-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeisa (HOL) - The CEO of Astaan Cable, Abdimanan Yusuf, has been arrested in Hargeisa and held incommunicado since last week, according to the cable TV network. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo dib ugusoo laabtay Baydhabo ayaa waxaa loosoo dhaweeyey si heer sare ah oo aan waligiis losoo dhaweyn. Reer Koonfur [...] The post Reer Baydhabo oo si heer sare ah usoo dhaweeyey Madaxweyne Laftagareen oo Dhuusamareeb ka yimid appeared first on . Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war cusub kasoo saaray habka loo xalinayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka kadib kulankii Dhuusamareeb ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubaland Maxamed Axmed Sabriye Bassaam ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in “Madaxda DFS iyo Madaxweynaha Jubbaland ay ku heshiiyeen in khilaafka mudada soo jiitamayey si hoose loo xaliyo xal waarana laga gaaro khilaafkii u dhexeeyey DFS iyo Jubbaland.” “Si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaas waxaa loo wajahey qaab farsamo kaas oo natiijadiisa la sugayo ka hor shirka Dhuusamareeb 3 ee loo ballansanyahay 15 Agoosto 2020,” ayuu yiri Bassaam. Bassaam ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha la isku dayayo in xalka loo helo ay ka midka yihiin arrinta gobolka Gedo, oo ka mid ah waxyaabaha xasaasiga ah ee ay labada dhinac isku hayaan. “Arrinta gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa la filayaa in mudadaas lagu xaliyo wixii dhaceyna si dhab ah looga wada garaabo,” ayuu yiri Bassaam. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama waqtigii dowladda uu sii dhamaanayo ay ka hartay dagaalkii ay kula jirtay maamulkaas. Qoraalladii dhowaanahan kasoo baxayey Villa Somalia ayaa Axmed Madoobe ugu yeerayey madaxweynaha Jubaland, ayada oo laga tegay ereygii madaxweyne ku-meel gaar ah, oo ay horey uga adkeysan jirtan.
-
Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo wuxuu kusoo dhaweeyey Madaxweyne Axmed Madoobe oo Safar shaqo ugu maqnaa Puntland iyo Jubbaland. [...] The post Sayid Axmed Madoobe oo dib ugusoo laabtay Jubbaland appeared first on . Source
-
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay warnaahinta dowladda ayaa sheegay in wajiga sedexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwii hore isla markaana ka qeyb-gali doonaan guddoonka labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Wasiir Maareeya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay ka qeyb-gali doonaan shirkaaas Xisbiyadda dalka,Ururada bulshada rayidka iyo dowlad goboleedyada dalka si loo balaariyo wadatashiga masiirka dalka waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxo hadii ay ka duwan yihiin doorashadii an ansixyeen barlamaanka dib loogu soo celin doono galaha . “Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay ayuu yiri wasiir maareeye. 15 bisha soo socota ayaa loo balansanyahay wajigi sedexaad ee shirka wadatashiga iyadoo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda qaranka ,kuwa dowlada goboleedyada dalka bulshada Rayidka iyo Xisbiyad kaasi oo looga hadlayo marxalada kala guurka ee dalka sida arrimaha dootashooyinka 2020/201. View the full article
-
Xukumada Farmaajo oo Hawada ka celisay Diyaarad laga leeyahay Kenya,sideyna 80 Qof oo Soomaaliya+Waxa lagu qoonsaday Dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo kusoo socotay magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u soo dusiyeen Warbaahinta. Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaan gashan Kenya ayaa waxay sidday 80 qof oo rakaab Soomaali ah, kuwaasi oo diyaaradda ay u soo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Xogta ay heshay Warbaahintu ayaa tibaxaysa in diyaaradda sababta loo celiyey ay tahay qaad lagu soo qariyey, oo la ogaaday markii ay diyaaradda soo duushay. Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey. Arrintan ayaa la sheegay inay u sameeyeen si ay uga hortagaan in diyaaradda laga mamnuuco Soomaaliya, haddii qaad laga helo marka ay soo degto. Mas’uuliyiinta shirkadda Jetways ayaa markii hore la xidhiidhay hay’adda duulista rayidka Kenya ee KCAA, kana codsaday in diyaaradda lasoo celiyo, balse ay u sheegeen inay ka baxday hawada Kenya, taasi oo keentay inay la xidhiidhaan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA. Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markii kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartay inay dib ugu laabato Kenya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, kadib markii Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka COVID-19 bartamihii bishii March, mana jirin qaad dalka si rasmi ah u yimid wixii markaas ka dambeeyey, marka laga reebo qaar hab dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey. Qaran News
-
Axmed Madoobe oo ka hadlay heshiis ay wada gaareen Farmaajo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in xal laga gaaro khilaafka labada dhinac ka hor wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb, isagoo si gaara u xusay xaaladda gobolka Gedo. Madaxweynaha Jubbaland oo shir jaraa’id ku tabtay Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in farsamo ahaan la bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Dowlad goboleedyada Jubbaland ayaa Axadii la soo dhaafay kulan gaara ku yeeshay Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland. Xiisad siyaaseed iyo mid amni ayaa gobolka Gedo taagnayd muddo, taas oo ku dhexaysay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay heshiis ay wada gaareen Farmaajo appeared first on Puntland Post. -
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah wabiga ayaa ku fatahay deegaanka Baareey iyo tuulooyin kale hoos-yimaada. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in fatahaadu ay saameysay beero badan oo ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanadaas oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa ka dalbaday dowladda dhexe iyo HirShabelle in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro. Xaaladda deegaanada uu ku fatahay wabiga oo dhaca dhanka waqooyi ee magaalada Jowhar ayaa haatan aad u adag, waxaana xirmay guud ahaan isku socodka dadka & gaadiidka ee deegaanadaasi. View the full article
-
Ingiriiska & Mareykanka oo sida Fiinta uga qayliyey hub aan horey loo arag oo Ruuskhu ku tijaabiyay Hawada Sare Mareykanka iyo Britain ayaa Ruushka ku eedeeyay in Hawada Sare uu ku tijaabiyay hub casri ah oo shucaac ah, kaas oo loo adeegsan karo burburinta dayax-gacmeedyada hawada ku sugan. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa walaac cusub ku tilmaamtay wax ay ku qeexday “hub u muuqdo mid lagu isticmaali karo Hawada Sare oo lid ku ah dayax-gacmeedyada”. Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay sheegtay in ay isticmaashay teknolojiyad casri ah oo ay ku eegeyso sida ay u shaqeynayaan qalabkeeda u yaalla Hawada Sare ee dhulka ka fog. Mareykanka ayaa horeyba walwal uga muujiyay dhaqdhaqaaqa cusub ee dayax-gacmeedyada Ruushka ee ka socda Hawada. Balse waa markii ugu horeysay ee UK ay eedeyn u jeediso Ruushka oo ah inuu tijaabinayo hub Hawada Sare dhexdeeda uu ku riday. Maalmo ka hor, baaritaan laga sameeyay Britain waxaa lagu ogaaday in dowladda UK “ay si wayn u yareysatay” halista Ruushka uu sababta u noqon karo. War-qoraal ah oo Khamiistii ka soo baxay Kaaliyaha Xoghayaha Amniga Qaranka Mareykanka, Christopher Ford, waxaa lagu sheegay in xukuumadda Moscow ay “manaafaq tahay” ka dib markii ay dalbatay in la xakameeyo hubka ku sii ballaaranaya Hawada Sare. “Moscow waxay dooneysaa in ay awooddeeda sii xoojiso iyadoo si cad u dooneysa in ay xakameyso midda Mareykanka, dhankeedana ay sii wadato,” ayuu yiri kaaliyaha. Madaxa Guddiga arrimaha hawada ee UK, Harvey Smyth, wuxuu sheegay in uu ka walwalsan yahay tijaabadii ugu dambeysay ee Ruushka uu sameeyay, taas oo uu ku tilmaamay “in qaab hub halis ah ay lahayd”. “Ficilladan oo kale waxay halis gelinayaa amniga Hawada Sare, waxaana halis noqonaya firirka ka dhasha oo ku dhici kara dayax-gacmeedyada iyo hannaanka hawada ee dunida ay ku tiirsan tahay,” ayuu yiri. Wuxuu Ruushka u sheegay in ay “masuuliyad iska saaraan arrintan” iyo in ay “ka fogaadaan tijaabo noocan ah oo mustqbalka ah”. Dowladda Putin ayaa sheegtay in qalab u yaalla hawada ay tijaabinta ku sameeyeen Ruushka, Mareykanka, Britain iyo Shiinaha waxay ka mid yihiin 100-ka dal ee saxiixay heshiiska Hawada Sare oo qeexaya in cilmi-baaris cusub loo adeegsado iyo in si nabad ah oo keliya lagu wada joogo. Heshiiska wuxuu sidoo kale dhigayaa in hub aan la geyn karin Hawada Sare. Mareykanka wuxuu sheegay in hannaanka dayax-gacmeedka Ruushka ee hadda tijaabada sameeyay uu yahay midkii ay walaaca ka muujiyeen sannadkii 2018-kii, iyo horraantii sannadkan xilligaas oo Mareykanka uu sheegay in qalabkaas uu ku dhowaaday dayax-gacmeed uu Mareykanka leeyahay. Gen Jay Raymond, oo ah taliyaha Hawada Sare ee Mareykanka, oo ka hadlay tijaabadii ugu dambeysay, wuxuu sheegay in caddeyn loo hayo in Ruushka “uu Hawada ku tijaabiyay gantaal lid ku ah dayax-gacmeedyada”. Gen Raymond wuxuu intaa ku daray: “Tani waxay caddeyn dheeraad ah u tahay in Ruushka uu sii wado dadaalkiisa uu ku casriyeynayo kuna tijaabinayo hubka Hawada Sare, waxayna Kremlin-ka sii wadaa cilmiga ay hub cusub halkaas ku geyneyso oo halis ku ah hantida Mareykanka iyo xulafadiisa ee halkaas u taalla.” Tijaabada gantaalka cusub ee Ruushka waxaa la sameeyay 15-kii bishan July, iyadoo ujeedadu ahayd xaqiijinta qalabka dalkaas ee hawada sare u yaalla, sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca Ruushka. “Tijaabadii ugu dambeysay ee teknolojiyadda Hawada Sare waxaa lagu xaqiijinayay mid ka mid ah dayax-gacmeedyadeena oo lagu xiray qalab casri ah,” ayey tiri wasaaradda oo warkeedaas lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Interfax. Waxaa intaa lagu daray: “Baaritaanka macluumaadka qiimaha leh ee ku saabsan xaaladda farsamo ee shayga la tijaabiyay weli way socotaa”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa saaka hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya oo kusoo socotay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda duulimaadyada Jetways Airlines oo ka diiwaan gashan Kenya ayaa waxay sidday 80 qof oo rakaab Soomaali ah, kuwaasi oo diyaaradda ay usoo kireysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in diyaaradda sababta loo celiyey ay tahay qaad lagu soo qariyey, oo la ogaaday markii ay diyaaradda soo duushay. Mas’uuliyiinta shirkadda ayaa la sheegay inay dowladda Soomaaliya kusoo war-geliyeen in diyaaradda uu saaran yahay qaad aysan ogeyn oo lagu soo qariyey. Arrintan ayaa la sheegay inay u sameeyeen si ay uga hortagaan in diyaaradda laga mamnuuco Soomaaliya, haddii qaad laga helo marka ay soo degto. Mas’uuliyiinta shirkadda Jetways ayaa markii hore la xiriiray hay’adda duulista rayidka Kenya ee KCAA, kana codsaday in diyaaradda lasoo celiyo, balse ay u sheegeen inay ka baxday hawada Kenya, taasi oo keentay inay la xiriiraan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA. Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa markii kadib diiday in diyaaradda ay soo gasho Soomaaliya, kuna amartay inay dib ugu laabato Kenya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, kadib markii Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horreeyey ee cudurka COVID-19 bartamihii bishii March, mana jirin qaad dalka si rasmi ah u yimid wixii markaas ka dambeeyey, marka laga reebo qaar hab dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey.
-
Qaranjabkii 1969 iyo Kacaankii xigay kadib waxaan galnay marxalad qaaba qowseen ah oo xaalku barakamaleh gaaray. Waxaan soo marnay tijaabooyin kala duwan oo mid kasta ay ahayd bal mid un halagu gaaro, iyadoo aan si kooban u dul istaagayo sahankii dib u yagleelidda dowladnimo iyo mid kasta wixii lagu soo moodey oo kaar ahaan loo xogtay. DOWLADDII CALI MAHDI 21 sano oo Milatari uu dalka haystay jahwareerkii ka dhashay iyo Jabhadihii hubaysnaa ee xukunka rabay waxaa suuqa u galay koox ganacsato ah oo dhaqaalaha ka taageeri jirey, si gaar ah jabhaddii USC, raggii siyaasadda iyo dagaalka u qaabilsanaa waxaa afgambiyay ganacsatadii oo Madaxweyne ku cumaamaday Cali Mahdi Maxamed. Waxaa lays tusay in xukunka laga ilaaliyo ragga ciidanka maadaama ciidan un xukunka laga eryey oo xanuunkii laga qaadey lasii dareemayay, waana tan keentey in muddo kooban dowladdaas ay ku burburto dagaalkii Cali iyo Caydiidna uu qarxo, ayna cadaatay isku daygii ganacsatada in lagu fashilmay oo loo baahdey jiha kale bal in hadana lagu dayo haddii dowladnimadu hagaagayso. DOWLADDII CABDIQAASIM SALAAD Muddo markii la kala taagnaa oo diif iyo dagaal sokeeye Xamar lagu burburiyay, 10 sano ku dhawaadna la jahwareerey waxaa markale lagu noqdey Jabuuti sanadkii 2000, bal si la isugu dayo in xal la gaaro. Waxaa la abuuray xaalad la yiraahdo Inta aan qabqablayaasha ahayn bal hala tijaabiyo, iyadoo shirkana jaanis looga diidey taladiisa raggii qoryaha waaweynaa haystay ee Soomaaliya wada joogay haba ugu sii badnaadaane Magaalada Muqdisho. Waxaa lagu doortay Cabdiqaasim oo dowladdii uu Xamar keeney xitaa Villadii loo diidey, jiha kastana ay ka jilaafeeyeen qabqablayaashii oo isku arkayey in laga tagay oo iyaguna ay fashiliyaan, waana sababta keentey in adduunku yaabo oo shir kale oo ku tijaabiya la yiraa lagu qabtay Kenya weliba dowladdii oo Xamar fadhisa oo aan laga tala galin. DOWLADDII COL CABDULLAAHI YUUSUF Markii ay cadaatay awoodda qabqablayaasha inay horseedey in dowladnimadii Cabdiqaasim ay ka socon weysey caalamka ayaa yiri war bal aan shirkale qabanno oo hogaamiye kooxeedyada aan xukunka ku tijaabinno waa intaas oo ay shaqeysaaye. Shir muddo socdey oo Kenya loogu qabtay hogaamiye kooxeedyada iyo dowladdii Cabdiqaasim oo markaas la tusinayey inay saamileyda culus kujirin ayaa hadana waxaa la yiri bal haloo yeero si shirku muuno u yeesho. Waxaase meesha laga karkariyay oo suuqa la galiyay in hogaamiya kooxeedyadii jirey laga cumaamado ninka ugu khabiirsanaa xagga dagaalka waa intaasoo lagu guuleysto dowladnimo raadinta lagu daalay ee sahanka loogu jiro. Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa noqdey ninki ugu kabiirsanaa raggii hubka isugu faanayay ee shirka joogay oo guulaystay, iyadiina laguma guulaysan oo soo galitaankii Itoobiya wuxuu abuurey jawi Maxaakiim iyo ururo kacdoon oo diimeysan, kuwaasoo dowladdii oo Jowhar iyo Baydhaba heehaabeysa Xamar haysay dagaal adagna la galay dowladda. DOWLADDII SHEEKH SHARIIF Haddana markale ayaa la garwaaqsadey in hogaamiye kooxeedyo xalkii laga raadinayay aan weli lagu gaarin dowladnimo dhab ah, sidaa darteed baa reer galbeedkii oo ka welwelsan islaamiyiinta Soomaaliya iyo kooxaha jihaad doonka ee kusii shubmaya Soomaaliya go’aansadeen in turubka markale la baandheeyo oo wadaadada bal lagu dayo iyadoo laga faa’iideysanayo kuwooda aan xagjirka ahayn. Shirar iyo waan waan kadib galbeedku waxay ku guulaysteen laba inay u kala qaybiyeen wadaadadii maxaakiimta iyo isbahaysiga, shir dib u heshiisiinna loogu qabto Jabuuti iyaga iyo dowladdii markaas jirtay. Waxaa la karkariyay mudadaas bal in Wadaadadii xukunka lagu tijaabiyo, waana shaqeysey fikraddaas oo barlamaankii jirey oo ka koobnaa 275 ayaa loogu daray 275 kale taasoo ka dhigaysay 50/50 in loo kala qaatay golihii shacabka, tilmaan toosanna ka bixinaysay in xukunka uu aadey dhinaca wadaadada. Waxay cod aqlabiyad ah ku doorteen hogaamiyihii maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Shariif Sh Axmed, oo dowladdiisu ay bedeshey dowladdii Kenya lagu dhisay ee hogaamiye kooxeedyadu ay atooraha ka ahaayeen maadaama ay maxaakiimtu ka taqaluseen qabqablayaal muddo loo afduubna waxaa lagu abaalmariyay xukunka dalka. Wadaadadii dhexdooda ayay ka tafatay oo koox falaaga ah ayaa ka dhex baxdey oo xagjiriin isqarinaya ahaa, dagaal ayayna la galeen ilaa laga adkaado shabaabkii oo dowladdu ay ku guulaysatay in Xamar laga saaro, laakiin hadana sahankii sidii la rabay isagoon noqon ayaa doorasho la gaaray. DOWLADDII XASAN SHEEKH Sh Shariif dowladdiisii markii xilligeedu soo dhawaadey ayaa dib la isku fiiriyey oo hadana la is weydiiyay war maxaa haray oo kaar ahaan loo isticmaalaa? Durbadiiba waxaa suuqa la galiyay Soomaaliya wax kasta waa lagu dayay waana istaagi la’dahay ee waxaa haray hogaamiye ka yimaada bulshada rayidka iyo NGOyada, iyadoo jidkaas lasii salaxay sidii caadada ahayd uu ku liibaanay Xasan Sheekh Maxamuud oo loo cumaamaday in Soomaaliya uu Madaxweyne aan KMG aheyn ka noqdey tan iyo 1991. Waxay madaxa is galisaba ma muuqan in laga gudbay wixii larabay in lagu moodo dowladdaas oo ahayd in la helo dowlad adag oo Soomaaliya oo dhan gacanta ku dhigta, sidaas ayuuna waqtigii ku dhamaadey oo xilli doorasho la aadey. DOWLADDA MAXAMED FARMAAJO Markii dib loogu laabtay kaararkii hore oo badi la isticmaalay ayaa waxaa lasoo heley kaarka WADANIYADDA oo markaas aan weli la isticmaalin. Durbadiiba suuqa waxaa la geliyey dalkaan ilma adeer uma baahna kursiga iska bedesha ee waxaan soo helney hogaamiye ka shaqeynaya danta Dalka, Dadka iyo Diinta oo Wadani ah, waxaana bilaabmay gurbaanka Wadani iyo xamaasad kicin badan. Maxamed Farmaajo ayaa ahaa ninka ugu dhow ee reer Muqdisho kaarkaas loo marin karay, waana tan uu isticmaalay markii uu xitaa olalaha kujirey. Rag badanoo aan kujiro waxay goob joog u ahaayeen Ina Farmaajo oo Ra’iisul Wasaare raadinayo, iyadoo suuqana ay ugu jirtey ninka kaliya ee kaarka Wadaniyadda xogan kara inuu yahay, balse laftiisu uusan kalsoonidaas qabin ilaa aakhirkii uu xaqiiqsadey. Waana natiijadii 8 Feb 2017 oo noqotay in Farmaajo uu fursaddii loo salaxay ee Wadani uu ka faa’iideysto, xamaasad iyo banaanbaxyana ay guushiisii hareeyeen. Laakiin weli Soomaaliya baadigoobkii dowladnimo hanaqaada lama helin oo sahan kale ayaa lagu jiraa, markaanse sahanku jahwareer ayuu galay oo jihada loo socdo GPS ayaa anteenada lumiyay. MAXAA KALOO HARAY OO KAAR AHAAN LOO ISTICMAALI KARAA? Haddii aan usoo marqaati ahayn Madaxweynayaal tartamay inaysan kursi ku guuleysan, ayna guuleystaan un kuwa aan xilkaas horey usoo arag, aan usoo joognay 60 sano oo Mogadishu Clan IYO DAAROOD ay kuraasta kala qaadanayeen, sow idiinma muuqato kaarka kaliya ee qolyihii wax cumaamadi jirey, suuqana gali jirey u haray inuu yahay midka DIR IYO DIGIL/MIRIFLE. Waxaan maqlaynaa maalmahan Madaxweyne Somaliland kasoo jeeda iyo Ra’iisul Wasaare Koonfur Galbeed kasoo jeeda kaarka ah haddii la xogo wuxuu khatim fiican u noqon karaa 60 sano oo Mogadishu Clan IYO DAAROOD kaliya labadaas jago ay Soomaaliya iyaga kaliya laga kireynayay. Mohamed Yuusuf – Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/Hon.Mohamed.Yusuf AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-24072020-jj.mp3 View the full article
-
Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa booqday deegaanka Banaaney oo hoostaga degmada Beledweyne, kadib markii ay halkaasi ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed. Mas’uuliyiinta tegay deegaankaasi waxaa horkacaya guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo uu wehliyo taliyaha saldhigga Booliska Beldweyne, Maxamed Qoorsheel. Ujeedka socdaalka xubnahaasi ayaa ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladaha ka jira deegaankaasi oo guryo badan lagu gubay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xiisadda ka taagan halkaasi laga gaaray xal hordhac ah. Deegaanada HirShabelle ayaa waxaa inta badan ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobollada Hiiraan & Sh/Dhexe. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee la filayo in saddex toddobaad kadib uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in shirkaas ay ka qeyb-galaan xubnaha mucaaradka dowladda ee kala hoggaamiya xisbiyada dalka ka jira. Maareeye ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo geba-gebeeyey Dhuusamareeb ay dhinacyadii ka qeyb galay ee madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada dalka, oo muhiim u ah siyaasadda dalka. Waxaa uu sheegay inay waajib aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu si cad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan. Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, islamarkaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in xisbiyada mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la filayo in uu 15-ka Bisha Agaust ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Hadalka Maareeye ayaa imanaya xilli ay isbedello ay ku yimaadeen aragtidii Villa Somalia ee doorashooyinka dalka. Horey ayaa madaxweyne Farmaajo u diidanaa inuu maamul goboleedyada kala hadlo doorashada, isaga oo ku doodi jiray inay matalaan xildhibaanadooda, taasi oo ugu dambeyn uu ka tanaasulay kadib markii uuu ka qeyb-galay shirka Dhuusamareeb. Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celisay in dowladda ay doorashooyinka kala tashato dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana hadda muuqata in ugu dambeyn ay dowladda qaadatay taladaas. Shirka 15-ka August ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo, ayada oo ay kasoo shaqeyn doonaan guddi dhowaan la dhisayo oo ka kooban dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.
-
The U.N. effort to select a leader for an important new mission to promote peace and democracy in Sudan has foundered in the face of internal Sudanese divisions and big-power competition, pitting France against Russia and China and raising questions about the U.N. leader’s authority to select his own envoys. Since early June, U.N. Secretary-General António Guterres has proposed two candidates to lead the newly established United Nations Integrated Transition Assistance Mission in Sudan, which was created to help Sudan’s new government in its fragile political transition to democracy. Both have faced pushback. The first, Nicholas Haysom of South Africa, a veteran U.N. troubleshooter who has led missions in Afghanistan and Somalia, was passed over by Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok in early June. The second, a French diplomat with extensive experience in Africa, Jean-Christophe Belliard, was subsequently blocked by China and Russia, on the grounds that he potentially lacked the support of the Sudanese military. The dispute sheds light on the secretive, and highly politicized, process of selecting leaders of key U.N. peace missions, requiring closed-door politicking by the permanent five members of the U.N. Security Council. In the past three years, a growing proportion of U.N. mission chiefs, called special representatives of the secretary-general, or SRSGs, have been largely imposed by host governments or big powers, bypassing the U.N.’s competitive hiring process. The trend has raised concerns among some U.N. insiders that the selection process may result in top envoys beholden to governments being foisted on the U.N. chief. It also has fueled concern that U.N. mission chiefs may be unwilling to dole out tough love to governments for fear of being iced out of internal deliberations or declared persona non grata. The limits of Guterres’s authority in selecting his own representatives came into stark relief early in his tenure. In February 2017, he announced the appointment of a well-regarded former Palestinian prime minister, Salam Fayyad, to lead the U.N. mission in Libya, only to face protest from the Trump administration. Nikki Haley, then-U.S. ambassador to the United Nations, argued that Palestinian nationals could not be considered for senior U.N. jobs; the U.S. pushback effectively killed off Fayyad’s candidacy. The United States has also prevented the United Nations from appointing a new special representative for Libya. Ghassan Salame, a former Lebanese culture minister and U.N. troubleshooter, resigned in March after complaining that key member states, including members of the Security Council, were exacerbating the conflict by channeling arms to the warring factions. The United States has said it wants to split the responsibilities of the U.N. mission into two posts: a senior official responsible for managing the U.N. mission in Libya and a separate senior official to oversee peace negotiations between Libya’s warring factions. “Because of the nature of the crisis in Libya, whoever is picked as [U.N. envoy] would spend all of his or her time running the humanitarian lifeline out of Tunisia into Tripoli, which leaves no time for high-level negotiations to resolve the conflict,” one U.S. diplomatic source said. But the United States has neglected to begin negotiations on a U.N. Security Council resolution required to create a two-headed leadership position. The deadlock has left an American national, Stephanie Williams, as the mission’s acting special representative. Williams is scheduled to leave the mission in early fall, potentially deepening the leadership vacuum. In April, the United States blocked the appointment of two African candidates, including former Algerian Foreign Minister Ramtane Lamamra, to replace Salame. Washington has since placed a hold on a second African candidate, Hanna Tetteh, a former Ghanaian foreign minister who serves as the U.N representative to the African Union. U.N.-based diplomats say the United States has been holding out for a European envoy. The United States has approached at least two European officials—former Danish Prime Minister Helle Thorning-Schmidt and Bert Koenders, a former Dutch foreign minister who served as a special representative to the secretary-general in Ivory Coast and Mali—according to diplomatic sources. Both have turned the job down. Meanwhile, the United States and France have battled over who should lead the international body’s mission in Mali as terrorist groups gain strength in West Africa’s Sahel region. Both countries are vying for greater influence over the mission: The Trump administration is pushing to have an American fill the role, while the French want an envoy from a French-speaking African country. The permanent five members of the Security Council have long exercised quiet influence over the appointment of U.N. special representatives. But some critics say Guterres has been too deferential to host countries and big powers in selecting his top envoys, undercutting the U.N.’s independence, or recalling them when they clash with the government’s leaders. Guterres replaced two of his special representatives following complaints from host governments. In 2018, Guterres reassigned Susan Page, an American who headed the U.N. mission in Haiti, to a job at U.N. headquarters following protests from the government that she had encouraged an investigation into government corruption. Haysom, who was appointed special representative to Somalia in September 2018, was declared persona non grata by the government in January 2019. The government was infuriated by a December 2018 letter, issued under Haysom’s name, to the security minister in Baidoa, Somalia, that raised concerns about the legality of the arrest and detention by U.N.-supported Somali security forces of a former al-Shabab terrorist leader and about 300 mostly child demonstrators. The incident resulted in the deaths of 15 people. The letter, which was signed by Haysom’s subordinate when the special representative was out of the country, also raised concern about a videotaped statement from a senior police commissioner in Baidoa, who issued a warning to demonstrators calling for the impeachment of the Somali president. “If you participate in a demonstration that we are not informed [about] and you support something bad, we will shoot you in the a** and the law allows for them [police] to kill you [demonstrators],” the police commissioner said, according to the letter. Haysom was unaware the letter had been sent. Some U.N. officials privately complained that Guterres—who pressed the Somali leadership to reconsider its decision and publicly supported Haysom—did not mount a sufficiently robust defense of either official, sending a “chilling signal” to other U.N. field representatives. “The message this sends to all SRSGs is if you ever get into trouble with your host government, you are on your own,” one former U.N. official said. If a government is allowed to choose its own U.N. representative, the official said, it is “always going to choose someone who is going to be its poodle, someone who will never report badly about your country to the Security Council and never criticize you for violations of human rights.” But others have defended Guterres, noting that he has little power to prevent a country from rejecting the U.N. representative. They also noted that Guterres recently refused an effort by Cameroon to withdraw the U.N.’s top official there, Allegra Maria Del Pilar Baiocchi, after Cameroon threatened to expel her. “The secretary-general has always backed his envoys, in many circumstances in very robust dialogue with member states,” a senior U.N. official told Foreign Policy. “In the rare situations of absolute refusal by governments to work, cooperate, or engage with the envoy, the secretary-general … has to acknowledge a situation that de facto renders the U.N. work and mandates nearly impossible.” “The Secretary-General’s envoy and representatives in the field operate with his full confidence,” Stéphane Dujarric, the U.N. chief’s top spokesperson, told Foreign Policy in a written statement. “He has always ensured that they have the right tools to do their job and his political backing.” While Guterres is responsible for senior hires, he is also required to consult with the Security Council over appointments to positions mandated by the 15-nation council, Dujarric added. “The core principle is always based on merit and takes into consideration geographic and gender diversity.” In his first two years in office, Guterres appointed only about half of his top envoys through a competitive selection process, according to internal U.N. figures produced by the Department of Peace Operations and obtained by Foreign Policy. Last year, only six out of 16 special representatives were hired through a competitive selection process—the other 10 were selected by direct appointment. (That not only underscores the growing influence of member states, but it has also undercut Guterres’s plans to promote gender parity. While four of six heads of mission selected through a competitive hiring process were women, only one of the 10 mission heads appointed directly was a woman.) Dujarric countered that under Guterres’s tenure the total percentage of women in senior field positions—including deputy heads of mission, the vast majority of whom are hired from within the U.N. ranks—reached 42 percent in 2019. Dujarric said that was “the highest proportion ever reached. He will continue his efforts towards full gender parity.” In Khartoum, the wrangling over the U.N. position also highlights divisions within Sudan’s fragile post-revolution government, as well as France’s ambitions to expand its diplomatic role in the former British colony. More than a year after protests ousted longtime dictator Omar al-Bashir, military and civilian leaders are in an uneasy coalition in a transitional government. The military and civilian factions are at odds over who to back to be the new U.N. envoy, officials and people familiar with the matter said, emblematic of larger fissures that some analysts fear are hampering Sudan’s democratic transition. Tapping a U.N. envoy for Sudan has become more urgent in light of the civilian-led government’s precarious position, as it faces headwinds from a weak economy, the coronavirus pandemic sweeping across East Africa, the looming power of the military and security services, and Sudanese people impatiently pushing for faster democratic reforms. Khartoum-based foreign diplomats say a strong U.N. envoy could play a key role in helping to address these challenges. “If you have a good SRSG, they can help stem the influence of the military and other bad actors from the Bashir era. That’s not saying they will be the tipping point, but they can be part of a broader network of people that help push forward the democratic transition,” one diplomat said. Guterres initially approached Hamdok, the Sudanese prime minister, to inform him of his decision to appoint Haysom, whom he had appointed senior advisor in April 2019 to support the African Union’s mediation efforts in Sudan after Bashir was removed. But Hamdok demurred. Haysom’s initial relationship with the military leaders who ran Sudan after Bashir’s fall was rocky, as they associated him with the international effort to promote a transfer of power to civilian rule. But Hamdok welcomed Haysom to Khartoum after he was sworn in as prime minister. The relationship, according to U.N. insiders, was cordial and productive. But Hamdok, who was being courted by France, and was hosted by French President Emmanuel Macron in Paris in late September, said he would prefer Belliard, the French candidate, for the job. Diplomats say that Hamdok was convinced that Belliard was in a better position to attract more funding from France, and the European Union. Guterres assented. But the deal was far from done. Belliard faced opposition from within the Sudanese military, which enlisted the support of Moscow and Beijing to scuttle the appointment. Russia is said to have raised concern about the need for broader geographical representation at the head of U.N. missions. Russia also raised concern about a potential conflict of interest: Belliard is married to a Sudanese woman. But France, which is trying to persuade the Sudanese military to relent, has continued to press for Belliard. Some U.N. diplomats have speculated that Russian opposition to the French candidate was fueled in part by the role France, along with Britain and the United States, played this year in blocking a senior Russian security official from being hired for a top-level job with the U.N. Truce Supervision Organization, one of the U.N. oldest missions, in the Middle East. “This is a tit for tat for the Western powers blocking a Russian general for a mission earlier this year,” a senior Western diplomat said. Cameron Hudson, a former U.S. diplomat now at the Atlantic Council, said Guterres’s decision to select a candidate favored by the Sudanese government may suggest that he wants to put somebody in that would strengthen the power and influence of Sudan’s civilian prime minister during a particularly challenging transition. But he worries the gambit might result in the U.N. developing too cozy a relationship with Hamdok. “I don’t think that is a successful strategy. For all the hope and optimism in Sudan, there have also been a number of missteps by the transitional government,” Hudson said. “They need tough love by the international community. Having an SRSG who is there as a friend of Hamdok’s and as a cheerleader is probably not what is needed.” This story has been updated to include responses from senior U.N. officials. Correction, July 23, 2020: An earlier version of this story incorrectly stated that the U.N. sent a letter in December 2018 to the Somali government encouraging Mogadishu to allow a former terrorist leader to participate in Somali elections. The letter, which was obtained by Foreign Policy, expressed concern about the legality of the arrest and detention of a former al-Shabab official and 300 child demonstrators at a protest. Source: Foreignpolicy.com The post Big-Power Rivalries Hamstring Top U.N. Missions appeared first on Puntland Post.
-
Click here to read more Qaran News
-
The post Daawo Sawirada gunaanudkii Shirkii Dhuusamareeb appeared first on . Source
