-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Labada Taliye Midig Cabbaas Amiin Bidix Cabdixamiid Dirir Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku beddelay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidamada Militariga Soomaaliya. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Badda loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya. Dikreetada ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabbaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Taliye ee xilalka loo kala beddelay u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo isku beddelay Taliyaashii Ciidamada Dhulka iyo Badda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu fashilmay shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee loo qaban lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa 12-kii bishan magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, kaasi oo ka shaqeyn lahaa qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu fashiliyey shirkii uu madaxweynaha go’aansaday inuu isugu yeeray madax goboleedyada. “Warqaddii madaxweynaha ku casuumay madax goboleedyada ayaa meesha ka saartay qorshihii Cabdi Xaashi, madaxweynaha ma dooneyn inuu Aqalka Sare siiyo awood ay ku hagaan waxa uu sameynayo,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online. Shirkaasi ayaa kulankiisii hordhaca ahaa uu dhacay Isniintii, ayada oo la filayo inuu xigo kulan kale oo weyn. Sidoo kale, maamul gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed aysan ilaa hadda ka jawaabin baaqii Golaha Aqalka Sare ee ku aadanaa qabsoomida shirka khilaafka dowladda iyo maamul gobaleedyada dalka, kadib markii ay Villa Somalia, oo ay ku xiran yihiin ay ka dalbatay inaysan ka hadal. Xukuumadda Soomaaliya ayaan sidoo kale ilaa hadda ka hadlin baaqa guddoonka Aqalka Sare mana jirto wax dadaal ah oo ay wado islamarkaana ku saabsan ka qeybgalka shirkaasi looga hadlayo khilaafka iyo doorashada Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in ka hor 25-ka bisha uu qabsoomo shirka arimaha doorashada taasi oo ku beegan berri, waxaana muuqata inuu sidaas meesha uga baxay.
-
The Arab League on Tuesday called for the withdrawal of foreign forces in Libya and urged for talks on ending the conflict in the north African country. Source: Hiiraan Online
-
Minnesota representative Ilhan Omar is the first Somali-American member of Congress and the first woman of color to hold elected office in Minnesota. Since winning her seat in 2018, Omar has bucked the Democratic establishment as an outspoken progressive and has been targeted by Donald Trump for publicly denouncing his child-separation policy, his ban on Muslim immigration, and his equivocation on white-supremacist violence in the U.S. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiday in ay taageerto qaraar ka soo baxay Jaamacadda Carabta, kaas lagu xoojinayay mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xireenka ay Itoobiya ka waddo webiga Nile. Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya in ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaareyso dowladaha Masar iyo Sudan oo ka walaacsan. Qaraarka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xireenka inta Heshiis laga gaarayo. Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay ansixiyeen wasiirada arrimaha dibedda, marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey shir ku qabsoomay Khadka Video-ga. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhexayso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda. “Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia in ay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Cawad. Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u helo khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal. Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta biyo-xireenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xireenka ay yareyn doonto biyaha soo gaara, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya kula safatay Khilaafka Webiga Niilka appeared first on Puntland Post.
-
Cairo (AFP) - The Arab League urged Ethiopia on Tuesday to delay its filling of the Nile mega-dam it is constructing until a comprehensive deal is reached with Egypt and Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata in dhinac kale u leexisay xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeyay Turkiga, xili ay si rasmi ah ugala wareegtay dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Mareykanka ayaa gebi ahaanba la wareegay doorkii Turkiga ee wada-hadaladaasi oo uu garwadeen ka ahaa muddo ku siman 8-sanadood. Dowladda Turkiga ayaa wax loolan ah kula galin dar-darta waayihii dambe soo if-baxday ee uu Mareykanku ku rabay inuu ku hanto dhex-dhexaadinta wada-hadaladaasi oo todobaadkii tagay ka furmay dalka Jabuuti. Turkiga ayaa si dad-ban uga baxay wada-hadaladaasi, iyada oo uu ergaygii gaar ahaa ee ay u magacowday wada-hadaladaasi uu dib uga gurtay xilkaasi, iyada oo aan si cad loo ogeyn sababta iyo inay ka wada socdaan madaxda u sareysa dalkiisa. Olgan Bekar, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa dhawaan bartiisa twitterka ka tir-tiray xilkaasi uu ku magacowna, iyada oo ay hore ugu xusneed bartiisaasi ka hor fara-gelinta Mareykanka. Sawirkan hoose waxaad ka arki kartaa barta twitterka ee danjiraha oo hore ugu qorneyd shaqada uu ku magacowna iyo kadib markii uu meesha ka masaxay. Dowladda Turkiga ayaa hore door weyn uga qaadatay wada-hadalada labada dhinac, iyada oo garwadeen ka aheydna muddo badan, oo la aaminsan-yahay inay qeyb lixaad leh ka qaadatay isku soo dhoweynta labada dhinac. Mareykanka ayaa xiligan gebi ahaanba la wareegay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo gacan ka helaya dowladda Itoobiya oo iyadu si weyn ugu ololeynaysa midnimo dib u dhalata. Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ayaa dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi, iyada oo ay u gacan galiyeen marti-gelinteeda dowladda Jabuuti, xili uu dalkeeda ka jiro qalaalase siyaasadeed oo uu horseeday duuliye cadaalo daro baahsan ka tirsanayey xukuumada Geelle. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa dowladda Turkiga inay meesha ka baxdo ka shaqeeyay Madaxda ugu sareysa Somaliland oo iyagu aaminsan in Turkigu uu xulufo dhow la yahay dowladda federaalka, oo uu badanaa ka taageero dhanka Ciidamada. Somaliland ayaa Turkiga u aragta inuu si gaar ah ula tacaamulo dowladda federaalka, isagoo gebi ahaanba wiiqaya madax-banaanida ay ku doodo ee aysan weli u helin aqoonsi caalami ah. Ilaa haddana ma jiro war rasmi ah oo Turkigu ku cadeynayo inuu gebi ahaanba faraha kala baxay wada-hadalada labada dhinac, balse waxa si cad u muuqda heerka uu ka taagan yahay dhex-dhexaadinta iyo sida looga tuuray kaalintiisi.
-
Dowladda Turkiga ayaa War kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada Turksom ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa si kulul loogu Cambaareeyay Qaraxaas Ismiidaaminta uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa islamarkaana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimash iyo dhaawac. Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho. ”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay Qaraxii ka dhacay Xerada TURKSOM ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Waa kuma ninka 2aad ee ugu hantida badan Dalka Shiinaha? Mulikiilaha Pinduoduo ee Colin Huang ayaa qiima yar u jira inuu gaaho ninka ugu hantida badan dalkaasi Shaqaale hore oo u shaqayn jirey shirkadda Google ah ayaa qiimeyntii u danbaysay ee la sameeyey noqday qofka labaad ee ugu taajirsan Shiinaha, ka dib markii u hoos u dhacday iibka ganacsigiisa, ee Pinduoduo. Colin Huang waxaa lagu qiimeeyay hantidiisa $ 45.4bn (£ 36.4bn) sida ay tebisay shabakadda Forbes, axaddii, isagoo ka horreeyay mulkiilaha Alibaba ee Jack Ma’ kuna xigay mulkiilaha Tencent ee Pony Ma. Mr Huang wuxuu horey ugu shaqayn jiray Microsoft ka dibna seddex sano ayuu injineer ka ahaa shirkadda Google. “Saddexdaas sano aniga aad bay qiimo iigu lahaayeen,” ayuu ku soo daabacay boggiisa 2016. “Google ayaa i siisay wax ka badan inta aan ku deeqay.” Mr Huang wuxuu aasaasay Pinduoduo sanadkii 2015. Shirkadduna waxay si gaar ah ugu caan baxday Shiinaha intii uu socday faafitaanka Covid-19, iyada oo amarrada ay usoo kordhiyeen 50 milyan ilaa ku dhawaad 65 milyan maalin kasta. Tilmaamaha cusub ee ay ka kooban tahay waxaa ka mid ah wax u iibsiga koox ahaan, halkaas oo macaamiisha isugu yimaadaan si ay ugu iibsadaan waxyaalo badan qiimo hoose. Macaamiisha ayaa sidoo kale ku ciyaari kara games goobta waxaana mararka qaarkood lagu abaalmariyaa hadiyado lacag la’aan ah. PINDUODUO Boggiisa internet-ka ee 2016, Mr Huang wuxuu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha hore ee Google ay saameyn xun ku yeesheen iyagoo dhaqso u noqday maalqabeen. “Waxay si lama filaan ah u heleen lacag aad u badan, waxay lumiyeen dhiirigelin ay ku shaqeeyaan waxayna bilaabeen inay raadsadaan madadaalo iyo shaqooyin cusub,” ayuu qoray. Sannado badan ayaa dhaafey oo waxay lumiyeen waqtigoodii ugu qaalisanaa, markii ay u badnaayeen guulo kale oo muuqda. Mr Huang wuxuu wali hayaa wado uu ku galo si uu ula qabsado bilyaneerka adduunka ugu taajirsan, Jeff Bezos. Forbes hadda waxay ku qiyaaseysaa aasaasaha Amazon inuu qiimihiisu yahay $ 162.2bn. Qaran News
-
Madaxweynihii dafiray cudurka Covid-19 oo amar Maxkamadeed lagu soo rogay Maxkamad ku taalla dalka Brazil ayaa Madaxweyne Jair Bolsonaro ku amartay inuu xirto maaskarada marka uu ku sugan yahay goobaha isu imaatinka ee ku yaalla dalkaas. Madaxweynahan ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab sahlan”. Inkastoo uu cudurka ku baahay dalkaas, Madaxweyne Bolsonaro ayaa mar kale kasoo muuqday fagaare, maalintii Aaxadda, isagoo gacanta ku salaamaya boqollaal ka mid ah taageerayaashiisa, sawirrana la galaya. Dalka Brazil ayaa noqday waddanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyriska Corona marka Mareykanka laga soo tago. Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University Haatan kiisaska cudurka gudaha Brazil waxay gaareen in ka badan 1.1 Malyan halka tirada dhimashadana ay gaartay in ka badan 51,000. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashooyinka ay qabaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, cabashadaas oo ku saabsan dhac si joogto ah looga geesto gudaha Suuqa. Qaar kamid ah ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan ku qabaan dhaca oo si weyn ugu sii fidaya suuqa Bakaaraha dhamaantiis. “Qeybta daawada ayaa ku suganahay waxaan dhib ku qabnaa rag ku libis dareeska ciidanka oo dhac noo geesta,” ayuu yiri mid ka mid ah goob joogayaasha suuqa. Ganacsata suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in kaliya suuq qeybya daawada ka jirin dhibaatada waxeyna hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa aad ugu soo badanaya cabashada dadweynaha taas oo ku saabsan dhaca iyo dilalka oo sii kordhaya. Habeenii Axadda, Allah ha u naxatiistee Cabduqaadir Cabdullaahi Goosaar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah islamarkaana dhawaan dhameestay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, ayaa lagu dilay Muqdisho. Marxuumka ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto nuuca Feykoonka ah, kuwaas uu ka diiday inuu ku wareejiyo furaha mootada, sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa goobtii lagu dilay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.
-
Warbixin:Reer Galbeedka oo helay Cadow cusub oo u beddelay Islaamka Rubac-qarni ka hor ayey ahayd markii aqoonyahankii cilmiga siyaasadda Samuel Huntington uu qoray maqaalkiisii ku saabsanaa isku dhaca ilbaxnimadda. Waxaa uu muujiyey dagaallo xiriir ah. Huntington waxaa uu qoraalka sameeyay kadib dhicitaanka darbigiii Berlin, iyo dhamaadkii dagaalkii qoboobaa ee u dhaxeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo Reer Galebeedka, muddo nabad ah kasokoow, Huntington waxaa uu saadaaliyey halgan u dhexeeya wax uu u arkayay cadow aan heshiin karin oo ah Muslimka iyo reer Galbeedka. Huntington waxaa uu sheegay in aqoonsiga dadka uu yahay wadnaha siyaasadda hardameysa, kasokoow aragtida. “Maxaad tahay?” ayuu qoraalkiisa isku weydiiyay, “sida aan ka ogaanay laga soo billabo Bosnia illaa Caucasus illaa Sudan, jawaab khaldan oo su’aashaas laga bixiyo waxay sababi kartaa xabad madaxa lagu dhufto.” Siyaasiyiinta reer Galbeedka sida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa raacay hoggaanka Huntington. Rubac qarnigii u dambeeyay dalal badan oo Muslim ah ayaa bartilmaameed u ahaa Mareykanka iyo xulifadiisa. Wixii markaa ka dambeeyey warbaahinta reer Galbeedku Muslimiinta ku tilmaamayey kuwa sharci la’aan, aragtiyo xag jir ah wata, ahna khatar dunida ka jirta. Tani waxay kordhisay Islaam nacaybka ka jira wadamada reer Galbeedka iyo siyaasiyiinta midigta fog ee Europe. Xeel-dheerayaasha ayaa hadda rumeysan in cadaawaddaan khatarta ah ay yaraan doonto kadib musiibadda Coronavirus, arrin kale ee jirta ayaa ah, safmareenka Coronavirus waxaa qaabeynayaa siyaasad dhuleedka adduunyada. Galbeedku waxay jecelyihiin, lagana yaabaa inay u baahanyihiin cadow, bartilmaameedkooda ugu dambeeyana waa Shiinaha. Bartilmaameedsiga Shiinaha Shiinuha waxaa loo arkaa in uu yahay cadowga cusub ee jira, lana mid ah sidii uu Islaamku ahaa 20-sano ka hor. Waxaana sidaas u arka dadka, qoraayaasha wargeysyada, xarumaha talo soo jeedinta, xisbiyadda siyaasadda iyo hey’adaha sirdoonka ee Mareykanka. Kadib qoraalkii caanka ahaa ee Huntington oo sababay eedda ka dhanka ah Muslimiinta – waxay mar-walba ugu yeeraan Islaamka xagjirka ah hadda waxaa uu dareenkooda u jeediyay Bariga Fog. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah mucaaradka ugu weyn dunida ee Muslimiinta, ayaa hadda waxaa uu billaabay in uu weeraro Shiinaha, si ka duwan Bush oo weeraray Ciraaq 2003-dii. Markii uu waday ololihiisii 2016-kii, waxaa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu kufsanayo dhaqaalaha caalamka. Tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-19, weeraradda Trump waa ay kordheen. Waxuuna ku eedeeyay Shiinaha in uu qarinayo virus-ka, islamarkaana uu hoos u dhigayo tirada geeriidiisa. Warbaahinta The Sun – oo tuntay durbaankii duulaanka Ciraaq ee 2003-dii – ayaa baahisay sheekada warbixin virus-ka ku eedeyneysa in Shiinuhu si ula kac ah u sameeyay, si uu u caddeeyo in uusan Mareykanku ka hortagi karin cuduradda wax laaya. Hey’adda Sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6, ayaa gacan ka geysatay in kiis loo dhiso weerarkii musiibada ahaa ee Blair ku qaaday Ciraaq, kadib baaritaankii hubka sida daran wax u gumada, hadda waxay hey’addu indhaheeda ku jahaysay Shiinaha. Agaasimihii hore ee MI6 Sir John Sawers oo la hadlayay Barnaamijka Maanta ee BBC-da ayaa calool jileec u muujiyay go’aankii uu Trump dhaqaalaha uga joojiyay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxa uu yiri “Mareykanka waxaa aad looga careysanyahay wax ay u arkaan in uu Shiinuhu ku hallaagay, Shiinuhuna waxaa uu ka dheeraanayaa in uu qaato mas’uuliyadda ah in uu virus-ku ka billowday.” Wax qarinta Dabcan, waxa jira sababo wanaagsan oo lagu cambaareyn karo Shiinaha. Waxaa jira caddeyn muujineysa in Shuunuhu uusan hufneyn markii uu billowga ahaa cudurka Coronavirus ama yaraayeen tiradiisa kiisaska, dhanka kale, waa khaladka dalalka kale oo ay Britain ka mid tahay oo sidoo kale runta qariyay. Xarunta Talo-soo jeedinta Ingriiska laga leeyahay ee Henry Jackson Society (HJS) oo ka mid ahayd kuwa sida daran u cambaareeya waxa ay ugu yeeraan Muslimka xagjirka ah ayaa hadda warbixinadii u dambeeyay waxaa ay ku weerarayeen Shiinaha. Xadiiqdiina weeraradooda Shiinaha ee bilihii u dambeeyay ayaa si deg-deg ah u kordhay. Sidoo kale warbixin ay soo saartay HJS ayaa Mail on Sunday waxay ka qortay maqaal sheegaya in Britain ay Shiinaha geyn doonto maxkamadaha caalamiga ah, si ay uga hesho $437 billion oo magdhow ah, sababo la xiriirka cudurka Coronavirus. Machadka kale ee Gatestone Institute ayaa dhowaan isbar-bardhig ku sameeyay Shiinaha iyo Islaamka xagjirka ah. Kala qeybsanaanta cusub Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay dhahaan tan iyo bur-burkii Midowgii Soofiyeeti, reer Galbeedku waxay u baahnaayeen cadow u badela Soofiyeetkii. Maskaxda ku haay in qoraalkii Huntington ee Iskudhaca Ilbaxnimadda uu ka digayo in “kala aragti duwanaan shaha Ilbaxnimadu ay noqon doonto dagaalka mustaqbalka.” Sida uu Huntington qoray, Shiinuhu waa khatarta ugu awoodda badan ee Reer Galbeedka ay wajahayaan. Iran waxay baaqi ku ahaan doontaa indhaha Mareykanka, waana xiriirka shaqsi ee ka dhexeeya Trump iyo Benjamin Netanyahu. Hadda waxaan gaarnay dhamaadka xilligii dheeraa ee Islaamku uu ahaa “kala aragti duwnaansho” weyn. Waxay u muuqataa in reer Galbeedku ay hada heleen cadowgooda, haddii ay sidaas tahay Muslimiintu xoogaa waa ay neefsan karaan. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa war kasoo saartay Meydka nin ajnabi ah oo lagu gubay magaalada Hargeysa, kaasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn loogu baahiyay baraha bulshada. Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Ninkaasi uu u dhashay dalka Shiinaha, isla markaana uu ugeeriyooday cudurka Kansarka. Wasiirka ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in Ninkaasi meydkiisa la gubay uu qabay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo ka jira deegaano ka tirsan Somaliland. Sheekh Khaliil ayaa sheegay in meydka ninkaasi ay qolada caafimaadku ku wareejiyeen qoyskiisa oo iyagu door-biday inay gubaan meydkaasi, isla markaana ay xukuumadoodu wax shaqo ah ku laheyn maadama uu aheyn qof muslim ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi aan muslimka aheyn uusan muteysan xurmadii muslimka, midaasi oo keentay in qoyskiisa lagu wareejiyay Meydkiisa, oo iyagu xaq u leh sida ay rabaan inay u aastaan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Wasiir Khaliil ayaa beenin cad u noqonaya warar kala duwan oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex-marayay baraha bulshada, kaasi oo ku aadana meydkan ninka shiineeska ahaa, oo lagu sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – East Africa: People seeking safety are trapped at borders due to COVID-19 measures Countries in the Horn, East and Central Africa (HECA) region host approximately 4.6 million refugees and asylum seekers LONDON, United Kingdom, June 23, 2020/ — A coalition of international, national, and refugee-led organizations in the Horn, East and Central Africa (HECA) have today called on governments in the region to reopen borders for asylum seekers. The organizations are calling on governments to put in place measures that manage the current health emergency while ensuring asylum seekers can seek protection. Countries in the HECA region host approximately 4.6 million refugees and asylum seekers and have a long history of receiving asylum seekers and providing them with protection. Before the pandemic, the countries continuously received new people seeking safety and protection from violence and conflict, political persecution, or other threats to their lives. States started closing their borders in March as a public health measure to contain the transnational spread of COVID-19, without safeguards for the many women, men and children fleeing threats to their lives and freedoms and needing to seek asylum. “While countries in the region are faced with a genuine public health emergency, governments, with support from international partners, must find solutions that respect international human rights and refugee law commitments, including the right to seek asylum. Governments should consider measures such as medical screening or testing, preventative and time-bound quarantine facilities at border crossing points to allow access to asylum seekers,” said Deprose Muchena, Amnesty International’s Director for East and Southern Africa. Burundi, Ethiopia, Rwanda, and Somalia closed their borders in March 2020. In Kenya, the borders with Somalia and Tanzania closed on 16 May. Asylum seekers and refugees who cross into Kenya are sometimes arrested and returned to the border point of entry. Blanket border closures contravene international refugee law by denying people in need of international protection an effective opportunity to seek asylum. They also violate the principle of non-refoulement, which prohibits states from turning away people at a border and returning them to a country where they would be at risk of persecution or danger. Along the DRC-Uganda border, approximately 10,000 displaced people have been camped out since May, waiting to seek asylum in Uganda. Following a 16 June decision by the Uganda government to allow them to enter the country, efforts are underway to prepare for their safe entry, quarantine, and settlement. “We welcome Uganda’s decision to receive this specific group of Congolese asylum seekers. We urge the government and partners to ensure quarantine conditions for this group are dignified, and to develop more general measures to admit people needing international protection at other border points,” said Robert Hakiza, Coordinator of the Global Refugee-Led Network-Africa Chapter. On Uganda’s border with South Sudan, for example, hundreds of people displaced by recent fighting between government soldiers and armed groups in Central Equatoria State are stuck, hoping to cross into Uganda. They are living in makeshift structures and are in urgent need of food, proper shelter, medical care, and access to clean water. Uganda closed its borders on 20 March. “Governments should consider measures such as medical screening or testing, preventative and time-bound quarantine facilities at border crossing points to allow access to asylum seekers” “Regional bodies such as the East African Community (EAC), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) and the African Union (AU) should provide more leadership and guidance on how countries can safely open their borders to asylum seekers. The international community must also step in to provide the needed assistance to displaced persons, whichever the side of the border they are on,” said Lydia Zigomo, Oxfam’s Regional Director in the Horn, East and Central Africa. The organizations are calling on regional bodies to help and encourage governments develop procedures and policies that would allow movement across borders for individuals wanting to seek asylum. This should include workable protocols for COVID-19 screening, testing and quarantine, and special measures that address the needs of marginalized groups, such as unaccompanied children, particularly in quarantine facilities. “While the EAC has been instrumental in supporting harmonized border screenings to allow the movement of cargo across the region, they have been silent about access to asylum-seekers. Regional bodies must not leave refugees out of their COVID-19 response plans,” said George Kegoro, Executive Director of the Kenya Human Rights Commission. Distributed by APO Group on behalf of Amnesty International. SOURCE Amnesty International Qaran News
-
Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Degmada Sabawanaag Ka Dhagax-dhigay Laba Caafimaadka ee Degmooyinka Sabawanaag iyo Bai-mataan. Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa socdaal shaqo ku tagay deegaano ka tirsan, labada degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo ku-yaala, Koonfurta bari ee caasimada Hargeysa, isla markaasina kamida degmooyinka maamul ahaan sida dad-ban u hoos-yimaada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa. Socdaalkan maanta ee maayarka iyo waftigiisu ku tageen deegaanadan ka tirsan labadan degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo jeedadiisu daaranayd kormeer iyo dhagax-dhig ay ku samaynaayeen, qaybo kamida xarumaha caafimaadka ee deegaanadani, ayaa waxa Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo waftigiisu ugu horeyn kusoo dhagax-dhigay laba xarumood oo caafimaad (laba MCH) oo laga hirgalinaayo Tuulada Axmed Buur iyo Tuulada Cali Aadan, oo kamida degmada Sabanaag, iyo soo kale dayr balaadhan oo loo sameynaayo cusbitaalka degmada Bali-mataan oo ay isagana dhagax-dhigeen. Dhinaca kale waftigan Maayarka caasimadu uu hogaaminaayey ayaa waxa ay kormeer balaadhan ku tageen, xarunta caafimaadka ee degmada Sabawanaag iyo xarunta caafimaadka ee tuulada qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag, oo ay dawlada hoose ee hargeysa ka fulisay dayactir iyo qalabayn dib loogu hawl-galinaayo laguna. Gaba-gabadii socdaalka waftiga ayaa waxay kusoo gunaanadeen qiimayn iyo indho indhayn ay kusamayeen, xarun cusub oo goob caafimaad ah oo dhawaan ay si iskooda u dhisteen bulshada ku dhaqan, deegaanka tuulada Bali Kaliil ee degmada Sabawanaag, isla markaasina dawlada hoose ay hada gacanta ku hayso sidii loo qalabayn lahaa loona dhaqaajin lahaa. Qaran News
-
The Dangerous Item in the Agreement With Somalia The recent agreement between Somaliland and Somalia issued in Djibouti on June 22, 2020, the item allowing exchange of cultural, academic, sports and trade is dangerous for opening cans of worms for gradual integration for unity with Somalia and opens the gates for Somaliwein. It is also against the law passed by Somaliland legislature on Feb. 5, 2012. This item must be removed from the agreement for being against the sovereignty and Constitution of Somaliland. Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Republics of Djibouti and Somalia and State of Qatar have defied Egypt’s Arab League Resolution that favors the hegemonic stance of it. The Arab League is holding its urgent meeting today on issues related to the Ethiopian Grand Renaissance Dam and the standoff between Libya and Egypt. On the meeting Republic of Djibouti, Republic of Somalia and State of Qatar, member countries of the league, have refused to obey the Arab League Resolution that supports Egypt in GERD cases Meanwhile, Deputy Ambassador of South Sudan to Ethiopia, David Ding has expressed concern over Egypt’s second complaint it referred to the United Nations Security Council demanding an intervention in to GERD issues. Fanabc Qaran News
-
Ethiopian leaders and political class do not see nor do they hear the evil and ugly demons residing in the inner sanctum of their empire. Ethiopia suffers from multiple perennial afflictions. The two most lethal ones are tyranny and kleptocracy. Tyranny Tyranny has deeper roots in Ethiopia and it has robbed Ethiopians of their freedom, liberty, and dignity. From its inception Ethiopia has been synonymous with tyranny. During the past 130 years one tyrant replaced another. Each tyrant did what all tyrants do best: terrorize the people they call their own. From the reign of Menelik to the rule of Meles, tyranny held sway. And in the end tyranny had tormented both the architects and dispensers of terror and its teeming victims. As a result, peace has eluded Menelik’s palace. And liberty and basic human dignity have deluded the masses. The rule of tyrants self-destructs. Kleptocracy Kleptocracy also has deeper roots in Ethiopia. The rule of thieves has deprived Ethiopians of their wealth and livelihoods. Between 1980 to 2018 the political elite looted over $84 billion dollars, according to the Illicit Financial Flows in Africa (2020) report. For 38 years, the occupants of Menelik’s palace on average stole $2 billion and $200 million every single year. In the end the looted billions could not keep the predatory cabal in power. They stole but they did not live or find peace to enjoy their ill-gotten gains. However, they succeeded in keeping their populations in a permanent state of misery, poverty, and illiteracy. The rule of thieves intoxicates leaders and impoverishes citizens. 7th King, Prosperity Party, and GERD The self-declared 7th King of Ethiopian is not capable of changing this tragic reality. Abiy Ahmed Ali idolizes the 1st King, Menelik, the 1st tyrant and founding hegemon. He worships his mentor and role model, the 6th King Meles. This means that Abiy Ahmed Ali gets inspiration from Ethiopia’s two worst tyrants. He is therefore unlikely to save Ethiopia from its two most lethal afflictions: tyranny and kleptocracy. In fact, Abiy Ahmed may well outperform all his predecessors in both as he is the most inexperienced, erratic and delusion-prone leader Ethiopia has ever known. The much-hyped Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) is not likely to make any difference either. Tyrants and kleptocrats mess nations up, especially poor ones, with undeveloped political, legislative, and judicial institutions. The GERD costs $4.6 million. And the narrative peddled by Abiy and company is that the GERD will miraculously transform the economy and livelihoods of Ethiopians. Just imagine the difference the $84 billion that were stolen would have made in the lives of ordinary Ethiopians had the money been appropriately invested. Currently, the Prosperity Party (PP) is using and exploiting the GERD to whip poverty-stricken masses into a frenzy of nationalistic fervor directed at what is portrayed as an Egyptian plot to question Ethiopia’s sovereignty over the waters of the Blue Nile. It is true that Cairo is pursuing its own strategic interest; and would do everything in its power to win its protracted confrontation with Ethiopia over the management of the mighty Nile. However, it is equally true that PM Abiy Ahmed and PP have another agenda hidden within the broader and inherently complex Nile agenda. Abiy Ahmed and his political allies are likely to win if a water war breaks out between Egypt and Ethiopia. War with Egypt would certainly deepen tyranny and repression at home. And if there isn’t war with Cairo, Abiy Ahmed might provoke one in another country, one much closer to home. Peace is not on the mind of the 2019 Nobel Peace Laureate. They will win even if the dispute is settled peacefully. A peaceful settlement would probably further entrench kleptocracy and mass poverty. In both scenarios poor Ethiopians would not only loose; they would also suffer the humiliation and trauma of being deceiving into becoming actively and willingly complicit in their enslavement and impoverishment. It’s scary. No party with the name Prosperity has ever ushered in an era of plenty in any country anywhere. Let freedom reign! Prosperity will follow. Hassan Keynan is a former Professor and a senior retired UN official who worked in Africa, Asia and Europe. He can be reached at keynanhassan@yahoo.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Garissa Township MP was Monday replaced by Amos Kimunya as National Assembly Majority leader Source: Hiiraan Online