Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed oo loo yaqaano (Falagle) oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey safarka la filayo inuu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud. Falagle ayaa sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto deegaanada Galmudug, gaar ahaan gudaha magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa xusay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo uu tilmaamay inuu furmi doono marka laga soo laabto aaska ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya Garoowe. Ma shaacin wasiirka warfaafinta Galmudug waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo shirka, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhici doono waqtiga ugu dhow. Ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in aad loo adkeeyey, islamarkaana ay u diyaar xoogan wadaan ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021.
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo Tubaako halis ah ku ah Caafimaadka Bulshada oo la sheegay in geliyay gudaha Magaalada Hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabada LYFT gebi ahaan aan laga soo gelin karin Hargeysa iyo guud ahaan deegaanada Somaliland, isla markaana aan laga ganacsan karin. Sidoo kale Qoraalka Wasiir Maxamuud Sacad ayaa waxaa lagu sheegay in Tukaabadii LYFT ee hore loo geliyay Somaliland si rasmi ah loola wareegi doono, maadaama Tukabadaas ay halis Caafimaad ku tahay Bulshada. Hay’addaha ammaanka Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ayaa waxaa la faray inay kormeer iyo dabagal ku sameeyaan Arrinta Tubaakada, iyadoo la xusay in cidii lagu arkayo iyada oo ganacsaneysa laga qaadi tallabo sharciga waafaqsan. Si kastaba Tukaabada LYFT ayaa waxaa qeylo dhaan ka muujiyay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Somaliland, Golaha Guurtida iyo asxaabta mucaaridka ah, iyagoo sheegay in arrintaas ay halis ah ku tahay Caafimaadka Bulshada. Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasiir Maxamuud Xasan Sacad. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa kulan la qaatay Wakiilka Taiwan u fadhiya Magaalada Hargeysa. danjire Lou Chen-hwa. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay Ardayda reer Somaliland deeqo waxbarasho uga heli lahayeen dalka Taiwan si ay usoo kororsadaan aqoontooda . waxaanay isla qaateen si degdega loo dardargeliyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda reer Somaliland. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md: Ahmed Abokor ayaa sheegay in dhawaan ardayda Somaliland ay deeqo waxbarasho ka heli doonan dalka dhawaan dalka Taiwan. “Waxaanu Kulan wada qaadanay Safiirka iyo Safiir kuxigeenka dalka Taiwan ufadhiya Jamhuuriyadda Somalialnd. Iskaashi dhanka Waxbarashada ah ee labada dal ayaanu ka wada hadalnay. Dhawaan ardayda reer Somaliland waxay deeqo waxbarasho ka helayaan dalkaa aynu saaxiibada noqonay.” Ayuu yidhi Dawladda Taiwan ayaa todobaadkan sheegtay in ay sii wadayso inay sare u qaado cilaaqaadka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku salleysan siyaasadda waaqiciga ah ee ka dhexeeya Somaliland gaar ahaan waxbarashada , kulanka waa mid ka ah qorshaha labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Taiwan. Source
  4. (SLT-Qaahira)-Suxufigii caanka ahaa ee reer Masar Mohamed Monir ayaa u dhintay xanuunka Covid-19, sida gabadhiisa ay u xaqiijisay weriyayaasha . Monir ayaa ahaa maxbuus u xidhan dowladda, waxaana jeelka la dhigay, kadib markii uu kasoo muuqday telefashinka laga leeyahay dalka Qatar ee Aljazeera, oo Masar laga mamnuucay in laga daawado. Waxaa lagusoo eedeeyay intii u xidhnaa ku biiritaanka koox argagaxisa ah, faafinta warar been abuur ah iyo inuu warbaahinta bulshada “Social media” uu ku qoray warar aan habooneyn. Sida lagasoo xigtay Guddiga difaaca weriyayaasha ee saldhiggiisu yahay Mareykanka CPJ in Mohamed Monir uu ku dhintay bar lagu karaantiilay Isniintii, kadib markii ay kasoo if baxeen calaamadaha COVID-19. Dalka Masar ayaa waxa uu kamid yahay waddamada sida adag loogu cabburiyo saxafiyiinta sida lagasoo xigtay Ururka suxufiyiinta dunida ee aan xudduudda laheyn. Waxana uu dalkaasi kamid yahay meelaha ugu daran ee weriyayaalka lagu xidho. Marka loo yimaado xogta COVID-19 ee Masar, waxa uu xanuunku soo ritay 83,000 waxaana u dhintay 4,000 oo ruux, sida ay dowladdu sheegtay. Source
  5. Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta u duulay Magaalada Garowe si ay uga qayb galaan Aaska Qaran ee Marxuum Xasan Abshir iyo [...] The post Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo Garowe u duulay appeared first on . Source
  6. (SLT-Washington)-Xukumadda madaxweyne Donald Trump ayaa ka noqotay qorshaheedi ahaa iney ardayda ajaanibta ee casharrada jaamacadaha ku qaata qaab online ah in dalalki ay ka yimaaddeen dib loga celiyo cudurka safmarka ee coronavirus awgii. Ka noqoshada qorshahaasi ayaa ku soo beegmaya hal usbuuc kaddib marki la shaaciyey qorshahaasi. Jaamacadda Harvard iyo Machadka Teknooloojiyadda ee Massachusetts (MIT) ayaa dacwad ka gudbiyey qorshahaasi. Garsooraha Massachusetts, Allison Burroughs wuxuu sheegay dhinacyada arrintan ay quseyso iney xal la yimaaddaan. Heshiiskaasi ayaa dib u soo celinaya qorshe la dhaqan-geliyay bishii Maarso, cudurka safmarka ee dillaacay awgii, kaasoo u oggolaanaya ardayda ajaanibta ah ay casharradooda qaataan haddii loo baahdo iney si sharci ah ay dalku ku joogi karaan fiisooyinka ardayda ay dalka ku joogaanna la siiyo sida uu qoray wargeyska New York Times. Arday tira badan oo ajaanib ah ayaa dalka Mareykanka u doonto waxbarasho sanad walba iyada oo jaamacadaha ay dakhli badan ka helaan ardayda ajaanibta ee waxbarashada u soo doonta. Jaamacadda Harvarda waxay dhawaan shaacisay cudurka safmarka ee Faayraska Corona awgii casharrada jaamacadda in lagu bixinaya qaab online ah, marka ay ardayda u soo laabtaan sanad dugsiyadeedka cusub. Machadka MIT si la mid ah jamacado badan oo ku yaalla dalka Mareykanka waxay go’aansatay casharrada iney qaabki hore ee fool ka foolka ahaa ay ku bixiso. Source
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa isa soo soo taraya macluumaadka laga helayo waxa sababay diyaaraddii shalay gelinkii dambe ku burburtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Diyaaradda oo aheyd nooca qaada xamuulka ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Beledweyne, kadibna ku gubatay halkaasi. Maareeyaha guud ee diyaaradda burburtay oo lagu magacaabo Kabtan Xuseen Maxamed oo u warramay shabakadda Kenyans.co.ke ayaa shaaciyey in shilkaasi uu sababay Dameer soo galay dhabaha, xilli ay soo dageysay diyaaraddaasi. Kabtanka ayaa carabka ku dhuftay in Dameerka ay ku dhaceen, kadibna ay sidaasi diyaaradda uga baxday dhabaha loogu talaglay inay ku orodo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la bad-baadiyey dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradda oo uu tilmaamay inay ka soo duushay dalka Jabuuti. “Diyaaradda waxay aroortii hore ka soo baxday Jabuuti, iyadoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen, taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad-qabaan”. ayuu yiri Kabtan Xuseen Maxamed oo ah maareeyaha diyaaradda burburtay. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in diyaaraddu ay sidday raashin loogu tala-galay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in shaqaalaha la bad-baadiyey ay Muqdisho u soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay lagu guul dareystay in la damiyo dabka ka kacay diyaaradda, sababo la xiriira garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo aan la heyn gaadiidka dab damiska iyo sidoo kale shaqaale heegan ah.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaalia Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynayaasha dowlada goboleedyada ayaa goor-dhow ku soo wajan magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Madaxda ayaa ka qeybgalaysa aas Qaran oo maanta Garowe loogu sameynayo R’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faraax iyo Madaxweynihii hore Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. Magaalada Garowe waxaa ka socota qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo labada Marxuum oo meydadkooda laga keenay dalka dibadiisa. Labada Marxuum ayaa lagu aasi doonaa beer ku taalla dhanka berri ee magaalada Garowe. PUNTLAND POST The post Kheyre iyo madaxda DG oo ka qeyb galaya aaska Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey halkaasi. Cabdi Xaashi oo kali u socod ahaa muddooyinkii la soo dhaafay, kadib khilaafka soo dhex-galay labada Gole ayaa waxaa socdaalkan uu kali uga baxay magaalada Muqdisho, marka laga tago Senataro kooban oo la socda, kuwaas oo ka mid ah xubnaha la safan. Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Garoowe uga qeyb-galaya aaska madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku kala geeriyooday Kenya iyo Turkiga. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi gaaraan madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo ka amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum.
  10. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ciidamadaas ay ku leeyihiin deegaanka Halgan. Ilo dadka deegaanka ah oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in weerarka kadib dagaal toos ah oo saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, mana jiro sidoo kale wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. View the full article
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaa ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku yeelihiin halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad foolka fool ah uu ka dhacay deegaanka Halgan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegay in khasaare xoogan la gaarsiiyey raggii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso deegaanada maamulka HirShabelle. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay howl-gallo ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.
  12. Osman Mahamud Gedi, father of seven, has been back and forth to the livestock market at Wasil, 60 km from Hobyo town in central Somalia’s Galmudug state, in the past two weeks trying to sell four goats. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay qaab muuqaal ah uga qeybgalay shirka IGAD ee looga hadlayey arrinta Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in marka la eego dhbaatada dhaqaale ee qaarad iyo gobolka ka jirta aan la ogeyn qaabkeeda 2020 ama wixii ka fog isaga oo intaa raaciyey in hey’adaha lacagta iyo kuwa horumarinta taageera ay dalkiisa ka caawin-doonaan ka soo kabashada dhalaae xumida Covid 19. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay in dib u habeyn lagu sameeyo hey’ad ahaan urur gobolkeedka IGAD iyada oo la tixraacayo heshiisyada hore, la iskana kaashada amniga, dhaqaalaha iyo bulsho ahaan. Shirkan oo u dhacay qaab Online ah ayaa imaanaya kadib markii uu dunida saameeyey Covid 19 isla markaana ay adkaatay in fadhiga caadi ah uu dhaco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. China and Iran are moving quickly toward a comprehensive strategic partnership that could see up to $400 billion in Chinese investments flow into the beleaguered Middle Eastern country over the next three decades, according to a leaked document. Source: Hiiraan Online
  15. Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta kumeel gaarka Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga xisbiyadda siyaasadda dalka,waxaana xildhibaannada lagu wargeliyay inuu jiro kulanka golaha shacabka. View the full article
  16. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka deggan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa uu xalay kula kulmay Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii lasoo dhaafay shir wadatashi ah uu uga socday Madaxda dowlad goboleedyada kaas oo wajigiisa koowaad lasoo gabagabeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan wijiga labaad ee shirka oo ay ka qeyb gelayaan Madaxda ugu sareysa dalka uu ka furmo magaaalada Dhuusamareeb. View the full article
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb ay ku wajahan yihiin magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Qaban-qaabada iyo soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Sidoo kale ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi. Ujeedada socdaalkan wafdigan ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeybgalaan Aaska ra’iisul wasaarihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya,Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Maxamed Cabdi Xaashi oo ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo muddooyinkan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa shalay ka baxay magaaladaasi, si uu qeyb uga noqday diyaar garowga aaska qaran ee loo sameynayo mas’uuliyiintaasi oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmnudug oo marti loo yahay. Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid horudhac u ah midka ay dhowaan Dhuusamareeb ku yeelayanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka, shirkii dhawaan ku soo gaba-gaboobay Dhuusamareeb, wajiga labaad ee kulanka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo qodobo kale. Waa shirkii ugu horreeyey ee ay yeelanayaan labad dhinac, kadib warmurtiyeedka sabtidii ka soo baxay shirka madaxda maamulka goboleedyada dalka.
  18. Shirku wuxuu dhiirigaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu booriyey dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya. Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran; “Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaarae Abiye Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara”. Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay badqab ugu noolaan lahaayeen. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kusoo wajahan Muwaadiniin badan oo ku xayirnaa dalka Suudaan, gaar ahaa magaalada Khartoum. Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo tiradoodu dhantahay 112-qof ayaa waxay kasoo ambabixi doonaan dalkaasi, iyaga oo muddo ugu xayirnaa xanibaadaha ka dhashay cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Muwaadiniintaasi ayey u suurto-gashay safarkooda maanta kadib markii muddo ay kasoo shaqeynayeen Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Sudan. Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ayaa sheegtay in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in dadkaasi ay kasoo ambabaxaan dalkaasi, iyaga oo dib ugu soo noqonya dalkooda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka dibediisa, kuwaasi oo uu xayirnaa sababo la xiriira cudurka Covid-19.
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-15072020.mp3 View the full article
  21. Madaxda Urur Goboleedka IGAD, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay Khadka internet-ka ah (Video-conference), waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka. Intaas kadib Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD, waxaa laga soo saaray War War-murtiyeed, isla markaana waxaa lagu bogaadiyay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho. Sidoo kale War-murtiyeedka Urur Goboleedka IGAD, waxaa lag soo dhaweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka. PUNTLAND POST The post Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Somaliland was largely off the global radar until its government signed a non-binding multimillion dollar business-cum-military contract with DP World of the UAE to run Berbera Port, and to use Berbera’s civilian airport as a launching pad in the Yemeni civil war. Source: Hiiraan Online
  23. Oromia, one of the regions in Ethiopia’s ethnically constituted federation and the country’s most populated one, also happens to be the political constituency of Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  24. LONDON (Thomson Reuters Foundation) - Singer Annie Lennox and Olympian Mo Farah are backing an appeal by British charities to help protect millions of people at risk from coronavirus in the world’s most fragile states, and provide protective equipment for frontline medics. Source: Hiiraan Online
  25. See that Russian Kalashnikov rifle? That Russian mortar and anti-tank rocket? Source: Hiiraan Online