Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka, Xasan Abshir Faarax. ”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.” Marxuum, Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan. View the full article
  2. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaan ahaan Galmudug, haatana ka mid ah Xildhibaanada jooga magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Galmudug ay tahay gigoshii umadda Soomaaliyeed. Mustaf Dhuxulow ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay gaarto maqam sare oo lagu soo hirto, waxa uuna sheegay in 7 bil ka hor Dhuusamareeb aysan sidaan marti qaad u samayn karin. “Waxaan aad ugu faraxsanahay gogosha taalo Dhuusamareeb, oo maamul Goboleedyada lagu marti qaaday, in Galmnudug ay Noqoto Gogoshii Umada Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay ugu danbyn waa lagu guulestay,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo ah xildhibaanadii waqtiga u huray dhismaha Galmudug. Sidoo kale Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaano maalmo ka hortagay magaalada Dhuusamareeb, si xal nabadeed looga gaaro gogosha taalo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii waqtiga badan galiyay dhismaha Galmudug Xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan sheekh, waxaana lagu Xasuustaa Mustaf Dhuxulow, Mahad Maxamed Salaad, C/raxmaan Odowaa iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo noqday madaxweynaha Galmudug in magaalada Cadaado oo xiligaas ay ku shaqaynaysay Dowladii Galmudug ee Xiligaas jirtay in ay Bilooyin fadhiyeen si ay halkaas uga soo saaraan maamul Galmudug oo loo dhanyahay oo lagu midaysan yahay, Walow markii danbe ay ku guuleesteen dadaalkoodii ahaa Galmudug oo mid ah. Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Tel: +254-711830393
  3. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay qarax miino ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo ay wehliyaan saraakiil Mareykan ah. Qaraxa kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo uu khasaare kala duwan uu ka soo gaaray labada dhinac. Ciidamada la weeraray ayaa ka amba-baxay deegaanka Janaale, waxaana ay ku sii jeedeen tuulooyin hoos-yimaada deegaankaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. View the full article
  4. Allah unaxariistee waxaa goordhow magalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Allah unaxariistee marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanaa isbitaal yaalla ku dalkaasi, isaga oo ugu dambeyn maanta halkaas ku geeriyooday. Allah unaxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa noqday ra’iisulwasaaraha dowladda Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadkii April 2001 ilaa 2003-dii, oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Cabduqaadis Salaad Xasan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xisbiyada ka jira Somaliland ayaa maanta heshiis cusub oo ku aadan arrimaha doorashooyinka maamulkaasi ku gaaray gudaha magaalada Hargeysa. Hoggaanka saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi. Sidoo kale heshiiskan ayaa bedalaya kii ay horey u wada gaareen xisbiyadaasi 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkan 2020-ka. Qodobada xasaasiga ah ee ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:- Valueimpression Placeholder 1: In Guddiga doorashooyinka ay u madax bannaan yihiin Gudashada wajibaadkooda ku aadan howlaha doorashooyinka. 2: Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay ka koobnaan doonaan Saddex Xusbnood oo ka socda Beesha Caalamka iyo Xubnihii guddigii hore ee doorashooyinka marka laga reebo labada xubnood ee kuwa hadda jira lagu daray. 3: In Guddiga doorashooyinka ay kusoo diyaariyaan waqtiga doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanka muddo ku sima 14 Cisho , iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinka qabsoomaa sanadkaan 2020. 4: in kuraasta Gobolada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005. 5: Saddexda Xisbi waxaa ay ku heshiiyeen in torakoob qaran laga sameeyo guud ahaan degaannada Somaliland kadibna la qabto Doorashada Golaha Wakiilada Soomaaliland. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
  6. Marxuum Xasan Abshir Faarax Allaha u naxariistee Ra’iusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga. Xasan Abshir Faaraxa oo 75 sano jir ahaa ayaa sida la sheegay u geeriyooday cudruka Kansarka oo muddooyin dambe u xanuun sanaa. Taariikh nololeedkiisa oo kooban Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu ahaa rugcadaa siyaasadeed oo kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha iyo taabbo-gelinta dowlanimada Soomaaliya, isagoona manaasib kala duwan kasoo qabtay Dalka. Xasan Abshir wuxuu 1945-kii ku dhashay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, noloshiisii hore badi wuxuu ku qaatay Muqdisho, halkaas oo uga dambeyn uga baxay waxbarashadiisa Dugsiga Sare 1965-kii. Xasan waxa uu dhameystay waxbarashadiisa kale ilaa midda jaamacadda intii u dhaxeysay 1965-1986. 69-1969 wuxuu ahaa Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya 1973-1982 wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir. 1982-1987 wuxuu ahaa Duqa Muqdisho 1988-1989 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe. 1989-1990 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool 1990-1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Japan 1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Germany 1999-2000 wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland. 2001-2003 wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya 2004-2006 wuxuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya. 2001- 2015 wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.
  7. Waxaa maanta magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud lagu soo gaban gabeeyey dhageysiga dacwad rag lagu eedeeyey in ay lug la haayeen kufsi ka dhacay deegaan hostaga degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, eedeeysanayaasha ayaa ah shan ruux oo mid kamid ay tahay haweeneen lagu soo oogay ku lug lahaansho. Eedeysanayaasha ka soo muuqday maxkamadda ayaa magacyadooda lagu sheegay Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur iyo Cali Daahir Cabdi oo qirtay falka waxaana Afarta ragga ah lagu helay inay kufsi wadareed duleedka Galinsoor u geysteen Hodan Maxamed Diini. Maxkamadda ayaa sidoo kale xuku ku riday ruuxa halka haweey ah ah, taas oo xeer ilaalintu ku soo eedeysay in ay soo ka xeysay Hodan Maxamed Diini, oo ah ah ruux dhibahana ah oo ay soo shirqooshay iyaduna ay keentay halka ay afarta rag ay ku kufsadeen, makamadda magaalada Cadado ay ku riday xukunno kala duwan eedeysanayaasha. Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Galgaduud ee magaalada Cadado Sheekh Maxamed Guuleed Keynaan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kii qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal, masaafurin iyo 44-dago Ari ah oo ah meherkii Gabadha dhibku soo gaaray sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud Sheekh Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday Turkiga, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaasi. Marxuumka oo ahaa 75 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa xilka ra’iisul wasaaraha soo qabtay intii u dhexeysay 2001-dii illaa 2003-dii, xilligaas oo ay jirtay dowladdii C/qaasim Salaad Xasan. Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka dhismay dalka, kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka. View the full article
  9. Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda. “Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku. Mudane, Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan. View the full article
  10. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay ku dileen deegaankaasi askari ka tirsanaa ciidamada dowladda. Dilka ayaa waxaa xigay is-rasaaseyn kooban oo dhex-martay askari kale oo la socday marxuumka la dilay iyo kooxihii hubeysnaa. Guddoomiyaha waaxda afaraad ee deegaanka Garasbaaley, Maxamuud Xaashi Cali oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska hor imaadka dambe lagu khaarijiyey mid ka mid ahaa ragii toogashada u geystay askariga, halka kuwa kalena ay baxsadeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhaawac soo gaaray askariga la dagaalamay kooxda hubeysan ee dilka ka geysatay duleedka Muqdisho. Inta badan ciidamada dowladda ayaa weeraro gaadma ah kala kulama dagaalyahanada Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho. View the full article
  11. Istanbul (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa. Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday. Xasan Abshir ayaa Ra’isulwasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan. Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.
  12. The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shacbiga Puntland uga tacsiyey geeridii Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on . Source
  13. Former Puntland state president Mohamed Abdi Hashi has died at a hospital in Nairobi, the capital of Kenya following an illness. The late leader has served as president of Somalia’s northeastern Federal State between October 2004 and 8 January 2005. The current leader Said Deni has extended his heartfelt condolences to the people of Somalia in general and Puntlanders in particular over the death of the founding father. The Puntland presidency announced 3 days of mourning and lowered its flag to half-mast to honor the deceased ex-president. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka. Heshiiska rasmiga ah ee laga gaadhay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo gacantooda ku saxeexeen madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha xisbiyada UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe iyo WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa u dhignaa sidatan: Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn maanta dhex-martay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda ay dileen kooxda hubeysan, kadibna ay xigtay is-rasaaseyn dhexmartay askari kale oo la socday midka la dilay iyo ragga hubeysan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga toogtay askariga isna lagu dilay iska hor imaadka dambe, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray askari la dagaalamay kooxdaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay halkaasi Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdaaasi. Ciidamada dowladda ayaa inta badan weeraro gaadma ah kala kulama kooxda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-12072020.mp3 View the full article
  17. Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee Somaliland oo saxiixaya heshiis ay gaareen Xisbiyada Somaliland ayaa maanta oo Axad ah heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada. Saddexda Xisbi ee Somaliland, Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa ku heshiiyey in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dhacaya sanadkan 2020, lagu galo nidaamkii 2005. Sidoo kale xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyay in guddigii doorashadii hore ay la-taliyeyaal farsamo u noqdaan Guddiga cusub. Heshiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro. Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland iyo Guddiga doorashooyinkaas ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku muran sanaa xisbiyada Somaliland. Hoos ka akhriso heshiiska saddexda xisbi PUNTLAND POST The post Somaliland: Heshiis laga gaaray habka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada appeared first on Puntland Post.
  18. Soomaaliya waxay ka baxday dowladdii ku-meel gaarka ahayd 2012 inkastoo dastuurka dalka uu wali ku-meel-gaar yahay, waxayna Feebaraayo 08, 2017 dooratay madaxweynihihii labaad oo rasmi ah oo hoggaaminaya dowlad federaal ah. Madaxweyne walba ee la doorto waxaa looga fadhiyaa in uu gaarsiiyo dalka hiigsi la sugayay in la gaaro, dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa looga fadhiyay inay dhammeystirto dastuurka, dhisto ama yagleesho hay’adaha dowliga ah ee ku xusan dastuurka, kala wareegto AMISOM amniga dalka iyo inay gaarsiiso dalka doorasho qof iyo cod ah. Halkan waxaan kaga hadli doonnaa hay’adaha dowliga ah ee dhimman oo laga sugayay in uu dhiso madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Maxayse ku soo kordhinayaan hannaanka dowliga ah haddii la dhiso hay’adaha dastuurka ku xusan ee madaxa-bannaan. Dhismaha Guddiyada Madaxa Bannaan: Dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa guddiyo madax bannaan kuwaasi oo ku xusan qodobka 110aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, waxayna tilmaamaysaa farqadda 1aad ee qodobka 110aad ee dastuurka ku-meel gaarka ah sidan:- “Guddi madax bannaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakameyn siyaasadeed awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah”. Guddiyada madaxa bannaan ee ku xusan dastuurka ayaa kala ah:- Golaha adeegga Garsoorka Guddiga xuquuqul aadamiga Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa Guddiga adeegga Baarlamaanka Guddiga xudduudaha iyo Federaalka Guddiga isku-xirka xukuumadaha Guddiga qaran ee madaxa bannaan ee doorashooyinka Guddiga ammaanka Qaranka Guddiga Runta iyo dib-u-heshiisiinta Gardoonka/Ilaaliyaha Dadweynaha Guddiyadaan ayaa u baahan in lagu dhiso sharciyo gooni ah oo baarlamaanka la marsiiyay, kaddibna magacaabistooda ay ka tashadaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka isla-markaana ay helaan xubnaha guddiga codka kalsoonida baarlamaanka, madaxweynuhuna ku soo-saaro faafin rasmi ah. Ka hor 08 Feebaraayo 2017, waxaa dhisnaa Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan, guddiga xudduudaha, iyo guddiga dib-u-eegista dastuurka , waxaa kale oo la ansixiyay xeerarkii lagu dhisay guddiyada madaxa bannaan ee adeegga garsoorka iyo xuquuqul insaanka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa laga filayay inuu dhammeystiro illaa 7 guddi oo dhimman kuwaa oo muhiim u ahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo sarreynta sharciga, haddaba muxuu ka qabtay? Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay baarlamaanka u soo gudbisay xeerarka lagu dhisayay guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo hay’adda hanti-dhawrka qaran. kaliya waxa uu saxiixay madaxweynaha xeerka lagu dhisayo hay’adda la dagaalanka musuqa, waxaana wali xafiiskiisa yaalla sharciga hanti-dhawrka oo muhiim u ah hufnaanta maaliyadda dalka. Maxamed Mukhtar Madaxa machadka SIPAM oo ay Goobjoog kala hadashay dhismaha hay’adaha dowladda ayaa tilmaamay in Soomaaliya baahi weyn u qabto dhismaha hay’adaha dowliga ah, kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda, iyo dhisidda kalsoonida dadka ka dhaxeysa. Mukhtaar oo hadlaya ayaa yiri “ Marka la dhaho maxaa ka dhimman dhismaha hay’adaha dowliga ah waa wax walba ayaa dhimman shaqooyin aad u badan ayaa yaalla, laakiin midda ugu muhiimsan oo mar walba caqabad ah waa wada hadal la’aanta mar walba oo uu dib u dhaco wada-hadalka waxaa dib u dhacaya dhisidda iyo yagleelidda hay’adaha dowliga ah”. Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay in loo baahan yahaya in la is-waafajiyo dastuurrada dowladaha xubnaha ka ah dowladda iyo kan dowladda dhexe. Dr. Liibaan Xuseen oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka ah, ahna bare jaamacadeed kuna taqasusay sharciga oo ay Goobjoog ka wareysatay ahmiyadda dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la dhiso hay’addaha dastuuriga ah ayaa sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan xasilloonida siyaasadda, isku dheellitirka awoodaha laamaha dowladda iyo dowlad wanaagga dalka. Dr. Liibaan waxa uu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhisidda hay’adda adeegga garsoorka taasi oo uu sheegay inay muhiimad gooni ah ugu fadhiso horumarinta caddaaladda dalka. “guddiyadu waa wixii keeni lahaa isku-dheellitirka awoodaha iyo in mar walba la isla-xisaabtamo iyo wax allaala wixii muran siyaasadeed yareyn lahaa” Dr. liibaan ayaa yiri. Gudbinta adeegga dadweynaha iyo geeddi socodka hawlaha dowladda mar uu ka hadlay Dr. Liibaan ayaa sheegay in guddiyada madaxa bannaan ka muhiimsan yihiin wasaaradaha loona baahan yahay in dadku fahmaan muhiimadda hey’addaha madaxa bannaan. “guddiga adeegga garsoorka waa muhiim in la dhiso, haddii garsoorku hagaago markaa ayuu muwaaddinku heli karaa caddaalad dowladnimadeennuna ay taabba geli kartaa”. Dr. Liibaan Xuseen Ciise. Mar wax laga weydiiyay Dr liibaan iyo Wasiir Mukhtaar cidda leh in la dhiso hay’adaha dastuurka ku xusan si loo gaaro heykal dowladnimo oo dhammeystiran ayay ugu baaqeen in dhamaan qeybaha bulshada iska kaashadaan sidii loo yagleeli lahaa hey’adaha madaxa bannaan ee dastuurka ku xusan. Mar aannu wax ka weydiinay xalka khilaafka siyaasiga ah ayuu Dr. Liibaan sheegay in wadashaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo maamullada dalka, wadashaqeyn la’aanta madaxweynaha iyo hey’adaha dowladda iyo khilaafka u dhaxeeya golaha baarlamaanka ay sal u tahay dhammeystir la’aanta hey’adaha dowliga ah. Marka la eego xaalka siyaasadda dalka inta uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo waxaa khilaaf siyaasadeed hareeyay Baarlamaanka, maamullada iyo dowladda dhexe. Wuxuuna khilaafku saameyn taban ku yeeshay:- Dhammeystirka dib u eegista Dastuurka Dhammeystirka Shuruucda Federaalka ah Dhismaha hey’adaha Dastuuriga ah Dhismaha ciidanka xoogga dalka Gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah. Horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha waxa uu ballanqaaday inuu dhisi doono garsoor madax bannaan, iyo hey’adaha kale ee muhiimka u ah sarreynta sharciga. W/Q: Xasan Maxamuud Source: goobjoog.com
  19. PRESS RELEASE East Africa holds its ground as Africa’s fastest growing region, despite COVID-19 disruption Prior to the COVID-19 pandemic, the region’s economic growth was projected at more than 5 percent, well above continent’s average of 3.3 percent and global average of 2.9 percent NAIROBI, Kenya, July 12, 2020/ — COVID-19 curbs East Africa’s growth, but still the strongest in the continent; Report calls for transition to higher value-added activities to build resilience to shocks. Economic disruption caused by the COVID-19 pandemic has pushed East Africa’s growth projection for 2020 down to 1.2 percent, a rate that outstrips other African regions and is forecast to rebound to 3.7 percent in 2021, according to the African Development Bank’s (www.AfDB.org) East Africa Regional Economic Outlook 2020. The projection is under the baseline scenario that assumes the virus is contained by the third quarter of this year. Prior to the COVID-19 pandemic, the region’s economic growth was projected at more than 5 percent, well above continent’s average of 3.3 percent and global average of 2.9 percent. However, COVID-19-induced shocks and a locust invasion have contributed to job losses, increased humanitarian needs and will aggravate poverty and income inequality. In the worse-case scenario, in which the pandemic persists until the end of 2020, growth is projected at 0.2 percent, still above Africa’s predicted average of -1.7 percent and -3.4 percent under the two scenarios. At the launch of the report held in Nairobi on Wednesday, Simon Kiprono Chelugui, Cabinet Secretary of Kenya’s Ministry of Labour, said East African countries could overcome the effects of COVID-19 and turn their economies around by mitigating the external and domestic risks. “We need to implement a decisive and coordinated response to contain the spread of COVID-19; mitigate its health and socio-economic effects; accelerate structural transformation; improve the investment climate, and maintain the peace and security of our region,” he said. The Regional Economic Outlook indicates that the COVID-19 pandemic will affect East African economies in many ways, such as falling commodity prices and trade, and restrictions on travel with a consequent negative impact on tourism. Waning financial flows have affected the region’s fiscal and current account balances, while disruptions in supply chains have hurt food production and distribution. With schools closed, an estimated 90 million learners have been excluded from the classroom. Nnenna Nwabufo, the Director General of the Bank’s East Africa Regional Office, pledged Bank support to steer the region out of the crisis. “Our ambition is to address the adverse effects of COVID-19 pandemic and ensure that social and economic development across the continent is accelerated, including through the creation of an African workforce of the future,” she said. She noted that the Bank had responded swiftly to provide urgently needed support to address the immediate impacts of the COVID-19 pandemic, including support of $212 million to Kenya, $165 million to Ethiopia, $4 million to South Sudan and $10 million to the Seychelles. Nwabufo called for a collective effort to address the development challenges such as COVID-19, rising public debt, and the locust invasion, in order to re-direct the nations towards a sustainable development pathway. The report’s authors called for urgent policy measures to cushion the effects of the COVID-19 pandemic. “East African countries should accelerate a real structural transformation by transitioning from low value-added production to higher value-added activities that could mitigate vulnerabilities to domestic and external shocks,” said Dr Marcellin Ndong Ntah, a Bank Lead Economist. As well as investigating the impact of the COVID-19 pandemic on the region, this year’s report placed particular emphasis on “Developing East Africa’s Workforce for the Future”. To nurture skills for the future workforce, there is an urgent need for broad reforms in education, investment in education technology, addressing factors that stop children from attending school and establishing linkages between academia and industry, said Edward Sennoga, a Bank Lead Economist, and another of the report’s authors. Julius Mukunda, Executive Director of the Civil Society Advocacy Group in Uganda, said in order to nurture growth, East African nations must stamp out corruption, and invest in areas in which the region has unique strengths, such as food production, not only to provide food, but also income for farmers to help them to mitigate the effects of COVID-19. Please click here (https://bit.ly/2ZYzCM8) to read the full report. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  20. Madaxda Maamul Goboleedyada ee kala ah Axmed Madoobe (Jubbaland), Cabdicasis Lafta-gareen(Koonfur galbeed), Maxamed Waare (Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) iyo Saciid Cabdullahi Deni oo ah (Puntland) ayaa 11-July 2020 waxa uu shir ugu furmay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug . Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in xal looga gaarayo arrimo ay ku jirto doorashada 2020/2021, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedka lagu xuso in sanadkan aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ay ka tashtaan wadiiqo kale oo doorasho loo galo. Halkan Ka Daawo hal arin ka simanyihiin madaxda Maamul Goboleedyada https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Shariif Abayle Maxamed waxa uu ka mid ahaa xirfadyahanadii hore kubbadda cagta Soomaaliya,isagoo halganka ciyaaraha ka soo bilaaway magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada hoose horaantii 1950,balse Shariif oo in badan dhallinyarada soo koraysa aysan wax ka aqoonin taariikhdiisa ciyaaraha ayay inoo suura gashay in aan wax ka waydiino,waase kan isagoo oo faah faahinaya. Inta ugu badan laacibintii hore ee dalka ayaa waayahooda isboortiga ka soo bilaaway heerka gobolada ay ku dhasheyn ka dibna waxa ay soo gudbi jireyn maagalada Muqdisho,balse sidee ugu suurta gashay ciyaaryahana Shariif Abayle ku soo biiritaanka kooxihii ka dhisanaa caasimada Muqdishu. Sidoo kale intii aan kuguda jirnay dhax reebka sooyaalka ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka iyo naadiga Badda wuxuu sharaxaad naga siiyay sida ay ku timid u dheelsita Xulka Qaranka Soomaaliya iyo xasuusihii gaar ah ee waayihiisa Qaranka dhinaca guulaha iyo ka qeyb galka tartamada dibadda. Laacib Shariif waxa uu sheegay markii uu ka fariistay ciyaaraha inuu noqday tababare ,isagoo soo saaray xirfadlayaal badan oo guul ka gaaray kubbadda cagta kuwaas oo badankooda iminka ah macallin kaalin wanaagsan ka qaatay guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sooyaalka Laacibkii Hore Soomaaliya Shariif Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. MOGADISHU (HOL) - COVID19 measures will accelerate spousal violence in homes and increased practice of female genital mutilation in Somalia, the UN has warned calling for the passage of the Sexual Offenses law. Source: Hiiraan Online