-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya oo aan marna khilaafkooda dibadda usoo bixin saddexdii sano ee la soo dhaafay. Caasimada Online ayaa heshay in khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda uu salka ku hayo qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka, islamarkaana ay madaxda hadda u kala jabeen laba garab. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in ay isku saf yihiin madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, halka ay is-raacsan yihiin ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ku-xigeenka koowaad Abshir Bukhaari. Inkasta oo Kheyre iyo Farmaajo uusan ka dhaxeyn khilaaf dhanka shaqada ah, haddana waxay ku kala aragti duwan yihiin habka loo marayo doorashada. Farmaajo, Mursal iyo Muudey ayaa doonaya iney qabtaan doorasho aysan door weyn ku yeelan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, sida maamul goboleedyada iyo mucaaradka, taas oo noqon karta mid aan hufneyn dalkana gelin karta dib u dhac iyo xasilooni la’aan. Kheyre, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, ayaa dhankooda rumeysan inaan doorashada looga maarmeyn in lagala tashado dowlad goboleedyada, taasi oo ay si cad u sheegeen. Si gaar ah, Cabdi Xaashi waxa uu damacsan yahay inuu iska rido masuuliyadda saaran ee waajibka dastuuriga ah iyo midda shaqsiga ah ee Xaaladda Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddoomiye ku xigeenkiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku xiran Villa Somalia. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka digay in fowdo laga abuuro Golaha Aqalka Sare taas oo keeni karta jahwareer kale oo siyaasad.
-
Cuqaasha Waxgaradka iyo Isimada Sool iyo Cayn ayaa Degmada Ceegaag ee Gobolkaasi Cayn ka wada Gogol Nabadayn ah oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay Halkaasi. Qaar kamid ah Isimada waaweyn ee Gobollada Sool iyo Cayn ayaa hoggaaminaya Shirka lagu xallinayo Colaadda labada Beelood oo marar kala duwan ku soo noq-noqotay Degaannada Gobolka Cayn. Ergooyinka Nabadaynta oo ay weheliyaan Ergooyin ka socda Labada Beelood ayaa haatan ku shirsan Degmada Ceegaag waxaana ay ka arrinsanayaan sidii loo dhammayn lahaa Colaadda labada dhinac. Colaaddaas ayaa dib u soo laabatay todobaadyadii la soo shaafay kadib dilal aanooyin la xiriira oo ka dhacay Degaannada qaarkood. PUNTLAND POST The post Shir lagu heshiisiinayo Laba Beelood oo ka socda Degmada Ceegaag appeared first on Puntland Post.
-
Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegayo inuu ka dhacay dagaal culus u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo halkaas ku leh Saldhig Ciidan. Sida dadka deegaanka u sheegeen Caasimadda Online, dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhigyada ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Ceelwaaq. Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaal aad u culus oo socday in ka badan 1 saac, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay maadaama dagaalka uu dhacay xilli habeen ah, balse waxaa xalay magaalada dhexdeeda iyo banaankeedaba laga maqlayey dhawaqa hubka ay is dhaafsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ay saaka hawada ka maqan tahay, iyada oo taasi aan la ogeyn, waxaana yar wararka laga heli karo dagaalkii Ciidanka Jubaland iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Ceelwaaq. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Sidoo kale Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee Ceelwaaq. Ceel waaq oo ka tirsan Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo kala taabacsan kuwa dowlada iyo Madaxwaynaha Jubbaland ahmed Mohamed Islaam ahmed Madoobe.
-
Aadan Faarax Ibraahim oo ka soo jeeda Dowlad Degaanka Soomaalida DDS ayaa shalay loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ethiopia. Guddoomiye Aadan Faarax oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa noqonaya qof kii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee waddanka Ethiopia ka qabta jagadaasi. Aqalka Sare ee Baarlamanka Ethiopia oo ka kooban 153 xubnood waxaa laga soo xulaa qowmiyadaha kala duwan iyo gobollada dalka waxaana Soomaalidu ku leedahay 6 xubnood Aqalkaas. Doorashadiisa ayaa ka dambaysay markii toddobaadkan ay is casishay guddoomiyihii aqalkaasi Keira Ibraahim oo ka biya diidneyd doorashada dib loo dhigay ee dalkaasi. PUNTLAND POST The post Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda. Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka ayaa ka dooday sharciga Axsaabta siyaasadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka. Xildhibaannada Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda, iyadoo uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabrdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeyn Xildhibaannada u jeediyay warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad, waxaana uu sheegay in sharciga xisbiyada siyaasada uu dalka muhiim u yahay. “Guddigana waxaan ka codsaneynaa si deg deg ah inaad uga soo shaqeysaan, waxyaabaha ugu muhiimsan oo hadda aan ognahay waxaa waaye, Axsaab siyaasadeed ayaa abuurantay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal. Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay baaqii kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isla markaan ay si is-daba joog ah u taageereen inta badan maamul goboleedyada dalka iyo xisbiyo siyaasadeed oo dhowr ah. Guddoomiyaha Aqalka Sare oo war-saxaafadeed kasoo saaray shirkii guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ayaa dhinacyada siyaasadda dalka ugu baaqay in shir deg deg ah la isugu yimaado, inta aan la gaarin 25han June. Halkaas kasoo yeeray Cabdi Xaashi waxaa soo dhaweeyay dowlad goboleedada Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Madasha Xisbiyada Qaran, safaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo dhinacyo kale. Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay sababta ay dhinacyadaas u wada taageereen dalabkii ka soo yeeray guddomiye Cabdi Xaashi ee ahaa in la isugu yimaado shir aan dhaafin 25-ka June. Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay in maadaama 27-ka June lagu balansan yahay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay warbixin ku aadan nidaamka doorasho ee dalku aadayo laga sugayo, ay dhinacyadaasi doonaayaan in waqtigaas ka hor madaxdu ka wada hadasho arrimaha doorashooyinka dalka. Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegaya inay doonayaa inay ka hortagaan qorshe laga cabsi qabo in guddiga doorashooyinka ay ku dhowaaqaan 27-ka June oo ah in doorasho aysan dhici karin, oo muddo kororsi lagu siinayo dowladda. “Hadii iyadoo uusan shir dhicin, oo madaxda dowlad goboleedyada aan talada waxlaga gelin, uu baarlamaanku inta usu yimaado go’aamo iska gaargaaro, oo Xaliima Yarey hor timaadoo talooyin soo jeediso taladaasna aysan wax ku laheyn, xaqiiqooyinbaa lagu dul abuurayaa, iyaguna taas ayey diidanyihiin, oo waxay leeyihiin talada wax hanala ka siiyo” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid. Agaasimaha Heritage ayaa sheegay in xukuumaddu damacsantahay inay baarlamaanka shiriso oo go’aamo la gaaro, kadibna dowlad goboleedyada lagu yiraahdo xildhibaanada idin metela ayaa idiin gaaray go’aankan, halka maamul goboleedyaduna ay ku doodayaan in uu dhamaaday waqtigii go’aan gaarista dowladan. Agaasime Cabdirashiid ayaa dhinacyada siyaasadda dalka ugu baaqay inay si xirfadeysan oo is kaashi ku dhisan ay dalka uga gudbiyan marxaladan, si gaar ah labada guddoomiye ee Aqalada baarlamaanka, waa Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal ayuu ugu baaqay inay wada shaqeyn dhaw yeeshaan, maadaama ay yihiin odayaal Soomaaliyeed oo jooga golayaal sharci ah. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Cabdirashiid.mp3
-
Islamabad: At a time when Pakistanis are struggling with the impact of the coronavirus pandemic, a new threat has emerged in the country as the worst invasion by desert locusts in decades threatens to destroy thousands of hectares of crops in the country. Source: Hiiraan Online
-
Tripoli (Caasimada Online) – Haddii uusan jiri lahayn cudurka COVID-19, Turkigu waxaa uu diiradda saari lahaa xaaladda Liibiya oo ay is bedello muhiim ah ka dhacayaan, si ka badan inta uu hadda diiradda saaro. Markii Dowladda Qaramadda Midoobay aqoonsan tahay ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ay weydiisatay taageerada Turkiga, xukuumadda Ankara waxay qorshe seddax tallaabo ah u hindistay reer Liibiya. Faro-gelinta Turkiga waxay ciidanka Liibiya ka caawisay inay sugaan amniga magaalada caasimadda ah ee Tripoli iyo duleedyadeeda, si ay ugu khasbaan ciidanka Khaliifa Xaftar inay joogsadaan, iyadoo ugu dambeyntiina Jeneraalka ay khasab ku noqotay inuu wada-xaajood dalbado. Hadda waxkasta waxay ku socdaan qorshaha Turkiga. Difaacii dagaal-ooge Khaliifa Xaftar ku hareereysnaa magaalada Tripoli ayaa burburay, ciidankiisuna waxay bilaabeen inay dib u gurtaan. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo maxalli ah, kooxaha calooshood u shaqaysteyaasha ah ee Ruushka oo loo yaqaano Wagner Group waa laga daad gureeyay galbeedka Liibiya. Dhanka kale, Khaliifa Xaftar waxaa uu u muuqdaa in hadafkiisa ugu weyn ee ahaa inuu qabsado caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, hadda la joojiyay. Mohammed Bin Zayed oo ah dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta waxaa uu ka mid yahay Taageerayaasha Jeneraal Khalifa Xaftar. Waxaa uu sidoo kale saaxiib dhow la yahay Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha Sacuudiga, kaas oo ku lug leh dambiyada qaar. Amiir Maxamed-ka Imaaraadka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay kasoo bilaabatay xasilooni daradda Bariga Dhexe. Waxuuna gobolka ka sameeyay siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga. Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale ku xad gudubtaa cuna-qabateynta hubka iyo lacagta ee saaran Jeneraal Xaftar. Waxayna adeegsataa awoodeeda dhaqaale si ay u maalgeliso ololeeyeyaasha ka dhanka ah Turkiga ee aduunka oo dhan jooga. Sidoo kale Imaaraadka Carabtu waxaa uu si toos ah lacag u siiyaa ciidanka iyo warbaahinta kasoo horjeeda dowladda Turkiga. Imaaraadku waxaa uu gadaal ka riixayay afgambigii militeri ee Masar ka dhacay sanadkii 2013-kii, waxeyna taageero dhaqaale ku bixisay cadowga Turkiga. Dalkan saliidda qaniga ku ah waxaa uu isku deyayaa in uu howlgallo sirdoon ka fuliyo gudaha dhulka Turkiga. Xusuusnow, Turkigu waxaa uu xiray dhowr qof oo ka mid ah sirdoonka Imaaraadka bilihii u dambeeyay. Dhaxal-Sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed ayaa sidoo kale horey dowladda Syria uga dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxeysa Turkey, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye. Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad. Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib. Assad ayaa loo hormariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka harsanna la bixin lahaa goor dambe. Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga carrooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan. Gardarada Imaaraadka, Turkigu ma ku jeesan doonaa? Sida uu sheegay Saxafi Turki ah oo lagu magacaabo Hakan Çeli, dowladda Turkigu waxaa ay isu diyaarineysaa inay jawaab adag ka bixiso ficillada Turkiga. Çelik waxaa ka digay in Ankara oo u dulqaadaneysay Imaaraadka, kana sugeyssay inuuu dhaqankiisa bedelo, ay hadda qaadi doonto tallaabo dhaawici karto dalkaas, oo caalamka oo dhan uu ka yaabo.
-
MOGADISHU, June 10 (Xinhua) -- Somali Health Ministry on Wednesday confirmed 36 new COVID-19 cases, bringing the total number of infections to 2,452. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, June 9 (Thomson Reuters Foundation) - The coronavirus pandemic has put Kenya’s goal of ending female genital mutilation (FGM) by 2022 in jeopardy, campaigners against the practice warned, amid reports of “mass cuttings” involving hundreds of girls being held while schools are closed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhamaan Golaha Wasiirada iyo xafiisyada kale ee dowladda u sheegay in aan la qoran karin shaqaale cusub oo dowladeed ilaa amar dambe. Sida ay noo sheegeen ilo ku dhow ra’iisul wasaaraha, Xasan Cali Kheyre ayaa amray in marka hore la shaqaaleysiiyo kuwii kumeel gaarka ahaa ee joogay xafiisyada dowladda markii kuwaas loo helo shaqaaleysiin ayuu sheegay in la qaadan doono kuwa cusub. Amarkan oo soo baxay dhowr toddobaad ka hor, ayaa Kheyre wuxuu ku sheegay in xafiiskii shaqaale looga baahdo in looga soo wareejin doono xafiis kale oo laga heli karo shaqaale kumeel gaar ah oo qaban kara shaqadii loo baahdo. Arintaan ayaa doodeeda waxay bilaabatay markii ay xayeysiisay jagooyin ka banaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya taas oo markii dambe sababtay buuq iyo hadal heyn badan. Amar ka soo baxay Kheyre ayaa markii dambe lagu joojiyay booskii la xayeeysiiyay iyadoo kadibna uu soo baxay amarkaa. Xubno kamid ah wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin qof qaadan kara shaqaale cusub haddii ay dhacdana talaabo laga qaadi doono. Arintaan ayaa noqoneysa mid culeys ka qaadeysa shaqaale badan oo muddo dheer kumeel gaar ahaa kuwaas oo dad badan oo ka dambeeyay kana xirfad yar la shaqaaleysiiyay, waxaana shaqaaleysiinga shaqaalaha dowladda lagu salleeyaa saameynta siyaasiinta matala ku leeyihiin dowladda.
-
TACSI: 09/06/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Cali ibraahim Jaamac, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka madaxda Sare ee Baanka iyo ka Shaqaale weynaha Baanka Dhexe ee JSL. waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, dhamaan Madaxda iyo Shaqaalaha Baanka Ganacsiga ee ah Darasaam Bank, Shirkadda Guud ee Telesom, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Maamulahii Baanka Ganacsiga ah ee Daarasalam Marxuum Maxamed Ibraahim Xaaji Muuse oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2020, dalka Turkeyga. Guddoomiyahu waxaa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Daarsalaam Bank, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Mukhtar Omar Ali Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibadda Qaran News
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Meyris Isaaq Cabdulle ayaa shaaciyey in gawaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxo lasoo geliyey gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay Magaalada ka wadaan howlgalo lagu baadi-goobayo gawaaridaas oo laga sameenayo xaafadaha kala duwan ee Beledweyne. Wuxuu tilmaamay inay heleen xogo sirdoon oo la isku haleyn karo oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay magaalada Beledweyne soo geliyeen baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxo, sidaasna heegan buuxa lagu geliyey ciidamada Ammaanka. Guddoomiyaha ayaa xusay inay saxaafadda lasoo wadaagi doonaan waxyaabaha kasoo baxo baaritaanada ka socdo gudaha Magaalada maadaama uu sheegay in mas’uuliyadda amniga Hiiraan ay iyaga saaran tahay. Guddoomiye ku-xigeenka ma uusan sheegin tirada gawaarida qaraxyada sida ee lasoo geliyey Magaalada Beledweyne, meelaha lala bartilmaameydsan doono iyo waqtiga lasoo geliyey. Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay maanta joojiyeen banaanbax lagu taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo la filayey in lagu qabto Magaalada Beledweyne, wuxuuna sababta loo joojiyey ku sheegay inaan lagu soo wargelin.
-
Waxa gabaabsi ku dhow muddo xileedkii xukuumada Farmaajo, iyada oo muddo yar un ka hadhay xiligii uu dalku u diyaar garoobi lahaa doorasho. Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeyaa inaysan weli ku baraarugin muddo xileedka gabaabsiga ah, midaasi oo ay keentay u diyaar garow la’aanta doorasho qabsoomta. Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan-yahay inuu weli hunguriyeynayo inuu marlabaad qabto talada dalka, taasi oo uu ku wajahi doono loolan adag oo siyaasadeed. Aqoonyahanka sida weyn u falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa iyagu laftigooda shaki galiyay inuu madaxweynuhu u diyaar garobay doorasho, maadama uu weli ku adkeysanayo qof iyo cod oo u muuqata mid aan ka qabsoomi karin gudaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadisyo dhanka amniga ah, midaasi oo meesha ka saareysa inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo uu inta badan ku cel-celiyo madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa dhowr jeer loogu baaqay inuu garwaaqsado inuu xiligiisi gabo-gabo yahay, isla markaana uu udiyaar-garoobo doorasho, taasi oo wax badan ka duwanaan doonin midii uu hore kursiga dalka ugu sareeya ugu fuulay. Madaxda mucaaridka ayaa iyaguna madaxweynaha uga digay muddo kororsi iyo inuu xilka isku sii dhajiyo marka ay mudadiisu ka dhamaato, iyagoona ku baaqay inay xiligeeda ku qabsoomto doorashada dalku. Ma cadda in Farmaajo uu xiligeeda ku qaban doono doorasho iyo inuu sameyn doono kororsi horseedi kara khal-khal siyaasadeed oo baahsan, maadama uu weli ku adkeysanayo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo xiligan u muuqata mid aan suuro-gal aheyn. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Lahaanshaha sawirkaFANA Adan Faarax Ibraahim, Guddoomiyaha cusub Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay loo xushay Afhayeen Soomaali ah. Kafadhiga 5-aad ee golaha Federeeshiinka (Aqalka Sare) ee dalka Itoobiya uu maanta yeeshey ayaa cod aqlabiyad ah xilka loogu doortay Aadan Faarax Ibraahim, oo kasoo jeeda deegaanka Soomaalida. Adan oo ah siyaasi caan ka ah dalkaasi Itoobiya ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay deegaanka Soomaalida iyo Ismaamulka Diridhaba. Hadda wuxuu ahaa madaxweyne kuxigeenka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo horay u soo qabtay xilka maayarka ismaamulka Diridhaba iyo xilal wasiirnimo. Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adam Faarax Ibraahim ayaa beddelay Guddoomiyihi hore ee golaha Kheyriya Ibraahim oo xilka maalmo ka hor iska casishay. Aadan Faarax ayaa ku dhashay deegaanka Soomaalida, kuna soo barbaaray. Waxbarashadiisa heerka koowaad iyo heerka labaadna wuxuu ku soo qaatay gudaha dalka Itoobiya. Waxaa si gaar ah loogu xusustaa doorkii horumarineed ee uu ka qaatay ismamulka magaalada Diridhaba inta uu Maayarka ka soo ahaa. Maxamed Rashiid Xaaji, wuxuu iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Aqalka Sare Maxamed Rashiid Xaaji ayaa si iskiis ah uga dagay xilka guddoomiye ku xigeenka maadaamaa aysan suuragal noqoneyn in guddoomiyaha iyo ku xigeenkaba ay hal deegaan ka soo wada jeedaan. Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare waxaa isla maantaba loo doortay Itsegenet Mengistu. Golaha kalfadhigiisa maanta wuxuu marki seddexaad cod aqlabiyad ah dib u dhigay tirakoobki afaraad ee dadka iyo guriyaha oo dalka Itoobiya ka dhici lahaa. Dhanka kale, Gobollo ka tirsan ismaamulka Shucuubta Koonfureed ee dalka codsigii ay soo gudbiyeen ee ahaa iney dowlad deegaan gaar ah noqdaan wuxuuu golouhu u saaray guddiyo soo daraasadeeya oo golaha warbixin hor keena. Golaha ayaa maanta ku dhawaaqay guddoomiyaha cusub Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa qabanqaabadeeda la galay kaddib markii ay Isniintii xilkaa iska casishay Kheyra Ibraahim, oo tabasho muujisay. Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri: “Koox kelitalis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.” “Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid god madow kusii rideysa rejadii laga lahaa dib u furista wada-hadaladii kala dhaxeeyay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada. Dowladda federaalka ayaa la rumeysan-yahay in muddooyinkii dambe warbaahinta marineysay hadalo sii kala fogeynaya Somaliland, isla markaana gebi ahaanba meesha ka saari kara in labada dhinac iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Al-Arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin ka wado gudaha Soomaaliya, midaasi oo ay si weyn uga gubatay Somaliland. Hadalka Wasiirka ayaa sarre usii qaaday xiisada kala dhaxeysa Somaliland oo iyadu u aragta in loogu awood sheeganayo ictiraafka ay 29-ka sano ka badan aysan weli helin, isla markaana lagu soo xad-gudbay xiriiradeeda dibedda. Somaliland ayaa iyaduna dab kusii qabata hadalada xanafta leh ee kasoo baxa dowladda federaalka, midaasi oo sii fogeynaysa in waqti dhow ay furmaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay cadaawad xoogan warbaahinta isku marinayaan. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu markasta kadaba qaadata dowladda federaalka, iyada oo inta badan ku cel-celisa inay tahay dal madax-banaan oo faro-gelin qaawan lagu hayo, walow uusan caalamku la qabin arrinkaasi. Sidoo kale waxa la rumeysan-yahay in dowladda Imaaraadka oo xiriir wanaagsan la leh Somaliland ay daba ka riixeyso qabsoomi la’aanta wada-hadaladaasi, xili uu lumay xiriirkoodii kala dhaxeeyay dowladda federaalka oo iyadu u aragto inay kala goynayso dalka. Xiisada ka dhaxeysa Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa u muuqata mid aan xili dhow suurtagalin karin wada-hadalo miro-dhala, maadama labada dhinac ay sii hurinayaan kala qeybsanaanta dhexdeedo, taasi oo ‘god madow’ kusii rideysa inay miiska wada-hadalka iskugu yimaadaan.
-
Xildhibaannada dalka Itoobiya ayaa u codeeyay in la kordhiyo muddo xileedka dowladda uu Ra;iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed, taasoo loo oggolaaday inay maamulka sii heyso waqti aan la cayimin. Mudaheyaasha oo kulan yeeshay ayaa sidoo kale isku raacay in waqtiga loo kordhiyo maamul goboleedyada federaalka Itoobiya. Waxay dhanka kale sheegeen in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay mas’uuliyiinta Caafimaadka ku dhawaaqaan inaysan wax halis ah jirin. Dadka kasoo horjeeda tallaabada baarlamaanka uu xarigga ugu sii daayay xukuumadda ayaa walaac ka muujinaya in aysan jirin cid og waqtiga uu dhammaan karo cudurka safmarka ah ama in ay dowladdu mar kale dalban doonno muddo kordhin xileed iyo dib u dhigista doorashada. Maalintii Isniinta, Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya Kheyriya Ibraahim ayaa xilkii iska casishay, iyadoo u muuqatay inay ka careysneyd qorshaha dib u dhigista doorashada waddankaas ku yaalla geeska Afrika. “Dowlad kelitalis ah oo dhismeyso si aanan garab ugu noqon ayaan xilka isaga casilay” Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri: “Koox kelitalis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.” “Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda. Dr Abid Axmed ayaa isbaddal weyn ka sameeyay dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018-kii. Dadka isha gaarka ah ku haya waddankaas waxay dadaalladiisa ku qeexeen inuu Itoobiya uga dhigay waddan kale oo gabi ahaanba ka duwan kii hore. Hase ahaatee bilihii ugu dambeeyay wuxuu wajahayay mucaaraddo weyn iyo dhaliilo ku aaddan sida uu maamulkiisa u maareynayo awood qeybsiga federaalka. Dhowrkii bilood ee ugu horreysay maamulkiisa, kaddib markii uu xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii sida lama filaanka ah isu casilay ee Hailemariam Desalegn, Mr Abiy wuxuu waddanka ka saaray xaalad deg deg ah oo uu ku jiray, wuxuuna amray in la sii daayo kumannaan maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed iyo sababo kale. Wuxuu sidoo kale fasaxay inay dib u howl galaan boqollaal warbaahin oo laga mamnuucay dalkaas. Waxa uu durbadiiba soo afjaray xaaladdii dagaal ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eretariya, taasoo muddo dheer taagneyd. Si loo soo celiyo nabadda labada waddan, wuxuu ka tanaasulay dhul xuduudda u dhowaa oo ay ku muransanaayeen Itoobiya iyo Eretariya. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu heshiis nabadeed la galay dowladda Iretariya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Isaias Afwerki Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Dr Abiy la guddoonsiiyay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda (Nobel Peace Prize). Arrimihii ugu waaweynaa ee ku saabsan Abiy Axmed 2-dii bishii April 2018 – Wuxuu noqday Ra’iisul Wasaare kaddib markii uu si lama filaan ah isu casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn Bishii May – Wuxuu xabsiyada kasii daayay kumannaan qof oo u xirnaa arrimo siyaasadeed, kuwaasoo uu ku jiray hoggaamiyihii mucaaradka Andargachew Tsege 5-tii bishii June – Wuxuu dalka ka saaray xaaladdii degdegga ahayd, labo bilood ka hor waqtigii la qorsheeyay Isla 5-tii bishii June – Wuxuu aqbalay xukun ay Itoobiya uga tanaasuleysay dhul xadka ku yaalla oo ay ku muransanaayeen Eretariya 9-kii bishii July – Isaga iyo madaxweynaha Eretariya waxay ku dhawaaqeen in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay labada dal 11-kii September – Wuxuu dib u furay marinta dhulka ee xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eretariya 16-kii bishii October – wuxuu kala bar ka mid ah xilalka wasiirrada usoo magacaabay haween Qaran News