-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray Deegaanka Baacad-weyn ee Gobolka Mudug. Halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey isaga iyo wafdigiisa. Madaxweynaha ayaa waxaa safakiisa ku wehlinaayo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, sida wasiirka amniga, wasiirka Bey’ada iyo hormarinta reer miyoga iyo saraakiil ciidan. Madaxweynaha oo la hadlay dadka deegaanka ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, asagoona xusay iney diyaar u yihiin kajawaabidda baahiyaha aasaasiga ah deegaanka. Safarka maanta Madaxweyne Qoorqoor uu ku gaaray deegaanka ayaa waxaa uu kamid yahay, socdaal uu kala bixinaayey gobolka Mudug, waxaana uu ugu kuur galayey xaalada ka jira deegaannada uu ka kooban yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Sheegay inay jiraan ciidan aan mushaar qaadan,balse Dowladda ayuu ku dadaaleyso sidii ciidankaasi ay xuquuqdooda u heli lahaayeen Halkan Ka Daawo Taliye Odaaw Oo Warbaahinta La Hadlay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-taliyaha.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka mid ah golaha shacabka ayaa sheegay in xeerkan doorashooyin aan aheyn mid la isku raacsanahay kana soo horomaray waqtigiisa. Halkan Ka Daawo Khudbadii Ay Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-canab.mp4 Source: goobjoog.com
-
Tripoli (Caasimada Online) – Turkiga ayaa kordhiyay farogelintiisa Libya bilihii u dambeeyay isagoo maraakiib u diray xeebaha, diyaarado hub ku geeyay, calooshood u shaqaysteyaal iyo diyaarado aan duuliye lahaynna dalka geeyay. Tani waxay taageero u tahay Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli taasi oo dagaal sokeeye kula jirta ciidanka jooga bariga Liibiya. Laakiin, run ahaantii wuxuu qayb ahaan Turkigu daneynayaa in uu door weyn ku yeesho soo saarista tamarta ee badda Mediterranean-ka waxaana u jeedkiisu yahay in uu wiiqo xoogga ay taageerto Masar. Jawaab ahaan, Madaxweynaha Masar oo sabtigii safar ku tagay saldhig militari ayaa muujiyay in laga yaabo in Masar ay feregelin ku sameyso Liibiya. Colaadda Liibiya waa mid adag, balse aasaaskeedu waa dagaal dahsoon. Sidoo kale waxay cawaaqib xun ku leedahay gobolka oo dhan, oo awoodaha Turkiga, Qatar, Masar, Imaaraadka, iyo Russia ay dhammaan isugu yimaadeen. Iran, Giriigga, Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa si dhow u daawanaya waxa ka socda Liibiya. Masar, Imaaraadka, Saudi Arabia, Russia, iyo laga yaabee France iyo xitaa Giriigga waxay taageerataan Khaliifa Haftar. Halka Turkiga iyo Qatar-na ay taageerayaan xukuumadda Tripoli. Turkiga wuxuu u diray kumanaan falaago reer Siiriya ah si ay Liibiya uga dagaalamaan. Turkigu waxaa uu sidoo kale Liibiya u isticmaalayaa meel uu ku tijaabinayo diyaaradiisa aan duuliyaha lahayn ee hubeysan. Waxaana uu dhawaan dhoolo tus militari la sameeyay Talyaaniga, horayna waxay badda iskula dhaceen Faranisiiska, arintaas oo NATO ay hadda baareyso. Masar waxy taageereysay Khaliifa Haftar, kaasoo Liibiya uga cararay maamulkii Qadaafi tobanaan sano ka hor kuna noolaa Maraykanka. Waxaa uu Liibiya ugu soo laabtay si uu u hogaamiyo guluf uu ku qabsaday Benghazi iyo bariga dalka. Waa in la xasuustaa in Liibiya ay khalalaase gashay markii farogelintii Maraykanku hogaaminayay ay talada ka tuurtay Mucammar Al-Qadaffi 2011-kii. Haftar waxaa uu Liibiya keeni lahaa nooca militari iyo xukunka ee ka jira Masar, calooshood u shaqaysteyaasha Gacankuna ay heystaan. Xukunka Turkiga waxaa uu keeni karaa Liibiya xasilooni daradda iyo argagixisadda uu geeyay Idlib iyo meelo kale oo uu ku duulay ee woqooyiga Siiriya. Hadda Madaxweynaha Masar waxaa uu muujinayaa in khad cas uu ka jiri karo Liibiya. Khadkaasi waxaa uu Dowladda Turkigu taageero ka horjoogsanayaa Sirte iyo saldhiga cirka istiraatiijiga ah ee ku yaala Jufra. Wadanku waxa uu ka kala qayb sami karaa dhexda. Masar waxay leeahay ciidan awood leh, laakiin waa ciidan aan lagu tijaabin dagaallo dibadda ah. Masar waxay argagixiso kula dagaalameysaa Siinay muddo sanado ah welina kama aysan ka adkaan. Turkigu waxaa uu ciidankiisa u dirayay Siiriya muddo sanado ah, si ay ula dagaalamaan PKK. Laakiin bishii February ciidanka Turkiga waxay isku dhaceen kuwa Siiriya, waxayna bur-buriyeen gaadiidkooda dagaalka iyo difaaca hawada. Turkigu waxaa uu dhowaan ku dulay woqooyiga Ciraaq, wuxuuna ka bilaabay howlgal cusub. Ciidanka Turkigu waxay gardarro kula macaamilayeen kuwa badda Faransiiska, kuwaas oo la sheego in ay taageero siiyaan Khaliifa Hafter. Ciidanka Turkiga iyo Kuwa Masaarida aad ayey isugu aadanyihiin. Labaduba waxay heystaan diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo boqolaal kale ee diyaaradaha dagaalka. Ciidanka Masar waa kuwa 9 aad ee dunida ugu xoogga badan waxayna heystaan kumanaan tangi. Ciidanka Turkiguna waa kuwa 11-aad ee dunida. Labaduba waxay isticmaalan hubka reer galbeedka. Labada dalba waxaa la degay ololaha argagixiso la dirirka. Masar waxay u dhowdahay Liibiya waxayna si fudud u geyn kartaa guutooyin gaashaaman. Turkiguse waa in uu usoo dulaa, waxaana uu door bidaa in in uu adeegsado calooshood u shaqaysteyasha Siiriya. Ciidamada dowladda oo uu Turkiga taageerayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waayay. Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: “Waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joojin waarta” Sida muuqata xukuumadda Turkigu taageero kama joogsan doonto Sirta, Masar-na waxay wacad ku martay inay halkaas gayn karto ciidan, taasi oo dagaal dhex mara Qaahira iyo Ankara ka dhigeysa mid aad u dhow.
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kala wareegtay Hay’adda World Vision qalab loogu tala galay Kahortagga iyo baaritaanka COVID-19. Qalabka ayaa ka saacidi doono Dawlad Goboleedyada dalka ee aan wali laga hirgelinin baaritaanka COVID-19 in ay helaan shaybaar lagu baari karo COVID-19. Madaxda wasaaradda caafimaadka ayaa ka mahadceliyay qalabka la soo gaarsiiyay, waxaana ay tilmaameen in la gaarsiin doona meelaha ugu daran ee aan lahayn qalabka looga hortago faafidda COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid xildhibaanada reer Somaliland ayaa sheegat in kuraasta Somaliland doorashadooda aan laga dhigin Muqdisho loona daayo meeshii suurta gal ah. Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatts.mp4 Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba. Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Cabdirisaaq oo ka mid ah golaha shacabka ayaa sheegay in xeerkan doorashooyin aan aheyn mid la isku raacsanahay kana soo horomaray waqtigiisa. Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp-cb.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulankii maanta dhanka muuqaalka aaladda Zoom-ka ku dhex-maray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso qoraalka madaxtooyada oo dhameystiran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba. Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.
-
Kulankii ay maanta yeesheen Xisbiga Xisbiga Jubler oo ah Xisbiga Aqlabiyada Ku haysta Baarlamaanka Kenya ayaa lagu badalay Gudoomihii Baarlamaanka Aaden Ducaale oo lagasoo doorto [...] The post Siyaasiga Caanka ah ee Reer Kenya Aden Ducaale oo shaqadii laga eryey, Yaa badaley appeared first on . Source
-
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta oo Isniin ah shir ku yeeshay aaladda Internetka. Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas lagu heshiiyey in si degdeg shir u qabsoomo, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga lagu qabanayo shirkaas. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaajo madaxda shirka ka qeybgashay uga warbixiyey wadahadallada Jabuuti uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Shirka Jabuuti waxaa horay u qaadacday Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo ka hadashay shir ay yeesheen DFS iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Guuleed Caydaruus oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa sheegay in Golaha Shacabku ay la qaataan soojeedintooda cusub oo aan cidnaloo afduubin Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whts-guuleed.mp4 Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow Oo ah guddoomiyaha guddiga Wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa faah faahin ka siiyay xildhibaanada golaha shacabka xeerka gaarka ah ee habraaca Kuraasta Somaliland Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Maanta Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-yarow.mp4 Source: goobjoog.com
-
A Somalian politician has said the state government of Galmadug will build a port in the town of Hobyo through a new “public-private entity”, raising questions over the involvement of Qatar, which undertook to fund it last year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka hadlay gadoodkii ay Shalay sameeyeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan. Taliye Odawaa ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse kuwa Shalay banaanbaxa dhigay ay macquul tahay inay kamid yihiin ciidamada aan weli marin tirakoobka iyo kuwa ay cilado farsamo ka yimaadeen diwaangelintoodii oo aan weli lacag la siin sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa ah dowladdii ugu horreysay oo muddo labaatan sano ah si toos ah u bixisa xuquuqda shaqaalaha rayidka iyo ciidamada kala duwan ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda oo loo tiriyey Odowaa. Hadalka taliye Odawaa ayaa imaanayo xilli shalay ay agagaarka madaxtooyada xirteen Ciidamo ka tirsan Militariga oo kasoo baxay aaggaga difaaca ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo. Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.
-
Ciidamadda Kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo Gorgor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellah hoose. Howlgalkaan ayaa si gaar uga dhacay deegaannada Jilib Marko iyo Gandarshe, kuwaas oo dhulka xeebta ah ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada Marka, oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda qalabaka Sida ayaa sheegay in ciidanka intii ay howlgalku socday ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabab. Taliyahaa ayaa sheegay saraakiisha ladilay Al-shabab ay u qaabilsanaayeen degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen. waxaana magacyadooda uu ku sheegay Xeroow,iyo Ciise yare. Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan amaanka degaanada jilib marko iyo gendershe ee gobolka shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamadda kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay al-shabaab ka saareen degaanada Jilib Marko iyo Gendershe oo ka tirsan degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa in malayshiyaadka Al-shabaab laga xoreeyo dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko. G/sare Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in sidoo kale hawlgalka lagu dilay laba horjooge oo Al-shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen. Maalin ayaa magacyada saraakiisha la dilay ku sheegay horjooge xeroowiyo horjooge ciise yare inkastoo uusan faahfaahin kale ka bixin. PUNTLAND POST The post DANAB oo dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab degaanno kala duwan ka qabsaday appeared first on Puntland Post.
-
Marka (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor oo si wada jir ah u howlgalaya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanada Jilib-Marko iyo Gendershe oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas waxa ay sheegeen in qorshuhu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dhulka xeebta ee u dhaxeeya degaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo degmada Marka. Taliyaha guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen ay ku dileen laba sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta dhaca ee maanta ay ciidamadu la wareegeen. Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha laga dilay Al-Shabaab lagu kala magacaabo Xeroow iyo Ciise Yare, haatana ay ku raad joogaan sarkaal kale oo lagu magacaabo Shuceyb Fanax, kaas oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan dhulka xeebta ah. Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa haatan waxay deegaanadii ay la wareegeen ka wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan ammaanka, sida uu sheegay Taliyaha ka warbixiyey howlgalladaas.
-
qaar ka mid ah haweenka Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida ay u arkaan meel marinta kuraasta ay haweenka ay ku fahdiyaan,iyagoo madaxda Dowladda u soo jeediyay in loo gaar yeelo Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid Ah Haweenka Oo La Hadlay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatssss-1.mp4 Source: goobjoog.com
-
Soomaali iyo Trump siddeed arrimood oo dhexmaray Trump ayaa maanta loo dhaarinaayaa xilka madaxweynaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale soo celiyay weerarrada dhanka afka ah ee uu ku qaadayo Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”. Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta. Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa: 1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan” Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa. Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar. “Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump. Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar. “Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.” “Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu hadalka ku sii daray Trump. Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo. 2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday” Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista. “Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?” Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”. Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah. 3- “Fikradda xun” ee Trump uu ka qabo Soomaalida Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya. Bishii July, 2019-kii, hadal uu jeediyay Donald Trump ayaa dhaliyay buuq badan, wuxuuna wajahay dhalleeceyn. Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya. Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay. Soomaalida badan ayaa deggan Minneapolis Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin. Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.” Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”. Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”. Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan. 4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka. “Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.” “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.” Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka. 5- Daacish iyo Soomaalida Trump ayaa lagu eedeeyay hadallada adag ee uu jeediyo Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan. Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka. Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.” Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.” Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump 6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.” Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya. Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka. Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka. 7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump? Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo. Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida: 8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay. Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield. Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo. Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota. Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka. Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka. “Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% “, ayuu yiri Mr Trump. Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre. “Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump. “Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray. Qaran News
-
It has been 60 years since the Italian Somaliland and the British Somaliland became independent from their respective colonial powers to form a union that miserably failed 30 years later. After a long ever-morphing saga of blood, destruction, and loss of identity Soomaalinimo (Somaliness), these two political entities, legally known as Somalia, have just concluded yet another conference to negotiate a reunion or declare their relationship irreconcilable difference and amicably part ways. Many such conferences were hosted by Turkey, and all agreements reached in Istanbul are still pending. While such narrative may have yielded some traction for domestic consumption, in reality, the latest so-called reconciliation on the future of Somalia and Somaliland was nothing more than a geopolitical racket of dangerous consequence to the Somali people on both sides. Due to the secrecy in which the initiative was shrouded, the last minute marching orders given to the top leaders on both sides to come, the foreign heads of states who participated, and the outcome of appointing a reconciliation committees from both sides compels any objective analyst to conclude this was a distraction tactic for a more serious or sinister issues. Since 2012, both sides—Somalia and Somaliland—have appointed similar technical committees a number of times only to see them fizzle before the nostalgic thrill wore off. On more than one occasion, deal-breakers were planted right into the very committees that were established to negotiate a win/win outcome for both sides. And this time is no exception. The Foreign Engines On June 13th, before any announcement or news bulletin from the Federal Government of Somalia or Somaliland, Djibouti President, Ismail Omar Guelleh, tweeted “Tomorrow in Djibouti, I will chair a meeting between President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Moussa Bihi Abdi to follow up on the mediation efforts between the two leaders. I have also invited Prime Minister Abiy Ahmed to attend the discussions.” What a comical irony. So, Abiy was in the neighborhood running some errands before getting invited to drop in the powwow? He must have been as he came dressed for the part. Seriously though, Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister, was the most important official who attended that meeting. He is the conduit or the human thread running through all three competing grand strategies that I outlined in an article entitled Transformation Euphoria in the Horn of Africa that I wrote a couple of years ago. None of them earnestly consider Somalia a strategic partner. Each considers it the perfect dispensable pawn with the ideally useful inept and corrupt leaders. Despite the inflated excitement surrounding the Djibouti Conference on Somalia and Somaliland, collectively they remain, as I wrote before, “the most important political theatre in the 21st century as it is where geopolitics, geo-economic, and geo-religious dynamics intersect and interplay.” It is where strategically most important waters—Indian Ocean and the Red Sea—intersect and one of the world’s largest untapped oil and gas resource is, due to chronic corruption, widely exposed for exploitation. To understand President Guelleh’s incentive to give cover to the real deals taking place off the center stage, one must remember that this is the 20th anniversary of the Arta Peace Conference that put Guelleh on the world stage and deservedly so. Guelleh is facing a groundswell of domestic discontent and growing accusations of human rights violations and corruption. He is also the leader that U.S considers the one who compromised its geopolitical poker game against China. And he is well aware there is no way he would defuse his domestic challengers if he does not have political capital in the West. Now you see, now you don’t International predators—including next door neighbors—and their domestic partners know how easy it is to send clan-intoxicated, cash-addicted bunch of charlatans from both sides into a dramatic fool’s errand. The Houdinis of corruption, headquartered in The Villa Somalia, are determined to auction the licensing of Somalia’s oil and gas by the first week of August 2020 without adequate and independent checks and balances. Granted President Farmajo signed into law the so-called Petroleum Bill. But, who were the experts who drafted it and the Parliamentarian experts or other independent committee that scrutinized it to protect Somalia from pending exploitation? Equally important, were all seven Somali presidents on board? The answer is: none and no. Neither Somaliland, nor Puntland, and by extension, Jubbaland are on board. Their unequivocal consent is necessary for some of these licensing shenanigans to materialize and to prevent potential resource wars. In the meantime, the Houdinis have successfully fed two false narratives to a good portion of the Somali public: Somalia’s international loans were forgiven and the International Monetary Fund and the World Bank are giving Somalia a free grant of $800 million. This dangling carrot was good enough to lure Somaliland leadership and it was hoped to boost Presdiden Farmajo and Prime Minister Khaire’s chances for reelection by parliament. Their executive office has already co-opted the parliament unlike any of its predecessors. None of the numerous foreign deals it has been making or new loans received was brought before the parliament for scrutiny or oversight. The Counterintuitive Option Somalia is a web of competing and counter-competing interests and predatory scams. To untangle and sift through all these mostly existential threats requires a moratorium period to administer the shock therapy that it so desperately needs to survive as a nation. Current state of affairs is such that: foreign sponsored national reconciliation has been a periodical ritual since year 2000. The completion and ratification process of the transitional (provisional) constitution that already costed over $60 million has been on-going since 2004. The periodical U.S. aerial bombardments have been on-going since 2007 and are now intensified to bi-weekly deadly drones. AMISOM (including Ethiopia & Kenya with direct conflict of interest) has been fighting al-Shabaab since 2007. The Somali national army has been under a never-ending process of rebuilding since 2004 while Somalia still remains under UN arms embargo. Furthermore, the balkanization process of Somalia into clan-based political entities; each with its own foreign, defense, and immigration policies, so to speak, has been on-going since 1991. Each of these entities is ruled by an Alpha clan that claims exclusive or zero-sum rights over all other clans. And each is founded or sustained by a hate narrative. Sometimes what one says is the most important; other times, how one says it; other times, where one says it; other times, why one says it; yet other times, who says it. Mindful of all that, I opted to go on record and recommend the ‘T’ option. Not terrorism, but trusteeship. For a context, allow me to digress a little in order to describe these four stages of evolution. In 1992, a small group of diverse Somalis founded a volunteer-based organization to help assist Somali refugees in Kenya with blankets and used clothes, and help settle the very few who found sponsors. That small group developed close relations. So one night, after dinner, someone raised the most sensitive question at the peak of the Somali fratricide: How do we get out of this mess? Each one of us was given enough time to ponder the question and add something into the brainstorming basket, so to speak. Each one of us offered something that would be acceptable at the Main Street or the Macca Al-Mukarama Street. All except one of the group who said: We need to ask for ‘Trusteeship’ to provide us time to cool off, address grievances, and streamline our national narrative We need to change the capital, even for temporary We need to redefine the five corner start in the flag to represent values of coexistence instead of lost territories that since accepted to become part of another nation or been recognized as a nation of its own. In 2004, at the Israaca annual conference held in Columbus, members have thoroughly debated and finally approved a policy paper advocating the UN to consider placing Somalia in a trusteeship program. At its peak, that organization—once considered Somalia’s great hope—had a membership of more than 240 of what many considered as some of ‘Somalia’s best and brightest.’ They were from across clan and ethnic lines. The organization’s modus operandi was to identify topics essential for peace and for the reconstitution of Soomalinimo or sense of nationhood. Debate it for two weeks. Elect an ad hoc committee to draft a policy paper to be approved at the annual conferences. In 2008, the regional multi-national assembly or Ethiopian conduit known as IGAD has passed what it called “Declaration of the 13th Extraordinary Session of the IGAD Assembly of Heads of states and Governments” in which the transitional government led by President Abdullahi Yusuf to “sign onto a scheme mimicking the UN Trusteeship only to place Somalia at the mercy of its (then) occupier, Ethiopia. This is a case of putting the fox in charge of the chicken barn…” In 2013, several months after the transitional period has ended, the United Nations Political Office for Somalia was closed, and the country was welcomed back to the international community of nations, the FGS led by President Hassan Sheikh Mohamud, agreed to allow the establishment of UNSOM- United Nations Assistance Mission In Somalia to keep Somalia in an indefinite silent trusteeship. Within this on-going arrangement, the FGS cannot independently enact any significant domestic or foreign policy without getting clearance from UNSOM which is accountable to no Somali office, even symbolically. Never to be left out, President Mohamud also agreed for Ethiopia to join AMISOM. Since Somalia has been in a muted trusteeship in which U.K. still remains the country’s pen-holder or the official gate-keeper of all Somalia related issues at the UN Security Council. The trusteeship system was established to help the Trust Territories (former colonies) attain the capacity for self-determination and self-governance. This is good so long as there is a trustee willing to help in capacity-building and a trustee council providing the necessary supervision and scrutiny. Once The UN Security Council agrees to such proposal, a friendly country with proven goodwill toward Somalia will be invited to serve as a trustor for a period of 4 years. Painful, ego-wounding, and vanity-shattering as it may seem, that official and transparent humiliation maybe the precise condition to level the playing field and expose clan-based false narratives of superiority and equally humble all alpha clans in perpetual zero-sum clan competition: with your mentality Somalia is worse off today than before independence six decades ago. It is the only way to streamline the multilayered Somalia’s domestic and foreign problems; the only way to form an independent reconciliation commission that is not funded and framed by foreign powers. It is the only way to genuinely negotiate a constitution that sidelines all forms of clan-based rights in favor of citizenship rights and Soomaalinimo. Abukar Arman is a Somali political analyst, writer and former Somalia Special Envoy to the United States. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You