-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirkaas ku saabsanyahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu xusay in uu jiro shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay . Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba-qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, sida lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Shir ku casuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa qoraal ay soosaartay ku sheegtay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u aqoonsatay mid KMG ah. Qoraalka ayaa u qornaa: Dowladda iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka; DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday; DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan; 1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland. 2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay. 3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka. 4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Abiy Axmed oo ka degay Jabuuti+Sidii loogu soo dhaweeyay Madaarka & Cida ka hortagtay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhow gaaray jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey. Abiy Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli uga hortagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti. Ujeedka safarka Abiy Axmed ayaa ah ka qeyb-galka shirka ballaaran ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ee maanta ka furmaya gudaha dalkaasi, maadaama uu ahaa maskaxda ka dambeysay kulankii Farmaajo iyo Biixi ku dhe-maray Addis Ababa. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doonaa wejiga koowaad ee shirka oo diirada lagu saari doono arrimo la xariira iskaashiga dalalka geeska Afrika, siiba amniga iyo siyaasadda. Itoobiya ayaa sidoo kale qeyb ka ah wadamada sida weyn u qorsheeyey qabsoomida shirkaasi iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. PM @AbiyAhmedAli and his delegation arrived in Djibouti City to attend a consultation summit on relations between Somalia and Somaliland relations.#PMOEthiopia pic.twitter.com/mLYivg698m — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) June 14, 2020 Qaran News
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah shaacisay in ay si ku meel gaar ah u aqoonsatay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu si ku meel gaar ah u aqoonsatay dib u doorashada madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam inkastoo qoraalka lagu xusay in doorashadaasi aysan si sax ah u dhicin. Qoraalka waxaa lagu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne ku meel gaar ah uu Jubaland maamula mudda laba sannadood ah taas oo ka bilaabanaysa xilligii dib loo doortay. Sidoo kale waxay ugu baaqeen in uu gogol u fidiyo dadka diiddan maamulkiisa si loo helo Jubaland midaysan oo heshiis ah islamarkaana ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsatay Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Dhammaaan maamulkii Cisbitaalka guud ee Hargeysa marka laga reebo Agaasimaha Cisbitaalka ayaa xilkii laga qaaday. Dadka shaqadooda waayay waxa ka mid ah Agaasime ku-xigeenkii Cisbitaalka, Agaasimhii maanulka iyo Lacagta ,xisaabiyihii Cisbitaalka, Khasnajigii Cisbitaalka iyo saraakiil kale. Arrintan ayaa daba socota kadib markii maalmhii la soo dhaafay si weyn Bulshadu uga cabatay adeegyada Cisbitaalka. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti. Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa goordhow gaaray magaalada dalka Djibouti, waxaana garoonka diyaaradaha Ambouli ku soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalka Jibouti. Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay martida lagu casuumay ka qeyb galka shirka sida uu horay u sheegay marigaliyaha shirka Ismaaciil Cumar Geelle. Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, safiirrada Mareykanka, midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku casuumay madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Casuumaadaas loo fidiyey dhammaan madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Waqtiga la qabanayo shirkaas iyo meesha uu ka dhacay ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka inay go’aan ka gaari doonaan guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay . Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna. DHAMMAAD Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka waxaa ay ka anbobaxeen garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyaga oo ku sii jeeda wadanka Djabouti, waxaana lagu wadaa in ay halkaas kaga qeyb galaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad Saajin , Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), safarka wafdiga ka hadlaayo ayaa yiri “Saaka waxan halkan Isku soo taagay inaan idiin sheego inuu dalka ka ambobaxayo wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, weftigaasina waxa uu u baxayaa dalka Jabuuti, waxana madaxweynaha ku wehelinaya guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Weftigaasi waxa uu u baxayaa inuu ka qaybgalo shir lagu casuumay oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka, islamarkaana ay kasoo qaybgelayaan madax kale oo badan oo uu kamid yahay Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana shirkaas la isugu keenayaa Somaliland iyo Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), Waxaa maanta lagu wadaa in wadanka Djabouti uu ka furmo wajiga koowaad wada hadallada Soomaaliya iyo Soomalailand oo ay garwadeen ka tahay dowladda Mareykanka, waxaana xusid mudan in goordhow uu magaalada Muqdisho ka anbobaxay wafdi uu hoggaaminaayey madaxweyne Farmaajo oo ka socda dhanka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda ayaa sheegtay in aqoonsigaas uu yahay mid Axmed Madoobe loogu aqoonsaday inuu si kumeel gaar ah u noqdo madaxweynaha Jubblanad muddo laba sano ah. Labada sano ee Axmed Madoobe loogu aqoonsanday Madaxweynaha Jubbaland ayey sheegtay Dowladda inay ka bilaabaneyso waqtigii ay dhacday doorashadii Kismaayo ee dib loogu doortay, taasoo ka dhigan in hadda ay kaliya u hartay hal sano. Sidoo kale war saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda ayaa Axmed Madoobe loogu baaqay inuu isku keeno qeybaha kala duwan ee Jubbaland si looga tashto dhismaha Maamulka Jubbaland marka uu dhamaado waqtiga kumeel gaarka ah ee loo ogolaaday Axmed Madoobe. Dowladda ayaa ugu dambeyntii cambaareysay faragelin ay sheegtay inay Dowladda Kenya ku heysto arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka; DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday; DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan; DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. DHAMMAAD 14ka Jun, 2020 Muqdisho-Soomaaliya Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ Twitter: @TheVillaSomalia
-
Senator Mustafe Qodax oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kana hadlay wada hadallada madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in Farmaajo aanu laheyn taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed ah. Senator Qodax waxaa uu yiri “Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada. Dhanka kale, waxaa uu soo hadal qaaday waxa la gudboon Somaliland “Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada Somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya. Ka sakow muddo xileedka dawlada Somaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay inuu ka sabato baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto. Wadahadal kasta oo Somaliya iyo somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca somaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu. Ugu dambeyntii, waxaa uu Senator Mustafe sheegay in aaney u muuqan fursad isaga oo yiri “Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan ummada soomliyeed oo u baahan in farmaajo laga hor dhaqaqjiyo. Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya inuu indha ummada somaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya somaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sarreeye Gaas Maxamed Dirir 1919-2014 Sabti ku beegnayd 14-june 2014, waxaa Caasimadda Garoowe ku geeriyooday halyeey u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kamid ahaa as’aasayaashii Dowladda Puntland; Waa Sarreeye Gaas Maxamed Axmed Samakaab oo ku magac dheeraa (Maxamed Dirir). Maanta oo Axad ah, 14-June 2020, Alle ha u naxariistee, Geeridiisa waxaa laga joogaa mudda lix sannadood ah, haddaba waxaan doonayaa in aan wax yar dib u milicsado Qisooyin iyo Duruus dhaxal-gal ah oo aan weli ka xasuusto Taariikh Nololeedkiisa, si looga faa’ido Casharro ku saabsan Qiyamka iyo Hoggaaminta Suubban ee ku dhisan Caddaaladda iyo Hufnaanta Shakhsiyeed. TAARIIKH NOLOLEEDKIISA 1919-2014 Alle ha u naxariistee, Gen. Maxamed Dirir wuxuu sannadkii 1919 ku dhashay Ceelka loo yaqaanno Barda-Cad ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna u weynaa 15 walaalihiis ah. Aabbihiis Axmed Samakaab Ciise wuxuu xilligaasi ku xigeen u ahaa nin lagu magacaabi jiray Dalla’aan oo Magaalada Gaalkacyo u qaabilsanaa Saldanadii Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid ee fadhigeedu ahaa Magaala-xeebeedda Hobyo Gen. Maxamed Dirir, wuxuu shaqadiisi u horraysay oo ciidanimo ahayd qortay sannadkii 1935, isagoo xilligaas da’diisu ahayd 16 sanno-jir, waxaana uu mudda 80 sannadood ah ku shaqaynayey Ciidannimo laga bilaabo Askari Dable ah ilaa uu ka gaaray Derejada Major General (Sarreeye Gaas). Xilliyadii Isbatooranimada AUN Maxamed Dirir, wuxuu Isbatoore ka noqday Baandadii Talyaaniga, isagoo sidoo kale la soo shaqeeyay Ciidankii Ilaalada Ingiriiska iyo Dowladdii Daakhiliga ka hor Xorriyadda, balse wuxuu nasiib u yeeshay in uu kamid noqdo Ciidankii u horreeyay ee lagu as’aasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed sannadkii 1960, inkastoo aysan Derejadiisa wax iska beddelin uu weli ahaa Isbatoore (Saddex Xarigle). WAAYIHIISI XOOGGA DALKA Mudadii u dhexaysay 1960-1989, wuxuu dallacaad kala duwan ku helay Shaqa wanaag, Geesinimo, Daacadnimo iyo Hufnaan, isagoo ka qayb-galay labadii dagaal ee Soomaaliya la gashay Waddanka Ethiopia (1964 & 1977) gaar ahaanna wuxuu billad geesi ku qaatay Dagaalkii 77 oo uu kamid ahaa Ciidamadii ka dagaallamay dhinaca Goday, halkaas oo uu ku dhaawacmay, waxaana Dowladdii Soomaaliya kaga dhacday Derejada Gaashaanle Sare. Sarreeye Gaas Maxamed Dirir, wuxuu ka soo shaqeeyay Talisyadii Ciidamada Xoogga Dalka ee Muqdisho, Baydhabo, Luuq Ganaane, Beled Xaawo, iyo Kulliyadii Tababarka Ciidamada ee HIILWEYNE oo uu kamid ahaa Saraakiishi u horraysay ee ka hawl-gala ka hor intaan 1973-dii loo beddelin Taliska 54-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo ku yaalla Magaalada Garoowe. BURBURKII KADIB 1991 markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya , oo nin dhifa mooyee qof waliba bililiqaystay Hantidii Dowladda, Gen. Mohamed dirir wuxuu ku mintiday in aan la bililiqaysan Xerada 54-aad oo uu illinka ka fariistay. Xerada keliya ma badbaadine xataa wuxuu diiday in la dhisto, Soonihii loo yaqaannay Zona Militare oo ku beegnaa 2.5KM oo gees walba ka xiga Xerada 54aad. 1992-dii, Puntland waxaa weerar ku soo qaaday Argagixisadii la baxday ITIXAAD ,oo uu hoggaaminayay Xassan Daahir Aweys, waxaana Malayshiyaad ka tirsanaa Argagixisadaas oo weeraray Taliska 54-aad ay dhaawac culus gaarsiiyeen Sarreeye Gaas Dirir, inkastoo uu markii dambe ka soo kabtay dhaawacaas. Sidoo kale, Marxuumku wuxuu kamid ahaa as’aasayaashii Dowladda Puntland sannadkii 1998-dii lagu dhisay Xerada 54-aad ee Magaalada Garoowe, waxaana Madaxweynihii u horreeyay ee Dowladda Puntland AUN Col. Cabdullaahi yuusuf Axmed u dallacsiiyay Derejada Sarreeye Guuto ( Brigadier General) taasi oo uu ku mutaystay Shaqa Wanaag, Hufnaan iyo Daacadnimo. Mar kale, waxaa Derejada sarreeye Gaas (Major General) u dallacsiiyay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) kadib markii uu ku qiimeeyay Sifooyinkiisa Shakhsiyeed ee Shaqa Wanaagga, Hufnaanta iyo Daacadnimada ku dhisan. QISOOYINKA KU SAABSAN HUFNAANTIISA IYO DAACADNIMADIISA AUN. Mohamed dirir awlaadda ka farcantay markii uu geeriyoodayd tiraddodu waxay ahayd 165. Salaad kasta oo uu tukado Ilaahay buu u shukriyi jiray, erayadiisana waxaa ka mid ahaa “ Ilahow Cimri baad I siisay, ilaahow caafimaad baad I siisay, Ilaahow awlaad baad I siisay oo isma lihi qof dunida jooga baa kaa qanisan oo ilaahow WADANi baad iga dhigtay, iyo ka badn…Alxamdulillah. Dardaaranka Gen. Maxamed-Dirir Ilmihiisa kula dardaarmi jiray wuxuu ahaa “ Maandhooyinow, hantidiina aad tacbateen, idinkaa xor u ah, waxanse idin leeyahay dhaqaalaysta, waxna ka bixiya oo sadaqaysta. Wuxuu ummadda laguu dhiibo oo hanti ah, waligaa marti ka ahow oo micnaheedu yahay, ha laguugu yimaado oo ha ku tagrifalin, waligaaba ogsoonow in Aakhiro iyo xisaabi kaa dambeyso.” GEN. MAXAMED DIRIR IYO QISADIISI DAACADNIMADA Generaal Mohamed Dirir oo gurigiisu magaalada ku yaal uu awoodi waayay in uu gurigiisa u soo hoydo,uuna ka door biday in uu Xerada 54-aad dhex seexdo, si uu u ilaaliyo Xerada iyo Hantida dhextaalla iyo in uu u kuur galo galo waxna ka ogaado Nolosha Ciidanka Xerada deggan. Maxaa dhacay haddaba? Marxuumka Quraac, Qado iyo Cashaba gurigaa looga soo qaadi jiray, rashin kasta oo loo keeno, Caano ayaa la socon jiray, Caanaha waa loo sonkorayn jiray. Habeen habeenada ka mid ah, ayaa caanihii Sonkortii laga illaaway, xaajiyadiisii oo subaxdii quraacdii u gaysey, rabtayna in ay ka soo qaaddo welkii xalay cashada loogu geeyay, ayaa aragtay caanihii oo meeshii ay dhigtay yaal oo uusan dhamin. Waxay weydiisay sabata uu caanaha u dhami waayey? waxuu ugu jawaab “ Walaal sonkortii baad ka soo Illowday”. Waxay ku tiri: Kaydkii dhammaa oo raashinka baad dhex jiiftaaye, maad jawaankaan Sonkorta ee afka ka furan QAADDO SONKOR AH kaga darsatid! Wuxuu ugu jawaabay “anigu ma lihi, waa xoolo umadeed oo ciidankaa iska leh – fasaxna uma haysto”. Nin sifahaas le, Somaali Maanta aad buu ugu yaryahay, Ilaahay ha u naxariisto. GABA-GABO Bishii July 2014, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Shir-guddoominayay Kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntlandd, wuxuu Kulankaas ka ballan-qaaday in Xerada 54-aad loo bixinayo “ Xerada Gen. Maxamed Dirir” inkastoo Ballan-qaadkaasi uusan weli fulin. Waxaase is weydiin mudan, Scola Polizia Mogadishu waxaa loogu magac daray General Abshir Kaahiye maxaa diidaya in Xerada 54 aad loogu magac daro Sarreeye Gaas Maxamed Dirir? Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Marxuumku markii uu geeriyooday uu Ifka uga tegay Agoon yar yar, kuwaas qaadan jiray Mushaharkii iyo Gunnidii uu Dowladda ku lahaa. Mushaarka kuma ay xisaabtami jirin maadaama uu ahaa wax marna la helo marna la waayo ilaa maantada la joogo, waxaysi si joogta ah bil walba u heli jireen oo ku xisaabtami jireen Gunnadii, iyaduna waxay ka istaagtay laga soo bilaabo bishii January 2019. W/Q: Cabdiraxmaan Ciise Cumar Afeef: Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraaga ku saxiixan The post XASUUSTII GEN. MAXAMED DIRIR IYO QISADII DAACADNIMADA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Jabuuti ka furmaya shir ballaaran oo dib loogu bilaabayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Wada-hadalladan oo muddaba la qorsheynayey ayaa waxaa gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Jabuuti iyo Itoobiya. Shirka ayaa leh saddex weji oo ku saabsan wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale iskaashiga dalalka dhaca geeska Afrika. Halkaan hoose ka aqriso saddexda qeyb ee uu shirka ka kooban yahay:- 1. Furitaanka shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, ra’isul wasaaraha Itoobiya, safiirada Mareykanka, Midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Qeybtan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa khudbado la xiriira iskaashiga dalalka geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda. 2. Maalinta xigta, waxaa loo gudbayaa wejiga 2-aad oo dhanka Villa Somalia waxaa wada-xaajoodka hor kici-doonna ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo wasiir Sabriye halka Somaliland ay joogi doonaa 5 mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyaha golaha wakiillada, 4 wasiir iyo Adna Aadan. Wejigan waxaa lagu xallin-doonnaa arrimaha siyaasadda sida deeqaha, hawada, fiisayaasha iyo iskaashiyada muhiimka u ah labada dhinac. 3. Wejiga 3-aad ee ugu dambeeya waa midka ugu adag, oo dib ayaa loo dhigay, waa midka looga hadlayo mustaqbalka midnimada, waxaa wada fariisanaya “guddi farsamo” oo ka socda labada dhinac, oo ay ku jiraan khubaro, odayaal, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka. Ujeedka ugu weyn waa doodda ah in laga hadlo 30 sano kadib halka geediga loo rarayo, ma jiraan wax hadaf kulmiya, taas oo dan u ah waqooyi iyo Koonfur.
-
NAIROBI (HOL) - President Mohamed Farmaajo, Somaliland President Muse Bihi, Prime Minister Hassan Khayre and a delegation of ministers and MPs have departed for Djibouti this morning for another round of talks after the last one in 2015 collapsed in Turkey. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa gordhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaalia, Maxmed Cabdullaahi Farmaajo kuwaas oo ku sii jeeda wadanka Jabuuti. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti. Waxaa sidoo kale la filayaa in Djibouti ay gaaraan wafdi ka socda Somaliland oo hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, oo ay qeyb ka yihiin wasiirka Arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha golaha Guurtida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka DJabuuti. Madaxweynaha waxaa socdaalkiiisa ku weheliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya. Wefdiga ayaa dalka Jabuuti kaga qayb-galaya Wada-hadallo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kuwaas oo ay qaban-qaabiyeen dowladaha Maraykanka iyo Jabuuti. Dhinaca kale waxaa saaka jabuuti u dhoofay Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Guurtida Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha maamulkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhow gaaray jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey. Abiy Axmed iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ambouli uga hortagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti. Ujeedka safarka Abiy Axmed ayaa ah ka qeyb-galka shirka ballaaran ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ee maanta ka furmaya gudaha dalkaasi, maadaama uu ahaa maskaxda ka dambeysay kulankii Farmaajo iyo Biixi ku dhe-maray Addis Ababa. Sidoo kale wuxuu ka qeyb-gali doonaa wejiga koowaad ee shirka oo diirada lagu saari doono arrimo la xariira iskaashiga dalalka geeska Afrika, siiba amniga iyo siyaasadda. Itoobiya ayaa sidoo kale qeyb ka ah wadamada sida weyn u qorsheeyey qabsoomida shirkaasi iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka furmi doono shir u dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin , Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo isagu shirka kaga biiri doona Jabuuti, ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shir ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen dalalka Maraykanka iyo Jabuuti, kaas oo lagu wada hadashiin doono dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Prod. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon) oo ka hor intii aanay weftigu ambo bixin saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey inay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa ka qaybgelayaan shir ballaadhan oo lagu casuumay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waxan halkan Isku soo taagay inaan idiin sheego inuu dalka ka ambo baxayo wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, weftigaasina waxa uu u baxayaa dalka Jabuuti, waxana madaxweynaha ku wehelinaya guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Weftigaasi waxa uu u baxayaa inuu ka qaybgalo shir lagu casuumay oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka, islamarkaana ay kasoo qaybgelayaan madax kale oo badan oo uu kamid yahay Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana shirkaas la isugu keenayaa Somaliland iyo Soomaaliya.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa goor dhow u amba-baxay dalka Jabuuti, waxaana garoonka ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda. Wafdiga uu horkacayo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda. Madaxaweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa Jabuuti uga qeyb-galaya shir ballaaran oo dib loogu sii amba-qaadayo wadaha-dallada Soomaaliya iyo Somaliland. Dhinaca kale waxaa saaka Hargeysa ka baxay wafdi culus oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qeyb ka ah wada-hadalladaasi. Madaxweyne Bixii ayaa waxaa safarkaasi ku wehlinaya guddoomiyaha golaha guurtida, afar wasiir iyo Adna Ismaaciil Aadan oo u qaabilsan wada-hadalka. Waa is araggii labaad madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana kulankoodiii ugu horreeyay uu ka dhacay dalka Itoobiya.
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa faahfaahisay xarenta maleeshiyaadka maamulkaasi oo wejigii labaad laga bilaabayo gobolka Galgaduud. Wasiir amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la gaaray waqtigii maleeshiyaadka laga xareyn lahaa gobolka, waxaana uu hadalkaan yiri xili uu ku sugnaa xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado” Waxaa noo bilaabanayo oo aan gudagalaynaa, xareynta ciidamada Daraawiishta iyo gaadiidkooda, waxaan sahan ku nimid xero kamid ah xeradii uu lahaan jiray xoogga dalka, gaaska 12-aad, kutalla meel Cadaado iyo Galinsoor dhexdooda ah, waa xiro istiraatiijig ah, waa meel ay qabaa’illo badan ay iska galaan” ayuu yiri wasiir Fiqi. Wasiirka oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaa u dhowaa meelahaan meelo ay dhibaatooyin badan ay ka dhicijireen oo qaabaa’illo badan oo iska soo horjeedo ay deegaan u aheyd xudun, marka maanta waxaan sahminay oo eegnay xeradaan, waa xero u diyaarsan in ciidamo degaan horayna loogu diyaariyey, dadkii qubarada ahaa ee ciidamadii xoogga dalka ay horay u sahmiyeen, geedaha ku yalla gadaasheenna bakhaarkii ayaa ah” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey wasiir Axmed Macalin Fiqi. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa wajigii koowaad ee xareynta ciidamada ka soo bilowday gobolka Mudug, halkaasi oo ciidamadii ku sugnaa tabar looga furay xerada Indhoqaris ee duleedka magalada Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta waxay u duuleen Magaalada Jabuuti, halkasoo ay uga qayb galayaan Wadahadalada Dowlada Federaalka iyo Soomaaliland. Jabuuti [...] The post Breaking News—- Mdx.Farmaajo, RW Kheyre iyo GD. Mursal oo Jabuuti u duulay appeared first on . Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti ballaadhan uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiir Cawad iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka. Ujeedka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee dalkaas ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shir Maanta u furmaya Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo uu shir Guddoomin doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo goobjoog ka noqon doona Shirka dhexmarin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Shirka oo furmi doona saacadaha soo socda ayaa waxaa weli la shaacin Ajendayaasha lagaga hadli doono, hayeeshee Shirkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa wada-hadallo hore u dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya Source
-
(SLT-Southern Africa)-Qofkii 4aad oo Soomaali ah ayaa muddo bil gudahood lagu dilay dalka Koofur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka iyo boobka lagu haayo dadka Soomaalida ah ee ku ganacsada dalka Koofur Afrika. Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Macalin Cali, kaasoo goobtiisa ganacsi lagu toogtay, kadibna la boobay xaruntiisa ganacsi oo ku taalla magaalada Cape Town. Wararka ayaa sheegaya in kooxdii budhcada aheyd ee dilka ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen, mana suura gelin in la soo qabto. Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Afrika ayaa walaac ka muujiyay dilalka soo badanaya ee loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida, lana boobayo goobahooda ganacsi. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay labo Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo ay sheegeen inay isku dhiibeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa askartan ku soo bandhigtay magaalada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Magacyada labadaasi askari ayaa waxaa lagu kala sheegay, Xasan Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa guutada 43-aad ee cidamada dowladda iyo Deeq Xasan Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada nabad sugidda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay askartaasi ka howlgalayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay la soo goosteen hubkooda. Weli ma jiro wax hada ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan askartaasi lagu soo bandhigay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Al-Shabaab askar u goosatay dhankeeda ku soo bandhigto gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.