-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa asbuucaan la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo muddo badan hakad jiray, iyadoo laga bixiyey fasiraad kala duwan. Sanatar Mustafa Qodax oo kamida xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka hadlay wada-hadalada ayaa ku macneeyey qorshe uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga furay dabin siyaasadeed oo uu ku jiro, sida uu hadalka u dhigay. Senator Mustafa ayaa heegay in wada-hadallada lagu soo aadiyey xilli madaxweyne Farmaajo uu dhexda kaga jiro mowjado iyo khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay in uu ka samata baxo, islamarkaana ay wadahadaladdayihiin kuwa sumcad loogu sameynayo Farmaajo oo wajahaya “fashil hogaamineed.” Hoos ka akhriso qoraalka Senator Mustafa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixi lahaa. Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo Ummada Soomaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxaan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumadda Soomaaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya. Ka sakow muddo xileedka dawlada Soomaaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto. Wadahadal kasta oo Soomaaliya iyo Somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca Soomaaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu. Dhinaca Somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan. Markaad dib u yara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, waa xukuumadda aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray DP World oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada. Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan Ummada Soomliyeed oo u baahan in Farmaajo laga hor dhaqaqjiyo. Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya in uu indha Ummada Soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya Soomaaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale. Waxaan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoonka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N&N waana sida ay doonayeen.
-
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku kala aragti duwanaadey kulanka Biixi iyo Farmaajo Gudoomiyeyaasha 2-da xisbi mucaarad, F.C.Waraabe & Cabdiraxmaan Cirro Kulan heer sare ah ayaa la filayaa in uu maalinta berrito ah uga furmo Jamhuuriyadda Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya oo wada xoojoodkoodii waayadan ba la hadal hayey uu kulan hor dhac u ahi ka furmayo dalkaas. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Djibouti. Xogo lagu kalsoonyahay oo ay BBC-du heshay ayaa xaqiijiyey in labada xisbi ee mucaaradka ahi ku kala aragti duwanaadeen warkaa madaxweynuhu siiyey. Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan. “Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay. Cabdirisaaq Khaliif waxa kale oo uu sheegay in aanu xisbigiisa ka codsanin in xubno ka tirsani raacaan iyaguna aanay ka codsanin. Waxase uu xaqiijiyey in berito ay bixi doonaan weftiga madaxweynaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Edna Aadan Ismaaciil oo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan xukuumadda. Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan. “Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali waraabi oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho. Xogo kale oo aanu ka hellay dhinac xukuumadda Soomaaliya, ayaa iyaguna noo xaqiijiyey in qorshuhu yahay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u duulo magaalada Djiobouti maalinta berri ah. Waxay xogaha aanu dhankaa ka hellay intaa ku dareen in madaxweynaha wafitigiisa ay ka mid noqon doonaan Ra’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka. Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa. Ilaa haatan labada dhinac midkoodna kama soo saarin war faahfaahsan oo ku saabsan arimaha lagu gorfayn doono, hase yeeshee dadka arimaha siyaasadda Soomaalida falanqeeyaa waxay sheegayaan in aan la saadaalin karin in wax weyni ka soo bixi doonaan. Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wefdi uu hoggaaminayo oo safar dhul ah ku maraya degaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa maanta gaaray degaanka Bitaale. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan labada gole ee maamulka iyo Xildhibaano ka socda Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shacabka iyo maamulka Bitaale uga mahad celiyay soo dhowaynta ay u sameeyeen dadka degaanka. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku sugan yahay degaanka wuxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa maamulka iyo Bulshada degaankaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray degaanka Bitaale appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhegaysiga dacwad loo haysto xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo lagu soo edeeyay musuq-maasuq hantiyeed. Dadkan dacwadahooda la dhegaystay ayaa gaaraya10 shaqaale ah kuwaas oo ay ku jiraan agaasime waaxeedyo iyo agaasime guud. Dhammaan xubnahan ayaa xeer ilaalinta dalka waxay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne. Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Cabdi khaddar Maxamed Xasan oo goob joog ka ahaa maxkamada ayaa sheegay iney tahay fal foolxun in shaqaalaha dowladda lagu soo eedeeyo arrimo la xiriira musuq maasuq, halkii ay eheyd iney iyaga la dagaalaan musuqa. Hay’adaha baarista ayuu faray iney si adag ula socdaan oo ay baaris dheeriya ku sameeyaan shaqaalaha xafiisyada dowladda, iyadoo cidii musuq lagu helana aan loo sameyn doonin wax cafis ah. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Shaqaale ku eedaysan musuq maasuq oo maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa berri subax lagu wadaa in dalka Djibouti uu safar ugu ambabaxo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay la socdaan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Sabriye iyo xubno kale oo siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah. Wafdigan ayaa ka qeybgalaya wada hadal ay la yeelan-doonaan wafdi ka socda Somaliland, uuna hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixsi, ayna ku jiraan, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka. Wada xaajoodkan oo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, marka laga soo tago madaxda Soomaaliya, Somaliland, Djibouti iyo Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale furitaanka ka soo qeyb geli-doona madax ka socota Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo inta badan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Ilo ku dhow kulanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in markii ugu horeysay laga hadli-doono arrimo miro-dhal iyo waxtar u leh labada dhinac, waxaana uuna wada hadalka mari-doona saddex heer oo kala duwan. Wararka shirka kala soco, Goobjoog. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xoojinaya dadaallada uu wado ee uu ku xaqiijinayo in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo cadaadinaya madaxda dowladda federaalka. James Swan, oo laba maalmood ka hor la kulmay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa sidoo kale maanta la kulmay wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, isaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo amniga doorashada. “Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo aynu ka wada-hadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaar-garowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu Ducaale ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. Ducaale iyo Fahad ayaa muhiim u ah doorashada, maadama amniga dalka uu ayaga hoostago. James Swan ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya kuna dadaalaya in la qabto kulan dhex-mara madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, si ay uga wada-tashadaaan arrimaha doorashooyinka. Swan ayaa doonaya in kulankan uu dhaco kahor 27-ka June, markaasi oo la filayo in guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ay hortagto baarlamanka, una gudbiso qorshaha guddiga ee doorashooyinka dalka. Ujeedka ayaa ah in inta aysan Xaliimo Yarey hortagin baarlamanka ay kulamana madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada, iskuna raacaan nidaamka doorashada, ayada oo ay caddahay in qorshaha ah doorasho qof iyo cod uusan hirgelin karin iminka. Haddii kulanka uu dhaco, waxaa meesha ka baxaya in guddiga hortago baarlamanka, ama ugu yaraan dib ayaa loo dhigi karaa, waxaana go’aanka doorashada wada-gaaraya madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.
-
Wasaaradda hormarinta caafimaadka ee Somaliland ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka Coronavirus ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay COVID-19 uu soo ritay 43 ruux, ka dib markii la baaray 2150 qof. Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in xanuunka uu u geeriyooday 1 ruux kaas tirada dadka Somaliland ugu dhintay ka dhigeyso 27 ruux, wasaaraddu waxaa ay intaas ku dartay in guud ahaan dadka xanuunka dib uga soo bogsadeen ilaa hadda ay gaarayaan 90 qof. Tirada wasaaradda hormarinta caafimaadka Somaliland maanta ay shaacisay ayaa guud ahaan waxaa ay ka dhigeysaa dadka xanuunka uu ku dhacay gudaha Somaliland yihiin 547 Ruux. Somaliland ayaa waxaa ay ka mid tahay goobaha uu sida weyn u saameeyey xanuunka COVID-19 haba ugu badnaato magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah. Source: goobjoog.com
-
Sawirradii Afrika ugu quruxda badnaa toddobaadkan . Saraakiisha boolislka Kenya oo qaadaya sanduuqa meydka lagu qaado oo ebar ah, kaasi oo waddada looga tagay kaddib dibadbaxya looga soo horjeedo tacaddiyada booliska. Waa haweeneey ka mid ah mudaaharaadayaasha oo seygeeda la dilay xilli uu socday bandowga habeenka kaas oo looga gol-lahaa in lagu yareeyo faafidda fayraska corona. Waa magaalada Accra oo ay isugu soo baxeen dad taageeraya dibadbaxaasha Mareykanka ee ka soo horjeeda dilkii George Floyd. Koonfur Afrika dadku waxa ay bilaabeen iney dib ugu soo laabtaan goobaha cibaadada. Waa jimcihii shalay iyo misaajid ku yaalla Koonfur Afrika, iyadoo si dadka misaajidka soo galaya la baarayay heerkulkood. Muslimiin xiran maskaraatiga afka iyo sanka iyagoo raacaya dadaallada looga hortayo faafidda Fayraska corona ee misaajidka Nizamiye ee Koonfur Afrika. Waa booliska ka hortaga rabshadaha oo isha ku haya Muslimiinta magaalada Bomako ee dalka Maali oo tukanaya salaadd Jimcaha. Waa Imam Maxamuud Dicko oo muslimiinta maali ku boorinaya iney banaanbaxaan salaadda jimcaha kaddib Kumanaan qof oo ku dibad-baxaya magaalada Bamako, iyagoo ka soo horjeeda madaxweyne Ibrahim Boubacar Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in toddobaadkan ay dalka Jabuuti ka billowdaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa xukuumada Hargeysa ay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ku eedeysayna inay si weyn u carqaladeyneyso horumarka Somaliland. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay in dowladda federaalku ay kasoo horjeedo xasiloonida iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wasiir Koore ayaa dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo uga digay inaysan marnaba faraha lasoo galin arrimaha Somaliland, oo uu ku sheegay inay tahay dal madax-banaan oo xor u ah arrimihiisa siyaasadeed. “Somaliland oo Waddan xor ah, arimihiisa iyo heshiisyadiisana waa u xor, cid uu wax ka weydiinayana ma jirto, cid kasta oo isku dayda inay hor istaagana way ku xiiqaysaa, markaas Maamulka Muqdisho wuxuu quudhi la’ yahay horumarka, xasiloonida, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland ka jira” ayuu yiri Wasiir Koore. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan uga digaynaa Maamulka Muqdisho ee uu Farmaajo Madaxweynaha ka yahay in aanay arimaha Somaliland faraha la soo galin ee ay ku eekadan tooda, sababtoo ah anaguba arimaha Soomaaliya ma fara gashano, sidaas awgeed raali kama nihin in Waddan kale arimahayaga soo faragashado, cid kasta oo xadkayaga iyo qaranimadayada ku soo duusha, talaabo adag ayaanu ka qaadaynaa”. Xukuumada Somaliland ayaa inta badan ka cabata faro-gelin ay sheegto inay uga timaado dowladda federaalka oo ula dhaqanta maamul goboleed, halka ay iyadu ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhul ah ku maraya deegaannada gobolka Mudug ayaa maanta gaaray deegaanka Bitaale ee gobolkaasi Madaxweynaha ayaa siweyn loogu soo dhoweyey waxaana kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan labada gole ee maamulka iyo xildhibaano ka socda federaalka oo ka soo jeeda Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa shacabka iyo maamulka Bitaale uga mahad celiyay soo dhoweynta heerka sare ah ay u sameeyeen,wuxuuna deegaanka qiyaastii 40-km u jiraa magaalada Gaalkacyo. Mudada uu madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka wuxuu kulamo kala duwan oo intooda badan diirada lagu saarayo horumarka deegaanka la yeelan doonaa maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wadamada Africa ayaa Jimcihii ugu baaqay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ee Qaramada Midoobay in si deg deg ah dood looga yeesho cunsuriyadda iyo dhaqanka naxariis la’aanta ah ee booliska, xilli Mareykanka iyo qeybo ka mid ah caalamka ay ka dheceen banaanbaxyo looga dhiidhinayay dilkii George Floyd. Waraaq uu qoray safiirka dalka Burkina Faso u fadhiya xarunta QM ee Geneva, uuna qoray isaga oo matalaya 54 waddan ee Africa, ayuu ku weydiistay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee QM in ay qabato “dood deg deg ah” oo ku saabsan “xadgudubyada isirka ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, tacaddiga booliska ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Africa, iyo rabshadaha ka dhanka ah dadka dhigaya banaanbaxyada nabdoon ee riixaya in la joojiyo caddaalad-darrada,” ayuu yiri. Waraaqdan oo ku socotay Guddoomiyaha Golaha Xuquuqda Aadanaha, Elisabeth Tichy-Fisslberger, ayaa lagu soo jeediyey in dooddan la qabto toddobaadka soo socda oo ah waqtiga uu kalfadhiga 43-aad dib howlihiisa u sii ambaqaadayo ka dib markii uu hakad-galay bishii March sababo la xiriira faafitaanka COVID-19. Baaqan ka soo baxay dalalka Africa ayaa imanaya ka dib markii qoyska Floyd oo ay wehliyaan qoysaska dhibaneyaal kale ee rabshadaha booliska iyo in ka badan 600 ururo aan dowli aheyn ay toddobaadkan ugu yeereen Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM in ay si degdeg ah uga hadlaan nidaamka cunsuriyeysan iyo la’aanta ciqaab ay la kulmaan ciidamada booliska ee Mareykanka. In codsi ceynkan ah uu Goluhu tixgeliyo ayaa ah mid u baahan taageerada ugu yaraan hal dal. Afhayeen u hadlay Golaha Xuquuqda Aaadanaha ee QM ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ay fursadaha in codsigan la meelmariyo ay korodhay maadaama uu baaqani ka yimid koox ka kooban dowlado badan. Warqaddan ay dalalka Africa u direen Golaha ayaa si gaar ah loogu xusay kiiska George Floyd oo ahaa 46 jir ka soo jeeday bulshada madow ee Mareykanka, kaasi oo 25-kii bishii hore ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii askari caddaan ah uu luqunta Floyd ku qabtay jilibkiisa. Muuqaal laga duubay goorta uu falkan dhacay ayaa kiciyey banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay Mareykanka iyo dalal kale oo dunida ah. “Waa nasiib-darro in kiisaska dhibaneyaal kale aan dilkooda lagu baraarugin maadaama aysan jirin muqaallo laga duubay oo lagu baahiyey warbaahinta bulshada,” ayuu Ambassador Dieudonne Desire Sougouri ku qoray warqaddan uu diray isaga oo ku hadlaya magaca dhamaan dalalka Africa. Inkastoo warqaddani ay ku baaqeyso in laga doodo cunsuriyadda dhamaan dalalka dunida, hadana waxa ay si gaar ah hoosta uga xarriiqeysaa Mareykanka. Gudoomiyaha Golah,Tichy-Fisslberger, ayaa Isniinta ku dhawaaqi doonta maalinta la qabanayo dooddan kulanka degdega ah ee la soo jeediyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Maxamed Dhabancad ayaa maanta Bosaso ka daahfuray Barnaamijka Bashinta Maamulka ee Magaalada Bosaso. Magaalada oo sanadihii u dambeyey aad u [...] The post Bosaso oo Afar qaybood loo qaybiyey , Sawiro appeared first on . Source
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa ka hor imaaday banaanbax la doonayo in lagu taageero madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo la qorsheeyey inuu ka dhaco Magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha ayaa Dowladda Dhexe ku eedeeyey inay dooneyso in qalalaaso iyo foodo laga dhex abuuro bulshada ku nool deegaanada Puntland, isagoo carabka ku dhuftay inaysan aqbali doonin banaanbax sharci darro ah. Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo isku daydo inay banaanbax lagu taageero Dowladda Dhexe ku qabato Boosaaso iyo deegaanada kale ee Gobolka Bari “Dad ayaa baryahan intay dad dhahaan Farmaajo ayaan taageeraynaa ee soo baxa kuwaas waxaan leeyahay meel ku sheegga mashaariicdii uu idiin balanqaaday,ma jirto wax ay qabteen Farmaajo iyo Kheyre.” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ku daba joogaan oo ay gacanta kusoo dhigi doonaan dhowr ruux oo taageero u ah Farmaajo iyo Kheyre oo ku sugan Gobolkaas sida uu hadalka u dhigay. Shacabka Puntland ayuu ka codsaday in ay Ogaadaan Hagardaamo uu sheegay in ay ku heyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli sidoo kale maamulka Hirshabelle uu joojiyey banaanbax lagu taageeri lahaa madaxweyne Farmaajo oo lagu qaban rabay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan.
-
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa markii 4-aad Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Xayirnaa dalka Kenya waxaa ay u fududeysay sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa horay tiro muwaadiniin ah ka soo daabushay wadanka Kenya kuwaas oo ku xayirmay wadankaasi ka dib markii uu safarada caalamka loo hakiyey sababo la xiriira xanuunka COVID-19. Dowlaada fadareraalka Soomaliya ayaa dadaal badan ku bixasay in ay ka soo daadgureeyso muwaadiniin Soomaaliyeed dalal dhowr ah oo ay ku xanibnaayeen si ay u soo guryo noqdaan Muwaadiniintaan oo ay keentay shirkadda Afrikan Express Airways waana markii afraad dowladda muwaadiniin Soomaaliyeed oo xayirnaa Kenya ay dib u soo celiso gudaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War qoraal ah oo ay soo saartay hay’ada caafimaadka Aduunka ayaa la gu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ka jirto xaalad aan la dhaliilsan Karin mkadib markii ay sii kordheen kiisaska Corona Virus. Sida la xaqiijiyay gobalada kala duwan ee dalkaasi waxa maalintii shalay laga diwaangeliyay 3,359 Xaaladood oo Covid-19. Sidokale Warbixin oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Koonfguud ahaan dalka laga diwaangaliyay in ka badan 61,9270 xaaladood, tiridaasi oo ka dhigeysa in xaaladahii ugu badnaa ee laga helo wadamada Afrika. Ku dhawaad saddex-meelood laba meelood kiisaska Koonfur Afrika waxay ku sugan yihiin gobolka Galbeedka Cape oo xuddun u ah magaalada Cape Town. Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee qaarada Afrika ayaa dhawaan sheegay in dalka Koonfur Afrika uu ku socda Wadadii ay mareen wadamada Yurub iyo Mareykanka, waxayna ku baqeen in gurmad deg deg ah loo sameeyo Koonfur Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa magacaabay Guddiga Isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyada. Gudigaan oo sagaal xubnood ka kooban ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha Aqalka Sare qudhiisa waxaana ay howshoodu tahy ka shaqeynta isu keenidda Dowoladda Federaalka iyo Maamul Gobleedyada iyo diyaarinta hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021. Magacaabista gudigaan ayaa imaneysa xili uu khilaaf ka dhex jiro gudfdoonka Aqalka Sare. Maxay ka dhigantahay magacaabistaan? Magacaabida Guddigan ayaa daba socota baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu soo saaray maalmo ka hor ee ahaa in dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo saamaleyda siyaasadda inay isugu yimaadaan shir degdeg oo wadatashi ah. “In la helo hab iyo hanaan raali la iskaga yahay oo doorasho lagu galo waa arrin soo dhaweynteeda leh oo in la boogaadiyo mudan, sida lagu yaqaanay aqallada sare ee aduunka, arrin xilligii loo baahnaa timid waaye,” waxaa sidaasi yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo BBC-da u warramay. Sanatar Mowliid Xuseen Guhaad oo ah Guddoomiye kuxigeenka 2-aad golaha Aqalka Sare ee Soomaliya ayaa ka soo horjeestay kulankii guddiga joogtada ee lagu qabtay aaladda Suumka. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in shirkaasi guddigu yeesheen aannu waafaqsaneyn xeer hoosaadka golahaasi. ”Waxaan ku diidanahay iyadoo ay Xamar ku sugan yihiin 12 sanator oo buuxin kara booskaasi in xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee aqalka oo dalka ka maqan aaladda Soom lagu raadiyo, iyadoo aysan jirin baahi keeni karta, waxayna arrintaasi baal marsantahay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare”, ayuu yiri Gudomiye kuxigeenka. ”Guddoomiyaha ilaa afar jeer baan arrrintan ka wada hadalnay balse iskumaan fahmin, taasi ayaana sababtay inaan dalbano guddiga joogtada ah.” Ibraahim Faarax Bursaliid ayaa la weydiyay iyadoo uu jiro khilaaf ka dhex jira go’aanka Aqalka Sare sidee ayuu guddigan ku noqaraa inuu ka mira dhaliyo hawlaha loo igmaday? “Guddoonka Khilaafka soo kala dhexgalay waayadan dambe, waxaad moodda mid ay lug leyihiin madaxda sare ee dalka hase yeeshee waxaan aaminsanahay sida aan ku naqaano guddoomiye Cabdi Xaashi si kasto oo ay go’aamo adag ula hor yimaaddaan wuu ka soo baxayaa shaqada sabatoo ah waa nin Soomaalida dhex-dhexaad u ah.”
-
Jabuuti (Caasimadda Online) Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Janaraal Stephen Townsend oo ah taliyaha AFRICOM ayaa ka wada hadli doona hawlgalka Midowga Africa ee ka soconaya gudaha Soomaaliya. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga qaaradda Afrika ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kula kulmay mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo ka tirsan hogaamiyayaasha dalkaas. Sida la faafiyay waa markii ugu horreysay uu taliyaha socdaalo tan iyo markii uu adduunka ka dilaacay xanuunka COVID19, wuxuuna tilmaamay in Jabuuti ay isbaheysi muhiim ah u tahay Mareykanka isla markaana ay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyahiin. Stephen wuxuu ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada midowga afrika ee AMISOM ku amaanay sida ay door muuqda uga qaateen la dagaalanka ururka Al-Shabaab ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya kana tirsan AMISOM waxey ku sugan yahiin gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya, Stephen ayaana uga mahad celiyay dowladda Jabuuti taageerada ay siiyeen ciidamadooda intii lagu jiray marxaladaha cuslaa ee COVID19. Taliyaha guud ee Militariga Jabuuti Daahir Cali Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cabdi Yuusuf iyo Wasiirka gaashaandhigga dalkaas Xasan Cumar Maxamuud Burhaan ayuu Janaraal Stephen Townsend kula kulmay saldhigga ay mareykanka ku leeyahiin Camp Lemonnier.
-
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lagu soo oogay xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu soo edeeyay musuq-maasuq hantiyeed. Dadkan dacwadahooda la dhageysanyo ayaa gaaraya illaa 10 ruux, kuwaas oo ay ku jiraan agaasime waaxeedyo iyo agaasime guud, dhammaan xubnahaan ayaa xeer ilaalinta dalka waxay ku soo eedeysay lunsashada xoolo dadweyne. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa horey u sheegay in isaga oo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud ay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq. Edeeysanayasha oo todobaadyadii danbe xirnaa ayaa maanta maxkamadda la horgeeyay si dacwadooda loo dhageeysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne farmaajo wuxu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixilahaa. Looma baahna inay somaliland dhabar jabiso mucaaradka somaliya iyo umada somaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya. Ka sakow muddo xileedka dawlada somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto. Wadahadal kasta oo somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu. Dhinaca somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan. Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada. Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo. Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale. Waxan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoobka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N$N waana sida ay doonayeen. Source
-
Yuusuf Maxamed Yuusuf oo ah qoraa xaga ciyaaraha ayaa sheegay in Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xiriirada ka dhisan Soomaaliya aysan xaq u laheyn in garoomada ciyaaraha aysan ka celin karin warbaahinta iyo muwaadintiinta. Halkan Ka Daawo Qoraa Yuusuf Yuusuf oo u waramay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Yuusuf_1-w.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dab baaxad leh ayaa ka kacay dooxada dhalin Waraabe oo u dhaw Af-cad oo ka tirsan deegaanka ilinta dhexe ee Waqooyiga Hargeysa. Dabkan oo aan ilaa haatan la ogayn waxa sababay ayaa la sheegay inuu yahay dab aad u baaxad leh, waxaana jira gurmad loogu jiro sidii loo joojin lahaaa. Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in la wado joojinta dabkaasi isla-markaana la samaynayo Moos weyn oo lagu joojinayo. Maayarku wuxuu sheegay inay socdaan dedaalo ay wadaan Maamullada degmooyinka Daaraslaam, Bulloxaar iyo Shirkadda Somcable oo halkaa u dirtay Cagafyo sameeya moos lagu joojiyo. Halkan hoose ka Daawo Maayarka Hargeysa oo ka hadlay dabka. Source