-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Guclada Jooji! Waxay ku beegnayd 11 February 2020 markii ay ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo magaalada Addis-abab Ethiopia. Waxaa Madaxweyne Biixi laga hayey hadal ahaa “ Waxaa ila soo hadlay Raysalwasaare ABIY kadib Guclaan ugu tagay” Haddaba, Shirqoolka uu la damacsan yahay Yarka Oromada ah ee Abiy qaranimada Somaliland ma aha mid inaga qarsoon . fashilkii isku daygiisii in uu farmaajo keeno Hargeysa markuu ku guuldaraystay waxaa uu uga wareegay dhinac kale oo ah in uu la kaashado danjiraha Maraykan ka u fadhiya Somaliya Danjire Donald Yamamoto, si markale ay isugu dayaan in ay ugu yeedhaan madaxweyne Biixi Madal ay ugu tala galeen inay ku qowracaan Qaranimada Somaliland bal illa milicsada haddala Danjire Donald Yamamoto ee uu ku hamiyaayey in uu dib usoo celiyo MIDNIMADII SOMALIYA oo Tafatiraha Wargeyska Geeska Africa Suaalo uu weydiiyey ka dhashay. Mr Yamamoto oo ah wakhtigana ah ninka qaban qaabiyey kulanka Djibouti. Waana kan hadalkiisii: Safiirka Maraykanka Danjire Donald Yamamoto, ayaa shirjaraa’id oo uu khamiistii 7 May si toos ah u qabtay isagoo adeegsanaya adeega Zoom kuna sugan magaalada Muqdisho, waxa lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xanuunka Covid_19 oo dunida gilgilay. Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo ka mid ahaa saxafiyiinta ay safaaradda Maraykanku ku casuuntay shirka jaraa’id ayaa isagoo Hargeysa ku sugan wuxuu si toos h u weydiiyay safiirka Maraykanka, su’aalo ku khuseeya Somaliland. Danjire Yamamoto ayaa waxa uu Geeska Afrika weydiyay laba su’aalood oo kala ah wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda hakad ku jira iyo doorka Maraykanka iyo bal caawimada uu Maraykanku siin karo Somaliland xilligan adag ee halganka loogu jiro si looga hortaggo xanuunka Covid_19. Danjire Donald Yamamoto, wuxuu ku jawaabay “ Waa su’aal aad u fiican. Soomalida muddo dheer ayaan ka shaqaynayay. Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somaliya. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo. Taasi waa bilow aad u fiican. Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda . Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan. Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somaliya maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada shaqeeyaan.” Isagoo danjire Yamamoto hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa ay tahay inaynu xusuusano in qurbo joogtu ay sidoo kale ciyaarto door. Sidaas darteed waxa aynu arkaynaa qurbo-joog badan oo ciyaraysa door muhiim ah oo ay kaga qayb qaadanayaan wada-hadalka. Waxa jira dad gudaha Somaliya jooga oo door ciyaaraya. Waxa ay ila tahay in Soomaalid ay xoog badan yeelanayso haddii ay si midaysan oo kudlad ah u wada shaqeeyaan oo aad u isticmaashaan kudladaas inaad dhexgashaan dhaqaalaha gobolka iyo qaaradda. Balse waa inaad noqotaan kudlad. Waa kuwaas arimaha laga wada hadlay xilligan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somaliya and Somaliland. Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Somaliya iyo Somaliland ayaa doonaya. Sababta oo ah way doonayaan, anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay.” Cabdirasaaq Askar Hargeysa,Somaliland Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda AstraZeneca oo sameeysa dawooyinka lagana leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay heshiis la saxiixatay dalalka Jarmalka, Talyaaniga,Faransiiska iyo Netherlands si ay u siiso tallaalka ka hortaga fayraska karona dhamaadka sanadkaan 2020-ka Heshiiska qandaraaska waxaa ku jira soo saarista qiyaastii 400 milyan oo tallaal oo ay soo saarayso Jaamacadda Oxford, sida ay sheegtay shirkaddu. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay waddo qorshe ah soo saarista tallaal badan oo lagu caawinyo hay’adaha gargaarka si loogu adeegsado la dagaalanka cudurka mudada uu socdo. “Marka la bilabao wax soo saarka tallaalka lana gaarsiiyo Yurub, waxaan rajeyneynaa in tallaalku si dhakhso ah uu diyaar u noqdo waliba tiro badan” waxaa sidaasi yiri Pascal Sariot, oo ah maamulaha shirkadda. Wasiirka Caafimaadka Talyaaniga, Roberto Speranza, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook, ku sheegay in marxaladda tijaabinta tallaalka ay durba bilaabatay, isla markaana ay gaartay heerar wanaagsan lana filayo inuu dhammaado dhawaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Shirkaddu waxaa ay saxiixday qandaraasyo wax soo saar heer caalami ah, si ay u gaarto yoolkeeda ah soo saarista laba bilyan oo tallaal . Shirkadda AstraZeneca, oo soo saarta tallaalka, waxaa ay ku raacday cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Oxford in la siiso balaayiin tallaal ah dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo isla markaana u nugul waxyeellada cudurka. Ka sokow shirkadda Bill Melinda Gates, oo ay la gashay heeshiis qiimihiisu yahay 750 milyan oo doolar, ayaa haddana waxaa jira in shirkadda AstraZeneca ay heshiis kale la gashay Machadka Serum ee dalka Hindiya, kaas oo soo saara tirada ugu badan ee tallaaka. Ilaa iyo hadda ma jirto wax dawo ama tallaal ah oo la isla qaatay loogana hortagi karo cudurkaan covid-19 ee sida aadka ah u saameyay dunida oo idil. “Dalal kal duwan oo caalamka ka socda ayaa ka qayb qaatay dadaalada loogu jiro helitaanka tallaal,balse dalalka Yurub ilaa iyo hadda go’aan ma aysan gaarin,dadaalo wada jir ah oo ay sameeyaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxey fursad siin doontaa dhamaan muwaadiniinta reer Yurub “sidaasi waxaa yiri wasiirka caafimaadka dalka Jarmalka Jens Young. Wasiirka ayaa sheegay in guddiga Midowga Yurub ay dhawaan soo gaarsiiyeen amar ka yimid dowladaha Midowga Yurub oo ah in ay ka wada xaajoodaan iibsiga tallaalka la rajeynayo in uu wax ka tari doono fayraska karona. Fayraska karona oo dhamaadkii sanadkii hore ka soo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ku fiday dunida oo dhan waxaana uu si guud u saameyay dhinacyadii nolasha . Source
-
For the past few months, it was abundantly clear that President Mohamed Abdullahi Farmaajo was desperately trying to orchestrate an extension of his four-year term without ever uttering the desired but elusive and unpopular E-word. He was doing that by creating a conducive environment that makes it all but certain that he will remain in office beyond 08 February 2021 when he is constitutionally mandated to vacate Villa Somalia. Unfortunately, President Farmaajo is not the first Somali president to pursue that wild goose chase, and I’m afraid that he won’t be the last one. For the past 20 years, I have had a front-row seat as former presidents, feeling cheated by the velocity of the four-year clock and the slowness of overall progress, turn into the grand delusion of mandate extension as a solace. I was a young political operative working at the Office of the Prime Minister and then as a journalist when, in the early 2000s, president Abdulqasim Salad Hassan’s dogmatic refusal to join the Kenya-hosted but Ethiopia-orchestrated Eldoret “reconciliation conference” was going into high gear. Virtually all Somali factions were present except the Transitional National Government (TNG). President Abdulqasim knew, rightfully, that Ethiopia and Kenya were bent on dismantling the TNG, which they’ve always viewed as a pan-Somali entity filled with Islamists and sponsored by Djibouti, to the chagrin of the two big neighbours. Eventually, the conference organizers convinced the then prime minister, Hassan Abshir Farah, to be pragmatic and join the process by relocating to Embagathi on the outskirts of Nairobi. The PM’s defection was a catastrophic blow to the TNG and a hugely legitimizing factor for the Embagathi process. In the end, president Abdulqasim grudgingly joined the process himself, ultimately sustaining a humiliating defeat in the 2004 presidential election, which saw Abdullahi Yusuf being elected. Four years later, the late president Yusuf would meet an even worse fate, this time in the hands of Americans and the same Ethiopians who had helped him to the throne. They threw him under the bus after they found him to be a stubborn old soldier who was undermining a peace negotiation between his moderate prime minister, the late Nur Adde, and the Union of Islamic Courts led by Sharif Sheikh Ahmed. Like Abdulqasim before him, President Yusuf was permanently ejected from Somali politics. Barely two years later, President Sharif Sheikh Ahmed would negotiate a one-year extension to his three-year transitional mandate in what was known as the “Kampala Accord.” The deal made a government led by then PM Farmaajo (and which I was a cabinet minister) a sacrificial lamb. Nonetheless, that move would prove to be a fatal mistake, because the international partners, who are Somalia’s lifeline, would coalesce around Sheikh Sharif’s then Prime Minister Abdiweli Gaas over the president to manage the electoral process of 2011-2012. Overnight, president Sharif, would be disempowered and rendered a mere participant in the process that ultimately saw president Hassan Sheikh being elected in September 2012. Having closely observed Somalia’s recent political history where prime ministers become smarter and or were weaponized against their wayward bosses, President Hassan Sheikh Mohamud deftly took the initiative nearly two years before the end of his term and publically pledged that (a) he was not seeking an extension of his term and (b) that he was going to negotiate the electoral process with all stakeholders. It was a stroke of genius because, in doing so, he dominated the process, but this time, he made the prime minister a mere observer. Of course, he’d also lost the election in the end. Somalis, have this terrible habit of making presidents as one-termers. Nearly four years later, we are back in the exact same intersection we found ourselves four times since the Third Republic was reestablished in 2000. Until a few days ago, President Farmajo had the option of following the footsteps of Hassan Sheikh and take charge. However, when the senate (upper house) announced on 9 June that, as the body that represents member states, it would lead a negotiated electoral process — something almost everyone was calling for — President’s Farmaajo’s only remaining option is to pragmatically become an honorable participant of the process, much like Sheikh Sharif. Failure to do that would, almost certainly, lead to scenarios similar to Abdulqasim, Abdullahi Yusuf and Sheikh Sharif’s where the prime ministers had to lead instead of being beholden to their delusional bosses. I am afraid writings are all over the wall for history repeating itself. Hours after the senate issued its stinging resolution, the US Embassy to Somalia came forward with a strongly worded letter, supporting the initiative and calling directly on president Farmaajo to “join the process.” That sounds ominously familiar to anyone who knows the ABCs of politics and diplomacy. By now, it is no secret that Prime Minister Hassan Khaire understands his boss’ position is untenable. By all accounts, he’s entirely on board with the senate’s call for negotiated of settlement and has been urging (from behind the scenes) Galmudug and Southwest states to join the three others (Puntland, Jubbaland and Hirshabeelle) who had already supported the senate initiative. The international community is also telling the PM they need a partner. As the Prime Minister has the legal and constitutional prerogative to play a lead role, the urgency of time and the need to protect his legacy may force him to part ways with his boss. It is crunch time for president Farmaajo, and his options are dwindling by the day. It is entirely conceivable that negotiation over the electoral process between federal member states and the federal government would commence without him, should the PM decides to join the mainstream camp. But even if the PM doesn’t break the deadlock, what is abundantly clear is that the electoral process is no longer under the exclusive domain of the executive branch. The Senate initiative, which now enjoys broad support among Somalis, essentially upstaged the legislative process peddled by team Farmaajo. Their plan was designed to culminate in a mandate extension packaged as a “technical extension” by the National Independent Electoral Commission (NIEC) when its chair appears before a joint parliamentary session on 27 June. (To digress, this ‘technical extension’ sleight of hand, worked for Farmaajo’s buddy, ‘Brother Abiy’ but sadly for Farmaajo, and luckily for the rest of us, Somalia isn’t Ethiopia. With the senate, majority of the member states, leading opposition figures and, so far, the US (which has been the single most important ally of President Farmaajo for three and half years), all in one voice, a negotiated electoral process is inevitable—and that is a major victory for Somalia. I hope I don’t get to see another president trying the same trick again and expecting a different result. Time for kicking the can down the road is over. Consensus on the way forward is inevitable, and it is the only option President Farmaajo has. Before his PM does it for him, His Excellency, the President, needs to join the peace caravan. Abdirashid Hashi is the Executive Director of the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS). The views in this article are his opinion and do not reflect the view of HIPS. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo kordhinta ee labada sano ahaa. Markaad eegto qaabka uu doonayo in uu ku maareeyo Wadahadallada Somalia iyo Somaliland, [...] The post C/raxmaan Cabdishakuur : – Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo Kordhsiga ahaa ee waa in Xisbiyada siyaasadeed ay ka tashadaan sidii shacabka u tusi lahaayeen, hagardaamada ay madaxtooyada la damacsan tahay dalka. Waana in ay abaabul muuqda sameeyaan. appeared first on . Source
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay shirka Maanta magaalada Jabuuti uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kadib muddo badan oo uu hakad ku jiray wada-hadallada labada dhinac. Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweeneyso wada-hadalka Maanta u furmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, shirkaas oo uu shir guddoomin doono madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle. Dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahad-celisay dadaalka uu ku bixiyey kulankan, waxaana sidoo kale qoraalka lagu bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi. “Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa ay soo dhaweyneysaa furitaanka wada-hadalka Somalia iyo Somaliland ee Jabuuti. Waxaan amaaneynaa hoggaanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaa mahad leh Madaxweyne Ismael Cumar Geelle oo marti geliyay kulan taariikhi ah,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaaradda Mareykanka. @US2SOMALIA welcomes opening of #Somalia– #Somaliland talks today in #Djibouti. We commend the leadership of @M_Farmaajo & @Musebiihi. T/Y @IsmailOguelleh for hosting a historic mtg. We support coop for the good of the #Somali people & urge all Somalis to be part of the process. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 14, 2020 Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Mareykanka uu taageerayo iskaashiga wanaagsan ee dhexmara dadka Soomaaliyeed, waxaana dhammaan dadka Soomaaliyeed loogu baaqay inay qayb ka noqdaan hanaankan. Wafiyada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gaaray dalka Jabuuti, sidoo kalana waxaa halkaas isna ka dagay Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo wadahadalka qeyb ka noqon doono, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee Maanta uu kulanka furmo. Bishii February ee sanadkan ayey Farmaajo iyo Biixi si kooban ugu kulmeen magaalada Addis Ababa, laakin sii ambaqaadista wadahadallada labada dhinac ayaa in muddo ahba hakad ku jiray. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wixii markaas ka dambeeyey waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga QM James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah. “Marka ay noqoto xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.
-
Somaliland waxaa ay gooni isu taag iskeed ah ku dhawaaqay May 18, 1991, 30 sano kadib ma jiro hal dal oo adduunka ka tirsan oo aqoonsaday, waxaa intaasi barbar socotey in dalka intiisa kale aysan ka jirin wax dowlad Soomaaliyeed ah oo wadahadal la gasho si tabashooyinkooda wax oga qabato. Sidaasi oo ay tahay Somaliland markasta waxa ay diyaar u ahayd in ay miiska wadahadalada soo fariisato, waxayna mar uun sugeysey dowlad rasmi ah oo dalka ka dhalata. Dhanka, wadahadallada, markii ugu horeysey oo lasoo hadal qaadey wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo somaliland waa shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London 23-kii Feberaayo, 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi kasoo baxay ayaa waxa uu dhigayay in beesha caalamka ay aqoonsato, islamarkaasina taageerto muhiimada ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Dhawr bilood kadib shirkaasi ayaa waxaa isla magaalada London ku qabsoomey shirkii ugu horeeyey oo fool ka fool isu soo horfariistaan, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii. Ergada Shirka oga qeybgashay Somaliland: Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur) Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka,Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Ergada dowladda kmg ah ee Soomaaliya oga qeybgashay shirka Cabdisamad Macalin Maxamud: Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka Axmed Xasan Gaboobe: Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka. Cabdullahi Xaji Xasan Maxamed: Wasiirka Arimaha dibadda Cabdinasir Maxamud Cabdulle Garjeex: Wasiirka Maaliyadda. Jaylani Nur Ikar: Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta. Dhanka Puntland, waxaa lagu soo daray Wasiirka arimaha gudaha: Jen: Cabdulahi Axmed Jama(Ilka Jiir) iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Daud Maxamed Cumar, arintaas oo ay ka biyo diiday Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay wax wada hadal ah la gali doonin Soomaaliya, iyada oo qoonsatay xubnaha guddiga dowladda KMG ah ay u soo magacawday wada hadalka, oo ay sheegeen inay ku jiraan laba xubnood oo ka yimid maamul goboleedka Puntland. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka. Cabashadaasi Somaliland kadib waxa ay dowladda Soomaaliya ku qasbanaatay in ay ergada ka saarto xubnaha ka socdey Puntland si wadahadalada u furmaan. 28-dii June, 2012: Shirkii kaasi xigey waxa uu dhacay taariikhda marka ay ahayd 28-dii June, 2012 kaasi oo markii ugu horeysey ay si rasmi ah u kulmeen madaxweynihii Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wuxuu shirkaasi ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. 13 April 2013: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Turkiga. Kulankan waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga, Waxaa labada wafti u kala dab qaadayey Wasiirka arimaha dibadda Axmed Daud Oglu, oo haatan ah Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga. Waxaa halkaas lagu kala saxiixday heshiis ka kooban todobo qodob oo ay ka mid ahaayeen: In la sii wado wada hadalka, in labada dhinac isla ogolaadeen heshiisyadii labadii kulan ee ka horeeyay dhacay, wada xaajoodkana uu halkooda kasii socdaan, in labada dhinac ka howla galaan in Somaliland kaalmo caalami ah hesho iyo taageero hesho, Xoojinta labada dhinac ee nabad galyada oo la wadaago xogta, tababarada iyo deeqaha, in 90 cisho gudahood la isku yimaado iyo in la fogaado hadalo waxyeeli kara wada hadalada. Mudadii u dhaxeysey 7 illaa 9 July 2013: Labada dhinac ayaa markale ku kulmey dalka Turkiga, waxaana la saaray gudi farsamo oo wadahadalada fududeeyo, kuwaasi oo loo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan sidii shir kale la’isugu iman lahaa muddo 4 bilood ah. 15 January 2014: Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Somalia iyo Somaliland. Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad. Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore. Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo. Labada wafti waxaa kala hogaaminayey Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo. April 2, 2014: Wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliland oo ku saabsan maareynta hawada Dalka ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayadoo ay wada hadaladani daba socdaan qodobo hore la isugu af gartay oo quseeyay sidii loo gaari lahaa heshiis laba geesood ah. Wada hadaladani oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa kala horkacayay Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud Cali Xaashi. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Qorsheel oo ka warbixiyay wadahaladani ayaa sheegay in inta badan arrimaha laga wada hadlayo ay ku salaysan yihiin arrimo farsamo oo la xiriira sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa Dalka Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada Soomaliya. Waxaa shirkani lagu gaarey is afgarad ah in labada dhinac ay isla maareeyaan hawada Soomaaliya oo markaasi uu socdey qorshe ah in gacanta dowladda lagu wareejiyo maamulkeeda. November 30, 2014: Wada hadal kale ayaa dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii muddo hakad ay galeen wadahadalada, Wafdiga ka socda Maamulka Soomaaliland ayaa gaaray Magaalada Ankara,waxaana Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis . Wafdiga Dowladda ayaa waxaa Hogaaminaya wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Xukumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed. December 20, 2014: Shir ay ka qeybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo ayaa ku qabsoomey magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis qeexaya in wadahadaladii hakadka galay mudada ay dib u furmaan. Qodobadii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dowlado saxiib ah, gaar ahaan dowladda Jabuuti haddii loo baahdo. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo burcad badeedka. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 oo maalmo ka harsanyihiin kana dhaco stanbul. March 3, 2015: Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo fashilmay: Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa. Waftiga dowladda Odawaa ayaa hogaaminayey. July 11, 2015: Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aysan daacad ka ahayn fulinta heshiiskii maamulista hawada ee sandkii hore lagu saxiixay dalka Turkiga. Wufuud labada dhinac ka socota iyo hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada oo ku kulmay Nairobi ayey shirka ka baxeen kooxdii Somalilad kaddib markii ay sheegeen in shirkaasi lagu soo bandhigay qabya qoraal aan waafaqsanayn heshiiskii Turkiga. October-21-2015- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga isla markaana lagaga wada hadlayay hawada Somaliland iyo Soomaaliya. Shirka oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socota Hay’adda Duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ICAO. Iyo Madax ka tirsan Dawladda Turkiga, shirkaas wax badan kama soo bixin. July 17, 2019: Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo hoggaamiyaha wada haddallada lala galayo Somaliland, Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah: Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow), Dr.Cali Siciid Fiqi, Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse iyo Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli) Ujeedka Guddiga: In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal. February 11, 2020: Kulan uu ka shaqeeyey ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Adis Ababa ku yeeshay madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. June 14, 2020: Wada hadal ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, gogolna u dhigeen Djibouti, goobjoobna ka tahay Itoobiya waxaa caasimadda Djibouti ku yeelanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. W/Q: Cabdicasis Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Aragtideyda kooban ee Wadahadalka Djibouti ee Maantu waa soo dhoweyn iyo bogaadin Madaxda kulantay iyo kuwa gogosha dhigay. Waan jeclaa in ay taladu ka soo maaxatay Maskax Soomaaliyeed. Waan jeclaa in wadahadalku uu ku kooban yahay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland. Waan jeclaa in jilyaaasha ku lug leh wadahadalka labada dhinac aanay noqon liis furan oo mar kasta qaar hor lihi uu ku soo biiro karo. Laba dal oo ku cusub waanwaantaan iyo waxaan maqlayaa urur Goboleed ay ku bahoobeen in ka badan 20 dal oo isna ku soo biiray. Waan jeclaan lahaa in shirku uu qabsoomo xilli aan doorasho loo ballansaneyn si Madaxda wadahadleysaa ay u ogaan karaan xilliga kan xiga ee la kulmayo, cidda kulmeysa iyo intaa ka hor howsha la wada qaban doono. Waan jeclaan lahaa in Madaxweynuhu inta aanuu ka dhoofin Muqdisho uu la fariisto Madaxweynihii wadahadalka soo billaabay iyo Madaxweynihii halkiisii ka sii waday oo waliba heshiiskii ugu dambeeyay isla magaalada Djibouti kula saxiixday Somaliland 21 Disembar 2014. Labada Madaxweyne ee hore waxay deggan yihiin laba guri oo mid kastaa uu u muuqdo madaarka. Laguma khasbana in laga wada qaato ama xataa qaarkeed laga qaato laakiin haddana ilama qummana in ay ku baaqato khibradda iyo xogta ay ka hayaan arrinkaan masiiriga ah. Intaas oo jirta haddana waan ku faraxsan ahay waana soo dhoweynayaa kulanka maanta ee caasimadda Jamhuriyadda Djibouti. Waxaan rajeynayaa in uu wax taro isfahamka iyo isu soo dhowaashaha Soomaalida. Madaxweynaha gogosha fidiyay waan ku kalsoonahay in uu mabda’iisu yahay in uu gacan ka geysto isfahamka Soomaalida, hore ayuuna marar badan u muujiyay. Guul loo aayo oo taariikhda gasha ayaan Rabbi uga baryayaa kulanka Djibouti ee June 2020. Djibouti dhankeeda, Dhawaaq farax leh mooyee, Dhiillo kama sugaayo. W/Q Yuusuf Garaad Cumar Source
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.
-
Sidii Farmaajo & Weftigiisa loogu soo dhaweeyay Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka Jabuuti. Garoonka Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaas kaga qeyb galaya wadahadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Qaran News
-
Wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya W/Q:- Rooble Cabdi Muuse Maqaalkan waxaa aan si kooban se ku salaysan xaqiiqooyinka dawladnimo iyo sharci ee jira, ugu eegayaa wadahadalada Somaliland iyo Somaliya. Waxaan maqaalkan kaga jawaabayaa sadex su’aalood oo aan arkay in dadku aad isku waydiiyaan, aalabana la baal maro xaqiiqayinkooda, kuwaas oo ah : 1. Maxaa Somaliland uga meel yaal wada hadalada? Waxaa marar badan aan arkaa dad is waydiinaya su’aashan, badidooduna ku dhaliilayaan dawlada in ay maqan tahay jawaabtu, oon la isla garanayn ama waxba laga qorin, maxay Somaliland qaadan kartaa ama uga meel yaala wada hadalada socda. Xaqiiqaduse sidaas way ka duwan tahay waxaa Somaliland uga meel yaal wada hadaladu, waxay ku taal Dastuurka JSL ee la ansixiyay 2001dii waana in ay SL tahay dal lasoo noqday madax banaanidii ay Soomaliya ku darsadeen 1960kii ay tahay dal gaarkeeda u madax badaan oo shacabkeedu heshiis ku yahiin. Sidaa darteed wada hadalka ay Soomaliya la samaynaysona waxaa gundhigiisu yahay xaqiijinta go’aankaas dastuuriga ah. Malahayga dadku waxa ay tabayaan siyaasaydii ama xeeladaysigii lagu heli lahaa taas oo maqan “recognition strategy and foreign policy”, oo aanan kasoo hor jeedsan karin lagana yaabo in wax ka jiraan. Laakiin waa in aan taas lagu khaldin aragtida iyo ujeedada aynu ka leenahay wada hadalada oo ah mid maalinta ka cad, lehna sharciyad, wax kasta oo intaas ka duwan ama ka sokeeyaana burinaya, meeshana ka saarya. Waa muhiim in la is waydiiyo sidee ayaynu ku hanan karnaa yoolkeena dawladnimo, waxaase meesha aan qaban maxaa inooga meel yaal ama aqbali karnaa maadama aynu 20 sano ka hor meel saarnay. 2. Siday ku bilaabmeen wada hadaladu? Ka dib markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taageeda 1991 waxaa la galay dedaalo dib loogu soo dhisayo dalka, 2001kii ayaa la ansixiyay dastuurka qaranka lana bilaabay hir gelinka nimaadka xisbiyada badan ee wadanku qaatay, waxaa lagu talaabsaday dib dhis, dib u heshiin iyo dawladnimo taabo gala, dhanka kale waxaa gabi ahaanba maqnaa dawladnimo ay yeeshaan Somaliyadii ay Somaliland ka go’aday, waxii ka danbeeyay 2012kii ayaa Somaliya yeelatay dawlad aduunku u aqoonsan yahay in ay geli karto heshiis Somaliyana metasho walaw aanay awood fulineed yeelan, taas ayaa ku begantay xili Somaliland dawladnimo buuxda oo dimuqraadiya leedahay, caalamka ula xidhiidha siyaabo kala duwan. Aqoonsigaas iyo soo jeedin ka timid beesha caalamka ayaa keentay in la bilaabo wada hadalo, laakiin maadama aanay labada dhinac midnaba daruuri u ahayn oo Somaliland aanay jirin wax wayn kaga xidhan Muqdisho, dhanka kalena ayba maqanyahiin adeegyadii asaasiga ahaa, dawladnimo shaqaynaysa iyo amniba, wada hadalada kamay soo baxin wax loo aayo aama taaba gala. Ma jiro wax daruuri kaga dhigaya Somaliland in ay Somaliya la hadasho, taas badelkeeda ma jirto sababo ay Somaliland uga dhuumato wada hadalada. Markaas yaan loo turjuman wax lagu qasban yahay ama masiir ka umadu ku xidhan yahay. 3. Maxaa ka soo baxi kara kuwan hada socda? Dawladnimoda Somaliland waxay ku dhisan tahay, go’aan, doorasho iyo awood siin shacab, xaqiiqanimadeeda caalamku si wayn ayuu iskula qirsan yahay oo marag ma doonto ah, waa sababta ay wadamo calaamka ka mid ahi si badheedha ula leeyahiin iskaashiga, heshiisyana ula galaan Somaliland, sida Ethiopia, UAE, UK iyo kuwa kaleba. Sidoo kale dawladnimada ka hawl-gashaa Somaliland waa mid qaan gaadh ah, soona dhaaftay kaabadaha celiya dawladnimada curdinka ah. Sida aynu kor ku xusnay, rabitaanka Somaliland waa uu cad yahay waana meel, dawlada Soomaliyana uma muuqato in ay taas taageeri doonto, taas badelkeeda waxba kama badeli karto. Markay sidaas tahay lama filan karo go’aan masiiriya iyo isbedel wayn oo ka soo baxa wada hadalada. Waxaase laga wada hadli karaa, iskaashi iyo in lawada hadlo mustaqbalka iyo arimo noocaas ah. GUNAANAD: way dhici kartaa in dawlada Somaliland ay ka doodo meel amaba ku doodu wax ka meeqaam hooseeya xaqiiqada dawladnimo ee Somaliland iyo in la dayaco fursado laga dhalin kari lahaa faa’iidooyin, siyaasadeed iyo dhaqaaleba. Waxaanse marnaba suura gal ahayn in Somalilandnimadu si fudud u wiiqanto ama cidi u wareejin karto. Caalamka iyo Somaliyada aynu wada hadlaynaana taas waa ku qanacsan yahiin. Alla Mahad leh Rooble Cabdi Muuse talktoroble@gmail.com Hargeysa Somaliland Qaran News
-
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada muqdisho oo rajo wanaagsan ka muujiyay kulanka u dhaxeeya madaxda Dowladda Fedraalka Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Halkan Ka Daawo Aragtida Shacabka Muqdisho Ee Kulank Soomaaliya Iyo Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-7.mp4 Source: goobjoog.com
-
Cabdi Xaashi,Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saacado ka hor wuxuu la wareegay Xilka Ku sinaba Madaxweynaha Dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka [...] The post Gudoomiyaha Aqalka sare oo noqdey Ku sumaya Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on . Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee saaka ka amba-baxay caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa goordhoweyd gaaray dalka Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Jabuuti, iyada oo gegada diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed. Waxayna kulan nasasho ah ku qaateen wafdiga iyo madaxdii soo dhaweysayba qeybta VIP-da ee madaarka Jabuuti, iyadoona loo sii galbiyey hoteelka ay madaxdu degto ee Kempinski. Sidoo kale waxa saaka magaalada Jabuuti ka dagay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo isagu qeyb weyn ka ciyaaray dib u furista wada-hadalada labada dhinac, iyo weliba dar-dar gelinta in la iskugu imaado miiska wada-hadalka. Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in kulan uu dalkaasi Jabuuti ku dhex-maro madaxda Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo gogol xaadh u noqon doona wada-hadalada mudada badan hakadka ku jiray.
-
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wafdigii ka Socday Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Soo [...] The post Daawo Sawirada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelo oo kulan la qaatay Madaxda DF Soomaaliya appeared first on . Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo bambaanooyin ah ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay baahisay in khasaare lixaad leh gaarsiisay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, walow aysan shaacin tiro ahaan. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada huwanta oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa lagu soo warramayaa ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Jubbooyinka ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gobolladaasi oo ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya
-
Warbaahinta Puntlandi.com ayaa warar hordhac ah ka heshay Kulanka beri dhexmari doona Madaxda Dowlada Federaalka, Madaxda Soomaaliland , Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Ajandayaasha [...] The post War Deg Deg Ah :- Ajandaha Shirka Jabuuti appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti. Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Waftiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski. Qaran News
-
Madaxda ugu sareysa Somalia oo goordhaweyd Hal diyaarad ka raacay Muqdisho,Una dhoofay Jabuuti+Sawirro Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya ,kuwaa oo ku wajahan dalka Jabuuti oo la filayo in wadahadalo ka furmaan. Wafdiga dowlada ee Muqdisho ka dhoofay waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal , Ra’iisul Wasaare Khayre iyo xubno kale oo labada golle katirsan. Madaxda ugu sareysa Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti u aaday sidii wadahadalo xasaasi ah ula yeelan lahaayeen Madaxda maamulka Somaliland oo iyana saakay u safray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti. Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kusoo aaday xili xasaasi ah, waana markii ugu horeesay Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka si wadajir ah uga qeyb galaan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudo hakad ku jiray. Qaran News