-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxa Xafiiska Britain ee Hargeysa Stuart Brown ayaa sheegay in UK ay soo dhaweynayso heshiiska saddexda xisbi ee Somaliland ay ka gaadheen qabsoomida Doorashada golayaasha Degaanka iyo Baarlamaanka. Mr Stuart Brown ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray in heshiiskani uu cadaynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudaynta wakhtiga kama dambaysta ah ee doorashada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin talaabooyin muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashooyinka Somaliland. Source
-
Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedka xalay ka soo baxay shirkii madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey go’aanada lagu gaaray shirkaasi. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Aqalka Sare uu qodobadaasi u arko kuwa horudhac u ah heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, ka hor doorashooyinka dhammaadka 2020 illaa 2021-ka. Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale ammaan iyo boggaadin loogu jeediyay madaxda iyo shacabka Galmudug oo marti-geliyey qabsoomida shirkaasi. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u waday dadaallo meel la’isugu keenayo madaxd goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda federaalka, si xal waara looga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020/2021 oo weli lagu mursan yahay. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Sacuudiga oo Ganaax lacageed duldhigay Dadka u dhuunta Xajka Masaajidka barakaysan ee Xaramka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay inuu soo rogi doono sharci ganaax lacageed ah, kaasi oo la dul-dhigayo dadka jabiya shuruucda geliddda magaalada Maka. Qofka lagu arko goobaha barakeysan isagoon ogolaasho haysan waxaa lagu ganaaxi doonaa aduun lacageeed oo dhan 2,666 oo doolar. Tallaabadani ayaa looga gol-leeyahay in lagu meel mariyo sharciyada lagu xaddiday tirada dadka sannadkan xajinaya taasi oo looga hortagayo faafidda fayraska corona. Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada ayaa lagu sheegay in ganaaxaasi uu dhaqan-geli doono laga bilaabo 19-ka bishan July oo ku beegan 28-ka Dhul Qadah) wuxuuna socon doonaa ilaa bisha Ogosto labadeeda. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ganaaxa lacageed uu laba laabmayo haddii xad-gudubkaasi marlabaad qofka lagu qabto. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka mamnuucday dadka debedda ah in ay soo xajiyaan sannadkan, si ay u xakameeyaan fiditaanka feyraska Karoona. Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa kaqeyb gudan doonta waajibaadkaas, ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda. Qiyaastii laba milyan oo qof ayaa haddii kale booqan lahaa Maka iyo Madiina xagaagan si ay uga u soo xajiyaan waajibadkan sannadlaha ah ee diinta Islaamka. Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Xajka gebi ahaanba la baajiyo. Waqtiyada caadiga ah ee Xajka ayaa ka mid ah waqtiyada ugu muhimsan jadwalka taariikhda diinta Islaamka. Laakiin kaliya muwaaddiniinta ka kala socota dalalka adduunka ee horeyba u degganaa Sucuudiga ayaa loo oggolaan doonaa inay ka soo qeyb galaan sannadkan. Dad kala fog fog oo ku sugan xajka bishii April Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tani ay tahay habka kaliya ee ay awood ugu yeelan karaan sameynta qorshayaal ay dadku ku kala fogaynayaan, taasoo dadka ka dhigi doonta inay si nabada u cibaadaystaan Sacuudi Carabiya waxay diiwaangelisay 161,005 xaaladood oo cudurka Karoona ah iyo 1,307 dhimasho ah. Waa maxay Xajku? Xajka gudashadiisu waa ugu yaraan hal mar waana mid ka mid ah Shanta tiir ee Shareecada Islaamka – shantaas waajib oo ah ah in qofkasta oo muslim ah, oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla mar ahaantyaana awoodi kara, ay tahay inuu falo si uu ugu noolaado nolol wanaagsan, sida ay qabto diinta Islaamka. Xajka ayaa loo aadaa magaalada Makka si ay dadku u hor istaagaan dhismaha loo yaqaan Kabcada, iyagoo falaya cibaadooyin loogu talo galay oo ay ka mid tahay in la ducaysto. Qaran News
-
Several people are feared dead in a bomb blast near Somalia’s defence ministry in Mogadishu on Monday noon, in an attack claimed by al-Shabab. Somalia’s armed forces boss General Odowaa Yusuf Raage has escaped unhurt from a suicide car bomb exploded near his convoy around Tarabunka area, according to police. A huge cloud of smoke billowed over the scene and heavy gunfire was heard in the area. The details of the casualties still remained sketchy as the police did not provide more information about the attack to the newsrooms in Mogadishu so far. Armed group al-Shabab, which has carried out frequent attacks aimed at overthrowing the country’s internationally recognized government, has claimed responsibility for past blasts. View the full article
-
Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen goobjoogayaal. Wararka qaara ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu weeraray Xerada Generaal Gordan oo ku taalla halkaasi. Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa haatan goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-13072020x-cc.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax xooggan ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan. Warar kala duwan ayaa wuxuu kasoo baxayaa qaraxa iyo cidda laga beegsaday, wararka qaar ayaa sheegaya in lagu weeraray Xarunta General Gorod oo lagu tababaro ciidamada Dowladda. Sidoo kale waxaa jiro warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaraxa laga eegtay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Ilaa iyo hadda ma cada khasaaraha rasmiga ah ee goobta ka dhacay, wixii faah-faahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha GolahAqalka Sare ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga madaxdda dowlad goboleedyada dalka ee xalay lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in go’aamada ka soo baxay shirkaasi ay yihiin kuwa taarriikhi ah oo loo baahnaa. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in go’aamadaasi uu Golaha Aqalka Sare u arko kuwa guul ah oo heshiis dhab ah looga gaaro karo khilaafaadka ka jira dalka. Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa loogu mahadceliyey Galmudug iyo shacabkeeda oo iyadu marti-gelisay shirkaasi. Horey guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u waday dadaallo meel la’isugu keenayo madaxda goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka, si xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka ee lagu mursan yahay, kuwaas oo bilaabanaya dhamaadka 2020-ka.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa si diirran u soo dhoweeyay, Qodobadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ee ku soo geba-gaboobay Magalaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayuu ku sheegay in uu si diirran u soo dhowaynayo Go’aannadii ka soo baxay Shirka, oo uu ku tilmaamay kuwa guul hordhac ah u noqon kara Heshiis wadajir ah, oo ay gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. War-saxaafadeedka, ayuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug, kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda Shirka iyo sida ay ugu qanciyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada kale, in ay ka soo qayb-galaan Shirkaasi. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Nuxurka ka soo baxay Shirkaas uu horseed u noqdo, Heshiis wadajir ah oo Dalka lagu badbaadiyo, kaasi oo keena Nabad, Xasilooni iyo Hormar. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo dhoweeyay Qodobada ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada dalka oo xalay saq-dhexe laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob ayaa waxaa ku jiray mid lagu iclaamiyey shir 2aad oo Dhuusamareeb ka dhacaya, kaas oo kaliya lagu casuumay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Shirka oo looga hadlayo tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada dalka ee 2020/2021 ayaa waxaa aan lagu marti qaadin guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo ay ‘muhiim tahay in laga qeyb-galiyo ka qeyb-galka shirarka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka. Sababta looga reebay shirkaasi laguma shaacin, sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha weli kama hadlin marti-qaadka loo fidiyey, iyado oo ay xusid mudan tahay in horey madaxda maamul goboleedyada uga baaqdeen shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya ee lagu ballansanaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho,. intii u dhexeysay 5 illaa 8 bishan aynu ku guda jirno ee July sanadkaan 2020-ka. Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliy, islamarkaana u warramay BBC-da ayaa xusay inay mudan yihiin guddoonka labada aqal iyo mucaaradka in laga tala-geliyo hannaanka doorashada, maadaama ay kamid yihiin saamileyda siyaasadda. “Mar waliba qolada mucaaradka ah ee danta ka leh kursiga waa in ra’yigooda la helaa. Meelaha qaarkood guddiyada doorashada ayay xubno ku darsadaan, laakin anagu waxayaga way iska cusub yihiin. Marka waa in si uun loola tashado oo la yiraahdo xitaa haddii aydaan go’aanka gaareyn talada wax ka yeesha,” ayuu yiri Prof. Afyare. Dhanka kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in u jeedada iyo sababta looga reebay dhinacyadaas shirka ay tahay sidii uu marka hore u qabsoomi lahaa shirkii baaqday ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, si ay uga wada-hadlaan xaaladda dalka iyo doorashada, kadibna ay xigi doonaan in shirarka kale oo laga soo qeyb-gali geli doono saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo guddoonka baarlamaanka. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey mucaaradka dowladda oo ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay ka digeen in dib u dhac ku yimaado doorashada 2020 illaa 2021-ka.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen nin hubeysan oo dhowaan dil ka geystay deegaanka Fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag. Ciidamada ayaa ninkaasi oo si aad loo doon-doonayey maalmihii u dambeeyey ku xiray xabsi ku yaalla degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi. Dilka uu geystay ninka gacanta lagu dhigay ayaa sababay xiisad colaadeed oo u dhexeyso labo beelood oo maalmahan ka taagneyd halkaasi. Sidoo kale waxaa Ceel-Afweyn haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaal beeleedyada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag. Dhowan ayey aheyd markii ay Somaliland ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gobolkaasi, kuwaas oo loogu tala-galay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka diriraya. Inta badan gobollada Sool iyo Sanaag waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyey maleeshiyaad ku wada sugan gobolladaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.
-
Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow uu dab xoogan ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolkaasi. Dabka ayaa lagu soo warramayaa inuu qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla ka soo horjeedka xarunta wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, waxaana haatan socda gurmad bllaaran oo lagu daminayo dankaasi. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo 35 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta maamulkaasi, wuxuuna yimid kadib markii weerar dhabo gal ah oo loo adeegsaday qarax miino lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Jubbaland oo ku socdaalayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac uu ka dhacay deegaankaasi, kaas oo muddo saacado ah socday. Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaas ayaa sheegatay in qaraxa koowaad ee ay la’eegatay ciidamada Jubbaland ay ku dishay ugu yaraan illaa 10 askari, kuna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay. Dhankooda saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen, inkastoo aysan shaacin tiro ahaan. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib u gurtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee fuliyey weerarkaas iyo qaraxa ka horreeyey intaba. Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa haatan lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga diyaarinta aaska ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax, kaas oo maalinimadii shalay ku geeriyooday wadanka Tukiga, oo maalmihii dambe uu ku xanuunsanaa isbitaal ku yaallo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiyaha u ah ra’iisulwasaaraha ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana ay diyaarin doonaan aaska ra’iisulwasaarihii hore ee dalka oo la filayo in lagu aaso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Halkaan ka Akhriso Liiska Magacyada 1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS :Guddoomiye. 2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa :Xubin. 3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta : Xubin 4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha :Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada :Xubin 6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada : Xubin 7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka :Xubin. 8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka :Xubin. 9. Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda : Xubin Allah unaxariistee ra’iisalwasaarihii dalka Xasan Abshir Faarax, ayaa waxaa uu ku geeriyooday dalka turkiga maalinimadii shalay, marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaalka ku yaallo Istanbuul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, ayaa saaka oo Isniin ah socdaal qarsoodiya ku yimid degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland. Gen. Taani oo haatan weli ku sugan Tukaraq, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga iyo waxgaradka degaanka, inkastoo aan faahfaahin laga helin arrimaha uu kala hadlayo. Sidoo kale, Somaliland waxay muddooyinkii u dambeeyay xoojisay Ciidamada ka jooga Tukaraq, kuwaas oo lagu soo kordhiyay cutubyo cusub oo tababaro soo qaatay, halkii ciidamadii horay u joogay qaarkoodna degaanno kale loo beddelay. Puntland, ayaa iyaduna bishii la soo dhaafay ee June cutubyo cusub oo la soo tababaray ku xoojisay ciidamadeeda ku sugan Tukaraq, halkaas oo labada dhinac isku hor- fadhiyaan. 8-dii January 2018, Ciidamada Somaliland ayaa dagaal ku qabsaday Tukaraq, oo ay horay u joogeen ciidamo ka tirsan Puntland, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay dagaallo kala duwan ka dhaceen degaanka, islamarkaana ay weli is hor- fadhiyaan labada dhinac. PUNTLAND POST The post Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland oo socdaal qarsoodiya ku jooga Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe war-murtiyeed ay kasoo saareen shirkoodii Dhuusamareeb ku sheegay in maadaama dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho “qof iyo cod ah” loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay “nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan”. Hogaamiyayaasha ayaa sido kale ku martiqaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inay kasoo qeybgalaan kulanka labaad ee ka dhici doona Dhuusamareeb, kaasoo aanay shaacin xilliga uu qabsoomi doono. Labada mas’uul ayaan welika hadlin waxa ay ka yeelayaan martiqaadka loo fidiyay. Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada dadban ay noqon karto mid u dhaw tii 2016 ee baarlamaanka hadda jooga lagu soo xulay balse la badiyay tirada dadka codeynaya. “Waxay noqon kartaa wixii 2016 dhacay oo la sii hagaajiyay oo xoogaa horumar ah lagu sameeyay. Tiradii waagaa codeysay in tiro ka badan ay codeyso oo meelihii laga codeeyay kuwo ka badan hadda laga codeeyo. Laakiin ay ergo codeyso oo aanay noqon muwaadin kasta ayaa codeynaya,” ayuu yiri Prof Afyare. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa 27-kii June sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habka casriga ah ee Biometric-ga ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021. Arintaasi ayaa waxaa ku gacan-sayray mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo sheegay inay gogol xaar u tahay muddo korarsi ay doonayaan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Federaalka. “Nuxurka war-murtiyeedku waa in haddiiba ciddi ka raja qabtay in muddo kororsi la sameeyo uu hadda albaabkaasi soo xirmay,” ayuu yiri Afyare. Mucaaradka iyo Dhuusamareeb II Madaxda maamul goboleeda ayaa kulanka labaad ee Dhuusareeb ka dhici doona ku martiqaaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka oo keliya, iyagoo ka tegay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka. Prof. Afyare ayuu ku doodayay inay dhinacyadaasi ay mudan yihiin in laga talageliyo hannaanka doorashada, maadaama ay kamid yihiin saamileyda siyaasadda. “Mar waliba qolada mucaaradka ah ee danta ka leh kursiga waa in ra’yigooda la helaa. Meelaha qaarkood guddiyada doorashada ayay xubno ku darsadaan, laakin anagu waxayaga way iska cusub yihiin. Marka waa in si uun loola tashado oo la yiraahdo xitaa haddii aydaan go’aanka gaareyn talada wax ka yeesha,” ayuu sheegay Afyare. Soomaaliya ayaa la filayay inay ka dhacdo codbixintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi.
-
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu si adag ugu digay dadka aan ciidamada aheyn ee ku labista dharka militiriga Somalia. Odowaa ayaa shaaciyey in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan dadkaasi. “Waxaan tallaabo adag ka qaadeynaa cid kasta oo dharkeena gashato, si ay u dhibaateyso bulshada ” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in gaadiidkii astaanta ciidanka Xoogga lagu buufiyo ay isagana la wareegi doonaan. Ugu demeyntii wuxuu soo hadal qaada kooxo isbaaro dhiganayay waayadii dembe deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in ay soo qaban doonaan, islamarkaana ay cadaaladda soo hor istaajin doonaan kooxahaasi burcada ah. View the full article
-
Berri oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo, waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagi-doonna tifaftiraha guud ee Goobjoog iyo agaasime ku-xigeenkeeda Cabdicasis Axmed Gurbiye. Weriye Gurbiye ayaa wajahaya dacwo uu garwadeen ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo taas oo ujeedkeedu yahay in weriyaha la aamusiyo inta xilka madaxweynaha ka dhimman. Kiiska loo heysto weriye Gurbiye, oo saxaafadda u taqaanno “Kiiska guurguura”, waxaa markii hore ay eedeyntu aheyd qodobka 220 ee xeerka ciqaabta oo ah sharaf dilka madaxweynaha jamhuuriyadda waxaase muuqata in hadda la badalay oo laga dhigay qodobbada 269 iyo 328 ee isla xeerkaas oo ka hadlaya ka been abuur hey’ad garsoor taasi uu Mr. Gurbiye ku beeniyey maxkamadda horteeda isaga oo garsooraha dacwada qaadaya u sheegay in aanu dambigaas gelin, una dhowaan hey’adaha garsoorka. Dacwada loo heyso weriye Cabdicasis Gurbiye oo nooceeda ah waxaa sharci-darro lagu tilmaamay hey’adaha xuquuqda aadanaha, mas’uuliyiin Soomaali iyo ajaanib ah laakin sii wadista kiiska ee madaxweyne Farmaajo waxaa ay caddeyneysaa in aanu ixtiraam u heyn xuriyadda hadalka iyo wax la xiriira xuquuqda aadanaha. Qareennada weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye ayaa talaadadii hore sameeyey ishortaag iyaga oo garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in aanu sii wadin dacwaddan taasi oo jawaabteeda berri la sugayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qyeb-gelin Imtixaanka ay Wasaaraddu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare. Wasiirka oo ka qeyb-galay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Puntland aysan u diyaar saneyn in ay dadkooda wax la qeyb-sadaan,hayeeshee Dowladda aysan Shahaado siin doonin qof aan ka qeyb-gelin Imtixaanka. Waxaa uu sheegay inaysan, iyagu aheyn kuwo diidan dadka Reer Puntland,balse xaq aysan aheyn in Shahaado la siiyo Arday aan imtixaan gelin,waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda. Sanadkii hore ayuu sheegay inay socdeen waan waan arrintaasi xal looga gaarayay,balse haatan wada-hadalladaas aysan muuqan,waxaana uu Madaxda Puntland ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen waxbarashada Ardayda ku nool degaannada Puntland. Sanadkii hore ee 2019 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Shahaadada u diiday ardayda degaannada Puntland taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed,hayeeshee wada-hadallo kadib la siiyay. View the full article
-
Muqdisho ( Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo wareysi siiyey VOA ayaa markale ku dhawaaqay in dowladda dhexe aysan shahaado siin doonin Ardayda Imtixaanka ku gashay Puntland. Goodax Barre ayaa shaaciyey in ardayda aan-gelin imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaraddiisu aysan ku laheyn wax shahaado ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan u diyaar saneyn inay dadkeeda wax la qeybsato, si la mid ah dowlad goboleedyada kale. “Puntland uma diyaarsana in ay Ardayda ka qaadaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka, Arrintaas ulama jeedno in aan diidanahay u madax banaanida qaadista Imtixaanka, balse waa isku mid guud ahaan Ardayda oo aan bixinta Deeqaha ku qiimeynayo kala sareynta, Sidee ayaan u qiimeynaa Arday aan Imtixaan ka qaadin”? ayuu yiri Wasiir Goodax Barre. Wasiirka waxbarashada oo sii hadlayey ayaa sheegay in waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin go’aanka dowladda dhexe, balse ay kaliya ka soo horjeedaan madaxda Puntland, isaga oo shaaciyey inay ku doodayaan arrimo aan jirin. “Waalidka iyo Ardayda waxa aan hubaa in ay ku qanacsan yihiin go’aanka Dowladda dhexe, madaxda Puntland waxaa muuqata in aysan u diyaarsaneen wax ka qaybsiga Walaalahood Soomaaliyeed, waxa ay ku doodayaan in duruusta ay qaataan ay ka duwan yihiin Ardayda kale”. ayuu markale yiri Cabdullaahi Goodax Barre. Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca waxbarashada, gaar ahaan qaadista imtixaanaadka uu soo gala dhex-galayo dowladda federaalka iyo Puntland oo haatan isku haya dhanka siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, waxaana 2019-kii xiisada dhinaca waxbarashada ku baxay xildhibaanno, Senataro iyo Wasiiro oo xaliyey arrintaasi.
-
KHARTOUM (Reuters) - Sudan will permit non-Muslims to consume alcohol and strengthen women’s rights, including banning female genital mutilation (FGM), its justice minister said late on Saturday, in a reversal of almost four decades of hardline Islamist policies. Source: Hiiraan Online
-
Ra’oisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga diyaarinta aaska qaran ee marxuum Xasan Abshir Faarax Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga . Guddiga waxaa uu ka kooban yahay xubnaha hoos ku qoran 1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS :Guddoomiye. 2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa :Xubin. 3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta : Xubin 4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha :Xubin 5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada :Xubin 6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada : Xubin 7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka :Xubin. 8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka :Xubin. 9. Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda : Xubin View the full article
-
War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirka wada-tashi ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. War murtiyeedka oo ka kooban 5 qodob ayaa qodobka ugu muhiimsan wuxuu yahay in dalka aanu doorasho qof iyo cod ah ka dhici karin, islamarkaana ay muhiim tahay in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada isku afgartaan doorashada ugu munaasabsan. Sidoo kale shirka waxaa loogu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan shir kale, si looga arrinsado farsamada doorasho ku qabsoomi karto waxaana shirkaas lagu balamay inuu ka dhaco isla magaalada Dhuusamareeb WAR-MURTIYEED Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020. Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya. Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya. View the full article
