-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa magacaabay guddi isku keenaya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah oo xiriirkooda uusan wanaagsanayn. Guddigan ayaa ka kooban 9 Senetor oo uu ku jiro guddoomiyaha aqalka sare waxa ayna ka shaqeyn doonaan sidii loo qaban lahaa shir wadatashi ah oo dhexmara madaxda qaranka. Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa magacaabista guddigan u cuskaday qaar ka mid ah qodobada dastuuriga ah ee dalka u yaal. Halkan ka akhriso magacaabista guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi, taas oo ku taalla wadada ka timaada Afgooye. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad socday muddo daqiiqado ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanadii weerar qaaday ay markii dambe dib u gurteen, iyadoona goobihii lagu diriray ay ku suagn yihiin ciidanka dowladda. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Balcad, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana degmadaasi howlgalllo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya. Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerar culus ku ekeysay degmada Balcad oo xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Madasha xisbiyada qaran oo soo saartay war qoraal ah ayaa taageertay guddigii uu xalay guddoomiyaha Aqal Sare Cabdi Xaashi C/laahi u magacaabay dhex- dhexaadinta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Qoraalka ka soo baxay madasha ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey dadaallada uu wado guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay inay taageereyso dadaallada socda ee lagu doonayo in la isugu keeno madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka. Halkan hoose ka aqriso. Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran. Sidoo kale madasha ayaa intaasi raacisay “Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” Ugu dameyn waxay ka dalbatay in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul“Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo” Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan lagu guda jiro xilli adag oo kala guur ah, islamarkaana aysan weli cadeyn nooca doorasho ay dalka ka dhaceyso 2020/21-ka, iyadoo sidoo kale halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland.
-
Minnesota Representative Ilhan Omar was scrolling through social media when a video of George Floyd’s killing appeared on her feed. “It was like watching a horror movie,” the freshman congresswoman tells Bustle. “You just keep yelling, and you know they can’t hear you.” The video shows former police officer Derek Chauvin, who served Omar’s Minneapolis district, with his knee on Floyd’s neck. “It was like watching a public lynching.” Source: Hiiraan Online
-
Since the police killing of George Floyd on May 25, several U.S. embassies in Africa have issued statements seeking to mollify African protests against the killings of black people by police and white vigilantes in the United States. The chair of the African Union Commission, Moussa Faki Mahamat, said the pan-African body rejects the “continuing discriminatory practices against Black citizens” of the United States—just as it did in a historic Resolution on Racial Discrimination in the United States of America made by African leaders at the Organization of African Unity’s first assembly meeting in 1964. Source: Hiiraan Online
-
More than two dozen international aid groups have told the U.S. government they are “increasingly alarmed” that “little to no U.S. humanitarian assistance has reached those on the front lines” of the coronavirus pandemic Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubaland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Dagaalkaas ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubaland ay weerar ku qaadeen degaan u dhow magaalada Dhoobley halkaas oo ay isku urursanayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in ay weerarro fuliyaan. Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ka warbixiyay dagaalka ayaa sheegay in ay khasaare xooggan gaarsiiyeen malayshiyaadkii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa islamarkaana ay kala firxadeen. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay hawlgallada sii wadayaan si Al-shabaab looga saaro degaannada ay weli ka joogaan gobolka Jubada hoose iyo dhammaan degaannada dowlad goboleedka Jubaland. Al-shabaab weli dhankooda war kama soo saarin dagaalka dhexmaray iyaga iyo ciidamada Jubaland ee ku sugan Dhoobleey. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ciidamada Jubaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Dhoobley appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in uu Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Amniga Geelle isaaq Warsame Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab. Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale Wasiir ku xigeenka Amniga Hirshabeelle u magacaabay Xasan Maxamed Cilmi halka uu wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada u magacaabay Yuusuf Sheikh Xasan Macallin. Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa shalay isna sheegay in in uu iska casilay xilkaasi. Wasiir Isaaq oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa iscilaaddiisa ku sababeeyay kadi markii sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan uu joojiyey banaabax lagu taageerayey dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada ka dhisan Muqdisho Shariif Sheikh Axmed, ayaa soo dhoweeyay Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalla sare oo loo xil-saaray isu-keenidda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si looga arrinsado Hannaanka Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. “Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheikh Shariif. Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabada uu qaaday Guddoonka Aqalka Sare ay tahay mid mudan dhiirri-gelin iyo garab-istaag, maadaama sida uu xusay ay Guddoonku muujiyeen bisayl iyo in ay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka ka aloosan dalka. “Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayuu sii raaciyay Sheikh Shariif. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada ayaa u rajeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, in ay muujiyaan tanaasul, islamarkaana ay ka fikiraan mustaqbalka Soomaaliya wax kastana ku dhammeeyaan Wada-hadal iyo isqancin. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada oo soo dhowaysay Guddiga Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
I have watched the video where Abdiwali Gaas, former Prime Minister and head of the Puntland Regional Government, hurled insults at the head of the Somali Electorate Committee, Professor Halimo Ismail and her committee, calling them a "self-serving entity Source: Hiiraan Online
-
Waraaq ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddi isu-keena Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si ay uga wadatashadaan qaabka doorasho ee 2020/2021. Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin. 1. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2. Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) 3. Cabdi Axmed Dhuxulow 4. Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac 5. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole 6. Xuseen Sheekh Maxamuud 7. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag 8. Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle. 9. Cabdullaahi Cabdi Garuun Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga tashanayo qaabka doorasho ee 2020/2021. Baaqa Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa soo dhaweeyey qaar kamid ah dowlad goboleedyada, balse madaxda sare ee Federaalka ayaa ka hadlin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrimaha doorashada ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in doorashada ay ku dhacdo qof iyo cod, halka Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qabo in ay ku dhacdo qaab ay heshiis ku yihiin dhammaan madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed. PUNTLAND POST The post Guddi loo magacaabay isu-keenista Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Aqalka Sare ayaa wuxuu magacaabay Gudi kasoo baaraan daga isuna keena Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federaalka si loo dardar galiyo Doorashada Soomaaliya. Loona xaliyo [...] The post Aqalka Sare oo Magacaabay Gudi isu keena Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, sida lagu sheegay qoraal goor-dhow kasoo baxay Aqalka Sare. Sida cad qoraalka Aqalka Sare, guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Xubnaha guddiga ayaa kala ah 1 – Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 2 – Senator Cabdirisaaq Cusmaan Xasan (Jurile) 3 – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow 4 – Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac 5 – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) 6 – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud 7 – Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) 8 – Senator Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) 9 – Senator Cabdulaahi Cabdi Garuun Guddiga ayaa la sheegay inuu xilka hayn doono inta uu ka soo geba-geboobayo shirka wada-tashi ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021. Magacaabistan ayaa timid maalmo kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi uu ugu baaqay madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada inay ka arrinsadaan arrimaha doorashooyinka. Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa horey u diidanaa inuu la kulmo madax goboleedyada, si gaar ahna madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, mana cadda illaa iyo hadda hadda iska beddelay mowqifkiisa.