Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyneyaasha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku kulmaya Dalka Jabuuti. Kulankan oo bilow u noqonaya Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxa sidoo kale goob- joog ka noqonaya Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka soo shaqeeyay in kulankani dhaco iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti oo marti-qaadka sameeyay. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo muhiim ah, Labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa Madaxweynryaasha ku wehelinaya masuuliyiin sar- sare. Dhinaca Somaliland, waxa la sheegay inay madaxweyne Biixi ay safarka Jabuuti ku wehelin doonaan Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida, Wakiillada, Wasiirrada Arrimaha dibedda, Ganacsiga iyo xubno kale oo muhiim ah. Dhinaca Soomaaliya waxa Madaxweyne Farmaajo ku wehelinaya safarka Raysal-wasaare Khayre, Wasiirro iyo Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Source
  2. Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa daboolka ka qaaday in todobaadayada soo socda kalfadhiyada golaha wasiiradda la hor keeni doono si loo ansixiyo xeerka hawlgabka shaqaalaha dowladda. Wasiir Hinda ayaa sheegtay in ay tahay markii u horeysay ee Somaliland ay yeelato xeerka hawlgabka shaqaalaha dowlada, islamarkaana uu xeerkani mid si sharciya ku baxaya iyada o tilmaantay in xeerkani uu soo socday muddo iskana kaashadeen hay’adda shaqaalaha dowladda, world bank, iyo wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada imikana uu gabo gobo ku dhaw yahay. Dhanka kale waxaa ay tilmaantay in ay aad ugu rajo weyn yihiin in xeerkani si toosa u dhaqangeli doono, islamarkaana lacagta lagu bilaabaya aanay aheyn mid meel kale laga rajeynayo, balse ay tahay mid ku jirta Akoonada Qaranka Somaliland. Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyada oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaysa waxaa ay tidhi “Imika waxaa uu marayaa gaba-gabadii ayuu marayaa kalfadhiyada soo socda hadii ILLAAHEY yidhaaho ayaan rajeynayaa in la horgeeyo golaha wasiiradda ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida aan ku rajo weynahay waxaa uu bilaabmi doonaa 2021-ka ayuu hawlgabku si toosa uga hirgeli doona Somaliland, lacagta lagu bilaabi doonaana maaha mid la rajeynayo iyo mid meel kale laga sugayo ee waa mid ku jirta gacanta dawlada Somaliland (Akoonka) oo uu Qaranka Somaliland ku tallo galay oo uu meel dhigay” Source
  3. DJIBOUTI (Haalbeeg News) - Fuad Yusuf Ali, the military man whose arrest in Djibouti has sparked rare public protests held relations with the country’s enemy-Eritrea and sought to steal a military aircraft, the State Prosecutor has said. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa booqasho ku tegay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Jeneral Stephen Townsend, iyagoo halkaas markii uu gaadhay si weyn loogu soo dhaweeyay. Intaas kadib Taliye Jeneral Stephen ayaa Xarunta Madaxtooyadda Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti. Madaxweyne Geelle iyo Stephen Townsend ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dalka iyo Ciidanka Jabuuti iyo kuwa AFRICOM. Stephen ayaa waxaa uu sheegay in Jabuuti ay Mareykanka u tahay Isbahaysi muhiim u ah, isagoona uga mahad-celiyay taageerada ay siiyeen Howlgalada loo yaqaano loojistikada ee AFRICOM, xilligii lagu guda-jira ka hortega Cudurka Coronavirus. Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa bogaadiyay dadaalka Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku aadan dagaal ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Source
  5. Oslo (Wararka PP) — Xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Oslo, caasimadda Norway, oo shir dhowaan yeeshay ayaa ugu baaqay dadka Xamar ku nool inay abaabulaan bannaanbaxyo aan kala go’ lahayn si loo wiiqo dowladda federaalka. Puntland Post ma xaqiijin karto in qof kasta oo shirka ka hadlay leeyahay magaca xiriiriyuhu xusay marka la daawado muuqaalka shirka laga soo duubay oo lagu wadaagay baraha bulshada. Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ka midaysan dareen ah in xaqa beelaha Muqdisho sheegta lagu xadgudbay. Mid ka mid ah ragga meesha ka hadlay ayaa ku tilmaamay siyaasiyiinta beelaha kale ka soo jeeda, oo Muqdisho ku sugan, kuwo lagu masruufo hoteello Muqdisho ku yaalla. Maalmahan waxaa socday doodo ku saabsan maqaamka caasimadda Soomaaliya. Mid ka mid ah ragga shirka ka qaybgalay ayaa si bareer ah u xusay magacyada beelo Soomaaliyeed iyo magaca taliyaha ciidanka booliska, oo uu ku eedeeyay inuu ku kacay gaboodfal ka dhan ah beel Soomaaliyeed xilligii taliskii militarigu Soomaaliya ka arrimminayay. Sharciga magangelyo-doonka Norway wuxuu dhigayaa in dadka magangelyada la siiyay aysan u bannaanayn adeegsiga hadallo kicin ah iyo hurinta colaado siyaasadeed. Qofka Soomaaliyeed wuxuu magangelyo Norway kaga helaa sababo ay ka mid yihiin barakac iyo in beelo hubaysani halis ku yihiin noloshiisa. © Puntland Post, 2020 The post Xubno ka tirsan jaalliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo ku baaqay bannaanbaxyo beeleed appeared first on Puntland Post.
  6. Calanka Midowga Africa ee sudhan Muqdisho & Xarumo kale oo hoos loo dhigayo Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore. Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya. Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya. Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle. Qaran News
  7. Trump oo taageeray in la mamnuuco arrin dhibaato ku haysay dadka madaw Madaxweyne Trump ayaa dhaleecayn kala kulmay qaabkii uu ula tacaalay dibadbaxayada ka dilaalacay Mareykanka ee looga soo horjeedo mid-takoorka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ficilka ceejida ee ay boolisku kula kacaan dadka dambiileyaasha looga shakiyo gabi ahaanba meesha laga saaro. Qaar ka mid ah ciidamada booliiska Mareykanka ayaa u dhaqaaqay in ay mamnuucaan ceejida tan iyo markii ay bilowdeen dibadbaxyada uu horseeday dilkii Georege Floyd iyo dadka Afrikaanka ahi ee reer Mareykan. Mr Floyd ayaa geeriyooday isagoo sarkaal boolis ah uu jilibka luqunta kaga hayo. Trump ayaa sheegay iney aad u wanaagsan lahayd in la mamnuuco ceejida inkastoo xaaladaha qaar weli loo baahnaan doona. Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo Dimuqraadiyiinta iyo Republican-ka ee aqalka Congress-ka ay isku dayayaan iney soo saaraan faah-faahinnada ku aaddan hindise sharciyeedka isbadalka booliska Mareykanka. Madaxweynaha ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in fikradda lagu mamnuucayo ceejida booliska ay tahay “mid aad u wanaagsan oo kaamil ah.” Taariikha tacaddiyada booliska Mareykanka Balse isagoo hadalkiisa si wata ayuu sheegay: “Haddii sarkaal boolis ah u xaalad adag la kulmo isagoo qof dambi looga shakiyay gacanta ku haya…waa inaad taxadartaa oo waa suurogal in la adeegsado ceejida markaasi. Sarkaalkii booliska ahaa ee lawgiisa ku dilay Georeg Floyd, shaqada ayaa laga eryay isla markaana waxaa lagu soo eedeeyay dacwadda heerka labaad ee dilka. Cadaadiska dib u habeynta booliiska Mareykanka Madaxweyne Trump oo dhaleeceyn kala kulmay qaabkii uu ula tacaalay dibadbaxayada ka dilaalacay Mareykanka ee looga soo horjeedo midab-takoorka ayaa sheegay inuu doonayay in “si naxariis leh loola dhaqmo dibadbaxayaasha balse in sharciga kala dambeynta la soo celiyo” Hindise sharciyeedka isbadalka lagu sameeynayo booliska ayaa waxaa soo jeediyay Dimuqraadiyiinta mucaaradka ah ee maamula Aqalka Wakiilada balse si loo meel mariyo waxaa khasab ah in xisbiga madaweyne Donald Trump ee maamula Aqalka sanat-ka taageero. Waxa jirta suurtagalnimo ah in labada dhinacba ay heshiis ka gaadhaan mamnuucista ceejida iyo toogashada digniin la’aanta ah, sida toogashadii Breonna Taylor. Dhanka kale maamulka maagaalada Minneapolis oo ah halkii lagu dilay Mr Floyd ayaa meel-mariyay Jimcihii in waaxda booliska lagu badalo hab amni oo ay bulshada hormuud ka yihiin, waxayna tallaabadini ku soo beegmaysaa maalmo un kaddib markii maamulka magaalada ay u codeeyen in waaxda booliska la badalo. New York, Barasaab Andrew Cuomo ayaa saxixay amar lagu doonayo in isbadal lagu sameeyo guud ahaan booliska gobolka. taliyaha booliska Houston oo taageeray in meesha laga saaro ceejida Isbadalkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa adeegsiga awoodda booliska, cunsurimada iyo arrimaha kale ee horseeday dibad-baxyadaan loga soo horjeedo midab takoorka. Qaran News
  8. Dad Danyar Ah Oo Ka Qayliyay Taawaradda Shirkadda SOMCABLE Oo Fariin U Diray XukuumaddaQaar ka mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay biro isgaadhsiineed oo shirkadda Somcable ay ku leedahay oo laga taagay xaafada ay degan yihiin, kuwaasi oo ay sheegeen in xaalado caafimaad daro ay ka qaadeen. Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud kana mida dadka ay saameynta caafimaad ee xoogan ku yeesheen birahan Taawarka ee gurigooda agtiisa laga taagay, ayaa sheegtay in haween badan ay caafimaad daro ka qaadeen oo qaarkood ay carruurtii ka soo daadatay (Dhiciyeen), waxaanay xustay in loo awood sheegtay oo qasab lagaga taagay birahani xaafada ay degan yihiin. Waxaanay dadweynaha xaafadani ku nooli ay ka codsadeen masuuliyiinta xukuumadda talada dalka heysa in arrintooda wax laga qabto oo hoos loo eego. Hooyo Safiya Axmed Warsame ayaa shaaca ka qaaday in birtan iyo birta ka horeysay ee xaafadooda laga taagay lagu dhisay qaab khiyaamo ah”Cabasho weyn ayaanu birtaasi ka qabnaa caafimaaddaro ayay nagu riday, markii horena khiyaamo ayaa lagu iibsaday baloodhkani ay ku taallo mar labaadkii khiyaamo, waxaana xaafada lagaga iibsaday waxaa laga dhisayaa saddex makhsin oo guri xaasa, markii aanu ogaaney in birta labaad laga taagayana ee aanu nidhi hanalaga daayo waxaa nalagu yidhi RRU ayaa la idiin dalbanayaa, Ina Aw Siciid isaga ayaa magaalada leh, lacagtiisana u shaqeynaysa waanad ku khasban tihiin ayaa nala leeyahay, qori caaradii ayaa na loogu hanjabayaa, marka waxaa aanu codsaneyna cidkasta oo ay khuseyso oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha guduhu, badhasaabka gobolka, maxkamadaha cidkasta oo arrintayada wax ka qaban kareysa sida ugu dhakhsaha badan in nalooga joojiyo birtaasi, milateri iyo boolis ayaa nagu hareeraysan wax allaale wax aanu qaban karnaana ma jirto dawladu si deg degga ha noo soo gaadho”. Hooyo Safiya waxaa ay sheegtay in saameyn caafimaad daro ay ka qaaday birta Taawarka oo laga dhisay wax aan gurigeeda ka fogeyn laba mitir “Daaradan ayay Hooyaday ku dhimatay dhakhtar caafimaad ayaan geeyay waxaanu igu yidhi Taawarkaasi waxaa uu ku yeeshay saameyn, xisbiga ayaan anigu ka shaqeysta waxaa aan ahey qof danyara oo masaakiina oo dhulka iska xaabta, toban jeer ayaan u sii kala fadhiista Xisbiga, markii horena ee aanay birtaasi igu oolina hal daqiiqo ayaan ku gaadhi jiray, imika iyo haatana laxaadkeygii ma jiro, marooyin ayaan isku xidhaa oo dhabarka ayaan iska xidha, lugaha ayaan iska xidhaa, meel aanan iska xidhin jidhkeyga ma jiro, madaxeyga maro ayaan ku xidhaa, garaac iyo xannuun iyo dhibaato faro badan ayaan dareemayaa, dhakhtarkii kasta ee aanu u tagnaaba waxaa uu leeyahay waxaa idin saameeyay birta Taawarke agtiina laga taagay, carruur yar yar ayaan meesha ku haystaa marka aan goobaha adeeg bixinta caafimaadka geeyo waxaa la leeyahay Taawarkaasi ayaa saameyn caafimaad ku yeeshay,”. “Waxaa aanu ka cabaneynaa caddaaladaro aad iyo aad u baahsan, birtan Taawarka oo hore u jirtay ayaa la yidhi mid labaad ayaa laga taagayaa, hawshaasina waxaa wata nin ganacsade ah oo lagu sheegay inuu yahay Ina Aw Siciid, sidaasi darteed dawlada iyo cidkasta waxaa aanu ka codsaneynaa in ay cabashadayadaasi wax ka qabato”Ayuu yidhi Aabo Xasan Kheyre kana mida dadweynaha xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa. Hooyo Safiya Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in haween badan ay xaalada caafimaad daro u jiifaan guryaha, halka ay tilmaantay in qaarkoodna carruurtii ay ka soo daateen oo ay dhiciyeen waxaaney tidhi “Danyare ayaanu wada nahay xaafada Hooyaday waa bukaan, aabahay wuu dhintay, xaafadihii jaarkayagu guryahoodi waa ay wada iibiyeen, waa ay ka wada qaxeen, waxaa la yidhi waxaa aanu u iibineynaa birtaasi Taawarka, dumarkii xaafadayada imika shan ayaa jiifta wey wada dhiciyeen birtaasi ayaa idiin sababa ayaa la yidhi oo walaahi oo bilaahi oo tolaahiya, gabadh aan habaryar u ahey waa dhicis imika way jiifta dawladu waxaa aanu dooneyna in ay wax nooga qabato arrintaasi saameynta nagu yeelatay, xoog ayaa na loo sheegtay waxaa la yidhi hadii aad wanaag ku diideen taagista birtaasi ciidan ayaa la idin dul dhigayaa, taliyaha ciidanka saldhiga Daloodho ayaa ciidan nagu soo dareeriyay, xoog ayuu nagu marsiiyay, ulo ayaa nalala dhacay, waanala laayay, dawladu si sharaf leh ha noo soo gaadho. Booliskuna waa uu joogaa bir ayaa naga taagan tii labaad ayaa nalaga taagayaa, ILLAAHEY ayaanu magan leenahay, madaxweynahayaga ayaanu magan leenahay, na soo gaadh rayid ayaanu nahay masaakiin ayaanu nahay, ma awoodin karrno dhulka ma iibsann kareyno, dhulkii xataa hadii aanu iibin laheyn nalagama iibsanayo, Ina Aw Siciidow naga iibso ayaanu nidhi raggiisi shaqaalaha ahaa, la idinkama iibsnayo ayaa nalagu yidhi, waanu idinku taageyna oo khasab ayaanu idinkaga dhigeynaa, ana oo aan idin baryin, runtood ayay noqotay oo ciidankii ayaa nala dul dhigay, taliyuhu into markii hore na raacsana ayuu markii danbena iyaga soo raacay taliyaha heysta saldhiga Daloodha, into yidhi ‘bir haday ka taagan tahay tu labaad lagama taagi karro’, ayuu markii danbe naga raaacay markaan ku idhi maxay sidani u dhacdayna waxaa uu igu yidhi walaahi in aan ku xidhi, ciidankayagii weeyaan walaalaheyna Tukaraq ayay ku daadsan yihiin, Hooyadayna waa ay jiifta way buktaa oo faalig ayaa ku dhuftay, anigu wadno xannuun iyo macaan ayaan leeyahay, xaafadayadu wada macaan ayay leeyihiin dowladu ha nagu soo gurmato, madaxweynahayaga sharafta lihi ha noo soo gurmado, muslimiintu ha noo soo gurmato meelkasta oo ay joogto, birtii labaad ayaa nalagu taagayaayee tii hore waanu ogoleyna ta labaad ma ogolin oo dhimasho ayaanu ka naqaana”. Hooyo Safiya Sheekh waxaa ay caddeysay in dhakhtar caafimaad oo ay u tagtay uu ku wargeliyay in xannuunkeedu uu ka dhashay birta isgaashsiinta Taawarka ee gurigeeda laga ag taagay waxaney tidhi “Anigu Dr. Xasan Daahir ayaan iska soo baadhay waxaa uu igu yidhi birta ka fogow wadnaha ayaa i xannuunaa, naqaska ayaa igu dhaga, Oxygen ayaa leygu rakibaa markaan koomo gallo ee aan todobaad joogo, macaan ayaan leeyahay dhiikar ayaa leeyahay, gaastarik ayaan leeyahay, gurigayagu waa wada sidaasi dhammaantayo”. Qaran News
  9. Sidee Doorashada soo aadan mucaaradka u wajihidoonaan Dalka Jabuuti ” waxaa sharaxaad ka bixinaya aqoonyahan Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mid ah culimada Jabuuti. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/sheekh.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa ay dib u bilowdaan wada-hadalladii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland, kuwaas oo hakad ku jiray afartii sano ee u dambeysay. Wada-hadallada ayaa ka dhacaya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay isugu tagayaan wafuud ka kala socoto labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. Sida ay horey u baahisay Caasimada Online madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ka tirsan dowladda federaalka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan dalka Jabuuti, waxaana socdaalkaasi Madaxweyne Farmaajo ku wehlinaya, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa Somaliland shirkaasi uga qeyb-gali doono wafdi culus oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba yaa garwadeen ka ah isu-keenida iyo wada-hadallada labadada dhinac? Inkastoo ay Jabuuti isugu tegayaan, islamarkaana ay marti-qaatay madaxda Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hadane waxaa jira gacma kale oo door weyn ku leh wada-hadallada labada dhinac oo muddo fog laga soo dhaqeynayey. Sida ay wararku sheegayaan waxaa wada-hadalladaasi dib loo bilaabayo markale gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Itoobiya iyo Jabuuti. Haddii uu qabsoomo kulankan ayaa wuxuu noqonayaa is-aragii labaad ee Farmaajo iyo Muuuse Biixi, kuwaas oo horey ugu kulmay magaalada Addis Ababa. Arrimahaan oo idil ayaa ku soo beegmaya, xilli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo furitaankii kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal uu ka sheegay inuu soo dhaweynayo in din loo bilaabo wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
  11. Prof.Yaxye Sheekh Caamir oo ah khabiir dhinaca dhaqaalaha ayaa waraysi dhinacyo badan oo siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in cilmi baaris laga sameeyo sababta ay isku qilaafi waayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Ah Waraysiga Uu Kaga Hadlay Arinta Farmaajo Iyo Khayre https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Sequence-04.mp4 Source: goobjoog.com
  12. Sheekh Cabdiraxmaan oo ah aqoonyahan ka mid ah culumada dalka Jabuuti oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay xaaladaha qasan ee ka taagan dalka Jabuuti isaga oo sheegay in tacaddi ka dhan ah aadana uu ka jira dalkaasi waxaana sidoo kale uu ka hadlay dibaxyadii ka dhashay dhibaatadii uu xabsiga ka soo dhex duubay Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka jabuuti. Aqoonyahan Sheekh Cabdirasmaan ayaa sheegay in dalka Jabuuti ay ka jirto caburrin siyaasadeed mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo mid warbaahineed waxa uuna xusay in Jabuuti meelaha ugu hoseeyo ay uga jitrto dhinacaas iyo xorriyatul qawlka. “Jabuuti waxaa ka jira 4 dhibaato oo calculus waxaa ka jira caburrin siyaasadeed oo dadka afka lahayo waxaa ka jira mid warbaahin waxaa ka jira xadugudb dhinaca xaquuqda bani’aadamka ah oo qofkasta oo hadla waa la xiraa, waxaa kaloo ka jira in la isku xiro risiqa qofka iyo noloshiisa qof hadduu mucaarad noqdo waa la gaajeysiiyaa” Sidoo kale aqoonyahanka ayaa carabka ku dhaftay in dalka Jabuuti ay ka jirto nolol aad u xun isaga oo ku sababeeyay in heerka shaqalaanta dalkaasi ay mareyso halkii ugu sareysay waxa uuna intaas ku daray in kobaca dhaqaalaha ee Jabuuti uu yahay mid fadhiyo. “Dhinaca dhaqaalaha 80% dadku waa shaqa la’aan 60% dadku waxa ay ka hooseeyaan qadka gaajada dhinaca bulshadana dadku waa ay qeybsanyihiin si qabiil ah ayaa loo qeybiyaa dagaal qabyaaladeed baa la sameeyaa dadka waxaa laga dhigaa dad aan isku ahmiyad ahayn taas ayaa Jabuuti ka tirta” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cabdiraxmaan. Dhanka kale Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo hadal qaaday dibadbaxyada ka aloolsanaa todobaadyadii la soo dhaafay kuwaas oo ay dhigayeen dad careysan waxa uuna sheegay in isku soo baxyadaasi ay salka ku hayaan xarigga iyo tacaddi uu sheegay in loo geystay Fu’aad Yuusuf oo ahaa duuliye ka tirsanaa dowladda Jabuuti isa oo dhinaca kale tilmaamay in dibadbaxyadaas ay sidoo kale ka dambeeyaan dhibaatada loo geysto aqoonyahanada dalkaasi u dhashay. “Waa labo arrimood ariinta dambe waxa ay tahay waxaa jira nin askari ah oo magaciisu yahay Fu’aad Yuusuf oo ciidmada cirka ah ninkaas dulmi ayuu lagu hayay muddo sanado ah cadaadiskii buu ka carooday warqad buu u qoray madaxweynaha iyo wasiirka difacaa waa la dhageysan waayay ka dibna waxa uu sheegay inuu ku biirayo mucaaradka waddanka xorreynaya xabsiga dhexe baa la geeyay jirdil badan ayaa loo geystay, waxaa kaloo Jabuuti ka jira dad fara badan oo aqoonyahan ah oo dalkooda laga eryay” ayuu yiri Aqoonyahan Sheekh Cabdiraxmaan. Isaga oo sii hadlayay Sheekh Cabdiraxmaana ayuu sheegay in dhibaatooyinka Jabuuti ka dhaca loo geysto Soomaalida, Xanfarta iyo Carabta dalkaasi joogta waxa uuna yiri “Soomaali baa la dhibaa, Xanfar ba la dhibaa oo xabsiga ka buuxa waxaa la dhibaa carabta waa la dili gaaray”. Sidoo kale waxa uu sheegay aqooyahankan ka soo jeeda Jabuuti in dibadbaxyadii ka dhacayay dalkaasi ay ahaayeen kuwa loo wada dhamaa islamarkaana aysan jirin dad si gaara howshaasi ugu jiray “Banaan baxyadan waa loo dhanyahay waa bannaanbaxyo ummaddu u dhantahay”. Todobaadyadii la soo dhaafay xaalka dalka Jabuuti ayaa ahaa mid qasan ka dib markii dad ka carooday dhibaato loo geystay Fu’aad Yuusuf Cali oo horey uga tirsanaa ciidamada cirka ay mudaharaadyo waa weyn ka dhigeen magaalooyin ugu muhiimsan dalkaasi. Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Tartanka lagu xusayo laacibkii hore kooxda LLP Jeenyo Gobolka Baay iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Adam Uurey ayaa Muqdisho ka furmay waxaana ka qeyb galaya ilaa toban koox oo ka mid ah xidigihii hore kubbadda cagta Soomaaliya. Sheekh Maxamuud Caddow oo ka yimid wadanka Canada ayaa isku tax luujiyay xusida laacibintii hore Soomaaliya,isagoo sheegay in ay xusidoonaan halyayadii hore isboortiga dalka si loo xasuusto taariikhda iyo wax qabadkooda dhinaca ciyaaraha. Sidoo kale ciyaartooydii hore ee Dalka ee ka soo qeyb galay daah furka tartanka lagu xusayo halayaygii hore LLp Jeenyo iyo Xulka Qaranka Maxamed Xaaji Uurey ayaa iyagana sheegay in ay tahay wax wanaagaan in dib loo xasuusto laacibiintii Soo mara ee geeriyooday. Baazi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xidigihii hore LLP Jeenyo waqti wanaagsan ay isla soo qaateen Maxamed Xaaji Uureey ayaa ka mahad celiyay dadka soo abaabulay barnaamijkan wuxuuna dhinaca ka shakeeyay waqtigigii ay isla soo qaateen. Si kastaba Maxamee Xaaji iurey ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2019 ku geeriyooday magadala Toronto ee Wadanka Canada waxaana bahda isboortiga ay alle ugu baryeen in siiiyo janadiisa fardowso. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Tartanka Lagu Xusayo Laacib Uureey Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo loo heysto eedeymo musuq-maasuq ah, kuwaas oo dhowaan xabsiga la dhigay. Xubnaha la dhageysanayo dacwadooda ayaa gaaraya illaa 10 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan agaasimeyaal waaxeedyo iyo agaasimaha guud ee wasaaradda. Dhammaan xubnahan ayaa xeer ilaalinta dalka waxa ay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne, gaar ahaan markii uu bilowga ahaa cudurka faafa ee Coronavirus. Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa horey u sheegay in isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo suuqyada magaalada Muqdisho lagu arkay, iyada oo lakala iibsanayo agabkii loogu tala-galay ka hortaga cuduka Covid-19 ee loogu deeqay dowladda federaaka ah ee Soomaaliya, kadib la musuq-maasuqay qalabkaasi. Si kastaba ha’aheetee inta badan kiisaska la xiriira musuqa ayaa ku soo dhamaada wada-hadal iyo in la sii daayo xubnaha lagu helay, iyadoo aan la shaacin halka uu ku dhamaaday.
  15. NAIROBI (HOL) - Talks between Somalia and the break-away region of Somaliland are set to resume next week as Presidents Mohamed Farmaajo and Muse Bihi are expected to meet in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  16. NAIROBI (HOL) - Talks between Somalia and the break-away region of Somaliland are set to resume on Sunday as Presidents Mohamed Farmaajo and Muse Bihi are expected to meet in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Team-kiisa Golaha Wasiiradu waxay xili wanaagsan bilaabeen xaarxaarkda wada Puntland u marayso Nidaamka Asxaabta badan. Gudi Doorasho oo [...] The post Hirgalinta Nidaamka Asxaabta badan ee Puntland oo khatar ku jira appeared first on . Source
  18. Laba kamid ah Beelaha Gobolka Mudug oo maalmaha Shir Nabadeed uga socday Degaanka Bandiiradleey ee Gobolkaasi ayaa Maanta oo Sabtiya War-murtiyeed ka soo saaray Shirkaasi. War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in Shirka lagu go’aamiyay in laga heshiiyo Colaaddii mudada dheer u dhexaysay labada Beelood islamarkaana Nabad waarta laga hirgeliyo Degaanka. Shirka waxaa ka qayb-galay Waxgaradka iyo Isimada labada dhinac oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ku matala labada Beelood ee Shirka yeeshay. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta 20-June 2020 lagu qaban doono Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug si loo sii dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Shirkii Nabadaynta Bandiiradley oo War-murtiyeed laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
  19. Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay guddigii uu magacaabay guddoomiyaha aqalka sare ee loo xilsaaray isku keenidda madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada si la isugu yimaado miiska wadahadalka. “Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Sheeklh Shariif. Shariif Sheekh ayaa arrinkaas waxa uu ku tilmaamay tallaabo dhiira gelin mudan isaga oo yiri “Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah”. Maamul goboleedyada qaar ee dalka ayaa horey waxa ay uga dhawaajiyeen in Villa Soomaaliya ay ka caga jiideyso sidii loo qaban lahaa shir wadatashi ah kaas oo dhexmara madaxda qaranka ee heer federal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay weerareen goob ay isku uruursanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, taas oo ku taalla deegaanka Banka Jiira oo hoostaga degmaada Afmadow, waxaanahalkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa guullo sheegtay, waxaana ay shaaciyeen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab. Saraakiisha u hadashay Jubbaland ma shaacin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaase weli dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.
  21. Waxaa laguwadaa inuu kulan dhexmaro Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi kulankaasoo uu marti galin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta [...] The post Abiya Ahmed oo Jabuuti u wareejiyey Wadahaalkii Dowlada Federaalka iyo Soomaaliland appeared first on . Source
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay wasiiro cusub ka dib markii qaar ka tirsan golahiisa wasiirada ay sheegeen inay xilkii banneeyeen. Wasiirada iscasilayw ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Hirshabeelle Geelle Isaaq oo isaga eedeyn u jeediyay madaxweyanha maamulka Hirshabeelle. Waare ayaa xilka wasiir ku xigeenka amniga Hirshabeelle u magacaabay Xasan Maxamed Cilmi halka uu wasiir dowlaha wasaarada maaliyadda uu u magacaabay Yuusuf Sheekh Xasan Macalin. Halkan ka akhriso magacaabista Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. The al-Qaida-linked extremist group in Somalia has unveiled a COVID-19 isolation and care facility, a sign that the group is taking seriously the pandemic that continues to spread in the fragile country. Source: Hiiraan Online
  24. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyey wasiiro ka tirsanaa golihiisa, isagoona kuwa cusub magacaabay, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyey wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulkaasi, Mudane Gelle Isaaq, iyadoona xilkaasi loo mgacaabay Mudane Xasan Maxamed Cilmi. Sidoo kale waxaa wareegtada lagu sheegay in isna xilkii laga qaaday Luqmaan Haji Baarqab oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha HirShabelle, waxaana lagu bedalay, Mudane Yuusuf Sheekj Xasan Macalin. Sababta xilka looga qaaday wasiiradaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo IN LA dardar-geliyo howlaha shaqo ee wasaaradaha amniga iyo maaliyadda ee maamulkaasi. HirShabelle oo haatan la daala dhaceysa dhibaatooyin adag oo amniga iyo dhaqaalaha ay ugu daran yihiin ayaa waxaa lagu eedeeyaa madaxdeeda in ay ku mashquulsan yihiin arrimo gaar ahaaneed, iyaga oo inta badan sameeya xilka qaadis iyo magacaabis deg-deg ah.