Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmuduug iyo Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhow gaaray, magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas lagu soo dhoweeyey, Madaxda ayaa safar dhulka ah uga anbabaxay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen, madaxda dowlad goboleedyada, Deni ayaa la filayaa inuu waqti ku nagaado magaalada Cadaado. Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Cadaado, waxaa uu la kulmidoonaa maamulka magaalada qeybaha kala duwan iyo bulshada, waxaana labada mas’uul ay u sii gudbi doonaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday shir looga hadlayey xaaladaha gobolka Mudug iyo dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ee Galmudug, madaxweyne Qooqoor ayaana tagidoona shirkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoomiyaha maxkamadda ciidmada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa uga digay laamaha dambi baarista ciidamada qeybahooda kala duwan in ay qob isaga haayaan xabsiga isaga oo aysan amrin xarigiisa xeer ilaalinta qaranka ama aan la soo taagin maxkamad. Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in qofka lagu haayo xabsiga 45 cisho ka badan, xariggaas uu yahay mid aan dowli aheyn, isaga oo carabka ku dhuftay in falkaas lagu tilmaami karo afduub sida hadalka uu u dhigay guddoomiyaha. “Mar haddii hoggaanka barista lagu soo xiro qof, qofkaas haddii xeer ilaalinta loo geeyo, maxkamadihiina loo sii geeyo, oo ay ogolaadaan xariggiisa, iyaga oo fiirinaayo, eeda lagu eedeynaayo maangalnimadeeda la fiirinaayo, qofkaas xariggiisu waa sharci, magaca uu qaadanaayana waa qof eedeysane ah ilaa maxkamad ay ka xukunto ama ay ka bari yeesho”ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Guddoomiye Shuute oo sii hadlaayo ayaa yiri” Haddii qofka la soo xiray aan la geynin, xeer ilaalin iyo maxkamad midna, oo aan sharcigii la geynin qofkaas waxaa uu ku xiran yahay sharci darro, waana xaaraan xariggiisa, sifada iyo magaca uu qaadanaayo qofkaas waa qof afduuban, cidda afduubtay meel kale haka raadine waa mas’uulka meesha uu ku xiran yahay” ayuu riyi Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo dowaldda ka tirsan oo ehelkiisa looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab in laga furo gal dacwadeed lagu soo oogayo si la isku waa fajiyo amniga iyo howlgallada socda sida uu hadalka u dhiogay ” Waxyaabaha aan rabno in dambi baaristu ay qabato waxaa kamid ah, saraakii, mas’uul ama shaqaale dowladeed oo ehelkiisu ay Al-shabaab ku jiraan waa in gal dacwadeed loo furaa oo su’aalo la weydiiyaa, haddii ay cadaato inuu ogaa oo xogtiisa uusan gudbinna, dacwad ciqaab ah lagu soo oogaa si talaabo sharcio ah looga qaado” ayuu yiri guddoomiye Shuute. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in loo baahan yahay in markale dib loo furo gal dacwadeedkii qaraxii sanadkii hore ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku geeriyoodeen madax ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. “Sidaan u aamusneen oo shib u dhaheynay, oo nin weliba oo mas’uul ah loo dilaayey, oo qofba qofka ka muhiimsan loo dilaayey, muwaadinkii Cabdraxmaan Yariisow xafiiskiisa inta loo galay ayaa lagu qarxiyey, isaga iyo mas’uuliyiintii kale ee caasimadda ka shaqeynaayey, aaway galkiisii yaa ku qoran, waa in galkiisii furnaadaa intii laga helaayo dambiilihii rasmiga ahaa, waa in weliba uu kordhaa xogaha ka soo kordhaayo” ayuu guddoomiye Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maamul goboleedyada qaar ayaa magacaabay guddiyo u matali-doona shirka looga hadlayo doorashada ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ah. Guddiyadan oo lagu heshiiyey Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa iney shaqeeyaan, oo weliba ay dhameystiraan hawlahdooda ka hor 15 August 2020-ka. Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa soo magacaabay guddiyadii laga sugaayey, kuwaas oo ka kooban lix xubnood, waxaana dowlad goboleed weliba ka yimid labo xubnood oo ku matalaayo maamul weliba shirka guddiyada. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ,ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kala ah. 1- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. 2- Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle, kuwaas oo Puntland matali doono. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madobe ayaa magacaabay labad Axubnood oo maamulkaas ku matalidoona, shirka guddiga ka kala socda maamul goboleedyada iyo dowaldda dhexe 1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada. 2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa waxaa uu soo magacaabay labadii xubnood ee maamulkaas ku matali doono guddiga isku dhafka ah, ee soo diyaarinayo hanaanka doorasho ee dalka. 1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle. 2-Madaxa Xafiiska Amniga Maamulka Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran. Dowladda federaalka iyo Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa weli soo gudbin afarta xubnood ee labadaas maamul , ku matalaayo shirka guddiga farsamo ee iska dhafka ah ee ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedya , ka hor inta aan lagu soo laaban magaalada Dhuusamareeb baratamaha bisho soo aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulmayaan xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, mid kamida kulamadoodii golaha. Ajandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay ka doodista doorashooyinka 2020- 2021-ka, taas oo la filaayo in ay dalka ka qabsoonto sidii uu ku dhawaaqay GMDQ. Dooda golaha ee hanaanka doorashooyinka ayaa waxaa ay ka soo horjeedaa Shirkii magalaada Dhuusamareeb, kaas oo aan weli lagu gaarin nuuca doorasho. Madaxda doowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo ku kulmay magaalada Dhuusamreeb, ayaa ku balamay in guddi farsamo oo labada dhinac ah lasoo saaro, soo turxaan bixiyo nuuca doorasho ee ka qabsoomi karto dalka inta lagu jiro 2020-2021-ka, taas oo labada dhinac ay isku raacsan yihiin, kahor shir labaad ee Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray shirkii dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu soo dhoweynayo go’aanadii ka soo baxay shirkaasi oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka. “Guddiga midowga afrika wuxuu qorayaa oo soo dhaweynayaa kulanka udhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Hogaamiyaasha Xubnaha Dowlada Federaalka (FMS) ee Dhuusamareeb waxaana lagu dhiiri gelinayaa isbadalada hogaamiyaasha in la sameeyo gudi farsamo oo kahadlaya qaab dhismeedka doorashada 2020″ayaa lagu yiri qarka qoraalka ah ee ka soo xafiiska guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika. Sidoo kale wuxuu Moussa Faki Mahamat intaasi ku daray inuu rajeynayo in gaba-gabada la soo bandgi doono natiijo waxtar leh oo lagu wada shaqeyn karo. “Intaa waxaa sii dheer, guddiga midowga afrika wuxuu rajaynayaa gabagabada guul ee geedi socodkan oo ah inuu soo bandhigo xalka lagu shaqeyn karo oo balaadha sida ugu badan ee suuragalka ah tirada codbixiyeyaasha” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa horey u soo dhoweysay shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeyey madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, islamarkaana lagu xaliyey khilaaf in mudo ah u dhexeeyey maamul goboleedyada qaar iyo dowladda dhexe.
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo labadooduba ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa dood ka yeeshay khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada. Labada Xildhibaan oo BBC-duu qabatay Dood adag ayaa si aad ah ugu kala aragti duwan Cidda leh Masuuliyadd ah in xal laga gaadho Saami-qaybsiga. Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa sheegay in Baarlamaanku uu ku fashilmay inuu arrintan wax ka qabto, waxaanu yidhi “Xeerkii Doorashadu waa diyaar oo Golaha ayuu dhex yaallaa, waxa ka dhiman Qodobka Saami-qaybsiga oo muran ka taagnaa, waxaase hadda ku soo biiray Kootada Haweenka iyo Beelaha Gabooye..” Xildhibaan Tukaale wuxuu sheegay inaan Arrinta Saami-qaybsiga waxba ka qaban Karin Golaha Wakiilladu “Qodobbadaasi waxay u baahan yihiin in lagaga doodo Dood uu Madaxweynuhu hoggaaminayo, markaa hadba hoggaamiyaha meesha joogaa ku dhacaa ayuun baa looga baahan yahay. Qodobkaa (Saami-qaybsiga) malaha Baarlamaanku, waayo? Gobollada ayay ka soo jeedaan, Aniga iyo Maxamed Cali Xirsi kuma heshiin karayno kursiga Burco qaadanayso iyo kursiga Boorama qaadanayso, markaa waxay u baahan tahay kulan uu Madaxweynuhu hagayo, kaasi oo aqoonyahannada iyo indheer-garadku ka qayb-galaan, iyadoo la isku tixgelinayo oo is ficishiga laga saarayo.”ayuu yidhi. Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi wuxuu sheegay oo uu ka warramay Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland ku dhaqanto “Dalkani wuxuu doortay Dimuqraadiyad iyo Doorasho Cod iyo Qof ah, waxaan u Mahad-naqayaa Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii bilaabay Dimuqraadiyadda Maanta Somaliland gacanta ku hayso. Haddii Dimuqraadiyadi timaaddo waxa lagu xisaabtamayaa Gobollo iyo Tirada Shacabka. Laakiin markii Gobol kastaa cawday ee uu tiro sheegtay ayuu Madaxweynihii xilligaasi fadhiyey uu go’aansaday in doorashada lagu galo habka aanu Maanta ku fadhino Baarlamaanka. Waxaanu fadhinay 2005 illaa 2015-kii, Saami-qaybsiga la sheegayaa waa Xeer, Xeerka yaa ka masuul ah ? Ma Madaxweynaha ayaa ka masuul ah, ma Beelahaa ka masuul ah, Runta markaynu isku sheegno Xeerka waxa ka masuul ah Aniga iyo Tukaale (Baarlamaanka), waxaanu Baarlamaanka u fadhinaa inaanu dalka u soo saarno Xeerar lagu hago, halka Arrinkaasi ka dhaqaaqi la’yahay waa Baarlamaanka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Eeddaa koowaad waxa leh Annaga oo Baarlamaanka ah, Xeerkan la isku haystaa waa Shaqadayadii, Xisbiyadu way ku heshiiyeen, laakiin waxaan qabaa in aanay xaqba u lahayn, laakiin waxa meesha ka baxay Awooddii uu Golehayagu wuu wax ku xallili lahaa.” Xildhibaan Obama wuxuu sheegay in Xeerkan uu Madaxweyne Biixi u soo gudbiyey Golaha, laakiin uu xilligaa u sheegay in doorashada Baarlamaanka lagu galo sidii 2005-tii “Madaxweynuhu wuxuu horraantii 2019-kii uu Golaha keenay Xeerka, isagoo leh waxaanu Anigoo Dawladda Madaxweyne ka ah jecelahay in mar labaad doorashada sideedii lagu galo, sidaasi darteed illaa hadda Golahayagu kama doodin.” Source
  7. Muqdisho (Caasomada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo. Sidoo kale kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa lagu wadaa inay xildhibaanadi ku falanqeeyaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa horey uga soo horjeestay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Si kastaba ha’ahaatee madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiyey shirkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxay shirkaasi uu ku celin doono xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay ugu biirayaan taladooda.
  8. Telesom Maxaa laga faa’idey intii ay jirtay? Shirkadda Telesom marka laga hadlayo waxqabadkeeda kala duwan ee ay ka hirgalisay Guud ahaan Soomaalilaand haddana waxa jira adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin shaqo abuurka ay sameysay, caawinta Bulshadda iyo ka qayb qaadashadda xaaladaha dabiiciga ah ee deg-dega ah marka intaa laga yimaado waxa u dheer In adeega Zaad sabab u ahaa qodobadan:- 1. Intii adeega zaad yimi ayaynu helay acccount xisaabeed bank oo lacag la’aan lagu furto ama lacag dhigaal ah “deposit ” aan laga rabin. 2. Intii aynu Zaad helnay ayaynu helnay lacag Ehelkaaga iyo Asxaabtadaba Aad u diri karto iyadoo wax komishan ah laga qaadin iyaguna ku soo diri karaan bilaa khidmad. 3. Intii adeega zaad jiray Waxa laga raystay lacagihii lagu qaadan jiray jeebka khaanada gaadhiga qasnada guriga, Ama qasnada meherada oo dhammaantood halis badani ku gadaanayd waana hab telesom sahashay. 4. Intii adeega zaad jiray Waxa iyana laga raystay intii telesom la helay meheradii biilka aad ka qaadan jirtay ee xisaabta isku qaban jirteen bishii hore intaasan bixiyay iyo intaa kaama haynin , iminka kaliya waxa aad soo daabacan naysaa .Zaadki aad ku dirtay bishan muran yimaado. 5. Haddii xaaska iyo carruurtu magaalada Aad ka shaqayso aanay kula joojin oo magaalo kale degan yihiin marka aad mushaharka qaadato waxa aad biilka u dhiibi jirtay gaadhi magaalada ay degan yihiin u baxa oo lacag kaa qaadan jiray gaadhiga laftiisuna khatar badan ku gali jiray iyo lacagta oo laga xado imika se waxaad daqiiqado ugu diri kartaa adeega Zaad. 6. Intii adeega zaad la helo ayaa laga reystay Tuug xadda, xisaabxumo iyo murankii lacagbixinta. 7. Intii adeega zaad jiray ayaa la hellay in sadaqada goboladda iyo caawinta dadka si fudud looga qaybqaato. 8. Intii adeega zaad jiray ayaa laga reystay Mushahar Kiyuu ah. 9. Intii adeega zaad jiray ayaa bilkasta adigoo gurigaaga jooga aadbixisay adigoo badbaadiyey wakhti iyo lacag bus iyo shidaal. 10. Intii adeega zaad jiraybaa Sarifle casriya lagaaga sameeyay moobilkaaga. Wixii kale idinku ku dara ee adeega zaad sahlay Rakad Mxd Sultan Berbera Qaran News
  9. On June 29, Addis Standard’s Bileh Jelan sat down with Barkhad Mohamoud Kaariye, and discussed a range of issues, including the 60th year independence anniversary Somaliland, its relations with Somalia, its politics & human rights record . Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xiisadda ku salaysan Webiga Niilka ee ka dhex taagan Waddamada Itoobiya iyo Masar,waxaanu ku taliyey in Somaliland aanay dhinacna noqon, balse ay isku daydo inay isku soo dhawayso labada dal. Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay fadliga maalmahan iyo Acmaasha looga baahan yahay inay la yimaaddan umadda Islaamka ahi, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliland waxaa la gudboon inay dhexdhexaad ka ahaato xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Masar, weliba Somaliland waa inay isku soo jiida labada dhinaca, intii karankeeda ah, sababtoo ah dagaal dhex mara Itoobiya iyo Masar masllaxadi uguma jirto Somaliland, waxaan khasaare ahayn mooye, maxaa yeelay labada dalba waxaynu la leenahay xidhiidh ganacsi, waliba waxaa intaas dheer inaynu Itoobiya wadaagno xuduud aad u dheer, waana halkaynu dhabarka saarno marka ay dhibaato inala soo gudboonaato”. Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in Cibaadada Allaah la ilaaliyo sunnaheeda iyo Faralkeedaba isla-markaana lagu dedaalo khayrka iyo fadliga ay maalmahani leeyihiin. Source
  11. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiirkiisa Arimaha Gudaha iyo Arimaha Federaalka Maxamed Cabdullaahi Dhabancad wuxuu u Magacaabay Hogaaminta Gudiga Puntland ugu biiri doona [...] The post Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo Puntland ku matalaya Gudiga Farsamada ee Doorashada 20/21 appeared first on . Source
  12. (SLT-Riyadh)-Qoraal ku saabsan musalsalka “Khaalid Bin Waliid” oo uu Twitter-ka ku baahiyey ayaa weriyaha Sucuudiga ah ee Cabdallah Waafiyah u soo jiiday dhaliil badan waxaanu dhaliyey dood ku saabsan aflaamta taariikhda ah gaar ahaan kuwa ka hadla nolosha saxaabada. Weriyahaa Sucuudiga ahi wuxuu qoraalkiisaa uu maalmo ka hor faafiyey isku weydiiyey su’aal ah faa’iidada ku jirta in la soo saaro musalsal ku saabsan saxaabiga Khaalid Bin Waliid “wakhtigan uu is bedelayo fahamka dadku” Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa “muxuu soo kordhinayaa gaar ahaan iyada oo ay jiraan dhacdooyin naxdin leh oo aan la jaan qaadayn xiligan loo jihaystay maan furnaanta iyo in la iloobo taariikhdii dhiigga iyo dagaalka….waxaan rajaynayaa in musalsallada noocan ah iyo waxa la midka ah ee arimaha noocaas ah ka hadlayaa ay joogsadaan”. Hadalkaa Waafiyah dad badan ayuu ka cadhaysiiyey waxaanu dhaliyey hadallo badan oo cadho leh oo lagu dalbanayo in ninkaa sharciga la horgeeyo. Waxaanay dadka Twitter-ka adeegsadaa bilaabeen hal-qabsi ay maamulka Sucuudiga kaga dalbanayaan in ay lama guraan tahay in ay arintaa wax ka qabtaan oo qoraagaa la xidho. Dadkaasi waxay qabaan in qoraalka Waafiyah yahay af-lagaado loola badheedhay Islaamka iyo hal-doorkiisa, waxaanay sheegeen in af-lagaadadaa uu diinta ula badheedhay ka dhalatay in “aan maamulka Sucuudigu wax tallaaba ah ka qaadin isaga iyo ciddii waxan uga horraysay ba”. Dhanka kale, dadka qaarkood ayaa bogaadiyey ku dhaca qoraaga ee ah inuu soo bandhigo aragtidiisa ku saabsan “xoraynta maanka” waxaanay dadka isaga dhaliilaya ku eedeeyeen in ay doonayaan “deminta ilayska cilmiga” waa siday hadlka u dhigeene. Waayadan dambe waxa dalka Sucuudiga ka socday doodo kulul oo u dhaxeeya labada qaybood oo midkood doonayso in la curiyo faham diineed oo cusub oo la jaan qaadaya casrigan la joogo. Halka qaybta kalena ay u arkaan dooddaa aflagaado loola badheedhay qiyamka Islaamka iyo arkaantiisa sugan. Taariikhda ha lagu sidko duruufihii waayadaa jiray Ma aha wax cusub hadalkan ka taagan musalsalka Khaalid Bin Waliid ama musalsallada kale ee taariikhda shakhsiyaadka ka hadlayaa. Laakiin waxa hubaal ah inuu badanaa noqdo dood kulul oo dhinacyo diimeed, siyaasadeed iyo taariikheedba yeelata. Xataa intaan la soo bandhigin filimkan, waxa shirkadda soo saartay ee Masar laga leeyahay oo la yidhaa Synergy loo soo jeediyey dhaliilo badan ka dib markii ay shaacisay in ay filim ka samaynayo saxaabigaa caanka ah. Bilowgiiba dadka qaar ayaa diiday in filimka lagu muujiyo saxaabiga iyo sidoo kale in loo doorto jilaaga reer Masar ee Camr Yuusuf inuu metelo shakhsiyada Khaalid, markii dambe se waxa kaalintaa la wareegay oo metelay saaxiibkii Yaasir Jalaal oo qudhiisu markii dambe ka cudur daartay musalsalka. Si uu dadka uga shaki saaro arinta ayaa soo saaraha filimku waxa uu sheegay in qisada filimka laga soo qaatay buugga uu qoray abwaankii reer Masar ee Cabbaas Maxmuud Al-Caqqaad ee la yidhaa “Garaad Badnidii Khaalid”. Waxa sidoo kale isna ka hadlay arinta Sheekh Asraf Sacad oo ka mid ah culimada Al-As-har oo banneeyey in la meteli karo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid, taas oo uu doonayey inuu ku dejiyo xiisadda taagan oo uu ku soo af-jaro doodda ka taaganayd in la meteli karo shakhsiyadda saxaabada. Laakii mar kale ayey musalsalkaa hadana dooddiisu soo noqotay ka dib markii shirkadda soo saaraysa ay ku adkaysatay in ay dhamaystiri doonto filimka, waxaanay xataa isku rogtay ba in xataa laga doodo taariikhda shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid qudhiisa. Dadka Muslimiinta ahi waxay ka haystaan aragti ka duwan xaqiiqdii waayadaa hore jirtay ee taariikhda waxaanay ka duwantahay dhinacyada ay ka eegaan iyo qaabka ay u soo bandhigayaan qoreyaasha qisooyinka filimadu taariikhsdaas. Waana arinta inta badan keenta in su’aalo la iska weydiiyo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid iyo sooyaalkiisa. Waxa jira dad u arka inuu ahaa hogaamiye milatari oo aan cid loo dhigaa jirin iyo nin caddaaladeed oo guulo badan u soo hooyey Islaamka cadowga dawladda Islaamkuna ka cabsan jireen, iyo sidoo kale qaar u arka inuu ahaa nin shar wade ah oo dhiigya cab ahaa. Ka sokow qoraaga reer Sucuudi ee Cabdallah Waafiyah, waxa iyaguna jira dad badan oo diidan in la soo bandhigo shakhsiyadda hogaamiyahaa caanka ah. Dad badan oo ka mid ahina waxay daliishanayaan qoraallo uu waa hore Twitter-ka ku baahiyey saxafiga reer Masar ee Ibraahim Ciisa oo lagu tiriyo inuu yahay dadka ugu cadcad ee aragtidaa qaba. Markii la shaaciyey in filimkaa la samaynayo sannadkii hore, ayuu saxafigaasi ku baaqay in la joojiyo isaga oo ku dooday inuu noqonayo “aragti qofka Muslimka ah xasuusinaysa in wadada keliya ee loo mari karo in khilaafadii la helaa tahay dagaal”. Dadka taageersan in la joojiyo samaynta musalsalkan ayaa waxay dood ka dhigtaan dhacdooyin dad badani ay shaki geliyeen sugaantooda. Waxaana ka mid ah dhacdadii “Maalik Bin Nuwayra” ee ku kaliftay Khaliifkii Cumar Bin Khaddaab inuu la xisaabtao Khaalid Bin Waliid oo uu ka casilo hogaanka ciidanka. Waxaanay dhacdadaasi sheegaysaa in Khaalid Bin Waliid isaga oo aan wax eeda ku hayn uu dilay Maalik afadiisiina guursaday. Dhanka kale, dadka difaacaya hogaamiyahaa Muslimka ahaa waxay sheegaan in ay jirto koox “ka hogaan furatay Islaamka oo ay saameeyeen Mustashriqiintu” waxaanay ku eedeeyaan in ay dhacdooyin been ah oo taariikhda Muslimiinta dhaawacaysa ku sheegaan. Waxa se jira koox saddexaad oo aad mooddo in ay caqli saliim ah ku eegayaan arinta, waxaanay ku baaqayaan in taariikhda lagu noqdo oo lagu akhriyo maan tixgelinaya duruufihii siyaasadeed iyo bulsho ee jiray waagaa intaan Khaalid Bin Waliid hogaamiyenimadiisu shaacbixin si loo fahmo waxyaabihii qaabeeyey shakhsiyaddiisa. Isagoo arintaa ka duulaya ayaa dadkaa mid ka mid ahi qoray “taariikhdu khuraafaad uun bay iska noqonaysaa hadii aan lagu kabin caddaymo badhax la’ oo aan siyaasadaysnayn. Waa loo baahan yahay in la soo bandhigo shakhsiyadda Khaalid iyo shakhsiyaad kale oo taariikhda ku suntan, laakiin waxa muhiim ah in qaabka loo soo bandhigayaa noqdo mid aan buunbuunin iyo liidid midna ahayn. Maxaa ku jaban in la metelo shakhsiyad taariikhda ku suntan iyada oo siday tahay loo soo bandhigayo same iyo xumaanteed ba?”. Ma aha markii ugu horraysay ee taariikhda Khaalid Bin Waliid laga sameeyo filim, waxa kan ka horeeyey musalsal uu sannadkii 2006 ka sameeyey hogaamiyahan milatari ee Muslin ka ah soo saaraha aflaamta ee reer Urdun Maxamed Casiisiyah oo ay metalaadiisa ka qayb galeen jileyaal carbeed oo badani. Waxaana musalsalkaasi ka koobanyahay laba marxaladood oo ay shakhsiyadiisa metelayaan labada xidig ee reer Suuriya ee kala ah Baasim Yaakhuur iyo Saamir Al-Masri. Sidoo kale shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid waxa lagu soo bandhigay musalsalka “Qamar Banii Haashim” ee ka waramaya siirada Nebi Muxammad. Sidoo kale jilaaga reer Falastiin ee Maxmuud Saciid ayaa isna metelay shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid oo qayb ka ah filimka Al-Risaala, halka sidoo kale uu ku metelay jilaaga reer Suuriya ee Mihyaar Khaduur musalsalka “Cumar”. Source
  13. (SLT-Tel aviva)-Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Shabtai Shavit ayaa si rasmi u qiray in Israa’iil ayna ka hortagi karin in Iran ay kusoo biirto naadiga dalalka haysta hubka Nukliyeerka. Israa’iil ayaa dadaal xooggan oo diblomaasiyadeed iyo mid sirdoonba ugu jirta inay ka hortago in Iran, oo ah cadowgeeda kowoaad, ay gacanta ku dhigto Nukliyeer. Si kastaba Shabtai Shavit, waxa uu sheegay in waxa Israa’iil ay sameyn karto ay tahay inay ka hortagto in Iran ay adeegsato bamka Nukliyeerka marka ay hesho. Wareysi dheer oo uu siiyey wargeyska Times of Israa’iil, ayaa Shavit waxa uu ku yidhi “Kama mid ah dadka dhahaya Iran iminka way haysataa Nukliyeer, waxayna ku halis gelinayaan jiritaanka Israa’iil. Balse haddii dal uu helo bam wuxuu u isticmaali karaa inuu sameeyo jahwareer badan iyo inuu sare ugu qaado danihiisa.” “Shaki igagama in Iran ay ka shaqeyneyso maanta inay horumariso awood Nukliyeer, waxay u sameynayaan si qarsoodi ah si ay uga fogaadaan inay kiciyaan Mareykanka iyo dunida inteeda kale,” ayuu yidhi. “Meel wanaagsan ayay marinayaan, mana ku dhowaaqi doonaan inta ay ka sameynayaan tijaabo lagu guuleysto. Marka ay sidaas dhacdana ma jirto cid weerari karta. Ma jirtaa cid wax ka qaaday Kuuriyada Waqooyi markii ay sidaas ku dhowaaqday.” Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Israa’iil hadda u furan ay tahay inay u diyaar garowdo maalinka Iran ay ku dhowaaqi doonto hub Nukliyeer ah, ayna diyaarsato qorshe ay kaga hortageyso inay adeegsato. “Waa inay ogaadaan in ayna u qalmin inay Israa’iil kusoo weeraraan Nukliyeer,” ayuu yidhi. Source
  14. Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo HirShabeelle, ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo 2 – Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: 1- Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo 2- Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland. Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: 1 – Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo 2 – Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele. Sidoo kale Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana laga sugayaa inay soo magacaabaan guddiyada ku metalaya wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb. Guddiyadan ayaa ka shaqeyn doono diyaarinta qorshaha guud shirka soo socda ee ay ku ballansan yihiin dhammaan dhinacyada daneeya siyaasadda, iyada oo looga hadlayo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhammaadka 2020 illaa 2021-ka View the full article
  15. Shirkii Wadatashiga Siyaasada Soomaaliya ee kusoo gabagaboobay Magaalada Dhuusamareeb Waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo ay Siyaasiyiintii Shirka isugu taga ku heshiiyeen Laakiin waxaa jira [...] The post Maxaa Shirkii Dhuusamareeb lagu heshiiyey oo aynaan ogayn appeared first on . Source
  16. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlayey sanad kadib, weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay Duqii Muqdishp, Marxuum Ing. Yariisow iyo masúuliyiin kale ayaa sheegay in aysan ka hari doonin dadkii fududeeyey weerarkaasi, isaga oo sheegay in weli u socdo dabagal xoogan. Shuute ayaa tilmaamay inay aheyd in la sii wado baaritaanada ku aadan qaraxaasi illaa laga sal-gaaro, lana aruuriyo macluumaadka ku hareereysan dhacdadaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-sakriye.mp3 View the full article
  17. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 25/7/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta KMG Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha kulanka ayaa ah, Ka doodista Doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkaan iyo billawga 2021-ka. Xildhibaanannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan. View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-2572020.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay jir-dileen. Seynab oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay jir-dil xoogan u geysteen ciidanka ilaalaha xarunta gobolka Banaadir. Jir-dilka loo geystay guddoomiyaha ayaa yimid, kadib markii ay isku dhacen ilaaladeeda iyo ciidamada xarunta dowladda hoose ee Xamar. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro jabniin dhanka feeraha oo gaaray, Seynab Xaabsey, kadib markii uu qoray ku liif garaacay mid ka mid ah askar ku sugneyd afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Banaadir. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan falkaasi, balse ilo ku dhow guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa sheegay inay haatan wanaagsan tahay xaaladeeda. Si kastaba ha’ahaatee guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhaawacantat qaraxii is-maadaaminta ee sanad ka hor ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
  20. Private Russian military contractors have expanded their presence in Libya, bringing in additional aircraft and air defense systems, U.S. Africa Command alleges through newly released surveillance photographs. Source: Hiiraan Online
  21. Turkish president joins hundreds of worshippers after iconic Istanbul landmark's controversial reconversion into mosque. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI - Conflict experts are warning that Kenya’s failure to restore education in its troubled northeastern regions will help terrorist group al-Shabab recruit local youth. Source: Hiiraan Online
  23. SEATTLE - More and more people are seeking to sell their homes and move out of Seattle area, according to a newly released report. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo HirShabeelle, ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo 2 – Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: 1- Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo 2- Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland. Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: 1 – Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo 2 – Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele. Dhinaca kale, maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankoodana la filayaa inay saacadaha soo socda magacaabaan xubnaha matali doona. Guddigan farsamo ayaa laga doonayaa inay soo diyaariyaan nooc doorasho oo dhinacyada ay ku wada qanci karaan ka hor shirka Dhuusamareeb 3, oo lagu wado inuu furmo 15-ka bisha August ee soo socota.
  25. Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, Shabtai Shavit ayaa si rasmi u qiray in Israel aysan ka hortagi karin in Iran ay kusoo biirto naadiga dalalka haysta hubka Nukliyeerka. Israel ayaa dadaal xooggan oo diblomaasiyadeed iyo mid sirdoonba ugu jirta inay ka hortago in Iran, oo ah cadowgeeda kowoaad, ay gacanta ku dhigto Nukliyeer. Si kastaba Shabtai Shavit, waxa uu sheegay in waxa Israel ay sameyn karto ay tahay inay ka hortagto in Iran ay adeegsato bamka Nukliyeerka marka ay hesho. Wareysi dheer oo uu siiyey wargeyska Times of Israel, ayaa Shavit waxa uu ku yiri “Kama mid ah dadka dhahaya Iran iminka way haysataa Nukliyeer, waxayna ku halis gelinayaan jiritaanka Israel. Balse, haddii dal uu helo bam wuxuu u isticmaali karaa inuu sameeyo jahwareer badan iyo inuu sare ugu qaado danihiisa.” “Shaki igagama in Iran ay ka shaqeyneyso maanta inay horumariso awood Nukliyeer, waxay u sameynayaan si qarsoodi ah si ay uga fogaadaan inay kiciyaan Mareykanka iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri. “Meel wanaagsan ayay marinayaan, mana ku dhowaaqi doonaan inta ay ka sameynayaan tijaabo lagu guuleysto. Marka ay sidaas dhacdana ma jirto cid weerari karta. Ma jirtaa cid wax ka qaaday Kuuriyada Waqooyi markii ay sidaas ku dhowaaqday.” Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Israel hadda u furan ay tahay inay u diyaar garowdo maalinka Iran ay ku dhowaaqi doonto hub Nukliyeer ah, ayna diyaarsato qorshe ay kaga hortageyso inay adeegsato. “Waa inay ogaadaan inaysan u qalmin inay Israel kusoo weeraraan Nukliyeer,” ayuu yiri.