-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dad isku soo baxay islamarkaana ka cabanaya dhul boob ay ku hayaan askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay dibadbax ay arrinkaasi uga soo horjeedaan ku dhigeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir. Dadkaan oo warbaahinta la hadlay ayaa wax aay sheegeen in guryaha laga burburiyay oo hooy u ahaa inay daganaayeen muddo fog waxa ayna soo bandhigeen dukumentiyo muujinaya inay guryahaasi leeyihiin waxa ayna intaas ku dareen haatan boob weyn lagu hayo dhulkoodii. Dhankan kale waxa ay madaxda ugu sareysa dowladda faderaalka ah ugu baaqeeyn inay arrintaan soo farageliyaan islamarkana ay cabashooda sida ugu dhaqsiyaha badan wax ugu qabtaan. Halkan Ka Daawo Dadkan Cabanay Oo Qaarkooda La Hadlay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-cbasho.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey wejiga hore ee shirka dowlad goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug iyada oo ay ka hadleen dhammaan madaxweyneyaasha. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo martigeliyey shirka dowlad goboleedyada oo furay shirka ayaa magadcelin u jeediyey inta ka soo qeybgashay iyo inta gacan ka geysatay isaga oo intaa raaciyey inuu yahay mid wadatashi ah, una mahadceliyey Soomaalida iyo beesha caalamka. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in shirkan uu yahay wadatashi, oo xoogga lagu saarayo dib u dhiska dalka Waxaa uu madaxweynaha Galmudug uga mahadceliyey soo dhowynta isaga oo sheegay “Dad la dhisay ayaa jooga oo awood u yeeshay in maareeyaan arrimaha muhiimka ah”. Shirka waxaa uu ka yiri “Waxaa sheegayaa sida aan raalli uga nahay ka soo qeyb galka, oo iney ka soo baxaan wax shacabka raali ka yihiin”. Mar uu ka hadlayey federaalka ah waxaa uu yiri “Ferdaal ma aha wax dadka kala geynaya, ama horumarkiisa, waa shaqada oo la kala qeybsaday, kala qeysanaan waa wax is kabaya. Madaxweyne Deni waxaa uu leeyahay weyn fiicneyd doorasho qof iyo cod ah isaga oo intaa raaciyey “Wixii aan ka badi weyno aan qabsanno, aanna iimaansanno”. Waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu shirka noqdo mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in shirkan uu yahay shaqo loo qabanayo dowladda federaalka ah. Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen oo ka hadlay furintaanka shirka ayaa mahadcelin ka sokow waxaa uu sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha amni, siyaasad, dhaqaale, doorasho,iyo midkii marxaladda kala guurka looga gudbi lahaa, oo ah wax ku xiran mustaqbalka umadda Soomaaliyeed. Dhanka doorashada waxaa uu sheegay in Soomaalida oo dhan heshiis ku tahay in waqtiga doorashada marka la gaaro ay waqtigeeda dhacdo, isaga oo soojeediyey in laga wada shaqeeyo. Ujeedka shirka waxaa uu ku sheegay iney tahay wada shaqeynta dowlad goboleedyada isaga oo intaa raaciyey in sidaasi loo baahanyahay in dowladda federaalka ah lala yeesho wada shaqeyn, isku xirnaan iyo wada shaqeyn iney jirto. Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in guddiga doorashada dhismihiisa iyo kahorba laga hadlayey qof iyo doorasho, haddii la gaari waayo aan loo fariisan-doonin, oo horay loo socda. Shirkan ayuu ku sheegay ineysan aheyn kuwa qaadanaya kaalinta aan tooda aheyn ee dowladda federaalka ah, isaga oo soojeediyey iney ka soo baxaan arrimo saameyn ku yeelan-doonna, dalka oo dhan horumar iyo guul gaarsiin kareyso. Ugu dameyntii waxaa uu kusoo gabagabeeyey inuu soo dhoweynayo wax walba oo dalka isku heynaya iyo xisiloonida iyo in shirka uu dhali-doonno, oo ay soo wada saaraan federaalka iyo dowlad goboleedyadaba wax dalka wax u tari-doonna. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare oo isna goobta ka hadlay dastuurka isaga oo sheegay inuu yahay shey ka dhashay colaadda iyo kala shakiga dalka ka dhacday isaga oo intaa raaciyey in ay tahay in il naxariis ah, niyo wanaag ah lagu fiiryo, oo il hooyo lagu fiiriyo oo aan il eeddo lagu fiirin. Waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay iney taageero la duljoogto waxa lagu heshiiyo, waxaa uu taageeray in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada Dalka. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada gogosha ay u dhigeen ay tahay in madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadu ay uga wadatashadaan hannnaan doorasho ee dalka oo xor iyo xalaal ah. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan talada dalku iyaga keliya ku koobnayn balse ay tahay mid baahsan loona baahan yahay wadatashi. View the full article
-
Imtixaanka Fasalka Siddeedaad Oo Ka Furmay Gobolka Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Flish) ayaa daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiintoodu ay waqti geliyeen sidii loo qaadi lahaa imtixaan mideysan oo dugsiga dhexe ah guulna u rajeeyay ardayda ka qeyb galaysa. Halkan Ka Daawo Imtixaanka Fasalka Siddeedaad Oo Ka Furmay Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-1.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka istaagay shirka wadatashiga madaxda maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Axmed Madoobe wuxuu ku khudbeeyay iney ka go’an badbaadinta dadka, loona qaban lahaa doorasho ku dhacda wakhtigii loogu talagalay. Madaxweynaha wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay iney noqdaan kuwa xal doon ah, wuxuuna tilmaamay in maamullada isku yimid aysan wax walba awood u laheyn balse ay ka qaban doonaan howsha dhanka ay kaga aadan tahay. “Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas’uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa” ayuu yiri Axmed Madoobe. Hogaamiyaha Jubbaland sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo hadii ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo. “Shirkaan muhiimadiisa waxaa rasmi ah oo doorashooyinka iyo siyaasadda waxa dowlad goboleedyada ka dhaxeeya intaba saameyn ku leh, malaha dowlad goboleedyada go’aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye”
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta oo Sabtiya Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay, Shirka Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. Shirkaas waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare. Sidoo kale, Shirka waxaa job-joog ah xubno ka tirsan Golayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka, xildhibaano Heer Federaal ah, Xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale. Ajandaha ugu muhiimsan Shirka waxaa lagu sheegay Arrimaha Doorashooyinka soo socda, Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada Dalka, Dib u-eegista Dastuurka iyo Amniga Qaranka. PUNTLAND POST The post Shirka Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday madaxweynahii labaad ee khudbad ka jeediya shirka wadatashiga dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed iyo xubno ka tirsan maamuladooda ayaa isugu tagay Dhuusamareeb halkaas oo la filayo in lagu go’aamiyo jihada ay Soomaaliya u socdaali doonto. Madaxweyne Saciid Deni oo ka mid ah shaqsiyaadka miisaanka leh ee la sugayay hadal jeedintooda ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya nuuca doorasho oo dalka uu gali karo iyo nidaamka federaalka. “Nidaamka federaalka waa maxlaxo guud, waa sababta aan halkaan u fadhino maanta, nidaamku maahan wax kala geynaya umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Deni. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo nuuca doorasho ee dalka uu gali karo wakhtigaan. “Shirkaan aan u fadhino waa shaqo ay u qabaneyno madaxda dowladda federaalka, waa dowladahii aad madaxda u aheydeen, waxeyna ka hadlayaan waxyaabo ay rabaan iney idiin fududeeyaan, waxaan ku rajo weynahay doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kuna dhacda si nabad ah, natiijo lagu qanacsan yahayna ay kasoo baxdo, dalkana ka gudbo marxaladaan labaad” “Doorashada qof iyo cod waa mid qurux badan waana gaari doonaa, aan sameyno wixii aan ka badin weyno kana tashano, waxa aad heysato waa la iimaansadaa hadba wixii aan awoodno”
-
Guddoomiyaha Ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya uga qaybsoomay Dalka Jabuuti uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu soo jeediyey isla-markaana uu sheegay in si Midnimada labada dhinac loo hirgeliyo reer Somaliland loo ogol yahay in la siiyo Madaxweynaha iyo Caasimadda. Cabdiqaadir Jirde oo waraysi siiyay telefishanka Universal Tv, wuxuu arrintaasi ku tilmaamay inuu yahay Tusaale u yahay sida aan saxda ahayn ee ay u fikirayaan Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli buu yidhi ay la daalaa-dhacayaan arrimaha ka taagan gudaha Soomaaliya. Guddoomiye Jirde waxa kale oo uu sheegay in Madaxda Soomaaliya aamisan yihiin in si fudud loo midayn karo Somaliland iyo Soomaaliya “Waxay Maanta ku fikirayaan Midnimo maaha ee waa halla noo soo celiyo Somaliland, Caalamku ha noo soo karbaasho oo inta uu Qadaadka soo qabto ha la noo keeno Somaliland, khaladkii hore ee dhacayna in la saxo diyaar uma aha.” Mudane Jirde wuxuu sheegay in Raysal-wasaare Khayre uu soo jeediyey in Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya la siiyo reer Somaliland “Inaan meesha Caqli oolin waxaad ku garanaysaa Maalintii dhawayd ee la isugu tagay Jabuuti, Khayre (Raysal-wasaaraha Soomaaliya) wuxuu la shir tagay waxaanu Somaliland siinaynaa Madaxweynaha iyo Caasimadda, hadda lama wada-hadalba oo wax meel la islama dhigin, markaa Fikradda ay innaga haystaan waa inaynu nahay Dad la soo xeraysan karo. Caqligii waaka halkaa taagan in la innagu sasabo Madaxweyne ayaa la idin siinayaa iyo Caasimadda oo sheeko Carruureed ah, wax Rag waaweyn loola yimaaddo.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan xilligan Midnimo loo baahnayn “Hadday fahmaan Somaliland uma baahnin, Somaliland-na kuuma baahna imika, shaqo ayaa kuu taalla, qabyo badan baa xaggaaga jirta (Soomaaliya). Innagu intaas oo Madaxweyne ayaynu dooranay, intaas oo jeer ayaynu doorasho galnay, Dastuur ayaynu galnay oo aynu Afti u qaadnay, iyagu kow ma joogaan, inay fahmaan oo ay yidhaahdaan Teennii baynu la liidanaaye Somaliland Faraha aynu ka qaadno (Weeyaan)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aan xilligan Midnimada waxba laga dheefayn “Haddii Maanta la midoobo waxay inoo kordhinaysaa ma jirto, marxaladdan la joogana in Midnimo laga wada-hadlo maaha, looma bisla, lama gaadhin, haddaynu Maanta la midowno inagana way inoo dhamaanaysaa, iyagana way u dhamaanaysaa, waynu isla degaynaa.” Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Somaliland teeda ha ku foofto, Muuse-na (Madaxweynaha) ha iska iloobo Koonfurta, Dadku wuu qaybsan yahay, Dalku wuu qaybsan yahay, Mushaakil gudaheena ah ayaa jira, doorashooyinkii aynu qabsan kari la’nahay, xoogga uu halkaa gelinayo halkan ha geliyo, Caalamkana haku yidhaahdo markaanu diyaar nahay Annagaa wada-hadlayna, laakiin Maanta diyaar ma nihin ee Gacmo maroojiska naga daaya, Dantaada Adigaa nin walba ka og, Maraykankaa Adigaa ka og, Abiy Axmed adigaa ka og, Midowga Yurub innagaa ka og, Midowga Afrika innagaa ka og..” Source Geeska Qaran News
-
Mr. Rashid Abdi, a Somali scholar from Kenya, said that the Kenyan government will open an office in Hargeisa as one of the experts in Kenya. Rashid Abdi, a former member of the International Committee of the Red Cross (ICG) and an expert on the Horn of Africa region, said in a statement on his Twitter account that the Kenyan office in Hargeisa would be headed by Ambassador Philip Mundia. Githiora. The Russian-speaking diplomat has worked extensively at Kenya’s embassies abroad. Finally, the Kenyan government has reported on several occasions that it will open a diplomatic bureau in Somaliland, but the latest news is that Philip Mundia Githiora, one of Kenya’s diplomatic experts, will be in charge. Philip Mundia Githiora’s statement came a week after the President of Somaliland met with visiting members of the Kenyan Parliament. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee xubnaka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Khudbadii ugu horreysay shirka waxaa qaatay madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kaas oo si guud u dulmaray ujeedkooyinka shirka uu leeyahay. Qoor-Qoor wuxuu khudbadiisa ku sheegay iney la isugu yimid sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku imaata. Madaxweynaha wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaqanka siyaasadeed ee dalka kaas oo sanadahii ugu dambeeyay afar sano walba ay ka dhaceysay doorasho, sidoo kalana gogosha ay dhigeen Dhuusamareeb ay tahay mid xambaarsan Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waxaa khdubadiisa ka mid aheyd iney Galmudug diyaar u tahay sidii ay umadda Soomaaliyeed isugu keeni lahyeyd.
-
Maxkamadeynta shan qof oo Soomaali ah oo loogu shakinsan yahay Burcadbadeednimo ayaa 30 Augost ka bilaaban doonto Maxkamadda sare ee Seychelles. Muwaadiniinta waxaa seychelles ku wareejiyay howgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeeda bishii April, 2019-kii sida ay warisay wakaalada wararka ee Seychelles. Eedeysanayaasha ayaa soo muuqday ka hor inta aan Garsoore Gustave Dodin oo Maxkamadda sare ka tirsan ku wargelin in maxkamadeyntooda ay socon doonto muddo afar asbuuc ah. Sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibadda ee howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcadbadeedka EU NAVFOR ayaa waxaa ay shanta tuhmane ku wareejiyeen Seychelles, kadib Markii ay ka jawaabeen weeraradii Burcadbadeeda ee dhacay 21-kii April ee 2019-kii. 23-kii April, markabka ciidan ee Esps Navarra oo qayb ka ah howlgalka ayaa ku guuleystay in dib u soo qabtaan markab ay burcada qabsadeen iyo shanta ruux ee lagu tuhmayo in howlgalkii doontaas lagu qafaalanayey ay qayb ka ahaayeen. Ciidamada la dagaalanka Burcad-badeeda waxaa ay sheegeen in dhacdadani ay tahay tii ugu horreysay ee burcadbadeednimo tan iyo October 2018-kii. View the full article
-
Qoysaskan oo ku nool degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Buulo-Maxaay ayaa maanta dhigay dibad-bax, kadib markii laga barakiciyey guryahooda. Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay dadweynahan uga cabanayeen burburin lagu sameeyey guryo ay sheegeen inay daganaayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale waxay baaq u direen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrintaasi. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/ddd.mp3 View the full article
-
Ciidamada Danab ee Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay howl-gal qorsheysan oo ay qaadeen ay kula wareegeen deegaankaasi oo muddo gacanta ugu jiray dagaalyahanada Al-Shabaab. Taliyadaha guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in haatan ay howl-gallo ka wadaan Mubaarak. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen sarkaal uu sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Macalin Cabdullaahi. Maalin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in howl-galladaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article
-
Macallin ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay dib u soo celinta garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaain,tan iyo markii ay kala wareegeen Ciidamada Amisom sanadii 2018. 30-June 2020 ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho waxaana mudo 16-sano ka dib kulankii furitaanka kuwada dheelay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga Horseed waxaana ciyartaa 2-1 kun badiyay kooxda Horseed. “ Waxaan ku hami weynaa in aan ku ciyaaro garoonka Stadium Muqdisho,balse waxaa faraxad ii aheyd anigoo macallin in aan mudo dheer ka dib ku dheelno garoonkaas qiimaha badnaa,waxaan u mahad celinaynaa cid walba oo kaalin ka geesatay soo coo celintiisa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare ku xigeenka naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Halkan Ka Daawo Macallin Daadir Amiin Cali Oo Ka Hadlay Soo Celinta Stadium Muqdisho https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whs.mp4 Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Flish) ayaa daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad oo markii ugu horreysay 30 sanno kaddib muqdisho ka dhaca. Agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isagoo uga mahadceliyay maasuuliyiinta gobolka iyo wasaaradda waxbarashada kaalinta ay ku lahaayeen in caasimadda laga daahfuro imtixaankaan. Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiintoodu ay waqti badan geliyeen sidii loo qaadi lahaa imtixaan mideysan oo dugsiga dhexe ah, wuxuuna ardayda ugu baaqay in ay ku dadaalaan waxbarashada. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” oo iskuulka 15-ka May ka daahfuray imtixaanka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in 30 sano kaddib, dib loo soo celiyo qaadista imtixaanka dugsiyada dhexe ee dalka, wuxuuna ardayda u rajeeyay guul. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-110720-ww.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay iney hawlgal ku dilaan sarkaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab. Masuulkaan oo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Dheere, waxaana lagu dilay deegaanka Buulo Xaawo oo galbeedka kaga beegan magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Warbixinada la helay waxey sheegeen in sarkaal kale la dhaawacay, lagana furtay qoray uu watay oo nuuciisa yahay AK47. Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war qoraal ah ku sheegatay hawlgalkaas, waxeyna sheegeen inuu ahaa mid ka mid ah hawlgallada lagu suulinaayo argagixsada. Dhinaca kale tuulada Kurtun ayaa xalay lagu toogtay xubin ka tirsan ururka Jameecada Reerbannaani oo isku taagay iney la dagaalamaan Al-Shabaab, inkastoo aan la helin qofka dilka geystay hadana shaqsiga la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Beyxalaal Xaaji.
-
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmay shirka golaha shacabka, kaas oo ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa. Ajandaha kulanka golaha ayaa ah 1 Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo 2 Akhrinta 1aad Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka. Kulnaka ayaa waxaa goobjoog ah wasiirrada Gaashaandhiigga iyo Amniga qaranka , kuwaas oo su’allo ku aadan amniga qaran ay xildhibaannadu weydiindoonaan. Kulanka golaha ayaa waxaa uu kamid yahay kalafadhiga 7-aad ee golaha, kaas oo ugu dambeeyo muddo xileedka golaha, maadaama dhowaan loo dareerayo doorashada baarlamanka 11-aad 2021-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Aabe Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ah 80-jir ayaa maanta ka mid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka qaran, gaar ahaan ahaan fasalka 8-aad, isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Aabe Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in heerkan uu soo gaaro, islamarkaana uu u fariisto imtixaanka ay qaadeyso dowladda. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in waxbarashada lagu dadaalo oo aan da’da lagu xirin. Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada maamulka Galmudug, Mursal Cabdi Aadan oo imtixaanka ka daah-furay Gaalkacyo ayaa sidoo kale guud ahaan ardayda iyo Aabe Cabdiraxmaan u rajeeyay guul, isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda inay sii wadaan. Magaalooyinka loo fariistay imtixaankan waxaa ka mid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar, halka ay ka maqan tahay Garoowe oo kaliya. Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda federaalka Soomaaliya qaadeyso imtixaanka shahaadiga dugsiga dhexe, iyada oo ay sanadkaan u fariisteen arday badan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:-
-
Qorshaha Shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid ay Madaxda Dowlad Goboleedyada kaga tashan lahaayeen Qodobo aan Sadex ka badneyn laakiin Jamcadii ayaa Masuuliyiintu waxay wax ka [...] The post Shirkii Dhuusamareeb oo isu badalay Shirweyne Qaran appeared first on . Source
-
MOGADISHU (HOL) - Thousands of grade 8 students are sitting for their final exams today in Somalia in the midst of ongoing COVID-19 pandemic which has seen schools countrywide closed. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aanka madasha ee ku aadan arrimaha doorashooyinka,isagoo dhinaca kale ka hadlay kulamadii ay la qaateey guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Madasha Xisbiyada Qaranka Oo Faah Faahisay Kulamadii Ay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Ciyaaraha Degmada Diinsoor ayaa tartan u qabtay kooxaha ka dhisan degmadaas,iyagoo ugu magac daray is dhaxglka bulshada iyo nabadda degmada waxaan abaabulka tartankan iska kaashanaya dhallinyarada ka soo jeeda Diinsoor ee kala joogta gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa. “Anagoo kaashanayna dhallinyarada gudaha iyo dibada ee ka soo jeeda Diinsoor waxaan kooxaha u qabanay tartamo kala duwan kuwaas oo lagu horomarinayo ciyaartooyda,waxaanse xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed ka sugayaan in ay ka qeyb qaataan dooorkooda howshan” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Xoghayaha isboortiga Degmada Dinsoor Maxamuud Maxamed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-xoghaye-dnsor.mp4 “ Ganacsatada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Diinsoor waan in ay xil iska saaraan horomarka dhallinyarada,sidoo kale waa in kooxaha iyo ciyaaryahanada loo dhisaa garoomo casri ah ” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sheekhey Xaaji Yaraay oo horay ugu soo dheelay degmada Diinsoor . https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-pp-Shiikey.mp4 Ibraahim Cabdimajiid Axmed oo ka mid ah dhallinyarada Diinsoor ayaa yiri “Maamulka Koonfur Galbeed,Xildhibaanada iyo Wasiirada ka soo jeeda deegaanadaas waa in ay waqti ku bixiyaan dhallinyarada, wuxuu intaa ku daray in ay helaan goobo waxbarasho oo heerar kala duwan ” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-Ibrahim.mp4 Si kastaba Bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa dhiiri geliyay howlaha socda,iyadoo mas’uuliyeenta ka dalbaday in la taageero howlaha lagu horomarinayo dhallinyarada. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
