-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid madaxweynihii labaad ee maamulkaasi, Maxamed Cabdi Xaashi oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo dhammaan reer Puntland. Halkan hoose ka aqriso: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa. View the full article
-
Waxaa maalintii 2-aad galay shirka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlad federaalka ah uga socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Shirkan oo shalay furmay waxaa ku sugan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada sida Axmed Madoobe(Jubbaland), Cabdicasis Lafta-gareen(Koonfur galbeed), Maxamed Waare(Hirshabelle), Axmed Qoorqoor(Galmudug) iyo Saciid Deni oo Puntland ah. Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in xal looga gaarayo arrimo ay ku jirto doorashada 2020/2021, waxaana lagu wadaa in war-murtiyeedka lagu xuso in sanadkan aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah iyo xisbiyada ay ka tashtaan wadiiqo kale oo doorasho loo galo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ahaa kan rasmiga ee dowlad goboleedyada, isagoona ahaa miday albaabada u xiran yihiin. Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saaray xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo ay ka doodeen madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo xalay saq-dhe la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay in madaxda maamul goboleedyadu ay ka doodeen xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah. “Shirka Rasmiga ah ayaa ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, 11-ka July madaxdu waxa uu u ahaa hadal jeedinta iyo soo bandhigista khudbadaha ku saabsan xaaladda dalka, waxa ay ka doodi doonaan madaxda xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan Doorashada iyo kala guurka” ayuu yri Afhayeenka Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland. Si kastaba ha’ahaatee madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka oo shalay jeediyey khudbado xasaasi ah ayaa waxay ka hadleen arrimaha doorashada ee 2020/21.
-
576 young players from 32 teams are taking part in the 2020 Elman Youth Cup (U-16) at the Daljirka Stadium Source: Hiiraan Online
-
Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan gaar ah ku yeeshay madaxda Dowlad Goboleedyada oo uu shirka uga socdo halkaas, iyaga oo kaga hadlay arrimo dhowr ah. Madaxda Dowlad goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa shirkooda gaarka ahaa waxaa ay kaga hadlen arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulanka gaarka ah ay madaxa uga hadleen arrimaha doorashoyinka dalka guud ahaan xaalada siyaasadeede eedalka iyo sida looga gudbi lahaa is marin waaga siyaasadeed ee Soomaaliya kajira. Shirar gaar gaar ah ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan madaxda Dowald goboleedyada ilaa iyo ita uu kasoo geba-gaboobayo shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb. View the full article
-
Ciidamada dowladd, gaar ahaan qeybta taliska 27-aad ee ka howlgala deegaanada Hirshabelle ayaa waxay howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyeen wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad iyo deegaano kale oo dhowr ah. Howlgalkan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga Dalka waxay ku gaareen deegaano badan oo la tuhunsanaa iney ku sugan yihiin Al-Shabaab,inkastoo uusan jirin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab. Deegaanada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Jariirow, Gololey Moobleen, Dhumaley, Madax Gisi, Lafa-Gare, Saarsaare, Cadiga Moobleen,Buulo mareereey iyo Gumareey oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Generaal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in u jeeka howlgalka uu ahaa mid la doonayay in degaannadaas looga saaro Al-Shabaab. Tareedisho ayaa Ciidanka ku boggaadiyay howlgalka ay ku qaadeen Al-Shabaab,waxaana uu sheegay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan waxkasta oo keeni kara amni darro kana hortagayaan. Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer weeraro ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabelle iyo Ciidamo ka geystay Al-Shabaab. Dhinaca kale ciidamada Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa xalay gudaha degmadaasi ay ka qabteen Nin la sheegay in uu ku labisnaa dharka Dumarka,kaas oo magaalada lagu arkay. Ninkaan oo aan wadan wax hub ah ayaa dadka ku nool degmada Balcad ay sheegeen in laga qabtay.isaga oo dhex socda bartmaha magaalada,hayeeshee aysan ogeyn waxa uu damacsanaa. Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Ninkaasi ay ciidamada gacanta ku dhigeen,isla markaana baaritaano ay ku socdaan, View the full article
-
Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xaashi waxaa uu sidoo kale ahaa madaxweyne ku-xigeenkii maamulka 1998-2004-tii, waxaana uu wax ka aasaasay dowlad goboleedkaas lagu tiriyo midkii ugu horeeyey ee dowlad goboleedyada. Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu inta aan qeyb ka noqon Puntland ahaa madaxa jabhadda United Somali Party (USP) . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi. Marxuumka oo maalmahan dambe xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-120720.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka ka aas-aasmay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii. Waxa kale oo uu soo noqday madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isaga oo si KMG ah xilka u hayey muddo kooban oo ku siman illaa lix bilood. Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland. Sidoo kale wuxuu marxuumka alle uga baryey inuu ka wraaabiyo Jannadiisa Firdowso. Halkan hoose ka aqriso: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa. -DHAMMAAD-
-
Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii ka soo shaqeeyay dhismaha Dowladda Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland. Madaxweynahaa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Former U.S. special counsel Robert Mueller sharply defended his investigation into ties between Russia and Donald Trump's 2016 presidential campaign, writing in a newspaper opinion piece Saturday that the probe was of "paramount importance" and asserting that a Trump ally, Roger Stone, "remains a convicted felon, and rightly so" despite the president's decision to commute his prison sentence. Source: Hiiraan Online
-
They used to be a fairly common sight on the Kenya-Somalia border, but in recent years the number of hirola, or Hunter's antelope, has dropped to fewer than 500 in the wild. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka, oo Shalay Shirku uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa xalay yeeshay Kulamo gaar-gaar ah oo Warbaahintu dibad-joog ka ahayd. Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kulamadooda gaar-gaarka ah ee Xalay uga arriinsanayey Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya iyo Marxaladda Kala guurka ee Dalka. Sidoo kale, Shirarka Madaxda waxaa bar-bar socday Kulamo kale oo ay yeelanayaan Guddiyo farsamo oo kala matalaya dhinacyada Shirka fadhiya sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah. Kulamada Shirka ayaa weli sii socda waxaana la filayaa in geba-gabada wixii dhinacyadu isku raacaan war-martiyeed ay ka soo saari doonaan maalmaha soo aaddan. PUNTLAND POST The post Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Kulamo gaar gaar ah uga socdaan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa xidhiidh diblomaasiyadeed uu la yeeshay Taiwan. Dhowr toddobaad ka hor ayaa madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ku kulmeen magaaladda Jabuuti tillaabadaas oo u muuqatay in siyaasiyiinta Soomaalidu (koonfur iyo waqooyiba) gaareen bisayl siyaasadeed oo ay kaga gudbi karaan ismarinwaaga u dhaxeeyey soddonkii sanadood oo la soo dhaafay. Balse arrinku waxuu u muuqdaa “La mood, noqonse weyday!” sida uu qoray Saciid Cabdisalaam. Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya (1991), cawaaqibkii ka dhashay waxaa ka mid ahaa in gobollada waqooyi ay gooni isu taag ku dhawaaqeen (18kii May 1991), iyadoo jamhuuriyadda inteeda kale aysan la qabin. Haddaba aanu isweydiinee Somaliland maxay ku dheefeysaa xidhiidhka Taiwan? Walow aan si sahlan loo saadaalin karin khasaaraha iyo faa’iidada ka dhalan kara diblomaasiyad quus ah, haddana Shiinuhu waxuu ku adkaysanayaa in jasiirad Taiwan ay qayb ka tahay dalkiisa oo aysan xaq u lahayn inay xiriir dowlad-wadaag la yeelato dunida. Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay sida “Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” (Sonna 04/07/2020). Mareykanka oo tan iyo 1950kii aqoonsanaa Taiwan ayaa mowqifkiisii beddelay ku dhawaad 30 sanadood (1979) kaddib markii Shiinuhu uu xubin joogta ah ka noqday Golaha Amniga ee QM (1971). Washington ma taageersana siyaasadda madaxbannaanida ee Taiwan, mana diiddana “mabda’ hal Shiino” ee Beijing, waxayse Taipei la leedahay xiriir siyaasadeed, dhaqaale iyo militeri oo aan rasmi ahayn. Taiwan waxay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leedahay 14 ka mid ah 193 dawladood ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (QM), kuwaas oo kala ah: Belize, Eswatini, Guatemala, Haiti, Honduras, the Marshall Islands, Nauru, Nicaragua, Palau, Paraguay, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Saint Vincent and the Grenadines and Tuvalu (Newsweek 20/09/2019). Maamulka Trump oo si taxaddar leh u qaabaynaya ficilladiisa ayaa u ololeynayaa in Taiwan u qalanto in ay xubin ka noqoto WHO. Siyaasaddaas waxaa si ula kac ah loogu cadaadinayaa Beijing oo xifaaltankii ganacsi ee kala dhaxeyso Washington uu sii xumaanaya. Sanadihii la soo dhaafay waxuu maamulka Trump ku dadaalayay inuu xulufada tirada yar ee xidhiidhka la leh Jasiiradda aysan xidhiidhka ka jaran. Walow xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uusan sinnaba u gaarsiisnayn aqoonsi diblomaasiyadeed oo buuxa, haddana waxa loola dan lahaa: (b) In dalalka xidhiidhka la leh Taiwan ay aqoonsadaan Somaliland; (t) In maamulka Trump kol uun u dhego nugnaado doodda gooni u istaagga Somaliland madaama ay ku soo biirtay xulufada dhanka ka ah Shiinaha; iyo (j) In la meermeeriyo dalabka dadweynaha Somaliland oo ah aqoosi rasmi ah ama midnimo. Waxaa laga yaabaa kuwa u janjeera dhanka gooni-u-goosiga inay xiiseynayaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Taiwan. Balse waxaa jira khatar ay ku lug leedahay caynka uu noqon doono xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland. Shiinuhu waxuu u aragtaa in Taiwan ay sii ballaarsaneyso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyadoo kaashaneysa laba wajiilanimada siyaasadda Washington, taas oo khatar ku ah danaha dhaqaalaha iyo amniga qarankiisa. Si kastaba ha ahaate, shisheeyaha ololaynaya xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan dantoodu waxay tahay: (1) In xidhiidhka cusub looga careysiyo Shiinaha, si uu uga dido geyiga Somaliland una hunguriyeen malgashiga amase saldhig ka dhigashada dekedda Berbera; (2) In Somaliland aysan aqoonsi ka helin dalalka Ruushka iyo Iran oo saaxibtinimo dhow la leh Shiinaha; iyo (3) In Somaliland aysan ka bixin heshiiska khayraadka ee shirkadaha galbeedka la lahaayeen Jamhuuriyadda Soomaaliya tan iyo 1960yadii. Dhanka kale, wadiiqadda maamulka Biixi uu qaaday uma muuqato mid uu ku xaqiijin karo dalabka kuwa doonaya inay ka go’aan Jamhuuriyadda inteeda kale seddax sababood awgeed: (1) Somaliland waa in 5ta dal ee leh diidmada qayaxan “vito power” midkoodana uusan kaa hor-imaan; (2) Shiinaha oo leh awood dhaqaale iyo millatery oo uu ku caburin karo wadamada xidhiidhka la samaysta Taiwan; iyo (3) Washington oo u aragta midnimada Soomaaliya inay ku jirto danta amniga qaranka Maraykanka, degenaashaha Geeska Afrika iyo Marinka Badda Cas. Soomaaliya waxay ku taal bar muhiim u ah ganacsiga dunida oo awoodaha caalamkuna ku tartamayaan khayraadkeeda dabiiciga ah. Khabiiradda siyaasadda gobolka ayaa rumaysan, in Mudane Biixi uu ku dhacay shirqool siyaasadeed oo caalami ah, ama uu jiro ilduuf siyaasadeed. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Gambia oo la hadlay xildhibaanno u ololeynayay aqoonsiga Somaliland ayaa ka digay, “inay ka fogaadaan suuqgeynta ajendaha noocaas oo kale ah. Waxuu tilmaamay in dowladda keliya ee dowladda Gambia ay aqoonsan tahay ay tahay midda Soomaaliya, oo ah Dowladda Federaaalka Soomaaliya” (Freedom Newspaper 01/07/2020). Doodda aqoonsiga ee aan tixgelin danaha shacabka Somaliland waa dood ka fog xaqiiqda. Talo waxay ku soo urureysaa tii Danjire Cabdullahi Koongo oo yiri, “Somaliland waa inay ka gudubtaa waa nala dilay, koonfurna waa inay la timaad hab ka duwan midnimadii 60kii.” Xigmada Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “taladaa aan la ruugin waa lagu rafaadaa.” AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa la horkeenay eedeysanihii ugu mayalka iyo hadalka adkaa ee ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaasoo doonayay inuu isku miidaamiyo bar kontorool oo laga galo garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde. Saciid Biriq Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in qorshahiisa uu ahaa inuu jahanamo u diro wixii goobtaasi ku sugnaa waa sida uu hadalka u yiri, balse nasiib daro uu gaarigii uu waday u qarxi waayay, halkaasina ay ku dhaawaceen ciidamadii amniga ee goobta ku sugnaa. Saciid oo hadaladiisa ay aad u adkaayeen kana muuqdeen mayal adagnimada kooxdii uu ka tirsanaa, hase ahaatee qareenadii u doodayay ayaa ku dooday in maskaxiyan uu caafimaad qabaa, laakiin waxaa taasi ka diiday weer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada oo sheegay in eedeysane Saciid uu weli jibeysan yahay, maskaxdiisana ay ka buuxaan fikirkii lagu soo shabby. Eedeysanahaan oo sanooyin kahor lagu qabtay Boosaaso ayaa nasiib wanaag laga soo deeyay xabsi, maadaama lagu heli waayay eedeymo iyo shaki laga qabay. Guddoomiyaha maxkamadda sare ciidmada qalabka sida G/sare Xasan Cali Shute ayaa sheegay in maxkamadda darajada koowaad ay go’aan kasoo saari doonto xukunka eedeysane Saciid Biriq Maxamuud.
-
Laamaha Amniga Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xalay xabsiga dhigay ni dhalinyaro ah oo lagu dhex arkay bartamaha Magaaladaas isagoo xiran dharka Dumarka. Ninkaas oo sida la sheegay aan wax hub ah wadan ayaa ciidamadu ka shakiyeen kadibna joojiyeen islamarkaana ay qabteen kadib markii la xaqiijiyay in uu dhar Dumar xirnaa. Saraakiisha Amniga Degmada Balcad waxay sheegeen in su’aalo la weydiinayo ninkaasoo haatan ku xiran Xabsiga Balcad si baariraan loogu sameeyo wax uu damacsanaa. Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa horay loogu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay falal Amni-darro sameeyaan. PUNTLAND POST The post Nin soo xirtay Dharka Dumarka oo Balcad lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
War-weyn:Xukumada Farmaajo oo codsatey in dib loogu dhigo shirka wada-hadallada Somaliland & Somalia+Mudaday qabsadeen+Sababta? Shirkii lagu wada hadal siinayay Somaliland & Soomaaliya ayaa mar kale dibu dhac ku yimi, iyadoo la filayay inuu shalay oo Bisha July 11 ahayd in dib loo billaabo. Wararka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in codsi ka yimid dowladda Somalia dartii uu u baaqday shirkaasi, waxayna codsatay in muddo toddobaad ah lagu kordhiyo balanta danbe. Xoggaha aanu helay ayaa tibaaxaya in Dowladda Jabuuti ku wargelisay Somaliland in shirka dib u dhac ku yimi, waxaana baaqday weftigii Somaliland ugu qeyb gali lahaa shirkaasi oo gelinkii danbe ee Shalay ay u qorsheysneyd inay u duulaan Jabuuti. Lama oga sababta dowladda Somalia u codsatay in dib loo dhigo shirkaai mudo todobaad ah, hase ahaatee waxaa dowladda xiligaan ku furan culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya mucaaradka iyo madaxda maamulada gobolada oo ka mideysan in doorashada dalka ay ku dhacdo xiligii loogu talagalay. Somaliland & Somalia ayaa hore u kala saxeexday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii hore, Ku darsoo majiro ilaa hadda qodob si rasmi ah u fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’. Qaran News
-
Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ku qabtay nin looga shakiyey in uu ka tirsanyahay dagaalamayaasha Al-Shabaab. Kadib howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen gudaha magaalada ayaa waxay ku soo qabteen ninkaas oo watay dharka dumarka, waxayna shaaciyeen saraakiisha ammaanka degmadaas ina baaritaano ay ku socdaan. Illaa hadda ma cadda sababta ninkaas ku kaliftay in uu xirto dharka dumarka, balse saraakiisha ciidamada ammanka ee ku sugan Balcad ayaa sheegay in si weyn ay ugu tuhmayaan in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, hasa yeeshee ay dib kasoo shaacin doonaan markii ay soo gaba-gaboobaan baaritaanada ay ku wadaan. Sawirro laga soo qaaday ayaa lagu baahiyey baraha ay bulshadu ku xariirto ayuu kasoo muuqday ninkaas oo lugaha iyo gacmaha ka katiinadeysan. Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah magaalooyinka ay inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadaan weerarrada tooska ah, waxaana jirta in laamaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan mar walba ah, maadaama ay Al-Shabaab dhowr weerar ku qaaden bilihii lasoo dhaafay.
