-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Niarobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi. Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane ay mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaas haya ee Jubilee. Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey dhinaca baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii dhacay sanadkii 2013-kii. Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Keyaan ah, lagana soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbiga talada haya ee Jubilee.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka laga helayo gudaha wadanka Jarmalka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed uu xaasikiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka loo geystay Marxuumada oo lagu magacaabi jiray Leylo Siciid, taas oo muddo ku nooleyd magaalada lagu dilay ee Cloppenburg. Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay Allaha u naxariistee Marxuumad Leyla iyo sayigeeda, kaas oo aan la shaacin waxa uu salka ku hayo. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Leylo Siciid iyo ninka dilay ay is-guursadeen muddo hadda laga joogo bil iyo bar. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska oo meesha tegay ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigan ninka dilka geystay, kaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Booliska ayaa sidoo kale la wareegay labo caruur ah oo ay nin kale u soo dhashay haweeneyda la dilay, kuwaas oo la geeyey qeybta caruurta qaabilsan ee Jugendamt-ga. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan falkan mid ugub ku ah Soomaalida, iyadoona marar badan iyo meelo kala duwan laga soo wariyey sheekooyin la xiriira dhacdadaasi.
-
Majority leader in the National Assembly Aden Duale has been replaced by Amos Kimunya. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goordhow waxaa uu hoggaanka Jubillee ee baarlamaanka dalkaasi ka wareejiyey Aaden Barre Ducaale. Xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga Jubilee ee baarlamaanka waxaa loo dhiibay Xildhibaan kasoo jeeda Kipipiri Mr. Amos Kimunya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo jaamacadda la baxday ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS). Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM, ayaa lagu sheegay in Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya lagu heli karo, kaddib markii la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in ‘UNAS’ aysan codsan, islamarkaana aysan helin Rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta, taasi oo ka dhigan in aysan oggolaansho ka wadan UN-ka , balse laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah. Sidoo kale, UNSOM ayaa xustay in ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada kuwaas oo ay ku wargalisay arrinta ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay. Ugu dambayntii, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in ay dacwad sharci ah la tiigsan doonaan UNAS haddii aysan joojin adeegsiga magaca iyo Astaanka Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto Jaamacad ay aas’aaseen Dad Soomaali ah appeared first on Puntland Post.
-
Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa saaka xilka ka qaaday Aadan Barre Ducaale, oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalkaasi, sida ay soo tebisay Warbaahinta Kenya. Xilka hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Keyna, waxaa loo doortay in uu noqdo Amos Kimunya, isagoo bedelaya Aadan Barre, isla markaana waxa Isbedel lagu sameeyay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Kulanka xilka loo qaaday Hoggaamiye Aadan Cadde, waxaa shir Guddoomiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxaana ka qayb-galay xubnaha Xisbiga talada Kenya haya . Sidoo kale, Xoghayaha Isbaheysiga talada dalka Kenya haya ee Jubillee waxaa isna loo magacaabay Adan Kaynaan, oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri. Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, ayaa waxaa uu ahaa siyaasi Soomaali ah oo lagu tilmaami jiray ninka saddexaad ee ugu awoodda badan Kenya. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo xilka laga xayuubiyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa si faah faahsan looga hadlay arrimo ku aadan Jaamacad la magac baxday United Nations Academy of Somalia, taas oo uu hoggaamiyo ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi. Jaamacaddan oo hab Online wax looga barto ayaa waxaa horey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uga dhaawaaqay Geedi, iyada oo ay iska diiwaan-geliyeen arday fara badan, kuwaas oo ka bilaabay heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda., Qoraalka Qaramada Midoobay ka soo baxay ayaa waxaa lagu beeniyey diwaan-gelinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia oo loo soo gaabiyo UNAS. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay wax xariir ah jaamacaddu aysan la-laheyn Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay dacwad sharci ah la tiigasan doonto UNAS, taas oo ah in ay joojiso adeegsigaasi. Halkaan hoose ka aqriso: Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’ Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. ‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka u magacaabay Axmed Macalin Xasan sida ku cad Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Duulista Maareeye cusubna magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Four new circulating vaccine-derived poliovirus type 2 (cVDPV2) positive sewage samples have been identified from environmental surveillance (ES) sites in Mogadishu, indicating ongoing transmission and circulation of polioviruses. Source: Hiiraan Online
-
Soldiers in the Somali capital Mogadishu have ended their protest over unpaid salaries. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Cloppenbugr)-Subaxnimadii Shalay oo Axada ahayd goor hore ayuu ninkeedu tooray ku dilay haweenay lagu magacaabi jiray Layla Siciid gobalka Niedersachsen magaalada Cloppenbugr ee dalka Jarmalka. Ninka dilka u gaystay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Faarax Cali Muus ayaa sida dad eheladiisa ahi xaqiijiyeen sheegeen inuu laba bilood oo kaliya qabay haweenaydan gacantiisa ku baxday, Layla ayaa ahayd Hooyo wiil yar oo 2 sanno jir ah haysatay taas oo ka mid ahayd Qaxoonti Jarmalku 1 sanno ka hor ka soo qaaday Dalka Masar. illaa iminka lama oga sababta dilka balse dad ehelada ninka dilka gaysay ka mid ah waxay sheegeen in aan hore wax muuqdaa ugu dhaxayn isla markaana ay ku faraxsanaayeen noloshooda cusub ee ay ku midoobeen Booliska ayaa gacanta ku dhigay Ninka dilka gaystay waxana socota baadhid dheeri ah oo ay ku baadhayaan Boolisku sida falku u dhacay iyo sababta dilka. Source
-
While Somalia is facing one of the world’s biggest public health threats from COVID-19, the country is also struggling with floods in the north that have killed 24 people and are affecting over 700 000 people in 24 districts. These floods have also displaced almost 283 000 people in the area. All 6 states have suffered the effects of this flash flood that occur annually as a result of the Gu rains, which is a monsoon like rainfall Hirshabelle, Jubaland, Southwest and Puntland states being the most affected. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Tog-Wajaale)- Hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa baadhitaan iyo xaqiijin ku soo samaysay raashin dhacay oo laga soo celiyay dalka Itoobiya, kaasoo markii hore ka dhoofay dhinaca Somaliland. Raashinkaasi dhacay oo noociisa lagu sheegay Misir ayaa la dhigay magaaladda Tog-wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya. Kadib markii la ogaaday in uu dhacay ama xumaaday oo aan la isticmaali Karin. Wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha Somaliland ayaa maanta kormeer ugu baxay magaaladda Wajaale si ay u soo cadeeyaan in Misirkaasi uu dhacay ama xumaday iyo in kale. Markii ay weftiga guddoomiyaha hay’adda tayadu gaadheen Wajaale waxay kulan la qaateen masuuliyiinta degmadda Wajaale, kuwa maamulka kastamka Wajaale iyo ciidamadda Tulba-taariyadda. Waxaanay masuuliyiinta Wajaale warbixino la xidhiidha sida ay magaaladu ugu baahan tahay in la xoojiyo baadhitaanadda dhinaca badeecadaha kala duwan ee ka dhoofa ka siiyeen guddoomiyaha hay’adda tayadda iyo xubnihii la socday. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay maamulka degmadda Tog-Wajaale warbixinta fiican ee ay ka siiyeen xaaladaha alaabooyinka dhacay iyo waxyaabaha magaaladda ka dhex socda. Guddoomiyaha hay’adda tayadu waxa kaloo uu sheegay Wajaale ay muhiim u tahay in la balaadhiyo hawlaha baadhitaanadda badeecadaha ka dhoofa, maadaama oo ay ku taallo xuduudka Itoobiya. Waxaanu balan qaaday in ay ka hay’ad ahaan is-bedel weyn ku samayn doonaan tiradda shaqaalaha ka hawl gala xafiiskoodda Wajaale. Geesta kale guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale Xaashi Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in Wajaale ay ka jiraan in raashin iyo waxyaabo kaloo taariikhdii la isticmaalayay dhaafay ay yaalaan, isla markaana ay ganacsatada qaarkood wax ka bedelaan taariikhda sheegaysa wakhtiga uu shaygu dhacayo. Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda tayadda Somaliland ayaa denbi qaran ku tilmaamay ganacstadda wax ka bedela taariikhda uu dhacayo badeecadaha ay iibiyaan. Waxaanu sheegay in cidii lagu qabto iyagoo wax ka bedel ku sameeyay badeecado dhacay in ay sharciga la tiigsan doonaan. Daawo: hadaladii Masuuliyiinta: Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato Wasiirada iyo Xildhibaanada deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Kulankaas oo ah mid quraac ah ayaa lagu ku casuumay Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isla markaana waxaa loo diray fariimo ku aadan in kulan uu ku Casuumay Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in Wasiirrada iyo Xildhibnaanada uu warbixin ka siiyo Shirkii dhawaan Magaalada Jabuuti ku dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo lagaga hadlayo Arrimo kala duwan. Sidoo kale inta uu socdo kulanka ayaa waxaa lagaga hadli doonaa Arrimo ku saabsan Doorashooyinka. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulanka Maanta uu hogaamin doono dhanka Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland Raysal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan gaar ah oo dhacaya saaka ku casuumay wasiirada, senatorada iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi. Kulanka ayaa la filayaa in goor dhow uu ka bilowday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa horkacaya xildhibaanada iyo wasiirada maanta la kulmaya madaxweyne Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xildhibaanadaasi kala hadli doono arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021, maadaama cabasho badan iyo dood ay ka taagan tahay kurasaata xildhibaanada ka soo jeeda dhinaca deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in madaxweynaha uu warbixin uu xubnahaasi ka siiyo shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalka Jabuuti. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey muranka iyo qeylo dhaanta ka taagan kuraasta gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo maanta xeerkaasi ay dood adag ka leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
-
(SLT-Koonfur Afrika)-Wararka aanu ka heleyno Magaalo ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka laga helay Meydka nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku nool. Meydka Marxuumka ayaa waxaa laga helay Xarunta laga raaco Tareenada “Train Station” ee taalla Magalada Port Elizabeth ee Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in la dilay. Dad Soomaali ah oo tegay goobta ayaa waxaa ay sheegeen in ninkan xiligii ay dul-tagayeen Meydkiisa uu qorta xadhig uga xidhnaa, isla markaana halkaas ka qaadeen, iyagoo geeyay Xarun Meydadka lagu baadho. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka Soomaaliga ee la dilay uu la shaqeyn jiray dad Koonfur Afrikaan ah, welina si dhab ah looma oga sababta keentay dilka ninkaasi. Source
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodayaa sida uu qorshuhu yahay xeerka matalaada gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada waqooyi. Labadaan xeer oo muhiim u ah doorashada soo socota ayaa waxaa soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashada. Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa weli ay dood adag ka taagan tahay, kadib markii aqalka sare laga siiyey illaa 7 kursi oo loo qeybsan doono nidaamka 4.5, taas oo ay cabasho xoogan ka keeneen siyaasiyiin badan iyo waxgaradka gobolka Banaadir. Sidoo kale kuraasta gobollada waqooyi ayaa iyana waxa ka taagan muran xoogan, waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaato xildhibaanada ka soo jeeda gobolladaasi, si uu ugala hadlo arrimaha doorashada, wada-hadallada u bilowday Soomaaliya iyo Somaliland, kadib shirkii dhowaan ku qabsoomay dalka Jabuuti. Arrimahaan oo dil ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu guda jiro xilli kala guur ah, islamarkaana uu waqti yar u haray muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Somalia.
-
Waxaa maanta lagu wadaa in golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa ah, ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo baarlamanka 11-aad iyo kuraasta gobolada Woqooyi ka soo galaya. Waxaa la filayaa in dood dheer goluhu ay geliyaan, maaddaama ajandaha uu yahay mid muhiiomadiisa leh , gobolka Banaadir ayaa horay loogu Ansixiyey 7 kursi in ay ku mataan golaha Aqalka sare . Kulanka golaha ayaa kamid ah kala fadhiga 7-aad , kaas oo ah midkii ugu dambeeyey, mudo xileedkiisa, waxaana laga sugayaa howlo badan, oo ay ugu weyn tahay dib u eegista dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka saxiixay sharciga duuliska rayidka hawada, kaas oo xilligaan muhiim ah Soomaaliya oo horey ula soo wareegtay maamullida hawadeeda. Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixa kadib u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal iyo khuburadii qeybta ka soo qaatay sharcigaasi. Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa aintaasi kadib magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka, kaas oo loo magacaabay Mudane Axmed Macalin Xasan oo xilkaasi horey ugu hayey si kumeel gaar ah. Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
-
Mogadishu (HOL) - Somali government soldiers have blocked vital roads on Sunday in Mogadishu as they protest over unpaid wages. Source: Hiiraan Online