-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad uu kulundi sab aan laga casuumin aaday oo kale uu yahay wuxuuna hadalkan ku soo beegmayaa,xili Mahad Cawad uu qeyb ka ahaa wafuudii raysal wasaare Khayre u raacay safarkii uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug 14-July 2020. Halkan Ka Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiye Mursal Ee Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wada-hadalladii Magaalada Jabuuti uga furmi lahaa Guddiyada Farsamo ee Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacay. Wada-hadallada oo lagu waday in Axaddii ka furmaan Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dib ugu dhacay wakhti aan la cayimin. Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo Muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey in Wada-hadalladu dib ugu dhaceen Wakhti aan la cayimin. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Qorshuhu ahaa in Guddiyada Farsamo ee lafa-guraya Qodobbadii lagu heshiiyey shirkii Jabuuti ay Wada-hadalladoodu bilaabmaan Axaddii la soo dhaafay ee Toddobaadkan, hase-ahaatee ma suurto-gelin isla-markaana Wufuuddii labada dhinac midna kama soo ambo-bixin dalkooda, si ay Jabuuti isugu tagaan. Ilo-wareedyada Geeska Afrika la hadlay waxay sheegeen in Wada-hadalladu dib ugu dhaceen xilli aan la cayimin, lamana garanayo dib u dhaco labada dhinac ka uu ka yimid. Warkan la xidhiidha in Wad-hadalladu dib ugu dhaceen wakhti aan la cayimin, ayaa yimid Maalin ka dib, markii uu soo baxay War sheegaya in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka cadhooday Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u furmay uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu culays ku saarayo inuu hakiyo Wada-hadallada uu kula jiro Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka tirsan golaha wkiilada Somaliland, ayaa bogaadiyay heshiiskii xisbiyada qaranku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaa sheegay in heshiiskaasi yahay mid bogaadin mudan, maadaama oo uu soo af-jaray murankii mudada ka taagnaa qabsoomida doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, xisbiyada qarankuna ay isku raaceen inta lagu jiro sannadkan 2020, in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo isku sidkan. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, maadaama oo ay dhawr jeer dib u dhaceen, goleyaasha hadda joogaana ay muddo dhaaf yihiin. Source
-
Garowe (PP News Desk) — Mohammed Abdi Hashi, the second President of Puntland State and co-founder of the first autonomous administration in Somalia, was laid to rest in Garowe today. Hashi passed away in Nairobi three days ago. The Puntland State flag draped over the coffin carried by soldiers to the cemetery. In 1998 Hashi was elected the Vice President of Puntland, a regional administration formed after intra-clan consultations that resulted from the failure of a Cairo-sponsored reconciliation conference for Somali factions. His term in the Vice President’s office was marked by power struggle that plunged Puntland into conflict when traditional leaders questionably unseated the incumbent, Abdullahi Yusuf Ahmed. Mourners observing the funeral prayer at the cemetery During the Kenya-sponsored reconciliation confrence Hashi was an acting President who was elected President when Abdullahi Yusuf had been elected the President of the Federal Republic of Somalia in October 2004. Hashi’s tenure lasted three months. His administration organised the second 2005 Puntland elections in which he participated but lost to the late Mohamud Muse Hirsi. Presidents of Puntland State and Galmudug State, the Speaker of the Upper House, the Speaker of Puntland Parliament and the fourth President of Puntland funeral. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND STATE CO-FOUNDER LAID TO REST IN GAROWE appeared first on Puntland Post.
-
Aas Qaran ayaa Garoowe loogu sameeyay Madaxwayinihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi,waxaan aaska ka qaybgalay Madaxda Jubbaland, Puntland ,Galmudug iyo sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Aaska Madaxweynihii Hore Puntland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-geeri.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta Cilaajka Towxiid, oo lagu Qur’aan saari doono Muslimiinta xanuunsan, waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka hirgeliyey Shiikh Cabdul Xaq Xassan Macallin oo loo yaqaano Rusheeye. Munaasabaddaa lagu daah-furayey xaruntaan, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Puntland,Ganacsade jaamac Dhagadheere iyo dadweyne kala duwan. Shiikh Cabdul Xaq Xassan Macallin Maxamuud, oo furay xaruntaan cusub ee Ruqyada Towxiid,a ayaa sheegay in uu ku Qur’aan saari doono muslimiinta xanuunsan,isagoo xusay inay tahay xaruntii labaad ee shiikhu ka furo Degaannada Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cawil Axmed Jabuuti iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo ka qayb-galay Munsaasabadda, ayaa dhankooda si weyn u soo dhoweeyey xarunta Cilaajka Towxiid, ee uu Magaalada Garoowe ka hirgeliyey Shiikh Cabdul Xaq. Shiikh Cabdulxaq, wuxuu kamid yahay Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed ee Dadka xanuunsan ku daweeya Qur’aanka Kariimka ah iyo Ruqyad Sharciga ah, waxaana Qur’aan saarkiisa ku caafimaaday boqollaal ruux. Hoos ka eeg Sawirada Munaasabadda PUNTLAND POST The post Xarunta Cilaajka Qur’aanka Kariimka ah ee Towxiid oo Garoowe laga daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamanka ayaa shalay diiday ka qeybgalka shir la doonayay in lagu xaliyo khilaaf soo kala dhaxgalay hoggaanka dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta qaar ee uu qeyb ka yahay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Gogashaan oo ka dhacday guriga Ugaaska ayuu Senator Muuse sheegay in uusan tagi doonin guriga Ugaas Maxamuud Cali Ugaas isagoo ku tilmaamay “basaas u shaqeeya” Farmaajo, islamarkaana doonaya inuu curyaamiyo shirka Mudullood. Siyaasiin ka tirsan Mudullood iyo dhaqanka qaarkood ayaa wada dadaalo lagu xalinayo tabashadii keentay in shirka baaqdo kadib hadallo u badnaa gaf oo dhaxmaray Senator Muuse iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas kadib markii lagu baaqay in arrintaan si deg deg ah loo xaliyo. Casuumado la sheegay in si qaldan loo bixiyay iyo war-murtiyeedka shirka oo la badalay ayaa sabab u noqday in shirka baaqashadiisa lagu dhawaaqo saqdii dhexe ee 12-kii bishaan, iyadoo ay aheyd inuu furmo 13-ka bisha. Inkastoo uu maalmo dib u dhacay shirkan, haddane waxaa muuqata in ay socdaan dadaalo xoog leh oo ku wajahan qabsoomidda shirka. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in shirkaan ay ku bixineyso kumanaan lacag ah si loo baajiyo. Khilaafka Ugaaska iyo Muuse Suudi ayaa imanaya ayada oo dad badan oo beesha ka mid ah ay tuhunsan yihiin in Imaamka iyo Ugaaska Mudullood ay labadaba ku xiran yihiin Villa Somalia, islamarkaana aysan qaadan karin go’aanno aysan raali ka ahayn.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Speaker of the Somali Federal Parliament Mohammed Mursal has clarified the position of the parliament on the mooted indirect elections favoured by some states. The speaker’s intervention comes in the wake of the summit for Federal Member States concluded recently in Dhuusamareeb, the administrative capital of Galmudug State. “Somali traditional leaders who selected MPs for 2017 elections were summoned [by Al-shabaab] and pardoned for participating in the electoral process” Mursal said. Mursal: Somalia has an electoral law signed into law by President Mohamed Abdullahi Mohamed. Mursal said that in 2017 Somalia “did not have an electoral law” and that “it is the responsibility of the Federal Parliament to finalise the electoral legislation for one person, one vote elections.” Leaders of the five Federal Member States issued a statement on deadlock over the electoral model but stopped short of calling for indirect elections favoured by Puntland and Somali political parties. Puntland called for abrogation of the electoral law in favour of consensus by stakeholders. At the Dhuusamareeb summit leaders of the Federal Member States disagreed over the proposal to hold enhanced elections. © Puntland Post, 2020 The post SOMALIA’S PARLIAMENTARY SPEAKER REJECTS INDIRECT ELECTIONS appeared first on Puntland Post.
-
Nin Soomaali ah oo weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ka geestay dalka Norwey Nin Soomaali ah ayaa weerar toorey loo adeegsaday oo sababay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac isugu jira ka geestay magaalo 90-km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway. War kasoo baxay booliiska dalka Norwey ayaa lagu sheegay in ninkan Soomaaliga ah toorey ku weeraray sadex gabdhood oo kala ahaa gabar cadaan ah iyo labo gabdhood oo kale Soomaali ah xili ay bas raaci rabeen. Booliiska ayaa sheegay in gabada cadaanka ah u dhimatay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerarka halka labada gabdhood ee Soomaalida ah la dhigay isbitaal iyadoona mid kamid ah xaaladeeda la sheegay in ay liidato. Ninka weerarka geestay oo warar soo baxaya sheegayaan in madaxa looga jiray ayaa waxaa xiray ciidamada booliiska Norey, mana jiro wali war rasmi ah oo booliiska kasoo saareen weerarkan khasaaraha geestay iyo sababta keentay. Soomaalida kunool dalka Norwey ayaana dhacdadan si weyn u hadal haya, waxa ayna dadka qaar sheegayaan in weerarkaasi ninka geestay madaxa looga jiray sidaa u weeraray gabdha Soomaaliyeed iyo gabdha kale ee cadaanka ah ee la socotay. Qaran News
-
Hoos ka daawo The post Daawo Gudoomiye Mursal oo Weeraray Shirka Dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Oslo (Caasimadda Online) – Nin Soomaali ah oo ku sugan magaalo 90km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa middi ku weeraray 3 dumar ah oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midda saddexaadna ay caddaan ahayd. Warbixin booliisku soo saaray hal saac kadib weerarka ayaa lagu sheegay in haweenaydii caddaanka ahayd ay dhaawicii gaaray ay u dhimatay, halka labadii Soomaalida ahaana ay midkood xaaladeedu liidato. Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay la xiray. Weli ma cadda sababta weerarka hogaamisay, hase yeeshee qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo maskaxda ka xanuunsanaa. Wargeyska maxaliga ah ee Sarpsborg Arbeiderblad ayaa wareystay seyga mid ka mid ah haweenka dhibta loo geystay wuxuuna sheegay in qofka dhibka geystay uu gurigooda ugu yimid. “Inagoo daawaneysa TV, ayuu qof albaabka soo garaacay, markaan ka furay wuxuu damcay inuu i tooreeyo, balse waan ka cararay,” ayuu u sheegay wargeyska. Sida warbixinta lagu sheegay haweeneyda oo gudaha guriga ku jirta ayuu dhibaato weyn ka gaarsiiyay gacanta sida la sheegay.
-
Mogadishu (HOL) - In a bid to eradicate Sexual and Gender Based Violence (SGBV), fifty (50) male and female journalists drawn from the media in Mogadishu participated a three-day training on ending Sexual and Gender Based Violence (SGBV) in the country by building the capacity of journalists on ways to better raise public awareness on SGBV and help eliminate the practice. Source: Hiiraan Online
-
In a bid to eradicate Sexual and Gender Based Violence (SGBV), fifty (50) male and female journalists drawn from the media in Mogadishu participated a three-day training on ending Sexual and Gender Based Violence (SGBV) in the country by building the capacity of journalists on ways to better raise public awareness on SGBV and help eliminate the practice. Source: Hiiraan Online
-
Statement on the accident resulting in the crash of a food assistance plane in #Beledweyne #Somalia today. We are relieved that nobody was injured or killed & thanks to the local authorities for their quick response. Read more —> https://t.co/wATI5bPzc2 — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) July 14, 2020 Qaran News
-
Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland marxuum Maxamed Cabdi Xaashi. Mas’uuliyiintaan oo salaadda janaasada ku dukaday marxuumka ayaa Alle uga baryay inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, waxaana intaas kaddib lagu aasay magaalada Garoowe. View the full article
-
Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey caasimadda Puntland ee Garoowe. Waxaa ka qayb galay Aaska Qaran Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyna Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi, Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, Madaxweynihii hore ee Puntland, Sanatar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS , ismimo, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo Aas Qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
The unrecognized Republic of Somaliland recently did what few African states do: it defied China. On July 1, Somaliland and Taiwan, another nation not recognized by the United Nations, agreed to exchange ambassadors and open embassies in their respective capitals. The Chinese government is not accustomed to such rebuffs and has condemned the move by saying that Taiwan is undermining the territorial integrity of Somalia. Somaliland, like Taiwan, fulfills the requirements for statehood as laid out in the 1933 Montevideo Convention on the Rights and Duties of States. In the case of Somaliland, it was a British protectorate that was, albeit briefly, an independent country before it chose to enter into a union with Somalia, a former Italian colony. Somaliland declared its independence from Somalia in 1991 after fighting a brutal war against Somalia’s longtime dictator Siad Barre. Barre’s government engaged in genocide against Somalilanders, famously ordering his pilots to take off from Hargeisa’s airport, Somaliland’s capital and largest city, and bomb the city. When Somaliland declared its independence, Hargeisa was in ruins. Somalilanders have spent the last 30 years rebuilding their cities and, most importantly, establishing a functioning democracy. Even more than Taiwan, which has enjoyed US support, Somalilanders have rebuilt their country with little outside assistance. Unlike Somalia, which has received billions of dollars in aid over the last two decades, Somaliland largely relies on its own resources. This has fostered independence and resilience that influence the way Somaliland does everything from conducting foreign policy to successfully combatting terrorism. Defying China is the latest example of this independence. Somaliland occupies a strategic position along the Gulf of Aden. Somaliland’s port-city of Berbera has long been a global entrepôt. China’s interest in the port dates to the ninth century, when it was described by a Tang Dynasty poet, a connection that Chinese businessmen visiting Somaliland often point out. The growth of China’s influence in Africa, and especially in the Horn of Africa, has been nothing short of stunning. Over the past two decades, China has gone from being a minor player in the politics and economies of African countries to the dominant power in many of these nations. China’s influence is pervasive and persistent. Compared with U.S. foreign policy, China’s foreign policy is pragmatic and cost-effective. It uses a combination of cheap loans, aid, and, increasingly, military assistance, to secure its influence. Somaliland’s strategic location, stability, and potential oil and mineral wealth, all make the country attractive to the Chinese government and its state-backed companies. In the neighboring countries of Djibouti, where China established its first overseas military base, and Ethiopia, China has made itself the preeminent outside power. Somaliland, which desperately needs more foreign investment, should have been an easy target for China. It wasn’t. “We turn down offers from the Chinese every other month,” a senior official with Somaliland’s port authority told me on a recent visit to the country. “We have no problem doing business with the Chinese, but we aren’t going to give up any of our sovereignty,” the official said. Instead of giving into offers from China, Somaliland has defied the country by pursuing a relationship with Taiwan. Sovereignty and independence, even if most of the world does not recognize them, are paramount for most Somalilanders. Somalia is subject to the influence of numerous outside powers, namely Turkey, Qatar, and the U.S. In contrast, the government of Somaliland is determined to chart its own course. The government recently prevented the United Arab Emirates (UAE) from building a military base near the Port of Berbera, which is operated by UAE-based Dubai Ports World. Somaliland’s president, Musa Bihi Abdi, deftly renegotiated an agreement with the UAE that initially would have allowed the UAE to build a military base near Berbera. Instead, the new agreement will see the UAE invest in a civilian airport. “Neutrality is important to us,” President Bihi explained to me in an interview last fall. “We want good relations with all countries, but we won’t be anyone’s pawn. We have learned as a nation and people that we can only depend on ourselves. This is what is largely responsible for Somaliland’s stability.” President Bihi, an avid reader of history, referenced the U.S.’s own founding and George Washington’s and Thomas Jefferson’s calls for their new nation to avoid foreign entanglements while engaging in trade and commerce with all. “Somaliland has a long way to go with respect to development,” Bihi said, “but we must not allow the country to be drawn into the conflicts that plague this part of the world.” Somaliland may well pay a price for defying China and establishing relations with Taiwan, but the country’s determination to forge ahead on a path of its own choosing will undoubtedly continue to serve it well. The same determination and a similar approach to avoiding foreign entanglements served the U.S. well for much of its early history. However, rather than recognizing what Somalilanders have achieved with respect to governance and counter-terrorism, the U.S. continues to thwart attempts by Somaliland to gain international recognition. Instead of supporting a country that has achieved a high-degree of stability in a troubled region, the U.S. continues to spend hundreds of millions of dollars supporting the government of Somalia. Somalia is consistently ranked as the most corrupt nation in the world. There, al-Shabaab is resurgent despite the expenditure of hundreds of millions of dollars on counter-terrorism efforts. In contrast to Mogadishu, where most foreigners require security details if they leave the city’s “green zone,” Somaliland’s major cities are largely free of even petty crime. ntry that has achieved a high-degree of stability in a troubled region, the U.S. continues to spend hundreds of millions of dollars supporting the government of Somalia. Somalia is consistently ranked as the most corrupt nation in the world. There, al-Shabaab is resurgent despite the expenditure of hundreds of millions of dollars on counter-terrorism efforts. In contrast to Mogadishu, where most foreigners require security details if they leave the city’s “green zone,” Somaliland’s major cities are largely free of even petty crime. The U.S. would do well to learn from Somaliland’s successful efforts at combatting terrorism. It would also do well to relearn the importance of charting an independent course that avoids foreign entanglements. Michael Horton is a foreign policy analyst who has written for numerous publications, including The National Interest, West Point CTC Sentinel, The Economist, and the Christian Science Source The American Conservative Qaran News
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal oo maanta hadlay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbaleyn doorasho dadban iyada oo golaha uu ansixiyey sharciga doorashada. Guddoomiye Mursal oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Ma aqbalayno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka”. Mursal waxaa uu intaa ku daray in sharciyada doorashada ay leeyihiin baarlamaanka oo aaney go’aan ka gaari karin dowlad goboleedyada. Mahad Cabdala Cawad ayuu safarkiisa Dhuusamareeb ku sheegay mid aan shaqo ah, aanu mataleyn golaha shacabka ee iskiis u baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Aqalka Hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid baaqii madaxd goboleedyada dalka ee ahaa in xiligaan doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin, loona baahan yahay in la aado doorasho dadban. Guddoomiye Mursal oo ka hadlay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbalayn doorasho dadban oo dalka ka dhacda 2020/2021, sidoo kale xusay in dowlad goboleedyadu aysan la hayn go’aanka doorashada. “Ma aqbalayno doorasho dadban, iyadoo aan ansaxinay sharcigii doorashooyinka dalka, meel ay ku qoran tahay ma jirto in xiligan la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka, malahan dowlad goboleedyadu” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay safarka Guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad uu shalay ku tegay Dhuusamareeb, wuxuuna tilmaamay uusan u tegin matalaad uu matalayo Golaha Shacabka, balse u iskiis ku aaday halkaas. “Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isagoo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda waa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Hadalka Guddoomiye Mursal ayaa uu kusoo aadaya, iyadoo madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada dhawaan shir ku yeelan doonaan Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo qaabka doorasho ee 2021/2020. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal: Ma aqbalayno doorasho dadban appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay diyaaradii shalay ku bur-burtay garoonka diyaaradaha Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Mareykanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay bur-burka diyaaradaasi iyo gar-gaarkii ay siday oo gebi ahaanba shuf beelay, maadama uu dab xoogan ka kacay, sida lagu sheegay war kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay si weyn ugu faraxsan tahay in bur-burka diyaarada uusan ka dhalan wax dhimasho ah. Safaarada ayaa si kooban u sheegtay in gar-gaarka ay siday diyaaradaasi uu ahaa mid ka yimid dowladda Mareykanka, ayna sii wadi doonaan taageerada dowladda federaalka iyo mida shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay safaaradu u mahad-celisay Mas’uuliyiintii sida deg-dega ah uga fal-celiyay bur-burka diyaaradaasi, isla markaana samato bixiyay shaqaalihii saarna. “Bur-burka diyaarada iyo mucaawinadu ku yimid inkastuu nasiib darro yahay, haddana waxaan ku faraxsanahay inaysan jirin cid wax ku noqotay shilkaasi oo joogtay dhulka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaarada. Diyaarada bur-burtay oo aheyd nooca xamuulka, isla markaana ay laheyd shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ayaa waxay si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, sida ay hore u baahisay Caasimada Online. Waxaana dhamaan howl-wadeenadii diyaaradaasi oo lagu sheegay Saddex ruux ayaa laga soo samata-bixiyay, iyada oo ay magaalada Muqdisho u soo qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay Qaramada Midoobay.
-
Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeestay shirka Dhuusamaareeb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hadal ka jeediyey kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay shirka madaxda dowladda faderaalka dowlad iyo kuwa goboleedyada ee Dhuusamareeb. Mursal ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka aysan xaq u laheyn inay go’aan ka gaaraan arrimaha doorashada ee 2020/21-ka, loona baahan yahay in loo madax-baneeyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan aqbli doonin in loo laabto doorasho dadban, isagoona carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada”. ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka ay shaaciyeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, kadib shir wada-tasho ah oo ay ku yeesheen magaalada Dhuusamaareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article -
Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xero barakac oo ku taalla xaafadda Baalade ee magaaladaasi uu dab xoog leh qabsaday, kaasoo sababay dhimashada 4 caruur ah. Sidoo kale waxaa gubtay guryo badan oo ay deganaayeen dadka barakacaasha ah ee ku noolaa xeradaasi. Dadaal badan oo ay sameeyeen maamulka degmada iyo shacabka oo kaashanaya kooxda gurmadka iyo dab-damiska ayaa ku guuleystay in la damiyo dabkaasi khasaaraha geystay. View the full article
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa si kulul uga hadlay Shirka Dhuusamareeb. Iyo joogitaanka Gudoomiye Xigeenka kowaad. Gudoomiye Mursal wuxuu yiri “ Aad Ayaan ula yaabay [...] The post Breaking News—Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in Dowlad Goboleedyadu aysan ka hadli Karin Doorashada, Doorashaduna ay noqonayso One man One vote appeared first on . Source
