Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. War qoraal ah oo ka soo baxay xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay inuu boggaadinayo in lagu heshiiyey in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loogu talagalay. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  2. Waxaa xalay si rasmi ah xalay loo soo xiray shirkii Dhuusamareeb ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Intii uu socday shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo shanta madaxweyne maamul goboleed ee dalka. Xiritaanka shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban illaa 8 qodob oo diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo wada shaqeynta labada dhinac. Haddaba halkan hoose ka dhageyso warbixin uu Wariyaha Shabelle, Cabdullaahi Cismaan Cadaani ka diyaariyey nuxurka khudbadaha ay jeediyeen madaxda. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/WARBIXIN-CADAANI-.mp3 View the full article
  3. Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Guddoomiyha maxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyey, sidaas darteedna lagu Xakumay Xabsi daa’in Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo hetsto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, halka ninkaasi horay Maxkamada ay ugu riday xukun shan Sano ah oo uu soo dhameeystay, dibna ugu laabtay howlihii uu u hayay Al-Shabaab. Mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin ayaa la xukumay isagoo maqan, kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray, Mustaf Maxamed Xuseen. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Maxamed Camal ee Duduble Ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu caleemasaarayay xubno 11 ka kooban oo isugu jira Ganacsato iyo Dhaqan. Gogosha Caleemasaarka waxaa ka qeybgalay Ganacsato, Culumo, dhaqan iyo waxgaradka beesha Max’uud Hiraab ee Duduble. Fu’aad Warsame Oo ah Afhayeenka Beesha Maxamed Camal oo kulanka daadihinayay ayaa sheegay in Gudigaan loo aas aasay sidii deeganada beesha ay degto looga hormarinlahaa dhinacyada: Caafimaadka, Waxbarashada, deegaanka iyo isku xirna dhaqan beesha. Masuuliyiintii hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasan Cabdi Kheyre oo ka mid ahaa Nabadoonadii kulanka ka qeybgalay waxa uu sheegay in beesha looga baahanahay in gudiga ay garab istagaan si ay u gutaan masuuliyadda loo igmaday. Xoghayaha Dhaqanka Guddiga Cabdi Cali Max’ed iyo Guddoomiye Ku xigeenka dhanka ganacsiga ee Guddiga Dhaqanka Gnaacstaada beesha Max’ed Camal ayaa si wadajir ah u sheegay in Guddiga uu u baahanyahay garab iyo iskaashi u fududeynkara in hormar buuxda uu ka gaaro hormarinta deegaanka, waxbarashada, caafimaadka. Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ganacstaada beesha Maxamed Camal C/raxmaan Xasan Qorrax oo soo qatimay kulanka ayaa sheegay in beesha looga baahanyahay isku duubni iyo iskaashi si loo daboolo baahida ka jirta deeganada ay degto beesha. ‘’Guddigaan qabiil qaas looma fiirinayo kaliya waxaa loo aas aasay in lagu hormariyo deeegaanka, sida waxbrashada Caafimaadka iyo isku xirka dhaqanka. Waxaan codsaneyaa in garab lagu siiyo guddiga, masuuliyadda loo igmayna loogu duceeyo’’. Magacyada Guddiga: 1: C/raxmaan Xasan Cali Qorrax: Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka ganacsatada Beesha Maxamed Camal 2: Cabdi Xirsi Dhoolweyn: K/Xigeenka Guddoomiyaha dhinaca Dhaqanka 3: Cabdi Cabdullaahi Xirsi Shuuke: K /Xigeenka Dhanka Ganacsiga 4: Cabdi Cali Max’ed: Xogahaya Guud ee Dhaqanka 5: Cali Sheekh Yaasiin: Xogahaya Guud ee Ganacsiga 6: Saciid Xaaji Maxamed: Xiriirka Gobolada 7: Farxaan Xuseen Xeydar: Xiriirka Dibadda 8: Cali Sheekh Fareey: Xogahaya Guud ee Maaliyadda 9: Cimi Geeddi Tooxoow: Xiriirka Dhaqanka iyo Ganacsiga 10: Cabdi Farax Guuleed Jukaato: Xiriirka Beesha Maxamed Camal 11: Maxamed Cabdi Axmed Tuulo: Qasnajiga Guud ee Guddigga
  5. Saami-qeybsiga maaha Halbeeg lagu qeybsan karo Kuraasta Golaha Parliment (Wakiilada iyo Guurtida) Somalilad. Qalinkii Maxamuud Biixi Hordhac Waxa isasoo tareysa murano kolba mugdi galinaya qabsoomidda doorashooyin ka dhaca Somaliland gaar ahaa golayaasha parliament ka iyo deegaamadda. Hadaba deegaan garanay oo masilaad goob cayiman oo dadka degani isku doortaan, sidii wax looga qaban lahaa, beylahdooda deegaan, sida horumarinta biyaha, nadaafada, wadooyinka, tacliinta iyo waxii la mid ah, iyadoo loo eegayo darajada degmadaasi kolba tahay. Arinka matalida parliament-ku waa mid aan xidhiidh sharci, mid qabiil iyo mid siyaasadeed toona laheyn. Oo waxa kaliya ee jaangoynaya, waxa weeye kaliya. Dadka degan ama ku nool gobtaas, hadii ay tahay, mid kursi doorasho la dhigo(constituency) ama hadii ay tahey mid gobol(semi-closed) ama hadey tahay mid ah hab xidhan oo xisbigu ku sar-goosanayo codka guud ee dalka ka helo, tartamayaashuna si taxane ah u qoran yihiin(closed list). Somaliland waa mid hore u aheyd mid kuraasta loo qeybin jirey deegaamada gobolka, kursi walba cid gooniya ayaa loogu baratami jirey xiliyadii 1960-kii. Kaas oo intii ay Somaliland lasoo noqotey dawlad-nimadeedii loo badaley mid kuraasta gobol kasta loo wada tartamo, oo inta ugu cod badataa uun ku guuleysato, waa sidii la gudoonsaday 2001-kii. Waxa hodanti ah, in lagu sar-gooyey doorashadii Wakiilada 2005-kii in lagu qeybiyo sidii lagu galay doorashadii ugu dambeysay ee aheyd tii dawladii Rayid-ka ahaa ee 1960-kii. Oo aheyd mid ku saleysan 6 degmo doorasho, oo hada u xuub-siibtey lix-gobol doorasho. Taas oo lagu dhuftey 2.5 oo ah korodhka dadka(population growth rate). Oo macneheedu uu yahay in tiradii hore 6 degmo, calaa degmo kasta loogu dhufto 2.5 si ay u xidhanto tirade 82 xildhibaan, oo hore u ahaan jirey 33 xildhibaan. Iyadoo doorashada Wakiiladu ku saleysantey matalaada guud ee dadka degan gudaha Somaliland, in loo qeybiyo tirade dadka ku nool dhamaan dalka oo loo qeybiyey 82 xildhibaan ay noqoneyso xildhibaan kastaaa inta uu ku qiimeysan yahay. Taasi may dhacin maney suurtoobin. Aynu usoo gunda-degno diiwaan-galintii ugu sax-saneyd ee la qaadey 2016-kii iyo tirakoob u eekihii(Somalia Population Estimation Survey 2014) ay qaadey hay’ada aduunka u qaabilsan tirikoobka dadka ee loo yaqaan UNFPA ay ka sameysay Somalia kuna jirtey Somaliland, taas oo ay baariktey xukuumadii ka jirtey SL ee gadhwadeenka ka ahaa, Ahmed Silaanyo. Tirakoob u Eekihii UNFPA 2014 Xogtaas waxay u dhigneyd iyadoo labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Saaxil la isku darey(W.Galeed) wadartooda guud, ee kasoo baxdey dadka reer Somaliland ay aheyd in ka badan sadex malyuun iyo badh (3,508,180). Markaas waxeynu wadarta gobol kasta loo qaybiyo, ta guud ee Somaliland oo lagu dhuftey kuraasta wakiilada ee ah 82 kursi, waxa kasoo baxaya, kuraasta uu ka helayo gobol kasta, waa hadii tirakoobkan la dhaqan galiyo waa sidan. Awdal 673,263/3508180 = 0,1919*82 = 16 kursi W.Galbeed 1,242,003/3508180 = 0,354*82 = 29 kursi Togdheer 721,363/ 3508180 = 0,2056*82 = 17 kusi Sool 327,428/3508180 = 0,0933*82 = 7 kursi Sanaag 544123/3508180/ = 0,155*82 = 13 kursi Diiwaangalintii Codbixiyayaasha Sl(Somaliland voter Registration 2016) Sidoo, kale Waxa iyana 2016 kii Gudiddii Doorashooyinku sameysay diiwaangalin lagu qaadey qalab casri ah oo la isku haleyn karo(somaliland voter registration) ka hirgaliyeen dalka nidaam. Kaas oo ay ka soo ururtey xogtani: oo noqotey in codbixiyayaasha isdiiwaan galiyey dhamaanyee wadar guud oo aheyd 873,331 cod-bixiye. Bal aynu guda galno calaa gobol intuu helayo inagoo isticmaaleyna qaacidadan. tirada gobolka/tirada guud(873,331) lagu dhuftey 82(tirada wakiilada) Awdal 147031/873,331 = 14 kursi Maroodijeex 312634/873,331= 29 kursi Saaxil 78842/873,331 = 7 kirsi Togdheer 178,506/873,331 = 17 kursi Sool 71096/873,331 = 7 kursi Sanaag 85222/873,331 = 8 kursi Gorfeyn Marka aynu isha marino, labadan diiwangalin iyo tirakoob, waxa kasoo baxaya in gobolada Maroodi-Jeex iyo Togdheer kuraas siyaado ah ay helayaan, halka Awdalna marna 1 kursi heleyso marna 3 kursi. Laakiin waxa hubaal ah in ay jiraan inta badan ee dadka dega Sool iyo Sanaag-Bariba aaney ka qeyb-qaadan diiwaan galinta ay sameyso xukuumada Somaliland, deegaamadoodana qaarkood aan laba gaadhi. Hadii ay ka qeyb-qaataana ay meeshaas ka soo baxeyso ilaa 100 kun oo cod, oo saameyn ku sameyn doonta kuraasta gobolada kale, Sool iyo Sanaag-na ay kuraas dheeraad ah helayaan. Taas macneheedu waxa weyaan in gobol kasta oo aan aheyn Sool iyo Sanaag ay ka go’ayso. Macneheedu waxa uu ayahey xisaab ahaan, in hada kursi waloo kuraasta wakiilada ee 82 ka ahi waxa hadda la qiimihiisu yahay ilaa 10 kun oo cod. Marka 100 kun ee Hartiga ka maqanina soo biiraan, kursi kastaaba waxa uu noqonayaa ilaa 12 kun oo cod. Cabashada Awadal Waxa mudaaharaad sameeyey aqoonyahan reer Awdal ah oo ka biyo diidsan kuraasta ay hadda heystaan oo dhan 13 kursi, waxa uu Maxamed Abiib goobtaas kaga khudbadeedyey, xaqeena aynu dhacsano, markaas sadexda jifo ee Awdal Clan ka koobantahay, Ilaahey idinkii hal jifa-na ha qaadatee!!!! Waxa aqoon-yahan Maxmed Abiib ilduufey, gobolka ay la deganyiin reer kale oo fac-weyn oo la yidhaa Ciise oo diiwaangalintii 2016-kii ay Ciise sida beelaha kale isku habar-wacdeen oo kale si mug-leh diiwaan galinta ay u galeen, kuwaas oo Maxamed Abiib kuraastoodii duudsiyay. Iyadoo ay wali gobolada bariga Somaliland inta lagu qancinayo ka qeyb-qaadashada doorashooyinka Somaliland ay adagtey, in xuquuq laga hadlo, iyadoo goboladii kuraasta badaniba ka maqnaayeen, wax hadal ah ilaa hada laga maqleyn. Maxamuud Biixi Hajibihi123@gmail.com Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka kooban sideed qoddob ayaa xalay laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Shirkaasi oo uu shir guddoominayey madaxweyne Farmaajo ayaa waxa looga wada-hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka. Haddaba, Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay war-murtiyeedkaasi, isagoona dul istaagay qaar kamid ah qoddobada war-murtiyeedkaasi. Cabdiraxmaan Caynte oo u waramayey idaacada VOA-da laanteeda Af Soomaaliga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay in madaxda dalku ay wada fariistaan, iyaga oo wax iska weydiinaya masiirka umadda ay matalaan.. Caynte ayaa sheegay in qoddobada kasoo baxay shirkaasi ay ahaayen kuwo ay hore u sheegen madaxda dowladda iyo kuwa maamuladu, isla markaana uusan macno buuran sameynayn war-murtiyeedkaasi. Waxa kale oo uu xusay Caynte in qoddobo ku jira war-murtiyeedkaasi ay wiiqayaan awoodii golaha shacabka ee doorashooyinka, xili uu xalay madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu tallada kula laaban doono baarlamaanka. Caynte ayaa rumeysan in haddii guddi farsamo oo labada dhinac ah la sameeyo ay meesha ka baxayaan golayaasha kale ee sharci dejinta iyo guddigii qaranka ee doorashooyinku. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xiligan ay suurta-gal tahay in bilooyin dhowr ah ay doorashadu dib u dhacdo, taasi oo noqoneysa muddo kordhin dad-ban oo lagu dhameynayo howlaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka, kaasi oo meesha ka saaraya rabitaankii saamileyda siyaasada. Cabdiraxmaan ay waxa kale oo uu si dadban usheegay doorashada qof iyo cod ee qorsheynayso VILLA SOMALIA ay wax badan ku hoos duugan yihiin, taasi oo suurtagelinaysa inay dhacdo wax ka duwan waxa hadda socda. Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in gacmaha la isku qabsado sidii ay doorashadu u qabsoomi laheyd, iyada oo meesha laga saarayo khilaafkasta oo soo kala dhex-gala madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulada.
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-230720-f.mp3 View the full article
  8. Dowladda Puntland ayaa Xabsiga ka sii daysay Taliye ku xigeekii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile sida ay ogaatay Warbaahinta Puntladn Post. Labada sarkaal ayaa la xiray horraantii bishan July kadib markii ay gadood sameeyeen ciidamo ay ku jireen oo ka tirsan Booliiska Puntland kuwaas oo laga qaaday Caasimadda Garoowe si loogu soo tababaro Magaalada Qardho. Xiriir aan la samaynay labada sarkaal oo la sii daayay ayaan noo suura-gelin balse ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in xabsiga laga sii daayay inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka bixin. Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha lagu waayay eedaymo loo haystay oo la xiriiray in ay ka dambeeyeen gadood ciidan iyo amar-diiddo sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay. PUNTLAND POST The post Puntland oo xabsiga ka sii daysay laba sarkaal oo ay hore u xirtay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, islamarkaana uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdushakuur ayaa war ka soo saaray shirkii xalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. Qoraalka ayaa waxaa ugu horreyn lagu soo dhoweeyey qodobada ka soo baxay shirkaasi oo looga hadlay arrimaha doorashada 2020/2021-ka iyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu si gaar ah u boggaadinayo in lagu heshiiyey in doorashadu ay ku dhacdo xilligii loogu talagalay, si uusan u dhicin muddo kororsi. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in guddiga farsamo ee loo saarayo hanaanka doorashada inay ballaariyaan wada tashiyadooda, kuna soo daraan dhammaan dhinac ay quseyso. Ugu dambeyn xisbiga Wadajir ayaa ka dalbaday beesha caalamka inay taageerto heshiiska ay hoggaanka Soomaalida ku gaareen magaalada Dhuusamareeb.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa gobolkaasi ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Odowaa oo booqday xerada garoonka Bali-Doogle ayaa halkaas kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan xeradaasi, isaga oo kala hadlay howl-galka ka socda gobolka. Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamada inay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale la kulmay saraakiisha taliska Mareykanka iyo kuwa AMISOM, isaga oo kala hadlay sidii loo dardar-galin lahaa dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo si weyn ugu xoogan Sh/Hoose. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Inta badan ciidamada ayaa iska hor imaadyo xoogan kala kulma Al-Shabaab oo weeraro gaadma ah ku qaada xarumaha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
  11. Muqdisho (Faallooyinka PP) — Shirka ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul federaaleedyada wuxuu mar kale muujiyay sida aysan weli siyaasadda Soomaalidu uga gudbin isqabqabsi siyaasadeed soo noqnoqda.Waa horumar in madaxda maamul fedaraaleedyadu ku heshiyeen nooc doorasho ah. Sidee loo waafajinayaa Xeerka Doorashada? Dowladda Federaalku may laha awood ay ku laasho xeer uu baarlamaan dejiyay. Doorashadii 2017kii dhacday waxay ku salaysnayd heshiis dhexmaray dowladdii waqtigaas jirtay iyo maamul federaaleedyada. Dowladda Federaalku way ku gacan-sayrtay soo jeedintii Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ku saabsanayd in dalku yeesho Gole Hoggaamineed oo talo-wadaag ah. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dooday in dalku leeyahay dowlad iyo hay’ado sharci-dejin. Maxaa loogu baahnaa sharci doorasho haddii maamul federaaledyadu la iman karaan hindise beddeli kara sharci Madaxweynuhu saxiixay? Waxaa xusid mudan in Puntland soo jeedisay tirtiridda xeerar Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ay dejiyeen sida Xeerka Qaybsiga Kheyraadka. Shaqada u taalla Madaxweyne Farmaajo waa inuu u gudbiyo guddoonka baarlamaanka nooca doorasho oo ay maamul federaaleedyadu doonayaan. Habka doorashada ee maamul federaaleedyadu soo jeediyeen muu ku salaysna sharci oo wuxuu hay’adaha dowladda federaalka ku noqon karaa halaq-mareen. Puntland goor hore ayay ogaatay inay si fudud in dalka ku meelgaar looga saaro u taageertay dalka oo aan diyaar u ahayn inuu ka baxo xilligii ku meelgaarka. Puntland iyo Jubbaland maku saxan yihiin inay u ololeeyaan yaraynta awoodaha hey’adaha sharci-dejinta heer federaal; Dowladda Federaalku way ku saxan tahay inay difaacdo sharciyada Baarlamaanku ansixiyay. Sidee loo kala saari karaa siyaasiyiin ordisiinaya dadkooda oo uu socodku dhib ku yahay? Waa su’aal Shirka Dhuusamareeb uu ku soo kordhiyay murugsanaanta siyaasadda Soomaalida. © Puntland Post, 2020 The post Maxaa laga bartay Shirka Dhuusamareeb? appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Berbera)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyey in uu ganacsi dhinaca shidaalka ah oo dano gaar ahi kaga xidhan yihiin u xannibay shirkadihii muwaadiniinta ahaa ee dalka shidaalka keeni jiray kuwaasi oo muddo ku xanniban Dekedda, khasaare lacageedna ku socdo iyada oo sababtu tahay dano Ganacsi oo Madaxweynaha u gaar ah oo dhinaca shidaalka ah iyada oo dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagu eedeeyey in uu dalka keensanayo shirkad shidaal oo gaar ah oo reer Yurub ah taasi oo uu muddooyinkii dambe gorgortan kula jiray. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Sanaag ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku dhaliilay qaabka uu u wajahay Ganacsigii shidaalka ee dalka iman jiray isaga oo Boqorku Madaxweynaha ku tilmaamay Madaxweyne Ganacsigii galay oo si gaar ah u cadaadiyay shirkadihii dalka shidaalka keeni jiray oo uu sheegay in ay Afar Markab oo shidaal ahi wakhtigan ku xanniban yihiin Dekedda sababta Madaxweynaha dartii. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo waraysi dheer siiyay Telefishanka BULSHO TV isaga oo ku sugan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qaybtan waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray eedo culus oo uu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in uu curyaamiyay shirkadihii shidaalka, waxaanu yidhi: “Arrinka Ganacsiga, Annaga beel ahaan waad ogtihiin markii horeba dagaal buu nagula jiray balse imika waxa ay u gudubtay ganacsatadii kale ee shidaalka. Waad ogtihiin shirkadihii shidaalka muddo afar bilood ah ganacsi ay galeen ma jiro. HASS oo kale oo aad ogtihiin in ay yihiin beelihii dalka innala lahaa ee Madaxweyne Siilaanyo dalka ku soo dhaweeyey ee ka shaqaysanayay muddo afar bilood ah shidaal may keenin, kuwii kale ee Red Sea lahaa iyo Som Petroleum lahaa iyo Afar Markab baa hadda taagan mid walba Milyan iyo Kun iyo siddeed Boqol oo Dollar oo dhimareej ah ayaa ku socda. Ganacsigaasi waxa uu u taagan yahay dan khaas ah oo Madaxweynuhu leeyahay oo aanu qaranku lahayn oo jeebkiisa ah. Shirkaddii berigii dhawayd heshiiska lala galay ee Singapore ta ahayd Madaxweynaha ayaa lahaa. Imikana shirkad Yurub ah ayuu heshiis kula jiraa oo illaa hadda la wadaa gorgortan. Shirkadihii muwaadiniinta ahaa ee intaasoo kun oo qof ka shaqaysanaysay ayaa maraakiibtoodii dekadaha ku xanniban tahay. Wax umaddu qaadan karayso, xammilina karayso, loona dul qaadan karayo ma aha runtii. Taasi waxa ay keenaysaa kacdoon umadeed. Umadda marka doorashona loo qaban waayo, runna loo sheegi waayo. Labada xisbi isku dir, shacabka isku dir meel walba. Inuu shirkadahaa leeyahay waa caddaan. Maxaa ganacsigii xorta ahaa ee dastuurka lahaa ee xorta ahaa ciddan ay u xidhan tahay haddaa waa ayo bal adigu sheeg. Annagu waxaannu ognahay oo xog oagaal u nahay in ii isagu leeyahay shirkadahaasi. Haddii uu doonayo in uu dalka ka taajiro oo aanu wax magac ah ka doonayn horena u soconayn. Anigu caa’iladiisa ma soo qaadayo, cid kalena ma soo qaadayo. Caruurtiisa sheeg sheegi maayo. Illaa diyaaradahan ayuu ganacsigooda u xannibayaa oo waxa uu doonayaa in uu isagu wakaaladooda qaato”. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Shabakadda xidhiidhka bulshada ee Tiktok ayaa qarka u saaran in ay dawlado badani isticmaalkiisa mamnuucaan kaddib markii ay soo baxeen warar xaqiijinaya in uu yahay adeeg ay dawladda Shiinuhu wax ku basaasto. Shabakadda Tiktok oo ka mid ah shabakadaha loogu isticmaalka badan yahay dunida maanta ayaa la sheegay in uu awood u leeyahay xaditaanka xogta ku kaydsan taleefannada lagu shubo, kaddibna uu ku diri karo qalab internet ka ku shaqaynaya oo uu sirdoonka Shiinuhu kaydinta xogtaas iyo kala saaristeeda ugu talagalay. Warbixin uu baahiyey wargeyska ‘The Sun’ eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sirdoonka Shiinuhu uu si joogto ah u helo xogta boqollaal milyan oo ka mid ah dadka isticmaalka adeeggan ee dunida oo dhan kala jooga. Arrintan ayaa ay dawlado badan oo adduunka ahi u arkaan in ay khatar ku tahay amniga qarankooda. Maadaama oo ay aaminsan yihiin in dawladda Shiinuhu qalabkan xogo badan kaga heli doonto dalalkaas. Dawladda Ustareeliya ayaa hadda ka fikiraysa in ay mamnuucdo shabakaddan, dalka Hindiya ayaa isaguna hore u mamnuucay adeeggan, iyada oo ka dareen qabta in lagu basaasi karo. Tallaabada dalka Hindiya ayaa timi waqti yar kaddib markii dagaal dhimasho ciidan keenay uu Hindiya iyo Shiinaha ku dhex maray xuduudka ay wadaagaan. TikTok oo lagu wadaago muuqaallo aan 60 ilbidhiqsi ka badnayn oo maadays u badan, waxa aanu sannadihii u dambeeyey si aad ah ugu faafay guud ahaan adduunka. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa Hargeysa u soo dirtay wefti culus oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Weftiga oo ka koobnaa saddex xubnood, ayaa waxay wateen diyaarad gaar ah, waxaana madaarka Hargeysa ku qaabilay wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan, laakiin ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in weftigu markii ay dalka yimaadeen ay kulan toos ah la yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegay inay Madaxweyne Biixi gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Weftiga ayaa isla shalay saacado ka dib imaanshahooda Hargeysa waxay dib ugu laabteen Addis Ababa iyadoo diyaaradii siday ay ku sugaysay madaarka Hargeysa. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in ujeedada socdaalka weftiga Itoobiya yahay mid xambaarsan arrimo miisaan ku leh Addis Ababa oo ah dareenka ay Itoobiya ka qaadatay wefti dawladda Masar ka socda oo dhawaan socdaal ku yimid Hargeysa. Warbaahinta Itoobiya ee madaxabanaan ayaa warbixino dhawr ah ka diyaarisay socdaalkii weftiga Masar ee Hargeysa. Masar iyo Itoobiya ayaa si adag isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisanayso oo ay dawladda Masar u aragto khatar soo waajahaysa nolosheeda iyo ammaankeeda. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, kaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu lahaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Muuse Geesey Jimcaale. Dad goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi. Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha Caasimada ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ah ee lala eeganayo mas’uuliyiinta dowladda askarta ku sugan M/ Muqdisho.
  16. Asalaamu Calaykum, Bishu waa 29 september 2009, waxaan ku suganaa Dubai. Insha Allah berrit oo kale ayaan ku beegmahay Nederland. Maxamuud, Musatafe, axmed iyo Caliyow wxaaan halkan idiin ku soo dirayaa duruufihii qalafsanaa iyo khatarahii cabsida badan huwanaa ee habeenkii jimcihii ina soo dhaafay Dul Hoganaayey caasimada Hargeysa. Wasiirada xukuumada Rayaale , ee ka soo jeeda beesha West Burco Clan ayaa kulan gaar ah habeenimadii jimcihii kula jeeshay guddoomiyaha xisbiga UCID ,wax yar kadib markii ay hoggaamiyeyaasha labad xisbi mucaarid ku baaqeen guluf culus oo lagaga hortegayo qorshaha muddo-kordhinta aan laysku waafaqsanayn ee Golaha Guurtidu u balansanaa subaxda jimcaha. Kulankaas oo u jeeddadiisa lagu sheegay mid la xidhiidha sidii ay guddoomiyaha Ucid ugu qancin lahaanyeen inuu ka noqdo aabaabulka labada xisbi ee mucaarid ku dhawaaqeen cawayskii jimcaha, ayaa ku dhammaaday guuldaroo, kadib markii uu hoggaamiyaha UCID kooxda wasiirada beeshiisa ee ergada ugu yimi u caddeeyay in aanu ka noqonayn mowqifka u la qaatay dhigiisa xisbiga Kulmiye, isla markaana ka codsaday inay fasaxaan si uu ugu tago Axmed Silaanyo oo ka sugayay kulan xisbiyada mucaadku ku dhisayaan dawlad cusub oo lagu dhawaaqi doono haddii Guurtidu ku tallaabsato muddo-kordhin qarsoodi ah oo loo sameeyo Rayaale. Inta kadib xubnaha wasiirada West Burco Clan oo ka madluunsan hungada ay kala kulmeen kulankii guddoomiyaha Ucid ayaa si toos ah isugu shubay xilli saqdhexe ah xarunta madaxtooyada oo marki horeba laga soo diray, halkaas oo ay Rayaale ugu gudbiyeen farriimo dhiilo leh oo ku saabsan xiisaddii kululayd ee habeenka ka aloosanayd Hargeysa iyo guud ahaan dalka oo dhan. Waxaanay Wasiiradu si cad ugu sheegeen Rayaale in xaaladu taagan tahay meel aad u adad oo aan si sahlan loga hortagi karin, sida awgeed loo baahan yahay talo iyo go’aan qaadasho deg-deg si laga hortago dhibaata culus ee xukammadooda so foodsaartay. Wassirka arimaha gudaha oo aan haeenkaas mar qudha kabaha bixin, hurdana u hunguroon ayaa daqiiqad-daqiiqad Rayaale oo qudhiisu heegan ku ahaa xafiiskisa ugu gudbinayay warbixino xaalada guud iyo hadba waxa ka soo kordha aabaabuladii mucaaridku hoggaaminayeen. Inkasto Rayaale laftiisu si weyn u dareensanaa khataraha soo fool leh, haddana sida la sheegay waxa bac iyo babiso ku riday warbixinadii xaqiiqda ku qotomay ee Ciro u gudbinayay oo ku saabsanaa inuu habeenkaas jiray abaabul hub-urusi xoogan oo Hargeysa ka bilaabmay saqdii dhexe iyo saraakishii hore ee SMN oo ku labisna dirayska tuuta ah isuna diyaariay hogaaminta hawlgal loo xabbad lagaga hortago haddi mar kale boolisku rasaas kala horyimaadaan dadweynaha xisbiyada mucaaridku bannaanbaxyada ugu baaqeen.( Mar wal oon soo xasuusto dhacdooyinkan waan jidhka i dubaaxiya, idhuhuna way ilmeeyaan, maxamuudow waad i fahamtay). Labada xisbi mucaarid ayaa iyagu gadhwadeen ka ahaa hawlgaladii cabsida lahaa ee habeenka dalka gilgilay, waxayna ilaa waaberigii jimce ku hawlanayeen hub-urursi qarsoodi ah iyo kicin dadweyne oo salka ku hayay in xataa xabad iyo dhiig daata lagaga hortago muddo-kordhinta Guurtidu iyo xukuummadu u balansanaayeen in khasab subaxa jimcaha lagu meelmariyo. Abaabullada iyo duulaankan mucaaridku kiciyeen oo dadweynaha si gaar ah u cabsi geliyay ayaa noqday mid batrool ku sii shubay baqdinihii laga qabay halka uu saldhigan doono khilaafka siyaasadeen ee muddoda dheer soo jiitamayay. Badi dadweynaha ku dhaqan Hargeysa ayaan jimcihii hurdo dhabanka dhigin, kuna dhamaystay soo-jeed iyo werwer xoog leh oo ay ka qabeen xaalkii cabsida huwanaa ee habeenkaas dagaalka la isugu hub urursanayay. Shacabka reer Hargeysa , gaar ahaan waayeelka wuxuu habeenkaassi u ahaa mid gama’a u diiday oo waagu ugu baryay baqdin la xidhiidha sida xaal noqon doono, halka dhalinyaradu aanay iyagu badi u hurdo tegin guryahooda. Waxana magaalada laga dareemayay dhadhaqaaayada bogollaal dhalinyaro ah oo isu diyaarinayay inay ka qaybqataan abaabulladii mudoharaadyada iyo hub urursiga ahaa ee loogu jiray sidii xoog logaga hortegi lahaa qorshihii Rayaale ku doonayay in Guurtidu sannad kale xilka ugu kordhiso. Sidoo kale waxa goobo qarsoon oon ka dheerayn Baarlamanka lagu diyaariyay ciidan xoog u hubaysan oo logu talagalay inay tageeraan dadweynaha iyo madaxda mucaaridka oo qorshahoodu ahaa in xoog ku galaan xarunta golaha Guurtida. Dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee habeenkass hadheeyay casimadda Hargeysa waxa kalo ka mid ahaa cabsi xoog leh oo soo foodsaartay mudanayaashii Golaha Guurtida ee lugta ku lahaa qorshihii muddo-kordhinta. Waxana la sheegay qaar badan oo ka mid ahaa 53 kii xildhibaan ee saxeexay dalabkii madaxtooyada ee muddo-kordhinta in ay ka seexan waayeen hanjabaado isdabajoog ah oo uga imanaayay dadweyne dhallinyaro u badan, iyadoo arrintaas sababtay in xildhibaanada qaarkood cabsi uga qaxaan guryahoogii, halka kuwo kalena samaysteen ilaalo isugu jira boolis iyo eheladooda oo hubaysan. Sidoo kale waxa habeenka gubtay guri u deggan yahay xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sool, halka xildhibaanada aan ehel badan ku lahayn Hargeysa laga daadgureeyay guryahoodi lana dejiyay guriga Rayaale ee ka dambeeya xurunta Baarlamaanka. Warbixinta xasaasiga ah iyo khataraha cabsida lee ee wasiirka Arrimaha Gudaha u gudbiyey Madaxweynaha saacadihii dambe iyo badheedhihii farriinta wasiraada West Burco Clan ayaa sii xoojihay wer wer iyo walaac weyn oo habeenkaas dul hoganayay Rayaale, waxana soo afjarmay rajadii uu ka qabay muddo-kordhin sannad ah. Waxa la sheegay in ay arrimaha kor ku xusan door muhiim ah ka qaateen go’aankii geesinimada lahaa ee Rayaale saacadihii dambe ee habeenkii jimcihi kaga noqday kordhintii u damacsanaa in Guurtidu sannad jujuub ah ugu kordhiso xilka. Xaaladdii cakirmayd ayaa mar qudha dhinaca wanaagsan isu rogtay markii fadhidhigii Golaha Guurtida ee subaxnimadii jimce oo dhiilo colaadeed kulaalayeen uu ka soo baxay go’aan cadhadii taagnayd u rogay farxad iyo dammaashaad, kadib markii mudanayaasha Guurtidu aqlabiyad buuxda ku ayideen go’aamadii Beesha Caalamku kaga talabixiyeen murrankii siyaasadeed ee muddoba dalka ka taagnaa. Go’aankii Guurtidu waxa lagu tilmaami karaa in uu dalka ka badbaadiyay balaayadii malintaa aloosnayd iyo masiibadii cuslayd ee ilaahay inaguma keene u horseedi lahayd burbur mar kale ku dhaca dalka.Ugu dambeyntii, farxadii iyo damaashaadkii subaaxa Jimce waxey murugo badan ku rideen cadowgii Somaliland ee rajeynayey in Dhiig sokeeye mar kale ku daato degeenka Jamhuuriyada Barakeysan ee Somaliland. Wabilaahi Towfiiq. Mahmoud-Yaasin Abdillahi Ali Dubai. UAE Qaran News
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto. “Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay. Itoobiya waxay marar badan sheegtay buuxinta biyaha biyo-xireenka uu u baahan yahay iney billaabeyso bartamaha bisha July, taasoo la moodo iney sideeda ugu suuragashay. Biyo-xireenka weyn ee ay Itooboya ka dhiseyso wabiga Nile dhsiamahiisa marka la dhammeystito wuxuu awood u yeelanayaa inuu dhaliyo koronta dhan 6 kun oo Mega Wat, biya xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn qaaraddan Afrika. Waxaana korontada biyo-xireenkaasi laga dhalinayo ka faa’ideysan doonta 65 malyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha laga gaaray biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile. Wuxuuna sheegay biyo xireenka hadda lagu guuleystay biyihi ugu horreeyey iney sidi la rabay u galaan oo lagu guuleystay ayaa guusha soo hoyeen shucuubta dalka Itoobiya ee dal iyo dibadba ku sugan lacagaha ay jeebkooda ka bixiyeen iyaga oo aan u baahan kaalmo iyo deeq shisheeye.
  18. Hoos ka daawo The post Daawo Khudbadii Madaxweyne Deni ee Shirkii Dhuusamareeb, Arbaco 22/7,2020 appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay imtixaanaadkii shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo si rasmi ah shalay la soo gaba-gabeeyey. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaaankaasi ay u fariisteen illaa 35 kun oo Arday ah oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ardayda u fariisatay sanadkan imtixaanka ay ku jireen illaa 500 oo Arday ah oo imtixaanka ku galay deegaanada maamulka Puntland. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda waxbarashada laguma shaacin deegaanada ay ardaydaasi ka tirsan Puntland ku galeen imtixaanka. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo ay sanadkii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanaadka mideysan ee ay qaadeyso dowladda dhexe, iyadoona tilmaamtay inay imtixaan gaar ah u diyaarsadeen ardaydooda, ayna ka mid ahayn ardayda ka qeybgalaysa sanadkan imtixaanka guud ee dowlada federaalka. Waa sanadkii lixaad ee ay dowladda Soomaaliya qaadeyso imtixaanaadka qaran ee shahaadiga ah, iyadoo sanadkan ay ardaydu aad uga badan kuwii hore.
  20. DHUSAMAREB (HOL) - Federal and state leaders meeting in Dhusamareb Wednesday inched closer to a political deal on holding elections this year following an agreement to establish a technical committee to work out details of an electoral model. Source: Hiiraan Online
  21. Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Kheyraadka Dabiicigga dalka Suudan Eng. Cabdulqaadir Turkaawi. kulanka Safiirka iyo Wasiirka waxaa ku wehliyay uqeybsanahay arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudan. Mas’uuliyiintan ayaa intii Kulankoodi uu socday waxaa ay ka wada hadleen xiriirka sooyaal ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireeynka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudan. Waxyaabaha ay isla garteen waxaa kamid ah adkeynta xiriirada dhinacyada kaladuwan leh,horumarinta iskaashatadda beeraleeyda iyo Wax soo saarka dalagga beeraha iyo kuwo kale oo badan. Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah,kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhinacyo badan sida Siyaasadda,Dhaqaalaha diplomaasiyadda beeraha iyo wax soo saarkooda. View the full article
  22. Hoos ka daawo The post Daawo khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirka Dhuusamareeb appeared first on . Source
  23. Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska Africom ayaa waxaa lagu faah-faahiyey duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay 21-kii bishaan ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland. Duqeynta oo ka dhacday deegaanka deegaanka Timirshe oo 140 km u jira magaalada Boosaaso ayaa waxaa Africom ay shaacisay in lala eegtay kooxda Daacish. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan ah lagu dilaay illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya oo ku xoogan buuraleyda gobolka Bari. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan cadaadis saarno kooxaha argagixisada, islamarkaana aan saaxiibadeena Soomaaliya ka caawinno inay kala dhantaalaan howlgalladooda,” waxaa sidaas yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos, oo ah agaasime ku-xigeenka howlgallada AFRICOM. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ay ka fuliyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. “Waxaan sii wadeynaa taageeradeena si aan waxa la midka ah Daacish iyo Al-Shabaab uga ciribtirno Soomaaliya.” Warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ku soo aadaya, iyadoo duqeyntaasi, kadib dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Timirshe, kaas oo u dhexeeyey ciidamada sida gaaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland iyo Daacish.
  24. (SLT-Qaahira)-Masar ayaa taageero ka raadineysa dalal carbeed oo deris la ah, oo ay ku jiraan Jordan iyo Maamulka Falastiin, si ay u waajahdo muranka kala dhexeeya Turkiga. Dowladda Jordan ayaa u soo bandhigtay in ay dhex-dhexaadiso labada dal. Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa kulamo is xig-xigay gobolka kula yeeshay madax kala duwan oo uu ugu dambeeyay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo uu kula kulmay Rammallah. Waxay labadoodu ka wada-hadleen isbedeladii dhowaan ka dhacay ee gobolka, iyagoo diiradda saaray qorsha Israa’iil ee goosashada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed iyo, sidoo kale xidhiidhka u dhexeeya Maamulka Falastiin iyo Masaarida. Sida uu wariyay Jerusalem Post, saraakiil ka tirsam Maamulka Falastiin ayaa shaaca ka qaaday in booqashada Shukri lagaga wada-hadlay xiisadda ka taagan Liibiya ee u dhaxaysa Masar iyo Turkiga. Masar waxay raadisay taageerada Falastiin iyo dalal kale oo Carbeed. Waxaana la sheegay in maamula Falastiin uu taas diiday sababo la xidhiidha in Masar ay ku guul-darreystay in ay Falastiiniyiinta ku taageerto dadaalkooda ka dhanka ah qorsha dhul goosiga Israa’iil iyo “Heshiiska Qarniga” ee Maraykanka. Ramalla ka hor, Shukri waxaa uu booqday Jordan, wuxuuna si gaar-gaar ah ula kulmay Boqor Cabdalla iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Ayman Safadi. Kulanka uu boqorka la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa isbedellada gobolka, oo ay ku jirtay arrinta Falastiin. Shukri waxaa uu sidoo kale Jordan ka raadiyay taageero ka dhan ah Turkiga. Shir-saxaafadeed ay si wadajir ah Amman ugu qabteen, Shukri iyo dhiggiisa Safadi waxaa uu ku sheegay in “taageeradda military ee Turkigu siinayo dowladda Liibiya ay khatar halis ah ku tahay carabta iyo amniga qaranka Masar,” isla markaana Masar ay qaadeyso tallaabo ay amnigeeda ku xaqiijineyso. Tallaabooyinka uu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Masar waxaa ka mid ah fargelin military in ay dowladiisu ku sameyso Liibiya si ay u taageerto garabka Jeneraal Khaliifa Hafter. Source