Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, Somalia - Somalia’s special forces liberated at least four villages in Lower Juba, southern Somalia, from al-Shabaab terrorists, a military official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  2. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in mowqifka Faransiiska uu iska indho tirayo xaqa sharciga ah ee Turkigu u leeyahay Bariga Mediterranean-ka, islamarkaana damaciisa xagjirka ah uu dhaawacayo nabadda iyo xasiloonida. Hadalkan ayaa yimid ayada oo dhowaanahan ay sii kordheysay xiisad u dhaxeysa Paris iyo Ankara ee ku saabsan Libya. Wasaaradda arrimaha dibedda waxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku boorisay in uu joojiya talaabooyinka khatarta gelinaya amniga iyo mustaqbalka Libya, Syria iyo Bariga Mediterranean-ka, badelkeedana uu sameeyo hanaan wadaxaajood. “Faransiiska oo aan xeeb ku lahayn Mediterranean-ka, waa in uu fahmaa in u dhaqanka sidii dal xeeb ku leh aysan xaq u siineyn go’aaminta arrimaha gobolka. Nasiib darro, waa ay iska caddeyd muddo fog in Faransiiska uusan dooneyn in uu horumarka Bariga Mediterranean-ka u qiimeeyo si dhex-dhexaad ah oo caafimaad qab leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga. “Madaxweyne Emmanuel Macron in uu taageeradda Turkiga ee Dowladda Libya ku tilmaamo cayaar halis ah, keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu xaqiiqda ka baxsanayo,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda. Qoraalka waxaa lagu cadeeyay in Faransiisku uu door muhiim ah ku lahaa in Libya la geliyo qalalaase, uuna cayaarayo “cayaarta qatarta ah” ee Libya, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in ka aamusnaanta Faransiiska ee faro-gelinta Masar ee Libya ay tahay xaqiiq mudan in la xuso. Isagoo ka hadlayay hadalkii Macron ee la xiriiray Turkiga iyo Libya, ayaa afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga (AK Party), Ömer Çelik waxaa uu cambaareeyay mowqifka Madaxweynaha Faransiiska waxaana uu yiri “Faransiisku waa taageereaha siyaasadaha horumarinaya xasilooni daradda Libya iyo Mediterranean-ka.” “Dadka Libya ayaa go’aamin doona mustaqbalka Libya, Faransiisku ma go’aaminayo,” ayuu Çelik hadalkiisa ku daray. “Siyaasadda Macron waxay taageereysaa mucaaradka isku deyaya in ay xadaan sharciyadda iyo mustaqbalka dadka Libya. Waxaa si cad loo arki karaa, kuwa eedeynaya madaxweyneheena iyo kuwa ay taageradda Turkiga ee Libya hor-istaagtay in ay yihiin gumeysi cusub.” Warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu Macron isniintii ku eedeeyay in Turkiga uu cayaar halis ah ku dheelayo Libya taasi oo khatar ku ah gobolka oo dhan. Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Paris ayaa korortay sanadkii lasoo dhaafay, markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in hadii aysan NATO jawaab ka bixin howlgalka argagixiso la dirirka ee Turkigu ka wado Woqooyiga Syria ay muujineyso in maskaxda xulifadu ay dhimaneyso. Xiisadda Ankara iyo Paris waxay kasii dartay todobaadkii lasoo dhafay markii Faranisiisku dhaleeceeyay “gardarro halis” ah oo maraakiibta Turkigu u geysteen kuwa Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO ee Mediterranean, taasi oo Ankara ay ku tilmaantay mid aan “sal lahayn.” Macron ayaa tilmaamay in taas caddeynteedu ay NATO quseyso.
  3. OTTAWA -- A majority of the Ottawa residents who have tested positive for COVID-19 over the past six weeks were visible minorities and immigrants to Canada, according to Ottawa Public Health. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareysi uu bixiyey ku faah-faahiyey sida loo beddelay nuqulladii saxda ahaa ee xeerarkii afarta ahaa ee ay sida wadajirka ah u soo diyaariyeen guddiyada wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka. Guddomiye Cabdi Xaashi ayaa sharci-darrada dhacday ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay qaateen wax uu ugu yeeray go’aan siyaasadeed. “Labada Aqal mid kasta gaarkiisa ayuu shuruucda u ansixiyaa, marka golaha shacabku waxa ay ansixin ku bilaabeen nuqul aan aheyn kii ay isla soo diyaariyeen guddiyada isku dhafka ah ee labada gole oo ay iyagu sameysteen, cadeynteedana waxaad ka heleysaa faahfaahinta shaxda ku lifaaqan qoraalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha oo wareysigan siiyey Idaacadda VOA ayaa sidoo kale cadeeyay inay kala laba yihiin xeerarka afarta ah ee hadda iyaga hor yaalla oo guddigu u soo gudbiyey iyo kan hor yaalla golaha shacabka, oo sida uu sheegay la bedelay. “Shaxda aan soo dirnay, waxaa ku cad in horta meel kasta oo Aqalka Sare uu uga jiray xeerarka laga tiray, waxaa kaloo laga saaray in sharcigii la ansixiyo uu marayo saxiix madaxweyne, marka anigu ma garan u jeedada laga leeyahay,” ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in labada Aqal uu ka dhex qarxay khilaaf culus, isla markaana xeerarka horyaalla golaha shacabka ay qorayaan in Aqalka Sare uusanba shaqo ku laheyn oo aan loo gudbineyn markii ay iyagu meel mariyaan sharciga. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdi Xaashi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Cabdi-Xaashi.mp3
  5. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Coronavirus, waxaa ay ku sheegtay in dalka laga helay 25 xaaladood oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska laga kala helay Somaliland 17, gobolka Banaadir 7 iyo maamulka Koonfur Galbeed oo laga xusay 1 kiiis, waxaa soo bogsaday 8 ruux, halka aan la xaqiin muwaadin u geeriyooday xanuunka. Kiisas wasaaraddu shaacisay 19 kamid waa Rag, halka 6-ka kale yihiin Dumar. guud ahaan xanuunka ayaa waxaa ayaa ku dhacay 2,860, waxaa ka bogsaday 837, halka guuda ahaan dalka ay ugu geeriyoodeen 90 Muwaadin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Waxaa Sharaf weyn ii ahayd inaan Galabta ka gudoomo Jaaliyada Somaliland ee reer Bristol lacag dhan £7,540 gini oo u dhiganta $9,448 US dollars oo loogu talo galay gurnadka xanuunka COVID.19 ee ku habsaday Dalka Somaliland aniga oo ka Wakiil ah oo metelayay Safiirka iyo Safaarada Somaliland ee Dalkan UK. Jaaliyada reer Somaliland ee Magaalada Bristol ayaa dhaqaalahan kaga jawaabaysay Baaq guud oo ay Safaaradu kaga codsatay in Jaaliyadaha Somaliland ee Dalkan ku nooli ay ka qayb qaataan Taakulo dhaqaale oo lagu tabaruco sidii Xanuunka COVID-19 loola tacaali lahaa. Waxa ay Jaaliyada Somaliland ee UK ku dhaqan iyo Safaaradu ay hore isula garteen in la iibiyo laba Baabuur oo waaweyn oo ay ku raran yihiin ama ku rakiban yihiin Qalabka lagu baadho xanuunada COVID-19 Iyo xanuunada kale (Laboratory testing for coronavirus) labadaas baabuur oo midi ka hawl geli doono Gobolada iyo Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Gobolada Bari ee Dalka Somaliland, Gaadhiga kalana uu ka hawl geli doono Gobolada, Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Gobolada Galbeed ee Somaliland. Magaalooyinka kala duwan ee UK ayay ka socdaan dhaqaale ururintaasi, waxaana lagu ballansan yahay in Magaalo kastaa ay soo shubto lacagta ay ururiyeen wixii ka horreeya maalinta Jimcaha ee inagu soo aaddan Insha Allah. Isla galabta waxaan lacagtan si toos ah aanu ugu shubnay Akoonka Hay’adda AMAR Foundation oo soo iibin doonta labadaas Baabuur ee qalabaysan. Waxaanu u Mahadnaqayaa Jaaliyada Bristol, waxaanan ka codsanayaa in Jaaliyadaha kale ee UK ku dhaqanina ay soo wareejiyaan lacagtii ay uruuriyeen Maalinta Jimcaha ee inagu soo aaddan hadii uu Allah raali ka noqdo. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol.UK Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxba jama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, kaas oo ahaa xildhibaanada golaha shacabka la hor geeyay afar xeer oo aan aheyn kii ay isla soo diyaariyeen guddiyada wadajirka ah ee laba Aqal, kuwaas oo durbaba laba ka mid ah la meel mariyay. Afarta Xeer ayaa laba ka mid ah ay ansixiyeen Xildhibaanada golaha shacabka waxayna kala yihiin xeerka qoondada haweenka iyo xeerka asteynta kuraasta goballada waqooyi, waxayna labadii maalin ee u dambeysay ka doodayeen kii seddaxaad oo ah xeerka metelaada gobolka Banaadir. Senatorradan beeninaya hadalka guddoomiye Cabdi Xaashi oo siyaasiyiin badan ay ku xagliyeen inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia ayaa waxaa hor boodaya Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo waxaana qeyb ka ah kuwo kale. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiyada wadajirka ah ee labada Aqal u qaabilsanaa soo diyaarinta xeerarkaas ay doodu ka dhalatay ayaa shirkaas jaraa’id ka sheegtay in xeerarka la horgeeyay golaha shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bilood ka badan ay ku jireen diyaarintooda. Senator Jawaahir ayaa sidoo kale sheegtay in dad dano gaar ah leh ay soo direen warqaddii kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana aysan la qabin warqadaas Guddoomiyaha. Dhankiisa Senator Ayuub Ismaaciil oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah, maadaama guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka ay si wadajir ah umagacaabeen guddiyada isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarkan afarta ah oo hoos imaanaya sharciga doorashooyinka Qaranka. Sidoo kale Sanator Ayuub ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi aysan inta badan senatorada Aqalka Sare la qabin warqadii uu soo saaray, waxuuna ku tilmaamay qorshe lagu duminayo golaha Aqalka Sare. Senatorradan Muqdisho ku qabtay shirka jaraa’id ayaa ka mideysnaa kelmadda ah in Guddoomiyahooda Cabdi Xaashi uu jebiyay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka dalka. Guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shaaca ka qaaday in nuqulka afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka ee la horgeeyey golaha shacabka uusan ahayn kii lagu heshiiyey ee loo soo gudbiyey guddoonka labada Aqal, kadib war-saxaafadeed ka soo baxay xaafiiskiisa. Hoos ka daawo Senatarada
  8. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxtooyada Beledweyne ku qaabilay, wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida Wafdigani ay isugu jiraan Heer wasiiro, maamulka gobolka Shabeelle ee dalka Itoobiya iyo saraakiil sar sare oo ka socday xafiiska Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Cagjar. Madaxweynaha iyo wafdiga ay iska xog wareysteen muhiimada ay leedahay Iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta ganacsiga, Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen ay ku qotonto dhinacyo badan sida ganacsiga wada noolaanshaha iyo amniga bulshada. Wafdiga ayaa magaalada Baladweyne waxaa ay u yimaadeen sidii xal waara looga gaari lahaa dilal aano Qabiil ah oo dhowaan ka dhacay xadka gobolka uu la wadaago dowlad deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB ayaa Al-Shabaab ka saaray Degaanno ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, kaddib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka Jubadda Hoose. Kumaandooska ayaa howlgalkaan kula wareegay tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo muddooyinkii dabmbe Al-Shabaab ay ariminayeen. Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabab intii howlgalka ay ku guda jireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Washigtnon (Caasimada Online) – La-taliyihii hore amniga qaranka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu isu diyaariyay in uu Israel ku taageero duqayn ka dhan ah Iran, sida uu ku sheegay Book cusub oo uu ku magacaabay The Room Where It Happened. “Arrinta Iran, waxaan ku dooday in uu horay ugu socdo ka bixitaanka heshiiska Nuclear-ka, waxaan sharaxay sababta in awood loo adeegsado barnaamijka nuclear-ka Iran ay u noqon karta xalka keliya,” ayuu Bolton ku qoray buugiisa. Inkastoo Bolton uusan sheegin awood ay isticmaaleyso Israel, Trump ayaa ku jawaabay in uu taageeri lahaa Ra’iisul Wasaare Natanyahu, hadii uu weerar qaadayo. “U sheeg Bibi [Netanyahu], hadii uu awood adeegsanayo, waan taageeri doonaa. Waan u sheegay anigu, laakiin adna mar kale u sheeg,” ayuu Trump yiri, sida uu qoray Bolton. Bolton waxaa uu sidoo kale xusay in October 2018-kii, kulan ka dhacay Kremilin-ka, uu madaxweynaha Ruushka Vlaimir Putin shaki geliyay awoodda ay Israel u leedahay in ay ku weerarto Iran. “Wuxuu yiri ‘Israel keligeed ma qaadi karto tallaabo militerI oo ka dhan ah Iran, sababtoo ah ma heysato awood ku filan, gaar ahaan haddii Carabtu ay istaagaan dhabarka Iran, taas oo aan suurta gal ahayn’” ayuu qoray Bolton. Kushner oo xanibay in lasoo waco Trump Bolton waxaa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay dhacdooyin ka dhacay shirkii G7 ee sanadkii lasoo dhaafay, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif uu ku tagay booqasho lama filaan ah, si uu ula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. La-taliyihii hore ee amniga qaranka waxaa uu xusay in isaga iyo Netanyahu ay kasoo horjeedeen booqashada, wiilka uu sodoga u yahay Trump ahna la-taliyihiisa ee Jared Kushner uusan diidaneyn. Bolton waxaa uu qoray in Kushner uu hor-istaagay telefoon Ra’iisul wasaaraha Israel u diray Trump si uu ugu qanciyo in Madaxweynuhu uusan la kulmin Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran. “Meesha uu degenaa Trump, waxaan ku arkay Mulvaney oo ahaa sii hayihii hore ee madaxa shaqaalaha Aqalka Cad iyo Kushner. Kushner waxaa uu la hadlayay David Friedman oo ah safiirka Maraykanka ee Israel, waxaana uu u sheegayey in uusan dooneyn in Natenyahu uu la hadlo Trump.” “Markii uu teleefanka damiyay, Kushner waxaa uu sharaxay in sababta wicitaanka Netanyahu uu u joojiyay ay tahay in aysan ku habooneyn in hoggaamiye shisheeye uu Trump kala hadlo wax ku saabsan cidda uu la hadlayo.” Inkastoo Trump uusan la kulmin Zarif, hadana Bolton waxaa uu ka walaacsanaa in Kushner iyo Xoghayaha Maaliyadda Steven Mnuchin ay la kulmeen Zarif, isagoo intaas ku daray “warqadaan waxa ay muujineyso waa wixii aan rumeysnaa in ay ka warwareen saraakiil sare oo Israel u dhashay.” Bolton waxaa uu mar dambe buuggiisa ku qoray in Trump doonayey in uu la kulmo Zarif iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani iyo Putin-ka Ruushka.
  11. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has made changes in the military that has seen Navy and Land force heads swap positions. Source: Hiiraan Online
  12. Allaha u naxariistee Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan Axmed-Cigan (Cali Baaddiye) wuxuu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10-km qiblada uga beegan Bookh 1948. Magaalada Bayra ayuu qur’aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu dugsiga hoose ilaa fasalka 4aad ku qaatay. 1962 ayuu Gaalkacyo ugu wareegay dhammaystirka dugsiga hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad dugsiga dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytsay 8aad, kaddibna dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu dugsiga sare uga baxay. June 1967 ayuu tartanka Layli Sarkaal ugu baxay dalkii Midowga Soofiyeeti. Magaalada Odensa ee hadda Ukrain noqotay ayuu Akadeemiyada saraakiisha, qaybta hoggaaminta iyo farsamada Tanks uga baxay 1970. Tababarka Commandos ayuu Hiilweyne (Balcad) ku qaatay waxaana loo magagaabay Abbaanduulaha (Taliye Xigeen) ururkii Tanks-ka Buulo-barde halkaas oo uu kula kulmay xaaskii carruurta waaweyn Murwo Shamso Maxamed-Carab Faarax Shuuriye (Beerlula – gabadha heesta Beledweyn loo qaaday). Horraantii 1973 ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 8aad ee Tankiga nooca T54 oo dalka ku cusbaa Dararweyne (18-km north of Hargaysa). 1974 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Gar-adag taasoo uu markii dambe degmonimadeedii ku wareejiyay Ceel-afweyn kadib amar gobol oo xiligaas saxiixay Cadde Muuse Xirsi Guddoomiyihii gobolka Sanaag. 1976 ayaa loo magacaabay Taliyaha waaxda tababarka hoggaaminta iyo farsamada Taangiyada ee kulliyaddii saraakiisha ee Jaalle Siyaad. Jan. 1977 ayaa loo magacaabay isaga oo G/Dhexe ah Taliyaha Jabhaddii Liibaan ee Soomaali Abbow halkaas oo uu qabtay ilaa caasimadda gobolka Sidaamo Awaasa oo Nagele 120-km xagga Addis Ababa ka xigta. Soo noqoshadii ciidamada Soomaaliya May 24, 1978 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe oo caasimaddu Dujuma ahayd markaas, isagoon wali gaarin Dujuma ee Baydhabo jooga ayaa Inqilaabkii 9 April dhicisoobey, 10kii April 1978 ayaana laga soo xiray Baydhabo. Taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa 30 sano oo xabsi sharci darro ah ku xukumay kaasoo uu Godka Laanta Buur – Afgooye ku jirey ilaa 18kii Nov. 1989. Kaddib wuxuu u soo wareegay Gaalkacyo, wuxuuna hoggaamiyey Guuto 2aad oo aagga Shilaabo ilaa Balanbal ka saartay jabhadii USC. 22 Feb. 1991 ayaa Guddoomiyihii SSDF Gen. Maxamed Abshir Muuse u magacaabay Maamulkii Woqooyi Bari Soomaaliya Muddiirka Gaashaandhigga. Muddadii dib u habaynta wuxuu kamid ahaa Taliska xaaladda deg dega ee difaaca Woqooyi/Puntland. Wuxuu ka qaybqaatay heshiisiintii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse iyo mdayntii ciidamada . 2008 ayaa Taliyaha ciidamada Daraawishta Puntland loo magacaabay, base muddo yar kaddib uu iska casiley. Wixii intaas ka dambeeyey Gen. Abdirisaaq wuxuu ka shaqeynayay difaaca iyo horumarka gobolka Mudug. Ugu dambeyna Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan (Cali Baaddiye) wuxuu saaka ku geeriyooday magaalada Qabribayax ee dowlad degaanka Soomaalida. PUNTLAND POST The post Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Marxuum Gen. Cali Baaddiye? appeared first on Puntland Post.
  13. NAIROBI (HOL) - Customers of the Somalia based SomBank can now transact at the comfort of their mobile phones thanks to a pact with the banking software giant giant Temenos. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu sheegay in been abuur lagu sameeyey, lana bedelay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen, islamarkaana Baarlamaanka la hor geeyey mid aan aheyn midkii ay diyaariyeen, ayaa waxaa lasoo bandhigay liiska qodobada laga badalay sharciga. Wax ka beddelka sharci-darrada ah ee la sameeyey ayaa waxaa caddeynaya in nuqulka saxda ah ee maanta uu soo bandhigay Aqalka Sare uu bog kasta leeyahay saddex shabbad oo kala ah Aqalka Sare, Aqalka Hoose, iyo Guddiga Wadajirka ah. Balse nuqulka la been abuuray uusan lahayn. Qodobada wax badalka lagu sameeyey ayaa gaarayo illaa 27 qodob, waxaana meesha laga saaray qodobo la isku ogaa, taasoo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn. Qodobada la badalay ayaa waxay inta badan u badan yihiin kuraasta Baarlamaanka oo la dhigay meel aan aheyn meshii markii hore la ansixiyey. Waxaa kamid ah qodobada meesha laga saaray in sharcigaan markii uu ansixiyo Baarlamaanka lasoo marsiiyo madaxweynaha, islamarkaana lagu soo saaro digreeto dowladeed. Sidoo kale qodobada meesha laga saaray ayaa waxaa kamid ah Magaca (Somaliland) oo lagu badalay Gobolada Waqooyi Barri. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa wax ka badalka lagu sameeyey sharcigaas ku eedeeyey inay ka dambeeyaan guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan. “Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri. Halkaan hoose ka akhriso qodobadii saxda ahaa iyo kuwii lagu badalay oo is garab yaalo
  15. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xil ka qaadis ku sameeyey qaar kamid ah golihiisa wasiirada, halka uu kuwa cusub magacaabay. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka. Sidoo kale Maxdaweynaha Koonfur Galbeed ayaa ayaa magacaabay 8 xubnood oo isugu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal. Hoos ka akhriso wareegtada PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay Afaafka hore ee Madaxtooyada, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada. Madaxweynaha ayaa waxaa saarkiisa ku wehlinaayey, qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada sida wasiirka Dekadaha iyo kalluumaysiga, iyo wasiirka Bey’ada iyo hormarinta reer miyiga, saraakiil ciidan. Madaxweynaha ayaa maalmahaan safarro ku marayey gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana la filayaa inuu gaaro magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraaro. Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la dooratay waxaa ay tahay safarkii ugu horeysay uu kula bixiyo deegaannada Galmudug, si uu ugu kuurgalo xaalada ka jiro deegaanada Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Somaliland ayaa xabsiga ka siideysay labo gabdhood oo fannaaniin ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Hargeysa, waxaana xabsiga la dhigay ka dib markii ay ka laabteen Muqdisho ay ka qaadeen Heeso. Labada fanaan ayaa lagu kala magacaabaa Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali, iayaga warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay in markale ay dib u helaan xoriyaddooda . Somaliland ayaa horay xabsiga uga siideysay wariyaal iyo dad magac ku dhex lahaa bulshada, kuwaas oo kamid ahaa Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo muddo u xirnaa, kadib markii ay ku eedeysayey inuu meel uga dhacay qaranka. Siideynta labadaan fannaan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo dhowaan dib u bilaabashada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay la isku raacay in la fasaxo isku socodka dadka, ganacsiga, ciyaaraha iyo Fannka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ayaa markale sare usii kacday kadib markii hadalo xanaf leh ay warbaahinta isku mariyeen madax ka tirsan labada maamul. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa shalay sheegay inay iska difaaci doonaan daan-daansi kasta oo uga yimaada maamulka Puntland, xili ay ka dhex aloosan-tahay xiisad xoogan oo mararka qaar horseeda dagaal dhex-mara ciidamada kala taabacsan labada dhinac. Wasiir Koore ayaa sidoo kale hadalo qalafsan oo aflagaado u muuqday u adeegsaday madaxweynaha Puntland, taasi oo uu ka jawaab celiyay Wasiirka dhigiisa ah ee maamulka Puntland. Cabdilaahi Timacade, Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isagoo daba socda hadalka Wasiir Koore luuqad adag ugu soo jawaabay xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Cabdilaahi Timacade ayaa ku hanjabay inuu dhiig daadan doono, haddii ay Somaliland iskaga bixi weydo dhul xuduudkeeda ay ku muransan yihiin labada dhinac, kaasi oo uu sheegay inuu yahay dhul ka tirsan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa Saleebaan Koore ku tilmaamay nin maqaar saar ah oo dhulkiisa uu ku matalo xukuumada Somaliland lagu guumeysto, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaan rabaa inaan u sheego Saleeban in dhulka madaxweyne Deni ka hadlay uu yahay Puntland haddii ay Somaliland iskaaga bixi weydaana uu dhig ku dadaan doono” ayuu yiri Wasiir Cabdilaahi Timacade. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa saka ku arkayey baraha bulshada ceel-biyood laga qoodayey Sool iyo cayn oo u joojiyey wasiirka biyaha maamulkaas una ku tilmaamey sharci daaro, Taasa saleeban ku filaan gumeysiga lagu haayo dadka reer Sool iyo Cayn. Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan iska dhigo tira baaqyo nabadeed oo laga soo saaro xiisada ka dhex aloosan, iyagoona mararka qaar uu labada dhinac dhex-maro dagaal khasaare badan geysta, kuwaasi oo ku saleysan gacan ku haynta deegaanada xuduudka.
  19. Soomaaliya ayaa saacadihii tagay waxaa ay qaadatay labo go’aan oo ku tusinaya isbadalka xiriirka arrimaha dibadda. ee muddo soojiray. Muqdisho waxaa ay kahortimid qodobbo ku jiray qaraarro ka dhan ah Turkiga iyo Itoobiya oo ay wadatay Masar kuwaas oo ku saabsanaa Libya iyo Biyo-xireenka Nile-ka ee Itoobiya. Jaamacadda Carabta waxaa ka soo baxay qaraarro ay Masar garwadeen ka aheyd oo midka hore looga hadlay xaaladda Libya. Qaraarka xoogga lagu saaray xaaladda Libiya, waxaa uu ku taliyey in arrimaha dalkaasi xal siyaasadeed loo raadiyo, lana dhowro madaxbannaanida iyo midnimada Libya isla markaana la diido faragelinta shisheeye. Qaraarkan oo ka koobnaa 14 qodob ayaa la sheegayaa in dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Tunis ay ka horyimaadeen qaar ka mid ah qodobada. Soomaaliya waxaa ay iska diiday qodobada 7-aad, 8-aad iyo 11-aad , qodobbadan ayaa kala ahaa: Qodobka (7aad). In la diidayo faragelinta shisheeye ee Libya. (8aad). In hawgallada military la joojiyo, xal siyaasi ah la gaaro, oo la wadahadalo, qaramada midoobeyna ay hoggaamiso iyo (11-aad). iney Libya ka baxaan calooshood u shaqeysteyaasha, arrintaas ay xil iska saran qaramada midoobey iyo beesha caalamka. Dhanka kale waxaa jiray qaraar kale, oo Masar ay jaamacadda Carabta keentay oo khuseeyey Nile iyo biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseyso, sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ka hortimid qodob kale. Qaraar ka soo baxay golaha jaamacadda carabta, kaba koobnaa 9 qodob ayaa lagu sheegay in amniga biyaha ee dalalka Masar iyo Suudaan uu qeyb ka yahay “amniga qaran” ee dalalka Carabta iyada oo Itoobiya looga digay iney bilowdo buuxinta biyo-xireenka. Qaraarkan waxaa isku raacay golaha Carabta oo dhan, laakin dalalka Soomaaliya iyo Djibouti ayaa iska diiday qodobka 5-aad ee qaraarka kaas oo ah Qodobka 5aad: In dalalka ay ka fogaadaan iney qaadaan talaabo hal dhinac ah, oo ay ku jirto in Itoobiya ay ka fogaato buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan heshiis la gaarin dalalka uu webiga biyaha ku shubo, arrintaas oo ka horimaaneysa heshiiskii lagu saxiixay Khurtoum March 13, 2015. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxaa goordhow mooshin loo gudbiyey Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Mooshinkan oo ay saxiixeen 130 oo golaha ah Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah ayaa lagu dalbaday in tirada aqalka sare ku mataleysa Banaadir laga dhigo 13 Senator. Waxaa golaha ka socota dood la xiriirta sidii matalaad loogu heli lahaa gobolka Banaadir taas oo kulmisa dadka oo dhan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maalmahaan booqasho ku marayay Deegaanada Galmudug ayaa maanta soo gaaray Magalada Cadaado. Waa markii u horaysay oo Madaxweyne [...] The post Qoorqoor oo gaaray Cadaado (Sawiro) appeared first on . Source
  22. Cabasho laga keenay Sida loo maamulay kursi degaan doorashadiisu ahayd Magaalada Kismaayo . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cabashada Laga Keenay Kuraasta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-18.mp4 Source: goobjoog.com
  23. Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Masar iyo Turkiga Is-barbardhig: Awoodaha milateri ee Masar iyo Turkiga Waxaa bilihii lasoo dhaafay isa soo tarayay xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ugu awoodda badan bariga dhexe, Masar iyo Turkiga oo kala taageeraya dhinacyada isku haya dagaalka ka socda dalka Libya. Dowladda Turkiga ayaa ciidamo u dirtay dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay Tripoli, halka dalal Masar ay kamid tahayna ay taageero u muujiyeen Janeraal Khaliifa Xaftar. Madaxaweynaha dalka Masar Cabdicasiis Al-Sisi ayaa maalmo kahor ku gooddiyay inay suurtagal-tahay in dalkiisa uu qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janeraal Khaliifa Xaftar. Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu madaxweyne Al- Sisi ku sheegay in magaalada Sirte ay Masar u tahay khad cas. Ciidamada dowladda oo uu Turkiga baritaarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ah Xaftar. Turkiga ayaa sheegay in haddii Xaftar uu doonayo xabad joojin waarta, marka hore laga doonayo in uu isaga baxo magaalada Sirte. Dadka darsa arrimaha Bariga Dhexe ayaa aaminsan in haddii Masar ay ka dhabeyso hanjabaada madaxweyne Sisi, ay taasi horseedeyso in dalalka Masar iyo Turkiga ay isku farasaaraan dagaalka gudaha Libya. Haddaba labada dhanka awoodda milateri halkee kala taagan yihiin? Awoodda milateri ee Masar Masar waxay kamid tahay dalalka ugu awoodda badan bariga dhexe Dalka Masar ayaa qiimeyntii sanadkan lagu sameeyay dalalka ugu awoodda badan caalamka dhanka milateriga waxaa uu ka galay kaalinta 9-aad, halka Turkiga na uu galay kaalinta 11-aad. Dalka Turkiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay kaalinta sagaalaad ka galay dalalka ugu awoodda badan dunida, balse haatan waxaa muuqata in uu hoos uga dhacay. Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka Bariga Dhexe, waxaana kaalinta labaad galay dalka Turkiga oo sanadkii hore wargeyska uu ku qiimeeyay in uu yahay dalka ugu awoodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global Fire Power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. Madaxweyne Sisi oo ciidanka kormeeraya Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwaangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda Global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Taangiyada dagaalka ee Masar Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. Awoodda milateri ee dalka Turkiga Gantaalada s-400 Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya sideetan milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global Fire Power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari. Turkiga ayuu GFP sheegay in ay ka mid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207. Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood. Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado. Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay. Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur. Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272. Ciidanka Turkiga Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog. Qaran News
  24. Feyraska corona oo markale kusoo laba kacleeyay Mareykanka Dr Fauci oo kahor hadlayaa sharci dejiyeyaasha Mareykanka Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo “sare u kac horleh” oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka. Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka. Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona. Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo. “Inta aan ka warqabo, midkeenna looma sheegin in aan hoos u dhigno tirada baaritaanada,” ayuu yiri Dr Fauci, oo ah agaasimaha machadka xanuunka faafa ee Mareykanka oo ka hor hadlayay guddi loo saaray ka sal gaaridda qaabka Dowladda Mareykanka ay uga jawaabtay xanuunka corona. “Dhab ahaantii waa aynu sii kordhin doonaa baaritaanada la xiriira feyraska” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dr Fauci Saraakiisha kale ee ka qeybgalay kullankaas ee katirsan xarunta kahortagga cudurada faafa ayaa sidoo kale ku gacan seyray hadalkii Trump, iyagoona sheegay in marnaba aanan lagu amrin in ay hoos u dhigaan baaritaanada feyraska corona. Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishii ba. Muxuu Trump ka yiri? Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha ee ku saabsanaa hoos u dhigidda ay ahayd “mid kaftan ah”. Ku dhawaad 2.3 milyan oo Mareykan ah ayuu ku dhacay xanuunka, halka 120 kun oo qofna ay u dhinteen. Waa dalka ugu badan dunida ee dhanka dhimashada feyraska corona. Donald Trump ayaa taageerayaashiisa Arizona u sheegay in uu “hoos u dhacay” dadka uu ku dhacayo xanuunka corona. Arizona oo uu madaxweynaha booqday ayaa isla maalintaas waxaa laga soo warriyay tiradii ugu badneyd ee uu ku dhaco xanuunka. Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in sideetan boqolkiiba sariiraha isbitaalada haatan la buux dhaafiyay, toddobaadyada soo socdana laga yaabo in aanay xamili karin xaaladda. Dr Fauci ayaa sidoo kale sheegay in dhammaadka sanadkan ay rajeynayaan in uu diyaar noqdo tallaalka feyraska corona. Qaran News