-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka amniga Soomaaliya xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo ka mid ahaa xildhibaanadii buuqa ka sameeyey kulanka Golaha Shacabka ayaa ka soo horjeestay go’aankii aya kalsoonida loogala noqday xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre. Ducaale oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka kulanka kadib ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacanka ay shirqooleen xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa tilmaamay in ajandaha maanta la soo ogeysiiyey uu ahaa ka doodista arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka “Wuxuu alle qadaray wax aan sharci ka aheyn adduunyada inuu halkaan ka sameeyo, waxaana cadeynaya iyadoo aan hal qof ka doodin, xukuumadii mooshin laga keenin, wax cadeynna lagu helin in la yiraahdo xukuumadii wey dhacday” ayuu yiri wasiir Islow. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu maanta guddoomiye Mursal shaaciyey in xukuumadda ay kalsoonidii kala noqdeen illaa 170 mudane oo ka tirsan Golahaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-250720.mp3 View the full article
-
(SLT-Muqdisho)- Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay kalsoonidii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddoomiye Mursal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in kulankii Maanta ee Xildhibaanada kalsoonidii loogala noqday Xukuumadii Ra’iisul Wasaaare Kheyre, isla markaana natiijada kasoo baxday Codeynta uu ku dhawaaqay. Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa uu ku eedeeyay inay fashilmeen sugida amniga Magaalada Muqdisho iyo in dalka Soomaaliya ay gaadhsiiyaan inay ka dhacdo Doortasho qof iyo cod ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa uu shaaciyay in 178 Xildhibaan ay Cod gacaan taag ah u qadeen in kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda, 170 ayuu sheegay inay ogolaatay, halka ay diideen 8 Xildhibaan. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu si deg deg ah u furay inuu kusoo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Xukuumadiisa. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan kalsoonimadii Maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kala noqdeen. Source
-
Guddoomiyaha golaha sacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre , ay ku guul dareysatay dhowr qodob oo horay ay u balan qaaday markii la soo dhisay, taasna ay sabab u tahay in maanta lagala noqday kalsoonida sida uu sheegay guddoomiyaha. Halkaan Ka Akhriso qodobada Hannan cad Qof iyo cod ku saleysan 2020 Dhameystirka Federaalka iyo go’aanka caasimadda kahor doorashada Afti u qaadista iyo meel marin dastuurka iyada oo lala tashanayo maamu goboleedyada Diyaarinta ciidamo suga amniga doorashada Hirgelinta nidaamka axsaabta siyaasadeed oo doorasho gala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Lammaane da’ ah oo si lama filaan ah caan u noqday Lammaanaha isqaba ee si lama filaan ah caanka ku noqday Hsu Hsiu oo 84 jir ah waxay sheegtay iney marnaba ku fikirin iyada oo ah da’da duqnimada ku jirta in sawirkeeda sidan loo xiiseyn doono. Sida laba qof oo dhalinyara ah Hsu Hsiu iyada oo dhoolla caddeyneyso oo siyaaba kala duwan ayey sawrirra cajiib ah gashaa. Waxayna lammaanuhu caan ku yihiin sawirro ku habboon xayasiiska goobaha dharka lagu maydho iyaga oo labbiskooduna yahay mid iska caadi ah. Muddo 70 sana ah Maama Hsu Hsiu iyo Seygeeda Baaba Wan Ji waxay dhar ku meyri jireen doobbi ku yaalla magaalada Taiching. Iyaga ayaana iskaleh doobbigaasi ay dharka ku maydhaan. Dad badan ayaa dharka ay u keeneen si looga meyro uga tagay doobbigooda. Haddaba wiil ay lammaanahaasi dhaleen oo lagu magacaabo Rif Chang wuxuu u soo jeediyey dharka ay dadku kaga tageen dobbiga iney sawirro ku galaan kaddibna ay Instagram dadka kula wadaagaan. “Arrintaasi suurtagal ma aha ayey ku jawaabeen lammaanaha da’da ee doobbiilaha ah. Ma annaga oo da’da duqnimada ku jirno ayaan sida dhalinyaradi u dhaqannaa” ayey ugu jawaabeen. Wiilki yaraa ayaa fikirkiisa ku adkeeyey waaliddiintiisa ugu dambeyntina fikirki wey la qaateen. Haddaba lammaanaha sidaa ku billaabay iney sawirradooda bartooda Instagram bulshada kula wadaagaan waxaa hadda ku xiran 130,000 oo qof. Waxayna noqdeen xiddigo caan ka ah Instagram. Wiilkooda oo ka warramay fikirka ku dhashay “inuu ujeedkiisu ahayn waaliddintiisu Instagram iney sawiro soo dhigaan oo keli ah iney caan noqdaanna ma fileyn, balse waxaan ugu talagalay ayuu yiri iney waaliddiinteeyda ay ku caajis baxaan…” Ujeeddada kale uu wiilka yar lahaa ayaa waxay ahayd dadka dharka ku illaaway doobbiga iney dharkooda arkaan kaddibna ay soo doontaan. Haddaba, labada lammaane ee da’da ah marki ay si aad ah ugu soo caan baxeen Instagram, majallaadka waaweyn ee faashiinka kuwooda ugu caansan waxay billaabeen iney sawirro ka qaataan bogaggooda horana ay ku soo daabacaan. Oday Wan Ji wuxuu sheegay marka aan surwaal gaab xirta oo dharka noocaasi aan ku labbisto inaan iisu arko inaan ahay dhalinyar ay da’diisu 30 jir tahay. Wan Ji wuxuu dhar meyridda uu billaabay isaga oo 14 jir ah. Wuxuuna sheegay waagi hore iney dadku dharkooda doobbi ku illaawi jirin balse hadda maadaamaa uu dharku raqiis noqday ay ugu wacan tahay in dharka la illaawo ayuu yiri. “Waan xusuustaa…anigu markaan xaaskeyga guursanayey si aan suud aan ku aroos galo u iibsado waxaan iibiyey gaari dameer buuxa oo bariis ah. Dharka markaa ayuu qiima lahaa” ayuu yiri. Wan Ji wuxuu sheegay dadku sababta ay dharkooda doobbiga ugu illoobayaan ay tahay iney dadku taajir yihiin oo ay dharka ka maarmaan ama iney dadki dharkaasi lahaa dhinteen. Labadan lammaane oo ay da’doodu aadka u weyn tahay oo gabbal dhac ku dhow waxay sheegeen iney sii wadayaan inta ay ka geeriyoonayaan iney sii wadayaan iney sawirro qurux badan ay taageerayaashooda Instagran la wadaagaan. Qaran News
-
The speaker of Somali parliament Mohamed Mursal says 170 MPs have voted in favour of no-confidence vote against the country’s PM Hassan Ali Khaire during Saturday’s sitting. Mursal added 8 lawmakers have rejected. He called on President Mohamed Abdullahi Farmajo to appoint a new PM who can lead the country to universal suffrage in 2020-21. Meanwhile, Security minister Mohamed Abukar Islow said the no-confidence motion is linked to the PM’s stance that elections take place on schedule. He has accused the Speaker of plotting a 2-year term extension for the president and parliament as their tenure expires this year. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii ay golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha shacabka marka uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in guddoonka golaha ay shirqooleen xildhibaanada maadaama ajandaha lasoo ogeysiiyay uu ahaa ka doodista arrimaha doorashooyinka. Islow wuxuu sidoo kale sheegay iney xalayto heleen in guddoonka golaha shacabka ay ku mashquulsan yahiin sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda, taasna ay aheyd midda ay u taagnaayeen iney ka doodaan. “Wuxuu alle qadaray wax aan sharci ka aheyn adduunyada inuu halkaan ka sameeyo, waxaana cadeynaya iyadoo aan hal qof ka doodin, xukuumadii mooshin laga keenin, wax cadeynna lagu helin in la yiraahdo xukuumadii wey dhacday” ayuu yiri wasiir Islow. “Waxaa u fiicneed gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iney guriga iska fariistaan oo ay yiraahdaan xukuumadii wey dhacday” ayuu mar kale yiri Wasiirka amniga qaranka. Si kastaba Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 170 xildhibaan ay u codeeyeen kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre halka ay 8 xildhibaan ka aamuseen.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo goordhow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay iney dhacday xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre isaga oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka dalbaday inuu si dhaqso leh kusoo magacaabo ra’isul wasaare cusub. Mursal ayaa intaa ku daray in codeyn golaha ka dhacday ay 170 Xildhibaan codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada Xasan Cali Khayre. Arrintan ayaa timid sida uu guddoomiye Mursal sheegayo kadib markii Kheyre iyo xukuumadiisa ay ku guuldareysteen arrimihii ay balanqaadeen oo ay ku jirto doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in haatan Kalsoonida kala laabteen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre. Kulanka oo ku bilowday buuq iyo sawaxan ayaa Guddoonka Golaha Shacabku kaga dhawaaqay in Kalsoonidii lagala laabtay Xukuumadda kadib markii ay mooshin ka keeneen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka. Guddoonka ayaa sheegay in 170 mudane ay Kalsoonida kala laabteen Xukuumadda balse waxa go’aankaasi Sharci-darro ku tilmaamay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda sidoo kalena ku jira xildhibaannada Golaha Shacabka. Xarunta Golaha waxaa hadda ka aloosan buuq iyo jaah wareer kadib markii halkaas looga dhawaaqay in Xildhibaanada Baarlamanka ay Kalsoonidii ka qaadeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo la sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Xukuumadda Khayre appeared first on Puntland Post.
-
Inkastoo kulanka Baarlamaanka ee maanta uu Buuq hareeyey hadana waxaa la sheegey in codka kalsoonida loo qaadey Xukuumada isla markaasna Kalsoonidii lagala laabtay Xukuumada Raysal [...] The post Breaking News— Baarlamasnka Soomaaliya oo sheegay iney Kalsoonidii kala laabteen Xukuumada RW Kheyre appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyey inay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Mursal ayaa sheegay inay cod-galiyeen kalsoonida kala noqoshada xukuumadda, islamarkaana ay ogolaatay 170 Mudane, sidoo kalena ay diiday sideed xildhibaan Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey xukuumadda inay ka gaabisay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka Dastuurka. View the full article
-
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa Buuq iyo sawaxan isu badalay kasoo dhaliyey in kulankii uu hakad galo. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir [...] The post Buuq ka taagan kulankii Baarlamaanka Federaalka ee masnta appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamustay, kadib codeyn la galiyey. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlaha laga sugayo xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka Sida ay horey u baahisay Caasimada Online waxaa mooshinkan sida deg-dega ah loogu riday xukuumadda gadaal ka riixayey guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada. Si kastaba ha’ahaatee lama oga sida ay sharci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshada deg-dega ah ee lagu sameeyey ra’iisul wasaaraha, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.
-
Kadib maalmihii adkaa ee Shirkii Dhuusamareeb Labadaan Madaxweyne waxay saaka u nasasho tageen Deegaanka Cadaado. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug waxay booqasho [...] The post Kadib maalmo Adag Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Qoorqoor oo u Madasho tagay Cadaado appeared first on . Source
-
Ciyaartooyda iyo macallimiinta ka dhisan Maamulka Hirshabeele ay cabasho ka ah garoomo la’aan haysata,iyagoo sheegay in Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dhamaan garoomada ciyaaraha Maamulkaas. Qaar ka mid ah ciyaaryahanadii hore,dhallinyarada iyo macallimiinta Hirshabeele ayaa nasiib xumo ku tilmaamay garoomo xumida Hirshabeele,waxayna maxda Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ugu baaqeyn in wax laga qabato cabashadooda iyo baahida garoomo la’aanta. Xiriika Kubbadda Cagta Degmada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in wasaarada Ciyaaraha Dowladda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada garoomada kubbadda cagta guud ahaan maamulka Hirshabeele. Sidoo kale dhallinyarada ayaa Raysal Wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dalbaday in uu wax ka qabato cabashooda,maadam uu horay lacago ugu deeqay dhib u dhiska garoomada kubbadda cagta Maamulada Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Puntland. Si kastaba baahida garoomo la’aanta Hirshbeele ayaa soo jirtay in mud ah,balse dhallinyarada waxa ay jawaab ka sugayaan ganacastada,siyaasiinta iyo dadka ka soo jeeda maamulkooda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Gaoomo La’aanta Hirshabeele https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/Whats-upp-hr.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo qaybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Dawadaan oo isugu jira noocyo kala duwan ayaa ah qaybtii Labaad ee ay Midowga Afrika gaarsiiyaan Baladweyne Bishan gudaheeda, waxaana loogu tala galay in loo qeybiyo xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka guddoomay deeqda ay midowga Afrika soo gaarsiisay Isbitaalka guud ee Baladweyne, wuxuuna ugu mahad celiyay caawinaadda ay lasoo gaareen Shacabka tabaalaysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa wada olole xooggan oo la doonayo in maanta lagu rido xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyre, sida ay warinayaa warbaahinta maxliga ah ee magaalada Muqdisho oo warkan ay ka soo xigtay shabakadda wararka Somalilandtoday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, waxaana la isku dayayaa in isla kulankaas lagu rido xukuumadda. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhammaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda in kooramka uu buuxsami doono iyo in kale. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo waajahayo. sida ay warinayaa warbaahinta maxliga ah ee magaalada Muqdisho oo warkan ay ka soo xigtay shabakadda wararka Somalilandtoday ayaa sheegaya inuu jiro guux ku saabsan mooshin ka dhan ah raysal Wasaare Kheyre oo la doonayo in maanta la hor geeno kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka. Mooshinkaan ayaa la sheegayaa inay dabada ka riixayaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in kulankaan xilka lagaga qaado Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa, hase yeeshee waxaan weli caddeyn tirada xildhibaanada taageersan mooshinka. Waxaa sidoo kale isku daygan wax ka og madaxtooyada Soomaaliya, xilli uu kasii daray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Guddoonka golaha shacabka, gaar ahaan Mursal iyo Muudey, ayaa la sheegay in ka go’an tahay inay xaqiijiyaan muddo korodhsi, kaasi oo sidoo kale uu taageerayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hadda ku qulqulayo Xarunta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Kheyre iyo Xukuumadiisa lagu eedeeyo inay sabab u yihiin inay doorashada ku dhici weyday waqtigeeda. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in goor dhow uu ka bilowday buuq xoogan oo hareeyey kulan xasaasi oo ay halkaasi ku leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Buuqa ayaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen xildhibaanada wasiirada ah iyo xubna kale oo taageersan xukuumadda Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo xog-ogaal ah. Xubnaha fowdada bilaabay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh. Guddoomiyaha oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haatan wada dadaallo uu ku xakameynayo buuqa, si uu sii socda kulanka. Fadhiga maanta ee xildhibaanada ayaa waxaa looga doodayaa doorashada 2020/2021, sidoo kalena waxaa socda qorshe la rabo in lagu rido xukuumadda Xasan Cali Khayre. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in kulanka maanta si weyn loogu eedeyn doono xukuumadda inay sameysay xil gudasho la’aan la xiriirta doorashooyinka dalka iyo inay ku qaban weyday waqtigii loogu talo galay. Waxaa sidoo kale jiro guux ku saabsan in eedaas loo rogo mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre oo la doonayo in la hor geenayo Baarlamaanka. Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa bilowga qaybta guddiyada farsamo ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u ku soo dartay xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladdda Farmaajo. Xubnahan oo ay tiradoodu tahay afar xubnood ayaa caqabad ku noqon kara bilowga wejiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ah guddiyo farsamo, oo ay Djibouti qorshaysay inay toddobaadkan ka furmaan dalkeeda. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, afarta xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ee ay Muqdisho doonayso inay ka mid noqdaan guddiyada farsamo ee horfadhiisan doona ergada Somaliland ayaa kala ah Wasiirka qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Agaasimaha wasaaradda maaliyada Saleban Sheekh Cumar Agaasimaha wasaaradda gaashaandhiga Axmed Cabdi Kooshin Dadka la socda geedi socodka wada hadalada ayaa aaminsan in dawladda Soomaaliya doonayso inay xubnahani carqalad ku noqodaan furitaanka wejiga labaad ee shirkan oo dhawr goor dib u dhacay ka dib markii uu Madaxweyne Farmaajo codsaday in dib loogu dhigo shirka. Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay si adag uga hortimaado inay wada hadlaan xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo aaminsan mabda’a federaalka. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa wada olole xooggan oo la doonayo in maanta lagu rido xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, waxaana la isku dayayaa in isla kulankaas lagu rido xukuumadda. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda in kooramka uu buuxsami doono iyo in kale. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya inuu jiro guux ku saabsan mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre oo la doonayo in aanta la hor geenayo kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka. Mooshinkaan ayaa la sheegayaa inay gadaal ka riixayaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in kulankaan xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa, hase yeeshee waxaan weli caddeyn tirada xildhibaanada taageersan mooshinka. Waxaa sidoo kale isku daygan wax ka og madaxtooyada Soomaaliya, xilli uu kasii daray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Guddoonka golaha shacabka, gaar ahaan Mursal iyo Muudey, ayaa la sheegay in ka go’an tahay inay xaqiijiyaan muddo kororsi, kaasi oo sidoo kale uu taageerayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiayah baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin doorasho dadbaa. Mursal ayaa si toos ah ugu xiran ugana amar qaata madaxweynaha, oo ma lahan karti uu iskii go’aan ugu qaadan karo. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hadda ku qulqulayo Xarunta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Kheyre iyo Xukuumadiisa lagu eedeeyo inay sabab u yihiin inay doorashada ku dhici weysay waqtigeeda. Wixii kusoo kordhana kala soco Caasimada Online.
