-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa loo gudbiyey mooshin xasaasi ah oo ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir. Mooshinka loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa lagu dalbaday in kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir la gaarsiiyo illaa 13 Senator. Mooshinkaan ayaa waxaa saxiixay illa 130 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddoomay Gudoomiye Mursal. Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa ku doodayo inay lagama maarmaan tahay in Gobolka Banaadir uu helo saami la mid ah kuwa maamul Goboleedyada maadaama Muqdisho tahay Caasimaddii dalka. Dhawaan ayaa la filayaa in baarlamanka uu cod u qaado mooshinkaan, waxaana jiro olole xooggan oo iska soo horjeedo oo ku saabsan mooshinkaan, waxaana la saadaalinayaa in la ansixin doono maadaama xildhibaanada mooshinka gudbiyey ay wadaan dadaal xooggan. Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay matalaad ku yeelan doona Aqalka Sare ee baarlamanka, sida ay go’aamiyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Guddigan, oo ka kooban 14 xubnood ayaa go’aamiyey in Gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 7 xubnood, waxaana ka hor imaaday siyaasiyiinta kasoo jeedo Gobolka Banaadir taasoo keentay in mooshinkaan Maanta la gudbiyo.
-
Muqdisho (Caasamadda Online) – Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan. Warqadda shaqada looga joojiyey agaaasimihii guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Shalay kasoo baxday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Wasaaradda. Wasiirka ayaa Agaasimihii guud ee shaqada laga joojiyey ku eedeeyey takri fal awoodeed, wax isdaba marin iyo xagal daacin la xiriirta arrimaha dib u habeynta ciidamada, inkasta oo wax caddeyn ah aanu soo bandhigin. Jihaan Cabdullaahi ayaa la sheegaa inay tahay gabar shaqo wanaagsan oo isbeddel weyn oo wanaagsan ku sameysay howlaha wasaaradda muddadii ay xilka haysan, waxaana shaqo joojinta ay noqotay mid lama filaan ah. Horey waxaa u jiray khilaaf ka dhex-oogan Jihaan iyo xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda in shaqo joojintan ay arrintaas ku lug leedahay iyo in kale.
-
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare e Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka horyimid xeerar dhowaan ay meelmariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka isaga oo Sharci darro Ku Tilmaamay Sharciyada Horyaalla Golaha. Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aysan sax aheyn xeerar badan oo haatan hor yaalla xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka kuwaas oo qaar ka mid ah ay weli ka doodayaan Xeerarkaan oo ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee dhameystirka sharciga Doorashooyinka ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay Guddigu keeneen, sidaa darteedna aysan waxba ka jirin xeerarkaan. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka. Halkaan ka akhriso Qoraalka Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka horyimid Xeer ay meel-mariyeen Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Degaanka Soomaalida. Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Daraawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa meel dhexe soo gaaray tartankii kubbadda cagta ee lagu xusayay xidigihii hore Gobolka Baay,LLP Jeenyo iyo Xulka Qaranka Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ciyaaryahan mudooyinkii la soo dhaafay ay la kulmiyeen laacibiintii hore Soomaaliya Sheekh Maxamuud Caddow oo ka mid ah qaban qaabiyaasha tartanka ayaa Goobjoog u sheegay in aad loogu helay tartankan dhawaan ay bilaawi doonaan ciyaaro lagu oo xusayo halyayadii soo maray Soomaaliya. Xasan Xaaji iyo Daa’uud Axamed Dheere oo aqoon wanaagaan u lahaa mudo badan ay kuwada noolaayeen wadanka Canada laacib Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) ayaa u mahad celiyay qaban qaabiyaasha tartanka,iyagoo sheegay in ay qabteen shaqo wanaagsan oo loo baahnaa. Aadam Maxamed Ibaarhim oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ayaa isna sheegay in tartankan lagu xusayo laacib Maxamed Aadam Uurey xiisihiisa laga dareemay guud ahaan Sooomaaliya iyo qurbaha,taasina ay qeyb ka tahay horomarka iyo dhallinyarada la xusuusiyo taariikhdii hore. Si kastaba kooxda tartankan ku guulaysta ayaa helidoonta abaal marino qaali ah iyo koobkii loogu tala-galay,iyadoo guddiga baabulka ciyaarahan ay sheegeyn in ay xusidoonaan shaqsiyaadkii caanka ahaa ee ka baxay guud ahaan isboortiga Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Kulan Ciyaareed Ka Mid Ah Tartanka Lagu Xusay Laacib Uurey Source: goobjoog.com
-
Soomaaliya & Jabuuti oo diiday Qaraar Masar Walwaaleysay oo ka dhan ah Itoobiya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xiligan xiriir dhaw la leh dowlada Itoobiya ayaa diiday in ay ansxiyaan qaraar lagu taageerayay Dowlada Masar oo kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira. Jaamacada Carabta Qaraarka kasoo baxay ayaa ku baaqay in dowlada Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee ka sameysay Webiga Nile, inta ay kala heshiineyso dowladaha Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda biyo xireenkan. Qaraarkan waxaa Jaamacada Carabta u gudbisay dowlada Masar, waxaana ansxiyay dhamaan Wasiirada arimaha dibadad wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamacada Carabta marka laga reebo Wasiirada Soomaaliya iyo Jabuuti. Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise ma sheegin sababta ay Soomaaliya u diiday in ay taageerto qaraarkan, waxa uuna Wasiirka horey u sheegay in dowlada mowqif dhax dhaxaadnimo ah ka qaadatay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya Wasiir Cawad oo qaab muuqaal online ah hadal uga jeediyay kulanka Jaamacada Carabta, ayaa ugu baaqay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya. Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa ku guul dareestay in ay heshiisa ka gaaraan xiisada ka dhalatay biyo xireenka itoobiya ku sameeneyso Wabiga Niil, waxaana lagu kala kacay shirar dhoor ah oo sadaxda wadan isugu yimaadeen. Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto dalka Sudan, xitaa hadii aan heshiis laga gaarin khilaafka jira. Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaca ka qaaday in nuqulka afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka ee la horgeeyey golaha shacabka uusan ahayn kii lagu heshiiyey ee loo soo gudbiyey guddoonka labada Aqal. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in nuqulo been abuur ah oo ku saabsan xeerarka uu soo diyaariyey guddiga loo qebiyey xildhibaanada golaha shacabka. “Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka,” ayuu yiri Cabdi Xaashi. Cabdi Xaashi ayaa sheegaty in nuqulkii rasmiga ahaa lagu sameeyay ku-takrifal sharci-darro ah, oo aad u baaxad weyn, wuxuuna ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan. “Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka aqalka sare uu ka digayo cawaaqib xumo ka dhalan karo arrintan, isaga oo dalbadan in si deg deg ah loo joojiyo ka doodista xeerkan. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday guddoonka golaha shacabka inuu si deg-deg ah ugu laabto nuquladii saxda ah ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee labada aqal. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi. Si aad u aragto nuqulka saxda ah ee Cabdi Xaashi soo bandhigay, Halkan dhag sii.
-
Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay deeq lacageed oo dhan 55 Milyan oo dollar oo wax looga qaban la talaacidda Covid-19, laguna taageeri doono siyaasadaha dhiirrigelinta ganacsiga gaarka ah isla markaana miisaaniyadda lagu kabayo. Lacagtan ayaa kamid ah deeqaha caalmka bankiga uu siiyo, si wax looga taageero dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha dib u habeynta si loo sameeyo siyaasasado lagu dhiirigelinayo ganacsiga gaarka ah. Lacagta uu Bangiga uu ansixiyey ayaa loogu talo galay in wax looga qabto xaalada caafimaadka ee ku aaddan xanuunka COVID-19, oo Soomaaliya ay kamid tahay goobaha uu saameeyey ku yeeshay wadamada Afrika. Halkan Ka Daawo Bankiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay 55 Milyan Oo Dolar https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-maaliyadda.mp4 Goobjoog Business Source: goobjoog.com
-
In recent months negotiations have stalled and there has been an escalation of tensions on the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) that impacts, Ethiopia, Egypt, and Sudan. The Congressional Black Caucus (CBC) encourages the continued cooperation and peaceful negotiations of all stakeholders in the construction of the GERD. These negotiations should be based on mutual benefit, good faith, and the principles of international law. The multi-billion-dollar GERD project was announced in 2011, and will have a positive impact in the region by providing Africa’s biggest hydropower dam that will generate approximately 6,000 megawatts of electricity, thus allowing Ethiopia to export power to neighboring countries. The Congressional Black Caucus urges the United States and all other international actors to respect the 2015 Declaration of Principles trilateral agreement signed between Egypt, Sudan, and Ethiopia, and to continue to play an impartial role, only seeking the counsel of the African Union and diplomats on the ground in the region. In particular, the African Union has a pivotal role to play by expressing to all parties that a peaceful negotiated deal benefits all and not just some on the continent. The GERD project directly affects the flow of water, the supply of energy, and the food security of Egypt, Ethiopia, and Sudan. Recently, the region’s agriculture sector has suffered due to abnormal precipitation droughts. With Egypt’s rapidly growing population nearing 100 million, the GERD will help improve water supply and take pressure off the Nile river, which supplies an overwhelming majority of the country’s fresh water. In Ethiopia, the country is currently facing a drought that is expected to directly impact nearly 20 percent of its population combined with a locust outbreak that has eaten more than 80,000 acres of crops in recent months. In Sudan, the GERD dam will contribute to the country’s water regulation and sediment reduction, and expand agricultural projects, increase hydropower production, and provide flood control. The GERD project will have a positive impact on all countries involved and will help combat food security and lack of electricity and power, supply more fresh water to more people, and stabilize and grow the economies in the region. The Congressional Black Caucus supports a peaceful negotiation to the implementation of the GERD project, and stands ready to support the African Union and all stakeholders on peacefully achieving a mutually beneficial agreement. Source: Congressional Black Caucus The post Congressional Black Caucus Statement on the Ethiopian Renaissance Dam appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga Aduunka oo Ansixiyey in 55 malyuun oo dollar la siiyo Somalia Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in dowlada Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 55 milyan Dollar oo Caawimaad , lacagtan ayaana loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaystay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay. Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay sarreeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Badda. Halkan Ka Aqriso Taliyaasha Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo oo Bedelay Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka, Halka La Magacaabay Taliye Cusub Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Taliyaasha La Magacaabgay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sava.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Dalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar oo xubno ka ururka Jaamacada Carabta ayaa ganafka ku dhuftay qorshe ay dawladda Masar ku dalbanaysay in lagu taageero kiiska Biyaha Wabiga niilka ee ka dhanka ah Biyo Xidheenka Abay oo ay Dawladda Ethiopia qorshihiisa wado. Kulan ay isugu yimaadeen wadamada xubnaha ka ah ururka jaamacada Carabta oo qabsoomay shalay ayay hadhaysay xiisada ka jirta dalka Libya iyo muranka u dhaxeeya Wadamada Ethiopia iyo Masar. Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dalka Qadar, oo ah waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacada Carabtu, waxay diideen inay u hogaansamaan go’aanka Jaamacadda Carabta ee taageeraya Masar kiisaska biyaha wabiga Niilka. Dhanka kale, Safiir Ku-xigeenka Koofurta Suudaan ee Itoobiya, David Ding ayaa walaac ka muujiyay cabashadii labaad ee Masar oo ay u gudbiyeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo dalbaday in faragelin lagu sameeyo arrimaha GERD. Source
-
Sida ku cad Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr.77/2018), Waxbarashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaaddin kastaa leeyahay. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muwaaddinka siinaysaa waxbarasho ujeeddadeedu tahay in la dhiso “bulsho” ama “ummad” kuna salaysan dhaqanka Diinta Islaamka, aqoon ahaan, anshax ahaan, akhlaaq ahaan iyo cidhibtirka jahliga. Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyada oo ilaalinaysa xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta si waafaqasan shuruucda dhaqangalka ah ee dalka, waxa reebban in carruurta lagula kaco xadgub ama tacaddi jidheed, jinsi, maskaxeed ama niyad ahaaneed ba. Sidaa awgeed, tacaddi kasta oo ka dhan ah ardayda wax loo mari doonaa dariiqa sharciga ah, iyada oo ay reebban tahay in lagu xalliyo habdhaqan kasta oo luminaya daahfurnaanta hab caddaaladeedka dhibbanaha. Sidoo kale, masuul kasta oo qayb ka ah xadgudubka ama tacaddiga ardayga ku dhaca ama sameeya dayac maamul ama qariya xog tacaddi ama ku kaca is hortaag caddaaladeed, waxa lala tiigsan doonaa sharciga. Masuuliyadda ilaalinta iyo bedqabka ardaygu waxa ay saaran tahay maamulka iyo macallimiinta goobaha waxbarasho. Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay faraysaa dhammaan goobaha waxbarasho ee dalka in ay muhiimad gaar ah siiyaan ka warhaynta iyo bedqabka ardayda inta ay ku jiraan goobaha waxbarasho iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, waxa la farayaa maamulka goobaha waxbarasho in ay qiimeeyaan xaaladda ardayga marka uu goobta waxbarasho yimaaddo, arday kasta oo tacaddi la kulmayna ay warbixintiisa u gudbiyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adaha awoodda sharci u leh si ardaygu u helo adeeg sharci iyo mid caafimaad, iyada oo la ilaalinayo xogta gaarka ah ee wax u dhimaysa sumcadda dhibbanaha. Ugu danbayn, xogaha la xidhiidha waxbarashada iyo bedqabka ardayda, waxa saacadaha shaqada lala soo wadaagi karaa Xarunta Wicitaanka ee WW&S oo ah: 9666. Ilaahay baa mahad leh. Ahmed Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta maamulkaasi. oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaallo magaalad Addis Ababa ee dalka Itoobiya Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yi ” Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida . Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waraaq kasoo Baxdey Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo gaartay Puntlandi.com ayaa Aqalka Sare ku cadeeyey in Waraaqihii loo qaybiyey Baarlamaanka hoose aysan ahayn Kuwii ay [...] The post Breaking News— Aqalka Sare oo shaaciyey in Hanaankii Doorashada ee Labada Aqal Saxiixeen Mid aan ahayn loo Qaybiyey Baarlamaanka appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sharci darro ku tilmaamay sharciyo ay ansixiyeen golaha shacabka ama dood ka wadaan. Shuruucdan oo loo saaray guddi ka wada tirsanaa labada aqal ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay guddigu keeneen, sidaa darteedna waxa socda aaney sharci aheyn. Halkan Ka Aqriso Warka Ka Soo Baxay Golaha Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabweynaha reer Somaliland, ayaa si weyn uga dareen celiyay heshiiskii ka soo baxay dalka Jabouti 22/ 06/ 2020ka ee ku saabsanaa qodobadii ay isla gaadheen Somaliland iyo Soomaaliya. Rayalcaamka shacabka oo ku kala aragti duwanaa, ayaa qaar ka mid ahi u arkayeen in aanay shido ku jirin haddii la aqbalo in inta ka hadhsan siyaasiyiinta xilalka haysa ama iyagoon xilal hayn u ololeeya isku darka labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya. Kuwa aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in Somaliland aanay ahayn quraarad jabaysa oo ay wax yeeli karto dad shacab ah oo ka soo danaysta Muqdisho ama fanaaniin reer Somaliland ah oo bandhigfaneedyo ku soo qabsada dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, sida ay ugu soo qabsadaan dalka Jabouti, xitaa haddii ay maalmaha qaranka Soomaaliya la xidhaan calankooda, sida ay ula xidhaan xafladaha reer Jabouti ama ay kooxaha fanaaniinta ah ee reer Soomaaliya inoola weyneeyaan maalmaha qaranka Somaliland sida 18 May. Aragtida noocan ah kuwa qaba ayaa ku doodaaya in qadiyada Somaliland ay tayay n laga soo dhiraandhiriyo dalka aynu kala baxayno ee 30ka sano aynu dawlada qudha wada ahayn. Fikirka dadkaasi waxa si weyn uga soo horjeeda qaar kale oo aaminsan in qodobada laga soo daba-saaray wefdigeena inuu ahaa dabin loo maleegaayo shacabka reer Somaliland oo lagu niyad jebinaayo si ay hoos ugu dhacdo iimaankii ay ku qabeen in ay noqdaan qaran madaxbanaan oo ay 30kaa sanadood wax walba u hureen. Dhabahaantii waxa faaqidayaasha arrintan ka faaloonayay 2dan cisho ay aaminsan yihiin in fanaaniinta iyo kooxaha ciyaaraha oo is weydaartaa ay qayb ka tahay barnaamijkii Villa Soomaaliya ee ahaa “is dhexgalka bulshada”, ee ay indhawyd xukuumaddeenu inooga degi jirtay, kaasi oo dhalinyaro badani xabsi ku galeen, qaar Somaliland u dhashayna loogu masaafuriyay Soomaaliya. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaynu u deyn doonaa jawaabta arrintan bulshada iyo wakhtiga. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka ee guddida doorashooyinka u matalayay xisbiyada mucaaridka ayaa soo gaadhay xarunta golaha wakiiladda. Waxaa ay shir albaabadu u cidhan yihiin oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay kula jiraan, guddida arrimaha gudaha nabadgeliyada iyo difaaca ee golaha wakiiladda Somaliland. Kulan xogwateysiga ah ayaa ah kii labaad ee ay guddidani la qaataan. Xubnahan ayaa la filayaa in la ansixiyo maalinta Sabtida, ee todobaadka inagu soo foolka leh. Source
-
Waxa mar keliya habeen hore saqdii dhexe lagu baraarugay war-murtiyeed ay dawladda Djibouti ka soo saartay shirkii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan qodobo aanay Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti oo shirka martigelisay midkoodna hore u sheegin in la isku afgartay. Warka ayaa lagu baahiyay bogga madaxtooyada Somaliland. Qodobada war-murtiyeedkan oo u muuqda inay dhinaca Soomaaliya dan u yihiin ayaa waxa ka mid ah isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo arrimaha siyaasadda, waxaana dhinacyada la ogolaaday ka mid ah dhaqanka, aqoonyahanada, ciyaaraha iyo ganacsiga. Qodob kale oo xaasaasi ah ayaa isna ku jira oo ah in laba guddi oo ka kala socda labada dhinac ay isla eegi doonaan sidii si wada jir ah loogu maamuli lahaa hawada Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay inuu qodobada maamulka hawadu yahay khalad madbici ah oo ay dawladda Djibouti sixi doonto. Waxase wax lala yaabo ah in bogga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo midka madaxtooyadaba, lagu baahiyay qoraalka ay dawladda Djibouti soo saartay ee uu wasiir Faratoon ku tilmaamay khalad madbici ah. Shalay barqadii oo uu Wasiirku hadlay, ilaa xalay cawayskii dambe ma jiro wax sixitaan ah oo ay dawladda Djibouti ku soo samaysay khaladka madbici ee uu wasiir Faratoon ku dooday. Hadalka Wasiir Faratoon maaha mid u cuntamay oo ay dhagaysanayaan shacabka reer Somaliland intooda badani, sababtoo ah arrimahan uu wasiirku sharaxayaa maaha arrimo siyaasadeed ee waa arrimo masiiri ah, shacabkuna waxa ay masiirkooda u doorteen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Mudane Madaxweyne, waxa ugu horayn lagaaga baahanyahay inaad shacabkaaga u sharaxdo sababta loo qariyay war-murtiyeedkan saqda dhexe la soo saaray, waxa Madaxweyne lagaaga baahanyahay inaad umada u sharaxdo sababta keentay in hawada Somaliland oo keliya la wada maamulo oo dabadeed noqon karta in dheefta ka soo baxdana la wadaago. Mudane Madaxweyne, maxaad ku bedelatay ee ay Somaliland weydaarsatay isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada dhaqanka, aqoonyahanka iyo ciyaaraha.? Maxaa Somaliland faa’iido ugu jira.? Weliba waxa arrimahan lagu beegay xili uu Soomaaliya ka socdo abaabul doorasho oo la doonayo in metelaad looga sameeyo Somaliland. Waa xaajo cusub oo aan hore loogu sheegin dadka reer Somaliland. Madaxweyne, wada hadalku waa daruuri, waana muhiim inay Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan, laakiin waxa muhiim ah in dib loo xasuusto mawqifkii adkaa ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qaatay wada hadalada Somaliland, maxaa sababay iyadoo ay dhawr bilood u hadheen in wada hadalku furmo? Mudane Madaxweyne, maalintii aad ka soo laabatay Djibouti waad aragtay dareenkii ay shacabkaagu kugu soo dhaweeyeen. Abaalgudkoodu waa inaad u waranto. Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne, shacabkaagu kaama sugayaan inaad wasiirkaaga khaarajiga u soo dirto oo uu isku dayo inuu dadka qanciyo, waxase ay sugayaan inaad adigu la hadasho oo aad mawqifkaaga cadayso. Maanta oo kale maaha Madaxweyne maalintii aad aamusi lahayd. Geeska Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay ka baxday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay muddo 8 sannadood ku siman gadhwadeenka ka ahayd. Ma jiro war rasmi ahi oo ay dawladda Turkigu ku cadaysay inay faraha kala baxday arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin bidhaamo muuqda oo ka soo baxay dawladda Turkiga ayaa muujinaya isbedelka cusub ee dalka Turkiga. Ugu horayn ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya danjire Olgan Bekar ayaa bartiisa twitterka ka masaxay shaqadiisii ahayd ergayga Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore si cad ugu qoray, sida aad sawirka ka aragtaan. Geesta kale danjire Olgan oo ay wehelisay agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Turkiga u qaabilan Afrika Nur Sagman ayaa 16 iyo 17 June waxay kulamo kala duwan la yeesheen safiirada Soomaaliya iyo Djibouti ee dalka Turkiga, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo arrimo gobalka khuseeya oo aanay faahfaahin. “Waxaanu ka wada hadalnay dalalkayaga iyo arrimo khuseeya gobalka.” Ayay ku tidhi qoraal ay Sagman soo gelisay barteeda twitterka oo ay kaga hadlaysay kulanka ay iyada iyo danjire Bekar la yeesheen safiirka Djibouti Aadan Cabdillaahi. Sidoo kale kulanka ay la yeelatay safiirka Soomaaliya Jaamac Caydiid, ayaa waxay sheegtay inay ka wada hadleen arrimaha dalalkooda, iskaashiga ka dhaxeeya iyo arrimo khuseeya gobalka. Danjire Bekar ayaa isna qoraalo la nuxur ah kuwan Sagman, wuxuu ku baahiyay bartiisa twitterka, waxaana isaga u wehelisa inuu twitterkiisa ka masaxay shaqadii uu Turkiga u qaabilsanaa ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Geesta kale Qunsuliyada uu Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay Somaliland soo gaadhsiisay dareenka taban ee ay ka qaadatay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Djibouti. Isbedeladan muuqda ee Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo tirinayaa wada hadalka uu Maraykanku kala wareegay ee ay dhawaan martigelisay dawladda Djibouti. Labada dal ee Maraykanka iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeya xifiltan siyaasadeed oo qoto dheer. Turkiga ayaa danjire Bekar magacaabay bishii December ee sannadkii 2018, waxaanu socdaalo kala duwan ku yimid Hargeysa iyo Muqdisho. Danjire Olgan Bekar oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo mawqifka Turkiga ee wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ugu qabsoomay Djibouti iyo isbedelka uu ku sameeyay xilka shaqadiisii ergaygnimo ee wada hadaladan ayaanay noo suurtogelin ka dib markiii uu ka soo jawaabi waayay farriimo aanu u dirnay. Hase yeeshee wada hadalkii Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay saqiireen oo uu kala wareegay dalka Maraykanka oo Djiboutina ugu gacan geliyay inay martigeliso. Source