Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka ka socda Jabuuti. Cabdirashiid Yuusuf ayaa sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda shirkaasi, maadaama aan laga qeyb-gelin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu la shiro koox uu ku sheegay inay yihiin gooni u goosad. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa intaasi ku daray in shirkaasi laga leeyahay dano siyaasadeed, islamarkaana aan laga sameyn wadatashi guud. Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan go’aamada la gaaro aysan aqabali doonaan bulshada ku dhaqan Sool, Sanaag iyo Cayn ee waqooyiga Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo horey madaxweyne Siciid Cabdullaah Maxamed (Deni) oo si adag uga hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kana horyimid sida loo qorsheeyey shirka ballaaran ee haatan ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti.
  2. Ugu yaraan 20 askari iyo in ka badan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weeraro ka dhacay gobolka Borno, ee waqooyi bari dalka Nigeria. Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in koox mintid ah oo ku qalabaysnaa hub culus ay yimaadeen Monguno, oo saldhig u ah hay’adaha Qramada Midoobay ee gargaarka islamarkana ay jiireen oo ay ka awood badiyeen ciidamada dowladda ee goobta ku sugnaa. Weeraradan oo ka kala dhacay Monguno iyo Nganzai, ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii koox mintid ah ay 81 qof ku dileeen weerar ay ku qaadeen magaalada Gubio. Dhammaan sadexda weerar ayaa waxaa masuuliyadooda dusha u ritay koox isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika. Magaalada Monguno goobjoogayal ayaa waxay sheegeen in dagaalayahanada ay gubeen goob saldhig u ah hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka islamarkana ay gubeen saldhig booliis. Magaalada Nganzai waxay dagaalyahanada ay ku yimaadeen mootooyiin iyo gawaari waxayna halkaasi ku dileen in ka badan 40 qof. Wararka ayaa sheegaya in boqolaal qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weeraradani islamarkana waxaa isbatalada ka tira batay dhaawacyada taasi qasab ka dhigtay in dibadda isbataalka la dhigo. Mintidiintan ayaa warqado ku qornaa luuqada Hausa,u qeybiyay shacabka, iyaga oo uga digayay in ay la shaqeeyaan militariga amaba hay’adaha gargaarka ee caalamiga. Weeradan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay saraakisha Qaramada Midoobey ee aagaasi ku sugan. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dagaalkani u dhaxeeyay militariga iyo dagaalyahanada mintidka ah ee weerarka so qaaday uu socday muddo labo saac ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin natiijada ka oo soo baxda shirka Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda dalka Jabuuti. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay sida uu hadalka u dhigay in Madaxwayne Farmaajo uu la shiro koox gooni u goosad ah . Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland intaas warkiisa ku daray in Beesha Caalamka ay uga fadhigayaan in aysan aqoonsan natiijada kasta oo shirka ka soo baxa. ‘’ Waa mid dano gaar ah ay ka leedahay Dowladda Federaalka’’ ayuu sheegay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada maamulkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talaabo hore loo qaaday ay ahayd , aqoonsigii Dowladda Federaalka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Waxa lagu sheegay qoraalka in tani ay dhabaha u xaari karto dib u heshiisiin iyo in la gaaro yoolkii ahaa in ay madal isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. ‘’Waxa bogaadinaynaa aqoonsiga Dowladda ee Madaxwayne Axmed Madoobe iyo shirka iyo shirka madaxda maamul goboleedyada ‘’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo soo baxay safaarada Mareyanka ee Soomaaliya. Shalay war ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay U aqoonsatahay Axmed madaxweyne KMG ah isla markaana dib u heshiisiin u sameeyo dhinacyadii ku kala irdhoobay doorashadii uu ku soo baxay Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Horyaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid hoos dhac dhinaca daawashada kamana qeyb galaan taageerayaasha kooxaha kubbadda cagta,inkastoo ay jiraan kuwa yar oo taga garoomada Eng.Yariisow ee degmada Cabdicasiis iyo garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Hada Fanqeeyaasha ciyaaraha ayaa sababo badan ku fasiray arintaa,iyagoo sheegay in mas’uuliyada darada daawasho la’aanta horyaalka ay qeyb ka yihiin madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. “2014 horyaaalka dalka si weyn ayaa loo daawan jiray,balse wixii ka danbeeyay waxaa ku yimid hoos u dhac weyn mana jiraan waxa keenay arinkan maadama loo baahnaa in Xiririka ay ka shaqeyaan horomarinta iyo kur u qaadida daawashada horyaaalka oo ah kan ugu kubbadda cagta Soomaaliya”ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Xasan Suleymaan Baliil oo ah qoraa iyo Barnaamija soo saari ee idaacada ciyaaraha Gool FM Tartanka sanadaha ee kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo ciyaaraha maamul Goboleeedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ah kuwu aad loo daawado si weyn ay taageerayaasha ugu qeyb galaan marka ay dhacayaan,balse su’aasha is waydiinta mudan waxa ay tahay ma agaasinka taryamadaas ayaa ka wanaagsan kan xiriirka kubbadda cagta mise daawasho la’aanta horyaalka Soomaaliya waa loogu talagalay “Madaxda Xiriirka waan in ay la yimaadaan qorshe horomarineyd waxa ka badalna ay ku sameeyaan heerka daawasho la’aanta horyaalka,balse ani ahaan waxaan soo jeedin lahaa in kooxaha ka dhisan degmooyinka Muqdisho la hoo geeyo maamulada Gobolka Baandir,si ay u helaan dhaqaale iyo taageero horomarinta ciyaartooyda iyo kooxahaba” ayuu Goobjoog ugu waramay falanqeeye Maxamed Cabdullahi Axmed Digarey oo ah madaxda Barnaamiyada Idaacada isboortiga Gool FM Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Daawasho La’aanta Horyaalka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa bedalay mowqifkiisii hore, isaga oo sidoo kale hal arrin ku taageeray dowladda Soomaaliya. Iftin Baasto ayaa sababta uu ku bedalay mowqifkiisa ku sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo uu xaliyey tabashadii uu qabay oo aheyd inuu xal siyaasadeed la gaaro dowlad goboleedyada uu khilaafka kala dhexeeyo dowladdiisa. “In wixii gocashadeena aheyd uu xaliyo ayuu go’aansaday oo ah dowlad goboleedyada uu khilaafka kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya uu la heshiiyo, kadib in buuqii aan ku sameynay maalin hore.” ayuu yiri Senator Ifin Xasan Baasto. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Markii hore waxaan qabay fikir ah miro geed saaran miro gunta ku jira looma daadiyo” Dhinaca kale Sanator-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo dhoweeyey shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti. Waxa kale oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan horay loo qaaday, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahnaa in mar hore la sii amba-qaado wada-hadalladaasi. Senator Iftin Xasan Baasto oo deegaan doorashadiisa ay tahay Jubbaland ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii dhowaan ku buuqay madaxweynaha Soomaaliya, kadib furitaankii kalfdhiga todobaad, labada aqal ee baarlamaanka federaaalka ah ee Soomaaliya.
  7. Waxaa warar kale duwan ay ka soo baxay shil khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari. Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ahaa Iskaroge siday dhagaxda guryaha lagu dhiso, halka mid kale gawaarida yar yar ee lagu adeegto. Shilka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Koontaroolka laga soo galo magaalada Dhuusamreeb, goobtaas oo lagu magacaabo Qurac Shiime. Waxaa jira khasaare ka dhashay shilka gawaarida waxaa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay labo ruux oo ahaa Aabe iyo gabadhiisa, kuwaas uu dhaawac culus ka soo gaaray shilka, waxaana ladhigay isbitaalka guud ee magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa Isniinta Maanta ah oo ku beegan 15 June 2020 ka furmay Xarunta Golaha Caasimadda Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad dhinacyo kala duwan leh ka jeediyay Kalfadhiga ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la laalo Sharciga Doorashooyinka heer Federaal ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isuygu’ yimaadaan Shir looga arrinsanayo Hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimada ee Soomaaliya. Mudane Deni wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka oo uu xusay in aan lagala tashan Puntland. Sidoo kale wuxuu ka hadlay Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland isagoo sheegay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku baaqday in la laalo Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. NAIROBI (HOL) - Talks between Somalia and Somaliland Sunday faltered as both sides differed on the course of the dialogue with President Muse Bihi pushing for a two-state solution in the dispute between Mogadishu and Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheynaa oo xalay ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab. War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu sheegay in weerar gaadma ahaa ay ku dileen hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan nabad sugida, islamarkaana ay dhaawaceen mid kale, sida ay hadalka u dhigeen. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggiii fuliyey toogashadaasi oo baxsaday ay horey usii kaxeysteen mooto ay wateen askarta la weeraray. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, marka laga tago sheegashada Al-Shabaab. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah iyo dilal ka fuliya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, inkastoo maalmihii dambe amniga caasimada uu ahaa mid degan.
  11. “Lacago Ka Badan $146,160 Doollar Oo Ay Farsamo Casri Ah Hab Musuq-maasuq Ugu Qateen”! (SLT-Berbera) Xoggo soo baxayaa ayaa sheegaya inay Hay’adda GAVO iyo maamulka degmada Go’da weyn oo is kaashanaya ay Lacago kumaan kun oo doollar ah ay bil kasta ka dhex musuq-maasuqaan Mashruuca labada sano socda ee ay Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP-du ay bixiso qarashkiisa,kaas oo ah mid-raashin lagu siiyo dadkii ku caydhoobay abaarihii ee soo barakacay iyo dadka kale ee ay hayntoodu liidato, kuwaas oo ku xaraysan kaamam ku yaal halkaas iyo guddaha tuullooyinka degmadaas,iyadoo ay Hay’adda maxaliga ah ee GAVO ay kasoo qaadatay Hay’adda WFP keliya siddii ay dadka ugu qaybin lahayd raashinkaas oo ay qoyskasta u gaadhsiin lahayd wixii ay u qoondaysay Hay’adda cunadda adduunka ee WFP. Xoggaha ayaa waxa kaloo ay xuseen in dadka deegaankaas ee ay Hay’adda WFP ku quudisaa halkaasi ay tiradoodu dhan tahay 580 qoys, kuwaas oo 190 qoys ay ku xaraysan yihiin Kaamka Barakacayaasha Ugaas Madow,halka 140 qoysna ay degan yihiin tuulladda Go’da Yar iyo nawaaxigeeda iyo weliba 40 qoys oo tuullada isku dar ah, halka 210 qoysna ay degan yihiin guddaha degmada Go’da weyn iyo hareeraheeda,iyadoo qoys kasta ay Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ugu talogashay inuu hello raashin dhammaystiran bil walba,haseyeeshee Hay’adda Qandraaska ku qaadatay qaybintiisa ee GAVO iyo masuuliiyiinta degmada Go’da weyn ayaa ku kaca falal arxan darran oo ay ku musuq-maasuqayaan raashinkaa loogu tabarucay dadka kusoo barakacay abaariihii, kuwaas qoyskasta kale hadha qayb kamid ah raashinkii loogu talogay oo ay Lacag ahaan ugu qataan Bakhaarka Al-Baraka Store2 ee Berbera oo ay heshiis hoose la geleen,Waxaana xusid mudan in Bakhaarkaas ay isaga si toos ah ugu shubto bil walba Hay’adda WFP lacagta raashinkan 580 qoys, taas oo dhan saddex iyo afartan kun iyo shan boqol oo doollar (580x$75)=$43,500,waxaana qoys kasta loo qoondeeyey in raashin loo siiyo shan iyo toddobaatan doollar $75, balse ma helo qoyskastaa raashin u dhigma lacagtaa. Dhanka kalena Sidda ka muuqada nuqulo rasiidho ah oo ay dadka deegaanku la wadaageen warbaahinta,ayaa waxay muujinayaan inay Hay’adda WFP ay qoyskasta ugu talo gashay inuu hello raashinkan, Daqiiq 25Kg,Bariis37.5Kg,Sonkor 25-Kg,Baasto 10Kg,Timir, 3Kg, Saliid 3Kg,balse Hay’adda GAVO ayaan gaadhsiin dadkaas raashinkaa uu kor ku xusan yahay caddadkiisu, sidda ay sheegeen dadka deegaanku,waxaanay si aan loo fahmin xeeladooda ay GAVO iyo masuuliyiintaa degaankaas Go’da weyn ay dib uga ururiyaan dadka rasiidhada ay raashinka ku qateen,iyadoo uu qoyskasta ka maqan yahay rashin qiimihuusu yahay $10.5,taas oo noqonaysa bil kasta marka la isku dhufto 580qoysX$10.5 = $6,090 lix kun iyo sagaashan oo dollar,halka ay lacagaha ay habkaa musuq-maasuqa ah u qateen muddo laba sano ah ay noqonayaan lacago dhan $146,160 boqol iyo lix iyo afartan kun oo dollar & boqol iyo lixdan dollar,waxaana xusid muddan in ilaa hadda oo uu mashruucii socda, isla markaana Hay’adda GAVO ee qaadatay qaybtintiisa iyo masuuliyiinta Dowlada ee degmadaas oo isbahaystay ay sii wadataan hawshooda musuq-maasuq. Geesta kalena hooyooyin ku dhaqan deegaankaas oo ka gaabsaday in Magac-yadooda la sheego ayaa sheegay in maamulka degmada Go’da weyn iyo shaqaalaha Hay’adda GAVO oo ay kale haddleen arrinkaas ay kale kulmeen hanjabaad,iyadoo sidoo kalena dhalinyaro ka haddashay arrintaas lagu xidhay degmadaas ,waxaanay intaas ku dareen in 580qoys in qoyskasta in laga qaado lacag kale, taas oo dhan laba doollar ah oo lagu sheego sooryeynta Shaqaalaha GAVO,iyadoo qofkii bixin waayana aan la siinayn raashin, waxaanay ugu baaqeen Hay’adda WFP-da inay arrintaas ay wax ka qabato, isla markaana ay arragto sidda ay wax u socdaan, sidoo kalena waxay ugu baqeen Xukuumadda Somaliland gaar ahaana maamulka Gobolka saaxil inay arrintaas ay si deg deg ah wax uga qabtaan oo ay sharciga la tiigsadaan qof kasta oo falkaasi foosha xun ka qayb-qaatay. Source
  12. Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garowe ee caasimaadda dowlad goboleedka Puntland uu ka furmo kalfadhigii 46-aad ee golaha Wakiillada maamulkaasi. Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku- xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona xafladda furitaanka golaha. Madaxweyne Deni ayaa laga sugaya in uu soo bandhigo waxqabadka xukuumaddiisa ee Mudadii uu xilka haayey, waxaa sidoo kale uu ka hadli doonaa arrimaha siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan dalka. Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u laheyn, taasi oo muhiim u ah hannaanka xisbiyada badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka ayaa si rasmiya u shaaciyay in Puntland aysan aqoonsan doonin Natiija kasta oo ka soo baxda wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Wada-hadal kasta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somaliland oo aan door laga siin Puntland aysan aqoonsan doonin Natiijada ka soo baxda maadaama ay Xuduud la wadaagto Somaliland islamarkaana ay Degaanno ka haysato. Wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaan weli si cad loo Shaacin Ajandaha looga hadlayo marka laga reebo War-murtiyeed hordhac ah oo ka soo baxay Shirka kaas oo ay ugu muhiimsantahay in uu sii socdo Wad-hadalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaadacday Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  14. Somaliland: The Djibouti Summit Confirms Reality In The Horn Of Africa The consultation summit which took place in Djibouti and attended by the leaders of Somaliland, Ethiopia, Djibouti, and Somalia, as well as, representatives from the African Union, the United States of America, the European Union, the United Nations and other stakeholders, has confirmed the reality on the ground in the Horn of Africa; namely, The people of Somaliland have the right to self-determination. That Somaliland and Somalia are de facto, two separate countries. The question remains as to how to proceed in a peaceful manner and foster cordial future relationship between the two countries. The speech made at the summit by the President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, is precise, unambiguous and clearly detailed the historical background of Somaliland and the future ambitions of it’s citizens. The ball is now the court of the international community to assure that future talks are held in a free and frank manner, and any agreements reached are binding and implemented. For three decades Somaliland has maintained it’s reclaimed sovereignty. It has made substantial strides in peace and reconciliation. It is a democracy. It is an inclusive society. It has no territorial claims on any of it’s neighbours. It has worked with the international community and neighbouring countries to combat terrorism, piracy, and other social ills. However, Somaliland has no intention of regurgitating the defunct union, not in a federal system or in any other guise. It is time to move forward. It is time to accept the reality on the ground. It is time to heed the wise conclusion of the AU mission report on Somaliland from 2005. “The Somaliland case is unique and self- justified in African political history” that “the case should not be linked to the notion of pandora’s box. It recommended that the AU “should find a special method of dealing with this outstanding case” at the earliest possible date.” Ali Mohamed Abokor Qaran News
  15. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa ka haddlay wadda haddaladii Somaliland iyo Somaaliya ee ka furmay dalka Jabuuti, isla markaana ku soo dhammaaday natiijo la’aanta ee lagu kale kacay, waxaanu sheegay in aan Madaxweyne Farmaajo daacad ka ahayn wadda haddaladaas, balse uu ujeedkiisu ahaa kaanbayn iyo ollole uu ku doonayo inuu doorashada kaabiga u soo saaran uu ku galo. Siyaasi Jaamac Shabeel oo war-baahinta kula haddlayey Magaalada Hargeysa ,ayaa sheegay in aanay Farmaajo iyo kooxdiisu daacad ka ahayn wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya, waxaanu haddalkiisu u dhignaa siddan “ Farmaajo markii uu meesha yimi wixii uu heshiis sheikh shariif galayna wuu tuuray,wixii uu Xasan Sheekh galayna wuu tuuray ee uu Somaliland la galay,wax isagu uu gelayaana ma jirto oo heshiis ahi oo u Somaliland la gelayaa,Somaliland xaqiiqo ayey ku nooshay cid-na uma baahna.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel Dhanka kalene Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa sheegay in ujeedada keliya ee uu ka lahaa Farmaajo bilowga wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya ay ahayd mid la xidhiidha ollolihiisa doorshada iyo inuu shacbiga Muqdisho uu u tuso inay Somaliland ka tanaasushay gooni isu taageedii “Farmaajane wuxuu u socdaa inuu been ka iibiyo Somaaliya oo uu yidhaah-do Somaliland ayaa tanaasushay oo uu keenbaynka ku galo.”Ayuu yidhi. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shirkii wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ka furmay dalka Jabuuti, waxa uu si geesinimo iyo hal-adayg ka muuqdo uu ku soo bandhigay Burhaantiisa Hoggaamineed, waxaanu Dawladda Soomaaliya iyo Ergadii ka socotay Beesha Caalamka si adag ugu qadimay garnaqsiga iyo xaqa Somaliland ay leedahay madax-bannaanideeda lama taabtaanka ah. Madaxweyne Muuse Biixi oo la fuliyey baaqiisii ahaa in fagaaraha ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadlayaan ay goob-joog ka noqdaan xeerbeegti damaanad ka noqda garnaqsiga iyo wadaxaajoodyada labada dhinac, waxana shirkan oo uu martigeliyey Madaxweynaha Jabtuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo kaashanayey Dawladda Maraykanka, si weyn uga soo qaybgalay shirkan Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, Wakiillo ka socday Guddoomiyaha Midowga Afrika, Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebyehu, Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Jabuuti Joseph Silva. Waxa kaloo kulankan goob joog ka ahaa Wakiillo ka socday Qarammada Midoobay. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland u faahfaahiyey qaab fajac geliyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo weftigii uu hoggaaminayey, sidoo kalena waxa khudbadii Madaxweynaha JSL ay dalalkii iyo madaxdii Ururrada caalamiga ahaa u iftiimisay sida masiirka Somaliland aanu u aheyn mid safaad geli kara. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu khudbadiisa oo shan bog ka koobnayd uu si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay qarannimadeeda xiligii gumaystaha, xornimadii ay ka qaadatay Ingiriiska 26kii Bishii June 1960kii iyo midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya iyo halgankii hubeysnaa ee dib loogu xoreeyey JSL. Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka taariikheeyey sida sharci ahaan qaddiyadda Somaliland u tahay mid waafaqsan xudduudihii uu gumaystuhu ka tagay oo ay qireen wefti ka socday Midowga Afrika oo booqasho ku yimid Somaliland sannadkii 2005tii. Wuxuu intaas ku daray in aanay aheyn gobol ka go’ya dal, hase ahaatee ay tahay Somaliland qaran ka noqday midowgii uu la galay Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoosta ka xariiqay in midowgii ay Somaliland la gashay Soomaaliya ay ka dhaxashay xasuuq baahsan oo Taliskii Siyaad Barre u geystay dadka rayidka ah ee Somaliland, waxaanu tilmaamay kooxda Qarammada midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadanuhu ay diwaangeliyeen 200 oo xabaal wadareed oo qaarkood aan wali la aasin, taasina ay tahay gabood fal Dawladdii Soomaaliya ku sameysay ummadda reer Somaliland. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay in nabad waarta oo mustaqbalka la gaadho lagu heli karo wadahadallo daacad laga yahay oo ay yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya iyo xeer-beegti caalamiya oo damaanad qaada dhexdhexaadinta labada dal. Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kaloo uu ku dooday in wadahadalladu noqdaan qaar loo wada hadlo laba dal, islamarkaana ajande cad lagu falanqeeyo waxyaabaha la isku diidan yahay, Waxaanu Su’aal geliyey Sida loo sii wadi karo wada-hadallada Maadaama aanay Somalia fulin heshiisyadii lagu kala saxeexday London,Istanbul, Iyo Jabuuti ,Waxa kaloo madaxweynaha JSL sheegay in jiilka xilligan ee Soomaaliya aanay masuul ka aheyn waxyaabihii jiilkii ka horreeyey sameeyeen, iyadoo raaligelin laga bixiyo gaboodfaladii Soomaaliya geysatay ay qalbi-dhay iyo niyadsami u noqonayso ummadda reer Somaliland. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in raaligelin kaliyi aanay ku filnayn dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee Soomaaliya u geysatay Somaliland. Waxa kaloo Madaxweyne Muuse Biixi uu caddeeyey in aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland ay tahay waxa kaliya ee daweyn kara boogihii hore, si ay labada dal u noqdaan laba waddan oo walaalo ah oo isku xidhan, isla markaana mustaqbalka is taageersada. Ugu dambeyn, wuxuu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu sheegay inuu rajo weyn yahay dalalka jaarka ah ee mandaqadu ay si wadajir ah ummadahooda ugu sameyn karaan mustaqbal wanaagsan. Source
  17. Beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan ayaa gaaray heshiis lagu soo gaban gabeynayo colaad muddo ku soo noqnoqday deegaanno hoos tago gobolka , kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27-aad iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobjoog ka noqdey heshiis beelo ku diriray deegaanno hoostaga Maxaax, labada dhinac ayaa gaaray heshiis oo ay goobjoog ahaayeen dhaqanka dhinacda ay dirirtu dhex martay. Heshiiska ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah kuwaas oo saldhig u noqonaya sidii nabad loogu noolaan lahaadeegaannada lagu dagaalamary, qodobadii labada dhinac ay isku raaceen ayaa u qornaa sida tan: 1- Qofkii qof dila in la dilo 2- Haddii uu fakado danbiile waxaa laxirayaa Aabihiis, Hooyadiis, Adeeryaalkiis iyo walaalihiis waxaana la moora-duugi doonaa xoolahooda iyo xoolihiisa 3- Qofkii u kaalmeeya danbiile wuxuu mudan doonaa :- Xabsi dheer In laga qaado wixii ku baxay hawlgalkaas 4- Waxaa kamamnuuc ah deegaannadaan wax qori ah 5 – Qofkii lagu arko qori waxaa lagu amrayaa in uu dhigo qoriga, haddii uu ku dagaalamo waa lagu dili doonaa isla goobta wax diyo ah lagama bixin doono. 6- Qorigii gacanta ciidanka galaa celis malahan 7- Been iyo borobagaando ama isku dir qofkii lagu helo wuxuu muteesan doonaa:- Xabsi Ganaax 8- Tuug ama dhac wuxuu mutaysan doonaa:- Waxaa laga magayaa xoolihii Xabsi Ganaax dhan xoolihii uu xaday qiimaheeda Sidoo kale odayaasha labada beel ee heshiiskan gaaray ayaa isla go’aamiyay in dhulka u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan uu noqdo mid ka caagan hub aan aheyn kan ciidanka dowlada, hadii lagu arko aagaasi hub waxaa ciidamada amniga lagu go’aamiyay in ay la wareegaan hubkaasi oo cidii ku dagaalantana lagu dilo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Mumbai)-Mid ka mid ah xidigaha sida aadka ah u soo caanbaxay sannadihii ugu dambeeyay ee Bollywoodee dalka Hindiya Sushant Singh Rajput, ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Mumbai. Jilaagani caanka ah oo ay da’diisu ahayd 34 jir ayaa sida ay booliiska sheegeen la rumaysan yahay in uu is-dilay. Filimaanta uu caanka ku ahaa, Rajput waxaa ka mid ah MS Dhoni iyo filimkii la magac-baxay The Untold Story. Waxaa geeridiisa ka tacsiiyeeyay dad badan oo uu ka mid ahaa rai’sul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi. Mr Modi, ayaa ku tilmaamay Rajput “jilaa da’yaraa oo ay geeridiisu soo deg-degtay “. Geerida Rajput ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii uu dhintay maamulihisii. Taariikh Rajput oo kooban Sushant Singh Rajput waxaa uu ku dhashay gobolka bariga dalka Hindiya ku yaalla ee Bihar. Rajput ayaa isaga tagay jaamacada oo uu ka baranayay culuumta Injineernimada islamarkana waxaa uu door biday in uu xirfadiisa u leexiyo dhanka jilliinka. Waxaa uu Bollywood-ka caan ka noqday oo uu ku soo biiray 2013 markaasi uu ka mid noqday jilaayashii filimkii xiisaha badnaa ee Kai Po Che, oo ahaa filim ku guulaystay abaalmarintii aflaanta ee Berlin film festival. Filimkii ugu dambeeyay ee uu dhigay Sushant Singh Rajput ayaa ahaa Chhichhore, kaasi oo la soo saaray sanadkii aanu soo dhaafnay. Agaasimihii filimkaasi Nitesh Tiwari aya sheegay in Sushant Singh Rajput uu la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay. “Waxaan ku hadlo ma aqaan, waxaan la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay,” waxaa uu sidaasi u sheegay wargeyka ka so baxa Hindiya ee Press Trust of India Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu so dhigay Mr Rajput barta uu ku leeyahay Instagram-ka oo ay ku xidhan yihiin 10.2 milyan oo qof ayaa ahaa 3 bishii June,. Rajput ayaa waxaa uu soo dhigay sawirka hooyadii oo dhimatay 2002, markaasi oo uu aad u da’a yaraa, sida laga soo xigtay wargayska PTI. Maamulihiisii Disha Salian, oo 28 jir ahaa, ayaa dhintay ka dib markii uu ka soo dhicay dabaq 14 dabaq ka kooban magaalada Mumbai. Source
  19. Madaxweynaha Dowlada Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu ka hadlayaa Xaalada Soomaaliya , Xiisadihii u dambeyey ee Jabuuti ka dhacay iyo Shirkii ay Dowlada Federaalku [...] The post Mdaxweynaha Puntland oo maanta shir jaraa’id iga hadlaya Arimo dhowra, Shirkii Jabuuti ku burburay iyo… appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka Jabuuti ka socda shirka wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo ay u kulmeen wufuudda labada dhinac si guud iyo si gooni gooni ah, waxaana shirkaas laga soo saaray qodobo horudhac ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac, inkasta oo weli uu socda shirku, maxay tahay waxyaabaha shirkan uu uga duwan yahay kuwii hore? Shirkan waxaa ka qeybgalaya wufuud culus oo ka kala socota labada dhinac, waxaana u kala dab qaadayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ,iyadoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed lagu casuumay, waxaa sidoo kale goob joog ka ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Dhinaca hadal heynta, waxay u muuqataa in dadka soomaalida ah ay si gaar ah u daneynayaan marka aad eegto sida loogu hadal hayo baraha bulshada iyo warbaahinta iyadu dadkuna ay u dhag taagayaan waxa kasoo bixi kara. Profesoor Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay in shirkan laga filan karo rajo weyn marka la eego sida ay wadahadalladu ku bilaabmeen. “Guddi culus ayaa meesha yimid madaxdii ugu sarreysay Soomaaliya iyo madaxweynihii Somaliland..wasiiro ka joogaa dad badan baa joogaa, waxay arrinatani kaga duwan tahay kuwii hore Mareykankii baa joogaa oo laftiisa dabada ka riixeeya, Ra’iisul wasaarihii Itoobiya oo awal aanan lagu tirin jirin in madaxda Itoobiya ay taageerto isku imaansho iyo wax noocaas ah, waxaan u jeedaa Midowgii Afrika, Midowgii Yurub, Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa..Runtii rajo weyn ayay arrintaas keeneysaa marka la eego jawigu ay wax ku bilaabmayaan oo waxay u egtahay in meel loo socdo” Waxaa uu sidoo kale sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay in Somaliland ay dooneyso in la ictiraafo halka Soomaaliyana aysan ogoleyn wax kala go’ ah. “Dabcan maskaxdaa ah in icitiraaf ay u socota Somaliland oo aanay wax kale u socon.. Soomaaliyana madaxweynaha dastuurka lagu doortay wuxuu oronayaa waa in aad marnaba ogolaanin wax kala go’ Soomaaliya la yiraahdo” Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo qayb ka ah wafdiga Somaliland ka socda ee shirka ka qeybgalaya ayaa isna sheegay in qaabka loo ambaqaaday wadahadallan ay ka duwan yihiin shirarkii hore ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland. “Shirkan wuxuu kaga duwan yahay, wuxuu leeyahay marqaatiyeyaal, dad miisaan leh oo odeyaal ah oo madaxweyneyaal ah isla deegaanka ay ku yaallin labada dal ayay ka socdaan,..kii hore labada wafddi ee labada dal ka socda unbaa meel la geyn jiray oo la oran jiray idinku wadahadla laakin waa la dhex joogaa waana goob joog baa loo yahay waxa lagu wada hadlayo” Waxyaabaha xiisaha gaarka ah u yeelaya Profesoor Xuseen Warsame waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in waxyabaaha xiisaha u yeelaya shirkan in ay kamid yihiin in la isku furo dhaqaalaha gobolka iyo isbaddalka siyaasadda geeska afrika. “In dhaqaale ahaan ay isku furmaan oo ninka Abiy Axmed ah kuwa qaatay Nobel Peace Prize arrintaa dabada waa ka riixayaa Mareykankii ayaa u yar jeedaa, oo Soomaaliya maalgelin badab baa la sameyn karaa hadda, dekeda la dhisayaa, patrool baa la helay.. umuurahaa adduunkii uu usoo yar jeeda iyo geeska afrika siyaasaddiisu oo isbaddashay baa keeneysaa xamaasaddan faraha badan iyo rajadan faraha badan, rajaana jirta” Maxaa dhici karaa xitaa haddii haatan aanan laga heshiin arrinta ugu weyn ay labada dhinac isku hayaan? “Oo xataa haaddaan hadda lagu heshiin ma kala go’naa iyo ma isku jirnaa colaadda la yareynayo waxay keeni doontaa in horumarkii dhaqaalahu uu xowli galo labada dhinacba” ayuu yiri Profesoor Xuseen Warsame. War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada. Xigasho: BBC.
  21. Amsterdam (Caasimada Online) – Maxamed Cusmaan [Guurre] waa guddoomiye ku-xigeenka dallada FSAN, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan 62 ururo Soomaali ah oo ka diiwaangashan dalkan Nederlands. Ka sokow, dallada FSAN Maxamed Cusmaan wuxuu safka hore kaga jiraa shaqsiyaadka u ololeeya adkaynta dowladnimada Soomaaliya, waxaanna wareysi lala yeeshay oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, u dhacay siddatan:- SU’AAL: Goorma ayaa la aasaasay dalladda FSAN, imisa urur ayaa ku middeysan, maxay se tahay hadafka iyo baahida loo aasaasay.? GUURRE: Qaran-jabkii innagu dhacay 90-meeyadii, wuxuu sababay in dad badan ay dalkii ka soo qaxaan, waxaa dalkan u soo qaxay, magangalyo-na waydiisyay Soomaali tiro badan, waxaa soo baxday baahi 2 geesood ah, taas oo aheyd, dowladda Holland meel ay kala xiriirto dadkan dalkeeda yimid iyo Soomaalidii xilligaa joogtay oo qudhooda dareemay baahida ay u qabaan iyaga oo aan iskala qoqobin oo wata magac Soomaaliyeed in ay helaan xiriirka dowladda NL. Markii ay Soomaalidii isu timid, waxay isla qaateen in iyaga oo middeysan ay dallad samaystaan, sidaas ayaanna lagu aasaasay FSAN 1994-tii. SU’AAL: Doorashadda xilalka sarsare ee dalladda siddeey u qabsoontaa.? GUURRE: Dalladda FSAN waxaa ku middeysan 65 ururo Soomaali ah, saddexdii sanno mar shiraan, waxaanna la doortaa hogaan. Urur kasta cod buu leeyahay, waxaa la magacaabaa guddi doorasho, dad baa isi soo sharaxa, waxaana qaata qofkuu ILLAAH calaf ugu daro. SU’AAL: FSAN kaalin sidee ah ayeey kaga jirraa horumarka dhaqan dhaqaale ee mushtamaca Soomaalida.? GUURRE: FSAN door aysan ciddina buuxin karin ayeey kaga jirtaa kaalinta dhaqan dhaqaale ee Soomaalida, waxay sameysaa wacyigelin dhanka shaqada ah, dhalinyarada waxaan ku dhiiragelinaa in ay waxbarashadda iyo shaqadda isku wadaan, qofkii hami ganacsi uu ku jiro waxaan siinaa tallooyin iyo tilmaamo muhiim ah, markii aan waddanka nimid Soomaalidu waxay u badnayd kuwa lacagta cayrta ah qaata, waxaan ku dedaalnay intii karaankeena ah inaan dadka wacyigelino, oo hadda waxaa soo badanaya oo aad arkeysaa qoys dhan oo wada shaqeynaya, aabihii, hooyadii iyo caruurtii, gabdhaha iyo hooyooyinka qudhooda waxaan ku dhiiragelinaa intaad guriga fadhin laheyd waqtigaaga ka faa’idayso wax un kororsada. SU’AAL: Warbixinno sannadihii ugu dambeeyey ka soo baxay hay’ado cilmi baaris ku sameeya sida ay dadyowga ajnabiga ahi ugu faaídeysteen fursadaha dhanka waxbarashada, shaqada iyo horumarka nololeed ee bini’aadamku sameeyo Soomaalida waxay ku jirtaa halka ugu hoseeysa, maxaa u sabab ah ayeey kula tahay dib u dhaca intaas la’eg.? GUURRE: Arrintaas mas’uuliyadeeda FSAN wax bay ku leedahay, waana in ay FSAN qaadataa, sababta ay u qaadeyso waxay tahay; FSAN wax badan bay ku guuleysatay in ay dadka baahidooda wax ka qabato, waxaa jiro hay’ado wax baara, oo adigii xog-ogaalka u ahaa dadkaaga inta ku garab mara wax iska qooshanaya, hadhowna ku leh waxaan samaynay baaritaan cilmi ku dhisan, waa nin kombiyuutar meel la fadhiya oo wuxuu doona qoraya, 3 sanno ka hor ayaan go’aansanay FSAN in ay ka guurto urur caadi ah ayna noqoto hay’ad cilmi baaris oo taqasus ku yeelato, in dhibaatooyinka Soomaalida haysata ay si cilmiyeysan u baarto, waxaan ku guuleysanay in ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacaha dhigta in ay meel isugu keento, sidoo kale ganacsatada in ay meel isugu yimaadaan, dhaqaatiirta Soomaalida ah sidoo kale, qayb waliba marka laga hadlayo in xafiiskooda la waraysto. SU’AAL: Marka laga hadlayo waxqabad, muxuu noqon karaa [Legacy] lagu xasuusan karo FSAN.? GUURRE: FSAN waxaa lagu xasuusan karaa inay tahay hay’ad Soomaalida oo dhan metesha, methaal aan ku siiyo, nin madax ah ayaa inoo imaanaya reerkiisa u tegi maayo wuxuu soo marayaa FSAN, kaddib FSAN waxay abaabuleysaa shir ay isugu yeerayso Soomaalida, teeda kale, dowladda Nederlands haddeey tahay iyo haddeey tahay hay’adaha caalamiga ah cid kasta ba FSAN waxay u taagan tahay in ay ka jawaabto wixii dalkeena quseeya. SU’AAL: Dhaliilaha la idiin jeediyo waxaa ka mid ah; in waxqabadkiinu ka hooseeyo halkii la idinka filayey, marka loo eego dhowr iyo 20-kii sanno ee dalladu ay jirtay iyo idinkoo aydnaan wax badan kala socon dhibaatooyinka bulshadiina haysta, waxqabadkiinu na uu noqday inta dadka aad qaaraan ka uruurisaan aad shirar un qabataan, ee aydnaan si hoose dadkiina ula socon.? GUURRE: Wixii dhaliil ah ee na qabta iska leexin mayno, eedaha na loo soo jeediyey waxaan qaadanaynaa wixii qalad ah ee innaga dhaca, far keligeed fool ma dhaqdo, shalay meeshii aan joognay maanta meel ka fiican ayaan joognaa, FSAN maanta waxay maamuleysaa in qasnadeeda ay ku jirto mashaariic nus milyan gaareysa. SU’AAL: Lacagaha mashaariicda ah ee la idin siiyo maxaad ku qabataan.? GUURRE: Waxaa ku qabanaa mashruuca dalkan ugu wayn ee gudniinka, sidoo kale mashaariicda aan qabanayo waxaa ka mid ah is-dhexgalka “integratie” FSAN maanta waxay mareysaa boqorada dalkan Holland haddii ay casho dhigeyso magaceena waa ku jiraa, wasaaradaha dalkan wadashaqeyn ayaa la leenahay, haddana dadku waxay u badan yihiin kuwa ku shaqeeya iskaa wax u qabso, mustaqbalka waxaa rajeyneynaa FSAN in ay shaqaale badan yeelato. SU’AAL: Dadka qaar waxay qabaan in FSAN ay tahay dallad hogaankeeda ay isu dhiibaan shaqsiyaad koobban, oo saaxiib ah, isku dan ah, kuwaas oo magaca Soomaalida ku maxaabsada balse ujeeddada ay ka leeyihiin ay tahay in ay danahooda gaarka ah u isticmaalaan matalaada Soomaalida, doodaasi maxaad kaga jawaabaysaa.? GUURRE: Walaal doodaasi waxba kama jiraan waaye, 3dii sanno waxaan qabaa doorasho oo qof kastaba uu xubin ka ah dallada uu xaq u leeyahay inuu tartamo, dabcan haddii wax na laga sheego dhihi mayno siddee wax la inooga sheegay.? Waxaan leenahay hannaan xisaabeed qoran, wax waliba na ay ku cad yihiin, tillaabo kastaba iyadoo aanu mugdi ku jirin ayaa la arki karaa. SU’AAL: Waxaa jirta in ururada doorashada ka qeybgeli kara ay yihiin oo keliya kuwa bixiya qaaraan sannadkeedkaa, ururada in ay iska bixiyaan qaaraanka awoodi karana waa ururo kooban, marka sow lama oran karo tiro yar ayaa codeyneysa.? GUURRE: Haddaad rabtid inaad cod yeelatid waai naad bixisa gunno, taas oo ah mid aad u yar, haddana haddii ururadu lacag soo geli wayso xittaa kuwa cudurdaar bixiya cod ayeey heli karaan, sannad walbana way sii korortaa inta cod yeelaneysa. SU’AAL: Dalkan waxaa ka dhisan hay’ado iyo ururo qayb wayn ka qaata isdhexgalka, wacyigelinta iyo horumarka mushtamaca Soomaalida, waxaa hay’adahaasi ka mid ah, HIRDO oo sannad kasta 2 jeer qabata tartamo isboorti oo ay ka soo qaybgalayaan kumanaan kun Soomaali ah oo ka kala yimaada gudaha dalkan iyo dibediisa, dad badan waxay qabaan in Hirdo ay Soomaalida kaga waxtar badan tahay FSAN, ma jiraa xiriir iyo wada-shaqeyn idin kala dhaxaysa hay’adaas iyo kuwa la midka ah.? GUURRE: Waxaan la dhacsanahay magac iyo sharafta ay leedahay HIRDA, balse, dadka waxaa isaga qaldan FSAN iyo HIRDA, FSAN waxay leedahay wax ay ku socoto, annagu banooni shaqo kuma lihin, HIRDO 25tii sanno tartamo isboorsi qabaneysay. SU’AAL: Laakiin Hirdo waxqabadkeedu tartan keliya kuma koobna, waxay si joogta ah mashaariic iyo tababaro kaga fulisaa Soomaaliya, sidoo kale, halkan Holland waxay ka sameysaa kulamo caalami ah iyo kuwa Soomaalida dhexdeeda ah oo wacyigelin u badan, marka ma la leedihiin iskaashi iyo wada-shaqeyn.? GUURRE: Xiriir fiican ayaa nagala dhexeeya HIRDA, Faadumo [Agaasimaha Hirda] waxay nagala qeybqaadataa shirarka muhiimka ah haddeey tahay kuwa aan la yeelanayno hay’adaha dowladda Nederlands iyo kuwa dalkeena wax loogu qabanayo.
  22. (SLT-Hargeysa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, kadib markii uu shalay ka qeyb galay Shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland. Abiy Axmed ayaa Khubad ka jeediyay Shirka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inta uu socday shirka in laga wada hadlay Arrimo ku aadan labada dhinac iyo kuwo kale oo Ajendayaasha ku jiray. Raysal Wasaare Abiy ayuu u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirkaas ku Casuumay, isla markaana shir guddoomiye ka ahaa shirka, waxaa kaloo Abiy uu u mahadceliyay Madaxweye Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi. Si kastaba Somaliland ayaa shaacisay inuu fashil kusoo dhaaafay shirkii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, isla markaana labada dhinac ku kala kacay, kadib markii Somaliland ay laba shuruud ku xidhay Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo kala ahaa in garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland iyo in lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo. Source
  23. Madaxweynahadowladda federalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada. Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga. “Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sii hadlayo ayaa yiri “Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”ayuu ku soo koobay hadalkiisa. Waxaa waddanka Jibouti weli ka socda shirka wada hadallada Soomalaiya iyo Soomaaliland oo ay garwadeenka ka yihiin dowladaha Mareykanka, Jibouti iyo Itoobiya, iyadoo manta la filaayo in la magaacabo labo guddi farsamo, kuwaas oo halkooda ka siiwado wadahadallada labada dhinac, waxaana xusid mudan in mowqufka laboodu aad u kala fog yahay marka la eego khudbaddii uu shalay jeediyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Xildhibaannnada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku heeshaan xanuta Villa hargeysa ee magaalada Muqdisho. Anjandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay in akhrinta 2-aad ay marsiiyaan Hindise-sharciyeedka Nootooyinka, kaas oo golaha akhrintii 1-aad ay ku soo marsiiyeen kalafadhigii 6-aad. Kalafadhiga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaallo ajandayaal waa weyn, sida sharciga Xisbiya iyo dib -u eegista dastuurka dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa saaka ka baxay dalka Jabuuti oo uu shalay uga qeyb-galay wejiga koowaad ee shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo shalay ka furmay dalkaasi. Abiy iyo wafdigii la socday oo ku sii jeeda Itoobiya ayaa waxaa garoonka Ambouli ku sii sagootiyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda jamhuuriyadda Jabuuti. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa door weyn kulahaa qorsheynya iyo qaban-qaabada shirka ka furmay Jabuuti, kaas oo maanta galaya maalintisii labaad. Sidoo kale wuxuu shalay ka jeediyey furitaanka shirka khudbad xasaasi ah oo uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiim xaaladaha Soomaaliya iyo Somaliland. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa carabka ku dhuftay in meelo badan oo dunida ah ka mid ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waa-weyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle oo shirkaasi marti-geliyey, sidoo kalena guddoomiyey furitaankiisa.