somaaliya ayaa Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyey in la baajiyey shirkii Khamiislaha ahaa ee beri uu sida caadiga [...] The post Breaking News : – Shirkii beri Khamiista Golaha Wasiirada Dawlada Federaalka oo la baajiyey khilaafad Golaha ka dhex jira awgood. appeared first on . Source
  2. The upper house of Ethiopia’s parliament elected a new speaker on Wednesday. A majority of members of the House of Federation voted...... Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa fasiraad diblomaasiyadeed ka bixiyey qoraalkii shalay kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ee loo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19.” Cabdiraxmaan Caynte, oo qoraal kooban soo dhigay facebook, ayaa qoraalka Mareykanka ku qeexay canaan iyo ceebeyn ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya iyo tallaabada ugu adag ee diblomaasiyadda, taasi oo sida uu sheegay waji-gabax ku ah madaxweynaha. “Marka ay safaarad dal aad saaxiib dhow tihiin farriin sidan u qayaxan soo dhigto barteeda bulshada, waxay ka dhigan tahay inay kasoo quusatay wadiiqadda diblomaasiyadda oo ah talo iyo tusaaleyn aan la shaacin, toosna loogu gudbiyo madaxda ay khuseyso. Waxaase muuqaneysa in Mareykanku haatan usoo jeestay canaan iyo ceebeyn. Waana tallaabada ugu adag ee diblomaasiyadda. Ma is leedahay waa laga baaqsan karay waji gabaxan?” ayuu yiri Caynte. Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa cadaadiska kusii kordhiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo diidan inuu madaxda maamul goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashooyinka, xilli la sheegay inuu doonayo muddo kororsi. Baaqa Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Dhowr maalmood un kahor ayay ahayd markii uu fashilmay shir u dhaxeeyay guddiyo kala matala Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay madaxtooyada diiday dalab ka yimid dowlad goboleedyada oo ahaa inay ka hor 15-ka bisha kulmaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada.
  4. Faahfaahino ayaa laga helayaa waxa looga hadlay kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan [...] The post BIG NEWS : – James Swan oo maanta kulan la yeeshay Fahad Yaasiin iyo arimo xasaasi ah oo soo kordhay appeared first on . Source
  5. Addis Ababa (Caasimada Online)-Kulan uu maanta magaalada Addis Ababa ku yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay guddoomiye Soomaali ah loogu doortay golahaas. Aadan Faarax Ibraahim, oo dowlad deegaanka Soomaalida kasoo noqday Madaxweyne ku xigeen ayaa maanta cod aqlabiyad leh loogu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Itoobiya. Guddoomiyahan cusub ayaa siyaasi caana ka ah dalka Itoobiya, waxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay deegaanka Soomaalida, isagoo hadda ahaa madaxweyne ku xigeenka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Guddoomiye Aadan ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee xil sidaasi u sareeya ka qabta dowladda Itoobiya, iyadoo golaha Aqalka sare ee dalkaas oo ka kooban 153-Xubnood ay Soomaalidu ku leedahay lix kursi oo kaliya. Dalka Itoobiya waxaa ka jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada dib loo dhigay, waxuuna guddoomiyahan cusub bedelayaa Kheyriya Ibraahim oo maalin ka hor xilkaas iska casishay, kadib markii ay ka war heshay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy mudada xil heynta look or dhinayo, iyadoo maanta waqti aan la cayimin dib loo dhigay doorashiiyinkii guud ee dalka Itoobiya. Horay golaha Aqalka Sare waxaa guddoomiye ku xigeen uga ahaa Maxamed Rashiid Xaaji oo isna ah Soomaali, waxuuna maanta xilkaas uga tegay si iskiis ah, maadaama guddoomiyaha la doortay ay kasoo wadajeedaan ismaamulka Soomaalida. Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare waxaa isla maantaba loo doortay Itsegenet Mengistu.
  6. Addis Ababa (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa mudo aan la cayimin waqti kordhin u sameeyay xukuumadda dhexe ee dalkaas ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Adis Ababa. Sidoo kale xildhibaanada ayaa maanta u codeeyay in si lamid ah xukuumadda waqtiga loo kordhiyo maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka Itoobiya. Kulankii baarlamaanka ayaa laga sheegay in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib, marka ay mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Itoobiya ku dhawaaqaan in aysan dalka ka jirin halis caafimaad, maadaama dalkan uu ka jiro xanuunka COVID-19. Dadka kasoo horjeeda tallaabada uu baarlamaanka Itoobiya waqtiga ugu kordhiyay xukuumadda ayaa walaac ka muujinaya in aysan jirin cid og waqtiga uu dhammaan karo cudurka Coronavirus. Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka Itoobiya ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Isniintii todobaadkan, ay is casishay Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Itoobiya Kheyriya Ibraahim. Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri, “Koox keli talis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan lasii shaqeeyo diyaar uma ihi” Waxayna u muuqatay inay ka careysneyd qorshaha dib u dhigista doorashada oo ay ka war heshay. “Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda. Kheyriya Ibraahim waxay aheyd xubintii ugu dambeysay ee xisbiga Tigreega dalkaas ku mataleysay dowladda dhexe, waxaana jira khilaaf culus oo dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Abiy iyo is-maamulka Tigreega dalka Itoobiya, oo kol hore ku goodiyay inuu qabanayo doorashada guud ee dalka. Abiy Axmed ayaa isbaddal weyn ka sameeyay siyaasadda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018-kii, waxuuna xilligaas talada dalka kala wareegay xisbiga Tigreega oo muddo dheer soo xukumayey Itoobiya. Bilihii u dambeeyay Abiy Axmed ayaa wajahayay mucaaraddo weyn iyo dhaliilo ku aaddan sida uu maamulkiisa u maareynayo awood qeybsiga federaalka, waxayna eedeynta ugu badan uga imaaneysa is-maamulka Tigreega.
  7. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta codka aqlabiyad leh ku ansaxiyay xubin ka mid noqonaysa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka. Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye ayaa kaga mahadcelisay Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta u codeeyay in ay ka mid noqoto Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana ay balan qaaday inay u shaqayn doonto bulshadeeda si cadaalad ah.156 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye oo maanta laga bilaabo si rasmi ah kaga mid noqoneysa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka. “Waad ku mahadsantihiin inaad ii codeyseen, waxaan Alle ka baryayaa inaan noqdo qof guta shaqadiisa, Ummadda Soomaalyeed u wada noqda qof ay u siman tahay, idinkuna shaqo badan ayaa idin taalo Alla waxaan idinkaga baryay in aad noqotaan kuwii ka soo baxa” ayay tiri marwo Sacdiyo Yuusuf. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. From Kenya's perspective, it seemed like they already had it in the bag: In a secret ballot in February, the member states of the African Union (AU) nominated Kenya to take one of three African seats on the United Nations (UN) Security Council, which will become vacant in January 2021. Source: Hiiraan Online
  9. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Aqalka Sare ku dhex galayo, guddina ugu saarayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale uu ammaanay sida ay u ajiibeen inta badan dowlad goboleedyada. “Mareykanka waxaa uu ku baaqayaa kulan degdeg ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, Dastuurka KMG waxaa u saldhigayaa wada hadal iyo wada shaqeyn dhexmara dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo qodobka 51(3) kaas oo dhigaya in ugu yaraan Madaxweyneyaasha ay ugu yaraan sanadkii kulmaan haljeer” ayaa lagu yiri qoraalka. Safaaradda Mareykanka waxaa ay soo dhoeysay Baaqa kasoo baxay Aqalka Sare ee lagu dhexgalayo dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah iyo soo dhowynta baaqaas ee Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Saciid Cabdulahi Deni oo Puntland ah iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo saamileyda kale. Ugu dameyn, Mareykanka waxaa ay dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeen iney la yimaadaan go’aan geesinnimo lah oo lagu qayaxayo nidaam doorasho oo la qaban karo, waqtigana lajaanqaadi kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. June 9, 2020, Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed has urged South Sudan President Salva Kiir Mayardit to stay out of its dispute with Egypt [...] The post Breaking news: Ethiopia warned of consequences should South Sudan allow Egypt to have base in the country appeared first on . Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa waxa looga hadlay kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin. Kulankaas oo ka dhacay Xalane ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan. Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, James Swan ayaa Agaasime Fahad farriin ugu dhiibay madaxweyne Farmaajo, taas oo la xariirta arrimaha doorashooyinka dalka oo mudooyinkan cadaadiska ugu badan lagu saarayo xukuumadda in aysan dhaafin waqtigeeda. Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lagu tiriyaa xubnaha saameynta ugu badan ku leh dalka maadaama uu hoggaamiyo sirdoonka, waana tan keentay in James Swan uu xilligan kala hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo mareysa meel xasaasi ah. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu cadaadinayaan inay ku dhaqaaqaan doorashooyinka dalka oo aysan waqtigooda la dhaafin, iyadoo dad badana ay qabaan tuhun ah in madaxdu ay damacsantahay muddo kororsi. Waqtiga ka haray muddada xil heynta madaxda qaranka oo kooban ayaa dhaliyey in sacadihii u dambeeyay ay iska soo dabadhacaan baaqyo is dabajoog ah oo ay jeedinayaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare, dowlad goboleedada Puntland, Jubbland, Hir-Shabelle iyo Madasha Xisbiyada Qaran, safaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo dhinacyo kale. Dhinacyadaas ayaa dhamaantoodba ka mideysan in la isugu yimaado shir wadatashi ah inta aan oo ay yeeshaan saamileysa siyaasadda Soomaaliya inta aan la gaarin 25-ka bishan, balse waxaa muuqata in dalabyadaas iska soo dabadhacaya ay ka caja jiideyso Villa Somalia, maadaama aysan weli kasoo jawaabin.
  12. At least one civilian was killed and 10 others were injured in a hand grenade attack at a busy market in Somalia’s port city of Kismayo on Tuesday night, a local resident said. The local resident who declined to be named told Caasimada Online that unknown assailants hurled a hand grenade outside a restaurant at Golole Market area and fled the scene after launching the attack. At the time of the attack, there were police around the area who immediately opened fire in response to the attack though the gunfire did not cause casualties. Said the local resident. The wounded were rushed to Kismayo hospital for medical treatment. He added. In the aftermath of the bomb attack, security forces sealed off the scene of the explosion and launched an investigation into the incident, though no arrests have been made. The attack in Kismayo, about 485 kilometers south of Mogadishu, comes amid ongoing military operations against Al-Shabaab in the lower Juba region by Jubbaland regional forces and their allied AMISOM troops. The port town once served as a major stronghold for al-Shabab fighters.
  13. Magaalada Muqdisho waxaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo kuwada dheelay ciyaartooydii hore Dalka ee Gobolada Banaadir iyo Gobolka Shabeelada Hoose waxaana is dhaxgalkan ka shaqeeyay dhallinyaro ka timid qurbaha iyo kuwa jooga Wadanka,iyagoo mudooyinkii danbe ka shaqaynay kulamadan oo kale. Cali Cusmaan oo ka tirsanaa kooxdii ku ciyaaraysay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa u mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay howshan,wuxuuna madaxada ciyaaraha u soo jeediyay in ay abaabulan isu imaantinka is dhaxgalkan oo kale. Saacid Axmed Abuukar oo horay u ahaa garsoore ayaa isna sheegay in kulamadan oo kale ay qibrad wanaagsan ka helayaan dhallinyarada soo koraysa Xidigihii hore Soomaaliya ayaa ku faraxsanaa in mudo dheer ka dib ay ku kulmaan garoon, iyagoo bogaadiyay qaban qaabiyaasha iyo mas’uuliyeentii casuumay Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Muqdisho Ay Ku Dheeleyn Labada Dhinac W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Baydhaba (PP News Desk) — South West State President Abdiasis Hassan Mohammed has paid a visit to soldiers wounded in the fight against Al-shabaab insurgents in Bakool. President Abdiasis commended soldiers in Huddur for taking the fight to terrorists whose sole aim is to kill or maim citizens. South West State President handed money to wounded soldiers in recognition of their valour to protect citizens’ life and limb. President Hassan visited development projects being implemented in Huddur, the adminstrative capital of Bakool. Locals shared with President Hassan stories about how the district administration appointed by South West State is making a difference to their lives. “We are no longer worried about the possibility of Al-shabaab retaking Huddur. They are not a match for Somali soldiers” one elder said. South West State has allocated a budget to boost public services such as education, health, animal husbandry and security in a region bordering Ethiopia. © Puntland Post, 2020 The post SOUTH WEST STATE PRESIDENT VISITS WOUNDED SOLDIERS IN HUDDUR appeared first on Puntland Post.
  15. Qaran mise qabiil keebaa inoo quman! Dad badan oo ka mida madaxyawaynta, culimada, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo bulshada ayaa ka walaacsan mustaqblka dalka iyo qaabka wax u socdaan. Waxaa muuqatay in bulshadeena iskaga milantay qaranimadii iyo qabiilkii, qofkii iyo qarankii,hay’adihii iyo xafiisyadii oo isu bedelay musuq qabyaaladeed oo dantii guud iyo tii gaarka ahayd aanay kal soocnayn. Waxaa xadhkaha goostay oo noqday nidaam (system) in qofku aanu marti u ahayn sharci ee uu marti u yahay yaad tahay, maxaa taqaanaa ay bedeshay yaad taqaanaa iyo qaado isaguba wuu qaataye oo aan la xisaabtami karin. Arinta iyaduna walaaca leh ee muujinaysa ayaan darrada waxay tahay marka lagga tago nidaamka leexday in goloayaashii dawladdu noqdeen sayladihii laaluushka iyo qabyaaladda (tribalism institutions) waxaa intaa dheer in qori isu dhiib ay noqotay oo laggu ababiyay ubaxii iyo dhalinyaradii wadanka qabyaalad taas oo keenaysa in cudurkaa dilaaga ahi uu riiq dheeraado oo ay adkaanayso in loo helo daawo. Qofkasta oo xil hayaa ma matelo bulshada ee waxa uu matalaa qabiilkiisa iyo qoyska uu ka soo jeedo, xitaa haduu yahay qof wanaagsan oo daacada oo qaranka iyo bulshada u adeega ma leh aqoonsi kale waa “ reer hebel” oo bulshadu qiimayn kale uma hayso. Ma odhan karo aqoon la’aan baa jirta oo goloyaasha sadexda ah ee dawladdu ka koobantahayba waxaa ku jirra dad aqoon maadiya iyo mid diiniyaba leh oo sita shahaadooyin sarre laakiin waxay inbadan oo kamidi qabaan cudurada dilaaga ah ee qaraabakiilka iyo musuqu ka mid yihiin, waxayna afhayeeno u yihiin nidaamadan fasahaaday (systemically corrupted ) ah, ku darsoo hay’adihii ilaalin lahaa sharciguna kama badbaadin iyaguna musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo uma fulin karaan hawshii loo igmaday si cadaalad ku dhisan. Arimaha kale ee hadda noqday laf dhuun ku taagan ee Nidaamka dawladu ku dhisan yahay waxaa ka mida: 1- qabyaaladda wax lagu qaybsaday ee xitaa kuraastii qaar reer hebel loo xidhay kuraasta Soomalidu waxay tidhaahdaa “ wadaanta isha ka xumaataa faylkay la tagtaa” taasina waxay horseeday dulmi,sed bursi, faquuqid iyo kala sarayn. 2- Nidoomka dimiqraadiyadda oo lagu qaatay si indho la’aan ah balse yeedhis ahaa oo aan xitaa daraasaad cilmiyaysan oo madax banaan iyo aqoonyahan loo xulay oo ka talo bixiyay jirin, balse sidiisii loo soo minguuriyay, “isu ekaa ayaamuhu” waxaa la qaaday jid la mida kii tawraddii Siyaad Bare ee lagu soo xanbaartay nidaamkii hantiwadaagga( communism), nidaamka dimuqraadigu waa tuul lagula dagaalamayay diimaha iyo dhaqanada bulshooyinka lagguna kala furfuraayay aduunka, yoolka fog ee lagga lahaana uu ahaa in la helo nidaam caalamiya oo laggu maamulo khayraadka iyo siyaasadda aduunka ayadoo wajigiisii dhabta ahaana hada la gaadhay (New world order) oo nuxurkiisu yahay in dad kooban oo gaar ahi caalamka dhaqaalihiisa iyo maamulkiisaba la wareegaan siday doonaana uggu takrifalaan. 3- Nidaamka is cabudhinta oo aan qofka loo ogolayn in uu ra’yigiisa cabiro iyadoo markiiba laggu shaanbadaynayo in uu nidaamka ka soo hor jeedo, lana kulmayo hanjabaado iyo xadhig, toosintii iyo turxaan bixintiina noqotay cadawga koowaad ee nidaamku leeyahay, arintaas oo keentay in siyaasiyiin iyo saxafiyiiniba dalka ka yaacaan dhacdadani waxay i xusuusisay maahmaah Dadka Shiinuhu leeyihiin oo tidhaahda “ Hadaad doonayso in aad run sheegto diyaarso faras dheereeya”. Xaaladan cakiran oo dadka qofba si ugga jawaabo xal u helideeda, ayaa waxaa soo baxaayay dareeno intooda badani ay ku dhisayihiin caadifad iyo cadho laakiin aan ahayn kuwo ka turjamaya caqliyad ( rational) innagu hagta xal waara in dhibaatadan jirta loo helo. Taariikhda Bulshooyinka caalamka marka aad dib u raacno laba arimood uun baa miduun xal u noqda in ay badbaadiso jiritaankooda qaran iyo umaddeed: 1- in taladooda uu qabto qof ama koox isbedel doona oo ku midaysan fikrad (ideology) xukunka la wareegto oo ay mideeyaan bulshada una jeexaan dhabbo gaadhsiisa horumar iyo cadaalad tusaale ahaana aynu u soo qaadan karo China iyo Rwanda. 2- In dadkaasi uu la kulmo cadaawad dibada kaga timaada ama uu galo gumaysi taas oo midaysa bulshada ku dhaqan sidii ay isaga caabin lahaayeen oo u heli lahaayeen xoriyadoodii oo iyana keenta in ay aayahooda ka tashadaan oo midoobaan tusaale u soo qaadan karo dagaal kii labaad dabadii oo horseed ka noqday in Europe inteedii badnayd midaobaan. Waxaa markaa haboon in bal dib loo xisaabtamo oo lays waydiiyo xagaynu u soconaa ? maxaynu doonaynaa ? dal caynkeeya baynu rabnaa oo mustaqblka hiigsanaynaa? nidaamadii aynu qaadanay in aynu isku maamulaa horteenay ku fashilmeen maxaa Xala? Iyo su’aalo la mida oo khuseeya aayatiinkeena ummadnimo iyo qaranba. Allah mahadleh. Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse) Qaran News
  16. Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur Cabdulcasiia Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan magaalada xuddur ee caasimada gobolka Bakool ayaa maanta booqday Isbitaalka guud ee degmada Xudur, Madaxweynaha ayaana booqday goobaha lagu daweynaayo askartii u dhhawacantay dagaal ka dahacay deegaanka Abal gobolka Bokool oo ay kula dagaalameen Alshabab isaga oo dhaawacyada gaarsiiyey deeq lacageed . Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro. “Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen) Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur, sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen dhismooyin kuyaala gudaha xaruunta. Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka hogl-galla inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Mohammed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa jawaab jees-jees ah ka bixiyey codsigii dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu soo marsiiyey dowladda Masar ee ahaa in xabad-joojin laga hir-geliyo Libya. Al Thani ayaa sheegay in Xaftar “uusan tixgelin lahayn geedi socodka nabadda Libya hadii uusan la-kulmi lahayn guul-darrooyin militari balse hadda ay danta qasabtay.” Wareysi uu siiyay wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee Le Monde ayuu wasiirku uga hadlay guul daradda Khaliifa Xaftar kasoo gaartay dagaalkii uu doonayey in magaaladda caasimadda ah uu uga qabsado dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libya. “Waxaan sheegeynay tan iyo heshiiskii Skhirat ee la gaaray sanadkii 2015-kii, inay lagama maarmaan tahay in colaadda Liibiya lagu xaliyo hannaan siyasadeed, ma ahan in lagu xaliyo awood militari” ayuu yiri. Wasiirka ayaa intaas ku daray, “Xafter mar walba waxa uu doorbidaa in uu qalalaase adeegsado, wuxuuna hanaanka siyaasadeed tix-geliyaa keliya markii uu khasaaro.” “Haddii uu jiro cashar la baranayo, waa in Beesha Caalamku ay adeecdaa geedi-socodka nabadda ee sharciyadda caalamiga ah iyo qaraaradda Qaramadda Midoobay. Taasi waxaa ay badbaadineysaa dad badan oo reer Libya ah iyo kheyraadka waddanka,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku. Sabtigii lasoo dhaafay Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax Al-Sisi oo saaxiib la ah Khaliifa Xaftar ayaa ku dhawaaqay ‘hindise keligiis ah’ si loo dhameeyo colaadda Libya, taasi oo ay ka mid tahay xabad-joojin kasoo billaabaneysay maalintii Talaadada, balse laga diiday. Hindisaha waxaa aqbalay Jeneraal Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah Afhayeenka baarlamaanka fadhiya Tobruk. Hindisaha Masar waxaa uu yimid kadib markii ciidanka dowladda Libya ay ka adkaadeen ciidanka Jeneraal Khaliifa Hafter, waxayna dib u qabsadeen meelo horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin goobaha saliidda dalkaas.
  18. The United States calls for the Federal Government of Somalia (FGS) to urgently convene a meeting with all Federal Member State (FMS) Presidents. The interim [...] The post Statement by the United States Calling for a Meeting Between the Federal Government of Somalia and Federal Member States appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war-saxaafaded cusub oo ay kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u abaabusho kulan ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka. “Dastuurka ku-meel garaka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa saldhig u ah mabda’a wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah; qodobka 51(30), ayaa dhigaya in madaxweynayaasha ay ugu yaraan hal mar kulmaan sanadkiiba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay soo dhoweeneyso qoraalladii dhowaan kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo codsaday kulanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xiriirkooda iyo wada-hadal waafaqsan dastuurka Soomaaliya. “Soomaaliya waxay wajaheysaa fursado taariikhi ah iyo caqabado qoto-dheer labadaba. Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay muujiyaan dhiiranaan hoggaannimo ayaga oo meel iska dhigaya khilaafyada u dhaxeeya si ay isugu raacaan hanaanka doorasho oo cad, loo dhan yahay, waqtigiisana ku dhaca; u xaliyaan kala-qeybsanaanta siyaasadeed; ugu midoobaan dagaalka Al-Shabaab; dib u eegis ugu saameeyaan Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya; uga dhabeeyaan ballan-qaadka deyn cafinta; si wax ku oolna ahna uga jawaabaan saf-mareenka COVID-19,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dowladda Mareykanka ayaa intaas ku dartay inay ka go’an tahay inay taageerto dadka Soomaaliyeed, ayna sare u qaaddo ahdaafta ay ku mideysan yihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka Soomaaliya. “Ayada oo dib loo soo cusbooneysiinayo ballan-qaadka wada-hadallo nabadeed, waxaan ku kalsoonnahay in wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay xaqiijin doonto nabadda, barwaaqada iyo horumarka dhammaan muwadaaniniinta Soomaaliya,” ayaa lagu soo geba-gebeeyey qoraalka.
  20. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 36 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qof, mana jirto qof u geeriyooday cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 6-da kale ay yihiin haween. 13 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Somaliland, Koonfur Galbeed 10, Jubbaland 8, Gobalka Banaadir 4 iyo iyo Galmudug 1 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,452 waxaa xanuunka tan iyo markii uu dilaacay ka soo bogsootay guud ahaan 506 ruux. Halka 85 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka gudaha dalka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud lagu soo lagu xiray dad ganacsato iyo Odayaal Dhaqameed isugu jiray iyo 4 gaadiid. Howlagalkaan ayaa si gooni ah waxaa uu uga dhacay deegaanka Baxdo oodhaca bariga magaalada Cadado, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay gacanta ku dhigeen Lix ruux iyo afar gaadiid ah oo lagu eedeyey in ganacsi ay lasameen Al-shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka. Ciidamada ayaa dadkia iyo gaadiidkii howlgalka lagu qabtay u qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halka hawlgalkii uu weli ka socda Baxdo iyo agagaarkeeda. Wasaaradda amniga Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan sheegtay in talaabo sharciya ay ka qaadeyso Odayaasha iyo ganacsatada la kulma Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare [...] The post Xildhibaan Mahad Salaad : – Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay️ appeared first on . Source
  23. Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi, kadib waraaq ka soo baxday Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo lagu sheegay in Goluhu u leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Laguna codsanayo in wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June! Waxaan is weydiiyay Senator Mowliid miyuusan akhrin dastuurka iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare. Mana oga miyaa in shaqadiisu tahay waxa uu Gudoomiyuhu u dirsado ama marka ay maqan yihiin Gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad in uu qabto howshooda sida ku cad qodobka 9aad ee Xeehoosaadka Aqalka Sare. Waxaase yaab iyo amakaag ah habdhaqanka gurracan ee Madaxweyne Farmaajo iyo waxa ku qasbaya in uu isku wada qataaro had iyo jeer madaxda kala sareysa ee ka wada tirsan hal maamul, hal gole ama beelo iyo qabiilo nabad ku wada deggan, ama siyaasiyiin isku hayb ah. Dad iskaba daaye xitaa noloshii dadka ayuu isku qataaray Madaxweynuhu! Tusaale waxaa kuugu filan: 1. Muudey iyo Mahad Cawad ayuu ku kala qataaray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Maxamed Mursal. 2. Madaxweynihii Puntland Abdi Wali Gaas ayuu ku qataaray Ku Xigeenkiisii Cabdixakiin Cameey. 3. Madaxweynii Galmudug Axmad Ducalee “Xaaf” ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal iyo Ku Xigeenkiisii Maxamed Xaashi Carabey oo maalin dhaweyd loo magacaabay Agaasimaha Guud mid ka mid Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya!. 4. Madaxweyne Axmad Madobe ayuu ku qataaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo saraakiil ciidamada ka tirsan oo ay isku hayb yihiin si ay u afgembiyaan. 5. Madaxweyne Deni ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhoobo Daareed oo sababtey inuu sidaas xilka ku waayo haddana ku sugan Muqdisho iyo Ku Xigeenkiisii Axmed Karaash. 6. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Bixi ayuu ku qataaray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad si uu uga helo guulo ama dhibco siyaasadeed oo uu ku galo ololaha doorashada. 7. Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayuu shalay ku qataaray Ku Xigeenkiisii 2aad Mowliid Guhaad oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin. 8. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray madaxweynayaashii ka horeeyey qaaqleyaal kiraysan oo dhaleeceyn iyo afxumo la daba taagan markii ay hadlaanba. 9. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray warbaahintii ciidamo iyo garsoor gacan ku rimis ah oo afka iyo gacmaha ka xiray. 10. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray fahamkii iyo xaq-sheegii diintii Islaamka wadaado xambaarsan fariimo siyaasadeed-diimeysan oo warbaahinta, maajidyada iyo Facebook-yada ka gudbinaya qaylo iyo habaar joogto ah oo ay la beegsanayaan siyaasiyiinta ama cid kasta oo dhaliisha xukunka Farmaajo! 11. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray noloshii iyo isku socodkii magaalada Muqdisho dhagaxyo iyo isbaarooyinka lagu dhibo xoogsatada, gaadiidka, ardayda iyo dan yarta nolol raadiska ah. 12. Haddaba waxa aan sugnaa waa Mahdi Gulled oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku qataaran. Mudane Madaxweyne diraddiraaleha iyo qoriga dabka ah ee dadka aad isugu dhiibtay dalkii oo dhan waa kala gaaray, dulqaadkiina waa naga dhamaaday ee ma sidaan baa dan mooday?! W/Q/ Xildhibaan Mahad Salaad Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com