Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Haweeney Cusbitaal ku dhex guursatay ninkii ay jeclayd oo dhaawacan Arooska ka dhacay cisbitaalka Lamaane da’ yar oo ku nool magaalada Kirundo ee waqooyiga Burundi ayaa dad badan ka yaabiyay kadib markii ay aroos dhigteen inkastoo caruuska uu maalmo ka hor galay shil khatar ah oo cisbitaal lala jiifiyay. Charlotte Mukantwari iyo Gabin Ndayizigiye ayaa isku guursaday cisbitaalka ninkaasi lagu dabiibayo kadib markii ay mooto la dhacday 30-kii June. Haweeneyda ayaa cisbitaalka kula jirtay ninkaasi haasaawaha kala dhaxeeyay, waxaana qorshuhu ahaa inay aqal galaan 4-tii bishan July, iyagoona go’aansaday inay xafladda arooska u dhigtaan sidii ay ku ballameen. Mukantwari ayaa cisbitaalka la timid dharka arooska iyo baadarigii meherin lahaa, waxaana xafladda ka qeybgalay dad kooban. “Muddo badan ayaa sugayay maalintan. Dhibka ku dhacay Ndayizigiye ayaa ahaa fal sheydaan. Ma qiyaasi karo sida ay noolasheyda noqon lahayd haddii aanu arooska dhici lahayn,” ayay Mukantwari u sheegtay BBC laanta Gahuza. Dadka deegaanka oo layaaban go’aanka lamaanaha ayaa ku soo xoomay dhismaha cisbitaalka si ay u daawadaan xafladda arooska. Mr Ndayizigiye ayaa sheegay inuu aad ula dhacay go’aanka ay xaaskiisa ka qaadatay arooskooda, iyada oo aan hubin in mar dambe uu lugihiisa ku socon doono. Caruuska ayaa si kooban uga qeyb qaatay xafladda arooska, kadibna waxaa lagu celiyay sariirtiisa cisbitaalka. Qaran News
  2. Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gobolka Sanaag Ciidamada ammaanka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen nin hubeysan oo dhowaan dil ka geystay deegaanka Fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag. Ciidamada ayaa ninkaasi oo si aad loo doon-doonayey maalmihii u dambeeyey ku xidhay xabsi ku yaalla degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi. Dilka uu geystay ninka gacanta lagu dhigay ayaa sababay xiisad colaadeed oo u dhexeyso labo beelood oo maalmahan ka taagneyd halkaasi. Sidoo kale waxaa Ceel-Afweyn haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaal beeleedyada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag. Dhowan ayey aheyd markii ay Somaliland ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gobolkaasi, kuwaas oo loogu tala-galay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya Qaran News
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa inay ka furmaan dalka Jabuuti. Kulamadaasi oo ay ku balansanaayen Guddiyada farsamo ee labada dhinac inay dalka Jabuuti uga furmaan todobaadkii hore bilowgiisa si loogu sii ambo-qaado wada-hadallada labada dhinac ayaa gebi ahaanba qabsoomin. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxeysa in furitaanka wada-hadalladaasi ay dib u dhaceen muddo todobaad ah, isla markaana ay dib u bilaaban doonan todobaadyada soo socda. Dib u dhaca ku yimid kulamada wada-hadallada ayaa la rumeysan yahay inay horseed u yihiin xiriirada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku baadi-goobeyso aqoonsiga iyo xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeysa dowladda federaalka oo mar kale soo labo kacleysay. Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxiixday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’. Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay kulankii maalinta sabtida ee todobaadkii hore, inkasta oo dib looga balamay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda Somaliland.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid kasoo dareysa muddooyinkan dambe, xili ay labo toddobaad gudaheeda ay magaalada ka dhaceen qaraxyo xoogan, halka kuwo miino oo toban ku dhow lala beegsaday ciidamo kala duwan. Magaalada Muqdisho oo bilihii hore u muuqatay mid ka nasatay qaraxyada argagixisada ayaa bishan marti-gelisay qaraxyo dhowr ah, iyada oo qaarkood mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lala beegsaday, kaasi oo u dambeeyay midkii maanta lala eegtay Jeneraal Odowaa. Amni darada Muqdisho ee kasii dareysa ayaa sabab u ah habacsanaan dhanka Ciidamada ah, sida ay rumeysan-yihiin khubaro arrimaha amaanka. Feejignaantii ciidamada ayaa gebi ahaanba hoos u dhacday muddooyinkii dambe, iyada oo ciidamada qaarkood aaminsan-yihiin in xiligan ay adag tahay in qaraxyo loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, maadama ay qaraxyadu hoos u dhaceen bilihii hore. Kooxaha argagixisada ayaa iyagu laftigoodu fursad u arka habacsanaanta ciidan iyo hoos u dhaca ku yimid la dagaalanka ka dhanka ah, midaasi oo u fududeysay inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha magaalada. Khubarada amaanka ayaa sidoo kale rumeysan in wada-shaqeyn aan shaacsaneyn ay ka dhaxeyso kooxaha argagixisada iyo dhinacyo kale oo u fududeeya soo galinta qaraxyadaasi, wallow aan si rasmi ah loo sheegi karin. Amaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid kasii daraya muddooyinkan dambe, iyada oo dilal qorsheysana ay ka dhacaan magaalada, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsanayo dad kala duwan.
  5. The head of Somalia’s military escaped unhurt and one civilian was killed on Monday when a suicide attacker drove a bomb-laden car into a convoy in the capital Mogadishu. The al-Qaeda-linked al-Shabab group said it was behind the attack. General Yusuf Rage was in the convoy near a military hospital in Mogadishu’s Hodan district when the blast struck, Colonel Abdiqani Ali, a military spokesman, said. “The commander’s guards opened fire on the suicide car bomb as it speedily tried to swerve into the convoy. The bomber was shot dead and his car bomb exploded. The commander and his guards escaped unhurt,” he said. Mogadishu’s Aamin Ambulance service said it collected the body of one civilian. Half a dozen others were wounded but it was unclear how severely. General Rage was appointed last August at the age of 32, making him the youngest army chief in Somalia’s history. ‘Martyrdom operation’ Al-Shabab’s military operations spokesman Abdiasis Abu Musab said in a statement: “We conducted a martyrdom operation in Mogadishu. The target was a military convoy escorting senior apostate commanders.” Since 2008, the armed group has been fighting to overthrow the central government and establish its rule based on its own harsh interpretation of Islamic law. Al-Shabab was driven out of Mogadishu by government forces backed by 20,000 African Union peacekeepers in 2011. But the group still controls swaths of territory outside the cities and carries out numerous attacks, particularly suicide bombings, against government and international targets.
  6. Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe. Qoraalka Codsiga ah ayaa lagu sheegay in Amni ahaan aysan ku habboonayn Xarunta uu hadda ku shaqeeyo Golaha Baarlamanka maadaama ay ku dhex taallo gurya ay deggan yihiin Dad Shacab ah sidaas darteedna ay tahay in Goluhu helo Xarun ka baxsan gudaha Magaalada. Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana Xarun kale la raadiyo Xarun kale oo ka baxsan gudaha Magaalada. Kulankii Maanta oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa. Mudadii ay socotay Doodda iyo Codaynta Qoraalka Codsiga ah ee Guddoonka Golaha Wakiiladu uu Xildhibaannada kaga dalbanayey in ay iibsadaan xaruntooda waxaa Golaha bannaanka looga ceyriyay Dhalinyarada Muuqaallada u duubta Baarlamanka si looga taxaddaro in aysan bixin Xogta. Waxaase xusid mudan in aysan weli Guddoonka Baarlamanku shaacin halka ay Xarun cusub ka dhiganayaan maadaama ay ansixiyeen in ay iibsadaan Xaruntooda ay haatan ku shaqeeyaan. PUNTLAND POST The post XOG: Baarlamanka Puntland oo ansixiyay in ay iibsadaan Xaruntooda appeared first on Puntland Post.
  7. Saldhiga dhexe Garowe Askari ka tirsan Booliska Puntland ayaa maanta galinkii dambe oo Isniin ahayd dhaawacay labo maxbuus oo ku xirnaa saldhiga bartamaha magaalada Garowe. Labo wiil oo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa maxaabiis ku xirnaa qol sheelo ah ayaa indhaha dhaawac ka gaaray, markii askari ka tirsan ilaalada saldhiga uu xabad uga dusiyay albaabka oo ay taagnaayeen, kadib hadalo ay isdhaafsadeen. Labada maxbuus oo indha firirkii xabadu ka gashay ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, iyadoo markii dambe mid ka mid ah loo qaaday Isbitaalka Indhaha ee Dr. Cabdicasiis. Tacadiyada loo geysto maxaabiista ayaa ahayd mid horey uga jirtay Puntland, balse waxaa ugub ah in rasaas nool loo adeegsato. Askarta ka howlgasha saldhigyada Puntland ayaa ah kuwa aan u tababarnayn sida loola dhaqmo maxaabiista iyo dadweynaha ay u adeegayaan. PUNTLAND POST The post Garowe: Maxaabiis la dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  8. Madasha Xisbiyada qaarkood ay ku mideysan yihiin ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed isla markaasna uu xubin ka yahay Madaxweynihii hore Xasan Sheikh [...] The post Madasha Xisbiyada oo soo dhaweysay Go’aamadii kasoo baxay Dhuusamareeb appeared first on . Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u socday madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo diirada lagu saarayey arrimo ay kamid tahay doorashooyinka dalka. Shirkaasi ayaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah, kuwaasi oo si cad loogu sheegay in marnaba la aqbaleyn muddo kordhin, isla markaana xiligeeda lagu qabto doorashada. Mursal Saney oo ka tirsan Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay war-murtiyeedkaasi iyo waxa uu ka badali karo jahwareerka siyaasadeed. Saney ayaa ugu horeyntii war-murtiyeedkaasi soo dhaweeyay, isagoona ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahna, maadama uu si gaar ah u abaarayo arrinta doorashada oo xiligan taagan. Waxa kale oo uu sheegay in go’aan bogaadin leh ay tahay in madaxda maamuladu si wada-jir ah usoo jeediyaan in doorashada waqtigeeda la qabto, taasi oo looga baaqsanayo qalaalase siyaasada iyo xad-gudub dastuur, sida uu horeba u sheegay Ra’iisal wasaare Kheyre. Saney ayaa xusay in go’aanka madax goboleedyada uu ka dhiggan yahay xiligan aysan dhici karin doorasho ‘qof iyo cod ah’, midaasi oo qeyb ka aheyd war-murtiyeedkii madaxda maamuladu oo iyagu sheegay in loo baahan-yahay in hanaan kale laga wada-tashado. Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligan ay madaxda dowladda federaalka la gudboontahay inay aqbalaan dalabka madaxda maamulada ee ku aadan qabsoomida doorashada, iyada oo laga qeyb galinayo Aqalka sarre ee Baarlamaanka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxda maamulada dalka ayaa ku biiray cadaadiska xoogan ee madaxda dowladda lagu saarayo in xiligeeda ku qabsoomto doorashada, iyada oo laga baaqsanayo waxkasta oo keeni kara muddo kordhin. War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale u muuqda mid muujinaya isku soo dhawaanshaha madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, xili muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneyd xiisad culus.
  10. Srebrenica (Caasimada Online) – Dadka dalka Bosnia ayaa xusay xasuuqii magaaladda Srebrenica loogu geystay ku dhawaad 8,000 oo rag Muslimiin ah, iyagoo dhigay sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay kolkii uu dhacay xasuuqii argagaxa geliyey aduunyada oo dhan, isla markaana noqday xasuuqa keliya ee Europe ka dhacay kaso-koow dagaalkii labaad ee dunida. Xasuuqa waxaa ka dambeeyay oo geystay ciidankii Serbia ee uu hoggaaminayey Taliye Ratko Mladić. Garyaqaano caalami ah oo baaritaan xasuuqa ku sameeyay ayaa dilkaas waxaa ay markii dambe u aqoonsadeen xasuuq.. Kala-sooc laga sameeyay Yugoslavia sanadkii 1991-kii ayaa koonfur-bari iyo bartamaha ayaa Yurub ka abuuray khalalaase, kaasi oo keenay dagaallo dhex maray qowmiyado sanadihii ka dambeeyay 1991-kii. Fowdada ka dhanka ah Muslimiinta Bosnia intii uu socday xasuuqii Srebrenica waxaa ay ka dhalatay khilaafka gobolka. Sida ay sheegeen cilmi-baareyaashu, xasuuqu waxaa uu ahaa kii ugu darnaa ee dad rayid ah loo geysto tan iyo xasuuqii Yahuudda. Dagaalkii Bosnia ee dhacay intii u dhaxeysay 1992-dii iyo 1995-tii, waxaa uu ahaa waqi barakac iyo isir-sifeyn ay ciidanka Bosnia ugeysteen Muslimintii Bosnia iyo dad asalkoodu kasoo jeeday Croatia oo degenaa Bosnia. Intii uu dagaalku socday, xasuuqii Srebrenica waxaa uu billowday July 11, 1995-kii, markii Taliye Ratko Mladić uu qabsaday magaaladda Srebrenica. Kumanaan qoysaska Muslimiinta Bosnia ah ayaa isku deyay in ay magan-galaan guuto ciidan ah oo ka socday Netherlands, kuwaas oo ka tirsanaa howlgal ay Qaramadda Midoobay hoggaamineysay, iyagoo aaminsanaa in ay meesha ay ciidankaasi maamulaan ay tahay goob ammaan ah. Ciidanka Netherlands ka socday waxay ku guul darreysteen in ay joojiyaan dilka loo geysanayay dadkii muslimiinta ahaa. Cilmi baareyaashu waxay sheegeen in howlgalka Qaramadda Midoobay uu aad ugu guul darreystay ilaalinta Muslimiintii Bosnia, taas bedelkeedana ay wiilal yar-yar iyo dad waa waa-weyn u gacan geliyeen ciidanka Bosnia, iyagoo og in la dili doono. Goobtii ammaanka ahayd waxay markii dambe gacanta u gashay ciidanka Bosnia, kadib markii ciidankii Netherlands ay is-dhiibeen. Qaar cilmi baareyaasha ka mid ah waxay rumeysanyihiin in 8,000 oo Muslimiin ah la dilay in uu xasuuqu socday oo ahayd labo todobaad. Caruur keliya ma ahayn, wilal da’ yar iyo rag kale ayaa lala soo wareegay si loo xasuuqo. Gumaadka waxaa sidoo kale la socday xad-gudubyo ka dhan ah haweenka, gabdho ayaa lala wareegay si loo kufsado. Xasuuqii kadib gabdhihii iyo haweenkii waxay sheegeen in ciidankii Qaramadda Midoobay aysan difaacin. Waxaa jira dad ka badbaaday oo ka sheekeeyay sida ay ciidankii Bosnia ugu qasbeen Muslimiinta ay xabaalahooda qotaan kadibna ay dileen. 25 sano kadib, meydka dhibaneyashii ayaa weli laga helaa xabaal wadareedyo. Garyaqaanadda Dambiyadda Caalamiga ah ee Yugoslavia-yadii hore oo baarayay dambiyo dagaal oo dhacay intii ay socdeen dagaaladdii Balkans-ka 1990-maadkii, waxayna ogaadeen in ciidanka Bosnia ay sameeyeen dadaallo ay meesha uga saarayaan xabaal wadareedyadda si ay u qariyaan xaddiga dilka iyo dambigu la egyihiin. In meydadkii lasoo saaray waxay adkeysay in la aqoonsado dhibaneyaasha, baaritaankuna waxaa uu muujiyay in meyd haraagiis laga helay xabaalo kala duwan. Garyaqaanadu waxay sheegeen laynta muslimiintii Bosnia loo fekeray, isla markaana si gaar ah loo qorsheeyay. Sanadkii 1995-kii, Garyaqaanada Dambiya Caalamiga ah waxaa ay cadeeyeen in hoggaamiyihii ciidanka Bosnia Ratko Mladić iyo Radovan Karadžić oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Srpska ay galeen dambiyo dagaal oo ka dhan ah Muslimiintii Bosnia. Kadibna Xogahayihii Guud ee Qaramadda Midoobay Kofi Annan ayaa warbixintiisii xasuuqii Srebrenica ee 1999-kii waxaa uu gaworshiyo ka bixiyay guul daradda Qaramada Midooday ee ah in ay ilaalin weysay dadkii rayidka ahaa ee la xasuuqay waxuuna yiri “Musiibadda Srebrenica waxay weligeed ka muuqan doontaa tariikhda Qaramada Midoobay.” Dalka Netherland, guul daradii ay soo hooyeen guutadii Dutchblat iyo warbixino la xiriira qaybtii ay ciidanku ku lahaayeen fowdadii Bosnia ayaa keentay in Dwladdu ay baaritaan sameyso sanadkii 1996-kii. Warbixin la daabacay todobo sano kadib ayey Dowladdu ku qiratay guul daradii howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sidoo kale qiratay mas’uuliyiintoodii in ay awoodi waayeen in ay dhibaneyaasha ilaaliyaan, intii uu xasuuqu socday. Bishii March sanadkii 2003-dii Bosnia iyo Herzegovina waxay billaabeen baaritaan ku saabsan xasuuqii Srebrenica, iyagoo aad ugu tiirsan wixii ay soo heleen Garyaqaanadda Dambiyada Caalamiga ah ee Yugoslavia, taasi oo sanadkii xigeyna ay soo gabangabeeyeen. Dowladda Bosnia waxay qiratay in lagu kacay dembi ka dhan ah Muslimiintii Bosnia. Toban sano kadib xasuuqii, sanadkii 2005-tii, Aqalka Wakiiladda Mareykanka waxay meelmariyeen qaraar, ay Srebrenica ugu aqoonsadeen gumaad. Bishii March 2016-kii, Rodovan Karadžić, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Srpska, ayaa waxaa dambi ku helay Garyaqaanada Dambiyada Caalamiga ah, waxaana lagu xukumay 40-sano oo xabsi ah. Sanad kadib bishii November 2017-kii Ratko Mladić ayaa isna lagu helay dambi gumaad ah, dambi dagaal, iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in. July 11, 25-sano kadib, xuska waxaa lagu qabtay magaaladda Srebrenica, iyadoo la xasuustay dadkii dhibaneyaasha ahaa ee la xasuuqay. Intii munaasabadu socotay, sagaal meyd oo dhawaan la aqoonsaday ayaa xabaalaha Potocari lagu aasay. Waxaa isu-soo baxay dadkii baroor-diiqayey, hadana isku dhawaanshaha waa la xadiday Coronavirus dartiis. Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa sidoo kale soo saaray qoraallo ay ku xasuusanayaan xasuuqii Muslimiina. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah cilmibaareyaasha, siyaasiyiin badan oo reer Serbia ah iyo muwaadiniintu ma ogola in xasuuq loogu yeero dadkii la laayey.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-haben-13072020-ook.mp3 View the full article
  12. MINNEAPOLIS - The City Council’s Budget Committee will hold two public hearings, July 14 and 22, on proposed revisions to the City’s 2020 budget. The City is facing approximately $156 million in projected revenue losses because of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay aqbaleen ka qeyb-galka wajiga labaad ee shirka madaxda dowlad goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb. Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in labada masuul ee ugu sareysa dalka ay aqbaleen dalabkii ugu yimid madaxda dowlad goboleedyada ee ahaa inay kasoo qeyb galaan shirka, si looga wada wadatashado arrimo ay ugu horeyso doorashada dalka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in berri uu gaaro magaalada Dhuusamareeb, si shirka ka socda uu ugu biiro, waxayna wararku intaas ku darayaan in madaxweynuhuna uu ku wajahanyahay Dhuusamareeb, balse uu ka dambeyn doono Ra’iisul Wasaaraha. Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen wajigii koowaad ee shirka uga socda Dhuusamareeb waxay madaxda dowladda federaalka uga dalbadeen inay kasoo qeyb-galaan wajiga labaad ee shirka, si looga wadatashado arrimaha masiiriga u ah dalka. Warka ka soo baxay shirka madaxda dowlad goboleedyada waxaa soo dhaweeyey guddoomiyaha Aqalka Sare iyo qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka, iyadoo xisbiyada qaarna ay madaxda dowladda federaalka ugu baaqeen inay ka qeyb galaan wajiga labaad ee shirka ka socda Dhuusamareeb.
  14. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen Guddiga qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga. Shirka ay isugu yimaadeen Guddigu heer Federaal ayey uga hadleen keenista meydka iyo aaska qaran ee lagu maamuusayo Marxuum Xasan Abdhir. Dowladda ayaa go’aamisay in mudda saddax maalin ah calanka hoos loo dhigo si loogu baroor diiqo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasn Abshir Faarax oo qeyb muhiim ah ka qaatay dib-u-yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Guddiga qabanqaabada yaa sheegay in meyska marxuumka uu dalka iman doono berri ama saadambe, lagu aasi doono Garowe. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo go’aamisay in Saddex maalin Calanka hoos loo dhigo appeared first on Puntland Post.
  15. Khartoum (Caasimada Online) – Sudan ayaa u ogolaan doonta dadka aan Muslimka ahayn inay cabi karaan khamriga, waxayna sidoo kale baabi’isay sharci dhigayey in la dilo qofka ka baxa diinta Islaamka, waxaa sidaas sheegay wasiirka cadaaladda. Is-bedelladan sharciyeed ayaa yimid sanad kadib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Islaamiga kali-taliska ahaa ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo iscasilay kadib dibadbaxyo xooggan. “Sudan waxay hadda u ogoshahay dadka aan muslimka ahayn inay cabi karaan aalkolada, ayada oo shuruurdda ay tahay inaysan waxyeeleyn nabadda, sidoo kalena aysan ku cabin goobaha dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Nasredeen Abdulbari oo wareysi siiyey taleefishinka dowladda, Axaddii. Inkasta oo diinta Islaamka ay ka mamnuuceyso Muslimiinta inay khamriga cabaan, haddana Sudan oo dadkeeda badankood ay yihiin Muslimiin, ayaa waxaa ku nool dad aan Muslim ahayn oo dalka u dhashay. Abdulbari, oo ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay inaysan hadda kadib dambi ahayn in qofka uu ka baxo diinta Islaamka, oo uu qaato diin kale. “Cidna xaq uma lahan inay qof kale ama koox kale ku eedeyso inay gaalo yihiin…tani waxay halis ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada bulshada, waxayna hoggaamineysaa dilal aargoosi ah,” ayuu yiri. Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ee beddeshay Al-Bashiir ayaa sameysay isbedello dhowr ah, waxaana dastuur ku-meel gaar oo saddex sano ah oo ay qaadatay uu ka tegay inuu diinta Islaamka ku qeexo tan ramsiga ah ee dalka. Xogta dowladda ayaa muujineysa in kaliya saddex boqolkiiba dadka gaaraya 40-ka milyan ee Sudan ay yihiin Kirishtan, hase yeeshee hogaamiyayaasha Kirishtanka ayaa ku doodaya inay tirada intaas ka badan tahay. AFP + VOA
  16. Sudan ayaa u ogolaan doonta dadka aan Muslimka ahayn inay cabi karaan khamriga, waxayna sidoo kale baabi’isay sharci dhigayey in la dilo qofka ka baxa diinta Islaamka, waxaa sidaas sheegay wasiirka cadaaladda. Is-bedelladan sharciyeed ayaa yimid sanad kadib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Islaamiga kali-taliska ahaa ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo iscasilay kadib dibadbaxyo xooggan. “Sudan waxay hadda u ogoshahay dadka aan muslimka ahayn inay cabi karaan aalkolada, ayada oo shuruurdda ay tahay inaysan waxyeeleyn nabadda, sidoo kalena aysan ku cabin goobaha dadweynaha,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Nasredeen Abdulbari oo wareysi siiyey taleefishinka dowladda, Axaddii. Inkasta oo diinta Islaamka ay ka mamnuuceyso Muslimiinta inay khamriga cabaan, haddana Sudan oo dadkeeda badankood ay yihiin Muslimiin, ayaa waxaa ku nool dad aan Muslim ahayn oo dalka u dhashay. Abdulbari, oo ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay inaysan hadda kadib dambi ahayn in qofka uu ka baxo diinta Islaamka, oo uu qaato diin kale. “Cidna xaq uma lahan inay qof kale ama koox kale ku eedeyso inay gaalo yihiin…tani waxay halis ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada bulshada, waxayna hoggaamineysaa dilal aargoosi ah,” ayuu yiri. Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ee beddeshay Al-Bashiir ayaa sameysay isbedello dhowr ah, waxaana dastuur ku-meel gaar oo saddex sano ah oo ay qaadatay uu ka tegay inuu diinta Islaamka ku qeexo tan ramsiga ah ee dalka. Xogta dowladda ayaa muujineysa in kaliya saddex boqolkiiba dadka gaaraya 40-ka milyan ee Sudan ay yihiin Kirishtan, hase yeeshee hogaamiyayaasha Kirishtanka ayaa ku doodaya inay tirada intaas ka badan tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis quseeyo qaadista canshuuraha labada maamul ka shir dhacay magaalada Gaalkacyo, ee gobolka Mudug. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda maamullada Galmudug iyo Puntland, xubno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga, waana markii ugu horeysay oo cilaaqaad nuucaan ah uu dhex maro Agaasimaha Guud Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug Cumar Xasan Xaaj ayaa sheegay in Heshiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista qaadista canshuurta labada dhinac. Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi Warsame Ibraahim iyo Mukhtaar Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhaqangalinta heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Waxaa muuqata in Hadalada kasoo yeeray Wasiir Goodax in hada laba iska daayay in loo jawaabo, laakiin Waxaan ugu soo celinaynaa Cajaladaan oo. Jawaab ugu [...] The post Goodax waa ilowsho dhowdahay ee Markale daawo Jawaabtii Madaxweyne Deni appeared first on . Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa ayaa war kasoo saaray heshiiska ay shalay gaareen Xisbiyad mucaaridka iyo xukuumada Somaliland. Danjire Stuart Brown ayaa sheegay inay dowlada Ingiriisku ay soo dhaweynayso heshiiska ay xisbiyada iyo xukuumadu ka gaaren khilaafkii dabada dheeraaday ee qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Mr. Brown ayaa tallaabadaasi ku macneeyay mid hore loogu qaaday qabsoomida doorashada oo uu khilaaf badan ka taagna muddooyinkii dambe. Danjiraha ayaa sidoo kale is-dul taagay heshiiskaasi oo uu sheegay inuu cadeynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudeynta waqtiga kama dambaysta ah ee doorashada. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa shalay kala saxiixday heshiis cusub oo xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka, midkaasi oo si rasmi ah u badalaya midkii ay wada-gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan.
  20. MOGADISHU (HOL) - Somali military chief Monday survived a targeted bomb attack in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan ee ka jira dalka. Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahayeen Shahadada radmiga ah. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka sheekaysay sida ay ugu dedaaleen in la helo Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee la xariirta doorashada iyadoo hay’adaha ku shaqada leh aan kaga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuruucdaas. Sidoo kale Gudoomiye Xaliima ayaa ka codsatay in Xsbiyadu ay dhankooda muujiyaan isku duubni ku aadan in dalkaanu uu ka baxo doorashooyinka dadban, iyadoo sidoo kale ka dhawaajisay in Soomaaliya ay 50 sano ka hor ay ka dhacday doorasho qof iyo cod ah iyadoo intaan ka qibrad yar. Ugu danbayn Xisbiyada ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aala waydiiyay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyadoo Komishineerada Guddiga ay kaga jawaabeen su’aalaihii la waydiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug intii u dhaxaysay 11-12 July 2020: Halkan Ka Daawo Baaqii Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka amniga Galmudug ayaa ka hadlay arrinka doorashooyinka, isagoona ka digay qorshe lagu rabo muddo kordhin oo la sheegay inay waddo Villa Somalia. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in haddii doorashada lagu qaban waayo xiligeeda ay khatar badan ka dhalan karto, midaasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo baahsan. Wasiirka ayaa xusay in muddo xileedka madaxda dowladda federaalka uu yahay Afar sano oo aysan xaq u laheyn inay hal maalin xataa ku darsadaan, maadama uu muddo xileedkoodii ka dhamaaday. Fiqi ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha Villa Somalia ay ku rabto inay ku qabsoomto doorasho ‘qof iyo cod’ ah, taasi oo uu sheegay inay waqti u baahan tahay, isla markaana aan xiligan lahayn dad diiwaan gashan oo codeyn kara. Wuxuuna si cad u sheegay inay dastuurka ka hor imaneyso inay codeeyan dad aan diiwaan gashaneyn, maadama aan hore looga diyaar garoobin arrinka tarakoobkaasi. Wasiir amniga Galmudug ayaa ku cel-celiyay inay muhiim tahay in xiligeeda ay ku dhacdo doorashadu, taasi oo looga baaqsan karo xaalad cakiran oo suurtagal ah inuu dalku galo. Wuxuuna ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in marnaba madaxda dowladda federaalka ee talada dalka haysa aan laga aqbaleyn muddo kororsi aan sharci aheyn.