Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalada Bacaadweyn waxaa lagu qabtay Khamri iyo ragii watay, Wxaacsidaas sheegay Taliska Booliska Gobolka Mudug. Taliyayaasha Boolisku waxay Sheegeen in Waayadaanba ay Boolisku wadeen Howlgal [...] The post Booliska Gobolka Mudug oo Qamri iyo Dadkii Watay kusoo qabtay Bacaadweyn appeared first on . Source
  2. U.S. forces conducted an airstrike against ISIS in Somalia on Tuesday, the U.S. military said. The airstrike happened after the militants attacked partner forces in a remote location near Timirshe in the northeastern part of the country, U.S. Africa Command (Africom) said in a news release Wednesday. U.S. forces were in the area at the time of the strike “in order to advise and assist Somali and partner forces,” Africom said. “We continue to apply pressure on terrorist groups and assist our Somali partners in disrupting their operations,” Brig. Gen. Miguel Castellanos, Africom’s deputy director of operations, said in a statement. “We continue our support to rid Somalia of the likes of ISIS and al Shabaab.” The strike killed seven ISIS members, according to the news release. The U.S. military does not believe any civilians were injured or killed in the strike, the release added. Tuesday’s airstrike marks the U.S. military’s first reported one against ISIS in Somalia since October. U.S. forces more often strike al Qaeda affiliate al Shabaab in the country. There are about 500 U.S. troops in Somalia on a mission of training and advising local forces to fight al Shabaab and ISIS. View the full article
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Nus malyan doolar u qorshaysay fatahaada degmada Afgooye. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre faray Wasaaradda Maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in amarkan uu daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagtan oo loogu gurmanayo kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen. Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado daran ka geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana fatahaadahaas ku barakacay kumannaan qoys. PUNTLAND POST The post DFS OO $500,000 u qorshaysay fatahaada Afgooye appeared first on Puntland Post.
  4. Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ayaa si adag uga fal-celisay go’aankii baarlamaanka dalka Masar uu awood dheeriya ku siinayey madaxweyne Al-Sisi. Baarlamaanka Masar ayaa dhawaan ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu ciidamo u diri karo dalka Liibiya, marka uu u arko inay munaasib tahay qaadista tallaabadaasi millateri. Fathi Bashaga, Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Liibiya ayaa si weyn arrintaasi u cambaareyay, isagoona ku tilmaamtay tallaabo ay Masar ku iclaamineyso dagaal. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisu ay go’aanka baarlamaanka Masar u aragto mid duulaan ku ah qaranimada Liibiya, maadama ciidamo shisheeye dalkooda la keenayo. Fathi Bashaga ayaa sidoo kale xusay in tallaabada Masar ay ciidamo ku geynayso daanta galbeed ay tahay mid ku xad-gudbeysa xeerarka Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay. Wasiirka ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, kaasi oo u dhigna sidan “Ansixinta baarlamaanka Masar ee go’aanka ciidamada loogu dirayo meelo ka baxsan xuduudahooda galbeedka waa iclaaminta dagaal ka dhan ah Libya, waxayna xad-gudub ku tahay xeerarka Jaamacada Carabta iyo UN-ka”. Dhawaan unbey aheyd markii Baarlamaanka Masar uu ansixiyey in madaxweyne Al-Sisi uu awood u leeyahay inuu ciidamo u diro dalka Liibiya, haddii ciidamada Turkiga uu taageerayo ay u dhaqaaqan qabsashada Sirte, taasi oo dab kusii daareysa xiisada ka taagan Liibiya. Al-Sisi ayaa ansixintaasi kadib awood buuxda u yeeshay inuu ciidamo u diri karo Liibiya, isla markaana uu faro-gelin millateri oo ka dhan ah Turkiga uu ka qaado dalkaasi, taasi oo si weyn uga biyo diidan tahay dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya. Baarlamanka Masar oo meel mariyey in ciidan la geeyo Libya xilli ay ishayaan Turkey
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulan lagu ansixiyey sharci muhiim u ah hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya iyo doorasho qof iyo cod ah oo dhacda. Kulankii maanta ayaa Golaha Shacabka waxay ku ansixiyeen wax bedelka sharciga xisbiyasada siyaasadda ee Soomaaliya, Codeyntii dhacday waxaa ay noqotay: 137 oo ogolaatay halka 3 ay diideen, waxaana ka aamusay ilaa 2 xildhibaan oo ka tirsan golaha. Sharcigan ayaa muhiim ah niyaamka xisbiyada badan ee dalka iyo in la gudbo nimaadka qabiliga ah ee Soomaaliya ka jiray 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasi oo horseedi karta inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo shacabka ay soo doortaan wakiilladooda. Ansixinta sharcigan ayaa imaneysa ayada oo dalka ay haatan ka taagan tahay dood ku saabsan in sanadkan ay dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale, islamarkaana ah waxa hadda ay isku mari la’yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada. Sharciga xisbiyada ayaa wuxuu ogolaanaya in muwaadin kasta uu xil isku sharxo, isaga oo aan u baahneyn inay soo xulaan odayaasha qabaa’ilka, hase yeeshee marxaladda iminka ee Soomaaliya ayaa u muuqata in aysan dhoweyn xiligii shacabka ay soo dooran lahaayeen wakiiladooda.
  6. NAIROBI (HOL) - Somalia has dismissed claims it was on course to deploying soldiers to support Turkey in shoring up support for the UN backed government. Source: Hiiraan Online
  7. Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta oo Arbaco ah socdaal aan horay loo sii shaacin ku tegay wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyadda dalkaas Axmed Shide. Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa,waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay xubno kamid ah golaha wasiirada Somaliland, iyada oo loo gudbiyay Madaxtooyada. Weli si dhab ah looma cadeyn u jeedka wafdiga ka socda dowladda Itoobiya ee maanta tegay magaalada Hargeysa, hayeeshee 19-kii bishii Febaraayo ee sanadkaan ayuu wasiirka maaliyadda Itoobiya tegay Hargeysa, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Maalma ka hor ayay aheyd markii wafdi ka socda dowladda Masar ay tageen magaalada Hargeysa, islamarkaana ay la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana labada dowladood ee Itoobiya iyo Masar xilligaan ka dhaxeeya hardan ku saabsan webiga Nile. View the full article
  8. Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dib u bilaabmayaan heerkii labaad ee wada-hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo ah guddiyo farsamo. Wasiir Maxamuud ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay barta uu ku leeyahay Twitterka, wuxuu labada dhinac ugu baaqay in la muujiyo samir iyo dulqaad, si wadahadaladu u guulaystaan. “Dib u bilaabista wada hadalada heerka guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, Djibouti waxay diyaarinaysaa saaxadda wada hadalo guulaysta.” Ayuu yidhi Wasiirku. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Waxaa muhiim ah in samir la yeesho, lana taxadiro, oo meesha laga saaro dhammaan caqabadaha dib u dhigi karaya geedi socodka.” Wada-hadalada labada guddi farsamo ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dib u dhacay dhowr goor oo kala duwan, kadib markii ay codsatay in loo loogu dhigo DF Soomaaliya. View the full article
  9. Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado darran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ku fatahay ee degmada Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, Baalguri iyo tuulooyinka hoostaga degmada oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Baqdaad iyo deegaanno kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay,isagoo sidoo kale tilmaamay in deegaanno ka tirsan degmada Balcad uu fatahaad ka geystay halkaas oo ay ka barakaceen dadki deganaa. Wasiir Xamsa ayaa Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka faray inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa toddobaadkaan ka digtay roobab dabeylo wato oo ku soo wajahan qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo hay’adaha ugu baaqay in loo gurmado dadka ay fatahaadu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
  10. Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey wax bedelka sharciga xisbiyasada siyaasadda ee Soomaaliya. Codeyntii dhacday waxaa ay noqotay: 137 oo ogolaatay halka 3 ay diideen, waxaana ka aamusay ilaa 2 xildhibaan oo ka tirsan golaha. Sharcigan ayaa muhiim ah niyaamka xisbiyada badan ee dalka iyo in la gudbo nimaadka qabiliga ah ee Soomaaliya ka jiray 30kii sano ee la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kulanka oo ahaa kii 18-aad kalfadhigiisa 7-aad ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ahaa 142 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa dood dheer kaddib u codeeyay wax ka bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka, waxaana ogolaatay 137,waxaa diiday 3, halka 2 xildhibaan ay ka aamuseen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu ansax yahay. View the full article
  12. BELEDWEYNE (HOL) - Operations at Ugas Khalif Airport in Beletweyne have resumed after close to a week suspension following the crash of an aircraft there. Source: Hiiraan Online
  13. BELEDWEYNE (HOL) - Operations at Ugas Khalif Airport in Beledweyne have resumed after close to a week suspension following the crash of an aircraft there. Source: Hiiraan Online
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb wali dhinac la iskuma raacin, shirarkii gaar-gaarka ahaa ee ay yeelaneyeen madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaana wali wax jiho ah laheyn iyadoo la isku maahdaafsan yahay qodobada qaar ee ay madaxda ka hadleyso taasoo lagu tilmaamayo nuuca doorashada. Marka laga tago tiro kulamo aan miisaan laheyn oo ka dhacay guriga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, hadana shalayto ma jirin shirarkii xawliga ahaa. Caasimadda Online ayaa ilo xog-ogaal ah ka ogaatay in shirka uu furmayo galinka dambe ee maanta, waxaana kaliya dhici doona khudbado jeedin iyadoo shirka lasoo xiri doono isla markaana lasoo saari doono war-murtiyeed fashilka looga ilaalinayo shirka Dhuusamareeb 2. Wararka waxey sidoo kale intaas ku darayaan in shir kale lagu balami doono 15 ilaa 30 maalmood kadib taasoo lagu dhameystiri doono go’aamada dhiman. Qodobada la isku haayo midi waa nuuca doorashada iyadoo madaxweyne Farmaajo uu wali ku adkeysanaayo doorasho qof iyo cod ah halka maamul goboleedyada ay doonayaan doorasho dadban oo aan aheyn midii uu qabtay Xasan Shiekh. Marka qodobkaas laga soo gudbo, waxaa jira qodob kale oo ilaa iyo hadda la isku hayo waana guddiga turxaan bixin doona labada nuuc doorasho ee la isku hayo, guddigaas waxaa la isku soo hadal qaaday inuu ka koobnaado heer federaal iyo xeer maamul goboleed, tala bixintooda kadibna waxey wax walba horkeeni doonaan shirka xiga ee la isugu imaan doono. Arinta ugu xiisaha badan waxey tahay in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in shirka lagu soo biiriyo xubno matala guddoonka Baarlamaanka, balse waa lagu gacan seyray. Inkastoo lagu wareersan yahay mowqifka Xasan Cali Kheyre ee arrimaha doorashooyinka hadana waxa ugu weyn ee in xal laga gaaro u baahan waa labada mowqif ee madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada oo mowqif mid ah leh.
  15. MOGADISHU (HOL) - Seven ISIS militants were killed Tuesday in an airstrike in Puntland, the US military has said. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddidii wasiirrada ahaa ee uu madaxweynuhu u magacaabay qorshaynta iyo nashqadaeynta magaalooyiinka dalka oo yeeshay kulankoodii labaad ayaa falanqayn ka yeeshay nashqadeynta magaalada Ceerigaabo. Kulankan oo ay guddidu ku yeesheen xarunta wasaaradd Hawlaha guud, dhulk iyo guriyeynta, waxay kaga hadlaeen qorsheynta iyo nash-qadeynta magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta Cabdirashiid Ducaale Qambi, oo sheegay in ay guddidu tixgaliyeen codsi uga yimid maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo uu ku codsaday in qorshe iyo nashaqad cusub loo sameeyo magaalada Ceerigaabo, wuxuuna intaas ku daray in guddidu tixraacday xeer Lr 17 qodobkiisa shanaad farqadiisa koowaad oo tilmaamaysa in guddidu ogolaato marka maayarka degmada uu ka yimaado codsi ku saabsan nashqadeynta magaalada uu maayarka ka yahay. Wuxuuna wasiirku intaas raaciyey in guddidu go’aamisay in wasaaradda Hawlaha guud, Dhulk iyo Guriyeynta ay nashaqdeyn cusub u samayso magaalada Ceerigaabo isla markaana ay wasaaraddu raacaydo xeerarka iyo qorshaha wasaaradda ee ku aadan dhulka. Sidoo kale, waxa ay guddidu soo saareen in ay dhawaan kormeer ugu baxayaan gobollada dalka, iyaga oo dabagal ku samaynaya go’aamadii hore guddida uga soo baxay ee la xidhiidhay dhulka danta guud ee ay dawladaha hoose gacanta ku hayaan. Halkan ka Akhri Source
  17. Taliska ciidamada daraawiishta maamulka Puntland ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ay kooxda Daacish shalay kula galeen buuraleyda gobolka Bari. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galka si gaar ah looga fuliyay deegaanada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari. Sida lagu sheegay warkan ka soo baxday Puntland waxaa dagaal ay ciidamadu la galeen dagaalyahanada Daacish lagu dilay illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu xusay in xubnaha la dilay ay ku jiraan saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Ajaaniib ah, inkastoo aan la shaacin magacyadooda. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa maanta degan, balse weli ciidamada maamulka Puntland ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi. View the full article
  18. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lle Jaabiri iyo Agaasimaha Guud Axmed Xasan Yuusuf ayaa manta soo gabagabeeyay imtixaankii shahaadiga dugsiyada sare oo muddo todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya. Wasiruu Dowlaha iyo Agaasimaha oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay qabsoomidda imtixaankaan dugsiyada sare iyo natiijada wanaagsan ee ka soo baxday meel marinta hadafka xukuumadda ee ku aadan horumarinta dhinaca waxbarashada dalka. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud,waxa ay uu mahadceliyeen,Wasaaradda Maaliyadda, hey’adaha amniga iyo cid kasta oo ka qeybgashay suurtagalnimada in si haboon uu ku dhamaado imtixaankii dugsiyada sare. Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lle Jaabiri iyo Axmed Xasan Yuusuf,waxa ay carabka ku adkeeyeen in faahfaahin ku saabsan imtixaankaasi shahaadiga ah ee loo qabtay dugsiyada sare wixii khuseeya dib laga soo sheegi doono. In ka badan 34600,ayaa u fariisatay imtixaankii shahaadiga dugsiya sare ee lagu qabtay Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale View the full article
  19. Bosaso (PP News Desk) — Details are emerging of an attack launched by Puntland Security Forces against a hideout of the Islamic State in Somalia, the proscribed organisation. Puntland forces targeted an ISIS hideout at Timirshe village under the jurisdiction of Iskushuban district, and hideouts and bases Tuursamaale and Camayra near Qandala. Sources from Puntland security forces have told Puntland Post that troops killed 8 ISIS fighters “who were regrouping in the hideout” at Timirshe. There are no independent accounts to corroborate the scant details about the attack. “Puntland Security Forces have conducted operations at Tuursamaale and Camayrya where more twenty ISIS fighters were killed including senior Somali officers and a foreign officer in charge of training and forging links between ISIS and other affiliates in other parts of the world. ISIS has been based in Somalia since 2014″ reads a Puntland Security Forces statement posted in its Facebook page”. PSF statement: The operation has been successful ISIS has hideouts and bases in parts of Bari region known for infrastructural inadequacies that the group and other terrorist organisations exploit to plan attacks against main towns such as Bosaso. Last year, drones had killed several men who were scraping frankincense off trees after the United States Africa Command mistook them for ISIS fighters. Poor service delivery, minimum presence of Puntland State Institutions and a weaker link between people and Puntland government have long made Iskushuban and some Bari districts a strategic choice for ISIS to spread its wings in Puntland. ISIS has been in competition with Al-shabaab to levy an illegal tax on businesses in certain districts in Bari to increase its revenues. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND FORCES ATTACK AN ISIS HIDEOUT NEAR ISKUSHUBAN appeared first on Puntland Post.
  20. Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa goor-dhawayd soo gaadhay wefti ka socda Dowladda Itoobiya, Wefdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalka Itoobiya Axmed Shide, waxaana Garoonka diyaaradaha Hargeisal kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Intaas kadib waftiga Wasiir Axmed Shide ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Somaliland, iyagoo halkaas kulan kula qaadan doona Madax kala duwan oo ka tirsan Somaliland. Weli lama oga Ujeedka ay Hargeysa u yimaadeen weftigan ka socda Itoobiya, hayeeshee warara la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayna kala hadli doonaan Arrimo kala duwan. Qaran News
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan hore loo sii shaacin safarkooda ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wafdigaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Itoobiya, Axmed Shide ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa ee Cigaal, iyada oo halkaasi ku qaabileen xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland. Wafdiga Axmed Shide ayaa waxa loo sii gudbiyey qasriga madaxtooyada Somaliland, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda sarre ee Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wafdiga Axmed Shide ayaa xukuumada Somaliland kala hadli doona xiriirka cusub ee Masar, maadama ay dowladda Itoobiya ay xasaasiyad ka qabto xiriirkaasi. Wafdiga dowladda Itoobiya ayaa su’aalo ka weydiin doona madaxweynaha Somaliland saldhiga millateri ee dowladda Masar ka sameysaneyso deegaanadeeda, Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online. Sidoo kale madaxweyne Biixi iyo Wafdigaasi ayaa ka wada-hadli doona xiriirka labada dhinac oo muddooyinkii dambe u muuqday mid meeqaamkiisu uu hoos u dhacay iyo arrimaha amniga. Socdaalka Wafdiga Axmed Shide ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan magaalada Hargeysa ay tageen saraakiil Masaari ah oo xukuumada Biixi ka dalbatay inay siiso saldhig millateri, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Masar ayaa u muuqda mid xiisad xoogan dhaliyey, iyada oo Itoobiyana ay walaac ka qabto dhaq-dhaqaaqa Masar ee geeska, xili ay kala dhaxeyso xiisada dabada dheeratay ee webiga Nile-ka.
  22. Ciiddanka Difaaca ee dalka Uganda (UPDF) waxay sheegeen inay Soomaaliya u soo diri doonaan diyaaradaha Helikop-tarada ee dagaalka, si ay taageeraan ciidankaa AMISOM. Afhayeenka ciiddanka milatariga Uganda, Richard Karemire ayaa shaaciyey inay diyaaradahaasi loo adeegsan doono taageerida ciiddanka dhulka ee AMISOM marka ay fulinayaan howl-galladda ka dhanka ah Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay. Richard Karemire wax faahfaahin ah kama bixinin tirada diyaaradahaasi iyo xilliga la soo gaarsiin doono howl-galka AMISOM ee Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay muddo 8 sano kadib oo ay Uganda sheegto inay Soomaaliya u soo direyso diyaaradaha Helikop-tarada ee lagu dagaalamo. Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 6,000 oo Askari, waana ciiddanka ugu tirada badan ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM, marka loo eego ciiddamadda kale ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Burundi, Kenya iyo Ethiopia. View the full article