-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Todobaadkii hore waxaa jirdil iyo bahdil loogu geystay Gobolka Gedo Odoyaal dhaqameed iyo Dhalinyaro , Waxaana falalkaas geystay Ciidamadii Madaxweyne Farmaajo uu keeney Gobolka Gedo. [...] The post Daawo Video , Ciidamadii Madaxweyne Farmaajo geeyey Gobolka Gedo oo tacadiyo ka geystay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib muddo xiriirro qabow ah, Imaaraadka Carabta ayaa hadda waxaa uu raadinayaa in uu soo jiito Soomaaliya, isagoo u soo bandhigaya in uu dib u furo isbitaaalka Sheekh Zayed ee magaaladda Muqdisho, kaasi oo la xiray laba sano ka hor. Si lamid ah kaalmada bani’aadanimo ee Abu Dhabi, waa gacan caawimaad ah, waxayna ku fadhisaa qiimo. Warar ayaa sheegaya in Imaaraadku uu dib u soo celinta isbitaalka ku bedelanayo in Soomaaliya ay taageerto ku luglahaansha Abu Dhabi ee Yemen. Xukuumadda Abu Dhabi waxay arrinaan soo bandhigtay markii Golaha Kala-guurka ee Koonfurta Yemen oo Imaaraadku taageero ay qabsadeen Jasiiradda Socotra ee gacanka Caden 20-kii bishii June. Imaaraadku muddo ayuu indhaha ku hayay Jasiiraddan. “Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu dib uga mid noqdo taariikhda wanaagsan ee Soomaaliya sababo badan dartood. Sababta ugu muhiimsan waxay tahay Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Socotra,” waxaa sidaas Al-Monitor u sheegay Maxamed Shire oo macalin ka ah Jaamacadda Portsmouth. “Jasiiraddu waxay dhacdaa bartamaha mid ka mid ah kuwa ugu humiimsan kanaaladda ay marto saliidda caalamka, waxayna labadii sano ee lasoo dhaafay ahayd meel Imaaraadku ka ilaashado danihiisa military iyo kuwiisa dhaqaale” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Shire. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan h0ray loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah. Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya si uu cadaadis u saaro dowladda Soomaaliya, isla markaana ugu ciqaabo meesha dhex-dhexaadnimada ah ee ay istaagtay khilaafkii Khaliijka. Imaaraadku waxaa uu sidoo kale isku dayay in uu wiiqo saameynta Qatar iyo Turkigu ay Soomaaliya ku leeyihiin. Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii. In ay horumariso joogitaankeeda Geeska Afrika waxay Imaaraadka ka caawin doontaa in ay la socoto ganacsiga maraya marinka istiraatiijiga ah ee Baabel Mande, oo muhiim u ah shixnadaha badda ee caalamka. Sidoo kale tani waxay xiriir la leedahay qabsashada Imaaraadka ee qaybo ka mid ah koonfurta dalka Yemen iyo Jasiiradda Socotra – kaas oo hadda uu doonayo in uu ku yeesho joogitaan military, si uu saameyn adag ugu yeesho Gobolka. Weli Soomaaliya waxaa la sheegay in ay cambaareyso doorka uu Imaaraadku ku leeyahay dhulka Soomaaliyeed. Waxayna Soomaaliya hor istaagtay malaayiin dollar oo loo waday Somaliland bishii April ee 2018-kii. Waxaa la weriyay in Soomaaliya ay xirtay sirdoon Imaaraadka u shaqaynayay. Taasina waxay cuuryaamineysaa ujeedka UAE ee ah in ay saameyn xoog leh ku yeelato Geeska Afrika. Markii uu caqabadas wajahay, Imaaraadku waxaa uu arrintiisa u bedelay mowqif qushuuc badan oo huwan sawir bani’aadanimo. “Dhaq-dhaqaaq cusub ayaa ka jira Gobolka, waana in aan fursadaas la wareegnaa si aan u sameyno xal waara oo u adeegaya danaha dowladaha gobolka, isla markaana waafaqsan waxa ay dadkoodu filayaan,” waxaa sidaas yiri wasiirku dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash oo khudbad ka jeediyay Madasha Amniga Imaaraadka, bishii December sanadkii 2019-kii. “Waxaan rumeysanahay in qaabkaas uu ugu dambeynta door muhiim ah ka cayaari doono xasiloonida iyo horumarka ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray. Bishii Apri 14-keedi, Abu Dhabi waxay sideed tan oo gar-gaar Coronavirus ah u dirtay Muqdisho, iyadoo kaashaneysa hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Kadibana May 12-keedii, Maxamed bin Rashid Al-Makhtumi oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa gargaar kale gaarsiiyay caasimadda Soomaaliya. Si kastaba, taas ka sokoow, Abu Dhabi weli waxaa laga yabaa in ay ku guul darreysto Muqdisho. “Wax walba oo ay taariikhdu na tustay waxaan ka shaki sanahay in kaalmadda bani’aanimo ee Imaaraadku ay soo saari doonto waxa ay ku talo-gelayaan,” ayuu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray. Soomaaliya waxay diiday taageerada Abu Dhabi ee dib u furista isbitaalka Sheekh Zayed, waxayna cambaareysay doorka Imaaraadka ee dalka Yemen. “Soomaaliya ma ahan qalab raqiis oo aad u isticmaaleysaan fulinta dalabkiina. Yemen waa deris iyo walaal waxayna leedahay madax-banaanideeda iyo sumcadda dadkeeda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay dalabka Imaaraadka. Waxuuna intaas ku daray, “Caalamku waa uu ogyahay in Socotra ay tahay dhul ay leedahay Yemen, muddo fogna waa ay ahayd,” Wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya 9-kii June, ayuu Wasiir Cawad mar kale ku cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa aan loo ogolaan ee DP World ay ka wado Somaliland iyo Puntland oo uu ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ka digay in taasi ay keeni karto in uu sii xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka. Soomaaliya mar ayey taageeri jirtay Imaaraadka iyo xitaa xulifada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama dalka Yemen, Abu Dhabi waxay si cad u dooneysaa in taas dib usoo celiso. “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu taageeray xulifadda Carbeed. Taas waxay u sameeyeen ogolaansho toos ah si loogu isticmaalo hawada iyo biyaha wadanka iyo dhulkaba duqaymaha ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa Xuutiyinta ee Yemen.” Aqoonyahan Maxamed Shire ayaa sidaas yiri. “Dabcan, Xasan Sheekh xiriirkii dhowaa ee uu lalahaa Imaaraadka iyo Sucuudiga oo dhaqaale lagu daray ayey ahaayeen waxa aasaasiga ah ee ku dhirigeliyay, shaki kuma jiro taas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Turkiga iyo Qatar ayaa saameyn adag ku sameystay dowladda hadda ka jogta Soomaaliya oo uu hoggamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Muqdisho-na way isku haleyn kartaa. Sidaas darteed Imaaraadku waxaa uu u halgami doonaa in uu dhaqaale kusoo jiito Muqdisho. “Xiriir soo celintaan dambe waxay imaaneysaa iyadoo ay soo dhowdahay doorashada Soomaaliya, waxayna noqon-kartaa kiis ay Abu Dhabi ku dooneyso in ay maamulka mustaqbalka boos ku yeelato, kaasi oo awood ku siin kara Soomaaliya,” Ayuu Cabdullahi Halakhe oo taxliiliya dowladnimada, amniga iyo nabadda Afrika u sheegay Al-Monitor. “Si kastaba hadii ay taageeraan musharixiin kala duwan ama koox musharixiin ah – oo ay ka sameynayaan xulifo ka dhan ah madaxweynaha hadda taladda haya – waa ay radin karaan in ay boos ka sameystaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Halakhe. “Iyadoo ay soo kordheyso carada ka dhanka ah joogitaanka Imaaraadka ee Jasiiradda Socotra eeYemen, Imaaraadku waxaa uu isku deyayaa in uu saameyn ku yeesho Soomaaliya si uu u xoojiyo sheegashada Jasiiradda” ayuu xusay Maxamed Shire. “Taariikh ahaan Muqdisho si aan rasmi ahayn ayey u sheegan jirtay Jasiiradda, laakiin waxay si rasmi ah u sheegatay markii ay Soomaaliya ay 2010-kii ku dhaawaaqday aagga dhaqaalaha gaarka ah.” Ayuu yiri. Waxaa uu Maxamed Shire hadalkiisa ku daray “ Imaaraadku waxaa uu doonayaa in uu wax ka barto xeelada qaboojinta khilaafaadka ee Ruushku tijaabiyay. Waxay doonayaan in ay taas u maraan iyagoo kordhinaya muranka Jasiiradda ee u dhaxeeya Xuutiyiinta, Golaha Kala Guurka Koonfureed ee Yemen, dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Hadi iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kale kordhinaya saameyntooda siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka.”
-
(SLT-Hargaysa) Shacbiga Somaliland oo khaati ka joogay muddo dhaafka xadhkaga goostay ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha degaanada ayaa si mugleh waxay u soo dhaweeyeen heshiiska Xisbiyada Qaranku ka gaadheen caqabadihii doorashada Wakiilada ku gudbana. Baraha bulshadu ku kulanto ayaa si wayn looga dareemayay farxada Bulshadu ka muujisay heshiiska Axsaabta iyo siday u soo dhaweeyeen in maruun la qabto Doorashooyinka Wakiilada oo 15-sanno jirsaday iyo Doorashada Golayaasha degaanka oo dhaliishoodu xarad beeshay. Haddii Xisbiyada iyo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi oo is kaashanaya hirgaliyaan Doorashooyinkaas Shacbigu u oomanyahay waxa hubaal ah inay noqon donaan dhagax wayn oo Somaliland kaga gudbanaa horumarka oo wadada laga leexiyay. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
(Ankara) Raysal wasarihii hore ee Dalkaasi Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da. “Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay”, sidaa waxa yidhi mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay . Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra’iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay. Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah. Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sanidihuu u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin. Taariikh nololeedkiisa oo kooban: Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii. 1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray 1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da’da Yaraa 1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas’aasayaashii Dowladda Puntland . 2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wasaare. 2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud. Geerida Maxamed Cabdi Xaashi Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Muddo kooban oo lix bilood ah ayuu hayay xilka madaxweyninimada Puntland ka dib markii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf oo xilkaasi hayay loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanaddii 2004 Wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Puntland intuu u dhexaysay sanadihii 1998- 2004. Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Source
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah waxa uu ku xirtay mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee fayraska korona. Madaxweynaha ayaa waxa uu booqanayay isbitaalka milateriga ee Walter Reed ee ku yaal daafaha magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo howlwadeennada caafimaadka. “Markii horaba kama soo horjeedin mask-yada balse waxaan rumaysanahay in ay leeyihiin waqti iyo goob lagu xirto,” ayuu yiri mar uu ka sii baxayay Aqalka Cad. Hore ayaa waxa uu u sheegay inuusan xiran doonin mask, iyadoo xirashada mask-ga uu uu ku dacaayadeeday ninka ay aadka isku hayaan Joe Biden ee ah musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga. Hasayeeshee Sabtidii ayuu sheegay: “Waxay ila tahay markii aad isbitaal ku sugantahay, gaar ahaan goobtaas oo aad kula hadlaysid askar badan iyo dad, mararka qaarna waxaad la kulmaysaa dad ka soo baxay qolka qalliinka, marka waxa ay ila tahay waa wax wayn in mask-ga la xidhato.” Isbadelka hadalka Trump ayaa imanaya xilli Sabtidii uu Mareykanka diiwaangeliyay 66,528 xaaladadood oo Fayraska Koron ah, taas oo ah middii ugu badneyd ee maalin qura la diiwaangeliyay. Muxuu Trump ka yidhi mask-ga wajiga lagu xidhato.? Isagoo todobaadkii hore la hadlayay Fox Business Network, ayuu Mr Trump waxa uu yidhi: “Mask-yada kama soo horjeedo.” Hasayeeshee markii Hay’adda koontoroosha Cudurrada ee Mareykanka ay bishii Abriil bilowday inay dadka ku dhiirigeliso inay mask-yada xirtaan ama dhar ay habdhiska neefsiga ku dabooshaan markii ay joogaan meelaha fagaaraha ah si loo xakameeyo fayraska korona, ayuu Mr Trump waxa uu weriyayaasha u sheegay inuusan taladaas raaci doonin. “Ma filaayo inaan sidaas sameyn doono,” ayuu markaasi yiri. “Inaan mask-ga wajiga xirto anigoo salaamayo madaxweynayaasha, ra’iisul wasaareyaasha, kaligoodtaliyayaasha, boqorrada – taas suuragal ilama ahan Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-12072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Feysal Rooble oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, isla markaana taxliiliya arrimaha siyaasadda dalka, ayaa shaaca ka qaaday in golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku kala qeyb-sameen in la shaaciyo go’aanka xukuumadda ee uu ka dhawaayey Ra’iisul wasaare Kheyre. Kadib shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirradu ay yeesheen todobaadkii lasoo dhaafay, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirka lagu go’aamiyey in doorashada dalka ka dhaceyso ay noqoto mid laga wadatashaday oo la isla ogol yahay, isla markaana waxtigeeda ku dhacda. Falanqeeye siyaasadeed Feysal Rooble oo la hadlayey TV-ga Universal waxa uu sheegay in wasiirrada la dhacsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo aysan dooneyn in la baahiyo khudbadaas uu jeediyey Ra’iisul wasaare Kheyre. “Waxaa wax laga fahmi karaa doodii ka dhex dhacday wasiirrada, xubnaha wasiirada ee ku xiran madaxweyne Farmaajo aad iyo aad ayey uga doodeen, kuwaas oo weliba magacyadooda la garanayo, waxayna ku adkeysanayeen hadalka Ra’iisul wasaaraha in aan lasoo deyn,” ayuu yiri Aqoonyahan Feysal Rooble. Sidoo kale waxa uu tiriyey qaar ka mid ah magacyada wasiirrada la safan madaxweynaha ee diidanaa in la baahiyo codka Kheyre, balse waxa uu sheegay in laga cod batay, sidaasna lagu baahiyey hadal jiidintii Ra’iisul wasaaraha. “Wasiirradii diidanaa in lasoo daayo codkaas waxaa ka mid ahaa Jamaal Xasan, Maxamed Xayir Maareeye, R/wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iyo xubno kale, laakiin doodii markii laga badiyey qoladii raacsaneyd dhinaca madaxweynaha, waxay noqotay inay raacaan garabka Ra’iisul wasaaraha oo aad muudo in uu kayara fekrad dheeraday dhinaca madaxweynaha,” ayuu yiri mar kale Feysal Rooble.
-
HIRDANADA GEESKA IYO HALISAHA QARSOON !!! Ilaa iyo maalmihii dhowaa ee Somaliland iyo Taiwan xidhiidhkoodu caalamka ku baahay , ayaa waxa aad u diidan ugana soo horjeeda dawlada China oo ka mid ah maanta quwadaha aduunka ugu waaweyn ee xaga awooda iyo dhaqaalahaba , waxaana warbixino barahooga Twitterka ku qorey safiirka chine ee Somalia iyo afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee China oo si cadho leh uga hadlay xidhiidhkaa dhex maray Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan. Waxa uu china dhawr maalmood ka hor ku sameeyey bada cas gaar ahaan meel aan badda Somaliland ka fogeyn dhoolatus ciidamada ah oo uu awoodiisa soo bandhigayo taasi oo loo qaadan karo in uu Somaliland hanjabaad uga dhigayey , waxaana aad loogala socday Tvga weyn ee China ee la yidhaa Cctv+ . Waxa xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan soo dhaweeyey dawlada maraykanka oo bogaadisay , taasi oo iyaduna macno weyn iyo saameyn layaab leh ku sameysay dawladaha China iyo Somalia oo labadaba uu u cuntami laayahay xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Taiwan oo maalmihii ugu dambeeyey saameyntiisa iyo hadal hayntiisu aduunka saameysay. Waxa aad aduunka si dhow ula socdaa dhaq-dhaqaaqyada ka socda Geeska Africa iyo Badda Cas oo aad moodo in aduunkii halkan ku soo ururayo , waxa la saadaalinayaa in uu isaguna u soo xadhko xidhay in Ruushku yimaado aagan badda cas iyo Gobolka Geeska Africa , gobolkani oo kulmin doona wadamada aduunka ku tartamaya. Hadalkii dhaxalgalka ahaa ee raisal wasaraha Ethiopia ka Dr Abiy Ahmed Ali ka jeediyey munaasibadii lagu gudoonsiinayey jaaisada ayaa waxa uu ka biyo diiday saldhigyada ciidamada ee ku soo badanaya Gobolka Geeska Africa iyo Badda Cas waxaana uu yidhi ma rabno in uu gobolkani noqdo goob dagaal ( battle ground ) isaga oo xusay in ay argagixisada iyo quwadaha aduunku Gobolkan isugu yimaadeen iyaga dagaal kuwada jira. Mar kale oo la wareystay waxa uu carabka ku dhuftay sida ay dawladaha bariga dhexe ay saameynta siyaasadeed iyo mid caqiido ba ugu leeyihiin gobolkani oo ay ka mid tahay waxyaabaha uu la dagi laayahay in ay farogalinta shisheeyuhu ku badan tahay . Haddaba maanta waxa aad moodaa in halkii la isla soo dhaafay oo inta joogta maaha e in badan oo kale ay soo socdaan , kuwa la saadaalinayo ee danaynaya in ay yimaadaan waxa ka mid ah Israel , Uk , Russia , India iyo Turkey oo isna in uu bada cas soo dago quud daraynaya , ilaa hadda ma cada siyaasad uu gobolku isku og yahay oo lagu waajahayo dawladaha ku soo qulqulaya , waxaana suuragal ah in aamitinkooda iyo soo degistooda lagu kala aragti duwan yahay. Somaliland oo ah meesha ugu muhiimsan Gobolka Geeska Africa ee aduunku wada danaynayaa iyada lafteedu wali siyaasad cad oo qeexan badka may keenin , hore waxa Somaliland looga qadiyey ciidamo wadamada khaleejka iyo inta bada cas degani loo sameynayey in ay marinkan ilaaliyaan maadaama oo uu aduunku oo dhan u muhiim yahay . Waxaa loo fasiran karaa sababta ciidamadaa loogu sameeyey Badda Cas in laga saaro dawladaha faraha badan ee saldhigyada dhulka iyo badda ba ka sameystay Gobolka Geeska Africa iyo Badda Cas , maadaama ay sheegaan in uu dalwaliba masaaliixdiisa iyo maraakiibta u maraysa marin biyoodka badacas ilaashanayo una soo degay halkani. Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
Dr. Axmed Siyaad Sabriye oo xubin ka ah dhaqdhaqaaqa Maanifeysto labo , oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka dalka ayaa sheegay in xaaladda dalka hadda uu ku sugan yahay meel adag oo laga cabsi qabo in ay doorasho dhiciweyso. Dr. Axmed Siyaad ayaa xusay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan diyaar u aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana uu intaas ku daray in mar kale la joogo waqtigii Soomaali loo baaqi lahaa oo loo baahan yahay taladooda, in la isku tago dalkana la badbaadiyo sida uu hadalka udhigay Dr. Axmed Siyaad Sabriye. Halkaan Ka Daawo: Wareysiga Dr. Axmed Siyaad Sabriye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Gor-Gor ayaa howlagllo ay maanta ka fuliyeen deegaanada Muqbaarak iyo Daaru-salaam ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku soo qabteen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab. Howlgalladaas kadib ciidamada ayaa soo bandhigay sawirrada laba sarkaal oo ay magacyadooda ku kala sheegeen Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdi, kuwaas oo Al-Shabaab u kala qaabilsanaa dhinacyada sirdoonka iyo maxkamadda guud ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in saraakiishaas lala soo qabtay illaa shan dagaalame oo ilaalo u ahaa. Sidoo kale Taliye Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamadu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay deegaano badan oo dhaca gobolka Shabeellada Hoose ay ku burburiyeen saldhigyo iyo goobo ay weerarrada kasoo qaadi jireen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
-
Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Ucid , Kulmiye iyo Wadani , ayaa maanta kala sixiixday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka, oo dhowr jeer horay la isugu khilaafay. Heshiiska laga gaadhay qabsoomidda doorashooyinka ayaa waxaa sixiisay madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Klmiye , Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyayaasha xisbiyada Ucid , Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe iyo guddoomiyaha xibiga Wadani , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Halkaan Ka Daawo Heshiiska Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalab dhaqaale u gudbisay Bangiga horumarinta Islaamka, xili ay maanta kulan wada yeesheen Wasiirka maaliyada iyo madaxweynaha bangigaasi. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa maanta shir fogaan arag ah (Video Conference) la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, kaasi oo ka dalbaday lacag lagu kabo miisaaniyada Soomaaliya. Beyle ayaa Hajjar ka dalbaday inuu dowladda Soomaaliya ka caawiyo Bangigu sidii ay uga soo kaban laheyd saameynta dhaqaale ee cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Wasiirka iyo Madaxweynaha Bangiga ayaa ka wada-hadlay qaabka dowladda looga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka iyo weliba saameynta dhaqaale ee Covid-19, sida uu sheegay Wasiir Beyle. “Waxa aan maanta si ‘Maqal-Arag’ ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Bandar M.H. Hajjar, Waxa aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee Covid-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalka” ayuu yiri Wasiirka maaliyada Soomaaliya. Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo caalamka ah uu saameyn baaxad leh ku yeeshay dhaqaalahoodii cudurka safmarka ah ee Coronavirus.
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has condoled over the demise of former Prime Minister Hassan Abshir Farah who died in Ankara, Turkey on Sunday. The death of the long-serving politician was announced by Somali Ambassador to Turkey Jama Mohamed. The former premier was undergoing treatment in Turkey before his death. Hassan Abshir Farah is who is a veteran Somali politician who as Prime Minister from November 2001 to December 2003 under President Abdikassim Salad Hassan. He also served as Mogadishu mayor during the military regime and a member of the Somali Federal Parliament in the last Federal Government led by Hassan Sheikh Mohamud. View the full article
-
Sida aan ka dhaxalnay tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya ee 1991, waxaa dowlad kasta oo la sameeyaba hareerayn jiray khilaafaad dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ama Fulinta (Dowlada) iyo Sharci-dejinta (Baarlmaanka). Source: Hiiraan Online
-
Sida aan ka dhaxalnay tan iyo burburkii Dowladii Soomaaliya ee 1991, waxaa dowlad kasta oo la sameeyaba hareerayn jiray khilaafaad dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ama Fulinta (Dowlada) iyo Sharci-dejinta (Baarlmaanka). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-12072020.mp3 View the full article
-
Somali security forces backed by the Southwestern state army killed seven al-Shabab fighters and injured five others on Saturday in an operation in Bardale town in the southern region of Bay, an official confirmed on Sunday. Mohamed Isak, governor of Bardale town, told journalists that the joint operation started when the army got intelligence that the militants were hiding in the area to plan further attacks in the area. “There was intense confrontation between the army and the militants in Bardale town, but our forces subdued the militants killing seven of them including a senior leader who was in charge of finance and we also injured five others,” Isak said. He noted that a government soldier was killed and three others injured during the confrontation. The latest operation came barely two days after Somali National Army (SNA) killed five al-Shabab militants including two senior leaders in another operation in Janale town in the country’s southern region of Lower Shabelle. Meanwhile, the Somalia National Army (SNA) said its forces have captured al-Shabab territories in Mubarak district of Awdhagle in the southern region. The SNA said in a statement on Sunday that the areas were captured during a sting military operation to liberate areas still under al-Shabab control. The army said the operation which was also carried out on Saturday also saw the forces remove landmines which had been planted by the extremist group in the area. The army said it will intensify military operations to ensure they flush out all al-Shabab remnants in the areas which are still under their control. Somali army backed by African Union Mission in Somalia forced al-Shabab extremists out of the capital Mogadishu in August 2011, but the militants still hold swathes of rural areas in southern and central Somalia conducting ambushes and planting landmines as they stage attacks in the city and elsewhere. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ku xayirnaa magaalada Muqdisho ayaa todobaadkaan helay fursad muhiim ah oo ay ku aadi karaan Kismaayo. Xildhibaanadaan oo isugu jira labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga soo doortaa degaanada maamulka Jubaland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan ay ku xayirnaayeen Muqdisho islamarkaana hadda u baxeen Dhuusmareeb, waxayna halkaas ka sii raaci doonaan diyaarad gaar ah uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in xubnahaan ka hor inta aysan ka bixin Muqdisho ay teleefoon kuwada hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe kadibna lagu ballamay Dhuusamareeb. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahaan qaarkood aysan soo laaban doonin ilaa laga xaliyo khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka, haddii la xalin waayo ayey u badan tahay in ay halkaas ku dhameystaan mudada xileedka u harsan kadibna ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku soo laaban lahaayeen. Wali ma jirto wax is afgarad ah oo laga gaaray khilaafka dowladda iyo maamulka Jubaland kaas oo soo jiitamayay ilaa dhamaadka sanadkii hore, khilaafkaas ayaa saameyn ku yeeshay degaanka iyo siyaasadda guud ee dalka.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan, mideysan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka. “Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir waxa uu baal dahab ah kaga jiraa sooyaalka dalkeenna, isaga oo soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Carta, Duqii hore ee Caasimadda, Danjire soo matalay dalka iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”. Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta dalka. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xasan Abshir oo aan ku xasuusan doonno doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Turkiga oo soo bandhigay qorshe cusub oo ku wajahan Liibiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo bandhigtay arrin looga baaqsan karo dagaalka Liibiya, midaasi oo uu sheegay inay aqbaleyso dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya. Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa si cad u sheegay in Dowladda Liibiya ay aqbaleyso xabad joojin uu xal biday, hadii uu dagaal ooge Jeneraal Khalifa Haftar uu ciidamadiisa kala baxayo gobolada dhexe iyo galbeedka dalkaasi. Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in dowladda wada-tashiga qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Fayez al-Sarraj ay si dhab ah uga go’an tahay inay dib u bilaaban weeraradii ka dhanka ahaa Khalifa Haftar ilaa uu gebi ahaanba ka baxayo Sirte iyo garoon diyaaradeedka Jufra, sida uu u sheegay wargeyska Financial Times ee maalinlaha ah. Mevlut Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in dowladda qaranka Liibiya iyo saraakiishooda ay ka go’antahay xabad joojin laga soo jeediyay wada-hadalladii Istanbul ee bishii lasoo dhaafay, haddii uu Haftar aqbalo shuruudooda. Generaal Haftar oo muddooyinkii u dambeeyay wajahayey guuldarooyin badan ayaa intii dambe weeraradiisa u jiheeyay caasimada Liibiya ee Tripoli iyo qaybo kale oo waqooyi galbeed ee dalkaasi. Weeraradaasi labada dhinaca ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen barakaca boqolaal kun, halka ay ku naf waayeen boqolaal kale oo u badan haween iyo caruur. -
Taariikhda matxafka Soofiya ee Erdogan masaajidka ku soo celiyey Masaajidka Aayaa Soofiya Warbaahinta dalalka Islaamka ayaa maalmahan hadal haysa go’aanka madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ku gaadhay in matxafka Aayaa Soofiya laga dhigo masaajid. Faallooyinka ay qorayaan saxafiiinta wadamadaasi ayaa waxa ka muuqda in ay aad ugu kala aragti duwanyihiin go’aanka xukuumadda Turkiga. Qaar badan ayaa aad u ammaanay go’aankaas oo ku nuuxnuuxsaday in Aayaa Soofiya tahay goob leh summad Muslim, halka kuwo kalena talaabadaa dhaliileen oo ay sheegen in ay aad uga fogtahay nidaamkii Cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk seeska u dhigay. Waxa kale oo iyaguna jira faalooyin ay qoreen saxafiyiin kale oo ay ku sheegayaan cawaaqibka ka dhalan kara go’aankaas, gaar ahaan marka la eego xidhiidhka Turkiga iyo dalalka reer Galbeedka. Madaxweynaha Turkiga Dhismahan doodda inta leegi ka dhalatay ee Aayaa Soofiya, muxuu yahay? Aayaa Soofiya waxa dhistay imbiraadooriyadii Baysantayn 1500 oo sano ka hor waagaas oo magaalada Istanbul ee uu dhismahani ku yaal la odhan jiray Constantinople. Waxa uu dhismuhu ahaa mudo dheer kaniisad weyn, hase yeeshee waxa ay imbiraadooriyadii Cismaaniyiintu gacanta ku dhigtay magaaladii Constantinople ee uu ku yaallay cah-digii uu Maxamed Al-Faatix markii taariikhdu ahayd 29 May 1453. Suldan Maxamed Al-Faatix ayaa markii dambe ka dhigay goobta masaajid weyn oo dib ayaa loo dayac tiray dhismaha waxaana lagu daray dhisme cusub oo mixraab xaga qiblada ah. Laakiin quruxdiisa iyo qaab dhismeedkiisii guud waxba lagama bedelin ee waa la sii bilay. Waxaa Suldaanku u xilsaaray farshaxankii ugu xirfadda badnaa waagaa in ay ku sharraxaan dhismaha qoraallo aayado Quraan ah oo inta badan ah waxyaabaha lagu yaqaan in lagu qurxiyo masaajidada. Gudaha Aayaa Soofiya Tan iyo waagaa markii ay Cismaaniyiintu gacanta ku dhigeen magaaladii Constantinople ee magacii magaalada loo bedelay Istanbul oo noqotay magaalo madaxdii khilaafada, waxa uu dhismaha Aayaa Soofiya ahaa masaajid. Hase yeeshee markii ay duntay khilaafadii Cismaaniyiintu Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, ee uu Mustafa Kemal Ataturk aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga ee casriga ah, ayaa sannadkii 1953, oo ah sagaal sano uun ka dib markii dawladi Turkiga ee lagu dhisay mabaa’diida Cilmaaniyada la hirgeliyey, waxa la go’aamiyey in dhismahaa laga dhigo goob matxaf ah. Matxafkaa waxa uu tan iyo waagaa soo jiidan jiray oo u dalxiis tagi jiray in ka badan saddex milyan oo qof sannadkiiba. Laakiin tan iyo sannadkii 2013 ayaa hogaamiyeyaal diineed oo Muslimiin ahi bilaabeen olole ay ku doonayaan in mar labaad lagu soo celiyo Aayaa Soofiya masaajidkii uu ahaan jiray. Go’aankaa madaxweynaha iyo maxkamadda dalkaasi ku ansixiyeen in masaajid lagu soo celiyo dhismaha ka dib, ayaa wuxuu haatan si rasmi ah u noqday masaajid. Markii ugu horraysay ee muddo dheer ka dib laga eedaamo masaajidka ayaa dadkii hor tubnaa maalintaasi damaashaad iyo takbiir farxadi ka muuqatay ku soo dhaweeyeen. . Sooyaalka Aayaa Soofiya oo kooban Aayaa Soofiya waxa uu ahaa dhisme kaniisadeed oo uu dhisay imbiraadoorkii Baysantayn-ka, Justinian sannadkii 537. Waxa la rumaysanyahay in uu ahaa dhismiha kaniisadeed ee ugu wayn dunida. Sannadkii 1453 ayaa ay Cismaaniyiintii jabiyeen boqortooyadii Baysantayn-ka oo ay gacanta ku dhigeen cah-digii Suldaan Maxamed-kii labaad. Waxaanu Suldaanku markii la qabsaday magaaladaa ku oogay salaadii Jimce oo jamaaha ah dhismaha Aaya Soofia. Isla markiiba Cismaaniyiintu waxay dhismaha u bedeleen masaajid, waxaanay ku dareen dhismaha afar minnaaradood oo dhaadheer, waxaana sawirradii masiixiiintu ku qurxiyeen lagu deday sharraxaad dahab ah oo lagu dhigay aayado Quraan ah iyo qoraallo kale oo qurux badan oo Af-Carabi ah. Qarniyo badan oo uu astaan u ahaa imbiraadooriyaddii Islaamka ee Cismaaniyiinta ka dib, waxa markii Turkigu isku rogay jamhuuriyadda Cilmaaniga ah laga dhigay dhismaha goob matxaf ah. Aayaa Soofiya haatan waa goobta ugu caansan dalka Turkiga oo waxa sannadkiiba u daawasho taga in ka badan 3.7 milyan oo qof oo dalxiiseyaal ah. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia & Madaxweyne-xigeenkii hore ee Puntland oo geeriyooday ,Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka Ra’iisal wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu BBC-da u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Jaamac Cabdilaahi Maxamed. Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da. “Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay”, ayuu yiri Jaamac. Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra’iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay. Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah. Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sanidihuu u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin. Taariikh nololeedkiisa oo kooban: Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii. 1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray 1973 waxaa loo magacaabay Duqqa Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da’da Yaraa 1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas’aasayaashii Dowladda Puntland . 2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wasaare. 2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud Geerida Maxamed Cabdi Xaashi Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Muddo kooban oo lix bilood ah ayuu hayay xilka madaxweyninimada Puntland ka dib markii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf oo xilkaasi hayay loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanaddii 2004. Maxamed Cabdi Xaashi madaxweyne ku xigeenkii gu horreeyay ee Puntland oo Nairobi ku geeriyooday Wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Puntland intuu u dhexaysay sanadihii 1998- 2004. Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland Qaran News
-
Wararka laga helaayo deegaanka Garas Baaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay shegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay toogteen, nin hubeysan kaas dil u geystay askari ciidamada ka tirsan. Ninka hubaysan ayaa weeraray ciidamo ku sugan deegaanka isaga oo toogtay mid kamid ah askarta, waxaana intaas xigay in ciidamadii kale ay rasas dhowr ah u ridaan ninkii hubeysnaa, taas oo dhalisay in uu ku geeriyoodo goobtaasi Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer deegaanka Garas Baaleey ku toogtay rag hubaysan, kuwaas oo toogtay ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana jirin wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
