Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland: Ninkeed Cuna ? Fadlan Qofka Xilka haya Shaqadiisa dhaliila, balse Shakhsiyadiisa ha dhaliilina ! Asalaamu Calaykum Waxaa Dalkeena dhaqan iyo caaddo fool-xun ka noqotay Cayda qaawan ee lafo-jabka ah ee aan tudhaalaha lahayn ee Maqal iyo Muuqaal iyo Qoraalba loo mariyo hadba qofkeena Xilka haya, Xil sare ha noqdo ama Xil hoose ha noqdee. Dabcan qofka Xil Ummadeed haya ee shaqada loo diray ka soo bixi waaya ama ku kaca wax khaldan waa la dhaliilayaa, waana la sheegayaa Xaqna waa loogu leeyahay in farta lagu fiiqo. Hase-yeeshee ilaa Xadkee ayaynu gaadhnaa marka aynu wax dhaliilayno? Tusaale aan usoo qaato Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile oo si aad u foolxun loogu goobtay loona weeraray Todobaadkii ina dhaafay, waxaynu arkaynay fal-celinta ka dhalatay Waraysi uu siiyay Bulsho TV. Marka Caqliga Saliimka ah laga shaqaysiiyo miyay isku dhigmaysay Waraysiga iyo Fal celintii balaadhnayd ee aan meel-dayga lahayn ee si kasta loo yidhi ee Masuulkaas lagula kacay? Waxa uu Masuulkaasi Xilka Dawlada hayay muddo yar oo kooban oo laba Sanadood ku dhow, waxaanad moodaysay dadka dhaliilayay inay ka dhigayeen Qof ay Noloshu ugu horraysay Xilkan ama ay ugu danbaynayso Xilkan. Ismay waydiin waar horta Masuulkani ma mid gidaar fadhiyay oo inta meel laga soo kiciyay Xil loo dhiibaybaa? Ma waxa uu ahaa Xayraan bilaa camal ah oo ay Odayo-qabiil ay shaqadan usoo heleen baa? Ma is weydiiyeen in Maxamed Cali Bile uu ahaa qof Shaqaysta Xilkan Dawladeed ka hor oo hadduu imika Xilka ka tagana Shaqaysan doona oo aan gidaar fadhiyi doonin ee shaqo tagaya. Sidoo kale ma la is weydiiyay Kaalinta uu Masuulkani ka soo qaatay Dib u dhiska Dalka gaar ahaan Waxbarashada ilaa sanadkii 1992kii, haddiise Shaqadiisa la dhaliilayo ma Xaqbaa in Shakhsiyadiisa iyo Sharaftiisa la weeraro? Ummad ahaan waxaa haboon in marka aynu wax dhaliilayno aynu ku koobno dhaliisha Shaqada iyo Masuuliyada uu Qofku hayo balse aynu ka waantowno Cayda iyo Ceebaynta Lafo-jebiska ah ee maalinba Muwaadin inaga mid ah aynu kula kacayno ee aynu Shakhsiyadiisa iyo Sharaftiisa ku weeraryno. Dhaqankan Cayda ah ee aynu leenahay inalama wadaagaan reer Soomaaliya iyo Reer Jabuuti iyo Soomaali kale toona, mana arkaysid dad Masuuliyiintooda si qaawan uga Caayaya Warbaahinta. Caadadan Foosha Xun ee Caytanku waxa uu Raad xun ku reebi doonaa Ubadkeena oo iyaguna halkaas ka sii wadi doona dariiqan xun ee aynu u jidaynay haddii aynaan iska bedelin dhaqankan foosha xun ee aynu caadada ka dhiganay. Waxaan filayaa in ay jiraan dad badan oo Foolxumadan socota arkaya laaakiin ka gabada inay ka hadlaan si aan loogu eedayn inay yihiin Guulwadayaal u sacab tumaya kuwa Xilka haya. Ummad is Toosin weyday oo isa sixi weyday Meel fog ma gaadho, mana horumarto. Fadlan aynu ka Waantowno in aynu Maalinba Dubano oo aynu Dabka saarno Muwaaadin inaga mid ah. Jimce Wanaagsan Kaysar Maxamed Cabdilaahi Qaran News
  2. Munaasabad lagu Sagootinaayey madaxdii iyo wufuudii ka qeybgashay shirweynaha wadatashiga Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dhawaan kusoo gabagaboobay magaalada dhuusamareeb ayaa lagu qabtay xarunta Galmudug. Waxaana munaasabada ka qeyb-galay Ra’isulwaaraha xukumadda federaallka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayere Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid wasiiro iyo xildhibaano ka tiran dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka sida ay u ajiineen in gogosha wadatashiga ay isugu yimaadaan magaalada dhuusamareeb waxaana uu intaa ku daray in shirka wadatashiga ee soo gaba-gaboobay ay kasoo baxeen waxyaabo dan u ah masiirka dadlka iyo dadka soomaaliyeed. “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad iiga ajiibteen inaan gogosha wadatashiga aan dhigno Dhuusamareeb aan uga hadalno ayaaha dalka maadaama lagu jiro marxalada kala guud ah loona baahanyahay in si wadajir loo wajaho arrimaha doorashooyinka soo socdo ee 2020/2021 ayuu ku daray madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale munaasbaad waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka sida haweenka iyo waxgaradka deegaanka. View the full article
  3. Nairobi (Caasimadda Online) – Askari ka mid ahaa ciidamada hawlgal-ka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Machakos oo koofur bari kaga beegan magaalada Nairobi. Askarigaan waxaa la geeriyooday askari kale iyadoo magacyadooda lagu sheegay Jacob Agunda iyo Roberto Mumu, waxeyna ka wada tirsanaayeen ciidamada cirka dowladda Kenya. Labadaan askari ayaa kusii jeeday Gaarisa iyadoo Roberto oo 32-jir ah uu doonayay inuu usii gudbo Soomaaliya halkaas oo uu shaqo qaran ka hayay, waxaana sida la sheegay lagu aasay tuulada Miumbuni oo ku taala magaalada Kitu oo ku taalla bariga dalka Kenya. Warbaahinta dalka Kenya waxey qireen in askarigaan uusan ka tagin wax caruur ah, sidoo kalana waxey ogaadeen in saaxiibadiisa shaqada iyo ehelkiisaba ay si aad ah uga murugoodeen geerida ku timid Robert. Daily Star oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Nairobi ayaa sheegay inuu ahaa canuga 4-aad ee qoyskiisa. Si kastaba ciidamada Kenya ayaa la rajeynayaa iney Soomaaliya isaga baxaan sanadka soo aadan, waxaana soo dhamaanaya 10-sano oo ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya iyagoo qeyb ka ahaa qorshaha la dagaalanka argagixisada.
  4. Allaha u naxariistee maanta waxa ay ku beegan tahay markii uu qaraxii is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad tobon ruux ee uu ka mid ahaa Maayarkii Gobolka Banaadir ahaana duqii Caasimada Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Sanad ayaa la joogaa qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir waxaana dadkii ku dhintay ka mid ahaa Guddoomiyaashii allaha u naxariistee Degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Cabdullaahi, Shangaani Sahro Markeysi iyo guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi iyo agaasimyaal ka tirsanaa Gobolka Banaadir. Halkan hoose ka dhageyso warbixin ay Shabelle ka diyaarisay sanad kadib qaraxaasi. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warbixin-Maxamed-Cali-Qaraxii-Gobolka-Banaadir-24-07-2020.mp3 View the full article
  5. Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo hormarimta dhaqaalaha dalka Amb Gamal Mohamed Xasan ayaa guddoomiyay shirka golaha hormarinta qaranka kaasi oo ay ku mideysanyihiin Wasiiradda qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta qaranka oo ay marti galisay wasaaradda Qorsheynta Galmudug, waxaana Shirka goobjoog ka ahaa wasiiradda Qorsheynta dowladd Gobaleeedyada iyo madaxda Wasaaraddaha. Shirka ayaa looga hadlay dar-dargalinta qorshaha horumarinta qaranka, Xoojinta wada shaqeynta wadaaradaha, mashruuca fulinta mashruuca ILED iyo fulinta unukyada muhiimka ah ee dalka muhiimada u leh, Sida wax ka qabashada abaaraha, fataahadaha iyo xal u helinta barakacayaasha. Shirka ka horeeyay ayaa ka qabsoomay magaalada muqdisho kaasi oo lagu ansaxiyay qorshaha horimarinta qaranka diyaarintiisa oo dowladda Soomaaliya wadatashigiisa soo waday muddo Sanad ah kaai oo si ballaaran wadatashi lagala yeeshay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka. Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Amb. Gamal Mohamed Hassan oo furay shirka ayaa soo dhaweeyay wasiirada Qorsheynta Galmudug iyo Hirshabeele oo ah labo qof oo dhawaan loo magacaabay xiliga. Sidoo Wasiir jamaal ayaa bogaadiyay dadaallada Shaqada socota oo ay ka mid tahay fulinta qorshaha horumarinta qaranka, fulinta ILED, isla markaana In xoogga la saaro wax ka wada qabashada arrimaha fataahadaha oo qabyo ka mid ah Koonfur galbeed ka dhacday. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan isugu nimaano kulaan waxaana loo baahanyahay inaan inaan iska kaashanayo sidii aan wax uga qaban laheyn marxalada adag ee haatan ka taaganyahay Golaha shabeellaha dhexe iyo shabeellaha Hoose gaar ahaan Afgooye oo ka barakaceen inta badan qoysaskii ku noolaa” ayuu yiri wasiir jamaal Maxamed Xasan. Golaha hormarinta qaranka waa mid ay sedexdii bil ay mar isugu yimaadaan Wasiirada qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta dowladda dhexe waxaa Shirka Gabagabadiisa laysla qaatay Xoojinta tiirarka qorsheysan oo mihiimka u ah dalka sidoo kale waa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii cudurka safmarka ah ee covid-19 dalka soo galay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa ka dhacay deegaanka Yumbis oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo socday oo khasaare geystay. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 6 askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday 10 kale oo ka tirsan Booliska Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan dagaalyhanada Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. View the full article
  7. Gaarisa (Caasimadda Online) – Dagaalyahano la sheegay iney ka tirsan yahiin Al-Shabaab ayaa weerar sababay khasaaro ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Yuumbis ee Gaarisa. Weerarka ay qaadeen dagaalyahanada wuxuu sababay iska caabin kaga timaada dhanka ciidamada Kenya sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen, waxey sidoo kale qireen iney maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen. Dadka dagan hareeraha saldhigga la weeraray ayaa isaga barakacay, sidoo kale bulshada ayaa sheegtay iney walaac badan ku abuurtay dagaalka labada dhinac dhexmaray. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, waxeyna warbaahintooda qoreen iney dagaalyahanada dileen lix askari oo kenyaan ah halka ay dhaawaceen tiro intaas ka badan. Saraakiisha Booliska Kenya ayaan ka hadlin arintaan, kadib weerarka waxey bilaabeen hawlgallo ay deegaankaas ka sameynayaan, balse ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin.
  8. Ra’iisuwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qaar kamid ah bulshada dhuusamreeb waqti kula qaatay goobaha dadku isugu yimaadaan. Bulshada uu kulanka la qaatay waxaa u badnaa dhallinyaro iyo qaar ka mid odoyaasha deegaanka waxaana uu ka xogwareystay xaaladaha ay ku suganyihiin iyadoo dhuusamareeb uu ku soo gaba-gaboobay shirkii wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka kaasi oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada soo socoro ee 2020/2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Beledweyne (HOL) - For the second time this week, officials in Somalia are rebuffing reports in Kenyan media that a donkey caused a plane to crash at an airport in Beledweyne. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-24072020.mp3 View the full article
  11. Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kala socda dhammaan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay si taxaddar leh u soo dhowaynayaan War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb. War-saxaafadeed ka soo baxay Isutagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu soo dhoweeyay Wada-hadallada u bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si loo dardar geliyo Geeddi-socodka Dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ku baaqeen in laga dhabeeyo Fulinta Heshiiska Dhuusamareeb islamarkaana si dhakso ah loo magacaabo Guddiga Farsamo ee Tala-soo jeedinta Arrimaha Doorashada. Dhinaca kale waxay Guddiga Farsamo u soo jeediyeen in ay la tashiyo la sameeyaan Saamileeyda Siyaasadda Dalka iyo Khubarada dhanka Sharciga ah si loo helo fikrad mugleh oo ay ka wada qayb-qaataan Bulshada. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Heshiiskii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  12. A Somali refugee says her civil and constitutional rights were violated in the incident at Maine Medical Center, as part of a pattern of over-policing of the city's refugee and African American populations. Source: Hiiraan Online
  13. COVID-19 has disrupted the international money-wiring system called hawalas. And U.S. banks won’t do business with them. The result, one Minnesota hawala operator says: His customers often can’t send money to families around the world. Source: Hiiraan Online
  14. Tanzania's presidency said Benjamin Mkapa, 81, died while receiving treatment at a hospital in Dar es Salaam. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (Reuters) - In the sweltering seaside port of Mogadishu, Sharif Ahmed tried to attack his relatives and neighbours, resulting in an emergency trip to a psychiatric hospital in handcuffs. Source: Hiiraan Online
  16. Security forces on Wednesday repulsed terrorists who attacked Yumbis area in Garissa County. One officer later died due to injuries while three others are in hospital. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Dhuusamareeb kusoo xirmay shirkii wada-tashi ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasi oo diirada lagu saaray arrimo badan oo ay kamid yihiin doorashooyinku. Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan-yahay inuu hormuud u yahay qorshaha VILLA SOMALIA ee muddo kordhinta, ayaa waxa uu shirka Dhuusamareeb ka sheegay inuu diyaar u yahay in laga wada tashado doorashada dalka. Farmaajo ayaa sidoo kale furitaanka shirkii Dhuusamareeb ka sheegay inuusan diidaneyn nooc doorasho oo kale, wallow uu si xawli ah ku socda qorshaha muddo kordhinta ee ay wado VILLA SOMALIA, iyada oo ku doodeysa doorasho qof iyo cod ah. Wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan niyad jabin, maadama uu xusay inay isku tanaasul sameyn doonaan madaxda dalku, kadib marka ay wada-tashiyo badan oo dhinac kasta ah ay soo sameeyan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inaysan wada-tashiyada dowladda federaalka iyo maamulada dalku aysan fashilmi doonin, taasi oo horseedi karta hadey dhacdo dhaawac weyn oo dhanka geedi socodka ah. Farmaajo ayaa u muuqda mid ku guuleystay inuu gebi ahaanba meesha ka saaro khilaafkii xoogana ee kala dhaxeeyay maamulada dalka, kuwaasi oo markii hore meel adag ka taagna arrimaha doorashooyinka.
  18. Click here to read more Qaran News
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Dhuusamareeb ku kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirrada Jubbaland ku metela dowladda dhexe. Xubnaha uu Dhuusamareeb kula kulmay Axmed Madoobe waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal. Wasiir Hilaal oo ka soo jeeda Jubbaland iyo Axmed Madoobe waxaa dhex maray dagaal adag oo siyaasadeed, wixii ka dambeeyey doorashadii sanadkii hore ka dhacday Kismaayo, balse sida muuqata hada waxaa soo idlaaday dagaalkii siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubbaland. Maxamuud Hilaal ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo daadejinta dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland. “Kulan muhiim ahaa oo aan yeelanay aniga iyo Madaxweynaha DG Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaan diirada ku saarnay arrimaha ay ka mid ka yihiin hergalinta dib-uheshiisiin balaaran oo ay kawada qayb galaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada,taaba galinta nidaam ka dowladaha hoose, daa dajinta adeeg yada DG ilaa heer Tuulo iyo ugu danbayn xoojinta wada shaqaynta DFS gaar ahaan xoraynta degaanadda ay gacanta ku hayaan nabada diid ka ee ka tirsan DG Jubaland” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Maxamuud Hilaal. Tan iyo markii Axmed Madoobe bishii Agoosto ee sanadkii hore uu markii seddaxaad ku soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo, khilaaf adag ayaa kala dhexeeyay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha, taas oo sababtay in maamulka Axmed Madoobe laga fara-maroojiyo guud ahaanba gobolka Gedo. Axmed Madoobe oo meel kasta oo hadal uu ka jeedinayo eedeymo ugu soo jeedi jiray madaxda federaalka, ayaa haatan gaba-gabada shirkii Dhuusamareeb ku shaaciyey in wax kasta oo jiray hoos loo dhaqay. Waxaa xusid mudan in dagaal ay muddo dheer madaxtooyadu kula jirtay Axmed Madoobe uu bartamihii bishii hore ee June uu ku soo biya shubtay, in laba sano madaxweyne ku meel gaar ah loogu aqoonsado Axmed Madoobe, wallow Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga biya diiday in laga jaro labada sano ee kale.
  20. Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN Pro. Abdihabiib Yasin Xisbiga Hayaan, ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ugu soo xirmay Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Xisbiga ayaa ku baaqay in la hirgeliyo Qodobada ka soo baxay Shirkaas, gaar ahaanna Qodobka 4aad, 5aad iyo 6aad. Sidoo kale, Xisbiga Hayaan wuxuu Guddiga Farsamada ugu baaqay in ay wakhtiga Doorashada ku jaan-gooyaan Wakhtiga kooban ee harsan. Waxa kale oo Xisbigu soo jeediyay in Gogosha Wada-tashiga Geedd-socodka Doorashada la ballaariyo, si Go’aanada ka soo baxaa Mira-dhal u noqdaan. Ugu dambayntii, Xisbiga ayaa ka digay aragti gaaban iyo danaysi siyaasadeed oo keena dib u dhac Doorasho. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Hayaan oo soo dhoweeyay War-murtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  21. Warbixin sir ah oo shaacisay olole ka dhan ah Yahuuda oo ay ku lug leedahay Qatar Qandaraasle amni oo la shaqayey sirdoonka iyo laamaha amniga ee Jarmalka ayaa shaaciyay eedo layaab leh oo ka dhan ah dowladda Qatar, kuwaas oo uu ku sheegay in Doxa ay maal geliso dhaq-dhqaqaaqa Xisbullah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay argagixisadda u aqoonsadeen, isla markaana ay ku dhawaaqday in Yahuudu ay tahay cadowga dalkan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka. Wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa Germany ayaa markii ugu horreeysay waxaa uu wariyey in qandaraasle amni oo lagu magacaabo Jason G. uu helay faah-faahin weyn oo ku saabsan maal-gelinta Qatar ee Argagixisadda. “G. waxaa uga Dooxa uga yimid warbixin aan fiicneyn. Waxaa jira heshiis hub oo ay ka mid tahay rasaasta dagaalka, kaasi oo lala galay dal ku yaalla bariga Yurub, isla markaana la doonayay in uu maamusho shirkad laga leeyahay Qatar. Waxaa jirta lacag maal-qabeeno Qatar u dhashay iyo dibad-joog reer Lebanon ah ay Doxa uga soo diraan Xisbullah. Deeqdaas waxaa la sheegay in la bixiyay iyadoo ay ogyihiin saraakiil saameyn leh oo dowladda ka tirsan, isla markaana lasii marsiiyay shirkad qayri ah oo degan Doxa” ayey qoreen suxufiyiinta rugcadaaga ah ee Die Zeit. waa Yassin Musharbash iyo Holger Stark. Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in “baaritaan akhbaar sirdoon ka kooban oo uu arkay ay qaybo ka mid yihiin kuwo aad u weyn. Israa’iil iyo Mareykanka ayaa muddo isku dayay in ay meesha ka saaraan maalgelin Xisbullah. Cadeyn sax ah oo ku saabsan in Qatar ay lacag siiso ururada argagixisadda waxay kordhin doontaa cadaadiska saaran Qatar, waxayna keeni kartaa cuno-qabateyn.” G. waxaa uu la kulmay Michael Inacker oo u shaqeeya shirkadda WMP ee Germany laga leeyahay, isla markaana ka shaqaysa xiriirrada dadweynaha, aadna ugu xiran diblomaasiyiin sare oo Qatar u dhashay. WMP waxay sidoo kale shaqo u qabataa dowladda Qatar. Die Zeit waxaa uu wariyay in G. uu soo bandhigay arrimo dambi ku noqon kara Qatar oo ay Doxa ku dooneysay in ay baaritaanka uga iibsato qareen ku xiran Berlin iyo Inacker. Wargeysku waxaa uu sheegay in lacagta ay dooneysay Qatar in ay baaritaanka u iibsato ay gaareysay toban million oo Euro. Ma cadda door uu Inacker ku lahaa ilaalinta qoraalka ku saabsan maalgelin Qatar ee Xisbullah. Inacker ayaase sheegay in jiritaanka Isra’iil ay door muhiim ah ka cayaartay jiritaankiisa. Wargeysku waxaa uu Jason G. kasoo xigtay “in dhex-dhexaadinta Inacker darteed, ay jireen in ka badan 10 kulan oo dhex maray G. iyo diblomaasi u dhashay Qatar.” Jason G. waxaa uu sheegay in uu 10,000 oo Euro uu diblomaasiga Qatar ka helay tiro dhowr jeer ah, sidoo kale uu 100,000 oo Euro ka helay bilo kala duwan. Wargeyska ayaa baahiyay in Qatar ay G. usoo bandhigtay 750,000 oo Euro si uu uga aamuso aqoonta uu u leeyahay maalgelinta Qatar ee Xisbullah. Kadib markii ay wadaxaajoodyadii bur-bureen, G. waxaa baaritaankiisii u bandhigay safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Berlin, isagoo u marsiiyay garyaqaankiisa. Muddo ayaa Qatar lagu eedeynayey in ay maal geliso argagixisada Bariga Dhexe. Boqortooyadda ayaa deegaan siiyey ururka Xamaas oo Midowga Yurub iyo Maraykanku ay argagixiso u aqoonsanyihiin iyo weliba Taalibaan. Qatar waxay sidoo kale xiriir adag la leedahay Iran. Qaran News
  22. Berlin (Caasimada Online) – Qandaraasle amni oo la shaqayey sirdoonka iyo laamaha amniga ee Jarmalka ayaa shaaciyay eedo layaab leh oo ka dhan ah dowladda Qatar, kuwaas oo uu ku sheegay in Doxa ay maal geliso dhaq-dhqaqaaqa Xisbullah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay argagixisadda u aqoonsadeen, isla markaana ay ku dhawaaqday in Yahuudu ay tahay cadowga dalkan yar ee ku yaalla Gacanka Khaliijka. Wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa Germany ayaa markii ugu horreeysay waxaa uu wariyey in qandaraasle amni oo lagu magacaabo Jason G. uu helay faah-faahin weyn oo ku saabsan maal-gelinta Qatar ee Argagixisadda. “G. waxaa uga Dooxa uga yimid warbixin aan fiicneyn. Waxaa jira heshiis hub oo ay ka mid tahay rasaasta dagaalka, kaasi oo lala galay dal ku yaalla bariga Yurub, isla markaana la doonayay in uu maamusho shirkad laga leeyahay Qatar. Waxaa jirta lacag maal-qabeeno Qatar u dhashay iyo dibad-joog reer Lebanon ah ay Doxa uga soo diraan Xisbullah. Deeqdaas waxaa la sheegay in la bixiyay iyadoo ay ogyihiin saraakiil saameyn leh oo dowladda ka tirsan, isla markaana lasii marsiiyay shirkad qayri ah oo degan Doxa” ayey qoreen suxufiyiinta rugcadaaga ah ee Die Zeit. waa Yassin Musharbash iyo Holger Stark. Wargeysku waxaa uu intaas ku daray in “baaritaan akhbaar sirdoon ka kooban oo uu arkay ay qaybo ka mid yihiin kuwo aad u weyn. Israa’iil iyo Mareykanka ayaa muddo isku dayay in ay meesha ka saaraan maalgelin Xisbullah. Cadeyn sax ah oo ku saabsan in Qatar ay lacag siiso ururada argagixisadda waxay kordhin doontaa cadaadiska saaran Qatar, waxayna keeni kartaa cuno-qabateyn.” G. waxaa uu la kulmay Michael Inacker oo u shaqeeya shirkadda WMP ee Germany laga leeyahay, isla markaana ka shaqaysa xiriirrada dadweynaha, aadna ugu xiran diblomaasiyiin sare oo Qatar u dhashay. WMP waxay sidoo kale shaqo u qabataa dowladda Qatar. Die Zeit waxaa uu wariyay in G. uu soo bandhigay arrimo dambi ku noqon kara Qatar oo ay Doxa ku dooneysay in ay baaritaanka uga iibsato qareen ku xiran Berlin iyo Inacker. Wargeysku waxaa uu sheegay in lacagta ay dooneysay Qatar in ay baaritaanka u iibsato ay gaareysay toban million oo Euro. Ma cadda door uu Inacker ku lahaa ilaalinta qoraalka ku saabsan maalgelin Qatar ee Xisbullah. Inacker ayaase sheegay in jiritaanka Isra’iil ay door muhiim ah ka cayaartay jiritaankiisa. Wargeysku waxaa uu Jason G. kasoo xigtay “in dhex-dhexaadinta Inacker darteed, ay jireen in ka badan 10 kulan oo dhex maray G. iyo diblomaasi u dhashay Qatar.” Jason G. waxaa uu sheegay in uu 10,000 oo Euro uu diblomaasiga Qatar ka helay tiro dhowr jeer ah, sidoo kale uu 100,000 oo Euro ka helay bilo kala duwan. Wargeyska ayaa baahiyay in Qatar ay G. usoo bandhigtay 750,000 oo Euro si uu uga aamuso aqoonta uu u leeyahay maalgelinta Qatar ee Xisbullah. Kadib markii ay wadaxaajoodyadii bur-bureen, G. waxaa baaritaankiisii u bandhigay safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Berlin, isagoo u marsiiyay garyaqaankiisa. Muddo ayaa Qatar lagu eedeynayey in ay maal geliso argagixisada Bariga Dhexe. Boqortooyadda ayaa deegaan siiyey ururka Xamaas oo Midowga Yurub iyo Maraykanku ay argagixiso u aqoonsanyihiin iyo weliba Taalibaan. Qatar waxay sidoo kale xiriir adag la leedahay Iran.
  23. Turkey iyo Ruushkaa oo ku heshiiyey xabad joojin Dagaalka Liibiya Kulan ka dhacay magaalada Istanbul ayey wafuud ka kala socda dowlada Turkey iyo Ruushka uga hadleen xaalada dalka Liibiya, labadan dowladood ayaa kala taageera dhinacyada dagaalamaya. Dowlada Turkiga oo iyadu gacan siineysa Xukuumada Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa xabad joojin ka dhacda dalka Liibiya shuruud uga dhigtay in marka hore ciidamada hogaamiye kooxeedka Khilafa Haftar ay dib ugu noqdaan goobihii ay ku sugnaayeen sanadkii 2015. Arrintan ayaa ka dhigan in ciidamada Khalifa Haftar isaga baxaan magaalada Sirte iyo saldhiga ciidamada cirka ee ku yaal bartamaha dalkaasi ee al-Jufra. Ruushka ayaa isaguna taageersan garabka Haftar, walow aan la aqoon in Jeneraalkaasi aqbali doono heshiiska dhexmaray Turkiga iyo xulafadiisa Ruushka. Ciidamada Dowlada Liibiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo buuxiyey nawaaxiga magaalada Sirte oo weli ku jirta gacanta ciidamada Haftar oo dib uga soo gurtay caasimada Tripoli oo ay ku fashileen inay qabsadaan kadib duulaan 14 bilood socday. Dowlada Liibiya oo si weyn uga faa’iideysanaysa taageerada militari oo ay ka helayso Turkiga ayaa dooneysa inay la wareegto gacan ku heynta Sirte iyo Saldhiga Al-Jufra taasi oo u sahli doonta inay la wareegto xarumaha u muhiimsan ee laga soo saaro batroolka. Dhinaca kale dowlada Turkiga ayaa digniin u dirtay dalka Masar oo taageeraya Haftar, Baarlamaanka Masar ayaa Axadii lasoo dhaafay u fasaxay Cabdifatax Al Sisi inuu ciidamadiisa u diri karo dalka Liibiya si ay gacan u siiyaan ciidamada Khalifa Haftar Qaran News
  24. Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan bartamahii bishaan. HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA SHIRKADDA ASTAAN: Anigoo ah Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable waxaan cambaareynayaa xarigga lagula kacay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah Maamulka Guud ee Shirkadda Astaan, oo 17-kii bishan July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah, isla markaana loo oggolaan qareen iyo ehelkiisu inay booqdaan. Xarigga Cabdimannaan maalmo ka hor waxaa si sharci-darro ah culeys loogu saaray in la iga wareejiyo saamigii aan ku qornaa shirkadda Astaan Cable ee aan wakiilka uga ahaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah anigoo haatan dalka ka maqan, kuna sugan dalka India si looga dhigo in shirkadda Astaan Cable 100% laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ka dibna qiil loogu sameeyo sidii loo dhici lahaa hantideeda, taas oo ah wax ka baxsan sharciga, kana hor imaaneysa maalgashiga dadka u dhashay Somaliland, isla markaana saameyn xun ku yeelan doonto ganacsatada reer Somaliland ee maalgashiga ku sameeya koonfurta Soomaaliya. Fekerka Astaan Cable in Hargeysa laga hirgeliyo aniga ayuu igu dhashay, waxaana ula tagay Shirkadda Astaan, waxaana ku guuleystay inaan saami xooggan ka soo ururiyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena soo helo rukhsaddii ay shirkaddu ku hawlgaleysay. Waxaana ku shirkownay aqoonta farsamo iyo waaya-aragnimada Astaan ee ay u leeyihiin adeeggan iyo hantidii reer Somaliland iyo aqoontii aan u lahayn warbaahinta Somaliland. Isku-biirinta hantida reer Somailand iyo aqoonta farsamo ee Astaan waxaa ka dhashay Shirkadda Astaan Cable, waxayna gaadhay guulo waaweyn oo ay sabab u ahaayeen hal-abuur cusub. Shirkadda Astaan Cable waxay magaalada Hargeysa ka shaqaaleysiiyay in ka badan 120 shaqaale joogto ah oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee shirkadda. Waxaan fursado dhaqaale u abuurnay ganacsiyada yaryarka ah ee qalabkeena ku sii iibiya gudaha caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo boqol ku dhow. Waxaan soo nooleynay fankii hore oo sii duugoobayay, inagoo fursado dhaqaale u abuurnay fannaaniinta iyo kooxaha miyuusigga. Waxaan xiiso u yeelnay isboortiga Somaliland, gaar ahaan horyaallada. Waxaa nasiib darro ah in markii shirkaddu ku guuleysatay oo hanatay dareenka macaamiisha Somaliland in la soo maleegay qorshe la doonayo in lagula wareego, loogana dhigo inay tahay shirkad aan laga lahayn Somaliland oo xoolaheedu xalaal yihiin, waxaana arrintani gadaal ka riixaya dad doonaya inay sameeyaan adeeg noocan oo kale ah oo horay isugu dayay inay saami xoog ah naga qaataan. Astaan Cable maanta waxay mudneyn in billad Sharaf lagu siiyo waxyaabaha ay soo kordhisay Somaliland ee ma mudneyn in lagu dhibaateeyo hal-abuurka ay soo kordhiyeen iyadoo loo adeegsanayo awood dawladeed. Ganacsatada kale ee hore suuqa hore ugu jidhay ama kuwa cusub ee haatan qalabka rakibanayo ee doonaya inay suuqan soo galaan waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan, waxaana ku boorrineynaa inay suuqa ku soo galaan tartan nadiif ah, balse aysan ku soo gabban awoodda dawladeed. Waxaan ka codsanayaa inta samaha jecel inay noo hiiliyaan, isla markaana muujiyaan in Somaliland la wada leeyahay. Waxaan rajeynayaa in sharcigu guuleysan doono. Axmed Maxamed Jaamac Guddoomiyaha Board-ka, ahna Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable. Mobile: +91-70938994998
  25. Masaajid 86 sano ka dib Maanta oo Jimcaha lagu tukanayo Salaadii u horeysay+Sawirro Kaddib 86 sano oo uu matxaf ahaa waxaa berri xarigga laga jarayaa Masjidka Hagia Sophia oo ku yaalla Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasoo salaadda Jimcaha ee ugu horeysay lagu dukan doono. Madaxweynaha Turkiga Erdoğan oo masjidkan laba jeer booqday todobaad gudihiis ayuu qorshahu yahay inuu berri daahfuro. Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegtay in inta ay socoto munaasabadda lagu furayo masjidkan la howl gelin doono 17 kun oo Booliis ah, waxaana la xiri doonaa barxadda lagu nasto ee Sultan Ahmet, sidoo kale waxaan shaqeyn doonin tareenada iyo basaska dadweynaha Istanbul qaarkood. Waxaa la sheegay in la dhigi doono 11 Kontrol oo amaanka lagu sugayo, Waxaa sidoo kale la baari doonaa heer-kulka dadka iyadoo la hubinayo inuu qof kasta maaskaro xiran yahay. Waxaa sidoo kale la sameeyey 17 goob Caafimaad iyo 736 kalaaliyeyaal iyo dhaqaatiir leh oo ay wehliyaan 101 ambalaas iyo dayuuradaha Helikobtarka oo heegan ah. Qaran News