Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qatar Oo Ku Guulaysatay Dacwad Ka dhexeysay Sacuudi Arabiya oo ka Socotay Maxkamada ICJ Dowladda Qadar ayaa maanta guul taarikhi ah ka gaadhay kiis dacwadeed kala dhexeeyay wadamada Sucuudiga, Imaraadka, Masar iyo Baxrayn, kaasi oo la xidhiidha xayiraadii dhinaca Hawada ee wadamadaasi ku soo rogeen Saddex Sanno ka hor. Maxkamada Caalamiga ICJ ee Hegue ayaa diiday Rafcaan ay Xulafada Sucuudigu ka qaateen go’aankii Hay’adda Duulimaadyada Adduunka ICAO ee ahaa in ay xaq u leedahay in go’aan ka qaadato Xayiraado dhinac hawada ee lagu soo rogay wadanka Qadar. Guddoomiyaha Maxkamada ICJ Cabdiwahaab Axmed Yusuf oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ayaa sheegay in 15 Garsoore ay ogolaadeen in Hay’ada ICAO ay awood u leedahay in go’aan ka qaadato khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar. Hay’adda ICAO ayaa sanadkii 2018kii sheegtay inay xaq u leedahay in xukun ka soo saarto khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, hase yeeshee Imaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku gacan saydhay iyagoo sheegay inaysan hay’ada ICAO awood u lahayn inay go’aan ka qaadato khilaafka dhinaca hawada. Sanadkii 2017, Wamada Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad dhinac hawada iyo dhulka ah ku soo rogay wadanka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Wadanka Iiran iyo Argagixisada Caalamiga ah, eedahaasi oo dowlada Qadar ay ku gacan saydhay. Qaran News
  2. Ra’isalwasaaraha Waddanka Ingiriiska Boris Johnson, ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay ka go’an tahay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo Xanuunka COVID-19 oo dalkaas ay kaga dhinteen in ka badan 44 kun oo qof. Hadalkan ayuu Ra’isalwasaaruhu ka sheegay kulan ka dhacay aqalka Baarlamanka oo su’aalo lagu waydiinayey, waxaana uu sheegay in dhab ahaan ay jiri doonto baaritaan arintan ku aadan mustaqbalka, inkasoo horay u diiday baaqyo kala duwan oo ku aadan in baaritaan lagu sameeyo faafidda Xanuunka Coronavirus-ka ee dalka UK. Inka badan 150 kun oo qof ayaa saxiixay dalab dhanka Online-ka oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada dadkii UK ugu geeriyoodey Cudurka Covid19, kuwaasi oo dalbanayey in baaritaan kuwaasi oo dalbanayey in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo habka dawladu ay u maareeysay cudurka, ka hor safmar kale oo dalka ka dilaaca. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo aqbalay in baaritaan lagu sameeyo xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  3. Ganacsade Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Gobtiisa Ganacsiga Degaanka Retreat+ Xoggo ka soo kordhay Dilkiisa Wiil Soomaali ah ayaa caawa lagu dilay degaanka Retreat oo ku yaalla duleedka magaalada Johansberg ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan warar goor dhow halkaas naga soo gaadhay. Marxuum Axmed Xuseen Caddow ayaa ku dhintay rasaas ay ku fureen koox budhcad ah xilli uu ku dhex jiray gaadhi uu watay oo ku sugnaa meel ku dhow goobtiisa ganacsiga. Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad joog joogayaal ah oo ku sugnaa halka dilku ka dhacay. Soomaalida ku nool magaalada Johanesberg ayaa ka xumaaday dilkan arxan darada ah ee loo geystay Marxuum Axmed Xuseen Caddow oo qeyb ka noqonaya dilal joogto ah oo dalka Koonfur Afrika loogu geysto Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee dalkaas ka xoogsada. Qaran News
  4. Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo-xidheenka Nile+Masar oo…. Ethiopia ayaa bilowday buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile, sida uu Arbacada maanta ah xaqiijiyay wasiirka biyaha ee dalkaasi. Tani ayaa imaneysa maalin uu ka dib markii wadaxaajood dhexmarayay dalalka Ethiopia, Sudan iyo Masar oo ku saabsanaa mashruuca biyo-xireenkan weyn ee Wabiga Niil-ka buluugga ah uu hakaday. Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ka walwalsan in biyo-xireenkan oo ku kacaya lacag dhan afar bilyan oo doollar uu u horseedi karo hoos u dhaca biyaha ee ay dalalkoodu helaan. “Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota,” ayuu khudbad TV-ga laga sii daayay ku yiri wasiirka biyaha ee Ethiopia Seleshi Bekele. “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka ayaa sheegay in heerka biyuhu ay ka kordheen 525 mitir ilaa 560 mitir. Hadalka Seleshi ayaan lagu sheegin haddii ay Ethiopia xirtay albaabada biyo xireenka. Aagga uu biya-xireenku ku yaallo ayaa waxaa dhowaan ka da’ay roobab aad u xoogan. Hase ahaatee wasiirka, afhayeenkiisa, iyo afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaan faahfaahinno dheeri ah bixin buuxinta biya-xireenka. Mashruucan biya-xireenka ayaa sare u qaaday welwelka ay Masar ka qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah. Masar ayaa weydiisatay Ethiopia in ay si deg deg ah u caddeyso haddii ay bilowday buuxinta keydka biya-xireenkan, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Talaadadii ayaa waxaa fashil ku dhamaaday wadahadallo u dhexeeyey saddexdan dal si loo xakameeyo qulqulka biyaha ee biyo xireenka. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric ayaa wariyeyaasha u sheegay in Xogahayaha Guud Antonio Guterres uu ku booriyey saddexda dal in ay “maalmaha soo socda ka faa’iidaystaan fursadaha si ay u xalliyaan khilaafaadka hareeyey islamarkaana u gaaraan heshiis faa’iido u leh dadkooda.” Biyo-xireenkan ayaa laga dhisayaa meel qiyaastii 15 km u jirta xadka Sudan. Sudan iyo Masar ayaaa raadinaya heshiis sharci ah oo ay dalalkani kala saxiixdaan ka hor inta aan la buuxin biya-xireenka. Qaran News
  5. Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa xabsiga u taxaabtay Nin lab iyo dhidig isku ah oo u ololeyn jiray inay is-guursan karaan dadka isku jinsiga ah, kadib markii uu aflagaadeeyay Diinta suuban ee Islaamka. Ciidamada Turkiga ayaa Ninkaasi oo kamid ahaa koox lagu magacaabo SHAWAD, oo u ololeysa dadka isku jinsiga ah inay is-guursadaan, shalay xabsiga dhigtay kadib markii lagu eedeyay inuu aflagaadeeyay Diinta Islaamka, isagoona u gafay Nebigeena suuban (Scw). Ninkan ayaa loo haysta sawirro iyo majaajilo uu ku dhex baahiyay baraha bulshada, kuwaasi oo ugu gafayo nabigeena Muxamad Scw, iyada oo isla markiiba lagu soo oogay dambiga af-xumada ah ee loo haysto. Suleyman Soylu, Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga ayaa lagu soo waramayaa inuu bixiyay amarka Ninkan loo soo xiray inuu aflagaadeyay Nebiga, isagoona qaab cajiib ah uga hadlay xarigiisa. Wasiir Soylu ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray hadal kooban oo macnihiisu uu noqonayo “Waxa gacanta lagu soo dhigay mid kamida kuwii Labo-dhidiga ahaa ee Nabigeena aflagaadeeyay”. Ninkaasi oo ku xiran Istanbul ayaa si rasmiya loo gudbiyey dacwadiisa, iyada oo gal dacwadeedka dambiga loo haysto ay kusoo oogtay xeer ilaalinta guud, iyada oo ay ku lifaaqan tahay majaajilo aflagaadeyn ah oo loo haysto.
  6. Halkeebuu Dalka Sacuudiga ka helaa hubka ugu badan ee uu ku xasuuqo Shacabka Yemen? Britain waxay sheegtaa in dagaalka uu Sacuudiga wado aan lagu jabinin sharciga caalamiga ah Xilli uu dagaalka ka socda Yemen sii galayo sanadkiisii hsnaad, tirada dhimashada ee dadka rayidka ahna ay sii kordheyso, dowladda UK ayaa la kulmeysa cadaadis xooggan oo ku saabsan hubka ay u dhoofiso Sacuudi Carabiya. UK oo kaliyana ma aha dalalka uu Sacuudiga ka helo hubka uu u adeegsado dagaalka Yemen. Halkan waxaan ku soo gudbineynaa toddobo su’aal oo jawaabahoodana lagu sharraxayo arrimahaas. Maxaa isu keenay magacyada saddexdan waddan – Sacuudiga, Yemen iyo UK? Boqortooyada Sacuudiga ee saliidda qaniga ku ah waa waddanka ugu hub iibsashada badan guud ahaan caalamka. Sanadihii lasoo dhaafay wuxuu Sacuudiga horkacayay dagaal ay ujeeddadiisu tahay sidii looga adkaan lahaa kooxaha fallaagada ah ee ku sugan waddanka dariska la ah ee Yemen, oo ah dalka ugu saboolsan dunida carabta. Waddanka UK, oo sanadkii lasoo dhaafay isku tilmaamay inuu yahay dalka labaad ee ugu hub iibinta badan caalamka, wuxuu qiyaasay in wax ka badan 40% ka mid ah hubkiisa uu u dhoofiyo hal waddan oo kaliya, kaasoo ah Sacuudi Carabiya. Imaaraadka Carabta, oo Sacuudiga xulafo kula ah dagaalka ka socda Yemen, ayaa sidoo kale hub aad u badan ka iibsada UK, sida lagu xaqiijiyay warbixinta ay dowladda Britain soo saartay sanadkii 2019-kii. Tani waxay ka dhigan tahay in Mareykanka oo kaliya uu UK uga horreeyo gacansiga iibinta hubka ee adduunka. Maxaytahay xaaladda ka taagan Yemen? Dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka UK waxay su’aalo badan ka keeneen saameynta uu gacansiga hubka ee Britain – oo balaayiin gini ku kaca – ku leeyahay xaaladda ka taagan Yemen, halkaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ka jiraan xasaradaha bani’aadannimo ee ugu xun caalamka. Qaramada Midoobay waxay xaaladda Yemen ku tilmaantay xasaradda bani’aadannimo ee ugu xun adduunka Sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay, sida dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka Yemen waxay ahayd 7,700 ilaa bishii March ee sanadkan 2020-ka. Inta badan dadkaas waxay ku dhinteen duqeymaha ay fuliyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga. Hay’adaha kale ee kormeerka waxay sheegeen tiro intaas aad uga sarreysa. ACLED oo ah hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo qiimeysa saameynta dagaallada waxay sheegtay in dad kor u dhaafaya 100,000 ay ku dhinteen Yemen ilaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, tiradaas dhimashadana waxay sheegeen in 12,000 oo ka mid ah ay yihiin dad rayid ah. Dhammaan shacabka ku dhintay Yemen waxaa noloshooda galaaftay weerarro toos loola beegsanayay, sida ay warbixinteeda ku sheegtay ACLED. Qiyaastii 80% ka mid ah shacabka Yemen – oo guud ahaan tiradooda ay tahay 24 milyan – ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo iyo ilaalin. Carruur tiradooda lagu qiyaasay 2 milyan ayey heysaa nafaqo darro, waxaana ka mid ah 360,000 oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano. Maxay arrintan ka tiri dowladda Britain? Xagaagii lasoo dhaafay, ururrada xuquuqda aadanaha waxay door weyn ka qaateen amar maxkamadeed oo dowladda Britain looga hakiyay hubka ay u dhoofiso Sacuudiga, waxaana lagu khasbay inay xukuumaddu dib u eegto siyaasaddeeda ganacsiga hubka, si loo eego in dagaalka Yemen “khalad weyn” looga galay sharciga caalamiga ah. Britain waxay Sacuudiga siisaa hub, tababar ciidan iyo la talin dhinaca milatariga ah Kaddib muddo hal sano ah, dowladda UK waxay soo gabagabeysay qiimeyn ay xaaladda ku sameyneysay, waxayna ku dhawaaqday inay dib u billaabeyso iibinta hubka ay u dirto Sacuudiga. “Sacuudi Carabiya ujeeddadeedu waa mid saxan, waxayna u hoggaansameysaa sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada,” ayey tiri wasiirka ganacsiga caalamiga ah ee UK, Liz Truss, iyadoo hoosta ka xarriiqday fikirka dowladda ee ah inay jiraan “dhacdooyin gaar ah oo khaladaad lagu sameeyay”. “Dhacdooyinka ay suurtagalka tahay in lagu sameeyay xadgudubka waxay dhaceen waqtiyo kala duwan, waxaana sababay xaalado kala duwan,” ayey ku tiri qoraal ay u gudbisay baarlamaanka. Maxay sheegeen dadka eedeymaha jeediyay? Haweeneyda ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, Emily Thornberry, oo afhayeen uga ah arrimaha gacansiga ee caalamiga ah, ayaa go’aanka dowladda ku qeexday “mid aan marmarsiiyo lahayd”, iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay ceeb ku tahay “sheegashada Britain ee ah inay difaacdo xuquuqda aadanaha”. Labo milyan oo carruur ah ayaa la aaminsan yahay inay nafaqo darro ku heyso Yemen Kooxda wadday ol’ilihii horseeday go’aanka maxkamadda ayaa sidaasoo kale ku doodayay. Hay’adda kormeerta waxyeellada rayidka kasoo gaarta duqeymaha xagga cirka ah ee laga fuliyo Bariga Dhexe, ee lagu magacaabo Airwars, oo uu fadhigeedu yahay UK, ayaa shaki ka muujisay saxnimada go’aanka ay dowladda UK ku taageertay howlgalka Sacuudiga. Waxay hay’addan sheegtay in UK qudheeda aysan xog la isku halleyn karo kasoo saarin duqeymaheeda dhinaca cirka, sidaas awgeedna aysan daacad ka noqon karin kuwa Sacuudiga ee ay xulafada yihiin. Waa imisa lacagta ku baxda hubka loo dhoofiyo Sacuudiga? Mas’uuliyiinta ol’olaha ka dhanka ah Ganacsiga Hubka ee magaciisa loo soo gaabiyo (CAAT) ayaa sheegay in UK ay tan iyo sanadkii 2015-kii Sacuudiga u dhoofisay hub ku kacaya lacag dhan £5.3 bilyan oo gini. Dagaalka Yemen ayaa billowday isla sannadkaas. Sacuudi Carabiya waa mid ka mid ah xulafadaha ugu waaweyn ee UK ay ku leedahay Bariga Dhexe Waxay sidoo kale sheegeen in lacag kale oo dhan £1 biyan oo gini ay ku baxday hub muddadaas gudaheeda la siiyay dalalka kale ee khaliijka ee ay isbahaysiga yihiin Sacuudiga, kana qeyb qaadanaya dagaalka Yemen. Laakiin saraakiisha CAAT waxay sheegeen in lacagahaas aysan ku jirin hubka sida gaar gaarka ah looga iibiyay dalalkaas. Waxay isku darka lacagta ku baxday hubka ay Britain ka iibisay Sacuudiga iyo xulafadiisa tan iyo billowgii dagaalka Yemen ku qiyaaseen ugu yaraan £16 bilyan oo gini (oo ah lacag ka badan $20 bilyan oo doolar) Ma UK kaliya ayaa hubka ka iibisa Sacuudiga? Qandaraasyada dhinaca hubka ee ay Britain ka hesho Sacuudiga waa wax aad u yar marka lala barbar dhigo Mareykanka. Inkastoo 40% ka mid ah hubka ay soo saarto UK laga iibiyo Sacuudiga, haddana 73% ka mid ah hubka uu Sacuudiga gatay intii u dhaxeysay 2015-kii ilaa 2019-kii waxaa laga keenay Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda (Sipri), oo fadhigeedu yahay magaalada Stockholm. Fallaagada Xuutiyiinta ee la dagaallamaya isbahaysiga Sacuudiga waxay ku gacan seyreen xabad joojin Dalka labaad ee Sacuudiga Hubka siiya waa Britain oo ka iibisa 13%, halka Faransiiska uu yahay waddanka saddexaad oo ka iibiya 4.3% Fallaagada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Sacuudiga iyo xulafadiisa waxaa la aaminsan yahay inay garab ka helaan dowladda Iiraan, inkastoo Tehran ay arrintaas beenisay. Kooxdan hubeysan ee ka dagaallameysa Yemen waxay ku gacan seyrtay inay heshiis xabad joojin ah la gasho isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga. Siduu u muuqdaa mustaqbalka? Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Dominic Raab wuxuu dhawaan qoray maqaal lagu daabacay wargeyska Financial Times, kaasoo uu ku sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso sidii ay nabad uga dhalin lahayd Yemen ayna ka qeyb qaadaneyso dadaalka lagu sameynayo gargaarka bani’aadannimo. Isagoo ku baaqay xabad joojin qaran oo laga sameeyo Yemen, ayuu sheegay in Britain, Jarmalka iyo Sweden ay si wadajir ah u bixinayaan lacag dhan $365 milyan oo doolar, oo lagu kabayo howsha ay Qaramada Midoobay ka waddo waddankaas. Marka laga soo tago daacuunka ka dillaacay ee noqday kii ugu darnaa abid, waxay sidoo kale Yemen la dhibaatooneysaa cudurka Covid-19, xilli ay shaqeynayaan kaliya kalabar ka mid ah adeegyadii caafimaad ee dalkaas. Qoraalka sawirka,Qaramada Midoobay waxay ka cabsi qabtaa in dhimashada cudurka ay xaddhaaf kasii dhigeyso dadka ku geeriyoonaya waddankaas uu dagaalka ka socdo Bishii April, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inuu xabad joojin ka sameynayo Yemen, sababo ka xiriirka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Laakiin Xuutiyiinta ayaa diiday inay dhankooda xabad joojin ka sameeyaan, iyagoo dalbaday in xayiraadaha dhinaca cirka iyo baddaba laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo magaalada dekedda leh ee Xudeyda. Haddi wali wuu taagan yahay ismariwaaga, Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in burburka uu dagaalka sababay uu aad u yaraan doono marka la barbar dhigo waxa hadda la filan karo. Waxay hay’addu sheegtay in geerida ka dhalatay safmarka coronavirus ay “ka badan karto marka isku daro dhimashada ay sababeen dagaallada, cudurrada iyo baahida Yemen ka jiray shantii sano ee lasoo dhaafay”. Qaran News
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa bilowday buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile, sida uu Arbacada maanta ah xaqiijiyay wasiirka biyaha ee dalkaasi. Tani ayaa imaneysa maalin uu ka dib markii wadaxaajood dhexmarayay dalalka Ethiopia, Sudan iyo Masar oo ku saabsanaa mashruuca biyo-xireenkan weyn ee Wabiga Niil-ka buluugga ah uu hakaday. Suudaan iyo Masar ayaa labaduba ka walwalsan in biyo-xireenkan oo ku kacaya lacag dhan afar bilyan oo doollar uu u horseedi karo hoos u dhaca biyaha ee ay dalalkoodu helaan. “Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota,” ayuu khudbad TV-ga laga sii daayay ku yiri wasiirka biyaha ee Ethiopia Seleshi Bekele. “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wasiirka ayaa sheegay in heerka biyuhu ay ka kordheen 525 mitir ilaa 560 mitir. Hadalka Seleshi ayaan lagu sheegin haddii ay Ethiopia xirtay albaabada biyo xireenka. Aagga uu biya-xireenku ku yaallo ayaa waxaa dhowaan ka da’ay roobab aad u xoogan. Hase ahaatee wasiirka, afhayeenkiisa, iyo afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaan faahfaahinno dheeri ah bixin buuxinta biya-xireenka. Mashruucan biya-xireenka ayaa sare u qaaday welwelka ay Masar ka qabto xaddidaad dheeri ah oo ku timaadda biyaha ay ka hesho wabiga Nile oo dadkeeda oo 100 milyan ka badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Wabiga Niilka Buluugga ah ayaa ah isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda nadiif ah. Masar ayaa weydiisatay Ethiopia in ay si deg deg ah u caddeyso haddii ay bilowday buuxinta keydka biya-xireenkan, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Talaadadii ayaa waxaa fashil ku dhamaaday wadahadallo u dhexeeyey saddexdan dal si loo xakameeyo qulqulka biyaha ee biyo xireenka. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric ayaa wariyeyaasha u sheegay in Xogahayaha Guud Antonio Guterres uu ku booriyey saddexda dal in ay “maalmaha soo socda ka faa’iidaystaan fursadaha si ay u xalliyaan khilaafaadka hareeyey islamarkaana u gaaraan heshiis faa’iido u leh dadkooda.” Biyo-xireenkan ayaa laga dhisayaa meel qiyaastii 15 km u jirta xadka Sudan. Sudan iyo Masar ayaaa raadinaya heshiis sharci ah oo ay dalalkani kala saxiixdaan ka hor inta aan la buuxin biya-xireenka. REUTERS + VOA
  8. MUHIIMADU MAAHA IN DOORASHOOYIN UUN LA QABTO , EE WAA IN LAGA FEKERAA SIDII AY U DHICI LAHAAYEEN DOORASHOOYIN SOMALILAND WANAAG IYO HORUMAR GAADHSIIN KARA !! Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu ku baaqayaa in la is qanciyo oo dadka Somaliland tabashooyinka Gobolada dalka ee ay ka tirsanayaan saami qaybsiga loo dhaga nuglaado Somaliland na aanay noqon ma isku joojin maayo , iyo wax masiirka dalka in kooban guri dhexdii kaga heshiiso , iyaga oo eeganaya dano gaaban iyo masaaliix iyaga u khaas ah. Ururka Dadweynaha Somaliland waxa uu kor ugu dhawaaqayaa in aanay daneeyayaasha doorashadu aheyn xiligan lagu jiro sadexda xisbi qaran oo kaliya , sababta oo ah waxa ay ku jiraan labadii sanadood ee ugu dambeeyey xisbinamadooda , marka ay ku heshiiyeen in aan doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada mar lawada qabtona waxa meesha ka baxaya tartankii furista ururada siyaasada oo ay ka hadheen mudo bilo ah oo kooban. Furista ururada siyaasada iyo in muwaadiniinta Somaliland isku habeeyaan tobankii sanadood mar ururo siyaasadeed, waa xaq dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa siiyeen dadka Somaliland , kamana heshiin karaan sadex xisbi iyo goleyaal in xuquuq siyaasadeed oo ay dadka Somaliland leeyihiin meesha laga saaro. Somaliland waxa ay ku soo jirtay 19 sanadood nidaamka doorashooyinka hal cod iyo hal qof kaasi oo noqday jiitan iyo mid hagaag looga shaqeysiin waayey , taasi oo dhalisay in shacabka Somaliland ka niyad jabaan gabi ahaanba doorashooyinka markii ay waayeen in loo ilaaliyo xili doorashadeedyadii ay xaqa u lahaayeen in la doorto iyo in ay wax doortaanba. Arimahani waxa ay marba marka ka dambaysa god madow ku sii ridayaan nidaamkii doorashooyinka iyo habkii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatey , oo ahaa hab iyo qaab wanaagsan oo ismiisaamaya oo u baahnaa in laga shaqeysiiyo. Waxa ku eedaysan cidwalba oo masuuliyadahaa wax ku lahayd , isla markaana aan ka gudanin waajibaadkeedii , markasta oo doorashooyinka dalku dib u sii dhacaan iyaga oo aan jirin duruufihii shuruucda dalku sheegtay waxa ay wax ka xumaanayeen dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxa niyad jabayey kumayaal muwaadiniin ah oo xaq u leh in ay wax doortaan lana doorto oo fursadahii la siin waayey. Maanta oo umada Somaliland loo sheegay in doorashooyin dhacayaan , ayaa iyaduna ah wax aan bisleyn oo hadii sidan lagu hirgaliyona dhalaysa in ay meesha ka saarto wanaag iyo xuquuqo ay dadka Somaliland leeyihiin, hadii la hirgalin waayo oo ay iska sii socotana foolxumo iyo fashil ku noqonaysa qaranka Jamhuuriyada Somaliland. Xalku waxa uu yahay in maanta aad looga sii fekero doorashooyinka oo la qabto doorashooyin dadka Somaliland kuwada qanceen isla markaana aan saameynayn xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin dadka Jamhuuriyada Somaliland sida ta furista ururada siyaasada oo ah kuwa ugu muhiimsan. Mohamed Dhimbiil Xisbiga Dadweynaha Somaliland Qaran News
  9. Ambiguity, tension and possible escalation surround the future of Egypt-Somalia relations due to the latter’s unclear position on the Grand Ethiopian Renaissance Dam and the conflict between Ethiopia, Egypt and Sudan that it has engendered. Somalia expressed reservations about two Arab League resolutions on the issue, which sparked a media storm locally and in the Arab world, especially in the Egyptian media. Dozens of abusive tweets and posts have been seen on social media against Somalia. Calls have been made demonising Somalis and demanding that they be deported from Gulf countries due to Mogadishu’s neutral stance and reservations on more than one Arab issue, not least at the Arab foreign ministers’ meeting on Libya and the Renaissance Dam. Relations between Egypt and Somalia have, since the 1960s, been built upon a degree of Mogadishu’s political dependence on Cairo. Indeed, Somalia was usually with Egypt in international and Arab forums. For example, it stood by Egypt over the Camp David peace treaty with Israel in 1978, and this was preceded by a Somali artillery battalion fighting alongside Egyptian troops during the 1973 war. This highlighted the strength of relations between the two countries. Indeed, the Egyptian diplomat Kamal El-Din Salah who was a UN delegate to Somalia is still appreciated in the Horn of Africa for his support for Somali unity; he was assassinated by the Italian colonisers in 1957. However, those strong relations have not really developed further, with Egypt actually stepping back somewhat until the Renaissance Dam issue arose. The context now sees Somalia linked to Ethiopia’s regional policy, which benefits from Somali ports; the two countries also have economic and security agreements in place. As such, Somalia tends to lean towards Ethiopia, making Egypt’s role in the Horn of Africa complementary to those of other regional, Arab and international powers, despite its former strong presence and allies in a region that has strategic water and security considerations for the government in Cairo. Egypt under President Abdel Fattah Al-Sisi is not the Egypt of former years; its strategy and policies are different. In terms of its regional allies in the Horn of Africa, it appears to be the weakest link. Egypt has lacked any strong diplomatic presence in Somalia since 2006. On an Arab level, its closest ally and partner in the Grand Ethiopian Renaissance Dam conflict, Sudan, is no longer linked by mutual national and Arab interests. Instead, border disputes seem to be the main focus of the current relations between Cairo and Khartoum. They have also paid less attention to their joint water rights, an initiative that Ethiopia has seized completely. If the vital and strategic location of Somalia was once one of the most important focuses of Egyptian foreign policy in the Horn of Africa due to its control of the Bab Al-Mandab Strait that is related directly to the movement of ships heading to and from the Suez Canal, then that is no longer the case. Instead, Egypt’s actions have angered the Somali government, especially after a delegation from the Foreign Ministry visited the Somaliland administration and the state of Puntland, and hosted delegations from those regions in Cairo, without prior coordination with the government in Mogadishu. This resulted in the recent cancellation of the educational cooperation protocol between Somalia and Egypt, ending an aspect of the Egyptian cultural presence in the Somali capital. The confusing political and diplomatic situation between the two countries has been exacerbated by the Somali decision not to support the Arab League’s stance in favour of Egypt and opposing Ethiopia over the Renaissance Dam. Mogadishu’s has solid ties with Addis Ababa, and both aspire to dispel the tragedies of the war and the damaging images that remain in the minds of many people in the region. This would include an end to Ethiopian interventions in Somalia since the 1990s. The new policies between Cairo and Mogadishu are pushing the latter to ensure that its friendship is preserved with Ethiopia, an ally in the Horn of Africa closer to it than Al-Sisi’s government. Somalia is not alone in declaring its neutrality in the case of the Renaissance Dam. Djibouti, which has close ties to Egypt, also has reservations about the Arab League’s position, not least because of its economic interests with Ethiopia, as the latter’s trade depends on Djibouti’s ports. One of the ironies in Somalia’s positions is the absence of a consistent political line on the repercussions of the Renaissance Dam. Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad has said that his country is neutral in the crisis and seeks to mediate between its Arab brother Egypt and its neighbour Ethiopia. However, the Somali Ambassador to Addis Ababa, Abdihakim Amey, surprised the local media by saying that Somalia stands beside Ethiopia on the issue of the dam. Somalia’s strategic location attracts international, regional and Arab attention, as it has in the past. Turkey is its biggest development partner, so if Egypt wants to restore its presence in the Horn of Africa it knows who the competition is. The Somali door is open for the Egyptians if Cairo is interested in rekindling the kind of warm relationship that existed in the past. The Egyptians must realise, however, that their secondary policies are pushing Somalia towards other alliances alongside some major players. The geopolitics in the Horn of Africa cannot tolerate a vacuum and Egypt is not alone in trying to fill it. This article first appeared in Arabic in Al-Araby Al-Jadeed on 12 July 2020
  10. Somalia’s president on Wednesday joined world leaders in marking the fourth anniversary of Turkey’s defeated July 15, 2016 coup. In a tweet, President Mohamed Abdullahi Farmaajo hailed the “selflessness” and “deep resolve” of Turkish citizens in protecting their country. Addressing “our brotherly Republic of Turkey” and President Recep Tayyip Erdogan, the tweet said “we join you in prayers and remembrance of the selflessness of your martyrs and the deep resolve of your courageous citizens to protect your Republic. Our thoughts are with you.” Turkey marks July 15 as Democracy and National Unity Day with events nationwide to commemorate those who laid down their lives to foil the coup attempt orchestrated by the Fetullah Terrorist Organization (FETO) and its US-based leader Fetullah Gulen. The defeated coup left 251 people martyred and nearly 2,200 injured. Ankara also accuses FETO of being behind a long-running campaign to overthrow the state through the infiltration of Turkish institutions, particularly the military, police, and the judiciary.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa hadda madaxtooyada kulan kula leh madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xildhibaanadan ayaa Madaxweynaha kala hadlaya arrimaha doorashada dalka iyo hanaanka ay ku dhaceyso, waxayna diidanyihiin sida aan xogta ku helan in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Xubno ka tirsan xuldhibaanadan waxay noo sheegeen in Maadaxweynaha ay ugu tageen inuu u cadeeyo mowqifkiisa ku addan nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa. Xildhibaanadan ayaa ku doodaya in la fuliyo sharciga doorashooyinka dalka, isla markaana ay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah, sida ku cad sharcigaas oo kol sii horeysay baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxiixay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay kulankii golaha ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dhawaan isku raaceen madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku baaqay in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. “Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban. Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal.
  12. Madaxweynuhu kama falcelin Weedhihii xanafta lahaa ee Masuuliinta Xukuumaddu u geysteen Gobolada Bari: Wasiir xigeenka Arrimaha Gudaha:Sanaag waa gobol aafaha, baga ilaahay kaaga keeney, Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda: waad nasiib badan tahay haddaan Saraar lagugu tuurin; Tiimbaro: Cerigaabo wixii wax garanayey way ka tageen, dad caamo ah oo qabyaalad iyo aargoosi uun garanaya baa isugu hadhay, Ina Kaahin oo reer cerigaabo uga ashkatoodeen meel ka dhacyada bariga lagu la kacay, baa dadkii ugu jawaabay, ” waan idinka raaligelinayaa qanjiidhada yar, laakiin adkaysta annagaba intaa waa nala qanjiidhinayaaye! waar adigu yeelkaaye, sidee baad aflagaado ummad dhan iyo gobolo dhan looga caam yeelaa? Oday Biixi arrintaas kama falcelin, sababta aan qoraalka u daahiyey waxan sugayey in madaxweynuhu arrintaa ka falceliyo. Haseyeeshee markuu ka aamusay, raiisulwasarihiisiina arrinkiiba ku qiimeeyey qanjiidho , hadda xitaa qanjaruufo maaha, ayaan soo xusuustay dhacdo berigii Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhacday: Cigaal oo Jabuuti u dudaya ayaa Madaxweyne xigeenkiisi Daahir Rayaale hambalyo u direy munaasabaddii xorriyadood ee 27kii Juun. Cigaal si deg deg ah ayuu jaraa’idka iyo radyawga uga baahiyey in Hambalyadaasi ay tahay mid Rayaale keliya ku kooban aanu Somaliland kaga wakiil ahayn. Haatan, haddii oday Biixi nimankii sida xun u hadlay tallaabo ka qaadi waayey, ma odhan kariwaayey, “waa reer Bariyaw, naxligan ay masuuliintaydu shubayso lama qabo, weli madaxweyne baan idiin ahay!” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madmadow, xiisad iyo isku dhac suurtagal ah ayaa ku hareereysan mustaqbalka xiriirka Masar iyo Soomaaliya sabab la xiriirta Soomaaliya oo meel aan caddeyn ka istaagtay muranka biyo-xireenka Ethiopia iyo colaadda ka dhaxaysa Ethiopia, Masar iyo Sudan. Soomaaliya waxay istaagtay meel dhexe xilli ay carabtu qaraar ka qaadanayeen arrinta, taasi oo keentay weerar warbaahineed oo maxalli ah iyo mid ka yimid dunida carbeed, gaar ahaan kuwa Masar oo lagu qaaday Soomaalida. Tobanaan qoraalo ka dhan ah Soomaaliya ayaa lagu daabacay twitter-ka iyo baraha kale ee bulshadda. Baaqyo hanjabaad ah ayaa soo gaaray Soomaalida iyo dalab ah in laga tarxiili doono wadamadda Gacanka Carbeed sabab la xiriirta go’aanka Muqdisho ee dhex-dhexaadka ah oo ay ka sheegtay kulankii wasiiradda arrimaha dibadda carbeed ee ku saabsanaa Liibiya iyo biyo xireenka Ethioipia. Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya waxa uu jiray tan iyo sanadkii 1960-kii, waxaana uu ku dhisnaa Muqdisho oo siyaasad ahaan ku tiirsanayd Qaahira. Diblomaasi reer Masar ah oo magaciisu ahaa Kamaal El-Din Saalax, kana tirsanaa ergadii Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa weli taageeradiisii midnimadda Soomaaliya looga mahad-celiyaa; waxaa diblomaasigaas shirqool ku dilay gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1957-dii. Si kastaba, xiriirka lama sii horumarin, Masarna dib ayey u guraneysay tan iyo markii arrinta biyo-xireenka ay soo if-baxday. Hadda waxaa loo arkaa in Soomaaliya ay la xiratay siyaasadda gobolka ee Ethiopia, oo ka faa’iidasaneysa dekedaha Soomaaliya; labada wadan waxay sidoo kale galeen heshiisyo ganacsi iyo amni. Soomaaliya waxay u weecatay dhanka Ethiopia, taasi oo doorka Masar ee Geeska Afrika ka dhigtay mid la mid ah dalalka kale ee gobolka, kuwa carbeed iyo awoodaha dunida, ka sokoow joogitaankeedii hore ee gobolka oo Qaahira u leh bad istiraatiiji ah iyo tixgelin amni. Masarta uu xukumo Cabdil Fitaax Al-Sisi ma ahan Masartii sanadihii hore; istiraatiijiyadeeda iyo siyaasadeeda waa ay ka duwan yihiin kuwii hore. Markii la eego xulufadii ay ku lahayd gobolka Geeska Afrika waxay u muuqataa in ay joogto meeshii ugu hooseesay. Masar, Soomaaliya kuma aysan lahayn joogitaan rasmi ah tan iyo sanadkii 2006-dii. Markii Carabta loo eego saaxiibka ugu dhow ee biyo xireenka waa Sudan, kumana wada socdaan dan carbeed oo laba geesood ah. Hadii meesha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku taalol ay meel muhiim ah uga jirto siyaasadda arrimaha dibadda Masar sababtu waxay tahay ilaalinteeda marinka Bab Al-Mandab oo si toos ah ula xiriira dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ku wajahan iyo kuwa ka imaanaya Kanaalka Suweys. Dhanka kale, Ficiladda Masar waxay ka careysiiyeen Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan markii ergo ka tirsan ay wasaaradeeda arrimaha dibadda booqdeen Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ergo maamuladaas ka socota ku marti gelisay Qaahira, iyadoon wax xiriir kala sameyn Dowladda Soomaaliya. Tani waxaa ay ka dhalatay joojintii maamuuskii iskaashiga waxbarashadda Soomaaliya iyo Masar, taasi oo sidoo kale dhameysay joogitaankii Masaarida ee caasimadda Soomaaliya. Xaaladda murugsan ee siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada waddan waxaa uga sii daray go’aankii Soomaaliya ee ahaa in aysan taageerin qaraarkii Jaamacadda Carbeed kula safteen Masar islamarkaana uga soo horjeesteen biyo xireenka ay dhiseyso Ethiopia. Muqdisho waxay xiriir adag la leedahay Addis Ababa, waxayna labada dhinac tir-tirayaan musiibooyinkii dagaalka ee ay maskaxda ku hayaan dad badan oo gobolka ah. Waxaa tas qayb ka noqon doona in lasoo geba-gebeeyo farogelinta Ethiopia ee soo billaabatay 1990-kii. Siyaasadaha cusub ee u dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho waa ina y saaxiibtinimadooda xaqiijyaan iyadoo la ilaalinayo Ethiopia. Mid ka mid ah la-yaabka dhex-dhexaadnimada ay Soomaaliya ay sheegatay ayaa ah inay is-burinayaan hadalladeeda ku aadan biyo-xireenka. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in dalkiisa dhex-dhexaad ka yahay xiisadda, uuna raadinayo in dhex-dhexaadiyo dalka ay walaalka yihiin ee Masar iyo midka ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya. Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Addis-Ababa Cabdixakiim Camey ayaa ka yaabiyey warbaahinta gudaha isaga oo sheegay in Soomaaliya Itoobiya ku garab taagan tahay arrinta biyo-xireenka. Goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ku taallo waxay soo jiidataa darteenka caalamiga ah, kan gobolka iyo midka Carabta, si la mid ah waagii hore. Turkey waa dalka ugu weyn ee saaxiibka la ah Soomaaliya, sidaas darteed haddii Masar ay dooneyso inay soo celiso joogitaankeeda Geeska Afrika, way ogtahay cidda ay loolankeeda wajaheyso. Albaabka Soomaaliya waa u furan yahay Masaarida haddii Qaahira ay dooneyso inay dib usoo nooleyso nooca xiriirkii diiranaa ee horey u jiray. Masaariida waa inay, si kastaba, garowsadaan in siyaasaddooda heerka labaad ah ay Soomaaliya ku riixeyso cayaaryahanno kale oo weyn. Juqraafi siyaasadeedka Geeska Afrika, uma dulqaadan karo marnaansho, Masarna ma ahan cidda kaliya ee isku dayeysa inay buuxiso. Faalladana waxaa ayada oo Carabi ah wargeyska Al-Araby Al-Jadeed ku qoray Shaafici Abtidoon. Waxaa tarjumay Caasimada Online
  14. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-15072020.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta mar uu ka hor hadlayey baarlaamanka si adag uga hor yimid go’aamadii kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiye Mursal ayaa si toos ah u abaaray qoddobo kamid ahaa go’aamadii shirka madaxda maamulada dalka, kaasi oo ku qotomay doorashada, isla markaana meesha ka saarayay rabintaanka Villa Somalia ee ‘qof iyo cod’. Mursal ayaa waxa aan la aqbali karin ku sheegay in nooc doorasho oo ka duwan midda ‘qof iyo cod ah’ ay ka qabsoomto dalka, xili aaan si buuxda loo diiwaan gelin dadkii codeyn lahaa. “Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban, Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Hadalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid sii xoojinaya rabitaanka VILLA SOMALIA oo iyadu hore u sheegtay inay dalka ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, oo horseedaysa muddo kordhin, halka Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamuladu isku raaceen in dalka ka dhacdo doorasho aan muddo dhaafin. Haddaba, Sidee xiligan ay ku suurto-gali karin Doorasho qof iyo cod ah? Doorashada ‘qof iyo cod’ ee dastuurku dhigayo ayaa ah mid ay codeynayaan dad hore loo diiwaan-geliyay, isla markaana ay cadahay tiradoodu, halka aysan ilaa hadda jirin qorshe arrinkaasi la xiriira oo ay bilaabeen guddiga doorashooyinku. Tirakoob iyo diiwaan-gelin xiligan laga bilaabo dalka ayaa horseed u noqoneysa muddo dhaaf ku yimaada xiliga ay doorashadu qabsoomi laheyd, taasi oo keenaysa muddo dheeri ah oo ay si adag uga digeen saamileyda siyaasadu. Dastuurka dalka ayey si cad uga hor imaneysa inay codeeyan dad aan diiwaan gashaneyn, maadama aan hore looga diyaar garoobin arrinka tarakoobkaasi iyo midka amnigaba, waana sababta la rumeysan yahay in nooc doorasho oo heshiis lagu yahay ay dalka ka qabsoomto. Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan shir uga furmayo magaalada Dhuusamareeb madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kuwaasi oo ka wada-hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.
  16. Tobankii Sano ee lasoo dhaafay Dalka waxaa ka jiray Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya , Qodobada Ku saabsan Doorashada waxba lagama badalin Tobankaas sano. Tobankaas sano [...] The post Gudoomiyaha Baarlamaanka hala waydiiyo Dastuurka ma 3-dii sano u dambaysa la sameeyey mise… appeared first on . Source
  17. Tan iyo markii talaadadii 14-July 2020 markii labaad ay u yeertay maxkamadda gobolka Banaadir tifaftiraha Goobjoog Cabdicasis Gurbiye waxaa kor u qeylinayey mas’uuliyiin, shakhsiyaad u dooda xuquuqda aadanaha iyo weriyeyaal difaacaya xuriyadda hadalka. Wasiirkii Qorsheynta ee Jubbaland ayaa sida caadada ah waxaa uu mar kale difaacay weriye Cabdicasis Gurbiye isaga oo sheegay in kiiska weriyaha uu qarka u saaran yahay mid been ah oo wax lagu sifeeyo la ogeyn. Shacabka waxaa iney ka xor ka ahaadaan in lagu maxkamadeyn eedeymo aan loom eel dayin” ayuu intaa raaciyey. Guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe Maxamuud Culusow ayaa ka hadlay dacwada sharci darrada ah ee lagu heysto weriye Cabdicasis Gurbiye isaga oo sheegay in qodobada loo hesyo weriyaha ay ka soo horjeedaan dastuurka, xeerarka caalamiga iyo kuwa xuquuqul insaanka, waxaa uuna la yaabey hadalka ah looma heysto weriyennimo uuna ka soo horjeedo qodobka 23-aad ee dastuurka ee xuriyadda xirfadaha iyo xataa qodobadka 18aad ee xuriyadda ra’yiga isaga la laabay in laga booday xeerka saxaafadda, ugana duway hey’adaha caburinta iyo xuuryaaminta saxaafadda. Cabdalla Muumin xogheyaha guud ee SJS ayaa bartiisa Twiterka ku qoray in saxafinnimada aaney dambi aheyn isaga oo soo jeediyey in Gurbiye ayaa lagu maxkamadeyn shaqadiisa. Maxamed Ibraahim Macalimu xogheyaha guud ee FESOJ oo isna bartiisa Twetterka uga hadlayey maxkamadeynta ku socota Cabdicasis Gurbiye waxaa uu sheegay inuu rajeynayo inuu cadaalad helo. Maxamed Cabdiwahab oo ah agaasimaha raadiyaha Risaala ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in haddiiba maxkamadda ay xeer ilaalinta weydiineyso xilliga cidda dhibanaha u ah kiiska Gurbiye ay taasi ka dhigan tahay in kiiskaba uu raad laheyn. Abuukar Al-badri ayaa wax lagu qoslo, lana aqbali karin ku sheegay in maxkamadda diido ishor istaagga qareennada Gurbiye ee ka dhanka ahaa Kiiska xilli ii garsooraha leeyahay “Dhibbane laguma sheegen kiiska”. Axmed Haadi ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay in xuriyadda hadalka ay laga maarmaan u tahay umad ilbax ah. Cabdicasis Gurbiyana uu xaq u leeyahay u wato shaqadiisa saxafinnimo. Cabdi casis Barow ayaa maxkamadeynta samigiisa Gurbiye ku sheegay mid ay xukuumadda Soomaaliya ku dooneyso iney ku aamusiso saxafiyiinta, siina adkeyneyo xuriyadda hadalka. Dhinaca kale, weriyeyaal caan ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu la kulmo saxafiyiinta iyada oo qaar kale la maxkamadeynayo Weriye Haaruun Macruuf ayaa waxaa uu arrinkaas ka yiri “Hal dhinac, xukuumadda Soomaaliya waxaa ay la kulmeysaa saxafiyiinta, una sheegeysaa iney taageereyso shaqadooda halka qeybta kale ee magalada lagu maxkamadeynayo saxafi xilliga aan hadleyno”. Weriye CabdicasisBilow ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Tweet ugu sheegay inta uu hoggaanka hayey ay saxaafadda sii xumaatay isaga oo u soo jeediyey inuu la yimaado niyad fiican, uuna laalo eedaha loo heysto Gurbiye iyo Abuuja. Weriye M.M Dhoore ayaa isna wax lala yaabo ku tilmaamay in saxafiyiin ay la kulmaan Farmaajo iyo Kheyre oo ka dambeeya dhaqanka xun ee ka dhanka Gurbiye. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saasban Shaqsiyaadkii Caankaa Ahaa Ee Ka Hadlay Kiiska Gurbiye https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-gur.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominayey kulankii golaha ayaa si adag uga hadlay safarka uu ku xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad ku joogo deegaanada Galmudug. Guddoomiye Mursal ayaa carabka ku adkeeyey in Mahad Cawad uusan guddoonka golaha shacabka ku metelin socdaalka uu ugu baxay Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu shalay raacay wafdigii Ra’iisul wasaaraha. Mursal ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas ay iska arkeen isaga iyo guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, aadna ay ula fajaceen safarkiisa iyo sida uu ku baxay. “Aniga iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad xalay fajacey nagu noqotay in guddoomiye ku xigeenka labaad uu halkaas aado, weliba sawirrada laga soo qaaday markaa fiirisaan, nama qabato anaga in guddoomiyaha baarlamaanka uu xukuumadda daba socdo” ayuu yiri Gudoomiye Mursal. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Kala sareynta hey’adaha dowladda waa la yaqaanaa, madaxweynaha waxaa ku xiga guddoonka golaha shacabka, marka saaxiibkeen danihiisa ayuu aaday.” Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada golaha shacabka kula dardaarmay inay nidaamka ilaaliyaan, “Kuma qasbanid diyaarad kasta in aad raacdo, sababtoo ah waxaad xambaarsantahay karaamadii golaha aad ka tirsantahay” ayuu yiri. “Xubin anaga naga mid ah meel aan munaasab aheyn markey kasoo muuqato il-haano ayey nagu tahay, marka waan ku celineynaa Mahad Cabdalla Cawad nama metelo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Hoos ka Daawo
  19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxda Maamul Goboleedyada aysan go’aan ka gaari karin arrimaha doorashooyinka 2021,isagoo sheegay in ay saxiixeen sharciga Doorashooyinka. Halkan Ka Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiye Mursal Ee Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Xaflad lagu xusaayay sanad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii af ganbi la isku dayay in dowladda turkiga lagu sameeyo uu dhicisoobay ayaa lagu qabtay safaarada Tukiga ee magaalada muqdisho. Waxaa xafladda xuska sanad guuradii afaraad ee af ganbigii fashilmay kaso wareegatay oo soo qaban qaabisay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiiro, masuuliyiinta safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho. Waxaa muddo daqiiqad ah loo aamusay si loogu duceeyo, looguna xuso dadkii ku dhintay af ganbigii dhicisoobay ee habeennimadii 15 kii luulyo 2016 kii ka isku daygiisii ka dhacay qeyba ka mid ah dalka Turkiga kaas oo aan lagu guuleysan kadib markii shacabka Turkiga is hortaag ku sameeyeen. Sido kale waxaa xuska ka hadlay kana waramay sida ay u dheceen habeenkii 15 kii luulyo 2016 ee uu fashilmay af ganbigii la isku dayay in dowladda Turkiga lagu sameeyo safiirka dowladda Turkiga u jooga soomaaliya Ambassador Mehmet yilmaz, isagoo sido kale safiirku ka tacsiyeeyay geeridii ku timid ra iisul wasaarihii hore ee soomaaliya xassan abshir Ra iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in af ganbigii ka dhacay Turkiga ay si weyn ugu fal celisay,isagoo labada dalka ay yihiin Walaalo dhab ah. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Munaasabad lagu xusayay af-gambigii dhicisoobay ee Turkiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The post Daawo Aaskii Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi appeared first on . Source
  22. Goobjoog ayaa waraysi gaar ah la yeelatay Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida Cabdullaahi Sambaloolshe,isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaahi meeshii uu ku dhago uusan ka fuqin. Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinacyo Badan Uu Sambaloolshe Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Cape-Town (Caasimada Online) – Xiisadii ka dhalatay webiga Nile-ka ayaa markale ka dartay, kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday wada-hadallo lagu rabay in heshiis lagaga gaaro qul-qulka biyaha webiga ee biyo xireenka ay ka dhistay dowladda Itoobiya. Dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya ayaa gebi ahaan ku guul-dareystay inay heshiis kama dambeys ah ka gaaran xiisadaasi, xili ay muddooynkii dambe ay socdeen wada-hadalo uu marti-gelinayey ururka Midowga Afrika. Wada-hadalladaasi oo lagu rabay in lagu soo af-meero xiisada dabada dheeratay ee Nile-ka ayaa wax natiijo ka ah dhalin, iyada oo uu Midowga Afrika uu laba toddobaad ka hor billaabay dadaallada dhex-dhexaadinta. Masar ayaa walaac xoogan ka qabta biyo xireenka Itoobiya oo iyadu rabta inay awood koronto uga faa’iideysato, halka dowladda Al-Sisi ee Masar ay ka war-warsan tahay saameynta biyaheed oo ay ku tiirsan-yihiin dadkeed oo lagu qiyaaso 100-milyan. Itoobiya iyo Masar ayaa soo kala saaray hadalo muujinaya heerka fashil ee dhex-dhexaadintaasi, iyada oo dowlda Itoobiya ay sheegtay in dalabaad tiro badan ay soo jeediyeen Masar iyo Suudaan oo xiisada Nile-ku kala dhaxeyso. Dalabaadkaasi ayey Itoobiya ku sheegtay kuwo hortaagan oo fashil u horseedaya wada-hadallada saddex geesoodka ah, sida lagu yiri qoral kasoo baxay Wasaarada biyaha iyo tamarta Itoobiya. Masar ayaa iyadu laftigeedu qabta in warbixinada ku aadan wada-hadalladaasi loo gudbiyo madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo ah dhex-dhexaadiyaha wada-hadalladaasi, isla markaana ah hogaamiyaha Midowga Afrika. Xiisada Nile-ka ee saddex geesoodka ah ayaa u muuqata mid si xoogan uga dhex aloosan dowladdaha Masar iyo Itoobiya, oo iyagu dhowr jeer iskugu hanjabay dagaal.
  24. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in fajac ku noqotay in guddoomiye ku xiegenka 2aad ee Baarlamaan Mahad Cabdalla Cawad Uu Xukuumadda Daba Socdo hadalkan ayaa ku soo aadaya,xili xildhibaan Mahad Cawad uu qeyb ka ahaa safarkii Raysal wasaare xasan Cali Khayre uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb gelinkii danbe ee 14-July 2020. Halkan Ka Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiye Mursal Ee Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com