-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ku sugan Qardho ayaa kulamo ballaaran ka bilaabay magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa madaxweynuhu uu la qaatay odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulashada ee degmada Qardho. Sidoo kale waxaa kulamadaasi qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan degmada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Soomnaaliyeed ee Puntland. Intii ay socdeen shirarkaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xireen loo sameeyo Qardho si looga gashaanto daadadka ku soo fataha magaalada oo ugaysta khasaare naf iyo maal-ba leh. Siciid Deni oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday ka qeyb galayaasha shirka in ciidamada amniga ay kala shaqeeyaan xasiloonida nabad-geylada. Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay culeyso siyaasadeed iyo kuwa amni aad u xoogan intaba.
-
Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kulanka ayaa dabajooga xeerkii shalay la horgeeyey golaha. Golaha ayaa waxaa ay dood adag ka yeesheen xeerka matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelan doono, Baarlamaanka soo aadan 11-aad. Golaha ayaa lagu wadaa in maanta ay dib uga doodaan xeerka kuraasta gobolada Wooqooyi kasoo galaya Baarlamaanka soo aadan iyo halka la dhigayo deegaan doorashadooda. Kulanka ayaa kamid ah kalafadhigga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamanka federaalka Soomaaliya, waxaana golaha horyaallo arrimo dhowr ah, sida dib u eegista dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Iyada oo la tix-raacayo Shirkii Wada-tashiga Heerka Sare ahaa ee Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay Jabuuti 14 June 2020, ayna hogaaminayeen dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya iyo Somaliland, Guddidii Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ay magacaabeen hogaamiyeyaashu waxa ay kulmeen 15-17 June 2020. Wufuuddii heer wasiir ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay si diiran iyo jawi walaalnimo ku falan-qeeyeen arrimaha laga wada-hadlayey, iyada oo uu goob-joog yahay Dhex-dhexeediyaha shirka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti iyo Fudaydiyayaashii shirka ee ka socday Dalka Maraykanka iyo Ururka Midowga Reer Yurub. Waxa lagu heshiiyey in Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadallada ee ka kooban 14-ka xubnood ee dhawaan la yagleelay, Soomaaliyana uu hogaaminayey Mudane, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha, halka Somaliland uu hogaaminayey Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Arrimaha Dibedda, ay hogaamin doonaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya hadda wixii ka dambeeya. Muddadii saddexda cisho ahayd ee ay socdeen wada-hadalladu, labada dhinac waxa ay is-waydaarsadeen aragtiyo dhawr ah oo ku saabsan arrimo xasaasi ah. Waxa ay ku heshiiyeen nidaamka si wada-jir ah loogu wadi karo wada-hadalka (Common Conduct of Meetings), iyaga oo ay taageerayaan Dhex-dhexaadiyaha iyo Fudaydiyayaasha shirku. Waxa ay muddo dheer ka doodeen tallaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida oo fure u ah horumar kasta oo laga sameeyo wada-hadallada. Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in ay ka fogaadaan ficil kasta oo marin-habaabinaya wada-hadallada. Marka laga hadlayo gar-gaarka bini-aadamnimo iyo deeqaha dhinaca horumarka, labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen mabdi’iyan in aan la siyaasadayn arrintan, faah-faahinta arrintan waxa loo dhaafay Guddi Hoosaad Farsamo oo ka soo shaqaysa. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada. Waxa intaas dheer, waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in la yagleelo Guddi Hoosaadka Farsamo ee dhinaca amniga si ay uga xaalaan arrimaha la xidhiidha amniga. Dhammaan Guddi Hoosaadyadan Farsamo waxa ay muddo laba wiig ah gudihii ku kulmi doonaan Jabuuti si ay uga shaqeeyaan in hore loo socdo iyo fulinta qodobbadii lagu heshiiyey. Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Guddida Heer Wasiir ee Wada-hadalladu waxa ay dib ugu kulmi doonaan muddo 45 cisho gudaheed ah Jabuuti si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan war-bixinaha Guddi Hoosaadyada iyo guud ahaan horumarka wada-hadallada. Ugu dambayn, labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay daruuri tahay in la joogteeyo wada-hadalka iyo in lagu dhex shaqeeyo jadwal shaqo oo leh wakhti cayiman oo la isla ogol yahay si looga gaadho is-fahan wada-jir ah dhammaan arrimaha taagan iyo arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya. War-murtiyeedku waxa uu ka soo baxay dalka Jabuuti, 22 June 2020. Source
-
Wasiirka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya uu ka harsanyahay xeer hoosaadyo uu leeyahay dhawaana la soo gabagabey doono taasi oo ka dhalan doonto in dowladda Soomaaliyeed ay awood uyeelato diwaan galinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadidda diyaaradaha oo ay Soomaaliya bixin muddo 30 sano ku dhaw. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo ay dowladda Soomaaliya bixin muddo ka badana 25 sano taasine ay ka dhalain doona hormarkale oo ay dadka Soomaaliyeed ku talaabsan doonaan. “Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenya iyo itoobiya, balse hadda ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanay dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka Oomaar. Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) waxa uu sheegay in hada ay fududahay in lasoo celiyo diyaaradii Soomaali Airlen ka dib heli taankii ay dowladda Soomaaliyeed ay diwaan galin karto diyaaradaha isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaan waxaana uu intaa ku daray inay yihiin laba qodob oo isku xeran. “Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaaji ayaa saxiixay 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula falgaleyso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya ay ka dhimman yihiin xeer hoosaadyo u fududayn doona dowladda Soomaaliya in ay awood u yeelato diiwaan-gelinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadida diyaaradaha. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo aysan Soomaaliya bixin tan iyo burburkii kadib 1991-dii. “Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenyada iyo itoobiya balse hada ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanayay inaan dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu yiri wasiirka Oomaar. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in haatan ay fududahay in la soo celiyo diyaaradii Soomaali Airline ka dib dhammaystirka Sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaas. “Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar. Madaxweyne Farmaajo ayaa 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula shaqaynayso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo soddon sano kadib bilaabaysa bixinta Leysinka Diyaaradaha appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan. Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay tahay ka fogaansho, faafitaanka xanuunka COVID-19, iyadoo laga diiwaan geliyeyey 161,005 dalka xaaladood oo cudurka Caronavirus ah iyo 1,307 dhimasho ah. “Kaliya tiro aad u kooban oo hadda ku nool boqortooyada ayaa ka qeyb qudan doonta waajibaadkaas” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay warbaahinta dowladda Boqortooyada Sucuudiga. 2 milion oo Muslimiin ah kuna susan gudaha dalka, ayaa ka faaiideysan doono Xajka, kuwaas oo aan u dhalan Sucuudiga , waxaana uu nasiibku u saamaxay in ay gutaan waajibaadka Xajka. Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa horay u joojisay isku imaatinka Muslimiinta ee Xarameynka, sababo la xiriira xanuunka COVID-19, waxaana dalka laga diiwaan geliyey kiisas badan, waxaana jiray tiro dad ah oo u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidiin ahaa oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turk-Som oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday saraakiil cusub oo tababar loo qaadayey, iyadoona la soo wariyey inuu fuliyey qof naftiis halige ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la toogtay is-miidaamiyaha ka hor inta uusan dhex-gelin dhalinyaro saf ku jiray oo leyli saraakiil loo diyaarinayay. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxaan, sida ay soo sheegayaan dad gooobjoogayaal ah, balse weli ma cadda inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.
-
Somalis, both at home and abroad, were optimistic when Mohamed Abdullahi Farmajo was elected Somalia’s president in February 2017. Diplomats and the development community shared this optimism, believing Farmajo to be honest, energetic, and reformist. Forty months’ of Farmajo’s rule shows that initial optimism to be misplaced if not naïve. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markale muddo kordhin hor leh u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo xilligaan dhinacyo kala duwan ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay in UNSOM ay howsha ay sii wadi doonto illaa inta laga gaarayo 31-ka bisha August. Sidoo kale waxaa UNSOM loogu baaqay inay xoojiso howlaheeda Soomaaliya, iyada oo ka fulineyo Muqdisho iyo dhammaan magaallo madaxda dowlad goboleedyada dalka. Golaha ammaanka ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay QM in door weyn ka qaadato doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021-ka. UNSOM ayaa Soomaaliya ka howl bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa nabadda, dib u heshiisiinta, dib u eegista Dastuurka iyo qaban-qaabada doorasho iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee muddo kordinta cusub ee loo sameeyey xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana la qorsheynayo in dhammaadka sanadkaan la’aado doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka oo dusha ay kala socon doonaan Qaramada Midoobay, xubnaha beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa kormeer ku tagay xarunta ciidanka xoogga qeybta 21-aad ee deegaanka Baacadweyn ee gobolka Mudug. Madaxweynaha oo uu wehliyey wasiirka amniniga gudaha Galmudug ayaa ugu horeyn wuxuu salaan uu ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada, madaxweynaha ayaa taliska ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladaha ciidanka. Madaxweynaha ayaa ciidanka iyo hoggaankiisa la wadaagay hadal-jeedin isugu jirta ammaan, duco iyo dardaarran, xerada ciidanka uu booqday madaxweynaha ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan khadka Onlinr Video-ga ah oo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Raysal wasaaraha ayaa looga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka. Madaxda Maamul [...] The post Kulankii shalay Khadka Online-Video-ga Ku dhex maray Saamilayda Siyaasada, qaarkood oo muran ka dhashay appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo xalay kulan la qaatay Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Boosaaso ayaa ku amaanay Ganacsiga iyo Horumarka ay ka sameeyeen Degaannada Puntland gaar ahaanna Magaalada Boosaaso. Guddoomiye Abwaan wuxuu sheegay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ay la xaquuq yihiin kuwa u dhashay maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo deggan qayb kamid ah Dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Mudane Cabdisamad Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed lagu tilmaamo Jaaliyad isagoo xusay in qof Soomaali ah oo Dhulkiisa jooga aan loo isticmaali Karin kalmaddaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ay Boosaaso kaga soo horreeyeen kuwa badan oo haatan sheegtay in Boosaaso ay u dhasheen sida Guddoomiyuhu hadalka u dhigay. Ugu dambayntii Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bulshada Reer Koonfur Galbeed aan lagu shaabbadayn Karin haddii qof iyo laba ka soo jeeda uu Puntland dhibaato ka gaysto maadaama Dadka Ami-darrada ka shaqeeya aysan Degaan gaar ah la hayn. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Abwaan: Dad badan oo Boosaaso sheegta waxaa uga soo horreeyay Dadka Reer Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeey agagaarka degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Caracase oo qiyaastii 30- km u jirta Beled-Xaawo, iyadoona ay si wadajir ah howlgalkaasi u qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad iyo ciidamada nabad sugida qaranka Soomaaliya. Taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo horkacayey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ciidamadu cagta mariyeen fariisimo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda. Sidoo kaled wuxuu intaasi ku daray in u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab ka soo abaabulaan duleedka Beled-Xaawo. Kooke ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay inay si aad ah ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi, balse xaaladda ayaa saaka ah mid aad u degan.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban sanadkan loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Wasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka degan gudah Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, loo ogolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sannadkan ka imaneysa dibedda. “Go’aankan waxaa loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka loo guto si nabdoon iyada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yidh qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka. Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaadhaya 2.6 milyan oo qof. Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah. Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan iyada oo sannad kasta uu soo xareeyo lacag gaadheysa 6 bilyan oo dollar. Sacuudi Carabiya marna ma joojin Xajka muddo 90 sano ah, tan iyo markii dalkaas la aas-aasay. Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof. Source
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa saaka oo Talaado ah ka dhacay saldhiga Ciidamada Militariga Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee TURKISOM halkaas oo lagu tababaro Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Qaraxa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay in uu isku miidaamiyo dhalinyaro saf ku jiray oo loo diyaarinayay tababar inkastoo aysan u suura-gelin in uu safka isku qarxiyo. Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadu ay toogteen qofka is qarxinayay ka hor inta uusan dhex galin safka dhalinyarada tababarka loo diyaarinayay taasina ay khasaaraha yaraysay. Qofkii isqarxiyay oo keliya ayaa la sheegay in uu goobta ku dhintay halka ay dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah askarta xeradaasi ku sugnayd. Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo waxaana lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Somaliland, ayaa ogolaaday in aan la carqaladayn isku socodka dadweynaha gobollada Waqooyi Galbeed ee la baxay Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya. Qodob kamid ah Heshiiskii dowladda Federaalka iyo Somaliland ku gaareen waddanka Jabuuti, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in aan carqaladayn isku socodka dadweynaha iyo xiriirka bulsho midna. Isu-socodka la xiriira dhaqanka, Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Ganacsiga ayaa lagu heshiiyay in aysan dhinacna carqaladayn, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland. Balse, Somaliland waxay si cad sheegtay in aysan ogolayn dhammaan wixii siyaasad la xiriira, waxaana ay diidday in dib loo furo isu-socodka siyaasiyiiinta labada dhinac oo xayirnaa tan iyo markii Somaliland sheegatay in ay dalka intiisa kale ka go’day 1991-dii. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ogolaatay in dib loo furo isu-socodka dadweynaha labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
Booliska gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu magacaabo Haramacad oo kaashanaya ciidanka Nabad sugidda ee ku sugan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Beled Xaawo. Hawlgal qorshaysan oo ciidankaasi ka fuliyeen Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km u jirt degmada Beled xaawo ayay sheegeen in ay ku burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaankaas. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga Degmada Beled xaawo oo mararka qaarkood ay Al-shabaab weeraro ka gaystaan. Sidoo kale waxay shacabka degaanka uga mahadceliyeen sida ay ugala shaqeeyaan sugidda Amniga iyo la-dagaallanka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhig ay leeyihiin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Somalia's ministry of foreign affairs office has told the BBC that they had no comment to make in response to US President Donald Trump's criticism of the country during a campaign rally on Saturday night. Source: Hiiraan Online