Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo Ucid Eng Faysal cali waraabe iyo Dr c/raxmaan cirro ayaa maanta kulan kula qaatay magaalaga Hargeysa ee Somaliland danjiraha Midowga Yurub Nicholas Berlanga Labada dhinac ayaa wada hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ugu muhiiomsan tahay doorashhooyinka, kadib markii dhowaan sedex xisbi ay heshiis ka gaareen hanaan dooraashooyinka oo in badan uu khilaaf ka dhex jiray xisbiyada . Waxaa sidoo kale kulan safiirka iyo guddoomiyeyaasha lagu soo hadal qaaday sidii Midowga Yuruib ay u kordhin laheyd misaaniyadda ay u bixiyaan arrimaha doorashooyinka oo ay bixiyaan qarashaadka ku baxa waqtigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, isla markaana sameysatay baasaboor u gaar ah, sida ay sheegtay Somaliland. Aqoosniga Imaaraadka ee baasaboorka Somaliland ayaa yimid kadib dalab uu Madaxweynaha Somaliland uu labo sanno ka hor u gudbiyay Wasiirka madaxtooyada ahna kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha dalka Imaaraadka, sida uu sheegay Danjire Baashe Cawil. Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya, horena u ahaa Danjirihii Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in aqoonsiga baasaboorka ay qeyb ka ahaayeen xukuumadihii Kulmiye ee talada iskaga dambeeyay. Baashe Cawil ayaa sidoo kale shaaciyay in Imaaraadku uu dhalashada Somaliland ku daray kuwa waddamada ay aqoonsan tahay, xili ay Somaliland helin aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha Somaliland ayaa dalabka aqoonsiga baasaboorka u gudbiyay Mansour Binzayed Alnahyan, Wasiirka Madaxtooyada ahna ku xigeenka Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, booqashadii uu Imaaraadka ku tagay bishii April ee sannadkii 2018-kii. Arrintan ayaa sidoo kale ka dhigan in xiligan wixii ka dambeeya ay dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalkaasi suurta-gal u tahay in ciqaamadooda ay ku qaatan dhalashada iyo Passportka Somaliland. Xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland ayaa sarre u kacay, xili muddooyinkii dambe ay xiisad ka dhex aloosantahay dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxa uu si weyn hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday inay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah. Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa si iskiis ah uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya si uu cadaadis u saaro dowladda Soomaaliya, isla markaana ugu ciqaabo meesha dhex-dhexaadnimada ah ee ay istaagtay khilaafkii Khaliijka. Imaaraadku ayaa sidoo kale isku dayay inuu wiiqo saameynta Qatar iyo Turkigu ay Soomaaliya ku leeyihiin, isagoona xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, isla markaana taageero u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkada DP World ee isku leeyahay Imaaraadku ayaa lacag dhan $442 million ku maal-gelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii, midaasi oo ay ka hortimid dowladda federaalku.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Dowlahaha IGAD oo maanta shir ku yeeshay aaladda la iska arko ee online-ka maanta ayaa ka hadlay Hannaanka Nabadda ee Koonfurta Suudaan, xaaladda kala guurka Soomaaliya iyo cudurka COVID19. Go’aamada ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya khuseeyo ayaa waxaa kamid ah in dalalka IGAD ay bogaadiyeen dadaallada dowladda Soomaaliya ku dooneyso in doorasho qof iyo cod ah laga hirgaliyo dalka. “IGAD waxay dhiirrigelinaysaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, waxayna kusoo dhiirrigelineysaa dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan hannaanka taarikhiga u ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka. Dhanka kale, wadahadallada DFS iyo Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo dhaweeyay war-murtiyeedka. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalkan oo ka soo baxay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay meertada 36-aad ee Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka. Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku wada xiriireen mareego gaar ah oo dhanka internet-ka ah (Video-conference) ayaa ku saabsanaa horumarrada laga gaaray dadaallada xal u helista colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, qorshaha dalalka IGAD ay ku wajaheen cudurka COVID-19 iyo qodobo kale oo la xiriira arrimaha iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee dalalka Gobolka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay doorkeeda sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda dalka Suudaanta Koonfureed, isaga oo boggaadiyay dhammaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda dalkaas, ayaa ku dhiirigaliyay Madaxweyne Salva Kiir magacaabista Golihiisa Wasiirrada ee qeybta ka noqonaya qorshaha nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkaas. “Waxaan jeclahay in aan qiro dadaallada ay muujiyeen dhammaan qeybaha ka shaqeeynaya suurtagelinta heshiis nabadeed iyo xoojinta iskaashi amni. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa hanaanka socda ee isku dhafka iyo dib u dhiska hey’adaha amniga iyo kuwa rayidka oo loo dhan yahay ee Suudaanta Koonfureed.” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya, waxa uuna boggaadiyay isku xirnaanta iyo wada shaqeynta heer Gobol ee lagu wajahay cudurkan. “Si aynu u hubinno in Xoghaynta IGAD ay si fiican ugu diyaar garowday dadaallada dib-u-dhiska iyo soo kabashada ee dalalka urur Goboleedka IGAD marka laga gudbo cudurka COVID-9, waa inaan dardargelinnaa dib-u-habeynta hay’adaha iyo dib-u-qaabaynta IGAD iyada oo la raacayo heshiiskeenii hore.” Madaxweynaha oo muujiyay sida cudurka karoonaha uu u saameeyey guud ahaan dhaqaalaha dalalka IGAD ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku iska kaashadaan sidii ay arrintaas xal ugu heli lahaayeen sidoo kalana cashar uga baran lahaa saameyntii dhaqaale xumo ee ka dhalatay Covid-19. DHAMMAAD
  4. (SLT-Hargeysa)Hoggaanka Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa galabta kullan kula yeeshay Magaalada Hargeysa Daanjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga,kaas oo ay kaga wada Hadleen arrimaha doorashooyinka isku sidkan iyo diiwàangelinta codbixiyayaasha Dalka. Kullankan ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,kaas oo ahaa mid ka qabsoomay howga uu Magaalada Hargeysa ka degan yahay Guddoomiye Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay Bogiisa Faysbuuga kaga haddlay kullankaas,kaas oo u dhignaa sidan: “Guddoomiye Faysal iyo Annigu, waxa aan Gurigeyga ku qaabilnay maanta Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga, oo aan kala hadalnay arrimaha doorashooyinka isku sidkan, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diiwaangelinta, Waxa kale oo aan kala hadlanay sidii Beesha Caalamka u kordhin lahayd Kaalmada horumarineed ee la siiyo Somaliland.”ayuu ku yidhi qoraalkiisa Source
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa kasoo horjeestay tilaabada ay Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ku doonayaan iney ku xaraashaan xarunta ay ku kulmi jireen. Duqa wuxuu si adag uga soo horjeestay go’aanka Baarlamaanka wuxuuna u sheegay iney xaruntani tahay mid dan guud ah laguna soo wareejiyo maamulkiisa hadiiba ay ka guurayaan Baarlamaanka. “Xarunta Baarlamaanka waa hanti dan guud oo ay Garoowe leedahay, si kumeel gaar ah ayey ugu shaqeynayeen inta ay ka helayaan xaruntooda rasmiga ah, sidaas darteed awood uma lahan inuu iibiyo, waxaan u direynaa qoraal rasmi ah madaxda maamulka si xarunta gacanteena loogu soo celiyo,” ayuu yiri Axmed Saciid Muuse. Isniintii ayey Guddoonka Baarlamaanka Puntland warqad codsi ah u gudbiyeen golaha wakiilada, waxeyna doonayaan in la iibiyo xarunta. Sababta ugu weyn oo ay xildhibaanada xaruntaan uga guurayaan waxaa lagu sheegay taxadar dhanka amniga ah, waxeyna codsadeen iney helaan meel amaan ah. 31 Mudane ayaa u codeeyay in xarunta la iibiyo kadib markii fadhiga Baarlamaanka ay soo xaadireen 41 xildhibaan, 6 ayaa diiday halka 4 ay ka aamuseen.
  6. The post Sawirka maanta, Kheyre iyo Axmed Madoobe oo Dhuusamareeb isku marxabeeyey appeared first on . Source
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-14072020.mp3 View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. U jeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii maxdada Dowladda ay ugu gali lahaayeen wajiga labaad ee shirka u dhaxeeeya Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Fedraalka waxaana lagu falanqeyndoonaa arimo ay ka mid yihiin Doorashooyinka,Dhaqaalaha Amniga iyo sidoo kale xaalada kala guurka ee dalka,waxaana lagu wadaa in Dhuusamareeb uu gaaro Madaxweyne Farmaajo Halkan Ka Daawo Sawiradii Raysal Wasaare Khayre Ee Dhuusamareeb Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga. Waxa kulanka lagaga wada hadlay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ku baxaysa. Labada guddoomiye waxa kale oo ay Danjire Nicholas Berlanga kala hadleen sidii Beesha Caalamku u kordhin lahayd kaalmada ay Somaliland siiso ee dhanka horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimada. Source
  10. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan “Waa Nasiib daro in Garoonka oo ay degan yihiin AMISOM laga waayo dab-damis lagu damiyo diyaaradii ku gubatay Garoonka ” Halkan Ka Daawo Guddoomiye Jayte Oo La Hadlay Warbaahinta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/RTob.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe ka degay magaalaa Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa socdaalkan Dhuusamareeb ku wehelinayay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Dhuusamareeb u yimid ka qeybgalka wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo maalmaha soo socda furmi doona. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka degay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa maanta markale sarre u kacday xili ay xukuumada Muuse Biixi ay ciidamo iyo gaadiid dagaal ay geysay deegaano ka tirsan Cayn. Somaliland ayaa ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal geysay deegaankaasi, xili ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin wafdi ka tirsan Puntland, oo xiisad adag kala dhaxeyso. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidamada Somaliland oo watay Sagaal gaadiidka dagaalka ah ayaa gaaray deegaankaasi, iyaga oo ku gooyayna waddo muhiim ah oo ay marayeen wafdiga Puntland. Sidoo kale waxa is hortaaga wafdiga Puntland kala qeyb qaatay ciidamada Somaliland ee tagay deegaankaasi, Maleeshiyaad hore ugu sugnaa duleedka Buuhoodle oo ku biiray kuwa Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland oo shalay tagay magaaladaas ay usii gudbaan degaanka Horufadhi oo uu saaka qorshahoodu ahaa inay tagaan. Waxayna wararku intaasi kusii darayaan in is-rasaaseyn xili kooban socotay ay dhex-martay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, kadib markii ay wafdigu ka biyo diideen is hortaagi ay ku sameeyen ciidamada Somaliland. Xaalada guud ee deegaanadaasi ayaa hadda degan, iyada oo xiisada labada dhinac ee ka dhalatay wafdigaasina la rabo in lagu xaliyo qaab reer, maadama ay dhex-dhexaadin ka galeen odayaasha dhaqanku.
  13. A United Nations cargo plane carrying humanitarian aid has crashed at Beledweyne Airport in central Somalia, officials said. Sabrie Ahmed, from the local administration in [...] The post UN cargo plane carrying aid crash-lands in Beledweyne Airport appeared first on . Source
  14. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dawlad goboleedka Galmudug. Khayre ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug, madaxweynaha Koonfur Galbeed, madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre uu ka qeyb gali wejiga labaad ee shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga furmi doono gudaha magaalada Dhuusamareeb. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dowladda federaalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi, xili ilaa saaka ay socotay qaban qaabada soo dhoweynta wafdigaasi. Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo ka Jubbaland, Axmed Madoobe. Safarka uu Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa imanaya kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkoodii, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu dalbanayeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi. Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah. Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu. Socdaalkan uu maanta Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gogol xaadh u ah, safar uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaaladaasi. Magaalada Dhuusamareeb ayaa markale marti-gelin doonta shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, iyada oo ay hoos u dhacday xiisadii xooganeyd ee kala dhaxeysay madaxda sarre ee dalka. Dhinaca kale, madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tegay magaalada Dhuusomareeb isaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Deni uu Puntland ugu laabtay si uu uga qeyb-galo aaska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Deni ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Dhuusomareeb marka uu soo dhameysto arrimaha uu ugu noqday Garoowe.
  16. Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la Xaraashayo+Sababta keentay oo la Ogaaday !! Xildhibaanada Baarlaaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa intooda badan waxa ay ogolaadeen in la iibiyo Dhismaha xarunta ay hada ku shiraan oo kuyaala magaalada Garawe ee caasimada Puntland. Gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa Xildhibaanada usoo gudbiyay qorshaha lagu iibinayo xaruntan oo ay sheegeen in aysan ku aalin goob istaraatiiji ah sidoo kale aan la isku haleyn karin amaankeeda maadaama goobo ganacsi ku dhaw yihiin. Xildhibaanada ayaa ogolaaday in xarunta ay ku shiraan la xaraasho lana helo dhismo kale oo kuyaala goobo muhiim ah, waxaana jiray tiro Xldhibaano aad u yar oo kasoo horjeestay qorshahan lagu iibinayo xarunta Baarlamaanka Puntland. Wali Gudoonka Baarlamaanka Puntland ma shaacin xiliga la iibinayo xaruntan iyo waliba qaabka suuqa loo geynayo, waxaan sidoo kale la ogeyn halka ay kusii shirayaan Xildhibaanada Puntland inta ay ka helayaan xarun kale oo rasmi ah. Maamulka Puntland ayaa horey ganacsato uga iibiyay xarumo dowladeed gaar ahaan xaruntii Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo laga iibiyay shirkada Dahabshiil oo ka dhisatay mid kamid ah dhismooyinka ugu qurxoon Garawe. Qaran News
  17. A Somali official says a United Nations cargo plane carrying humanitarian aid has crashed at an airport in central Somalia and the three crew members survived. Sabrie Ahmed with the local administration in Beledweyne town said that the plane veered off the runway and crashed onto its belly Tuesday. The plane flying from Djibouti was delivering food aid for people displaced by heavy rains. There was no immediate word on what caused the crash. The United Nations is yet to comment. Ali Jeite Osman, the governor of Hiran region, told reporters that a fire erupted in the plane after the crash but they could not extinguish it as the airport lacked firefighting apparatus. View the full article
  18. Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xidheenka Webiga Niil+Sawiro lagu qaaday Satelite Dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowday inay buuxiso biyo xireenka ay ka dhiseyso webga Nile, xili aan wali heshiis rasmi ah laga gaarin khilaaf ka dhashay buuxinta biyo xireenkaasi. Sawiiro lagu qaaday satellite intii u dhaxeysay 27-kii bishii Juun iyo 12-ka bishan ayaa muujinayaa in dowlada Itoobiya bilowday in ay buuxiso biyo xireenka, waxa ayna sawirada sidoo kale muujiyeen biyo xireenka oo buux dhaafay, Dowlada Itoobiya ayaana ka gaabsatay in ay ka hadasho sawiraddan cusub ee lagu qaaday Sateliteka ee muujinaya in ay bilowday buuxinta biyo xireenka muranka abuuray ee ka dhiseyso wabiga Niil . Warkan cusub ayaa soo baxaya xili guul daro shalay kusoo dhamaaday wadahadalo sadex geesood ah ay muranka biyo xireenka laga dhisayo wabiga niil ka yeesheen dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan. Dowlada Itoobiya ayaa horey u sheegtay in bishan ay buuxineyso biyo xireenka , waxaana Itoobiya biyo xireenkan kasoo galaya dhaqaale badan halka Masar ka cabsi qabto in biyo xireenka saameyn ku yeesho Wabiga Niil oo shacabka Masar noloshooda ku tiirsan tahay. Qaran News
  19. Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshda Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalada 8-aad ee Afartii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ku dhowaad 27,000 oo Arday, kaa soo ay maamulayeen maamulka Gobolka Banaadir. Masuuliyiintaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay goobaha ay imtixaanaadka ay ka socdeen iyagoo dhirigalinyay ardayda waxaana ay in tabadan ku dhiiri galiyeen inay xoogga saaraan waxbarashada. “Waxaan u hambalyeynayaa Ardayda nasiibka u yeeshay in imtixaanka ay si nabad ah ku dhameystaan iyadoo dalka uu wali xoogga saarayo xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19, sidoo kale Gobolka Banaadir waa ka go,antahay in kor loo qaado heerka waxbarashada gobolka .ayay ku dartay guddoomiye Basmo. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa 10-kii bisha furay Imtixaanka fasalada 8-deedaad gobolka Banaadir iyagoo ay sanadkaan fadhiisteen in ka badan 27,000. View the full article
  20. Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sarreeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa Maanta gaadhay jiida hore ee fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Tukaraq,waxaana uu bilado geesi Guddoonsiiyay Ciidamada Qaranka ee jiidaasi, halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Mandera (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku naf waayey qarax uu ku diyaarinayey meel ku dhow xuduudka Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Mandera. Ninkaasi ayaa waxa ku qaraxday miino uu rabay inuu ku aaso deegaankaasi oo lagu magacaabo Geneva, sida uu xaqiijiyey taliyaha booliska waqooyi barri, Rono Bunei. Bunei ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa miinadaasi aysan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka ku nool deegaankaasi, balse uu ka naf waayay ninkii maleegayay. Taliyaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay inaysan joojin karin falalka noocan ah ee ay kooxaha argagixisadu qaraxyada ugu aasan, balse ay xoojinayaan amniga waddooyinka ay ku socdaalan saraakiishu oo inta badan lala beegsado qaraxyadaasi, iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha. “Waxaan rumeysanahay in uu doonayey in uu ku beegsado saraakiisha ciidamadda ee adeegsaneysa degaanada miyiga, balse miinada waxay dishay naftiisa” ayuu yiri Taliye Rono Bunei. Wuxuuna intaas kusii daray “Waa run ma joojin karno dhacdooyinkan oo kale. Balse, annagoo kaashaneyna dadweynaha waxaan ku dedaaleynaa in aan xaqiijino amniga wadooyinka”. Taliyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay inay kordhiyeen howl-galada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo Al-shabaab, iyaga oo dhawaan gacanta kusoo dhigay labo ruux oo ku howlanaa qarax iyo walxihii ay u adeegsanayeen. Ilaa iyo haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan qorshahooda fashilmay iyo sheegashada ciidamada Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu mararka qaar weeraro iyo qaraxyo ka fulisa gudaha Kenya, kuwaasi oo ay ku bartilmaamedsato saraakiisha ciidamada Kenya iyo xubno kale oo muhiim ah.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in ardayda Puntland lagu ciqaabo loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo maamulka Puntland. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dhowaan sheegay in ardayda Puntland aysan heli doonin shahaadada federaalka, haddii aysan wasaaraddiisa qaadin imtixaanada Puntland, taasi oo maamulka Puntland-na uu ku gacan seeray. Is-mari waaga labada dhinac ayaa waxaa dhibanayaal ku noqday kumanaan arday oo reer Puntland ah. Senator Mashruuc ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Ardayda Puntland ma mudna in lagu ciqaabo siyaasadaha is diiddan ee Villa Somalia iyo maamulka Puntland awgood,” wuxuuna ugu baaqay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay la yimaadaan xal. “Haddii Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay ku guul darreysteen inay arday kasta oo Soomaali ah meeshuu dalka ka joogo adeeg Waxbarasho lacag la’aan ugu geeyaan; waxaa looga fadhiyey in ay la yimaadaan siyaasad hagta, horumarisa, abaal marisa dadaalka waaliddiinta iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Senator Mashruuc. Senator Mashruuc ayaa ka mid ahaa xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Puntland oo muddo dadaal xooggan ugu jiray in xil loo helo muranka ka taagan shahaadada ardayda Puntland, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in laba sano xal loo la’yahay arrintan. “Waxaan aad uga xumahay ilaa muddo 2 sano ku dhow in weli ay taagan tahay xal u helid la’aanta muranka Puntland iyo Dawladda Dhexe ee ku aaddan shahaadada Dawladda Federalka ay bixiso iyo wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa labada wasaaradood,” ayuu yiri. “Waa arrin xanuun nadan in arday tiro badan oo Reer Puntland ila soo xiriirtay ii sheegeen in 2 sano dib uga dhaceen Jaamacado ay dibadda u aadi lahaayeen sanadkii saddexaadna ay dib u dhici karaan haddii aan xal loo helin Shahaadada iyo in ay ka qaadan karaan Puntland.” Mashruuc ayaa sidoo kale xusay in wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu horey u qiray sida uu u wanaagsan yahay nidaamka waxbarasho ee Puntland. “Mar aan Wasiir Goodax ugu yeernay annagoo ah Senatorrada Puntland laga soo doorto, waxa uu horteena ka qiray in Puntland Wasaaraddeda Waxbarashada ay qaangaar tahay, wax badanna ay ka kororsadeen khibraddi 20 ka sano ay shaqeynaysay,” ayuu yiri. Senator Mashruuc ayaa ku baaqay in siyaasadaha taban ee dalka aysan saameyn mustaqbalka caruurta. “Siyaasadaha taban ee carqadda ku ah Mustaqbal ka ubaddka Soomaaliyeed ma aha mid ka tarjumeysa hannaan dawladnimo, waxaana habboon Ina laga wada fogaado si jiilasha Soomaaliyeed ee soo koraya u hantaan himilooyinkooda,” ayuu ku yiri qoraalka. “Maadaama uu dhammaanayo sanad dugsiyeedka 2019 / 2020, waxaa la joogaa waqtigii mudnaanta koowaad ay Villa Somalia siin laheyd sidii xannibaadda sharci darrada ardayda Puntland looga qaaadi lahaa, agendaha shirarka wadatashiga soo socdana loogu darsan lahaa.” Waxa uu qoraalkiisa kusoo geba- gebeeyey “Arday kasta oo Somali ah waxa uu xaq daatuuri u leeyahay inuu wax barto, Dawladda Soomaliyana (heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed) ay u fududeyso adeegga waxbarashada ugu horreyso shahaadooyinka heerarka kala duwan.” Muuqaalkan hoose waa sanad ka hor mar uu Senator Mashruuc ku howlanaa xalinta hawshan.