Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa Dhuusamareeb kusoo wajahan Gudoomiyaha Gudiga Doorashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo loogu yeero Xaliima Yareey. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in [...] The post Gudoomiyaha Gudiga Doorashada DF Xaliima Yareey oo Dhuusamareeb looga yeeray appeared first on . Source
  2. Safiirka Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Qin Jian ayaa si kedis ah u baajiyey Safar uu doonayey inuu ku yimaaddo Magaalada Hargeysa. Danjire Qin Jian oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa doonayey inuu Isniintii Toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Caasimadda Hargeysa ee JSL. Warar Xog-ogaal ah oo Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyey in Safiirka Shiinuhu uu saacadihii u dambeeyay ee Isniintii baajiyey Safarkiisa, waxaanu soo raaci lahaa diyaaradda Jabuuti ee isaga gooshta Magaalooyinka Jabuuti, Hargeysa, Muqdisho. War rasmiya lagama hayo in sababta baajisay Safiirku ay la xidhiidho farriin deg-deg ah oo uga timid Dawladdiisa iyo inay la xidhiidho dhinaca Somaliland oo uu dareemay inaan soo dhawayntiisa diyaar loo ahayn. Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa tan iyo markii uu soo baxay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, wuxuu bilaabay qoraallo uu ku baahinayo barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu ku ku durayo xidhiidhka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan Source
  3. Illaahay ha u naxariistee waxaa goor dhaweyd Garowe lagasoo dejiyey Meydka Marxuum Xasan Abshir Farax , Waxaana isla maanta lagu aasayaa Magaalada Garowe. Shalay wakhtigaan [...] The post Garowe, Meydka Marxuum Xasan Abshir Farax oo Garowe soo gaaray (Sawiro) appeared first on . Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax. Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir oo muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta iyo dib u dhiska dalka ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dowlad dhiska, samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, u tanaasulka danta guud iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. Magaalada Garowe waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxweynahayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ma’suuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale. Wafdigan waxaa garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddulaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland, Galmudug, isimo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale. Wafdiga ayaa ka qayb geli doona Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax. PUNTLAND POST The post Kheyre, Laftageen, Waare iyo mas’uuliyiin kale oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.
  6. Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Garowe gaaray si uga qayb galo aadka Qaran ee loo samaynayo Raysal wasaarihii hore Alla ha [...] The post Raysal wasaare Kheyre oo Garowe gaaray appeared first on . Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugida, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi cusub siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021. Sanbaloolshe ayaa marka hore sheegay inay muhiim tahay in doorashada lagu qabto waqtiga heshiiska lagu yahay, si looga baaqsado xasilooni darro xilligaan timaada. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, wuxuuna sheegay in shirkaas lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah oo loo baahnaa. Taliyihii hore ee NISA oo si weyn u macaarada madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoggaanka dowlad goboleedyada dalka kula taliyey inay ku adkeystaan mowqifkooda, si ay dalka uga dhacdo la wada ogol yahay oo xor iyo xalaal ah. Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia aysan daacad ka aheyn dadaallada socda ee doorashada, isaga oo xusay in madaxweyne Farmaajo uu weli ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo uu ku tilmaamay inay riyo maalmeed tahay . “Farmaajo inta aan ka aqaan waa nin aan ka guurin ama ka fuqin meesha uu ku dhago, waxaa dhici karta dib u gurasho inuu sameeyo oo aanu tanaasul dhab ah la imaan, Nimankaan maamul goboleedyada waa in mowqifkooda adkeeyaan oo aysan waqti iska lumin oo meesha dabeel ku dilin wixii ay go’aamiyaan ha difaacdaan.” ayuu yiri Sanbaloolshe. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli muran badan uu ka taagan yahay doorashooyinka 2020/2021, waxaana socda shirarkii ugu dambeeyey ee go’aan looga gaarayo doorashooyinkaasi, waxaa haatan lagu ballansan yahay gudaha magaalada Dhuusamareeb oo ay isugu tagayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.
  8. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka baxay Dhuusamareeb ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Khayre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhoweeyey madaxweyne Siciid Deni iyo ma’uuliyiin kale. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya aaska qaran ee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya halkaasi. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Khayre iyo wafdiga uu horkacyo ayaa ka soo amba-baxay magaalada Dhuusamareeb, waxaana si diiran Garoowe ugu soo dhoweeyey madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb-galaya aas qaran oo halkaasi loogu sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum Xasan Abshir Faarax. Sidoo kale Khayre ayaa inta uu joogo Puntland la kulmi doono madaxda sare ee maamulkaasi, isagoona kadib ku laaban doono magaalada Dhuusamareeb oo uu dhawaan ka furmayo shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada. Waxaa sidoo kale Garoowe ku sugan guddoomiyaha Aqalka Sare, madaxda dowlad goboleedyada iyo xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya oo ka qeyb-galaya aaskaasi. Allaha u naxariistee marxuum Abshir Xasan Faarax oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana meydkiisa saaka laga dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo lagula tukaday salaada Janaasada, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), madaxweynayaashii hore iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.
  10. Rebuffing: Is Somaliland – Taiwan Tie-Up Suicidal? The article is by Abdirahman M. Dirye. He says that he is a co-editor of Somaliland.com. You would have expected from someone claiming to be an editor to have those editorial skills necessary for the role. If he has an auditorial job at Somaliland.com, I really don’t know what to say about what he edits. If he had any he would have applied to his own article. The article is a jumbled piece making unfounded assertions. This self-styled editor argues that “many Somalilanders fear that China may decide to arm Somalia and help them invade Somaliland.” Does the good editor really think Somalia has the guts to again invade Somaliland? Does he not think Somalia would have prioritised liberating its country from Al-Shabaab inside and around Mogadishu area, rather than wanting to kill innocents in Somaliland more than 1500 km away? Doesn’t he know that Somalia is already blacklisted for massacring innocent people in Somaliland and because of that, there is a weapon embargo imposed on Somalia? The author appears to be disgruntled. He really does not know what he wants with his article. Is he telling the Taiwanese not to come to Somaliland? Is he telling Somaliland not to bother about looking for diplomatic relations? It is obvious that the new relationship between Somaliland and Taiwan has shocked all enemies, silenced Somaliland’s number one enemy, the failed state of Somalia and all those disgruntled who wish to see the state of Somaliland disappear from the map. The relationship between the two countries of Somaliland and Taiwan is going to be beneficial to our people. Somaliland is the gate-way to the most populated country in the Horn of Africa, namely Ethiopia. Now that the Berbera port is being expanded and the Berbera corridor is under construction, the hope Somalilanders have frightens all enemies, and is sky high. Unlike the author of this jumbled article, Somalilands’ aspiration is not a dying cause. Somaliland has paid with blood to get its independence. The people of Somaliland have suffered under the Somalia government. Genocide, rape, property plundering, jailing, a total destruction of its main cities and villages. Millions of mines were planted halter scatter in every destroyed building to maim the returnees after the occupying forces were defeated. The last thirty years Somaliland citizens have been rebuilding their country from the ashes and the progress made came from within. No help from outside compared to the billions spent by donors to the failed state of Somalia. They have achieved more today compared to the suffering they underwent during Somalias’ colonisation. Dirye writing may have something to do with the cheap propaganda that the failed state has placed inside and outside Somaliland to criticise all that Somaliland has achieved. This disgruntled pseudo élite is one of the many who have been sidelined by the present Somaliland government and thinks he can destroy what these people have achieved, with a stroke of a pen. I conclude this response with the words that Somalia of today and tomorrow can do nothing to destroy our blessed Republic of Somaliland. It will never happen. That may annoy the likes of Dirye, but there is nothing they can do about it. Genuine progressive Somaliland citizens are thankful to this new relationship with Taiwan and hope Somaliland will benefit from Taiwan’s technological advances and the disgruntled will have to come to terms with the reality. Dr Hussein Abdillahi, Hussein Abdillahi, Ph.D. is a former senior consultant to the Ministry of Agricultural Development in Somaliland and formerly a self-exiled dissident; he can be reached at: habdillahi@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  11. Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka waxaana kulanka looga hadlay arimaha doorashooyinka Proff. Cabdullahi Salaamulaah oo ka mid aha madaxdii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay ka hadleen arimaha doorasooyinka iyo sidoo kale ay dalka ay dhacdo doorasho la isla oglayahay. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Guddoonka Baarlamaanka Iyo Xisbiyada Dalka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-1.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Illaahay Naxariistii Jano haka waraabiyee Marxuum Xasan Abshir, Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya caanka ku ahaa xiligii uu Duqa Muqdisho ahaa ayaa Meydkiisa Muqdisho lagasoo [...] The post Daawo Meydka Marxuum Xasan Abshir oo Muqdisho soo gaaray appeared first on . Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdikaafi Aweys Maxamed, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Kooxo hubeysan oo doonayey inay dhacaan marxuumka ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen, isagoona isla goobta ku geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo ehellada marxuumka oo halkaasi ka qaaday meydka. Allaha u naxariistee Cabdikaafi Aweys Maxamed ayaa ahaa arday baranayey culuumta caafimaadka, isaga oo dhiganayey mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kaga qaybgalay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax. Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda Federaalka ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kadib, meydka marxuum Xasan ayaa loo qaaday magaalada Garowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxda dowlad goboleedyada, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ah. Marxuum Xasan Abshir ayaa lagu aasayaa beer ku taalla duleedka berri ee magalaada Garowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaaddii janaasada Marxuum Xasan Abshir appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore dalka ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowso siiyo. Marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, waxaana goor dhaw Garoowe gaaray Raysal wasaare Xasan Cali Kahyrem,mas’uuliyeen ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada iyo xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga, ayaa kulan ay wada yeesheen kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin taageerada midawga Yurub uu siiso Hay’adda Garsoorka iyo bahda caddaaladda Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga. Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqaynta ka dhexaysa Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka, waxaana uu Safiirku xusay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka iyo hay’addaha ay wada-shaqaynta leeyihiin, sida Booliiska, Asluubta, caddaaladda iyo xuquuqul-insaanka, guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale iska xog-waraystay doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay dalka ka qabsoomaan. Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya doorka shariifka ah ee Midowga Yurub ka gaysato taageerada ay siiyaan Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, geestiisana Ambassador Nicholas Berlanga waxa uu garsoorka Somaliland ku ammaanay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin dawlad-wanaagga, caddaaladda iyo xuquuqda aadamaha, ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub. Source
  17. (SLT-Algeria)-Madaxa shirkad Gawaadhida sameysa oo ku taalla dalka Algeria Mahieddine Tahkout, kana mid ahaa shakhsiyaadka ugu dhaqaalaha badan waddankaasi ayaa lagu xakumay 16 sano oo xadhig ah , kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq. Wuxuu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii dalkaasi ee xukunka laga tuuray Abdelaziz Bouteflika. Mahdieddine Tahkout waxaa lagusoo eedeeyay in isagoo adeegsanaya awoodda dowladda uu shirkaddiisa ku sameeyay maal-gelin lixaad leh , lacagta loo adeegsadayna laga saaray qasnadda dowladda. Eedeyntaasi ayaa waxay noqotay mid culus, oo qaanuunka dalkaasi uu dhigayo in dembiyada noocaan ah ay yihiin xad-gudub weyn oo qofkii galo uu waajihi karo ciqaab adag. Madaxweynahii hore ee waddankaasi ayaa xilka ka degay kadib markii uu waajahay dibad-baxyo culus oo ay dhigeen shacabka waddankaas , iyagoo diidanaa inuu dalkaasi kasii arrimiyo. Source
  18. (SLT-Washington)-Maal qabeennada dunida ugu taajirsan Elon Musk, Jeff Bezos iyo Bill Gates ayaa ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee dalkaasi Mareykanka oo cinwaannadooda Twitter-ka la jabsaday. Siyaasiyiinta caanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden iyo Kanye West iyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in tabaruc lacageed la sameeyo. “Cid walba waxay i weydiineysaa inaan u soo celiyo,” farriin barta Twitter-ka Bill gates la soo dhigay ayaa waxay leedahay. “$1000 doolar ii soo dir anna waxaan ku soo dirayaa $2,000 oo doollar.” “Waa wakhti nagu adag ka Twitter ahaan, waxay noo ahayd maalin adag u ahayd oo ay ku wareereen sida ay wax u socdaan, waxaanna dareemeynay werwer aad u weyn” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Twitter-ka Jack Dorsey. “Hadda waxaynu wadnaa baadhitaan aan ku ogaaneyno waxa dhacay iyo sida ay wax udhaceen waana la wadaagi doonnaa macamiishayada balse weli waxaan u baahannahay inaan si buuxda u ogaanno waxa dhacay” ayuu yidhi Mr Dorsey. Mar sii horreysay, Twitter ayaa qaaday tallaabbooyin aan caadi ahayn oo uu ku joojinayo akoonnada badan oo sax ah oo ay calaamadda buluugga saaran tahay.” Waxay shirkaddu sida oo kale joojisay codsiyada la xidhiidha in furaha cinwaannada la beddelo iyo in cinwaannada shaqeynaya la joojiyo iwm. Laakinse waxaa la sheegayaa in haatan qaar ka mid ah ciwaanada saaran calaamadda buluugga ah ay u suuro gashay iney bartooda Twitter-ka wax soo dhigaan. Dmitri Alperovitch, oo ah aasaasaha shirkadda u qaabilsan ammaanka dhanka internetka ee CrowdStrike ayaa wakaaladda waraaka ee Reuters uu u sheegay in dhacdadaani ay u muuqato mid tii ugu xumeyd ee lagu sameey bar ka mid ah baraha bulshada. Barta Twitter-ka dadka caanka ah ee jabsashada lagu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah fannaanka Kanye west, wariyaha reality TV Kim Kardashian, madaxweynihi hore ee Mreykanka Barack Obama, Musharraxa madaxweynanimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden, hantiilaha dhinaca warbaahinta Mike Bloomberg iyo shirkadaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Uber iyo Apple. Waxaa sida oo kale la xiray barta Twitter-ka ololaha doorashada ee Biden “waxaa la xiray cinwaankaasi daqiiqado gudahood waxaana meesha laga saaray baraha Twitter-ka ee la xidhiidhay”. Afhayeen u hadlay Bill Gates wuxuu wakaaladda wararka AP uu u sheegay “Arrintani waxay ka mid tahay arrimaha waaweyn ee ay Twitter wajaheyso.” Source
  19. Waxaa maanta Muqdisho la keenay meydka ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya asan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyoodey dalka Turkiga. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonk, guddoonka baarlamaanka iyo xubno kale oo laamaha dowladda federaalka ah ayaa waxaa ay marxuumka salaadda janaasada kula tukadeen garoonka Aden Cadde. Dhanka kale magaalada Garoowe waxaa ka soconaysa qaban qaabo ku aadan aaska meydka Xasan Abshir R/wasaarihii hore,iyadoo la filayo in ay ka qeybgalaan R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,madaxda dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Doha)-Dowladda Qadar ayaa shalay guul taariikhi ah ka gaadhay kiis dacwadeed ka dhexeeyay wadamada Sucuudiga, Imaraadka, Masar iyo Baxrayn, kaasi oo la xidhiidhay xayiraadii dhinaca Hawada ee wadamadaasi ku soo rogeen Saddex Sanno ka hor. Maxkamada Caalamiga ICJ ee Hegue ayaa diiday Rafcaan ay Xulafada Sucuudigu ka qaateen go’aankii Hay’adda Duulimaadyada Adduunka ICAO ee ahaa in ay xaq u leedahay in go’aan ka qaadato Xayiraado dhinac hawada ee lagu soo rogay wadanka Qadar. Guddoomiyaha Maxkamada ICJ Cabdiwahaab Axmed Yusuf oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in 15 Garsoore ay ogolaadeen in Hay’ada ICAO ay awood u leedahay in go’aan ka qaadato khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar. Hay’adda ICAO ayaa sannadkii 2018kii sheegtay inay xaq u leedahay in xukun ka soo saarto khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, hase yeeshee Imaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku gacan sayray iyagoo sheegay inaysan hay’ada ICAO awood u lahayn inay go’aan ka qaadato khilaafka dhinaca hawada. Sannadkii 2017, Wamada Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad dhinac hawada iyo dhulka ah ku soo rogay wadanka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Wadanka Iiran iyo argagixisada Caalamiga ah, eedahaasi oo dowlada Qadar ay ku gacan saydhay. Source
  21. Crisis Group ayaa warbixintoodii ugu dambeysay ee soo saaraan waxaa ay uga digeen in la kala safashada Kenya iyo Itoobiya ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ay abuuri karto khatar iyo xasilooni darro. Crisis Group ayaa waxaa ay qabtaa in ciidamada soo galaya gudaha Soomaaliya ee ka socda labadaasi dal ee la kala safan ay uga sii dari karaan xaaladda horay u liidatay. “Inkasta oo an Kenya iyo Itoobiya aaney toos isugu dhicin, hadana xiriirkooda sii xumaanaya waxaa uu walwal u keeni karaa halka ay aadi karaan si ay u taageeraan xulafadooda”. Kooxdan warbixinta soo saartay waxaa ay soojeediyeen in qeybaha ay aheyd iney xoogga saaraan ladagaalanka Als-shabaab. Ugu dambeyntii, Crisis Group waxaa ay Farmaajo kula taliyeen inuu faraha ka qaado Madoobe si uu afartiisa sano u dhameysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka aha ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay shirka Dhuusamareeb ka dhacaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ka qeyb-galay kulanka oo gaarayey 100 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen in aanu aqbalin qorshaha ay wadaan madaxda maamul goboleedyada ee ah in la aado doorasho dadban. Ilo ku dhow kulankaas ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in madaxweynuhu ku war-geliyey xildhibaanada uu la kulmay inuu tagayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, balse uu la wadaagi doono waxa ka soo baxa shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada ee ka dhacaya halkaasi, si ay talo ugu yeeshaan. Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa horey shaaciyey in dalka aysan ka dhicin karin doorasho qof iyo cod ah, kadib shir u gaaray oo ay ku yeesheen Dhuusamareeb. Si kastaba ha’ahaatee waxaa shirkaasi ka soo horjeestay guddoonka Golaha Shacabka oo isna shalay shaaciyey in maamul goboleedyada aysan go’aan ka gaarin gaarin doorashada 2020 illaa 2021 iyo nooca ay noqobneyso, balse laga rabo BF Soomaaliya.
  23. (SLT-Addis Ababa)-Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo billaabin buuxinta harada biyo-xirdhenka. Wasiirka biyaha Itoobiya Dr Sileshi Beqele oo u waramay telefishinka dowladda ee EBC wuxuu sheegay biyo buuxinta iyo biyo xidheenka iyo dhismaha biyo xidheenkaba sidi looga talagalay iney u socdaan balse weli aan si rasmi ah loo billaabin buuxinta biyaha harada biyo-xidheenka. Sawir dhawaan dhinaca satellite lagaga qaaday biyo-xidheenka ay Itoobiya dhiseyso ayaa muujinaya xaddiga biyaha harada biyo-xidheenka oo kordhay. Iyada oo la sheegay wasaaradda biyaha ee dalka Itoobiya iney xaqiijisay iney sax yihiin. Wadahadalladi seddex geesoodka ahaa oo ay dhexdhexaadineysay midowga Afrika oo 11-ka maalmood socday wuxuu ku soo gabagaboobay isafgarasha la’aan. Wuxuuna wasiirka biyaha Itoobiya, bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray “wadahadalka seddexda dal dhexmaray inuu ahaa mid jiilalka soo socda xataa ay ka faa’idi doonaan oo dalalka oo dhan ka wada faa’idayaan.” Seddexda dal Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalki ay ka yeesheen muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso waxaa ka qayb galay 11 xubnood oo isugu jiro goob joogayaal iyo guddiyo farsamo. Hase yeeshee, wadahadalka wax natiija ah lagama gaarin. “Wadahadalka 11-ka maalmood socday iyo arrimihi ay seddexda dal isku afgarteen waxay warbixin ahaan ugu gudbinayaan madaxda dalalkaasi iyo midowga Afrika ee dhexdhexaadinta waday” ayuu yidhi. Source
  24. Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa saaka ku wajahan magaalada garoowe,sida ay soo sheegayso Wariyaheena Nasra Bashiir Cali Ujeedka socdaalka R/wasaaraha XFS uu ku tagayo garoowe ayaa ah sidii ay uga qeybhali lahaayeen aaska r/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo meydkiisa muqdisho salaadda Janaasada ah ay ugu dukadeen madaxda Qaranka. Qaban qaabo ku aadan safarka r/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah oo loo xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kadib markii ay booqdeen guddiga xaqiiqo raadinta ee loo diray inay soo qiimeeyaan shilkii diyaaradeed ee maalintii Taaladada ka dhacay gudaha garoonkaasi. Axmed Macalin Xasan agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo ka mid xubnaha booqday garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay inuu sii xirnaan garoonka, inta uu ka socda baaritaanka lagu hayo waxa sababay diyaaraddii ku burburtay halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ku guulaysteen in ay diyaaradda ka soo bixiyaan labada santuuq ee kaydisa xogta, halkaasna laga ogaa doono waxa sababay shilka diyaaradeed ee ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in garoonka muddada uu xiran yahay ay ka nadiifin doonaan burburka diyaaraddii ku dhacday gudaha garoonkaasi. Agaasimaha duulista rayidka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay wax ka bedali doonaan howlaha garoonkaasi, islamarkaana ay geynayaan shaqaale iyo galab. Si kastaba ha’ahaatee hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la shaaciyey in shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uu sababay Dameer soo galay dhabaha loogu-talagay inay diyaaradaha ku ordaan.