Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tagay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa laga dareemayaaa deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi ay ku guul darreysteen xalinta xiisada u dhexeysa laba beelood oo ka taagan halkaasi. Odayaasha labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhaga adeegeen dadaallada Galmudug, iyaga oo ku doodaya in la joojin waayey deegaameysi cusub oo weli ka socda deegaankaasi, kaas oo ay isku hayaan beelaha ay u dhexeyso colaada. Sidoo kale maleeshiyaadka labada beel ayaa haatan isku horfadhiya qeybo ka mid ah deegaanka Qalanqalle ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi. Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa-kaabta dagaallo sokeeye oo u dhexmara maleeshiyaad ku wada sugan deegaanada gobolkaasi.
  2. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu xabsiga kasii daayay Fanaaniin muddooyinkaan dambe xidhnaa kuwaas oo kala ahaa Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda qaali, waxaana loo heystay in ay kasoo heeseen magaalada Muqdisho kadibna ay ku soo laabteen magaalada Hargeysa. Kadib sii deyntooda oo ay la hadleen Warbaahinta waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay dib u heleen Xorriyaddoodii iyaga oo tilmaamay in ay u mahadcelinyaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda, iyaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Muqdisho)-Bangiga Adduunka ayaa meel mariyay in la siiyo Soomaaliya lacag dhan $55 milyan oo dollar, kaasoo loogu tala galay kabka miisaaniyadda, xilligan adag oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay Cudurka Covid 19. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay aad uga faraxsan yihiin tallaabadan u qaaday Bangiga Adduunka, waxaana uu xusay inay ku timid habka wanaagsan ay ula shaqeeyaan Hay’addaha dhaqaalaha Adduunka oo ugu horreeyo Bangiga Adduunka. Mr Beyle ayaa sheegay in lacagtan ay ka dhaxeyso dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa saddexdii sanno ee u dambeeyay ku guuleystay hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda, waxaana ay ku muteysatay inay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay. Source
  4. Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad iyo saraakiil kale oo katirsan guudada 5 aad qeybta 27aad ayaa siwada jir ah ugaaray deeganka kalabeyr oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyneee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmahaan ka jireen shiqaaqoyin qabiil. Maxkamada ciidamada oo ka duuleyso awaamirtii madaxda sare ee dalka ayaa kulan la qaadatay odiyaasha dhaqanka deegankaasi oo ka kooban labada dhinac oo ay dirirtu dhaxmartay. Odhiyaasha dhaqanka deeganka ayaa si wada jir ah usoo dhaweeyay shaqada ay maxkamadu kawado deeganno dhowr ah sida deegaanka jawiil iyo xadka Galgaduud iyo Hiiraan oo maalma kahor ay ku guuleysateen inay hishiis kala dhaxdhigaan dadkii ku dagaalamayay. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo baaritaanno ka bilabi goobta ow dilka ka dhacay ayaa codsaday in sharciga ay gacan ku siiyaan si looga gul gaaro qaswadayaasha. Guddomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad Gaashanle Maxamad Amiin Cabdule Aadan ayaa odoyaasha usheegay in cid walba oo isku dayda in ay kiciso shaqaaqa qabiil ay maxkamadu gacan birah ku qaban doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay labo fanaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Hargeysa. Fanaaniinta la sii daayey oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa muddo ka badan labo bil ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaaladaasi. Sababta loo xiray ayaa horey waxaa loogu sheegay inay la xariirto safar ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ku qabteen bandhig faneed, kadibna xabsiga la dhigay markii ay ku laabteen gudaha magaalada Hargeysa. Labada fanaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo u mahadceliyey dadkii ka qeyb qaatay sii deyntooda. Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Somaliland ay ogolaatay isku socodka koonfurta iyo waqooyiga, kadib wahada-hadalladii lagu qabtay dalka Jabuuti. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Somaliland ay xabsiga ka sii deysay Wariyaha caanka ee Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo u xirnaa xukuumadda maamulkaasi.
  6. Baanka Aduunka ayaa Soomaaliya ka caawin doono Kasoo kabashada dhaqaalaha Xumada Shanta sono ee soo socota, lacagtasoo Sanadke Shanta sano ee soo socota, Aduun gaaraya [...] The post Dowlada Federaalka oo Bank Aduunka ku cadaadinaysa in lasoo shubo lacago loogu deeqay Soomaaliya, Maxay tahay ujeedku appeared first on . Source
  7. Mandera Governor Ali Roba wants the national government to release money allocated to counties to fight the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  8. Allah u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday, taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowladda goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheikh Cusman Axmed. Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Isbitaalka yallo magaalada caasimadda u ah dalkaasi, taliyaha ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday gudaha Isbitaalka. Allah u naxariistee S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed ayaa ka mid noqday saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Puntland, waxaan xilka taliyaha loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse). Taliya ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghyaha guud ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Qadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayey qodobada ka soo baxay shirkii Jabuuti ayaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday inuu faah faahin dheeri ah kala bixiyo qodobka la xiriira isku socodka Koofurta iyo waqooyiga. Qadar ayaa sheegay in shaku badan uu ka jiro qodobkaasi, islamarkaana looga baahan yahay xukuumadda inay cadeyso qodobkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad badan ay shaki weyn ka qabaan qodobka isu socodka ee lagu soo daray warmurtiyeedka wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. “Xukuumaddu waa in ay caddeysaa qodobka isu socodka Somaliland iyo Koofurta oo shaki weyn ay ka qabaan dadka intooda badan, ma diidin wada hadalka balse nuxurka qodobkaas dad badan kama aysan dhergin oo uma cadda” ayuu yiri xoghayaha Wadani. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la fahmo ujeedada rasmiga ee laga leeyahay qodobkaasi oo uu xusay inuu ka jiro mad-madow siyaasadeed. “Arrintaas waa ay caddahay, balse tan mad-madow siyaasadeed ayaa ka dhex muuqda, in la fahmo wax waliba waxa ay ka dhigan tahay in lagu qanco, marka aad wax fahamtid ayaad diidi kartaa ama yeeli kartaa, waana in aan laga gamban ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay”. ayuu markale yiri, Qadar Xuseen xoghyaha guud ee xisbiga Wadani. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka labada shacab ee koofurta iyo waqooyiga qodobkaas oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa, isaga oo caafimaad ahaan loogu qaaday dalkaasi, gaar ahaan Addis Ababa. Geerida ku timid Cali Baadiye ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta. Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Puntland ayaa xilligii xukuumaddii Cadde Muuse soo noqday taliyaha ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa saraakiishii milatariga ee dowladdii kacaanka, inkastoo markii dambe uu ku biiray jabhadihii ka soo horjeestay Maxamed Siyaad Barre. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyn ka tacsiyeeyey geerida ku timid Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye, iyaga oo Alle uga bariyey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.
  11. Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay deeq lacageed oo dhan 55 Milyan oo dollar, taas oo kamid ah deeqaha caalmada bangiga uu siiyo, si wax looga taageero dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha dib u habeynta si loo sameeyo siyaasasado lagu dhiirigelinayo ganacsiga gaarka ah. Lacagta uu Bangiga uu ansixiyey ayaa loogu talo galay in wax looga baqto xaalada caafimaadka ee ku aadan xanuunka COVID-19, oo Soomaaliya ay kamid tahay goobaha uu saameeyey wadamada Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dowladda Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo shalay ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay falkas oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro soo gaaray arday sugeysay gelidda xerada iyo askar. ”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga. Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xerada ayaa waxaa ku dhimatay sedex ruux oo mid ka mid ah uu yahay arday iyo askarigii isku hor istaagay ruuxa naftiis huraha ah oo u diiday unuu isku daro ardayda gudaha galaysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga adduunka oo ka mid ah bangiyada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya ayaa markale lacag fara badan u ansixiyey dowladda federaalka, si wax looga qabto dhibaatooyinka adag ee xilligan ka jira dalka. Lacagtaan oo bangiga adduunka ugu deeqay Soomaaliya oo gaareysa $55 Milyan ayaa waxaa la sheegay in lagu kaabi doono miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka. Ujeedada ayaa ah sidii lacagtaasi wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee xilligan ka jira ee Soomaaliya ee uu sababay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku kasbadeen maamul wanaag, isaga oo u mahaceliyey bangiga adduunka. “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayaa yiri wasiirka maaliyadda dowladda federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed. “Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Beyle. Soomaaliya oo xilligan ku guda jirta marxalad kala guur ah, una diyaar garoobeyso doorashooyin ayaa wajaheysa caqabado badan, sida dhaqaale yari uu sababay xanuunka dunida aafeeyey Covid-19 oo si gaar ah u saameeyey dhammaana ilihii dhaqaalaha dalka oo uu ugu horreeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
  14. Gen. Cali Baadiye Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa (Cali Baadiye) ayaa saaka oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Alle ha u naxariistee, Gen. Cali Baadiye ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladiisa. Marxuum Cali Baadiye wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii Dowladdii Kacaanka, waxaana la xiray 1978, kadib inqilaab fashilmay oo hoggaaminayay walaalkiis Maxamuud Sheekh Cismaan (Cirro) isagoo xirnaa ilaa 1990. Marxuum Cali Baadiye ayaa taliyaha Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse). PUNTLAND POST The post Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay sarreeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababar ee Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaanada Jilib Marko iyo Gandershe. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegayaan inay haatan taggaasi ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay dib ka faahin faahin natiijada saxda ee baaritaanadooda. Gobolka Sh/ Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari oo ciidamada huwanta ay ka wadaan gobolkaasi.
  17. NAIROBI (Xinhua) -- As Kenya continues to record a surge in COVID-19 infections, counties outside the capital Nairobi are emerging as the latest hotspots where the disease is fast spreading. Source: Hiiraan Online
  18. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay taageerro qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta, oo lagu taageeri lahaa mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya inay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo walaac ka qaba. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xireenka, ayada oo aanay heshiis la gaarin dalalka uu webiga maro. Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay ansixiyeen wasiirada arrimaha dibedda, marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey qaab shir muuqaalka internet-ka ah oo ay codsatay Qaahira. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhaxeyso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda. “Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka, islamarkaana gaaraan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yiri Cawad. Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u helo khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal. Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda.
  19. Dhamaan ilmo farax xayir iyo Qoyskiisa waxay tacsi tiiraanyo ah la wadaagayaan walalahood Saciid Maxamed Xirsi iyo Fa’isa Axmed Faarax oo Gabadhooda Deeqa Saciid Maxamed [...] The post Tacsi Ku socota Saciid Maxamed Xirsi iyo Faisa Axmed Farax oo ku nool USA Geerida ku timid Gabadhooda appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda. Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.
  21. Appeasement has become a dirty word in the lexicon of the English language and all because of its historical connotations. On 30 September 1938, a former British Prime Minister, Neville Chamberlain, Source: Hiiraan Online
  22. Ethiopia has launched a coronavirus antibody test that could help the government better understand the degree of immunity of those people who recovered from COVID-19 infection. Source: Hiiraan Online
  23. As the International Space Station (ISS) passed over the Horn of Africa on February 19, 2020, an astronaut shot this photograph of Somalia's capital city, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. The headmaster of Eton College has told the BBC he is "appalled" by the racism experienced by the first black person to complete his studies at the prestigious British public school. Source: Hiiraan Online