Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda gobolka Banaadir ee qaadeysa dacwada tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Gurbiye ayaa fadhigeeda maanta waxaa ay ka jawaabtay ishor istaaggii qareennada weriyaha ay sameeyeen talaadadii hore. Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan caddeyn Cidda soo eedeysay Wariyaha, islamarkaana looga baahan yahay xeer ilaalinta in ay soo caddeeyaan. “Maxkamadda marka ay aragtay qodobada 105, 106, 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 18aad iyo 109aad c, ee dastuurka KMG ah, qodobka 5aad xarafka Kh ee xeerka saxafadda iyo qodobka 19aad waxaa u cadaatay ‘’ Sidaas waxa sheegay Garsoorka Kiiska Gurbiye Maxamuud Yaasiin. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-yaas.mp4 Mid ka mid ah Qareenada u doodaya Cabdicasiis Gurbiye oo uu ka mid yahay Daahir Carab ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Maxkamadda isagoo xusay in Maxkamaddu waxna ay ka tagtay waxna ay ogolaatay. “Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka Maxkamadda ay gaartay , waxan rajeynaynaa in kiiska Cabdicasiis Gurbiye ay u qaado hab waafaqsan Cadaaladda’’ ayuu saxaafadda u sheegay Abukaate Daahir Carab. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-crcb.mp4 Xogyaha SJS Cabdalla Axmed Muumin oo isagana saxaafadda la hadlay ayaa ku eedeyay xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in ay sameynayaan wax kasta oo lidi ku noqon kara kiiska Gurbiye. “ Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka in uusan ogolaan oo iska fogeeyo dacwadan oo sharaf dil ku noqon karta xafiiskiisa , waxaa inoo muuqda in arintan ay tahay ila meerayso ”ayuu yiri Cabdalla Axmed Muumin. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/SJS.mp4 Guddoomiyaha Ururka FESOJ Maxamed Cabduqaadir Abaadir ayaa isagana sheegay in muhiim ay tahay in Dowladda Federaalka ay qaado talaabo kasta oo lagu badbaadinayo badqabka suxufiga isagoo sheegay in kiiska Cabdicasiis Gurbiye noqdo mid cadaalada la waafajiyo. “ Cabdicasiis Gurbiye waxa uu xoriyad la’aan uu yahay ku-dhawaad seddax bil ilaa iyo hada ma jirto wax cadaalad uu helay sidaas darteeda lama aqbali karo in intaan ka badan ay sii socoto dacwadda Gurbiye”ayuu u sheegay warfidiyeenka u sheegay Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo ah guddoomiyaha FESOJ. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/abaadir-whats.mp4 Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la doonayo in la marin habaabiyo kiiska Weriyaha , isagoo carabka ku dhuftay in Dowladda ay ogolaato xoriyadda hadalka. “Muddo Seddax bil ah ma naqaano Weriye Gurbiye waxa loo haysto iyo cida haysata , waxaana inoo muuqata iska daba-wareeg iyo marin habaabibta kiiskan ”sidaa waxa sheegay Agaasimaha Goobjoog Xasan Maxamuud. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-hassan.mp4 14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook. Halkan Sidoo Kale Ka Waado Warbixin Faah Faahsan Oo Ku Saabsan Kiiska Gurbiye https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-gurbiye.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Beledweyne (HOL) - A plane belonging to a regional operator based in Nairobi has crashed at Ugas Khalif Airport in Beledweyne. Source: Hiiraan Online
  3. Waraysi-Maareeyaha Garoonka Beledwayne Odawaa Xuseen Jaamac oo Goobjoog kala hadlay sida loo badbaadiyay shaqaallihii saarnaa diyaarad ku burburtay Garoonka Beledwayne Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Xogta Diyaaradii Soo Dhacday https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-maaa.mp4 Halkan Ka Aqriso Xogta Diyaaradii Soo Dhacday Diyaarad Ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Baladweyne Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Talaado ah muddeeyay Wakhtiga ay dhacayso Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Mudanayaasha Golaha Baarlamanka Puntland waxay go’aamiyeen in Axadda Todobaadka soo socda oo ku beegan 19-ja Juulaay 2020 ay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Doorashada waxa ku tartamaya saddex Musharrax oo kala ah Faysal Mahdi Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Maryan Axmed Cali kuwaas oo ay Liiskooda todobaad ka hor Golaha Wakiilada u soo gudbisay Xukuumadda Puntland. Golaha Xukuumadda oo Dastuuriyan xaq u leh in ay soo xulaan Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ayaa Liiskaasi ku koobay in ay tartami karaan saddexdaas qof oo keliya. Musharrixiinta ayaa loollan adag ugu jira sidii ay ku hanan lahaayeen Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha balse way kala fursad badan yihiin sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen. Siciid Cabdi Mu’min oo loo yaqaan Siciid Cabdiyare ayaa sida la sheegayo ugu fursad badan Musharrixiinta waxaana loo saadaalinaya in uu ku guulaysto Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuda Aadanaha Puntland. Garyqaan Siciid oo muddooyinkii u dambeeyya olole xooggan ku jiray waxa uu durba galaan-gal hoose ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamanka kuwaas oo badankoodu taageersan ololihiisa sida ay ogaatay Puntland Post. Waxaase xusid mudan in mar kasta laga war sugayo Natiijada Rasmiga ah ee ka soo baxda Loolllanka Doorashada la shaaciyay in ay dhacayso 19-ka bishan Juulaay 2020. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinaya Guddoomiyaha Cusub ee Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) – Shirkadda Soma Oil, oo kaalin horseed ah ku lahayd sahaminta shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya, ayaa magaceeda u beddeshay Coastline Exploration. Shirkadda, oo uu guddoomiye u ahaa Guddoomiyihii hore ee xisbiga Muxaafidka Biritayn Micheal Howard, waxay sanadklii 2013-kii heshiis la saxiixatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaasi wuxuu keenay in sahamin lagu sameeyo xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya iyo in baarlamaanka Soomaaliya dejiyo xeer shidaal oo sal u noqon doona qaybsiga hantida ka soo bixi karta xaraashka ceelasha shidaal, haddii guul laga gaaro sahaminta. Ma cadda in Micheal Howard weli yahay Guddoomiyaha Coastline Exploration Wargeyska Financial Times ayaa ku tilmaamay Soma Oil ( ka hor intaysan magaca beddelin) shirkad ka mid ah heshiiska shirkaddu gashay ku tilaamay mid soo jireen ah ( legacy agreement) oo Soomaaliya heshiis la saxiixday sida ConocoPhillips. Bogga shirkadda Coastline Exploration ku leedahay Internetka muu bixinayo faahfaahin ku saabsan madaxa iyo guddiga maamulka shirkadda. “Waannu ognahay in hawlaheennu saamayn ku yeelan karaan beelaha aannu ka dhex shaqayno. Waxaannu ku dadaalaynaa inaannu yarayno saamaynta deegaameed, waxaannuna u duubanaynaa la dagaallanka saamaynta bulsheed oo ba’an sida ku xadgudubka xuquuqda aadanaha” bay shirkaddu ku qortay boggeeda. “Danaha Biritishku ka leeyahay Soomaaliya ayaa dhaliyay inuu dabada ka riixo ka bixistii ku meel gaarka si shirkadaha dalkaas heshiisyo ula galaaan dowladdda Federaalka Soomaaliya oo magac uun kaga duwan dowladdii ku meel gaarka ay beddeshay 2012-kii” buu Daahir Cali, gorfeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho, u sheegay Puntland Post. Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay Soma Oil in ay wax isdabamarin samaysay. Xafiiska Wax-isdabamarinta Ba’an (Serious Fraud Office) ee Biritayn ayaa baaritaan ku sameeyay shirkadda, waayayna caddaymo in shirkaddu ku kacday eedeymaha loo soo jeediyay. © Puntland Post, 2020 The post SOMA OIL OO LOO BIXIYAY COASTLINE EXPLORATION appeared first on Puntland Post.
  6. Maanta oo tallaado ah waxaa dib loo furay xaruntii dadka ay ka heli jireen warqadda dambi la’aanta ee CID-da, kadib markii loo xiray saameyntii ka dhalatay Cudurka COVID-19. Afhayeeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xaruntaas maanta dib loo furay, islamarkaana ay dib u bilaaban doonaa adeegyadii CID –da oo dadweynuhu ay ka heli jireen halkaas. Dhame Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu sheegay in la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego. “Waxaa la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka, weji xir (Masks ayay dadku soo qaadanayaan, shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Ugu dambeyn waxaa bulshada uu faray in qof walbo uu soo qaato af-xirka (Mask, si loo yareeyo faafitaanka cudurka Coronavirus oo weli ka jiro dalka. View the full article
  7. An Ethiopian member of the African Union (AU) peacekeeping force patrols the streets of Kismayo on November 15, 2016. SIMON MAINA / AFP What’s new? Hundreds of troops loyal to the Federal Government of Somalia, on one side, and Jubaland regional state, on the other, are locked in a tense showdown in the Gedo region of southern Somalia. Clashes between them have already resulted in fatalities and uprooted thousands from their homes. Why does it matter? Neighbouring Ethiopia and Kenya, which are both troop contributors to the African Union’s peacekeeping mission in Somalia, seek to avoid direct confrontation but respectively support the opposing federal and Jubaland administrations. The situation plays into the hands of the Al-Shabaab Islamist in-surgency, which is further entrenching its presence in Gedo. What should be done? The African Union, along with the eastern African sub-regional bloc, the Intergovernmental Authority for Development, and Somalia’s bilat-eral partners, should lean on Ethiopia and Kenya to push the two sides to de-escalate tensions. Talks would allow the sides to refocus energies on stemming Al-Shabaab’s gains. I. Overview A standoff between forces loyal to Somalia’s federal authorities and those allied to the southern state of Jubaland could trigger a wider Horn of Africa crisis. Clashes between the two sides in February and March 2020 displaced 56,000 people and killed at least ten, including civilians. The warring parties have since settled into an uneasy stalemate but discord is rife among clans in Jubaland’s Gedo region, the epicentre of the violence. Mogadishu and Jubaland leaders, and their respective backers Ethiopia and Kenya, need to compromise. The African Union (AU), working with the sub-regional bloc, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), and in concert with others such as the UN, European Union (EU), United States and United Kingdom, should push for revival of tripartite talks among Ethiopia, Kenya and Somalia. Those talks should aim to ease regional tensions and pave the way for the federal government and Jubaland leaders to end their dangerous altercation before it escalates further. The frictions in Gedo reflect political fault lines that cut from national politics down to local clan tensions and constitute a major source of instability for Somalia. The principal conflict is a standoff between the Jubaland state, notably its leader, Ahmed Mohamed Islam “Madobe”, and the federal government led by Somalia’s president, Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo”. The dispute was triggered by Mogadishu’s refusal to recognise what it and Madobe’s local rivals argue was a flawed August 2019 vote that saw the Jubaland president win a second term. But it reflects deeper disagreement between Farmajo and Madobe over how Somalia’s political system should allocate power. Their differences have fuelled local tensions via clan and sub-clan alliances and rivalries that characterise the country’s often fractious politics. The bitter divisions are worrying, given the need for national and local consensus on key issues, such as how to organise Somalia’s next election, due by the end of 2020. The situation is worsened by tensions between external actors serving as part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which is mandated to support efforts by federal and state governments to combat the Al-Shabaab insurgency. Ethiopia, which has a contingent of troops in the contested region of Gedo in the north of Jubaland, backs Mogadishu, the result of Addis Ababa’s pivot over the past two years in favour of a centralised Somali state. In contrast, Kenya, whose troops are based farther south in Lower Juba, supports Jubaland’s incumbent president. Nairobi sees him as critical to a buffer zone in that region protecting Kenya from militant incursions. Neither of the two regional heavyweights seeks a direct confrontation. But absent a resolution, their rivalry could feed a damaging conflict in Somalia that would have repercussions for regional stability. It will take efforts by all sides to avert renewed hostilities. The AU should lean on Kenya and Ethiopia to back down and afford their Somali allies space to make concessions. As a first step, the AU Commission chairperson should urge the Kenyan, Ethiopian and Somali leaders to convene a tripartite summit they had called in March to de-escalate tensions but postponed due the COVID-19 pandemic. In turn, the AU, IGAD, the UN, the EU and Somalia’s key bilateral partners, chiefly the U.S. and UK, should press Farmajo’s government and Madobe to craft a compromise. Such a deal could entail Mogadishu recognising Madobe’s administration in return for Madobe pledging not to seek another term as Jubaland president, reconciling with other Jubaland leaders to address grievances over his re-election and his governance more broadly, and cooperating on national priorities, notably how to hold national elections due in late 2020. A bargain would allow them to dedicate troops and resources to their shared goal of rolling back Al-Shabaab’s insurgency. II. A Divisive Vote and Its Fallout Since coming into office, President Farmajo has moved to assert the central government’s control over semi-autonomous regions known in Somalia’s federalised system as federal member states. Though he has installed compliant allies as presidents in some states, Farmajo has struggled to do the same in Jubaland, where opposition to Mogadishu – both his administration and its predecessors – has been particularly pronounced over the years. Ahead of elections for Jubaland’s presidency, held in August 2019, tensions accelerated, leading to a crisis that evolved into today’s military standoff. Control of Jubaland, an economic centre of gravity in Somalia, has long been and will likely remain contentious. The country’s southernmost region is potentially one of Somalia’s wealthiest, with abundant seasonal rainfall, lush farm and rangeland, and possibly huge offshore oil and gas deposits. Its port of Kismayo is one of Somalia’s largest cities and a much sought-after asset. Previously held by Al-Shabaab, Kismayo is now controlled by troops loyal to Madobe. He and Farmajo, however, hail from two different clan groupings that have contested power in the region for decades. The two men hold diametrically opposed visions of the proper balance of power between the centre and member states, with the more centralist Farmajo bitterly opposed to Madobe, who seeks greater regional autonomy. Planning for the 2019 election proved heated from the start. Jubaland resisted attempts from Mogadishu to impose controls over the conduct of the poll organised by the Jubaland electoral authority, which opponents say was dominated by Madobe allies.Mogadishu subsequently rejected the outcome, which saw Madobe re-elected to another four-year term. Moreover, an anti-Madobe alliance under the banner of the Jubaland Council for Change (JCC) held its own parallel vote due to what it said were concerns regarding manipulation, despite pleas from the AU, IGAD and the UN Assistance Mission in Somalia to avoid competing polls. This parallel process itself proved divisive: two rival opposition candidates, Abdirashid Mohammed Hiddig and Abdinasir Serrar, claimed victory. As a result, three men declared themselves Jubaland’s president-elect. The elections’ aftermath sowed further division. Mogadishu refused to accept the results, instead issuing on 7 October 2019 a set of conditions to guide the conduct of fresh elections. Madobe resisted. His administration held its inauguration ceremony in Kismayo, where he was sworn in as Jubaland president. The attendees included a cross-section of Somali political elites opposed to Mogadishu, revealing how the standoff between Jubaland and the federal government had been elevated to an impasse between Farmajo and his rivals. Although at first Mogadishu and Kismayo continued to cooperate on technical issues such as debt relief negotiations after Madobe’s inauguration, the federal government kept seeking influence in Jubaland at his expense. Rather than contesting overall control of Jubaland by seeking support in Kismayo itself, Mogadishu moved to win over the northern Jubaland region of Gedo. This approach was logical, given Farmajo’s blood ties to Gedo’s dominant Marehaan clan. In addition, Gedo is a weak spot for Madobe and far from Lower Juba, where he has concentrated his security forces and does most of his politicking. Asserting federal government control in Gedo would help delegitimise Madobe’s claims to represent all Jubaland and thus strengthen Farmajo’s hand in his pursuit of new state elections or talks regarding the state’s future. Forthcoming national elections, which may suffer delays due to COVID-19, also colour calculations vis-à-vis Gedo. Farmajo’s chances at a second term in office would increase if he were to win local allies in the regional states. Farmajo’s administration thus moved aggressively to bolster its presence in Gedo, primarily through the deployment of federal security forces and the replacement or co-optation of local officials. Federal deployments have allowed Mogadishu to assert control over the districts of Luuq, Doolow and Beled Hawo, in addition to deepening its presence in Garbaharey and Bardheere. By May 2020, Mogadishu had appointed new district commissioners in those five districts. It had also enticed local officials to switch their loyalties, while harassing perceived opponents, including with threats of detention. Mogadishu has invoked national security to justify its actions, saying control over Gedo, which abuts both Ethiopia and Kenya, is essential to defending Somalia’s borders. Federal officials say having sway over Gedo would also contribute to any eventual operation to retake Al-Shabaab-controlled territories farther south in Middle Juba.Mogadishu has meanwhile availed itself of federal institutions like the Somali National Army and Somalia’s National Intelligence and Security Agency, and enlisted international allies such as Ethiopia to support its efforts on the ground. For its part, Kenya continues to back Madobe, whom it considers a key partner in its mission to hobble Al-Shabaab’s advance into Kenyan territory. III. From Confrontation to Precarious Standstill out of a deal to work with Mogadishu to undermine Madobe ahead of the regional election. Tensions rose further after Janan’s escape. He resurfaced near his stronghold by the border town of Beled Hawo and began to mobilise forces in opposition to the federal government. Farmajo reacted swiftly by accelerating the deployment of federal forces in Gedo.These troops, backed by pro-federal local militias, soon clashed with forces loyal to Jubaland and mobilised by Janan. On 8 February, a skirmish left between two and four combatants dead in Beled Hawo.On 2 March 2020, heavier fighting occurred around Beled Hawo and Border Point One, claiming six civilian lives and displacing 56,000 people. No major violence has occurred since then, likely in part due to constraints that both sides face. For Jubaland, a limiting factor is the influx of Ethiopian forces – both with AMISOM, entailing troop rotations via Gedo toward Baidoa, and reportedly outside AMISOM’s auspices at the Ethiopian border and in Doolow since March. While Ethiopian troops have not specifically been involved in the Gedo standoff, Ethiopia’s political support for Farmajo may nonetheless cause Jubaland to hesitate before re-engaging militarily. On the federal side, Mogadishu has achieved its primary objective by asserting political and security control in much of Gedo. It is unlikely to further pursue opposition Jubaland forces mobilised by Janan in Mandera across the Kenyan border, where some now appear to be based. Calls for restraint from regional and Western envoys may also have helped. The lack of further combat likely reflects a pragmatic assessment on both sides that the risks outweigh potential gains. That said, both sides have exploited the lull in violence to consolidate positions on the ground. The federal government has sought to build on its overhaul of Gedo’s political leadership by undertaking quick-impact development projects and winning over local clans. Social media accounts linked to pro-Mogadishu Gedo leaders point to the federal government’s community consultations, clan outreach and infrastructure projects in Beled Hawo, Doolow and Luuq districts. Madobe, too, has sought to solidify his position. In late April 2020, his erstwhile opponents Serrar and Hiddig renounced their claims to the Jubaland presidency, while Madobe pledged to form an inclusive cabinet and forgo a third term. The deal shores up Madobe’s position in Lower Juba by eliminating sources of political competition. Though opponents argue it entails limited representation, given that all main signatories hail from the Ogaden clan, the agreement does call for clan power sharing and a fresh round of reconciliation conferences to bring Jubaland together. The situation remains combustible. The political dispute between the parties lingers unresolved. Madobe rejected an offer in June by the federal government to recognise his presidency for a two-year interim period instead of the regular four-year term. A slight provocation could generate a fresh round of violence. Many civilians remain displaced and worried, in the words of one resident from the region, that “fighting could resume at any time”. Further violence would only weaken all sides and give Al-Shabaab more opportunities to expand its own territorial control. IV. National Implications While centre-periphery tensions in Somalia predate Farmajo’s presidency, the fault line has sharpened under his tenure. The president came to power with a vision to restrain what he and his allies perceived as federal member states’ overreach, especially in the absence of a strong central government and clear rules outlining the division of power between centre and periphery. Where possible, Farmajo has aimed to replace state-level officials with figures more amenable to his agenda. The dispute with Jubaland is thus the latest flashpoint in the struggle between Mogadishu and the federal states, and an opportunity for Farmajo’s rivals to advance their opposition by backing Madobe. The standoff over Gedo has entered the national conversation relating to power sharing and given Madobe support that may otherwise have remained beyond his reach. For example, Puntland’s President Said Deni, a staunch defender of federalism in Somalia, is a firm Madobe backer. The Forum for National Parties (FNP), a coalition including two former Somali presidents, has also voiced criticism of Mogadishu’s tactics in Gedo. Al-Shabaab is the unambiguous beneficiary. The organisation replaced its Gedo shadow governor in February 2020, likely in a bid to intensify operations. On the evening of 24 February 2020, militants killed three local officials in Bardheere – the group’s first attack in the main town in years. Local residents blame Al-Shabaab’s secretive Amniyat (intelligence service) for this and other recent incidents. They also note the group’s expanded presence into an area that was previously relatively insulated.Attacks on Ethiopian convoys along the Doolow-Baidoa route have also increased. Al-Shabaab benefits, as security forces that otherwise may have been deployed to tackle the militants are instead pinned down facing each other. The situation has upset some of Somalia’s international partners, notably the U.S. and EU, which have made significant investments in the Somali army. These two powers have expressed frustration that AMISOM’s planned drawdown could be further delayed by Somali authorities’ infighting.Federal and Jubaland officials each say they are preparing their own operations to rout Al-Shabaab from its strongholds in Middle Juba. Any plans for two separate but simultaneous counter-insurgency operations, each involving rival forces, will have pitfalls. But even leaving these aside, it is doubtful that either side is serious about committing forces to fighting Al-Shabaab while the Mogadishu-Kismayo competition persists. Neither is likely to want to sustain casualties that weaken its position vis-à-vis the other. V. Ethiopia and Kenya Enter the Fray Though allies in AMISOM, Ethiopia and Kenya now find themselves on opposing sides when it comes to local alliances in Somalia. The two countries have a deep history of cooperation in Jubaland, given the implications of cross-border security. They both bought into the 2013 Addis Ababa agreement that installed Madobe as the head of the emergent Jubaland state. But any sense of shared vision for the region appears to have evaporated, with Ethiopia backing Farmajo in Mogadishu and Kenya deepening its relationship with Madobe. The rivalry is breaking down AMISOM’s cohesion and opening space for Al-Shabaab. The level of discord almost led to blows on 22 August 2019, the day of the Jubaland election, when a plane carrying Ethiopian forces attempted to land at Kismayo airport, but was prevented from doing so by Jubaland and Kenyan troops. The primary reason for the divergence between Nairobi and Addis Ababa relates to a policy shift in Ethiopia. Upon taking office in April 2018, Prime Minister Abiy Ahmed sought to redefine Ethiopia’s relations with Somalia by prioritising cooperation with Mogadishu. He did so hoping to deepen regional integration and commercial ties, and believing that a stronger central government in Somalia could better address the country’s myriad issues. Ethiopia’s tightening relations with Farmajo went hand in hand with a reversal of its support for various sub-national administrative units, including clan militias and other political and security actors in Somalia. The deployment of, and operations by, Ethiopian security forces in some regional states prompted Farmajo’s opponents to accuse him of relying on Addis Ababa to back his agenda. Such actions included the arrest of opposition candidate Mukhtar Robow in South West state in December 2018, the deployment of a small contingent of troops to Galmudug in late 2019, and reports of increased Ethiopian troop movement in Gedo and along the Doolow-Baidoa route since March 2020. Ethiopian activity in Gedo is thus also seen within the wider frame of Addis Ababa backing the federal government’s centralising tendencies. Domestic factors also likely play a role in Ethiopia’s calculations over Gedo. Madobe enjoyed a good working relationship with the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), which was the dominant party in the ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democracy Front coalition. Since Abiy Ahmed assumed power, and after an acrimonious split with his newly fashioned ruling front, the Prosperity Party, the TPLF has become an opposition party. In addition, Madobe reportedly retains close ties with the leadership of the Ogaden National Liberation Front, a former Ethiopian rebel group that has become Abiy’s main opposition in the Somali region of Ethiopia. Madobe’s associations with some of Abiy’s rivals likely helped tilt the balance of support from Addis Ababa toward Farmajo. Kenya’s core goal continues to be to retain Jubaland as a buffer between it and Al-Shabaab. As such, Madobe continues to be its partner of choice, even more so since 2019 when Nairobi’s relations with Mogadishu nosedived due to renewed disagreements over the two countries’ maritime boundary. Support for Madobe is not unanimous among Kenyans. Several politicians, including Governor Ali Roba from Mandera county, which borders Somalia, openly complain that the presence in that area of pro-Jubaland forces loyal to Madobe is destabilising. Still, Nairobi continues to back the Jubaland president. Influential leaders from northern Kenya have also demonstrated their support; former National Assembly Majority Leader Aden Bare Duale, for example, led a delegation to attend Madobe’s inauguration. The divergent postures of Kenya and Ethiopia, and their alliances with Somali parties that oppose each other, represent a serious challenge to AMISOM’s effectiveness. The AU mission already suffered from deficiencies in command and control, as national interests often trump internal coordination, and the falling-out between the two key troop contributors has exacerbated this situation. While both Ethiopia and Kenya certainly will want to avoid direct confrontation, tensions in their relationship raise concerns about how far they might go to militarily support their respective Somali allies. Both Ethiopia and Kenya were preparing for a tripartite summit with Somalia’s federal government in order to de-escalate Mogadishu-Kismayo tensions after the 2 March 2020 clash in Beled Hawo. But the summit, originally scheduled for 16 March, was shelved due to East Africa’s coronavirus outbreak. The three parties have not announced a date to resume discussions, although there have been a series of bilateral diplomatic contacts among them. Fresh efforts are required to get talks back on track. VI. A Better Way Forward The risks associated with failure to resolve the standoff over Gedo, or ignoring it and allowing it to fester, are considerable. Already the dispute over the Jubaland election has dragged on for nearly a year. Tensions between Mogadishu and Jubaland as well as several other regions are jeopardising the country’s planned elections and distracting from efforts to fight Al-Shabaab. Any viable solution likely would occur in several phases and require sustained engagement from regional and other outside actors. Reconciliation is necessary at four levels: within the Marehaan clan, which in Gedo is divided between those who support Jubaland and those who favour Farmajo’s leadership; among Jubaland clans, principally but not only the Ogaden and Marehaan; between Jubaland and the federal government; and between Ethiopia and Kenya. For now, efforts should focus on the latter two in the hope of achieving a breakthrough that, in turn, could open space to address local dynamics. To that end, the AU, IGAD, the UN, the EU and other bilateral partners invested in both regional and Somali security (such as the U.S. and UK) should press Ethiopia, Kenya and Somalia to de-escalate tensions. As a first step, the AU Commission chairperson, in coordination with IGAD, should urge Addis Ababa, Nairobi and Mogadishu to resurrect their planned tripartite summit, virtually if necessary. Their message should be that political infighting – whether at the regional or national level – is benefitting Al-Shabaab and harming regional security. In particular, they should urge Addis Ababa and Nairobi to lean on their allies in Mogadishu and Kismayo to soften their positions and embrace dialogue. year term. For his part, Madobe should recommit to steps to which he has hinted he is open. In particular, he should pledge not to seek a third term and should extend talks among key Jubaland communities to encourage internal reconciliation, address lingering anger at his re-election and his governance more broadly and foster greater cohesion within Jubaland. He should also agree to resume cooperation with the federal government on tasks like electoral preparations, constitutional review and continued progress on debt relief. Such steps would represent concessions from the two sides, but breaking the deadlock would bring advantages to both. For Mogadishu, not recognising Madobe could jeopardise national elections and thus the Farmajo administration’s legitimacy. For Madobe, non-recognition risks hindering Jubaland’s development. Moreover, building trust and resuming working relations between Kismayo and Mogadishu would allow them to draw down their respective forces in Gedo and redirect them to fighting Al-Shabaab. Somalia’s Western partners, which provide security support and financial aid to Mogadishu and to a lesser degree Kismayo, should signal that their continued backing depends on better cooperation between them and renewed joint planning to tackle Al-Shabaab. Improved coordination is in the two Somali actors’ interest: in itself, it will not defeat the resilient insurgency, but it will enable more effective operations against the militants. Even modest victories over Al-Shabaab could allow policymakers in Mogadishu and Kismayo to focus on social and economic efforts, potentially improving their popular standing and electoral prospects. VII. Conclusion The political standoff in Gedo has spiralled to a dangerous level. For the sake of avoiding a greater conflagration, all parties should take a step back. The many layers of conflict mean that reconciliation will have to occur sequentially. COVID-19 complicates efforts, and diplomats will have to be creative. But failure to act would give Al-Shabaab greater space and jeopardise regional stability. Source: International Crisis Group The post Ending the Dangerous Standoff in Southern Somalia appeared first on Puntland Post.
  8. Waxaa markii labaad maanta Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyey Wariye Cabdicasiis Gurbiye, iyada oo markale dib u dhigtay dhageysiga dacwaddiisa. Maxkamadda ayaa sheegtay inay guda geli karto kiiskan, waxaana ay dalbatay in la waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed. Sidoo kale garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa su’aal ka keenay kiiska Wariye Gurbiye, isaga oo fadhigii maanta ka shaaciyey inaysan weli cadeyn cida soo eedeysay Wariyahan oo horey loogu xiray xabsiga dhexe ee Xamar. Sidoo kale garsooraha oo ku celiyey xeer ilaalinta dacwaddaasi ayaa ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan soo cadeeyaan cidda uu u dacweysan yahay Gurbiye. Go’aanka ay qaadatay maxkamadda ee ay dib ugu celisay xeer ilaalinta kiiskaasi ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaar ka mid ah ururada saxaafadda ee ka jira Muqdisho. View the full article
  9. Allaha u naxariistee Wariye Sheekh Cabdullahi Cali (Afrax Yare) ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu danbeeyayay ku xanuunsanaa caasimadda, sidoo kale wuxuu ka tirsanaan jiray wariyeyaashii raadiyo Muqdisho 80-kii illaa 90-kii. Waxaa uu ka mid ahaa soo saarayaashii barnaamijka Bandhiga iyo falooyinkii raadiyaha ka bixi jiray, waxaa uu ka soo shaqeeyey tababarna uu ku soo qaatay BBC laanta Soomaaliga. Allah u naxariistee marxuumka waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1953-dii, waxaa uu waxbarashada hoose iyo sare ku qaatay dugsiyada Shibis, Bartamaha, 15-ka May ayuu dugsiga sare ku dhammeystay, isagoo haddana ka mid noqday ardaydii Kulliyada Kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed (Gahayr). Allaha u naxariistee xalay ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdish, waxaana ka tacsiyadeeyey guud ahaan bahda warbaahinta ee uu ka baxay. Innaa lilaah wa innaa ileyhi raajicuun. View the full article
  10. Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad soo degaysay garoonka magaalada Beledweyne ay shil gashay. Ilaa haatan ma cadda waxa sababay shilkaasi, hase yeshee warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha garoonka magaalada. Diyaaradda ayaa la sheegay inay ka baxday dhabbaha kadibna uu dab qabsaday. Saddex qof oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay inay badbaadeen Diyaaraddan waxay ahayd nooca xamuulka qaada. PUNTLAND POST The post Diyaarad ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Addis Ababa)-Sawirro satellite lagu qaaday ayaa muujinayaa in Itoobiya ay bilowday inay buuxiso biyo xidheenka ay ka dhiseyso webga Nile. Sawirkan oo la qaaday intii u dhexeeysay 27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in biyo xidheenka uu buux dhaafay, Dowladda Itoobiya wey ka gaabsatay inay ka hadasho arrintani. Balse waxay ku adkeysatay in biyo xidheenka ay buuxineyso bishan oo la galayo xilli roobaadka. Waxay arrintani imaaneysaa xilli shaley uu guuldarro ku dhammaaday wadahadallo u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan kaas oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka dhashay biyo xidheenka Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile. Guddiga farsamada ee wadahadallada ayaa warbixin u gudbinayaa Midowga Afrika oo garwadeen ka ah dhexdhexaadinta dalalkan. Itoobiya waxay u aragtaa in biyo xidheenka uu ka qeyb ka yahay dhaqaalaheeda halka Masar ay cabsi ka qabto in saameyn uu ku yeesho heerka biyaha webiga Nile oo ku tiirsan yihiin shacabkeeda. Source
  12. Kooxda Fanka Maamul Goboleedka Gslmudug ayaa xalay soo bandhigay Sugaan iyo heeso lagu maamuusaayo madaxdii Maamul-goboleedada Somaaliyeed ee shirku uga socday Dhuuso mareeb. Kooxda ayaa [...] The post Daawo Fanaaniinta Galmudug iyo Heestii : – Madaxweyne “DENI-YOOW adiga hormuud ah “ appeared first on . Source
  13. Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalda Baladweyne ee gobolka Hiiraan ku dhacaday diyaarad xamuul ah taas oo ay laheyd shirkad lagu magacaabo Bluebird, oo ka duushay garoonka magalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa waxaa ay siday shixnado gargaar ah, oo ku socday dadkii ay saamaysay fatahaadda Baladweyne waxaana laga lahaa wadanka Jabuuti, diyaaradda ayaa dhacday kadib markii la sheegay in gudaheeda dab ka kacay. Diyaaradda oo ku gubanayso gudaha garoonka ayaa waxaan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay burburka diyaaradda, waxaana badbaaday duuliyihii iyo caawiyihiisa, ka hor inta aysan diyaarado ku dhicin garoonka. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Tehran)-Dowladda Iiran ayaa xukun dil ah ku fulisay Sarkaal lagu helay inuu u basaasayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, sida ay sheegtay wakaalada wararka ISNA Sarkaalkan oo lagu magacaabo Reza Asgari ayaa ahaa qandaraasle u shaqaynayay Hay’ada hawada ee wasaaradda Difaacada ee wadanka Iiran, waxaana lagu helay inuu ka iibiyay hay’ada CIA ee Maraykanka macluumaad la xidhiidha Barnaamijka gantaalaha Iiran Wakaalada ISNA waxay sheegtay in Maxkamad Millateri ay ku heshay inuu basaas u ahaa Maraykanka, islamarkaana lagu toogtay Xabsiga Rajayi Shahr oo ku yaalla magaalada Karaj oo ku taalla galbeedka caasimadda Tehran. ISNA ma sheegin goorta la xidhay iyo waqtiga dilka lagu fuliyay Reza Asgari, hase yeeshee, Wasaaradda Gashaandhiga Iiran ayaa baabiisay qandaraaskii uu sarkaalkan kula shaqaynayay 9 sanno ka hor. Sannadkii hore, dowladda Iiran waxay sheegtay inay qabteen 17 Sarkaal oo lagu eedeeyay inay u jaajuusayeen hay’adda sirdoonka Maraykanka iyo Iiraan. Source
  15. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka laga helay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad kusoo dhacday garoonka diyaaradaha taas oo gar-gaar u waday dadka gobolka. Sida wararka ay tilmaamayaan, Diyaaradaasi ayaa aheyd nooca xamuulka, waxayna gar-gaar u siday dadkii ay fatahaadaha saameeyeen ee gobolka Hiiraan. Waxay kasoo duushay magaalada Jabuuti. Saddex shaqaale oo diyaarada saarnaa ayaa laga badbaadiyay ka hor inta uusan dab ka kicin diyaaradda sida uu sheegay Korneyl Cabdillahi Muuse oo ah hogaamiyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan. Ilaa iyo hadda ma jirto in la ogaaday sababta ka dambeysa in diyaaradda dhacdo isla markaana uu dab ka kaco. Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradaasi ayaa si gaar ugu kireysneyd Qaramada Midoobay. Wixii faah-faahina ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online
  16. (SLT-Washington)-Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sare u qaadayaa farriin digniin ah oo ku socota maamulada dalalka adduunka iyo dadkaba. “Haddii aan la raacin taxadarka aasaasiga ah, masiibada ayaa ka sii dari doonta oo ka sii dari doonta”, sida uu yidhi agaasimaha WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus khudbad uu ka jeediyay. Khudbadda, wuxuu dadka ku boorriyay inay kala fogaadaan, gacmahooda dhaqaan, maaskaro wajiga ku xidhaan, dadka xanuunkan dareema oo guryahooda ku sugnaada. Xanuunka COVID-19 ayaa dalalka qaarkood laba kacleyn ku sameeyey sida dalka Maraykanka, Australia iyo Ruushka. Gobolka kalafoorniya ayaa mar kale xidhey goobaha maqaaxiyha ah iyo baararka cabbitaanka. Waxaa si weyn casbi looga qabaa xiliga qaboobaha in uu mar kale cudurku gaadho heer ka xun sidii hore. Dad ka badan 13 milyan oo qof oo caalamka ku nool ayuu ku dhacay Korona Fayras, waxaa u geeriyoodey dad ku dhaw 600 oo kun oo qof. Source
  17. (SLT-Kirundo)-Lamaane da’ yar oo ku nool magaalada Kirundo ee waqooyiga Burundi ayaa dad badan ka yaabiyay kadib markii ay aroos dhigteen inkastoo caruuska uu maalmo ka hor galay shil khatar ah oo cisbitaal loo jiifiyay. Charlotte Mukantwari iyo Gabin Ndayizigiye ayaa isku guursaday cisbitaalka ninkaasi lagu dabiibayo kadib markii ay mooto la dhacday 30-kii June. Haweeneyda ayaa cisbitaalka kula jirtay ninkaasi haasaawaha kala dhaxeeyay, waxaana qorshuhu ahaa inay aqal galaan 4-tii bishan July, iyagoona go’aansaday inay xafladda arooska u dhigtaan sidii ay ku ballameen. Mukantwari ayaa cisbitaalka la timid dharka arooska iyo baadarigii meherin lahaa, waxaana xafladda ka qeybgalay dad kooban. “Muddo badan ayaa sugayay maalintan. Dhibka ku dhacay Ndayizigiye ayaa ahaa fal sheydaan. Ma qiyaasi karo sida ay noolasheyda noqon lahayd haddii aanu arooska dhici lahayn,” ayay Mukantwari u sheegtay BBC laanta Gahuza. Dadka deegaanka oo layaaban go’aanka lamaanaha ayaa ku soo xoomay dhismaha cisbitaalka si ay u daawadaan xafladda arooska. Mr Ndayizigiye ayaa sheegay inuu aad ula dhacay go’aanka ay xaaskiisa ka qaadatay arooskooda, iyada oo aan hubin in mar dambe uu lugihiisa ku socon doono. Caruuska ayaa si kooban uga qeyb qaatay xafladda arooska, kadibna waxaa lagu celiyay sariirtiisa cisbitaalka. Source
  18. Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw diyaarad raashin iyo agab kale waday ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. Diyaarada ayaa la sheegay in xiligii ay garoonka ka dageysay uu qaac ka baxayay uuna qabsaday dab, waxaana duuliyhii diyaarada ku guuleestay in uu diyaarada si nabad galyo ah ku dejiyo. Sida aan wararka ku helnay sadex qof uu ku jiro duuliyihii diyaarada ayaa ka bad baaday shilka , waxaana la sheegay in diyaarada ay soo gaartay waxyeelo xoogan, lamana oga ilaa hada waxa sababay shilkaasi iyo dabka qabsaday qeyb kamid ah diyaarada. Ciidamada AMISOM ee jooga garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaana u gurmaday diyaarada shilka gashay, waxaana la arkayay ciidamada AMISOM oo daminta dabka qabsaday diyaaradaasi u adeegsanaya biyo baaldiyo lagu shubay. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Qaran News
  19. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow ay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif. Diyaaradda oo aheyd nooca xamuulka qaada ayaa lagu soo warramayaa inay u kireysneyd Qaramada Midoobay. Saddex shaqaale oo diyaaradda saarnaa ayaa laga bad-baadiyay, ka hor inta uusan dab ka kicin, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Waxaa dhawaan baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa inay ka furmaan dalka Jabuuti. Kulamadaasi oo ay ku balansanaayen Guddiyada farsamo ee labada dhinac inay dalka Jabuuti uga furmaan todobaadkii hore bilowgiisa si loogu sii ambo-qaado wada-hadallada labada dhinac ayaa gebi ahaanba qabsoomin. Xog ay heshay warbaahintu, ayaa tibaaxeysa in furitaanka wada-hadalladaasi ay dib u dhaceen muddo todobaad ah, isla markaana ay dib u bilaaban doonan todobaadyada soo socda. Dib u dhaca ku yimid kulamada wada-hadallada ayaa la rumeysan yahay inay horseed u yihiin xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku baadi-goobeyso aqoonsiga iyo xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa dowladda federaalka oo mar kale soo laba kacleysay. Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxeexday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay. Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) -Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa inuu gaaro oo uu ka dego caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa yimid kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkii Dhuusamareeb, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu baaqeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi. Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka shiri doona khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka & sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu, iyada oo laga wada-tashanayo iyo weliba amaanka. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweyne Ra’iisal wasaaraha, iyada oo ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada. Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaye Farmaajo uu ka dambeyn doono Ra’iisal wasaaraha, isagoona maalmaha soo socda u safri doona magaalada Dhuusamareeb. Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa u muuqda kuwa sidii hore iskaga soo dhawaanaya, xili uu muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneyd xiisad culus.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-duhur-14072020.mp3 View the full article