-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gelinsoor (Caasimadda Online) – Shan ruux oo loo heystay iney ka dambeeyeen kufsi ka dhacay degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta lagu riday xukunno kala duwan. Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybteda magaalada Cadaado ayaa shan ruux oo ay haweeney ku jirto lagu maxkamadeeyay, mid ka mid ah afarta ragga ah ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falka kufsiga loogu gesytay Hodan Maxamed Diini halka haweeneyda lagu eedeeyay iney shirqooshay gabadha la kufsaday. Cali Daahir Cali ayaa qirtay inuu ku lug lahaa falkaas isla markaana ay muddo wada socdeen gabadha la kufasaday, halka Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur ay ka dhaarteen iney falkaas geysteen. Sheekh Maxamudu Guuleed Keynaan oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybta Cadaado ayaa afarta eedeysane ee iska fogeeyay falka ku xukumay min 6-bilood oo xarig ah halka eedeysanaha qirtay lagu xukumay Jeedal, masaafurin iyo 44-dago oo meher ah.
-
Mogadishu (HOL) - A significant figure in Somali politics for nearly five decades, former Prime Minister Hassan Abshir Farah has passed away in Turkey. He was 75 years old. Source: Hiiraan Online
-
Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa markale ka hadashay xiriirka iyo heshiiska cusub ee dhawaan kala saxiixday Taiwan iyo Somaliland, kaasi oo si weyn uga careysiiyay. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa Taiwan ku eedeysay inay wiiqeyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, maadama ay xiriir toos ah la sameysatay Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal madax-banaa, balse loo aqoonsan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya. Zhao Lijian ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uu sii wadayo xiriirka uu la leeyahay dawladda Soomaaliya, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedaan xad-gudubka diblumaasiyadeed, sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka ayaa markale ku celiyay siday ay dowladda Shiinuhu uga soo horjeedo xiriirkaasi cusub, isagoona sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn xafiis rasmi ah ama wax xiriir is-dhaafsi dawladnimo oo dhex-mara Taiwan iyo Somaliland. Heshiiska cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha, oo u arka xad-gudub, maadama ay labada dhinaca ku doodayaan inay si rasmi uga tirsan yihiin. Shiinaha ayaa cadaadiska diblumaasiyadeed ku haya madax-banaanida ay rabto Taiwan, midaasi oo sababay inay xiriir la yeelato 15-dal oo keliya, oo adduunka ka mid ah iyada oo ay dib uga laabteen dalal badan oo hore u aqoonsaday.
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Allah u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka, Xasan Abshir Faarax. ”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.” Marxuum, Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2003, waxaana sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Security agencies in Bala’d town have arrested a suspected Al-Shabaab operative who disguised himself as a woman with intend of carrying out attacks in the town. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka, Xasan Abshir Faarax. ”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.” Marxuum, Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaan ahaan Galmudug, haatana ka mid ah Xildhibaanada jooga magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Galmudug ay tahay gigoshii umadda Soomaaliyeed. Mustaf Dhuxulow ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ay gaarto maqam sare oo lagu soo hirto, waxa uuna sheegay in 7 bil ka hor Dhuusamareeb aysan sidaan marti qaad u samayn karin. “Waxaan aad ugu faraxsanahay gogosha taalo Dhuusamareeb, oo maamul Goboleedyada lagu marti qaaday, in Galmnudug ay Noqoto Gogoshii Umada Soomaaliyeed waqti badan ayay qaadatay ugu danbyn waa lagu guulestay,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo ah xildhibaanadii waqtiga u huray dhismaha Galmudug. Sidoo kale Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaano maalmo ka hortagay magaalada Dhuusamareeb, si xal nabadeed looga gaaro gogosha taalo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii waqtiga badan galiyay dhismaha Galmudug Xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan sheekh, waxaana lagu Xasuustaa Mustaf Dhuxulow, Mahad Maxamed Salaad, C/raxmaan Odowaa iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo noqday madaxweynaha Galmudug in magaalada Cadaado oo xiligaas ay ku shaqaynaysay Dowladii Galmudug ee Xiligaas jirtay in ay Bilooyin fadhiyeen si ay halkaas uga soo saaraan maamul Galmudug oo loo dhanyahay oo lagu midaysan yahay, Walow markii danbe ay ku guuleesteen dadaalkoodii ahaa Galmudug oo mid ah. Cabdixakiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com Tel: +254-711830393
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay qarax miino ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo ay wehliyaan saraakiil Mareykan ah. Qaraxa kadib ayaa lagu soo warramayaa in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo uu khasaare kala duwan uu ka soo gaaray labada dhinac. Ciidamada la weeraray ayaa ka amba-baxay deegaanka Janaale, waxaana ay ku sii jeedeen tuulooyin hoos-yimaada deegaankaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. View the full article
-
Allah unaxariistee waxaa goordhow magalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Allah unaxariistee marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanaa isbitaal yaalla ku dalkaasi, isaga oo ugu dambeyn maanta halkaas ku geeriyooday. Allah unaxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa noqday ra’iisulwasaaraha dowladda Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadkii April 2001 ilaa 2003-dii, oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Cabduqaadis Salaad Xasan, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xisbiyada ka jira Somaliland ayaa maanta heshiis cusub oo ku aadan arrimaha doorashooyinka maamulkaasi ku gaaray gudaha magaalada Hargeysa. Hoggaanka saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi. Sidoo kale heshiiskan ayaa bedalaya kii ay horey u wada gaareen xisbiyadaasi 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkan 2020-ka. Qodobada xasaasiga ah ee ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:- Valueimpression Placeholder 1: In Guddiga doorashooyinka ay u madax bannaan yihiin Gudashada wajibaadkooda ku aadan howlaha doorashooyinka. 2: Xubnaha Guddiga doorashooyinka ay ka koobnaan doonaan Saddex Xusbnood oo ka socda Beesha Caalamka iyo Xubnihii guddigii hore ee doorashooyinka marka laga reebo labada xubnood ee kuwa hadda jira lagu daray. 3: In Guddiga doorashooyinka ay kusoo diyaariyaan waqtiga doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo kuwa degaanka muddo ku sima 14 Cisho , iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinka qabsoomaa sanadkaan 2020. 4: in kuraasta Gobolada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii ay u dhaceen doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005. 5: Saddexda Xisbi waxaa ay ku heshiiyeen in torakoob qaran laga sameeyo guud ahaan degaannada Somaliland kadibna la qabto Doorashada Golaha Wakiilada Soomaaliland. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Marxuum Xasan Abshir Faarax Allaha u naxariistee Ra’iusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga. Xasan Abshir Faaraxa oo 75 sano jir ahaa ayaa sida la sheegay u geeriyooday cudruka Kansarka oo muddooyin dambe u xanuun sanaa. Taariikh nololeedkiisa oo kooban Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu ahaa rugcadaa siyaasadeed oo kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha iyo taabbo-gelinta dowlanimada Soomaaliya, isagoona manaasib kala duwan kasoo qabtay Dalka. Xasan Abshir wuxuu 1945-kii ku dhashay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, noloshiisii hore badi wuxuu ku qaatay Muqdisho, halkaas oo uga dambeyn uga baxay waxbarashadiisa Dugsiga Sare 1965-kii. Xasan waxa uu dhameystay waxbarashadiisa kale ilaa midda jaamacadda intii u dhaxeysay 1965-1986. 69-1969 wuxuu ahaa Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya 1973-1982 wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir. 1982-1987 wuxuu ahaa Duqa Muqdisho 1988-1989 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe. 1989-1990 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool 1990-1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Japan 1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Germany 1999-2000 wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland. 2001-2003 wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya 2004-2006 wuxuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya. 2001- 2015 wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya oo geeriyooday iyo taariikhdiisa oo kooban appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud lagu soo gaban gabeeyey dhageysiga dacwad rag lagu eedeeyey in ay lug la haayeen kufsi ka dhacay deegaan hostaga degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, eedeeysanayaasha ayaa ah shan ruux oo mid kamid ay tahay haweeneen lagu soo oogay ku lug lahaansho. Eedeysanayaasha ka soo muuqday maxkamadda ayaa magacyadooda lagu sheegay Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur iyo Cali Daahir Cabdi oo qirtay falka waxaana Afarta ragga ah lagu helay inay kufsi wadareed duleedka Galinsoor u geysteen Hodan Maxamed Diini. Maxkamadda ayaa sidoo kale xuku ku riday ruuxa halka haweey ah ah, taas oo xeer ilaalintu ku soo eedeysay in ay soo ka xeysay Hodan Maxamed Diini, oo ah ah ruux dhibahana ah oo ay soo shirqooshay iyaduna ay keentay halka ay afarta rag ay ku kufsadeen, makamadda magaalada Cadado ay ku riday xukunno kala duwan eedeysanayaasha. Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Galgaduud ee magaalada Cadado Sheekh Maxamed Guuleed Keynaan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kii qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal, masaafurin iyo 44-dago Ari ah oo ah meherkii Gabadha dhibku soo gaaray sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud Sheekh Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday Turkiga, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaasi. Marxuumka oo ahaa 75 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa xilka ra’iisul wasaaraha soo qabtay intii u dhexeysay 2001-dii illaa 2003-dii, xilligaas oo ay jirtay dowladdii C/qaasim Salaad Xasan. Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka dhismay dalka, kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka. View the full article
-
Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda. “Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku. Mudane, Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay ku dileen deegaankaasi askari ka tirsanaa ciidamada dowladda. Dilka ayaa waxaa xigay is-rasaaseyn kooban oo dhex-martay askari kale oo la socday marxuumka la dilay iyo kooxihii hubeysnaa. Guddoomiyaha waaxda afaraad ee deegaanka Garasbaaley, Maxamuud Xaashi Cali oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska hor imaadka dambe lagu khaarijiyey mid ka mid ahaa ragii toogashada u geystay askariga, halka kuwa kalena ay baxsadeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhaawac soo gaaray askariga la dagaalamay kooxda hubeysan ee dilka ka geysatay duleedka Muqdisho. Inta badan ciidamada dowladda ayaa weeraro gaadma ah kala kulama dagaalyahanada Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Istanbul (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhow ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa. Allaha u naxariistee Xasan Abshir ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey dalka Turkiga halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday. Xasan Abshir ayaa Ra’isulwasaare kasoo noqday Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Marxuum Xasan Abshir ayaa sidoo kale waqti dheer ahaa duqa Muqdisho xiligii Kacaanka. Wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan. Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.
-
Former Puntland state president Mohamed Abdi Hashi has died at a hospital in Nairobi, the capital of Kenya following an illness. The late leader has served as president of Somalia’s northeastern Federal State between October 2004 and 8 January 2005. The current leader Said Deni has extended his heartfelt condolences to the people of Somalia in general and Puntlanders in particular over the death of the founding father. The Puntland presidency announced 3 days of mourning and lowered its flag to half-mast to honor the deceased ex-president. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka. Heshiiska rasmiga ah ee laga gaadhay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo gacantooda ku saxeexeen madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha xisbiyada UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe iyo WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa u dhignaa sidatan: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is-rasaaseyn maanta dhex-martay askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo dil ka geystay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda ay dileen kooxda hubeysan, kadibna ay xigtay is-rasaaseyn dhexmartay askari kale oo la socday midka la dilay iyo ragga hubeysan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga toogtay askariga isna lagu dilay iska hor imaadka dambe, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray askari la dagaalamay kooxdaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano ka bilaabay halkaasi Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdaaasi. Ciidamada dowladda ayaa inta badan weeraro gaadma ah kala kulama kooxda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-12072020.mp3 View the full article
-
Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee Somaliland oo saxiixaya heshiis ay gaareen Xisbiyada Somaliland ayaa maanta oo Axad ah heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Deegaanka iyo Wakiillada. Saddexda Xisbi ee Somaliland, Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa ku heshiiyey in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dhacaya sanadkan 2020, lagu galo nidaamkii 2005. Sidoo kale xisbiyada Somaliland ayaa ku heshiiyay in guddigii doorashadii hore ay la-taliyeyaal farsamo u noqdaan Guddiga cusub. Heshiiskan waxaa saxiixay Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro. Doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland iyo Guddiga doorashooyinkaas ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku muran sanaa xisbiyada Somaliland. Hoos ka akhriso heshiiska saddexda xisbi PUNTLAND POST The post Somaliland: Heshiis laga gaaray habka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiillada appeared first on Puntland Post.
