-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxuu ku soo dhaweeyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka madaxda maamul goboleedyada dalka uga socda magaalada Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug. Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay ka mid noqdaan xalka loo raadinayo sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho lagu wada qanacsanyahay oo waqtigeeda ku dhacda. Qoraalka xisbiga oo ka koobnaa afar qodob ayaa lagu yiri, “Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka waxa uu madaxda dowladda federaalka ku dhiiragelinayaa inay ka qeyb galaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kana mid noqdaan xalka loo raadinayo xaaladda ka dhalatay fashilkooda ah inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah.” Sidoo kale Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa qoraalkan uu soo saaray ku bogaadiyey shacabka iyo hoggaanka Galmudug, sida ay isaga xil saareen marti gelinta shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka. Hoos ka aqriso qodobada war-saxaafadeedka
-
(SLT-Muqdisho)-Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dirqi kaga badbaaday qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xili uu marayey meel u dhow Cisbitaalka Ciidamada dowladda Soomaaliya. Wararka laga helayo Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay, in inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen haweeney rayid aheyd oo mareysay halka uu qaraxa ka dhacay iyo qofkii waday gaariga is qarxiyay. Taliyaha Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya Janaraal Odowaa oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Af-ka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu qeexay in bartilmaameedka uu isaga ahaa, balse uu badbaaday. Waxa uu intaa ku daray in Ilaalada isaga la socotay oo aad u feejigneyd ay gaariga is-qarxiyay rasaaseeyeen, sidaasna uu khasaaraha ku yaraaday. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Source
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya Xassan Abshir Faarax, oo shalay ku geeriyooday Waddanka Turkiga. War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa loogu tacsiyeeyay Dowladda iyo Shacabka Soomaaaliyeed ee uu ka geeriyooday Ex. Ra’iisul Wasaare Xassan Abshir Faarax. UNSOM, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, marna soo noqday Madaxweynihii Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, oo isna shalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya. Qaramada Midoobay, waxay tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka Puntland iyo Dhammaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka tacsiyaysay Geerida Xassan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Filish, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota guddoomiyeyaasha degmooyinka, midaasi oo ku aadan bilicda iyo muuqaalka Magaalada. Guddoomiye Filish ayaa sheegay in roobab maalmihii u dambeeyay ka da’ay caasimada ay saameyn balaadhan ku yeeshen bilicda iyo muuqaalka guud ee magaalada, isla markaana loo baahan yahay in kaalin weyn laga qaato dar-dar gelinta horumarka. Filish ayaa xusay in qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada ay biyo fadhiisteen, loona baahan yahay in laga howl-galo, isagoona guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku amray inay kaalin lixaad leh ka qaatan nadaafada iyo bilicda caasimada. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal cusub oo lagu dar-dar gelinayo horumarinta caasimada, isla markaana ay ka go’antahay ka shaqeynta dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Soomaaliyeed. Filish ayaa sidoo kale bulshada u balan qaaday inay si deg-deg ah uga howl-galayaan dhibaatooyinka uu sababay roobkii maalmihii u dambeeyay ka da’ayay caasimada. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka da’ayey roob lagu qabowsaday, wallow uu banaanka keenay waddo xumo iyo habacsanaanta shaqo ee maamulka degmooyinka gobolka.
-
(SLT-Hargeysa)-Maamulka War-baahinta Somalilandtoday wuxuu si xushmad iyo qadarin leh uga raaligelinayaan Hay’adda maxaliga ah ee GAVO war si khaldan nooga soo baxay 15-kii bishii Juun 2020-ka, kaas oo ahaa mid si khaldan loogu soo tabiyey War-bahinta Somalilandtoday, isla markaana ahaa mid xaqiiqda ka fog oo gef iyo meel ka dhac ah, balse si aan ku tologal ahayn aanu u baahinay. Haddaba waxaanu mar labaad iyo mar saddexaad iyo marar kale aanu si buuxda uga raaligelinayaa maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda waddaniga ah ee GAVO warkaas xaqiiqada ka fogaa ee sida khaldan nooga soo baxay 15-kii bisha Juun 2020-ka, kaas oo ahaa mid aananu wax ujeeddo ah oo gaar ah ka lahayn baahintiisa, balse ahaa mid si khaldan na loogu soo tabiyey, isla markaana si aanu ku talogal ahayna nooga soo baxay. Gunaannadkii maamulka iyo hawl-wadeenada War-baahinta Somaliladtoday,waxay mar kale si xushmad iyo qadarin ay ku jirto uga raaligenayaan baahintiisa warkaas xaqiiqada ka fogaa masuuliyiinta iyo shaqaale weynaha Hay’adda Waddaniga ah ee GAVO iyo dhammaan-ba Akhristayaasha sharafta mudan ee ku xidhan war-baahinta Somalilandtoday.com Allaa Mahadle Maamulka War-baahinta Somalilandtoday Source
-
Kumuu ahaa Taliye Bedel Marxuum Gaashaanle Bedel Xasan wuxuu ka mid ahaa dhalinyaraddii Hargaysa ku dhalatay lixdamaadkii kuna barbaartay’waxaanu kasoo jeedey qoys caana oo aad loogga yaqaano Magaaladda Hargaysa iyo nawaaxigeedda . Bedel aabihii Xasan Qayl wuxuu ahaan jirey odayaashii xoolaha nool dhoofin jirey ( adhiilayaasha) adeerkii cabdi dheerana wuxuu ahaa odayaashii Hargaysa ku lahaa huteeladda waagii danbena caan u ahaa Hoteelkii cabdi dheere ee ku yaalay xaafadda Siiney ee Magaaladda Mogdisho . Waagii ay magaaladda Hargaysa ka dhaceen dagaaladii u dhaxeeyey snm iyo taliskii M S Barre , Bedel wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku biirtay jabhadii snm , waxaanu ka mid noqday guutadii 12aad ee ka hawl-geli jirtay inta badan wadada Hargaysa iyo Berbera . 1990 markii la aasaasay guutadii horseedka u noqotay xoraynta wadanka ee Koodbuur Berbera ilaa Lawya-caddo , Bedel wuxuu ka mid noqday 150 askari oo ka mid ahaa guutadii 12aad oo ka qayb noqday guutadii Koodbuur , Guutadaas oo ka koobnayd guutooyinkii 10aad ( sancaani) 3aad iyo 12aad , waxaanu markiiba ka mid noqday dhalinyaradii noqotay saraakiisha ee guutadii koodbuur . Waagaasna Bedel wuxuu ka qayb galay hawl-galadii xoraynta Bali-gudbadle , Mashruuca wajaale , Berbera , Lughaya , Bariisle iyo ugu dambayn Saylac iyo xuduudka Djabouti . Mudadii ay socotay dib u dhiska wadanku ee meel walba ay joogeen jabhadiihii loo bixiyey daydaygu , Bedel wuxuu ka mid ahaa odayaashii jabhadaha iyo bulshadda u dhaxayn jirey ee marwalba xalin jirey dhibka ka dhex dhaca jabhadaha dhexdooda iyo dadka iyo jabhadaha waagaas ayaanan maqlay magaciisa markii iigu horaysay . 25 sanadood ee u danbeeyey noloshiisa marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ciidanka booliska , gaar ahaan ka hawl-gasha magaalada Hargaysa , waxaanu Taliye ka noqday inta badan sal-dhigyadda magaaladda Hargaysa intooda badan . Mudooyinkaa uu ahaa Taliyaha oo aanu si toosa uga wada shaqaynaynay dacwadaha ciqaabta ah , marar badana aan suaalo ku waydiiyey maxkamadda horteedda , waxaan qirayaa in aanan waligay arkin cid ninkaa ka cabanaysa haday tahay maxaabiista , looyaradda ama bulshadda , waxaanu ahaa nin edeb badan , afgaaban oo sharciga iyo cadaalada inta badan ku adag. Dhiiranaan badan oo uu u dhashay iyo daacadnimadiisa laggu yaqaanay awgeed mar walba waxaa loo bedeli jirey saldhiga ugu rabshadaha badan ama rabshuduhu ka jiraan , waanu xalin jirey , waxaanu marar badan u mutaystay amaan bulsho oo balaadhan iyo bogaadin . Dhinaca kale , marxuumka oo aan marar badan suaalo waydiiyey isagoo markhaati ahaan loo horkeeney maxkamadda waxaan ku arkay daacadnimo iyo run sheegid , wuxuu ahaa nin aan cidna ku gefin , waxba buunbuuninin wax walba inta uu ogyahay ka sheega oo aan ka waabanin runta , sidaana waxaan u leeyahay waxaanu isla soo maray dacwadi badan oo culayskooda lahaa . Waxyaabaha gaarka ah ee aan hoosta ka xariiqayana waxaa ka mid ahaa habeen habeenada ka midda ayaa waxaa ii yimi wiil baasaboor lagga iibiyey oo hadana la dhacay , ka dibna waxaanu ashtako ugu tagnay marxuumka oo joogey saldhiga New Hargaysa oo aan ahayn halka falkaasi ka dhacay hassa yeeshee aad ugu dhaw waxbana aan u jirin , marxuumku baadhis dheer oo uu markiiba kiiskii ku sameeyey wuxuu noogu jawaabay ” orda oo ka dacwooda saldhiga u dhaw meesha falku ka dhacay , meel walba boolis somaliland ah iyo saraakiil somaliland ah baa joogee ”. Si kastaba ahaatee geeriddu waa xaq , qof walibana waa geeriyoon doonaa , hassa yeeshee geeridda ayaa kala duwan , Bedela wuxuu geeriyooday isagoo gutay waajibkii Qarankiisa ka saaraa oo waliba si sharfle u gutay , waxaana la joogii xiligii Qaranku gudan lahaa waajibka ka saaran daryeelka xaaska iyo caruurta marxuumku ka tagay . Ahmed Nur Gurije Qaran News
-
Taliyaha ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen Odowaa yuusuf Raage ayaa Maanta Isniin ah ka badbaaday Qarax oo lala eegtay Kolonyo uu la socday oo marayay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho. Qofka ismiidaamiyay ayaa Gaari miinaysan ku qarxiyay Kolonyada uu la socday Gen Odowaa inkastoo Taliyuhu ka badbaaday Qaraxaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaraxa ayaa la sheegay in uu khasaare gaarsiiyay ilaalada Taliyaha islamarkaana uu burburiyay mid kamid ah Gaadiidkii Kolonyada ahaa ee gelbinayay Gen Odowaa balse Khasaare kala lama soo werin. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa ismiidaaminta ah waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Gen. Odowaa yuusuf Raage. PUNTLAND POST The post Taliyaha Militariga Soomaaliya oo ka badbaaday Qarax ismiidaamin ah appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa warar dheraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii weerar lagu qaaday kolonyo ciidan ah uu la socday taliyaha ciidamada xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage. Taliyaha ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxo, oo nuuciisu aha Saaruf, xili uu marayey inta u dhaxeyso isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga qaranka ee degmadaka Hodan, waxaana jiro khasaare. Inta la xaqiijiyey waxaa geeriyooday labo ruux oo mid kamida ah uu yahay qofkii waday gaari qarxay iyo ruux la sheegay in ay aheyd haweeney goobta maraysay, waxaana sidhaba loo ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidanka. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadalay warbaahinta qaranka, qaraxa kadib ayaa wuxuu xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa isaga balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen qaraxaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Berri oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo, waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagi-doonna tifaftiraha guud ee Goobjoog iyo agaasime ku-xigeenkeeda Cabdicasis Gurbiye. Halkan Ka Aqriso Weiye Oo Markale Hortagaya Maxkamadda Gobolka Banaadir https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Gurbiye-sax.mp4 Halkan Ka Aqriso Weiye Oo Markale Hortagaya Maxkamadda Gobolka Banaadir Weriye Gurbiye oo Berri Mar Kale Hortagaya Maxkamadda Gobolka Banaadir Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir labo maalin xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb uga socday madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah oo ay ugu muhiimsan yihiin in aaney dhici karin doorasho qof iyo cod ah iyo shir looga tashanayo nooc doorasho, kana soo qeybgalaan dhammaan saamileyda lagu qabto isla Dhuusamareeb. Halkan Ka Daawo Nuxurka Shirkii Ka Soo Baxay Shirka Dhuusamareeb https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-sss.mp4 Halkan Ka Aqriso Nuxurka Shirkii Ka Soo Baxay Shirka Dhuusamareeb Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Ku Baaqay Shir Kale oo Laga Tashanayo Nooca Doorasho ee 2020 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Roobkii ka da’ay Muqdisho ayaa jaray Waddooyinka degmada Wadajir,xili shacabka degmadaas ay sheegeen in aan waxba loogu qaban canshuurta ay bixiyaan. Waxa ay caqabad ay ka taagan tahay isu socodka dadka iyo gadiidka wadooyinka degmada wadajir halkaas oo ay ka muuqato burbur xoogan. Xili kasta oo roobka uu ka da’o magaalada Muqdisho waxa muuqanaysa dhibaatooyinka dadka ay ku qabaan isticmaalka waddooyinka , gaar ahaan wadada isku xirta isgoyska Soobe iyo ilaa korontada Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sameeynta Roobkii Ka Dayay Muqdisho Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
On 14th June 2020 Somaliland and Somalia met in Djibouti for a four-day summit. The summit, the first serious one since the two sides started talking in 2012 in London, stirred up so much social media frenzy about its gamut and about whose initiative it was to bring the two sides together. The Americans, the Ethiopians and the Djiboutians were quickly identified as the midwives. But why this trio? Somalilanders are forever suspicious of outsider motives ––and for a good reason. Not only that foreign intervention seldom brings fortune, but also the fact that states by definition look after their own interest does not sit well with missionaries repudiating Somalilanders. Wild speculations have it that each of the trio was chasing their own interest. For the American Ambassador Donald Yamamoto the talks offered an opportunity to enhance diplomatic ambitions and for his country to strengthen her foothold in the Horn. For the ambitious Ethiopian young prime minster Abiy Ahmed, inspired by his recent bagging of Nobel Prize, to double his accolades by becoming the one who succeeded in bringing Hargeisa and Mogadishu back together again and to bolster his country’s economic ambitions. For the Djiboutian strong man, Ismail O. Guelleh, struggling with local uprising against his ageing regime, the talks offered an opportunity to remain politically relevant; for the outgoing Somalia’s Mohamed Abdillahi Mohamed (Farmaajo) a chance to use these talks to extend his tenure and probably win a second term in the next presidential selection and; for Somaliland’s Muse Bihi Abdi (MBA) a chance to flex his muscles. In short, the summit took place in the midst of these intriguingly competing interests. Speculations aside, the reality is that since Somalia came under the leadership of Farmaajo, interest for the talks simply dried up. Farmaajo tried to achieve his country’s mission of bringing Hargeisa back under Mogadishu rule by reversing all earlier agreements thereby reducing Somaliland to a regional entity and by pursuing a policy of unsettling community relations in Somaliland. His move may not be entirely new. Propped up with international handouts and kept alive by foreign forces, his country has always been failingly wishing to dictate the terms of the talks and to subjugate Somaliland into submission. One may remember Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economic Development writing to international donors instructing them to cease special arrangements with Somaliland and the Somalian parliament trying to block a rare DP World investment opportunity in the Berbera seaport. However, pressure from the trio has arguably this time forced Somalia’s Farmaajo to agree plodding to the table, but like his predecessors, serious about it was he not or worst yet prepared. He attended with an empty portfolio, pretending to worry about the people of Somaliland and drawing on the “Somalinnimo” narratives he started in his short stilted talk to preach MBA of the benefits of re-unification but wasted much of his slot thanking “brother Ismail O. Geulleh” for bringing together “Somali brothers to work out their differences”. Despite apparent frivolousness of the talks, Somaliland too turned up, but did so with intent. An incentive for the move was that the international convenors auspicing the loggerhead would tame if Somalia does not play by the rules. Critics in Somaliland remained skeptical of the expediency of the rendezvous, but things changed when MBA delivered a stellar speech laying out the incontestable legal, historical and institutional grounds for Somaliland’s sovereignty. Explaining how the two sides got where they are now, MBA rested on the illegality of the defunct union, leaned on the genocidal acts against the people of Somaliland, on the ongoing sabotage of economic recovery, on the politicisation of humanitarian assistance and sped off by listing the catalogue of unfulfilled promises Somalia made since 2012 in a speech he enjoyed delivering and then left the judgement to the conveners. The summit offered Somaliland an opportunity to open up for discussion the 1960 dubious failed union, a subject Somalia has forever been eschewing. Farmaajo’s team was already on the back foot, but the knot tightened further on his men for lacklustre attitude towards the talks when in an apparent attempt to derail the proceedings of the talks, they tabled trivial points undermining Somaliland’s sovereignty and the summit almost collapsed. It was a deadlock to be rescued by Djibouti at the eleventh hour to save face for everyone, well except for Somaliland. The organisers may have planned to pave the way for eventually a favourable outcome for Somalia, but it was Somaliland, capitalising on the opportunity, that has, piercing into their psyche of the convenors with undisputed history, has turned a new page. Nodding and note taking American Ambassador under the tutorship of Dr Edna Adam fed the pedant populations of Somaliland with much needed pride. The contrasting photos of the Somalian delegate returning home under the cover of darkness and Somaliland’s delegate receiving a hero welcome in broad day light speaks volumes. As former Somaliland vice president Ahmed Yussuf Yasin has tellingly observed the welcoming crowd braving the Covid-19 risks were sending multiple messages to their president, to the leaders of Somalia, Djibouti and Ethiopia and to the Americans and beyond: to show the world that MBA only represents them in a two state solution scenario and to express their unwavering support for anyone championing their aspirations. President MBA showed in his speech so much charisma that made President Farmaajo look so sloppy that Somaliweyn pundits struggled to hide their frustration with the ineptness of “Somalinnimo” sentiments. Some even went so far as to suggest the summit was not meant to bring the two sides closer but to humiliate the very Somaliweyn ideal. However, there were blind alleys to the talks. Suspicion arose when a few days later, Djibouti had unconventionally issued a ghost communique suggesting that Somaliland had in the end agreed on two very contentious points, one pertaining to cultural exchange with Somalia and the other to co-management of the Somaliland airspace. The suspicion was further inflamed when Somaliland’s Foreign Minister, Yasin Haji Mohamoud, suggested the communique contained a misprint, Edna Adam tried to play it down, but MBA alluded to Somaliland making a concession on the contentious cultural exchange point but with attached conditions. The president took the risk of taking off the edge of his rising popularity when he tried to explain away the mess that it was a question of semantics. Much to the relief of anxious Somalilanders, the confusion was cleared following the announcement of Somaliland exchanging diplomatic missions with the China Republic of Taiwan. With the news that Somaliland has indeed turned the page, Farmaajo wasted no time. He immediately summoned the mainland Chinese Ambassador in Mogadishu to his fortified office. According to his office’s communique the two discussed the territorial integrity of their countries being infringed by Taiwan and Somaliland. To the talk’s critics, Farmaajo’s move was nothing but a knee jerk reaction indicating Somalia was not seeking a dialogue but control over Somaliland and wanted the trio (now plus the Chinese) to help her rescue her shipwrecked expansionist agenda. In any case, the new Taiwan connection has certainly dispelled any pretensions that under the sway of the summit Somaliland’s resolve may have weakened. The nodding and note-taking Americans are now suddenly welcoming the new Taipei-Hargeisa connection Qaran News
-
Laacibkii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Ismaaciil Maxamed Cumar, ayaa loo diiwaan geliyey inuu ka moid noqday wakiilada rasmi ah ee caalamka,isagoo kala iibin kara laacibiinta kubbadda cagta. “Waan ku faraxsanahay howshan iminka waa wajiga kowaad,waxaan diida saaridoonaan wejiyada kale ee xirfadan waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadayda iyo bahada kubbadda ee soo dhawaysay howshan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay wakiil Ismaaciil Maxamed Cumar. Xidigihii hore kooxda Elman Maxamed Nuur Shaarkey ayaa u hambaleeyay wakiil Diyeeshe wuxuuna kula dardaarmay in uu si wanaagsan ugu soo baxo arintan oo muhiim ah bahda ciyaaraha. Saaxiibo badan ayaa u soo hambalyeeyay Wakiil Ismaaciil,iyagoo guul iyo horomar wanaagsan ugu rajeeyay howshan cusub,balse mudane Ismaaciil Diyeeshe ayaa isna u mahad celiyay saaxiibadiisa. Si kastaba Diyaashe waxa uu ka qeyb qaatay guulaha Xulka Qaranka sanadihii lasoo dhaafay,isagoo door wanaagsan kulahaa soo aruurinta iyo isku xirka ciyaarahanadii u dheelay Soomaaliya kuwaas oo kala yimid wadamada Yurub iyi waqooyiga Ameerika. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ismaaciil Diyeeshe https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Diyeeshe-whats-upp.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyey qodobada ka soo baxay shirkii maaamul goboleedyada ee ka dhacay Dhuusamareeb. War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan saamileyda siyaasadeed ay ka mideysan yihiin halista ay leedahay muddo kororsiga iyo in mugdi la galiyo marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Taliyaha Guud ee Ciidamada Milateriga Somalia oo ka badbaadey Qarax ismiidamina oo lala eegtay+Khasaarha uu geystay & Siday wax u dhaceen+Sawiro Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday. Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan. Wararka la helayo ayaa waxay intaas ku darayaan in gaari nooca loo yaqaano saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha, hase yeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo. Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.. Si kastaba, qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga. Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen. Qaran News
-
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ay howlgal kala duwan ka wadaan deegaano duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaasi oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka ka wadaan degaanka Buulo Gaduud oo qiyaastii 35Km u jira Magaalada Kismaayo,halkaasi oo qarax iyo weerar toos ah lagula ebegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Jubbaland. Qaraxaasi iyo weerarka oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidamada Jubbaland,hayeeshee saraakiisha Ciidamada Maamulkaas aysan weli ka hadlin. Dhowr jee roo hore ayaa Ciidamada Jubbaland waxaa ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ay kala kulmeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Maamulkaas ay mararka qaar sheegaan inay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo marayay inta u dhexeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xoogga oo ku yaalla degmada Hodan. Taliye Odowaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in bartilmaameedka qaraxa uu isagu ahaa, balse ay fashiliyeen ciidamada ammaanka ee xilligaasi la socday. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu noociisu ahaa Saaruf laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay is-miidaamiyihii gaariga waday iyo haweeney wadada mareysay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana caadi ku soo noqday dhaq-dhaaqa ganacsiga iyo isku socodka meesha uu qaraxu ka dhacay. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dowladda Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan oo balaadhan ka sameeysay meel aan wax badan u jirin badda Somaliland, xili ay xidhiidhka cusub yeesheen Somaliland iyo Taiwan. Shiinaha ayaa toddobaadkii hore dhoollatus milateri ka sameeyay gacanka cadmeed oo aan ka fogeyn biyaha Somaliland ee Badda-cas, Sida uu dhawaan baahiyay Telefishanka dowladda Shiinaha ee CCTV. Saddex markab oo kuwa dagaalka ah ee dowladda Shiinaha ayaa dhoolatuskaasi lagu sameeyay, iyada oo ay bar-bar socdeen tababar ay ku tijaabinayeen cududdooda ay kaga hortagi karaan khataraha amniga iyo gudashada waajibaadkooda hawl-gallada milateri ee kala gedisan. Dhoolatuska Millateriga Shiinaha ayaa loo arkaa mid hanjabaad nooc cusub ah oo ku socota Somaliland oo uu rumeysan yahay inay qeyb ka noqoneysa kala goynta dhul weynihiisa, wallow ayna labada arrin si rasmi ah iskula xidhiidhin dowladda Shiinuhu. Sidoo kale waxa dadka ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda ay dhoollatuska Shiinaha ku macneeyen fal uu ku muujinayo cadhadiisa iyo diidmada xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo Somaliland. Shiinaha ayaa si adag uga horyimid xidhiidhka ay Somaliland la sameysatay Taiwan, oo uu aaminsan yahay inay tahay Jasiirad ka tirsan dhul weynihiisa, halka ay iyadu ku doodeyso inay tahay dal madax-banaan. Dhan kale dawladda Maraykanka ayaa si weyn u soo dhawaysay xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo Somaliland. Source
-
Waxaa lagu Guuleystay in la damiyo Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Magaalada Dhusamareb ka dib markii uu Dabku ka dhashay Booyad Kaalinta Shidaal ku shubaysay , Goobtaan oo ku taala Bartamaha Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa u soo Gurmada Ciidamada Booliiska, Nabab Sugida, Milatariga iyo Bulshada Magaalada. Taliyaha Booliiska Qaybta Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ayaa ka warbixiyey sida loogu Gurmaday Goobtaan Dabku uu ka kacay waxa uuna sheegay inuusan gaysan wax Qasaare nafeed ah. Gudoomiayaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo Goobta gaaray ayaa waxa uu xusay in Magaaladu si deg deg ah ugu Baahan tahay Dab-damis si loogu badbaadiyo Qasaaraha Nuucaan oo kala ah. Dabkan ayaan ku fidin Goobaha ka ag dhow halka uu markii hore qabsaday taasina waxaana lagu sameeyey ka hortag iyo damin mana jiraan wax Qasaare Nafeed ah oo uu gaystay marka laga reebo Burburka Hantiyadeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Berlin)- Dorraad Sabtidii waxa waddanka Bosnia and Herzegovina laga xusay sannad Guurada Labaatanaad ee ka soo wareegtay Xasuuqii ba’naa ee ay Seerbiyiintu u gaysteen shacabkii Boosniya kadib markii gaar ahaan magaalada xasuuqa Caanka ku noqotay ee Srebrenica lagu laayay in ka badan Kumannaan kun oo qof oo Boosniyaan ah. Telefishanka waddanka Jarmalka ee lagu magacaabo Deutsche Welle (DW) oo ka warramayay xasuuqyada taariikhda galay ee lagu laayay kumannaan kun oo qof oo aan waxba galabsan ayaa waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray warbixin uu ka sameeyey xasuuqyadii ugu ba’naa ee soo mara ama ka dhaca taariikhda qaaradda Afrika, waxaanu warbixintaasi ku soo daray xasuuqii shacabka Somaliland kala kulmeen xukuumaddii Milatariga ahayd ee Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Telefishanka Deutsche Welle (DW) waxa uu soo saaray liis ka kooban 11 xasuuq oo ka kala dhacay dalal ku yaalla qaaradda Afrika oo uu ka mid yahay xasuuqii uu taliskii Maxamed Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland, dabayaaqadii Siddeetamaadkii, kaasi oo uu ku sheegay Telefishanku in ay ku naf waayeen oo lagu xasuuqay dad dhan 200,000 oo qof oo u badnaa qabiilka Isaaqa. Telefishanka DW oo si gaar ah u soo qaadanayay xasuuqa lala beegsaday shacabkii reer Somaliland ee wakhtigaasi ku hoos jiray dawladdii Soomaaliya waxa uu yidhi: “Muddadii u dhaxaysay 1987-kii Illaa 1989-kii waxa Soomaaliya lagu xasuuqay 50,000 illaa 200,000 oo qof oo shacab ah kuwaasi oo u badnaa Qabiilka Isaaqa. Waa Xasuuqii Hargeysa oo ay gaysteen Milatarigii Janaraal Maxamed Siyaad Barre”. Telefishanka waddanka Jarmalku Liiska 11-ka xasuuq ka kooban ee uu soo saaray waxa ay 10-ka kale kala yihiin sidan: – Xasuuqii ka dhashay dagaalkii Biafra oo ahaa sannadkii 1966-kii, waxa uu ka dhacay waddanka Nayjeeriya. Waxaana lagu laayay dad ka badan 30,000 oo qof. – Xasuuqii Ikiza oo lala beegsaday shacabka Tuutsiga waxa uu dhacay sannadkii 1972-kii waxaana xasuuqaasi gaystay qawmiyadda cadaawaddu u dhaxayso ee Huutuuga, waxaanu ka dhacay waddanka Burundi. Waxa xasuuqan lagu laayay 30,000 oo qof in ka badan. – Xasuuqii loo gaystay qawmiyadaha Acholi iyo Lango ee waddanka Uganda waxa gaystay ciidamadii hogaamiyihii dalkaasi Iddi Amin, waxaana lagu laayay in ka badan 300,000 oo qof. – Xasuuqii Ciidamada Jarmalku ka gaysteen waddanka Namibia intii u dhaxaysay 1904 illaa 1908. Waana xasuuqa loo yaqaan gumaadkii Herero iyo Nama oo ah qawmiyadaha la xasuuqy. Jarmalku waxa ay xasuuqaasi ku dileen in ka badan 110,000 oo qof. – Xasuuqii Bambuti oo ay gaysteen xoogag maleeshiyaad ahi waxa uu sannadihii 2002 illaa 2003 ka dhacay waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo. Waxa la sheegaa in ay ku dhinteen 70,000 oo qof. – Xasuuqii Daarfuur oo Galbeedka waddanka Suudaan ka dhacay waxa lagu laayay Caruur, haween iyo dad kaleba, waxaanu bilawday 2003 illaa imika waa uu socdaa waxaana gaysta maleeshiyaad. Xasuuqan waxa laga diiwaan galiyay in ay ku dhinteen 500,000 oo qof. – Xasuuqii ka dhacay waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo sannadihii 1996 illaa 1997 waxa lagu laayay in ka badan 230,000 oo qof. – Kanna waa xasuuqii ugu xumaa ee soo mara taariikhda qaaradda Afrika. Sannadkii 1994-kii waxa waddanka Rwanda lagu xasuuqay in ka badan 1 Milyan oo qof oo qawmiyadda Tutsi ah waxaana xasuuqa gaystay Huutuuga iyo Tawa. – Xasuuq ka dhashay dagaalo qawmiyadeed oo dalka Brundi ka dhacay sannadkii 1993-kii waxa isna ku naf waayay in ka badan 50,000 oo qof waxaana lagu xasuuqay dad Tuutsi ah oo ay laayeen Huutuugu. – Xasuuqii Gukurahnand waxa uu intii u dhaxaysay sannadihii 1983-kii illaa 1987-kii ka dhacay waddanka Zimbabwe waxaanu maamulkii Robert Mugabe ku laayay in ka badan 30,000 oo qof oo ah qawmiyadda Ndebele. Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay caasimadda Dalka ee Muqisho Xalay uu saameyn ballaaran ku yeeshay bilicda iyo muuqaalka magaalada, isagoo xusay inay biyo fariisteen qaar ka mid ah Waddooyinka waa-weyn ee magaalada. Duqa Muqdisho oo maanta Saxaafadda la hadlayay ayaa balan qaaday in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda ay si deg deg ah howl lagu dardargelinayo Horumarinta Nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda la bilaabayo, isagoo la dardaarmay dhaamman Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku nool Degmooyinka in ay kaalin weyn ka qataan Nadaafada iyo bilicda Caasimadda. Duqa Caasimadda mudane Cumar Filish ayaa sheegay in ay socdaan qorshooyin lagu dardargelinayo Horumarinta Caasimadda, islamarkaana Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta Horumarinta caasimada, dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa ka haddlay muranka dhuleed ee u dhaxeeya Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal waxaanu ku teliyey in arrinkeeda si hoose loo eego. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in Dowladdii uu ka tirasanaa ee Madaxweyne Rayaale ay siisay Marwo Kaltuun Guri Dowladeed iyo kharashkii ay ku dhisan lahayd, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka SAAB TV waxaanu haddalkiisa u dhignaa sidan :“Marwo Kaltuun waxeedii waanu dhammaynay Guri Dowladeed ayaa la siiyey kharashkii ay ku degi lahaydna waa la siiyey,annaga halkaas ayaa noogu dambaysay,wixii intaa ka dambeeyey maamulkaa kolba jooga inuu sida ugu haboon uga hawlgalo ayaa ila haboon.” Dhanka kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in aanu xog-ogaal u ahayn muran dhuleedka ka dhex alloosan marwo Kaltuun iyo qoyska Madaxweyne Biixi, balse wuxuu ku teliyey in arrinkeeda si hoose loo eego “Arrinkaa annigu kuma si dhex-dhicin lakiin annigu waan maqlayey inay dad is hayaan, kuma hoos dhaadhicin, laakiin waxa weeye,kolay Madaxweynihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Sharaf ayuu innaga muddan yahay, Marwadiisana in la qaddariyo oo arrinkaa hoos loogu daadego oo waxay ka cabanaysana la dhammeeyo ayaan qabaa.”Ayuu yidhi Geesta kalena Marwo Kaltuun Xaaji Daahir mar ay ka haddlaysa dhulkaas ayaa sheegtay” Illaa 2003dii Muusaw, Ka ugu Weyn ee i Haystaa Addiguu ahaa,Walli Kama Hadal Qofka igu Yidhaa Ma Muusaa, Dhul kugu haysta Waxaan odhan Jirrey Maya,Labadii Madaxweyne ayaa Dhulkan isiiyay dhinacaana, in aan Dego ayaa la,iisiiyay Dhinacaa kalena Aan Taarikhda Marxuumkii (Cigaal) dhigo Annigu iibsan Maayo Rarina Maayo Dhulka Hargeysa, Hargeysa Guryihii Shacabkana orod eeg Waattaa la boobaye intaad anniga i eegayso dad aan Gayin oo aan Somaliland abaal ku laheyn ayaa Abaal La,aan ku qaatey”. Ayey Tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadii Madaxweynihii Hore ee JSL. Source
