-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaantay war maanta ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Madaxweyne ku meel gaar ah loo aqoonsaday Axmed Madoobe. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay rumaysan tahay in Dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalku ay qeexayaan hanaanka loo marayo doorashada hay’adaha dowliga ah ee heer dowlad goboleed iyo mudada xil hayntooda. Dhanka kale Jubbaland waxay xustay in ay soo dhaweynayso oo si buuxda uga qeyb qaadanayso arrimaha masiiriga ah ee doorashooyinka, dhameystirka dib u eegista Dastuurka, la dagaalanka argagixisada iyo barnaamijka deyn cafinta. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Maxay Jubbaland ka tiri aqoonsiga KMG ee Federaalka? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maanta gaadhay Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Kulan Afar Geesood ahaa oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Jabuuti isla mar ahaantaana ay goob joogayaal ka ahaayeen Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo garnacsi ah, ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladnimadeeda, waxaana uu si cad u qeexay Dimuqraaddiyadda buuxda iyo Hannaanka Dawladdnimo ee daahfuran ee ay ku caano maashay Somaliland, Nabada iyo Xasiloonida ay ku naaloonayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dib lasoo noqoshada gobanimadii hallowday Lixdankii oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay kana sheegay shirka ay maanta isugu yimaadeen madaxda dalalka Geeska Afrika iyo wufuudda kale ee dunida kale ka socotay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo afrikaba ay garawsadaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland in badana ay u dhegtaagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga Somaliland ka mudan yihiin addunida kale, xaqana ay u leedihiin oo ah aqoon si buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato. Ugu dambayntii madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa ay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti si wada jir ah uga beereen geed loogu magac daray geedka Nabadda Geeska Afrika. Source
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hortimid hadal ka soo yeeray dowladda fedraalka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in dowaladdu madaxweynaha Jubbaland ay u aqoonsatay madaxweyne kumeel gaar ah. Wafsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu xusay in doorashadiii lagu soo doortay madaxweyne Axmed Madoobe ay saldhig tahay dastuurka ah KMG ee jamhuuryiyadda federaalka Soomaaliya. Qoraalka ayaa dhanka kale lagu sheegay in nasiib darro ay tahay tallaabo weliba oo dowladda federaalka ay qaado in ay tahay mid baalmarsan dastuurka dalka u yaalla sida lagu yiri qoraalka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waa maxay ujeedada uu TV-ga Djibouti u soo xushay heestan la dul saaray muuqaalkan? Heestu waa heestii ugu caansanayd Shirkii Dibu heshiisiinta ee kooxaha Somaalida [...] The post Daawo Tv-ga Jabuuti oo soo xushay Heestii Shirkii Carta ugu caansaneyd ee ” Somali Weynoo, Calankeedii sudhatoo “ appeared first on . Source
-
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay si weyn u soo dhaweynayso ayna bogaadinayso dadaallada ku aadan xoojinta wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda aan walaalahanahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele marti gelinta wada xaajoodka labada dhinac. “Waxaan gacan ka geysanaynaa oo aan taageeraynaa iskaashi laga sameeyo ka miro dhalinta wadahadalka labada dhinac oo u wanaagsan Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dadaalkaasi”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradad Mareykanka ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa soo saartay qoraal jawaab ah oo ku aadan qoraalkii kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 14/06/2020, kaasi oo Axmed Madoobe “loogu aqoonsaday” inuu yahay madaxweynaha Jubaland. Jubaland ayaa qoraalka ku sheegtay inay nasiib-darro tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya “ay mar walba ku dhaqaaqdo tallaabooyin si toos ah uga hor imanaya dastuurka dalka u yaalla.” Qoraalka ayaa lagu yiri “Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa saldhig u ah Dasuurka Ku meel-gaadhka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobadiisa 120 iyo 142) iyo Dasuurka Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana loo maraa habraac sharci ah oo ay fuliso hay’adda u xilsaaran.” Jubaland ayaa sidoo kale ka hortimid go’aanka Villa Somalia ee ah in maamulka Jubaland uu yahay ku-meel gaar. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Maxamed Islaam u aqoonsatay Madaweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubaland, islamarkana muddo-xileedka maamulka uu yaha labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay. “Mudo xileedka hay’adaha la doorto ee Jubaland waa afar (4) sano sida ku qeexan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidaas darted, ma jirto cid si gaar go’aan uga gaadhi karts muddo xileedka iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland si aanan waafaqsananayn dastuurka.” Jubaland ayaa si kastaba sheegtay inay soo dhoweynayso, si buuxdana uga qayb qaadanayso dadaaladada loogu jiro sidii go’aan midaysan looga qaadan lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka sida doorooshooyinka, dhammaystirka dib u eegista dastuurka la dagaalanka argagaxisada iyo barnaamijka deyn cafinta. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland
-
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Aqalka Madaxtooyada Jabuuti shir dibu loogu soo celinaayo wadahadaladii u dhaxeeyey Dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed iyo maamulka [...] The post Maswirka Maanta : – Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo Beesha Isaaq oo maanta ku kulmay Jabuuti iyo Horgalyaashii Harti oo Goobta ka maqanaa. appeared first on . Source
-
Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa mar kale soo saaray Qoraal ku socda Ururada Siyaasadda Puntland oo la xiriira soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta Ururadaas. Guddiga oo qiimaynaya Xaaladda Xanuunka COVID-19 iyo Mudnaan-siinta Bed-qabka Bulshada ayaa amar ku bixiyay in mudda bil ah dib loo dhigo Shirarka ay Urur Siyaasadeedyadu qabsan lahaayeen oo qayb ka ah dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad Diiwaan-gelinta. Guddigu wuxuu ku wargeliyay dhammaan Urur Siyaasadeedyada in ay Wakhtiga loo qabtay ku soo dhammaystiraan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta marka laga reebo Qabashada Shirarka oo dib loogu dhigay sababa la xiriira Faafidda Xanuunka Coronavirus. Sidooo kale Guddigu wuxuu bogaadiyay dadaalka ay muddooyinkii u dambeeyay wadeen Ururada Siyaasadda Puntland oo ku aaddan soo dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta. Hoos ka akhriso Qoraalka guddiga PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashooyinka Puntland oo mudda bil ah dib u dhigay Shirarka Urur Siyaasadeedyada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay si weyn u bogaadinayso dadaalada ku aadan xoojinta wada hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland. Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele marti gelinta wada xaajoodka labada dhinac. “waxaan gacan ka geysanaynaa oo aan taageeraynaa iskaashi laga sameeyo ka miro dhalinta wadahadalka labada dhinac oo u wanaagsan Soomaaliya,waxaana ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dadaalkaasi“. ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Maraykanka oo bogaadisay Wada-hadallada Dowladda dhexe iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa dalka Djibouti ku kulmay wufuuddii ka kala socotay dowladda federaalaka ah iyo Somaliland iyada oo ay goobjoog ka yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’isul wasaare Abiy Axmed. Waxaa goordhow bilowday khudbadaha madaxda, waxaana lagu wadaa iney hadlaan madaxweynaha Djibouti, madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Somaliland iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya. Kulankan furitaanka ayaa xoogga lagu saarayaa sida iskaashi u yeelan lahaayeen dalalka geeska Afrika arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo qaar kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Caasimadda Dalka Jabuuti waxaa maanta ka furmay Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo uu martigelinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Shirka waxaa ka qeybg-galaya wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi kale oo uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi. Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelin doona Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha Baarlamaanka, wasiirka arrimaha debadda iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa. Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa socdaalka ku wehelin doona guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno kale. Kulanka labada dhinac oo ay fududaysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya, waxa furitaankiisa ku casuman Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed. Balse, waxaan ilaa iyo haatan si rasmiya u caddayn Ajandaha Kulanka iyo qodobada miiska u saaran dhinacyada kulmaya ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland oo mowqifyo adag kala taagan. PUNTLAND POST The post Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Jabuuti ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Shir horudhaca oo Jabuuti uga furmay Madaxda Somaliland & Somaaliya+Sawirro Madaxtooyada dalka Jabuuti waxaa goordhaweyd shir horudhac ah ku yeeshay Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland, waxaa sidoo kale shirkan qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya. Shirkan horudhac ahaa ayaa ahaa mid is arag iyo kala waraysi waxaana la filayaa in wadahadalo kale oo toos ah ay yeeshaan Madaxda Somalia iyo kuwa Somaliland. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa dhax dhaxaadinaya labada dhinaca ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac yeelan doonaan. Shirkan la isugu keenayo Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyay oo labada dhinac isku arkaan, waxaana laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gaba gabada wadahadalada labada dhinac. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti. Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed. Somaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxtooyada Jubaland ayaa ka hortimd qoraalkii maanta kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee lagu sheegay in dowladda federaalka ay Axmed Madoobe “u aqoonsatay” inuu yahay madaxweynaha Jubaland. Agaasimaha madaxtooyada Jubaland Abshir Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa qoraalka Villa Somalia ku tilmaamay mid aan haba yaraatee haysan wax sharciyad ah. Isaga oo qoraalkiisa soo raaciyey lifaaqa qoraalka Villa Somalia ayuu Abshir Maxamed yiri “Bayaanka ma haysto wax sharciyad. Wuxuu ka horimanaya dastuurka Soomaaliya iyo kan Jubaland. Jawaabta rasmiga ah ee Jubaland ayaa waxyar kadib xigi doonta,” This statement has no legal standing. It is against both the Somali Federal constitution and the #Jubaland State constitution. The official response of Jubaland Government will ensue shortly. #Somalia pic.twitter.com/iJyCyMXirj — Abshir Mohamed (@Abshirmabdi) June 14, 2020 Ma cadda sababta Jubaland ay ku diiday aqoonsiga dowladda Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay muddo dooneysay, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inaysan ku qancin qodobada iyo shuruudaha ku xiran aqoonsiga. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Maxamed Islaam u aqoonsatay Madaweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubaland, islamarkana muddo-xileedka maamulka uu yaha labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay. Jubaland ayaa ku adkeysaneysa in Jubaland aysan ahayn maamul ku-meel gaar ah, islamarkaana Axmed Madoobe uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubaland, muddo xileedkiisuna uu yahay afar sano.
-
(SLT-Jabuuti)-Kulankii ugu horreeyay ee si fool ka fool ah isaga hor yimaadaan wafuudo dowladda soomaaliya iyo Somaliland oo iminka toos uga bilaamay Dalka jabuuti. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaare Itoobiya Abay Ahmed ayaa kulanka goobjoog ka ah. kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya iyo Soomaliland uu si toos ah ugu dhex maro dalka Jabuuti. Source
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inay si rasmi ah u furmeen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ay marti-gelineyso. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dib u bilaabashada wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tusaale fiican u yihiin Gobolka Afrika. Madaxweyne Ismaaciil oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wada hadalladaan ay tusaale fiican u yihiin si wadida go’aanada hoggaamiyaasha Gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal. “Dib u bilaabashada wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waa tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal”. ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil. Wada hadalada ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana la qorsheeynayaa inuu xoojin u noqdo Mashruuca uu horboodayo Abiy Ahmed ee ah is dhex galka dalalka Geeska Afrika. Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xafiiskiisa ku kulansiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasoo ahaa kulankiibu horreeyay ee fool ka fool u yeeshaan labada Mas’uul. Hase ahaatee waxaa suura geli waayay qorshe uu waday Abiy Ahmed oo ahaa in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada socda inay ka dagaan magaalada Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee dadka odorasa arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa aaminsan in kulankan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay wajahayaan xaalada siyaasadeed oo gudaha ah.
-
(SLT-Muqdisho)- Siyaasiga mucaaridka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay xoggo la xidhiidha kulan Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Dalka Jabuuti. Qoraal uu soo saarayCabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu dhignaa sida tan: “Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo kordhinta ee labada sano ahaa. Markaad eegto qaabka uu doonayo in uu ku maareeyo Wadahadallada Somalia iyo Somaliland, go’aanka uu ka soo saaray Jubbaland iyo gogosha aan muddeysneyn ee shirka dowlad Goboleedyada. Farmaajo wuxuu ku taamayaa in uu Jabuuti heshiis kula gaaro Somaliland, heshiiskaas oo dhigaya in wadahadallada labada dhinaca lagu soo afjaro muddo labo sano ah. Wuxuu Farmaajo ku andacoon doonaa in heshiiskaas uu isaga dhammeystirayo, maadaama uu isagu soo galay heshiiska, sidaas darteedna si joogistiisa ay lagama maarmaan u tahay danaha midnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa madaxtooyada ka soo baxay qoraal uu Farmaajo ku saxiixan yahay, kaasoo Madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsanaya madaxweynaha Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe). Tani waxay daaha ka qaadday in madaxweyne Farmaajo uu yahay ninka sida tooska ah ugu jira dagaalka Jubbaland, isagoo xukuumadii iyo Baarlamaankiba waxba ka soo qaadin. Labada sano ee uu qoraalkiisa ku sheegay ayuu ku doonayaa gorgortan Axmad Madoobe iyo Puntland lagu oggolaysiiyo muddo kordhinta labada sano ah ee Farmaajo. Dhinaca kale, Farmaajo oo ka jawaabaya cadaadiska kaga yimid beesha caalamka, doonayana in uu maja xaabiyo dadaalka Aqalka Sare, ayaa ku baaqay shir ay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada isugu yimaadaan, kaasoo aan lahayn muddo cayiman. Wuxuu doonayaa in shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uu dhaco kulanka Guddiga Doorashooyinka ay Baarlamaanka ku hor imaanayaan kaddib. Guddiga ayaa Baarlamaanka ka codsan doona muddo kordhin si ay doorasho qof iyo cod ah u qabtaan. Horay ayaan dhowrjeer u sheegnay in Soomaalidu ay ku sirantahay Farmaajo, laakiin Farmaajo qudhiisana uu Soomaalida ku siranyahay, oo waxaan ka maangal aheyn raba inuu ka gado. Haddaba waxaan ugu baaqeynaa Aqalka Sare in uu sii wado dadaalka uu saamileyda siyaasadeed isugu keenayo, cayimana halka ay ka dhaceyso gogosha la isugu imaanayo. Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo in ay ka waantoobaan gacan siinta qaska iyo fidnada ay madaxtooyada Soomaaliya la maaggantahay dadka iyo dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya waa in uu caddeeya mowqifkiisa ku aaddan dhacdooyinka isdaba yaala ee dalka. Siima ahaan karo laacib siyaasadeed oo aan kaalin muuqata ku laheyn siyaasadda. Xisbiyada siyaasadeed waa in ay ka tashadaan sidii shacabka u tusi lahaayeen, hagardaamada ay madaxtooyada la damacsan tahay dalka. Waana in ay abaabul muuqda sameeyaa. Wadajir diyaar ayey arrinkaas u tahay. Soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaan darro ka weyn sooma marin Soomaaliya in kursigii dalka ugu sarreeyey ee madaxtooyada fidno, qas iyo qalaalase si ula kac ah loogu abaabulo, xukuumaddii iyo Baarlamaankiina ay noqdaan awood aan wax dheeli tiri karin. Soomaali waxay taagan tahay kala bayr siyaasadeed oo ay ku kala baranayso dadka fitnada Villa Somalia raacsan iyo kuwo diiddan ee doonaya in ay dalka iyo dadka badbaadiyaan. Taariikh ayaa qormeysa.” Source