-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Khayre ayaa ku biiraya madaxweynahayaasha maamul goboleedyada ee ku sugan halkaasi, kadib markii uu soo dhammaaday wejiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb. Wejiga labaad ee shirkan oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka ayaa waxaa lagu marti qaaday madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu khamiista soo socota tagi doono halkaasi. Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo horey u baaqday ayaa haatan wuxuu qorshuhu yahay inuu ka dhaco caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo xubno katirsan Golihiisa xukuumada ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wefdigiisa ayaa sida la xaqiijiyay gelinka dambe ee Maanta ku soo wajahan Dhuusamareeb waxaase ka soo horreeya xubno hordhac u ah Wefdigiisa oo galinka hore tegi doona halkaas. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uuka furmi doono Shir u dhexeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa Qodob kamid ah waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha looga codsaday in ay ku soo biiraan Wejiga labaad ee Shirka oo Dhuusamareeb ka furmaya. Magaalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka waxaana la sugayaa in maalmaha soo aaddan uu halkaas ka furmo Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Dalka. Shirka waxaa ugu muhiimsan oo looga arrinsanayaa Arrimaha Doorashooyinka soo socda iyo Marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Dhuusameeb appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo, waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagay tifaftiraha guud ee Goobjoog ahna agaasime ku-xigeenkeeda Cabdicasis Axmed Gurbiye. Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay qaado dacwadda weriyaha oo dhowr jeer hore dib ugu dhacday sababo farsamo. Kiiska loo heysto weriye Gurbiye, oo saxaafadda u taqaanno “Kiiska guurguura”, waxaa markii hore ay eedeyntu aheyd qodobka 220 ee xeerka ciqaabta oo ah sharaf dilka madaxweynaha jamhuuriyadda waxaase muuqata in hadda la badalay oo laga dhigay qodobbada 269 iyo 328 ee isla xeerkaas oo ka hadlaya ka been abuur hey’ad garsoor taasi uu Mr. Gurbiye ku beeniyey maxkamadda horteeda isaga oo garsooraha dacwada qaadaya u sheegay in aanu dambigaas gelin, una dhowaan hey’adaha garsoorka. Qareennada weriye Cabdicasis Axmed Gurbiye ayaa talaadadii hore sameeyey ishortaag iyaga oo garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in aanu sii wadin dacwaddan waxaana lafolayaa in codsigooda maanta laga helo maxkamadda in ay jawaab ka bixiso in dacwadda ay sii socoto ama halkaas lagu soo gaban gabeeyo. GOOBJOOG NEWS KALA SOCO WIXII SOO KORDHA . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saddex ruux ayaa lagu soo warramaayaa inay geeriyoodeen, kadib markii uu ku soo dumay dhisme ay daganaayeen oo ku yaalla xeradii hore ee Maslax ee duleedka Muqdisho. Dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay da’doodu u dhexeyso 30 illaa 50 sano jir oo ka kooban laba qoys oo is dhinac deganaa. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ay ku darayaan in dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwa barakacayaal ah oo ku noolaa halkaasi Dad kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, kuwaasi oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fud-fudud, sida uu inoo sheegay mid k amid ah dadka deegaanka Dhismaha ku soo dumay dadkaasi barakacayaasha ah ayaa la sheegay in uu yahay dhismo qadiimi ah oo aan in mudda ah lagu sameyn wax dayactir ah. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmugud Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay khudbad ka jeediyey gunaanadka shirka wadatashiga madaxda maamul goboleedyada oo ku soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa dhammaan martidii ka soo qeyb gashay uga mahadceliyey sida ay u ajiibeen gogosha ay ku marti qaadeen iyo sidoo kale mahad celin u jeediyey shacab reer Galmudug oo xil iska saaray marti gelinta shirka. ” Shirkii wadatashiga, dowladaha xubnaha, dowladda federaalka, sida aad ogtihiin ama aad la socotaan noogu soo gaban gaboobay, jawi ka turjumaya, xaalaha dalka ka jira, xaaladaha na hor yaalla iyo sida ay tahay in loo wajaho, towfiiq iyo talo ayuu ku soo dhamaaday. Wuxuuna noogu xirmay ugu dambeyn wajigiisii koowaad taladaas iyo sida loo tilmaamay xalka iyo xaaladda hadda jirta sida ay u wada socon karaan” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaa noo furmi doona wajigii labaad oo ay ka soo qeyb geli doonaan sida ay rajaynayno madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo aan rajaynayo inuu maalmaha soo socdo uu noo furmo Insha allah. Shirkaas asaga ah, waxaan rajaynaynaa sida quruxda badneyn oo sharafta badneyd la isugu afgartay kii hadda dhammaaday uu kaasna uu ku dhamaado nooguna qabsoomo” ayuu yiri Qoorqoor. Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii tagay magaalada Dhuusamareeb uu ka socday shirka wadatashiga madaxda maamul goboleedyada, kaas oo laga soo saaray dhowr qodob oo ku aadan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana madaxda dowladda loogu baaqay in ay ka soo qeyn galaan wajiga labaad ee shirka oo dhowaan ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo xalay ka hadlayey xaflad lagu soo xirayey wejiga koobaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyey wejiga labaad ee shirkaasi oo lagu wado inuu maalmaha soo socdo ka bilowdo isla gudaha magaaladaasi. Qoor-Qoor ayaa marka hore khudbaddiisa ku sheegay in shirkii madax goboleedyada uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, kaas oo qabsoomay 11-ka iyo 12-kii bishan July. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in wejiga labaad ee shirka ay ka soo qeyb-geli doonaan madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyaga oo ka wada-hadli doono xaaladda dalka iyo doorashooyinka. “Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka, sida la tilmaamay xalka iyo sida wax waliba loo wajihi karo, waxa aan u gudbeynaa qaybta labaad oo aan rajeyneyno in ay kusoo biiraan Madaxda DFS, waxa aan isla garanay in uu maro wadada shirka dhamaaday oo kale” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor. Dhinaca kale Qoor-Qoor ayaa boggaadin u jeediyey shacabka Galmudug isaga oo uga mahadceliyey, sida ay uga shaqeynayeen nabadda deegaanka iyo tan guud intaba. “Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay.” ayuu markale yiri Qoor-Qoor. Munaasabadda xiritaanka shirka Dhuusamareeb waxaa goob-joog ahaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabelle.
-
Madaxweynaha Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay xafladda gunaanadka shirka wadatashiga Dhuusamareeb One oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada. Waxaa uu sheegay in shirka maamul goboleedyada uu ku soo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono wejiga kale oo ay ka soo qeyb-gali doonaan madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad oo kasoo qeyb gali doonaan sida aan rajeeneyno Madaxda DFS oo aan rajeeneyno in maalmaha soo socdo noo furmo insha allah”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay” Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii madaxda dowlad goboleedyada ee ku aadanaa inay ka qeyb galay shir looga tashanayoarrimaha doorashooyinka 2020/2021, kaas oo lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb. Madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Dhuusamareeb, waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen ka mid ahaa in madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ka tashadaan arrimaha doorashooyinka soo socda iyo amniga. View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen 37 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,343. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 13 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Banaadir 1 Puntland 3 iyo Somaliland 9 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,072. Bukaannada cusub 10 ka mid ah waa rag 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-140720.mp3 View the full article
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Education, Abdullahi Godah Barre has said that students in Puntland who have not sat for the official standardized test will not receive their government-recognized secondary school diploma's. The decision has led to a public row with the Puntland's education minister. Source: Hiiraan Online
-
Shalay oo isniin ahayd 13/7 waxaa lagu waday inuu furmo Shirka Wadatashiga Beelaha Mudulood laakiinse wuu baaqday , Baaqashadiisa Ayaan ka helnay Xog . Sida [...] The post Muxuu u baaqday Shirweynihii Beesha Mudulood appeared first on . Source
-
Marar badan waxaa dhacda in dheecaanada ninka ee jidhkiisu kale bataan, taasina ay keento xanuun la soo dersa, ama isu beddesho xanuun. Tusaale, xanuunka looyaqaano parkinson’s disease; waa xanuun gariira oo qofka la soo dersa marka ay dhintaan qayb kamid ah unugyada maskaxdiisu. Dheecaanka looyaqaano Dopamine waxa uu yaraadaa marka unugyada maskaxda qaar dhintaan. Waana sababta dheellitiran la’aanta dheecaanada jidhku inta badan u keenaan xanuun laga bogsan karo ama mid daawo la’aana. Haddaba xanuunka looyaqaano “Irritable Male Syndrome”, waa xanuun la soo dersa da’aada u dhaxaysa 40 jir ilaa 60 jirka, labka loo yaqaano Cisgender; waa qofka ku dhasha labnimada ama isagoo leh xubnaha taranka ee labka sidaasna ku qaangaadha. Jirradani waxay labka u keentaa dheellitiran la’aanta dheecaanka “Cortisol” iyo dheecaanka “Testosterone”. Oo macnaheedu yahay waxaa bata xaddiga dheecaanka Cortisol waxaana yaraada xaddiga dheecaanka Testosterone ee jidhka labka. Xaaladaasna waxaa ka dhasha astaamahan; Cadho badan, kacsanaan joogto ah, maaxdumid, cadaawad arxan darro ah, muran xad dhaafa, cabsi, cabasho badan, murugo dheeriya iyo isku qanacsanaan la’aan oo idil ahaantood la soo dersa labka. Ku darsoo labkan aan soo sheegay waa labka jidhkiisa aan lagu samayn wax ka beddelis ama aan gadaal iska beddelin sidii uu ku dhashay. Haddaba, saynisyahanada casriga ah, gaar ahaan, khubarada Baayoolajigu waxay aaminsanyihiin in xanuunkani si uun ugu eegyahay Meertada caadiga ah ee dheddigu maraan bishii hal mar. Marka loo eego is-beddelka nafsiyadeed. Dheddigu waxay maraan xilliga “Caadada” xaalad noloshooda ka mid ah oo looyaqaano “Premenstrual syndrome (PMS)” oo ah xaalad saamaysa dareenka dheddiga, caafimaadkooda jidheed iyo habkooda dhaqan maalmaha ay ku jiraan caadada. Ugu danabayn, khubarada baayoolojigu waxay isla qirsanyihiin in astaamaha lagu garto xilliga ay dumarku ku jiraan “todobaadka Caadada” iyo marka labka ay la soo deristo dheellitiran la’aan ku yimaada dheecaanka Cortisol iyo Testosterone ay is shabbahaan. Daliilka ugu fiican ee saynisyahanadu labadan xaaladood ku kale farqinayaana waa in dheddigu leeyahay makaan, xuub ku dahaadhan, dhuun dheer oo ugxan-sidayaala, kiishka ugxan sidayaasha. Taas liddigeedana aanay labku lahayn. Kaabash99@gmail.com Sadam Osman Kaabash Biomedical Scientist. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ah ugaaska beelaha Mudullood ayaa habeen hore waxaa dhaxmray dood kulul oo sababtay caro badan. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Senator Muuse Suudi uu Ugaaska ku eedeeyay in uusan dhex dhexaad ka aheyn shirka Mudullood islamarkaana uu ku xiran yahay Villa Somalia. “Senator Muuse waa carrooday waliba si xun, Ugaaska ayuu ku eedeeyay inuu ku xiranyahay Madaxtooyada oo diidan shirkaan dano gaar ahna u baajiyay shirka, waxa uu ahaa hadal kulul,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii goob joogga ahaa markii dooddan ay dhacday. “Waxaan ogahay dad uu kamid yahay ugaaska in dano gaar ah oo dabada ka riixeyso Villa Somalia u diidan yihiin shirka Mudullood” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xalay ay sidoo kale dhaceen kulamo gaar gaar ah oo arrintaan ku saabsan kuwaas oo ay warar hordhac ah sheegayaan in is Afgarad laga gaaray.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa magaalada Muqdisho qarax lagula eegtay Kolonyo uu la socday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan. Kolonyada uu la socday Taliyaha ayaa waxa lala eegtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ahaa nooca loo yaqaano Saruf, iyada oo ciidamadu ay rasaas xoogan ku fureen gaariga ka hor inta uusan qarxin, taasi oo fashilisay ujeedkii laga lahaa qaraxaasi. Qaraxan lala eegtay Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu dibada usoo saaraya halis cusub, taasi oo daba socota digniin uu habeen hore Taliyuhu u jeediyay qolooyin uu sheegay inay adeegsadaan Astaanta ciidamada iyo weliba maleeshiyaad si iskood ah u shaqeysta oo lacago qaata. Taliyaha oo habeen hore shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in waayahan dambe ay soo bateen gaadiidka sida sharci darrada ah loogu buufiyo astaanta ciidanka xoogga dalka, isagoona digniin u diray dad uu sheegay in si sharci darro ah ay u isticmaalaan gaadiidkaasi, isla markaana ay kala wareegi doonaan cidii lagu arko hadda kadib. Waxa kale oo uu isla habeenkaas uu sheegay taliyuhu inay jiraan askar aan ka tirsaneyn militeriga Soomaaliya oo iska gashada dareyskooda, kuwaasi oo badankood ay u shaqeeyaan hey’ado, shirkado iyo goobo kale oo gaar loo leeyahay, oo ay sharciga la tiigsan doonaan. Qaraxa noocan ah ee shalay lagu weeraray Taliyaha ayaa badanaa waxa fulisa kooxda Al-Shabaab, inkasta oo muddooyinkii dambe ay hoos u dhacday awooda ay qaraxyada kusoo geliyaan caasimada, mana jirto ilaa hadda sheegasho kasoo yeertay dhankooda. Isku-deyga dil ee qorsheysan ee taliyaha ayaa abuuraya tuhunka ‘qolo kale’ oo ilaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaneyn, balse daba socota digniinaha uu badanaa hawada mariyo Jeneraalku, iyada oo dhowr jeer oo horena uu qaraxyo kala duwan ka bad-baaday, kadib digniino uu soo saaray.
-
In meetings and conversations among colleagues, ESPN employees have criticized the career pipeline and diversity of top leadership, eliciting a promise from executives to do better. Source: Hiiraan Online
-
CAIRO - A round of negotiations between three key Nile basin countries over Ethiopia’s contentious hydroelectric dam ended on Monday with no agreement, according to Egyptian and Sudanese officials. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dood uu keenay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ay sabab u noqotay baaqashadii shirkii Mudullood oo furmi lahaa 13-ka bishan. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in habeen hore saqdii dhexe wasiirka amniga Soomaaliya uu isku dayay inuu badalo jadwalka shirka iyo ajandaha oo laga soo shaqeynayay bilooyinkii la soo dhaafay taasina lagu kala tagay, ugu dambeynna sababtay baaqashada shirka. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wasiirka uu aad u dhaliilsanaa qodobo kamid ah ajandaha shirka islamarkaana uu isku dayay inuu badalo balse ay dood weyn ka keeneen aqoonyahaano muddo dheer arintaasi u fadhiyay. Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Mudullood oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in shirka doodaas loo baajiyay balse uu furmi doono maalmaha kale ee soo aadan. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay suurtagal tahay inuu maanta furmo. Horey waxaa u jirtay in Villa Somalia ay adeegsatay siyaasiyiin ku xiran oo kasoo jeeda beesha Mudulood, si la isugu dayo in shirka la baajiyo, waxaana la rumeysan yahay in siyaasiyiintaas ay sidoo kale ku xiran yihiin Ducaale.
-
Ayaan Xirsi Cali oo weerar Afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar Ayaan Xirsi Cali oo asalkeedu Soomaali yahay, kana baxday diinta Islaamka, ayaa weerar ku qaaday islamarkaana cambaareysay hadal ka soo yeedhay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka. Ilhaan ayaa shalay goob fagaare ah ka sheegtay in hannaanka siyaasadda iyo kan dhaqaale ee Mareykanka u baahan yahay wax ka beddel, sababtana waxay ku sheegtay in ay dad gaar ku intifaacayaan, kuwa laga faa’iidayana aan wax mudnaan ah la siinayn, si ay taasi meesha uga baxdo Ilhaan waxay ku baaqday in wax laga beddelo nidaamkaas. “Nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka ma ahan mid cadaaalad samaynaya, wuxuu mudnaanta siiyaan kuwa gaar ah, wax shaqo ah kuma laha qofka faa’iidaya iyo kan laga faa’iidayo wuxuu u baahan yahay wax ka beddel” ayeey tidhi Ilhaan Cumar. Ayaan Xirsi ayaa naqdisay hadalka Ilhaan, waxaanna waraysi ay siisay Fox News ku sheegtay in Ilhaan oo ka mid ah wakiilada sharci dejinta Maraykanka in hadal noocaas ah uu ka soo yeedho ay la yaab ku noqotay, waxaanna ay difaacday in nidaamka Mareykanka aanu u baahnayn in wax laga beddelo sida ay sheegtay Ilhaan, ee uu yahay mid damaanad qaadaya xorriyadda sinaanta iyo cadaaladda. “Maxay ugu soo qaxday Muqdisho.? Maxay uga soo qaxday dowlad la’aan iyo fowdo.? Maxay kaga soo qaxday dulmi, oo ay Maraykanka u timid, haddana ay i doonaysaa in ay Minnesotta aad u beddesho Muqdisho” Ayeey tidhi Ayaan Xirsi. Dooddan cusub ee u dhexeysa labada gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa Durbaankeeda si wayn u gaaracaya qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaa kuwa siyaasadda midigta waana arrin si gaar ah ay u farxad galineysa dhinacyo kala duwan oo ay colaad siyaasadeed kala dhexeyso Ilhaan Cumar. Kooxaha siyaasadda midigta iyo Yahuudda ee Mareykanka ayaa beegsanaya Ilhaan Cumar, waxaana hadda muuqata inay u adeegsanayaan gabadh kale oo Soomaali ah. Ilhaan ayaa cadaawad ku abuurtay siyaasaddeeda ku dhisan Yahuud naceybka. Halkan ka daawo weerarka Ayaan Cali Xirsi ku qaaday Ilhan:- Qaran News
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Ayaan Xirsi Cali oo asalkeedu Soomaali yahay, kana baxday diinta Islaamka, ayaa weerar ku qaaday islamarkaana cambaareysay hadal ka soo yeeray Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka. Ilhaan ayaa shalay goob fagaare ah ka sheegtay in hannaanka siyaasadda iyo kan dhaqaale ee Mareykanka u baahan yahay wax ka beddel, sababtana waxay ku sheegtay in ay dad gaar ku intifaacayaan, kuwa laga faa’iidayana aan wax mudnaan ah la siinayn, si ay taasi meesha uga baxdo Ilhaan waxay ku baaqday in wax laga beddelo nidaamkaas. “Nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka ma ahan mid cadaaalad samaynaya, wuxuu mudnaanta siiyaan kuwa gaar ah, wax shaqo ah kuma laha qofka faa’iidaya iyo kan laga faa’iidayo wuxuu u baahan yahay wax ka beddel” ayeey tiri Ilhaan Cumar. Ayaan Xirsi ayaa naqdisay hadalka Ilhaan, waxaanna waraysi ay siisay Fox News ku sheegtay in Ilhaan oo ka mid ah wakiilada sharci dejinta Maraykanka in hadal nuucaas ah uu ka soo yeero ay la yaab ku noqotay, waxaanna ay difaacday in nidaamka Mareykanka aanu u baahnayn in wax laga beddelo sida ay sheegtay Ilhaan, ee uu yahay mid damaanad qaadaya xorriyadda sinaanta iyo cadaaladda. “Maxay ugu soo qaxday Muqdisho.? Maxay uga soo qaxday dowlad la’aan iyo fowdo.? Maxay kaga soo qaxday dulmi, oo ay Maraykanka u timid, haddana ay i doonaysaa in ay Minnesotta aad u beddesho Muqdisho” Ayeey tiri Ayaan Xirsi. Dooddan cusub ee u dhexeysa labada gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa gurbaankeeda si wayn u gaaracaya qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaa kuwa siyaasadda midigta waana arrin si gaar ah ay u farxad galineysa dhinacyo kala duwan oo ay colaad siyaasadeed kala dhexeyso Ilhaan Cumar. Kooxaha siyaasadda midigta iyo Yahuudda ee Mareykanka ayaa beegsanaya Ilhaan Cumar, waxaana hadda muuqata inay u adeegsanayaan gabar kale oo Soomaali ah. Ilhaan ayaa cadaawad ku abuurtay siyaasaddeeda ku dhisan Yahuud naceybka. Hoos ka daawo wareysiga Ayaan ee Fox News Cabdishakuur Cilmi Xassan waxaad kala xiriiri kartaa E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com
