Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku eedeeyey inay ku fashilmatay hannaanka ku gaarista doorasho qof iyo cod ah, maqaamka caasimada, Afti u qaadida meel marinta Dastuurka, hirgelinta Axsaabta Siyaasadeed. Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa kale oo uu sheegay in dowladu ay awoodi weyday inay keento ciidamo hanta amniga, issagoo sheegay in 170 Xildhibaan ay ogolaadeen kalsooni kala noqoshadaas sidoo kalana ay ka hor imaadeen 8 Xildhibaan. Haddaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxaa xigi doono xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Kheyre kadib? Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaliya ayaa qaba inay wax kasta ku xirnaan donaan sida Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu uga jawaabceliya arrintani. “Haddii uu aqbalo inuu sidaas ku tago, una jihiista waddadii kale ee uu mari lahaa, waxaa laga yaabaa inay taasi fursad u siiso xukumaddu inay sii waddo gorgortankii ay ku jirtay. Balse haddii uu ka soo horjeestana, waxay noqon doontaa maadama aan maxkmad dastuuri ah jirin farogelin beesha caalamka ah in loo baahdo,” ayuu yiri Dr Bursaliid oo wareysii siiyay BBC-da. Sidoo kale Dr. Bursaliid ayaa intaasi ku daray in arrintani ay mugdi hor leh gelin karto kulankii lagu ballansanaa in la isugu yimaada Dhuusamareeb laba isbuuc gudhaood si go’an looga gaara arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa aqbalay kalsooni kala noqoshada xukuumada uu madaxda ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in la ridey xukuumada. Madaxweynaha, oo la rumeysan yahay inuu kalain weyn ku lahaa xil-ka-qaadista Kheyre ayaa sheegay inuu si de deg ah u so magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub.
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Socdaal dhulka ah kaga soo baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni waxaa Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Bulshada qaybaheeda kala duwan. Madaxweynaha oo markii uu Gaalkacyo soo galay hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Shacabkii soo dhowaynta u sameeyay. Mudane Deni wuxuu sheegay in uu maalmaha soo socda sii joogi doono Gaalkacyo halkaasna kaga qayb-geli doono Xuska Munaasabadda 1-da Agoosto oo ku beegan markii la aa’aasay Dowladda Puntland. Deni ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga soo qayb-galay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle kana mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharci daro ay tahay go’aankii xillka looga qaaday Xukumadda uu hogaamiyo Raysal wasaare Xasan Cali Kahyre. Halkan Ka Daawo Wasiir Maxamed Abuukar Islaw Oo Ka Hadlay Xarunta Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliy Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in xukuumadda ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku guul dareysatay dhowr qodob oo horay ay u balan qaaday taasna ay sabab u tahay in maanta lagala noqday kalsoonida sida uu sheegay Gudoomiye Mursal. Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Sharxaya Qaabkii Loo Riday Xukuumadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia Parliament has voted no-confidence against Prime Minister Hasan Ali Khayre, Speaker of People’s House announced on Saturday. MPs have today gathered to discuss the upcoming elections and the Independent Elections Committee’s report. However, according to Mohamed Islow Du’ale, MP and security minister, the agenda was changed immediately after opening the session into voting confidence against the cabinet. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, Speaker of People’s House, announced that the parliament ousted Prime Minister Hassan Ali Khayre with 170 MPs in favour while eight others against the motion. He called President Farmajo to come up with a new Prime Minister to reach one-person-one-vote election, in which the President has agreed with FMS leaders it is impossible to hold on its time. Minister of Internal Security Mohamed Abukar Islow said that the no-confidence vote is illegal and encourages term extension. Early this month, the cabinet suggested that election should be held on its schedule with a consensus of all political stakeholders. PM Khayre has emphasized that term extension could lead to political, security, and economic crises, and to avoid that, a punctual election is necessary. Leaders of the federal government and federal member states have issued on Wednesday a communique after five days of the meeting, saying that election with the general agreement should be held on its schedule. There is no comment from Prime Minister’s office yet.
  6. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has ‘accepted’ the removal of Prime Minister Hassan Khaire from office, Villa Somalia has said. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu maanta Baarlamaanku uu sheegay inuu kala laabtay kalsoonidii ayaa goordhow kusoo wajahan magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kheyre ayaa waxa ku wehliya safarkiisa xubno ka tirsan xukuumadiisa la sheegay in xilka laga xayuubiyey. Xasan Cali Kheyre oo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa usoo ambabaxaya Muqdisho, kadib markii uu ka war helay xil ka xayuubinta Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka ay kasoo horjeesteen xubno kamid ah xukuumadii Kheyre. Xasan Kheyre ayaa la filayaa in marka uu kasoo dago magaalada Muqdisho uu ka hadlo xil ka xayuubinta lagu sameeyay xukuumadiisa iyo arrimaha taagan. Ilaa hadda ma cada qaabka uu Kheyre uga hadli doono xil ka xayuubintiisa, inkasta oo wasiiro ka tirsan xukuumadiisu ay gebi meel adag iska taageen xil ka xayuubintasi.
  8. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dawalda Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aqbalay Go’aankii Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed xilka maanta [...] The post Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Xil ka qaadistii Raisal Wasaare Kheyre appeared first on . Source
  9. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Bangarafta Soomaaliya. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyada oo shaacisay in ay ku gubtay gaari Cabdi Bile ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro dhab-gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  10. Muqdisho, 25ka Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan. DHAMMAAD Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey ajandaha kalfadhigooda saddex iyo afartanaad ee ay ku shaqayn doonaan. Fadhigan oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay mudanayaashu cod gacan taag ah u qaadeen ajandaha kalfadhigooda saddex afartanaad. markii ay codayntu dhamaatay waxa natiijada codqaadista si rasmi ah ugu dhawaaqay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faraax, waxana ogolaaday afar iyo afartan xildhibaan, halka ay ka aamuseen laba mudane cid diidayna may jirin guddoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxay ajandaha kalfadhiga saddex iyo afartanaad ee golaha wakiillada Somaliland Source
  12. Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in ay soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in uu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda haatan Dalku ku jiro, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka uu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Ayuu Yiri Farmaajo. Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu ballan-qaaday in uu si degdeg ah u soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo aqblay Go’aankii lagu riday Xukuumadda Khayre appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan. DHAMMAAD View the full article
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb. Beesha Caalamka ee soo saaray War-Saxaafadeedka ayaa waxaa ay kala yihiin, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. Halkan Ka Daawo Warka Ka Soo Baxay Beesha Caalamka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-7.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda dalku jiro, balse gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada”: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka. “Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.
  17. Gudoomiyahay Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed Mude Maxamed Mursal ayaa Saaka kulan Fawdo ahoo uu qabtay xubnaha Barlamaanka Federaalka ah kaga dhawaaqay natiijo indho-sarcaad ah oo uu [...] The post Breaking News :- Daawo qaabkii fawdada ahaa ee Barlamaanku u codeeyey waa ” Aden Madoobe STYLE “ appeared first on . Source
  18. Ra’isul Wasaarihii Somalia ee Xilka laga tuuray oo ku soo wajahan Muqdisho+Fawdo socota Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saacadaha soo socda la filayaa in uu ka dego Muqdisho. Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa laga soo xigtay in diyaaradii soo qaadi laheyn Ra’isul Wasaaraha ku wajahan tahay magaalada Dhuusomareeb Wasiirada iyo xildhibaanada taageersan Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa abaabul xoogan xiligan ka wada magaalada Muqdisho, waxa ayna si weyna uga soo horjeedaan xil ka qaadista lagu sameeyay Qaar kamid ah hoteelada kuyaala magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo looga arinsanayo xiisadan siyaasadeed ee soo korodhay gaar ahaan xil ka tuurista Ra’isul Wasaare Kheyre. Ra’isul Wasaare Kheyre ayaan wali war kasoo saarin xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay , waxaan sidoo kale wali war ku aadan arintan aysan kasoo bixin Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo la rumeesan yahay in qorshahan gadaal ka riixayay Qaran News
  19. Maamul goboleedyada qaar ayaa magacaabay guddiyo u matali-doona shirka looga hadlayo doorashada ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ah. Guddiyadan oo lagu heshiiyey Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa iney shaqeeyaan, oo weliba ay dhameystiraan hawlahdooda ka hor 15 August 2020-ka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guddiyadaii https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-2.mp4 Halkan Ka Aqriso Qoraalada Ka Soo Baxay Maamul Goboleedyada Dowlad Goboleedyada Qaar oo Magacaabay Guddi Ku Matala Wada Hadallada Doorashada Ee Kala Dhaxeya Dowladda Federaalka ah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiiro ka tirsan labada maamul ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Ujeedka socdaalka labada madaxweyne ayaa ah mid ay ugu kuur-galayaan xaaladaha ammaanka ee magaaladaasi iyo deegaanada hoos yimaada. Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan maamulka magaalada Cadaado iyo odayaasha dhaqanka. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Dhuusamareeb. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  21. Dawladda Somalia Oo Guddiyada Wadahadalada Farsamo Ee Hargeysa & Muqdisho Ku Soo Dartay 4 Xubnood Oo Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Hargeysa(Geeska)-Dawladda Soomaaliya ayaa bilowga qaybta guddiyada farsamo ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u ku soo dartay xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan dawladdda Farmaajo. Xubnahan oo ay tiradoodu tahay afar xubnood ayaa caqabad ku noqon kara bilowga wejiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo ah guddiyo farsamo, oo ay Djibouti qorshaysay inay toddobaadkan ka furmaan dalkeeda. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, afarta xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ee ay Muqdisho doonayso inay ka mid noqdaan guddiyada farsamo ee horfadhiisan doona ergada Somaliland ayaa kala ah Wasiirka qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Agaasimaha wasaaradda maaliyada Saleban Sheekh Cumar Agaasimaha wasaaradda gaashaandhiga Axmed Cabdi Kooshin Dadka la socda geedi socodka wada hadalada ayaa aaminsan in dawladda Soomaaliya doonayso inay xubnahani carqalad ku noqodaan furitaanka wejiga labaad ee shirkan oo dhawr goor dib u dhacay ka dib markii uu Madaxweyne Farmaajo codsaday in dib loogu dhigo shirka. Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay si adag uga hortimaado inay wada hadlaan xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo aaminsan mabda’a federaalka. Qaran News
  22. Mogadishu (PPM) — In a televised statement the Speaker of the Somali Federal Government Mohammed Mursal has declared that “the Federal Government of Somalia has lost parliamentary confidence.” Mursal: Failure to prepare Somalia for one person, one vote elections justifies loss of parliamentary vote of confidence Failure to prepare Somalia for one person, one vote elections is the cause cited by the Parliamentary Speaker. “The violation of article 54 of the Electoral Law manifested in, among other things, failure to form security forces to secure poll stations in cooperation with the National Independent Electoral Commission” justifies loss of the parliamentary confidence, said Mursal. 178 MPs attended the parliamentary session today. “170 MPs voted for loss of parliamentary confidence against the Federal Government; 8 MPs voted in favour of the Federal Government” the Parliamentary Speaker said. If Prime Minister accepts the loss of the parliamentary confidence, President Mohamed Abdullahi Mohamed will have appoint a new Prime Minister. Analysts believe a term extension is the pipeline for Federal Institutions — the Presidency, the Upper House and the Federal Parliament. © Puntland Post Monthly, 2020 The post THE SOMALI PRIME MINISTER “LOSES PARLIAMENTARY VOTE OF CONFIDENCE” appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay arrimaha keenay in Kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Xukuumadda Khayre ay ku fashilantay in ay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah oo ku qabsoonta wakhtigeeda iyo dhammaystirka dib u-habaynta Dastuurka KMG ah ee dalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in Xukuumaddu ku fashilantay diyaarinta Ciidamo Isku dhaf ah oo suga Amniga Doorashada kuwaas oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed islamarkaana awaamiirta ka qaatan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in 170 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ay Kalsoonidii kala laabteen Xukuumadda Xassan Cali Khayre halka sideed Xildhibaan ay diideen Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda. Dhinaca kale wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare Cusub oo soo dhisa Xukuumad dalka gaarsiisa Doorasho qof iyo cod ah. PUNTLAND POST The post Mursal oo sharraxay sababta loo riday Xukuumaddii Khayre appeared first on Puntland Post.