-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Regional leaders attend funeral of ex-Puntland VP in Garowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Presidents of Jubbaland, Galmudug and HirShabelle arrived in Garowe Wednesday to attend the funeral of former Puntland Vice President Mohamed Abdi Hashi. Source: Hiiraan Online -
Regional leaders attend funeral of ex-Puntland VP in Garowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Presidents of Jubbaland and Galmudug arrived in Garowe Wednesday to attend the funeral of former Puntland Vice President Mohamed Abdi Hashi. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si adag uga hor yimid go’aamadii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha ayaa jogaay kulanka ay Baarlamaanka uga hadlayeen maanta Akhrinta labaad ee dib u eegista sharciga xisbiyada dalka, wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan aheyn wax la aqbali karo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Gudoomiye Mursal wuxuu xildhibaanada u sheegay in Maamul Goboleedyada aysan xaq u laheyn iney go’aan ka gaaraan jihada loo marayo doorashada dalka, taa badalkeeda ay iyagu masuul ka yahiin wax walba. “Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Gudoomiye Golaha Shacabka. Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha shacabka oo ku sugan Dhuusamareeb uusan matalin Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. “Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb,” ayuu yiri xilli wajigiisa laga dheeha karay carada uu ka qaaday safarka Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ee Dhuusamareeb. Shirka Dhuusamareeb dhawaan ka dhacay waxaa la isla gartay in dalka galo doorasho dadban, tiiyoo ay jirto in Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha lagu casuumay. Xasan Cali Kheyre ayaa goor hore tagay Galmudug halkaas oo uu kaga sii gudbay Garowe, halka madaxweyne Farmaajo la filayo inuu wakhtiyada soo aadan gaaro halkaas.
-
In a bid to eradicate Sexual and Gender Based Violence (SGBV), fifty (50) male and female journalists drawn from the media in Mogadishu participated a three-day training on ending Sexual and Gender Based Violence (SGBV) in the country by building the capacity of journalists on ways to better raise public awareness on SGBV and help eliminate the practice. The training, jointly organised by the Ministry of Women and Human Rights Development (MoWHRD) and the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in partnership with United Nations Population Fund (UNFPA), was designed to build the skills and knowledge of local journalists on reporting SGBV and to increase the quality and amount of well-informed media coverage of SGBV issues by sensitising media professional on the issues and challenges faced in coverage, as well as providing them with available resources. Deq Sulieman Yusuf, Director General of MoWHRD, expressed serious concerns about the increasing number of SGBV cases in the country and urged the media to work hard to create awareness on the practice to eliminate it, while reiterating that the media is one of the most important socializing influences in people’s lives. Yusuf reminded journalists about the power of words, saying journalists must be careful with how they use words in informing the public, stating that words can stigmatize people and are hard to remove. Though alleged perpetrators must be named and shamed, journalists must try to get the facts of any SBGV case before reporting, he added. In his opening remarks, NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman said journalists have a role to play in giving well informed and balanced reporting to the public. “Journalists must lead a campaign on SGBV through increased reportage to eliminate the practice because the work of the media can bring people together to put an end to all forms of discrimination and negative stereotypes against women and girls”. Osman cautioned journalists to stop what he referred to as hiding the truth to rather be fair, balanced and objective in reporting SGBV as they are sensitive issues and therefore sensitive to report on. He expressed hope that the journalists after the training will play a pivotal role in the efforts aimed at eradicating SGBV. Participants at the training said the training was timely noting that incidences of SBGV occur frequently. The training, which is first of series of trainings, was facilitated by veteran former BBC journalist Yusuf Hassan Isaq. View the full article
-
Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanada Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose, wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa Kenya oo dhinac ah iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaannada Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose, waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo khasaaro kala duwan geystay. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladaas, hayeeshee waxaa dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay wadaan howlgallo. Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay ka hortageen weerarada uga yimid dhinaca Al-Shabaab,islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen. Dagaalka degeaananda Taabta iyo Kulbiyow ee gobolka jubbada Hoose ku dhex-maray ciidamada Jubbaland, kuwa Kenya oo dhinaca ah iyo dhaq-dhaqaaqaAl-Shabaab ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli xalay dagaal ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo dhinac iyo Al-Shabaab uu ku dhex-maray degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaan ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegaya ka qeyb-galka shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka oo lagu wado inuu ka furmo Dhuusamareeb. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed (Falagle) ayaa xaqiijiyey safarka madaxweyne Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ay haatabn ka socoto Dhuusamareeb. Sidoo kale wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in shirka uu furmi doono marka ay madaxda dowlad goboleedyada dalka kasoo laabtaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ammaanka ayuu sheegay in aad loo xoojiyey, islamarkaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Dhanka kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qeyb ka ah wejiga 2-aad ee shirka ka dhacaya magaaladaasi, isaga oona xalay kulan hordhac ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka. Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in diirada lagu saaro xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
-
Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta gaaray madaxweynayaasha maamullada dalka HirShabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Garoowe ayaa ma’sulliyiintaasi ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa guddoonka baarlamaanka Puntland iyo golayaasha kale ee maamulkaasi. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb-galaya aas halkaasi loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga. Waxaa sidoo kale goor sii horeysay Garoowe gaaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo isna ka qeyb-galaya munaasabadda aaskaasi. Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-150720.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saacadaha soo socda waxa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu wadaa inay gaaraan wafdi hordhac u ah madaxweyne Farmaajo, kaasi oo dhawaan safar ku tagaya magaaladaasi. Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn looga dareemaya qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo, xili ay maanta tagi doonaan wafdigaasi hordhaca u ah madaxweynaha, kuwaasi oo ay kamid yihiin ciidamada ilaalada u ah. Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, xili ay ku sugan yihiin Kheyre iyo xubno sarre oo maamulada dalka ah, kuwaasi oo hore shirar ugu socdeen. Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna shalay tagay magaalada Dhuusamareeb, isagoona kulamo gooni-gooni ah la yeeshay madaxda maamulada dalka, ka hor inta aysan maanta u safrin Garoowe. Kulamada Kheyre ayaa ahaa kuwo loogu gogol xaadhayo shirka lagu wado inuu dhawaan dhex-maro dowladda federaalka iyo maamulada dalka, kaasi oo qeyb ka ahaa war-murtiyeed ay soo saareen madaxda maamuladu. Madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaa ka wada-hadli doona arrimaha doorashooyinka oo xiligan taagan iyo sidii ay xiligeeda ugu qabsoomi laheyd, isla markaana looga baaqsan lahaa muddo kordhin. Shirkaasi ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la go’aamin doono marka Madaxda maamul goboleedyadu ay kasoo laabtaan Aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ay u tageen magaalada Garoowe.
-
Dameer lagu eedeeyey shilkii diyaaradeed ee Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey Waxaa isa soo soo taraya macluumaadka laga helayo waxa sababay diyaaraddii shalay gelinkii dambe ku burburtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Diyaaradda oo aheyd nooca qaada xamuulka ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Beledweyne, kadibna ku gubatay halkaasi. Maareeyaha guud ee diyaaradda burburtay oo lagu magacaabo Kabtan Xuseen Maxamed oo u warramay shabakadda Kenyans.co.ke ayaa shaaciyey in shilkaasi uu sababay Dameer soo galay dhabaha, xilli ay soo dageysay diyaaraddaasi. Kabtanka ayaa carabka ku dhuftay in Dameerka ay ku dhaceen, kadibna ay sidaasi diyaaradda uga baxday dhabaha loogu talaglay inay ku orodo. Ad by Valueimpression Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la bad-baadiyey dhammaan shaqaalihii saarnaa diyaaradda oo uu tilmaamay inay ka soo duushay dalka Jabuuti. “Diyaaradda waxay aroortii hore ka soo baxday Jabuuti, iyadoo soo dageysa waxaa dhabaha cagadhigashada soo maray Dameer oo ay ku dhaceen, taas waxay sababtay in ay dhabaha ka leexdaan, balse dhamaan shaqaalihii la socday waa ay caafimaad-qabaan”. ayuu yiri Kabtan Xuseen Maxamed oo ah maareeyaha diyaaradda burburtay. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in diyaaraddu ay sidday raashin loogu tala-galay ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in shaqaalaha la bad-baadiyey ay Muqdisho u soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay lagu guul dareystay in la damiyo dabka ka kacay diyaaradda, sababo la xiriira garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo aan la heyn gaadiidka dab damiska iyo sidoo kale shaqaale heegan ah. Qaran News
-
Meydka Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweynihii labaad ee Puntland isla markaasna ahaa Madaxweyne Xigeenkiisa horeeyey ee Puntland yeelato ayaa hada Garowe lagasoo dejiyey. Masuuliyiinta ku [...] The post Alla ha u naxariistee Meydka Madaxweynihii hore oo Garowe lasoo gaarsiiyey appeared first on . Source
-
Garowe (HOL) - A plane carrying the body of former Puntland President Mohamed Abdi Hashi has landed in Puntland capital of Garowe on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab saaka ka kacay gurya ay deggan yihiin Qoysas danyar ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dabka waxaa ku geeriyooday afar Caruur ah oo saddex kamid ah walaalo yihiin waxaana ku gubtay qaar kamid ah Guryihii ay ku noolaayeen Qoysaska inkastoo aan weli si rasmiya loo sheegin tirada Guryaha ku gubtay Dabkaas. Dab-demiska Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso iyo kan Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa markii dambe ku guulaystay in ay demiyaan Dabka waxaana hadda socota Qiimayn lagu samaynayo Khasaaraha ka dhashay. Ilaa iyo hadda ma cadda waxa Dabka dhaliyay inkastoo wakhtigaan lagu jiro Xilli Xagaa ah oo dabayl badani dhacayso PUNTLAND POST The post Afar Caruur ah oo saddex walaalo yihiin oo ku dhintay dab ka kacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta soo gaaray Garowe si uu uga qayb galo Aaska Qaran ee Puntland ka jira. The post Daawo Sawirada, Sayid Axmed Garowe wuu soo gaaray appeared first on . Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal gaaray dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka, sida HirShabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Garoowe ayaa ma’sulliyiintaasi ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qeyb ka ahaa guddoonka baarlamaanka Puntland iyo golayaasha kale ee maamulkaasi. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb-galaya aas halkaasi loogu sameynayo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax oo ku kala geeriyooday dalalka Kenya iyo Turkiga. Waxaa sidoo kale goor sii horeysay Garoowe gaaray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo isna ka qeyb-galaya munaasabadda aaskaasi. Ammaanka Garoowe ayaa la xoojiyey, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska Qaran ee loo sameynayo AUN labada marxuum.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweyne Qoor Qoor waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland. Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Garoowe loogu samaynayo Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. Sidoo kale waxaa Garoowe soo gaaray Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo labaduba ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan Garoowe ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Madaxweynaha Jubaland, waxa uu ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Maanta Garoowe loogu samaynayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Garoowe lagu soo dhoweeyay appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Jeneraal Daa’uud GYM ayaa guul ka gaartay dhigeeda Somali Sports,iyagoo gaaray fiinalaha tartankii lagu xusayay xidigihii hore LLP Jeenyo Maxamed Xaji Adam (Uurey) oo daba-yaaqadii 2018 ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada. Kulan ciyaareedka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana daawashadiisa ka sooo qeyb galay taageerayaasha labada dhinac waxaana kooxda Jeneraal Daa’uud ay ku adkaadeen 2-1. Guddiga soo abaabulay tartankii lagu xusayay marxuuma Maxamed Xaaji Aadam Uurey ayaa u mahad celiyay dhamaan kooxihii iyo ciyaaryahanadii ka qeyb galay,intii uu socday waxayna geesta kale guul u rajeeyeen labada naadi ee soo gaaray fiinalaha. Macallinkii hore Hirshabeele iyo kooxda Saxafi CabdiKuus oo ka mid ah laacibiinta ka qey galay taryankii xiisaha badanaa ee lagu maamusayay marxuum Uurey ayaa bogaadiyay dadkii soo qaban qaabiyay,isagoo sheegay in ay tahay wax aad u wanaagsan in la xasuusto lana xuso halyeeyadii soo maray isboortiga Soomaaliya. Si kastaba waxaa kulanka kama dambesyta wada dheelidoona kooxaha kala ah Asal 24 iyo Jeneraal GYM waxaana kooxda hanata koobkan la siidoonaan abaalmarino qaali ah Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxaha Kooxaha U Soo Baxay Fiinaalka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-Jeneraal-.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug,Koofur Galbeed,Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay Garowe uga qeyb gali doonaan aas Qaran oo lagu wado in halkaas loogu sameeyo Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Meydka marxuum Maxamed Cabdi Xaashi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa saakay laga soo qaaday magaalada Neyroobi ee dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in Garowe lagu aaso. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu shir wadatashi ah uga socday magaalada Dhuusamareeb iyadoo wijiga koowaad ee shirka lasoo gaba-gabeeyay, wuxuuna wasiirku sheegay in wijiga labaad ee shirku billaaban doono markii aaska laga soo laabto. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Saaka Garoowe ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo xubno kale. Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Hoos ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
