-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida heer qaran ee baadhista xasuuqaydii loo gaystay Somaliland, ayaa sheegay inay heleen kow iyo toban xabaal-wadareed oo cusub, kuwaas oo ay ku aasan yihiin dad si arxan daro ah loo laayay. Guddida heer qaran ee baadhista xasuuqaydii loo gaystay Somaliland Khadar Axmed Like, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kow iyo tobankan xabaal-wadareed ee cusub ay ku jireen dad si badheedh ah loo laayay degaanka mako dur-duro. Masuuliyiinta gudduda baadhida xasuuqu waxay sheegeen in dadkaas la mariyay nidaamka diinta islaaamka dibna loo aasay, waxaanay intaas ku dareen in dadkaas la laayay dadlaas la laayay xiliyadii ay socdeen dagaalada 1981 illaa 1988-kii. Ugu dambayn masuuliyiinta guddida baadhida xasuuqyadii loo gaystay shacabka Somaliland waxay sheegeen arrintaas ay iska kaashadeen gudidaas iyo wasaaradda cadaalada Somaliland, iyadoo ay baadhitaanka halkaas ka sii wadi doonaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta war kasoo saaray shirka wada-tashi ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulada dalka, iyaga oo bogaadiyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkaasi. Madasha ayaa sheegtay inay si weyn u soo dhaweynayso go’aamadii kasoo baxay shirkaasi, oo ugu muhiimsana in doorashadu xiligeeda ku dhacdo, si looga baaqsado muddo kordhin. War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay inay adkeynayso in guddiga farsamo ee lagu heshiiyay dhakhso loo magacaabo, kuwaasi oo si deg deg ah uga howl-gala arrimaha farsamo ee loo igmaday. Sidoo kale waxa qoraalkaasi lagu sheegay in Madashu ay si dhab ah u rabto in dowladda federaalka iyo maamuladu ay u fuliyaan dhamaan qoddobadii lagu heshiiyay, oo aysan iska noqon qoddobo aan hirgelin. Madasha ayaa si weyn uga digtay in la iska indho tiro xaqiiqada iyo halista ka dhalan karta haddii aan heshiisyada xiligan la galayo aan la fulin, iyadoona soo jeedisay in dar-dar xoogan la galiyo fulintooda. Ugu dambeyntiina Madasha ayaa waxay sii adkeysay mowqifkeedii ahaa inay doorashadu xiligeeda ku qabsoomto, iyada oo laga baaqsanayo inuu dalku galo firaaq dastuuri ah iyo muddo kordhin. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madasha oo dhameystiran:
-
Warsaxaafadeed ay soo saareen madasha xisbiyada qaran ayaa waxa ay ku taageereen goamaadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Madashu waxa ay tilmaamtay in loo baahnyahay qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb oo ay ugu muhiimsanayd in doorashada dalka ay waqtigeeda ku dhacayso in laga dhabeeyo si dalka uusan firaaqo dastuuri ah u galin. Dhanka kale madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay inay marwalba u taagnaayeen islamarkaana ay dhiiragalinayaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo ay kawada tashadaan saamileyda siyaasadeed iyo madaxda dalka. Halkan Ka Daawo Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar kamid ah xisbiga mucaaradka ee ka diwaangashan Muqdisho ayaa ka hadlay qodobadii laga soo saaray shirkii Madaxda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb. Qoraal kasoo baxay xisbiyada la magacbaxay Madasha Xisbiyada Qaran oo hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soonaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhaweeyay qodobada kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxayna si gaar ah u soo dhaweeyeen in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay iyo in lagu heshiisyo nooca doorashada. Madasha ayaa soo jeedisay in shirka 15-ka Agoosto lagu balansan yahay Dhuusamareeb la ballaariyo oo laga qeybgaliyo saamileysa siyaasadda ee saameynta leh. Dhanka kale xisbiyada Wadajir iyo Sahan oo ay kala hoggaamiyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iyagu war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku soo dhaweeyay qodabada shirkii Dhuusamreeb ee Madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Xisbiyada Sahan iyo Wadjir ayaa soo jeediyay in wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka noqdaan xisbiyada siyaaasadda, si geedi socodka doorshadu u miro dhalo. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedyada xisbiyada. PUNTLAND POST The post Mucaaradka oo dalbaday in laga qeybgaliyo wejiga 3aad ee Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay khudbad dheer oo uu ka jeediyay shirkii Dhuusamareeb ee wada-tashiga dowladda federaalka iyo maamulada dalka, waxa uu ugu dambeyn shaki badan uga muujiyey doorashada qof iyo cod. Madaxweyne Farmaajo ayaa si dadban u sheegay in hanaanka doorasho ee qof iyo cod uusan hubin in uu dib ugu soo laaban doono haddii la isku raaco inay dalka ka dhaco, halka mucaaridku taasi badalkeeda aaminsan-yahay. Farmaajo ayaa si cad u sheegay inuusan si dhab ah u sheegi karin inuu ku soo bixi karo haddii ay dhacdo doorashada qof iyo cod ee muranka badan ka dhalisay qabsoomida doorashada dalka. Sidoo kale waxa uu xusay inay ka go’antahay oo kaliya inuu gacanta shacabka ku celiyo masiirka dalka, isla markaana ay iyagu go’aamiyaan cida dalkan hogaamin doonta, isla markaana uu uga tago wax dhaxal gal ah, waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid laga fahmi karo inuusan u diyaarsaneyn galida doorasho uu ku guuleysto, hase yeeshe uu raba inuu waqti dheeriya u helo talada dalka, taasi oo ay ka digtay saamilayda siyaasadu. Waxa kale oo uu hadalka Farmaajo kusoo aadaya xili ay VILLA SOMALIA wado qorshe muddo korodhsi, kaasi oo loo marayo sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, oo xiligan aan si buuxda loogu diyaar garoobin. Hoos ka daawo muuqaalka
-
A police officer was killed and three others were injured Wednesday evening after suspected Al-Shabaab militants attacked a police camp in Garissa. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Dhuusamreeb ee caasimada Galmudug waxaa kulan iskugu yimid mas’uuliyeenta iyo madaxda ciyaaraha waxaana kulan qeyb ka ahaa guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame Badshaa,iyadoo u jeedada ay aheyd kala warqaadasho iyo isu dhawaashaha iyo kawada shaqeynta horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga deegaanada kala duwan ee Galmudug. Mahad Cabdi Gabayre oo ah guddoomiyaha ciyaaraha degmada Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyay madaxda ciyaaraha sida ay iskugu yimaadaan caasimada,isagoo dhanka kale u mahad celiyay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre da’daalka uu ku bixiyay dhismaha iyo dib dhiska garoonka kubbadda cagta caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Maxamed Yare oo ku hadlayay magaca isboortiga degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in kulanka uu qeyb ka yahay kulamado lagu horomarinayo ciyaaraha deegaanada Galmudug,isagoo intaa ku daray in yoolkooda yahay in dhallinyarada reer Galmudug loo helo garoomo casri oo si wanaagsan loo diyaariyay. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame ayaa bogaadiyay da’daalada ay wadaan madaxda ciyaaraha,isagoo sheegay in hamigooda uu yahay in ay bulshada iyo bahda ciyaaraha Galmudug loo diyaariyo garoomo casri ah ka dibna loo qabto tartamo kala duwan. Si kastaba Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor ayaa kormeeray garoonka ciyaaraha Dhuusamareeb waxaana bahda isboortiga Galmudug ay u mahad celiyeen soo celinta raysal wasaare kaalinta uu ka geestay quruxda iyo dhismaha garoomada kala duwan ee kubbadda cagta Galmudug. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Madaxda Ciyaaraha Galmudug https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-6.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ururada Bulshada Rayidka oo war taban ka soo saaray go’aamada Shirkii Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa ka hadlay shirkii ku soo dhammaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, gaar ahaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi. Shirwac oo ka mid ah xubnaha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aan la’isku haleyn karin war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwo waqti lumis, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dhinac aysan daacad aheyn, islamarkaana uu weli u dhexeeyo mad-madow siyaasadeed. Prof. Shirwac oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in guddiga farsamada ee lagu dhawaaqi doono in uusan waxba qaban karin, maadaama uusan waxba kala socon kulamadii adkaa ee dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda iyo maamullada dalka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka run sheegaan xaaladaha jira, si loogu gudba caqabadaha horgudban doorashooyinka 2020/2021-ka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay war-murtiyeed ka kooban 8 qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb oo sidoo kale ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Qaran News
-
Experts are launching a $500,000 research project that will examine how the increase in Gulf investments in port infrastructures in the Horn of Africa has shaped its political landscape. Backed by funding from the Carnegie Corporation New York, researchers will explore the relationship between the Middle East and East Africa – focussing on port infrastructures and transport corridors. Carnegie Corporation is the philanthropic foundation established by Andrew Carnegie in 1911 ‘to promote the advancement and diffusion of knowledge and understanding’. It is one of the oldest and most influential of grant making foundations in the USA. The two-year study will be led by the University of Birmingham and experts will carry out research in the United Arab Emirates as well as three East African cities: Dijibouti, Bossaso (Somalia), and Berbera (Somaliland) – exploring how people’s daily lives are affected by infrastructural power contestations Project Leader Dr May Darwich, from the Department of Political Science and International Studies, comments: “This project seeks to further knowledge and understanding of how infrastructural investments across regions shape political dynamics at regional, national, local, and individual levels. “The project also examines how conflicts and rivalries in the Middle East – particularly in the Arabian / Persian Gulf – can be transmitted to a neighbouring region, such as the Horn of Africa, thereby affecting everyday lives of East African citizens.” Infrastructures symbolise modernity and increase connectivity between nations. As such, they are shaped by geo-political and geo-economic competition. The Horn of Africa is the eastern-most extension of African land and home to the countries of Djibouti, Eritrea, Ethiopia, and Somalia. It has geo-strategic significance which, has led to heavy investment in its infrastructure, turning the region into a space for competition amongst Gulf States and other powers such as the USA, China and Turkey. The project will generate primary data and knowledge on infrastructural power and the societal and political transformations that accompany such developments. Researchers aim to build long-lasting relationships between academic communities across three continents: Europe, the Middle East, and the Horn of Africa. The project, led by the University of Birmingham, has a team of researchers and partners from Durham University (United Kingdom), University of Hargeisa (Somaliland), Puntland State University (Somalia), and the University of Djibouti (Djibouti). Researchers will produce a number of academic publications and policy reports, as well as developing a website providing a range of resources on port infrastructures in the Horn of Africa, relations between the Arabian/Persian Gulf and the Horn of Africa, and related societal dynamics in the Horn. ajot Qaran News
-
Amid the economic fallout caused by COVID-19, the U.K. has decided to cut its aid budget. LONDON — The U.K.’s aid budget is to be cut by £2.9 billion ($3.7 billion) this year, as the government grapples with the economic fallout of the coronavirus pandemic. There will be UK aid cuts this year, Anne-Marie Trevelyan confirms The acknowledgment comes after Devex revealed NGOs were being asked to cut this year’s budget for existing programs. While reductions in spending were expected — the U.K. aid budget is tied to 0.7% of gross national income, which is forecast to shrink — the cuts are deeper than some anticipated, amounting to around 20% of the annual aid budget. The government will aim to protect spending on specific areas: poverty reduction “for the ‘bottom billion,’” climate change and reversing biodiversity loss, girls’ education, and the U.K.’s COVID-19 response, according to a letter from Foreign Secretary Dominic Raab to chairs of parliamentary select committees. The government will also spend aid “campaigning on issues such as media freedom and freedom of religious belief” and has sought to “protect the UK’s science and research and development base.” Raab confirmed that a review of official development assistance — or ODA — spending had taken place, “looking at every strand of the ODA budget, evaluating the impacts of spend and making sure we can maintain operational capacity.” He wrote: “So that we can react to the potential shrinkage in our economy, and therefore a decrease in the value of the 0.7% commitment (which is based on the UK’s GNI), we have identified a £2.9bn package of reductions in the Government’s planned ODA spend so we can proceed prudently for the remainder of 2020. “This package includes underspends, delaying activity and stopping some spend. All ODA spending Departments will now work with our respective supply chains to realise these reductions.” Some cuts will take place immediately, Raab wrote. There are also “arrangements in place to tailor spending further during the remaining months as we start to gain a clearer economic picture.” Sarah Champion, chair of the International Development Committee, which monitors ODA spending, said she was worried by how the cuts were being made. “What concerns me is the speed at which these decisions have been made, the lack of transparency about what is being cut and why, and clearly the lack of consultation about it, because they [the government] literally have not had time to consult to see what is going to have the biggest impact going forwards in terms of [what] they are keeping,” she said. Champion said she was most concerned about the government’s lack of a stated timescale for stopping and delaying activities. “Is that with immediate effect? Do the projects know about that? Or are we looking at something that is being relayed to NGOs through the media, much as the merger was announced without consulting or telling staff in advance?” she asked. NGOs told Devex in June that they were being asked to identify cuts to this year’s budget for programs that are already running. Champion continued: “The other thing I’m concerned about is where is the overarching strategy for all of this going forwards? It’s all very well asking departments where can you cut 30%, but who has got that oversight so the core functions that ODA is meant to deliver are being retained and it’s the surplus or duplicate being cut?” Source: Devex The post UK aid to be cut by £2.9B this year appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayaa ka hadlay shirkii ku soo dhammaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, gaar ahaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi. Shirwac oo ka mid ah xubnaha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aan la’isku haleyn karin war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in qodobada la soo saaray ay yihiin kuwo waqti lumis, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in labada dhinac aysan daacad aheyn, islamarkaana uu weli u dhexeeyo mad-madow siyaasadeed. Prof. Shirwac oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in guddiga farsamada ee lagu dhawaaqi doono in uusan waxba qaban karin, maadaama uusan waxba kala socon kulamadii adkaa ee dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey dowladda iyo maamullada dalka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaalida inay ka run sheegaan xaaladaha jira, si loogu gudba caqabadaha horgudban doorashooyinka 2020/2021-ka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay war-murtiyeed ka kooban 8 qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb oo sidoo kale ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.
-
Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen qoysas badan oo ka soo barakacay fatahaadaha ku dhuftay degmada Afgooye. Qoysaskan oo aad u dhibaateysan ayaa haatan daruufo kale oo nololeed waxa ay ku heystaan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dadkaasi barakacayaasha ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay heysan meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan. Maamulka Garasbaaley oo dadkaas soo dhoweeyey ayaa baaq u diray maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha samafalka, si gurmad loola soo gaaro dadkaasi tabaaleysan. Afgooye iyo deegaanada ku dhow-dhow ee gobolka Shabeelaha ayaa waxa ku fatahay webiga Shabelle, iyada oo biyo badan ay dhex ceegaagaan gudaha magaaladaasi. View the full article
-
WAR-SAXAAFADEED: 23/07/2020 Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Ee Maanta Oo Ay Ka Soo Baxeen Qodobbo Muhiim Ahi. Halkan ka Daawo Muqaalka Shirkii Golaha Wasiirada:- Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshada dalka, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyey heerka waxbarashada dalku ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu xusay in 1,516 (kun, shan boqol iyo lix iyo toban) degsiimo oo ay Somaliland ka kooban tahay 620 (lix boqol iyo labaatan) degsiimo oo u dhigma boqolkiiba afartan (40%) aanay lahayn adeegga waxbarashada ee Aas-aasiga ah waxana uu tilmaamay in saddexda sanno ee soo socda ay wasaaradda u qorshayshan tahay in ay degsiimooyinkaas ku fidiso adeegyada waxbasashada, dhanka kale waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin daadejinta maamulka waxbarashada guud ahaan dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu xusay in ay ku guda jiraan tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarshada isagoo xusay inay bilaabeen tayaynta Jaamacadaha dawliga ah, sidoo kalana ay qorshe u sameeyeen tayaynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamiyey dhaqan gelinta go’aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go’aan kama danbays ah ka soo gaadhaan qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan: 1. In tirada Shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ku jiray warbixintii Hay’adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal) qof qof kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay’adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya. 2. In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ku meel-gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020. 3. In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021. 4. Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka. 5. Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaadh ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaadh ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha. Ugu danbayn golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Dawladda oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda Qaran ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Gaadhay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia. Waxaa Duleedka Magaalada Jigjiga Kaga Horyimid Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Dawladda Deegaanka Somalidda ee Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dawladda Deegaanka Soomaalida Cali Beddel, Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Warfaafinta Marwo Hibo Axmed,Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Bashiir Shaafi Cumar Iyo Madax Arrimaha Xisbiga talada Deegaanka haya Faysal Rashiid Nayruus. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa lagu qaabilay si diiran, Waxana loo galbiyey Gudaha Magaalada Jigjiga ee Xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya. Maaha Markii u horreysay ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland gaadho Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Somaliland iyo Dawladda Deegaanka Itoobiya waxaa ka dhexeeya xidhiidh wada Shaqayaneed oo ku dhisan Walaalnimo iyo mid Jaarnimo. Source
-
PRESS RELEASE 23/07/2020 Somalia including Somaliland to benefit from new UK support to tackle locusts Somalia is set to benefit from new UK funding to tackle this year’s unprecedented locust outbreaks across Africa and Asia. The UK’s International Development Secretary Anne-Marie Trevelyan today announced a further £18 million (Over $22 million) in response to the crisis. She made the announcement during a visit to British company Micron Group, which supplies pesticide sprayers to the United Nation’s Food & Agriculture Organization (FAO). Locust swarms have grown 20 times larger since March 2020. In Somalia, new swarms of the desert locusts from current breeding have coincided with the start of the Gu rains. The FAO predict a 15-25% decrease in the upcoming Gu harvest. The UK International Development Secretary, Anne-Marie Trevelyan, said: “Vulnerable communities are on the brink of starvation because of the biggest locust outbreak in decades, made worse by the coronavirus pandemic. But unless other countries also step up and act now, this crisis will spread and cause even more devastation.” Of the new funding announced today, £17 million (over $20 million) will go to the FAO’s emergency appeal to help to control the increase of locusts across East Africa including Somalia, Yemen and South West Asia, as well as reduce the risk of swarms spreading into the Sahel. £1million (over $1.2 million) will go towards improving early warning and forecasting systems for desert locusts, so that countries can prepare for their arrival. The British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The outbreaks of desert locusts in Somalia and Somaliland are affecting some of the most vulnerable communities in the country, who are already having a very difficult year as a result of floods and COVID. We are working with FAO and Somali government to scale up surveillance and control operations to combat the locusts and protect the harvests.” The new funding follows £8 million ($9.8 million)provided by the UK earlier this year to the FAO locust appeal, supporting Kenya, Somalia, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Eritrea, Djibouti, Tanzania and Pakistan. A supercomputer funded by UK aid is also helping countries in East Africa to track locust movements around the continent. Since January this year, the FAO has successfully controlled over 600,000 hectares of land, saved 1.2m tons crops with a value of $372 million, and eradicated over 400 million locusts in 10 countries in East Africa. Qaran News
-
Waxaa maanta lasoo gabagabeeyey kiiska dacwadda lagu soo oogay tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Axmed Gurbiye iyada oo la sugayo go’aanka kama dambeyska ah ee maxkamadda gobolka Banaadir,Dacwaddan oo markii 3aad la dhageystay ayey xeer ilaalinta la timid eedeyn been ah taas oo qareennada Gurbiye iska fogeeyeen. Qareenka Cabdicasis Gurbiye, Daahir Carab oo saxaafadda la hadlay maxkamadda kadib ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda ay dhamaatay, isla markaana ay sugayaan go’aanka maxkamadda ” Saaka waxaa la galay dacwadda nuxurkeeda, xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu soo bandhigay eediisa, innaga waxaan soo bandhignay difaaceenna, waxaa la sugaa go’aanka, waa dhammaatay dhammaad heerarkii dacwo dhageysiga waa dhamaatay,maxkamadda waxaan ka rajeyneynaa wanaag,maxkamadda ay waqtigeeda soo sheegi doonto” Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah xogheyaha guud ee FESOJ ayaa ka codsaday maxkamadda iney cadaalad sameyso isaga oo yiri” Go’aanka maxkamadda waan ku kalsoonahay, garsoorkana aan cadaalad ka fileyno. Waxaan aaminsanahay in kiiskan oo meelaha qaar ka siyaasadeysan yahay, waqtiga dheer ee uu soo socday iyo isbadalbadalka,laakin sharciga ayaan ku kalsoonahay”. Cabdalla Muumin oo ah Xoghayaha SJS oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kiiskan uu been abuur yahay,oo weliba siyaasadeysan. ” Waxaa layaab leh iney keeneen qof baare ah oo ay yiraahdeen booliiska ayuu ka tirsan yahay,oo aan dacwadda waxba ka ogeyn,waxay kale oo ay keeneen warqad saaka lasoo qoray oo ay leeyihiin isbitaalka Martiini ayaa laga keenay,oo markii la baaray noqotay wax lasoo dhoodhoobey, baaraha ma yaqaano Facebook, baraha bulshadana ma isticmaalo””. Agaasime Ku-xigeenka Goobjoog Cabdicasis Gurbiye waxaa uu wajahayaa kiis tan iyo markii la xiray 14-kii April, heyádaha saxaafadda, siyaasiyiin, bulshada rayidka iyo heyádo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dalbaday in la laalo kiiskan, Gurbiyana loo ogolaado inuu shaqeysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawlada Itoobiya oo ku hanjabtay inay biyaha webiga Niil Siday doonto u Isticmaali karto Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto. “Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay. Xafiiska ra’isal wasaaraha dalka Itoobiyana wuxuu sheegay roobabka aadka u weyn ee ka da’aya dalka Itoobiya ka da’aya iney suuragaliyeen in biyihi uu biyo-xireenka sanadkan ugu horreeya u baahnaa ay buux dhaafeen oo ay biyo xireenka dushiisa biyaha ka daadanayaan. Laba usbuuc oo keli ah roobabka dalka Itoobiya ka da’ay ayaa wabiga geliyey biyihi sanadki ugu horreeya uu u baahnaa. Itoobiya waxay marar badan sheegtay buuxinta biyaha biyo-xireenka uu u baahan yahay iney billaabeyso bartamaha bisha July, taasoo la moodo iney sideeda ugu suuragashay. Dalalka Masar iyo Suudaanna waxay dhankooda ku adkeysanayeen Itoobiya iney billaabin buuxinta biyo-xireenka ilaa heshiis buuxa laga gaaro muranka biyo-xireenka ku gadaaman. The Bureau of the AU Assembly has just concluded a constructive Extraordinary Meeting on issues relating to the #GERD. The trilateral negotiations remain on track, and I wish to thank all the parties involved for their commitment to finding African solutions to African problems. pic.twitter.com/FwQeJWq6pA — Cyril Ramaphosa #StaySafe (@CyrilRamaphosa) July 21, 2020 Madaxda seddexda dal iyo guddoomiyaha midowga Afrika ee xilligan oo ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa waxay sheegeen wadahadalki seddexda dal ay yeesheen in natiijo wanaagsan laga gaaray. Waxayna warbixinta sheegtay guddiyada farsamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney ku heshiiyeen si heshiis kama dambeys ah loo gaaro iney kulammo kale yeeshaan. Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo sheegay wadahadalka seddex geesoodka inuu jawi wanaagsan uu ku soo dhamamaday, wuxuuna mahad ballaadhan uu u soo jeediyey madaxda seddexda dal dadaalka ay ka muujiyeen dhibaatooyinka Afrika iney iyagu xallistaan. Promising discussions at the brief AU Summit today, with @AbiyAhmedAli, @AlsisiOfficial, @AUC_MoussaFaki and @AUChair2020 on the #GERD, where we reached an understanding to continue negotiations that aim to finalize the #GERD filling and operating agreement. pic.twitter.com/fVqSO0Sw3k — Abdalla Hamdok (@SudanPMHamdok) July 21, 2020 Ra’isal wasaaraha Suudaan wuxuu sida oo kale uu sheegay wadaxaajoodka seddex geesoodka inuu isafgarasho ku soo dhamaaday, howlaha haray ee la xidhiidha buuxinta biyo xireenka in kulammao kale aan ka yeelanno ay isku afgarteen. Axram Online oo soo xigatay madaxweynaha Masar C fataax al-Sisi waxay sheegtay inuu madaxaweynaha uu sheegay Itoobiya, Suudaan iyo Masar iney ku heshiisyeen howlaha harsan iney ka wada hadlaan si xal kama dambeys ah uu u gaaro. Shucuubta seddexda dal oo warmurtiyeedka seddexda dal ka soo baxay ka duulayo waxay baraha bulshada isku dhaafsanayeen farriimo hambalyo. Danjiraha Itoobiya u fadhiya Mareykanka Fisum Aregga, wuxuu farriin hambalya ah uu shacabka dalka Itoobiya uu kula wadaagay boggiisa facebook. Biyo-xireenka weyn ee ay Itooboya ka dhiseyso wabiga Nile dhsiamahiisa marka la dhammeystito wuxuu awood u yeelanayaa inuu dhaliyo koronta dhan 6 kun oo Mega Wat, biya xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn qaaraddan Afrika. Waxaana korontada biyo-xireenkaasi laga dhalinayo ka faa’ideysan doonta 65 malyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha laga gaaray biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile. Wuxuuna sheegay biyo xireenka hadda lagu guuleystay biyihi ugu horreeyey iney sidi la rabay u galaan oo lagu guuleystay ayaa guusha soo hoyeen shucuubta dalka Itoobiya ee dal iyo dibadba ku sugan lacagaha ay jeebkooda ka bixiyeen iyaga oo aan u baahan kaalmo iyo deeq shisheeye. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshada dalka, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyey heerka waxbarashada dalku ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu xusay in 1,516 (kun, shan boqol iyo lix iyo toban) degsiimo oo ay Somaliland ka kooban tahay 620 (lix boqol iyo labaatan) degsiimo oo u dhigma boqolkiiba afartan (40%) aanay lahayn adeegga waxbarashada ee Aas-aasiga ah waxana uu tilmaamay in saddexda sanno ee soo socda ay wasaaradda u qorshayshan tahay in ay degsiimooyinkaas ku fidiso adeegyada waxbasashada, dhanka kale waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin daadejinta maamulka waxbarashada guud ahaan dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu xusay in ay ku guda jiraan tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarshada isagoo xusay inay bilaabeen tayaynta Jaamacadaha dawliga ah, sidoo kalana ay qorshe u sameeyeen tayaynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamiyey dhaqan gelinta go’aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go’aan kama danbays ah ka soo gaadhaan qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan: In tirada Shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ku jiray warbixintii Hay’adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal) qof qof kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay’adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya. In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ku meel-gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020. In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021. Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka. Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaadh ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaadh ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha. Ugu danbayn golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Dawladda oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda Qaran ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Ururada bulshada rayidka oo maalmahan dadaalo ka waday Dhuusamareeb ayaa ka hadlay shirkii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacay magaaladaasi. Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah hoggaanka ururada bulshada rayidka ah ayaa sheegay inuu waqti lumis yahay war-murtiyeedka ka soo baxay shirkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan madaxda dowladda iyo kuwa mamaul goboleedyada dalka aysan aheyn kuwa daacad ah, islamarkaana uu weli jiro kala shaki dhexdooda ah. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Cod-Shirwac-2.mp3 View the full article
-
Sida ay tibaaxday warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan oo sida ugu dhakhso badan loogu bilaabo dadka dunida ugu saboolsan, ayaa hoos u dhigi kara kor u kaca hadda jira ee xaaladaha COVID-19, maadaama uu barnaamijkaasi ku dhowaad saddex bilyan oo qof guryaha ku hayn doono. Warbixinta oo loo bixiyay, Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan: oo lagu Badbaadinayo Dadka Saboolka ah iyo kuwa Nugul ee ku nool Dalalka soo Koraya, ayay warbixintu ku qiyaastay in bil kasta loo baahan doono lacag dhan $199 bilyan oo Doollar si dakhli asaasi ah oo muddo go’an socda loogu dammaanad qaado dad gaaraya 2.7 bilyan oo qof oo khadka saboolnimada ka hooseeya ama madaxa kala baxay oo ku kala nool 132 dal oo soo koraya. Gunaanadka warbixnta waxaa lagu sheegay in tallaabadaani ay tahay mid s uurogal ah oo si degdeg ah loogu baahan yahay iyadoo toddobaad kasta ay dad ka badan 1.6 malyan oo qof, oo u badan dalalka soo koraya ay la soo dhacaan xanuunka safmareenka ah, dalalkaasoo tobankii xoogsato ahba sagaal ka mid ahi ay noloshooda kala soo baxaan ilaha dhaqaale ee aan rasmiga ahayn, taas oo macneheedu yahay inaysan wax dakhli ah heli karin haddii ay guryohooda fariistaan. Dadkaas tirada badan ee aan dalalkoodu barnaamijyada caymiska bulshada lahayn, waxay u badan yihiin xoogsato, dadka mushahaar yar ku shaqeeya, haween iyo dhallinyaro, qaxooti, dad socdaal ku yimid iyo dad naafo ah – dadkaasoo ah kuwa ay dhibaatadaani sida aadka ah u taabatay. UNDP waxay bilihii dhawrka ahaa ee la soo dhaafay qiimeyn ku sameysay raadadka dhaqan-dhaqaale ee COVID-19 uu ku yeeshay dalal 60 kor u dhaafaya, iyadoo natiijadii ka soo baxday ay muujisay in xoogsatada aan haysan caymis bulsho aysan gurigooda dakhli la’aan iska fadhiyi karin. Dakhli Asaasi ah oo Muddo Go’an socda ayaa dadkaas siin doona awood ay cunto ku gataan oo ay kharashyada caafimaadka iyo waxbarashada isaga bixiyaan. Waxaa intaas dheer, in arrintaani ay dhaqaale ahaan suurogal tahay: Tussale ahaan, si loo bixiyo Dakhli Asaasi ah oo lix bilood ku Muddaysan, waxaa loo baahan doonaa oo kaliya boqolkiiba 12 ka mid ah miisaaniyadda guud ee sannadka 2020 loogu talogalay ka hortagga COVID-19, ama wax u dhigma saddex-meeloodow-meel lacagta ay tahay in dalalka soo koraya ay amaahda lagu leeyahay ka bixiyaan sannadka 2020. “Waa baaq la soo saaray xilliyo aan iyagoo kale horay loo arag, oo wax looga qabanayo xaalado bulsho iyo kuwo dhaqaale oo aan horay dunida u soo marin. Waa qorshe la doortay oo Dakhli Asaasi ah oo Muddaysan lagu siinayo dadka dunida ugu saboolsan. Dhawr bilood ka hor arrintaani waxay dadka ula muuqatay arrin aan suurogal ahayn” ayuu yiri Maamulaha UNDP, Achim Steiner. Isagoo raaciyay “Taageerada maaliyadeed ee dawladdu bixiso iyo qorshayaasha kabista dhaqaaluhu waa inaysan ku koobnaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiyada waawayn oo kaliya. Dakhli Asaasi ah oo Muddaysani wuxuu dawladaha u oggolaan doonaa inay dadweynaha bandowga ku jira taakulayn dhaqaale u fidiyaan, oo lacag caddaan ah dhaqaalaha dalka ku fatahaan si ganacsiyada yaryari u badbaadaan, iyadoo isla markaas hoos loo dhigayo fiditaanka ba’an ee COVID-19.” Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani xal mucjiso ah uma aha culayska dhaqaale ee xanuunka safmareenka ahi keenay, ee waxaa jira tallaabooyin kale oo dawladuhu ay qaadi karaan sida; badbaadinta shaqooyinka, kordhinta taageerada la siiyo shirkadaha yaryar, kuwa madaxa la soo kacaya iyo kuwa heerka dhexe iyo adeegsiga aaladaha casriga ah si loo aqoonsado oo loo gargaaro dadka la takooro. Hab ka mid ah hababka ay dalalku u hirgelin karaan barnaaminka Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysani wuxuu noqon karaa, iyadoo dalalku lacagtii ay sannadkaan adeegga amaahdooda ku bixin lahaayeen u leexiya barnaamijkaan. Sida ay sheegayso xog rasmi ah, dalalka soo koraya iyo kuwa dhaqaalohoodu madaxa la soo kacayo waxay amaahda lagu leeyahay sannadkaan ku bixin doonaan kharash gaaraya $3.1 tirilyan oo Doollar. Amaah bixinta oo gebi ahaanba laga joojiyo dhammaan dalalka soo koraya, sida uu ku baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa si ku meelgaar ah dalalkaas ugu oggolaan doonta inay dhaqaalahaas u weeciyaan tallaabooyinka lamahuraanka ah ee lagula tacaalayo raadadka taban ee ka dhashay mahadhada COVID-19. Dhawr dal ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku hirgelinayaan Dakhliga Asaasiga ah ee Muddaysan. Dawladda Togo waxay barnaamij lacag xawilis ah, gargaar maaliyadeed oo ka badan $19.5 malyan oo Doollar si bille ah ugu qaybisay boqolkiiba 12 ka mid ah muwaadiniinta dalkaas, oo u badan haweenka ka shaqeeya ilaha dhaqaalaha ee aan rasmiga ahayn. Dawladda Spain waxay iyaduna hadda oggolaatay miisaaniyad bil kasta €250 malyan oo Yuuro lagu kabayo dakhliyada 850,000 qoys oo taag daran iyo 2.3 malyan oo dad kaligood nool ah si dakhliyada dadkaas loo soo gaarsiiyo heerka ugu hooseeya ee nolosha caadiga ah. Xanuunka COVID-19 wuxuu kor u sii qaaday kala sarreyntii dadka ee heer caalami iyo heer qaranba, wuxuuna abuuray sii kala fogaansho si ba’an dadka taagta daran u saameysay. Iyadoo sannadkaan 2020 gudihiisa, ay ilaa 100 malyan oo qof oo kale u durkeen dhinaca saboolnimada aadka u daran, 1.4 bilyan oo carruur ahna ay saameysay xiristii iskuulladooda la xiray, shaqo la’aantuna ay xadkii ugu sarreysay gaartay, meheradihii dadweynuhuna meesha ay ka bexeen, ayay haddana UNDP saadaalinaysaa in horumarka insaanka (Human Development) ee caalamku uu sannadkaan markii ugu horreysay hoos u dhici doono, laga soo bilaaabo markii la allifay qiyaasidda horumarka insaanka. Hay’adda UNDP waxay hoggaanka u haysaa nidaamka dhaqan-dhaqaale ee Qaramada Midoobay (UN) ugu talogashay ka soo kabashada COVID-19, waxayna hirgelisaa istaraatiijiyooyinka soo kabashada bulshooyinka iyo dhaqaalaha ee dalalka dunida oo dhan. View the full article
-
Madaxada Dhuusamareeb iskugu tagtay waxaa si wada jir ah canaabu uga saarneed dhanka beesha caalamka iyo shucuubta ay hogaamiyaan. M. Deni culays wayn ayaa ka saarnaa dhanka shacabka markii laga yimaado in uu eeda la wadaago madaxda Soomaalida guud ahaan. Reer Puntland waxay Deni ku dhaliilsanaayeen in ay dawladda Federaalkaa iyo xiriirka Puntland xumaaday, arrintaasna ay ku dhacday siyaasad xumo Deni ee la hagaajin karo sidaasna waxaa runtii nugu seegay ayay yiraahdaan waa shacabka Puntland e, dano farabadan, oo ay ugu horayso in saamayntii siyaasadda Puntland hoos u dhacday ama ay siiro noqotay. Deni maahane madaxda kale ee maamul goboleedyada wax culaysihi kama saarnayn dhanka shacabkooda waayo siyaasadda maamulada kale shirko luguma ahan shacabka iyo siyaasiyiintuna saamayn wayn kuma lahan. Waalaga yaabaa siyaasadda iyo talada Galmudug in shirko lugu ahaan lahaa laakiin ayadu waaba iska curdun. Si guud madaxda federaalka iyo maamul goboleedyadu waayahaan way ku ceebaysnaayeen indhaha caalamka, waayo waxaa lugu jiraa xilli xasaasi ah oo laga sugayay siyaasad ay heshiisku yihiin oo lugu wajaho doorashada iyo cudurada aduunka ka jira. KHUDBADIHII MADAXDA Khubadaha madaxda maamul goboleedyadu meelo badan ayay iskaga ekaayeen gaar ahaan Deni iyo Waare, khubadahooda waxaa ku jiray hal eray oo ahaa “doorasahda yaan laga baqin”. Waare wuxuu hadalkiisa oo dhiira gelin ka helayay kii Deni maray meel u dhaw kii Deni. Qoorqoor asagu cidna ma taaban karin wuxuu ilaashanayay dano muuqda, halka. Axmed Islaam uu iska ilaalinayey qaadaa dhigga iyo falaaqyanta bulshada ka imaan kara hadduu katan-dhable ku hadlo waliba si bisayl ku jiro ayuu uga siibtay. Laftagareen wuxuu u muuqday nin ay latahay waxa ay latahay madaxda kale mana jirin asagu cid uu la xifaaltamayay awalna is hayntooda waa uu ku dhibanaa oo culays ayay ku aheed, farxad ayay uga caddeed Laftagareen. Madaxweyne Qoorqoor khudbadiisu waxay eheed khubad u badan mahdin iyo maro-ilaalin. Wuxuu ku raaxaysanayay ereyada soo dhawaynta iyo sagootinta. Wuxuu sidoo kale aad u laxawsanayay madaxsalaaxa dadkii la martigeliyay oo ammaan kala dul dhacay Galmudug. Madaxweyne Deni wuxuu u hadlay si kudhac iyo raganimo ku jirto markii loo eego mawqifyadiisii hore, wuxuuna u muuqday nin waxbadan liqay. Deni khudbadda uu jeediyay wuxuu ugu talagalay in uu ku qaabeeyo ra’yul caamka. Tusaale wuxuu taabtay in ay dabadan oo xildhibaano ku jiraan shirka miro dhalkiisa ka qayb qaateen. Waxaa xusid mudan in ay suuqa taalay in madaxda oo 7 qof aheed waxaan ahayn aysan shirka door ku lahayn waxaana si wayn uga hadlay Amb. Yuusuf garaad. Waarun madaxda albaabka ayaa u xirnaa waxa shirka kasoo baxayna ayaka unbaa isla gartay. Sidii Deni u yimid waxaa bannaanka yaalay in madaxda maamulada iyo dawladda federaalka ah khilaaf u dhexeeyay. Deni si ku dhac iyo geesinimo leh ayuu u yiri “waa yahaan khilaaf ayaa jiray laakiin waxaan cadaynaynaa in aan la shaqayn doonno madaxda” hadalkaas ma ahayn mid si fudud Deni ku dhihi karo sida la filayey laakiin waa uu ku dhacay waana yiri. Hadalkaan waxaa soo dhawayn doona siyaasiyiinta reer Puntland waxaana ku laab qabowsan doona shacabka reer Puntland. Deni khubadiisa inta danbe waxay u badneed falaash iyo toosh ku ifin aan sarbeeb duugan ka marnayn. Wuxuu falaashka u billaabay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyihiisa baarlamaanka oo aan runtii waxa u jeeda aan la arkin oo ku hoos xabaalmay Qoorqoor. Sallaan ujeed leh ayuu Deni la sii maray masuuliyiinta aan sheegay, waxaa xusid mudan masuuliyiintaan wax sheegi jiray iyo wax xusuusan jiray way yaraayeen. Munaasabadihii waa waynaa ee Galmudug kasoo dhacay inta la xusay way yartay amaba lama xusin. Deni intaas kuma ekaan wuxuu sii falaashay madaxwaynaha oo yiri “madaxwaynaha waan la shaqaynaynaaye doorasho fiican ha galo”. Arrintaas fasiraad badan ayay yeelan kartaa, waxay noqon kartaa in uu kala jeeday, madaxwaynuhu yuusan hunguriyay waqti kororsi iyo kursi la cararide, si sharaf leh dadka ha u la tartamo, doorashana ha qabto. Sidoo kale Deni wuxuu carabka la aaday siyaasiyiinta daaha gadaashiisa siyaasadda ka walaaqaya oo uu yiri “ragga naga maqan hayimadeen waan la shaqaynaynaaye”, wuxuu kala jeedaa siyaasiyiinta kuraasta raba lana dirirsan madaxda maamul goboleedyada. Madaxweyne Waare wuxuu si toos ah u aaday mahmahaa ku qaloocatay M. Faramaajo taasoo aheed in qofka lugu tijaabiyo caafimaad kiisa madaxa, haan hoos ka daloosha buuxinteeda. Haddii qofku haanta biyo kushubo oo uu isku dayo in uu dhaamiyo caafimaad darro ayay muujinaysaa. Mahmaahyadiisa waxaa loo fahmay; qofk iyo cod qabashadeedu waa haan salka ka duleesha buuxi, waxaana qof iyo codku doodayay M. Faramaajo. Sidoo kale wuxuu raaciyay in aysan soconayn fantasiye siyaasadeed iyo faan. Arrintaas wuxuu ku durayay siyaasaddii M. Faramaajo uu ku xaragoonayay ee aadka u qiiradda badneed (qof iyo cod), Wuxuu sidoo kale farriin cad u diray dad uu ku sheegay dad kuraasi dusha u saarantahay. Madaxweyne Axmed Islaam oo aad loo sugayay arrintiisa iyo khudbaddiisa, wuxuu hadlkiisa ku billaabay mahmaahyadii Soomaaliyeed ee mugga wayneed, “Gacmo Geelijire hoos ayaa loo dhaqaa, wexeenana hoos ayaan u xalisannay” ayuu yiri, wuxuu u muuqday in uu helay tiimbarihii xalaalaynta kursigiisa oo ay muran geliyeen Nabad iyo Nolol. Ahmed horay wuxuu usoo dejiyay oo kolayga ku sitay MP. Cabdirishiid Xidig oo uu kala kulmay loolan adag. Wuxuu u muuqday in ay M. Faramaajo ku heshiiyeen si dani ugu jirto waa Axmede laakiin xoogaa uu qawid sanyahay oo uusan ku jiifan karin ballan Khayre iy Faramaajo waayo; horay waxay u wada hadleen Khayre oo Kismaayo loogu sameeyay fantasiyo wixiina waxba kama soo bixin. Islaam wuxuu ku cataabay in lays cafiyo oo caloosha laysku furo, wuxuu cadeeyay is xumaansiga in aysan lahayn wax faa’iidaa, wuxuu sheegay in layska warqabo oo laysku xirnaado, wuxuu u muuqday nin ku riiqay is riixriixii siyaasadeed ee soo jiray waayahana. Madaxweyne Laftagareen horay ayaan usoo sheegnay waxka badanna kama sheegi karno. Laftagareen waxaa dhib, culays iyo eed ku hayey khilaafka madaxda maamulada iyo dawladda federaalka ah. Laftagareen qadarin iyo kool koolin kuma qabin federaalka, kursigii ay saareen ayay uga dul tageen mana soo fiirin, marka uu asagu u yimaadana salaam xiiso leh ma salaamaan umana sara kacaan, waxay kasoo qaadeen kursigiisa kursi ay ayaku leeyihiin oo meel amaana u yaalla. Laftagereen duco gaar ah ayuu ducaystay dhibkii ayaa xalay Ilaaheey ka dul qaaday mar haddii ay afka Deni kasoo baxday isma hayno madaxda federaalka. Laftagareen wuxuu ku celceliyay “maanta ayay naga hartay waa lays khilaafsanyahay waad maqlaydeen Deni” hadalkaas wuxuu tusayaa in ay utun ku aheed Laftagareen khilaafka waayo nin uma hiilin karo wuxuu ahaa Hal labamidigle araacay. Ra’iisul Wasaare Khayre asagu wuxuu ka hadlay cunto, cuntana si aan u faalayno ma naqaanno waxaase dhib iyo culays ku hayay agfadhiga Deni oo ka miisaan waynaa. Khayre ammaan uu Qoorqoor uday ayuu usii mariyay reer Galmudug. Si toos ah in uu u amaano way la haboonaan waysay wuxuu dhex marsiiyay amaanta reer Galamudug. Khudbadda Madaxweyne Faramaajo wuxuu galay taariikh uu uga sheekaynayo dadaaladii dhawlad dhisidda Soomaaliya, wuxuu eed kala dul dhacay COVID19 oo uu ku eedeeyay in uu cuuryaamiyay dadaalo uu ka galay arrimaha doorashada. Madaxweynuhu wuxuu u muuqatay in uu wali agtaagnaa haantii Waare sheegay oo uu san ka quusan riyadiisii qof iy cod ee uu Waare ku sheegay fantasiye aan laga *****n karin. M. Faramaajo xooga wuu iska fogaynayay eeda ah cidda diidan qof iyo cod, wuxuuna arrinta u ekeeysiiyay in ay jiraan dad diidan in shacabka lugu celiyo awoodda arrintaasna uu qaatil ka taaganyahay. Khubaddiisa wuxuu ku gaban gabeeyay qiimayn uu kusameeyay xukuumaddiisa oo sheegaysa in ay meel fiican ku wadaan, asagoo raaciyay in shacabku iska aaminaan oo ay niyadda iska wanaajiyaan. Khudbadaha Axmed Islaam iyo Deni waxay iska la haayeen in ay dulqaad ka sheegeen madaxda dawladda federaalka ah, runtiina lama fahmin dulaqaadkaas ay ka sheegayaan waxa uu yahay iyo sida uu ku yimid. Nabad iyo Nolol waa u daranyihiin madaxda maamullada, il naxariis leh iyo gacan turiinana kuma taagan, sidaas daraadeed dulqaadka ay ka sheegayaan durriin ayaa loo fahmi karaa. Waxaa la oran karaa Madaxweyne Deni ayaa qaabeeyay khubadaha ay jeedinayeen madaxda maamul goboleedyadu dhamaantoodna asaga ayay raaceen. Madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah waxay fadhiyeen maalmo Dhuusamareeb, waxay soo saareen warmutiyeed aan xaaladda dalka la jaanqaadayn waxayna u muuqatay in ay go’aan ka qaadan waayeen arrimaha doorashada iyo guraastii gobolka Benaadir ee Aqalka sare laga siiyay. Labadaan qodob waxay ahaayeen qodobada ugu xasaasisan ee laga sugayay in madaxdu ka hadlaan. Qodobadaan waa masiiri si sahlanna go’aan loogama gaari karo, arrintu in ay sidaan tahay way ku baraarugeen sida muuqata madaxdu, waana tan keentay in ay wax go’aan ah si sahlan uga gaaraan. Markii ay shirka soo aadayeen waxay ahaayeen niman isku hilloowsan oo waji-gabax dhameeyay shacabkana ku hor ceebaysnaa sidaas ayay hal haleel ugu soo daateen markii Galmudug ku dhawaaqday gogosha. Danjire Yuusuf Garaad ayaa horay u duray shirka, wuxuu ku duray in aysan madaxdu la tashan dadkii la socday iyo in ay yihiin dadkii taladu ku dhammaan laheed ayna u dhaqmayaan sidii dadkii daladu ka billaabanaysay. Waxay u muuqataa in madaxdu ku baraarugtay warka Yuusuf Garaad, oo ay hadda guddiyo farsamo is kaga dhiibi doonaan. Su’aal ayaa imaanaysay, gudiyadaas yaa ka mid noqonaya, sideese lugu gelayaa?. Arrimaha laga hadlayo waxaa u muhiimsan doorashada, sidaas daraadeed waxaa la filayaa in madaxwayne kastaa soo dirsan doono oo gudiga ku dari doono dadka uu ku kalsoonyahay kaliya. Si kale hadaan u dhigno, madaxdu waxay gudiga kusoo daridoonaan maamulayaasha kaanbaynadooda doorashada. Madaxda maamulgoboleedyada iyo dawladda federaalkaa waa isku agdheceen, muddo ayay isi soo hayeen, dadkii iyo beeshacaalamka waa ay ku horceebaysnaayee. Waxay la noqotay in ay Soo saaraan war muryiyeedka aad aragteen kadib maalmo ay qol ku wada jiree. Waxay ku biyashubatay taladii Yuusuf garaad. Waxaa hadaladooda ka muuqday in ay ku wada hadleen markii ay ku jireen qolka kaligood ah aan kala nabad galno oo qofba qofka kale shartiisa haka hayo laakiin siyaasadu sidaas ma ogola. Madaxdu shacabka waxay ugu baaqeen in aan la baqin laakiin uma sheegin wax baqdinta layskaga daayo, shacabku waxay aaminsanyihiin in mustaqbalkoodii dabku baxayo yaan la baqin afka ahna kuma gam’I karaan. Madaxda qaarkood warmurtiyeedka siday u calalinaayeen ayay biyo ku liqeen qaarna sidiisa ayay u liqeen ayakoon calalin. Waxaan ka warsugaynaa Shirka 15ka Ugaasto sida lugu heshiiyay xalayna la aqriyay, baaqasho iyo dib-u-dhac labada waa la filankaraa waxaa laga yaabaa in laysku mari waayo arrimaha qaar. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in maamulaa qaar oo ay ka xayirnaayeen deeqo caalamiya loo fasaxo sida arrintaas loo hirgeliyo ayayna ku xiran tahay sida shirkaas layskugu yimaado, sidoo kale sida layskugu fahmo qodobadii doorashada iyo gobolka Benaadir aan ayaduna ka marnayn samaynta shirka. Cabdifataax Cali Cabdalla – Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/Cabdew AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
