Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Xalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ugu soo xirmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Shirkaasi lagu dhammeeyay Khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirka si loo dhammeeyo Khilaafka labada dhinac. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo dhammaan dhinacyadu heshiis ku wada yihiin islamarkaana si xor iyo xalaal ah u dhacda. Mudane Deni ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo kula kaftamay in uu tartan fiican u galo Doorashada isagoo xusay in Dowlad Goboleedyaduna hareeraha qaban doonaan si uu kursiga mar kale ugu guulaysto. Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sheegay in la dhammeeyay Khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay Khudbad kooban ka jeediyay Shirkii Dhuusamareeb ku soo xirmay ayaa amaan iyo mahadcelin u jeediyay Madaxdweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirkaasi. Madaxweynaha Jubaland waxa kale oo u mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug oo marti-geliyay Shirka waxaana uu bogaadiyay sida ay ugu guulaysteen in ay isu keeneen dhammaan Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed kuna marti-geliyeen Shirka Dhuusamareeb. Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Shirka si hoose loogu dhammeeyay Khilaafaadkii jiray ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inkastoo uusan faahfaahin ka sii bixin Qodobkaas. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la is wada cafiyo lagana gudbo dhammaan wixii horay u jiray si Dalka looga saaro Marxaladda uu haatan marayo. Hoos ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo amaan iyo mahadcelin u jeediyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku soo xirmay Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimihii Shirka looga wada hadlay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo uu tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka Doorshaada loo dhanyahay. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka Dalka. Mudane Farmaajo ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka Degaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka warbixiyay Shirkii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  4. Ururka Samafalka Daryeel walaal charity waxa uu Dadka Muxsiniinta ka cod sanayaa inay kala qayb qaatan xoolo Ulxaa oo loo qalayo Agoont iyo Danyarta Burco. Daryeel walaal Charity waa urur samafala oo gacan qabta Agoonta iyo danyarta iyo qoysaska haysta Dadka waalan Ee saboolkaa . Bulshadda Khayrka jecel waxaanu ka cod sanaynaa inay nagala Farxiyaan Agoonta danyarta iyo qoysaska haysta Dadka waalan Ee saboolkaa . oo loo iibinayo xoolo Ulxaa oo loo qalayo. Dadkaas oo ah qoysas Tabaalaysan oo jilicsan sanadkaa dhana laga yaabo inay saddexjeer hilib cunaan ama aanay helinba wax ay siistaan . Ula bax Naftaada Waalidkaa sadaqo oo nala caawi/nagala Farxi Agoonta iyo Danyarta Maalinta Ciida Wixii Aad Awoodo kusoo Hagaaji Gudoomiyaha Daryeel walal Charity Samafale :Mukhtaar Mohamed Jama xaaji diiriye Tell: telesom063-4888850/ Somtel/0659888857/0654888850 Mahadsanid :sidaad Danyartaada ugala qayb qaadatay farxadda iida . Qaran News
  5. SHANGHAI (Reuters) - An Ethiopian Airlines’ Boeing 777 cargo plane caught fire while loading cargo at Shanghai Pudong International Airport on Wednesday, the airline said, adding that fire has been contained and none of the crew or ground staff were harmed. Source: Hiiraan Online
  6. JOHANNESBURG (AP) — Ethiopia’s prime minister said Tuesday his country, Egypt and Sudan have reached a “major common understanding which paves the way for a breakthrough agreement” on a massive dam project that has led to sharp regional tensions and led some to fear military conflict. The statement by Abiy Ahmed’s office came as new satellite images show the water level in the reservoir behind the nearly completed $4.6 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam is at its highest in at least four years. Ethiopia has said the rising water is from heavy rains, and the new statement said that “it has become evident over the past two weeks in the rainy season that the (dam’s) first-year filling is achieved and the dam under construction is already overtopping.” Ethiopia has said it would begin filling the reservoir of the dam, Africa’s largest, this month even without a deal as the rainy season floods the Blue Nile. But the new statement says the three countries’ leaders have agreed to pursue “further technical discussions on the filling … and proceed to a comprehensive agreement.” The statement did not give details on Tuesday’s discussions, mediated by current African Union chair and South African President Cyril Ramaphosa, or what had been agreed upon. But the talks among the country’s leaders showed the critical importance placed on finding a way to resolve tensions over the storied Nile River, a lifeline for all involved. Ethiopia says the colossal dam offers a critical opportunity to pull millions of its nearly 110 million citizens out of poverty and become a major power exporter. Downstream Egypt, which depends on the Nile to supply its farmers and booming population of 100 million with fresh water, asserts that the dam poses an existential threat. Negotiators have said key questions remain about how much water Ethiopia will release downstream if a multi-year drought occurs and how the countries will resolve any future disputes. Ethiopia rejects binding arbitration at the final stage. Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi stressed Egypt’s “sincere will to continue to achieve progress over the disputed issues,” a spokesman’s statement said. It said the leaders agreed to “give priority to developing a binding legal commitment regarding the basis for filling and operating the dam.” Sudanese Irrigation Minister Yasser Abbas told reporters in the capital, Khartoum, that once the agreement has been solidified, Ethiopia will retain the right to amend some figures relating to the dam’s operation during drought periods. “Generally, the atmosphere was positive” during the talks, he said. Abbas said the leaders agreed on Ethiopia’s right to build additional reservoirs and other projects as long as it notifies the downstream countries, in line with international law. “There are other sticking points, but if we agree on this basic principle, the other points will automatically be solved,” he said. Both Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok and Ethiopia’s leader called Tuesday’s meeting “fruitful.” “It is absolutely necessary that Egypt, Sudan and Ethiopia, with the support of the African Union, come to an agreement that preserves the interest of all parties,” Moussa Faki Mahamat, chairman of the AU commission, said on Twitter, adding that the Nile “should remain a source of peace.” Years of talks with a variety of mediators, including the Trump administration, have failed to produce a solution. Now satellite images of the reservoir filling are adding fresh urgency. The latest imagery taken Tuesday “certainly shows the highest water levels behind the dam in at least the past four years,” said Stephen Wood, senior director with Maxar News Bureau. Kevin Wheeler, a researcher at the Environmental Change Institute, University of Oxford, told the AP last week that fears of any immediate water shortage “are not justified at this stage at all and the escalating rhetoric is more due to changing power dynamics in the region. However, “if there were a drought over the next several years, that certainly could become a risk,” he said.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimaha doorashada dalka, waxuuna sheegay in kursiga uu ku yimid doorasho dadban oo lagu qanacsanaa, balse haatan loo baahanyahay inay doorashadu ku dhacdo si ka duwan sidii hore, iyadoo la raacayo dastuurka. “Markii la i doortay waxaa naloo xilsaaray in aan dalka gaarsiino doorasho toos ah , afar bilood markaan joognay waxaan sameynay guddi, kaas oo ay ku midoobeen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, mudo hal sano ah ayuu guddigaasi shaqeynayey, afar ajende ayaana u dirnay, kuwaas oo kala ah, doorasho qof iyo cod ah iyo qaabkii loo geli lahaa, kheyraad qeybsiga, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxdweynaha ayaa sheegay in waqti hore ay bilaabeen diyaarinta doorashada, isla markaana sharcigii doorashada ee uu soo diyaariyey guddigaas ka kala socday dowoladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay anxisiyeen golaha wasiirrada, sidaas loogu gudbiyey baarlamaanka federaalka. “Sharcigii anagu aan soo diyaarinay ayey mudo heysteen, waxayna soo saareen mid ka duwan, oo aan shaqo ku laheyn kii aan soo diyaarinay, anigu hal qof oo aan wacay ma jiro oo aan ku iri ‘warkii anagu aan keenay ayaa roonaaye maad kaas qaadataan’ iyagoo wax nagala cararaaya ayey lasoo baxeen kan hadda yaalla, waxaa la lahaa madaxweynuhu waa diidi doonaa, maadaama kii hore uu ahaa sharci uu isagu soo diyaarsaday, laakiin umadda Soomaaliyeed waxaan u cadeeyey sharcigu kii aan soo diyaarinay in uusan aheyn, balse aan saxiixay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanku uu keenay sharci aysan hubin inay ku soo noqon doonaan, balse ay faa’iidadiisu tahay in shacabku fursad heli doono, sida uu sheegay. “Baarlamaankii oo leh sharci ayaan diyaarinay, guddigii doorashooyinka oo leh waan qaban karnaa doorashada iyo dowlad goboleedyada oo leh xaaladdii lagu qaban lahaa doorasho noocaas ah ma joognaa? Doodu halkaas ayey hada noo taagan-tahay, waxaana isku afgaranay in aan wadno doodaas” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa sheegay inay wajiga sedaxaad ee shirka isugu soo laaban doonaan, iyagoo maskax furan oo qof walbana uu lasoo tashaday dadkii uu kasoo tegay, si xal buuxa ay u raadiyaan madaxdu. “Anigu dib ayaan ugu laabanayaa baarlamaankii waxaan u bandhigaa waxaan ku soo sheekeysanay saaxiibadey, madaxda kalena dadkoodii ayey dib ugu noqonayaan, waana isu-soo noqoneynaa anagoo maskax furan oo shaqeyn kara wax danteena ka weyn” ayuu hadalkiisa kusii daray. Madaxweynaha ayaa u mahad-celin dheer kadib xukuumaddiisa ku amray in Galmudug ay siiso muhiimad gaar ah, “Kulankan waxaa uu ku soo daaday, iyadoo ay naga baaqdeen dhowr kulan, waan uga mahad celinayaa madaxweyne Qoor Qoor oo joogay lix bilood in uu suurta geliyey oo qaatay mas’uuliyadaas xooga leh” ayuu yiri.
  8. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar____Qubanaha-22072020.mp3 View the full article
  9. Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020. Shirka ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare. Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay; Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta Soomaaliya. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka. Shirku wuxuu uga mahad celiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo. Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. —-DHAMMAAD—- View the full article
  10. The post Akhriso Warmurtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb appeared first on . Source
  11. Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka uga socday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen dhinacyada Shirkaasi. Qodobka ugu muhiimsan War-murtiyeedka, waxaa lagu heshiiyay in ay Dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay, waxaana la go’aamiyay in la sameeyo guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo ka soo tala-bixiya Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in Shir kale Magaalada Dhuusamareeb la isu’gu yimaado mudda laba todobaad gudahood ah, si loo dhammaystiro Hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka Dalka. Qodobada kale ee lagu heshiiyay, waxaa kamid ah in la sii dardargeliyo Wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, ee ku aaddan Xasilinta Dalka iyo La-dagaallanka argagixisada. Sida War-murtiyeedkaas ku xusan, waxaa kale oo Shirku isla gartay in la sii xoojiyo Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo Geeddi-socodka dhammaystirka dayn-cafinta Soomaaliya. Ugu dambayntii, Shirku wuxu u mahadceliyay Dowlad Goboleedka Galmudug oo marti-geliyay Shirka iyo Beesha Caalamka oo sida ay Madaxdu sheegeen Kaalin muuqata ka ciyaaraysa Dib u-dhiska Soomaaliya. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka Shirka PUNTLAND POST The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka kooban sideed qodob ayaa laga soo saaray shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socvda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Shirkan oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo. Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay: WAR-MURTIYEED Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020. Shirka ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare. Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay; Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta Soomaaliya. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka. Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka. Shirku wuxuu uga mahad celiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo. Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. —-DHAMMAAD–
  13. Rudy Giuliani has once again posted misinformation about Rep. Ilhan Omar on social media, sharing a meme that falsely claimed the congresswoman was seen at a terrorist training camp. Source: Hiiraan Online
  14. Waxaa goordhow lasoo saaray warmurtiyeedka Shirka Dhuusamareeb uga socday dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Halaanka Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Djibouti Shipping Company welcomes its first ship and the Tadjourah-Balho road receives first major cargo shipment. Source: Hiiraan Online
  16. Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo waraysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo batay dil-wadareed wuxuuna sababtaas ku qeexay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo joojiyay dilalka qisaasta. Halkan Ka Daawo Waraysiga Yuusuf Jimcaale Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Yacquub Maxamed Cabdalla oo Xoghayaha ku meel gaarka ee Urur Siyasadeeka Kaah,sidoo kalane ah falanqeeye arimaha siyaasada Puntland ayaa Goobjoog ugu waramay nidaamka xisbiyada ee Puntland 18 Luulyo 2020- Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa loo doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Golaha dhexe ee Ururka ayaa sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash u doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa isna loo doortay guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee urur Siyaasadeedka KAAH,Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey sida bulshada Puntland ugu heelantahay hanaanka Dimuqraadiyadda ku dhisan ee Xisbiyada badan. Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Nidaamka Xisbiyada Ee Puntland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-22072020.mp3 View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxay u badan tahay in Heshiis rasmi ah laga gaaray Shirka Dhuusamareeb , Warar hordhac ah ayaa sheegaya in lagu heshiiyey in Doorashadu ay wakhtigeeda [...] The post Breaking News— Shirkii Dhuusamareeb oo lagu Heshiisyay, Maxaa lagu heshiiyey appeared first on . Source
  21. Somalia has refuted some media claims that it plans to dispatch troops to Libya to support Turkey in the battle against the warlord Khalifa Haftar in the north African nation. Somalia’s Foreign Affairs Minister Amb Ahmed Isse Awad described reports as baseless and fake news, saying his country which maintains close ties with Turkey did not recruit mercenaries to fight in Libya. Turkey deployed combat forces to Libya in January this year in support of the weak government based in Tripoli that is battling General Khalifa Haftar based in Sirte. View the full article
  22. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay dib u dhaca ku yimid wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee loo balansanaa inay dib uga furmaan dalkaasi, kuwaasi oo u dhaxeeyay guddiyadii farsamo ee labada dhinac u magacaabeen. Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dib u furmayaan wada-hadalladaasi, wallow uusan si cad u sheegin xiliga ay dib u furmayaan, maadama labada dhinaca uu ka muuqdo cago-jiid badan. Wasiirka ayaa madaxda labada dhinac ku booriyey in gebi ahaanba laga gudbo caqabadaha hakadka gelinaya geedi socodka wada-hadalladaasi, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ku howlan tahay dib u furista wada-hadalladaasi. Sidoo kale waxa uu wasiirku soo jeediyay in labada dhinaca ay muujiyaan samir badan, si loo helo wada-hadallo guuleysta oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa. Wasiirka ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiis twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Dib u bilaabista wada hadalada heerka guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, Djibouti waxay diyaarinaysaa saaxadda wada hadalo guulaysta. Waxa kale oo ku yiri qoraalkaasi “Waxa muhiim ah in Samir la yeesho, lana taxadiro, oo meesha laga saaro dhammaan caqabadaha dib u dhigi karaya geedi socodka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Jabuuti”. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee wajigiisa labaad uu dib uga furmi lahaa dalka Jabuuti ayaa gebi ahaanba hakad galay, maadama uu tiraba dhowr jeer uu dib udhac ku yimid.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray Wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article