-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya degmooyinka uu ku fatahayo Wabiga Shabeelle ee gobalka Shabeelada Hoose, ayada oo kumanaan qof ay ku barakaceen. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in biyo fureen laga sameeyay Wabiga Shabeelle dhowr meel oo ka mid ah, gaar ahaan degmooyinka Awdheegle iyo soodinta Jowhar iyo Wanlaweyn, gaar ahaan dhinaca Wanlaweyn. Dad xog ogaal ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan gobalka ay furayaan Wabiga si uu ugu fataho degmooyinka, islamarkaana ay macaash uga sameeyaan gargaarka gobalka ku wajahan. “Waxaan walaac ka qabnaa in xubno ka tirsan maamulka gobalka ay furayaan wabiga, si ay lacag uga sameeyaan gargaarka, waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Afgooye laga soo doorto kaas oo ka gaabsaday inaa adeegsano magaciisa. In ka badan 6 kun oo qoys ayaa ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye, hase yeeshee hadda waxa uu gaaray degmooyinka ku dhaw dhaw waxaana la sheegayaa in mas’uuliyiinta gobalka ka dambeeyaan. Caasimada Online oo la xiriirtay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka si ay arrintan wax uga weydiisay, uma suurta-galin inay hesho, qaarkii ay heshayna waa ay didieen inay jawaab bixiyaan. Inta badan maamulada dalka ka jira ayaa ka macaasha dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dalka ku dhufta iyo kuwa kalaba waxaana aad loo musuq-maasuqaa gargaarka danyarta loogu talagalay.
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay labada xubnood ee Guddiga Farsamada Doorashada ku matali doona Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Madaxweyne Waare wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Hirshabelle Cabdul Maxamed Faarax Makaraan. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna labada xubnood ee Maamulkiisa u matalaya Guddigaas u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni iyo Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulkaas Xamze Cabdi Barre. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay labada xubnood ee Puntland u matalaya Guddigaasi farsamo kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle. PUNTLAND POST The post Waare oo magacaabay labada xubnood ee Hirshabeelle ku matalaya Gudiga Farsamada Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
A Sh0.5 billion Kenyan plane crashed in Somalia after rogue donkeys triggered the mishap. Preliminary reports from Somali Civil Aviation Authority indicate the animals were grazing on shrubs close to the runway when the landing aircraft frightened them and caused them to dash towards the flight path. The plane took an unusual altitude and swerved off the runway before crashing into heaps of sand on the flight strip. Air crash investigators have travelled to Somalia to establish what transpired, causing the crash last week. After the Somalia crash, the pilot, captain Farah Ahmed, and first officer Shukri Farah, both Kenyans, were flown back to Nairobi. The captain, first officer and another passenger did not sustain any injuries during the incident. Blue Bird Aviation operates plane, 5Y-VVU, which the UN had contracted to deliver food and other supplies to Beledwyene in central Somalia.
-
Xabaalo Wadareed lagu aasay Askar la laayay oo la helay Dowlada Sudan ayaa shaacisay in dhawaan la helay xabaalo wadareed cusub oo lagu aasay ciidamo katirsanaa milatariga dalkaasi oo la laayay sanado badan kahor, kadib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay. War uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sudan ayaa lagu sheegay in la helay haraadiga meydadka 28-qof oo katirsanaa ciidamada milatariga dalkaasi oo la laayay sanadkii 1990-kii. xabaalo wadareedka la helay ayaa warbaahinta Sudan ku warameysaa in ay ahaayeen meydadka saraakiil iyo ciidamo katirsanaa milatariga Sudan oo lagu tuhmay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay oo xilka looga tuuri rabay Madaxweyne Cumar Al bashiir. Madaxweynaha dalka Sudan oo dhawaan xilka looga tuuray kacdoon shacab ayaa wajahaya dacwado dhoor ah ay kamid yihiin afgambigii uu xilka kula wareegay iyo dambiyo kale oo dhacay intii uu xilka hayay, waxaana dhawaan lagu riday xukun xabsi ah. Qaran News
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida qorshaysan Maanta oo Sabtiya dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Dalka ee 2020/2021. Doodda Golaha ayaa ku soo beegantay maalmo kadib Shirkii Magaalada Dhuusamareeb ku soo xirmay kaas oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay ku soo heshiiyeen in la qabto Doorasho wakhtigeeda ku dhacda islamarkaana lagu wada qanacsanyahay. Balse waxaa jirta in aan weli go’aan midaysan laga gaarin Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada waxaana Shirkii Dhuusamareeb lagu go’aamiyay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah kaas oo ka imaanaya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah si ay uga soo tala-bixiyaan Arrimaha Doorashada. Sidoo kale waxaa horay Golaha Sahacabku ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka oo muran badan ka dhex dhaliyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kaas oo dhigaya in Doorashada soo socota lagu galo Hannaanka qof iyo cod oo waafaqsan Hab-qaybsiga Beelaha ee 4.5 Doodda Golaha Shacabka ee Maanta ayaa si weyn isha loogu hayaa inkastoo aan la saadaalin Karin Go’aannada ka soo bixi kara xilli Mudanayaasha qaar ay aad uga soo horjeedaan Shirkii Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo Maanta dood adag ka yeelanaya Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa si cad u beeniyay warar ay faafiyeen dagaalyahanada Daacish ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland. Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Afrika iyo ciidamad ammaanka Puntland ayaa wada sameeyay hawlgal ka dhan ah dagaalyahanada Daacish kuwaas oo ku sugan deegaanka Timirshe oo qiyaastii 140 KM u jira magaalada Boosaaso. Taliska waxey biyo qabow ku shubeen wararka sheegaya in ciidamadooda ay waxyeello soo gaartay intii uu socday hawlgalka oo cirka iyo dhulkaba ay ka sameeyeen. “Been abuurka waa hubka kaliya oo ay isticmaalaan argagixisada,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Africom. Daacish oo war qoraal ah ku faafisay baraha bulshada ayaa sheegatay in saraakiil cadaan iyo Soomaali isugu jira ay ku dhaawaceen weerarka ka dhacay meel 140 KM u jirta Boosaaso. Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgallo laga fuliyay deeganadooda ay ku dileen ilaa 20-xubnood halka mareykanka ay sheegeen in hawlgalkii Timirshe ay ku qaarijiyeen 7 ka tirsan xubnaha Daacish.
-
Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay Shirkii Dhuuso-mareeb Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay kusoo dhoweysay go’aanadii kasii baxay shirkii dhowaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb. Beesha Caalamka waxay si gaar u sheegtay inay soo dhoweeneyso go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. “Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.” Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed. “Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.” Somalia’s int’l partners welcome FGS-FMS leaders’ decision to form technical committee on modalities for 2020 #elections; stress need for broad-based #agreement on this process; urge all #Somali stakeholders to keep the country on a stable political path – https://t.co/s1oX91LFTP pic.twitter.com/BU4kZUlmWP — UNSOM (@UNSomalia) July 24, 2020 Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: * Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. Qaran News
-
Qoraa Sucuudi ah oo dhaleeceeyey filim laga sameeyey taariikhda saxaabiga Khaalid Bin Waliid . Qoraal ku saabsan musalsalka “Khaalid Bin Waliid” oo uu Twitter-ka ku baahiyey ayaa weriyaha Sucuudiga ah ee Cabdallah Waafiyah u soo jiiday dhaliil badan waxaanu dhaliyey dood ku saabsan aflaamta taariikhda ah gaar ahaan kuwa ka hadla nolosha saxaabada. Weriyahaa Sucuudiga ahi wuxuu qoraalkiisaa uu maalmo ka hor faafiyey isku weydiiyey su’aal ah faa’iidada ku jirta in la soo saaro musalsal ku saabsan saxaabiga Khaalid Bin Waliid “wakhtigan uu is bedelayo fahamka dadku” Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa “muxuu soo kordhinayaa gaar ahaan iyada oo ay jiraan dhacdooyin naxdin leh oo aan la jaan qaadayn xiligan loo jihaystay maan furnaanta iyo in la iloobo taariikhdii dhiigga iyo dagaalka….waxaan rajaynayaa in musalsallada noocan ah iyo waxa la midka ah ee arimaha noocaas ah ka hadlayaa ay joogsadaan”. Hadalkaa Waafiyah dad badan ayuu ka cadhaysiiyey waxaanu dhaliyey hadallo badan oo cadho leh oo lagu dalbanayo in ninkaa sharciga la horgeeyo. Waxaanay dadka Twitter-ka adeegsadaa bilaabeen hal-qabsi ay maamulka Sucuudiga kaga dalbanayaan in ay lama guraan tahay in ay arintaa wax ka qabtaan oo qoraagaa la xidho. . Dadkaasi waxay qabaan in qoraalka Waafiyah yahay af-lagaado loola badheedhay Islaamka iyo hal-doorkiisa, waxaanay sheegeen in af-lagaadadaa uu diinta ula badheedhay ka dhalatay in “aan maamulka Sucuudigu wax tallaaba ah ka qaadin isaga iyo ciddii waxan uga horraysay ba”. Dhanka kale, dadka qaarkood ayaa bogaadiyey ku dhaca qoraaga ee ah inuu soo bandhigo aragtidiisa ku saabsan “xoraynta maanka” waxaanay dadka isaga dhaliilaya ku eedeeyeen in ay doonayaan “deminta ilayska cilmiga” waa siday hadlka u dhigeene. Waayadan dambe waxa dalka Sucuudiga ka socday doodo kulul oo u dhaxeeya labada qaybood oo midkood doonayso in la curiyo faham diineed oo cusub oo la jaan qaadaya casrigan la joogo. Halka qaybta kalena ay u arkaan dooddaa aflagaado loola badheedhay qiyamka Islaamka iyo arkaantiisa sugan. Taariikhda ha lagu sidko duruufihii waayadaa jiray Ma aha wax cusub hadalkan ka taagan musalsalka Khaalid Bin Waliid ama musalsallada kale ee taariikhda shakhsiyaadka ka hadlayaa. Laakiin waxa hubaal ah inuu badanaa noqdo dood kulul oo dhinacyo diimeed, siyaasadeed iyo taariikheedba yeelata. Xataa intaan la soo bandhigin filimkan, waxa shirkadda soo saartay ee Masar laga leeyahay oo la yidhaa Synergy loo soo jeediyey dhaliilo badan ka dib markii ay shaacisay in ay filim ka samaynayo saxaabigaa caanka ah. Bilowgiiba dadka qaar ayaa diiday in filimka lagu muujiyo saxaabiga iyo sidoo kale in loo doorto jilaaga reer Masar ee Camr Yuusuf inuu metelo shakhsiyada Khaalid, markii dambe se waxa kaalintaa la wareegay oo metelay saaxiibkii Yaasir Jalaal oo qudhiisu markii dambe ka cudur daartay musalsalka. Si uu dadka uga shaki saaro arinta ayaa soo saaraha filimku waxa uu sheegay in qisada filimka laga soo qaatay buugga uu qoray abwaankii reer Masar ee Cabbaas Maxmuud Al-Caqqaad ee la yidhaa “Garaad Badnidii Khaalid”. Waxa sidoo kale isna ka hadlay arinta Sheekh Asraf Sacad oo ka mid ah culimada Al-As-har oo banneeyey in la meteli karo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid, taas oo uu doonayey inuu ku dejiyo xiisadda taagan oo uu ku soo af-jaro doodda ka taaganayd in la meteli karo shakhsiyadda saxaabada. Laakii mar kale ayey musalsalkaa hadana dooddiisu soo noqotay ka dib markii shirkadda soo saaraysa ay ku adkaysatay in ay dhamaystiri doonto filimka, waxaanay xataa isku rogtay ba in xataa laga doodo taariikhda shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid qudhiisa. Dadka Muslimiinta ahi waxay ka haystaan aragti ka duwan xaqiiqdii waayadaa hore jirtay ee taariikhda waxaanay ka duwantahay dhinacyada ay ka eegaan iyo qaabka ay u soo bandhigayaan qoreyaasha qisooyinka filimadu taariikhsdaas. Waana arinta inta badan keenta in su’aalo la iska weydiiyo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid iyo sooyaalkiisa. Waxa jira dad u arka inuu ahaa hogaamiye milatari oo aan cid loo dhigaa jirin iyo nin caddaaladeed oo guulo badan u soo hooyey Islaamka cadowga dawladda Islaamkuna ka cabsan jireen, iyo sidoo kale qaar u arka inuu ahaa nin shar wade ah oo dhiigya cab ahaa. Ka sokow qoraaga reer Sucuudi ee Cabdallah Waafiyah, waxa iyaguna jira dad badan oo diidan in la soo bandhigo shakhsiyadda hogaamiyahaa caanka ah. Dad badan oo ka mid ahina waxay daliishanayaan qoraallo uu waa hore Twitter-ka ku baahiyey saxafiga reer Masar ee Ibraahim Ciisa oo lagu tiriyo inuu yahay dadka ugu cadcad ee aragtidaa qaba. Markii la shaaciyey in filimkaa la samaynayo sannadkii hore, ayuu saxafigaasi ku baaqay in la joojiyo isaga oo ku dooday inuu noqonayo “aragti qofka Muslimka ah xasuusinaysa in wadada keliya ee loo mari karo in khilaafadii la helaa tahay dagaal”. Dadka taageersan in la joojiyo samaynta musalsalkan ayaa waxay dood ka dhigtaan dhacdooyin dad badani ay shaki geliyeen sugaantooda. Waxaana ka mid ah dhacdadii “Maalik Bin Nuwayra” ee ku kaliftay Khaliifkii Cumar Bin Khaddaab inuu la xisaabtao Khaalid Bin Waliid oo uu ka casilo hogaanka ciidanka. Waxaanay dhacdadaasi sheegaysaa in Khaalid Bin Waliid isaga oo aan wax eeda ku hayn uu dilay Maalik afadiisiina guursaday. Dhanka kale, dadka difaacaya hogaamiyahaa Muslimka ahaa waxay sheegaan in ay jirto koox “ka hogaan furatay Islaamka oo ay saameeyeen Mustashriqiintu” waxaanay ku eedeeyaan in ay dhacdooyin been ah oo taariikhda Muslimiinta dhaawacaysa ku sheegaan. Waxa se jira koox saddexaad oo aad mooddo in ay caqli saliim ah ku eegayaan arinta, waxaanay ku baaqayaan in taariikhda lagu noqdo oo lagu akhriyo maan tixgelinaya duruufihii siyaasadeed iyo bulsho ee jiray waagaa intaan Khaalid Bin Waliid hogaamiyenimadiisu shaacbixin si loo fahmo waxyaabihii qaabeeyey shakhsiyaddiisa. Isagoo arintaa ka duulaya ayaa dadkaa mid ka mid ahi qoray “taariikhdu khuraafaad uun bay iska noqonaysaa hadii aan lagu kabin caddaymo badhax la’ oo aan siyaasadaysnayn. Waa loo baahan yahay in la soo bandhigo shakhsiyadda Khaalid iyo shakhsiyaad kale oo taariikhda ku suntan, laakiin waxa muhiim ah in qaabka loo soo bandhigayaa noqdo mid aan buunbuunin iyo liidid midna ahayn. Maxaa ku jaban in la metelo shakhsiyad taariikhda ku suntan iyada oo siday tahay loo soo bandhigayo same iyo xumaanteed ba?”. Ma aha markii ugu horraysay ee taariikhda Khaalid Bin Waliid laga sameeyo filim, waxa kan ka horeeyey musalsal uu sannadkii 2006 ka sameeyey hogaamiyahan milatari ee Muslin ka ah soo saaraha aflaamta ee reer Urdun Maxamed Casiisiyah oo ay metalaadiisa ka qayb galeen jileyaal carbeed oo badani. Waxaana musalsalkaasi ka koobanyahay laba marxaladood oo ay shakhsiyadiisa metelayaan labada xidig ee reer Suuriya ee kala ah Baasim Yaakhuur iyo Saamir Al-Masri. Sidoo kale shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid waxa lagu soo bandhigay musalsalka “Qamar Banii Haashim” ee ka waramaya siirada Nebi Muxammad. Sidoo kale jilaaga reer Falastiin ee Maxmuud Saciid ayaa isna metelay shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid oo qayb ka ah filimka Al-Risaala, halka sidoo kale uu ku metelay jilaaga reer Suuriya ee Mihyaar Khaduur musalsalka “Cumar”. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xalay magacaabay labada xubnood ee Jubaland ku matali doona Guddiga farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kaas oo ka soo tala-bixin doon Hannaanka ay qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Dalka. Madaxweynaha Jubaland wuxuu labadaasi xubnood u magacaabay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni iyo Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulkaas Xamze Cabdi Barre. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna xalay magacaabay labada xubnood ee Puntland u matalaya Guddigaasi farsamo kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle. PUNTLAND POST The post Labada Xubnood ee Jubaland ku matala Guddiga Farsamada Doorashada oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee shirka wadatashiga dhuusamareeb uu ka duwan yahay kuwii hore, isla markaana ay ka qeyb-gali doonaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka. Wasiir Maareeye, ayaa sidoo kale sheegay in Shirka ay ka qeyb-gali doonaan Xisbiyada Mucaaradka ah dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, si loo ballaariyo wadatashiga masiirka dalka, waxaana uu intaa ku daray waxyaabaha ka soo baxa Shirkaas dib loogu celin doono Golaha Baarlamanka. “Waa uu ka duwan yahay shirka dhuusamareeb wajiyadii hore waxaana ka qeyb-galaya dhammaan dadka uu Khuseeyo masiirka dalka sida labada gole ee Barnalamaanka Jamhuuriyadda ,Xisbiyada dalka,maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhamyahay” ayuu yiri wasiir maareeye. 15 bisha soo socota ee Agoosto ayaa loo balansanyahay wejigi sadexaad ee shirka wadatashiga, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Federaalka ,kuwa Dowlada Goboleedyada dalka, Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Mucaaradka, si looga tashado Arrimaha Doorashada Dalka. PUNTLAND POST The post Maareeye: Shirka saddexaad ee Dhuusamareeb waxa ka qayb-geli doona Xisbiyada Mucaaradka appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: World food Programme (WFP) East Africa COVID-19 Update, 23 July 2020 The triple threat of COVID-19, floods and locusts could have catastrophic consequences for the region ROME, Italy, July 24, 2020/ — Regional Overview • WFP estimates that the number of acutely food insecure people in East Africa could increase by 73 percent – from 24 million pre-COVID-19 to 41.5 million before the end of 2020 – in the region consisting of Ethiopia, South Sudan, Kenya, Somalia, Uganda, Rwanda, Burundi, Djibouti and Eritrea. • The triple threat of COVID-19, floods and locusts could have catastrophic consequences for the region. The pandemic strikes at a time when the region is fighting an ongoing desert locust outbreak. FAO projects that the locust outbreak alone could result in an additional 1.5 to 2.5 million people being severely food insecure due to a heightened risk to crops and pasture during the main harvest season from July to September. The region is also experiencing a flooding season, with above-average rainfall expected until September. Recent flooding in the region has affected 2.25 million people and displaced more than 1.1 million people. • Most of the expected increase in food insecurity consists of populations living in urban areas and hit by the socio-economic impact of the pandemic. In the region, some 50 percent of the urban population live in informal settlements with the majority relying on informal day-to-day employment. Meeting the food security needs of populations in urban slums across the region is a critical enabling factor to contribute to prospects for stability and security in this tumultuous period. • East Africa hosts 3.3 million refugees and asylum seekers, and 6.2 million internally displaced people. Refugee populations who were previously able to feed and fend for themselves, including many living in urban areas and those working in the informal economy, now face significant challenges. Most of the refugees are not covered by social protection schemes, leaving many families destitute and dependent on humanitarian assistance. Covid-19 Update, 23 July 2020 • WFP commends the Governments of East Africa for their effective responses to COVID-19 and thanks them for the constructive collaboration with WFP on the pandemic response. Governments across the region have re-prioritized public ex-penditure to meet emergency needs and made far-reaching public policy decisions to mitigate the public health effects of the pandemic and balance the socio-economic impact. • A key priority to mitigate food insecurity in East Africa is to keep borders open. WFP welcomes the collaboration of Governments in East Africa to keep food flowing so people de-pendent on markets can still access the right food at the right SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
PRESS RELEASE New Online Course from Harvard teaches Africans How to Build Scalable Businesses to Solve African Problems The course provides a series of time-tested lecture content and active reading assignments NAIROBI, Kenya, July 24, 2020/ — Africa has complex and unique business opportunities. Harvard Business School professors are launching a new online course to teach entrepreneurs how to build scalable businesses designed to solve core problems in Africa. Unlike other business courses, this one focuses on identifying points of opportunity for smart entrepreneurial efforts through live online lectures, peer-to-peer learning, and real-life lessons incorporated into participants’ own business plan. The online course starts on August 17, 2020. Taught by Harvard Business School Professors Tarun Khanna, Caroline Elkins, and Karim Lakhani, participants learn how Africa-specific trends impact the opportunities and challenges in undertaking entrepreneurship ventures on the continent. This course examines the nuances that render Africa unique in today’s emerging market landscape, and the similarities that can be drawn from the world’s other fast-moving emerging economies. Developing participants’ own business plan with peer-to-peer feedback is the capstone learning experience of this course. The course provides a series of time-tested lecture content and active reading assignments. Each week participants engage with course content and readings, and the week ends with a live webinar section that includes HBS faculty and leaders from the African business community. In addition, each participant has the option to participate in the course’s week-by-week business plan development process. Business plan development will culminate with such participants having an opportunity to submit a business plan. “The best plans will be judged by a highly qualified African business jury recruited from among experts who have lectured as part of our course on Africa. In so doing, the course will expose students to an unparalleled network of business academics at Harvard Business School, as well as Africa’s top business leaders,” commented Harvard Business School Professor Caroline Elkins. Course content draws upon HBS cases and student tested and reviewed courses. They include the world-renowned Entrepreneurship in Emerging Markets course that has reached over half a million learners in 200 countries, and HBS’s four-day intensive MBA course, Africa Rising: Understanding Business, Entrepreneurship, and the Complexities of a Continent. Course head, Harvard Business School Professor Tarun Khanna said, “We are excited to have developed a course specifically for African entrepreneurs. In addition, using the course as a platform to develop the participants’ own business plans makes the course ‘real.’ It is unlike any other course offered for aspiring African entrepreneurs.” Participants who complete the course will get a verified certificate from HarvardX, Harvard University’s online learning platform. For more information, visit this site (https://bit.ly/334j74n). Distributed by APO Group on behalf of Africa.com. Media Inquiries: Susan Gitau Africa.com WhatsApp +254 722 510671 Email: susan.gitau@africa.com SOURCE Africa.com Qaran News
-
Somalia’s government has announced that it would hold its first-ever offshore licensing round this August, marking the starting point of Africa’s perhaps most adventurous oil frontiers. Still recovering from the disastrous consequences of the Civil War, Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Caawa magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga Farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, kaas oo ka soo tala-bixin doona Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni , ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kal ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle. PUNTLAND POST The post Deni oo magacaabay labada xubnood ee Puntland ku matali doona Guddiga Farsamo ee Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu socdo abaabul xoog leh oo lagu jebin karo natiijada shirkii Dhuusamareeb ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulan berri ay yeelan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan doorashada islamarkaana la filayo in si aad ah looga doodo natiijadii shirka Dhuusamareeb, ayna suurta-gal tahay in laga soo sarao qaraaro ka dhan ah shirkaas. Xildhibaanada wada abaabulkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ku aragti ah oo aad ugu xiran Villa Somalia. Qorshaha socda ayaa ah in khilaafka doorashada laga dhigo mid u dhaxeeya dowlad gobaleedyada iyo baarlamaanka, si eedda looga leexiyo Villa Somalia, taasi oo horseedi karta in madaxweynaha uu qaato go’aan uu isugu muujinayo inuu dhax dhaxaad ka yahay labada dhinac ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhuusamareeb ka sheegay inuu ku laaban doono xildhibaanada isaga oo muujinaya inay yihiin kuwa diidan doorasho dadban. Arrintan ayaa muujineysa tuhun ah in waxyaabihii lagu soo ogolaaday Dhuusamareeb la doonayo in lagu buriyo Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uusan u bixin Dhuusomareeb la kulmay 40 xildhibaan oo diidanaa kulanka Dhuusamareeb, kuwaas oo weli mowqifkooda uusan isbedelin. Sidoo kale, guddoomiayah baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin doorasho dadban, kaasi oo ah fikirka madaxtooyada. Mursal ayaa si toos ah ugu xiran ugana amar qaata madaxweynaha, oo ma lahan karti uu iskii go’aan ugu qaadan karo. Kulanka berri ee baarlamaanka ee arirntan ayaa u muuqdo mid deg deg ah lamana oga go’aanada ka soo bixi doona.
-
Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku soo dhoweysay go’aanadii ka soo baxay shirkii dhowaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb. Halkan hoose ka akhariso qoraalka:- Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay rajeynayaan in kulankii muhiimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF. Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed. Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah. Sidaa darteed, saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed. Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada. Dowladaha Beesha Caalamka ee soo saaray War-Saxaafadeedka ayaa waxaa ay kala yihiin, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. View the full article
-
Wafi ka kooban Wasiirda Dastuurka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulamo goon gooni ah la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug. Wafdiga ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre iyagoo kala hadlay arrimaha geedi socodka dib-u-eegista dastuurka. Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha howlaha dib-ueegista dastuurka isagoo xusay in arrimihii farsamada ay soo dhammaadeen, isla markaana loo baahnyahay in ay heshiis ka galaan madaxda labada heer dowladeed arrimaha siyaasadda ee ka kooban 10ka qodob sida Jinsiyadda, maqaamka caasimadda, awood wadaagga, hannaanka maaliyadda, hannaanka cadaaladda iyo amniga nooca dowladda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dastuurku uu ka muhiimsanyahay arrimaha kale, islamarkaana uu gogol dhig u yahay dowlad wanaagga. Waxa uu sheegay in ay ka shaqyn doonaan sidii loo dhmmaytiri lahaa arrimaha yare ee ka harsan dastuurka maadaama 85% la soo dhameeyay dib- u-eegista Dastuurka. Dhanka kale, Wafdiga Wasiirada Dastuurka ee Dowladda Federalka iyo dowlad gooleedyada ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Hirshabele Maxamed Cabdi waare, Jubbaland, AXmed Maxamed Islaam, iyo Koonfur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed. Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ayaa la wadaagay Madaxweynayaasha Dowwlad Goboleedyada arrimaha masiiriga ah ee u baahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ay heshiis ka galaan, sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay madaxda dowlad goboleedyada in ay soo gudbiyaan atagtidooda dastuurka islamarkaana ay ka soo jawaabaan su’aalaha nmasiiriga ah ee dastuurka.waxa uu xusay in ay muhiim tahay in loo oloeeyo sidii dastuurka loo dhammaytiri lahaa si ay bulshadooda uga tagaan dhaxal taariihkda u gala oo lagu xasuusto (legacy). “Madaxda dowlad goboleedyada waxaa looga baahanyhay in ay ka qaataan door hoggaamineed arrimaha dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax. Ugu dambayn, Madaxweynayaasha dolwad goboleedyada ee kala ah, Axmed Maxamed Islaam, Jubbaland, Cabdicasiis Maxamed, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maxamed Cabdi Waare, Hirshabelle ayaa sheegay in dastuurku muhiim u yahay bulshada, islamarkaana uu yahay waxa isku haya dadka. Waxay ay sheegeen in ay qaadan doonaan doorkoodo islamarkaana ay soo gudbin doonaan aragtiyadooda ku aadan arrimaha masiiriga ah ee dastuurka. Sidoo kale Madaxweynayaasha ayaa xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo arrimaha dastuurka. Howlaha dib-ueegista dastuurka ayaa soo dhammaaday 85% iyadoo inta dhimmana la filayo in la dhammaystiro. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Mogadishu (PPM) — The Federal Parliament of Somali will hold a session tomorrow to provide MPs with sn opportunity to debate electoral models for 2021 elections. The Electoral Law passed by the Federal Parliament has hit a snag following resistance from Federal Member States in favour an electoral model in which they have a stake. The recent Dhuusamareeb Summit for the Federal Government and Federal Member States has not resulted in a consensus on an electoral model palatable to the Somali Parliament whose Speaker opposes abrogation of the Electoral Law. Mursal fears the possible abrogation of the electoral law could set an unsavoury legal precedent. Mohammed Mursal, the Parliamentary Speaker, argued against involvement of elders in the selection of MPs. “Al-shabaab pardonned elders who had a role in the 2017 elections. The country has an electoral law than obliges us to conduct one person, one vote elections” Mursal said recently. There are questions about the compatibility of one person, one vote elections while the 4.5 powersharing scheme remains in place. Another legal bottleneck pertains to the precedent that the possible abrogation of the Electoral Law can set. Some Federal Member States advocate wider consultations after the origination of bills and before the Federal Parliament and the Upper House put them up for discussion. © Puntland Post Monthly, 2020 The post SOMALI FEDERAL MPS TO DEBATE ELECTORAL MODELS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay kusoo dhoweysay go’aanadii kasii baxay shirkii dhowaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb. “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha Caalamka waxay si gaar u sheegtay inay soo dhoweeneyso go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020. “Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.” Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed. “Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.” Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: * Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.
-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-24.7.2020-ok.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasarada Degaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Hariimacado dhalal ah oo sifo sharci daro ah lagu soo ugaadhsaday, laguna haystay. Wasaaradda oo toddobaadkii ugu dambaysay hawlgalo ka waday degmooyinka gobolka Awdal hoos yimaada, isla markaana dedaalo ugu jirtay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta degaanka iyo duur joogta ayaa gacanta ku dhigtay maanta harimacado yar yar oo si sharci daro ah loo haystay. Waxa ka hadlay Harimacadkan yar yar ee ay wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer miyigu soo qabatay agaasimaha waaxda duur joogta wasaaradda Cabdinaasir Xuseen Siciid, waxaanu ka waramay hawlgalkan ay kusoo qabteen duurjoogtan, waxaanu tilmaamay in toddobaadkii ugu dambeeyey ay sameeyeen hawlgalo ay ku qab qabanayaan duurjoogta sifada sharci darada ah lagu haysto, waxaanu cadeeyey in sharciga la marin doono cid walba oo lagu qabto iyada oo sifo sharci daro ah ku haysata duur joog. Waxa isna dhinaciisa halkaas ka hadlay isu duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Awdal Daahir Axmed Qoloombi oo ka warbixiyey hawlgalo ay ka sameeyeen degaanka Xariirad oo ay kusoo qab qabteen duur joog si sharci daro ah loo haystay, waxaanu sheegay in ay qabteen ugaadh dhalal ah oo degaankaasi laga soo qaatay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md. Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wadahadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal. Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, oo warkan ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo ku warramay in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhexdhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka. Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal. Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan, waxaa labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban. Waxa kaloo, Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta. Somaliland waxa kaloo ay xidhiidh la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, waxaana iskaashigaasi ka xumaaday Shiinaha. Source
