-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Muuse Muruud oo xafiiskiisa kula hadlaayey warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulano ay dhowaan la qaateen masuuliyiin ka socotay dalka Taiwan oo uu horkacaayey Safiirka dawladda Taiwan ay usoo magacawday Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu Agaasime Axmed Muuse Muruud sheegay in ay waftigan ka wada hadleen iskaashiga dhinaca waxbarashada ee Somaliland iyo Taiwan , waxaanu sheegay in masuuliyiintani ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay deeqo waxbarasho siiyaan dhalinyaradda jaamacadaha ka baxday ee Somaliland , gaar ahaana ardayda doonaysa in ay diyaariyaan shahaadada heerka labaad ee Master’s Degree-ga iyo Phd-da. Agaasime Muruud waxa uu sheegay in tegi taanka Taiwan ee deeqda waxbarasho ay bilaabmi doonto bisha April ee sannadka soo socda, iyada oo deeqahan waxbarasho codsigoodu bilaabmi doono bisha sagaalaad, waxaanu tilmaamay Agaasimuhu in codsiyada laga xeraysan doono safaaradda dawladda Taiwan ay ku lee dahay magaaaladda Hargeysa. Waxa uu Agaasimuhu tilmaamay in ay Safaaradda Taiwan ay danaynayso ardayda baranaysa kuuliyaddaha Muhiimka ah ee dalka Somaliland u baahan yahay, sida Kuuliyaddaha Injineerinka, Kalluumaysiga iyo Beeraha , waxa uu sidoo kale Agaasimuhu sheegay in ay jiraan kuuliyaddo kale oo ay qaadanayaan Jaamacaddaha dalka Taiwan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ka dhashay qaban-qaabada shirka Beelaha Mudullood oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha, ayaa ugu dambeyn galabta laga gaaray heshiis buuxa oo horseedi doona in shirka la qabto. Shirkan oo la filayey inuu dhaco 13-kii July ayaa baaqday kadib markii xubno ka tirsan beesha oo ku xiran Villa Somalia ay horseedeen khilaaf qorshuhu ahaa in shirka lagu baajiyo. Kullanka waxaa ka qeyb galay; Cali Ugaas Cabdulle, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow Ugaas Maxamud Cali Ugaas, C/qaadir Macalin Nuur, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale waxaana isku cafiyey Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi. Kulanka oo ka dhacay xarunta Macallin Nuur ee degmada Hodan, ayaa waxaa si wadajir ah loogu ballamay in laga shaqeeyo habsami u socodka shirka guud ee Beelaha Mudullood, kaasoo dhowaan furmi doona. Dadaalada lagu xaliyay kala aragti duwanaanta iyo madmadowgii ka jiray qaban qaabada shirka ayaa waxaa hormuud u ahaa Madaxweynayaashii hore, Imaamka, Ugaaska iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur. Xalka laga gaaray khilaafka guud ee beesha ayaa yimid kadib markii sidoo kale xalay la xaliyey khilaaf gaar ah oo u dhaxeeyey Senator Muuse Suudi iyo Ugaaska Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mas’uuliyiintan ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa loona walaaleyn lahaa bulsha weynta gobolka. Waxaa la filayaa in dhowaan dib loo shaaciyo waqtiga kale ee uu qabsoomi doono shirka beesha Mudullood.
-
Even before COVID-19, Africa was facing an affordability crisis for healthy, fresh foods Opinion piece by Abebe Haile-Gabriel, Food and Agriculture Organization of the United Nations Assistant Director-General and Regional Representative for Africa Hunger is on the rise in all regions of Africa, particularly in Sub-Saharan Africa, and a healthy diet has become an out-of-reach luxury item for many Africans. Even without considering the impacts of COVID-19, Africa is significantly off track to meet the agreed goal of ending hunger by 2030. The evidence is stark. This week the UN Food and Agriculture Organization, together with four other UN agencies, launched The State of Food Security and Nutrition in the World (SOFI) report – the most authoritative global study of its kind. The report found that Africa has the highest prevalence of undernourishment – more than twice the global average – and the fastest growth in the number of hungry people compared to other regions. If recent trends persist, Africa will overtake Asia to become the region with the highest number of undernourished people, accounting for half of the total in 2030. This amounts to enormous lost potential for individuals, communities, economies and nations. COVID-19 is compounding the problem. Disruptions to food supply and livelihoods mean that many households are facing increased difficulties in accessing nutritious foods, particularly for the poorest and most vulnerable. Preliminary projections outlined in the report suggest that COVID-19 could add an additional 83 to 132 million people globally to the ranks of the undernourished. A healthy diet must not be a luxury The cost of a healthy diet is above the international poverty line, meaning that people earning less than US$1.90 per day cannot afford to eat adequate calories and nutrients from diverse food groups. Compared to other regions, this affordability poses the greatest challenge in Africa, where a healthy diet is beyond the means of nearly a billion people. In West Africa, more than 80 percent of the population are estimated to not be able to afford a healthy diet – the highest percentage globally. In sub-Saharan Africa, a healthy diet costs 3.2 times more than the poverty line, and the situation is even worse in countries with a protracted crisis such as conflict. The poverty line itself needs to be reviewed to include the cost of nutritious food as a basic cost of living. Bold actions to end hunger Bold actions are needed to transform food systems, make healthy diets affordable and drive progress towards the Sustainable Development Goal of ending hunger and all forms of malnutrition by 2030. But just as there is no one healthy diet for all countries, there is also no one-size-fits-all solution to the affordability crisis. Policy options and investments must enable transformations that will help reduce the cost of nutritious foods and strengthen the purchasing power of the poor. Government policies must work to cut the cost of healthy diets all along the food supply chain, including by reducing food losses. Support is needed for small-scale producers to get fruit and vegetables to market at low cost – the SOFI report found that public investments in road networks in Africa could improve affordability of nutrient-rich foods by reducing transport costs. Consumers’ behaviour change must be fostered through education, and social protection and investment policies must have nutrition at their heart. If swift action is not taken to reverse the hunger trend and make healthy diets accessible for all Africans, decades of progress will be undone. We must not let this happen.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-16072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa ku ogaanay tirada rasmiga ah xildhibaanadii xalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta oo ay ku jirto Caasimada Online ayaa horey u werisay in xildhibaanada ay gaarayeen ku dhowaad boqol, waxaana warkaas laga soo xigtay oo warbaahinta siiyey xubno ka mid ah Villa Somalia iyo xildhibaano waday qorshe kale. Si kastaba, Xildhibaano gaaraya ilaa 6 qof oo aan kadib la hadalnay iyo qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa noo sheegay in xildhibaanadii xalay la kulmay Madaxweynaha ay ahaayeen 40 Mudane halka mooshinka kulankana ay saxiixeen ilaa 60 qof. Xildhibaanadaan oo u badan koox ku xiran xafiiska Madaxweynaha islamarkaana dagaal siyaasadeed kula jira Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada laga soo doortay, ayaa ujeedkooda ahaa in lagu adkeysto doorasho qof iyo cod ah. Doorasho qof iyo cod ah ayaa la isku raacsan yahay inaysan dalka ka dhici karin, balse ujeedku ayaa ah in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsiga uu ku taamayo madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada aan la hadalnay ayaa sheegay inuu jiray heshiis ah in warbaahinta iyo dadweynaha loo sheego in tirada ay aheyd 100 qof, si loo cabsi geliyo dad ay sheegeen in aysan ku qanacsaneen qorshaha ay wado Villa Somalia oo ah qabashada doorasho qof iyo cod ah. “Waxaan aheyn 40 qof, waxaana Madaxweynaha kala hadalnay in dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah sharcigii baarlamaanka meel mariyay,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii Xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo. “Qeybta dambe ee Madaxtooyada ayuu kulankaan ka dhacay waxayna Xildhibaanada ahaayeen 40, dad kale ayaana goob joog ahaa,” ayuu yiri masuul aan qarinay magaciisa oo ka tirsan Villa Somalia. Abaabul iyo is kooxeysi xoog leh ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay wadaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ku kala aragti duwan doorashada Soomaaliya.
-
KOOTADA HAWEENKA (GENDER QUOTO): NOOCYADEEDA IYO NUSQAANTEEDA SHARCI Hordhac Sannadkii 2007-dii ayey ururrada haweenka Somaliland codsadeen in haweenka kooto (saami) laga siiyo kuraasida Goleyaasha Qaranka Wakiilada iyo Deegaannada, iyadoo sababta lagu sheegay in aanay la tartami karin ragga. Inkastoo urrurada bulshada rayidka ah iyo axsaabta siyaasadu ba ay aad uu taageereen mashruuc-sharcigaas kootada loogu raadinayey haweenka oo uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey, waxa diiday Golaha Guurtida Somaliland. Waxaa la yaab noqotay, in xeerkii kootada ee uu Golaha Guurtidu hore u diidday, saddex sanno kadib markii Madaxweyne Siilaanyo la doortay aad looga shaqeeyey oo ajandahii Golaha Wakiillada lagu daray. Sidii 2007dii oo kale ayuu mashruuc-sharcigan dambe ee Kootadu na u socon waayey. Mar kale ayaa haddana markii Madaxweyne Muuse Biixi la doortay dib Golayaasha loo horkeenay mashuuc-sharcigan Kootada haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay. Hadda ba, waxaan idinla wadaagayaa qoraal aan 10 sanno kahor sannadkii 2010ka aan qoray oo cinwaankiisu ahaa “Kootada Haweenku waa Sillan-sugan”, kaas oo aan ku muujiyey arragtidayda shakhsiyeed ee ku wajahnayd kootada Kuraasida Doorashada iyo sida ay anniga iila muuqatay. Maxaa kooto la yidhaahdaa? Caalamka miyaa lagu kala duwan yahay isticmaalka kootada? Saameyn intee leeg ayey yeelan kartaa? Imisa hab ayaa kootada loo sameeyaa? Iyo sharciga miyey waafaqaysan tahay mise ma waafaqsana?. Kootada Haweenka iyo Caalamka. Kootada siyaasaddeed marka si guud loo qeexo waa saamiga loo xidho dadka aan tartami karin doorashooyinka xorta ah, waxay noqon kartaa tiro kuraasi ah ama liiska murashaxiinta oo laga siiyo qayb gaar ah. Kootada haweenka (Gender Quota) oo ah tan ugu caansan kootooyinka, waxaa isticmaala ku dhowaad kala badh dalalka caalamka oo dhan. Waxaa ugu horeeyey oo bilaabay wadamada iskaandaneefiyaanka (Scandinavians) sida Finland, Norway, Sweden, Denmark iyo Iceland. Sannadkaas 2010, dumarku waxay ku fadhiyeen 19% xubnaha baarlamaanada caalamka oo dhan. Rwanda ayaa sannadkii 2008dii noqotay wadanka ay haweenka ugu badani xubnaha ka yihiin baarlamaankiisa – 56.3% ayaa haween ahaa. Sweden oo hore kaalinta kowaad ugu jirtay waxay sannadkaas ku jirtay kaalinta labaad, iyadna 47.3% ayaa haween ah baarlamaankeeda. Kootada la siiyo haweenku way kala duwan tahay, marka laga eego habka kootada loo sameeyo. Caalamka saddex hab ayaa kootada haweenka loo sameeyaa; 1. Habka kowaad, waa in dumarka la siiyo tiro kuraasi ah (Reserved seats) ka mida kuraasida goleyaasha baarlamaanka iyo deegaannada. Dalalka habkan isticmaalaa, waxay dastuurkooga ama xeerarkooga doorashooyinka ku darsadaan qodobo dumarka kooto ka siinaya kuraasida goleyaasha qaran. Tusaale ahaan, Rwanda, dastuurkeeda iyo xeerka doorashadu ba waxay dhigayaan in haweenku ay ugu yaraan 30% ka noqdaan xubnaha golaha baarlamaanka. Laakiin doorashadii 2008dii, kor ayey u dhafeen oo waxay noqdeen 56.3%. 2. Habka labaad ee kootada haweenka loo sameeyaa waa in dumarka kooto laga siiyo liiska murashaxiinta ee doorashooyinka goleyaasha qaranka. Bolivia ayaa ka mid ah wadamada habkan isticmaala. Bolivia waxay samaysatey xeerka kootada haweenka 2001dii, xeerkani wuxuu dhigayaa in 30% murashaxiinta goleyaasha deegaannadu ay noqdaan haween iyo in afartii ama saddexdii nin ba ay gabadhi weheliso liiska murashaxiinta goleyaasha baarlamanka. Taasi waxay suurto-galisay in 17% ay haween noqdaan baarlamaanka Bolivia . 3. Habka saddexaad ee kootada haweenku waa in xisbiyadda qaranku ay si mutadawacnimo ah haweenka u siiyaan kooto musharaxnimo (Voluntary Political Party Quotas). Habkani wuxuu kaga duwan yahay labada hab ee kale, in aanu xeer ku dhisnayn, Laakiin ay axsaabta qaranku iskood ugu gartaan haweenka in kooto cayiman ay ka siiyaan murashaxiinta u tartamaysa. Labada hab ee hore se waa sharci ay waajib tahay in la fuliyaa. Aqoonyahanka qaarkood ayaa aaminsan yihiin in habkan 3aad uu yahay habka ugu dhow ee ilaalinaya sinaanshaha iyo dimuqraadiyadda isla markaana haweenka lagu dhiirigelinayo. Wadamada isticmaala waxaa ka mida Germany, Norway iyo Sweden . Kootada Haweenka iyo Sharciga Somaliland . Dastuurka Jamhuuriyadda Soonaaliland, qodobkiisa 8aad, farqadiisa 1aad waxay dhigaysaa “In muwaadiniintu (rag iyo dumarba) ay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mid ah, iyadoon loo eegayn midab, qabiil, sinji, dhalasho IWM. Dhinaca xuquuqda siyaasaddeed, dastuurka qodobkiisa 22(1) ayaa odhanaya “Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bushada iyo dhaqanka ba si waaafaqsan shuruucda dalka. Dastuurka Soomaaliland, haweenka wuxuu siiyey xuquuq la mid ah ta ragga marka laga yimaado xuquuqaha ay shareecadu u gaar yeeshay midkood (Qod.36aad ee Dastuurka). Xuquuqda haweenka waxaa ka mid ah xaqa in la dooran karo, waxna ay dooran karaan. In haweenka doorashada u tartamaa ay tiro yar yihiin, haweenka tartamay ee la doortayna kaba sii yar yihiin, waa mid ka dhalatay duruufo dhaqan-dhaqaale oo aan la xidhiidhin sharciga. Xalku maaha tartanka doorasho in haweenka gaar looga saaro ragga oo kuraasi u khaas ah haweenka kooto loogu xidho. Xalku taageerid, dhiirigelin iyo wacyiga bulshada oo kor loo qaado si caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haweenka ku kooban meesha looga saaro. Bal u fiirso Qodobka 36(1) ee dastuurka “Xuquuqaha uu dastuurku siiyey muwaadiniinta, si isku mid ah ayey u wadaagayaan ragga iyo haweenku, marka laga yimaado wixii ay shareecadu ka reebtay (haweenka)”. Ma daliil intaa ka badan ayeynu u baahanaynaa? Maya, ayaan Annigu sidaan qabo waxa loo baahan yahay in haweenka loo saacido dhaqaale ahaan iyo taageero ahaan ba sidii ay muwaadiniinta ragga ah ay iyagoo siman ugu tartami lahaayeen doorashooyinka laakiin sharci-darro ayaan u arkaa in laga dhigo mid xeer uu waajibinayo oo kuraas aan lagula tartamin gaar loogu xidhayo; waxaanan u arkaa in ay qayrul-dastuuri tahay. Sababahan ayaan ku diiday in kootada haweenka laga dhigo mid xeer ku dhisan: Kootada haweenku waxay ka hor imanaysaa mabda’a sinaanshaha muwaadiniinta ee dastuuriga ah; kaas oo ah in muwaadiniintu ay u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinimo ee uu dastuurku jideeyey. Kootada haweenka waxay bar-bilow u noqon doontaa kootooyin kale sida kootooyin la siiyo naafadda, dhallinyarada, iyo dadka laga tirada badan yahay. Kootadu waxay ka soo horjeeddaa nidaamka xorta ah ee dimuqraadiyadda waayo cidda wax go’aaminaysaa maaha dadka, in tiro kuraasta Goleyaasha Qaranka ah kooto loogu xidho qayb gaar ah oo bulshada kamid ah waxay xadgudub ku tahay xaqii ay muwaadiniinta oo ay haweenka laftoodu ugu badan yihiin, ay u lahaayeen in ay Xildhibaan kasta iyagoo xor ah oo rabitaankooda oo keli ah ka duulaya doortaan iyaga oo aan ku qasbaneyn jinsi ama qolo gaar ah oo keli ah in kuraasta qaarkood ay u doortaan. Kootadu waxay ku saleysan tahay in qofka lagu doorto jinsigiisa ee aan lagu dooran aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo kartidiisa. Sida aanay macno u lahayn dhererka- dheer ama gaaban iyo culayska – buurnida ama buurnida – qofka la dooranayaa, ayaanay macno u lahayn lab iyo dhedig midka uu yahay. Haweenku marna ba kuma dhiiran doonaan tartanka xorta ah ee muwaadiniinta haddii kooto la siiyo. Kootadu haybsooca iyo takoorka oo uu dastuurku reebay ayey jideynaysaa oo ay dhiirigelinaysaa in la aqbalo laguna dhaqmo. Kootadu dhismahii bulshada ayey saameynaysaa oo xitaa lammaanahii bini-aadamka – lab iyo dhedig- ee ilaahay isku ilaashay ee Aabo iyo hooyo, wiil iyo walaashiis, Abti iyo habaryar, Adeer iyo eeddo ahaa ayey ka dhigaysaa dad aan qaranka iyo siyaasadda midna midka kale meteli karin oo intii isku jinsi ah ba ay isku dan tahay. Annigu waxaan soo jeedinayaa haddii ba laga fursan waayo kooto, in la isticmaalo habka saddexaad ee kootada haweenka oo xisbiyada qaranku ay si mutadawacnimo ah haweenka u siiyaan kooto murashaxnimo (Voluntary Political Party Quotas). Xisbi kastaa wuxuu si gaar ah xil iskaga saari karaa in uu kordhiyo tirada haweenka murashaxiinta ah ee uu doorashooyinka u sharaxayo, ama saddexda xisbi ayaa ba heshiis keli ah ka gaadhi kara in tirada murashaxiinta haweenka ah ay kordhiyaan. Gunnaanad. Waxa wanaagsan haweenka in aan la liidin oo aan kalsoonida laga dilin. Doorashadii wakiilada ee 2005tii haddii ay Ikraan cod ku soo baxday oo ay rag badan ka cod badatay, Doorashadii deegaankana ay ilaa 6 haween ah cod ku soo baxeen, doorashooyinka soo socdana dhawr iyo toban haweenkeena ah ayaa ku soo baxi kara oo ragga inta ay la tartamaan ka guuleysan kara. Waan hubaa oo waan ku kalsoonahay kartida haweenkeena iyo wacyiga bulshadeena ee koraya in haddii keliya ay kordhaan murashaxiinta haweenka ah, sidoo kale ay kordhayso haweenka tartanka doorashada ku guuleysanayaa. Qalinkii: Garyaqaan: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer). Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Hargeysa, isagoona ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay dib uga furmi laayihiin wada-hadallada labada dhinac. Kulankaaasi ayaa waxa kale oo madaxweynaha ku wehlinayay xisbiyada mucaaridka, kuwaasi oo si wada-jir ah safiirka ugu sheegay in xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay inay dib u bilowdaan kulamadaasi oo ka furmi lahaa dalka Jabuuti. Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay tiraba labo jeer usoo gudbisay cudur daar ay kaga baaqsaneyso dib u furista shirkaasi, midaasi oo meesha ka saartay balantii la iskugu soo hor fadhiisan lahaa miiska wada-hadallada, horseedna u noqoneysa fashilka wada-hadalladaasi. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadka soo socda ka furmi lahaa dalka Jabuuti ayaa u muuqda mid markale baaqday, xili ay dowladda federaalku ku howlan tahay shirar ku aadan doorashada dalka. Caasimada Online ayaa hore u baahisay inay aad u hooseyso suurta-galnimada ay wada-hadalladaasi dib ugu furmayaan, iyada oo labada dhinac si dadban uga cago jiidayan in markale ‘madaxa la is daro’, maadama aan si dhab ah loo abaareyn arrimaha masiiriga ah. Somaliland ayaa iyadu ku doodeysa inay tahay dal madax-banaan, halka dowladda federaalku ay taasi badelkeeda ku madax adeygayso, waana sababta u weyn ee la rumeysan yahay inay hor taagan tahay in heshiis wax ku ool ah uu kasoo baxo wada-hadallada labada dhinac.
-
The world is encountering enormous challenges, especially during the pandemic where all the countries are suffering because of the invisible and the invincible Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliya waxay ka baxday dowladdii ku-meel gaarka ahayd sanadii 2012 ,nkastoo dastuurka dalka uu wali ku-meel-gaar yahay, waxayna Feebaraayo 08, 2017 dooratay madaxweynihihii labaad oo rasmi ah oo hoggaaminaya Dowlad federaal ah. Halkan Ka Daawo Qoorka Fashilka Ee Madaxweyne Farmaajo Halkan Ka Aqriso Qoorka Fashilka Ee Madaxweyne Farmaajo Muxuu ku Fashilmay Madaxweyne Farmaajo. Warbixinta waxaa Qoray- Xasan Maxamuud Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay uga digtay dadka ka safraya Muqdisho in shahaadada caafimaadka ee safarka ee Covid-19 aan laga qaadan karin meel ka baxsan sheybaarka qaranka ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in waraaqaha shahaadada safarka ee la xiriirta Covid-19, ee laga soo qaato goobo ka baxsan sheybaarka qaranka ay u aqoonsaneyso waxba kama jiraan baalmarsan hanaanka baarista ee Covid-19. Sidoo kale waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in xarunta Sheybaarka Qaranku ay heysato aqoosiga baarista COVID-19, isla markaana ay leedahay tiraac iyo sumadda sheybaarka dhexe ah. War-saxaafadeedka ayaa waxa kale oo lagu xusay in wasaaraddu diyaarisay hab online ah oo lagu hubinayo in qofka wata shahaadada uu ka soo qaatay sheybaarka dhexe oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntiin waxa lagu sheegay war-saxaaafadeedkaasi in isbitalaada De Martino iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa ay kasoo qaadan karaan dadka safraya waraaqaha caafimaad ee safarka, kuwaasi oo la xiriira cudurka Covid-19. Waxaana xusid mudan in Wasaaraddu aysan marnaba cadeyn in wax kharash ah laga rabo qofka baaritaanka Covid-19 maraya si uu dalka uga safro, iyada oo baaritaanka cudurkaasi uu hore u ahaa mid bilaash ah. Digniinta Wasaarada ayaa imaneysa xili dadka ka safraya garoonka magaalada Muqdisho lagu xiro waraaq cadeynaysa bad-qabkooda ku aadan cudurka Covid-19, iyada oo dalalka ay u safrayaana uga baaqsada galida karantiil todobaadyo ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-16072020-sx.mp3 View the full article
-
Danjire Maxamed Caalin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna nool Wadanka Finland ayaa waraysi dhinaca Skyp-ka uu siiyay Goobjoog waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo xaalada kala guurka,isagoo sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay fashilanyihiin,xilligaanna aysan qaban Karin Doorasho Qof Iyo Cod. Halkan Ka Daawo Danjire Caalim Oo Goobjoog Ugu Waramay Arimaha Doorashooyinka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo Aaskiisa ay ka qeybgaleen, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale. Sidoo kale waxaa aaska Marxuumka ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, Isimo iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Xasan Abshir Faarax oo lagu Aasay qubuuro ku yaala dhanka bari ee magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal. Meydka Ra’iisul Wasaare, Xasan Abshir, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgalay salaadda Janaazada oo lagu oogay gudaha garoonka ka hor inta aan loo duulin Garoowe. Xasan Abshir Faarax, ayaa 12 bishan Luulyo ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa uu soo qabtay xilal kale duwan, waxaa uu Wasiirka koowaad ka soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jabuuti sanadkii 2000. Marxuuma Xasan Abshir ayaa sidoo kale, soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dowladii kacaanka ka talin jirtay dalka, isagoo noqday Xildhibaan Qaran. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku howlan sidii ay xiriir cusub iyo heshiis diblumaasiyadeed ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland, xili ay taagan tahay xiisad ka dhex aloosan dowladda federaalka. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa tibaaxaysa in xubno ka socda dowladda Masar ay booqasho aan shaacsaneyn ay ku yimaaden caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi. Masar ayaa xiligan fursad muhiim ah u aragta inay garabka saarto Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, wallow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah. Go’aanka Masar ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay kala safatay Itoobiya, oo ay kala dhaxeyso xiisadda biyo-xireenka webiga Nile. Somaliland iyo Masar ayaa la filayaa inay wakiilo is weydaarsadaan, sidii ay dhawaan isku weydaarsadeen Taiwan, kadib heshiis is-afgarad oo dhex-mari doona labada dhinac, taasi oo walaac xoogan ku abuureysa dowladda federaalka iyo Itoobiya, oo iyagu hal dhinac ah. Itoobiya ayaa iyada laftigeedu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan la’leh Somaliland, inkasta oo uu muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos uga dhacay meeqaamkaasi, waxayna arrintan u horseedi doonta xiisad hor leh. Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay Saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn goobta ay ka sameysan doonto, taasi oo ay ka wada-hadleen madaxweyne Muuse Biixi. Heshiiska cusub ee lagu wado inuu dhawaan dhex-maro Somaliland iyo Masar ayaa sarre usii qaadi doona xiisada webiga Nile-ka oo ay si weyn ugu muransan-yihiin Itoobiya, oo dowladda federaalka ay yihiin saaxiibo dhow. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu dhawaan diiday dejinta diyaarad ka timid Masar oo siday xirmo hub kala duwan ah, taasi oo ay uga baaqsaneyso sida ay sheegtay inay lugaha la gasho muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, sida uu sarkaal Soomaali ah u xaqiijiyey Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK. Dowladda federaalka ayaa iyadu si dad-ban ula safatay dowladda Itoobiya, oo Ra’iisal wasaaraheedu uu galan-gal xoogan ku leeyahay arrimaha Soomaaliya, iyada oo raali-gelina ka siisey taageero ay mar u muujisay dowladda Masar.
-
Danjire Maxamed Caalin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuna sugan wadanka Finland ayaa ka hadlay xaalada xuriyatul qowlka dalka,isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay gardaro ku haystaan tafatiraha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye, wuxuuna dhinaca kale sheegauy Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ay magdhaw siiso weriye Gurbiye Halkan Ka Daawo Danjire Caalin Oo Ka HadlayArinta Gurbiye Iyo Villa Somalia Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in deegaanadeeda laga furo dacwad ka dhan ah Looge Yuusuf Cali, loona yaqaano Maxamed Cawaale, oo ah Maamulaha iyo mulkiilaha shirkada Future Traders oo lagu soo eedeyay arrimo xatooyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Looge Yuusuf ayaa muddo ku siman 1-bil ku xirnaa magaalada Muqdisho, iyada oo ay haysteen Hay’adda FRC iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, isaga oo markii lasoo daayay u safray deegaanada Somaliland, isla markaana maray dhinaca dhulka. Looge iyo xubno kale oo ka tirsanaa Future Traders ayaa loo haysta lacag ay dhigteen dadweynaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loogu sheegay in faa’iido looga sameyn doono suuqa sarifka lacagaha qalaad ee FOREX. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba diiday in dacwad ku saabsan eedaha loo haysto Mulkiilaha Future Traders laga furo maxkamadaheeda, xili uu Looge Yuusuf ku sugan yahay gudaha deegaanadeeda. Somaliland ayaa ku doodeysa in muwaadinkaasi uusan wax dambi ah ku galin deeganadeeda, isla markaana maxkamadaheeda laga furi karin kiis yaala magaalada Muqdisho. Looge Yuusuf ayaa horaantii sanadkan magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka cadaalada Somaliland, taasi oo la rumeysan yahay in go’aanka ay Xukuumada Somaliland qaadatay uu qeyb ka yahay kulankaasi. Shirkada Future Traders oo kamid aheyd shirkadaha ka shaqeeya suuqa sarifka ee FOREX oo muddooyinkii dambe kusoo badanayey magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba albaabada loo laabay.
-
A delegation led by Somalia’s electoral body chairwoman Halima Yarey has arrived in Dusamareb, capital of Galmudug regional state on Thursday morning. She is expected to attend a conference between Somali regional states and President Farmajo, along with PM Hassan Ali Khaire who is now in Puntland capital. The upcoming talks will center on the disputed 2020/21 elections. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has recently announced that he supports cabinet decision on holding timely elections in the country this year. View the full article
-
Somalis are known as an oral society as many western linguists, anthropologists, and cultural historians had observed for years—as narrative making, poetry has been the most important tool used as a medium for storytelling in Somalia. It has been a major form of expression in Somali’s oral tradition Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa jawaab deg-deg ah ka dalbatay inay bixiso dowladda Itoobiya, xili ay soo baxeyso inay bilowday buuxinta biyo-xireenka ay ku muransan-yihiin labada dal. Masar ayaa Itoobiya ka dalabtay cadeyn ku aadan bilowga biyo xireenka webiga Nile-ka, iyada oo aan weli heshiis rasmi ah aan laga gaarin, isla markaana ay kulamadii u dambeeyay kusoo dhamaaden fashil. Dalabka dowladda Masar ayaa noqonaya fal-celintii ugu horeysay ee ay ka bixiso hadal uu maalinimadii shalay aheyd sheegay Wasiirka biyaha Itoobiya inay bilowday buuxinta biyo xireenkaasi, kaasi oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Masar. “Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota” ayuu khudbad Telefishanka laga sii daayay ku yiri Wasiirka biyaha ee Itoobiya, Seleshi Bekele. Wuxuuna intaasi sii raaciyey Wasiirku “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka”, taasi oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda Masar. Hadalka wasiirka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili uu gebi ahaanba bur-buray wada-hadallado saddex geesood ahaa oo ku saabsanaa xiisada ka taagan webiga Nile-ka buluuga. Geesta kale, dowladda Suudaan ayaa iyadun qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoos u dhaceen biyihii uga imaan jiray webiga, tasi oo ay maalinkiiba hoos ugu dhacayaan 90-milyan oo cubic meter ah. Xiisada ka taagan webiga Nile-ka ayaa u muuqata mid kasii dareysa, kadib buuxinta biyo-xireenka ee ay shaacisay Itoobiya, taasi oo wal-wal ba’an ku ah Masar iyo Suudaan oo ka cabsi qaba inuu hoos u dhaco biyaha ay dalalkoodu ka helaan webigaasi.
-
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) iyo xubno ka tirsan guddigaasi ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Gamudug. Ujeedka safarkeeda ayaa sidoo kale salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda dowladda Feeraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku sugan magaaladaasi. Dhowaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa shaaciyey in wada tashi laga yeesho xaaladda dalka,gaar ahaan arimaha doorashooyinka ku soo fool leh dalka. View the full article
-
Puntland oo Ganafka ku dhufatey Go’aan xasaasiya oo ka soo baxay Dawladda somalia Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo ah in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid caddeynaysa in qofku aanu qabin covid19, loo aqoonsandoono in ay tahay wax kama jiraan baal marsan hannaanka baadhista Covid19. 16/07/2020: WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Caafimaadka DFS waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya Shaybaarka Qaranka pic.twitter.com/8MC2axMFDu — Ministry of Health- Somalia (@MoH_Somalia) July 16, 2020 Balse, qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland leedahay shaybaaro lagu baadho cudurka Covid19 islamarkaana cid walba oo Puntland ka duulaysa ay heli karto shahaadadaas. Puntland waxay sheegtay in ay magaalooyinka Garowe iyo Bosaso yaaliin shaybaaro caalamku aqoonsan yahay, sidaas darteedna uusan iyagu khusayn go’aanka dowladda federalka kasoo baxay. Dhowaan, dalal badan oo deris la ah Soomaaliya iyo kuwa ka fogba waxaa dib u furayaan hawadooda, balse sharuudaha lagu xidhay shirkaddaha duulimaadyada ayaa ah in cid aan sidan shahaadada baadhista covid19, lasoo qaadi Karin. Sidaas darteed, qof kasta oo Soomaaliya ka dhoofaya ayay khasab ku ahaan doontaa in uu qaato shahaadadaas caafimaad, taasina waxay keeni kartaa in qofku bixiyo khidmad uu ku dalbado. Qaran News
