Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Fierce clashes between Somali regional forces of Jubaland and al-Shabab fighters erupted on Wednesday night in Gedo region of southern Somalia. officials confirmed on Thursday. The fight erupted after Al shabab fighters attacked a military base in Elwak, a small town close to the Kenyan border which is under the control of Jubbaland forces. A local resident told Caasimada Online that both sides exchanged heavy and small weaponry that could be heard from remote distances during the confrontation. There are casualties although the casualty figures on both warring sides have not been established. Added the local resident. There was no immediate comment from Jubbaland forces and Al Shabaab regarding the attack and the subsequent fighting. The latest clashes came barely three days after Somalia national army killed at least eleven al-Shabab militants in an operation near Abal village in the country’s southern region Bakool. Southern regions of Somalia have become the battleground of clashes between the government forces and al-Shabab extremists after the militants were chased from the capital in August 2011 by Somali army and African Union forces.
  2. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: Recovery of tourism in Africa could drive recovery of African economies Recovery and resilience were the central themes of the meeting which discussed the economic impacts of the COVID-19 pandemic on the tourism sector in Africa ADDIS ABABA, Ethiopia, June 10, 2020/ — “Recovery of tourism in Africa could drive recovery of African economies”, said H.E. Dr Amani Abou-Zeid, AU Commissioner for Infrastructure and Energy, in her address to the 63rd United Nations World Tourism Organisation’s Regional Commission for Africa (CAF). The first ever virtual meeting of the UNWTO’s CAF was held on 8 June 2020, with active participation of 140 participants from 30 countries, including 24 Ministers of Tourism and representatives of 10 international organizations. Recovery and resilience were the central themes of the meeting which discussed the economic impacts of the COVID-19 pandemic on the tourism sector in Africa, improving the Continent’s resilience, stimulating tourism recovery and urgent mitigation measures and guidelines for the sector as key driver of sustainable development in the Continent. In her address, Commissioner Abou-Zeid highlighted the importance of tourism industry to Africans economies as it employs over 20 million people, i.e. 6.5% of the total workforce and even 20% in some African countries – half of whom are women – and accounts for 8-10% of the continent’s GDP. She explained that, not only the crisis has severely hit the sector bringing it to a standstill , but is also badly affecting Aviation — challenging the viability of african air transport as never before in history Dr Abou-Zeid underlined that domestic and intra-African tourism are likely to cushion some of the negative impacts of the coronavirus outbreak on the sector. She called on Member States, RECs and regional organisations to step up efforts to promote and develop regional tourism in Africa within the African Union Tourism Strategic Framework 2019-2028 which was approved last year. The strategic framework is one of Africa’s flagship projects aiming at integrating the Continent through tourism and positioning Africa as the preferred tourist destination globally. She also reminded the audience that supporting innovative digital solutions and platforms can provide powerful tools for a thriving and competitive African Tourism and emphasised the importance of green recovery and sustainable tourism. “Africa tourism’s sector has proven its capacity to bounce back and multiply recovery to other sectors. We must jointly implement recovery plan and build a roadmap towards a sustainable, innovative & resilient African tourism” added Dr Abou-Zeid. Mr Zurab Pololikashvili, the UNWTO’s Secretary-General said “In an unprecedented shock, the COVID-19 pandemic has cut international tourist arrivals in the first quarter of 2020 sharply down. Available data points to a double-digit decrease of 22% in Q1 2020, with arrivals in March down by 57%. This translates into a loss of 67 million international arrivals and about USD 80 billion in export revenues from international tourism in just three months. Arrivals to Africa in the first quarter are estimated to be down 12%.” Addressing the meeting, Hon. Najib Balala, Minister of Tourism of Kenya & Chair the UNWTO Executive Council said “In the wake of this pandemic, Africa needs this wake-up call and this maybe our time. We have to build transport networks and infrastructure within the Continent, so that we can interlink and connect Intra-Africa and promote travel within Africa.” Many African Ministers highlighted that tourism potential in Africa can turn the COVID-19 crisis into an opportunity for intra-African tourism. They agreed on the urgent need to work together in designing a continental roadmap both for the response to the crisis and in preparation for the post-pandemic recovery. Distributed by APO Group on behalf of African Union (AU). View multimedia content SOURCE African Union (AU) Qaran News
  3. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Arbacadii diiday hindise xabad-joojin looga hirgelinayo Libya oo ka yimid Masar, ayada oo sheegtay in qorshahaas looga dan leeyahay in lagu badbaadiyo Jeneral Khalifa Haftar kadib markii uu fashilmay weerarkii uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Tripoli, waxaa sidaas weriyey wargeyska Hurriyet. Dowladda Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee ra’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka. Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan seeray hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadinayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaaray aagga dagaalka. “Dadaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxiixo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay wargeyska Hurriyet. “Baaqa xabad-joojinta lagu badbaadinayo Haftar nooguma muuqdo mid caddaalad ah ama aan aamini karno.” Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac. REUTERS + VOA
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xiligan ka jira degaanada Koofur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato islamarkaana ay tayayn ku samayn doonaan Goobaha Waxbarashada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono dhammaan Iskuulada ku yaalla degaannada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay loogu xiray sababo la xiriira COVID-19. PUNTLAND POST The post Goobaha Waxbarashada Koonfur Galbeed oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ,Thabit Cabdi Maxamed oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah in ay waaqici noqoto oo ay dhageysato talooyinka loo soo jeedinaayo xiligaan kala-guurka ah. Thabit wuxuu xusay in la joogo waqtigu xasaasi ah, loogana gudbi karo dabeecad Qaran iyo tanaasul wuxuuna iftiimiyay in Dowladda Dhexe ay halis ugu jirto in kaalinteedii lala qeybsado hadii ay sidaan wax kusii socdaan. Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in siyaasiyiinta laga rabo iney ka fogaadaan hadallada abuuraya rajo beelka shacabka. Hoos ka aqriso qoraalka Thabit Cabdi Marxaladda kala-guurka ah waa ineysan noqon mid abuurta naceyb, fowdo iyo is eedeyn. Waa xilli u baahan in qof walba uu xaqiiqada la fal-galo. Waa waqtiga ugu xasaasisan, waxaana looga gudbi kara dabeecad qaran iyo danta guud oo loo tanaasulo. Qoraalladii Aqalka Sare, Dowlad Gobolleedyada qaarkood iyo Safaaradda Mareykanka waxey bidhaamiyeen baahida loo qabo wadahadal. Dowladda Federaalka ah waxaa hortaal iney waaqici noqoto, tallooyinka dhageysato oo aysan abuurin jawi dhiisha lagu wada cugo. Awrka raran usha u dambeysa baa dhabarka ka jebisa ee tan hore ma’ahan, Dowlad walbana xilliga u dambeeya ayay is-furataa ama rarku ka furtaa. Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu dulsaaran qalin iyo buug, waxeyna diiwaanka ku qori doonaan siyaasi walba oo majaxaabiya rajada Qaranka iyo fursadooda ka qeyb noqoshada hayaanka dowladnimo loo dhanyahay, sidaa darteed waa in aan hubinaa hadalkeena iyo ficilkeena, oo aanan dhiilo xun abuurin. Mahad-badan
  6. Wiil uu dhalay Trump oo kumanaan doolar ku bixiyay si uu u soo dilo lax Wiilka ugu weyn carruurta uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo wiil uu awoow u yahay ayaa la sheegay inay aadeen safar ay ku tageen dalka Mongolia sannadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu soo warramaya in safarkaas uu ku baxay $75,000 oo lacagta canshuur bixiyaasha Mareykanka ah. Wiilka madaxweynaha, Trump Jr ayaa toogtay laxdii naadirka aheyd taas oo ay adagtahay in lagu arko dunida inteeda kale, neefkan idaha ah ayaa ku noolaa buuraleyda Mongolia, waxay sidoo kale lagu kulmeen madaxweynaha Mongolia, sida ay sheegeen koox ka tirsan bulshada rayidka ee qaabilsan arrimaha mas’uuliyadda iyo arrimaha anshaxa gudaha Washington. Kooxda waxay sheegeen in qoyska Trump ay galeen safaro tiro badan marka loo barbardhigo qoyskii madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama. Kooxda waxay ku eedeeyeen qoyska Trump inay ku takrifalayaan maaliyadda laanta amniga u qaabilsan madaxtooyada isla markaana in ka badan 1000 safar ay sannadkiiba galaan. Mid kamid ah shaqaalaha u shaqeeya Trump Jr ayaa warbaahinta CNN u sheegay in safarka 8 maalmood qaatay ee bishii Agoosto sannadkii hore ku tageen halkaas ay qarashkiisa ay iyagu si gaar ahaaneed isaga bixiyeen marka laga reebo qarashkii ku baxay amnigiisa. “Trump Jr waa wiilka madaxweynaha waa in la ilaaliyaa balse canshuur bixiyaashu waa inay ogaadaan lacagta ku baxeyso howshiisa ugaarsiga ah iyo kulanka uu la yeeshay hogaamiyeyaal shisheeye iyo siyaasiyiinta” ayay yiraahdeen kooxda. Sida uu daabacay wargeyska ProPublica sannadkii lasoo dhaafay, Trump Jr wuxuu sannadkii lasoo dhaafay dilay laxdii naadiirka aheyd ee buuraha ku nooleyd isaga oo fasax ka helayo dowladda Mongolia, baaritaanka uu sameeyay Propublica waxaa sidoo kale lagu sheegay inay heleen caddeymo muujinayo in wiilka Trump uu safarka ku wehliyay sarkaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo ka shaqeeya arrimaha shidaalka iyo gaaska. Laxdan oo lagu magacaabo ‘Argali’ waa mid leh geeso dhaadheer waxaana la sheegay in halis ay ugu jirtay inay dabar go’do, sida laga soo xigtay ha’yad la socota xayawaanada halista ugu jiro inay dabar go’aan. Wiilk Trump waxaa sidoo kale lagu soo warramay in uu la kulmay madaxweynaha Mongolia Khaltmaagiin Battulga bil uun kaddib markii uu madaxweynahaas booqasho ku tagey aqalka cad. Waxaa uu barta Instagram-ka soo dhigay sawirrada safarka uu ku tegay Mangolia. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa socdo dadaallo ay waddo beesha caalamka oo lagu qabanayo kulan dhex-mara madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Shirkaas oo qabanqaabadiisa ay leedahay Beesha Caalamka ayaa wuxuu ujeedkiisa ugu weyn yahay sidii is faham loo kala dhex dhigi lahaa Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo muddo uu ka dhaxeeyey khilaaf soo jiitamayey. Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa leh doorka fududeyta shirkaas, waxaana la filayaa in Xafiiska UMSOM uu casuumaad u kala diro Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Ayada oo qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda uu khilaaf ka dhaxeeyo, islamarkaana aysan is-aamineyn, ayaa waxaa la filayaa inuu ka dhaco magaalo kamid ah magaalooyinka Maamulka Galmudug, oo hadda la arko maamulka kaliya ee labada dhinac raali ka noqon karaan inuu shirka marti-geliyo. Shirkaas ayaa waxaa loo badinayaa inuu midkood ka dhici doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo uu labaduba ka taliyo maamulka Galmudug. Madaxda dowladda federaalka ayaan ogoleyn inay tagaan Puntland ama Jubaland, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo halka Jubaland iyo Puntland aysan dooneyn inay tagaan Muqdisho iyo Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu tiriyo dhanka dowladda, taasi oo Galmudug ka dhigeysa goobta ugu macquulsan. Qabanqaabada shirkaan ayaa wuxuu bilowday kadib baaqii dhawaan kasoo baxay Dowlada Maraykanka ee maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe loogu baaqay inay kulan deg deg ah isugu imaadaan. Sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa xilli ay shalay kulmeen agaasimaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan. Soomaaliya ayaa waxay gashay xaalad kala guur ah, waxaana gabagabo marayo waqti xileedka Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo ay xusid mudan tahay in weli lagu dhawaaqin nooca doorashada iyo waqtiga ay dhici doonto.
  8. Duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay sii xirnaan doonaan tan iyo dhammaadka bishan Juun. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay kulan la qaatay Wakiilada diyaaraha isaga goosha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan shaashado lagu xariyo qaar kamid ah garoomada diyaaradaha oo ilaalinaya badqabka dadweynaha ,sidaas darteedna ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha tan iyo 30-ka bishan Juun. “Ma jiri doonaan wax duulimaadyo gudaha ilaa laga gaaro 30-ka bishan, waxaan wadnaa shaashado lagu xirayo garoonka Muqdisho, si ay u ilaaliyaan badqabka shacabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya ay shaacisay in 8-da Juun dib loo furaayo duulimaadyada gudaha, si isu socodka gobolada dalka dib ugu soo laabtaan, basle go’aankaas ayaa dib looga laabtay. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkan si ku meel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Intee sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  9. Xisbiga Nabad iyo Nolol ee ay Madaxda ka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Dalkaasi Xasan Cali Khayre ayaa xafiis Cusub ka furtay Magaaladda Buuhoodle oo ku dhex taalada Xuduuda iyo dhulka ay maamusho Somaliland. Xafiiskan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ururkaasi yeesho ee dhul ay Somaliland maamusho laga furo, waxaanay masuuliyiintii Shalay xafiiskaasi xadhiga ka jarayay oo ay ka dhex muuqdeen dhalinyaro Deegaanka Hargeysa kasoo jeedaa, ay warbaahinta u sheegeen in dalab uga yimid dhalinyarta iyo dadka deegaanka ay keentay in Xisbiga Nabad Iyo Nolol ay xafiis ka furtaan Magaaladda Buuhoodle. Waxa kale oo ay sheegeen in xafiiskani dhabaha u sii xaadhi doono in Doorashada Madaxtooyadda ee Dalkaasi laga filayo inay dhawaan ka qabsoonto ay soo gaadho islamarkaana dadka Reer Buuhoodle ay kaga qayb gali doonaan. Xafiiskan ayaan muujinaya Duulaanka cad ee ay Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku hayaan inay Shacabka Somaliland ku kala qaybiyaan, waxaana muuqata in dagaalkoodii ka dhanka ahaa Somaliland uu soo dhawaaday. Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaad moodaa inay goor lala wareegay Buuhoodle oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, xafiisyana laga dhex furtay ay soo ambabartay,iyadoo wasiiraddii deegaankaasi kasoo jeeday u kala dirtay Goor dambe Gobollada Sool iyo Buuhoodle. Wasiirkii Arimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon iyo Wasiirkii Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale qabi ayaa gaadhay Deegaamo ka kala tirsan Buuhoodle iyo Sool kuwaasi oo loo malaynayo inuu socdaalkoodu salka ku hayo ama xidhiidh la leeyahay dhaq dhaqaaqa ay Xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya ka bilawday Deegaamaadaasi. Wasiirka hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qabi ayaa sida wararku sheegayaan waxa lagu soo dhaweeyay deegaamo hoosta buuhoodleh oo ay ka mid yihiin Gucundhaale, hor u fadhi iyo ceegaag-baahsan, taasi oo aad loo hadal hayo inuu ku sii jeedo Magaaladda Buuhoodle oo u muuqata inay gacantii Somaliland ka baxday islamarkaana ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Somaliland ay ka wado Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya. Iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu Wasiir Qambi xaaladdan ay ku jirto Buuhoodle awgeed uu madax u galin kari waayay islamarkaana uu hawlgal Culus uu iskugu diyaarinayo oo uu gudaha ugu galo Magaaladda Buuhoodle. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayaa si adag waxa uu uga hadlay Xaaladda cusub ee ka soo cusboonaatay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer kadib Markii toddobaadkan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya markii ugu horraysay ay xafiis weyn ka furatay Magaaladaasi taasi oo dad badani siyaalo kala duwan uga hadleen walina aanay xukuumaddu wax faahfaahin ah ka soo saarin. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Waraysi siiyay Telefishanka ERYAL TV ayaa waxa uu ka hadlay Xafiiska uu Xisbiga Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano Nabad Iyo Nolol uu ka furtay guddaha Somaliland gaar ahaana Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, waxaanu sheegay in aanu garanayn qaabka u uga shaqaynayo xafiiskaasi gudaha Somaliland isaga oo xusay in loo baahan yahay in Madaxweynuhu ka Jawaabo Arrintaasi. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaanka guud ee salaadiinta Beelaha Somaliland oo wax laga weydiiyey arrintaas ayaa ku jawaabay siddan “Buuhoodle Somaliland ayaa xukunta, waxaanay Degmada Buuhoodle ka tirsan tahay degmooyinka Somaliland. Haddii haddii deegaan Xamar joogaa siduu uga talinayo Dowladda aan weydiino hortay, Muuse ayeynu weydiin arrintaas.” Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan ilaa hadda ka hadda arrintan, mana jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo ka soo baxay, balse waxa xusid mudan in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku sugan yihiin Gobolka Sool iyo Deegaano ka tirsan inkasta oo aan la hubin in ay u gudbi doonaan dhinaca Magaalada Buuhoodle. Dhinaca kale Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Xukuumadda dalkaasi ugu baaqay in ay taxadar weyn muujiyaan oo ku dadaalaan sidii ay xaaladda u qaboojin lahaayeen una dhisan lahaayeen waddankooda isaga oo ugu baaqay in ay diyaar u yihiin ka madax dhaqameed ahaan in ay qaddiyadda Jabuuuti is barbar taagan oo ay shacabka iyo xukuumadda kala shaqeeyaan sidii ay nabad xaaladda uga dhigi lahaayeen. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay biro isgaadhsiineed oo shirkadda Somcable ay ku leedahay oo laga taagay xaafada ay degan yihiin, kuwaasi oo ay sheegeen in xaalado caafimaad daro ay ka qaadeen. Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud kana mida dadka ay saameynta caafimaad ee xoogan ku yeesheen birahan Taawarka ee gurigooda agtiisa laga taagay, ayaa sheegtay in haween badan ay caafimaad daro ka qaadeen oo qaarkood ay carruurtii ka soo daadatay (Dhiciyeen), waxaanay xustay in loo awood sheegtay oo qasab lagaga taagay birahani xaafada ay degan yihiin. Waxaanay dadweynaha xaafadani ku nooli ay ka codsadeen masuuliyiinta xukuumadda talada dalka heysa in arrintooda wax laga qabto oo hoos loo eego. Hooyo Safiya Axmed Warsame ayaa shaaca ka qaaday in birtan iyo birta ka horeysay ee xaafadooda laga taagay lagu dhisay qaab khiyaamo ah“Cabasho weyn ayaanu birtaasi ka qabnaa caafimaaddaro ayay nagu riday, markii horena khiyaamo ayaa lagu iibsaday baloodhkani ay ku taallo mar labaadkii khiyaamo, waxaana xaafada lagaga iibsaday waxaa laga dhisayaa saddex makhsin oo guri xaasa, markii aanu ogaaney in birta labaad laga taagayana ee aanu nidhi hanalaga daayo waxaa nalagu yidhi RRU ayaa la idiin dalbanayaa, Ina Aw Siciid isaga ayaa magaalada leh, lacagtiisana u shaqeynaysa waanad ku khasban tihiin ayaa nala leeyahay, qori caaradii ayaa na loogu hanjabayaa, marka waxaa aanu codsaneyna cidkasta oo ay khuseyso oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha guduhu, badhasaabka gobolka, maxkamadaha cidkasta oo arrintayada wax ka qaban kareysa sida ugu dhakhsaha badan in nalooga joojiyo birtaasi, milateri iyo boolis ayaa nagu hareeraysan wax allaale wax aanu qaban karnaana ma jirto dawladu si deg degga ha noo soo gaadho”. Hooyo Safiya waxaa ay sheegtay in saameyn caafimaad daro ay ka qaaday birta Taawarka oo laga dhisay wax aan gurigeeda ka fogeyn laba mitir “Daaradan ayay Hooyaday ku dhimatay dhakhtar caafimaad ayaan geeyay waxaanu igu yidhi Taawarkaasi waxaa uu ku yeeshay saameyn, xisbiga ayaan anigu ka shaqeysta waxaa aan ahey qof danyara oo masaakiina oo dhulka iska xaabta, toban jeer ayaan u sii kala fadhiista Xisbiga, markii horena ee aanay birtaasi igu oolina hal daqiiqo ayaan ku gaadhi jiray, imika iyo haatana laxaadkeygii ma jiro, marooyin ayaan isku xidhaa oo dhabarka ayaan iska xidha, lugaha ayaan iska xidhaa, meel aanan iska xidhin jidhkeyga ma jiro, madaxeyga maro ayaan ku xidhaa, garaac iyo xannuun iyo dhibaato faro badan ayaan dareemayaa, dhakhtarkii kasta ee aanu u tagnaaba waxaa uu leeyahay waxaa idin saameeyay birta Taawarke agtiina laga taagay, carruur yar yar ayaan meesha ku haystaa marka aan goobaha adeeg bixinta caafimaadka geeyo waxaa la leeyahay Taawarkaasi ayaa saameyn caafimaad ku yeeshay,”. “Waxaa aanu ka cabaneynaa caddaaladaro aad iyo aad u baahsan, birtan Taawarka oo hore u jirtay ayaa la yidhi mid labaad ayaa laga taagayaa, hawshaasina waxaa wata nin ganacsade ah oo lagu sheegay inuu yahay Ina Aw Siciid, sidaasi darteed dawlada iyo cidkasta waxaa aanu ka codsaneynaa in ay cabashadayadaasi wax ka qabato”Ayuu yidhi Aabo Xasan Kheyre kana mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa. Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in haween badan ay xaalada caafimaad daro u jiifaan guryaha, halka ay tilmaantay in qaarkoodna carruurtii ay ka soo daateen oo ay dhiciyeen waxaaney tidhi “Danyare ayaanu wada nahay xaafada Hooyaday waa bukaan, aabahay wuu dhintay, xaafadihii jaarkayagu guryahoodi waa ay wada iibiyeen, waa ay ka wada qaxeen, waxaa la yidhi waxaa aanu u iibineynaa birtaasi Taawarka, dumarkii xaafadayada imika shan ayaa jiifta wey wada dhiciyeen birtaasi ayaa idiin sababa ayaa la yidhi oo walaahi oo bilaahi oo tolaahiya, gabadh aan habaryar u ahey waa dhicis imika way jiifta dawladu waxaa aanu dooneyna in ay wax nooga qabato arrintaasi saameynta nagu yeelatay, xoog ayaa na loo sheegtay waxaa la yidhi hadii aad wanaag ku diideen taagista birtaasi ciidan ayaa la idin dul dhigayaa, taliyaha ciidanka saldhiga Daloodho ayaa ciidan nagu soo dareeriyay, xoog ayuu nagu marsiiyay, ulo ayaa nalala dhacay, waanala laayay, dawladu si sharaf leh ha noo soo gaadho. Booliskuna waa uu joogaa bir ayaa naga taagan tii labaad ayaa nalaga taagayaa, ILLAAHEY ayaanu magan leenahay, madaxweynahayaga ayaanu magan leenahay, na soo gaadh rayid ayaanu nahay masaakiin ayaanu nahay, ma awoodin karrno dhulka ma iibsann kareyno, dhulkii xataa hadii aanu iibin laheyn nalagama iibsanayo, Ina Aw Siciidow naga iibso ayaanu nidhi raggiisi shaqaalaha ahaa, la idinkama iibsnayo ayaa nalagu yidhi, waanu idinku taageyna oo khasab ayaanu idinkaga dhigeynaa, ana oo aan idin baryin, runtood ayay noqotay oo ciidankii ayaa nala dul dhigay, taliyuhu into markii hore na raacsana ayuu markii danbena iyaga soo raacay taliyaha heysta saldhiga Daloodha, into yidhi ‘bir haday ka taagan tahay tu labaad lagama taagi karro’, ayuu markii danbe naga raaacay markaan ku idhi maxay sidani u dhacdayna waxaa uu igu yidhi walaahi in aan ku xidhi, ciidankayagii weeyaan walaalaheyna Tukaraq ayay ku daadsan yihiin, Hooyadayna waa ay jiifta way buktaa oo faalig ayaa ku dhuftay, anigu wadno xannuun iyo macaan ayaan leeyahay, xaafadayadu wada macaan ayay leeyihiin dowladu ha nagu soo gurmato, madaxweynahayaga sharafta lihi ha noo soo gurmado, muslimiintu ha noo soo gurmato meelkasta oo ay joogto, birtii labaad ayaa nalagu taagayaayee tii hore waanu ogoleyna ta labaad ma ogolin oo dhimasho ayaanu ka naqaana”. Hooyo Safiya Sheekh waxaa ay caddeysay in dhakhtar caafimaad oo ay u tagtay uu ku wargeliyay in xannuunkeedu uu ka dhashay birta isgaashsiinta Taawarka ee gurigeeda laga ag taagay waxaney tidhi “Anigu Dr. Xasan Daahir ayaan iska soo baadhay waxaa uu igu yidhi birta ka fogow wadnaha ayaa i xannuunaa, naqaska ayaa igu dhaga, Oxygen ayaa leygu rakibaa markaan koomo gallo ee aan todobaad joogo, macaan ayaan leeyahay dhiikar ayaa leeyahay, gaastarik ayaan leeyahay, gurigayagu waa wada sidaasi dhammaantayo”. Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii u dambeeyay inta badan xiriir wanaagsan la laheyd maamulada dalka, xili uu xiriirkooda diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka uu hoos u dhacay. Somaliland ayaa kamida maamulada uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Imaaraadku, iyada oo shirkadeeda DP World ay gacanta ku hayso dekedda Berbera oo ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan xukuumada Muuse Biixi. Siyaasiyiin badan oo taabacsan dowladda federaalka ayaa rumeysan in dowladda Imaaraadku ay kaalin weyn ka ciyaarto bur-burinta midnimada Soomaaliya, xili ay meeqaam sarre ku soo dhaweyso madaxweynaha Somaliland, oo ku dooda inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya. Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la sameystay Somaliland, kadib markii uu hoos u dhacay midkii dowladda federaalka, taasi oo tooshka ku ifineysa meeqaamka xiriir ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka. Somaliland ayaa iyadu dhowr jeer ka difaacday eedeymo ay dowladda federaalku u jeedisay dowladda Imaaraadka, oo ay u aragto cadow kasoo horjeeda midnimada Soomaaliya, sida uu dhawaan shaaciyay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, oo dhawaan wareysi siiyay Telefishanka Al-Arabiya ayaa si cad u sheegay in shirkadda Imaaraadka ah ee DP World ay khatar ku tahay Soomaaliya, isla markaana ay qeyb weyn ka qaadato kala qeybinta Jamhuuriyada. Dowladda federaalka ayaa iyadu aaminsan in dowladda Imaaraadku ay si gaar ah ula tacaamusho maamulada dalka, iyada oo mararka qaar gaarsiisa martabada ‘dowladd madax-banaan’, walow aysan si cad u shaacin arrinkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka awoodeedu ma gaarsiisna heerka ay dowladda federaalku gaarsiisay, maadama aysan qaraar ka gaari karin kala qeybinta Soomaaliya. Maamulada dalka ee qaarkood ku doodayaan madax-banaanida ayaa ku hanan kara ictiraaf ama aqoonsi buuxa is-fahan ay wada galaan dowladda federaalka, midaasi oo ka dhigeysa in furaha kala qeybsanaanta ay gacanta ku hayso dowladdu. Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa iyadu laftigeedu lug ku leh kala qeybinta ay dusha u saareyso Imaaraadka, sida ay aaminsan-yihiin siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadeedu. Dowladad federaalka ayaa siyaasad aan laga fiirsan inta badan kula dhaqanta maamulada dalka, iyada oo mararka qaar horseeda in gebi ahaanba meesha uu ka baxo xiriirka kala dhaxeeyay maamulkaasi. Xukuumada uu hogaamiyo Farmaajo ayaa la rumeysan yahay in mudada xilka ay hayso uu tiro beelay khilaafaadka kala dhaxeeya maamulada u hogaansan nidaamka federaalka, halka ay gebi ahaanba meesha ka baxday gacan ku haynta maamulka gooni goosaadka ah ee Somaliland.
  13. Qoraa Cabdiraxmaan Fidhinle oo ah Aqoonyahan reer Somaliland ah inta bandanna ka hadla am aka faallooda Arrimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ayaa sheegay in baadhis iyo daba-gal muddo dheer socday oo uu ku sameeyey Mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka waday Somaliland ee ay xukuumaddii hore keentay dhammaantood faashil noqdeen oo aanay waxba ka hir galin isaga oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in ay degdeg baadhis culus ugu samayso Mashaariicdaasi oo uu ku sheegay 13 Mashruuc. Qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo Cabdiraxmaan Fidhinle ayaa u dhignaa sidan: “Baadhis iyo dabo gal mudo dheer qaatay ka dib, Waxaa loo sibir saaray in Mashaariicdan hoose ee dawlada imaaraatigu (UAE) maalgeliyeen ay ku wada fashilmeen gacantii dawladdii Siilaanyo taas oo uu abaanduule ka ahaa Xafiiska dawlada Somaliland ku laheyd dalka Imaaraatiga waqtigii dawlada Siilaanyo. Qaar ka mid ah Mashaariicdan waxaa ilaa hadda dul hoganaya mad-madow faro badan, Musuq- Maasuq , iyo mashruuc ku macaash aan loo meel-dayin. 1- Mashuruucii Baaxada lahaa ee Biyo Xidheenka Weyn ee Xubo weyne ee (Waaheen) Mashruucan waxa la bilaabay 26/12/2015 Waxaana uu dhamaan lahaa 25/08/2016- Mashruucan oo fashilmay, fashilaadiisa waxaa iska baraxday dawlada Muuse Biixi waxaana fadeexaddaa loo sibir saaray Dawaladii Siilaanyo iyo Wasiiradeedii. 2- Mashruucii Biyo gelinta Xunbo weyne ( Pipeline ) Mashruucani wuxuu ku fashilmay gacantii Dawladii Siilaanyo iyo dawlada UAE oo usoo wakiilatay hayada Khalifa Foundation. 3- Mashaariic horumarineed oo yar yar oo iyana isugu jira Xarumo Caafimaad (MCH), Dugsiyo Waxbarasho iyo Suuqyo la socda ayaa lagu heshiiyey in la dhagax dhigo 1/3/2016 si ay mashaariicdaasi u dhamaadaan 28/02/2017. Mashaariicdaasi waxaa loo qoondeeyey in ay ka fulaan magaalooyinka Borama, Hargeisa, Burco iyo Berbera lakiin waxay ku ragaadeen gacantii markaa maamuleysay ee Xukuumadii Siilaanyo. 4- Mashruuca dhismeyaasha Hospitaalada laga bineeyey magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeisa ayaa iyaguna qabyo wada noqday oo aan weli la dhameystirin. 5- Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor ee la dhagax dhigay 28/02/2019 ayaa mudadii uu socotay oo ah 15 bilood lagu dhameeyey 12-Km oo keliya taa soo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaato oo ku began May 2021. Waxaa nasiibdaro ah in 6-dii shirkadood ee dhismaha wadada waday lagu soo koobay shirkad keliya oo aan marna ku dhamaystireyn Wadadaas waqtigii loo cayimay. 6- Mashruuc Waxbarasho oo Scholarship ah oo ay ku balan qaaday in ay bixinayso dawlada imaaratigu UAE ayaan isna fulin. mashruucan oo ay aheyd in 45 arday ee ugu horeeya in ay dawlada imaaraatiga UAE waxbarasho u tagaan, taa soo lasyku raacay in uu bilaabmo taariikhda 20/01/2016. Qaadista Ardeydan waxaana ku fashilantay Hayda Khalifa Foundation iyo Xukumadii Siilaanyo ee markaa talada haysay qaar ahaan Wakiilkii Xafiiska Somaliland ee UAE Waqtigaas fadhiyey. 7- Mashruuca kor u qaadida aqoonta iimaanada masaajidada Somaliland oo laysku raacay in 22 iimaam loo qaado oo lagu tababaro dalka UAE 17/01/2016 8- Mashruuca Tayenta aqooneed ee Wariyeyaasha idaacada Quraanka kariimka ka shaqeeya , Qalabeynta iyo dhismaha Idaacada Quraanka Kariimka oo lagu heshiiyey in mashruucan lagu dhameystiro 20/01/2016, Nasiib daro Labadan mashruuc midina ma fulin. 9- Mashruuca Dayactirka Wasaaradda Awqaafta oo lagu heshiiyey in 19/06/2016 lagu dhameystiro mashruucaasi isna uma fulin sidii loogu heshiiyey. 10- Mashruuca Wersheda Hilibka ee Berbera oo loo qoondeeyey in la dhameystiro 7/06/2016 –Mashruucan weli umuu dhamaan sidii loogu talo galay. 11- Mashruuca Berbera Free Zone ee ay bilaabi lahaayeen imaaraatigu dhamaadkii sanadkii hore 10/12/2019 isna weli wuu rafanayaa . 12- Mashruucii horumarinta tamarta oo ku kacaayey lacag dhan $7 million doolar kaas oo ay ka fulin lahaayeen magaalada Berbera isna waxba kama soo naaso cada. 13- Mashruucii Saldhiga fadhiisinka ciidamada ee Madaarka Berbera oo isga aan weli dhinacna loo dhaqaajin. Yaab !! Dhamaan mashaariicdaas kor ku taxani waxay wada noqdeen ” Aan ka fuudee Allow Fii haa ” iyo qaar aan fulin iyo qaar noqday faashil lagu daneystay. Gebagebo : Waxaa Xukuumada Somaliland loo soo jeedinayaa in ay gudi dabo gal ah u saarto dhamaan mashaariicda ay balan qaadeen dawlada imaaraatigu oo aan badankoodu u fulin sidii loogu talo galay. Mashaariicdan is wada taagtay qaarna noqdeen faashilka waxaa markhaati u ah sida ay u sii kala fogaanayaan xidhiidhka ka dhaxeeya dawalada imaaraatiga UAE iyo Somalilaan.. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan ” Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa – Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso” !! Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/raxmaan Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom Source
  14. Bilowgii todobaadkaan waxaa halmar Hawada soo galay Qoraalo ka dhan ah Xukuumada Federaalka, Warbaahinta Puntlandi.com ayaa Xog dheeri ah ka heshay sababta iskusoo aadiyey Qoraalo [...] The post Faalada maanta… Muxuu yahay ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo, Maxaa iskusoo aadiyay Qaylada Maamul Goboleedyada iyo kan Beesha Caalamka appeared first on . Source
  15. Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax ka dhacay degmada Deyniile oo ay ku waxyeeloobeen caruur wada dhashay ka dib markii ay ku ciyaareen aalad qaraxda. Qaraxa ayaa yimid ka yimid ka dib caruurta ay ku ciyaareen aalad qaraxda oo ay ka heleen meel aan sidaas uga fogeyn gurigooda caruurta ayaana garaacay taas oo qaraxa dhalisay. Waxaa geeriyooday hal wiil waxaana dhaawac ka soo gaaray labo gabdhood oo la dhalatay wiilka ayaa magaciisa lagu shrrgay Cabdullaahi Macalim Aadan Maxamuud oo sagaal sano jir ah. Degmada Deyniile ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada nuucaan ah maadaama ay degmada weli ay ku dambeeyaan haraadiha walxaha qarxa, degmada ayaana inta badanaa fariisn u aheyd ciidamada xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. NAIROBI (HOL) - Depletion of locally available ingredients for making explosives could force the militant group Al-Shabaab to smuggle the components into the country, the UN has warned. Source: Hiiraan Online
  17. Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65 Shan iyo labaatan qof (25 ) ayaa laga helay xanuunka, 23 waa Somalilander, halka 2 qof udhashay Pakistan . Bukaanadan 12 qof waa rag, 13 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (1jir ilaa 9jir = 1 qof) (10jir ilaa 19jir = 4 qof) (20jir ilaa 29jir = 7 qof) (30jir ilaa 39jir = 3 qof) (40jir ilaa 49jir = 2 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 4 qof) (70jir ilaa 79jir = 1 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 24 qof iyo Berbera oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Sideetan (84) Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay lix mas’uul oo Madax ka noqdaan Mashruuca Baerber Corridor ee ay Maalgalinayso dawladda Imaaraadka Carabtu. 1.Eng Maxamuud Cabdi Maxamed Dhuudhi Maamulaha Mashruuca. 2. Eng Cabdikarim Xasan Nuur Structural Engineer. 3. Eng Mawliid nuux Taani Senior Engineer. 4. Eng Cali Yuusuf Kaahin Sarvey Engineer 5. Mawliid Maxamed Raabi Sarkaalka Maaliyada. 6. Mukhtaar Xuseen Maax Sarkaalka Maamulka iyo Isgaadhsiinta. Warqadan Madaxwaynuhu ku Magacaabaya Lixdan Masuul ayaan lagu xusin Wasiirka Jidadka. Source
  19. Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ayaa gudaha wadankaasi ku dilay wiil ka mid ah Soomaalida ku gacasata dalkaasi xili uu ku sugaa meel aan sidaas uga fogeyn goobtiisa ganacsiga. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi xiray Yaasiin Maxamed Xasan, waxaana uu ka mid ahaa dhallinyada ku ganacsata magaalada Rustanburg ee dalkaasi Koonfur Afrika. Kooxii burcadda ahaa ayaa isga baxsaday goobtii ay ku dileen muwaadinka Soomaaliyeed waxaana meydkiisa goobta ka qaaday Soomaali kale oo soo gaartay. Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilal joogto ah loogu geystaa muwaadiniinta Soomaalida ah ee u ganacsi tagtay wadankaasi sanadkii tagay ee 2019-ka ayaa sanad ay aad u badneyd dilal dadka Soomaalida ah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Muqdisho)-Waxaa soo baxaya khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya oo aan marna khilaafkooda dibadda usoo bixin saddexdii sanno ee la soo dhaafay. Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa baahiyay in khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda uu salka ku hayo qaabka loo waajahayo doorashooyinka, islamarkaana ay madaxda hadda u kala jabeen laba garab. Xogta la helayo ayaa sheegaysa inay isku saf yihiin madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, halka ay is-raacsan yihiin ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ku-xigeenka koowaad Abshir Bukhaari. Inkasta oo Kheyre iyo Farmaajo aanu ka dhaxeyn khilaaf dhanka shaqada ah, haddana waxay ku kala aragti duwan yihiin habka loo marayo doorashada. Farmaajo, Mursal iyo Muudey ayaa doonaya iney qabtaan doorasho ayna door weyn ku yeelan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, sida maamul goboleedyada iyo mucaaradka, taas oo noqon karta mid aan hufneyn dalkana gelin karta dib u dhac iyo xasilooni la’aan. Kheyre, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, ayaa dhankooda rumeysan inaan doorashada looga maarmeyn in lagala tashado dowlad goboleedyada, taasi oo ay si cad u sheegeen. Si gaar ah, Cabdi Xaashi waxa uu damacsan yahay inuu iska rido masuuliyadda saaran ee waajibka dastuuriga ah iyo midda shaqsiga ah ee Xaaladda Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddoomiye ku xigeenkiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku xidhan Villa Somalia. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in rabshado laga abuuro Golaha Aqalka Sare taas oo keeni karta jahwareer kale oo siyaasad Source
  21. Mawduucaygani ma daarana ashkhaas gaar ah, qof welibana magaciisa iyo meeqamkiisa qadarin ayaan ugu hayaa halkiisa. Waxaase uu ka jawaabi doona dhacdada xafladaha, caafimaadka guud,caqliga bulshada iyo xeerka oo lagu tuntay. Xafladii suugaanta ee abwaan Cali Seenyo oo ku beegan wakhti xanuunku aad u fiday tirada guud ee laga helay xanuunkuna tahay (1819 qof) dhimashaduna ay tahay 25 ruux(AUN). Waxa goobta jooga oo ka fooladaynaaya madaxweynu ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, ahna gudoomiyaha gudida heer qaran ee koronaha, iyo qaar ka mid ah madaxda iyo labeenti bulshada. Sidda ku cad awaamirti ay so saareen gabi ahaanba gudidu waxay madnuuceen wax xaflad ah haba yaraate, iskuuladii iyo goobihi waxbarashada weli way xidhan yihiin. Mana jirto go’aano kale oo ay so saareen kagana noqdeen arrintaasi, daliilna uma aha qiilka ay ku banaysteen habeenkasi ee ah waa la kala fogaaday, haddan dhamaan loo wada sinayn sharciga meel welibana sidaasi oo kale laga yeelayn. Dhinaca kale, dhacdadi Dr Gaboose oo ku beegan wakhti xanuunku aad u yaraa(9 qof tirada guud ee laga helay) dhimashaduna aya ahayd 1 ruux(AUN), iyo xafladii afurka shaqaalihiisa, ceeb iyo ceebayn weyn buu ku mutaystey maalintasi, xata madaxweyne Muuse Biixi ayaaba si cad u weeraray, oo yidhi “duul dhakhatiir waashay baanu nahay, ha is wafajiyaan ficilkooda iyo fariintooda”. Ma difaacayo Dr Gaboose, laakin saxdu ma sidday iyagu doonaan baa sax ah? Xaqa iyo xeerku ma ninkay jecel yihiin baa ah halyeey, ka kalena waa hacoo? Haddiise madaxadu iyo dawladuba ay sharciga ay so saareen u hogaansami waayeen yaa kale oo lagu hagi doona? Tani, waa sababta keentay in ay shicibku aamini kari waayan madaxdooda iyo fariimaha caafimadka ee gudida koronaha so dirayaan. Akhriste, maxay ku kala duwan yihiin labada xafladood ee Dr Gaboose iyo Abwaan Cali Seenyo? Ma logic-ba, ma cilmi baa siddani?ma Dawladnimo baa mise waa damiir liicay? Haddaba, midna xukumadda aya raali ka ah oo la dhacsan, midna iyaga ayaan ogolayn oo ku kacsan maalintaasi. Kii shalay hor boodaayey fariinta lagu durayey Dr Gaboose, maanta halkee buu ka dhacay damiirkiisu ? Saxafadii miyey indho beeshay iyana? Mise iyagana laftoodu waa jaceyl iyo nacayb kale oo ishuwan, oo midna waa saxafi saaxiib aanu nahay midna waa dhakhtar ? Gabogabadii : Siyaasaddeenu waa jaceyl iyo naceyb, maaha aragti, dan guud u hiilin, damaqasho umadeed, damiir saxan Yaa kale reeraha yaan lagu dawikhin waa (scapegoat) aya maalinata siyaasiyiintu u isticmaalan siddey iyagu doonaan,arrinkeenu waa hoogamin xumo, ayaa ina hoday oo ina haysata. Source
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta la baajiyey kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay yeelan jireen. Farriimo loo diray xubnaha Golaha wasiirada ayaa lagu wargeliyey inuu baaqday kulankii xasaasiga ahaa ee Maanta la filayey inay yeeshaan Golaha Wasiirada kaasoo la hadal hayey in looga hadli doono xaaladda kala guurka ee dalka galayo. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay in la baajiyo kulankii sida weyn ee loo sugayey ee Golaha Wasiirada, waxaana jiro hadal heyn badan ku saabsan waxa uu u baaqday kulankaas. Tan iyo maalintii Sabtidii markii lagu buuqay Madaxweynaha oo ka hor khudbeynayay Baarlamaanka xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa marba marxalado cusub ku soo kordhayay iyo tallaabooyin is xig xigay, kaddib baaqii ka soo baxay. Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ku saabsan Doorashada Soomaaliya iyo waji cusub oo kala guur siyaasadeed in la guda galay muujinayay, waxaana xigayey shirkii jaraa’id oo ay qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Sheekh Axmed. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan golihiisa wasiirada amar ku siiyey inay bilaabaan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorasho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahayo moojado siyaasadeed oo xooggan oo kaga imaanayo dhinacyada siyaasadda iyo qaar ka tirsan Beesha Caalamka.
  23. Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah maamulkaasi, howlgalka ayaa yimid ka dib weerar Bam loo adeegsaday oo ka dhacay magalaada habeen ka hor ayaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo ciidamadu sheegeen in looga shakiyey Al-shabab. Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Nabad Suggida dowlad goboleedka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in weerar loo adeegsaday Bom gacanta tuuro oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla agagaarka Aargada Magaalada Kismaayo, oo dhimasho iyo dhaawac sababay dad rayid ah. Gaashaanlaha ayaa xusay in howlgalkaan laga sameeyey Kismaayo oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Nabad Sugidda lagu soo qabay dad looga shakisan yahay in ay ka tisanaayeen Al-shabab laguna wado baaritaan wuxuu intaa ku daray cidii ay ku cadaato in la hor keenayo cadaaladda halka kuwa kale ay dib u helayaan xoriyadooda. ” Waxaan u sheegeynaa inaan ku daba jirno oo aan qaban doonno sidii markii hore aan u qaban jirnay aan u keeni jirnay cadaaladda baan haddana kuwaas u qaban doonna, dad waxaa jiro la qabtay oo baaris ay ku socoto qofkii uu ku cadaado sharciga ayaa la horkeeni doonaa qofkii kalena xor ayuu noqon doonaa” ayuu yiri G/ Ismaaciil Faarax. Dhanka kale Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax ayaa shacabka magaalada Kismaayo iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ka dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalka amniga qalqalgeliyo. ” Aad ayaan uga xun nahay wixii dhacay leenahay intii wax ku noqotay allah caafiyo qofkii ku dhintayna samiri iyo imaan Allah inaga siiyo Ehelkiisa iyo ingab, waxaan rabaa inaan u sheego shacabka reer Jubbalanad gaar ahaan kuwa reer Kismaayo in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii ay markii hore ula shaqeyn jireen” ayuu yiri. Howlgalkaan ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo habeen ka hor weerar Bom loo adeegsaday lagu qaaday Maqaaxi ku taallo agagaarka Aargada magalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta waxaa dhintay hal ruux halka tiro kalena ay soo gaareen dhaawacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Khartoum)-Ali Kushayb ayaa ahaa hoggaamiyihii maleeshiyaadka Janjaweed ee xasuuqa ka geystay gobalka Darfur ee dalka Sudan intii u dhaxeysay 2002 – 2004, Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada dagaal ICC ayaa 13 sano kahor amartay in lasoo qabto ninkan. Kushayb ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Saraakiisha Maxkamada Caalamiga ah ee ICC kadib markii uu isa soo dhiibay, wuxuuna ku sugnaa dalka Bartamaha Afrika. Kushayb ayaa xubin ka ahaa xisbigii Gen.Cumar Al Bashir ee dalka Sudan ka talinayey, waxaana loo heystaa 50 danbi oo ay ku jiraan, xasuuq, baro-kicin, kufsi iyo dilka dad rayid ah. Dagaalkii ka dhacay gobalka Darfur ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay in ka badan 300-kun oo qof laguna baro-kiciyey 2.7 milyan oo qof. Source
  25. (SLT-Nigeria)-Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in la xidhay nin ka mid markii hal magaalo oo ku taalla dalkaasi lagu kufsaday dumar gaadhaya 40 muddo hal sanno ah . Hooyo ku nool magaalada waqooyiga ku taalla ee lagu magacaabo Dangora ayaa ku qabtay nin qolka caruurteeda sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Abdullahi Haruna,waxaana intaas raaciyay in uu ninku cararay isla markaana ay derisku baacsadeen ayna ugu dambeyn qabteen. Qabashada ninka ayaa dhacday Salaasadii. Sida ay boolisku sheegeen falalka kufsiga ah waxaa ka mid ah weeraro loo gaystay haweeney 80 jir ah iyo carruur qarkood ka yar da’da 10 sanno jirka. Waxaa dhawaanahanba jiray kufsi iyo dil loo geysanayo dumarka ku nool dalka Nigeria, taas oo dhalisay buuq weyn, iyadoo kumanaan qofna ay saxeexeen dalab ah haashtaag #WeAreTired) waan daalney. Dangora ayaa ah magaalo yar oo ku taala gobalka Kano isla markaana dhainaca koofur galbeed kaga began magaalada Kano,taasi oo la sheegayo in ay adagtahay in boolisku ay ka jawaabaan dhibaatooyinka ka dhaca sida uu sheegayo wariyaha BBC-da Mansuur Abubakar ee magaalada Kano. “Dadka reer Dangora aad ayey u faraxsan yihiin waqtigan waxaan rajeyneynaa in cadaaladda si hufan loogu adeegi doono”. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku noolaayeen sanadkii la soo dhaafay cabsi, xitaa marka ay guryahooda joogaan, maxaa yeelay waxaa ay maqleen in kufsi wadareed uu gaytay nin dayrka ka soo dhacay isla markaana gudaha dumar ugu gaystay kufsi. “Haatan waan seexan karnaa innagoo indhaha isku hayna ,”waxaa sidaasi BBC-d u sheegtay mid ka mid ah haweenka deegaanka. Source