Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun, kuwaas oo lagu eedeeyey xadgudug. Taliye Cabdi Yare oo warhaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa dhacdadaas. Taliyaha oo cudur-daar ka bixiyey falkaas ayaa tilmaamay in uu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, wuxuuna sheegay uusan ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska. Cabdi Yarre ayaa sheegay in kadib dhacdadaas ay qaadeen laba talaabo oo ah guddi baaritaan oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa oo loo diray magaaladda iyo shaqo joojin lagu sameeyay labadda sarkaal boolis. “Wixii meeshaas ka dhacay ee [muuqaalka] ka muuqdey ma ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca booliska runtii, mana ahayn wax u qalma bulshadeena oo aan annagu iyaga u adeegno iyagana aan ka nimid, marka arrintaasi dhacdo dhacdey ayay ahayd oo ku dhacday aqoon darro iyo sharci xumo ayay ku dhacday,” ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga. Taliyaha Booliska Puntland wuxuu xusay in kiiskaas gungaaristiisa marka la gaaro la marin doono wuxuu ku dhammaado oo ah cinqaab ama xeer ciidan. Guddiga ayuu xusay in ay xog-wareysteen saraakiisha iyo dhalinyaradda isla markaana ay soo gudbiyeen warbixin dhameystiran. “Illaa iyo hadda, kiiskaas waxaanu ka qabanay labadaas talaabo oo ah kuwa ugu waaweyn uguna muhiimsan, sidoo kale waxaan jecel-nahay marka uu kiiska soo gabagaboobo oo gungaar la gaaro in aan Insha Allah mushtamaca iyo warbaahinta la wadaagi doono meesha uu ku dhamaado, hadii ku dhamaado ciqaabna sifada sharciga ahayd la marinayo, hadii uu ku dhamaado discipline iyo xeer ciidanna meeshiisii la marin doono,” ayuu ku daray.
  2. Awdheegle (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Africa ayaa weeraro culus ku qaaday laba saldhig oo ay Ciidamada ku leeyihiin Deegaannada Awdheegle iyo Bariire oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Deegaannada Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa si weyn looga maqlayey diryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac.. Dagaalka ayaa socday muddo kooban sida dadka deegaanka sheegeen, waxaana howlgal ku dhaqaaqay Ciidamada DFS ee ku sugan Saldhigga ay la weeraray. Saraakiil katirsan Militariga Dowladda ayaa sheegay in ay kahor tageen weeraro Al-Shabaab qorsheeyeen, mana sheegin waxyeelada dhankooda gaartay, balse Al-Shabaab ayay sheegeen in ay gaarsiiyeen Khasaare aysan soo bandhigin tiradooda. Ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada qaybo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana mararka qaar uu sababaa isku dhac dhexmara Askarta iyo Al-Shabaab. Taliska Ciidanka Xoogga dalka waxa uu sheegay in ay ka go’an gacan ku dhigista deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Gen. Cabdixamiid oo dhawaan kormeeray xeryaha Ciidamada waxa uu kala hadlay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.
  3. Tripoli (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in ciidanka qalabka sida ee Masar ay ku sii jeedaan xuduudda Libya, iyagoo la socda xoogagga ay Masar taageerto ee Khalifa Xaftar, kuwaas oo guul-darrooyin kala kulmaya ciidanka dowladda Libya oo gacan ka helaya Turkiga. Waxay u muuqataa in Masar ay u baahan doonto inay faro-gelin ku sameyso Libya, si ay caawimaad uga geysato dib u dhaca ku yimid ciidanka Khaliifa Xaftar. Iyadoo bilooyin ka hor ciidanka Xaftar ay ku dhowaayeen in ay qabsadaan magaaladda Tripoli, hadda diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, maraakiibta, iyo qalabka dagaalka oo ay la socdaan kumanaan calooshood u shaqayteyaasha Siiriyaan ah ayaa dib u riixay maleeshiyada Xaftar Hoggaamiyahooda Khaliifa Hafter waxaa uu aaday Masar si uu todobaadkii hore dhamaadkiisa ula kulmo Madaxweyne Cabdul Fitaax Al-Sisi. Sisi waxaa uu yiri waa in xabad joojin laga sameeyaa Liibiya. Warbaahinta Al-Ahram ee Masar iyo Al-Cayn ee gacanka Khaliijka ayaa u ololeynaya xabad-joojinta. Laakiin xukuumadda Qaahira waxay qarineysay in ay ciidankeeda u direyso Libya, sidii uu Turkigu sameeyayba. Masar waxay leedahay ciidan awood badan, laakiin waxaa ay ka dagaalamayaan gobolka Siinaay, welina dal shisheeye ciidan uguma dirin howlgal weyn muddo tobonaan sano ah. Ma cadda sida ciidanka Masar ay uga shaqayn doonaan saxaraha Libya. Masar waxay horay u muujisay in ay xuduudda amni ka dhigeeyso si ay ula dagaalanto mintidiinta jooga Libya. Sanado ka hor, Masar waxay sheegtay in kumanaan argagixiso ah ay isku deyayaan in ay kasoo gudbaan Libya. Xaftarr ayaa ahaa jawaabta ay Masar u hayso colaadda. Isagoo taageero ka helaya, Imaaraadka Carabta, Russia iyo kuwo kale, ayaa Khalifa Xaftar waxaa uu qabsaday inta badan dalka Libya sanadihii u dambeeyay. Laakiin Turkiga ayaa quursaday Masar, isla markaana dhiiri geliyay ciidanka Libya si ay u sugaan qorshahooda tamarta. Hadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo khubaro ayaa caawinaya ciidanka dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya Dagaalka weyn waxaa uu ka dhici doonaa Sirte iyo garoonka ciidanka cirka ee Jufra. Dagaaladda xowliga ku socda ee Libya waxayna soo xasuusinayaan ololihii saxaraha ee 1940-aadkii uu Jeneralkii reer Germany Erwin Rommel kula dagaalamay ciidankii Britain. Bariga Dhexe oo dhan naqaska ayaa ku dhegan – iyadoo taangiyadda Masar ay sugayaan in la dejiyo si loo ogaado in ciidankkeda dhulku ay damaanad qaadi karaan xabad joojinta ay dooneyso Qaahira.
  4. U.S. President Donald Trump on Thursday announced plans for an executive order on policing, while making it clear he would not support sweeping proposals in response to protests against police brutality prompted by the killing of George Floyd. Source: Hiiraan Online
  5. Tea prices at the Mombasa auction fell to the lowest this week amid high supply, as brokers sought to move volumes accumulated during the Covid-19 period. Source: Hiiraan Online
  6. Somalia continues its fight against COVID-19 which has so far infected over 2300 people and killed 83. The fragile and weakened health system is being overwhelmed by demands for patient care in light of the pandemic, and Somalia has recorded the highest death toll among East African countries. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa bilaabay in uu Dowladda Federaalka ku cadaadiyo inay la kulanto Madaxda Maamul Goboleedyada, si xal uga gaaraan arrimaha ay isu hayaan, oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalka. Caalamka ayaa daneynaya in dalka ka qabsoomto doorasho ugu yaraan heshiis lagu yahay. Cadaadiska Mareykanka ee xilligan ayaa waxaa soo dedejisay, markii Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen inaanay daacad ka ahayn doorasho xor iyo xalaala oo dalka ka dhacda. Agaasimaha Machadka Heritage, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa cadaadiska Mareykanka ee Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid lagu cannanayo Villa Somalia. Agaasimaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in dunida ay si hoose ula hadashay Dowladda Federaalka, hase ahaatee aynaan fahmin, taasina ay dhabaha u xaartay hujuumka xilligan soo wajahay. “Safaaradda Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka muddo dheer bay ku celcelinayeen, sida bulshada rayidkaba ugu celcelineysay, saamileydu iyo dadka siyaasadda isla leh banooniga inta ay dhulka dhigaan ha tashadaan muddo dheer baa lagu celcelinayay. Dowladana anagaa dalkan ka talina hanala daayo bay siyaasadeedu ahayd, marka hoos waa loola hadlay, hoostii bay macnaha wax ku fahamsiin waayeen, si sarbeeb xigeena baa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey looga soo saaray, waa ku fahmi waayeen, marka hadda barta Twitter-ka in lagu yiraahdo Villa Somalia sida sharcigu qabo inay Maamul Goboleedyaa la tashato waa cannaan iyo indho gaduudis waaye. Marka waa quus camal in laga quustay, dadkana la fahamsiinayo waxay aaminsan yihiin, adduun baa hawshaan nala ogoo, nala wadana biyo looga dhibcinayo oo liin looga daadinayo camalna way u egtahay.” Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage. Mar la weydiiyay waxa tani xiggi kara ayuu ku jawaabay “Laba uun baa dhici kara xalayna aan ku qoray barta Twitter-ka. Dad raba in dib loo doorto oo Madaxtooyada raggaasi fadhiya ay ugu horeeyan oo doorasho keliya indhahooda arkaan iyo dad ay ka go’an tahay inaysan nimankaasi sidii doorasho ay ku heli lahaayen ay u sii salaxdaan ku khasbin, baa is hortaaganoo iskuna jeeda. Markan haddaan adduunyada imaan marka u dambeyso in la ceeboobo ayaa imaaneysa, oo fara taag taag iyo fowdo loo gudbo, ileen hadda hadal, cannaan, qaylo dhaan iyo waraaqaa socdo.” Cabdirashiid Khaliif ayaa qaba haddii aynaan Siyaasiyiinta Soomaalida si dhow uga wada hadlin xal u helidda mushkiladaan taagan, ay xaajada ku soo idlaan doonto sumcad xumo. “Haddii aysan dadkaas aqbalin inay miiska intay fariistaan dhahan war sidee waxaan, wax xalaala oo qofna aan dhibeen, qofna uusan ku daneysaneen, see u samayn karnaa haddaan la dhihin, waxay ku tageysaa faro taag taag, ceeb iyo fowdo.” Ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif.
  8. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qarxiyeen laba booyadood oo shidaal u siday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada hoose. Warbaahinta Al-shabaab ayaa ku warrantay in duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose lagu qarxiyay laba booyadood oo shidaal u siday ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay galbinayeen kolonyo gaadiid ah. Al-shabaab waxay sheegeen in gebi ahaanba ay bas-beeleen labadaasi booyadood kadib markii ay la beegsadeen miinooyin dhulka lagu sii aasay kuwaas oo Rimood laga hagayay inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii uu jiro khasaare gaaray kolonyadii la socotay booyadaha. Taliska Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaan weli dhankooda ka jawaaabin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirtay in ay qarxiyeen booyadihii Shidaalka Ciidamada. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay qarxiyeen booyado shidaal u siday Ciidamada dowladda appeared first on Puntland Post.
  9. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday mourned the death of outgoing President Pierre Nkurunziza early this week. Source: Hiiraan Online
  10. Silvia Romano oo November 20, 2018 laga qafaashay Kenya, balse 18 bilood kaddib lagu sii daayay Soomaaliya ayaa afduubkeedii dhaliyay, murugo iyo walwal ka sokow, wadashaqeyn fududeyn karta iskaashi caalami ah. Sida haatan soo ifbaxday, sirdoonka Talyaaniga ayaa waydistay Imaaraadka inay gacan ka siiyaan baadiggoobka Silvia Roamano, xilli Roma ay diblomaasiyad dabacsan kula dhaqmeysay Liibiya heshiiskii xakamaynta socdaalka ee 2017 uu dhacayay (Varese Press 02/06/2020). Haddaba aanu isweydiinnee maxuu Talyaaniga uu ula xiriiray Imaaraadka? Waa maxayse xiriirka ka dhaxeyn kara Abu Dhabi iyo xagjirta? Wax badan kama ogin kiiska, mana sahlana in ku tiri ku teen lagu saleeyo sirqoollada sirdoonka caalamka, balse xeeladda Abu Dhabi ay soo bandhigtay waxaa ka soo ifbaxday in Imaaraadku si uun ugu dhuundaloolo Al-Shabaab. Sida uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Talyaaniga, Abu Dhabi waxay Roma ku tiri, “Waannu idiin caawimaynaa, waana raadin karnaa gabadha waana heli karnaa, balse shardigu waxuu yahay in idinkuna aad beddelataan xulafeysigiinna Liibiya. Joojiya taakuleynta dowladda Al Serraj. Taa beddelkeed, nala taageera Janan Khalifa Xaaftar” (Africa Express 29/05/2020). Tan iyo 2014, Liibiya waxay u qaybsaneed bariga oo ah dhul uu gacanta ku hayo Janan Khalifa Xaftar iyo galbeedka oo ay ka taliso dowladdii lagu soo dhisay heshiiskii Qaramada Midoobay. Toban sanadood ka hor markii uu reer galbeedka iskaga tageen Liibiya, waxaa faraha la galay Imaaraadka, Masar, Fransiiska, iyo Ruushka oo taageera Janan Xaaftar iyo Turkiga oo taageera dowladda Fayez al-Sarraaj. Si kastaba ha ahaate, Talyaaniga waxuu maciin biday Mareykanka, Qadar iyo Turkiya oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya. Roma waxay Dooxa u bandhigtay baadiggoobka gabadha, taas oo ka dhalatay xiriirka sii kordheya ee difaac iyo dhaqaale ee labada dal. Halkaas ayuuna ka dhashay qorshaha “Roma- Ankara-Doha-Mogadishu” (Africa Express 03/06/2020). January 13, 2019 Ra’iisul-wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa safar aan horey loo qorsheynin ku tagay Ankara, halkaas oo uu ka helay xogta Silvia Romano. Welwelku waxuu ahaa in la hubiyo inay Silvia Romano nooshahay, si dadweynaha Talyaaniga ah loo siiyo war wanaagsan xilli ay la jahwareersan yihiin Covid-19 (Italian Institute for International Political Studies 26/05/2020). Hawlgalkan waxaa loo xilsaaray dhinaca Talyaaniga Jenan Luciano Carta oo ka tirsan AISE (Hay’adda Wardoonka iyo Amniga Dibadda ee Talyaaniga), iyadoo uu la kaashanayo sirdoonka Turkiga MIT iyo kuwa Soomaalida NISA (Africa Diplomatic 09/05/2020). Deyrtii 2019 waxii ka dambeyay Roma si lama filaan ah ayey u beddeshay siyaasaddii gobolka: (1) Waxay xiriir laba geesood ah la yeelatay Ankara, xilli Turkiga ay dhibaato ka haysatay xiriirka reer galbeedka; iyo (2) Waxay ka baaqatay shirkii Qaahira ee lagu saxiixi lahaa heshiiskii dhuumaha gaaska badda Mediterranean ee Talyaanigu qayb ka ahaa; balse ay ku bahoobeen Cyprus, Greece, Egypt, Israel, Jordan, iyo Palestinian Authority, iyadoo laga qadiyay Turkiga (Bloomberg Bussinessweek 10/12/2019). Isbeddelkaas waxuu dabcan fashiliyey ololihii Imaaraadka ee lidka ku ahaa Turkiga, ujeeddadiisuna ahayd in laga horistaago inuu saameyn ku yeeslasho Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxuu dib u soo celiyey rajadii mashruuca dhuumaha shidaalka Ruusha iyo Turkiya. Intaas waxaa dheer in Talyaaniga uu cunaqabateynta hubka Liibiya ee ilaalinta badda uu ku daray kan xudduudda dhulka ee Masar iyo Liibiya. Afduubkii gabadha waxuu foodda la galay jar caalami ah. December 28, 2019 waxaa lagu xasuuqay isgooska Ex-Kontarool Afgooye Soomaali u badnaa arday jamacadeed iyo labo injineer oo Turki ah oo ka hawlagalayay dhismaha jidka Afgooye. Al Shabaab waxay ku dhiciwaayeen inay sheegataan masuuliyadda xasuuqa muddo laba maalmood ah. NISA waxay farta ku fiiqday dal shisheeye, balse warbaahinta Turkiga ayaa soo bandhigtay in Dawladda Imaaraadku ay ku lug lahayd. December 23, 2019 ayaa madaxa howlaha gaarka ah ee boliiska Turkiya Muqdisho ku yimid safar aan horey loo qorsheyn. Sida ay warbaahinta sheegtay Selami Turker waxuu la kulmay saraakiil Soomaaliyeed (Anadolu Agency 23/12/2019). Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’iidaysatay tababbarrada boliiska Turkiga. January 23, 2020 ayaa Ra’iisul-wasaare Giuseppe Conte loo xogwarramay kaddibna uu fasaxay dhammeystirka hawlgalka badbaadinta Silvia Romano. Gabadhu waxay afduubneed muddo dhan 18 bilood. Si Soomaaliya loo geeyo waxay qaadatay afar toddobaad oo hadba meel cusub loo rarayay, iyadoo inta badan la soconayay. Sida sirdoonnda ay leeyihiin nimanka afduubay Silvia Romano waxay ahaayeen xagjir la leh xiriir Al Shabaab oo ay ugu dambayntii ay ku wareejiyeen. Waxaa soo baxday in afduubayaasha la siiyay lacag madaxfurasha ah. Sirdoonka Kenya oo caano qubtay oo ay dabaqaban waayeen ka daba ooynaya ayaa adeegsaday wargeysyada dalkooda kuwaas oo dowladda Soomaaliya ku eedeyeen inay gacan daahsoon kula shaqeyso kooxda Al Shabaab (Standard 17/04/2020). May 9, 2020 ayaa gabadha lagu siiddaayay agagaarka magaalada Afgooye, iyadoo sirdoonku uu u dhiibay mas’uuliyiinta Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho. Siiddeynta gabadha waxaa suurtaggeliyay iskaashi-shaqo, waxayna Soomaaliya ku kasbatay guusha hawlgalkaas magac iyo saaxiib lumay (Dawladda Talyaniga). In mudda ah Roma iyo dalal kale oo reer galbeed ah waxay iska indhatirayeen la dagaallanka xagtirta. Maanta waxaa muuqata in Talyaaniga uu ku soo biiray ololaha la dagaallanka xagjirta, iyadoo rajadu tahay inay gacan ka geysan doonto dibudhiska hay’adaha amniga iyo waxbarashadda dalka.
  11. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa maamul u cusub u magacaabey Degmada Waajid ee Gobolka Bokool. Guddoomiyaha Degmada Waajid loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cali halka Guddoomiye kuxigeenka koobaad loo magacaabey Mukhtaar Axmed Xasan sida ku cad Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfyr Galbeed. Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa isna loo Magacaabay Aaden Xassan Axmed (Aaden Guud) halka Xoghayaha Degmada loo magacaabay Cali Guurow Maxamed. Mas’uuliyiinta cusub ayaa sida Dikreetada ku qoran la faray in ay ka soo baxaan waajimaadka iyo Mas’uuliyadda loo igmaday. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo maamul cusub u magacowday Degmada Waajid appeared first on Puntland Post.
  12. In early 2020, Somalia, with support from the United Kingdom Government and the European Union, settled its arrears to the African Development Bank (AfDB), paving the way for the lifting of 30-year old sanctions imposed by the Bank and the resumption of full engagement with the fragile East African country Source: Hiiraan Online
  13. Sawirka Todobaadka Qaran News
  14. COVID-19 emergency loans to bring Canadians home have left Somali Canadians with a traumatic reminder of refugee loan debts they spent years repaying Source: Hiiraan Online
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirSabelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali Guudlaawe ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin fulin la’aanta dhanka dowladda ah ee heshiisyadii ay la galeen maamulka HirShabelle. Sida ay noo sheegeen il-wareedyo ku dhow, Madaxda HirShabelle ayaa sheegay in heshiisyo ay kamid ahaayeen dhismaha wadooyin, madaxtooyada, iyo xafiisyo dowladeed iyo heshiisyo kale aysan dhamaantood midna ka dhaqan gelin. Sidoo kale hogaanka HirShabelle ayaa sheegay in waxyaabo kale oo fududeen ahaa oo ay ku heshiiyeen madaxda dowladda aysan ilaa hadda waxba ka qaban dowladda Soomaaliya, iyagoo shaki ka muujiyay sida ay ula sii shaqeen karaan madaxda dowladda Soomaaliya. HirShabelle ayaa galaysa marxalad doorasho ah, waxayna hogaamiyaasha maamulkaas qaarkood hami ka qabaan iney soo laabtaan iyagoo damacsanaa iney wax qabad ka dhigtaan mashruucyadaas loo balan qaaday. Madaxda HirShabelle ayaa shalay taageeray dadaallada lagu raadinayo in wadahadal loo qabto dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada, qorshahaas oo ay wadaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka HirShabelle kasoo baxay, ayaa lagu macneeyey farriin loo dirayo madaxda dowladda looguna sheegayo in HirShabelle aysan ku faraxsaneyn xiriirka labada dhinac. Mar kasta oo la gaaro xiliga kala guurka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa kala fogaada siyaasiinta Soomaaliya iyagoo ku kala taga aragti ku saabsan marxaladda kala-guurka ah.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Mas’uuliyiin cusub u magacaabay mashruuca Berbera Corridor oo ay maal-gelinayso dowladda Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan Hay’addeeda horumarinta ee Abu Dhabi. Unugyadan cusub ee uu Madaxweyne Biixi u sameystay mashruucaasi, ayaa tiradoodu dhan tahay lix Mas’uul, kuwaasi oo gebi ahaantoodba hoostagi doona maamulkiisa, isla markaana gacanta ku hayn doona mashruucaasi ay ku baxeyso malaayiinta doolar. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muuse Biixi ayaa Lixdaasi Mas’uul u magacaabtay mashruucaasi, isagoona gebi ahaanba ka talo-gelin wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka. Madaxweynaha ayaa dhawaan si toos ah warqad ugu diray Abu Dhabi Fund for development, midaasi oo kula socodsiinayo magacaabista unugyadiisa cusub ee mashruucaasi, iyada oo aan lala wadaagin warbaahinta. “Anniga oo tixraacaya waraaqda ay soo qortay Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ee Sanduuqu uu ku codsaday in la dhiso Unnuga Fullinta Mashruuca ee ku astaysan Heshiiska Is-afgarad, waxa ay go’aansatay dowladda Somaliland inay magacawdo kooxdaasi oo ka kooban maamule u qalma oo ay kaalmaynayaan khuburo farsamo, maaliyadeed iyo maamul” ayaa lagu yiri warqadaasi oo nuqul kamid ahi ay heshay Caasimada Online. Xubnaha uu mashruucaasi u magacaabowday madaxweynuhu ayaa kala ah: 1. Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) = Maamulaha Mashruuca 2. Eng. Cabdikariin Xasan Nuur = Injineer (Structural Engineer) 3. Eng. Mawliid Nuux Taani = Injineer (Senior Engineer) 4. Eng. Cali Yuusuf Kaahin = Injineer (Survey engineer) 5. Mawliid Maxamed Raabi = Sarkaalka Maaliyadda 6. Mukhtaar Xuseen Maax = Sarkaalka Maamulka iyo Is-gaadhsiinta Lixdaasi xubnood ayaa qaban doona shaqooyin kala duwan oo ku qotoma mashruucaasi, kuwaasi oo qeyb weyna ka qaadan doona inay si joogto ah u dersaan oo u ansixiyaan dhamaan heshiisyada la soo gudbiyo. Sidoo kale waxay xubnahaasi si joogto ah u kormeeri doonaan, islamarkaana u hayn doonaan dhamaan diiwaanka howlaha dhisme ee mashruuca Berbera Corridor, iyaga oo kor joogteyn doona howlaha shaqo ee mashruucaasi. Lixdaasi Mas’uul ayaa si toos ah u hoostagi doona madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, iyada oo ay jirto wasaarado ku shaqo leh arrimahaasi, walow ay u muuqatana mid uu madaxweynuhu ku awood maroorsanayo mashaariicda waxtarka leh.
  17. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u furay ciidamo loo carbinayo in ay qeyb ka noqdaan ciidanka Daraawiishta Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Ciidamadaasi Tababar uga furay xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee Degaanka Docol oo hoostaga Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada tababarka loo furay ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada Daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya mas’uuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay Maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isna kula dar daarmay Ciidamada tababarka loo furay in ay sida ugu wanaagsan uga faa’idaystaan Tababarka loo furay si ay uga qayb-qaataan Difaaca Galmudug iyo Xoraynta Degaanada ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo Tababar u furay Ciidamo cusub appeared first on Puntland Post.
  18. Yuhuuda ku nool UAE oo u dabaal-degay xidhiidhka Abu Dhabi & Tel- Aviv Yahuudda ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa bilaawday cinwaan twitter ah, kaas oo ay ku metelayaan bulshadooda ku nool dalkaas oo ka kooban 3,000. Wax yar un kadib markii ay bilaabeen, akoonka waxaa uu helay in ka badan kun qof oo raacsan, kuwaas oo Following dhahay ciwaanka cusub. Kowdii bishan June, akoonka waxaa lagu soo qoray ducooyinka Yahuudda ku nool wadanka Imaaraadka iyo ciidankooda, taasi oo u muuqatay in lagu horumarinayo xiriirka u dhaxeeya Tel-Aviv iyo Abu Dhabi. Muuqaal lagu daabacay cinwaankaas ayaa waxaa uu ku bilaabanayaa meel saxare ah iyo nin xiran duubka raga Imaaraadka oo gacanta ku haya calanka wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Our blessings for the UAE دعاء من أجل #الإمارات Part 1 pic.twitter.com/JudlzkyEnr — Jewish Community of the UAE (@JewishUae) June 1, 2020 Waxaa uu muuqaalku ku dhaamanayaa qol macbad ah iyo nin Yahuudi ah oo duceysanaya, islamarkaana gadaal laga toogtay. Muuqaalka waxaa sidoo kale ku jiray sawirrada Madaxweynaha Imaaraadka Khalifa bin Zayed Al Nahyan iyo Madaxweyne ku xigeenka Mohammed bin Rashid Al Maktoum, sidoo kalena isku ah Ra’iisul wasaaraha Imaaraadka iyo maamulaha Dubai. Lama xaqiijin karo sax-ahaanshiyaha muuqaalkaas. Sida ay baahisay warbahinta Yeshiva World News Portal, illaa iyo 3,000 oo Yahuud ah ayaa ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo markoodii hore ka kala yimid dalalka Mareykanka, Europe iyo Koonfur Afrika. We are so proud of #MrSollyWolf the President of the #JCC Living up to the true #Tolerance and #Coexistence of the UAE “We are blessed and proud to live here and be part of this great country ” https://t.co/EpQN70Q4zU — Jewish Community of the UAE (@JewishUae) June 11, 2020 Warbaahinta Bloomberg ayaa sidoo kale bahisay in bulshadda Yahuudda ah ee ku nool Imaaraadka Carabta ay kusoo billowdeen markii uu hagaagay xiriirka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Israel. Jews once lived in the shadows of the UAE. Now they're praying for the government and its armed forces as relations warm between Israel and the emirates. https://t.co/OXlW9oeR3x — Bloomberg Middle East (@middleeast) June 3, 2020 Sanadkii lasoo dhaafay, wargeyska Gulf News ayaa sheegay in magaalada Abu Dhabi laga dhisayo mashuuc magaciisu yahay “Abrahamic Family House Project.” Dhismahaas oo la filayo in la dhameys tiro inta lagu guda jiro sanadkan 2020-ka, waxaa uu ka koobna doonaa qeybo kala ah Masjid, Kaniisad iyo macbadka Yahuudda. Ilaa hadda ma jiro xiriir diblomaasi ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil. Bishii October sanadkii 2018-kii, mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa cayaartooyda Israa’iil u ogolaaday inay ka qayb qaataan tartanka caalamiga ah ee Lagdanka, kaas oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi. Bishii August sanadkii 2019-kii wargeyska Israel ee Haaretz ayaa baahiyay Imaaraadku uu Israel la galay heshiis dhan 3 billion oo dollar, si ay u siiso awood horumarsan ee sirdoonka, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo wax basaasa. Bishan June Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa twitter-kiisa ku qoray “in la joojiyo wada hadalka ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.” Qaran News
  19. Muddo korodhsigii Barlamaanka Itoobiya u sameeyay Abiy Axmed oo laga horyimid+Wararkii u dambeeyey xiisadda Itoobiya ka istaadhantey Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Itoobiya ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhin uu shalay baarlamanka dalkaas u sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Baarlamanka ayaa ogolaaday in Abiy Ahmed uu xafiiska sii jooga illaa muddo aan la cayimin, oo ah inta laga gudbayo halista cudurka Coronavirus kadib markii doorashooyinkii la qorsheeyey bisha August loo hakiyey sababo la xiriira cudurka. Xisbiyada mucaaradka Oromada ee OLF iyo OFC iyo xisbiga Soomaalida ee ONLF ayaa kasoo horjeestay go’aanka muddo kordhinta, oo ay ku qeexeen mid sharci-darro ah. Bayaan ay soo saareen ayay xisbiyadan ku cambaareeyeen “go’aanka halka dhinac ah ee aan la isku wada raacin,” waxayna ka digeen in Itoobiya ay galeyso marxalad horseedi doonta qalalaase siyaasadeed. Mucaaraadka qaarkood ayaa dalbaday in lasoo dhiso dowlad KMG ah oo lagu mideysan yahay oo dalka ku hagta doorashooyinka, taasi oo Abiy Ahmed uu ku gacan seeray kuna sheegay mid aan dhici karin. Isniintii waxaa is-casishay Khayria Ibraahim oo ahayd afhayeenka Aqalka Sare, kana tirsaneyd xisbiga Tigrayga ee TPLF, ayada oo sheegtay inaysan dooneyn inay la shaqeyso “koox ku xadgudbeysa dastuurka, islamarkaana ku dhaqmeysa kali-talisnimo.” TPLF ayaa si cad u diiday muddo kororsiga iyo dib u dhigista doorashada, waxaana ay sheegeen in gobolka Tigray ay ka qaban doonaan doorasho ka madax banaan midda federaalka. Cabsida ugu weyn ayaa hadda ah dibad-baxyo waa weyn iyo rabshado ka dhan muddo kordhinta Abiy Ahmed oo dalka ka billowda. “Waxaan walaac ka muujineynaa kacdoon baaxad weyn oo isku beddela rabshado oo dalka ka billaaban kara, middana naguma celin doonto halkeenii hore, ee waxay noqon doontaa arrin ay adkaan doonto inay xakameyso dowlad markii horeba la tacaaleysay caqabado dhaqaale iyo kuwa caafimaad,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah usoo saareen xisbiyada Oromada ee OLF iyo OFC. “Maadaama hadda dowladda ay qaadatay go’aan hal dhinac ah, inkasta oo ay ka digeen xisbiyada, ONLF waxay xaqiijineysaa in Itoobiya ay galayso marxalad siyaasadeed oo halis ah,” waxaa sidaas yiri ONLF. Qaran News
  20. Tehran (Caasimada Online) – Gabar 14-sano jir ah oo Iran u dhalatay ayaa waxaa madaxa ka gooyay Aabaheed, xilli ay hurdeysay, taasi oo lagu sheegay “dil sharafeed”, sida uu wariyay TV-ga caalamiga ah ee Iran. Madaxweyne ku xigeenka arrimaha Haweenka Iran ayaa ku dhawaaqday amar gaar ah si loo baro dilka ka dhacay magaalada Talesh. Gabadha dhowr iyo toban jirka ah ee lagu magacaabo Romina ayaa guriga qoyskeeda ka carartay waxayna raacday nin 35 jir ah oo lagu magacaabo Bahamn Khavari, oo la sheegay inuu jaceyl kala dhaxeeyey, kadib markii Aabaheed uu ka carooday qorshihii guurkooda. Warbaahinta maxaliga ah ayaa werisay in iyadoo Romina ay mas’uuliyiinta amniga u sheegtay in ay gurigooda khatar ku geli karto ayna nafteeda u baqayso, ay hadana u gacan galiyeen qoyskeeda, sida uu sharciga dalku qabo. Markii ay guriga ku laabatay, ayuu Aabaheed masaar ku dilay. Aabihii ayaa la xiray, waxaana socda baritaan ku saabsan falkaas oo loogu yeeray “dil sharafeedka”. Dil sharafeedka waxaa sameeya raga qoyska, waxayna dilaan dumarka ay u arkaan in ay qoyska sumcad darro u soo jiidayaan. Dilkii Romina kadib, Madaxweynaha Iran waxaa uu golihiisa Wasiirrada ku booriyay in ay soo saaraan sharciyo adag oo ka dhan ah dil sharafka.
  21. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Yahuudda ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa bilaawday cinwaan twitter ah, kaas oo ay ku metelayaan bulshadooda ku nool dalkaas oo ka kooban 3,000. Wax yar un kadib markii ay bilaabeen, akoonka waxaa uu helay in ka badan kun qof oo raacsan, kuwaas oo Following dhahay ciwaanka cusub. Kowdii bishan June, akoonka waxaa lagu soo qoray ducooyinka Yahuudda ku nool wadanka Imaaraadka iyo ciidankooda, taasi oo u muuqatay in lagu horumarinayo xiriirka u dhaxeeya Tel-Aviv iyo Abu Dhabi. Muuqaal lagu daabacay cinwaankaas ayaa waxaa uu ku bilaabanayaa meel saxare ah iyo nin xiran duubka raga Imaaraadka oo gacanta ku haya calanka wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Waxaa uu muuqaalku ku dhaamanayaa qol macbad ah iyo nin Yahuudi ah oo duceysanaya, islamarkaana gadaal laga toogtay. Muuqaalka waxaa sidoo kale ku jiray sawirrada Madaxweynaha Imaaraadka Khalifa bin Zayed Al Nahyan iyo Madaxweyne ku xigeenka Mohammed bin Rashid Al Maktoum, sidoo kalena isku ah Ra’iisul wasaaraha Imaaraadka iyo maamulaha Dubai. Lama xaqiijin karo sax-ahaanshiyaha muuqaalkaas. Sida ay baahisay warbahinta Yeshiva World News Portal, illaa iyo 3,000 oo Yahuud ah ayaa ku nool dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo markoodii hore ka kala yimid dalalka Mareykanka, Europe iyo Koonfur Afrika. Warbaahinta Bloomberg ayaa sidoo kale bahisay in bulshadda Yahuudda ah ee ku nool Imaaraadka Carabta ay kusoo billowdeen markii uu hagaagay xiriirka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Israel. Sanadkii lasoo dhaafay, wargeyska Gulf News ayaa sheegay in magaalada Abu Dhabi laga dhisayo mashuuc magaciisu yahay “Abrahamic Family House Project.” Dhismahaas oo la filayo in la dhameys tiro inta lagu guda jiro sanadkan 2020-ka, waxaa uu ka koobna doonaa qeybo kala ah Masjid, Kaniisad iyo macbadka Yahuudda. Ilaa hadda ma jiro xiriir diblomaasi ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil. Bishii October sanadkii 2018-kii, mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa cayaartooyda Israa’iil u ogolaaday inay ka qayb qaataan tartanka caalamiga ah ee Lagdanka, kaas oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi. Bishii August sanadkii 2019-kii wargeyska Israel ee Haaretz ayaa baahiyay Imaaraadku uu Israel la galay heshiis dhan 3 billion oo dollar, si ay u siiso awood horumarsan ee sirdoonka, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo wax basaasa. Bishan June Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa twitter-kiisa ku qoray “in la joojiyo wada hadalka ay Israel ku goosaneyso dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.”
  22. Taliyaha Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun, kuwaas oo lagu eedeeyey xadgudug. Taliye Cabdi Yare oo caawa warhaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa dhacdadaas. Taliyaha oo cudur-daar ka bixiyey falkaas ayaa tilmaamay in uu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, wuxuuna sheegay uusan ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska. Taliyaha Booliska Puntland wuxuu xusay in kiiskaas gungaaristiisa marka la gaaro la marin doono wuxuu ku dhammaado oo ah cinqaab ama xeer ciidan. Labada Taliye ee Jaamac Cismaan Dhalac iyo Cumar Hiirad Kaatun ayaa loo haystaa muuqaal xadgudub ah oo 8 bishan laga duubay dhalinyaro ku caweynaysay bannaanka magaalada Qardho, kaas oo lagu baahiyey baraha bulshada. PUNTLAND POST . The post Puntland: Saraakiil Boolis oo shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.