-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii ee maamul goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen ayaa maanta ka hadlay khilaafka dhanka waxbarashada ee ka dhaxeeyo wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo maamulka Puntland, waxaana uu ku tilmaamay nasiib darro khilaafkaan mar weliba soo laabta ee labada dhinac u dhaxeeyo ee dhanka shahaadada ah. Mudane Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mas’uuliyad ballaaran ay ka saaran tahay dhismaha mustaqbalka ardayda Soomaliyeed, waxaana uu intaas ku daray in laga ay tahay wax laga fiican yahay, in mustaqbalka aradayda dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Waa nasiib daro weyn iyo walaac bulsho iney markale soo noqoto doodda shahaaddada dugsiga sare ee ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Puntland. Muddo badan oo aan ka shaqeynayey arrimaha waxbarashada, waxaan fahmi karaa marxaladda ay ku suganyihiin carruur muddo wax soo baranayey oo muran laga galiyo shahaaddada qalin jabinta iyo xaaladda waalidkii kusoo rafaaday, kuna soo tiir iyo tacab beelay iney heerkaan soo gaarsiiyaan. Dowladda Federaalka ah masuuliyad ballaaran ayaa ka saaran dhismaha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax maangal ah in dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka. Waxaa na damqineysa in mar walba xiligaan oo kale laga dooddo arrimaha ardeyda Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxey aheyd in qof walba uu masuuliyadiisa qaato, oo arrintaan xal laga gaaro xili hore inta aanu imtixaanku imaanin, maadaama lasii ogaa. Dhibaato walba oo soo gaarta mustaqbalka caruurtaas, sida iney waxbarashada ka niyad jabaan, iney naceyb u qaadaan Dowladnimada iyo ku dhaqanka go’aanno khalafsan oo xaga caafimaadka ah waxaa masuuliyaddeeda qaadan doonta cid walba oo si toos ah iyo si dadban u hor istaagta xaqiijinta halgankooddii koowaad ee nolasha. Waxaan uga baaqaya Dowladda Federaalka ah iyo Puntland iney badbaadiyaan rajada iyo aayaha ardadaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyaan doodda sannadkaan, wixii sanadkaan ka dambeeyana waa in arrintaan jiho maangal ah oo isla ogol ah loo dhigaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, haddana kamid ah musharixiinta la filayo inay isku soo taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay in lagu gorgortamo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed xilli ay taagan tahay dood ku saabsan shahaadooyinka ardayda ku sugan deegaanada Puntland. Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardayda imtixaanaadka ku galaya deegaanada Puntland aysan heli doonin shahaado haddii aysan imtixaanaadku qaadin Wasaaradiisa, taasna waxey dhalisay dood badan oo dhibaato ku ah mustaqbalka ardayda. Guuleed wuxuu siyaasiyiinta uga digay ineysan ku dul ciyaarin mustaqbalka caruurta isla markaana Dowladda ay masuuliyad iska saarto iney arintaas. HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDIKARIM GUULEED Waa nasiib daro weyn iyo walaac bulsho iney markale soo noqoto doodda shahaaddada dugsiga sare ee ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Puntland. Muddo badan oo aan ka shaqeynayey arrimaha waxbarashada, waxaan fahmi karaa marxaladda ay ku suganyihiin carruur muddo wax soo baranayey oo muran laga galiyo shahaaddada qalin jabinta iyo xaaladda waalidkii kusoo rafaaday, kuna soo tiir iyo tacab beelay iney heerkaan soo gaarsiiyaan. Dowladda Federaalka ah masuuliyad ballaaran ayaa ka saaran dhismaha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax maangal ah in dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka. Waxaa na damqineysa in mar walba xiligaan oo kale laga dooddo arrimaha ardeyda Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxey aheyd in qof walba uu masuuliyadiisa qaato, oo arrintaan xal laga gaaro xili hore inta aanu imtixaanku imaanin, maadaama lasii ogaa. Dhibaato walba oo soo gaarta mustaqbalka caruurtaas, sida iney waxbarashada ka niyad jabaan, iney naceyb u qaadaan Dowladnimada iyo ku dhaqanka go’aanno khalafsan oo xaga caafimaadka ah waxaa masuuliyaddeeda qaadan doonta cid walba oo si toos ah iyo si dadban u hor istaagta xaqiijinta halgankooddii koowaad ee nolasha. Waxaan uga baaqaya Dowladda Federaalka ah iyo Puntland iney badbaadiyaan rajada iyo aayaha ardadaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyaan doodda sannadkaan, wixii sanadkaan ka dambeeyana waa in arrintaan jiho maangal ah oo isla ogol ah loo dhigaa. Hagaajinta Mustaqbalka carruurtu waa keydka ugu weyn Qarannimada.
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay Derbi ku dumay qoys barakaca ah oo deganaa xero ku taalla, deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana jiro khasaare ka dhashay dhacdadaas. Darbiga ayaa ku dumay tiro caruur ah oo hoos jiifay, xerada ayaana waxaa lagu magacaabaa Maslax, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday afar caruura, xili caruurta laga dujiyey qabowga, maadaama aysan guryuhu celin karin. Caruurta geeriyootay sedex kamida ayaa ah wiilal halka midda kale ay tahay gabar, waxaa sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray Derbiga dumay hooyo dhashay mid kamida afarata caruur ee ku geeriyootay sida ay wararku xaqiijiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, Cabdullahi Maxamed Xasan oo marti ku ahaa barnaamijka diiradda ee Shabelle TV ayaa mar wax laga weydiiyey arrimaha shahaadada wuxuu kaga jawaabay hadalkii wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdullahi Goodax Barre ee ahaa in ardayda Puntland aan la siin doonin shahaadada dugsiga sare ee ay bixiso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa yidhi ” Shahaadadu hadday tahay mid uu leeyahay wasiir Goodax Barre, isagay ayey xor u tahay inuu diido, balse haddii ay tahay shahaado Soomaaliyeed awood uma lahan inuu ka hor istaagi karo ardayda Puntland.” Sidoo kale Puntland wasiirkeeda waxbarasho wuxuu ku tilmaamay hadallada soo noq-noqday ee wasiir Goodax inay dhaawac ku yihiin qalbiyada ardayda Soomaaliyeed ee Puntland iyo wax wada lahaanshaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca shahaadada ah ka dhex taagan yahay Puntland iyo dowladda federaalka oo sidoo kale haatan isku haya dhanka siyaasadda. View the full article
-
TAIPEI (Taiwan News) — Taiwan has been ranked as the second-safest country in the world, according to a 2020 mid-year crime index released by global database Numbeo. In the recent report published by the site, Taiwan was given a safety index score of 84.74 points and a crime index score of 15.26, which together form a sum of 100. A total of 133 countries were included in this year’s ranking, with Qatar, Taiwan, and the United Arab Emirates (UAE) being listed as the top three. Georgia and Oman were in the fourth and fifth place, followed by Hong Kong, Slovenia, the Isle of Man, Switzerland, and Japan, which rounded out the top 10. Meanwhile, South Korea had the 24th lowest crime rate globally, and China and the U.S. each came in at 33rd and 84th, respectively. Numbeo stated that “the crime index is an estimation of the overall level of crime in a given city or a country” and that it considers crime levels lower than 20 as very low and higher than 80 as very high, with three other point intervals in between: low (20-40); moderate (40-60); and high (60-80). At the bottom of the safety rankings was Venezuela (15.64 points), which began experiencing hyperinflation in 2016, followed by Papua New Guinea (19.96), South Africa (22.71), Afghanistan (23.03) and Honduras (23.35). The report showed that 94.63 percent of the residents in Taiwan feel safe walking alone during the day and 86.42 at night. A mere 11.71 percent of Taiwanese worry they could fall victim to a physical attack and even fewer are concerned about being targeted for their skin color, race, gender, or religion. According to its website, Numbeo has been publishing annual reports on security, cost of living, and quality of life since 2009. Its global crime report takes into account different laws applicable to each country, as some acts may constitute crimes in one country but not in others Taiwan news Qaran News
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ee qaadeysa dacwada tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Gurbiye ayaa fadhigeeda maanta waxaa ay ka jawaabtay ishor istaaggii qareennada weriyaha ay sameeyeen talaadadii hore. Garsooraha kiiska Maxamuud Yaasiin oo hadlayey ayaa sheegay sababaha uu isku horistaagay ishor istaagga qareennada isaga oo yiri ” Maxamadda marka ay dhageysatay ishor istaagga eedeysanaha taas oo ay ku doodayaan in aan lagu qaadi karin xeerka ciqaabta, sheegayna in dacwaddu tahay mid dastuuri ah sida uu qabo qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah ee ah inuu eedeysanuhu yahay saxafi laguna dhaqo xeerka saxaafadda keliya, (2). Marka ay isku dhacaan xeer guud iyo mid gaar ahna la raacayo xeerka gaarka ah sida uu qabo qodobka 13-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed (3). in eedeynta xeer ilaalintu aaney waafaqsaneyn in eedeynta xeer ilaalintu aaney waafaqsaneyn qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Garsoore Yaasiin oo sii hadlaya waxaa uu yiri ” Marka ay dhageysatay jawaabta xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka, kuna doodeen in xeerka saxaafadda lagu celiyey golaha shacabka aanu dhaqangal aheyn, (2) In dacwaddu aaney aheyn mid dastuuri ah (3). In eedeysanaha loo heysto war uu ku qoro akoonkiisa gaarka ah ay sheegeen in eedoodu waafaqsan tahay qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Garsooraha ayaa sidoo kale yiri “Maxkamadda marka ay aragtay qodobada 105, 106, 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 18aad iyo 109aad c, ee dastuurka KMG ah, qodobka 5aad xarafka Kh ee xeerka saxafadda iyo qodobka 19aad waxaa u cadaatay: (1). In eedda loo heysto eedeysanuhu aanu aheyn mid dastuuri ah sida ku cad qodobka 109aad c, qodobka 18aad ee dastuurka KM ah waxaa uu sheegayaa xuriyadda ra’yiga iyo afkaarta. (2). Eedda loo soo jeedinayo eedeysanahu ma aha ma aha mid ku saabsan ama la xiriirta warbaahinta Goobjoog ee uu ka mid yahay mas’uuliyiinteeda ee waa mid ku saabsan war uu ku qoray akoonka uu ku leeyahay bartiisa Faceboogga, qodobka 29aad ee xeerka saxaafaddu kama hadlayo shakhsi ee waxaa uu ka hadlayaa warbaahin. Ugu dambeyntii, Garsoore Maxamuud Yaasiin ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Sidaasi darteed, Mxkamadda gobolka Banaadir waxaa ay diiday ishor istaaggii qareenka eedeysanaha, sidoo kale waxaa ay fareysaa xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka iney soo waafejiyaan eedooda qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed sababtoo ah xafiiska hey’adda xeer ilaalintu dhibbanaha kiiska dhibanaha ka ah kuma cada”. Cabdicasis Gurbiye waxaa horay loo xiray 14-kii April isaga oo lasii daayey 4 maalin kadib, kiiskiisa oo iskadaba jiitamayey 9o cisho weli waxaa la la’yahay cidda uu u eedeysan yahay taasi oo maanta maxkamaddu amartay in daaha laga qaado. Maxkamadda gobolka Banaadir ma qaban waqti dambe oo la isku soo laabanayo, laakin waxaa muuqata in kiiska horay loo geli-doonno. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE US-Africa Energy Advisory Committee to Push Energy Dialogue and Investment The members of the US-Africa Committee gather several decades of experience in government and the private sector from both sides of the Atlantic JOHANNESBURG, South Africa, July 14, 2020/ — The African Energy Chamber (www.EnergyChamber.org) has appointed a US-Africa Committee to serve on its Advisory Board and support the development of stronger energy cooperation and investment between the United States and Africa. Serving in their personal capacities, the members of the US-Africa Committee gather several decades of experience in government and the private sector from both sides of the Atlantic, and share a passion for Africa and its development. They include: Reginal “Reg” Spiller, CEO, Azimuth Energy Investments LLC Kola Karim, CEO, Shoreline Energy International Rogers Beall, Executive Chairman and CEO, Africa Fortesa Corporation Jude Kearney, President, Kearney Africa C. Derek Campbell, CEO, Energy & Natural Resource Security, Inc. Alicia Robinson-Morgan, Managing Director for Africa, Millenium Challenge Corporation Akinwole Omoboriowo II, Chairman and CEO, Genesis Energy Group Ann Norman, General Manager – Africa, Pioneer Energy R. Dean Foreman, Chief Economist, American Petroleum Institute The African Energy Chamber truly believes that the potential for capital, expertise and technology transfers between the US and Africa is under-exploited. While Power Africa remains to date the most successful initiative to develop Africa’s energy sector by tapping into American capital and technology, more can be done in light of the continent’s continued energy poverty. From exploration to gas infrastructure, and from power technology to energy funding, the United States remain a global leader that has much to bring to Africa under the right partnerships and joint-ventures that can support local content development and jobs creation. “The largest but also most recent discoveries in Africa were made by bold and capable American companies who have proven time and again that betting on Africa bears fruits. At times when the continent seeks to develop much stronger gas value chains and attract investment into midstream and downstream infrastructure, we need to look back at the United States and develop stronger partnerships. As Africa embraces energy transition, a substantial part of the capital needed to develop cleaner energy solutions also lies with American companies and institutions,” declared Nj Ayuk, Executive Chairman at the African Energy Chamber. The US-Africa Committee is the first committee on the African Energy Chamber’s Advisory Board to be announced. The Chamber has put together leading industry experts, executives and public representatives to support several initiatives over the course of 2020 and 2021, such as local content development, natural gas and energy transitions, the promotion of an enabling environment and the expansion of exploration activities. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Reer Galmudug waxay Axmed Madoobe ilowsiiyeen Wakhtiga adkaa ee Doorashadiisii kadib markii Dhuusamareeb loo dhigay Xaflad laga qaadey hees cusub oo isaga loo sameeyey. Daawosho [...] The post Daawo Qoorqoor, Deni iyo Axmed Madoobe oo ku baashaalaya Hees cusub oo loo qaadey Axmed Madoobe appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir oo markii labaad maanta la horgeeyey Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa markale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwadda loo heysto wariyahaasi oo ka tirsan shaqaalaha Goobjoog. Maxkamadda ayaa sheegtay inay guda geli karto kiiskan, iyada oo dalbatay in la waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Sidoo kale garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa su’aal yaab leh ka keenay kiiska Wariye Gurbiye, isaga oo fadhigii maanta ka shaaciyey inaysan weli cadeyn cida soo eedeysay Wariyaha oo horey loogu xiray xabsiga dhexe ee Xamar. Sidoo kale garsooraha oo ku celiyey xeer ilaalinta dacwaddaasi ayaa ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan soo cadeeyaan cidda uu u dacweysan yahay Gurbiye. Go’aanka ay qaadatay maxkamadda ee ay dib ugu celisay xeer ilaalinta kiiskaasi ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaar ka mid ah ururada saxaafadda ee ka jira Muqdisho. Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xasaasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Covid-19 uu ka qoray dowladda Somalia.
-
Garowe (PP News Desk ) — Puntland Parliamentarians have given full support to a proposal from the Parliamentary Speaker to relocate the Parliament headquarters to another part of Garowe. The Speaker of Puntland Parliament, Abdirashid Yusuf Jibril, yesterday sent a memo to MPs to secure their support for a proposal to relocate the Parliament to another part of the city where major government organisations are based. The memo noted that the way to go about the relocation is to sell the property that now houses Puntland Parliament. Jibril cited proximity to a residential area as the main reason to present the proposal to MPs. Jibril has not disclosed how funds from a possible sale of the Parliament HQ could be managed Puntland MPs yesterday held an unplanned, confidential session to discuss the proposal in the memo from the Speaker. 41 MPs attended the session. 31 voted in favour of the proposal; 6 MPs voted against it; 4 MPs abstained. What Puntland Parliamentary Speaker could do with funds from the mooted sale of the Parliament HQ has not been clarified. Sources told Puntland Post that selling of institutional headquarters will be unprecedented in Puntland public administration history and the suspicion that MPs could share among themselves funds from the sale will linger due to the confidential nature of the proposal. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND PARLIAMENTARIANS GIVE THE GREEN LIGHT TO RELOCATION OF PARLIAMENT HQ appeared first on Puntland Post.
-
Better vaccines are in our blood Harvard University Credit: Harvard University Red blood cells do more than shuttle oxygen from our lungs to our organs: they also help the body fight off infections by capturing pathogens on their surfaces, neutralizing them, and presenting them to immune cells in the spleen and liver. Now, a team of researchers from Harvard’s Wyss Institute for Biologically Inspired Engineering and John A. Paulson School of Engineering and Applied Sciences (SEAS) has harnessed this innate ability to build a platform technology that uses red blood cells to deliver antigens to antigen-presenting cells (APCs) in the spleen, generating an immune response. This approach successfully slowed the growth of cancerous tumors in mice, and could also be used as a biocompatible adjuvant for a variety of vaccines. The technology, called Erythrocyte-Driven Immune Targeting (EDIT), is reported this week in PNAS. “The spleen is one of the best organs in the body to target when generating an immune response, because it is one of the few organs where red and white blood cells naturally interact,” said senior author Samir Mitragotri, Ph.D., a Wyss Core Faculty member who is also the Hiller Professor of Bioengineering and Hansjörg Wyss Professor of Biologically Inspired Engineering at SEAS. “Red blood cells’ innate ability to transfer attached pathogens to immune cells has only recently been discovered, and this study unlocks the door to an exciting array of future developments in the field of using human cells for disease treatment and prevention.” Don’t eat me, just check me out Using red blood cells as delivery vehicles for drugs is not a new idea, but the vast majority of existing technologies target the lungs, because their dense network of capillaries causes cargoes to shear off of red blood cells as they squeeze through the tiny vessels. Mitragotri’s research team first needed to figure out how to get antigens to stick to red blood cells strongly enough to resist shearing off and reach the spleen. They coated polystyrene nanoparticles with ovalbumin, an antigenic protein known to cause a mild immune response, then incubated them with mouse red blood cells. The ratio of 300 nanoparticles per blood cell resulted in the greatest number of nanoparticles bound to the cells, retention of about 80% of the nanoparticles when the cells were exposed to the shear stress found in lung capillaries, and moderate expression of a lipid molecule called phosphatidyl serine (PS) on the cells’ membranes. “A high level of PS on red blood cells is essentially an ‘eat me’ signal that causes them to be digested by the spleen when they are stressed or damaged, which we wanted to avoid. We hoped that a lower amount of PS would instead temporarily signal ‘check me out’ to the spleen’s APCs, which would then take up the red blood cells’ antigen-coated nanoparticles without the cells themselves getting destroyed,” said Anvay Ukidve, a graduate student in the Mitragotri lab and co-first author of the paper. To test that hypothesis, the team injected red blood cells coated with their nanoparticles into mice, then tracked where they accumulated in their bodies. 20 minutes after injection, more than 99% of the nanoparticles had been cleared from the animals’ blood, and more nanoparticles were present in their spleens than their lungs. The higher nanoparticle accumulation in the spleen persisted for up to 24 hours and the number of EDIT red blood cells in the circulation remained unchanged, showing that the red blood cells had successfully delivered their cargoes to the spleen without being destroyed. Effective, adjuvant-free vaccines Having confirmed that their nanoparticles were successfully delivered to the spleen in vivo, the researchers next evaluated whether the antigens on the nanoparticles’ surfaces induced an immune response. Mice were injected with EDIT once a week for three weeks, and then their spleen cells were analyzed. Treated mice displayed 8-fold and 2.2-fold more T cells displaying the delivered ovalbumin antigen than mice that were given “free” nanoparticles or were untreated, respectively. Mice treated with EDIT also produced more antibodies against ovalbumin in their blood than either of the other groups of mice. To see if these EDIT-induced immune responses could potentially prevent or treat disease, the team repeated their three-week prophylactic injection of EDIT into mice, then inoculated them with lymphoma cells that expressed ovalbumin on their surfaces. The mice that received EDIT had about three-fold slower tumor growth compared with the control group and the group that received free nanoparticles, and had lower numbers of viable cancerous cells. This outcome significantly increased the window of time during which the tumor could be treated before the mice succumbed to the disease. “EDIT essentially is an adjuvant-free vaccine platform. Part of the reason why vaccine development today takes so long is that foreign adjuvants delivered along with an antigen have to go through a full clinical safety trial for each new vaccine,” said Zongmin Zhao, Ph.D., a Postdoctoral Fellow in the Mitragotri lab and co-first author of the paper. “Red blood cells have been safely transfused into patients for centuries, and their ability to enhance immune responses could make them a safe alternative to foreign adjuvants, increasing the efficacy of vaccines and speed of vaccine creation.” The team is continuing to work on understanding exactly how an immune response that is specific to the antigen presented by EDIT is generated by the spleen’s APCs, and plans to test it with other antigens beyond ovalbumin. They hope to use this additional insight to drive their pursuit of the optimal clinical setting(s) for the technology. “The human body is a treasure trove of elegant solutions to healthcare problems, and while medicine has come a long way in understanding those mechanisms, we are still in the early stages of being able to harness them to improve the length and quality of human life. This research is an exciting step forward toward that goal, and could dramatically change how immune responses are modulated in patients,” said the Wyss Institute’s Founding Director Donald Ingber, M.D., Ph.D., who is also the Judah Folkman Professor of Vascular Biology at Harvard Medical School and Boston Children’s Hospital, and Professor of Bioengineering at SEAS. Additional authors of the paper include Vinu Krishnan, Daniel C. Pan, Yongsheng Gao, and Abhirup Mandal from the Wyss Institute and SEAS; Alexandra Fehnel from SEAS, and Vladimir Muzykantov from the Perelman School of Medicine at the University of Pennsylvania. This research was supported by the Wyss Institute at Harvard University and the National Institutes of Health under grant # 1R01HL143806-01. Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Hassan Khaire is expected to join the Federal Member State leaders today in Dhusamareb in what signals ease of relations between Mogadishu and the regions. Source: Hiiraan Online
-
Kani waa sawir hore Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee Gaadiidka Dagaalka ayaa ku wajahan degaanno ka tirsan Gobolka Cayn xilli wefdi ka socda Puntland uu ku suganyahay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolkaas. Ciidamada Somaliland oo markii hore watay 9 Gaadiidka Dagaalka ah ayaa 2 kamid ah Shil ku galeen halka loo yaqaanno Tuula Samakaab oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Shilkaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay Khasaare dhaawacyo ah oo gaaray Ciidamadii labada gaari saarnaa waxaana sii gudbay 7 Gaadiidka Dagaalka ah kuwaas oo ku wajahan dhanka Gobolka Cayn. Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Somaliland ku sii jeedaan Degaannada Ceegaag iyo horufadhi oo ka tirsan Gobolka Cayn si ay halkaas uga hor is-taagaan wefdi ka socda Puntland oo doonaya in ay qayb- ka noqdaan Nabadaynta Degaanka. Wefdiga Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa shalay gaaray Degmada Buuhoodle waxaana ay sheegeen in ay u socdaan Nabadaynta Beelo ku dagaallamay Degaannada Ceegaag iyo Horufadhi. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Ciidamo u dirtay Wefdi ka socda Puntland oo ku sugan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dhisme soo dumay oo ku yaalla agagaarka xeradii hore ee Maslax ee deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan afar caruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dhacdadaasi, haweeney kalena ay ku dhaawacantay, kadib markii uu ku soo dumay darbigaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xilliga uu soo damayey dhismaha ay caruurtaasi iyo qoysaskooda uga u koranayeen roob islamarkaana caruurta geeriyooday ay hoos jiifeen dhismahaasi Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in caruurta dhimatay ay saddex yihiin gabdho, kuwaas oo isku qoys ahaa, halka midka afaraad uu wiil yahay. Duleedka Muqdisho ayaa waxaa dagan qoysas badan oo barakacayaal ah, kuwaas oo aan xilligan heysan meel ay kaga gabaadsadaan qabowga iyo dhaxanta dhaceysa. Si kastaba ha’ahatee dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneyso khasaaraha ay sababeen roobabkii xoogaan 48-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey magaalada Muqdisho.
-
Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare maamulka Puntland ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu kaga hadlay bixinta Shahaadada. Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in aysan arday imxitaanka dowladda aan ka qeyb aheyn wasaaraddu siin doonin shahadada dugsiga sare ee fasalka 12-aad, isaga wasiirku oo si gooni ah u timaamay ardayda maamulka Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed oo ka jawabayey hadalkaas ayaa waxaa uu sheegay in Shahaadada waxbarashada dowladda uu xaq leeyahay ardaygii Soomaali ah, isla markaana galay Imtixaan rasmi ah . “Shahaadada waxbarasho waxaa leh arday kasta oo Soomaaliyeed oo imtixaan la yaqaan galay, Hargeysa ama Boosaaso ha joogo, Goodaxna kama hor istaagi karo” ayuu yiri Wasiirka waxbarashada maamulka Puntland. Sanad weliba marka lagaaro waqtigaan oo kale waxaa soo baxa hadallo kala duwan kuwaas oo labada wasaaradood ay saxaafadda isku mariyaan, kuwaa dhammaan ka hor imaanayo mustaqbalka ardayda mana jiro tanaasul muuqda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shariif Maxamed Abayle oo ah ciyaarahan ugu soo dheelay maagalada Marko iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ciyaaartooyda Marka ay haysto garoomo xumo,loona baahanyahay in la caawiyo,isagoo Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo Wasaarada isboortiga Dowladda ku dhaliilay in aysan wax u qaban dhallinyarad iyo bahda ciyaaraha reer Marka. Halkan Ka Daawo Shariif Maxamed oo Baaq U Diray Dadka Ka Soo Jeedka Marka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upps.mp4 Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay daabacday warbaahinta gudaha dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa guddi u xilsaartay in ay kasoo salgaaraan diyaarad military gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca oo u adeegi jirtay Militariga ka jooga Soomaaliya. Diyaaradda ayaa soo dhacday Isniintii shalay, waxaana ku geeriyootay labo ruux oo ahaa Duulliye iyo caawiyihiisa oo xiligaas ku guda jiray mid kamid ah safarada loo qorsheeyay in ay sameeyaan. Nuuca diyaaradda waa hughes 500M, waxa ay si gaar ah ugu diiwaangashaneed Waaxda difaaca Kenya oo xamuul ahaan agabka ciidamada u qaadi jirtay, halka mararka qaar lagu daad-gureyn jiray Askarta. Kenya ma sheegin sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo burburtay, balse Warbaahinta Maxaliga ah ayaa warisay in ay kusoo dhacday deegaanka Kithyoko ismaamulka Machakos ee dalka Kenya. Karanja Muiruri oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo dhacday, isla markaana ay ku geeriyoodeen duulliyaashii saarnaa, balse xogta intaas ka badan ma uusan bixin. Khubaro ka socda Dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday, waxa ay bilaabeen baaris ay uga daba-tagayaan xaqiiqada sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo kamid ah diyaarado Kenya dhawaan heshay si ay ugu adeegsato la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada.
-
Maanta oo ay taariikhdu tahay 14, bisha Luuliyo, waxaa maxkamadda Gobolka Banaadir looga ballansan yahay dacwadda Wariye Cabdicasiis Axmed ‘Gurbiye’ oo ah Tifaftiraha guud iyo agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group. April 14, 2020 ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay waaran lagu soo qabanayo wariya. Waarankaa waxaa ku qoran in lagu eedanayo qodobka 220 ee xeerka Ciqaabta(XCS), oo ku saabsan Sharafta Madaxweynaha. Wariye Cabdicasiis waa la xiray, waxaana qaab damaanad ah lagu soo daayay 18 April, 2020. Mar kale ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir looga yeeray 6 Luuliyo, iyadoo la bedelay qodobkii lagu soo eedayay markii hore oo loo bedelay Qodobadda 269 iyo 328 oo isla xeerka ciqaabta oo ka hadlaya ka been abuurka hey’do garsoor oo u muuqata in qodobkii Madaxweynaha la ceebsaday oo meelo kale si aamusintiisa wariyaha qiil loogu helo!. Waxaa is weydiin leh, maxay tahay sababta ka dambeysa ee madaxtooyada Soomaaliya ay u daba taagan tahay kiiska wariye Gurbiye oo ka mid ah wariyeyaasha fara-ku-tiriska ah ee si cilmi ah u soo bartay saxaafadda islamarkaana ku shaqeeya mihnadda saxaafadda, tusaale fiican u ah dhalinyaro badan oo saxaafadda barata. Dhalinyaradaa oo uu kala tali jiray iney dhowraan sharaftooda isla markaan ay ka feejignaadaan qaadashada “Sharuurka” oo ah wasakhda wariye kasta ka leexisa hadafka saaxafadda oo afhayeen u ah bulshada. Hadaba, Marka aan dhan walba ka eegay waxaa ii soo baxay qodobbo aan is leeyahay waa kuwa ku riixaya Villa Soomaaliya inaaney ka harin dacwadda wariye Gurbiye. Baqdin Gelinta Saxaafadda Xorta Ah Waxaan cidna ka qarsooneyn siyaasadaha ay xukuumadda N & N ku beegsatay warbaahinta oo qaarna ay lacag siiyaan kuwa kalena ay si gaar ah u beegsadaan. Xilidhaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo 6 July bartiisa Facebook kusoo qoray hadal kooban oo uu kaga falcelinayo kiiska Wariye Gurbiye ayaa waxa uu yiri: “Kiis kaan iyo kuwa la mid ka ah ee lagu beegsanayo saxafiyiinta iyo hey’adaha warbaahinta madaxa banaan waa mid cabsi galin ah, laguna caburinayo saxaafada iyo Suxufiyiinta ku shaqeeya xaalad adag”. Marin Habaabinta Bulsho Madaxtooyada Soomaaliya xilliyadii dambe waxaa looga bartay in buuq kasta oo dhanka siyaasadda kaga furan ay dadka ku marin habaabiyaan iney ku furan arrimo kale oo ay ulajeedada kaga leexiyaan (killing political news on more interesting news). Sidaa darteed; waxaan ka baqayaa in kiiska wariye Gurbiye loo adeegsado dhanka siyaasadda oo xukunkiisa lagu soo beego xilliyo xasaasi ah si dareenka saxaafadda looga weeciyo arrimo kale oo masiiri ah oo dalka muhiimad gaar ah u leh, sida; arrimaha doorashooyinka. Aargoosi Dadban Wariye Gurbiye waxa uu si dhab ah uga hadli jiray xaaladda dalka ka jirta, kamana gamban jirin inuu tooshka ku ifiyo khaldaadka madaxtooyada oo si joogta ah uu bulshada ula wadaagi jiray, isagoo aan ka baxayn xayndaabka saaxaafadda. Kiis bedelka dacwadda wariyaha ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay aargoosiga madaxtooyada oo si kastaba dembi aanuu gelin u raadineysa wariyaha si ay u afqabtaan. Baaritaan uu gacanta ku hayay oo ku aaddan musuqmaasuq la xiriira deeqihii caalamka ee (Covid-19) ee dalka soo gaaray Inta aan Guribiye dacwaddan lagu soo oogin, waxa uu si wanaagsan bulshada ula wadaagayay wararka Covid-19 oo marayay xilligaas meel xasaasi ah dadkuna ay aad ugu dhago taagayeen. Daqiiqad kasta bulshada ayuu la wadaagayay xaaladda cudurka iyo gaabka dhanka dowladda ka si faafitaankiisa loo xakameeyo. Lacago farabadan ayaa dowladda loogu deeqay oo cudurka lagula tacalaalayo, weli xisaab xirka lacagtaas lama hayo oo shacabka lala waadign. Wariye Cabdicasiir waxa uu ku howllanaa baaris musuqmaasuq la xiriira lacagihii deeqaha ahaa ee cudurkaa la dagaallankiisa dalka usoo galay. Waxaa muuqa in laga mashquuliyay wariyaha shaqadii uu bulshada u ahayay oo sida uu dastuurku qorayo xaq u leh iney xog helaan arrimaha dalka sida loo maamulayo si madaxda loola xisaabtamo. kiiska wariye Gurbiya ayaa carin ku ah saxaafadda xorta ah ee dalka, iyadoo ay jirto in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu May 3, 2020 maalintii dunida iyo Soomaaliyaba laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda, ayaa waxa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay uu ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha. Laakiin dacwadda wariye Gurbiye oo loo adeegsanayo xeerka ciqaabta ayaa farta ku fiiqaysa in mar kale madaxweynuhu Ummadda Soomaaliyeed uga baxay ballanqaad uu sameeyo. Si kastaba, Xeerka ciqaabta waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay shaaciyay in maalmaha soo socda uu si rasmiya u furmi doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre oo shirka ku casuman ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo uu ka furmayo Shirka. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ay sii joogi doonaan islamarkaana ay ka qayb-galayaan Shirka Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka furmaya Dhuusamareeb. Shirka waxaa looga arrinsanayaa Doorashada soo socota ee Madaxtinimada Soomaaliya iyo Marxaladda kala guurka ah ee dalku hadda marayo si looga heshiiyo Hannaanka Doorashadaas u dhacayso maadaama lagu fashilmay Qof iyo Cod. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo faahfaahiyay wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdulahi Maxamed Xasan ayaa ka jawaab celiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in dowladda federaalka aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa tilmaamay in Goodax Barre uusan awood u laheyn inuu shahaadooyinka ka hor istaago ardayda Puntland, balse wuxuu carabka ku dhuftay haddii ay shahaadadu tahay mid uu isagu leeyahay uu diid karo, sida uu hadalka u dhigay. ”Shahaadadu hadday tahay mid uu leeyahay wasiir Goodax Barre, isagay ayay xor tahay inuu diido, balse haddii ay tahay shahaado Soomaaliyeed awood uma lahan inuu ka hor istaagi karo ardayda Puntland.” ayuu yiri wasiir Cabdulahi Maxamed Xasan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadallada wasiir Goodax Barre ay niyad jabinayaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbaratay, gaar ahaan kuwa maamulka Puntland, isaga oo xusay inay dad badan oo aqooyahano ah ay ka xumaadeen jawaab uu siiyey gabar ka mid ah ardayda Puntland ee sanadkaan gashay imtixaanka shahaadiga. “Runtii, waxaan aad uga xunnahay sida uu wasiirku ugu jawaabay gabadh kamid ah ardayda Puntland ee sanadkaan gashay imtixaanka shahaadiga. Waxaa noo muuqatay inuu si aqoon la’aan ah ugu jawaabay ardayadaas oo uu niyad jabiyay. Dad badan oo aqoonyahanno ah oo garanaya nidaamka federalka iyo waxbarashada ayaa ka xumaaday hadalkiisa,” ayuu markale yiri wasiirku. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya uu markale ku celiyey in aysan shahaado siin doonin ardayda imtixaanka ku galeysa deegaanada Puntland, maadaama aysan qeyb ka aheyn imtixaanaadka qaran ee ay qaadeyo wasaaraddiisa, waxaana hadalkaasi uu dib u soo celiyey khilaafka 2 dhinac.
-
Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID, ayaa shaaciyay in maanta oo talaado ah taariikhduna ku beegantahay 14-ka bisha July ee danadka 2020, dib ubilaabiday adeegyadii ay u qaban jirtay Ummadda Soomaaliyeed ee doonay warqada dembi la’aanta. Hoggaanka Baarista dembiyada ee CID ayaa sidoo kale sheegay in la soo diyaariyay hab raacyo cusub madaama uu wali jiro qatarta cudurka safmarka ah ee Covid19 iyadoo laga taxadirayo bad-qabka bulshada Soomaaliyeed ee adeegyada soo doonanayo. “Hadaba, waxaan ummaddeena sharafta leh ogeysiinaynaa inay nala dhowraan hab-raacyada loo diyaarshay, si,aan uwada ilaalino Badqabka, Xakameynta, Amniga iyo Nadaafada guud, iyada oo laga Soo gelidoono irida gadaale. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in maalintii la qabanayo 50% tiradii hore loo qaban jiray oo ah 150 qofood maalintii. Halka,taasi oo ah habraacyada xakameynta cudurka Karoona,waxaa kaloo intaa dheer in muwaadiniinta ku sugan dibada ay ka codsankaraan safaaradaha dalalka ay ku suganyihiin. Ugu dambeyn waxaa bulshada la faray in qof walbo uu soo qaato af-xirka (Mask).inuu qof kale soo wadan si loo yareeyo isdhaxgalka badan iyo inuu yimaado xilliga 06:00 subaxnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay ansixiyeen in la iibiyo xarunta ay hadda ku shaqeeyeen oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Wararka ayaa sheegaya in arrintaasi ay ka dambeysay, kadib soo jeedin ka timid guddoonka baarlamaanka Puntland, kadibna la horgeeyey xildhibaanada oo meel-mariyey. Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa kulankii shalay u gudbiyay qoraal codsi ah oo ku aaddan in la iibiyo xarunta Baarlamanka, isaga oo sababta ku sheegay arrimo amni, maadaama ay haatan xarunta ku dhex-taallo xaafado ay dagan yihiin shacab. Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa u codeeyey in xarunta baarlamaanka la xaraasho illaa 31 mudane oo ka mid ahaa 41 xildhibaan oo soo xaadiray fadhigii shalay oo Isniin aheyd, waxaa diiday 6 mudane, halka ay ka aamuseen 4 xildhibaan oo kale. Illaa iyo hadda guddoonku ma shaacin halka laga dhisi doono xarunta cusub ee baarlamaanka Puntland, maadaama ay ansixiyeen in la iibiyo xaruntooda. Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Puntland ayaa muddo fog ku shaqeynayey xarunta uu haatan degan yahay oo ka soo horjeedo xaruntii hore ee madaxtooyada.
