Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Millions of dollars are pouring into the primary race for Minnesota’s Fifth Congressional District, where opposition to Minneapolis U.S. Rep. Ilhan Omar is fueling an unprecedented surge in donations to her top Democratic opponent, political newcomer Antone Melton-Meaux. Source: Hiiraan Online
  2. Firefights have broken out between federal Somali soldiers and troops from the Jubaland region. A heightened confrontation could embolden Al-Shabaab’s Islamist insurgency. The African Union should press Ethiopia and Kenya, which back Mogadishu and Kismayo, respectively, to coax the two sides into negotiations. Source: Hiiraan Online
  3. NPR's Sarah McCammon speaks with Akram Osman and Abdirizak Abdi about becoming two of the first Somali-American public school principals in Minnesota, a state with a large Somali population. Source: Hiiraan Online
  4. CAIRO — Over the course of Yemen’s civil war, African migrants determined to reach oil-rich Saudi Arabia have endured unspeakable cruelties – torture, rape, detention, extortion – often perilously close to front lines. Source: Hiiraan Online
  5. A plane belonging to Bluebird Aviation company that crash-landed in Beletwein, Somalia on Tuesday 14 July 2020. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), oo wax laga weydiiyey sida ay ka yeelayaan ku dhaqanka afarta xeer ee ku jira sharciga doorashooyinka, ayaa ka meer-meertay inay haba yaraatee ka jawaabto. Afartaas xeer oo kala ah, qoondada haweenka, metelaada Banaadir, asteynta kuraasta gobollada waqooyi iyo deegaameynta kuraasta golaha shacabka, isla markaana ku jira sharciga doorashooyinka ayey ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka, waxaana hareeyey muran badan. Muranka ugu weyn ayaa ka taagan in guddoonka golaha shacabka uu xeerarkaas ka saaray inay maraan Aqalka Sare, si uu isna u ansixiyo iyo inay maraan saxiix Madaxweyne, tallaabadaasna guddoonka Aqalka Sare waxa uu ku tilmaamay sharci darro, isagoo uga digey guddiga doorashooyinka inay adeegsadaan xeerarkaas. Xaliimo Yarey oo la hadleysay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxaa la weydiiyey suurta galnimada inay isticmaalaan xeerarkaas oo aan soo marin ansixinta Aqalka Sare, waxayna gabi ahaanba ka jawaabi weysay, waxayna ku andacootay in aysan ayada ku habooneyn in la weydiiyo su’aalahaas. Waxay ku cel-celisay in aysan ku shaqeyn doonin wax uusan sharcigu qabin, balse waxay cadeyn weysay shirci ahaan-shaha damaca golaha shacabka ee ah in xeerarkan afarta ah ay ku dhaqan galaan ansixintooda oo kaliya. Siyaasiyiin badan ayaa horay u sheegay in go’aanka guddoonka golaha shacabka ee ah in xeerarkaas afarta ah aysan marin ansixinta Aqalka Sare iyo saxiix madaxweyne, ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, halka guddoomiye Xaliima Yarey-na lagu xagliyo inay u janjeerto ku shaqeynta damaca Villa Somalia. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Xaliima-Yarey2.mp3
  7. Xilligii doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ayaa la gudaggalay, taas oo lagu xoojinayo nidaamka dowladnimada ee ku dhisan dimoqraaddiyada loo dhan yahay. In muddo ahba hoggaamada axsaabta mucaaradka ayaa ku dhaliilayay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Khayre in aysan daacad ka ahayn doorashada, taas oo sii kordhisay tuhunka laga qabo muddo kordhin. Balse, Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre oo guddoominayay shirkii Golaha Wasiiradda DFS ee July 9, 2020 ayaa yiri, “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah muddo kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur” (Sonna 09/07/2020). Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo baaqa Ra’iisul-wasaaraha akidaya ayaa isna yiri, “waxaa lagama maarmaan [ah] in aan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgeliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin” (Sonna 09/07/2020). Warbaahinta maxalliga ah iyo raadiyeyaasha shisheeye ee afka Soomaaliga ku tebiya wararka ayaa isku mashquuliyay falanqeynta iyo tarjumaadda ujeeddada ka dambeyso ereyada fartiinta Khayre iyo Farmaajo. Waxayse dhammaan seegeyn inay fahmaan dulucda fartiinta siyaasadeed ee ay xambarsan tahay. Haddaba aanu isweydiinee haddii xukuumadda la soo taagan tahay “muddo kordhin ma dooneyno,” oo uu Guddigii Madaxabannaa ee Doorashooyinka Qaranka – GMDQ caddeeyay in doorashada “biometric” aysan suuraggal ahayn inay ku dhacdo waqtigeedii halkee loo socdaa? Waxaa muuqata in ciyaartii doorashooyinka isbeddeshay oo ay waji cusub yeelatay. Doodda doorashooyinka asxaabta badan ee aan tixgelinayn in awoodda xulashada nooca doorashada ay leeyihiin xildhibaanadda BFS waa dood qiyaali ah. Haddaba shirka madaxda maamul-goboleedyada ee Dhuusamareeb waxaa looga fadhiyaa inay taageeraan doorashada qof iyo cod lana yimaadaan hindiso amni oo ay xukuumada kala shaqeyn karto. Waxaase marqaati ma doonta ah in axsaabta mucaaradka iyo madaxda maamul-goboleedyada qaarkood ay ka gudbi la’yihiin in doorasha “Qof iyo Cod” aysan qabsoomi karin, walow aysan diiddanayn inay tahay waajib Dastuuri ah in afartii sanadoodba mar dalka ka dhacdo doorasho inta xilhaynta Golayaasha Qaranka (fulinta iyo sharacidejinta) aysan dhicin. Waxayse ku doodayaan in doorashadii 2016 ahayd in lagu qabto habka metelaad buuxda (hal qof iyo hal cod) ay suurtaggeli weyday, taas oo kalliftay in la dhaqan geliyo doorasho dadban sida maanta loogu baahan yahay maadama aan doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karin waqtigeedii. Daliilka dooddaas waxaa burinaya in xilligaas uusan dalka ka jirin “Sharciga Doorashooyinka Qaranka” oo dabraya cid kasta oo isku dayi lahayd in mid dadban ay dhoodhoobto. Weliba fartiimaha baaqa Farmaajo iyo Khayre waxay soo afjareen doodda doorasho aan demoqraadiga ahayn ee ka dhacda meel ka baxsan baarlamaanka. Dhinaca kale, 45 Xisbiyada Siyaasadeed oo ay u hadlaysay xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay “inay diyaar u yihiin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda waqtigeeda.” Isku[na] raacsan yihiin inay “ku galaan nidaamka diiwangelinta iyo codeeyntu isku marka yihiin, kaas oo ah midka keliya ee suuraggelin kara doorashada inay ku dhacda waqtigeed.” Intaas waxay raacisay “inaysan oggolaan doonin doorasha kasta oo baalmarsan dastuurka iyo shuruucda dalka sida ku cad qodobka 1aad ee Dastuurka Qaranka.” Haddaba haddii aan la baalmareyn dastuurka iyo shuruucda dalka lana doonayo in la hirgeliyo doorashooyin waafaqsan matalaad buuxda kuwaas oo ay ka qaybgalaan inta ugu tirada badan muwaaddiniinta codeeysa (ilaa 3 malyan), ikhtiyaarka keliya ee jira waa in baarlamaanka kala xusho diiwaangelinta “gacanta ee isla maalinta codbixinta,” taas oo qabsoomi karto bisha March 2021 amase tan “biometric” oo ah midda sharciga doorashooyinka farayo kuna dhici karto July 2021. Si looga fogaado kala qaybsanaanta siyaasadda loona xoojiyo dhismaha midnimada qaranka waxa shardi ah in baarlamaanka uu dhammeystiro xeernidamiyeyaasha horyaal ee doorasho qof iyo cod, si loo galo iyadoo heshiis lagu yahay. War iyo dhammaantii doorashada la filayo waxay tahay midda dimoqraadiyadda xisbiyada badan, oo awoodda sharcidejinta iyo tan madaxweynahaba layskugu wareejinayo musharrixiin la soo doortay nus qarni ka dib. War Jiraaba Cakaaruu Iman! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Wakiilka cusub ee Taiwan u magacawday Somaliland oo kulamo ka bilaabay Hargeysa Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland. Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada, iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku. Kulankaasi ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho. Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiirada Taiwan. Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yahay arrinka waxbarashadu, midaasi oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda. Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-afgarad. Qaran News
  9. Markii uu Ruushku dib u soo galay Bariga Dhexe markii u horreysay tan iyo dagaalkii qaboobaa, isagoo ciidan geeyay Siiriya sanadkii 2015-kii, reer Galbeedka waxaa soo wajahay wer-wer weyn oo ku aadan ciidanka badan ee Moscow. Shan sano kadib, Ruushka waxaa la degay colaadda aan dhamaadka lahayn ee Siiriya, saameyntiisii kale ee Gobolkana waxaa ay noqotay mid aan awood badneyn. Hadda, oo la joogo July 2020, reer Galbeedku waxay wajahayaan xilli kale oo muhiim ah, waxaana jira sabab kale oo loo wer-wero. New York Times ayaa warisay in Iran iyo Shiinaha ay gaareen heshiis maalgashi iyo amni. Heshiiskaas waxaa ku jira tababar military iyo dhoolatus, hurumarin wadajir ah ee hubka iyo wadaagga xogta sirdoonka iyo sidoo kale isdhaafsiga maalgelin u dhiganta $400 billion muddo 25 sano ah. Sida uu waqtigu sheegayo, heshiiskan waxa uu ka nixin doonaa qorshaha Mareykanka ee ah in dhaqaale ahaan uu go’doomiyo Iran. Laakiin Beijing ma ahan macmiil saaliidda ka gata Iran, balse waxay dhoofisaa badeecada waxayna dhistaa kaabeyaasha, iyadoon gacmaheeda ku wasaqayn siyaadda iyo amniga isku dhexyaaca ah ee Gobolka. Shiinuhu waxaa uu hadda u muuqdaa in uu Mareykanka kula tartamayo Bariga Dhexe. Shiinuhu waa dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxaa uu dalalka geyn karaa Technology-yadda, heshiisyo maaliyadeed, iyo xirfado injineer si loo dhiso dekedaha iyo wadooyinka waaweyn, waxuuna kuwa kula tartamaya uga guuleysan karaa dalabka Saliida Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya deymihii uu horay u siiyay si saliida loogu soo saaro. Mareykanka ayaa ku baraarugay khatar istraatiiji ah, waxaana uu adkeynayaa xiriirka ganacsi iyo mid technoloyadeed ee xulifadiisu la leeyihiin Beijing. Farriintuu xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ka jeediyay Isra’iil waxa uu isku haleynayay wadamadda Gacanka. Nasiib darro, Maraykanku goor dambe ayuu baraarugay. Xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee Shiinuhu la leeyahay wadamadda Gacanka ayaa kordhay sanadihii lasoo dhaafay kumana saabsana kala bedelashadda dhoofinta Shiinaha iyo saliidda Gacanka Khaliijka. Waa xiriir uu Maraykanku u dulqaadan karo. Waa technology-yadda waxa Khaliijka aad ugu dhaweynaya Shiinaha. Technology-yadda jiilka xiga ee 5G waa arrin muhiim ah. In la geeyo internet 5G ah waa u muhiim wadan kasta oo doonaya in loogu yeero dal horumaray, laakiin cid walba oo geysa waxa ay u adeegsan kartaa in ay basaasto dadka isticmaalaya ama xitaa ay ku qaado weerarro internet-ka ah. Shiinaha ayaa hoggaaminaya 5G-ga Adduunka, Maraykanka oo xulifadiisa u sheegaya “Shiinaha haka iibsan 5G,” isagoo aan soo bandhigin bedel la tartami kara Shiinaha, taasina waxay dhigeysaa meel ceebed. Cabsida Shiinaha Coronavirus ayaa sii wiiqay Marayanka, sida ay muujisay tijaabo la doonayay in lagu sameeyo shaqaalaha safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay magaaladda Abu Dhabi bishii lasoo dhaafay. Abu Dhabi ayaa Maraykanka u soo bandhigay in si bilaash ah looga baaro shaqaalihiisa Coronavirus, balse Maraykanka ayaa diiday sababtoo ah saraakiisha Maraykanka ayaa cabsi ka muujiyay in Shiinuhu uu heli doono hido-sidaha shaqaalaha, maadaama shirkadda shaqadda qabaneysa uu iskaashi kala dhexeeyo shirkad kale oo Shiinuhu leeyahay. Sababta diidmadda Maraykanka waxaa lagu sheegay in Shiinuhu uu aad uga wanaagsanyahay Maraykanka shaqadda xakameynta saf-mareenka. Keliya ma ahan in uu sameeyay qalabka caafimaadka ee looga baahnaa saf-mareenka, balse waxaa uu aad uga shaqeeyay in uu sawirkiisa hagaajiyo si uu u muujiyo in wadanku yaqaano sida loo maareeyo xasaradaha, taasi oo aad uga duwan xirfad xumada Maraykanka. Sida Professor Karen Young ay ku qortay maqaal ay ku daabacday Al-Monitor, Trump waxaa uu luminayaa hantida Maraykanku uu kula tartami lahaa Shiinaha. Waa weli xilligii la adeegsan lahaa awood military, laakiin Trump waxaa uu Maraykanka dib uga saarayaa Bariga Dhexe. Heshiiska Iran, hadii uu dhab u jiro, waxaa uu Shiinaha kor ugu qaadayaa heer cusub, kaas oo isugu jira ganacsi, maal-gashi iyo difaac. Heshiisku waxaa uu hamiga Shiinaha u dhaweyn karaa dalka Iran, iyadoo xilligaan dalalka Khaliijka ay Iran u arkaan cadow halis ah. Iran, dhaqaale ahaan waxay ku sugantahay xaalad xun, taasi oo ka dhigeysa mid aan dooq laheyn, laakiin Shiinaha ku abaal marineysa qiimo dhimis weyn ee qiimaha saliida. Beijing waxay dalalka Khaliijka u rogi kartaa dhanka kale sababtoo ah, waxay aad ugu baahanyihiin in Shiinuhu saliidooda iibsado. Israa’iil, tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka waxaa uga halis badan awoodda Ruushka ee ku sii faafeysa Siiriya iyo Liibya. Hadii ay noqoto Maraykanka iyo Shiinaha. Israa’iil waxay aadi doontaa Maraykanka. Laakiin xisaabtu waa ay ku adkaan doontaa hadii Shiinuhu uu noqdo awoodda kasoo baxaysa Bariga Dhexe. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in guddi xaqiiqo raadin ah u direyso magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, xili ay shalay garoonka magaaladaasi ay diyaaradi ku bur-burtay. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya ayaa hogaaminaya wafdigaasi oo baaritaan ku soo sameyn doona sababta ka dambeysay bur-burka diyaaradasi oo aheyd nooca xamuulka, isla markaana siday gar-gaar bini-aadatinimo. Wasiir Oomaar iyo wafdigiisa ayaa ka dagi doona magaalada Beledweyne, iyaga oo kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinka gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ee ku sugan Beledweyne. Guddigan ayaa waxay u baaritaan qoto dheer ku sameyn doonaan sida ay ku bur-burtay diyaaradaasi iyo sababta rasmiga ah ee horseeday inay diyaaradu dhacdo oo uu dab ka kaco. Wafdigan lagu sheegay xaqiiqa raadinta ee tagaya Beledweyne ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayso in diyaaradaasi bur-burkeeda uu sabab u ahaa Dameer, kaasi oo soo galay dhabaha diyaaraduhu ku ordaan. Mareeyaha guud ee diyaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in bur-burka diyaaradu ay timid kadib markii si lama filaan uu Dameer u soo galay dhabaha diyaaradaha, xili ay diyaaradu soo cago dhiganeysa garoonka.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland. Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada, iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku. Kulankaasi ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho. Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiiradan sheegata inay ka go’day shiinaha. Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yahay arrinka waxbarashadu, midaasi oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda. Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-afgarad.
  12. Chairman Faisal and me received today the EU Ambaasador H.E Nicolas Berlanga @NBerlangaEU at my residence in Hargeisa, and we had a very fruitful discussions with the Ambassador regarding the budget support for elections and increase the development aid to Somaliland. pic.twitter.com/MOY3ayfjZJ — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) July 14, 2020 Qaran News
  13. Budhcad u dhacday,Geleftayna Meel aan laga fileyn Laba maalmood kadib markii ay dowladda Koonfur Afrika dib u soo celisay mamnuucidda khamriga si loo xakameeyo faafidda Fayraska Korona, ayaa tuugo waxa ay jabsatay dukaan cabitaankaasi lagu iibiyo oo ku yaal magaalada Cape Town. “Waxa ay shubteen oo qaateen dhammaan khamrigii goobta yaallay,” ayuu yiri Mark Kallend oo ah milkiilaha dukaankaasi una warramay warbaahinta News24. Mr Kallend ayaa sheegay in falkaasi uu muujinayo sida shacabka waddankaasi ay xaaladda ugu adag tahay. Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo shacabka dalkiisa khudbad ujeediyay Axadii ayaa sheegay in mamnuucidda khamriga oo ah tii labaad ee sanadkan la soo rogay ay culayska ka yareynayso goobaha caafimaadka ee dalka. In ka badan 40% xaaladaha dadka dhimirka ka xanuunsan ee dalkaasi oo tiro ahaan todobaadkii gaaraya 40,000 ayaa la sheegay inay yihiin kuwa khamriga ku dawaqa, taasoo culays gaar ah ku hayso hawlwadeennada caafimaadka ee la taacalaya cudurka safmarka ah. Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi, the Democratic Alliance, ayaa sheegay in dowladda ay mamnuucidda khamriga ku qarinayso guuldarrada ka haysata hirgelinta hannaan caafimaad oo dalka ku haboon. Hogaamiyaha xisbiga Economic Freedom Fighters, Julius Malema, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Ramaphosa uu ku fashilmay dhegaysiga talo loo jeediyay oo ahayd inuusan qaadin mamnuuciddii koobaad ee khamriga la saaray bishii March. Koonfur Afrika ayaa hadda ah dalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay Fayraska Korona marka laga hadlayo qaaradda Afrika, waxaana laga diiwaangeliyay in ka badan 275,000 oo kiis. Tirada dadka cudurka ugu dhintay Koonfur Afrika ayaa ka badan 4,000 waxaana dowladdu saadaalinaysaa in tiradaasi ay gaari karto illaa 50,000 dhamaadka sanadkan. Qaran News
  14. Amsterdam (Caasimada Online) – Hay’adda Dalmar waxay ka mid tahay kuwa ugu fac wayn hay’adaha iyo ururada Soomaalida waddanka Holland, waxaana fadhigeedu yahay Magaalada Denhaag oo ka mid ah magaalooyinka ay dagaan mushtamaca Soomaalida. Inkastoo Magaaladaasi ay ka jiraan ururo iyo hay’ado kale oo Soomaali ah, haddana Dalmar waxay kaga duwan tahay ururadaasi xiriirka iyo wada-shaqaynta ay la leedahay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Holland, iyada oo xubin firfircoon ay ka tahay dalladda guud ee ay ururada Soomaalida Holland ku mideysan yihiin ee loo soo gaabiyo FSAN. C/maalik Yuusuf wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii Dalmar, isaga oo safka hore kaga jira shaqsiyaadka raasumaalka iyo qiimaha gaarka ah bulshada ugu fadhiya, waxaanna wareysi aynu la yeelanay C/maalik uu u dhacay siddatan:- SU’AAL: Muxuu yahay waxqabadka ama doorka Hay’adda Dalmar ee ku aadan Soomaalida ku dhaqan Denhaag iyo Magaalooyinka ku dhowdhow.? C/MAALIK: Dalmar waa hay’ad ay howsheedu tahay in ay dadka Soomaalida caawiso, kana caawiso sidii ay dalkan shuruucdiisa u fahmi lahaayeen. Dalmar wacyigelinta ay samayso waxay Soomaalida u marisaa dhanka saxaafadda, 2 raadiyo ayaan aasaasnay waxaanna ka bixi jiray barnaamijyo wacyigelin ah. SU’AAL: Intii muddo ahayd Radiyowga Dalmar hawada sooma aydnaan gelin maxaa u sabab ah.? C/MAALIK: Isbedel ayuu dunidda ku keenay “Social media” shaqooyinkii ay warbaahintu qaban jirtay waxay dadku kala socdaan baraha bulshada, kuwa Soomaali ah oo shaqadaas qabanayana waa ay soo baxeen. SU’AAL: Waxaa jira hay’ado cilmi baaris ku sameeya dib u dhaca iyo horumar wixii ay sameeyeen dadyowga ajnabiga ah ee dalkan ku sugan, Soomaalida inta badan waxaa la geliyaa kaalimaha ugu hooseeya haddeey tahay waxbarashada, shaqada iyo isdhexgalka maxaa u sabab ah ayay kula tahay.? C/MAALIK: Annagu hadda ka hor cilmi baaris ayaa la sameynay Jaamacadda Nijmegan, xaqiiqdu waxay tahay dadka qaxootinimada dalkan ku yimid ma helaan fursadaha ay heleen dadkan cadaanka ah, tusaale annaga Soomaalida ah inteenna badan waxaannu dalkan nimid innaga oo aynaan diyaarsanayn oo duruufo dalkeena ka jiray awgeed ayaa halkan ina keenay, dhibaatada kale ee ina haysata waxay tahay ma nihin bulsho isku xiran oo waynu kala firirisanahay, caruurtu marka ay waxbarashada heerarkeeda kala duwan marayaan waa in waalidka iyo caruurtu isfahmi karaan, waayo caruurtu way u fududahay in ay durba luqada bartaan, lana qabsadaan hab nololeedkan, balse waalidku haddii aysan la saanqaadi karin caruurta waxaa halkaas ka dhalanaya in caruurtu u arkaan in ay iyagu ka aqoon badan yihiin waalidiinta, marka dhibaatooyinka waalidiinta Soomaalida haysata waxaa ka mid ah in iyagii iyo caruurtoodii aysan isfahmayn. SU’AAL: Waxaan la soconaa in ay jiraan dhalinyaro wiilal iyo gabdho ba isugu jira oo dalkan ka noqday garyaqaanno, dhaqaatiir iyo kuwa hay’ado caalami ah iyo wasaarado NL ah la shaqeeya ma jiraa [Plat form] ama Gole aad ku kulantaan si aad isu waydaarsataan wixii khibrad iyo talo ah.? C/MAALIK: Hadda ka hor waxaan ka tirsanaan jiray ururka ardayda Soomaalida ah ee Jaamacadaha wax ka barta, annaga xilligeenii markeey qalin jebiyeen waxaan lahayn dhaqan isku xirnaan ah, hadda taas meesha waa ka baxday qof kasta howshiisa ayuu wataa, dadkii hore aad ayeey isugu xiran jireen, laakiin urur ay iminka ku mideysan yihiin dadka Soomaalida ah ee “ilite” ka ah ma maqal. SU’AAL: Waxaa jirta eedo la idiin jeediyo adiga iyo saaxiibadaa oo la idin leeyahay; saxafiyiinta Soomaalida ee Holland ku sugan oo tiro ahaan aad u badnaa, ma aydnaan siin fursadihii ama ay wax idin kaga kororsan lahaayeen ama ay aqoontooda ugu soo bandhigi lahaayeen oo albaabada ayaad ka xirateen.? C/MAALIK: Waxba kama jiraan waxaan xasuustaa suxufiyiintii soo galay dalkan intii u dhexeysay 2005-2010 waxaan u qabanay shir wayn, oo martiqaad ayaan u fidinay, waxaan waydiinay maxaan idin la qabanaa.? Guddi ayaa la magacaabay, nasiib darro qof kasta howl iyo shaqo ayuu ku jiray mana jirin cid innagu soo laabatay. Tabartayadu ma buurna, waxaa jira dhalinyaro ka tirsan raadiyaheena oo ka shaqeeya intii dedaalkeena ina gaarsiin karay waa samaynay. SU’AAL: Magaaladan Denhaag ee ururkiinu ku shaqeeyo, waxay ka mid tahay Magaalooyinka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan, xilliyada dalkani ay doorasho ka dhacayso Soomaalidu ma u mideysan tahay xisbiga ay u codaynayaan.? C/MAALIK: Nasiib darrada jirtaa waxay tahay Soomaalidu kuma baraarugsana in codkoodu macno sameynayo, kuwii 30 ka sanno waddanka joogay ayaa ku kari waynay war kaalaya codeeya, dalkaan waxaa jira xisbiyo ka soo horjeeda xuquuqda la siinayo dadka ajnabiga ah, waxaa dhici jirtay marka ay doorasho dhacayso inaan dadka Soomaalida iyaga oo guryahooda jiifa aan saxiix ka soo qaadi jiray, Soomaalidu waxaan u maleynaya kuma aysan baraarin in ay codeeyaan, doorashadu aad ayeey muhiim tahay waxay go’aamineysaa adiga mustaqbalkaaga iyo masiirkaaga waa in lagu baraarugaa. SU’AAL: Maadaama DALMAR ay ka tiran tahay FSAN, waxaa jira Soomaali tiro badan una badan hooyooyin iyo caruur, u baahan in siyaabo kala duwan loo caawiyo, ma jirtaa qorshey ay FSAN ugu talogashay in ay kula socoto dadka Soomaalida ah ee magaalooyinka ay dagan yihiin aysan wakiilo ku lahayn FSAN.? C/MAALIK: Su’aashaas waxay ku fiicnaan lahayd inaad waydiiso FSAN maamulkeeda, waxaan kuu xaqiijinayaa in Denhaag iyo Amsterdam habeen iyo maalin waxay u taagan tahay in ay dadkeeda caawiso dhammaan meelaha ururadu ka jiraan, dalkaan nidaamkiisu waa taqaan tuulo ayaa laga yaabaa in ay dagan yihiin dad u baahan in la caawiyo. Guddoomiyaha FSAN Cali Waare waa shaqsi Soomaalidu aad u taqaan, waa ninka keligii inta uu baxo ugu tago tuulooyin dad Soomaali ah oo u baahan in la caawiyo. SU’AAL: Dad badan, oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida marka ay maqlaan Dalmar durba waxaa ku soo dhacaya C/maalik & C/wahaab [Yariisoow] ma jiraan ashqaas oo Dalmar howlwadeenno ka ah.? C/MAALIK: Dalmar dad badan baa howlwadeenno ka ah, awal waxaa la arki jiray Asad. Axmed C/wahaab aasaasayaasha ayaan ka wada tirsanahay aniga shaqo kama qabo hadda inaan mar mar iska caawiyo ma ahane, laakiin howsha isaga ayaa wada. SU’AAL: Maadaama aad tahay dadka dalkan wax ku bartay oo aad tahay aqoonyahan buuxa, waxaad ii sheegtaa 123 waxa C/maalik lagugu xasuusan doono.? C/MAALIK: Dadkii aan soo wada shaqaynay ayeey ila tahay in su’aashaas la waydiiyo. Anigu ilaa ardaynimadeydii waxaan isku jeclaa inaan dadkeyga wixii aan wax tari karo taro, inkastoo tabartaydu yarad haddana marka aan shaqada iyo waxbarashada ka soo jeesto waqtiga ii haray inaan geliyo caawinta dadkeyga waa ku faraxsanaa, ha noqto dad aan sharciyadda la raadiyo ama kuwa aan siyaabo kala duwan u caawiyo, sidoo kale, kaalin wanaagsan ayaa ka qaadanay aniga iyo saaxiibadeey dib u dhiskii dalka, waxaan ka mid ahaa dadkii abaabulay banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya, sidoo kale bannaabaxyadii Itoobiyaanka lagaga soo horjeeda dadkii ka soo shaqeeyey ayaa ka mid ahaa, qashinkii badda lagu daadiyey dalkii banaanbaxyada lagag soo horjeeda soo qabanqaabiyey ayaa ku jiray, anigu ha lagugu xasuusto isma lahayne waxaan u arkayey inaan ahay muwaadin gudanayay waajib dalkiisa ka saaran. SU’AAL: Maadaama aad ka mid ahayd dadkii aasaasay xisbigii Hiil-Qaran halkuu ku dambeeyey.? Mase ku talo jirtaan inaad doorashada soo socota ee Soomaaliya ka qaybgashaan.? C/MAALIK: Hiil-Qaran waxan ka mid ahaa dadkii aasasay, muddooyinkii u dambeeyey waxaan ku jirnay diyaargarow inkastoo cudurkan Covid 19 uu adduunkii kala xiray haddana waxaan kuu xaqiijinayaa haddii doorashada dalka ka dhacdo in aan ka qaybgeli doono. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com
  15. PARIS – The ex-chief of Timbuktu’s Islamic police went on trial Tuesday in The Hague for a number of alleged war crimes and crimes against [...] The post War Crimes Trial Begins Against Malian Jihadist appeared first on . Source
  16. Mogadishu (PP News ) — Mogadishu-based private investors of Daljir Forex Trade have accused Sakariye Abdullahi Hussein, the company owner, of making off with their investments. Investors have demonstrated in front of Daljir Forex Trade premises in Mogadishu. “We are demonstrating to lodge a complaint with authorities about Sakariye Abdullahi Hussein, who promised us that we would make profits on our investments but he had fled with our investments. We do not know his whereabouts” one woman said. A dodgy receipt showing the same amount of investment denominated in Somali Shillings and US Dollars Daljir Forex Trade had issued investors identification cards bearing the name of the investor along with a receipt showing the amount of investment to which the investor committed the venture. One receipt shows the same amount of the investment denominated in Somali Shillings and US Dollars. The company’s tagline reads in translation: Gain profit without sweating. Last year, Forex traders in Somalia have advertised their services on television networks to promise quick returns on investments without making investors aware of risks associated with this asset class. Forex business is unregulated in Somalia. Money-changers have set up Forex companies without disclosing how they execute trades in a country with no a stock exchange. The Central Bank of Somalia has published guidance on Forex services to make potential investors aware of risks in foreign exchange markets. Demonstrators asked for the Federal Government of Somalia to track and bring the alleged culprit to book. © Puntland Post, 2020 The post INVESTORS ACCUSE DALJIR FOREX TRADE OF A PONZI SCHEME appeared first on Puntland Post.
  17. JOHANNESBURG — Ethiopia is entering its third week without internet service for almost everyone after days of deadly unrest, as the government in Africa’s diplomatic and aviation hub says it’s trying to prevent speech that could further inflame ethnic tensions. Source: Hiiraan Online
  18. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda dowlad goboleedyada Jubaland Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Kulankaas ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah, waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo Maadxweyneyaasha ka wada hadleen Arrimo ku aadan marlaxadihii ugu dambeeyay ee deegaanadooda iyo Siyaasadda dalka. Ra’iisul wasaaraha oo ka qayb-galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa weli ku sugan Dhuusamareeb halkaaas oo uu ka wado kulamo kala duwan. Shirka waxaa sidoo kale ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmha soo socda lagu wado in uu halkaas gaaro. PUNTLAND POST The post Khayre oo kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  19. Somaliya iyo Somaliland wada hadalladoodii waa la'soo celiyay oo waakan shir Jabuuti ka furmay, dabcan Soomaliland waxay rabtaa in ay dal GOONI AH NOQOTO, dhanka kale Somaliya waxay rabtaa: IN MIDNIMADII LA'SOO CELIYO sida ay sheegaan reer koofur, waxaa fiican in la'falanqeeyo see midnimadii lagu Source: Hiiraan Online
  20. Washington (Caasimada Online)-Markii uu Ruushku dib u soo galay Bariga Dhexe markii u horreysay tan iyo dagaalkii qaboobaa, isagoo ciidan geeyay Siiriya sanadkii 2015-kii, reer Galbeedka waxaa soo wajahay wer-wer weyn oo ku aadan ciidanka badan ee Moscow. Shan sano kadib, Ruushka waxaa la degay colaadda aan dhamaadka lahayn ee Siiriya, saameyntiisii kale ee Gobolkana waxaa ay noqotay mid aan awood badneyn. Hadda, oo la joogo July 2020, reer Galbeedku waxay wajahayaan xilli kale oo muhiim ah, waxaana jira sabab kale oo loo wer-wero. New York Times ayaa warisay in Iran iyo Shiinaha ay gaareen heshiis maalgashi iyo amni. Heshiiskaas waxaa ku jira tababar military iyo dhoolatus, hurumarin wadajir ah ee hubka iyo wadaagga xogta sirdoonka iyo sidoo kale isdhaafsiga maalgelin u dhiganta $400 billion muddo 25 sano ah. Sida uu waqtigu sheegayo, heshiiskan waxa uu ka nixin doonaa qorshaha Mareykanka ee ah in dhaqaale ahaan uu go’doomiyo Iran. Laakiin Beijing ma ahan macmiil saaliidda ka gata Iran, balse waxay dhoofisaa badeecada waxayna dhistaa kaabeyaasha, iyadoon gacmaheeda ku wasaqayn siyaadda iyo amniga isku dhexyaaca ah ee Gobolka. Shiinuhu waxaa uu hadda u muuqdaa in uu Mareykanka kula tartamayo Bariga Dhexe. Shiinuhu waa dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxaa uu dalalka geyn karaa Technology-yadda, heshiisyo maaliyadeed, iyo xirfado injineer si loo dhiso dekedaha iyo wadooyinka waaweyn, waxuuna kuwa kula tartamaya uga guuleysan karaa dalabka Saliida Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya deymihii uu horay u siiyay si saliida loogu soo saaro. Mareykanka ayaa ku baraarugay khatar istraatiiji ah, waxaana uu adkeynayaa xiriirka ganacsi iyo mid technoloyadeed ee xulifadiisu la leeyihiin Beijing. Farriintuu xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ka jeediyay Isra’iil waxa uu isku haleynayay wadamadda Gacanka. Nasiib darro, Maraykanku goor dambe ayuu baraarugay. Xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee Shiinuhu la leeyahay wadamadda Gacanka ayaa kordhay sanadihii lasoo dhaafay kumana saabsana kala bedelashadda dhoofinta Shiinaha iyo saliidda Gacanka Khaliijka. Waa xiriir uu Maraykanku u dulqaadan karo. Waa technology-yadda waxa Khaliijka aad ugu dhaweynaya Shiinaha. Technology-yadda jiilka xiga ee 5G waa arrin muhiim ah. In la geeyo internet 5G ah waa u muhiim wadan kasta oo doonaya in loogu yeero dal horumaray, laakiin cid walba oo geysa waxa ay u adeegsan kartaa in ay basaasto dadka isticmaalaya ama xitaa ay ku qaado weerarro internet-ka ah. Shiinaha ayaa hoggaaminaya 5G-ga Adduunka, Maraykanka oo xulifadiisa u sheegaya “Shiinaha haka iibsan 5G,” isagoo aan soo bandhigin bedel la tartami kara Shiinaha, taasina waxay dhigeysaa meel ceebed. Cabsida Shiinaha Coronavirus ayaa sii wiiqay Marayanka, sida ay muujisay tijaabo la doonayay in lagu sameeyo shaqaalaha safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay magaaladda Abu Dhabi bishii lasoo dhaafay. Abu Dhabi ayaa Maraykanka u soo bandhigay in si bilaash ah looga baaro shaqaalihiisa Coronavirus, balse Maraykanka ayaa diiday sababtoo ah saraakiisha Maraykanka ayaa cabsi ka muujiyay in Shiinuhu uu heli doono hido-sidaha shaqaalaha, maadaama shirkadda shaqadda qabaneysa uu iskaashi kala dhexeeyo shirkad kale oo Shiinuhu leeyahay. Sababta diidmadda Maraykanka waxaa lagu sheegay in Shiinuhu uu aad uga wanaagsanyahay Maraykanka shaqadda xakameynta saf-mareenka. Keliya ma ahan in uu sameeyay qalabka caafimaadka ee looga baahnaa saf-mareenka, balse waxaa uu aad uga shaqeeyay in uu sawirkiisa hagaajiyo si uu u muujiyo in wadanku yaqaano sida loo maareeyo xasaradaha, taasi oo aad uga duwan xirfad xumada Maraykanka. Sida Professor Karen Young ay ku qortay maqaal ay ku daabacday Al-Monitor, Trump waxaa uu luminayaa hantida Maraykanku uu kula tartami lahaa Shiinaha. Waa weli xilligii la adeegsan lahaa awood military, laakiin Trump waxaa uu Maraykanka dib uga saarayaa Bariga Dhexe. Heshiiska Iran, hadii uu dhab u jiro, waxaa uu Shiinaha kor ugu qaadayaa heer cusub, kaas oo isugu jira ganacsi, maal-gashi iyo difaac. Heshiisku waxaa uu hamiga Shiinaha u dhaweyn karaa dalka Iran, iyadoo xilligaan dalalka Khaliijka ay Iran u arkaan cadow halis ah. Iran, dhaqaale ahaan waxay ku sugantahay xaalad xun, taasi oo ka dhigeysa mid aan dooq laheyn, laakiin Shiinaha ku abaal marineysa qiimo dhimis weyn ee qiimaha saliida. Beijing waxay dalalka Khaliijka u rogi kartaa dhanka kale sababtoo ah, waxay aad ugu baahanyihiin in Shiinuhu saliidooda iibsado. Israa’iil, tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka waxaa uga halis badan awoodda Ruushka ee ku sii faafeysa Siiriya iyo Liibya. Hadii ay noqoto Maraykanka iyo Shiinaha. Israa’iil waxay aadi doontaa Maraykanka. Laakiin xisaabtu waa ay ku adkaan doontaa hadii Shiinuhu uu noqdo awoodda kasoo baxaysa Bariga Dhexe.
  21. The International Court of Justice, the UN's top court, has backed Qatar in a dispute with four neighbours that imposed an air blockade against Doha more than three years ago. Source: Hiiraan Online
  22. DHUSAMAREB (HOL) - Prime Minister Hassan Khaire has this evening arrived in Dhusamareb, Galmudug state where he will be meeting with regional state presidents. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yare) ayaa markii ugu horeysay ka hadashay baaqii kasoo baxay madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama nuucyada doorasho ee guddigu soo bandhigay aysan aheyn kuwo lagu wada-qanacsanyahay. Xaliima Yarey oo la hadashay VOA ayaa sheegay in guddiga ay guddoomiyaha ka tahay ee doorashooyinka uu yahay mid sharci ku dhisan , isla markaana ay haboontahay in cidii dood ka qabta nuucyada doorasho ee ay soo bandhigeen ay la fariistaan, wixii ay qabaana u soo bandhigaan. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa qirtay in shirka Dhuusamareeb uu yahay mid loo baahnaa muhiimna u ah umadda Soomaaliyeed, in kastoo sida ka muuqata hadalkeeda aysan la dhacsaneyn baaqii kasoo baxay madaxda ee ahaa in saamileyda siyaasaddu ka wadatashadaan nuuca doorasho ee dalku aadayo dabayaaqada sanadkan. “Anagu ma aaminsanin in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, shan sano ayaan kasoo shaqeyneynay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo, marka cidii dhaheysa doorasho dalkan kama dhici karto, waxay ku haboonaa laheyd inta noo yimaadaan inay noo sheegaan sababta aysan u dhici karin doorasho qof iyo cod ah,” ayey tiri Xaliimo Yarey. Sidoo kale guddoomiye Xaliimo Yarey oo wax laga weydiiyey suurata galnimada in la kala diro gudigeeda ee la magacaabo guddi kale oo doorasho ayaa carabka ku adkeysay in guddigeedu uu ku dhisanyahay sharci, isla markaana aysan jirin sharciyad loo coskan karo in la kala diro. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Xaliima-yarey-1.mp3
  24. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-14072020.mp3 View the full article