Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WASHINGTON - Major victories against terror groups such as the Islamic State and al-Qaida have so far failed to stem their spread across the world, part of a worrisome trend identified in a new U.S. government report on terrorism. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qarank oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Shirkaasi qabsoomi doono inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 islamarkaana ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa adkaysay muhiimadda shirkaas maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  3. A Tanzanian subsistence miner has hit the jackpot after the government handed him a cheque for 7.74bn Tanzanian shillings ($3.35m) for the two largest tanzanite gemstones ever found. Source: Hiiraan Online
  4. H.E President @M_Farmaajo will, from 5-8 July, 2020, host FMS Presidents and the Governor of Banadir Region for a National Security Council meeting in Mogadishu. pic.twitter.com/ak4sSSz6Hu — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) June 24, 2020 Qaran News
  5. Turkiga oo jawaab kulul u diray Faransiiska iyo xiisadda labada dal oo kasii dartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in mowqifka Faransiiska uu iska indho tirayo xaqa sharciga ah ee Turkigu u leeyahay Bariga Mediterranean-ka, islamarkaana damaciisa xagjirka ah uu dhaawacayo nabadda iyo xasiloonida. Hadalkan ayaa yimid ayada oo dhowaanahan ay sii kordheysay xiisad u dhaxeysa Paris iyo Ankara ee ku saabsan Libya. Wasaaradda arrimaha dibedda waxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku boorisay in uu joojiya talaabooyinka khatarta gelinaya amniga iyo mustaqbalka Libya, Syria iyo Bariga Mediterranean-ka, badelkeedana uu sameeyo hanaan wadaxaajood. “Faransiiska oo aan xeeb ku lahayn Mediterranean-ka, waa in uu fahmaa in u dhaqanka sidii dal xeeb ku leh aysan xaq u siineyn go’aaminta arrimaha gobolka. Nasiib darro, waa ay iska caddeyd muddo fog in Faransiiska uusan dooneyn in uu horumarka Bariga Mediterranean-ka u qiimeeyo si dhex-dhexaad ah oo caafimaad qab leh,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga. “Madaxweyne Emmanuel Macron in uu taageeradda Turkiga ee Dowladda Libya ku tilmaamo cayaar halis ah, keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu xaqiiqda ka baxsanayo,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda. Qoraalka waxaa lagu cadeeyay in Faransiisku uu door muhiim ah ku lahaa in Libya la geliyo qalalaase, uuna cayaarayo “cayaarta qatarta ah” ee Libya, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in ka aamusnaanta Faransiiska ee faro-gelinta Masar ee Libya ay tahay xaqiiq mudan in la xuso. Isagoo ka hadlayay hadalkii Macron ee la xiriiray Turkiga iyo Libya, ayaa afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga (AK Party), Ömer Çelik waxaa uu cambaareeyay mowqifka Madaxweynaha Faransiiska waxaana uu yiri “Faransiisku waa taageereaha siyaasadaha horumarinaya xasilooni daradda Libya iyo Mediterranean-ka.” “Dadka Libya ayaa go’aamin doona mustaqbalka Libya, Faransiisku ma go’aaminayo,” ayuu Çelik hadalkiisa ku daray. “Siyaasadda Macron waxay taageereysaa mucaaradka isku deyaya in ay xadaan sharciyadda iyo mustaqbalka dadka Libya. Waxaa si cad loo arki karaa, kuwa eedeynaya madaxweyneheena iyo kuwa ay taageradda Turkiga ee Libya hor-istaagtay in ay yihiin gumeysi cusub.” Warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu Macron isniintii ku eedeeyay in Turkiga uu cayaar halis ah ku dheelayo Libya taasi oo khatar ku ah gobolka oo dhan. Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Paris ayaa korortay sanadkii lasoo dhaafay, markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in hadii aysan NATO jawaab ka bixin howlgalka argagixiso la dirirka ee Turkigu ka wado Woqooyiga Syria ay muujineyso in maskaxda xulifadu ay dhimaneyso. Xiisadda Ankara iyo Paris waxay kasii dartay todobaadkii lasoo dhafay markii Faranisiisku dhaleeceeyay “gardarro halis” ah oo maraakiibta Turkigu u geysteen kuwa Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO ee Mediterranean, taasi oo Ankara ay ku tilmaantay mid aan “sal lahayn.” Macron ayaa tilmaamay in taas caddeynteedu ay NATO quseyso. Qaran News
  6. Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano Codbixin xilli hore ah oo qeyb ka ah aftida 2020-ka ee loo aadayo isbaddalka dastuurka Ruushka oo ka dhacday gobolka Khanty-Mansi Autonomous “Putin la’antiis Ruushka ma jiraayo.” Tani waa fikradda uu aaminsanyahay ku xigeenka madaxa shaqaalaha madaxtooyada ee dalkaas. Sidoo kale waxaa sidaasi aaminsan malaayin shacabka Ruushka ah oo toboneyo sano u soo dooranaayay Vladimir Putin, inuu noqdo Raisul wasaare ama madaxweyne. Kalsoonidaan ayaa laga yaaba in dib loo cusbooneysiin 1da Luulyo, ka dib markii ay dhacdo afti dadweyne oo loogu talagalay in wax lagaga beddelo dastuurka Ruushka, kaas oo u oggolaanaya Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo muddo lix sano ah oo dheeraad ah ee madaxweynenimada dalkaas. Hogaamiyahan 67 sano jirka ah ayaanan meesha ka saarin inuu mar labaad u tartamayo jagada madaxweynaha wixii ka dambeeya 2024, marka waqtiga hadda la joogo uu dhammaado – wuxuuna awood u yeelan karaa inuu xukunka sii hayo illaa 2036. Aftidan ayaa la qaban doonaa maalin kadib markii la xuso sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay xukunkii Jarmalka iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee addunka ee Yurub. Maxaa loo qabanayaa afti? Madaxweyne Putin wuxuu siyaasadda Ruushka gacanta ku hayay 20 sano Bishii Janaayo 2020, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu soo jeediyay in la helo codad badan si wax looga baddalo dastuurka. Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee codka loo dhiibanayo ayaa ah suurtagalnimada ah in loo oggolaado Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo jagada madaxweynenimo si uu xilkaasi u haayo lix sano oo dheeri ah. Aftida, ayaa markii hore qorshahu ahaa in la qabto 22 Abriil balse waxa dib loogu dhigay sababa la xiriira xayiraadda feyraska Corona, balse hada waxa la qaadi doono aftida 1da Luulyo. Si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka kala fogaanshaha, codadka ayay dadka dhiiban doonan muddo shan maalmood gudahood ah. Waxayna sidoo kale aftida ka dhici doonta gobolada sida daran uu u saameyay xanuunka Covid-19. Dad kooban ayaa loo oggolaan doona inay galaan goobaha codbixinta ay ka dhaceyso, magaalooyinka qaarna, sida Moscow waxay dadka codka u dhiibnayaan qaab elektiroonigga ah. Muxuu yahay qorshaha Putin? Qarnigii kow iyo labaatanaad oo dhan shacabka Ruushku waxay Vladimir Putin u yaqaaneen inuu yahay ninka ugu sareeya. Dadka dalkaasi badankood ayaa u soo joogay iyadoo Putin loo magacaabay Rai’sul wasaare sanadii 1999-kii, hadanna sanadii 2000 – 2008, waxaa loo doortay madaweyne, hadana wuxu dib ugu laabtay ra’iisul wasaarenimo intii u dhaxeysay 2008 – 2012, isla 2012- ayaa hadana dib loogu doortay madaxweyne nimo. In kasta oo Madaxweyne Putin aanu sheegin inuu raadinayo dib-u-doorashada, haddana ma uu beenin, dhaleeceeyayaasha waxay ku eedeeyeen inuu jidka u xaaranaayo in awoodda dalkaasi uu si haayo illaa 2036. Waxay u muuqata in taageero badan loo haayo Putin oo markii ugu dambeysay ee la sameeyo codbixinta sanadka 2018, wuxuu helay in kabadan 76% codbixinta. Xilligan, “waxa uu sameeyay intii karaankiisa ah ee u ku muujin karay inuu ka qoomameynaya inuu aqbalo soo jeedinta ah inuu tartamo, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad ka hooseya oo dalbanaayo arrinkaas,” ayay tiri weriyaha BBC-da ee Ruushka, Sara Rainsford. Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ruushku aan wali la horumarin oo ku filan isbedel madaxweyne. “Dad badan ayaan wax dhibaato ah ku qabi doonin arrinta ah in awoodda dalkaas uu sii haayo. Haddii aysan dhab ahaan jeclayn Mr Putin, iyagu xitaa dhab kama aha. Ma jiraan wax kale oo lagu beddelan karo ayaa sidoo kale dad badan aaminsanyihin,” ayay tiri Rainsford. Sidee Putin ku noqday lama huraan? Xilligii uu Vladimir Putin ka tirsanaa sirdoonka Ruushka Maalmihii u dhamaanayay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey shuuciyada iyo galbeedka ayaa ahaa maalmihi uu soo can baxay Vladimir Putin. Kacaankii 1989 ayaa la wareegey isaga markii lagu dhajiyay inuu yahay wakiilka Jarmalka. Arrintaas ayaa ku ridday meel cidlo ah, balse waxa uu ka dhaxlay labo aragti oo waarta: cabsi laga qabo kacdoonno caan ah – ka dib markii la arkay mudaharaadyo dadweyne oo sababay burburka derbiga Berlin iyo daahii birta – iyo nacaybkii ku yimid awooddii ka soo baxday Moscow ka dib burburkii USSR. Siduu awoodda ku qabsaday? Vladimir Putin waxaa lagu yaqaannay inuu mar walba la yimaado waji cusub oo siyaasadeed Kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Leningrad ee uu ka soo jeedo wuxuu durbaba gacan yare u noqday duqa magaalada. Dhanka bariga Jarmalka, Putin wuxuu qayb ka ahaa shabakad shaqsiyaad laga yaabo inay waayaan kaalimadoodii hore, laakiin waxaa si wanaagsan loogu meeleeyay inay shakhsi ahaan iyo siyaasad ahaanba ku barwaaqeeyaan Ruushka cusub. Putin ayaa caan noqday – wuxuu xitaa ka badbaaday Sobchak dhicitaankiisii cajiibka ahaa ee nimcadiisa wuxuuna sii waday inuu si guul leh ula qabsado Rushka cusub . Wuxuuna marki dambe u wareegay Moscow halkaas oo uu shaqo ka helay xukumaddii markaas maamuleysay Ruushka. Markaas iyada ah waxa dalkaasi xukumaayay oo madaxweyne cusub oo ahaa Boris Yeltsin. Ganacsato sida Boris Berezovsky ayaa taageerayaal muhiim ah u noqday Yeltsin, waxayna noqdeen kuwa saameyn xoogan ku leh aragtida dadweynaha waqti ay doorashada madaxweynanimo lagu jiray. Markii la gaaray 1999 madaxweyne Yeltsin wuxuu Raisul was are u magacaabay Vlatimir Putin. Si lama filaan ah ayuu madaxweyne ku noqday Dhaqanka Yeltsin ayaa is badaley, wuxuuna ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah shaqada isaga casiley 31kii Diseembar 1999. Putin, oo ay taageersan yihiin Berezovsky iyo xuno kale oo muhiim ah, ayaa si buuxda isugu meeleeyey inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha, ka hor inta uusan guushii rasmiga ahayd ee doorashada bishii Maarso 2000. Dadkii taageersanaa markaaasi iyada ah waxay u arkaayeen mid ka tallin doona danahooda balse 3 bilood gudahood Putin wuxuu kula wareegay awoodda warbaahinta. Warbaahinnom adaxbanaana sida NTV ayaa albaabada loo laabay. La wareegidda xukunka warbaahinta waxay madaweynaha cusub u lahayd faa’iidooyin laba geesood ah: in meesha laga saaro dhalleeceeyayaasha awoodda leh saameynta ay leeyihiin iyo qaabaynta sheekada, laga bilaabo dagaalkii Chechen ilaa weeraradii argagixiso ee Moscow. Waxay sidoo kale kor u qaadday qiimeynta madaxweynenimada, waxay saadaalisay muuqaal awood badan oo ku saabsan Ruushka cusub iyo hogaamiyaheeda, waxayna gacan ka geysatay qeexida cadaawayaasha cusub ee dowlada. Xilligaas wixii ka dambeeyay, dadka degan gobolada Ruushka waxay kaliya daawanayeen waxa Putin uu doonayo inuu daawado. Ku dhawaad 3,000 kanaal telefishan oo ku yaal Ruushka, badankood waxay ka fogaadaan wararka gebi ahaanba, iyo haddii warbixin kasta oo siyaasadeed dhacdo, lama baahiyo ilaa dawladda ay si buuxda u sharciyeeyneyso. “Ha igu khaldamin”: farriin ku socota gobollada Putin wuxuu tartiib tartiib ula wareegay 83-da gobol ee Russia isagoo u magacaabay siyaasiyiin aamin ah inay goboladaasi ka noqdaan barasabyo. Wuxuu meesha ka saaray doorashadii gobolada ee barasabyada sanadii 2004 – wuxuuna la yimid liiska ay ku qoran yihiin seddex murashax oo baarlamaanka gobolka ah si ay u doortaan gudoomiye kuxigeenkooda. In kasta oo dadka dhaleeceeya Putin ay ku eedeeyeen ‘in uu mesha ka saaraayo dimuqraadiyadda’, haddana istiraatiijiyaddiisu waxay ka shaqeysay gobolada gaar ahaan Chechnya. Doorashadii ka dhici jirtay goballada waxyar bay soo noqotay sanadkii 2012 kadib mudaaharaadyo dimoqraadiyada lagu dalbanaayay, laakiin bishii Abriil 2013 kontaroolka tooska ah ee Putin ayaa dib loo soo celiyay iyada oo la soo saaray sharciyo xaddidan oo cusub. Marmarsiiyada dib u xoreynta, oo magaca kaliya ah Mudaaharaadyo tiro badan oo isdaba joog ah ayaa ka dhacay Moscow iyo meelo kale oo ka tirsan Ruushka laga soo billaabo 2011-kii illaa 2013-kii, kuwaasoo lagu dalbanayay doorashooyin nadiif ah iyo dib-u-habayn dimuqraadiyadeed. Kuwani waxay ahaayeen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee Russka laga sameeyo tan iyo 1990-meeyadii. Waxaa sidoo kale jiray gugii carabta iyo ‘kacdoonno midabbeysan’ oo laga sameeyay waddamada deriska ah, taasoo dib u soo celiyay xusuustii 1989. Putin wuxuu dibadbaxyadaasi u arkay kuwo ay dabada ka rixayaan dowladdaha reer galbeedka si loo fashilo xukumaddisa. Qabashadii gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine Qabsashadii Ruushk uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxay Putin u ahayd guul siyaasadeed, waxayna dharbaaxo ku noqotay dalalka reer galbeedka. Ruushka waxaa uu muujiyay in uu la wareegi karo qeybo kamid ah dalka deriska la ah, xilli dunida ay indhaha ka daawaneysay, ayna ku guul dareysatay in ay wax ka qabato. Sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha gobolkaas, Putin waxa uu fahmay in Ruushka uusan u baahneyn in dalkiisa uu noqdo awoodda dunida, sidii ay waayadii hore ahaan jirtay ba. Putin waxa uu heystay awood ku filan oo uu dalalka reer galbeedka iyo NATO wax uga badeli karay. Crimea waxay ahayd duullaankii ugu weynaa ee Ruushka uu qaado waayahan, balse ma aysan noqonin mid lagu takooro. Garab istaaggii Suuriya Russia’s President Vladimir Putin speaks to troops in Moscow following Russia’s annexation of Crimea In muddo ahna, Putin waxaa la sheegay in uu tijaabinayay sal ballaarsiga siyaasadeed ee dibadda, waxaana meelihii uu tallaabooyinka ka qaaday kamid ahaa dalka Suuriya oo dowladda dalkaas uu ku gacan siiyay dagaalka ay kula jirto mucaaradka. Dhinac ahaan waxa uu xaqiiqsaday in uu gacanta ku dhigay dal udub dhexaad u ah bariga dhexe, halka uu sidoo kale fursda u helay in uu tijaabiyo xeeladdiisa milateri. Ma jirto cid saadaalin karta mustaqbalka dunida balse dadka daraaseeya dalkaas waxay aaminsan yihiin in Putin uu dejin karo qorshe siyaasadeed. Qaran News
  7. Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram Iiriniyiintu waxay wejahayaan xaalad adag oo ah cunaqabataynta Maraykanka ee dhaqaale. Saddex nin ayaa lagu qabtay dalka Iiraan iyagoo looga shakiyay inay isku dayayeen inay ku iibiyaan laba cunug barta Instagram. Taliyaha booliska magaalada Tehran, Brig-Gen Hossein Rahimi, ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurtaasi uu jiray 20 maalmood. Halka ka kalena uu jiray laba bilood. Dhallaankan ayaa hore loogu soo iibsaday $ 500 (£ 400), waxaana lagu sii iibin jiray inta u dhaxaysa $ 2,000 iyo $ 2,500. Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu “caruurta ka keenay qoysaska saboolka ah” isagoo damacsana inuu “u gacan geliyo qoysas siin kara mustaqbal wanaagsan”. Brig-Gen Rahimi wuxuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah in booliiska la soo ogeysiiyay “xayeysiis ku saabsan barta Instagram ee iibinta dhallaanka”. Askartu waxay ogaadeen “10 ilaa 15 bog oo caynkaas oo kale ah” halka ay sidoo kale heleen labada carruurta ah iyo saddexdi nin ee gadayayna la qabtay, ayuu yidhi. Carruurtii ayaa lagu wareejiyay waaxaha xannaanayta carruuta Eedeysanayaashu waxay sheegteen inay ilmahan kaga soo iibsadeen qoysaska danyarta ah “lacag yar”, sida uu sheegayo taliyaha guud. Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahiyeen wakaaladda wararka ee kooxda saxafiyiinta ee dhalinyarada, mid ka mid ah ragga ayaa yiri: “Tani waxay ka caawin laheyd dhallaanka inay helaan mustaqbal wanaagsan.” Kani ma ahan kiiskii ugu horreeyay oo noociisa ah ee ay ogaadaan masuuliyiinta Iran. Horraantii sanadkan, booliska gobolka Gorgan ayaa sheegay inay xidheen afar haween ah iyo nin la sheegay inuu raadinayay haweenay uur leh oo faqiir ah, isla markaana uu ka bixiyo qarashaadka cisbitaalka, ka dibna ka qaata carruurta marka ay umusho. Sanadkii 2016, kuxigeenka Kuxigeenka Arimaha Qoyska iyo Haweenka Shahindokht Molaverdi ayaa walaac ka muujisay waxa ay ku sheegtay “tirada badan” ee hooyooyinka uurka leh ee iibiya ilmahooda. Waxay sheegtay in haweenka ay ku qasbayso inay sidaas sameeyaan “arrimo badan oo kala duwan”, oo ay ka mid yihiin saboolnimada, qabatinka maandooriyaha, guurka carruurta iyo guri la’aanta. Qaran News
  8. Halkan ka fiirso digniinta Musharax The post Daawo : – Musharax Daahir Maxamuud Gelle oo ka digay in Dawaladu hanaankii hore ee doorashooyinka Dalka ay ku sameyso wax ka bedal daneysi ah . appeared first on . Source
  9. Jabkii Jamaal Cabdinaasir iyo Gaadhigiisii Dusha furnaa! Hogaamiyihii labaad ee Dalka Masar Soo maray ee xilka Madaxweyne hayey sanadihii 1954 illaa 1970…. Waxa uu dhashay sanadkii 1918. Jamaal waxa uu can ku ahaa in uu samayn jirey ficilo lidi ku ah xaqiiqda wakhtigaa ka jirtay dagaalkii Israil iyo Wadamada carabta oo ay masarna ka mid ahayd 1967….waxaa lagu yaqanay Jamaal Cabdinasir iyada oo ciidamada masar jab wayn loogu gaystay oo dhimasho iyo dhaawac iyo kaba kayaac ay ka dhacday furimihii dagaal ee wakhtigaa ayaa inta uu SOO FUULO GAADHI DUSHA BANAAN labada gacmoodna u haadinaaya Shacab aad u tiro badan una muujinaaya in ay guulo ka gaadheen Degaaladii u dhaxeeyey Masar iyo Israil. Halkaas oo ay shacabku aad ugu riyaaqeen guulaha la gaadhay dadbadanina ugu soo baxeen Madaxweynahooga guusha sheegaya…. Haddaba, Gaadhigii dusha furnaa ee Madaxweyne Biixi , warkii Loo sheegay Shacabka Somaliland gaar ahaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee u dhignaa in ay diideen Qodobka ISDHEXGALKA LABADA DAL …. IYO Warmurtiyeedkii kasoo baxay Jabuuti 22 June 2020 ee uu ku cadaa in 4ta qodob ee lagu heshiiyey uu ku jiro ISDHEXGALKA… macnaheeduna yahay in Siyaasiyiinta Somalia ay halkan(Somaliland ) iman karaan oo ay uga ololayn karaan Somali weyn……naadiyada ciyaaraha oo huwan astaantii somaliweyn iyo bulshada dhaqankuba inay dalka Somaliland xor u yihiin in ay wakhtiga ay doonaan iman karaan halkaas oo arinta looga jeedaana ay tahay MIDNIMO—IYO IN SHACABKA LA JAHAWAREERIYO. Wabillahi tawfiq Cabdirasaaq Askar Hargeysa,Somaliland Qaran News
  10. The post Jubbaland War saxaafadeed : – Jubbaland ayaa soo dhaweysay qoraalkii Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi uu ku fashilay been abuurkii uu ku kacay Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed. appeared first on . Source
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qoraal ay kasoo saartay walaac uga muujisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimo doorashooyinka waxaana ay ka degtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo dastuurkeeda uu u ogolaanayo. Puntland ayaa mar kale ku celisay in qaadacday sharciga doorashada ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya saxiixay 20-kii Febraayo, kaasi oo ay sheegtay inuusan waaqasanayn dastuurka dalka. “Dawladda Puntland waxay ka walaacsan tahay inaan la tix-gelin is-afgardkii lagu gaaray kulankii maqal-aragga ahaa (Zoom) ee ay yeesheen Madaxda Dawladda Federaalka iyo Madaxda Dawladaha Xubinta ka ah DF oo dhacay 22 Juun, 2020; kaasoo ahaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xariirta sharciga doorashada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland. Puntland ayaa ka digtay in Shuruucda waddanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka; iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiiranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare. Puntland ayaa sheegtay inay bogaadineyso dadaallada uu hormuudka u yahay Guddoonka Aqalka Sare ee DF, kaas oo ka shaqeeyey in Madaxda dowladda DF iyo Madaxda Dowladdaha xubinta ka ah DF ay isugu yimaadan shir wadatshi oo lagu Iafagurayo arrimaha doorashooyinka 2020/21. Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay qaadato go’aan kasta oo uu u ogalaanayo dastuurkeedu, islamarkaasna ku xusnaa Go’aannadii ka soo baxay sharweynihii wada-tashaga Puntland ee 15 -17kii bishii Maarso 2020 ka dhacay magaalada Garowe, haddii ay adkaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wada-tashigooda loo ballanshan yahay, isla markaasna ay ka waantoobi waayaan madaxda Dowladda Federaalka maroorsiga talada ayaaha dalka iyo hareermaridda Dastuurka. “ Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Puntland oo dhameystiran
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska militeriga Soomaaliya ee Danab ayaa howlgallo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose waxay Al-Shabaab uga saareen deegaano dhowr ah, waxayna saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas soo bandhigeen tirada dagaalamayaal ay ka dileen Al-Shabaab. Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi waa Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ciidamada Danab ee xoogga dalka, waxa uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalkaas ay Al-Shabaab uga dileen illaa lix xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda. Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Deegaanada ay la wareegeen ciidamadu ayaa waxaa ka mid ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen Al-Shabaab. Taliyaha hoggaaminaya ciidamada Danab ee Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaas waxa uu sidoo kale sheegay dhibaato badan ay wajahayeen dadka shacabka ah ee ku nool tuulooyinkaas, haatana ay u qeybiyeen cunto, biyo iyo daawo, iyaga oo soo bandhigay sawirro laga soo qaaday dadkaas. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maamula qeybo ka tirsan gobolkaas Jubbada Hoose, waxaana laga soo sheegayaa deegaanada ay ka joogaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku nool.
  13. The post WAR SAXAFADEED : – Dawlada Puntland oo ka digtay qaraarada fawdada ah ee sida deg dega ah ay ku gaarayaan Xukumada Federaalka iyo Aqalka hoose ee Barlamaanka, isla markaana waxay Puntland sheegtay in aanay qeyb ka noqon doonin Ruwaayada socta. appeared first on . Source
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa taageertay qoraalkii kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ee lagu sheegay in xeerka doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka uusan ahayn kii saxda ahaa ee lagu heshiiyey. “Qaraarka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare waxa uu ka turjumayaa arrimo masiiri ah oo saameeyn ku leh Dowlad Goboleedyada ee uu Aqalka Sare wakiilka ka yahay, sidaas darteed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay soo dhoweyneysaa qaraarka maanta uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ee tix-raaciisu ahaa XG/428/B-10/20,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubaland. Dowlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya ayaa dalbatay in Golaha Shacabka ee Fedaraalka uu hakiyo aqriska, ka doodista iyo u codeynta dhamaan xeerarka ku xusan warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xeer walba oo saameyn ku leh hannaanka doorashada heer federaal ee 2020/2021. Waxay sidoo kale dalbatay in Golaha Shacabka Aanu gudbin xeerarka doorashada iyo xeer kasta oo saamaynaya arrimaha masiiriga ah inta laga galayo wada-tashi u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Jubaland ayaa shaacisay inaysan aqbali doonin, qeybna ka noqon doonin fulinta sharci ama xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo aan ku iman wada tashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah, iyo Saamileyda Siyaasadda Qaranka. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystiran
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhici doona magaalada Muqdisho. Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Casuumadda madaxweynaha ayaa imaneysa dhowr maalmood kadib markii madaxda dowladda iyo madax goboleedyada ay shir horudhac ahaa ku yeesheen aaladda muuqaalka ee Zoom, kaasi oo looga tashanayey qabsoomidda shirkan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Waxaa xusid mudan in shirkan uu dhici doono kadib marka ay guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashada ay hortagi doonto baarlamanka, taasi oo la filayo inay noqoto 5-ta July. Xaliimo Yarey ayaa marka hore qorshuhu ahaa inay baarlamanka tagto 27-ka June, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay toddobaadka xoriyadda dartiis.
  16. Shukri Yayhe-Abdi, a 12-year-old Somali refugee living in Manchester, was found dead on June 28, 2019, after drowning in the River Irwell. The subsequent investigations into the handling of her case by police, and the circumstances surrounding her death, have raised more questions than answers, and these remain unresolved. The case has been in and out of the news, and Shukri's name has become a hashtag (#Justice4Shukri), with many calling for a conclusive inquest. The case has recently been given new attention thanks to Black Lives Matter campaigners, and at the time of writing, the Justice for Shukri petition has received more than 1 million signatures. Source: Hiiraan Online
  17. Big gaps between the number of male and female coronavirus cases in parts of Africa and the Middle East suggest that women may be struggling to access testing or care, an aid agency said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. The UAE sent an aid plane carrying 7 metric tons of medical supplies to Jubaland, Somalia to bolster the country’s efforts to curb the spread of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  19. An Edmonton public school trustee has resigned after linking refugee children and violence in schools.Cheryl Johner, the Edmonton Public School Board trustee for Ward A.... Source: Hiiraan Online
  20. The Finnish Immigration Service has announced plans to close seven reception centres for asylum seekers, saying they failed to meet the 90 percent capacity requirement to stay open. Source: Hiiraan Online
  21. Galka’yo (PPM) — Galka’yo residents have witnessed another milestone after closer Puntland-Galmudug collaboration began to pay off. Officials from the two federal member states managed to reopen Durdur street in the adminstratively divided capital of Mudug. A plan to renovate the street in 2015 culminated in clashes between Puntland and Galmudug forces. Clashes in the Garsoor neighbourhood resulted in the death of citizens and maiming of more than twenty people. In 2015 Puntland State authorities in North Galka’yo ventured to extend the road renovation project to the southern parts of the city without proper consultations with Galmudug authorities. Senator Abdi Qaybdiid, the former Commander of the Somali Police Force, General Abdiqani Gorod, the former Commander of the Somali National Army, Puntland and Galmudug senior officials were at the ceremony to reopen Durdur street. Improved relations between Galmudug and Puntland owe a lot to President Ahmed Abdi Kariye’s forward-looking approach to governance The newly elected President of Galmudug State Ahmed Abdi Kariye has vowed to commit time and resources to the security and development of Galmudug, a federal member state that was once beset by power struggles of stakeholders with opposing agendas and outlooks. The defeat of Ahlu Sunna Wal Jama’a, one-time powerful, moderate religious paramilitary group, has paved the way for a security review and deployment of highly trained units of Somali special forces in South Galka’yo to counter the threat of Al-shabaab, the extremist outfit still controlling parts of Mudug and Galguduud. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Puntland-Galmudug collaboration pays dividends in Galka’yo appeared first on Puntland Post.