Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyey shirkii madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa sheegay in dadaal badan oo la sameeyey iyo wada-hadal uu meesha ka baxay khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac. Deni ayaa tilmaamay in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala waramayey hayeeshee taasi ay dhammaatay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilligii Midnimada, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeya danaha guud ee Qaranka. Dhankiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia. Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddo uu taagnaa khilaafka dowladda kala dehxeeyey Puntland iyo Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac. View the full article
  2. Warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijsay in cabasho laga diiwaan geliyay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu eedeeyay jidh-dil iyo dad lagu waayay dagaalka ka socda dalka Yemen. Eedaha ka dhanka ah Maxamed bin Zayed waxaa sameeyay Xulifadda Caalamiga ah ee Difaaca Xuquuqda iyo Xoriyadda iyo lix qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muujiyay in jidh-dil iyo xadgudub loogu geystay xabsi Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Yemen. Isagoo adeegsanaya awooddiisa millatari, Bin Zayed waxaa lagu eedeeyay in uu “ku lug lahaa jidh-dil” ka dhacay Yemen. Maxkamadaha Faransiiska ee la shaqeeya garsoorka caalamiga ah ayaa leh awood ay dacwad ugu soo oogi karaan, isla markaana ku xukumi karaan dambiileyaasha, haddii ay joogaan dalka Faransiiska. Le Monde oo ah wargeys galab walba kasoo baxa Faransiiska ayaa xaqiijiyey in cabashadda la marsiiyay nidaamka dacwada madaniga ah ay keeni karta baaris garsoor. Si kastaba, su’aasha xasaanadda diblomaasiyadeed ee dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa weli laga doodayaa waxaana go’aan ka gaadhi doona garsooraha baadhitaanka sameynaya. “Macaamiisheydu wey ku qanacsanyihiin billowgaan waxayna rajo weyn ka qabaan cadaaladda faransiiska,” ayuu yidhi Joseph Barham oo ah qareenka dadka dacwadda gudbiyay. “ Waxay si gaar ah u diideen ficiladda jirdilka ee ciidanka Imaaraadka Carabtu ay ku geysteen meel dadka lagu xidho” Wargeyska Faransiiska ayaa wariyay in mid ka mid ah dhibaneyaasha uu sharaxay in la xidhay isagoo ka shaqaynaya sii deynta dad ay xireen ciidanka Imaaraadka Carabta. Waxaa uu sheegay in lagu riday meel god ah oo lagu hayay muddo 48 saacadood ah, iyo in lugahiisa iyo gacmihiisana fiilo la iskula xidhay ka hor “inta aan dharka laga siibin”. Waxaa uu sidoo kale xusay in koronto lagu dhejiyay islamarkaana sigaar lagu gubay. Sida qareenku sheegay, kiiska waxaa lagu dhisay heshiiska Qaramadda Midoobay ee ka dhanka ah jidh-dilka. Dacwadda ka dhanka ah Bin Zayed waxay ku saleysantahay warbixin ay diyaareen qubaro ka tirsan Qaramadda Midoobay, taasi oo cadeysay in weeradda ay Yemen ka geysanayaan xulifadda uu Sucuudigu hogaaminayo ay isu bedeli karaan dambiyo dagaal, islamarkaana uu jidh-dil ka dhaco laba xarumood oo ay maamulaan ciidanka Imaaraadka. Urur fadhisiigu yahay Geneva oo lagu magacaabo SAM una dooda xuquuqda iyo xoriyadda ayaa soo dhaweeyay baadhista Faransiisku ku bilaabay Dhaxal Sugaha Imaaraadka. “Go’aanka billowga baadhista waxaa uu farriin cad u dirayaa dhammaan dhinacyadda ku lugta la heh xadgudubyadda xuquuqda aadanaha ee Yemen,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed uu ururku soo saaray. “Waxaan ku dhiiri gelineynaa dhamaan dhibaneyaasha in ay cabsida ka baxaan oo ay soo gudbiyaan kiiskaan oo kale” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka. Ururadda xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen xadgudubyo laga naxo oo xaasidnimo leh oo ay koofurta Yemen ka geysteen ciidanka Imaaraadka Carabta iyo ciidan ay Imaraadku taageeraan intii u dhaxaysay 2017-kii iyo 2020. Source
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia. Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in dadaal badan oo la sameeyey kadib meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Deni ayaa intaasi ku daray in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala warrami jiray, balse ay haatan dhammaatay, islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan labada dhinac. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la joogo xilligii Midnimada,loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee Ummadda Soomaaliyeed.
  4. (SLT-Houston)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay inay siiyeen dowlada China 72 saacadood oo ay ku xidhaan Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay magaalada Houston ee gobalka Texas. Faah faahin lagama bixin sababta Maraykanka tilaabadan u qaaday, wuxuuna go’aankan dab kusii shidayaa xidhiidhka labada dal ee bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayey. Qunsuliyada Shiinaha ku leeyahay Houston ayaa kamid ah 5 qunsuliyadood oo uu dalkaasi ku leeyahay waddanka Maraykanka, waxaana la furay sannadkii 1979-kii. Afhayeenka Dowlada China ayaa la yaab ku tilmaamay go’aankan deg degta ah ee la dul dhigay Qunsuliyadooda Houston, wuxuuna Maraykanka ugu baaqay inay ka noqdaan amarkan, haddii kale ay iyaguna qaadi doonaan tilaabooyin ay ugu jawaabayaan Maraykanka. Dalka Maraykanka ayaa isaguna 5 Qunsuliyadood ku leh dhulweynaha China, waxayna ku kala yaalaan magaalooyinka; Shanghai, Guangzhou, Chengdu, Wuhan iyo Shenyang. Jaraa’idka ku hadla afka dowlada China ayaa saaka oo Khamiis ah qoraya in go’aanka Maraykanka uu Donald Trump uga danleeyahay inuu abuuro xiisad cusub oo uu kusii jeediyo indhaha shacabka Maraykanka, xilli ay soo dhawdahay doorashada Maraykanka. Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay waday olole uu dowlada China ku eedeenayo cudurka Covid19 oo xiligan khasaaro badan ka geystay gudaha Maraykanka oo ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee cudurkan dilo. Sidoo kale Maraykanka iyo China ayaa isku khilaafay arrimaha raafka shiinaha uu ku wado Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang iyo xiisada ka taagan magaalada Hong Kong. Source
  5. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo khudbad ka jeediyay shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa uga mahad-celiyay madaxda ka qeyb gashay Shirka sida ay ugu dul-qaateen aaya ka talinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Qoor-Qoor sheegay in Galmudug ay sharaf u tahay in madaxda dalka ka aqbaleen gogosha ay u dhigeen, islamarkaana uu ku qanacsan yahay in madaxda dadaashay, kana soo baxeen waajibaadkii la saaray. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay wada-hadallada sii socdaan, islamarkaana shir kale la isugu imaan doono 15-ka bisha soo socota ee Agoosto. Shirka lagu dhawaaqay oo ay isugu imaanayaan madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in lagusii dhameystiro waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac si loo dardar-geliyo howlaha doorashooyinka ee 2020-2021-. View the full article
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay. “Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-23072020-ok.mp3 View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay Shirkii xalay ku soo xirmay Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhammaan lagu heshiiyay in wadajir ah Dalka looga gudbiyo Marxaladda Kala Guurka ah. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay inn Qodoba Heshiiska ka soo baxay Shirkii Xalay lagu dhammaystiri doono Shirka soo socda ee mar kale Dhuusamareeb lagu ballamay 15 Agoosto gaar ahaanna Arrimaha Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sidoo kale Madaxdu ku heshiisay in la is dhegaysto mar kasta oo la kala aragti duwanaado si loo helo Aragti midaysan oo lagu wajaho Marxaladda kala Guurka ah ee Waddanku marayo loona qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacdo oo la isla ogolyahay. Mudane Khayre ayaa sidoo kale u mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug oo marti geliyay Shirka Dhuusamareeb isagoo u rajeeyay hormar iyo barwaaqo. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Khayre: Waxan ku heshiinay in aan Dalka gaarsiino meesha Umadda Soomaaliyeed rabto appeared first on Puntland Post.
  9. At Istanbul meeting, Russia and Turkey agree to push for a ceasefire but Ankara says eastern commander must retreat. Source: Hiiraan Online
  10. Big and small powers increasingly handpick U.N. special representatives, testing the authority and independence of the U.N. secretary-general. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxdii heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka soo qayb-gashay Shirkii Dhuusamareeb oo ay martigelisay Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Shacabka Galmudug kaalintii ay ka qaateen soo dhoweynta Madaxda iyo Qabsoomidda Shirka Dhuusamareeb isagoo bogaadiyay Heshiiska lagu gaaray Shirkaasi. Sidoo kale wuxu soo dhoweeyay Shirka kale ee lagu ballamay isla Magaalada Dhuusamareeb kaasi oo sida qorshaysan furmi doona 15-ka bisha soo socota ee Agoosto si loo dhammaystiro hawlaha ka dhiman Geeddi-socodka Doorashada Madaxtinimada Dalka. Mr Qoor Qoor ayaa xusay in mar kasta Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug ay ka g’antahay Marti-gelinta Shirarka looga tashanayo Masiirka Dalka iyo Dib u-heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Khudbadda Qoor Qoor PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo soo dhoweeyay Shirka mar kale lagu ballamay Dhuusmaareeb appeared first on Puntland Post.
  12. Somaliland is demanding to be included among the key stakeholders of the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay. “Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
  14. 2-time Olympian 3 seconds shy of Kevin Sullivan's national mark of 3:31.71 in 2000 Source: Hiiraan Online
  15. Densely-populated Rwanda is emerging as one nation that has effectively managed coronavirus. Source: Hiiraan Online
  16. The House passed legislation to repeal President Trump's controversial travel ban in a 233-183 vote along party lines on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Thousands flee Afgoye region in southwestern Somalia following flash floods Source: Hiiraan Online
  18. XISBIGA WADDANI UK OO XAFLAD XIL WAREEJIN AH KU QABSADAY MAGAALADA LONDON: Kulan oo Muhiimadiisu ahayd Xil wareejin Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Waddani UK mudane Mohamed Ali & Gudoomiyaha Cusub ee UK A/rashiid Magaalo ayaa u Qabsoontay si aad u wanaagsan. Xafladan ayaa sidoo kale Salka ku haysay Shaacinta Gudiga Cusub ee uu Xisbiga Waddani UK yeelan doono; Gudigaas oo ay Xilalkooda Xubno Badan oo Hablo ahi ka dhex-muuqdeen ayaa la isku raacay in Xisbigu noqday Xisbigii u Badnaa Hablaha Xilalka ka haya. Kulankan ayaa waxaa ka soo Qayb-galay Xubno Sar-sare oo Xisbiga ka tirsan; Xubno Xildhibaanada Somaliland ka tirsan & Gudoomiyayaasha 13ka Laamood ee Xisbiga Waddani UK. Xil wareejintan oo u dhacday si aad u heer saraysa ayay dhamaan xubnihii ka hadlay ku bogaadiyeen Gudoomiyihii hore iyo Gudigiisii heerka ay Xisbiga soo Gaarsiiyeen oo ah meel aad u Qurux badan oo ku dayasho iyo Hiigsi u baahan. Dhamaan Xubnihii Goobta ka hadlay waxay sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Gudoomiyaha Cusub iyo Gudigiisa xilalka loo igmaday, Waxaana loo duceeyey in Illahay la garab-galo hawlahan culus ee loo igmaday. Guddoomiyaha Cusub oo Kulankan soo af-meeray ayaa Balan-qaaday inuu Xisbiga u shaqayn doono intii itaalkiisa ah, wuxuuna dhamaan Gudiga & Xubnaha Xisbiga ka Codsaday inay kala shaqeeyaan sidii hawlaha Xisbiga loo dar-dar gelin lahaa. Afhayeenka Yurub Xisbiga Waddani Qasim A Saleebaan Qaran News
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey shacabka iyo maamulka Galmudug oo shirkan martigeliyey. Waxuuna sheegay in xaaladda uu maanta dalku ku suganyahay ay qof kasta waajib uga dhigeyso in laga wadashaqeeyo, si dalka looga saaro marxaladda uu ku jiro. “Shirkii halkan ka socday maalmihii lasoo dhaafay, waxaan rabaa in aan u xaqiijiyo umadda Soomaaliyeed in uu ahaa is dhageysi iyo isu-tanaasul loogana doodayey danaha dadka Soomaaliyeed, mana jirin wax is-faham darro ah oo ka soo muuqday. Inkastoo dadku ay wal-walsanaayeen, wixii ka soo waxayna waxaad ku aragteen war-murtiyeedka,” ayuu yiri Kheyre. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen sidii dalka lagu gaarsiin lahaa meeshii u dan ah umadda Soomaaliyeed iyo in ay is dhageystaan si kasta oo ay u kala aragti duwanyihiin, si buu yiri aan isugu keeno aragti mideysan. Hoos ka Daawo
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshey Caasimada Online ayaa sheegeysa in gaadiid cusub oo gaaraya ilaa 12 gaari islamarkaana loogu talagalay maamulka HirShabelle la weysan yahay cid lagu aamino oo loo dhiibo. Gaadiidkaan oo ah deeq loogu talagalay maamul gobaleedyada, oo ay bixineyso hay’adda UNDP, ayaa la sheegay in ay yaalaan xafiiska Qaramada Midoobay ee Xalane, waxayna qeyb ka yihiin gaadiid kale oo hore loogu wareejiyay maamulada qaar. Sababta looga fakarayo qofkii lagu aamini lahaa ayaa lagu sheegay in ay tahay, in si shaqsi ah loo isticmaalay gaadiid hore oo sidaan oo kale loogu wareejiyay. Ilaa 7 gaari oo qooqan ah, ayaa hore loogu wareejiyay HirShabelle waxaana la sheegay in ay kala qaateen Madaxda ugu sareysa maamulka iyo laba wasiir oo aan hadda maamulka ka tirsaneyn. Deeq bixiyaashaan ayaa ka fikiraya qof lagu aamino oo xafida hantidaan oo noqon doonto hantida maguurtada ah ee HirShabeelle, waxaana soo baxaya in ay jiraan doodo arintaan la xariirta. Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa la sheegaa inuu hareeyay musuq maasuq iyo maamul xumo weyn, taas oo dib u dhigtay hormarkii maamulka iyo aaminaada HirShabelle. Waa mid ka mid ah maamullada ugu liita dalka wax qabad ahaan, waxaana madaxdooda badankood ay degan yihiin Muqdisho, oo xitaa kama war hayaan deegaanada ay maamulaan.
  21. Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta oo wajahaya kiis maxkamadeed oo caalami ah Warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijsay in cabasho laga diiwaan geliyay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu eedeeyay jir-dil iyo dad lagu waayay dagaalka ka socda dalka Yemen. Eedaha ka dhanka ah Maxamed bin Zayed waxaa sameeyay Xulifadda Caalamiga ah ee Difaaca Xuquuqda iyo Xoriyadda iyo lix qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muujiyay in jir-dil iyo xadgudub loogu geystay xabsi Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Yemen. Isagoo adeegsanaya awooddiisa military, Bin Zayed waxaa lagu eedeeyay in uu “ku lug lahaa jir-dil” ka dhacay Yemen. Maxkamadaha Faransiiska ee la shaqeeya garsoorka caalamiga ah ayaa leh awood ay dacwad ugu soo oogi karaan, isla markaana ku xukumi karaan dambiileyaasha, haddii ay joogaan dalka Faransiiska. Le Monde oo ah wargeys galab walba kasoo baxa Faransiiska ayaa xaqiijiyey in cabashadda la marsiiyay nidaamka dacwada madaniga ah ay keeni karta baaris garsoor. Si kastaba, su’aasha xasaanadda diblomaasiyadeed ee dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa weli laga doodayaa waxaana go’aan ka gaari doona garsooraha baaritaanka sameynaya. “Macaamiisheydu wey ku qanacsanyihiin billowgaan waxayna rajo weyn ka qabaan cadaaladda faransiiska,” ayuu yiri Joseph Barham oo ah qareenka dadka dacwadda gudbiyay. “ Waxay si gaar ah u diideen ficiladda jirdilka ee ciidanka Imaaraadka Carabtu ay ku geysteen meel dadka lagu xiro” Wargeyska Faransiiska ayaa wariyay in mid ka mid ah dhibaneyaasha uu sharaxay in la xiray isagoo ka shaqaynaya sii deynta dad ay xireen ciidanka Imaaraadka Carabta. Waxaa uu sheegay in lagu riday meel god ah oo lagu hayay muddo 48 saac ah, iyo in lugahiisa iyo gacmihiisana fiilo la iskula xiray ka hor “inta aan dharka laga siibin”. Waxaa uu sidoo kale xusay in koronto lagu dhejiyay islamarkaana sigaar lagu gubay. Sida qareenku sheegay, kiiska waxaa lagu dhisay heshiiska Qaramadda Midoobay ee ka dhanka ah jir-dilka. Dacwadda ka dhanka ah Bin Zayed waxay ku saleysantahay warbixin ay diyaareen qubaro ka tirsan Qaramadda Midoobay, taasi oo cadeysay in weeradda ay Yemen ka geysanayaan xulifadda uu Sucuudigu hogaaminayo ay isu bedeli karaan dambiyo dagaal, islamarkaana uu jil-dil ka dhaco laba xarumood oo ay maamulaan ciidanka Imaaraadka. Urur fadhisiigu yahay Geneva oo lagu magacaabo SAM una dooda xuquuqda iyo xoriyadda ayaa soo dhaweeyay baarista Faransiisku ku bilaabay Dhaxal Sugaha Imaaraadka. “Go’aanka billowga baarista waxaa uu fariin cad u dirayaa dhamaan dhinacyadda ku lugta la heh xadgudubyadda xuquuqda aadanaha ee Yemen,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu ururku soo saaray. “Waxaan ku dhiiri gelineynaa dhamaan dhibaneyaasha in ay cabsida ka baxaan oo ay soo gudbiyaan kiiskaan oo kale” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Ururadda xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen xadgudubyo laga naxo oo xaasidnimo leh oo ay koofurta Yemen ka geysteen ciidanka Imaaraadka Carabta iyo ciidan ay Imaraadku taageeraan intii u dhaxaysay 2017-kii iyo 2020. Qaran News
  22. Paris (Caasimada Online) – Warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijsay in cabasho laga diiwaan geliyay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu eedeeyay jir-dil iyo dad lagu waayay dagaalka ka socda dalka Yemen. Eedaha ka dhanka ah Maxamed bin Zayed waxaa sameeyay Xulifadda Caalamiga ah ee Difaaca Xuquuqda iyo Xoriyadda iyo lix qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muujiyay in jir-dil iyo xadgudub loogu geystay xabsi Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Yemen. Isagoo adeegsanaya awooddiisa military, Bin Zayed waxaa lagu eedeeyay in uu “ku lug lahaa jir-dil” ka dhacay Yemen. Maxkamadaha Faransiiska ee la shaqeeya garsoorka caalamiga ah ayaa leh awood ay dacwad ugu soo oogi karaan, isla markaana ku xukumi karaan dambiileyaasha, haddii ay joogaan dalka Faransiiska. Le Monde oo ah wargeys galab walba kasoo baxa Faransiiska ayaa xaqiijiyey in cabashadda la marsiiyay nidaamka dacwada madaniga ah ay keeni karta baaris garsoor. Si kastaba, su’aasha xasaanadda diblomaasiyadeed ee dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa weli laga doodayaa waxaana go’aan ka gaari doona garsooraha baaritaanka sameynaya. “Macaamiisheydu wey ku qanacsanyihiin billowgaan waxayna rajo weyn ka qabaan cadaaladda faransiiska,” ayuu yiri Joseph Barham oo ah qareenka dadka dacwadda gudbiyay. “ Waxay si gaar ah u diideen ficiladda jirdilka ee ciidanka Imaaraadka Carabtu ay ku geysteen meel dadka lagu xiro” Wargeyska Faransiiska ayaa wariyay in mid ka mid ah dhibaneyaasha uu sharaxay in la xiray isagoo ka shaqaynaya sii deynta dad ay xireen ciidanka Imaaraadka Carabta. Waxaa uu sheegay in lagu riday meel god ah oo lagu hayay muddo 48 saac ah, iyo in lugahiisa iyo gacmihiisana fiilo la iskula xiray ka hor “inta aan dharka laga siibin”. Waxaa uu sidoo kale xusay in koronto lagu dhejiyay islamarkaana sigaar lagu gubay. Sida qareenku sheegay, kiiska waxaa lagu dhisay heshiiska Qaramadda Midoobay ee ka dhanka ah jir-dilka. Dacwadda ka dhanka ah Bin Zayed waxay ku saleysantahay warbixin ay diyaareen qubaro ka tirsan Qaramadda Midoobay, taasi oo cadeysay in weeradda ay Yemen ka geysanayaan xulifadda uu Sucuudigu hogaaminayo ay isu bedeli karaan dambiyo dagaal, islamarkaana uu jil-dil ka dhaco laba xarumood oo ay maamulaan ciidanka Imaaraadka. Urur fadhisiigu yahay Geneva oo lagu magacaabo SAM una dooda xuquuqda iyo xoriyadda ayaa soo dhaweeyay baarista Faransiisku ku bilaabay Dhaxal Sugaha Imaaraadka. “Go’aanka billowga baarista waxaa uu fariin cad u dirayaa dhamaan dhinacyadda ku lugta la heh xadgudubyadda xuquuqda aadanaha ee Yemen,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu ururku soo saaray. “Waxaan ku dhiiri gelineynaa dhamaan dhibaneyaasha in ay cabsida ka baxaan oo ay soo gudbiyaan kiiskaan oo kale” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Ururadda xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen xadgudubyo laga naxo oo xaasidnimo leh oo ay koofurta Yemen ka geysteen ciidanka Imaaraadka Carabta iyo ciidan ay Imaraadku taageeraan intii u dhaxaysay 2017-kii iyo 2020.
  23. Qaahira (Caasimada Online0 – Masar ayaa taageero ka raadineysa dalal carbeed oo deris la ah, oo ay ku jiraan Jordan iyo Maamulka Falastiin, si ay u wajahdo muranka kala dhexeeya Turkiga. Dowladda Jordan ayaa u soo bandhigtay in ay dhex-dhexaadiso labada dal. Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa kulamo is xig-xigay gobolka kula yeeshay madax kala duwan oo uu ugu dambeeyay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo uu kula kulmay Rammallah. Waxay labadoodu ka wada-hadleen isbedeladii dhowaan ka dhacay ee gobolka, iyagoo diiradda saaray qorsha Israa’iil ee goosashada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed iyo, sidoo kale xiriirka u dhexeeya Maamulka Falastiin iyo Masaarida. Sida uu wariyay Jerusalem Post, saraakiil ka tirsam Maamulka Falastiin ayaa shaaca ka qaaday in booqashada Shukri looga wada-hadlay xiisadda ka taagan Liibiya ee u dhaxaysa Masar iyo Turkiga. Masar waxay raadisay taageerada Falastiin iyo dalal kale oo carbeed. Waxaana la sheegay in maamula Falastiin uu taas diiday sababo la xiriirta in Masar ay ku guul darreystay in ay Falastiiniyiinta ku taageerto dadaalkooda ka dhanka ah qorsha dhul goosiga Israa’iil iyo “Heshiiska Qarniga” ee Maraykanka. Ramalla ka hor, Shukri waxaa uu booqday Jordan, wuxuuna si gaar-gaar ah ula kulmay Boqor Cabdalla iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Ayman Safadi. Kulanka uu boqorka la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa isbedellada gobolka, oo ay ku jirtay arrinta Falastiin. Shukri waxaa uu sidoo kale Jordan ka raadiyay taageero ka dhan ah Turkiga. Shir-saxaafadeed ay si wadajir ah Amman ugu qabteen, Shukri iyo dhiggiisa Safadi waxaa uu ku sheegay in “taageeradda military ee Turkigu siinayo dowladda Liibiya ay khatar halis ah ku tahay carabta iyo amniga qaranka Masar,” isla markaana Masar ay qaadeyso tallaabo ay amnigeeda ku xaqiijineyso. Tallaabooyinka uu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Masar waxaa ka mid ah fargelin military in ay dowladiisu ku sameyso Liibiya si ay u taageerto garabka Jeneraal Khaliifa Hafter.